25.6 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

Mareykanka oo sameeyey qirasho ku saabsan Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Milatariga Mareykanka ayaa qaatay mas’uuliyadda dilka illaa 23 ruux oo shacab ahaa, kuwaas oo ku geeriyooday duqeymo ay diyaaradihiisa sanadkii 2020-kii ka fuliyeen dalalka ay ka jiraan colaadaha oo ay Somalia kua mid tahay.

Qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa waxaa lagu sheegay in dadkaasi lagu dilay duqeymo ay ka geysteen dalalka Soonaaliya, Ciraaq, Afghanistan, Yemen iyo Nigeria.

Sidoo kale qiimeyn ay sameysay waaxda Gaashaandhigga ee wadanka Mareykanka ayey ku sheegtay in howl-gallo milatari oo ay fuliyeen sanadkii 2020-kii ay ku dileen 23 ruux oo rayid halka, 10 kalena ay dhaawacmeen.

Dadka ku dhintay duqeymahaasi ayaa kala joogay dalka Afghanistan oo lagu dilay 20 ruux, halka Soomaaliya iyo Ciraaqna lagu dilay min hal ruux, sida lagu sheegay warbixinta.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in gaashaandhiga Mareykanka uu Congress-ka dalkaasi ka qaatay lacag fara badan oo gaareyso illaa saddex milyan oo dollar si magdhaw loo siiyo ehellada dadka lagu dilay howl-galladaasi dhanka cirka ahaa.

Dhinaca kale urur aan dowli aheyn oo liis gaareeya dadka lagu dilo duqeymaha diyaaradeed ayaa sheegay in weerarada Mareykanka lagu khaarijiyey illaa 102 ruux oo shacab ahaa, taasoo shan mar ka badan tirada uu sheegay Aqalka Pentagon-ka ee dalka Mareykanka.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn uga qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo weeraro culus ka fuliyo gudaha dalka.

Si kastaba, dad badan oo Soomaali ah ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay lagu dilay duqeymo ay diyaaradaha Drones Mareykanka ka geysteen koonfurta Soomaaliya, iyaga oo inta badan sheega in weeraradaaasi ay ku bartilmaameedsadaan saldhigyadda Al-Shabaab.

Sawirro: Ra’iisul wasaare ROOBLE oo gaaray JOWHAR

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ee ku wehlinayo socdaalkiisa waxaa ka mid ah wasiirada arrimaha gudaha, warfaafinta, gargaarka iyo musiibooyinka.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah wafdigan mas’uuliyiin ka socda hay’adaha samafalka iyo kuwa gargaarka ee Qaramada Midoobay, isla-markaana fadhigoodu yahay Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa u kuur-gali doono xaaladda magaalada oo muddooyinkii dambe ku jirtay go’doon ka dhashay daadadka fatahaada wabiga Shabelle.

Magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle ayaa lagu soo warramayaa inay wajaheyso xaalad adag, kadib markii bartanka bishii May ku fatahay Wabiga Shabelle oo kar-kaaraha jabsaday.

Magaalada oo dhan ayaa go’doon u galay fatahaadaha waxaana go’ay jidadkii magaalada, kuwaas oo sababay inay istaagaan isku socdka gaadiidka isaga kala goosha halkaasi.

Sidoo kale waxaa gabi ahaan xirmay garoonka diyaaradaha Jowhar, iyada oo haatan kaliya la adeegsanayo doono, si gudaha loogu galo magaaladaasi, inkasta oo si kumeel gaar ah loo macmalay.

HirShabelle ayaa muddo bil ah la taacaleysa xaalad adag oo ka dhalatay fatahaadda Wabiga Shabelle oo marar badan kusoo noq-noqotay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana xiligaan socda dadaalo lagu samato bixinayo.

Wararkii ugu dambeeyey iyo Xisbiga ku horreeya natiijada doorashada Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Deegaanada kala duwan ee maamulka Somaliland waxaa weli ka socota tirinta codadka doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanka oo Isniintii la soo dhaafay si habsami leh uga dhacday magaalooyinka maamulkaasi.

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa illaa iyo hadda si horudhac u shaaciyey natiijada  13 degmo oo ka mid ah meelaha ay ka dhaceen doorashooyinka.

Natiijada lagu dhowaaqay waxaa ku horreeya xisbiga Kulmiye, laakin marka la’isku daro xisbiyada mucaaradka Wadani iyo UCID ayaa helay xubnaha ugu badan golayaasha deegaanka.

Degmooyinka sida horudhaca ah natiijadooda loo soo badnhigay ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin:-

1- Saylac (Kulmiye 4, Wadani 4, UCID 3).
2- Lughaya (Kulmiye 5, Wadani 2, UCID 2).
3- Sallaxley (Kulmiye 4, UCID 3, Wadani 2).
4- Buuhoodle (Wadani 5, Kulmiye 4, UCID 2).
5- Laascaanood (Kulmiye 5, Wadani 5, UCID 3).
6- Xudun (Kulmiye 7, Wadani 2, UCID 0).
7- Taleex (Kulmiye 6, Wadani 3, UCID 0).
8- Gar-adag (Kulmiye 4, Wadani 3, UCID 2).
9- Sheekh (Kulmiye 3, Wadani 3, UCID 3).
10- Baligubadle (Wadani 5, Kulmiye 4, UCID 2).
11- Caynabo (Kulmiye 4, UCID 3, Wadani 2).
12- Oodweyne (Wadani 6, Kulmiye 4, UCID 1).
13- Ceel Afweyn (Kulmiye 5, UCID 3, Wadani 3).

Doorashada golayaasha Wakiilada iyo Guurtida ee Somaliland ayaa ah mid isha lagu wada hayo, maadaama aan la qaban, tan iyo wixii ka dambeeyey 29-kii September ee 2005-tii.

DF oo jawaab kulul ka bixisay rasaaseyntii Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey shaqaaqadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan rasaastii lagu furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa marka hore sharraxaad ka bixiyey, sida ay wax u dhaceen, wuxuuna iska fogeeyey eedeynta loo jeediyey ciidamada Asluubta ee ah in iyagu rasaaseeyeeen kolonyada uu la socday madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud.

“Gaari Cabdi Bile ah ayaa maray askarta waxay aheyd inuu istaago oo yiraahdo madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud aan wadnaa askarta jidka ayey u fur laheyd waa lasoo dhoweyn lahaayeen ma dhihinee gaariga waa gudbay. Markuu gudbay waxay joojiyeen gaarigii dambe, si ay u hubsadaan baabuurkii gudbay dib ayuu rasaas usoo riday kaamiro ayaa jirto ummad badan ayaa joogtay magaallo weeye wax cad waaye waxaan aniga sheegaayo dhibaatada Cabdi Bilahaas ayaa sameeyey,” ayuu yiri taliyihu.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Haddii cidi xabad kuugu soo riddo waxay tahay aadan ogeyn adne aad xabad heysatid Faataxa lama aqrinaayee xabad ayaa loogu jawaabaa,”.

Taliyaha ciidamada Asluubta ayaa sidoo kale meesha ka saaray in falkan uu ahaa mid ku tala-gal ah, isla-markaana wararka la faafiyey ay yihiin kuwa ka fog xaqiiqda, isaga oo intaasi ku sii daray in kaliya la doonayo in la sumcad dilo ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Generaal Mahad ayaa xusay inay raalli-gelin uga fadhiyaan mas’uuliyiin uu sheegay inay u gafeen ciidanka amniga ee shaqada u hayey qaranka Soomaaliyeed.

“Masuuliyiinta dhahday waa nala soo weeraray raalli-gelin hana siiyaan, isbaaro nooma taalo ee waa bar hubin, gaadiidka ciidan ee galbinayey ayaa bilaabay rasaasta. Waxaan codsaneynaa annaga in aysan na dacayadeynin, waxaan aheyna ay nagu sheegin askartoodii baa nahay, iyagaan ilaalineynaa,” ayuu markale yiri Mahad Cabdiraxmaan.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada Asluubta ay wadada u joogaan amni xaqiijin, isla-markaana aysan jirin cid ay beegsanayaan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dowladda Soomaaliya loogu baaqay inay jawaab deg deg ah ka bixiso falkaasi, isla-markaana ay baaris ku sameyso dhacdadaasi.

Xoghayaha guud ee QM oo dacwad culus ka gudbiyey Soomaaliya iyo dalal kale

0

New York (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada aan weli bixin qoondadooda miisaaniyadda UN-ka, taas oo ay ku weyn doonto xuquuqdeeda cod-bixinta.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa warqad ka dhan ah Soomaaliya iyo dalalka Comoros iyo Sao Tome u diray Volkan Bozkir oo ah madaxweynaha golaha loo dhan-yahay ee Qaramada Midoobay, sida ay shaacisay wakaaladda AP.

Mr Guterres ayaa marka hore madaxweynaha golaha loo dhan-yahay la wadaagay warqadda xasaasiga ah oo uu ku sheegay inay xuquuqdooda cod-bixinta ku weyn doonaan wadamadaasi ee ay ku jirto Soomaaliya.

Lacagta laga rabo Soomaaliya ayaa gaareysa illaa $ 1,443,64, iyada oo kadib heli doonto xuquuqdeeda codbixinta, gaar ahaan wixii ka dambeeya bisha soo aadan ee September.

Qoraalka uu Guterres soo saaray sidoo kale wuxuu ku sheegay in ay weli wadamadan ka codayn karaan kal-fadhiga hadda socda, balse oo ku eg bisha Sebtember ee sanadkan.

Sidoo kale Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo oo iyaguna lagu leeyahay qoondada miisaaniyadda howl-galka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay weyn doonaan xuquuqdooda codbixinta ee Golaha Guud ee 193-ka xubnood, sida lagu sheegay warqadda.

Si kastaba, Axdiga Qarammada Midoobay wuxuu dhigayaa in xubnaha deyntoodu ay le’eg tahay ama ka badato xaddiga tabarucaadkooda labadii sano ee ka horreysay ay lumiyeen xuquuqdooda codbixinta.

Sawirro: CC Shakuur oo dib usoo celiyey boorarkiisa xilli uu billowday is-xulufeysi

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax Madaxweyne ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dib u soo dhejiyey boorarkii ololaha doorashada ee magaalada Muqdisho muddo ka badan bil kadib markii uu fujiyey, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xisbiga.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Musharrax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur ayaa maanta dib u soo dhejiyey boorarkii ololaha doorashada. Bil kahor ayey ahayd markii uu sheegay Hoggamiyaha Xisbiga Wadajir in uu hakiyey ololihii doorashada, dejiyeyna boorarkii xayeysiinta kaddib markii Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo uu ku dhawaaqay labo sanno oo muddo kororsi ah.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xilligaas sheegay in ay dhamaatay rajadii laga lahaa in doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya, sidaas darteedna uu Muqdisho kasoo fuqsaday boorarkii musharaxnimadiisa, kadib markii uu ogaaday in aysan muuqan ififaalo muujinaya doorasho.

Si kastaba, wixii markaas ka dambeeyey waxaa laga laabtay muddo kororsigii, waxaana Muqdisho lagu saxiixay 27-kii May heshiis ay gaareen ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada dalka, oo dhigaya in 60 maalmood gudahood ay dalka doorasho uga dhacdo.

Waxaa hadda Muqdisho ka billowday ololaha doorashada ayada oo ay dhismayaan isbaheysi cusub oo badankood ku saleysan hab beeleed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shalay qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay inuu kulan talo wadaag ah la yeeshay murashaxiinta kala ah Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Dr. Cabdinaasir Cabdulle Maxamad, oo ay kasoo wada jeedaan beesha Habar-gidir.

“Waxaan isdhaafsanay ra’yi iyo talo lagu xoojinayo wadashaqayteena iyo fursadaha doorashada,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Maxay culimada Soomaalida ka yiraahdeen go’aanka Sacuudi Carabiya ee la xiriira sameecadaha Masaajidda?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa weli kusii adkeysaneysa tallaabadii ay ku xadiday sameecadaha masaajidda oo dhigeysay in aan laga maqlin meel ka baxsan masaajidka gudihiisa, midaasi oo ka dhigan in aadaanka aan laga dheereyn karin saddex meelood meel kamid ah muggooda ama 33%.

Wasiirka Arrimaha Diinta ee Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii difaacay amarkaas oo muran badan dhaliyey, isagoo ku dooday in go’aankaas uu yimid kadib cabasho badan oo ka timid shacabka.

Amarka oo sidoo kale isticmaalka sameecadaha ku xaddiday kaliya aadaanka, kana reebay khudbadaha iyo wacdiga kale, ayaa horseeday in si weyn looga fal-celiyo baraha bulshada, taasi oo keentay in mas’uuliyiinta dalkaas ay difaacaan go’aankaas.

Haddaba, go’aankaas ayaa waxaa ka hadlay Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo kamid ah culimada Soomaaliyeed, wuxuuna si adag uga horyimid tallaabada ay dowladda Sacuudiga ku xadideyso in aadaanka laga maqlo meel ka baxsan masaajidka.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in kor loo qaado aadaanka ay tahay arrin sunno ah oo aad loo adkeeyay, ayna tahay wax laga xumaado tallaabadaas, ayada oo aan waxba laga qaban macsiyada, oo heesihii iyo durbaanadii sidoodi yihiin.

“Mida aan la qaadan karin waa in la aamusiyo codkii baxayay ee salaadihii faralka ahaa ee la tukanayey, lana dhiirigeliyo macsiyadii oo meelihii lagu tumanayay durbaanadii kor loo qaado, taas ayaa arrin kale ah oo ujeedo kale ku lifaaqan tahay,” ayuu yiri Sheekh Diri.

Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray cudur daarka dowladda Sacuudiga ay u cuskatay go’aankaas, wuxuuna sheegay in dadka badankooda ay soo jeedan waqtiga shanta salaadood ayna tahay inay tukadaan.

Wuxuu xusay in dadka cabashada ka muujiyey aadanka ee dowladda gundhig uga dhigatay go’aankeeda ay dhici kartaba inay yihiin dadka dalxiisayaasha ee booqashada ku taga dalkaas, maadama uu hoos u dhigay suurta-galka ay dadka muslimiinta ah cabasho uga gudbin karaan aadanka.

Si kastaba, Sacuudiga oo ah dal ay ku yaallaan kumanaan Masjid, ayaa waxaa ka taagan dood adag oo ka dhalatay go’aankaas, ayada oo dad badan ay soo dhoweeyeen tallaabada ay dowladda ku yareysay dhererka sameecadaha, hase yeeshee sidoo kale dad badan ayaa aad ugu dhaliilay baraha bulshada.

Sidee Farmaajo uga faa’iiday siyaasadiisa aamusnaanta?

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu mar kale u tartami doonaa xukunka dalka, waxayna noqon doontaa markii seddexaad oo uu tartamayo. Halmar isagaa adkaaday, marna waa laga adkaaday labadii doorasho ee uu horey usoo galay, wuxuuna damac uga jiraa inuu noqdo madaxweynihii ugu horeeyey oo Soomaali ah oo laba jeer la doorto.

Inuu doorashadan ku adkaan karo shaki badan ayaa ku jira, wuxuuse xambaarsan yahay dabeecad ka duwan musharixiinta kale ee kasoo horjeeda oo la filayo inay ku tartamaan doorashada dhawaan ka dhici doonto Soomaaliya, waana inuu isticmaalay siyaasad aamusan ah.

Waa dhaqan curdun ah oo uu Farmaajo la yimid, dal wax badan uma tari karto dabeecadda noocaan ah, weliba dal dhibaato kasoo kabanaya sida Soomaaliya, balse shakhsiyadda Farmaajo wax badan ayey ka tartay arrintaan.

Sheekadaan waxaan ku eegi doonaa sida uu Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ugu liibaanay siyaasadiisa ku dhisan aamusnaanta.

Farmaajo wuxuu noqday madaxweynihii ugu hadalka yaraa ee qabta Villa Somalia, intuu xafiiska joogay waa kooban yihiin shirarkiisa jaraa’id, khudbooyinkii uu Shacabka u jeediyey iyo wareysiyadii uu bixiyey.

Dowladdiisa waxay inta badan isticmaaleysay wareegtooyin qoran, waxaa in badan caawisay hadal jeedintii joogtada aheyd ee Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, laakin xataa markuu kheyre baxay Farmaajo wuu sii waday inuu afka u xirnaado.

Muxuu ka faa’iday arrintaan?

Farmaajo waxay dabeecadaan hareer marisay eedihii dowladdiisa, markay dowladda qalad ku kacdo inta badan dadka waxay ku doodaan inuusan Farmaajo laheyn dhaqanka noocaan, balse ay dabeecadan tahay mid ka timid dadka ka hooseeya.

Aamusnaantiisa waxa ay keentay in mararka qaar dad kale si aanan fileyn dusha u saartaan eedaha loo heysto xafiiskiisa, wuxuu abuuray dad isku dhigayo eedaha dowladdiisa isaga oo aan hadleyn. Waxaa weli loo arkaa dhibane siyaasadeed, Waxay arrintaan xoogaa u difaacday aragtiisa lagu daday wadaniyadda.

Siyaasadda afgaambnida ku dheehan tahay ee Farmaajo waxay sababtay in la fahmi waayo biyo dhiciisa, waxa uu damacsan yahay iyo cidda uu ogol yahay ama uu diidan yahay.

Inkastoo ay jiraan dad badan oo ka laabtay taageerada aragtida Farmaajiisamka, haddana siyaasadaan aamusan ayaa la aamisan yahay inay Farmaajo u xafiday taageerayaal badan oo illaa maanta ku doodayo inuu Farmaajo yahay hoggaamiye wanaagsan balse uusan weli helin ciddii fahmi laheyd.

Inkastsoo dadka qaar ay arrintaan u sababeeyeen hadal helista oo ku yar, haddana xitaa waxaa yar war-saxaafadeedyada uu soo saaray xafiiskiisa inta uu xilka hayey, waxaa kaloo arrintaan khafiifineysa inuu Farmaajo inta badan hadli jiray wareysiyana bixin jiray markii uu mucaaradka ahaa.

Hadal yarantiisa aad uma caawin bulshada Soomaalida oo u baahan in la jiheeyo, laakiin shakhsiyan waxaa la aamisan yahay inay isaga ka dhigtay siyaasi nadiif ah oo weli rajo iska qaba.

Maamul ahaan dowladdii Farmaajo wax badan ayey ku hafatay, laakiin dulucda sheekadeena waa inuu isaga si shakhsiyan ah ugu liiban inuusan inta badan hadlin.

Tani waa sababta ay weli u jiraan dad badan oo weli aaminsan inuu Farmaajo mudan yahay inuu afar sano oo kale dalka xukumo, waxayna dad badan qabaan inay arrintaan wax badan u tari karto xilligaan oo uu bilowday ololaha doorashada.

Faalladan oo cod ah, hoos ka dhageyso.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

DF oo shaaca ka qaadday cidda bixineysa dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay si faah-faahsan uga hadashay halka ay ka imaanayaan dhaqaalaha doorashooyinka, oo lagu qabanayo doorashooyinka dhawaan heshiiska looga gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in dhaqaalaha doorashada uu ka imaan doono dowladda federaalka, musharaxiinta iyo beesha caalamka, oo kaalinta u weyn ka qaadaneysa bixinta dhaqaalahaas.

“Doorasho waa arrin aad u kharash badan, sida aan filayo hadda ilaa 15.5-Milyan ayay ku kici doonta doorashada qiyaastii, qaar waxay ka imaan doonta is-diiwaan-gelinta musharaxiinta, qaar waxaa kabi doonto dowladda, waxaa weli banaanan doona gaab ay ka qeyb-qaadan doonto beesha caalamka oo lagu casuumi doono,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in muhiim ay tahay in la helo dhaqaalaha doorashada, maadama socod-siinteeda ay ku baxeyso dhaqaale badan oo uu ku sheegay qiyaastii lacag kor u dhaafeysa 15-Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Beesha caalamka oo la rumeysan yahay inay bixineyso dhaqaalaha ugu badan ee ku baxaya doorashada, ayaa billooyinka soo socda dowladda soo gaarsiin doonta, xili heshiis rasmi ah laga gaaray khilaafkii mudada dheer taagna ee doorashooyinka.

Dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda ayaa saxiixay heshiis dhigaya in doorashada lagu qabto wax aan ka badneyn labo bilood, wuxuuna dalka u jiheystay dhankaa iyo doorasho, kadib xaalad hubanti la’aan ah oo uu galay dalku.

Maxay tahay farriinta uu madaxweyne Erdogan u diray dalalka Khaliijka iyo Masar?

Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa rajeyneysa inay sare u qaado Iskaashiga Masar iyo dalalka Khaliijka ayada oo lagu saleynayo “guul labada dhinac ah”, waxaa sidaas Talaadadii sheegay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Ankara ayaa ka shaqeyneysa inay hagaajiso xiriirka xumaaday ee kala dhaxeeya Qaahira iyo qaar ka mid ah dalalka Khaliijka kadib sanado xiisad ah.

Xiriirka Ankara ee Masar iyo Sacuudi Carabiya ayaa u xumaaday arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin mowqifyo is-diidan oo ay kala taagan yihiin Islaamka siyaasiga ah, dagaalka Libya, iyo dilkii Jamaal Khaashuqji ee October 2018 ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Turkey ayaa bilihii dhowaa isku dayeysay inay hagaajiso xiriirka, waxayna wafdi u dirta Qaahira, halka wasiirka arirmaha dibedda Mevlut Cavusoglu uu dhiggiisa Sacuudiga wada-hadallo kula yeeshay Riyadh.

“Damaceena waa inaan fursadahan u adeegsano iskaashi heerka ugu sarreeya ah, oo aan hormarino xiriirkeena si ku dhisan guul labada dhinac ah…waxayna xaaladdan sidoo kale ku dabaqdaa dalalka Khaliijka,” ayuu Erdogan u sheegay taleefishinta dowladda ee TRT.

“Waxaan jirta suurta-galnimada iskaashi dhab oo aan Masar kala yeelano arrimo ay ka mid yihiin badda Mediterranean illaa Libya,” ayuu yiri, isaga oo ku daray “inuu jecel yahay” dadka Masar. “Sidaas darteed, waxaa naga go’an inaan hanaankan dib u billowno.”

Turkey ayaa bishii tagtay wafdi u dirtay Qaahira, halkaasi oo labada dhinac ay wada-hadallo ku yeesheen, taasi oo aheyd xiriirkii ugu horreeyey ee toos ah ee dhex-mara labada dhinac tan iyo markii afgambi militari xukunka looga tuuray madaxweynihii Masar Maxamed Mursal, 2013-kii.

Sidoo kale, Ankara ayaa hoos u dhigtay cambaareyntii ay u jeedin jirtay Sacuudiag ee la xiriirtay dilkii Khaashuqji, xilli Sacuudiga ay joojiyeen inay badeecdaha kasoo dhoofsadaan Turkey.

Kadib wada-hadalladii uu Riyadh kula yeeshay dhiggiisa Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan, Cavusoglu ayaa sheegay in wada-hadallada ay sii socon doonaan.

VOA + Reuters

Duqeyn lagu dilay dad isku qoys ah oo ka dhacday Gedo

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay la sheegay in a diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Duqeyntan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay si gaar ah uga dhacday deegaanka Ceel-Cadde ee gobolkaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in dadka waxyeelada ka soo gaartay ay haayeen isku qoys, islamarkaana kala ah Hooyo iyo shan caruur ah oo ay dhashay.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in hooyada oo lagu magacaabi jiray, Sahra Aadan Warsame ay geeriyootay, halka ay dhaawacyo soo gaareen shanta caruurta ah, kadib markii ay duqeyntu haleeshay qoyskaasi oo ka mid ahaa dadka deggan deegaanka Ceel-Cadde.

“Duqaynta ayaa lala beegsaday guryo ay dad shacabka ah deganyihiin hooyo ayaa ku dhimatay 5 caruur ahna waa la dhaawacay ciidanka Kenya ayaa ka dambeeya” ayuu u sheegay Radio Mustaqbal mid ka mid ah dadka deegaanka ee ku nool Ceel-Cade.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaar ka mid ah caruurta ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, waxaana la geeyey goobaha caafimaadka ee gobolka.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Kenya ee ku aadan duqeyntaasi ay waxyeelada kasoo gaartay dadka rayidka ah ee lagu eedeeyey ciidankeeda.

Duqeymaha diyaaradeed ee ka dhaca Soomaaliya ayaa waxaa inta badan khasaare uu kasoo gaaraa dadka shacabka ah ee ku dhaqaan deegaanada la bartilmaameedsado.

Mid ka mid ah qodobadii ay ku heshiiyeen R/W Rooble iyo madax goboleedyada oo waqtigiisa ku fuli waayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Qodobkii ugu horreeyey ee kamid ahaa qodobadii ay 27-kii bishii May ku heshiiyeen dowladda federaalka Soomaaliya, duqa Muqdisho iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa ku fuli waayey waqtii loogu talagalay.

Qodobka ku fuli waayey waqtigii loogu talagalay ayaa ah qodobka ku saabsan xalinta dooda kasoo laabatay guddiyada doorashada, waxaana heshiiskii ay kala saxiixdeen dhinacyadu ku xusnaa in 3-maalmood lagu soo gudbiyo xubnaha guddiyada doorashada ee tabashada laga qabo, kadibna guddi uu u saaro Ra’iisal wasaare Rooble, iyadoo guddigaasna loo qorsheeyey in laba maalmood gudahood ay ku soo gudbiyaan cidii soo magacawday si ay u keenaan bedelkooda, laguna shaaciyo laba maalin gudahooda.

Waqtiga loogu tala-galay fulinta qodobkaan oo aheyd muddo shan maalin ah ayaa ku ekeyd 31-kii bishii dhamaatay ee May, waxayna shalay guddigii uu arrintaan u saaray Rooble shaaciyeen magacyada 67-qof oo dood laga keenay, waxaana weli sii dhiman in guddiga uu xubnahaan baaritaan ku sameeyo, kadibna dib loogu celiyo cidii soo magacowday, si loo bedelo.

Howsha u taalla guddiga uu magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble ayaa laga yaabaa inay sii qaadato waqti dheeri ah oo aan si rasmi ah loo ogeyn, waxayna taas saameyn ku yeelan doontaa muddadii ay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadu ku heshiiyeen in doorashada lagu qabto oo aheyd 60-maalmood gudahood.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa aamisan in doorashada Soomaaliya ay ku dhici karto 6 ilaa 7 Bilood marka la fiiriyo duruufaha dalka ka jira iyo waqtiga ay u baahan tahay in lagu xaliyo doodaha ka imaan doono doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose oo ah meesha ugu badan ee uu loolanka doorashada ka dhici doono.

Dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya ayaa haatan qanacsan, maadaama dalka uu galay doorasho, waxaana la qiyaasayaa in aysan dood weyn ka imaan waqtiga ay qaadaneyso qabashada doorashada marba haddii uu dalka galay jawi doorasho, horayna loo soo bartay in doorashada ay dhaafto waqtigii looga talagalay.

Halkaan hoose ka akhriso qodobka waqtigiisa ku fuli waayey ee kamid ahaa qodobadii ay ku heshiiyeen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Tubta xallinta khilaafka Guddiyada maamulka doorashooyinka

Goluhu wuxuu go’aamiyey, iyadoo la tixraacayo soo jeedintii Guddiga Farsamada Baydhabo, in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka loo soo gudbiyo xubnaha Guddiyada maamulka doorashada ee labada heer ee cabashadu ka jirto muddo 3 maalmood gudahood ah si loo badalo. Wakhtigu wuxuu ka bilaabanayaa markii ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranku saxiixaan heshiiskaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya markii ay soo gaarto xogta xubnaha cabashada laga qabo, uuna xaqiijiyo cadeymaha xogtaas wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacawday si loo keeno badalkeeda, loona faafiyo muddo 2 maalmood gudahood ah.

Aqriso Magacyada: Saciid Deni oo Rooble u gudbiyey xubnaha gudiga doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu magacaabay xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal ku meteli doona maamulka Puntland, kuwaas oo gaaraya sided xubnood.

Warqadda uu madaxweyne Deni ku soo magacaabay xubnahan ayaa lagu socodsiiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble, iyadoo lagu cadeeyey in ogaansho ay ka heysato xafiiska madaxweyne Farmaajo.

“Mudane Ra’iisul wasaare, waxaan halkaan kugula wadaagayaa magacyada xubnaha Puntland ku meteli doona guddiga doorashooyinka heer federaal (SIEIT),” ayaa lagu yiri warqadan ka soo baxday xafiiska madaxweyaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban sideed ayaa kala ah:

1. Cabdikariin Muuse Maxamuud
2. Mouse Cabdiqaadir Ducaale
3. Axmed Cabdi Maxamuud
4. Ceynaanshe Yuusuf Xuseen
5. Caydaruus Axmed Faarax
6. Cabdirisaaq Cabdulle Faarax
7. Farxiya Xuseen Maxamuud
8. Canab Xaaji Saleebaan Warsame

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Madaxweynaha Axmed Madoobe ayaa dhankooda xalay iyo maanta soo kala magacaabay xubnihii laga sugayay ee guddiyada doorashooyinka.

Axmed Madoobe ayaa xalay soo magacaabay 12-xubnood oo guddiyada doorashada ku meteli doona Jubbalanad, halka Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi uu maanta soo magacaabay 6-xubnood oo ah kala bar xubnaha guddiyada doorashooyinka ku meteli doona gobollada waqooyi ee Somaliland.

Jubaland, Puntland iyo guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa noqonaya dhinacyadii u horeeyay ee qaada tallaabo lagu fulinayo heshiiskii maalmo ka hor lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho, kaas oo meesha ka saaray mad-madowgii ragaadiyey hir-gelinta doorashooyinka Soomaaliya.

Daawo: DF oo war kasoo saartay rasaastii lagu furay madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay rasaas galabta lagu furay baabuur uu la socday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintaas ay aheyd shil oo aysan ku talo-gal aheyn, isla markaana loo xil saaray guddi soo baara sida ay wax u dhaceen, kaas oo uu horkacayo Taliyaha ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

“Maanta waxaa dhacay shil dhex-martay ciidan Asluubta ka tirsan iyo ilaalada Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, waxuuna ahaa shil si qaldan u dhacay, waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in ciidanka Asluubta aysan si ku talgal ah u geysan shilkaas,” ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Arrintaas hadda waxaan u xilsaarnay guddi uu Taliyaha horkacayo, cidii uu ku cadaado qalad noocaan ahna, waxaan hor keeni doonaa sharciga, qaladkaas oo kale in uusan nagu soo laabana waan ku dadaaleynaa, sida loo maamulayo baraha controlna waan ka wadahadalnay taliyaha, waana la hagaaji doonaa, waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed ay ogaadaan ciidamada mas’uuliyad ayaa saaran, qalad waa dhici karaa, laakiin muhiimadu waa in laga daba tago oo la saxo, madaxweyne Xasana waxaan uga mahad naqeynaa, sida uu u xakameeyey arrintaan, waana ka raali gelineynaa.”

Kolonyo uu la socday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa galabta waxa mar qura la huwiyey rasaas xoog leh, waxaana la sheegay in ilaaladii la socotay madaxweyanha aysan rasaastaas ka bixin wax jawaab celin ah, sida aan xogta ku helnay, taas oo baajisay iska hor-imaad dhex-mari lahaa labada ciidan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in rasaasta lagu furay madaxweyne Xasan Sheekh aysan wax khasaare ah ka dhalan, kadib markii uu madaxweynaha amray ilaaladiisa inay is-xakameeyaan, isla markaana aysan ka jawaabin rasaasta lagu furay, waxaana la sheegay in xabadaha ugu badan ay ku dhaceen gaariga madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka yimid shir nabad-gelyo oo ka dhacay Elite Hotel ee xeebta, isagoona u socday shir ay lahaayeen Midowga Musharaxiinta, xiliga ay ciidamada dowladda ku fureen xabadaha.

Waxaa xusid mudan in goobta lagu rasaaseeyay madaxweyne Xasan Sheekh kal hore lagu rasaaseeyay kolonyo la socday Imaam Maxamed Yuusuf, midaasi oo uu hore raali-gelin uga bixiyey ra’iisal wasaaraha.

Hoos ka daawo

Xildhibaan la socday Xasan Shiikh oo ka hadlay ‘isku dayga dil’ ee ay ka bad-baadeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga gudaha, Cabdirisaaq Maxamed oo sidoo kale ah mudane ka tirsan baarlamaanka, oo kamid ahaa mas’uuliyiintii la socotay kolonyadii la xabadeeyay ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay arrintaas.

Cabdirisaaq ayaa isku-day dil ku tilmaamay rasaastii ay ku fureen ciidamada dowladda Kolonyo Gawaari ah oo la socotay Xasan Sheekh, xili ay marayeen agagaarka xarunta Maxkamadda gobolka Benaadir ee degmada Xamar Weyne.

Waxa uu ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ka dalbaday in dhacdadaas uu ku sheegay isku-deyga dil ee ka dhanka ahaa madaxweynihii hore ku sameeyo baaris deg-deg ah.

“Rooble waa inuu baara isku-deyga dil ee ka dhanka ah madaxweynihii hore Xasan Sheekh. Taasi oo dhacday 40-daqiiqo ka hor. Aniga qudheyda waxaan la safrayay madaxweynaha oo aan wehliyo taliyihii hore ee NISA Sanbaloolshe. Waa daan-daansi aan la aqbali karin oo ka dhan ah madaxweynaha,” ayuu yiri.

Sidoo kale dhacdadaan ayaa waxaa ka hadlay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo ay kamid yihiin Mahad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi.

Mahad Salaad ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha laga rabo tallaabo deg-deg ah oo ka dhan ah arrinta lagula kacay madaxweynihii hore, isagoo dalbaday in sharciga la horkeeno ciidamadii rasaasta ku furay iyo cidii ka dambeysa.

“Ciidamo ku sugan agagaarka Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa galabta rasaaseeyay Madaxweyne Xasan Sheekh. Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa looga fadhiyaa in uu tallaabo degdeg ah ka qaado, sharcigana horkeeno ciidamadaas iyo ciddii bixisay amarka weerarka. Weerarka galabta ayaa noqonaya midkii saddexaad oo lagu beegsado Madaxweyne Xasan Sheekh,” ayuu yiri.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday Xasan Sheekh uu noqonayo midkii saddexaad ee lagu beegsado, ayada oo dhawaan xal laga gaaray xiisadii ka dhalatay doorashada dalka.

“Ciidamo ku sugan agagaarka maxkamadda gobolka Bamaadir ayaa rasaaseeyey baabuurkii uu saarnaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka badbaaday weerarkaas. Ma ahan markii koowaad ee ciidamada halkaas ku sugan ay weeraraan mas’uuliyiin wadadaas maraysa, waxaana laga sugayaa Raysulwasaare Rooble inuu tallaabo degdeg ah oo sharciga waafaqsan uu ka qaado ciidamadaas iyo ciddii ka danbaysay amarka weerarka,” ayuu yiri.

Si kastaba, rasaasta lagu furay Kolonyada madaxweyne Xasan Sheekh ayeysan ka dhalan wax khasaaro ah, kadib markii uu madaxweynihii hore amray ilaaladiisa inay is-xakameeyan, si looga baaqsado iska hor-imaad sababi lahaa khasaaro badan.

Baabuur uu la socday Xasan Sheekh oo la rasaaseeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kolonyo Gaadiid ah oo uu la socday madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd lagu rasaaseeyay magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynihii hore ee dalka ayaa lagu rasaaseeyay bar ay ciidamada dowladda ku leeyihiin agagaarka xarunta Maxkamadda gobolka Benaadir ee degmada Xamar Weyne.

Kolonyada la socday Xasan Sheekh ayaa waxa mar qura la huwiyey rasaas xoogan, ayada oo lasoo warinayo in ilaaladii la socotay madaxweyanha aysan marnaba ka jawaab celin rasaastaas, midaasi oo baajisay iska hor-imaad dhex-mari lahaa labada ciidan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in rasaasta lagu furay madaxweyne Xasan Sheekh aysan wax khasaare ah ka dhalan, kadib markii uu madaxweynaha amray ilaaladiisa inay is-xakameeyen, islamarkaana aysan ka jawaabin rasaasta lagu furay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka yimid shir nabad-gelyo oo ka dhacay Elite Hotel ee xeebta, isagoona u socday shir ay lahaayeen Midowga Musharaxiinta xiliga ay ciidamada dowladda ku fureen xabada.

Waxaa xusid mudan in goobta lagu rasaaseeyay madaxweyne Xasan Sheekh kal hore lagu rasaaseeyay kolonyo la socday Imaam Maxamed Yuusuf, midaasi oo uu hore raali-gelin uga bixiyey ra’iisal wasaaraha.

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka oo ku aadan dhacdadaan.

Xog: R/W Rooble oo berri u baxaya safar gudaha dalka ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu safar ugu ambabaxayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle, Sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Rooble iyo wafdi uu horkacayo ayaa sida uu qorshuhu yahay Khamiista ka degi doona Jowhar, xili uu maanta kasii horeeyay madaxweynaha maamulka HirShabeelle oo toddobaadyadii u dambeeyay magaalada Muqdisho u joogey shirkii golaha wada-tashiga doorashooyinka.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa marka uu gaaro magaalada Jowhar u kuur-gali doona xaalada magaalada oo muddooyinkii dambe ku jirtay go’doon ka dhashay daadadka fatahaada Wabiga Shabelle.

Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa lagu soo warramayaa inay wajaheyso xaalad adag, kadib markii markii bartanka bishii May ku fatahay Wabiga Shabelle oo kar-kaaraha jabsaday.

Magaalada oo dhan ayaa go’doon u galay fatahaadaha waxaana go’ay jidadkii magaalada, kuwaas oo sababay inay istaagaan isku socdka gaadiidka isaga kala goosha halkaasi.

Sidoo kale waxaa gabi ahaan xirmay garoonka diyaaradaha Jowhar, iyada oo haatan kaliya la adeegsanayo doono, si gudaha loogu galo magaaladaasi, inkasta oo si kumeel gaar ah loo macmalay.

HirShabelle ayaa la taacaleysa xaalad adag oo ka dhalatay fatahaadda Wabiga Shabelle oo marar badan kusoo noq-noqotay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana xiligaan socda dadaalo lagu samato bixinayo.

Netanyahu oo maanta xilkiisa weyn kara – Yaa beddelaya?

Tel Aviv (Caasimada Online) – Kooxo aragtiyo kala duwan oo ka mida siyaasiyiinta xisbiyada siyaasadda Israel ayaa isku dayaaya inay xilka ka qaadaan ra’isul wasaaraha mudada dalkaas soo maamulaayey ee Benjamin Netanyahu.

Isbaheysigan ayaa waxa ay heystaan illaa iyo dhammaadka maanta inay heshiis gaaraan si loo soo dhiso dowlad wadaag ah, oo soo geba-gebeyn karta xukunka Netanyahu.

Dadaalkan ayaa waxaa hoggaaminaya madaxa xisbiga Yesh Atid, Yair Lapid.

Madaxweynaha Israel Reuven Rivlin ayaa siiyey Lapid fursad uu isugu keeno isbaheysiga xisbiyada ee ku guuleystey inta badan kuraasida baarlamanka ee 120-ka ah, taasi oo uu ku guuldareystey Natenyahu, horaantii bishii May.

Lapid ayaa heley taageero Axadii markii Naftali Bennett oo hogaamiya xisbiga xagjirka ah ee Yamina uu sheegey inuu ku biiri doono isbaheysigan.

Heshiiskan ayaa keeni doonaa haddii la isku raaco in Bennet uu noqdo ra’isul wasaraha Israel labada sano ee soo socota, kahor inta uusan la wareegin Lapid xilkaasi.

Israel ayaa ku jirtey xasarad siyaasadeed mudo laba sano ah iyadoo mudadaasi gudeheedana laga qabtey afar doorasho, kadib markii xisbina uu heli waayey aqlabiyad.

VOA

Aqriso Magacyada: Cabdi Xaashi oo Rooble u gudbiyey xubnaha guddiga doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi ayaa ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta u gudbiyey xubnihii laga sugayay ee guddiyada doorashooyinka.

Sida uu shaaciyey xafiiska ra’iisal wasaaraha, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa magacaabay lix xubnood, kuwaasi oo uu si rasmi ah ugu gudbiyey ra’iisal wasaaraha, si qeyb uga noqdaan guddiga doorashooyinka.

Xubnaha guddiyada doorashooyinka kuraasta Somaliland ee uu soo magacaabay guddoomiyaha aqalka sarre ayaa imanaya kadib heshiiskii si siman loogu kala qeybiyay xubnaha guddiga isaga iyo Mahdi Guuleed.

Hoos ka aqriso xubnaha uu magacaabay Guddoomiye Cabdi Xaashi ee uu u gudbiyey Rooble.

1. Cabdishakuur Daa’uud Maxamed – FEIT
2. Maxamed Ciise Heybe. Xallinta Khilaafaadka
3. Suleymaan Caydiid Cismaan – SEIT
4. Cabdishakuur Abiib Xayir – SEIT
5. Maxamed Cali Cabdillaahi – SEIT
6. Jaamac Cumar Cali – SEIT

Magacaabista Cabdi Xaashi ayaa imaneysa, xili uu xalay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe uu ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta isagna u gudbiyay xubnaha maamulka Jubbaland uga mid noqonaya guddiyada doorashooyinka heer federaal, heer dowlad-goboleed iyo xallinta khilaafaadka.

Axmed Madoobe ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay 12-qof oo guddiyada doorashada ku meteli doona Jubbaland, kuwaas oo uu sheegay inuu magacaabistooda u cuskaday la tashiyo uu sameeyey iyo fulinta heshiiskii 17-kii September.

Cabdi Xaashi iyo Axmed Madoobe ayaa noqonaya mas’uuliyiintii u horeeyay ee qaada tallaabo lagu fulinayo heshiiskii maalmo ka hor lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho, kaas oo meesha ka saaray mad-madowgii ragaadiyey hir-gelinta doorashooyinka Soomaaliya.

Natiijadii ugu horeysay ee doorashada Somaliland oo la shaaciyey – Yaa ku horreeya?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd lagu dhawaaqay natiijadii ugu horeysay ee doorashada goleyaasha deegaanka Somaliland, taas oo labo maalin ka hor ka bilaabatay dhamaan deegaanada Somaliland.

Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa si horudhac ah u shaaciyey natiijada ilaa shan kamid ah degmooyinka Somaliland, taasi oo lagu muujiyey sida ay u kala heleen saddexda xisbi ee ka jira Somaliland.

Doorashada Somaliland ka dhacday 31-kii May ayaa iskugu jirtay doorashada mudaneyaasha golaha wakiilada iyo deegaanka ee maamulkaas, wuxuuna si horudhac ah u shaaciyey komishanka ilaa hadda mida goleyaasha deegaanka.

Waxaa la filayaa in Guddiga doorashooyinka ay shaaciyaan natiijooyin kale oo ku aadan doorashooyinkii qabsoomay Isniintii, midaasi oo lagu muujinayo sida xisbiyada uga kala guuleysteen Xildhibaannada golaha wakiilada iyo deegaanka ee guud ahaan Somaliland.

Hoos ka eeg natiijada hordhaca ah iyo sida ay u kala heleen xisbiyadu.

1. Sallaxley, Maroodi-jeex

  • Kulmiye 4
  • Ucid 3
  • Waddani 2

2. Gar’adag.

  • Kulmiye 4
  • Waddani 3
  • Ucid 2

3.Saylac-Awdal.

  • Kulmiye 4
  • Waddani 4
  • Ucid 4

4. Xuddun-Sool

  • Kulmiye 7
  • Waddani 2

5. Lughaye-Awdal.

  • Kulmiye 5
  • Waddani 2
  • Ucid 1