25.6 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

Sawirro: Loolanka doorashada xildhibaanada Waqooyi oo ka billowday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday loolanka xildhibaanada gobolada Waqooyi ee Somaliland, kadib heshiis laga gaaray khilaafkii mudada dheer ka taagna hanaanka doorashada dalka, oo qeyb ka aheyd arrinta Somaliland.

Kulan ka qabsoomay huteel Jazeera ayaa waxaa taageero ballaaran loogu muujiyey Siyaasi ka tirsan gobolada galbeedka, gaar ahaan beesha Wasiir Beyle oo dhawaan isu-soo taagay xildhibaanimada golaha shacabka.

Munaasibada oo ay ka qeyb-galeen odayaal dhaqameed, aqoonyahan iyo dhalinyaro ayaa kalsooni buuxda loogu muujiyey Dr. Cabdillaahi Xaashi Abiib oo ay ku sifeeyen “hogaamiye waxqabad ku xeeldheer oo beesha Maxamed Case iyo Gadabuursi mideen doona”.

Sidoo kale waxaa kulankaan dhaliil xoogan loogu jeediyay Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Beyle oo ay sheegen inay ku hungoobeen doorashadiisa, waxayna ballan-qaadeen in beesha Maxamed Case ay doorkaan garab taagan tahay Dr. Abiib.

“Beyle wuxuu kala qeybiyay reerka, waxaana kala noqonay kalsoonidii iyo taageeradii beesha ee 4-tii sanno ee lasoo dhaafay. Waxaa kalsoonida codkeena siin doona hogaamiye Dr. Cabdillaahi Xaashi Abiib,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka oo ka hadlay munaasibadaas.

Kulanka oo ahaa mid u gaar ah Beesha Maxamed Case ee Muqdisho ayaa waxaa si adag looga horyimid Wasiir Beyle iyo dib isu-soo sharaxidiisa, oo isagu muddo badan ka tirsanaa xukuumadda, islamarkaana ah mudane ka tirsan golaha shacabka oo ku metela beesha.

Ma aha markii u horeysay ee magaalada Muqdisho uu ka dhaco kulan looga soo horjeedo Beyle, haddana waa midkii ugu cuslaa, ayada oo uu dabo socdo abaabul isbedal doon ah oo ka dhan ah qaar kamid ah mudanayaasha labada gole, kuwaasi oo beelahaas ku metelaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Dallada ururada Soomaalida Netherlands oo maxkamad looga yeeray + Sababta

Amsterdam (Caasimada Online) – Dalladda Federation of Somali Associations in the Netherlands oo magaceeda loo soo gaabiyo FSAN ayna ku middeysan yihiin in ka badan 65 ururo Soomaali ah ayaa loogu yeeray Maxkamad markii lagu soo eedeeyey in aysan siin dadkii u soo shaqeynayay tan iyo markii la aasaasay lacagaha laga jaro dadka shaqeeya mushaarkooda, looguna tala galay qofku marka uu hawl-gab noqdo (Retire) in la siiyo.

Hay’ad musharaadka siisa dadka shaqada ka fadhiista (Pension founds) ayaa dacwad ka gaysay FSAN maxkamad, waxayna dalbatay in lacagahaasi ay bixiso FSAN, haddii ay bixin waysana in maxkamadu ay xukun ku rido, iyada oo FSAN dhinaceeda ay iska difaacday eedeyntaas.

Mid ka mid ah guddoomiyayaasha ururada xubinta ka ah dalladda FSAN, kana gaabsaday in magaciisa la xuso, oo aan ka waraysanay halka ay dacwadu mareyso ayaa ku nuuxnuuxsaday in dhowaan labada daraf ay maxkamad wada tageen, lana sugayo go’aanka maxkamadda.

“Maxkamad ayaa dhacday maalin dhoweyto, go’aan ayaa la sugayaa, qolada lacagta soo sheegatay ee “Pension fonds” waxay ku doodaysaa in shaqaalihii ka shaqeynayay FSAN ilaa maalintii la aasaasay xuquuqdooda in la bixiyo, FSAN iyaguna dhinacooda way is difaacday, haddii lagu yiraa FSAN waxba la idin kuma laha iska baxa waa guul, haddii-se lacag badan lagu xukumo ciladu halkaas ayeey ka imaaneysaa, inkastoo ay jiraan dad aaminsan in FSAN ay lacag haysato iskana bixin karto haddii maxkamadu xukunto,” ayuu yiri mas’uulkaas, waxaanna uu intaasi sii raaciyey:

“Eeg…ururkii SOMVOA, oo ahaa ururkii ugu faca & magaca weynaa ururada Soomaalida, xittaa dadka Soomaalida marka ay dalal kale ka imaanayaan waxaa la dhihi jiray haddaad Holland tagtaan SOMVOA taga, ma jirtaa cid garaneysa waxa ururukaasi uu saaxada kaga baxay.? wuxuu kaga baxay markii lagu eedeeyey in aysan si sax ah u maamulin lacago loogu talogalay in ururkaasi & urur kale oo Itoobiyaan ah ay mashaariic ku wada fuliyaan, ayna ku fashilmeen in ay sameeyaan xisaab celin sax ah, maanta marka aynu maqalno FSAN ayaa lacag loo haystaa, waxeynu soo xasuusaneynaa wixii horay u qabsaday SOMVOA, umana rajeyneyno in ay taasi ku dhacdo.”

Mas’uulkaas magaciisa qariyay, waxaa kale oo la weydiiyey cidda qaadeysa mas’uuliyadda in aan wax xil ah la iska saarin arrintan, waxaanna uu yiri:

“Waxaa wax iska caadi ah, haddaad tahay shirkad ama hay’ad haddii maamuladii kaa horeeyey ay wax qaribaan mar walba lama dhahaayo maamulkii idinka horreeyey ayaa qaladkaas gaystay idinka waxba la idiin raacan maayo, mar waliba mas’uuliyada waxaa qaadanaya maamulka xilligaasi jooga, maamuladii hore iyo kuwii xilalka isaga dambeeyey arrintan way ka seexdeen waayo shuruucda dalkan sida ay tahay ciddina kama qarsoona”

Mahad Siciid oo muddo dheer Xisaabiye ka ahaa FSAN, iskana casilay xilkaasi sannadkii hore, ayeey dad badani ictiqaadsan yihiin in is-casilaadiisu ku lug laheyd isaga oo ay u muuqatay in FSAN qarka u saaran tahay waddadii burburka, haddaba Mahad qudhiisa ayeeynu arrintaasi iyo arrinta maxkamadda wax ka weydiinay wuxuuna ku jawaabay:

“is-casilaadeydu waxay aheyd arrin shaqsi ah, wax shaqo ah kuma laha arrinta dacwada. Dacwadani mudda ayeey socotay, haddana way socotaa, meesha ay mareyso waxaa fiicnaan laheyd in guddiga bestuurka la weydiiyo”

Xiriir aan la sameeyey dalladda FSAN, si aan arrintan wax uga weydiino wax jawaab ah kama aynaan helin.

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan
Caasimada Online, Netherland  

Abiy Axmed: Geeri ayaan ka xigaa inaan xukunka wareejiyo

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed oo kulan gaar ah lalahaa hoggaanka sare ee xisbigiisa Prosperity Party ayaa laga duubay cod halis ah, kaas oo uu kaga hadlay mustaqbalkiisa hoggaamineed ee wadanaakasi Itoobiya.

Abiy ayaa codka laga duubay ku sheegay in doorashada soo socota ee dhaceysa 21-ka bishan ay ku guuleysan doonaan isaga iyo xisbigiisa, haddii kale uu dhiig daadan doono.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in aysan jirin cid dhisi karta xukuumad illaa 10-sano ee soo socoto, isaguna uu sii joogi doono xafiiska.

“Waxaan dareemeynaa xaqiiq la xiriirta welwel badan oo nooga imaanaya siyaasiyiin, kooxo kala duwan iyo warbaahinta kuwaas oo doorashada u galaya si ay xukunka u qabsadaan, aadna u doonaya, meel kasta ayey joogaan, waa dhow yihiin, waana fog yihiin,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “”Ma jirto cid awood u yeelan karta in dowlad ay soo dhisto 10-ka sano ee soo socota, geeri ayaana ka xigaa intii aan xilka wareejin lahaa” ayuu yiri, iyada oo intaasi kadib codka lasoo duubay laga maqlay sawaxan iyo sacab isla-socda.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale wuxuu codkiisa muujinayaa inuu ku shuban doono doorashada ka dhaceysa Itoobiya, isaga oo boggaadiyey kooxda ka shaqeyneysa.

“Doorashada waa ay dhaceysaa, kooxda aan sameynay shaqo adag ayey qabteen, waxaa dhici  doona dhimasho iyo dhiig , sida ay doonto ha ahaatee, shaki iigama jiro inaan ku guuleysannay doorashada, weliba qaab sahlan,” ayuu markale yiri Abiy Axmed.

Codkan oo halis weyn ku ah dimuqaaraadiyadda dalka Itoobiya ayaa si weyn u gil-gilay Itoobiya oo sanadihii u dambeeyey wajaheysay xaalado adag oo ka dhashay dagaalladii ka dhacay waqooyiga dalkaas, gaar ahaan gobolka Tigray oo ay warareen ciidanka dowladda.

Dhinaca kale xafiiska ra’iisul wasaare Abiy ayaa ka hadlay arrintan, wuxuuna sheegay in codka uu yahay mid la’isku keen-keenay iyada oo la adeegsanayo codad kala duwan.

“Codka loo maleynayo in laga soo duubay Ra’iisul Wasaaraha xilli uu ku sugnaa shirka xisbiga haya talada toddobaadkii lasoo dhaafay, codkaas waa mid been ah oo laisu geeyay, waxaana laga soo qaatay codad kala duwan oo kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha, isbaddalo badan ayaa lagu sameeyay si looga dhigo hal cod” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Abiy.

Si kastaba dowladda Itoobiya ayaa haatan wajaheyso xaalad adag, iyada oo ay ku kacsan yihiin qowmiyada qaar, sidoo kalena ay usii dheer-tahay dagaalka ay kula jirto TPLF.

“Kenya oo quus ayey taagan tahay” – Jawaabta Somalia ee hanjabaadda ka timid Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo Soomaali ah ayaa jawaab ka bixiyey hanjabaadda ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ku sheegtay inay qaadeyso talllaabo cusub oo ay gebi ahaanba ku joojineyso duulimaadyada Soomaaliya, kuwaas oo hadda u furan hay’adaha QM iyo kuwa gargaarka bani’aadanimo kadib markii laga xiray shacabka. 

Kenya ayaa qoraal ay u dirtay ku wargalisay dhammaan ergooyinka Diblomaasiyadeed, Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ku sugan Nairobi inay ogaatay si qaldan iyo arrimo siyaasadeed u isticmaaleen fasaxii loo siiyey duulimaadyada Soomaaliya.

Isaga oo ka jawaabay hanjabaadda Kenya, ayaa sarkaal Soomaali ah oo codsaday inaan la magacaabin sababo la xiriira inaan loo fasaxin ka hadalka arrintan, waxa uu sheegay in Soomaaliy aan si rasmi ah loola wadagain qorshaha Kenya ay duulimaadyaada gargaarka uga xiri karto hawada.

Sarkaalka ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ay hanjabaadda Kenya ka aragtay oo kaliya warbaahinta. 

“Bayaanka Kenya nama quseeyo, wax walaac ahna naguma hayo, waxaana Kenya ku wajihi doonnaa sida ay doonayaan,” ayuu yiri. Tani waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan hadda iyo kadib daneyneyn inay wada-xaajood la gasho Kenya, marka ay noqoto duulimaadyada. 

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in Kenya ay caalwaa-geeda la xiriira xiridda hawada kala dul dhaceyso diblomaasiyiinta, si ay Soomaaliya ugu cadaadiso inay wada-hadal gasho, taasi oo Kenya ay dooneyso inuu qeyb ka noqdo furista khaatka Kenya ee Soomaaliya ay joojisay.

“Kenya quus ayey hadda taagan tahay,” ayuu yiri sarkaalka.

Dowlada Kenya ayaa 11-kii May mamnuucday dhammaan duulimaadyada tegeya iyo kuwa ka imanaya dalka Soomaaliya, marka laga reebo kuwa QM, diblomaasiyiimta caalamiga ah iyo gargaarka bani’aadannimo, kadib markii dowladda federaalka ay diiday inay dib u fasaxdo khaadka Kenya. 

Mid kamid ah garsoorayaashii kiiska Somalia iyo Kenya oo dhintay – Maxaa isbedelaya?

Nairobi (Caasimada Online) – James Richard Crawford oo ka mid ahaa garsoorayaashii dhageystay kiiska dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya ee Maxkamadda ICJ ayaa geeriyooday.

Crawford, oo dhashay 14-kii November 1948-kii, ayaa garsoore ka ahaa maxkamadda ICJ, tan iyo Febraayo 2015, waxaana uu kursiga sii fadhin lahaa illaa Febraayo 2024.

Bayaan kasoo baxay Maxkamadda ICJ ayaa lagu sheegay in garsoorahan u dhashay dalka Australia uu geeriyooday 31-kii May.

Crawford ayaa ka mid ahaa 15-ka garsoore ee dhageystay kiiska Soomaaliya iyo Kenya, oo Muqdisho ay isku dayeyso inay Kenya uga soo ceshato dhul badeed ka badan 100,000 oo isku-wareeg km ah oo Nairobi ay dooneyso inay boobto. 

Geeridiisa ayaan la fileyn inay wax saameyn ah ku yeelato kiiska, ayada oo garsoorayaasha ay goor-horeba qoreen kana tageen go’aankooda. Sidoo kale, go’aanka Maxkamadda ayaa lagu saleeyaa aqlabiyad. 

Go’aanka Maxkamadda ayaa hadda sugaya kaliya in lagu dhowaaqo, waxaana taas la filayaa gudaha sanadkan.

Dowladda Kenya ayaa diiday inay ka qeyb-gasho dhageysi oraaheedkii dacwadda ee dhacay 15-18 March, inkasta oo ay hab qoraal ah ay dooddeeda u gudbisay.

Go’aan kasta oo kasoo baxay Maxkamadda ICJ ayaa ah mid kama dambeys ah, oo aan dib loogu laabaneyn, mana lahan wax racfaan ah, ama maxkamad kale oo lala aadi karo.

Musharraxiinta oo kulan ku yeeshay Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka iyo doorashooyinka 2021-ka.

Kulankan oo ay inta badan goobjoog ahaayeen musharaxiinta u taagan madaxweynaha ayaa waxaa guddoomiyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha golahaasi.

Inta uu socday kulankan ayaa waxaa lagu soo qaaday xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka, siiba arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, maadaama heshiis laga gaaray.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid is xog-wareysi, sida uu shaaciyey madaxweyne hore, Sheekh Shariif Sheekh oo qoraal kooban soo saaray, kadib shirkaasi.

“Waxaan iska xog wareysannay marxaladihii ugu dambeeyey ee xaaladda dalka iyo doorashooyinka la filayo dhawaan inay bilaabmaan.” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan golaha la magac-baxay Midowga Musharraxiinta ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo siyaasadeed ka waday magaalada Muqdisho.

Kulankan dambe ee xalay dhacay ayaase kusoo aadayo, xilli ay musharraxiinta mucaaradka ay u gudbiyeen ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble xubnaha ay cabashada  ka muujinayaan ee ku jira guddiyada doorashooyinka dalka ee heer federaal.

Soomaaliya ayaa haatan galeyso doorashada isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha, taas oo ay heshiis buuxa ka gaareen dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada dalka iyo sidoo kale mucaaradka oo qeyb ka ah tartanka doorashooyinka.

Xog: Wasaaradaha dowladda oo laga jaray lacagtii socod-siinta shaqada + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu wasiirka Maaliyadda Soomaaliya sheegay in dowladda ay wajaheyso dhaqaalo la’aan xoog leh, waxaa jiray in lacagta qaar laga goostay wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysaa in dhamaan wasaaradaha Xukuuda iyo xafiisyada kale ee dowladda qaarkood laga joojiyay lacagtii la siin jiray ee socodsiinta shaqada qaranka (Running Cost), waxaana sababta lagu sheegay in aysan dowladda awoodin. 

“Ma jirin wax lacag ah oo ka badan mushaarka shaqaalaha oo aan helnay labadii bil ee ugu dambeysay, ugu dambeynna waxaa naloo sheegay in aysan dowladda awoodin qarashaadka lagu bixiyo shaqooyinka wasaaradaha,” ayuu yiri mid kamid ah agaasimiyaasha guud ee wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin. 

Lama oga saameynta ay shaqada dowladda ku yeelan karto lacagaha loo waayay wasaaradaha dowladda oo shaqooyin kala duwan qabta. 

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya bishii April ee sanadkaan warbaahinta ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhaqaalo la’aan xoog leh wajaheyso isagoo yiri “sag-xadda ayaa joognaa wax lacag ah ma heyno.”

Caasimada Online ayaa ogaatay in Bankiga Adduunka, Midowga Yurub iyo dowlado ay ku jirto Dowladda Sacuudiga ayaa joojiyay lacagtii ay ku kabi jireen dowladda Soomaaliya waxaana sababta lagu sheegay in muddo xileedka madaxda dowladda dhamaaday, murankii siyaasadeed ee doroashada iyo ku tagri-falka awoodeed oo ay sameysay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa hore sidaan oo kale u joojisay miisaaniyad 10 Milyan oo ay siin jirtay Soomaaliya markii uu socday go’doomintii Qatar, hase waxay dib u soo celisay markii uu hagaagay xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga, iyadoo lacagtiina ka dhigtay 5 Milyan oo dollar.

Ayada ooh adda heshiis laga gaaray doorashada, ma cadda haddii dalalka Reer Galbeedka ay dib u fasaxi doonaan dhaqaalihii ay ku kabi jireen miisaaniyadda dowladda.

Wararkii ugu dambeeyey ee tirinta codadka doorashadii SOMALILAND ka dhacday

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Deegaanada Somaliland waxaa weli ka socota tirinta codadka doorashada ee golaha wakiilada iyo deegaanka oo Isniintii lasoo dhaafay ka dhacday lixda gobol maamulkaasi, Awdal, Saaxil, Maroodi-Jeex, Toghdeer, Sanaag iyo Sool.

Tirinta codadka ayaa haatan si habsami u socota, waxaana codeeyey in ka badan hal miliyan oo qof oo isku diiwaan-geliyey doorashadan oo aheyd qof iyo cod.

Wararka ayaa sheegaya in ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee doorashada Somaliland ay muddo qaadan doonto, maadaama uu is-bedal ku yimid waqtiga loo asteeyey shaacinta.

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sidoo kale xalay sheegay in roobab ka da’ay bariga Somaliland ay sababeen inay wax iska badalaan ku talo-galkoodii hore.

Sidoo kale meelaha qaar ayaa lasoo gaba-gabeeyey tirinta codadka, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin natiijada doorashada.

Waxaa sidoo kale soo baxaya warar horudhac ah oo ku saabsan natiijada, gaar ahaan codadka ay heleen qaar ka mid ah musharrraxiinta iyo sida loo kala helay.

Doorashada golayaasha Wakiilada iyo Guurtida ee Somaliland ayaa ah mid isha lagu wada hayo, maadaama aan la qaban, tan iyo wixii ka dambeeyey 29-kii September 2005-tii.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo baaq culus u diray hogaamiyeyaasha Soomaalida

0

Nairobi (Caasimada Online) – Aadan Barre Ducaale oo ah mudane sare oo ka tirsan baarlamaanka Kenya, ahaana hoggaamiyihii hore ee aqlabiyada golaha baarlamaanka ee daalkaasi ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka.

Ducaale oo ka hadlayey munaasabad ballaaran oo lagu qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in looga baahan yahay hoggaamiyeyaasha  Soomaalida nay ka shaqeeyaan horumarka iyo midnimada dalka iyo dadka, isla-markaana ay tanaasul sameeyaan.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay inay go’aanka qaadanayaan ay ku saleeyaan horumarka Soomaaliya, si dalka looga gudbiyo xaaladda adag ee uu haatan ku jiro.

Hoggaamiyihii hore ee aqlabiyadda baarlamaanka Kenya ayaa shaaciyey in madaxda Soomaalida looga baahan yahay in aysan wax u meerin dalalka dariska iyo kuwa Carbeed.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladda federaalka, hogaamiyeyaasha gobolada iyo siyaasiyiinta gaar ahaan Farmaajo in marka aad tashaneysaa aad go’aanadiina ku saleysaan danta Soomaaliya oo aysan idin meerin dowladaha derisa ama kuwa Carabta,” ayuu yiri Aadan Barre Ducaal.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada ay heshiis rasmi ah ku gaareen magaalada Muqdisho, kaas oo lagu jiheynayo doorashooyinka muranka badan dhaliyey ee sanadka ka dhacaya dalka.

Soomaaliya ayaa haatan galeyso marxalad doorasho isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha, taas oo ay si weyn ugu tartami doonaan musharraxiinta Soomaaliyeed.

Ciidamo la wareegay buundo muhiim ah iyo xiisad culus oo ka taagan Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamo ka amar qaato Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda ee Gobolka Hiiraan Abuukar Maadey ayaa shalay xirtay buundada Liiq Liiqato oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Magaalada Beledweyne.

Sababta ay ciidamadaan ula wareegeyn Buundada Liiq Liiqato ayaa lagu sheegay inay ka dhalatay khilaafka u dhaxeeyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyti Cismaan iyo Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda ee Gobolkaas Abuukar Maadey.

Khilaafka u dhaxeeyo labadaan Mas’uul oo muddooyinkii dambe soo jiitamayey ayaa hadda noqday mid saameyn xoog leh ku yeeshay ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka ee Magaalada Beledweyne, waxaana laga cabsi qabaa inuu sababo dagaal ka qarxo Magaalada dhexdeeda.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, khilaafka labada Mas’uul ayaa salka ku hayo sida loo maamulayo lacagaha kasoo xaroodo Gobolkaas, taasoo ugu dambeyn keentay in khilaafkooda laga dareemo magaalada oo dhan .

Lacagaha laga qaado gaadiidka isticmaalo Gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay inay ka badan tahay bishii 400 Kun oo Dollar, mana jirto wax loogu qabto shacabka Magaalada Beledweyne oo sanad kasta dhibaato kala kulmo fatahaadaha wabiga.

Lacagta kasoo xarooto Gobolka ayaa la sheegay inaysan soo dhaafin gacanta madaxda ugu sarreeyo Maamulkaas, waxayna hadda u muuqataa in dhexdooda ay ku heshiin la’yihiin, iyadoo ay xusid mudan tahay in qoysas badan oo aan heysan adeegyada aas aasiga ee nolosha ay ku dhibaataysan yihiin magaalada Beledweyne, Deegaano iyo dagmooyin hoostaga gobolka Hiiraan.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Magaalada Beledweyne ayaa wado waawaan la doonayo in buundada looga qaado ciidamada xirtay kuwaas oo saaka lagu waabariistay iyagoo halkaas ku sugan, sidoo kalana waxaa socdo dadaal lagu doonayo in labadaan mas’uul la isugu soo dhaweeyo inkastoo khilaafkooda uu gaaray meel aad u sarreeyo.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaan weli ka hadlin khilaafka ka taagan Gobolka Hiiraan oo ah mid isku xiraa Koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya, iyadoona ay ka baxaan maalintiiba gaadiid qaada xoolaha iyo bagaashka nuucyadiisa kala duwan kuwaas oo geeya gobollada dalka.

Maahan markii ugu horeysay oo ay Beledweyne marti gelso khilaaf u dhaxeeyo madaxda Maamulka Hiiraan, waxaana mar kasta khilaafka dhaliyo musuq maasuqa ay mas’uuliyiinta ugu sareeyo ku sameeyaan lacagaha kasoo xaroodo Gobolkaas oo ah mid muhiim u ah Hirshabelle.

Biixi oo farriin xasaasi ah u gudbiyey wakiilada beesha caalamka ee tagay Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay qaabilay safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda midowga reer Yurub iyo dalka UK oo Somaliland u yimid indho-indhaynta doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee maalintii shalay qabsoomay.

Muuse Biixi ayaa ugu horeyntii xubnaha wafdiga uga mahad-naqay imaanshiyahooda Somaliland iyo muhiimadda ay siiyeen inay kormeeraan doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay shacabka Somaliland ku soo dooranayeen goleyaashii meteli lahaa, isagoona tilmaamay in Somaliland tahay dal ay si buuxda uga hanaqaadday Dimuqraaddiyaddu.

Madaxweynaha ayaa waxa uu wakiilada beesha caalamka u caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ka go’an tahay inay sii waddo isku filnaanshaha, jidka Dimuqraaddiyadda iyo horumarka, si loo xaqiijiyo hammiga shacabka Somaliland, midaasi oo aheyd farriin uu wakiilada ugu dhiibay inay gaarsiiyan dalalkooda.

Sidoo kale waxa uu xubnaha ka socday dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub iyo UK u sheegay in Somaliland ay madax-bannaaneyd in ka badan muddadii ay Soomaaliya midnimadu ka dhaxaysay, isagoona xusay in aanay Somaliland marnaba ka suuro-geli karin inay dib ugu laabato midnimadii guul-darraysatay ee ay shacabka Somaliland ku hungoobeen 1960-kii.

“Waxaa u mahadnaqayaa shacbiga Jamhuuriyada Somaliland ee muujiyey bisaylka iyo waayo aragnimada ay u leeyihiin doorashooyinka qof iyo codka ah ee caalamku inagu majeerto, hay’adaha amniga oo xil weyn iska saaray in doorashooyinkii shalay inoogu qabsoomaan qaab nabad-gelyo ah,” ayuu yiri.

“Sidoo kale waxa u mahadnaqayaa xisbiyada qaranka oo kaalin muhiima ka qaatay inay inoo dhacdo doorashooyinkii wakiillada iyo deegaanku, iyo weliba Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo kaalin lama illaawan ah ka qaatay in dalka ay ka qabsoonto laba doorasho oo is-barkan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweynaha uga mahad-celiyay goob-joogayaashii caalamiga, diblomaasiyiinta iyo safiirada, saxaafadda maxaliga ah iyo ta caalamiga ah sidii quruxda badanyd ee ay uga qayb qaateen doorashooyinka is-barkan ee shalay ka dhacay deegaanada Somaliland.

Dhinaca kale, Safiirada iyo diblumaasiyiinta oo ayaguna dhammaantood hadlay ayaa bogaadiyey nidaamkii loo agaasimay doorashooyinka ka qabsoomay Somaliland guud ahaan iyo bisaylka dulqaadka siyaasadeed ee ka muuqday shacbiga Somaliland ee u dareeray doorashooyinka inay indhahooda ku soo arkeen shacbi kala duwan oo rag iyo haween leh, xisbiyo kala geddisanna taageersan oo safaf dhaadheer ugu jira in qof walba codkiisa si nabadgelyo ah u dhiibtaan, iyadoo aanay saamaynayn xisbiga qofku uu yahay.

Kulanka waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirka arrimaha gudaha, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaagashiga caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka iyo taliyeyaasha ciidamada Militeriga, Booliiska, Asluubta iyo Sirdoonka.

Xubnaha safiirrada iyo Diblomaasiyiinta isugu jira ee uu madaxweynuhu qaabilay, ayaa waxa kamid ahaa:-

Safiirka Denmark Ambassador Ole Thonke, Safiirka waddanka Finland Ambassador Erik Lundberg, Safiirka Sweden Ambassador Valentin Zellweger , Ku-xigeenka safaaradda Talyaaniga, Mr. Massimiliano Bertollo, Ku-xigeenka safiirka safaaradda Norway Mr. Stian Christensen, madaxa xafiiska safaaradda Ingiriiska ee Somaliland Mr. Stuart Brown, Johan Svensson oo ka socda safaaradda dalka Sweden, Oliver Unverdonben oo ka socda safaaradda dalka Germany, Josefine Jensen oo ka socda safaaradda dalka Denmark iyo Tomas Kirchener oo ka socda xubnaha ku bahoobay midowga Yurub.

Wareysi: Wasiirka arrimaha dibadda DF oo xog cusub ka bixiyey xiriirka Soomaaliya ee Jabuuti iyo Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa warbaahinta dowladda siiyey wareysi dhinacyo badan taabanaya, kaas oo uu uga hadlay dhinacyada doorashooyinka, arrimaha gobolka, khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Jabuuti iyo arrimo kale.

Doorashooyinka: Ugu horeyn wasiirka oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa sheegay in waxii dhacay oo dhan hadda la iska cafiyey, isla markaana la gaaray heshiis la isku haleyn karo, isagoo tusaale u soo qaatay cafiskii ay xafladii saxiixa heshiiska ay ku dalbadeen guddoomiyaha midowga musharaxiinta Sheekh Shariif iyo madaxweyne Farmaajo.

Isagoo ka hadlay dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka dalka waxa uu sheegay in loo dhigi doono seddax weji oo kala ah, mid ay bixiso dowladdu, mid ka soo xarooneysa musharaxiinta iyo qeyb ay ku kabeyso beesha caalamka.

Xiiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti: Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo wax laga weydiiyey mad-madowga soo dhex galay xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa sheegay in Jabuuti ay muhiim u tahay Soomaaliya, balse ay jirto cabasho la kala tirsanayo.

“Jabuuti waa dal aan walaalo nahay, deris nahay oo aan Soomaali isla nahay, ma rabno in mararka qaar warar xanaf leh oo dowladuhu is dhaafsadaan ay sameyn ku yeeshaan shacabka walaalaha ah ee labada dal, waa jirtay in Jabuuti warbixin qortay, kadib markii guddi xaqiiqo raadin ah ay soo dirtay, taas oo dowladda Soomaaliyeed aysan ku farxin, markaasna jahadii nala gudbooneed ayaan marsiinay, laakiin Jabuuti xiriir aad u wanaagsan ayaa naga dhaxeeya, waatii Ra’iisul wasaaruhu caleemo-saarkii madaxweynaha Jabuuti ka qeyb galay, waa la kala caban karaa, taasna jidkii noo furnaa ayaan u marnay,” ayuu yiri  Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya: Wasiirka oo wax laga weydiiyey kaalinta dowladda Qatar ee soo celinta xiriirka labada dalka iyo waxa ka jira warar sheegaya in Qatar ay abuureyso fursad la xariirta in Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan kheyraadka ku jira badda la isku heysto ayaa sheegay in Soomaaliya ay sugeyso oo kaliya go’aanka Maxkamadda ICJ oo wax gorgortan ah uusan ka furneyn arrinta badda, isagoo qiray inuu jiro dadaal la xariira ariintaas oo ay Qatar wado.

“Waa jirtay in Ergey ka socday Qatar uu yimid Soomaaliya, kaas oo ka shaqeynayey sidii labada dal ay u soo ceshan lahaayeen xiriirkooda, kaas oo Amiirka Qatar uu soo diray, anaga kaliyana nooma soo dirine, Kenyana waa loo diray, labada dal arrintaas waa ka jawaabeen, waana ogolaadeen in xiriirka la soo celiyo,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in hadda ay socdaan dadaallo lagu xalinayo khilaafka weli jira ee labada dal, “Waxaan xaqiijinayaa in dadaadalaas ay socdaan oo mar hore ay soo bilaawdeen.”

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo wareysigaan uga hadlay arrimaha Geeska Afrika iyo kaalinta ay Soomaaliya uga jirto ayaa sheegay in dalkeena oo door muhiim ah ku lahaa aas-aaskii urur goboleedka IGAD uu hadda kaalin firfircoon ku leeyahay wax wada qabsiga wadamada ku bahoobay ururkan.

Hoos ka Daawo wareysigan

Aqriso magacyada: Axmed Madoobe oo R/W Rooble u gudbiyey xubnaha Jubaland ee guddiyada doorashada

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta waxa uu u soo gudbiyay xubaha maamulka Jubaland uga mid noqonaya guddiyada doorashooyinka heer federaal, heer dowlad-goboleed iyo xallinta khilaafaadka.

Axmed Madoobe ayaa wareegtada uu ku magacaabay 12-qof oo guddiyada doorashada ku meteli doona Jubbalanad, kuwaas oo uu sheegay inuu magacaabistooda u cuskaday la tashiyo uu sameeyey iyo fulinta heshiiskii 17-kii September.

Guddi uu dhawaan Ra’iisul wasaare u xil saaray inay soo baaraan liiska xubno ku jira guddiyada doorashada ee horay loo soo magacaabay, isla markaana ay cabasho ka soo gudbiyeen musharaxiinta mucaaradka ah ayaa galabta shaaciyey liiska 67 xubnood oo la doonayo in la bedelo.

Jubbaland ayaa noqotay maamulkii u horeeyey ee qaaday tallaabo lagu fulinayo heshiiskii maalmo ka hor lagu kala saxiixday Muqdisho, kaas oo meesha ka saaray mad-madowgii ragaadiyey hir-gelinta doorashooyinka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso magacyada xubnaha laga soo magacaabay Jubaland

Rooble oo magacaabay xilal cusub, kuwa kalena ka qaaday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa agaasimayaal loogu magacaabay Wasaaradaha Gaanshaandhigga iyo Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.

Rooble ayaa agaasimaha guud ee Wasaaradda gaashandhigga Xukuumada Soomaaliya u magacaabay Xasan Maxamed Saciid Samatar, waxaana xilkaas laga qaaday Maxamuud Axmed Cali Fanax oo si ku meel gaar ah u hayey kadib markii wasiirka Gaanshaandhigga uu xilkii agaasimaha guud ka qaaday Axmed Cabdi Kooshin.

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Gaashandhigga ayaa Soomaaliya safiir uga soo noqday wadamo badan, sidoo kalana wuxuu mar u tartamay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada loo magacaabay Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim, waxaana xilka laga qaaday Cabdullahi Xaashi Cali .

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga loogu magacaabay Xasan Maxamed Saciid Samatar, halka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada loo magacaabay Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim.”

Magacaabista uu sameeyey Rooble ayaa imaaneyso kadib markii dhawaan Ra’iisul wasaaraha uu awooddii ay xilal ku magacaabi lahaayeen ka qaaday wasiirada Xukuumaddiisa.

“Iyada oo la tix-gelinayo marxladda uu dalku ku jiro lana dardargelinayo habsami u socodka iyo iska warqabka laamaha Dowladda, si loo fududeeyo wadashaqeyntooda, ayaa waxaa la farayaa dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda oo ay warqaddaani sida tooska ugu socoto In aan la gaari karin lana shaacin karin go’aan cusub oo aan oggolaasho looga helin xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri waraaq 26-kii May kasoo baxday Xafiiska Rooble.

Rooble ayaa warqaddiisa ku caddeeyay in go’aankaan uu fududeynayo wada-shaqeynta & isla xisaabtanka Laamaha Dowladda si Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu ula socdo howlaha la qabanayo.

“Go’aankani wuxuu fududeynayaa wada-shaqeynta iyo isla-xisaabtanka laamaha Dowladda iyo in aan la qaadan xilligan go,aano ku yeelan kara dalka saameyn Siyaasadeed, amni, maamul iyo mid dhaqaale, wuxuuna xaqiijinayaa in aanu dhicin xad gudub ku saleysan ku takrifal awoodeed” ayaa sidoo kale lagu yiri waraaqda.

Xukuumadda oo shaacisay liiska magacyada xubnaha guddiga doorashada ee cabashada laga keenay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga uu Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble u saaray xaqiijinta xubnaha cabashada laga qabo ee Guddiyada Doorashooyinka ayaa soo bandhigay magacyada xubnaha ay cabashada ka muujiyeen Midowga Musharaxiinta.

Afhayeenka guddiga Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo, ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay inay soo gaartay magacyada illaa 67 xubnood oo uu sheegay in cabasho laga soo gudbiyey.

Wasiir Al-Cadaalla ayaa sheegay in 67 qof ee loo soo gudbiyey lagu soo eedeeyey seddex eedeyn oo kala duwan oo ah:

1- In ay ka tirsan yihiin ciidamada qaranka dowladda federaalka Soomaaliya.
2- In ay ka mid yihiin shaqaalaha rayidka ee dowladda federaalka Soomaaliya.
3- Iyo inay yihiin siyaasiyiin iyo xubno daacad u ah madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Afhayeenka Guddiga ayaa sheegay inay baaritan ku sameyn doonaan eedeymaha loo soo jeediyey xubnahaas ayna soo kala saari doonaan maalmaha soo socdo, kadibna ay soo gudbin doonaan natiijada rasmiga ah ee baaritaankooda.

Al-Cadaalla ayaa xusay in hubinta xubnahaan ay u adeegsan doonaan qodobo ay saxiixayaashii heshiiskii 27 May ka dhacay Muqdisho u dajiyeen xubnaha kamid noqonayo guddiyada doorashada ee heer federaal iyo heer gobol.

Liiskaa ayaa waxaa dhawaan Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble u gudbiyey xubnaha midowga musharixiinta, sida uu dhigayey heshiiskii ay Muqdisho ku gaareyn Dowladda Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada.

Halkaan hoose ka akhriso liiska magacyada

Daawo: GABAR lagu la’aa MUQDISHO oo meydkeeda laga dhex helay digsi weyn

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gabar yar oo muddo laba maalin ah la raadinayey ayaa ugu dambeyntii Maanta meydkeeda laga helay digsi weyn oo yaalla qol kamid ah gurigii ay ku nooleyd oo ku yaalla degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan waaxda Kaawo Godey.

Gabadha meydkeeda la helay oo labadii maalmood ee ugu dambeysay nolol iyo geeri laga baafinayey baraha Bulshada ayaa waxaa lagu magacaabaa Nafisa Cumar Cabdullaahi, waxaana meydkeeda laga helay digsi weyn oo dusha laga sii saaray digsi kale iyo Joodari si aan loo dareemin.

Ciidamada Booliska oo gaaray guriga falkaan uu ka dhacay ayaa sheegay in gabadha jirkeeda uu ka muuqday jir dil, sidoo kalana laga xiray gacmaha iyo lugaha, halka afka loo geliyey caagga lagu shubo biyaha la warshadeeyo ee halka Liitar ah.

Gabadha oo da’deeda lagu sheegay 10 sano jir ayaa Meydkeeda la ogaaday inuu ku jiro digsiga kadib ur laga dareemay guriga oo dhan taasoo keentay in baaritaan lagu sameeyo qeybaha guriga iyo alaabta taalo.

Guriga laga helay meydka gabadha ayaa wuxuu ahaa guriga ay kula nooleyd hooyadeed iyo aabaheed waxaana sidoo kalana la daganaa dad kale, waxaana dhammaantood lagu xiray saldhigga Booliska degmada Dharkeynley.

Guddoomiyaha Degmada Dharkeynley Guhaad Sheekh Xasan oo goobta meydka laga helay kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in falkaan uu ahaa mid aad looga naxo, wuxuuna sheegay in meydka gabadha yar la geynayo Xarunta Dambi baarista CID.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey in la xiray dhammaan dadkii guriga meydka laga helay ku noolaa oo ay kamid yihiin hooyada iyo aabaha dhalay gabadha la dilay.

Dadka la xiray ayaa waxay isugu jiraan ehelka gabadha iyo dad kale oo la sheegay inay guriga la daganaayen, welina faahfaahin lagama helin qaabka uu u dhacay dilka gabadha yar iyo waxa sababay.

Muddooyinkaan dambe waxaa Soomaaliya kusoo badanayey dilalka naxdinta leh ee loo geysanayo gabdhaha yar yar, waxayna dilalkaas qaarkood ahaayeen kuwa ay ka horreeyeen falal kufis ah inkastoo aan la xaqiijin karin in gabadhaan la kufsaday ka hor inta aan la dilin.

Wararkii ugu dambeeyay ee tirinta codadka doorashadii SOMALILAND ka dhacday

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Doorashada goleyaasha wakiiladda iyo deegaanka ee Somaliland ayaa shalay si habsami leh usoo gaba-gabowday, waxaana xalay fiidkii hore bilaabatay tirinta codadka oo ilaa hadda socota, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Guddiga doorashada Somaliland ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo gaba-gabeeyaan tirinta codadka doorashada ee goboladda qaar, waxayna si hordhac ah u shaacin doonaan natiijada doorashada oo si weyn loo wada sugayo.

Sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan Komishanka doorashooyinka Somaliland, ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee doorashada goleyaasha wakiilada iyo deegaanka ayaa qaadan karta in ka badan 7-maalmood, balse waxa uu guddigu si hordhac ah u shaacin doona natiijada doorashada.

Doorashada ayaa nooceedu ahaa mid ku cusub Somaliland, maadama ay dadweynaha halmar u wada codeeyen xubnaha deegaanka iyo wakiilada, waxaana xusid mudan in doorashooyinkaan ay dhowr jeer ku yimaadeen dib u dhacyo.

Ilaa iyo hadda majirto saadaal rasmi ah oo ku aaddan xisbiga la filaayo inuu ku guuleystay aqlabiyadda kuraastii loo tartamay, hase yeeshe waxaa soo baxaya warar sheegaya in xisbul xaakimka Kulmiye iyo xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ay codad isku dhow ka helayaan doorashada.

Doorashadii shalay oo aheyd mid si weyn u soo jiidatay indhaha caalamka ayaa waxay qiyaastii 55% codbixiyeyaasha is diiwaan-galiyay ay da’doodu ka yareyd 25-jir, waxayna xogta tibaaxeysa in 53% codbixiyeyaashu ay ahaayeen rag, halka ay 47% dumar ahaayeen dadka codeeyay shalay.

Waxaa ka qeyb qaatay doorashada dad ka badan hal milyan oo qof, waxayna socotay codeyntu hal maalin oo keliya, midaasi oo xiiso gaar ah u yeeshay doorashada, ayada oo ay kor-joogteynayeen wakiilo ka socday beesha caalamka.

Sacuudiga oo go’aan yaab leh ka qaatay sameecadaha Masaajidada iyo aadaanka

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Diinta ee Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii difaacay amar muran dhaliyey oo lagu xaddiday mugga dhawaqa sameecadaha Masaajidada, isaga oo sheegay inuu ka dhashay cabasho ka timid shacabka.

Wasaaradad Arrimaha Diinta ayaa siyaasad culus oo ay qadaatay toddobaadkii tegay waxay ku amartay in sameecadaha laga maqlayo aadaanka aan laga dheereyn karin saddex meelood meel ka mid ah muggooda ama 33%.

Amarka oo sidoo kale isticmaalka sameecadaha ku xaddiday kaliya aadaanka, kana reebay khudbadaha iyo wacdiga kale, ayaa horseeday in si weyn looga falceliyo baraha bulshada.

Wasiirka Arrimaha Diinta Abdullatif al-Sheikh ayaa sheegay in amarkan uu jawaab u ahaa cabasho ka timid muwaadiniinta qaar oo aheyd in maqalka dheer uu carqalad ku yahay caruurta iyo dadka da’da ah.

“Kuwa doonaya inay tukadaan uma baahna inay sugaan….aadaanka Imaamka,” ayuu al-Sheikh ku yiri muuqaal uu baahiyey taleefishinka dowladda.

“Waa inay Masjidka sii joogaan kahor,” ayuu ku daray.

Sidoo kale dhowr taleefishin ayaa baahiya aadaanka iyo qur’aanka, ayuu sheegay al-Sheikh, isaga oo soo jeediyey in sameecadaha ay leeyihiin ujeedooyin kooban oo kaliya.

Sacuudiga oo ah dal ay ku yaallaan kumanaan Masjid, ayaa dad badan waxay soo dhoweeyeen tallaabada ay dowladda ku yareysay dhererka sameecadaha, hase yeeshee sidoo kale dad badan ayaa aad ugu dhaliilay baraha bulshada.

Sheikh ayaa sheegay in camaabreynta siyaasaddan ay faafinayaan “cadowga boqortooyada” kuwaas “oo doonaya inay kiciyaan ra’yiga dadweynaha.

AFP + VOA

Iska hor-imaad dhimasho leh oo ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee ku sugan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa saacadihii lasoo dhaafay iska horimaad waxa ay ku dileen nin hubeysnaa oo la sheegay inuu dhac ka geystay qeybo ka mid ah degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ninka hubeysan uu xirnaa tuutaha ciidamada milatariga Soomaaliya, isla-markaana uu dhac u geystay dhalinyaro ku sugneyd xaafadda Siisii oo ka tirsan Dayniile, waxaana dhalinyarada oo laga qaatay Moobeello ay wargeliyeen saldhigga Booliska degmadaasi oo durbo ciidan u diray halkaasi, kuwaasoo toogtay ninkii hubeysnaa.

Wararka ayaa sheegaya in ninka hubeysan inta aan la dilin ay ciidamnada ugu tageen guri ku yaalla xaafaddaasi, isaga oo isku dayey inuu is-difaaco, waxaana ciidamadu ay markii dambe ku dileen fal toogasho ah, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka degaanka.

Sidoo kale ciidamada ayaa la wareegay Moobeelladii la sheegay inuu soo dhacay ninkaasi, iyadoona kadib meydkiisa la geeyey xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da.

”Ninka markii uu Mobeelada dhacay, dhalinyarada way daba galeen Guriga uu galay ayay soo ogaadeen, sidaas ayay Ciidamada ugu sheegeen, balse markii uu isku dayay in uu iska difaaco ciidamada ay toogteen,” ayuu yiri qof ka mida dadka deegaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo uu maamulka degmada Dayniile ka bixiyey dhacdadaasi, waxaana weli socdo baaritaan ay wadaan ciidamada ammaanka degmadaasi.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ku soo badanayey falalka dhaca ah ee xilliyada habeenkii ah, iyada oo isa soo tareysay qeylo dhaanta kasoo yeereysa shacabka.

Xog: Tallaabo ay qaadeen laba wasiir oo ka dambeysay go’aankii R/W ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay amar uu soo saaray awoodda kaga qaaday dhammaan wasaaradaha xukuumadiisa inta lagu guda jiro waqtiga kala guurka ah ee uu dalka ku jiro.

Rooble ayaa warqaddiisa ku caddeeyay in go’aankaan uu fududeynayo wada-shaqeynta & isla xisaabtanka Laamaha Dowladda si Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu ula socdo howlaha la qabanayo.

Go’aanka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa yimid kadib markii ay magacaabis sameeyeen qaar ka tirsan wasaaradaha Xukuumadiisa, taasoo keentay in 26 Bishaan may uu Rooble soo saaro amar lagu yareenayo awoodaha wasiirada muddo kala guurka.

Wasiirad magacaabista sameeyey waxaa kamid ah wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda xil-gaarsiinta, Mudane Mkhtaar Xuseen Afrax oo magacaabay agaasime waaxeedyo cusub oo haatan wixii ka dambeeya ka howl-gali doono wasaaradaasi, kadib wareegto uu soo saaray.

Wareegtada oo kuu taariikheysan 22-kii bishan ayaa waxaa agaasimaha waaxda xalinta khilaafaadka iyo dib u heshiisiinta loogu magacaabay Cabdiraxmaan Xaashi Faarax, halka Muuse Abshir Cabdi isna loo magacaabay agaasimaha waaxda dhaqanka iyo arrimaha Bulshada.

Sidoo kale isla Digreetadan ayaa waxaa agaasimaha waaxda xiriirka iyo warfaafinta ee wasaaradda arrimaha gudaha loogu magacaabay Abshir Macalin Maxamed, halka isna Xanafi Cabdi Cale loo dhiibay xilka agaasimaha waaxda Hay’adaha aan dowliga aheyn (NGO).

Dhanka kale, Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale ayaa isna afhayeen cusub u magacaabay wasaaradiisa, waxaana wareegto kasoo baxday xafiiskiisa loogu magacaabay Cabdi Kaamil Macalin Shukri inuu noqdo afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Magacabista uu sameeyey Xundubey ayaa waxay soo baxday 24 Bisha May, laba maalin ka hor inta uusan Rooble qaadan go’aanka lagu yareenayo awoodaha Wasaaradaha Xukuumadda, maadaama uu dalka ku jiro waqti kala guur ah oo ay suuragal tahay in wasiir kasta uu ka faa’ideysto.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa u muuqda inuu isticmaalayo awoodda uu ku helay cadaadiska ay xubnaha mucaaraadka iyo qaar ka tirsan maamul Goboleedyada ay saareyn madaxweyne Farmaajo taasoo ugu dambeyn keentay in la siiyo awood uu ku maamulo doorashada iyo midda amniga Soomaaliya.