25.6 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

Xog: Tallaabo ay qaadeen laba wasiir oo ka dambeysay go’aankii R/W ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay amar uu soo saaray awoodda kaga qaaday dhammaan wasaaradaha xukuumadiisa inta lagu guda jiro waqtiga kala guurka ah ee uu dalka ku jiro.

Rooble ayaa warqaddiisa ku caddeeyay in go’aankaan uu fududeynayo wada-shaqeynta & isla xisaabtanka Laamaha Dowladda si Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu ula socdo howlaha la qabanayo.

Go’aanka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa yimid kadib markii ay magacaabis sameeyeen qaar ka tirsan wasaaradaha Xukuumadiisa, taasoo keentay in 26 Bishaan may uu Rooble soo saaro amar lagu yareenayo awoodaha wasiirada muddo kala guurka.

Wasiirad magacaabista sameeyey waxaa kamid ah wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda xil-gaarsiinta, Mudane Mkhtaar Xuseen Afrax oo magacaabay agaasime waaxeedyo cusub oo haatan wixii ka dambeeya ka howl-gali doono wasaaradaasi, kadib wareegto uu soo saaray.

Wareegtada oo kuu taariikheysan 22-kii bishan ayaa waxaa agaasimaha waaxda xalinta khilaafaadka iyo dib u heshiisiinta loogu magacaabay Cabdiraxmaan Xaashi Faarax, halka Muuse Abshir Cabdi isna loo magacaabay agaasimaha waaxda dhaqanka iyo arrimaha Bulshada.

Sidoo kale isla Digreetadan ayaa waxaa agaasimaha waaxda xiriirka iyo warfaafinta ee wasaaradda arrimaha gudaha loogu magacaabay Abshir Macalin Maxamed, halka isna Xanafi Cabdi Cale loo dhiibay xilka agaasimaha waaxda Hay’adaha aan dowliga aheyn (NGO).

Dhanka kale, Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale ayaa isna afhayeen cusub u magacaabay wasaaradiisa, waxaana wareegto kasoo baxday xafiiskiisa loogu magacaabay Cabdi Kaamil Macalin Shukri inuu noqdo afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Magacabista uu sameeyey Xundubey ayaa waxay soo baxday 24 Bisha May, laba maalin ka hor inta uusan Rooble qaadan go’aanka lagu yareenayo awoodaha Wasaaradaha Xukuumadda, maadaama uu dalka ku jiro waqti kala guur ah oo ay suuragal tahay in wasiir kasta uu ka faa’ideysto.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa u muuqda inuu isticmaalayo awoodda uu ku helay cadaadiska ay xubnaha mucaaraadka iyo qaar ka tirsan maamul Goboleedyada ay saareyn madaxweyne Farmaajo taasoo ugu dambeyn keentay in la siiyo awood uu ku maamulo doorashada iyo midda amniga Soomaaliya.

Sirdoonka Turkey ee MIT oo howlgal culus ka fuliyey Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Sirdoonka Turkey ee MIT ayaa dalka Kenya ka fuliyey howgal ay kusoo xireen wiil uu adeer u yahay Fethullah Gulen, sidaa y Isniintii sheegeen qoyskiiska iyo warbaahinta Turkey.

Ankara ayaa ku eedeysay Fethullah Gulen inuu yahay maskaxdii ka dambeysay afgambigii dhicisoobay ee Turkey ka dhacay 2016-kii, kaasi oo ay ku dhinteen boqolaal qof, kumanaan kalena lagu dhaawacay. 

Wixii markaas ka dambeeyey Turkey ayaa xirtay kumanaan qof oo la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Gulen. 

Wakalaadda wararka Turkey ee Anadolu oo soo xigatay ilo-amni oo aan la magacaabin, ayaa sheegtay in wakiilo ka tirsan hay’adda sirdoonka qaranka ee MIT ay soo qabteen Selahaddin Gulen, kuna soo celiyeen Turkey.

Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada 20-kii May, ayaa xaaska Selahaddin waxay ku xaqiijisay in lamaanahan ay ku noolaayeen Kenya, islamarkaana aysan warkiisa maqal seygeeda oo macallin ka ahaa iskuul ku yaalla Nairobi, tan iyo 3-dii May.

Shaqsiyaad iyo warbaahin xiriir la leh dhaqaaqa Gulen ayaa baraha bulshada ku sheegay in Selahaddin laga “afduubtay” Kenya, waxayna billaabeen olole ay ku dalbanayaan sii-deyntiisa.

Selahaddin Gulen ayaa lagu eedeeyey inuu ka tirsan yahay “ururka argagixisada ee FETO”, oo ah magaca ay Ankara ugu yeerto dhaqaaqa Fethullah Gulen.

Fethullah Gulen, oo ku nool gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka, ayaa ku adkeysta inuu madax ka yahay shabakad nabadeed oo ka kooban shirkado iyo ururo samafal, wuxuuna beeniyaa inuu wax xiriir ah la leeyahay isku daygii afgambi ee 2016.

Maxkamad Kenyan ah ayaa 6-dii May mamnuucday xariga Selahaddin Gulen iyo in loo masaafuriyo Turkey. Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in lasoo celiyo baasaboorkiisa, loona ogolaado inuu ku laabto Mareykanka, oo uu ka yimid.

Selahaddin, oo ururka booliska adduunka ee Interpol uu kasoo saaray amarka cas ee lagu soo xirayo kadib codsi ka yimid Turkey, ayaa Nairobi yimid 17-kii October 2020, waana la xiray, kahor inta aan damiin lagu sii deyn laba maalin kadib.

Sanadii 1999-kii, sirdoonka Turkey ayaa Kenya kasoo xiray hoggaamiyihii kooxda Kurdish-ka ee PKK, Abdullah Ocalan, wuxuuna ku jiraa xabsi ku yaalla Turkey. 

Wixii ka dambeeyey isku daygii afgambi ee 2016, Turkey ayaa dalka kusoo celisay labataameeyo ka tirsan shabakadda Gulen, ayada oo aan kala jecleyn cawaaqibka dibadeed ee ka dhalan karan.

Afduubka lix Turkish oo sirdoonka MIT ay 2018-kii ka sameeyeen Kosovo ayaa qalalaase siyaasadeed ka abuuray dalkan Balkan-ka ah, wuxuuna hoggaamiyey is-casilaadda wasiirkii arrimaha gudaha iyo madaxii sirdoonka

Ankara ayaa sidoo kale ku cadaadisay dalal badan, gaar ahaan kuwa Balkan-ka, Bartamaha Asia iyo Afrika inay xiraan iskuullada xiriirka la leh Gulen.

Kenya ayaa 2016-kii diiday inay xirtay lix iskuul, inkasta oo ay Ankara ku adkeysatay. 

Doorashada Soomaaliya: Is qab-qabsi hadda iyo kow ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay dhowaan galeysaa doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha, taas oo lagu saleyn doono heshiiska ay Muqdisho ku gaareen dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Doorashada Soomaaliya ayaa sidoo kale soo martay heerar kala duwan, iyada oo inta badan uu yimaado is qab-qabsi la xiriira tartanka, kaas oo aan marnaba ka marneyn doorashooyinka dhacaya, oo la filayo inay hareeyaan is-qab-qabsi, sida uu qabo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabelle.

Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo la hadlay Radio Mustaqbal ayaa shaaca ka qaaday in dooda ugu badan ay ka timaado soo xulida xildhibaanada labada gole, isaga oo sababta ku sheegay in tartan adag ay wada galayaan musharraxiin la wato iyo kuwa kale oo xil doon ah.

Waxa uu xusay in is-qab-qabsiga doorashada uu hadda un bilow yahay, lana filayo in si aad ah la isgu qabto soo xulista xildhibaanada oo dhinacyada saameynta leh uu midba isku dayayo inuu xildhibaano soo saarto.

“Is qabqabsi kama marna doorashooyinka si gaar ah Golayaasha Shacabka & Aqalka sare, Dowladda dhankeeda waxa ay wadataa musharax ay dooneyso in loo doorto halka uu la tartamayo shaqsi kale oo kursigaas damacsan balse waxa loo baahan yahay in lagu kala saaro waa wax u qabashada dadka ay metalaan,” ayuu yiri Guddoomiye Barre.

Sidoo kale wuxuu farriin adag u diray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, isaga oo sheegay in waajibka koobaad uu iyagu saaran yahay, loogana baahan yahay cadaalad.

“Waajibta ugu horreeyo waxa uu saaran yahay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedyada oo gudbinaya liiska magacyada Musharixiinta Senatarada Aqalka sare, ilaa shan ruux waa in uu diyaariyaa kuna soo xushaa saameynta umadda uu ku dhex leeyahay si doorashada aanay u noqon mid labo ruux lagu kala xulanayo,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo ay si rasmi ah todobaadyo soo socdo u bilaaban doonto doorashada guud ee Soomaaliya, waxaana lagu horreyn doon soo xulista xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Farmaajo iyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo uu khilaaf soo kala dhaxgalay iyo mooshin la diyaariyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Madaxtooyada Soomaaliya, waxaa khilaaf soo kala dhaxgalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid. 

Labadaan mas’uul ayaa isku khilaafay xil ka qaadistii uu Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug Cabdi Waayeel, kadib muran ka dhashay dhismaha Golaha deegaanka ee degmada Balanbale. 

Madaxweyne Farmaajo oo ay isugu dhawaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa la sheegay in uu diidanyahay xil ka qaadistii lagu sameeyay, halka Madaxweyne ku-xigeenka uu isagana ku adkeysanayo go’aankaas. 

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa la sheegay in ay ku howlan yihiin diyaarinta mooshin ka dhan ah Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug iyagoo garab ka heysta Villa Somalia.

“Farmaajo waxa uu ka soo jeedaa Caabudwaaq jufadiisa ayaana ku badnaa Golaha degaanka ee degmada Balanbale, laakiin Madaxweyne ku xigeenka oo ka soo jeeda Mareexaanka daga Balanbale isaga iyo dadkiisaba ma ogola sida n wax loogu qeybiyay, jufada Farmaajo oo Caabudwaaq dagan ayaa badsatay wasiirkana uu kasoo jeedo,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo la hadlay Caasimada Online.  

Cabdi Waayeel ayaa laga cabsi qabay inuu xiisad dagaal ka horiyo Balanbale kadib markii uu golaha deegaanka u badiyey beesha uu kasoo jeedo oo ah tan Cali Daahir iyo Farmaajo, taasi oo ay ka carroodeen beelaha kale, kadibna keentay in xilka laga qaado.

Hoos ka aqriso liiska xildhibaanada mooshinka ka diyaariyey Cali Daahir Ciid.

Jabuuti oo saraakiil ka tirsan TPLF u dhiibtay Ethiopia

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in dowladda dalkaasi ay Ethiopia u gacan gelisay saddex sarkaal oo ka tirsan ururka TPLF ee uu dagaalka la galay ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

Saddexda Nin ee ay dhiibtay dowladda Jabuuti waxaa si weyn u raadineysay xukuumadda Abiy oo ayadu dagaal qaraar la gashay maamulka TPLF, kadib xurguf siyaasadeed oo soo kala dhex-gashay.

Xubnaha ayaa isugu jira saraakiil ciidan iyo rayid, waxaana laga dejiyay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia, waxaana lagu wadaa in lasoo taago maxkamad.

Saddexda Nin ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Habtom Gebresellaase, Masalle Tammane iyo Maxamed Barihu Nuur.

Dowladda Itoobiya oo si kooban uga hadashay saraakiisha TPLF ee loo gacan geliyay ayaa sheegtay inay ragaas cadaalada la horgeyn doono, ayada oo lagula xisaabtamayo dambiyada loo haysto.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in raggaan loo haysto inay ahaayeen argagixiso qayb ka ah weerarkii lagu qaaday saldhigga Waqooyi ee ciidanka Itoobiya, bishii November.

Xubnahaan ayaa ka tirsanaa ururka TPLF oo ay mamnuucday dowladda Ethiopia, ururkaasi oo maamuli jirey gobolka Tigray oo dagaal qaraar ku dhex-maray ciidamada maamulkaas iyo xukuumadda Abiy Ahmed.

Ethiopia ayaa kal hore xayiraad kusoo rogtay 12 taliye oo hore uga tirsanaan jirey millateriga dalkaas, kadib markii ay ku biireen ururka la mamnuucay ee TPLF, waxayna baadi-goob ugu jirtaa hogaamiyeyaasha ururkaas.

Sawirro: Deni oo isu-diiwaan geliyay doorasho qof & cod ah

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka iska diiwaan-geliyay xaafadda Kaambo ee degmada Qardho, si uu u codeeyo doorashada goleyaasha deegaanka ee soo socota ee maamulkaas.

Deni oo hore u ballan-qaaday hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda ee doorashada qof iyo cod ayaa maanta qeyb ka noqday dadka is diiwan-geliyey si ay uga qeyb qaatan doorashada goleyaasha deegaanka.

Madaxweynaha ayaa u mahad-celiyay guddiga doorashada iyo guud ahaan howl-wadeenada diiwaan-gelinta, Ciidamada amniga sugaya iyo saxaafada.

Waxa uu ku dhiiri-geliyay qeybaha kala duwan ee bulshada in laga wada-qeyb qaato hir-gelinta qorshaha ah in awooda shacabka loo dhoweeyo oo shacabku ay madaxdooda doortaan.

Hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland ayaa hadda u muuqda mid hirgalay, wuxuuna kamid ahaa yoolashii uu hore ballan qaaday Madaxweyne Siciid Deni.

Bulshada Puntland ayaa si weyn usoo dhaweeyay in Puntland u jiheysato doorasho qof iyo cod ah, ayada oo laga dhabeeynayo in bulshadu ay doortaan wakiiladooda ku metelaya goleyasha maamulkaas.

GALMUDUG oo kala dirtay guddigii muranka dhaliyey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa ugu dambeyn kala dirtay guddigii dhismaha golayaasha deegaanka ee maamulkaasi, kadib markii uu khilaaf xoogan ka dhashay dhismaha golaha deegaanka ee degmada Balanballe oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Qoraal kasoo baxay xafiiska siihaya xilka wasiirka arrimaha gudaha maamulka Galmudug, ahna wasiir ku xigeenka isla wasaaradaasi, Mudane Axmed Cismaan Aadan ayaa lagu kala diray guddigan oo qorsheynayey in doorasho deegaan uu ka qabto degmada Balanballe.

Sababta loo kala diray ayaa waxaa lagu sheegay inuu sii xoogeystay khilaafka ka dhex aloolsan guddoonka guddiga golayaasha deegaanka Galmudug iyo xubnaha guddigaasi.

Sidoo kale waxaa warqaddan lagu caddeeyey in khilaafkaasi uu sidoo kale sababay wada-shaqeyn la’aan soo kala dhex-gashay guddoonka sare iyo xubnaha kale ee guddigaasi.

“Kadib markii aan la tashi ballaaran la sameeyey bulshada iyo madaxda Galmudug, waxaan go’aansaday inaan kala diro guddigii farsamada ee ka mas’uulka ka ahaa dhisida golayaasha degmooyinka deegaanada ka tirsan Galmudug,” ayaa lagu yiri warqadda.

Go’aankan ayaa soo baxay, kadib markii xubnaha guddiga la kala diray ay isku khilaafeen hab-raaca dhismaha golaha deegaanka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Si kastaba, waxaa khilaafkan uu horey sababay in xilkiisa uu ku waayo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel) oo lagu eedeeyey khilaafka xoogan ee ka taagan dhismaha golaha deegaanka ee loo sameeyey degmada Balanballe.

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka UGANDA oo toogasho lagu dhaawacay

0

Kampala (Caasimada Online) – Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Uganda, horeyna u ahaa talyihii ciidanka difaaca ee dalkaasi, Gen. Katumba Wamala ayaa saaka lagu weeraray bartamaha magaalada Kampala, gaar ahaan xaafadda Kisota, isagoo kasoo baxay gurigiisa.

Gaariga wasiirka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in rasaas xoogan oo khasaare dhalisay lagu furay, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka ee Kampala waxaa weerarkan dhaawac halis ah uu ka soo gaaray wasiirka la wareeray, sidoo kale waxaa ku dhintay gabar uu dhalay iyo darawalkiisa, iyada oo dhaawaca wasiir Katumba Wamala oo daran loola cararay isbitaalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarkan oo ay fuliyeen dabley hubeysan, gaar ahaan afar nin oo watay mootooyin nooca dhug-dhugleda ah, kuwaas oo goobta ka baxsaday.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo milatari ah oo si deg deg ah ugu gurmaday Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Uganda oo bartilmaameedka uu ahaa in la khaarijiyo.

General Katumba Wamala ayaa horey uga soo shaqeeyey Soomaaliya, wuxuuna mar  hoggaanka usoo qabtay Ciidamada Lugta Uganda ee ka tirsan howl-galka AMISOM.

Jananka ayaa sidoo kale sanadii 2005-tii illaa sanadkii 2013-kii soo ahaa taliyaha Ciidanka Lugta ee wadanka Uganda.

Dowladda Uganda weli kama aysan hadlin weerarka la doonayey in lagu khaarijiyo wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka ee dalkaas ee saaka dhacay caasimada Kampala.

Dagaal khasaare culus lagu gaarsiiyey Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee batamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada milatariga Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Buulo-Burte iyo Jalalaqsi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbacad ee gobolka Hiiraan, waxaana ka dhacay dagaalka foolka fool ah oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage oo ka warbixiyey dagaalkaasi oo saacado badan qaatay ayaa shaaca ka qaaday in khasaare xoog-leh lagu gaarsiiyey dagaalyahanada hubeysan ee Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Odowaa Yuusuf Raage ayaa xaqiijiyey in dagaalkan kooxda Al-Shabaab looga dilay ugu yaraan illaa 25 dagaalame, welina ay wadaan tirakoobka khasaaraha dagaalkaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi ee ay guullaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa inta u dhexeysa degmooyinka Buulo-Burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Si kastaba, ciidamada huwanta ayaa muddooyinkii u dambeeyey xoojiyey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada dowlad goboleedka HirShabelle.

DF oo waqti kooban u qabatay Jaamacadaha dalka qaarkood

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal war-gelin ah oo mar kale ka soo baxay Guddiga Qaranka Tacliinta Sare ee wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka ayaa loogu yeeray qaar ka mid ah Jaamacadaha ka howlaga gobollada dalka Soomaaliya, kuwaas oo aan ka soo jawaabin fariimo hore oo uga yimid guddigan.

Guddiga ayaa jaamacadaha aan weli ka soo jawaabin fariimahoodii hore ka codsaday inay la soo xariiraan ka hor 5-ta bisha cusub ee June, iyagoo ku goodiyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono jaamacaddii aan mudadaas kula soo xariirin guddiga.

“Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare wuxuu si sharaf leh uga codsanayaa Jaamacadaha ka howlgala gobollada Soomaaliya ee aan weli xiriir la soo samayn Guddiga Qaranka Tacliinta Sare inay la soo xiriiraan guddiga Qaranka Tacliinta Sare ugu dambayn 05/06/2021. Jaamacaddii aan muddadaas kor ku xusan la soo xiriirin guddiga Qaranka waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay guddiga.

Guddiga ayaa baahiyey Emailkan [email protected] si ay ugala soo xariiraan jaamacadaha loo yeeray ee ka howlgala gobollada dalka.

Dhawaan wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay liiska ilaa 41 jaamacadood oo ka howlaga dalka, kuwaas oo ay sheegtay inay ka gudbeen wajiga koowaad ee qiimeyntii Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare ee dalka.

Sidoo kale xilligaas wasaaraddu waxay u yeertay ilaa 21 jaamacadood oo kale, kuwaas oo ay sheegtay in aysan weli kasoo jawaabin fariintii guddiga, balse hadda warqadan dambe laguma shaacin liiska iyo tirada jaamacadaha loo yeerayo ee aan weli la soo xariirin guddiga.

Shan maalmood oo kaliya ayaa ka hartay mudada loo qabtay jaamacadaha aan weli soo jawaabin inay kula soo xariiray Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare oo u xil saran qiimeynta jaamacadaha dalka.

Hooyo codeyneysay oo fool ay ku qabatay xaafad ka mid ah magaalada Hargeysa

Hargeysa (Caasimadda Online) – Hooyo kamid aheyd dadkii codkooda shalay ka dhiibanayay doorashadii ka dhacday Somaliland ayay foosha qabatay xilli ay safka ku jirtay.

Hooyadan ayaa waxaa goobta ay ku umushay ee la geeyay ku soo booqday mid ka mid ah musharaxiinta xaafada ay ka codeyneysay kaasoo ay ugu magac dartay wiilkii ay dhashay.

Hooyadaan ayaa ku umushay Xannaanada Xaafadda Dami, waxaana si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada, iyadoo uu sawirkeeda soo bandhigay Barkhad Jaamac Katuun oo kamid ah dadka u tartamaya Xildhibaannada Golaha Wakiilada.

“Hooyo ku jirta safka codeynta oo codkeeda rabta in ay dhiibato iina codeyso ayaa ku umushay hadda Xannaanada Xaafadda Daami! Wiil ayey umushay, waxayna u bixisay Barkhad,” ayuu yiri Musharax Barkhad.

Afhayeenka xisbiga Wadani Barkhad Batuu ayaa ka mid ah musharaxiinta golaha wakiilada waxaana si weyn loo aaminsan yahay inuu heli doono kursiga waxana uu ka mid yahay dadka sida weyn u ololeynayay maalmihii la soo dhaafay.

Doorashadan oo baaqatay laba jeer oo hore ayaa waxa ay noqonaysaa middii todobaad ee Somaliland ka dhacda tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay isaga go’day Soomaaliya inteeda kale soddon sanadood ka hor.

Markii ugu horraysayna waxaa tartanka doorashada ka qeybgalaya xubno ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland.

Sawirro: Qorshaha kulanka siyaasiyiinta ugu miisaanka culus K/Galbeed ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen siyaasyiinta ugu miisaanka culus ee ka soo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood sanadihii lasoo dhaafay ay siyaasaddu kala geysay.

Kulankaas oo ahaa qado Sharaf uu sameeyey guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha Koofur Galbeed Cbadicasiis Laftagareen, guddoomiyaha golaha shacabka ee waqtigu ka dhamaaday Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale.

Xogta aan ka helnay kulankaas waxay sheegeysaa in siyaasiyiintan ay maanta ka wadahadleen arrimaha siyaasadda guud ee dalka, masiirka deegaanada ay ka soo jeedaan iyo sidii mad-madowga siyaasadeed ee dhexdooda meesha looga saari lahaa, marxalada hadda lagu jirana looga gudbi lahaa isku duubni iyo midnimo dhexdooda ah.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban uga fal-celiyey kulankaas ayaa yiri, “Waxaan bogaadinayaa kulamada wadahadal iyo wadatashi ee hoggaanka iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed. Waxaad moodaa in dalkii marxalad cusub galay, ka dib markii uu itaal beelay maamulkii cabburinta iyo is maquuniska.”

Inta badan siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed ee maanta isku yimid waxay siyaasadda ku kala tageen afartii sano ee uu xukunka hayey madaxweyne Farmaajo, iyagoo laba-labo isugu qabtay siyaasadda.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maanta gogosha kulankaan dhigay, afar sano ka hor waxaa loo doortay guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, balse sanad kadib waxa uu ku baxay dagaal siyaasadeed oo ka soo wajahay madaxtooyada, waxaana lagu bedelay guddoomiyaha hadda waqtigu ka dhamaaday Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Sidoo kale Shariif Xasan Sheekh Aadan afar sano ka hor waxa uu ahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, balse cadaadis ay saartay madaxtooyada Soomaaliya ayaa u saamixi waayey inuu mar kale u tartamo xilkaas, waxaana halkaas rabitaanka dowladd dhexe looga soo saaray madaxweynaha haatan hoggaamiya Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Intii ay jirtay dowladda Madaxweyne Farmaajo waxaa aad u yaraaday cilaaqaadka siyaasiyiinta miisaanka leh reer Koonfur Galbeed, balse hadda waxay u muuqdaan kuwo gartay in aysan kala maarmin.

Sawirro: Midowga Musharaxiinta oo Rooble u gudbiyey liiskii laga sugayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta xafiiskiisa kula kulmay xubno ka socday Golaha Midowga Musharaxiinta, kuwaas oo warbixin ka siday golaha.

Xubnahaan oo kala ahaa Madaxweyneyaashii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ra’iisul wasaaraha u gudbiyey liiska xubnaha ay cabashada ka qabaan ee ku jira guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo dowlad-goboleed.

Heshiiskii doorashada ee dhawaan lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho ayaa dhigayey in musharaxiintu ay soo gudbiyaan xubnaha ku jira guddiyada doorashooyinka oo ay ku tuhmayaan in aysan dhaxdhaxaad aheyn.

Inkastoo aan la shaacin magacyada iyo tirada xubnahan, hadana qiyaastii 20 qof oo ku jira guddiyadan ayaa la sheegay inay liiskooda gudbiyeen Golaha Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya.

Xubnahan ayaa ah kuwa lagu soo eedeeyay inay yihiin shaqaalaha dowladda, wakiilo ka tirsan hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA iyo taageerayaasha dowladda ee baraha bulshada ka aflagaadeeya siyaasiyiinta.

Caasimada Online ayaa maanta baahisay in musharaxiintu ay qorsheynayaan gudbinta liiska xubnahaas, waxaana la sheegay inay la wareegi doonan guddiga heerka Wasiirro ah oo uu shalay magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kuwaas oo loo xil saaray xaqiijinta caddeymaha xubnahan cabashada laga keenay, iyagoo marka ay soo tala bixiyaan la wadaagi doona Ra’iisul Wasaaraha.

 

Kenya oo ku hanjabtay tallaabo cusub oo la xiriirta duulimaadyada Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa ku hanjabtay inay qaadeyso talllaabo cusub oo ay gebi ahaanba ku joojineyso duulimaadyada Soomaaliya, kuwaas oo hadda u furan hay’adaha QM iyo kuwa gargaarka bani’aadanimo kadib markii laga xiray shacabka. 

Kenya ayaa qoraal ay u dirtay ku wargalisay dhammaan ergooyinka Diblomaasiyadeed, Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ku sugan Nairobi inay ogaatay si qaldan u isticmaaleen fasaxii loo siiyey duulimaadyada Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in hay’adaha caalamiga iyo QM loo fasaxay duulimaadyada bini’aadanimo, kadib markii la joojiyey duulimaadyada Soomaaliya, hase yeeshee ay ogaatay inay ku xadgudbeen fasaxii la siiyey islamarkaana duulimaadyada loo adeegsaday arrimo siyaasadeed iyo kuwa ka horimanaya amarkii lagu joojiyey duulimaadyada. 

“Wasaaraddu si kastaba ha noqotee, waxay ka xuntahay inay ku wargeliso inay ogaatay in si qaldan loo adeegsaday duulimaadyada bani’aadanimada ee labada dhinac iyo arrimo siyaasadeed oo ka soo horjeedda NOTAM iyo ogeysiiskii ahaa in xiriirkii hawada ee u dhexeeyay Kenya iyo Soomaaliya la joojiyay,” ayaa lagu yii qoraalka.

Wasaradda Arrimaha Debadda Kenya ayaa ugu baaqday hey’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Calamiga ah inay Dowladda Kenya siiyaan liiska rakaabka iyo badecooyinka loo qaadayo Soomaaliya ka hor inta aan la siin ogolaanshaha.

Wasaaradda ayaa ugu dambeyntii ku hanjabtay inay joojin doonta dhammaan duulimaadyada bin’aadanimada ee Soomaaliya haddii aan si sax ah loo isticmaalin duulimaadyaas.

“Wasaaradda waxay mar kale ku celineysaa in duulimaadyada bani’aadamnimada ay tahay in si saxan loogu adeegsado ujeeddooyin bani’aadamnimo si looga fogaado inay Kenya ku dhawaaqdo go’aanka suurtagalka ah ee ah in gebi ahaanba la joojiyo duulimaadyada,” ayey tiri.

Dowlada Kenya ayaa 11-kii May mamnuucday dhammaan duulimaadyada tegeya iyo kuwa ka imanaya dalka Soomaaliya, kadib markii dowladda federaalka ay diiday inay dib u fasaxdo qaadka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay agaasimaha duulimaadyada rayidka ee dalka Kenya Gilbert Kibe ayaa lagu sheegay in amarkan uu soconayo illaa iyo 9-ka bisha August ee sanadkan.

Hoos ka aqriso warqadda hanjabaadda ah ee Kenya

Aqriso Magacyada: Rooble oo magacaabay guddi heer wasiir oo 8 xubnood ah + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Todobaadka Xorriyadda oo ka kooban 8 xubnood islamarkaana ka shaqeyn diyaarinta iyo qabashada xuska maalmaha xoriyadda.

Rooble ayaa war-saxaafadeedka uu soo saaray ee u uku magacaabay guddiga, waxa uu ku faray diyaarinta munaasabado muujinaya qiimaha shacabka Soomaaliyeed ay u hayaanmaalmaha xurriyadda iyo midnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay la joogo xiliigii dadka Soomaaliyeed ay soo nooleyn lahaayeen miro-dhalkii gobanimada, dowladnimada iyo midnimada, soona celin lahaayeen maqaaamkii iyo magacigii ay ku lahaayeen gobolka iyo qaaradda.

Xubnaha Guddiga ee ku magacaaban wareegtada Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Guddoomiye u ah Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cusmaan Abuukar Dubbe, halka uu Guddoomiuye Kuxigeenka uu ka yahay Wasiirka Amniga XFS Mudane Xasan Xundubeey Jimcaale.

Xubnaha kale ee Guddiga ayaa kala ah;

1- Durraan Axmd Faarax Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada
2- Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Gaashaandhigga
3- Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda
4- Khadiija Maxamed Diiriye Wasiir Gargaarka iyo Maareynta. Masiibooyinka
5- Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
6- Shugri Maxamuud Afrax Wasiiru Dowlaha Tamarta iyo Biyaha
7- Cumar Maxamuud Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir aha Duqa Muqdisho
8- Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha Golaha Wasiirrada Xoghayaha Fulinta

Xukunka Netanyahu ee Israel oo qarka u saaran dhammaad

Tel Aviv (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha mayalka adag ee Israel, Naftali Bennett ayaa Axaddii sheegay inuu ku biiri doono dowlad wadaag suurta-gal ah oo soo afjari karta xukunka ra’iisul wasaarihii ugu muddada dheeraa Israel Benjamin Netanyahu.

Sharci-dejiyayaasha kasoo horjeeda hoggaamiyaha garabka midig ee Netanyahu ayaa waxaa u socda wada-hadallo xooggan kahor waqtiga kama dambeysta ah ee Arbacada, oo ay tahay in dowlad cusub lasoo dhiso.

Netanyahu oo ah 71 jir, islamarkaana wajahaya maxkamadeyn la xiriirta qiyaameyn, laaluush, iyo burinta kalsoonida dadweynaha, kuwaaas oo uu beeniyey, ayaa xukunka si haystay muddo ay Israel ku jirtay qalalaase siyaasadeed oo dhaliyey in afar doorasho ay dhacaan laba sano gudahood.

Doorashadii dhacday March ayaa xisbiga Netanyahu ee Likud wuxuu ku helay kuraasta ugu badan, hase yeeshee ma gaarin tiradii loo baahnaa ee uu dowlad kusoo dhisi karo.

Hoggaamiyaha mucaaradka, iyo weriyihii hore ee Taleefishin ee Yair Lapid ayaa hadda haysta illaa habeenka Arbacada, si uu dowlad usoo dhiso.

Lapid oo 57 jir ah ayaa raadinaya isbaheysi ka kooban dhinacyo badan oo uu bixiyey “isbaheysiga isbeddelka,” kaasi oo ay ku jiri doonaan Bennet iyo sharci-dejiyayaasha Carabta Israel.

Si uu ugu guuleysto qorshihiisa ah inuu xukunka ka tuuro Netanyahu, ayaa Lapid wuxuu yaboohay in awoodda la wadaago, ayada oo Bennet oo 49 jir ah uu labada sano ee hore uu noqon doono ra’iisul wasaare, isagana uu ku xigi doono labada sano ee xigta.

Kadib kulan uu la qaatay xubnaha xisbi diimeedkiisa waddaniyiinta ah ee Yamina Party, ayaa Bennet wuxuu yiri “waxaan sameyn doonaa wx kasta oo aan dowlad wadaag ah kula soo dhisayo saaxiibkey Yair Lapid.”

Xisbiyada ay kala hoggaamiyaan Lapid iyo Bennet ayaa habeenkii Axaddii billaabay wada-hadallo rasmi ah oo ay kusoo dhameystirayaan heshiiska, sida ay ku sheegeen bayaan.

Netanyahu oo Israel xukumayey 12 sano oo xiriir ah, ayaa qorshahan ugu yeeray mid “halis ku ah ammaanka Israel.”

Lapid ayaa u baahan 61 xildhibaan, oo ka mid ah 120-ka xildhibaan ee baarlamanka Knesset, si dowlad usoo dhiso.

AFP + VOA

Rooble oo soo saaray amar lagu awood tiray wasiirada xukuumaddiisa (Aqriso)

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa amar kusoo rogay dhammaan wasiirada xukuumaddiisa inta lagu guda jiro waqtiga kala guurka ah ee uu dalka ku jiro.

“Iyada oo la tix-gelinayo marxladda uu dalku ku jiro lana dardargelinayo habsami u socodka iyo iska warqabka laamaha Dowladda, si loo fududeeyo wadashaqeyntooda, ayaa waxaa la farayaa dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda oo ay warqaddaani sida tooska ugu socoto In aan la gaari karin lana shaacin karin go’aan cusub oo aan oggolaasho looga helin xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri waraaqda kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha

Rooble ayaa warqaddiisa ku caddeeyay in go’aankaan uu fududeynayo wada-shaqeynta & isla xisaabtanka Laamaha Dowladda si Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu ula socdo howlaha la qabanayo.

“Go’aankani wuxuu fududeynayaa wada-shaqeynta iyo isla-xisaabtanka laamaha Dowladda iyo in aan la qaadan xilligan go,aano ku yeelan kara dalka saameyn Siyaasadeed, amni, maamul iyo mid dhaqaale, wuxuuna xaqiijinayaa in aanu dhicin xad gudub ku saleysan ku takrifal awoodeed” ayaa sidoo kale lagu yiri waraaqda.

Amarkaan ayaa wuxuu dhaqan galay 26 Bishaan May oo ah waqtiga ay waraaqadaan kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Halkan hoose ka akhriso warqad


XOG: Axmed Madoobe iyo DENI oo diiday casuumaad uu u sameeyay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubaland ay diideen ka qeybgalka xaflad casho sharaf ah oo uu damacsanaa in uu sameeyo Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka cudurtay casuumaaddan, iyagoo sheegay in ay safar u yihiin degaanadii ay ka yimaadeen, kuwaasi oo ay isla maanta ku laabteen.

Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in Villa Somalia ay ka fakareyso baajinta qabashada xafladda iyo inay sii socoto oo lagu casuumo saddexda madaxweyne goboleed ee Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa damacsanaa in uu casho sharaf u sameeyo dhamaan saxiixiyaasha heshiiskii doorashada Soomaaliya ee dhowaan lagu gaaray Muqdisho, hase yeeshee waxaa ka diiday Deni iyo Axmed Madoobe. 

Dedaalo badan oo ay sameeyeen Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa guul darreystay kuwaasoo Deni iyo Axmed Madoobe kala hadlay in ay xaflada ka qeybgalaan iyagoo ergo ka ahaa Farmaajo. 

Farmaajo ayaa doonayey inuu munaasabaddan ku muujiyey midnimo, iyo in la iska hilmaamo wixii horey u dhacay si doorasho loo aado ayada oo la isku niyadsan yahay.

Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa hore qado sharaf iyo casho sharaf sagootin ah u kala sameeyay madaxda dowlad gobaleedyada, waxaana la sheegay in Madaxweyne Farmaajo damacsanaa in uu isagana qaabilo madaxda lana heshiiyo mar haddii heshiis laga gaaray doorashada Soomaaliya.

Loolankii ugu adkaa ee hareeyey qabashada doorashada Soomaaliya ayaa u dhaxeeyey Farmaajo iyo labadan madaxweyne goboleed, waxaana weli muuqata inaanu dhammaan xifaaltankooda.

Sidee Iran u awoodday inay weerarto xarun qarsoodi ah oo ay leedahay CIA-da?

Irbil (Caasimada Online) – Wargeyska Washington Post ayaa qoray in koox Iran ku xiran ay awood u yeelatay inay beegsato xarun qarsoodi ah oo ay leedahay CIA-da Mareykanka, ayaga oo adeegsanaya diyaarad drone ah, bishii April.

Weerarka ayaa lagu qaaday xaruntan oo ku taalla magaalada Irbil ee is-maamulka Kurdistan ee dalka Iraq.

Weerarkan oo kasii dari doona xiisadda gobolka ayaa muujinaya qorshe si taxaddar leh loo dejiyey iyo awoodda Iran iyo maleeshiyada ay taageerto ee Iraq ay xog ku heli karaan, kuna fulin karaan weerar.

Iran ayaa awood u yeelatay inay diyaaradda Drone-ka ah usoo dirto Iraq, ururiso xog sirdoon oo ku saabsan dhismaha CIA-da oo ku dhex-yaalla xarun ay leeyihiin Mareykanka, kadibna qaaday weerarka oo si buuxda loola haleelay.

Weerarka ayaa ka yaabiyey Mareykanka, sida lagu sheegay warbixinta, wuxuuna hoggaamiyey su’aalo ku saabsan sida ay Iran ku ogaatay xaruntan. Mareykanka kama jawaabin weerarka, wuxuuna isku dayey inuu qariyo.

“Aqalka Cad aad ayuu cabsaday. Goobtu waxay aheyd mid qarsoodi ah, weerarkuna wuxuu ahaa mid aad u il-baxsan,” ayaa lagu yiri warbixinta Washington Post.

Weerarka oo dhacay 14-kii April, balse la qariyey, ayaa ahaa kii ugu weynaa ee maleeshiyada Iraq ee ku xiran Iran ay ku qaadaan Mareykanka.

Xarunta la weeraray ayaa la rumeysan yahay inay marti-gelineysay Taliska Howlgallada Garaka ah ee CIA-da, halkaasi oo lagu ururin jiray xogta sirdoon, lagana qaadi jiray howl-gallada CIA ay ka fuliso Iraq.

Ka sokow weerarka, Mareykanka ayaa hadda ka walaacsan in Iran ay hayso xogta goobaha qarsoodiga ah ee CIA-da ay ku leedahay Iraq iyo gobolka, iyo heerka ay gaarsiisan tahay taknoolajiyadda casriga ah ee Iran ay u adeegsatay weerarka.  

Wasiirka arrimaha gudaha DF oo magacaabay xilal cusub

0

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda xil-gaarsiinta, Mudane Mkhtaar Xuseen Afrax ayaa magacaabay agaasime waaxeedyo cusub oo haatan wixii ka dambeeya ka howl-gali doono wasaaradaasi, kadib wareegto uu soo saaray.

Afrax ayaa magacaabay illaa afar agaasime, kuwaas oo qabanayo howl-aha kala duwan ee hor-yaalla wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wareegtada oo kuu taariikheysan 22-kii bishan ayaa waxaa agaasimaha waaxda xalinta khilaafaadka iyo dib u heshiisiinta loogu magacaabay Cabdiraxmaan Xaashi Faarax, halka Muuse Abshir Cabdi isna loo magacaabay agaasimaha waaxda dhaqanka iyo arrimaha Bulshada.

Sidoo kale isla Digreetadan ayaa waxaa aaasimaha waaxda xiriirka iyo warfaafinta ee wasaaradda arrimaha gudaha loogu magacaabay Abshir Macalin Maxamed, halka isna Xanafi Cabdi Cale loo dhiibay xilka agaasimaha waaxda Hay’adaha aan dowliga aheyn (NGO).

Magacaasbita agaasime waaxeedyadan cusub ayaa timid, kadib talo soo jeedin ka timid agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, waxaana qoraalka lagu sheegay in xubnaha la magacaabay lagu soo xushay waayo-aragnimo fog.

Si kastaba, magacaabistani ayaa ku soo aadeyso, xilli lagu jiro marxalad adag oo kala guur ah, isla-markaana xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay tahay xil-gaarsiin oo kaliya, inta laga soo dhisayo xukuumad cusub.