25.3 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

Wasiirka arrimaha gudaha DF oo magacaabay xilal cusub

0

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda xil-gaarsiinta, Mudane Mkhtaar Xuseen Afrax ayaa magacaabay agaasime waaxeedyo cusub oo haatan wixii ka dambeeya ka howl-gali doono wasaaradaasi, kadib wareegto uu soo saaray.

Afrax ayaa magacaabay illaa afar agaasime, kuwaas oo qabanayo howl-aha kala duwan ee hor-yaalla wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wareegtada oo kuu taariikheysan 22-kii bishan ayaa waxaa agaasimaha waaxda xalinta khilaafaadka iyo dib u heshiisiinta loogu magacaabay Cabdiraxmaan Xaashi Faarax, halka Muuse Abshir Cabdi isna loo magacaabay agaasimaha waaxda dhaqanka iyo arrimaha Bulshada.

Sidoo kale isla Digreetadan ayaa waxaa aaasimaha waaxda xiriirka iyo warfaafinta ee wasaaradda arrimaha gudaha loogu magacaabay Abshir Macalin Maxamed, halka isna Xanafi Cabdi Cale loo dhiibay xilka agaasimaha waaxda Hay’adaha aan dowliga aheyn (NGO).

Magacaasbita agaasime waaxeedyadan cusub ayaa timid, kadib talo soo jeedin ka timid agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, waxaana qoraalka lagu sheegay in xubnaha la magacaabay lagu soo xushay waayo-aragnimo fog.

Si kastaba, magacaabistani ayaa ku soo aadeyso, xilli lagu jiro marxalad adag oo kala guur ah, isla-markaana xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay tahay xil-gaarsiin oo kaliya, inta laga soo dhisayo xukuumad cusub.

Xog: Midowga Musharaxiinta oo maanta R/W ROOBLE u gudbinaya liis xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta ra’iisul wasaare Rooble u gudbiyaan liis ay ku qoran yihiin magacyada labatameeyo qof oo xubno ka ahaa Guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka ee heer federal iyo heer gobol.

Xubnahan ayaa ah kuwa lagu soo eedeeyay inay yihiin shaqaalaha dowladda, wakiilo ka tirsan hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA iyo taageerayaasha dowladda ee baraha bulshada ka aflagaadeeya siyaasiyiinta.

Guddi ay Midowga Musharaxiinta u xil-saareen baaritaanka iyo turxaan bixinta guddigan ayaa shalay ku shiray Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay isku raaceen tirada iyo magacyada xubnaha ay tahay in laga saaro Guddiga, iyagoo laga doonayo inay caddeymo u keenaan dadka la tuhunsan yahay.

Marka ay guddiga musharaxiinta soo gudbiyaan liiskan, ayaa waxaa la wareegi doona guddiga heerka Wasiir ee uu shalay magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kuwaas oo loo xil saaray xaqiijinta caddeymaha xubnahan cabashada laga keenay, iyagoo marka ay soo tala bixiyaan la wadaagi doona Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraal shalay kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu shegay in magacaabista guddigan ay ku timid heshiiskii Muqdisho 27 bishaan ku kala saxiixdeen madaxda federaalka iyo madax gobaleedyada dalka.

Rooble ayaa maraya mid kamid ah tijaabooyinkii ugu adkaa ee lagu ogaan doono inuu dhex dhexaad ka yahay doorashada Soomaaliya oo ay ka go’an tahay inuu fuliyo heshiiskii Muqdisho lagu saxiixay 27 Bishan, iyo inuu weli ka amar qaato madaxtooyada.

Sida ku cad heshiiskii Muqdisho lagu saxiixay, guda galista xalinta khilaafka ka taagan guddiyada doorashada ayaa ku eg maanta ay taariikhda ku beegan tahay 31 May 2021, waxaana qasab ku ah musharaxiinta inay soo gudbiyaan liiska xubnaha cabashada laga qabo.

Fulinta qodobkaan la xiriira wax ka qabashada cabashada ka taagan guddiga doorashada ayaa noqon doonta mid lagu ogaan doono suurta-galnimada in doorashada ay ku dhacdo waqtiga lagu heshiiyey oo ah muddo 60 maalmood ah, waxaana dib u dhac kasta oo yimaada uu sii durjin karaa waqtiga doorashada.

Soomaali ka tirsanaa kooxda Xuutiyiinta Yemen oo la dilay

0

Sanca (Caasimada Online) – Telefishinka Cadan ayaa baahiyey in muwaadin Soomaali ah oo ka bar-bar dagaalamayey kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen Khamiistii lasoo dhaafay lagu dilay iska hor imaad dhex-maray kooxdaasi iyo sidoo kale ciidamada dowladda Yemen.

Magaca muwaadinka lagu dilay dagaalkan oo ka dhacay jiida gobalka Ma’rib ee Bariga dalkaasi ayaa waxaa lagu sheegay Maxamed Saalax Sheekh Daahir, waxaa la sheegay in maleeshiyada Xuutiyiinta ay ku aaseen Qabuuraha degmadda Al-Khamsiin oo ka tirsan  magaalada Sanca ee caasimada dalka Yemen.

Sidoo kale Telefishinka ayaa sii daayey muuqaalka rag Soomaali ah oo caddaynaya geerida Saalax oo ku dhintay dagaalkaasi.

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta dowladda Yemen Mucammar Al-Eryaan oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay dagaalkaasi, wuxuuna ku eedeeyey kooxda Xuutiyiinta inay dagaal gelinayaan Ajaanib Afrikaan ah, isla-markaana qaxooti ku ah Yemen.

“Labo kamid ah Kooxda Xuutiyiinta ee garabka ka heysata Iiraan ayaa is qarxin & dagaal lagu naafeenayo amniga iyo Xasiloonida Yemen ugu yeertay Qaxootiga & Dadka soo galootiga ah, arrintaan waa dambi weyn  oo ka dhan ah Bani aadamnimada iyo Shuruucda in Dadkaas lagu qasbo rabshado,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta ee dowladda Yemen.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii uu askari ka tirsanaa Kooxda Xuutiyiinta uu toogasho u geystay muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa magaalada Sanca ee caasimada Yemen, kaas oo lagu magacaabi jiray, Ibraahim Cali Faarax Muuse , isla-markaan ahaa 36-jir ahaa.

Yemen ayaa waxaa muddo ka socda dagaallo u dhexeeyo dowladda dalkaasi oo taageero ka heleyso is-baheysiga uu horkacayo Sacuudiga iyo koxoda Xuutiyiinta ay taageerto Iiraan, waxaana ku dhintay Kumanaan kun oo qof, halka ku barakaceen kumanaan kale oo dad ah.

Farmaajo iyo Kheyre: Laba musharax oo leh waxqabad isku mid ah – Sidee ayaa lagu kala saari doonaa? (Warbixin)

Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya waa xilligan 2021 waxaa ka mida laba musharax oo aan la kala saari karin, taariikhdana ku galay inay ahaayeen madaxweyne iyo Ra’iisal wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee isla soo shaqeeyay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si lama filaan ah ku noqday Madaxweynaha Soomaaliya 8-dii Febraayo 2017, wuxuu isna si lama filaan ah 15 maalmood kadib Ra’iisal wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre, waxayna wada shaqeeyeen 3 sano iyo Bar ku dhowaad ilaa markii danbe khilaaf siyaasadeed uu Golaha shacabka xilka ka qaaday Xasan Cali Kheyre 26 July 2020.

Farmaajo wuxuu mar si cad u sheegay inuu keenay Ra’iisal wasaare isaga ka fiican, waxaana u muujiyey kalsooni xad dhaaf ah ilaa uu xaaladda gaarsiyey inuu waxqabadkiisa ka mid yahay Ra’iisal wasaare iyo Madaxweyne isla dhammeysanaya xilliga 4-ta sano ah.

Xasan Kheyre iyo Maxamed Farmaajo waxay wadeegeen wax kasta oo dowladii ay hoggaaminayaan ku kacday oo waxqabad, fashil, horumar ama dib u dhac ah, iyadoo aan la kala saari karin waxqabadkooda iyo eedaha ay galeen oo ay ugu horeyeen dhiibistii Qalbi-dhagax, weerarkii siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdshakuur iyo boobkii doorashooyinkii Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Farmaajo wuxuu sheegtaa dhammaan horumarradii laga gaaray dib u dhiska ciidamada, deyn cafinta iyo kordhinta dhaqaalaha iyo miisaaniyadda, balse taageerayaasha Farmaajo waxay jecel yihiin inuu qaado eedaha iyo tacadiyadii ay geysatay dowladii ay wada hoggaaminayeen Xasan Kheyre iyo Farmaajo; halka Kheyre jeclaan lahaa inuu kaliya ku olole galo horumarkii la gaaray.

Xasan Kheyre waxaa cad inuu Farmaajo uga hor yimid arrimaha doorashada iyo muddo kororsi uu sii ogaa inuu Farmaajo sameynayo, laakiin uma diyaarsaneyn inuu wajaho madaxweynihii magacaabay ee ay siu dhowaayeen, waana tan keentay in si dhib yar looga takhaluso.

Ma kala cadda, isaguma ma caddeyn Kheyre inuu uga hor yimid qorshihii Farmaajo isagoo rajo badan ka qabay inuu xilka kala wareegi karo haddii uu is sharxo iyo inay dantiisu ahayd dhowrista dastuurka iyo diidmada sharci darrada.

Halka Qodob loo diiwaan geliyey inuu Kheyre uga duwan yahay Farmaajo ayaa ah inuu ka hor yimid muddo kororsi iyo doorasho ku shubasho ah oo Farmaajo kusoo noqda, laakiin waxaa dadka ku adkaan doonta sidii ay labadan musharax u kala saari lahaayeen marka la gaaro doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, haddii ay tartabka galaan iyagoo laba musharax ah.

Xigasho: Goobjooge.net

Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay dowlado iyo hay’ado dhibaato ku haya Soomaaliya

0

Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka oo maanta ka bilaabanaya deegaanada Somaliland ayaa rumeysan in hogaanka Soomaalida u baahan yahay isku-tashi.

Muusi Biixi ayaa sheegay in faragelinta ay Soomaaliya ku hayaan hey’adaha iyo dowladaha adduunka ay sabab u noqotay in Soomaaliya ay gaari weyso wax horumar ah, isagoo xusay inaysan Soomaaliya marxaladaan ka gudbi karin illaa ay isku tashato sida uu hadalka u dhigay.

“Hay’addaha waxa la yiraahdo waxay noo keeneen in ay maskaxda naga duleystaan, in aan isku kalsoonaan weyno, in nala kala wareysto, waa waxyaabaha Afrika in badan oo badan qaribay. Haddii deeq ay wax tareyso, haddey lacag wax tareyso, haddey ciidamo ajnabi wax tarayaan dowladdaa Muqdisho ka dhisan bay wax tari lahaayeen 30-sano ayaa lagu kala dhex-jiraa, waxaan qabaa haddii kaligood go’aan gaari lahaayeen in ay heer gaari lahaayeen,” ayuu ka yiri shir jaraa’id.

Somaliland ayaa 1991-dii waxay ku dhawaaqdey in ay ka go’dey Soomaaliya inteeda kale. Hase ahaatee, waxay ku guuldareysteen in ay tan iyo waqtigaas helaan aqoonsi kaga yimaada Beesha Caalamka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka maamulkisa ugu baaqay in ay yeeshaan talo midaysan maalmaha doorashada si cududoodu u midowdo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muhiimada doorashada laga leeyahay ay tahay in la helo bulsho wax wada leh oo midaysan.

“Golihi wakiilada waxa iskugu imaanaya dad ay soo xuleyn gobolada oo dhan, dowladaha hoosena waxaa iskugu imaanaya dad ay soo xuleen dagmooyinka iyo tuulooyinka oo iskugu imanaya caasimaddii dagmada” ayuu yiri.

“Waxaynu helaynaa talo midaysan, markay taladu midowdana xoogeeniba midoobaya oo wax baynu wada yeelanaynaa, waxa baxaya colaadii iyo kala shakigii” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Baaqa madaxweynaha ayaa u jeedkiisu yahay sidi doorashooyinka si nabada loogu gali laha isla markaana loo yarayn laha khilaafka iyo is maan dhaafka.

Askari ka tirsan BOOLISKA maamulka HirShabelle oo dil & dhaawac ka geystay Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka askari ka tirsan ciidamada ammaanka HirShabelle uu dad shacab ahaa dil iyo dhaawac ugu geystay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in askariga ka dambeeyey falkaasi oo ka mid ah Booliska uu dilay qof ka mid ahaa dadka deegaanka, mid kalena uu dhaawacay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka uu si gaar ah uga dhacay guri ku yaalla xaafadda Kulmis oo ka mid ah xaafadaha magaalada Jowhar ee Caasimada HirShabelle.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka iyo dhaawaca loo geystay dadkaasi shacabka ah, waxaana ka dhashay caro dadweyne, sida ay wararku sheegayaan.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay dibad-bax cabasho ah oo looga soo horjeedo falkaasi ay ka dhigeen waddooyinka waa weyn ee magaalada Jowhar.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale goobta tegay, iyaga oo gacanta kusoo dhigay askarigii ka dambeeyey dilkaasi, kaas oo isku dayey inuu goobta ka baxsado.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka dowlad goboleedka HirShabelle ka bixiyeen dhacdadaasi.

Jowhar ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah ammaanka waxaana ugu dambeeeyey dagaalkii dhowaan magaaladaasi ku dhex-maray ciidamada Booliska iyo maleeshiyaadka kooxda Macawiisleyda oo weerar ku soo qaaday halkaasi.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashooyinka Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan deegaanada Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah u dareeray goobaha cod bixinta doorashada Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida ee maamulkaasi oo maanta si rasmi ah uga billaabatay gobollada Somaliland.

Dad ka badan hal milyan oo qof ayaa codadkooda dhiibanaya, waxaana doorashadan ay ka dhaceysaa lixda gobol ee Somaliland sida Awdal, Saaxil, Maroodi-Jeex, Toghdeer, Sanaag iyo Sool.

Doorashada Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida ee Somaliland ayaa ah mid aad isha lagu wada hayo, maadaama aan la qaban, tan iyo wixii ka dambeeyey 29-kii September 2005-tii.

Sidoo kale goobaha la dhigay sanaadiiqda doorashada ee cod-bixinta ayaa gaaraya illaa 2,709 goobood, iyada oo dadweynaha codeynaya ay dooran doonaan illaa 82 mudane oo Golaha Wakiilada ah iyo 249 oo ah Golaha Guurtida ah maamulka Somaliland.

Waxa kale oo doorashadan ku loolamaya xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland oo ugu horreeyeo xisbiga talada haya ee Kulmiye, xisbiga Waddani iyo midka UCID.

Maamulka Hargeysa sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in doorashadan ay ku bixeyso lacag dhan 25 milyan oo Dollar, iyadoo 80% ay bixineyso xukuumadda Somaliland, halka 20%-ka kalena ay ka caawin doonaan Ururka Midowga Yurub iyo maamulka Taiwan.

Ammaanka goobaha cod-bixinta ayaa aad loo adkeeyey, waxaana la dhigay ciidamo dheeraad ah oo sugayo amniga, sidoo kalena hubinaya dadweynaha codeynaya.

Hargeysa waxaa haatan ku sugan kormeerayaal kala duwan oo u badan kuwo ka socda Afrikada Dhexe iyo Afrikada Galbeed, si ay ula socdaan doorashooyinka Somaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa tan iyo 1991-kii sameyneysay horumar dhinaca ammaanka iyo doorashooyinka, markaas oo ay ku dhowaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Xog: FARMAAJO oo Dubbe siiyey amar xasaasi ah oo la xiriira warbaahinta qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo isi-soo taraya oo aan ka heleyno xubno ka kala tirsan madaxtooyada Soomaaliya iyo wasaaradda warfaafinta ayaa sheegaya in Madaxwayne Farmaajo uu amar ku bixiyey in la bedelo Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo dhammaan agaasimeyaasha warbaahinta Qaranka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in caawa Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe uu ku amray in is bedel deg deg ah uu ku sameeyo dhammaan agaasimayaasha wasaaradda warfaafinta.

Sida aan xogta ku heleyno saacadaha soo socda ayaa la qorsheeyey in lagu dhawaaqo is bedelka cusub ee uu dalbaday Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha oo dhibsaday siyaasadda dhex-dhaxaadnimada ah ee mudooyinkii dambe ay qaadatay warbaahinta Qaranka ayaa la sheegay inuu Wasiir Dubbe ku amray in deg deg uu xilalka uga xayuubiyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Naasir Xuseen, Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, Agaasimaha TV-ga Qaranka Sharma’arke Maxamed iyo Agaasimaha wakaaladda wararka Qaranka ee SONNA Cabdiraxmaan Axmed.

Dhawaan Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray xeer sheegayay in aan agaasimayaasha guud wax isbedel ah lagu sameyn karin, inta uu dalku ku jiro marxaladaan kala guurka ah.

Haddii ay dhaqan gasho tallaabadan waxaa laga baqayaa in ay dhaliso xiisad siyaasadeed oo cusub, maadaama awoodda ugu badan ee ololaha doorashada soo socota uu noqonayo warbaahinta, gaar ahaan tan qaranka oo looga baahan yahay dhexdhaxaadnimo dhab ah.

Daawo: MAHDI Guuleed oo war yaab leh kasoo saaray doorashada Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinta berri ah ee 31-ka bishan May ay shacabka Somaliland u dareerayaan doorashooyinka isku sidkan ee baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka, ayaa waxaa hanaanka diyaar garowga doorashooyinkaas ka hadlay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo ka mid ah siyaasiyiinta gobollada waqooyi ku metesha dowladda federaalka Soomaaliya.

Ugu horeyn Mahdi Guuleed oo dhambaal hambalyo ah u diray shacabka iyo dowladda Somaliland, isla markaana ku amaanay biseylka dimuquraadiyadeed oo ay muujinayaan ayaa shacabka Soomaaliyeed ee Koonfurta kula taliyey inay cashar ka bartaan doorashooyinka Samaliland.

“Waxaa rabaa in aan u hambalyeeyo maalinta doorashada 31-ka May shacabweynaha Somaliland, sida dul qaadka, ilbaxnimada iyo waaya aragnimadu ku jirto oo ay ugu dareereen, ugu ololeynayeen in doorasho xor iyo xalaal ah oo tartan furan uu ku jiro ay ka wada qeyb qaataan,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Qiyaastii in ka badan hal Milyan oo qof ayaa berri u dareeraya goobaha cod bixinta, si ay u soo doortaan 246 Xildhibaan oo noqonaya golaha cusub ee wakiilada Somaliland, kuwaas oo u kala sharaxan seddaxda xisbi ee ka dhisan Somaliland iyo 521 xildhibaan oo noqonaya xubnaha golayaasha deegaanka Somaliland, waxaana ku loolami doona ilaa 767 musharax.

22-degmo oo ka tirsan deegaanada Somaliland ayaa la dhigay sanaadiiqda cod bixinta, iyadoo seddax kun oo goobood loo qorsheeyey inay ka dhacdo cod bixintu.

“Waxaan leeyahay nabad ku codeeya isku dul qaata, doorashadu waxay wax u tartaa dareenka dadka, waxayna ku hoggaamisaa in qofku fikirkiisa uu six or ah u dhiibto, isla markaana uu doorto mas’uulka uu is leeyahay waa istaahilaa inuu ku metelo,” ayuu yiri.

Ugu danbeentii Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa bulsha weynta Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay cashar ka bartaan bulshada Somaliland, isla markaana doorashada sanadka 2025-ka ay si xor ah u soo doortaan xildhibaanka ay doonayaan.

“Walaalaha koonfuteed waxaan ugu baaqayaa inay cashar ka bartaan sida xorta ah, oo xalaasha ah, oo qofka muwaadinka ah uu codkiisa u dhiibankarayo, doorashada 2025-ka ee soo wajahan waxaan rajeynayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inay xaq u yeeshaan in xildhibaanka ay doonaan doortaan, oo madaxdooda doortaan, si taladana shacabweynaha Soomaaliyeed dib loogu celiyo,” ayuu yiri Mahad Guuleed.

Hoos ka daawo

Korneyl aad ugu dhow Farmaajo oo kursiga ku haystay Fartaag

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay in uu u sharaxan yahay kursiga uu ku fadhiyo Senator Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ka mid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Senator Fartaag oo laga soo doorto deegaanada Jubbaland ayaa mar kale u sharaxan kursigaasi, iyadoona si dhow loola xiriiriyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

“Waxaan doonayaa maantay inaan cod dheer ku iraahdo kursi anigu aan lahaa oo dhac iiga maqnaa baan musharax u ahay, waa kursiga Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu ku fadhiyo, oo markii hilbaha la qaybsaday qoys ahaan aniga ii soo raacay,” ayuu yiri Korneyl Aadan Axmed Xirsi, oo aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo.

Isagoo ka waramayay sida uu kursigaasi kaga maqan yahay ayaa wuxuu yiri “Sanadkii 2016 Damul Jadiid, Gabre, Maxamed Cabdi Afey iyo gafuur culus baa dhacay kursigaas, niman wadaaddo oo masaakiin ah, oo qurbajoog iyo macalimiin isugu jira ayaa la yiri kursiga doonta, maadaama ragga halgamiya aysan Kismaayo taggi karin oo Kenya ay haysato. Nimankii wadaadada ahaa guryihii ay jooggeen inta ciidamo la hordhigay baa loo indho gaduudiyay, ka dibna Damul Jadiid, Gabre iyo Maxamed Cabdi Afey waxay siiyeen ninka la yiraahdo Fartaag.”

Waxa kale oo uu yiri “Dadka Jubbooyinka waxaan u sheegayaa afar sano iyo afar bilood kurisgaasi waa kii la’idinkula dagaalamayay oo Militariga Kenya lagu garab taagnaa, oo dhulkeena, dadkeena iyo maalkeena lagu baabi’inayay Magaalada Kismaayo iyo inta ka dhaxeyso Doolow. Kursigaas baan u taaganahay anigoo ah Aadan Axmed Xirsi (Rufle).”

Sidoo kale Xukuumadda iyo Guddiga Doorashooyinka ayuu ugu baaqay inuu cadaalad ka doonayo, si kursigaasi dib loogu soo celiyo heybta uu ka maqan yahay.

“Xukuumadda Soomaaliyeed, Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddiga Doorashooyinka cadaalad baan ka sugeynaa oo kursigaasi isaga ah oo qoyskii lahaana ka maqan, sida aan ku heli karno oo cadaalad ah baa la idinka rabaaa” ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle oo Warbaahinta ka soo muuqday.

Shacabka reer Gedo ayuu uga digay ciidamada cusub ee loo keenayo, kuwaa oo sida uu sheegay lagu baadi-goobayo wixii Kismaayo laga rabay.

“Haddii taa ayada ah la waayo waxaan dadka degan Gobolka Gedo uga digayaa waxa loo keenayo ciidamada gafuur culuska ah ee horta leh oo wixii Kismaayo laga rabay Gedo loogu soo raray baan rabaa inaan u sheego dadka Gedo degana” ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Guud ahaan dadka Gedo degan waxaan leeyahay kursigii baan u taaganahay naf iyo maalba in la’i garab istaago oo kursigaa la’ila raadiyo, anna aan ballanqaaday inaan dalka, dadka iyo diinta ku difaaco. Dagaalka marba heer buu jooggaa, mar wuxuu jooggaa nin qalin leh, qoolkiisana la qabto, marna wuxuu jooggaa qori, marna waa la’isku daraa. Waxaan ballanqaadayaa anoo Senator ah inaan gafuur culusta iyo cadowga kula dagaalamo kursigaas, haddii aad ila doontaan, qayb ahaana aan u leeyahay, qorshe ahaana in dadkeyga lagu laayo ay Kenya u bixisay.”

Aadan Rufle ayaa ka mid ah Saraakiisha fara ku tiriska ee Militariga Soomaaliyeed ee mucaaradsan Jubbaland, wuxuuna aad ugu dhow yahay madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Isbeddel lama filaan ah oo ka muuqda xiriirka Qatar iyo Imaaraadka Carabta

Doha (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa sheegay in ay jirto raja muujineysa in laga gudbayo khilaafka dalkiisa kala dhexeeya Isutagga Imaaraatka Carabta, kadib dhowr jeer oo wadahadallo ay yeesheen labada dal si meesha looga saaro madmadowgii ku dhex jiray.

Saudi Arabia ayaa bishii January ku dhawaaqday heshiis lagu dhammeeynayo khilaafkii keenay in boqortooyada, iyo dalalka Imaaraatka, Masar iyo Bahrain ay xiriirka Qatar jaraan 2017-kii iyagoo ku eedeeyay in ay taageerto argagixisada, eeddaas oo ay Qatar beenisay.

Diblumaasiyiin iyo ilo wareedyo ku sugan gobolka ayaa sheegay in Riyadh iyo Qaahira ay si ka dhakhso badan dalalka Imaaraatka iyo Baxreyn dib ugu dhisayaan xiriirkii ay la lahaayeen Doha.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa wareysi la baahiyay Jimcihii oo uu siiyay telefishanka Al Araby ee fadhigiisu yahay U.K waxa uu ku sheegay in horumar wanaagsan laga gaaray wadahadalladii kala dhexeeyay Sacuudiga, oo uu dhowaan booqday amiirka Qatar iyo Masar, oo uu Sheikh Mohammed asbuucii hore wadahadallo kula soo yeeshay madaxda dalkaasi. Waxa uu sheegay in Qatar ay labada dal kala hadlayso iskaashi dhaqaale.

Isu soo dhowaanshaha Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa wax weyn ka beddeli karta siyaasadda gobolka, oo ay Soomaaliya ku jirto, ayada oo labada dal ay loolan ku galeen dalka, taasi oo ugu dambeyn looga adkaaday Imaaraadka Carabta, ugana baxday dalka.

Reuters + VOA

Axmed Madoobe oo kulamo siyaasadeed ka wada Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa bilaabay kulamo gooni-gooni ah oo uu la qaadanayo mas’uuliyiin iyo wakiilada dalalka caalamka ee jooga caasimada.

Axmed Madoobe ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Itoobiya u jooga Soomaaliya danjire Cabdifataax Cabdullaahi Xasan, kaasi oo ka qabsoomay hoyga uu madaxweynaha Jubbaland ka degan yahay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada dalka, kadib heshiiskii Afisyoone iyo dar-dar gelinta howlaha doorashada oo dhawaan heshiis rasmi ah ka gaareen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale si qoto dheer uga wada-hadlay xiriirka wada-shaqeyneed ee maamulka Jubbaland iyo dowladda Itoobiya.

Axmed Madoobe ayaa tan iyo markii uu soo afmeermay shirweynihii doorashada ee heshiiskiisa dhawaan ay saxiixeen dhinacyadii ka qeyb-galay, ka bilaabay magaalada Muqdisho kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo mas’uuliyiin sarre iyo wakiilada beesha caalamka.

Si kastaba, heshiiska doorashada ee ay saxiixeen madaxda dowlada federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa dalka u jiheeynaya dhanka iyo doorasho, taasi oo meesha ka saartay xaaladii hubinti la’aanta aheyd ee ka taagneyd dalka.

R/W Rooble oo magacaabay guddi baaritaan ku sameeya xubnaha guddiga doorashada ee lagu muransan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddi u magacabay guddiga lagu muransan yahay ee arrimaha doorashooyinka dalka, kaasi oo sabab u ahaa is-mari waagii dhowaan heshiiska laga gaaray doorashooyinka.

Rooble ayaa guddiga oo ka socda golaha wasiirada waxa uu u xil saaray in ay ka warbixin keenan guddiga lagu muransan yahay doorashada iyo iyo xubnaha cabashada laga qabo. weli lama shaacin magacyada guddiga.

Guddiga la magacabay ayaa laga sugayaa inay soo xaqiijiyeen oo ay caddeeyan xubno ku dhow illaa 20 oo la sheegay inay kamid ahaayeen Shaqaalaha Madaxtooyad, Hay’adda Nabad-sugida ee NISA, Ciidamo iyo xubno daacad u ah madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu shegay in magacaabista guddigan ay timid kadib heshiiskii muqdisho 27 bishaan ku kala saxiixdeen madaxda federaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka .

Rooble ayaa loo gudbiyey 16-ka xubnood oo ay tahay inuu bedelo sida ku cad heshiiskii ay 27 Bishan Muqdisho ku saxiixdeyn isaga iyo Maamul Goboleedyada, waxaana awood loo siiyey inuu bedelo xubnaha ay cabashada ka taagan tahay.

Rooble ayaa maraya mid kamid ah tijaabooyinkii ugu adkee ee lagu ogaan doono inuu dhex dhexaad ka yahay doorashada Soomaaliya iyo inuu yahay qof ay ka go’an tahay inuu fuliyo heshiiskii Muqdisho lagu saxiixay 27 Bishaan.

Sida ku cad heshiiskii Muqdisho lagu saxiixay, xalinta khilaafka ka taagan guddiyada doorashada ayaa ku eg Isniinta berri ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 31 May 2021.

Sidoo kale fulinta qodobkaan ayaa noqon doono mid lagu ogaan doono suurtagalnimada in doorashada ay ku dhacdo waqtiga lagu heshiiyey oo ah muddo 60 Maalmood ah.

Qodobka ku saaban xalinta khilaafka ka taagan guddiyada doorashada oo ay saxiixeyn Dowladda iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa u qornaa sidan:

1: Tubta xallinta khilaafka Guddiyada maamulka doorashooyinka

  • Goluhu wuxuu go’aamiyey, iyadoo la tixraacayo soo jeedintii Guddiga Farsamada Baydhabo, in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka loo soo gudbiyo xubnaha Guddiyada maamulka doorashada ee labada heer ee cabashadu ka jirto muddo 3 maalmood gudahood ah si loo badalo. Wakhtigu wuxuu ka bilaabanayaa markii ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranku saxiixaan heshiiskaan.
  • Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya markii ay soo gaarto xogta xubnaha cabashada laga qabo, uuna xaqiijiyo cadeymaha xogtaas wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacawday si loo keeno badalkeeda, loona faafiyo muddo 2 maalmood gudahood ah.
  • Guddiyadu waxay iska dhex dooranayaan guddoonkooda kadib markii ay soo dhameystirmaan.

Shariif oo war kasoo saaray Ciidamada Badbaado Qaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ahna haatan guddoomiyaha Golaha Midowga Musharraxiinta Mucaaradka oo ka hadlayey munaasabad sagootin ah oo loo sameeyey madaxda maamul goboleedyada ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadda, gaar ahaan marxaladihii lasoo maray.

Sheekh Shariif ayaa marka hore shaaca ka qaaday inuu soo dhoweynayo heshiiska taariikhiga ah ee laga gaaray doorashooyinka Soomaaliyed ee 2021-ka, kadib wada-hadallo todobaad qaatay oo ka qabsoomay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laga hortegay in dalka uu galo dagaal sokeeye, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo horumarka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale boggaadin u jeediyey ciidamada qalabka sida, gaar ahaan kuwii mucaaradka ee la magac-baxay bad-baado qaran iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay in heshiiska la gaaray.

“Waxaan u mahad celinayaan cid kasta oo ka hortagtay in dalka uu galo dagaal sokeeye, sida Ciidamada Qalabka sida, Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaan soo marnay marxalad culeyskeeda leh laakin aan u mahad celinayaan dadkii ka hortegay,”ayuu yiri.

Waxa kale oo uu u mahadceliyeyt madaxda maamul goboleedyada iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isaga oo kula da-rdaarmay inay sii wadaan dadaalladooda, inta ka dhaceysio doorashada Soomaaliya oo isuhu jirto tan baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan qorshuhu yahay in si rasmi ah  loo guda-galo doorashooyinka Soomaaliya, iyada oo lagu hormarayo soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kadibna la dooran doono madaxweynaha cusub.

Cabdi Xaashi oo booqasho ku tegaya Pakistan + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee  Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi ayaa wada-hadal saacado badan qaatay oo dhinaca Taleefoonka ah la yeeshay dhiggiisa dalka Pakistan,  Sadiq Sanjrani.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah oo quseeyo labada dal, gaar ahaan is-kaashiga dhinacyada baarlamaanka, si ay u yeeshaan wada shaqeyn toos ah.

Sidoo kale labada dhinac ayaa kulankooda kusoo hadal qaaday sidii kor loogu sii qaadi lahaa xoojinta xirirrka ay haatan leeyihiin wadamada Soomaaliya iyo Pakistan.

Intii uu socday wada-hadalka ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Pakistan, Sadiq wuxuu casuumaad rasmi ah fudiyey dhiggiisa Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi, si ay labada baarlamaanka isku dhaafsadaan wufuud, iyaga ka wada-hadlaya xiriirkooda.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa dhankiisa aqbalay casuumada loo fidiyey, wuxuuna dhowaan booqasho rasmi ah ku tegi doono gudaha dalka Pakistan, isaga oo intaasi ku daray  in ay muhiim tahay xoojinta xiriirka labada baarlamaan, iyada oo laga duulaayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Pakistan.

Arrintan ayaa timid, kadib kulan Jimcihii ku dhex-maray magaalada Islaamabaad ee caasimada dalka Pakistan Danjiraha safaarada  Soomaaliya ee dalkaasi, Marwo Khadiija Maxamed Al-maqzuumi iyo gudoomiyaha Aqalka Sare ee Pakistan, Mr Sadiq Sanjrani.

Soomaaliya iyo Pakistan ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer, iyada oo labada dal ay horey u yeesheen kulamo gooni gooni ah oo lagu xoojinayo iskaashiga ay leeyihiin.

Xog: Al-Shabaab oo lacag kusoo rogay dhismaha jidka xiriiriya Muqdisho iyo Jowhar

Balcad (Caasimada Online) – Ilo wareedyo muhiim ah oo qarinay magacyadooda iyo goobaha ay ka shaqeeyaan ayaa Caasimada Online u sheegay inay jiraan kooxo lala xariirinayo dagaalamayaasha Al-shabaab oo lacag ka dalbaday shirkadaha qaatay qandaraaska dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo hadda billow ah. 

Kooxdan sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa dalbaday lacago boqolaal kun oo dollar ah oo ay sheegeen in ay tahay canshuurta dhismaha wadadaan, iyagoo sheegay haddii la siin waayo in ay ka geysan doonaan weeraro lagu beegsan doono shaqaalaha iyo shirkadaha ku howlan dhismaha wadada. 

“Dhowr jeer ayay soo wactameen waxeyna dalbadeen lacag aan yareyn iyagoo dadka ugu yeeraya meel ka mid ah Shabeellada Hoose si loo xaqiiqsado inay iyagii yihiin, waxaana laga codasaday in qolada howsha waddo isku laabato jawaabna la soo siiyo,” ayuu yiri mas’uul aan magaciisa qarinay oo xog ogaal ka ah arrimaha ku saabsan mashruucaan lagu dhisayo wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho. 

Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka oo aan la hadalnay ayaa sheegay in aysan wali soo gaarin xogtan, balse ay tahay wax dhici kara markii loo eego dhibaatadii laga maray dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. 

Dhismaha wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho oo billaabatay todobaadyo kahor ayaa mareysa meel billow ah inkastoo ay ku socoto dardar xoogleh. 

Al-Shabaab ayaa hore isu hor-taagay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyadoo markii dambe lagu dhisay xoog inkastoo dad badan ay ku dhinteen weeraro ay fuliyeen Al-Shabaab oo lagu beegsaday shaqaalihii dhisayey.

Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulankii musharraxiinta iyo madax goboleedyada dalka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo u dhexeeyey xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada ka jira dalka, kaas oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galay hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, HirShabelle, Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, halka dhinaca musharraxiintana ay hoggaaminayeen madaxweynayaashii hore ee dalka.

Sidoo kale kulankan oo ah mid ballaaaran ayaa wuxuu isugu jiray sagootin iyo sidoo kale bogaadin loo jeediyey madaxda maamul goboleedyada oo door weyn ka qaatay wada-hadalladii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo heshiiskii laga gaaray doorashooyinka.

Waxa kale oo kulanka lagu soo qaaday sidii looga wada-shaqeyn lahaa dooorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda, iyada oo laga fogaanayo musuq iyo wax is-daba marin.

Ilo ku dhow kulankaasi ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in labada dhinac ay isku af-garteen in si deg-deg ah loo guda-galo doorashada, maadaama la heysto muddo kooban, loona baahan yahay in lasoo doorto xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya.

Shirkani ay qeyb ka noqonayo kulamo siyaasadeed oo saacadihii u dambeeyey siyaabo kala duwan uga dhacay Caasimada, kadib heshiiskii laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa sidoo kale la filayaa inay si deg-deg ah ugu laabtaan xarumahooda, si ay u billaabaaan dhaqan-gelinta heshiiska doorashooyinka ee 2021-ka

Soomaaliya ayaa gashay marxalad cusub, kadib markii lasoo af-jaray murankii xooganaa ee ka taagnaa doorashooyinka dalka ee 2021 ee u dhexeeyey dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo mucaaradka, waxaana lagu wadaa in haatan la gudagalo doorashooyinka.

DF oo war rasmi ah kasoo saartay cabashada beesha Xawaadle ee HirShabeelle

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqday in wax laga qabanayo tabashada ay beesha Xawaadle ka qabto dhismaha maamul goboleedka HirShabeelle kadib khilaafkii ka dhashay hab qeybsiga awoodeed ee maamulkaas.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in Xukuumadda Fedaraalka ay ka go’an tahay xal u helidda cabashada ay shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ka qabaan dowlad goboleedka HirShabeelle.

Isagoo la hadlayey idaacadda BBC qeybteeda Af-Soomaaliga, ayuu Al-Cadaala sheegay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonto maamulka HirShabelle sidii shacabka reer Hiiraan looga qancin lahaa cabashada mudada dheer qaadatay ee kala dhaxeyso Hirshabeelle.

“Xukuumadda oo kaashaneysa Golaha wadatashiga qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Shanta Madaxweyne goboleed, guddoomiyaha gobolka Banaadir waxay diyaar u yihiin iney ka jawabaan tabashada reer Hiiraan ka qabaan maamulka HirShabeelle,” ayuu yiri wasiir Al-cadaala.

Beesha Xawaadle ayaa horay u qaadacay doorashadii ay kusoo baxeyn madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, waxaana tan iyo doorashadii kadib shacabka Hiiraan ay soo bandhigayeen banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan HirShabeelle.

Sidoo kale khilaafka ka dhashay awooda qeybsiga maamulka Hishabelle ayaa abuuray dhaqdhaqaaq ciidan oo hubeysan oo lagu magacaabo Golaha Kacdoonka Hiiraan kuwaasoo, si cad ula dagaalamay Hirshabeelle iyagoo diiday in Cali Guudlaawe uu yimaado Baledweyne laguna Caleema Saaro.

Khilaafka ka taagan Hirshabelle ayaa waxay qeyb ka aheyd qodobadii ay isla soo qaadeyn Dowladda Dhexe, madaxda Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir shirkii mudada afarta Maalin ah uga socday Muqdisho, waxaana lagu heshiiyey in la xaliyo khilaafka ka dhashay awood qeybsiga maamulka HirShabeelle.

Beesha Xawaadle ayaa ku doodeysa inay xaq u leedahay madaxweynaha maamulka HirShabeelle, taasi oo sheegtay inay qeyb ka aheyd heshiiska lagu dhisay maamulkaas, halka beelaha kalane ay sheegaan in taasi ay aheyd muddo xileedkii koowaad oo kaliya, oo beeshan aysan xaqu u laheyn xilka madaxweynaha abid. 

Saraakiil sare iyo tiradii ugu badneyd oo dagaal-yahanno ah ‘oo laga dilay’ Al-Shabab

Jowhar (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, kuwaas oo lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage oo ku sugan gobolka Shabeellada Dhexe ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal ka dhacay deegaanka Galka-Xarareey ay militeriga Soomaaliya ku dileen ugu yaraan laba sarkaal iyo in ka badan 30 dagaalame oo ka tirsanaa kooxda. Khasaarahan ayaa ah kii ugu badnaa ee dhowaanahan soo gaara Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalkaas looga dilay Al-Shabaab waxaa kamid ah madaxii Jabhadaha ee gobolka Shabeellada Dhexe oo magaciisa lagu soo koobay Macalin Yuusuf, madaxii maxkamadda Al-Shabaab ee deegaanka Galka-Xarareey iyo ugu yaraan 30 dagaalame oo kale.

Sidoo kale Taliye Odawaa waxa uu sheegay in 20 dagaalame oo kale ay ciidamadu ku dhaawaceen howlgalkaas, isla markaana ay nolosha ku qabteen laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa sheegay in howlgalkaas uu guuleystay, isla markaana ay jiraan rag loo maleynayo saraakiil sare oo lagu dilay deegaankaas, kuwaas oo xogtooda ay dib kasoo shaaci doonaan xaqiijin kadib.

Maalmihii u dambeeyey degmooyinka iyo deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe ayey ciidamada xoogga dalka waxay kala wareegeen Al-Shabaab, waxayna saraakiisha militeriga Soomaaliya sheegeen inuu socdo qorshe gobolkaas looga sifeynayo kooxda.

Maleeshiyaadkii weeraray Jowhar oo maleshiyo kale soo dhoobay duleedka Jowhar 

Jowhar (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaysa in maleeshiyaadkii Macawiisleyda ahaa ee dhowaan weeraray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle qorsheeyeen in ay markale weeraro ka fuliyaan Jowhar. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in tobaneeyo kamid ah Macwiisleydan oo hubeysan islamarkaana kasoo gudbay soohdinta gobolka Sha/Hoose, oo ay ku soo dhawaadeen gudaha magaalada Jowhar, waxayna halkaas kawadaan abaabul. 

Xubno kamid ah Maleeshiyada Macawiisledyada ayaa sheegay in dedaallo la sameeyay kadib dagaalkii ka dhacay Magaalada Jowhar aysan ka soo bixin wax natiijo ah, islamarkaana hogaamiyihii ka xirnaa looga daray dad kale, taasina ay ku qasbeyso in ay qaadaan wax ku sheegeen duulaan kale oo lagu soo furanayo dadka kaga xiran Saldhigga Jowhar. 

“Maalmahan dhan ayaa arkeyney iyagoo lugeynaya oo ka soo gudbaya Sh/Hoose waxayna noo dhaafeen dhinaca Jowhar wax dhib ahna ma kala kulmin waa wiilasheyna in waxa halkaan dagan yihiin dadkooda,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha ku nool soohdinta Jowhar Sh/Hoose.

Dhinaca kale xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in maamulka HirShabeelle uusan ku baraarugsaneen qatarta iyo abaabulka ka socda duleedka magaalada, islamarkaana ay wajihi karaan weerar kale oo khasaaro u geysta. 

Dagaalkii kan ka horreeyay ee laba todobaad ka hor ka dhacay Jowhar waxaa ku dhintay in ka badan 10 qof oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.