25.3 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

Saraakiil sare iyo tiradii ugu badneyd oo dagaal-yahanno ah ‘oo laga dilay’ Al-Shabab

Jowhar (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, kuwaas oo lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage oo ku sugan gobolka Shabeellada Dhexe ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal ka dhacay deegaanka Galka-Xarareey ay militeriga Soomaaliya ku dileen ugu yaraan laba sarkaal iyo in ka badan 30 dagaalame oo ka tirsanaa kooxda. Khasaarahan ayaa ah kii ugu badnaa ee dhowaanahan soo gaara Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalkaas looga dilay Al-Shabaab waxaa kamid ah madaxii Jabhadaha ee gobolka Shabeellada Dhexe oo magaciisa lagu soo koobay Macalin Yuusuf, madaxii maxkamadda Al-Shabaab ee deegaanka Galka-Xarareey iyo ugu yaraan 30 dagaalame oo kale.

Sidoo kale Taliye Odawaa waxa uu sheegay in 20 dagaalame oo kale ay ciidamadu ku dhaawaceen howlgalkaas, isla markaana ay nolosha ku qabteen laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa sheegay in howlgalkaas uu guuleystay, isla markaana ay jiraan rag loo maleynayo saraakiil sare oo lagu dilay deegaankaas, kuwaas oo xogtooda ay dib kasoo shaaci doonaan xaqiijin kadib.

Maalmihii u dambeeyey degmooyinka iyo deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe ayey ciidamada xoogga dalka waxay kala wareegeen Al-Shabaab, waxayna saraakiisha militeriga Soomaaliya sheegeen inuu socdo qorshe gobolkaas looga sifeynayo kooxda.

Maleeshiyaadkii weeraray Jowhar oo maleshiyo kale soo dhoobay duleedka Jowhar 

Jowhar (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaysa in maleeshiyaadkii Macawiisleyda ahaa ee dhowaan weeraray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle qorsheeyeen in ay markale weeraro ka fuliyaan Jowhar. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in tobaneeyo kamid ah Macwiisleydan oo hubeysan islamarkaana kasoo gudbay soohdinta gobolka Sha/Hoose, oo ay ku soo dhawaadeen gudaha magaalada Jowhar, waxayna halkaas kawadaan abaabul. 

Xubno kamid ah Maleeshiyada Macawiisledyada ayaa sheegay in dedaallo la sameeyay kadib dagaalkii ka dhacay Magaalada Jowhar aysan ka soo bixin wax natiijo ah, islamarkaana hogaamiyihii ka xirnaa looga daray dad kale, taasina ay ku qasbeyso in ay qaadaan wax ku sheegeen duulaan kale oo lagu soo furanayo dadka kaga xiran Saldhigga Jowhar. 

“Maalmahan dhan ayaa arkeyney iyagoo lugeynaya oo ka soo gudbaya Sh/Hoose waxayna noo dhaafeen dhinaca Jowhar wax dhib ahna ma kala kulmin waa wiilasheyna in waxa halkaan dagan yihiin dadkooda,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha ku nool soohdinta Jowhar Sh/Hoose.

Dhinaca kale xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in maamulka HirShabeelle uusan ku baraarugsaneen qatarta iyo abaabulka ka socda duleedka magaalada, islamarkaana ay wajihi karaan weerar kale oo khasaaro u geysta. 

Dagaalkii kan ka horreeyay ee laba todobaad ka hor ka dhacay Jowhar waxaa ku dhintay in ka badan 10 qof oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe. 

Sawirro: Banaanbax ka dhan ah Mareykanka oo ka socda magaalada Addis Ababa

Addis Ababa (Caasimadda Online) – Kumannaan dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Bannaanbaxan ayaa looga soo horjeedaa sida ay sheegeen dowladaha shisheeye ee farogelinta ku haya arrimaha gudaha Itoobiya iyo horumarka dalkaas.

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale sitay boorar lagu taageerayo biyox-reenka lagu muransan yahay ee ay Itoobiya ka dhiseyso Webiga Nile.

Sawirrada Madaxweynaha Ruushka iyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping ayay siteen qaar ka mid ah dibadbaxayaasha iyadoo xiriirka Itoobiya iyo Mareykanka – oo ay mar xulafo dhow ahaayeen – uu sii xumaanayo.

Bannaanbaxan ayaa sidoo kale ka socda qeybo ka mid ah Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ay ka mid tahay magaalada Dhagaxbuur.

Telefishinka Dowlad Deegaanka ee SRTV ayaa soo tebiyay in shacabkii bannaanbaxayay ay ku dhawaaqayeen erayo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan cid walba oo ka xun horumarka Itoobiya.

Mareykanka ayaa dhawaan Itoobiya ku soo rogay xayiraado dhanka socdaalka ah kadib markii lagu eedeyay in ay dowladda weli sii waddo gabood falada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee loo geysanayo qowmiyadda Tigreega .

Abiy ayaa dagaal qaatay 6 bilood la galay xoogaga TPLF kuwaas oo ka soo horjeystay mudda kordhin u sameystay .

Dacwaddii ay DF kusoo oogtay Matt Bryden iyo ajaaniibta kale oo la is-hortaagay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad ka soo baxay maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in maanta loo fariistay dacwado loo heysto ilaa lix qof oo afar kamid ah ay ajaanib yihiin, kuwaas oo la doonayey in dacwadooda la qaado iyaga oo maqan.

Eedeysanayaashaan oo ay horay ugu yeertay maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dhamaantood ah shaqaalaha iyo aas-aasayaasha shirkadda Sahan Research, waxaana loo heystaa falal ay ka mid yihiin faafinta xogaha amaniga Qaranka iyo basaasid siyaasadeed, sida lagu cadeeyey qoraal maanta ka soo baxay maxkamadda.

“Maanta oo taariikdhu tahay 29/05/2021 Maxkamadda G/banaadir waxa ay u fariisatay Gal-dacwadeedka ciqaabta ah ee sumaddiisu tahay MGB/DDL/179/2021, kaas oo eedeysanayaal ka yihiin lix qof oo 4 ka mid ah ay yihiin ajaanib, kuwaas oo dhamaantood ahaa shaqaalihii iyo asasaasayaashii shirkada SAHAN RESEARCH, laguna eedeynayay falal ay ka mid yihiin faafinta xogaha amaniga qaranka iyo basaasid siyaasadeed loona heystay in ay ku xad gudbeen Qod. 199-200-201-202-204-205-71-XCS, iyagoo dhamaantood ay yihiin maqanayaal horayna ay Maxkamaddu u sameysay baafin iyo u yeeritaan laakin ay imaan waayeen, Maxkamadduna ay u qabatay Qareeno difaaca eedeysanayaashaas,” ayaa lagu yiri qoraalka maxkamadda.

Markii ay maanta maxkamaddu bilaawday dhageysiga dacwadda eedeysanayaashaas oo xafiiska Xeer ilaaliyaha guud uu soo jeediyey waxaa eedeymihii loo jeediyey lixdaas qof is-hortaagay qareeno u doodayey, waxayna maxkamaddu balan qaaday inay qaraar ka soo saarayso is hortaaga qareenada.

“Qareenadii waxa ay keeneen fadhigii maanta is hortaag ka dhan ah xaashida eedda, sido kalena Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu ka jawaabay is hortaagaasi, Maxkamadduna waxay kusoo afmeertay fadhigan in ay qaraar ka soo saarayso is hortaagaasi ay keeneen qareenada Difaaca Edeysanayaasha,” ayaa lagu yiri qoraalka maxkamadda gobolka Banaadir.

Shirkadda Sahan Research oo horay looga mamnuucay inay Soomaaliya ka shaqeyso ayaa ka dhega adeygtay go’aankaas, taas oo keentay in maxkamadda gobolka Banaadir looga yeero, fadhigeeda ugu weyn waxay ku leedahay dalka Kenya.

Wasiir Cabdi Waayeel oo ka hor-yimid xil ka-qaadistii lagu sameeyey (Dhageyso)

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirkii uu maanta xil ka qaadista ku sameeyey madaxweyne ku xigeenka Galmudug ee arrimaha gudaha maamulkaas Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabadii xilka looga qaaday.

Cabdi Waayeel oo wareysi siiyey TV-ga Dalsan ayaa sheegay in sharciga u yaalla Galmudug uu qorayo in madaxweyne ku xigeenku awood u leeyahay inuu shaqada ka joojiyo wasiirka oo kaliya, balse uusan xilka ka qaadi karin.

“Madaxweyne ku xigeenku waxa uu leeyahay shaqo ka joojin, laakiin xil ka qaadis awood uma lahan, waxaana aaminsanahay in sharcigu noo dhaxeeyo aniga iyo asaga, warqadaana macno gooniya iima lahan sababtoo ah sharci maaha,” ayuu yiri Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Waxa uu sheegay in arrinta golaha deegaanka degmada Balambal laga faafiyey warar been abuur ah, balse ka wasaarad ahaa ay u arkaan in sidii ugu habooneed ay u soo dhiseen xubnaha golaha deegaanka degmada Balambal ee Galmudug.

Sidoo kale Cabdi Waayeel ayaa sheegay in madaxweyne Qoor Qoor uusan soo saarin amar lagu joojinayo dhismaha golaha deegaanka Balambal, xilli saacadihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in Wasiir Cabdi Waayeel uu dhegaha ka fureystay amar uu madaxweyne qoor Qoor ku joojiyey dhisamaha golaha deegaanka Balambal.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga fal-celiyey xil ka qaadistii uu maanta madaxweyne ku xigeenka Galmudug ku sameeyey wasiirkii arrimaha gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Xildhibaanka ayaa xil ka qaadista Cabdi Waayeel la xariiriyey xiisadda maamul ee ka taagan gobolka Gedo ee Jubbaland, isagoo sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo wakiil uga ahaa inuu xasarad ka abuuro Galmudug, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Hoos ka dhageyso wareysiga 

Mahad Salaad oo tallaabadii uu qaaday Cabdi Waayeel la xiriiriyey xiisadda Gedo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga fal-celiyey xil ka qaadistii uu maanta madaxweyne ku xigeenka Galmudug ku sameeyey wasiirkii arrimaha gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Xildhibaanka ayaa xil ka qaadista Cabdi Waayeel la xariiriyey xiisadda maamul ee ka taagan gobolka Gedo ee Jubbaland, isagoo sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo wakil uga ahaa inuu xasarad ka abuuro Galmudug.

Wasiir Cabdi Waayeel ayaa lagu eedeeyey inuu u kala eexday laba beelood oo wada dega magaalada Balambal ee gobolka Galgaduud, kadib markii uu dhawaan shaaciyey liiska gole deegaanka oo Balambal uu u dhisay, kuwaas oo ku koobnaa beeshiisa.

“Cabdi Waayeel wuxuu islahaa fidnadii Farmaajo Gedo ka sameeyay mid la mid ah adiguna Galmudug ka sameey isagoo Farmaajo wakiil uga ah. Lkn Ilaahey mahadiis madaxda Galmudug goor hore ayay fahamtay dhagartiisa,” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook-ga.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa madaxweyne ku xigeenka Galmudug uga mahad celiyey tallaabadii uu xilka uga qaaday Wasiir Cabdi Waayeel.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid go’aanka geesinimada leh ee uu qaatay iyo sida Galmudug uu uga badbaadiyay fidnada ay kula meeraysanayeen Cabdi Waayeel iyo qoloda shirkada kula ah,” ayuu yiri Mahad Salaad.

Daqiiqado kadib laba habeen ka hor markii wasaaradda arrimaha Galmudug ay shaacisay liiska golaha deegaanka Balambal, waxaa si adag uga hor yimid siyaasiyiin ay ugu horeeyaan Xildhibaan Mahad Salaad iyo guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Cali Yare oo beeshoodu ay wax ka degto Balambal.

Wasiirka ayaa la sheegay inuu dhegaha ka fureystay amar uga yimid madaxweynaha Galmudug oo ahaa inuu hakiyo dhismaha golaha deegaanka Balambal oo ay isku heystaan beelaha Mareexaan iyo Habargidir, kuwaas hadda qarka u saaran inay isku dhacaan, waxaana la sheegay in xil ka qaadistaan lagu qaboojinayo xiisadda.

Hoos ka eeg warqadda xil ka qaadista

Xog: ROOBLE oo safar ugu baxaya KENYA + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wada inuu safar ugu ambabaxo magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sida qorshaha uu yahay Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa tagi doona Kenya, kadib markii  heshiis laga gaaray khilaafkii doorashada ee mudada badan soo jiitamayay, kaasi oo muddooyinkii dambe uu ku howlanaa ra’iisal wasaaraha.

Xogta ayaa sheegaysa in ra’iisal wasaaraha uu casuumad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, waxaana lagu wadaa in safarkaan uu noqdo mid xal looga gaaro mad-madowga soo kala dhex-galay labada dal.

Weli lama shaacin taariikhda rasmiga ah ee safarka Rooble, waxaase loo badinayaa toddobaadkan gudihiis. Rooble iyo Kenyatta ayaa laba toddobaad kahor si kooban ugu kulmay Jabuuti, halkaasi oo ay uga wada qeyb galeen caleemo-saarkii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Kenya ayaa hore xayiraad ugu soo rogtay duulimaadyada iskaga kala goosha labada dal, taasi oo saameyn xoogan ku yeelatay isku socodka labada dal, waxayna dad badan ku kala xaniban-yihiin caasimadaha labada dal, ayada oo go’aankan uu dhaawac xooggan gaarsiiyey ganacsatada Soomaaliyeed.

Safarka Rooble ayaa waxaa la filaya in xal looga gaaro arrinta duulimaadyada, ayada oo meesha laga saarayo khilaafka soo cusboonaaday ee labada dal, xili si rasmi ah dib loogu soo celiyay xiriirkii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa ku guuleystay in dalka uu u jiheeyo dhankaa iyo doorasho, isagoo dib usoo celiyay is-aaminadii madaxda dowladda, kuwa maamul goboleedyada iyo saamileyda siyaasada oo hore ugu kala tagay khilaafka doorashada.

Ilaa iyo hadda lama ogo in safarka Rooble uu qeyb ka yahay is-faham ay labada dal ka galayaan arrinta qaadka oo keentay in Kenya ay xayiraad kusoo rogto duulimaadyada, midaasi oo ganacsatada qaadka Kenya ay cadaadis hor leh ku saarayaan dowladdooda Kenya.

Sawir: Sacuudi Carabiya oo bedeshay astaantii gaallada u diideysay inay galaan Medina

Medina (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa beddelay astaantii ay ku qorneyd “Muslimiinta Kaliya” ee ku dhegganeyd waddo gasha Masjidka Nebiga SCW ee magaalada Medina, oo ah goobta labaad ee ugu barakeysan Islaamka kadib Makkah.

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya in waddaddii lagu fujiyey astaantaas lagu dhejiyey mid cusub oo ah “Aagga Xaramka” oo loola jeedo Xaramka Medina. 

Ma cadd sababta ay dowladda Sacuudiga u qaaday tallaabadan, mana jiro wax rasmi ah oo kasoo baxay, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay dhiiri-gelineyso in gaalada ay tegi karaan magaalada, xilli ay dooneyso inay sare u qaaddo dalxiiska.

Qaar ka mid ah muwaadiniinta Sacuudiga ayaa amaanay tallaabadan ayaga oo sheegay inay muujineyso in boqortooyada ay dulqaad u muujineyso dadka aan Muslimiinta aheyn oo laga mamnuucay inay galaan goobaha barakeysan.

Marka ay noqoto magaalada Medina, gaallada ayaa waxaa ka mamnuuc ah kaliya inay tagaan Masjidka Nebiga SCW iyo hareerihiisa, hase yeeshee magaalada kale waa ay tegi karaan. 

Waxay sidoo kale ku doodeen inay tani ay dhiiri-gelin karto dalxiiska kuwa aan Muslimiinta aheyn iyo dadka haysta dhaqamada iyo diimaha kala duwan, taasi oo gacan ka gaysan karta qorshaha dhaqaalaha dalkaas sare loogu qaadayo ee Vision 2030, ee uu billaabay dhaxal-sugaha dalkaas Mohamed Bin Salman.

Dowladda Qatar oo farriin cusub usoo dirtay Soomaaliya

Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa farriin taageero iyo is-garabtaag ah usoo dirtay Soomaaliya, kadib qaraxii xalay ka dhacay magaalada Baydhaba oo lagu dilay dad shacab ah, kuwa kalena lagu dhaawacay.

Qaraxa ayaa ka dhacay suuqa qaadka lagu iibiyo ee bartamaha magaalada Baydhaba, xili ay ka taagneyd saxmad aad u badan, sida ay Caasimada Online u sheegen dad goobjoog ah, waxaana uu sababay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 7 qof kale.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Qatar ayaa lagu sheegay in Doha ay si xooggan u cambaareyneyso qaraxaas, oo lagu beegsaday laguna dilay oo lagu dhaawacay dad shacab ah. 

Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar ayaa intaas ku daray in dowladda ay mowqif adag ka taagan tahay diidmada rabshadaha argagixisada, ujeeedka ay doonaan ha lahaadaan’e.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in Qatar ay tacsi u direyso qoysaska dhibanayaasha iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ayna u rajeyneyso kuwa dhaawaca ah inay deg deg usoo bogsadaan.

Cambaareynta Qatar ayaa imaneysa xilli Qatar lafteeda horey loogu eedeeyey inay ku lug leedahay qaar ka mid ah weerarada argagixiso ee ka dhaca gudaha Soomaaliya.

Bishii July ee 2019, wargeyska New York Times ee laga leeyahay dalka Mareykanka  ayaa daabacay cod maqal ah oo ay kuwada sheekeysteen nin ganacsade ah oo u dhaw Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa iyagoo kawada hadlaya qarax ka dhacay Boosaaso iyo dil isla magaalada loogu gaystay madaxii DP World ee dekadda Boosaaso.

Ganacsadaha ayaa u sheegay safiirka iney ka warqabaan dilka iyo qaraxa oo sida uu sheegay ay ka dambeeyaan xulafadooda, si Imaaradka uu uga guuro magaalada Boosaaso cabsi darteed. Qaraxaas Qaraxaas, oo ay sheegatay kooxda Daacish ayaa waxaa ku dhaawacmay 8 qof.

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Galmudug oo xilka laga qaaday

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuixigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Mohamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Waraaqda xilka looga qaaday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Galmudug ayaa waxay kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug, waxaana ku saxiixnaa madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo hadda si ku meel gar ah xilka u hayo, maadaama Qoor Qoor uu ku sugan yahay Muqdisho.

Xil ka qaadistan ayaa daba socota xiisad ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka Balanbale oo la isku qabsaday qaabkii xubnaha deegaanka loo qeybiyay, taasi oo maamulka Galmudug uu ka hor-yimid

Dhismaha Golaha deegaanka Balanbale ayaa waxaa ka dhalatay colaad dhanka qabiilka ah, waxayna Galmudug hakad gelisay dhismaha maamulkaas kadib markii beel kamid ah beelaha dago Balanbale la siiyey tirada ugu badan xubnaha deegaankaas.

Wasiirka xilka laga qaaday ayaa lagu eedeeyey inuu isaga ka dambeeyo qaabka loo xulayo xubnaha deegaanka Balanbale, waxayna taas keentay in ugu dambeyn uu xilkiisa ku waayo.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda xil ka qaadista

Is-rasaaseyn uu ku leg leeyahay sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Badbaado Qaran oo Muqdisho ka dhacday

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin ayaa kasoo baxeysa Israsaaseyn ciidamo ka wada tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya maanta ku dhexmartay magaalada Muqdisho.

Israsaaseynta ayaa dhexmartay ciidamo ka amar qaata sarkaal lagu magacaabo Liibaan madaxweyne iyo ciidamo militari ah, waxaana ay rasaasta bilaabatay kadib markii ciidanka militariga rasaas ay ku furanayeen ciriir ka jiray Isgoyska Warshadda Caanaha ay ka shakiyeen ciidanka Liibaan Madaxweyne oo ku sugnaa goobta.

Liibaan Madaxweyne ayaa ka mid ahaa saraakiishii hoggaamineysay Ciidamada Badbaado Qaran ee ka hortagay muddo kororsigii madaxweyne Farmaajo, islamarkaana horseeday in la helo heshiis doorasho.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in israsaaseynta ciidamada dowladda ay ka gaysatay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku dhintay hal qof oo shacab ahaa, halka mid kalen uu dhaawac soo gaaray.

Goor dambe ayaa la sheegay in saraakiisha ciidamada ee is-rasaaseeyay ay is fahmeen, waxaana kadib si caadi ah dib ugu soo laabtay isku socodka gaadiidka iyo dadka ee Isgoyska Warshadda Caanaha oo daqiiqado kooban hakad galay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale ay is-rasaaseyn geysatay khasaaro kala duwan ay ku dhexmartay cidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, oo inta badan kala shakiyey.

Sawirro: Saddex dhinac oo iska kaashanaya sugidda amniga doorashooyinka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta kulan ku yeeshay Teendhada Afisiyooni Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta, Madaxda Shanta Dowlad Goboleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoominayey kulanka, waxayna wararka sheegayaan in looga hadlay sidii loo fulin lahaa heshiiskii ay Khamiistii Muqdisho ku kala saxiideyn Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo sugi lahaa amniga doorashooyinka, islamarkaana amniga loogu wareejin lahaa saddex dhinaca oo kale; Ciidamo Boolis ah oo ka socdo Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada iyo Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Rooble ayaa Beesha Caalamka uga warbixiyey heshiiskii ay wada saxiixdeyn madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe, waxayna Rooble iyo Madaxda Maamu Goboleedyada si wadajir ah uga codsadeyn beesha Caalamka inay fududeyso lacagaha doorashada oo xoogeeda iyaga laga sugayo.

Wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha ee Khamiistii laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka, iyagoo ballan qaaday sida ay uga go’an tahay taageeridda dhaqan gelinta heshiiska doorashooyinka ee la saxiixay.

Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa ku baxeyso lacag aad u badan, waxaana 10 Malyan oo kamid ah laga sugayaa Qaramada Midoobay, UK, Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Khamiistii la soo dhaafay ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa ay siwadajir ah u saxiixeen heshiis doorasho oo ay ku gaareen Shir Afar Maalin uga socda Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Sawirro: DF Soomaaliya oo soo bandhigtay CIIDAMO cusub oo loo soo tababaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay ciidamo cusub oo ka mid ah kuwa Kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar culus kusoo qaatay gudaha dalka Turkiga.

Ciidamadan oo soo qatay tababar noocyo kala duwan leh ayaa tababarka loogu soo xiray Dugsiga Isparta ee Dalka Turkiga, waxaana munaasabadda xiritaanka tartankaasi ka qeyb-galay saraakiil ka kala tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowladda Turkiga.

Sidoo kale ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa goobtaw axa ay ku soo bandhigeen dhoolatus iyo gaaddo ka ciyaar aad u sarreeya.

General Maxamed Maxamuud Xuseen (Garabey) oo ah u qeybsanaha arrimaha ciidamada ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga oo madasha ka hadlay ayaa ayaa sheegay in dufacddan tii 7-aad ee lagu soo tababara Turkiga, ayna sii socon doonaan tababarada.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey dowladda Turkiga, sida ay Soomaaliya uga caawineyso dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka.

“Runtii maanta waa maalin weyn oo maalmaha wanaagsan na soo maray ka mid, waa xafladii todobaad, haddana wey sii soconeysaa, waxaana nasiib wanaag inoo ah inaan maqalno in dhalinyaro ka mid ah ciidanka Xoogga dalka 3-dii biloodba mar ay qaataan tababar qaas ah oo loogu talagalay in ciidanka xoogga dalka lagu tayeeyo,” ayuu yiri.

Askarta tababarka loo soo xiray oo aan tiradooda la shaacin ayaa ka qeyb-qaadan doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah ee Al-Shabaab.

Si kastaba, Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaan arrimaha ciidanka, caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Siyaasiyiinta beesha Gedo oo ka horyimid qodobada Gedo ee heshiiska doorashada

Garbahareey (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Gedo ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan qodobada qaar ee lagu heshiiyay ee ka soo baxay kulankii Golaha Wadatashiga Qaranka oo maalin ka hor lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Shirkii ku dhawaad todobaadka ka socday teendhada Afisyooni waxaa ka soo baxay qodobo qaarkood looga heshiiyey hanaanka loo soo dooranayo xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay gobolka Gedo, balse siyaasiyiinta u hadlay gobolkaas waxay qaadaceen qodobadii ka khuseeyey heshiiska.

Madaxdii ku shirtay Muqdisho waxay go’aamiyeen in doorasho uu garwadeen ka yahay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka, Maxamed Xuseen Rooble ay ka dhacdo Garbahaarey, taas oo inta badan qaban qaabada maamulkeeda uu leeyahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Siyaasiyiinta qaar ee ka soo jeeda Gedo oo warbaahinta la hadlay waxay aad u dhaliileen inta heshiiskaas fulintiisa ka khuseyda Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ay sheegeen in aysan u aqoonsaneyn madaxweyne sharci ku maamula Jubbaland.

“Heshiiskaas qeybtiisa ku saabsan Jubbaland waan qaadacsanahay, sida aad ogtihiin dhismihii u dambeeyey ee Jubbaland waxaa isku caleema saaray ninka hada madaxweynaha ka ah, dowladda dhexe waxay u ogolaatay laba sano in doorasho kale lagu qabto, bisha 8-aad ayuuna ku egyahay waqtigii loo ogolaaday inuu Jubbaland sii maamulo, in bisha 8-aad ay Jubbaland doorasho gasho wax aan aheyn oo naga khuseeya heshiiskaas ma jiraan,” ayuu yiri mid ka mid ah siyaasiyiinta reer Gedo oo BBC la hadlayey.

Waxa uu sheegay inuu ka mid yahay gole la magac baxay ‘Raadinta Jubbaland loo dhanyahay’ isla markaana ay ku mashquulsan yihiin sidii maamul cusub loogu dhisi lahaa seddaxda gobol ee Jubbaland la isku yiraahdo, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda federaalka oo is qabqabsiga dhismaheeda uu batay ayaa aad dib noogu riixay, waxyaabo badan oo aan dooneynay in lasoo dedejiyo waxaa dib u dhigay wadaxaajoodyadaan daba dheeraaday ee doorashooyinka, balse anagu wax walba waan isku daynay,” ayuu yiri Afhayeenka golaha Raadinta Jubbaland loo dhanyahay Cabdi Daahir Xasan.

Ugu dambeyntii ururkan ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in nabadeyn iyo dib u heshiisiin ay ka dhacday gobolka, balse ay doonayaan in saddexda gobol ee Jubaland ay ka qabsoonto dib u heshiisiin loo dhan yahay, si loo ambaqaado doorashada maamulka.

Taariikhdii Cabdiqaasim iyo Cabdullaahi Yuusuf oo mar kale dib isu qoreysa

Wixii dhacay ha noqdaan casharo lagu waano qaato: waa hadal ay Soomaalida siyaasiyiinta ah adeegsadaan marka dhibaato laga gudbo. Casharo lagu waano qaato oo aad u fara badan ayaa na soo maray, balse ma badna inta ku waano qaadata.

October 15, 2002, waxaa shir ay gar wadeen ka tahay IGAD loogu qabtay siyaasiyiinta Soomaalida magaalada Eldoret ee dalka Kenya. Xilligaas shirka uu furmayo, waqtigii madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan la siiyay ee saddexda sanno ahaa waxaa ka harsan 9 bilood oo keliya.

Si ka duwan shirkii Carta ee dhalay TNG-da Cabdiqaasim Salaad Xasan 2 sanno ka hor waqtigaas, shirkaan waxaa u dhan hoggaamiye kooxeedyadii dalka, garabyada kale ee siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo weliba Dowladda KMG ahayd ee Cabdiqaasim.

In kasta oo uu diidannaa shirka, haddana madaxweyne Cabdiqaasim wuxuu Eldoret u diray wafdi ay hoggaaminayaa RW Xasan Abshir Faarax (AUN) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdalla Deerow Isaaq (AUN).

Sida ay labadaan mas’uul sheegeen, dowladdii ay madaxdeedu ka mid ahaayeen waxay ku guuldaraysatay in ay meel mariso himilooyinkii Carta laga keenay oo ay ka mid ahayd in dalka 3 sanno kaddib doorasho la gaarsiiyo laba sababood dartood:

1- Hoggaamiyayaasha mucaaradsan oo hubeysnaa
2- In beesha caalamka taageero laga waayay.

Soomaalidii ku shirsanayd Kenya waxay July 5, 2003 gaareen heshiis qeexaya nooca dowladda la dhisi doono iyo xeerka ay ku shaqayn doonto balse waxaa qaadacay oo diiday inuu saxiixo madaxweyne Cabdiqaasim asagoo sheegay in dowlado shisheeye ay dabada ka riixayaan in Soomaaliya la kala jarjaro, in lala dirirsan yahay dhaqanka Soomaalida, Carabina aan axdiga lagu xusin.

Xilliga uu Cabdiqaasim shirkaas socday 7 bilood uu qaadacayo, Nairobina uu ka dhoofayo, waxaa dhicitaanka muddo xileedkiisa ka dhimman bil iyo 7 maalmood (August 12). Cabdalla Deerow iyo Xasan Abshir waxay ku eedeeyeen Cabdiqaasim inuu doonayo muddo kororsi, sidaasna uu u qaadacay shirka, balse ay ayagu TNG-du wakiil ka yihiin, beeshana caalamka ayay ka codsadeen in dhammaan xubnaha baarlamaanka ka jooga Xamar la soo raro.

Sida la filayay August, waxaa fadhiistay baarlamaanka oo lagu muransanaa kooramkiisa, guddoomiye ku xigeenkii baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa ku dhawaaqay muddo kororsi, madaxweyne Cabdiqaasim-na wuxuu sheegay in baarlamaanka uu jiri doonno illaa doorasho xur iyo xalaal ah dalka laga gaarsiinayo. Isla bishii August, baarlamaanka ayaa xilkii ka xayuubiyay Xasan Abshir iyo Cabdalla Deerow kaddib markii ay muddo kordhintii diideen. 

Beesha caalamka cadaadis adag ayay saartay madaxweyne Cabdiqaasim, sidoo kale Cabdalla Deerow iyo Xasan Abshir waxay Nairobi ku soo bandhigeen 132 xildhibaan oo ka mid ah 245 xildhibaan ee baarlamaanka, 32 wasiir oo dhamaantood sheegay in ay muddo kordhintu diidan yihiin.

Madaxweyne Cabdiqaasim wuxuu bedelay xildhibaanadii ka hor yimid, wuxuuna guddoomiye baarlamaan ka dhigay xildhibaan Mustaf Mukhtaar Guudow, halka uu RW u magacaabay xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ahaa. In kastoo ay TNG-du qeybsantay, haddana Winston Tubman oo ergayga Qaramada Midoobay ahaa iyo Ambassador Kiplagat oo shirka hoggaaminayay, marna shirka uma hakin diidmada Cabdiqaasim.

Dec, 2003, Cabdalla Deerow Isaaq ayaa sheegay inuu isaga uu madaxweyne yahay, xilkiina uu ka xayuubiyay Cabdiqaasim. Waxaa sidoo kale soo baxay Cabdinuur Darmaan oo madaxweynenimo sheegtay, oo markii dambena la wareegay Guddoomiyii cusbaa ee Baarlamaanka Mustaf Mukhtaar Guudow!

Col. Cabdullaahi Yuusuf oo noqon doona madaxweynaha DKMG ah wuxuu ka faa’ideystay maqnaanshaha garabka TNG-da Muqdisho, wuxuuna saameyn ballaaran ku yeeshay howlaha shirka.

Cadaadis dheer gudaha iyo dibadda ah kaddib, madaxweyne Cabdiqaasim wuxuu ku qancay in muddo kororsiga uusan sii jiri karin, wuxuuna February 2004 aqbalay heshiiskii uu diiday, kaddib markii uu baarlamaanka geeyay, ayna ansixiyeen. 

Siddeed bilood kaddib, madaxweyne Cabdiqaasim Salaad oo xilka looga guuleystay, ayaa garoonka Kasarani ee Nairobi ku aqbalay natiijadii uu ku soo baxay Col. Cabdullaahi Yuusuf. Madaxweyne Cabdiqaasim wuxuu tanaasulay wareeggii koowaad kaddib markii uu galay kaalinta 5-naad, halka Maxamed Qanyare Afrax uu galay kaalinta 3-aad!

Casharo!

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Feysal Cali Waraabe oo shaaciyey dhibaato ay kala kulmeyn wada-hadallada DF

Hargeysa (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa eedeyn culus usoo jeediyey Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waqtigeeda dhamaaday ee uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay burburisay dhammaan heshiisyadii ay horey ula galeyn madaxweynayaashii horey usoo maray Soomaaliya tan markii ay ku dhawaaqeyn inay ka go’eyn Soomaaliya.

Guddoomiyaha UCID oo la hadlayey taageerayaashiisa ayaa madaxda Somaliland ugu baaqay inay joojiyaan wada-hadallada u dhaxeeyo Somaliland iyo Soomaaliya.

Waraabe ayaa xusay in Somaliland ay dhibaato xoog leh kala kulantay wada-hadalada ay kula jirto Soomaaliya, wuxuuna sheegay in wada-hadaladaas ay sabab noqdeyn inay Somaliland weyso aqoonsiga ay adduunyada ka raadineysay.

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay  in Wada-hadalladii Somaliland la gashay Soomaaliya ay Sumcad u soo jiideen Dawladda Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid aan jirin oo Magac uun ah.

“Nidaam iyo dowlad aan jirin ayaynu Adduunka ka sharciyaynay, iyaguna way ka faa’iidaysteen, wixii aynu la galnay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh way baa’biisay dowladdan hadda joogta ee Farmaajo” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

“Baarlamaanka cusub markuu yimaaddo ajendaha ugu horeeya waxa weeyaan in wada-hadallada la joojiyo oo inagu aynu Adduunka la macaamilno,” Ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Wadahadalada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ayaa in muddo ah ahaa kuwa soo jiitamaayey iyadoo ilaa hadda aan xal rasmi ah laga gaarin arrimaha uu muranka ka taagan yahay.

Afartii Sano ee uu xilka hayey madaxweyne Farmaajo ayuu ku guuldareystay inuu Somaliland ku qanciyo midnimada Soomaaliya, waxayna wada-halada Soomaaliya iyo Somaliland ay galeyn marxad aad u adag.

Kumanaan arday ah oo u fariisatay maanta imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah dalka waxaa maanta si rasmi ah uga billowday imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsi Sare, kaas oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya.

Imtixaankan oo ah mid sanad-le ah ayaa waxaa uu fariistay illaa 42, 000 (Afartan & laba Kun) oo Arday ah, sida ay shaacisay wasaaradda waxbarashada ee dowladda dhexe.

Ardayda galeysa imtixaankan ayaa sidoo kale ku kala sugan gobolka Banaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hir-Shabelle iyo Galmudug.

Warbixin kasoo baxday wasaaradda ayaa lagu sheegay in imtixaanka maanta la daah-furay uu socon doono shan cisho, isla-markaana ay ammaanka sugayaan ciidamada dowladda.

Sidoo kale mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay inay qaadeen tallaabooyin dheeraad ah, isla-markaana lagu kalsoonaan karo imtixaanka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo si rasmi daah-furay imtixaankan ayaa isna shaaca ka qaaday inay guul u tahay dowladda dhexe qaadista imtixaanka qaran ee shahaadiga ah, isagoo baaq culus u diray waalidiinta Soomaaliyeed.

Waa sanadkii todobaad oo xiriir ah oo ay dowladda Soomaaliya qaadeyso imtixaanka dugsiga sare, iyada oo loo diyaariyay qaab waafaqsan nidaamka waxbarashada dalka.

S kastaba ha’ahaatee todobaadkii hore ayaa waxaa isna la soo gabagabeeyey imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe oo ay u fariisteen in ka badan 26-kun oo Arday ah.

Sarkaal ka tirsan Jubaland iyo ilaaladiisa oo qarax lagu dilay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax nooca miinada ah oo ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland saacadihii lasoo dhaafay lagula beebgsaday qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamo ka tirsan kuwa Darawiishta Jubbaland lala eegtay, xilli ay ku socdaalayeen wadada dheer ee isku xirta degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqaani oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay ciidamada Jubbaland, isla-markaana uu geystay dhimasho iyo dhawaac.

Inta la ogyahay illaa afar askari oo uu ku jiro sarkaal sare ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay qaraxaas oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Sarkaalka lagu dilay qaraxaasi ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Carab, iyada oo sidoo kale ay dhaawacyo soo gaareen qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Ma jirto illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ay ka bixiyeen qaraxaasi iyo khasaaraha uu geystay.

Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ayaa inta badan weerar isugu jiro qaraxyo iyo kuwa toos ah oo khasaare geysta ka fulisa deegaanada maamulka Jubbaland.

Golaha Ammaanka QM oo warbixin cusub kasoo saaray xaaladda Soomaaliya (Aqriso)

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa Jimcihii soo dhoweeyey heshiiskii ay Khamiistii gaareen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya ee ku aadan doorashooyinka, kaasi oo laga rajo qabo inuu dalka ka weeciyo xasarad

War-saxaafadeed kasoo baxay, ayey xubnaha Golaha Ammaanka ku amaaneyn hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay hormariyeen danta xasilloonida, ammaanka iyo horumarka dalka, iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Waxay sidoo kale soo dhoweeyeen ka go’naanta ah in la qabto doorshooyin nabad ah, daahfuran, loo dhan yahay, la iskuna haleyn karo, ayada oo la ilaalinayo qoondada haweenka ee baarlamanka oo ah 30%. 

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku dhiiri-geliyey hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay sii wadaan dardarta, si ay u dhacaan doorashooyinka. 

Waxay sidoo kale ku booriyeen dhammaan dhinacyada Soomaalida inay sii wadaan wada-hadallo furan oo wax ku ool ah, si dhibaatooyinka ka dhalan kara heshiiska loogu xaliyo si deg deg ah, waxayna soo dhoweeyeen heshiiska lagu aas-aasayo guddiga xalinta khilaafaadka. 

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaaa ammaanay taageerada howlgalka QM ee Soomaaliya ee UNSOM iyo Amisom ay siiyaan Soomaaliya, waxayna taageero buuxda u muujiyeen labadaan howlgal 

Heshiiska doorashooyinka ayaa dhigaya in dalka doorashooyin baarlamaan iyo mid madaxweyne looga qabto 60 maalmood gudahood.

Howl-gal ‘lagu laayey’ xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka dhacay SH/ DHEXE

0

Jowhar (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage oo u warramayey warbaahinta ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gallo ballaaran oo ay ciidamada milatariga Soomaaliyeed ka sameeyeen deegaanada War-Ciise iyo Gal-labashiir oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Odowaa ayaa sheegay in howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ay ku beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, isla-markaana ay khasaare ku gaarsiiyeen.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in howl-galladaasi ay ku dileen ugu yaraan illaa 15 dagaalyahan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadu ay guullo waa weyn ka gaareen dagaalladii u dambeeyey ee ka dhacay gobolkaasi, kuna qabsadeen deegaano horleh.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in sii laba jibaari doonaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan deegaanada maamulka HirShabelle.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa xoojiyey howl-gallada wadajirka ah ee ay ka wadaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba, Al-Shabaab oo weeraro qorsheysan sopo abaabusha ayaa weli ku sugan deegaano badan oo ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.