25 C
Mogadishu
Monday, July 13, 2026

Cumar Filish oo ballan-qaad muhiim ah ka helay wasiir ka socda Sweden + Video

Muqdisho (Caasimada Oline) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shalay xarunta Aqalka dowlada hoose ee Xamar ku qaabilay Wafdi uu hogaaminaayay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden, Per Olsson Fridh oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen u qaabilsanaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden ee dhinaca Africa, Safiir Kuxigeenka Sweden, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal iyo La-taliyeyaal ayaa looga hadlay taageerada Sweden ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Filish ayaa ugu horeyn waxa uu ugu mahad-celiyay dowlada Sweden taageerida ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoona dhinaca kale ugu warbixiyay Horumarada ka socda caasimada Soomaaliya, Arrimaha Barakacayaasha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo qorshaha maamulka gobolka Banaadir ee dhinaca horumarinta iyo Adeegyada Bulshada.

Wasiirka ayaa bogaadiyay warbixinta Filish, wuxuuna ku bogaadiyey maamulka gobolka Banaadir Howlaha dib-u-dhis iyo midka adeegyada Bulsho ee ka socda gobolka.

Per Olsson ayaa u ballan-qaaday guddoomiye Filish inay si dhaw ula shaqeyn doonaan maamulka gobolka Banaadir, islamarkaana ay ka taageeri doonaan dhinacyada horumarinta, dib-u-dhiska iyo Adeegyada Bulshada.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa ugu dambeyntiina waxa uu Wasiirka ka socday dalka Sweden guddoon-siiyay hadiyado isugu jiro Shahaado Sharaf iyo Dharka Hidaha & Dhaqanka Soomaaliya.

PUNTLAND oo howl-gal ku dishay saraakiil Daacish ah

0

Garoowe (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland ayaa waxaa faah faahin looga bixiyey howl-gal qorsheysan oo ay ka fuliyeen dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee maamulkaasi.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkaasi oo laga fuliyey togga Il-Cameyra ee buuraleyda Calmiskaad lagu dilay saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Daacish.

Sidoo kale Puntland ayaa shaaca ka qaaday in saraakiisha la dilay uu ka mid ahaa Khaalid Jaamac Usmaa oo u dhashay Pakistan, kana mid ahaa saraakiisha sare ee Daacish.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay weerarkan qorsheysan ay ku dishay illaa labaatameeyo kale oo ka tirsanaa dagaalamayaasha kooxda Daacish oo ku xoogan buuraha gobolka Bari.

Ugu dambeyn qoraalka kasoo baxay taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in sidoo kale ciidamadu ay ku burbiriyeen xaruntii dhexe ee Daacish ku lahayd togga Il-cameyra, halkaas oo hub iyo raashin ugu kaydsanaa.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Daacish, faraceeda Soomaaliya oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada ammaanka Puntland.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ayaa xoojiyey dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan deegaanada dhulka buuraleyda ee gobolka Bari, halkaas oo ay fariisimo milatari ku leeyihiin dagaalyahano hubeysan oo ka kala tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Midowga Musharaxiinta oo kala caddeeyey inay sii jiri doonaan iyo in kale + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa maanta shir gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kadib markii maalin ka hor la kala saxiixday heshiis doorasho oo rasmi ah, waxayna isku raaceen inay sii jiraan.

Kulankii maanta ee xubnaha Midowga Musharaxiinta waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin aayaha dambe ee golaha iyo doorkooda ku aadan fulinta heshiiskii la gaaray, waxayna soo dhaweeyeen heshiiska laga gaaray khilaafkii doorashooyinka dalka.

Afhayeenka Golaha Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta u faahfaahiyey waxyaabihii ay kulankaas uga wadahadleen ayaa yiri, “Waxaan maanta qabsanay shirkii ugu horeeyey kadib markii la saxiixay heshiiskii doorashooyinka. Waxaana bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeynaynaa heshiiskaas, waxaana cadeyneynaa inaan u taaganahay fulintiisa inaan ka qaada doono kaalinta nooga aadan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirkooda maanta ay uga hadleen qodobo ayaga si gaar ah u khuseeyey, isla markaana ay ka doodeen sidii ay u meel mari lahaayeen kaalintooda, isagoo xusay in golahan uu sii jiri doono.

“Goluhu waxa uu ka dooday oo isla meel dhigay in dadaalkii iyo howlihii uu waday ee ku aadanaa dowlad dhisidda Soomaaliyeed heshiiskaas kadib aan lagu kala tegin, isla markaana dadaalkoodu uu sii soconayo, ilaa dalka doorashadiisa ay ka meel mareyso,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Sidoo kale Daahir Geelle waxa uu sheegay in shirkii maanta ay ku go’aamiyeen in mahadcelin ballaaran ay u jeediyaan ciidanka Qaranka, madaxda dowlad goboleedyada, ra’iisul wasaaraha iyo dhammaan intii ka hor tagtay mudo kororsigii fashilmay ee uu sameystay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan rabnaa inay shalay maanta ku ilaawaan, oo wixii dhacay laga gudbo, isla markaana loo jeesto aayaha berito, waxaana bogaadineynaa dadaalladii lasoo sameeyey, waxaana balan qaadeynaa in danta bulshada Soomaaliyeed aan mar kasta u tanaasuli doono,” ayuu yiri Afhayeenka Golaha Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle.

Hoos ka Daawo

Faahfaahin ku saabsan qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoog leh ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel aad ugu dhaw Barta-Control ee laga ilaaliyo wadada aada dhinaca garoonka Aadan Cadde.

Nooca qaraxaas oo ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa lagu bartilmaameedsaday sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya, balse waa uu ka badbaaday, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dhanka ammaanka ah.

Gaari nooca aysan xabadu karin ah oo uu watay sarkaal lagu magacaabo Maxamed Daahir oo kamid ah saraakiisha sare ee ciidanka booliska Soomaaliya ayuu haleelay qaraxaas, xilli uu marayey agagaarka Hotel Afrik.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ilaalada sarkaalkaas ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxaas.

G/Sare Maxamed Daahir ayaa horay taliye uga soo noqday qeybaha Saldhig Galbeed, Wiyow Cadde iyo Saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama aysan bixin qaraxaas caawa ka dhacay Muqdisho, ee lagu bartilmaameedsaday saraalkan ka tirsan booliska Soomaaliya.

Xalka arrinta Gedo: Kaalinta Rooble, Axmed Madoobe iyo AMISOM (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – War-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa si gaar ah loogu faah-faahiyey qaabka looga heshiiyey arrinta Gedo, oo qeyb ka aheyd qoddobada ugu adkaa ee heshiiska laga gaaray.

Golaha ayaa go’aamiyay abuurida guddi dib u heshiisiineed oo ka kooban dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo aysan ku jirin Jubbaland, guddigaas oo lagu soo magacaabayo 3 maalmood gudahood, taasi oo ka bilaabaneysa maalinta heshiiska la saxiixay.

Madaxda shirweynihii doorashada ayaa go’aamiyay in Rooble uu garwadeen ka noqdo amniga iyo dib u heshiisiinta gobolka Gedo, xili ay hore ugu sugnaayeen ciidamo si gaar ah uga amar qaata madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.

Go’aanka ay mas’uuliyada doorashada Gedo u saareen Rooble ayaa lagu sheegay si ay habsami uga dhacdo doorashada xildhibaannada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa la siiyey awooda magacaabista xubno maamul cusub oo ay yeelato degmada Garbahaarey, kuwaas oo lagu wado inay usoo gudbiyaan guddiga dib u heshiisintu.

Shaqada loo igmaday guddiga dib u heshiisiinta Gedo ayaa lagu sheegay inay tahay dhameystirka qorshada xasilinta gobolka iyo jawiga qabsoomida doorashada Garbahaarey oo loo muddeeyay muddo 30 cisho oo ka bilaabanaysa maalinta la magacaabo, sida ku qoran war-murtiyeedka.

Sidoo kale waxaa la isla qaatay in Ciidamada booliska AMISOM la geeyo Garbahaarey, kuwaas oo sugaya amniga magaalada iyo goobta ay ka dhacayso doorashada.

Heshiiska laga gaaray arrinta Gedo ayaa inta badan waadaqsan soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo.

Waxaa xusid mudan in heshiiska doorashada ee qeybta ka tahay arrinta Gedo in la gaaray ayada oo ka maqan yahay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, oo ay xiisada gobolkaas si gaar uga dhaxeysay Axmed Madoobe.

Si kastaba, dalka ayaa u jiheystay dhanka iyo doorasho kadib is-qab-qabsi badan oo ka dhashay khilaafkii doorashooyinka oo kal hore caasimada ka riday qalaalase amni.

Fanaan Sharma Boy oo lagu xiray Garoowe + Sababta

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Garoowe ayaa xabsiga u taxaabay fanaan Sharmaarke Cabdinaasir oo la garan ogyahay Sharma Boy, kadib markii uu maanta barqadii shil ku galay duleedka magaaladaas.

Shilka ayaa dhacay kadib markii uu rogmaday gaari uu waday Sharma Boy, kaasi oo sababay dhimashada hal ruux oo dumar ah iyo dhaawac. 

Sharma Boy ayaa loo haysta in uu mas’uul ka yahay shilkaas gaari, maadama uu wade ka ahaa gaarigaas oo ay saarneeyn koox fanaaniin ah.

Gaariga oo ahaa nuuca raaxada ah ayaa ku qalibmay deegaanka Buurawadal oo waqooyi kaga beegan Garowe, halkaas oo ay ku dhimatay gabadh lagu magacaabo Siciido Jaamac Mire iyo dhaawaca Cabdi Naasir  Shaalle.

Gaashaanle sarre Maxamed Jaamac Aadan oo ah Taliyaha ciidanka booliska gobolka Nugaal ayaa faah-faahin kooban ka bixiyey asagoo xaqiijiyey xariga fanaanka, kuna gaabsaday inay dhawaan jawaab deg-deg ah kasoo saari doonaan baarista kiiskaan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Sharma Boy uu safarka ku wehlinayo saaxiibkii Maslax Mideeye oo muddooyinkii dambe si wada-jir ah u qabanayay bandhig faneedyada.

Shilka ayaa imanaya maalmo un kadib markii uu fanaan Sharma Boy u tagay caasimada Puntland ee Garoowe, sidii ay ugu qaban lahaayeen bandhig faneed.

Qarax xooggan oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeriya ayaa kasoo baxaya qarax dhimasho sababay oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Qaraxa ayaa ka dhacay suuqa qaadka lagu iibiyo ee bartamaha magaalada Baydhabo, xili ay ka taagneyd saxmad aad u badan, sida ay Caasimada Online u sheegen dad goobjoog ah.

Qaraxa oo la dhigay goobta Suuqa ayaa waxa uu sababay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 7 qof kale, sida ay laamaha amaanka inoo xaqiijiyeen.

Khasaaraha dhimashada ayaa saacadaha soo socda kordhi karta, sida ay sheegen mas’uuliyiinta degmada Baydhabo, maadama lasoo warinayo in dhaawacyada ku jiraan qaar aad u culus.

Qaraxa ayaa kusoo aaday xili ay saxmad badan ka jirtay suuqa lagu iibiyo qaadka, illaa haddana ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaas.

Xildhibaan Mahad Salaad oo faallo xasaasi ah ka qoray HESHIISKA doorashada

Heshiiska doorashada Dhuroobe ayaa u dhashay, Dhagarqabena waa ka dhintay.

Shalay waxaa lagu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis doorasho oo ay wada saxiixeen hoggaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ee uu hoggaaminayay RW Rooble, madaxweyneyaasha dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir. Sannad ka hor ayey ahayd in la saxiixo heshiiskan oo kale si doorasho u dhacdo inta uusan dhamaanin muddo xilliyeedka Barlamaanka Federaalka. Nasiib darro, Farmaajo oo xilligaa ka cabsanayay doorashada ayaa nala aaday jiq aan waddo marin, dalkana geliyay qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo si dirqi ah Ilaahey nooga badbaadiyay. 

Siyaasada Farmaajo ee ku dhisnayd muddo kororsiga, marinhabaabinta iyo ila meereysada waxay soo gaartay ilaa shalay gelinkii dambe, taas oo magac xumo u soo jiiday, meeqaamkiisa wax weyn u dhibtay. Tusaale waxaa ugu filneed shalay markii uu soo galay hoolka xaflada lagu qabanayay laguma soo dhaweyn xamaasaddii iyo meeqaamkii madaxweynenimo ee uu lahaan jiray Farmaajo, wuxuuna ahaa qofka ugu taageerada yar madaxdii shirkaas ka soo qaybgalay, halka Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ahaa mas’uulka ugu taageerada badnaa oo markii uu soo galay halmar isla diryaamay hoolkii. Ceebta Farmaajo ku dhacday si loo qariyo dhalinyarada protocol-ka hayay waxay maciin bideen in ay shidaan muusikadii astaanta calanka si dadka loo istaajiyo duqana habmaamuus Madaxweyne oo macmil ah loogu sameeyo!

Waxaan u mahadcelinaynaa RW Rooble, Madaxweyne Axmed Qoorqoor, Madaxweyne Cali Guudlaawe, Madasha iyo Ciidamada Badbaado Qaran iyo dhamaan waxgaradkii Soomaaliyeed ee jidka ku soo celiyay tareenkii doorashada, fahmayna xaajada xallismi la’ in uu sababteeda leeyahay dhagarqabaha hoggaanka hayay. Soomaalidii hore waxay dhihi jireen xaajo hadii ay murugto waa la sugaa “Dhuroobe u dhasha ama Dhagarqabe ayaa ka dhintee”. Dhuroobaha dalkaan u dhashay waa RW Rooble, wuxuuna dalka iyo dadka ka badbaadshay dagaal iyo burbur in uu dib ugu laabto, abaalkeedana ummadda Soomaaliyeed waa u heysaa. Sidoo kale guushan waxaa kaalin mugleh ka qaatay Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabelle Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) iyagana waxaan leenahay waa midaad u dhalateen, u dhaarateen, mas’uuliyadana la idinkugu dhiibay in aad ka soo dhalaasheena waad ku mahadsantihiin.

Mar kale waxaan idin leeyahay hambalyo iyo horusocod wanaagsan. Guuleysta!

Hon. Mahad Salad

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

DF oo afar qodob kasoo saartay arday sabab yaab leh uga baaqaneysa imtixaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa dhawaan baahisay xog la xiriirtay in boqolaal arday ah uga baaqan karaan gelida Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga sarre, kadib arrin yaab leh oo ay ku kacday wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Waaliidin badan oo xiligaas la hadlay Caasimada Online ayaa u sheegay in ardaydooda oo Iskuulka joogay muddo aan ka yareen 12 sano in laga waayay liiska ardayda Imtixaanka galaya oo ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, markii la baarayna ay ogaadeen in loo qoray “Dropout” oo loola jeedo in ardaygu uu ka haray waxabarashada ama Iskuulka.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo arrintaas ka jaawabeysa ayaa xalay qoraal soo saartay, kaasi oo ay ku sheegayso in dib loo eegayo cabashada ardeyda sida qaldan looga reebay liiska ardayda Imtixaanka galaysa.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in waalidiinta iyo ardeyda cabaneysay ay dhageysteen maamulka wasaaraddu, islamarkaana lagu xaliyey afar qoddob oo kala ah;

1. In la diiwaan geliyaya cabashadooda
2. In cabashadooda laga jawaabi doono muddo ku siman laba toddobaad
3. In lala wadaagi doono Natiijada baaritaanka xogtooda
4. In imtixaan gaar ah laga qaadi doono kuwa xogtoodu ay sax noqoto

“Wasaaraddu waxaa ay la wadaageysa warkaan farxadda leh ardayda, waalidiinta iyo maamuladda iskuulada ee ay dhigtaan ardayda kasoo cabatay in aysan ku jirin ardeyda gelaysa imtixaanka sanad dugsiyeedka 2020-2021-ka, waxaana ku dhiira-gelinayaa ardayda inay dadaal muujiyeen,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda.

Caasimada Online ayaa dhawaan xaqiijisay in ugu yaraan 130 arday ah oo ku nool magaalada Muqdisho ay wajahayaan halistaas weyn oo ay uga baaqan karaan Imtixaanka Qaranka ee dugsiga sare, kaasi oo Sabtida ka billaaban doono Muqdisho.

Waalidiinta wajahaya dhibaatadaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay u sheegtay in Iskuulada iyo Dalladaha aysan usoo gudbin magacyada ardaydooda oo ay u raadsadaan.

Ardayda iska waayey liiska wasaaradda ayaa qaarkood si buuxda u dhigan jireen Iskuullada, islamarkaana ay kaalmo hore ka geli jareen Imtixaanaadka Iskuulada qaadaan. Ardayda qaar ayaa Caasimada Online aragtay oo natiijo wanaagsan ka keenay Imtixaanka dhexe ee Iskuulka (mid-term exam).

SHARMA BOY iyo Maslax Mideeye oo galay shil gaari

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in  duleedka magaaladaas shil gaari ku galeen koox fanaaniin ah oo uu horkacayey fanaanka da’yar ee Sharma Boy.

Shilka ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa inta la xaqiijiyey hal qof oo dumar ah, ayada oo dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray ku dhawaad 3 qof oo kale.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in fanaan Sharma Boy uu soo gaaray dhaawac fudud, ayada oo lagu soo waramayo in uu Sharma uu waday baabuurka shilka galay.

Sidoo kale waxay wararku sheegayaan in Maslax Mideeye uu kamid ahaa kooxda fanaaniinta ah ee shilka galay, waxayna dhawaan safar faneed ku tageen magaalada Garoowe isaga iyo saaxiibkii Sharma Boy oo muddooyinkii dambe ka wada shaqeynayey bandhig faneedyo.

Sawiro laga soo qaaday gaariga shilka galay ee ay saarnaayeen fanaaniintu ayaa muujinayey inuu gaariga rogday. Waxaa goobta shilka gaaray Ciidamada booliska Puntland.

Mareykanka oo DF iyo dowlad goboleedyada faray hal arrin kadib heshiiskii doorashada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay si weyn usoo dhaweeneyso heshiiska ay gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada shalay oo ay taariikhdu aheyd 27-ka May, si uu dalka u galo doorasho baarlamaan iyo mid madaxweyne.

“Mareykanka wuxuu soo dhaweynayaa heshiiskii 27-kii May ee u dhaxeeyay madaxda qaranka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya si loogu sii ambaqaado doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17, 2020,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa bogaadisay dadaalka uu Ra’isul wasaare Rooble ku bixiyey in heshiis laga gaaro khilaafka doorashada, wuxuuna Mareykanka ugu baaqay dhinacyada heshiiska saxiiday inay ilaaliyaan qodobada lagu heshiiyey iyo tanaasulkii la sameeyey todobaadkii uu socday wadahadalka.

“Waxaan dhinacyada ku bogaadineynaa inay si dhaqso leh ugu dhaqaaqan fullinta heshiiska, maadaama doorasho nabadgalyo ah, loo dhan yahay, xor ah oo dhacdo waqtiga ugu haboon ay qeyb ka qaadaneyso inay Soomaaliya kusi socoto wadadeeda nabadda iyo barwaaqada,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Mareykanka.

Ugu dambeyntii bayaanka kasoo baxay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay heshiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay isagoo ku baaqay in si dhaqso ah loo hirgeliyo heshiiska la gaaray.

“Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska ay wada gaareen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ee ku saabsan hirgalinta Qaabkii doorashada ee 17ka Sebtembar taasoo ka dhalatay shirkii shirkii uu isugu yeeray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.”ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray afhayeenka Xoghayaha Gud ee Qaramada Midoobay Stéphane Dujarric

Sidoo kale Xoghayaha ayaa ku booriyay dhammaan daneeyayaasha inay si dhakhso leh u hirgeliyaan heshiiska, oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaadayo qabashada hanaan doorasho oo la oggol yahay oo hufan oo aan dib-u-dhac dambe ku imaan.

Ciidanka DF oo gubay xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab

Fooldheere (Caasimada Online)- Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey saldhigyo iyo xarumo ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaano kamid ah Gobolka Shabeelada Dhexe.

Howlgalka ay fuliyeen ciidamada Dowladda ayaa waxay kula waregeyn deegaano ay kamid yihiin War dhagax, War ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere,oo katirsan gobolka shabeelada dhexe.

Qaar ka tirsan goobaha howgalka laga fuliyey ayaa ahaa goobo ay kooxda Al-Shabaab lacago baad ah kaga qaadi jirtay baabuurta u kala goosha deegaanada Gobolkaas.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Howlgalka ayaa waxaa lagu burburiyay maxkamad ay Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaanka War-ciise ee gobolka shabeellada dhexe.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa sheegay in dab qabadsiiyeen xarumihii Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Warciise ee gobolka shabeellada dhexe.

Howlgalkaan qorsheysan ee socdo dhowrka maalin ayaa waxaa hoggaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusf Raage.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi ayaa Idaacadda ku hadasha afka Ciidmadda Qalabka Sida u sheegay in ciidanka xoogga dalka ay ku guuleysteen in Al-shabaab ay ka saaraan deegaanada ay howlgalka ka wadaan.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay inay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah gaarsiiyeen Al-Shabaab inkastoo uusan sheegin tirada khasaaraha.

Al-Shabaab weli kama aysan hadlin howlgalkaan qorsheysan ee laga fuliyey deegaano ay gacanta ku hayeen iyo sheegashada dowladda ee ah inay khasaaro gaarsiiyeen.

Cabdi Xaashi oo war kasoo saaray caruurta tababarka ciidan loogu qaaday Eritrea

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa noqday mas’uulka kaliya ee xiritaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaran kusoo hadal qaaday cabashada ay qabaan qaar ka tirsan waalidiin Soomaaliyeed oo ilmahooda la sheegay in loo qaaday tababar, balse aysan ka war heyn halka ay ku sugan yihiin.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maalmahaan ay warbaahinta ka maqlayeen cabasho xooggan oo ka timid waalidiintaas oo ilaa hadda aan loo sheegin, halka la geeyey ilmahooda iyo waqtiga ay dib u midoobi doonaan.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in waalidiinta cabanaya ay sheegayaan in qaarkood ilmahooda aysan arkin muddo labo sano ah, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay wax laga xumaado oo u baahan in xal deg deg ah loo helo.

Madaxda sare ee dalka ayuu gudoomiyaha Aqalka Sare ka codsaday in ay u jawaabaan waalidiinta cabanaya ee aan caruurtooda war iyo wacaal midna ka haynin.

Waxaa uu sheegay in haddii laga jawaabin ay ka dhalan doonto in ay sii waddaan banaanbaxyada dowladda uga soo horjeeddaan.

Hadalka Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa kusoo aadayo xilli maalmihii dambe ay soo xoogeysatay cabashada ka imaaneyso waalidiinta ilmahooda loo sheegay in tababar loo qaadayo balse aan ilaa hadda nolol iyo geeri midna lagu heyn.

Ilmaha warkooda la raadinayo ayaa la rumeysan yahay in tababar ciidan loogu qaaday dalka Eretria, waxaana jirto cabsi ku aadan in qaarkood ay dhinteyn, qaar kale ay ka baxsadeyn xirooyinka tababarka halka qaarka kalana ay ku jiraan nolol aad u dhib badan.

Muxuu yahay CODSIGA loo diray maamulka Biden ee la xiriira dadka Soomaalida?

Washington (Caasimada Online) – Afar xubnood oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa maamulka madaxweyne Joe Biden u diray codsi ku saabsan in dib loo soo cusbooneysiiyo sharcigga badbaadinta ku-meel gaarka ah ee loo yaqaan TPS ee dadka Soomaalida aan sharciga ku laheyn Mareykanka.

Madaxweyne Biden ayaa sharcigan dhowaan dib ugu cusbooneysiiyey dadka kasoo heeda dalalka Myanmar iyo Haiti, laga billaabo 25-ka May. Hase yeeshee waxaan weli kala caddeyn xaaladda sharciga ee dadka Soomaalida ah oo uu ka dhacayo 17-ka September. 

Afarta xubnood ee Congress-ka, oo ay ku jirto Ilhaan Cumar, oo laga soo doorto Minnesota ayaa saxiixay warqad ay ugu baaqayaan maamulka Biden inuu muddada sharciga u dheereeyo Soomaalida.

Sharciga TPS ayaa ka hortagaya in Mareykanka laga masaafuriyo dadka kasoo jeeda dalalka qaar ee loo arko kuwa halis ah in lagu laabto. Dadka haysta sharcigan ayaa sidoo kale la siiyaa sharci kale oo u ogolaanaya inay dalka Mareykanka ka shaqeystaan

“Tani waa xaalad nolol iyo geeri u ah dad badan oo degan degmadeyda iyo dhammaan Mareykanka,” ayey Ilhaan ku tiri qoraal ay u dirtay wargeyska Sahan Journal.

“Xaaladda Soomaaliya aad ayey uga fog tahay amni, islamarkaana dad badan oo haysta sharciga TPS waxay ku nool yihiin cabsi iyo walaac, ayaga oo aan ogeyn inay dalka sii joogi doonaan iyo in kale.”

Saddexda xubnood ee kale ee Ilhaan la qaba walaacan ayaa ah Pramila Jayapal iyo Adam Smith oo laga soo doorto gobolka Washington, iyo Yvette Clark oo laga soo doorto New York.

“Baabi’inta TPS waxay cawaaqib burbur leh ku yeelan doontaa carruur Mareykan ah oo ay dhaleen Soomaalida haysata sharciga, sababtoo ah waalidiinta waxay wajihi doonaan kala doorasho aan macquul aheyn oo ah inay caruurtooda ka tagaan ama u kaxeeyaan dal halis ah,” ayey ku yiraahdeen warqadda.

Warqadda ay qoreen xubnaha congress-ka ayey u direen Xoghayaha Amniga Gudaha Alejandro Mayorkas iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken. 

 

FARMAAJO oo codsi u diray madax goboleedyada kadib heshiiskii doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa codsi u diray madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya kadib heshiiskii laga gaaray doorashooyinka ee shalay lagu saxiixay Muqdisho.

Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda saxiixa heshiiska ayaa sheegay in heshiis kaliya aanu muhiim aheyn balse loo baahan yahay in la fuliyo, wuxuuna ugu baaqay madax goboleedyada inay hirgeliyaan, ayada oo ay jirto in dhowr heshiis oo horey loo gaaray ay gadaal ka fashilmeen.

“Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada iyaga waxa aan rabaa in aan la dardaarmo. Jidkan waa aan soo marnay, khibraddeedada waan leennahay. Waxaan idinka codsanayaa, ummadda Soomaalyeedna idinka codsanaysaa, sidoo kale Madaxdii halkan soo istaagtey idinka codsatay, in hawshan la idiin xilsaaray aad hore u dhaqaajisaan,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

“Doorashadan heshiis waa laga gaarey, balse waxa ay u baahan tahay hirgelin, waxa ay u baahan tahay dhaqan gelin iyo dhammaystir. Runtii mas’uuliyaddan idinka ayaa iska leh, idinka ayaa ay hadda idinku soo wareegtay. Aniga iyo shacabka Soomaaliyeed kaalintayadu waa in aan idin baritaarno oo idiin ducayno, oo aan idiin kugu tufno, waana idiin barakaynay. Waxa aan idiin kugu ducaynay in hawshan Alle idiin fududeeyo oo doorashadani inoogu dhammaato si nabad ah, hufan oo xalaal ah, qofkasta oo muwaadin ah oo doonaya in uu dalkiisa iyo dadkiisa u adeegona aanu xuquuqdiisa idinka waayin oo aad u caddaalad samaysaan.”

Farmaajo ayaa heshiiska doroashada ku tilmaamay guul weyn. “Maaha guul innaga oo keliya inoo soo hoyatay, waa guul u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan, taas oo hammigoodii iyo rejadoodii kor u qaadday,” ayuu yiri. 

“Waa inaan fahannaa dadka Soomaaliyeed waxa ay doonayaan. Waxa ay doonayaan degenaansho, waxa ay doonayaan doorasho, waa ayna u diyaarsan yihiin. Runtii, Waa aan idiinkaga mahad celinayaa juhdigii aad geliseen in aad maanta ummadda Soomaaliyeed kaga farxisaan.”

Booqashada madaxweyne el-Sisi ee Jabuuti iyo qorshaha culus ee Masar ay waddo

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar ayaa Khamiistii wada-hadallo xasaasi ah la yeeshay dhiggiisa Jabuuti kadib booqasho uu ku tegay dalkaas, ayada oo Masar ay dhiseyo isbaheysi African ah oo ka dhan ah Ethiopia oo ay isku hayaan biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameysay webiga Nile.

Booqashada madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi ayaa ah tii ugu horreysay ee madaxweyne Masri ah uu ku tago Djibouti, tan iyo markii uu xoriyadda qaadatay 1977-kii. 

El-Sisi iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isku raacay in biyo-xireenka Ethiopia loo buuxiyo loogana howlgalo “si caddaalad ah oo ku saleysan heshiis sharci ah” taasi oo joogteyneysa xasilloonida gobolka, ilaalineysana danaha dhamaman dhinacyada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska el-Sisi. 

“Waxaan adkeeyey sida ay Masar uga soo horjeeddo isku day kasta oo lagu soo rogayo go’aano hal dhinac ah, oo aan eegeyn danta iyo xuquuqaha dalalka uu webiga maro,” ayuu yiri madaxweynaha Masar. 

Qaahira ayaa dooneysa inay farriin xooggan u dirto Ethiopia, oo ah inay joogitaan amni oo awood badan ku leedahay dalalka gobolka, kasoo billow Uganda, Koonfur Sudan, iyo Sudan illaa Soomaaliya, Jabuuti iyo Tanzania. 

Booqashada el-Sisi ee Jabuuti ayaa imaneysa ayada oo Masar ay heshiisyo iskaashi difaac ah ay sanadkan la saxiixatay dalalka uu maro webiga Nile iyo kuwa kale ee gobolka, oo ay ku jiraan Uganda, Kenya, Burundi iyo Sudan. 

Amani el-Taweel, oo ah khabiir ku takhasustay arrimaha Afrika oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda ee Al-Ahram ee Qaahira ayaa sheegtay in isu soo dhowaanshaha Masar iyo Jabuuti ay muhiim tahay, si looga hortago in Jabuuti ay xigsato dhinaca Ethiopia. 

Ethiopia oo jawaab yaab leh ka bixisay xayiradii ay kusoo rogtay dowladda Mareykanka

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxwaynaha ismaamulka Oromiya, Shimales Abdisa oo markii u horeysay ka hadlay xayiraada uu Mareykanka kusoo rogayo kaalmada dhaqaale iyo amni ee ay siiso Ethiopia sababo la xiriira eedo gabood-fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo dhacay intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray.

War-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in sidoo kale uu Mareykanku xayiraad saarayo saraakiil hore iyo kuwa hadda xilalka haya ee dalalka Ethiopia ama Eritrea, kuwaasi oo ay u aragto in ay mas’uul ka yihiin qalalaasaha.

Shimales Abdisa ayaa tallaabada ka dhanka ah ee Mareykanka uu qaadayo ku tilmaamay mid aan wax badan soo kordhineyn oo aan khuseyn dalka Ethiopia, gaar ahaan maamulkiisa, sida uu sheegay.

“Mareykanka ma aqaano, iyaguna ima yaqaanaan. Moyale iyo Adwa innaan tago fiiso iigama baahna, meel ka baxsana ma aado. Siddaas daradeed go’aankasi ima khuseyo anniga, intaas iga gaarsiya,” ayuu yiri madaxweynaha ismaamulka Oromiya.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa kal hore sheegay in tallaabadani ay dowladda Mareykanka u qaadeyso si loo soo dadajiyo xalka colaadda ka taagan Ethiopia.

“Dhinacyada ku lugta leh ma aysan qaadin talaabooyin macno leh oo ay ku joojinayaan dagaalada ama ay ku raadinayaan xal nabadeed oo laga gaaro qalalaasaha siyaasadeed,” ayuu yiri.

Kummanaan qof ayaa la dilay iyadoo 2 milyan oo qofna lagu qasbay in ay ka cararaan guryahooda gobolka Tigray ka dib markii uu bishii November dagaal ka dhex qarxay Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) iyo militariga Itoobiya, ayda oo dagaalkaas ay ka qeyb-galeen ciidamo ka socda gobolka deriska ah ee Amxaarada iyo kuwa dalka Eretria, si ay u taageeraan dowladda.

Dowlada Ethiopia ayaa beesha caalamka kala kulmeysay cadaadis xooggan oo lagu doonayo in ay muujiso isla xisaabtan, xilli ay sii kordhayaan wararka ku saabsan xasuuqa ka socda Tigray. 

“Wax weyn oo heshiiskan ku cusub oo ma jiraan”

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo gebagabawday xaflad lagu soo xidhayo shirka heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka, kaas oo muddooyinkii ugu danbeeyey ka socdey magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa in mudda ah la is hor fadhiyey, si xal looga gaaro qodobbadii la isku khilaafsanaa. Kulamadii ka horreeyay ee Madaxweyne Farmaajo uu shir guddoominayay ayaa fashil ku dhammaaday ka dib markii la isku mari waayey qaar ka mid ah qodobbadii la isku hayey.

Heshiiska shirkan ayaa ka dhigan in hadda wixii ka danbeeya dalku u jihaysanayo dhankaa iyo doorasho.

Intii aan la gaadhin heshiiskan, waxaa dhacdey is mari waa adag, oo u dhaxeeyey dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya waxay shirkan ku qeexeen dhammaadka murankii daba dheeraday ee doorashad, halka kuwana ay ku tilmaameen in uusan wax cusub soo kordhinin.

Prof Afyare oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya waxa uu qabaa in heshiiskan uusan jirin wax sidaa u weyn oo ku cusub oo lama filaan ah oo ka soo baxay, iyo in qodobbadan ay yihiin wixii hore. “Waxa cusub waa keliyana hoggaanka shirkan oo Raysalwasaaraha ah”, ayuu yiri.

“Waa wax fiican in la heshiiyey oo doorasho la aadayo. Runtii se wax weyn oo hada la sheego oo lagu heshiiyey ma jiraan. Qodobbadaan hadda lagu heshiiyey waa kuwii lagu hesiiyey septemper 2020 ee la fulin waayey.”

“Nuxurka wax weyni iskama beddelin balse shakhsiyadkii ayaa wax iska beddeleen, markii madaxweynuhu meesha ka baxay ee Ra’iisul Wasaarihii yimid in qoladii kalena bilaabeen in ay hadda la macaamilaan ayaa muuqata,” ayuu yiri.

Mursal Maxamuud Saney oo ka tirsan machadka cilmi baarista ee heritage, oo BBC Somali la hadlay waxa uu sheegay in wanaag ku dhammaanshaha shirkan uu guul u yahay siyaasiinta is khilaafsanaa, ee kulmadan u dhexeeyeen.

“Siyaasiintii is khilaafsanaa waxay soo mareen wakhti dheer oo adag, wuxuuna uga dhigan yahay in ay guulaysteen, iyada oo hadda waddanka uusan gelin carqalado hor leh, marka in lagu hesiiyey shirkan oo uu midho dhalaa wax weyn ayay u tahay xaqiiqatan!”

Dhanka kale shirkan ayaa falanqeeye Mursal Saney ku qeexay in siyaasiinta keliya aanu dan u ahayn ee sida oo kale jiilka danbe ee Sooomaaliyeed uu cashar ugu filan yahay.

“Jiilka danbena cashir ayay u tahay in qaladaadkii sannadihii u danbeeyey aan la gelin. Haddii la doono walaalnimo in la gaadhi karo iyo haddii se dhiillo la aado meel daran laga dooni karo”.

Arrinta kuraasta xildhibaannada waqooyi ayaa ka mid ahayd qodobada ugu adkaa ee la isku mari waayay intii shirarkii uu socday, waxayna u muuqataa in ugu dambeyn heshiis laga gaaray arrintaas.

Isha: BBC SOMALI

Axmed Madoobe oo farriin u diray ciidamada dowladda kadib heshiiskii Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo khudbad ka jeediyay gaba gabada shirka madasha wadatashiga qaran ayaa rajo Wanaagsan ka muujiyay in ay dalka ka dhacdo doorasho loo dhan yahay isla markana dhamaan dhinacyadu ay ka wada shaqeeyaan.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay “in la fahmo marxaladahii kala duwanaa ee dalkeenu uu soo maray iyo halka aan maanta joogno taas oo tilmaam u ah rajada mustaqbalka dalkeena.”

Waxa uu sidoo kale uu uga mahad celiyay Ra”iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah dadaalka uu ku bixiyay sidii loo dajin lahaa xaalada dalka isagoo amaanay dulqaadka iyo dal jacaylka ay muujiyeen dadka ku nool Caasimada maalmahii adkaa ee lasoo maray, 

Dhinaca kale, Axmed Madoobe ayaa farriin u diray ciidamada iyo hay’adaha ammaanka, isaga oo ka codsaday inay siyaasadda ku milmin. Waxa uu sheegau in lagu kala aragti duwanaan karo Siyaasada balse hay’adaha amaanka iyo ciidamada looga baahan yahay taxadar dheeraad ah.

Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay beesha Caalamka inay gacan ka haystaan sidii wakhtiga ugu dhow loogu qaban lahaa doorashada isla markana tageeradoodu ay lagama maarmaan tahay si looga dhabeeyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee mustaqbalka taas oo go’aamo iyo wadiiqooyin loo marayo la isku raacay intii uu socday shirka madasha wadatashiga qaran.

Ugu danbayn waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay door muuqda ka qaatan howlaha socda isla markana ay ka shaqeeyaan sidii doorashadu ay ugu dhici lahayd wakhtiga ugu haboon si dalka looga saaro xaalada adag ee uu ku jiro.

Kadib heshiiskii Afisyoone, beesha caalamka oo dalab cusub u dirtay madaxda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiillada Beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa si weyn usoo dhaweeyay heshiiskii laga gaaray khilaafka doorashooyinka dalka, hase yeeshee waxay madaxda Soomaalida u direen baaq cusub.

Qoraal ay si wada-jira u soo saareen Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu bogaadiyey kaalinta uu ra’iisal wasaaraha iyo xubnaha dowladda federaalka ka qaateen in heshiis laga gaaro khilaafkii doorashada, oo muddo badan soo jiitamayey.

Waxay ugu baaqeen dhammaan saamilleyda siyaasada inay si deg-deg ah horey ugu socdaan si loo abaabulo doorashooyin loo wada dhan yahay.

Sidoo kale waxa qoraalka sida wada-jirka ah usoo saareen wakiilada beesha caalamka inay diyaar u yihiin inay madaxda Soomaaliya ku taageeraan hirgelinta heshiiskan taariikhiga ah.

Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka

Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya waxay soo dhoweynayaan shirweynaha Dowladda Federaaalka Soomaaliya – Dowlada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (DFS-DXDF) ee guusha ku soo idlaaday magaalada Muqdisho.

Waxaan Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble bogaadinaynaa sida uu u hogaamiyay geeddi-socodkan, iyo sidoo kale Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, iyo siyaasiyiinta kale ee sida habsanida leh ee wax ku oolka ah uga qaybqaatay wadahadallada. Waxaan Mahad u soo jeedinaynaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ oo ku baaqay 1dii bishan Maajo in lagu laabto hanaanka doorashada 17 Sebtembar ee heshiiska ku saleysan.

Waxaan hadda ugu baaqaynaa dhammaan saamilleyda inay si degdeg ah horey ugu socdaan si loo abaabulo doorashooyin loo wada dhanyahay oo daahfuran oo dib u dhac la’aan ah. Waxaan madaxda Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay wadahadal caadi ah oo dhexmara saxiixayaasha Heshiiskii 17kii Sebtembar ku xalliyaan wixii khilaaf ah ee mustaqbalka yimaada.

Saaxiibada Beesha Caalamku waxay diyaar u yihiin inay madaxda Soomaaliya ku taageeraan hirgelinta heshiiskan taariikhiga ah.

Qoraalka ayaa waxa si wada-jir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.