25 C
Mogadishu
Monday, July 13, 2026

Maxay madaxda dowlad goboleedyada ka yiraahdeen heshiiska doorashada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowlad goboleedyada oo khudbado ka jeediyay munaasabadda xiritaanka shirweynaha doorashada ayaa ka hadlay heshiiska ay maanta ku saxiixeen magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ballan-qaaday in heshiiska doorashada ay u fulin doonaan sida uu yahay, “Waxaan idinka balan qaadeynaa in heshiiskii maanta halkan lagu saxiixay in sida uu yahay aan u fulin doonno hadii ALLE idmo.”

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni  ayaa sheegay in dalka uu khatar u galay inuu dib ugu noqdo dagaal sokeeye, “Dalka wuxuu khatar u galay in dib loogu noqdo dagaalkii sokeeye, haddii aanan la heli laheyn is qancin iyo isu tanaasul.”

Sidoo kale Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe ayaa xaflada ka sheegay in markasta loo turo, si meesha uga baxdo qatar kasta oo soo wajahi karta dalka.

“Wadankan waa mid nugul, dib u dhiskiisana u baahan wado aad u dheer, haddii aanan u turin, waxaa dhici karta waxaanaan fileyn inay soo baxaan,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa isaguna goobta ka sheegay in waqti badan ku bixiyeen sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho wada-ogol ah.

 “Inta badan in dadka wada qancaan waa culus tahay, laakiin waxaan isku daynay in aan caddaaladda ku dhawaanno, waxaan ka doorbidnay kala aragti duwanaanteena, inaan ka gaarno go’aan mid ah oo lagu gaarayo doorasho xor iyo xalaal ah.”

Ugu dambeynyiina Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe ayaa xusay in dadaal badan uu ku bixiyey sidii heshiis looga gaari lahaa khilaafka doorashooyinka, ayada oo ay jiraan daruufo adag oo ka taagan maamulkiisa.

“HirShabelle iyadoo ka soo baxday doorasho goboleed, fatahaado iyo duruufo kalana ay ku xeeran yihiin sida dib u xoreynta, ayaan haddana waqtigeena ugu badan galinay in heshiis la isla oggol yahay oo doorashada ah la gaaro,” ayuu yiri.

Si kastaba, heshiiska doorashada ee maanta ay magaalada Muqdisho ku saxiixeen ra’iisal wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa meesha ka saaraya is-mari-waagii siyaasadeed ee ka taagna doorashada.

Aqriso: Qodobada heshiiska doorashada oo dhameystiran

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd war-murtiyeed laga soo saaray shirkii Madasha wadatashiga doorashooyinka ee maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho uga socday Ra’iisal wasaare Rooble, Madaxda dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

War-murtiyeedka ayaa lagu faah-faahiyey dhamaan qoddobadii heshiiska laga gaaray, kadib dood dheer oo ay madaxdu ka yeeshen maalmihii lasoo dhaafay.

Heshiiska oo ay qalinka ku duugeen Rooble iyo saxiixayaasha kale ayaa waxa xal kama dambeys ah looga gaaray khilaafkii mudada badan soo jiitamayey ee ka taagna qabsoomida doorashooyinka.

Qodobada heshiiska doorashada ee xalka laga gaaray, islamarkaana lagy soo bandhigay ayaa waxaa ugu waaweyn:

1: In Dib u eegis lagu sameeyay soo jeedintii guddiyada farsamo ee kal hore ku shiray magaalada Baydhabo.

2:  In xafiiska Ra’iisal wasaaraha loo gudbiyo gudiyada maamulka doorashada ee labada heer ee cabashada kajirto muddo saddex malmood gudahood ah.

3: In guddiga Doorashooyinka ay dhexdooda iska soo doortaan guddoonkooda.

4: In Gudoomiyaha Garbahaareey iyo maamulkiisba uu soo magacaabo Madaxweynaha Jubbaland, ayada oo amniga sugayaan ciidamada booliska AMISOM.

5: In guddiga doorahada Somaliland uu 6-xubnood uu soo magacaabo Gudoomiyaha aqalka sare, halka inta kale la siiyey Mahdi Guuleed.

6: In ciidamada aysan ku milmin siyaasadda, sida kal hore dhacday.

7: In 60 maalmood gudahood ay ku dhacdo doorashada Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in shirweynaha uu arinta Somaliland u xilsaaray ra’iisal wasaaraha, isaga oo ka duulaya la tashiyo uu la sameynayo gudoomiyaha Aqalka Sare  iyo ra’iisal wasaare ku-xigeenka, Mahdi Guuleed.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran.

Xog: Xalka laga gaaray arrinta Somaliland iyo xubnaha lagu qanciyey Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiiska doorashada, kadib shirweyne maalmo qaatay oo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada isku horfadhiyeen.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in heshiiska doorashada ay soo dadajisay xal laga gaaray qoddobadii la isku hayay, oo ay uga adkeyd arrinta Somaliland.

Kuraasta Somaliland ee guddiga doorashooyinka oo ay isku hayeen Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa dadaal badan kadib lagu dhameeyay is-afgarad, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka agdhow shirka.

Ra’iisal wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku qanciyey in Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ay si siman u qeybsadaan xubnaha guddiga doorashooyinka, taasi oo ka dhigan inay u kala qaadanayaan 6/6.

Cabdi Xaashi ayaa tirada xubnaha loo kordhiyay, islamarkaana loo kala badhay xubnaha guddiga, hase yeeshe waxaa soo baxaya in ra’iisal wasaaraha uu gacanta ku haynayo xulashada 3 xubnood oo ka imaanaya xukuumadda, ayada oo loo kala qeybiyay 12-ka xubnood oo keliya.

Inkasta oo la qanciyey Cabdi Xaashi, haddana waxaa soo baxaya walaac aan badneyn oo ku aadan hadii guddigu cod qaado cidda qaadanaysa gudoomiyaha guddiga gobolada Waqooyi, maadama la rumeysan yahay in Mahdi uu maamulayo 3-da xubnood ee ka imaanaya xukuumadda oo guddiga gobolada Waqooyi ka dhigaya 15 xubnood.

Kooxda uu hogaaminayo Cabdi Xaashi ayaa haddii aysan codadka ka helin dhanka kale looga cod badin karaa doorashada gudoomiyaha guddiga.

Sidoo kale waxaa ayaduna su’aal ka taagan tahay goobta ay ka dhaceyso doorashada kuraasta Waqooyi, waxayna garabka Cabdi Xaashi ku doodayaan in meel ka baxsan teendhada hadii ay ka dhacdo doorashada kuraastaas uu imaan karo musuq-maasuq sidii  2016-kii, inkasta oo doodaas ay tahay mid jaban.

Si kastaba, xal ka gaarista kuraasta Waqooyi ayaa soo dadajisay in maanta heshiis laga gaaro doorashada, ayada oo muddo badan soo jiitamtay in dhinacyadu gaaraan heshiis, si dalka uga dhacdo doorasho wada-ogol ah.

Sawirro: Rooble iyo madax goboleedyada oo saxiixay heshiiska doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa goordhoweyd saxiixay heshiiskii doorashada ee mudada badan uu ka taagna khilaafku.

Rooble iyo saxiixayaasha kale ayaa qalinka ku duugay heshiiska doorashada, ayada oo maanta lasoo xirayo shirkii golaha wada-tashiga qaran ee doorashooyinka oo maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Muqdisho.

Sida uu baahiyay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa si wada-jir ah u saxiixay heshiiska doorashada, kaasi oo xal looga gaarayo is-mari-waagi mudada badan ka taagna qabsoomida doorashada.

Madaxada dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa maalmihii lasoo dhaafay isku fahmay qoddobo adag oo ku gudboona doorashada, taasi oo fudeydisay in heshiis ay wada gaaraan maanta dhamaan dhinacyadu.

Waxaa magaalada Muqdisho ka socota munaasibada lagu soo xirayo shirka doorashada oo lagu casuumay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo asagu aan kaalin ku laheyn shirka looga arrinsanayay doorashada.

Sidoo kale munaasabadda waxaa qeyb ka ah guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka, xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka, danjireyaasha dalalka caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo hadal ka jeediyey xaflada xiritaanka shirka golaha wada-tashiga qaran ee dhamaystirka heshiiskii 17-kii September ayaa u mahad-celiyey dhammaan dhinacyada ay qusaysay arrinta doorashada.

Waxa uu sheegay in madaxdu muujiyeen tanaasul, u-turid, iyo in danta dalka laga hormariyo tan gaarka ah, waxana uu si gaar ah ugu mahadceliyey Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Madaxda dowlad goboleedyada, siyaasiyiinta, Beesha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyed.

Rooble ayaa shaaciyey in laga heshiiyey dhammaan qodobadii lagu kala aragtida duwanaa, sida arrinta gobolka Gedo, hannaanka doorashada gobollada Waqooyi, turxaan bixinta qaab-dhismeedka guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-gobleed iyo sidoo kale amniga doorashooyinka dalka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ballan-qaaday in xukuumaddiisu ay dadaal walba ku bixinayso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan oo nabdoon.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in dhammaan dhinacyada daneeyayaasha doorashada iyo bulshada Soomaaliyeed ay qaybtooda ka qaataan sidii ay loo hirgelin lahaa doorashada, islamarkaana uu dalku uga baxi lahaa caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ku geedaaman.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in xukuumaddiisu ay xil iska saarayso ilaalinta qoondada Haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin goleyaasha dowladda.

Wararkii ugu dambeeyey munaasabadda saxiixa heshiiska doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee u diyaar-garowga munaasibadda lagu soo xirayo shirka arrimaha doorashooyinka ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday Teendhada AfisyoonI oo ku dhex-taallo xerada Xalane.

Munaasibaddaan oo sidoo kale lagu saxiixayo heshiiska doorashooyinka ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, hoggaamiyeyaasha shanta maamul goboleed, guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah munaasibaddaan xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka, danjireyaasha dalalka caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Xarunta teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ilaa hadda soo gaaray oo ku sugan wakiilo ka socda mdaxda ka qeyb-galeysa munaasibadda, ayada oo aysan weli soo gaarin madaxda ka qeyb-galaysa munaasibaddaan.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa inay xarunta shirka lagu soo xirayo, sidoo kalena lagu saxiixayo heshiiskii doorashada ay gaaran madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xubno kamid ah Midowga Musharixiinta iyo madaxda kale ee lagu marti qaaday.

Sida lagu sheegay jadwalka xafladdan waxaa munaasabadda furayo ra’iisul wasaare Rooble, iyada oo kadib lagu dhawaaqi doono dhammeystirka heshiiska doorashooyinka ee ay wada gaareen dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Waxaa kale oo shirka khudbado ka jeedin doono dhammaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleeyada, guddoomiyaha G/Benaadir, guddoomiyeyaasha labada gole ee BF Soomaaliya, xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka, iyadoona uu ugu dambeyn soo xiri doono madaxweyne Farmaajo.

Heeshiiska ay madaxdu saxiixayaan ayaa ku yimid, kadib dadaal xoogan oo uu sameeyey ra’iisul wasaare Rooble oo isagu la wareegay maamulka doorashada, kadibna Muqdisho isugu keenay madaxda Soomaaliyeed, si xal looga gaaro doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in heshiiskan uu noqonayo inta badan is-afgaradkii guddiyada farsamada ee Baydhabo 15-16-kii February 2021-kii, marka laga reebo qoddobo cusub oo lagu daray.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ‘lagu qanciyey’ saxiixa heshiiska doorashooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan u dhexeeyey guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo xubnaha Midowga Musharraxiinta Mucaaradka oo maanta ka qabsoomay gudaha magaalada Mqudisho.

Kulanka oo ka dhacay guriga Cabdi Xaashi ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii looga qancin lahaa tabashada uu ka qabo doorashooyinka, ugana qeyb-geli lahaa xirtaanka shirka wada-tashiga ee maalmihii lasoo dhaafay ka socda Teendhada Afisyooni.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha Midowga Musharraxiinta oo ay horkacayeen madaxweynayaashii hore ee dalka ay ugu dambeyn ku qanciyeen guddoomiyaha Aqalka Sare inuu qeyb ka noqdo munaasabadda lagu saxiixayo heshiiska doorashooyinka 2021.

Intii uu socday shirkan gaarka ah waxaa goobjooga ahaa Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Sharafiif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Mudae Xasan Cali Kheyrre, Musharrax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed, Musharrax Shariif Xasan Sheekh Aadan, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in tabashada gaarka ah ee uu qabo Cabdi Xaashi la tix-gelin doono, isla-markaana si guud loo xalinayo.

Cabashada guddoomiyaha Aqalka Sare iyo xalinteeda ayaa waxaa soo dadajiyey, kadib markii xalay uu shaaciyey in uusan qeyb ka aheyn heshiiska doorashooyinka ee lagu gaaray Muqisho, maadaama uusan metaalad ku laheyn shirka lagu soo xirayo Afisyooni.

Khilaafkan ayaa sidoo kale soo xoogeystay, kadib markii uu Cabdi Xaashi ka biyo diiday qaadashada 5 xubnood oo laga siiyey guddiga farsamada ee xubnaha gobolada woqooyi.

Wada-hadallada doorashooyinka ee lasoo xirayo ayaa soo af-jaraya khilaaf bilooyinkii lasoo dhaafay ka taagnaa doorashadan oo ay isku hayeen dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Yaa soo xiraya shirka wada-tashiga doorashooyinka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee munaasabadda lagu soo xirayo shirka arrimaha doorashooyinka ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday Teendhada Afisyoone oo ku dhex-taallo xerada Xalane.

Munaasabaddan oo sidoo kale lagu saxiixayo heshiiska doorashooyinka ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, hoggaamiyeyaasha shanta maamul goboleed, guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka, xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka, danjireyaasha dalalka caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Sida lagu sheegay jadwalka xafladdan waxaa munaasabadda furayo ra’iisul wasaare Rooble, iyada oo kadib lagu dhawaaqi doono dhammeystirka heshiiska doorashooyinka ee ay wada gaareen dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Waxaa kale oo shirka khudbado ka jeedin doono dhammaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleeyada, guddoomiyaha gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka, iyadoona uu ugu dambeyn soo xiri doono madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Heeshiiskan dambe ayaa ku yimid, kadib dadaal xoogan oo uu sameeyey ra’iisul wasaare Rooble oo isagu la wareegay maamulka doorashada, kadibna Muqdisho isugu keenay madaxda Soomaaliyeed, si xal looga gaaro doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in heshiiskan uu noqonayo inta badan is-afgaradkii guddiyada farsamada ee Baydhabo 15-16-kii February 2021-kii.

Sidoo kale ka qeyb-galayaasha shirka wada-tashiga qaran ee doorashooyinka ayaa isla gartay in wixii heshiiska kasoo noqda ee fuli waaya ay go’aan ka gaaraan saxiixayaasha.

Si kastaba, dhaqan-galka heshiiskan ayaa meesha ka saari doono is jiid-jiid muddo ka taagnaa doorashada oo ay isku hayeen dowladda, dowlad goboleedyada iyo mucaaradka.

Yaa magacaabaya guddiga xalka kama dambeysta ah ka gaaraya arrinta Gedo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa heshiis looga gaaray qoddobadii ugu adkaa ee horyaalay madaxda shirsan, gaar ahaan xiisada Gedo oo markii hore si gaar ah uga dhaxeysay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo madaxweynaha Jubbaland.

Shirweynaha ayaa isku raacay in arrinta Gobolka Gedo lagu dhameeyo “in la qaato soo jeedintii guddigii farsamada ee ku shiray magaalada Baydhabo”, kaasi oo dhigayay in la magacaabo guddi dib u heshiisin ah oo xal kama dambeys ah ka gaara xiisada iyo in Axmed Madoobe uu maamul cusub u magacaabo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ra’iisal wasaare Rooble iyo madaxweyne Axmed Madoobe ayaa guddiyo gaar ah u xil saari doona si ay arrintaas oo muddo jiitameysay xal kama dambeysa ah uga gaaraan.

Labada mas’uul ayaa magacaabaya guddi isku dhaf ah oo arrintaas xal kama dambeys ah ka gaara, maadama ay xiisada gobolkaas qeyb ka tahay khilaafka doorashooyinka muddo dhaafay.

Sidoo kale waxaa intii uu socday shirweynaha doorashada la isla qaatay in guddiga doorashooyinka ee muranka badan ka taagan yahay lagu bedelo guddiyo cusub oo kalsooni ka haysta dhamaan dhinacyada oo dhan.

Waxaa dib loogu noqonayaa sida ay xogtu sheegayso guddiga doorashada ee maamul goboleedyada, ayada oo ay jiraan qoddobo cusub oo lagu darayo heshiiska cusub ee qalinka ku duugayaan madaxda dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Benaadir.

Waxaa xusid mudan in booska madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saxiix ku lahaa heshiisyadii hore lagu badalay ra’iisal wasaare Rooble oo asagu la wareegay arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Heshiiska lagu wado inay qalinka ku duugaan Rooble iyo saxiixayaasha kale ayaa soo af-meeraya is-mari-waa qaatay muddo badan, kaasi oo jawhareer siyaasadeed iyo mid amniba geliyay dalka.

Midowga musharraxiinta oo kulan la leh Cabdi Xaashi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socda kulan gaar ah oo u dhexeeyo hoggaanka sare ee Midowga Musharraxiinta Mucaaradka iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan tabashada guddoomiyaha Aqalka Sare ee ku aadan doorashooyinka 2021-ka.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kulanka oo haatan ka socdo guriga guddoomiye Cabdi Xaashi la doonayo in lagu qanciyo sidii uu u aqbali lahaa qaadashada 5-ta xubnood ee laga siiyey guddga farsamada ee loo saarayo xallinta arirnta xubnaha gobolada woqooyi.

Sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare oo qaadacay ka qeyb-galka xirtaanka shirka wada-tashiga Muqdisho ayaa waxaa la rabaa in lagu qanciyo inuu ka qeyb-galo shirkaasi oo lagu shaacin doono dhammeysitirka heshiiska doorashooyinka ee lagu gaaray Muqdisho.

Shirka socda waxaa goobjoog ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Sharafiif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Mudae Xasan Cali Kheyrre, Musharrax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed, Musharrax Shariif Xasan Sheekh Aadan, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.

Arrinta Somaliland ayaa ka mid ah qodobada sida weyn la’isugu hayo ee doorashooyinka Soomaaliya, waxaana soo shaac baxay khilaaf cusub oo u dhexeeya labada garab ee ay kala hoggaaminayaan ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo guddoomiyaha Aqalka Sare.

Is mari-waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya ayaa qaatay muddo dheer, waxaase hadda muuqdo isku soo dhowaasho laga sameeyey inta badan arrimaha la’isku hayey, iyada oo haatan dalka uu galayo marxalad doorasho iyo tartan u dhexeeyo musharraxiinta.

UK oo war ka soo saartay doorashooyinka Soomaaliya

0

Lodon (Caasimada Online) – Ergeyga joogtada ah ee Boqortooyada UK u qaabilsan Qaramada Midoobay, Barbara Woodward ayaa ka hadashay xaaladda adag ee Soomaaliya, gaar ahaan wada-hadallada doorashooyinka ee haatan ka socda magaalada Muqdisho.

Barbara Woodward oo la hadleysay xubnaha golaha ammaanka ayaa ugu baaqday hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo saamileyda kale ee siyaasadeed inay sii wadaan wada-hadallaooda inta xal laga gaarayo, isla-markaana laga aadayo doorasho loo dhan yahay.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in jahwareeka jira kaliya looga gudbi karo in la hubiyo doorasho waqtigeeda ku dhacdA, si looga baaqsado xasilloni darro siyaasadeed iyo mid amni.

“Hubiya in doorashada noqoto mid loo wada dhan yahay, oo lagu kalsoonaan karo ayna ku dhici karto sida ugu dhakhsaha badan uguna macquulsan waanba habka looga bixi karo jahwareerka siyaasadeed ee sii hurinaya amni-darrada iyo xasillooni-darrada ka jirta Soomaaliya,” ayay tiri Barbara Woodward oo ah wakiilka dowladda Ingiriiska ee UN-ka.

Waxa kale oo ay intaasi sii raacisay “Rabshadaha siyaasadeed waxay kaliya sii kordhinayaan saameynta halista jirta ee Covid-19, daadadka, abaaraha, cunno yarida, iyo ayaxa oo dhammaantood khatar weyn ku ah xasiloonida mustaqbalka fog ee Soomaaliya. Hogaamiyaasha Soomaalida waa inay sii wadaan ka shaqeynta wax ka qabashada saameynta arimahan”.

UK ayaa ka mid dalalka sida u dhow u taageerO Soomaaliya, waxaana ay qeyb ka aheyd dalalka beesha caalamka ee dadaalka ku bixiyey wada-hadallada doorashooyinka 2021.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta Muqdisho lagu soo gaba-gabeynayo shirka wada-tashiga doorashooyinka, iyada oo la shaacinayo dhameystirka heshiis ay SI wadajir ah u gaareen dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Si kastaba, dhaqan-galka heshiiskan ayaa meesha ka saari doono is jiid-jiid muddo ka taagnaa doorashada oo ay isku hayeen dowladda, dowlad goboleedyada iyo mucaaradka.

Xog: Heshiiska doorashada ma gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa diidan mise xubno kale?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Aqalksa Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa laga yaabaa inuu Maanta diido ka qeybgalka munaasadda la filayo in lagu saxiixo heshiiska laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya  kadib cadaadis ay saareyn siyaasiyiin kasoo jeedo Waqooyiga.

Cabdi Xaashi oo dadaal ay sameeyeen Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda Maamul Goboleedyada kadib lagu qanciyey inuu aqbalo in guddiga doorashooyinka ee Waqooyiga laga siiyo 5 Xubin ayaa lasoo sheegayaa inuu cadaadis xoog leh kala kulmayo qaar ka tirsan siyaasiyiinta Waqooyiga ee ka tirsan garabkiisa.

Siyaasiyiinta waqooyi ee garabka Cabdi Xaashi ayaa xalay soo saaray warqad ay ku diidayaan heshiiska, waxaase la sheegay inuu isagu ku qanacsanyahay qeybta la siiyay balse ay cadaadis saarayan xubno ay ka mid yihiin Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Ibraahim Iidle Saleebaan, Fowsiya Yuusuf Xaaji iyo Xuseen Carab Ciise, kuwaas oo ku cadaadinaya inuusan tagin kulanka Maanta lagu soo xirayo shirka.

Qodobka ugu adkaa shirkii Muqdisho ugu socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada ayaa ahaa kan Gobolada Waqooyi, waxaana ugu dambeyntii lagu heshiiyey In Cabdi Xaashi hal xubin oo dheeri ah loogu daro soo jeedintii guddiga farsamada ee Baydhabo ku shiray kuwaas oo u ogolaaday 4 xubnood.

“Waxaan u cadeyneynaa saamileyda siyaasadda, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, in wax talo ah aanaa ku laheyn, wax xoga oo sax ahna aanaa ka helin sida loo dhigay arrinta Somaliland oo ka mid aheyd seddax qodob oo xalkooda loo qabtay shirka,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareyn Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, gaar ahaan garabka uu hoggaamiyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ugu dambeyntii qoraalka ay soo saareen siyaasiyiinta gobollada waqooyi garabka uu hoggaamiyo guddoomiye Cabdi Xaashi waxay ku sheegeen in hadii sidaan maanta  lagu soo gabagabeeyo shirka ay bulshada Soomaaliyeed iyo warbaahinta la wadaagi doonaan faahfaahin la xariirta qadiyadda doorashada 57-ka kursi oo deegaan doorashadoodu tahay Somaliland, isla markaana ay ka qaadan doonaan go’aan masiiri ah.

Arrinta yaabka laheyd ee uu isku sifeeyay Muuse Biixi Cabdi oo jawaab laga bixiyey

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay jawaab uu madaxweynaha Somaliland ka bixiyey eedeyn uu sheegay in uu dhawaan u jeediyay, islamarkaana dhalisay hadal hayn badan.

Guddoomiye Faysal ayaa ugu horeyntii iska fogeeyay hadalka uu jawaabta ka bixiyey Muuse Biixi, kaasi oo uu ku sheegay inuu ugu yeeray “hogaamiye badow ah”.

Muuse Biixi oo ka jawaabaya eedeyn uu sheegay inay uga timid Faysal Cali Waraabe ayaa isku sifeeyay wax uu ugu yeeray “Badownimo”, wuxuuna sheegay in midaasi uu ku hogaaminayo Somaliland oo xiligan ku jirta ololaha doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanada oo sanado badan aan qabsoomin.

“Shalay waxa hadlay Xisbiga UCID oo yidhi Dawladdu waa mid Badow ah oo Madaxweyne Badow ah ayaa u taliya, waar Anigu Badow baan ahay Soomaaliyeey, Badownimada waan ku faanayaa, badownimo ayaanan wax ku hoggaaminayaa, waxaanan u sheegayaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID anigu Badownimada Abtiyaashay baan ka raacay oo waan haysanayaa,” ayuu yiri.

Haddaba, Faysal Cali Waraabe oo daba-socda hadalka Muuse Biixi ayaa sheegay in madaxweynaha uu ku riyooday, islamarkaana aysan jirin meel uu ka sheegay sifada uu isku tilmaamay ee “Badownimada, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha markuu hadlayay waxa uu sheegay in aan ku sheegay Badow, waxaan ka xumahay madaxweynaha kalmadaa ma odhan malaha wuu igu riyooday, kalmadaa ma odhan,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey meel fagaare ah oo isugu soo baxeen taageerayaasha xisbiga Ucid.

Hadalka Muuse Biixi ayaa hadal hayn badan ka dhaliyey baraha bulshada, ayada oo siyaabo kala duwan loo fasiray, waxaana la yaab noqotay qaabka uu iskugu-sifeeyay.  

Maxay tahay sababta uu Mareykanka kharashka badan ugu balan qaaday Falastiin?

Ramaallah (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha dibadda dalka Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in golaha Congaress-ka uu ka codsan doono$ 75 milyan oo dollar oo ah gargaar loogu fidinayo Falastiiniyiinta ku sugan Gaza, kadib xabad joojintii dhawaan la gaaray ee lagu soo afjaray dagaalkii u dhaxeeyay Israel iyo ururka Xamas.

Blinken ayaa ku dhawaaqista sameeyey kadib wadahadal uu Talaadadii Ramallah kula yeeshay madaxweynaha maamulka Falastiin Mahmoud Abbas.

“Waan ognahay in wareeggii ugu dambeeyay ee colaadda ay calaamad u tahay arrimo intan ka ballaaran oo ay tahay inaan wax ka qabanno haddii aan ka hortageyno soo laalaabashadeeda, waana taas midda aan ka wada hadalnay,” ayuu yiri xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken.

Waxa uu intaasi ku daray inay soo dhoweynayaan xabad joojinta sii socota, laakiin taasi aysan ku filneyn, ayna isku dayayaan in arrimaha ay ula dhaqaaqaan jiho dhab ah oo wanaagsan.

Blinken ayaa Talaadadii sidoo kale ku celiyay in maamulka Mareykanka ee uu hoggaaminayo madaxweyne Joe Biden uu rumeysan yahay in xalka laba dhinac ee Falastiin iyo Israa’iil ‘uu yahay jidka kaliya ee si dhab ah loogu xaqiijin karo mustaqbalka Israel ee dowlad Yuhuud dimoqraadi ah, iyo dabcan, in la siiyo Falastiiniyiinta gobolka ay xaqa u leeyihiin.”

Dibluomaasiga ugu sarreeya Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanku uu dib u furayo qunsuliyadda magaalada Qudus uu ku leeyahay, kadib markii maamulkii hore ee Trump uu xiray sanadkii 2019-kii.

Xog: Qorshe ay diyaariyeen guddiga doorashooyinka Somaliland oo fashilmay

0

Hargeysa (Caasimada Online0 – Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa dhawaan soo saaray jadwal ay u dajiyeen ololaha doorashada isku-sidkan ee golayaasha wakiilada iyo deegaanka ee Somaliland, kaasi oo qorshihiisa uu fashilmay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ololaha doorashada ayaa u dhacay qaab ka baxsan midkii ay u qorsheyeen guddiga, kaasi oo dhigayay in xisbi walba uu hal maalin sameeyo isku soo bax weyn, isagoo cududiisa kusoo bandhigaya fagaarayaasha magaalada.

Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa dejiyay qorshe dhigayay in saddex xisbi qaran ee Ucid, Kulmiye iyo Waddani ay fagaarayaasha iskugu soo baxaan taariikhda 23,24 iyo 25-ka bisha oo keliya, halka maalmaha kale ee 26,27 iyo 28-ka isla bishaan ay ku ololeeyaan xafiisyada iyo xarumahooda oo keliya, ayaga oo sameynaya isku soo bax kooban.

Qorshaha dambe ee dhigaya in xisbiyada ay taageerayaashooda iskugu yeeraan si gooni-gooni ah xafiisyadooda oo uga ololeeyaan ayaa gebi ahaanba uu hareer maray xisbiga Ucid, oo maanta uu qorshuhu ahaa in xafiisyadood oo keliya ku sameeyen isku soo bax kooban kuwaasi oo isku soo baxyo weyn ka dhigay fagaarayaasha magaalada.

Sida ay Caasimada Online u sheegen qaar kamid ah howl-wadeenada guddiga doorashooyinka Somaliland, qorshaha guddiga ayaa ahaa oo keliya in xisbi kasta uu hal maalin oo keliya isugu baxaan fagaarayaasha, si loo yareeyo saameynta ka dhalan karta tiro badan oo dad ah oo iskugu imaanaya fagaaro weyn, arrimo jira awgeed.

Lama oga sababta keentay in xisbiyadu hareer-maraan jadwalka Komishanka, kaasi oo saaka jabiyey xisbiga Ucid, sidoo kale ma cadda in xisbiyada Waddani iyo Kulmiye in ayaguna ay qaadi doonaan tallaabada uu maanta u horkacay Ucid iyo haddii ay u hogaansami doonaan jadwalka Komishanka qaranka uu u dajiyey ololaha doorashada.

Somaliland ayaa 31-ka bishaan waxaa ka dhici doonta doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanka oo muddo sanado badan ah aan qabsoomin, waxaana socota qaban-qaabadii u dambeysay ee u diyaar garowga doorashooyinkaas.

Labo su’aalood oo ka dhashay shirka doorashooyinka qaran

Waxaa maanta soo gebageboobaya shirkii wadatashiga ee doorashooyinka qaranka Soomaaliyeed—kiisii ugu dambeeyey ee furmay 22kii bishan—kaas oo ku soo dhammaaday is-afgarad iyo heshiis dhinacyadu raalli ku wada yihiin. 

Su’aal baase mudan in la isweydiiyo: “Maxaa lagu heshiiyey?” 

Waxaa muddadii shanta (5) maalin ahayd ee uu shirku socday lagu heshiiyey in la meelmariyo heshiiskii 17ka September 2020 iyo habraacii Baydhabo ay soo jeediyeen guddigii farsamada doorashooyinka qaran 26kii February 2021.

Su’aal labaad baa halkaa ka dhalanaysa oo ah: “Maxaa dalka khalkhal amni loo galiyey oo markii hore ba loo meelmarin waayay heshiiskii 17 September 2020?

Sida u muuqata Soomaalida inteeda badan ee siyaasadda dalka si dhow ula socota, heshiiska 17ka September 2020 lama diiddanayn ee waxaa bartilmaameed ahaa Madaxweynaha dalka oo la doonayay in la waydaariyo isu-soo-taaggiisa kursiga dalka ugu sarreeya mar labaad. 

Waxaa dad badan oo aan anigu ku jiro aaminsan yihiin in markii hore ba ujeeddada laga lahaa heshiiskii 17ka September 2020 ee doorashooyinka dadban ahayd in dalka laga weeciyo doorashadii tooska ahayd ee ay labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka ansixiyeen, madaxweynuhuna qalinka ku duugay 21kii February 2020. 

Libinta ansixinta doorashada toosan ma ahayn libin uu leeyahay Madaxweynaha kaliya ee waxaa lahaa dhammaan dadyowgii ku lug lahaa soo diyaarintiisa, ansixintiisa iyo saxiixiisa oo ay ugu horreeyaan guddigii madax-bannaanaa ee doorashooyinka qaran; waxaa se loo fahmay in libintaasu Madaxweynuhu leeyahay sidaasaana lagu mucaaraday. 

Markii Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay doorasho dadban 17kii September 2020, jadwal qurxoonna la dajiyey kaas oo suurtogalinayay in doorashada Madaxweynaha ay dhacdo 08 February 2020, waxaa lama filaan ku noqotay dhinacyadii horey u diiday sharcigii doorashooyinka tooska ahaa dheganuglaanta Madaxweyne Farmaajo iyo sida ay uga go’an tahay in aan hal maalin lagu darin muddo xileedka xukuumadda doorashadana ay ku dhacdo goortii loogu talagalay laguna asteeyo maalinta 08 Feb maalin isbeddel.

Waxay dhinacyada dawlad goboleedyada mucaaradka ah is tuseen in Farmaaji sumcaddiisu kor u kacday mar haddii uu cadaadiskii ay saareen u hoggaansamay (tanaasul muujiyey) taa micnaheedana u fasirteen in uu diyaar u yahay doorasho noocs ay doonto ha ahaatee.

Si diyaargarowga looga majo-xaabiyo, waxay mar labaad ku tashadeen dawlad goboleedyada mucaaradka ah (waa Puntland iyo Jubaland e) in aysan dalka ka dhicin doorasho ilaa laga gaarayo 08 February 2020 si sharciyaddiisu u idlaato, gorgortankiisu u wiiqmo, eedda dib-u-dhaca doorashooyinka dusha looga tuuro, fursad na halkaa ay ka helaan mucaaradka bidix ee fog (Midowga musharrixiinta); tashigaa waxa uu yimi kadib safarro ay ku soo kala mareen madaxda Puntland iyo Jubaland dalalka Isutagga Imaaraatka iyo Kiinya heshiiskii 17ka September 2020 kadib sida uu Madaxweynuhe Farmaajo laftiisa ku sheegay maqaalkiisii “Ha igu eedeeyn dib-u-dhaca doorashooyinka dalka”.

Waxaa marna laga waayey in heshiiskii 17ka September 2020 uu dhinacooda ka fulo. Waxa kale oo ay istuseen in fursad la siiyo tartamayaasha ka soo horjeeda isaga si ay u diyaargaroobaan maadaama uu heshiiku kedis ku noqday dhinacyada. 

Markii ay halkaa taagan tahay, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu go’aan ku gaaray in uu u xilsaaaro Ra’iisalwasaaraha arrimaha doorashooyinka si madax bannaan, natiijo walba oo ay gaaraan na uu la qaato shuruud la’aan; balse wixii ceeb ah ee ka yimaada fulinta heshiisyada doorashooyinka ay si buuxda u qaadaan  Madaxda dawlad goboleedyadii curyaamiyey doorashada, asaga oo markhaati gashaday shacabka Soomaaliyeed in ay kala ogaadaan cidda diiddan in dalku u dareero doorasho. 

Dadka siyaasadda indha-indheeya ayaa qaba in mucaaradku aysan marna diyaar u ahayn in ay tartan la galaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay u arkaan in uu uga itaal roonaanayo tartanka haddii uu isu soo taago kursiga.  

Haddaba, mar haddii 18 habeen kadib, isla heshiiskii 17ka September 2020 lagu heshiiyey in la meel mariyo, xaalku sow jugjug halkaagii joog ma aha? Soo ma ahayn Farmaajadiidnimo ee aysan ahayn saluug doorasho.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Garabka CABDI XAASHI oo diiday heshiiska doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, gaar ahaan garabka uu hoggaamiyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa caawa soo saaray qoraal ay ku cadeynayaan in shirka berri la soo gabagabeynayo ee heshiiska looga gaaray khilaafka doorashooyinka aysan cidna ku metelin, isla markaana wixii kasoo baxa aysan khusey doonin.

Qoraalkaan waxay ku sheegeen in maalmahaan ay rajo ka qabeen in shirka ka socda Afisyooni laga qeyb geliyo guddoomiye Cabdi Xaashi oo ay u arkaan inuu muhiim u yahay midnimada iyo wax ka go’aaminta arrimaha masiiriga ah ee dalka, balse taasi aysan dhicin shirkuna uu u muuqdo mid gabagabo ah. 

“Waxaan u cadeyneynaa saamileyda siyaasadda, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, in wax talo ah aanaa ku laheyn, wax xoga oo sax ahna aanaa ka helin sida loo dhigay arrinta Somaliland oo ka mid aheyd seddax qodob oo xalkooda loo qabtay shirka,” ayaa lagu yiri qoraalka. 

Ugu dambeyntii qoraalka ay soo saareen siyaasiyiinta gobollada waqooyi garabka uu hoggaamiyo guddoomiye Cabdi Xaashi waxay ku sheegeen in hadii sidaan berri lagu soo gabagabeeyo shirka ay bulshada Soomaaliyeed iyo warbaahinta la wadaagi doonaan faahfaahin la xariirta qadiyadda doorashada 57-ka kursi oo deegaan doorashadoodu tahay Somaliland, isla markaana ay ka qaadan doonaan go’aan masiiri ah.

Dhinaca kale, xog aan helnay ayaa sheegeysa in Cadbi Xaashi uu ogol yahay sida wax loo qeybiyey, balse waxa diidan yihiin xildhibaanada ku xiran.

Berri oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo shirka ra’iisul wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho uga socday todobaadkaan teendhada Afisyooni, balse waxaa suurtagal ah in arrintaan ay sababto inaan berri lasoo xirin shirka.

DF iyo maamulka KOONFUR GALBEED oo isku haysta deegaanka Ceelasha Biyaha

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirka waxbarashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Yuusuf Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay ayaa eedeyn la xariirta imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare waxa uu u jeediyey mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka.

“Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mas’uuliyad buuxda ayaa ka saaran waxbaridda dhammaan ardayda deegaanka Ceelasha Biyaha, degmada Afgooye iyo guud ahaan deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Maxamed Yuusuf.

Wasiirka waxbarashada K/Galbeed waxa uu shirkiisa Jaraa’id uga hadlay seddax qodob, kuwaas oo kala ah:

1 – In waqti hore ay mas’uuliyiinta ugu sareysa wasaaradda waxbarashada DF, sida Wasiirka iyo Agaasimaha guud ay imtixaanka dugsiga sare halkooda looga qaado ardayda ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha. “Wasaaradu waxay diiday in Ceelasha Biyaha xarun imtixaan laga dhigo, iyadoo ardayda deegaankaasi ay cabasho badan ka soo gudbiyeen, ayna ku adagtahay inay Muqdisho u aadaan imtixaanka dugsiga sare, maadaama ay dhibaato badan kala kulmayaan jidka.”

2 – In balan ka baxyo ay ku sameeyeen mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada dowladda federalka. “Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasiirkiisa waxa ay cadeeyeen in Ceelasha Biyaha aysan suurtagal aheyn in xarun imtixaan laga dhigo duruufo amni awgeed. Sidaa darteed waxay soo jeediyeen in ardeyda degaankoodu yahay Ceelasha Biyaha loo wareejiyay degmada Afgooye. Taasna  Wasaaraddu waa nooga baxday.”

3 – In jahwareer iyo khalkhal uu soo wajahay ardeyda Koonfur Galbeed ee wax ku baratay deegaanka Ceelasha Biyaha. “waxay weli garan la’yihiin goobta ay Imtixaanka ku galayaan, iyadoo waqtigu uu ku dhamaaday.”

“Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxay ka soo horjeedaa in lagu tunto xuquuqda ardayda deegaanka Ceelasha Biyaha. cawaaqibka iyo dhibaatada ka dhalatana waxaa qaadaya wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka, maadaama la jahwareeriyay ardayda, waalidiinta iyo bulshada deegaanka intaba,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada maamulka K/Galbeed.

Waxa uu sheegay in degmada Afgooye ay ku diyaariyeen xarumihii imtixaanka ay ku gali lahaayeen ardayda wax ku baratay deegaanka Ceelasha Biyaha ee sanadkan u fariisaneysa imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda dhexe.

“Wasaaradda waxbarashada Koonfur Galbeed waxay si deg deg ah uga codsanaynaa wasaaradda waxbarashada DF in ardayda aan la geyn xarumaha lagu soo qoray ee Gahey iyo SYL Muqdisho, balse loo wareejiyo degmada Afgooye,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba.

Isagoo sii hadalyey ayuu yiri, “Hadii arrintaan jawaab deg deg ah aysan ka bixin wasaarada waxbarashada federaalka, waxay saameyn ku yeelan doontaa wadashaqeyntii fiicneyd ee ka dhaxaysay labada wasaaradood ee waxbarashada u kala qaabilsan Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federalka.”

Hoos ka Daawo

Khasaare ka dhashay weerar ay Al-Shabaab ka fuliyeen duleedka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa galabta Maqribkii weerar gaadmo ah ka geystay inta u dhaxeysa magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanka Ceeldheere oo kala bara magaalooyinka Gurceel iyo Dhuusamareeb ee Galmudug.

Weerarkaas ayaa si gaar ah uga dhacay tuulo lagu magacaabo Xaayow oo ay ku sugnaayeen ciidan Macawiisley ah, kuwaas oo isku baheystay in wadada laamiga ah ee xariirisa Gurceel iyo Dhuusamareeb ay ka difaacaan Al-Shabaab.

Ugu yaraan seddax nin oo ka tirsanaa ciidanka Macawiisleyda ah ee iska abaabulay deegaankaas ayey Al-Shabaab dileen, halka dhaawacyo kalena la gaarsiiyey isbitaallada Dhuusamareeb, sidoo kale waxa ay gubeen gaari uu Saad u saarnaa.

Wararka aan ka heleyno dadka deegaanka waxay intaas ku darayaan inay jiraan askar Macawiisley ah oo la weysan yahay nolol iyo geeri, kuwaas oo laga cabsi qabo inay Al-Shabaab afduubteen.

Weerarka ayaa dhacay intii lagu jiray salaadii Maqrib, waxayna Al-Shabaab soo gaadeen raggaan oo aad u tira yaraa, waxaana la sheegay inay kala kulmeen iska cabin xoog leh, iyadoo ugu dambeyn laga taag roonaaday ciidankii lasoo weerar ee deegaanka.

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno deegaankaas waxay sheegayaan in saraakiil iyo ciidan xoog leh oo ka tirsan qeybta 21-aad ay caawa gaareen tuuladii lagu dagaalamay, balse hortood waxaa deegaanka isaga baxay Shabaabkii soo weeraray.

Tan iyo markii gacan ku heynta gobollada dhexe lagala wareegay ururkii Ahlu-Sunna. Kooxda Al-Shabaab ayaa culeys badan soo saartay magaalooyinka ugu muhiimsan Galgaduud ee Dhuusamareeb iyo Gurceel, waxaana cabsi lagu maraa wadada uu galabta weerarku ka dhacay ee xariirisa labadaas magaalo.

Aqriso: Nuxurka Heshiiska doorashooyinka ee Khamiista lagu saxiixayo MUQDISHO

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Khamiista Berri ah lagu wadaa in heshiiska doorashada lagu saxiixo xerada Afisyooni kadib wada hadal socday muddo ku dhow todobaad oo guulo laga gaaray

Munaasabaddan oo marka laga reebo ra’isul wasaararaha, madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha Banaadir ay sidoo kale kasoo qeyb galayaan madaxweyneyaashii hore sida Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo Farmaajo ayaa lagu wadaa in marka hore war-murtiyeed laga akhriyo, kadib khudbado la galo. Xubnaha bulshada rayidka ayaa sidoo kale la casuumay.

Warar horudhac ah oo aan ka helnay shirka ayaa sheegaya in heshiiska uu noqonayo inta badan isafgaradkii guddiyada farsamada ee Baydhabo 15-16-kii February 2021-kii.

Siyaasadda: War-murtiyeedka Khamiista soo baxaya waxaa la adkeyn doonaa in doorashada ka dhacdo labo deegaan doorasho oo maamul goboleed kasta ah iyada oo xal laga gaaray Gedo oo markii hore uu Farmaajo ku dheganaa.

Waxaa kale oo sidii hore ahaan doonta tirada cod bixiyeyaasha ee dooran doonta halka kursi oo ah aheyd 101, waa golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo baarlamaannada heer Dowlad Goboleed ay soo dooran doonaan  Xildhibaannada Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddiyadii lagu mursananaa ay isabadal lagu sameeyey, iyada oo la filayo in ra’isul wasaaraha iyo maamul goboleedyada ay soo magacaabaan xubno hor leh.

Waxaa xusid muran in Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) oo labo guddi ah oo midka doorashada iyo kan khilaafaadka ah uu ka kooban yahay 25 xubin, oo maamul goboleed kasta mid labo xubin ku leeyahay halka guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed(SEIT) uu maamul goboleed kasta dhisayo 11 xubin.

Arrinta Somaliland: Guddoomiye Cabdi Xaashi oo odeyga ugu sareeya siyaasiyiinta Somaliland waxaa ay Farmaajo iyo kooxdiisa u diideen in  isaga iyo Mahdi Guuleed ay mid labo xubin ku lahaadaan FEIT, waxaa kale oo loo diiday in la kala barto guddiga SEIT. Guud ahaan 15-ka xubin ee laga sugayo Somaliland waxaa la siiyey Cabdi Xaashi 5 xubin oo keliya taas oo ka dhigan in Mahdi Guuleed oo ah gacanta midig ee Farmaajo uu inta badan maamulayo doorashada Somaliland.

Amniga: Wararka waxaa ay sheegayaan in amniga doorashada ay sugi doonaan AMISOM iyo ciidamada booliiska iyada oo laga ilaalin doono xoogga dalka iney ku lug yeeshaan siyaasadda iyo arrimaha doorashada, waxaa kale oo la xusi doonaa in booliiska ay noqdaan kuwii hore, ee aan aheyn kuwa gaarka ah ee dhowaan sameystay Farmaajo.

Xulista: In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka.

Qoodada Haweenka: In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo.

Jadwalka Doorashada:  Wararka ayaa sheegaya in la dejinayo jadwal doorasho oo macquul ah iyada oo lix bil gudaheed lagu soo gabagabeyn doono dhammaan doorashooyinka 2021-ka. Inta badan waxba iskama badalayaan shuruuradaha laga rabo xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka iyo lacagta laga rabo oo $20,000  aqalka sare iyo $10,000, aqalka hoose.

Maalgelinta: Doorashada 2021-ka, waxaa maalgelin doona deeqbixiyeyaasha caalamka iyada oo dowladda federaalka ah ay qeyb ka noqon doonto.

Xigasho: Goobjoog News

Madaxweynaha Somaliland oo arrin yaab leh isku-sifeeyay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka qeyb-galay ololaha xisbiga Kulmiye ee uu guddoomiyaha u yahay ayaa fagaaraha ka sheegay arrin yaab leh, isaga oo ka jawaabaya eedeyn uga timid guddoomiyaha xisbiga Ucid.

Muuse Biixi ayaa isku sifeeyay wax uu ugu yeeray “Badownimo”, wuxuuna sheegay in midaasi uu ku hogaaminayo Somaliland oo xiligan ku jirta ololaha doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanada oo sanado badan aan qabsoomin.

“Shalay waxa hadlay Xisbiga UCID oo yidhi Dawladdu waa mid Badow ah oo Madaxweyne Badow ah ayaa u taliya, waar Anigu Badow baan ahay Soomaaliyeey, Badownimada waan ku faanayaa, badownimo ayaanan wax ku hoggaaminayaa, waxaanan u sheegayaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID anigu Badownimada Abtiyaashay baan ka raacay oo waan haysanayaa,” ayuu yiri.

Hadalka Muuse Biixi ayaa hadal hayn badan ka dhaliyey baraha bulshada, ayada oo siyaabo kala duwan loo fasiray, waxaana la yaab noqotay qaabka uu madaxweynaha Somaliland uga jawaabay eedeyntii Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa dhawaan sheegay in Somaliland uu xukumo Madaxweyne Badow ah, oo ula jeedo Muuse Biixi oo haya xilka ugu sareeya ee Somaliland ahna hogaamiyaha xukuumadda Kulmiye.

Jawaabta Muuse Biixi ayaa ayaduna noqotay mid lama filaan ah, ayada oo aan si rasmi ah loo ogeyn ujeedka dhabta ah uu ka leeyahay iyo in macnaha kalmada uu isku sifeeyay mid ka duwan uga dan leeyahay.