24.9 C
Mogadishu
Monday, July 13, 2026

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka iyo qabanqaabada saxiixa heshiiska oo socota

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ka socota diyaar garowga loogu jiro munaasabad lagu saxiixayo heshiiska doorashada oo ay si wadajir ah u gaareyn Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xir-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul Goboleedyada.

Heshiiskan ayaan weli si rasmi ah looga hayn faah-faahin, waxaana la sugayaa war-murtiyeed soo bixi doona.

Xafladda ayaa la filayaa in Berri oo Khamiis ah lagu qabto teendho ku taalo xarunta Afisyooni, waxaana la filayaa inay kasoo qeyb-galan saxiixayaasha heshiiska, Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday, Musharixiinta, Beesha Caalamka iyo Bulshada rayidka ah.

Qodobkii ugu adkaa ee guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa heshiis laga gaaray, waxaana lasoo sheegayaa in Guddoomiye Cabdi Xaashi lagu riixay inuu sameeyo tanaasul,  isagoo soo magacaabi doono kala bar ka mid ah xubnaha guddiga reer Somaliland ee doorashada, halka uu xubin ku yeelanayo Guddiga heer qaran ee doorashooyinka.

Sidoo kale arrinta Gobolka Gedo ayaa waxaa lagu dhameeyey guud ahaan in la qaato soo jeedintii guddigii farsamada ee ku shiray Magaalada Baydhabo, kaasoo nuxurkiisa ahaa:

1- In xubnaha Maamul Goboleedyada ay wafdi dib u heshiisiin ah u diraan Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
2- In Axmed Madoobe uu maamul cusub u magacaabo.
3- In Booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay sugaan amniga doorashada.

Rooble iyo saxiixayaasha kale ee heshiiska ayaa isku afgartay in muddo 3 bil gudahood lagu qabto doorashada, iyadoo wixii khilaaf iyo dood kasoo laabta fulinta heshiiskaas ay go’aan ka gaari doonaan 7-da xubnood ee saxiixayaasha ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in booska madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu badalay Rooble.

Munaasabadda ayaa la filayaa inay khudbado kala duwan ka jeediyaan madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, Musharixiinta mucaaradka, Xubnaha Beesha Caalamka iyo kuwa Bulshada rayidka ah, iyadoo ugu dambeyntii uu shirka soo xiri doono madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyada ayaa Arbacada maanta sii wadaya kulamada iyo wadatashiyada ay la leeyihiin Musharixiinta, qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo shaqsiyaadka ay u arkaan in ay door ku leeyihiin doorashooyinka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq waxa uu Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu u sheegay in heshiis wadajir ah ay wada-gaareen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si dalka uu u galo Doorashooyinka Baarlamaanka iyo madaxtooyada.

Heshiis ay dhinacyada gaaraan ayaa dhabaha u xaari kara in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoon yahay, kadib markii uu muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhammaaday 8-dii February.

Xuutiyiinta dalka YEMEN oo soo qabtay sarkaalkii ay raadinayeen Soomaalida

Sana’a (Caasimada Online) – Dagaalyahan ka tirsan kooxda Xuutiyiinta ayaa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo, kaasi oo baxsad ahaa muddo kadib markii uu magaalada Sanca ee dalka Yeman ku dilay Nin Soomaali ah, kaasi oo ay Soomaalida Sanca aad u raadinayeen.

War ka soo baxay Booliska magaalladda Sanca ee dalka Yeman ayaa lagu sheegay in gacanta Booliska uu soo galay gacan-ku-dhiiglihii sida xaq-darada u dilay Allaha U Naxariisto Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jirey Ibraahim Cali Faarax Muuse.

Ibraahim Cali oo 36-jir ahaa ayaa waxaa shan xabo oo rasaas ah ku furey gacan-ku-dhiiglaha la qabtay, xili uu kusoo socday goob uu ka shaqeeyo oo ku taala magaalada Sanca, kadib markii uu istaajiyey askarigu oo uu tusay aqoonsigiisa Soomaalinimo.

Marxuumka ayaa waxa uu shaqaale ka ahaa Xarunta Jaamacadda Aljazeera ee Sanca, gaar ahaan waaxda Nadaafada, sida ay baahisay warbaahinta gudaha.

Askariga la qabtay oo magaciisa lagu sheegay Khalid Abdibaasid Yaxya Naasir Al-Jayifi ayaa dilka ku fuliyey qori nooca loo yaqaano AK-47, waxayna booliska bilaabeen inay xeer ilaalinta u gudbiyaan kiiskiisa.

Kiiska dilka ee la xaqiijiyey in Abdibaasid geystay ayaa waxaa dhawaan lasoo taagi doono Maxkamad hoos tagta Maamulka Xuutiyiinta.

Dagaalyahanada Xuutiyiinta ayaa mararka qaar geysta dilal noocaan ah oo kale ah, ayada oo Soomaalidu ay si weyn usoo dhaweysay in maamulka Xuutiyiinta uu gacanta kusoo dhigo gacan-ku-dhiiglaha dilay Ninka Soomaaliga.

Abwaan iyo Majaajiliiste caan ka ahaa oo geeriyooday

Burco (Caasimada Online) – Allaha unaxariiste Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule, oo sidoo kale ahaa majaajiliiste, ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Burco ee Somaliland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelkiisa.

Sooraan ayaa maalmihii u dambeeyay ku xanuusan magaalada Burco, waxaana si weyn usoo ritay cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19 oo markale kusoo labo kacleeyay dalka, gaar ahaan deegaanada Somaliland.

Abwaanka ayaa waxa si gaar ah loogu baxnaaniyey isbitaalka gaarka ah ee lagu dabiibo dadka uu soo rito cudurka Coronavirus ee magaalada Burco, ayada oo xaaladiisu ay kasii dartay ilaa uu sababsaday geeridiisa.

Cudurka Koronaha ayaa waxa uu haleelay Sooraan, kadib markii uu safar ku tagay dalka Jabuuti oo uu muddo toddobaadyo ah ku maqnaa.

Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule AUN ayaa waxa uu kamid ahaa abwaanada iyo majaajileystayaasha caanka ah ee Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda loogu jecel yahay dhulka Somaliland oo ku nool intii u badneyd.

Geerida abwaanka ayaa waxaa ka tacsiyeeyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo soo saaray qoraal kooban.

“Eebbe ha u naxariisto Hal abuurkii, fannaankii iyo jilaagii weynaa ee Sooraan Ismaaciil Sugulle oo ku geeriyooday Burco. Sooraan waxa uu ka mid ahaa hal abuurrada sida weyn uga qeyb qaatay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed fankiisa iyo sheekooyinkiisuna ahaayeen kuwo farriin xambaarsan. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo,” ayuu yiri Rooble.

QM oo walaac xoog-leh ka muujisay go’aankii ay DF Somalia qaadatay dhowaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo khudbad ka jeedinayey kulanka golaha ammaanka ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2021.

Swan ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaaday go’aankii ay dowladda federaalka ah ku diiday ergeygii ka socda Ururka Midowga Afrika ee John Mahama oo dib isaga laabtay.

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay tahay arrin laga welwelo in dowladda Soomaaliya ay iska diiday ergeygii Midoowga Afrika u soo magacaabay arrimaha Soomaaliya, si uu qeyb uga noqdo dadaallada socda ee doorashada.

“Waxaa si weyn uga qoomameyneynaa go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku diiday ergeygii Midowga Afrika usoo magacaawday Soomaaliya,” ayuu yiri James Swan.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee ku shirsan Teendhada Afisyoone, isaga oo ugu baaqay inay ka dhabeeyaan wada-hadallada socda ee doorashada.

James Swan ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in madaxda Soomalaiyeed ay heystaan fursad muhiim ah oo dalka looga gudbin kari xaaladda adag ee uu jiro, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah oo ay sii adkeeysay is-faham waaga ka jira doorashooyinka.

Si kastaba, John Mahama ayaa iska casilay xilkan, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku adkeysatay go’aankeeda, waxayna ku eedeysay inuu xiriir la leeyahay dowladda Kenya.

Hadalkan ayaase ku soo aadayo, iyada oo haatan isku dhowaasho laga sameeyey wada-hadallada ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana lagu wadaa in go’aanka beri lagu dhawaaqo, si markaasi loo bilaabo doorashada oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Weerar dad isku qoys ah lagu dilay oo ka dhacay Galgaduud

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay weerar lagu dilay dad shacab ahaa ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Garasle oo hoostaga magaalada Balanballe ee gobolka Galgaduud, waxaana lagu soo warramayaa in dadka lagu dilay oo gaarayey illaa saddex qof ay ahaayeen dad isku qoys ah.

Ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in maleeshiyaadka weerarka geystay ay dadkaasi ugu tageen gurigooda, kadibna ay dileen.

Sida ay ogaatay Caasimada Online dadka la dilay ayaa kala ahaa labo wiil oo walalale ah iyo sidoo kale gabar ay Abti u ahaayeen, kuwaas oo meydadkooda la geeyey Balanballe.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in kooxihii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Galmudug.

Falkan ayaa walaac xoogan waxaa ka muujiyey dadka deegaanka, iyadoo lagu soo warramayo inay haatan socdaan howl-gallo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey.

Sidoo kale waxaa weerarkan lala xiriirinayaa inuu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan deegaano dhowr ah ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii duleedka Balanballe uu ka dhacay dagaal beeleed khasaare geystay oo dhex-maray maleeshiyaad ku wada sugan halkaasi.

Xog: 130 ka mid ah ardayda Muqdisho oo halis ugu jira inay imtixaanka shahaadiga uga haraan sabab yaab leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 130 arday ah oo ku nool magaalada Muqdisho ay wajahayaan halis weyn oo ay uga baaqan karaan Imtixaanka Qaranka ee dugsiga sare, kaasoo Sabtida ka billaaban doono Muqdisho. 

Waaliidin badan ayaa Caasimada Online u sheegay in ardaydooda oo Iskuulka joogay muddo aan ka yareen 12 sano in laga waayay liiska ardayda Imtixaanka galaya oo ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, markii la baarayna ay ogaadeen in loo qoray Dropout oo loola jeedo in ardaygu uu ka haray waxabarashada ama Iskuulka. 

Aabe Xuseen Bootaan Xasan ayaa sheegay in uu ka tirsan guddiga waalidiinta ee Iskuul ku yaalla Muqdisho islamarkaana ay dhigato gabadhiisa muddo 12 sano ah balse ay wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya u soo qortay Dropout, taasoo xadgudub ku ah xuquuqda ardayda Soomaaliyeed. 

“Waxaan la kulmay ilaa 3 agaasime oo ka tirsan wasaaradda Waxbarashada iyo agaasimaha waxbarashada Gobolka Banaadir dhamaantoodna waxba kuuma qaban karno ayey i dhaheen maxaan ku muteystay waa xadgudub waana ku takrifal waxaas nama qabtaan,” ayuu yiri Aabe Xuseen Bootaan Xasan. 

Sidoo kale qaar kale oo kamid ah waalidiinta wajahaya dhibaatadaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay u sheegtay in Iskuulada iyo Dalladaha aysan usoo gudbin magacyada ardaydooda oo ay u raadsadaan. 

Caasimada Online ayaa xaqiijisay in ardayda qaar si buuxda u dhigan jireen Iskuullada islamarkaana ay kaalmo hore ka geli jareen Imtixaanaadka Iskuulada qaadaan. Ardayda qaar ayaa aragnay oo natiijo wanaagsan ka keenay Imtixaanka dhexe ee Iskuulka (mid-term exam) 

Lama oga sida ay ku dhamaan doonto arrintaan waxaase muuqato in carruur badan ay la daala dhacayaan dhibaatooyin aysan xaq u laheyn in ay maraan.

Swan oo madaxda ku shirsan Muqdisho uga digay waxa dhici kara haddii aysan heshiin

New York (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sheegay inay qasab tahay in shirka wadatashiga ee Muqdisho ka socda uu dhaliyo heshiis horseedi kara in dalka doorasho looga qabto waqtiga ugu gaaban ee ugu macquulsan.

“Heshiis la’aan, iyo daacadnimada iyo niyad-wanaagga lagu fulinayo, guulihii la gaaray sanadihii tegay waa ay lumi doonaan, taasi oo keeni karta amni iyo xasillooni darro dheeraad ah,” ayuu ka digay James Swan oo ka hadlay kulan uu Golaha Ammaanka ka yeeshay arrimaha Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlayey is-mari waaga siyaasadeed iyo muddo kororsigii laga laabtay ee horseeday in lagu dagaalamo Muqdisho, ayuu James Swan yiri “Soomaaliya qarka ayey kasoo laabatay marxaladdii ugu xumeyd.”

James Swan ayaa ku cadaadiyey hoggaamiyeyaasha ku shirsan Muqdisho inay raadiyaan tanaasul, kana shaqeeyaan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ayada oo la eegayo danta shacabka Soomaaliyeed.

“Haddii aan la gaarin heshiis, horumar laga sameeyo ahmiyadaha qaranka waa ay wiiqmi doonaan, ama kasii daran’e waa ay baabi’i doonaan, sida amniga dhaqaalaha iyo waaxyaha horumarka,” ayuu ka digay Swan.

Shirka wadatashiga ee ka socda Muqdisho ayaa la filayaa in maanta lasoo geba-gebeeyo, ayada oo wararka ay sheegayaan in heshiis laga gaaray.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo isna ka hadlay kulanka Golaha Ammaanka ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya ay heshiis laga gaaray arrimihii la isku hayay ee doorashada ku saabsanaa, laguna dhowaaqi doono maanta.

Xog: Hal arrin oo Guudlaawe ka hor-taagan in uu heshiis la gaaro beesha Xawaadle

Beledweyne (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa sheegay in Madaxweynaha HirShabeelle uu dhowr jeer isku dayay in uu la heshiiyo Beesha Xawaadle oo diidan maamulkiisa laakiin uu la kulmay caqabad ilaa hadda taagan. 

Xubnahaan ka tirsan xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed uu dalbaday in looga dambeeyo beesha uu kasoo jeedo ee Xawaadle islamarkaana uu awoodi waayay in uu wada-hadal lafuro. 

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa diiday in la dhinac maro oo ay Xawaadle qof kala hadasho arrimaha HirShabeelle, taasoo ku tilmaamay in ay meel ka dhac ku tahay matalaaddiisa. 

“Wax badan ayaa isku daynay laakin Madaxweyne ku xigeenka ayaa yiri yaan la ii gadaal marin basle waxba kama keenin in toos Madaxweynaha ula xariirana waa diidyay,” ayuu yiri la-taliye sare oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha oo la hadlay Caasimada Online. 

Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo Madaxweyne ah muddo ka badan lix bil ayaa ilaa hadda wajahaya diidmo xoog leh oo kaga imaanaya beesha Xawaadle oo kamid ah beelaha ugu tunka weyn HirShabeelle.

Beeshan ayaa diiday doorashadii uu kusoo baxay Guudlaawe, ayada oo ku dooday in heshiiskii lagu dhisay HirShabelle uu ahaa inay leeyihiin madaxweynaha, halka beesha Guudlaawe ay leedahay caasimadda, inkasta oo kuwa arrintan diidan ay sheegeen in heshiiskaas uu ahaa hal muddo xileed, oo aanu aheyn weligiis.

Sawirro: Ciidamada DF oo degaano cusub kala wareegay dagaal-yahanada Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay lw areegeen deegaano dhorw ah oo ka tirsan gobolka Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Howl-galladan oo uu horkacayey taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamadu ay kula wareegeen deegaanada War Dhagax, Warciise, Gal Leef, Qoor Dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere.

Wararka ayaa sheegaya in deegaanadaasi ay horey ugu sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, balse dagaal kooban, kadib ay isaga baxeen deegaanadaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ka hadlay howl-galladan ayaa shaaca ka qaaday inay jab xoogan iyo khasaare ku gaarsiiyeen dagaalyahanadii ku sugnaa deegaanadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay fariisimo cusub ka sameysteen deegaanada ay kala wareegeen kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa halkaasi, iyadoo laga cabsi qabo inay soo rogaal celiyaan xoogaga Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo beryahaan ku sugnaa gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa baabul iyo dhaq dhaqaaqyo milatari ka waday deegaano ka tirsan maamulka HirShabelle.

Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaano ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyaga oo weeraro culus kasoo abaabulay deegaanada ay heystaan ee HirShabelle.

Qatar oo isku dayeysa inay bedesho dhex-dhexaadintii uu Imaaraadka ka laabtay

Doha (Caasimada Online) –  Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ahna ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar ayaa maalmahan booqasho ku jooga caasimada Sudan ee Khartoum, xili ay taagan tahay xiisad ka dhex aloosan Ethiopia iyo Sudan.

Al-Thani ayaa kulan la qaatay ra’iisal wasaaraha Sudan, Dr. Cabdalla Xamduuk, ayada oo qaabilaadaasi ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Golaha Wasiirada ee dalka Sudan.

Ra’iisal wasaaraha Sudan ayaa Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ka gudoomay dhambaal qoraal ah oo uu usoo diray Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani.

Waxaa looga hadlay kulankaan xiriirka labada dal, taageeradda Qatar ee Arrimaha Ammaanka, Siyaasadda, Maalgashiga, Tababarada, Iskaashiga iyo Dhaqaalaha, ayada oo labada dhinac isla qaateen in Qatar dhex-dhexaadiso Sudan iyo Ethiopia.

Ku-xigeenka RW dalka Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Jaasim Al-Thani ayaa shaaciyey inay Qatar dhex-dhexaadin doonto Sudan iyo Ethiopia oo isku haysta Khilaaf dhanka Xuduudka iyo Saami-qeybsiga biyaha ee Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD.

“Ma doonayo wax kasta oo dhibaataynayo dadka Sudan, Ammaankooda ama Noloshooda. Waxaa kale oo aan bogaadinaynaa qaabka ay Sudan ku wajahayso arrimahaasi ee Caaqilnimada iyo qaabka Diplomaasiyadeed ee deggan” ayuu yiri Ku-xigeenka RW Qatar.

Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ayaa rejo fiican ka muujiyey xalinta Xiisadahaasi, ayada oo loo mari doono wada-xaajood iyo xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal ee Sudan iyo Ethiopia, sida uu sheegay.

Dhex-dhexaadinta Qatar ay ka bilaabeyso Ethiopia iyo Sudan ayaa imaneysa xili ay dowladda Imaaraadka Carabta ka laabatay hindisihii dhex-dhexaadinta ee ay ku dooneysay in lagu xaliyo xiisada ka dhex aloosan labada dal.

Ilo-wareedyo ku dhow Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan ayaa dhawaan sheegay in tallaabada Imaaraadka uga baxay hindisihii dhex-dhexaadinta ay timid kadib markii ay ku gacan-sayreen Hindise ay Imaaraadka ku codsadeen in Mashariic Beereed laga hirgeliyo Deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan.

Madaxa Golaha KMG ee haya talada Sudan, Jeneral C/Fataax Al-burhan oo dhawaan socdaal ku tegay Imaaraadka waxa uu Madaxda dalkaasi ku wargeliyey in marka hore la calaamadeeyo Xuduudka Sudan iyo Ethiopia, ka hor inta aan laga hadlin wax Mashaariic ama joogitaanka shaqaalaha Ethiopianka ee Deegaanka Xuduudka.

Imaaraadka ayaa ka xumaatay go’aanka Sudan ay ka qaadatay maal-gelinta Imaaraadka uu ka sameynayo dhulka Sudan, kaasi oo lasoo wariyey in 8 Billion oo dollar ku maal-gelin doonaan Mashaariic Beereed ku yaala deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan.

Qatar ayaa ayadu laftigeeda daneyneysa sidii deegaan Maalgelin uga samaysan laheyd gudaha Sudan, taasi oo ay hore isugu fahmi waayeen dowladda Imaaraadka oo muran kooban soo kala dhex-galay hogaamiyeyaasha dalka Sudan.

Shabaab oo weerar culus ka fulisay Kenya + Khasaaraha

0

Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad aha ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan kooxda Al-Shabab ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, gaar ahaan nawaaxiga Wajeer.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu ekeeyey guri uu duleedka Wajeer ka dagan yahay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee dalkaasi oo lagu magacaabo Nuur Jibriil, kaasi oo xilliga weerarka ka maqnaa guriga.

Sarkaalka la weeraray hoygiisa oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in xilligaasi ay isaga iyo askar kale ilaalo ka hayeen isbitaalka (Khorof Harar Hospital), kadibna markii ay maqleen rasaasta ay guriga kusoo laabteen.

Nuur Jibriil oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in marka ay yimaadeen guriga ay la kulmeen meydka wiilkiisa oo ay toogasho ku dileen kooxihii fuliyey weerark oo goobta ka baxsaday.

“Annaga iyo saraakiisha kale ee NPR, waxaan ilaalo ka haynay Isbitaalka (Khorof Harar Hospital) markii Al-Shabaab ay soo weerareen gurigeyga, waxaan maqalnay dhawaqa rasaasta waxaana durba u dhaqaaqnay goobta. Nasiib darro, markii aan halkaa gaarnay waa goor ay wiilkayga toogteen,” ayuu ka dhawaajiyey Nuur Jibriil.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa weerarka, kadib howl-gallo ballaaran ka sameeyey agagaarka degmada Wajeer, iyaga oo baadi goobayey raggii ka dambeeyey falkaasi.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyo Bari oo xad laleh Soomaaliya.

DF oo sheegtay in heshiis laga gaaray doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta shir gaar ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, waxaana hor tegay oo khudbado ka jeediyey xubno ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Ugu horeyn wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa khudbadiisii uu ka hor jeediyey Golaha Ammaanka waxa uu ku sheegay in heshiis laga gaaray arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo ahaa qodobka ugu muhiimsan ee loo qabtay shirkaas.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq waxa uu sheegay in madaxda Soomaaliya ay shir maalmo qaatay oo weli uga socda magaalada Muqdisho ay ka gaareen hor-marro waaweyn, isla markaana heshiis laga gaaray arrimihii la isku hayay ee doorashada ku saabsanaa.

Sidoo kale wasiirku waxa uu khudbadiisii galabta ku sheegay in dhinacyadu ay ku heshiiyeen qodobadii muhiimka ahaa ee uu muranka ka taagnaa, isla markaana ay war-saxaafadeed si wadajir ah u soo saari doonaan maalinta Khamiista ah ee soo socota.

Dhankiisa Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan isagoo warbixin ku saabsan Soomaaliya siinayey golaha ammaanka ayaa waxa uu bogaadiyay tanaasulka ay muujiyeen hoggaamiyayaasha Soomaalida iyo is afgaradka socda, “Dareenka tanaasulku weli waa baahi deg deg ah oo loo sii socdo,” ayuu yiri James Swan.

Iyadoo aan weli wax heshiis ah oo la gaaray aan la shaacin, ayey xukuumaddu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey la wadaagtay in wax kasta laga heshiiyey, balse sida aan xogta ku heleyno weli lama xalin qodobo ay ku jirto arrinta Somaliland.

Tan iyo Sabtigii todobaadkaan Ra’iisal wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho ayuu shir uga socda Teendhada Afisyooni, waxaana lasoo werinayaa in afartaas maalmood wadahadalladii socday laga gaaray hormarro muhiim ah, waxaana lagu wadaa in Khamiista 27-ka bishan lasoo gabagabeeyo shirka, sida uu galabta shaaciyey xafiiska ra’iisul wasaare Rooble.

Daawo: Goorta lasoo xirayo shirka Afisyooni oo la sheegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha Doorashooyinka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa galay maalintiisi afraad, waxaana laga gaaray natiijo wanaagsan, sida uu shaaciyey xafiiska Rooble.

Shirkan waxaa lagu wadaa in lasoo xiro maalinta Khamiista ah ee soo aadan, waxaana la isku afgartay inta badan qodobadii la isku hayey.

Af-hayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirka oo maanta galay maalintiisii afraad, waxuuna sheegay in madaxda ay muujiyeen biseylkooda ku aadan sida ay u doonayaan in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka.

“Ra’iisul wasaaraha oo had iyo jeer xudun u ahaa wadahadaladana waxaa uu ahaa qofka habeen iyo maalin ka shaqaynayey in shirku uu guuleysto,” ayuu yiri Macalimuu.

Shirkan oo teendhada Afisyooni ka furmay Sabtidii lasoo dhaafay ayaa looga hadlay qodobo in mudo ah la isku khilaafsanaa, waxaana la sheegayaa in badankood ay dhinacyadu heshiis ka gaareen, waxaana dhiman weli qodobo ay ka mid tahay arrinta Somaliland.

Sida uu ka dhawaajiyey Afhayeenka xukuumadda waxaa la guda galay diyaarinta warmurtiyeedkii heshiiska, waxaana la sheegay in Khimiista soo socota la soo xiri doono shirka, iyadoo madaxdu ay shaaci doonaan qodobada ay ku heshiiyeen, si dalka loogu jaheeyo doorasho.

Hoos ka Daawo

Kenya: Xog cusub oo laga helay baaritaanka kiiska dilka ganacsadihii Soomaaliyeed

0

Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay faah-faahino dheeriya oo laga helayo baaritaano lagu sameeyay meydka ganacsade Bashir Maxamed Gaboobe oo dhawaan meydkiisa laga helay goob duur ah oo ku taalla deegaanka Mwea ee dalka Kenya.

Baaritaano la sameeyay ayaa muujinaya in ganacsadaha la jirdilay ka hor inta aanan la ceejin, ayada oo meesha laga saaray in wax rasaas ah loo adeegsaday, waxaase jira garaafooyin u eg in dhulka lagu jiiday.

Ehellada marxuumka ayaa hore u shaaciyey in dilka Bashiir loo adeegsaday rasaas, ayna sidoo kale ku yaalleen nabaro kale oo jir dil ah, hase yeeshe faah-faahinta hordhaca ah ee kasoo baxeysa baaritaanka ayaa tilmaameysa mid taas ka badalan, sida ay daabacday warbaahinta Kenya.

Madaxa dowladda Kenya u qaabilsan baaritaanada meydadka ayaa gacanta ku haya baaritaanka meydka marxuumka oo muddo la raadineyay, kaasi oo markii dambe la helay meydkiisa, ayada oo la geeyey qolka maydka ee magaalada Mwea oo ka tirsan gobolka Kirinyaga oo ah halka laga helay meydka.

Dhinaca kale, Qareenka u doodaya marxuumka ayaa asaguna sheegay in baaritaanada lagu ogaaday in jirkiisa uu u muuqday mid la gubay, dhaawacna uu kaga yaallay isha isla markaana ay u muuqato in bir lagu garaacay.

Waxa kale oo uu intaas ku daray in gubasahda meydka ka muuqatay ay ugu wacan tahay in koronto lagu dhajiyey, sida uu sheegay.

Allaha u naxariistee ganacsade Bashiir Maxamed Gaboobe oo todobaadyo ka hor la waayey ayaa 23-kii bishaan meydkiisa laga helay duleedka magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.

Marxuumka oo maalmo badan la baadi goobayey ayaa waxaa meydkiisa laga helay meel duur ah oo qiyaastii 180 KM u jirta magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi.

Marxuumka ayaa 13-kii bishan aynu ku jirno la waayey meel uu jaan iyo cirib dhigay, waxaana kadib waayitaankiisii duleedka Nairobi laga helay gaari la rumaysanyahay inuu yahay kiisa oo la gubay.

Sidoo kale marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka ayaa madax ka haa shirkad ganacsi oo ka shaqeysa dhismaha, mashaariic waaweynna ka wadday dalka Kenya.

Dhacdadan ayaa wal-wal xoogan iyo sidoo kale cabsi ku reebtay ganacsatada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee ajaaniibta ah ee ku sugan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Xog: CABDI XAASHI oo hal arrin ka diiday R/W ROOBLE

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare, islamarkaasna ah Guddoomiyaha siyaasiyiinta Somaliland sidoo kalana ah guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay la kulmay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa la sheegay in isaga iyo Siyaasiyinta Somaliland ay iska diideyn dalabka Ra’iisul wasaare Rooble ee ku saabsanaa qoondada laga siiyey guddiyada hirgelinta doorashada.

Rooble ayaa dalabkaan hordhigay Guddoomiyaha Cabdi Xaashi, balse Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu codsiga Ra’iisul wasaaraha u gudbiyey guddiga siyaasiyiinta Somaliland garabka uu isaga hoggaamiyo oo ayagana si cad u diiday.

Codsiga uu Rooble hor dhigay Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ahaa in garabka uu isaga hoggaamiyo laga siiyo guddiga doorashada Somaliland illaa 5 xubin halka garabka kale ee uu hor kacayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed la siiyo 10-ka kale.

Guddoomiye Xaashi qoondada la siiyey 35% waxaa uu u arkaa in aaney ka tarjumeyn kursiga uu ku fadhiyo iyo siyaasiyiinta Somaliland, iyada oo ninka dowladda ay taageerto ee Mahdi Guuleed uu la tagayo 65% guddiga.

Shirkii farsamada ee Baydhabo ayaa garabka uu hoggaamiyo Guddoomye Cabdi Xaashi loogu ogolaaday in la siiyo 4 xubin, waxaana hadda muuqato in kaliya lagu kordhiyey 1 xubin taasoo noqotay mid aan u cuntami karin guddoomiyaha.

Gudoomoye Cabdi Xaashi iyo garabka uu hoggaaminayo ayaa dalbanayo in guddiga doorashada ee reer waqooyiga loo qeybsado si siman, waxaana taas kasoo horjeedo Mahdi Guuleed oo garab ka helayo Villa Somalia.

Sida ay illo wareedyo lagu kalsoon karo u xaqiijiyeen Caasimadda Online, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku hanjabay inuu shir jaraa’id qaban doono haddii shirka ka socdo xerada Afisyooni looga dhawaaqo go’aan hal dhinac ah, taasoo keentay inay kulan deg deg ah ka codsadaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Xogta aan ka helnay xafiiska Guddoomiya Cabdi Xaashi ayaa meesha ka saareyso sheegashada xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ee ah in kulankii dhex maray isaga iyo Cabdi Xaashi laga gaaray isfaham.

Wararka laga helayo shirka ayaa waxa ay sheegayaan in ay adkaatay in heshiis laga gaaro sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhex jira siyaasiyiinta iyo Madaxda kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee dalka.

Sawirro: Askari Kenyan ah oo u afduuban Al-Shabaab oo farriin xasaasi ah soo diray

Muqdisho (Caasimadda Online) Muuqaal cusub oo ay soo saartay garabka Warbaahinta ee Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo bandhigay mid kamid ah askarti ciidanka Kenya ee lagu qabtay dagaalkii Ceel-Cadde ee dhacay sanaddii 2016.

Gerishon W. Wesike oo ah maxbuus gacanta ugu jira Al-Shabaab ayaa farriimo u diray Uhuru Kenyatta iyo shacabka Kenya, sido kalana wuxuu ka hadlay howlgalka AMISOM oo ay qeyb ka tahay Dowladda Kenya.

Askarigaan ayaa sheegay in dowladiisa ay dayacday islamarkaana lagu hilmaamay xabsiga uu ugu jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna dowladda Kenya ku eedeeyey inaysan marnaba soo hadal qaadin maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Ceel-Cadde.

Muuqaalka intiisa badan ayaa Wesike waxa uu dowladiisa ka codsaday in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya si loo badbaadiyo naftiisa maadaama ay Al-Shabaab sii deyntiisa shuruud uga dhigtay in ciidamadaas laga saaro guud ahaan Soomaaliya.

53 sano jirkaan ayaa qoyska uu kasoo jeedo ka codsaday inay Dowladda Kenya cadaadis ku saaraan sidii uu uga soo bixi lahaa gacanta Al-Shabaab.

Gerishon W. Wesike ayaa waxaa muuqaalkaan cusub looga duubay halkii laga soo qabtay 5 sano ka hor, iyadoo lagu amray inuu matalo qaabkii uu ku sugnaa markii gacanta lagu soo dhigay, waxaana xusid mudan in meesha muuqaalka looga duubayey la keenay gaarigii uu saarnaa markii gacanta lagu soo dhigayey.

Waa markii labaad oo muuqaal noocaan ah laga soo duubo askarigaan, waxaana markii ugu horeysay muuqaal laga soo duubay la faafiyey Bishii April ee sanadkii 2016, balse dowladda Kenya ayaan wax muhiimad ah siin codsiga askariga ka tirsan ciidamadooda ee ku jiro gacanta kooxda Al-Shabaab.

HirShabelle oo xirtay xaaska hogaamiyaha maleeshiyadii soo weerartay Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Maamulka HirShabeelle ayaa wali wada baaritaano la xariira dadkii ka dambeeyay ama ku lug-lahaa dagaalkii Arbacadii ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka HirShabeelle, kaasoo lagu dilay in kabadan 10 qof oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxtooyada. 

Ciidanka Booliska ayaa baadi goobaya shaqsiyaad loo tilmaamay kuwaas oo wax ka ogaa weerarkii dhacay, sidoo kalane u badan qaraabada Maleeshiyada Macawiisleyda ee weerartay magaalada Jowhar. 

Baaritaanadii ugu dambeeyay ee shalay laga sameeyay Xaafadda Hanti-wadaag ee Jowhar ayaa la sheegay in lagu soo qabtay saddex qof oo ay ku jirto xaaska ninkii hogaaminayay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee lagu soo qaaday Jowhar. 

Haweeneyda la soo qabtay ayaa lagu magacaabaa Aamino Shariifow,  waxaana la sheegay in ay u saarantahay Assaay (mara cad ee xertaan dumarka laga dhinto). 

Haweeynadaan oo sidoo kale ah Hooyo carruur heysata ayaa ninkeeda oo kooxdii weerarka soo qaaday hogaaminayay ku dhintay isla dagaalkaas waxaana la sheegay in ciidanka ay su’aalo weydiinayaan. 

Saraakiisha Booliska HirShabeelle oo aan la xariirnay ayaa heli weynay si aan wax uga weydiino baaritaanada ay wadaan ee lagu baadi goobayo dadka xigtada ah kooxdii weerarka ka fulisay Jowhar, kuwaasoo ka tirsanaa Maleeshiyada Macawiisleyda. 

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka doorashooyinka oo galay maalintii afaraad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, kaas oo Sabtidii lasoo dhaafay ka furmay Teendhada Afisyoone ee ku dhex-taalla Xalane.

Shirkan oo galay maalintiisii labaad ayaa wuxuu u dhexeeyaa ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya oo isugu soo qaban qaabiyey, duqa magaalada Muqdisho iyo hoggaamiyeesha shanta dowlad goboleed ee Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Puntland.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa xaaladda cakiran ee dalka, siiba is mari-waaga ka taagan doorashada oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo maamullada dalka

Sida ay ogaatay Caasimada Online Qodobada la’isku hayo ee dooda iyo shirka sii dheereeyey ayaa ah arrinta gobollada waqooyi oo ay isku hayaan guddoomiyaha Aqalka Sare iyo sidoo kale xiisada gobolka Gedo ee dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland.

Labadan qodob ayaa qaadatay waqti badan iyo dood dheer, waxaana sidoo kale jiray kulamo gaar gaar ah oo ay dhinacyadu ka yeesheen, si la’isugu soo dhowaado.

Jadwalka lagu ballamay inuu juu soo xirmay shirka ayaa is-bedal uu ku yimid, waxaana haatan socda wada-hadallado ku aadan sidii heshiis dhameystiraan loo gaari lahaa.

Sidoo kale waxaa wararku intaasi kusii darayaan inay haatan socdaan dadaallo ay wadaan madaxda qaar kuwaasi oo shirka looga ilaalinaya in uu fashilmo ama lagu kala tego.

Shirka doorashooyinka ee haatan ka socda magaalada Muqdisho ayaa kusoo aaday xilli loo baahnaa, waana fursaddii ugu dambeysay, marka loo eego waqtiga la heysto ee ku aadan qabashada doorashada dalka oo isugu jirto tan baarlamaaniga ah iyo mida madaxweynaha.

Ganacsade Soomaali ah oo xaaskiisa oo ajnabi ah ay ku dishay dalka Koonfur Afrika

0

Cape Town (Caasimada Online  – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay ganacsade Soomaali ahaa loogu geystay xaafaddda Mayfair oo ka tirsan magaalada Johannesburg ee wadanka Koonfur Afrika oo Soomaali badan ay nooshahay.

Wararka ayaa sheegaya in dilkaas oo loo geystay marxuum Cabdikariin Gigis ay fulisay xaaskiisa oo Koonfur Afrikaan ah, taas oo toogasho ku dishay, xilli uu ku sugnaa hoygiisa.

Haweeneyda dilka ka dambeysay oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay dilka u adeegsatay bistoolad uu lahaa marxuumka, kadibna ay wacday Booliiska oo ay ugu dambeyn isku dhiibtay.

Laamaha ammaanka ee Koonfur Afrika ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan sababta ka dambeysay dilka ay haweeneydaasi u geysatay saygeeda.

Dhacdadan ayaa la-yaab ugu noqotay Soomaalida kale oo si aad ah u hadal haya dilka loo geystay marxuum Cabdikariin Gigis oo ka mid ahaa dhalinyarada ku nool Johannesburg.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika kusoo badaneyey weerarada ka dhanka ah Soomaalida ku dhaqan dalkaasi, iyaga oo la kulmo dil, dhaawac iyo dhac.

Inta badan kooxo burcad Afrikaan ah ayaa ka dambeeya weerarada lagu hayo Soomaalida, waxaana aad u yar wax ka qabashada dowladda ee ku aadan dhibaatooyinkaasi

Ireland: Baasaboorka Somalia oo la kala siisanayo $488

Dublin (Caasimada Online) – Soomaalida ku nool dalka Jamhuuriyadda Ireland iyo Gobolka Waqooyiga Ireland ee UK ayaa ka cabanaya lacag dul saar ah oo ay sheegeen in looga qaato marka ay baasaboorka Soomaaliga dalbanayaan.

Qaar ka mid ah Soomaalida oo lasoo xiriiray Caasimada Online ayaa  arrintan ku eedeyey shaqsiyaad uu hormuud u yahay sarkaal ka socda Waaxda Jinsiyadaha iyo Socdaalka ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Belgium-ka.

Sarkaalkaan oo iminka ku sugan waddanka Jamhuuriyadda Ireland ayaa sida ay sheegeen magaalada Dublin ku sameystay shaqsiyaad lacago dul saar ah uga ururiya dadka, iyadoo baasaboorka Soomaaliga ah marka laguugu sameynayo wadanka Ireland lagaa qaadayo lacag dhan €320 Euro, oo lagu daray €80 Euro oo warqadda dhalashada ah, taas oo wadarta guud ka dhigeysa €400 Euro oo u dhiganta $488 Doolar, halka marka aad baasaboorka iyo warqadda dhalashada ka dalbato safaaradda Belgium lagaa qaadaayo €200 oo Euro.

“In lacago dul saar ah oo aan qasnadda dowladda ku dhaceyn na laga qaado, waxaan dhihi karnaa waa mukhallisnimo heer kale gaartay,” ayuu yiri Adan Nuux oo ka mid ah dad dhowr ah oo lacagahaasi la waydiistay.

Soomaalida Ireland ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay wax ka qabato maadaama lacagahaan aynan ku dhaceynin qasnadda Dowladda, oo shaqsiyaad gaar ah qaadanayaan

Ireland oo ah wdadan ay Soomaalida aad ugu yar tahay marka la barbar dhigo waddamada kale ee Yurub ayaanan laheyn wax safaarad ama qunsuliyad ah, mana ka jirto Jaaliyad Soomaaliyeed oo shaqeeysa, waana arrintaas sababta u fududeysay in shaqaiyaad gaar ah ay dadka baasaboor doonka ah ka qaataan lacago baad ah.

Sidoo kale waddanka Ireland waxaa ku nool dad kasoo Jeeda Qowmiyadda Baajuunta eee Soomaaliya, waxaana sanadki hore lacago fara badan ka urursaday sarkaalkaan, isagoo u sheegay  inuu baasaboor u sameynayo.

Imaatinka Sarkaalkan ee wadanka Ireland ayaa waxaa ka dambeeyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Soomaalida wadankaan ay horey uga dalbadeen in uu qunsuliyad u soo magacaabo ama ugu yaraan uu saraakiisha Waaxda Jinsiyadaha iyo Socdaalka usoo diro, taasi oo uu ka aqbalay Wasiirka, isagoo ujeedadiisu aheyd in dadka loo fududeeyo Baasaboorka. 

Si kastaba taas badalkeeda sarkaalkii Howsha loo xil saaray iyo raggii la shaqeynaayay ayaa u badalay in baahida dadka ay ka macaashaan oo ay lacago badan uga urursadaan, taas oo Soomaali badan ay culeys ku noqotay.