24.9 C
Mogadishu
Monday, July 13, 2026

Xog: Maxay yihiin ciidamada gaarka ah ee dowladda UK usoo direyso Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa ciidamo gaar ah usoo direysa Soomaaliya, si ay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM uga taageeraan la dagaalanka argagixisada. 

Wargeyska Express ee kasoo baxa London ayaa baahiyay in UK ay udiri doonto Soomaaliya 250 ka tirsan ciidanka khaaska ah ee UK, kuwaasi oo loo daabuli doono gudaha dalka 12-ka bilood ee soo socda.

Wargeyska ayaa sheegay in arrintaan ay daba socoto aas-qaska guutada howl-galka khaaska ah (The Special Operation Brigade) oo la howl-galiyay dhowr bilood ka hor.

Taliyihii hore ee Ciiddanka Cirka ee khaaska UK ee Special Air Service (SAS) , Jeneral Mark Carleton-Smith oo haatan madax ka ah Ciiddanka Britain ayaa iftiimiyey qorshaha UK ee ay ciidamada ugu soo direyso bariga Afrika.

Jeneral Mark ayaa hoosta ka xariiqay inuu doonayo in 12-ka bilood ee soo socda uu ku dhiso Guutada Koowad ee Ciiddanka Rangers-ka, isaga oo ka gaabsaday muddada ay ciidamadaas ku sugnaan doonaan gobolka.

“Waxaan doonayaan inaan arko, iyagoo loo daad-gureeyo Bariga Africa si ay u taageeraan La-hawlgalayaasheenna Bariga Afrika” ayuu yiri Jeneral Mark Carleton-Smith.

Express oo soo xiganaya Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Ciiddankaasi saldhigooda noqon doono Soomaaliya, si ay Ciiddanka khaaska ugu tababaraan xeelladaha dagaalka ay kula jiraan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wargeyska ayaa xogtaan uu baahiyey ku xusay in ciidamada khaask ah ay badeli doonaan kuwii Mareykanka ee tobabari jirey ciidanka dowladda Soomaaliya.

Waxaa lagu wadaa in ciidaanka iyo goobtooda koowaad ee howl-galka oo xogtu tibaaxeyso inay tahay Soomaaliya lagu shaaciyo Shirweynaha Hoggaamiyayaasha  dalalka G7 ee bisha soo socota ee June 11-da ilaa 13-da ku yeelan doonaan Gacan-biyoodka Carbis Bay ee Gobalka Cornwall ee dalka Britain.

Ciidamada dowladda federaalka oo kaalmo ka helaya kuwa AMISOM ayaa dagaal adag kula jira dagaalyahanada Shabaab, waxaana la filayaa in haddii UK si toos ugu biirto ay sarre u qaadeyso howl-galada ka dhanka ah argagixisada. 

QM oo shaacisay xog ku aadan weerarkii Al-Shabaab ee xabsiga Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo kasoo baxday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay weerarkii xooganaa ee ay bishii March dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ku qaadeen xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso.

Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday xog rasmi ah oo ku saabsan weerarkaasi oo ay sheegtay inuu ahaa mid uu heerkiisu aad sareeyey oo ay soo abaabushay kooxda Shabaab.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi ay Al-Shabaab ku deysay illaa 337 maxaabiis ah oo ay 140 ka mid ah ay u xirnaayeen dambiyo la xiriira argagixisanimo, halka 10 ka mid ah isla maxaabiistaas ay ahaayeen dumar.

Sidoo kale warbixinta kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan lagu dilay 7 askari oo ka mid ahaa ciidamada ammaanka, isla-markaana uu ku jiro taliyihii xabsiga dhexe ee Boosaaso iyo 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada Asluubta.

Waxa kale oo warbixinta lagu soo qaaday weerarada ay kooxda Daacish ka fuliso deegaanada Puntland, gaar ahaan weerarkii ay kooxdaas bishii April ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku sugnaa degmada Qandala, laguna dilay illaa labo askari.

Baahinta warbixintan ayaa qeyb ka ah warbixin saddex biloodle ah oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, taas oo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan uu maanta ka horjeedinayo golaha ammaanka.

Si kastaba, dagaallamayaasha kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ku sugan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ayaa inta badan weeraro ka fuliya magaalooyinka waa weyn ee Puntland, iyaga oo inta badan beegsada xarumaha ciidamada ammaanka ee maamulkaasi.

Ciidamo militari ah oo xirtay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dal African ah

Bamako (Caasimada Online) – Saraakiisha Militariga dalka Mali ayaa xiray madaxweynihii, ra’iisul wasaarihii iyo wasiirkii difaaca dowladda ku-meel gaarka ah ee dalkaas, taasi oo kasii dareysay qaska syaasadeed ee dalkaas, bilo un kadib markii afgambi militari xukunka loogu tuuray madaxweynihii hore. 

Madaxweyne Bah Ndaw, Ra’iisul Wasaare Moctar Ouane iyo wasiirka difaaca Souleymane Doucoure ayaa dhammaantood loo kaxeeyey xero militari oo ku taalla caasimadda Bamako, saacado kadib markii laba xubnood oo ka mid ah militariga ay xilalkooda ku waayeen isku shaandheyn lagu sameeyey dowladda, sida ay sheegeen ilo-dowaladeed iyo kuwa diblomaasi.

Xarigooda ayaa daba socda xukun ka tuuristii militariga ee  madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita. Dhacdadan ayaa kasii dari karta xasillooni darrada dalka ku yaalla Galbeedka Afrika, oo kooxo xiriir la leh Al-Qacida iyo Daacish ay maamulaan qeybo badan oo ka mid ah saxaraha waqooyi.

Xasillooni darrada siyaasadeed iyo dagaalka militariga dhexdiisa ah ayaa adkeeyey dadaallada ay quwadaha Reer Galbeedka iyo dalalka deriska ah ay ku caawinayaan dalkan saboolka ah. 

Howlgalka QM ee Mali ayaa ku baaqay in si deg deg oo shuruudo la’aan ah loo sii daayo kooxda la xiray, waxayna sheegeen in kuwa haysta hoggaamiyayaasha ay tahay inay ka jawaabaan ficilladooda.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku baaqday “sii deynta shuruud la’aanta ah ee kuwa la haysto.”

Madaxweyne Ndaw iyo ra’iisul wasaare Ouane ayaa loo xil saaray maamulka xukun rayid oo 18 bilood jiri doona kadib afgambkii August, hase yeeshee waxay militariga ka qaadeen xilal muhiim ah oo ay dowladda ka hayeen. 

Imaaraadka Carabta oo dib uga gurtay dhex-dhexaadinti dalalka Ethiopia iyo Sudan

Dubai (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka laabatay hindisihii dhex-dhexaadinta ee ay ku dooneysay in lagu xaliyo xiisada ka dhex aloosan Itoobiya iyo Sudan.

Sida uu qorey Wargeyska Asharq ee ka soo baxa magaaladda Abu Dhabi, dowladda Imaaraadka waxay si rasmi ah ugu war-geliyeen dowladda Sudan inay ka laabteen dhex-dhexaadintii lagu xalin lahaa muranka dhulka Xuduudka ee u dhexeeya dalalka Sudan iyo Ethiopia, kadib muran kooban oo soo kala dhex-galay xukuumadda Khartoum 

Qoraal ay dowladda Imaaraadka u dirtay dowladda Sudan ayaa lagu xaqiijiyey inay Imaaraadka xushmeynayaan mowqifka Sudan ee ku aadan baahida loo qabo in marka ugu horeyso meel la isla dhigo Xuduud-sameeyayaasha (Border makers).

Ilo-wareedyo ku dhow Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan ayaa sheegay in tallaabada Imaaraadka uga baxay hindisihii dhex-dhexaadinta ay timid kadib markii ay ku gacan-sayreen Hindise ay Imaaraadka ku codsadeen in Mashariic Beereed laga hirgeliyo Deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan.

Madaxa Golaha KMG ee haya talada Sudan, Jeneral C/Fataax Al-burhan oo dhawaan socdaal ku tegay Imaaraadka waxa uu Madaxda dalkaasi ku wargeliyey in marka hore la calaamadeeyo Xuduudka Sudan iyo Ethiopia, ka hor inta aan laga hadlin wax Mashaariic ama joogitaanka shaqaalaha Ethiopianka ee Deegaanka Xuduudka.

Imaaraadka ayaa ka xumaatay go’aanka Sudan ay ka qaadatay maal-gelinta Imaaraadka uu ka sameynayo dhulka Sudan, kaasi oo lasoo wariyey in 8 Billion oo dollar ku maal-gelin doonaan Mashaariic Beereed ku yaala deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan.

Sudan ayaa sidoo kale ka hortimid in Beeralayda Itoobiya mar kale u oggolaan doonin joogitaankooda Xuduudka, ilaa inta si rasmi ah loo caddeynayo xuduudka labada dal, oo sarre u qaaday xiisada ka dhex aloosan labada dowladood.

Itoobiya waxay ka biyo diidsan tahay heshiiskii xuduudka ee ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Sudan sanadihii 1902-dii, 1903-dii iyo 1972-kii.

Xiisada Sudan iyo Itoobiya ee la xiriirta muranka dhulka ayaa sababtay iska hor-imaadyo dhex-mara labada dhinac, waxaana weli taagan muran dhuleedka xuduudka oo ah dhul beereed.

Golaha ammaanka oo kulan ka yeelanaya Soomaaliya

0

New York (Caasimada Onliine) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay maanta kulan xasaasi ah ka yeeshaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka oo ay wada-hadalladooda ka socdaan magaalada Muqdisho.

Kulankan oo qabsoomayo gelinka dambe ee maanta ayaa waxaa si gaar ah loogu falan-qeyn doonaan doorashooyinka, amniga, wada-hadallada socda iyo kaalinta ay ka qaadan karaan dalalka xubnaha ka ah golaha.

Sidoo kale golaha ayaa warbixin ka dhageysan doono ergeyga gaarka ah ee ee Qaramada Midoobay, James Swan iyo adaxa AMISOM, Francisco Madeira oo faah faahin ka bixin doono xaaladaha soo kordhay iyo sidoo kale wada-hadallada haatan ka socda magalada Muqdisho.

“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta shir ka yeelan doona arrimaha Soomaaliya – qodobbada ay ka hadli doonaan waxaa ka mid ah doorashooyinka iyo arrimaha bani’aadamnimada. Waxaa warbixinno kooban siin doona golaha Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira. Toos halkan uga daawo 5-ta galabnimo xilliga Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska howl-galka kaalmeynta QM ee UNSOM.

Qaramada Midoonay ayaa dusha kala socota xaaladda adag ee Somalia, waxaana golaha ammaanku marar badan kulamo deg deg ah ka yeeshay marxaladda kala guurka ah ee uu dalku jiro, iyagoo ku baaqay in xal waara laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Kulanka ay maanta yeelanayaan golaha ammaanka ayaa wuxuu kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana aysan weli go’aamo rasmi ah kasoo bixin shirka wada-tashiga doorashooyinka ee ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo galay maalintiisii afaraad.

Soomaaliya ayaa waxaa ku daba-dheeraaday ka gudubka xaaladda kala guurka ah, waxaana arrintu kasii dartay markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxda dowladda federaalka ah, iyadoo aan heshiis rasmi ah laga gaarin hannaanka doorashooyinka 2021.

Xog: Lafta-gareen oo amray in lasoo xiro xubno ka mid ah maamulka Wanla-weyn

Wanla-weyn (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa la sheegay in uu bixiyay amar lagu soo xirayo guddoomiyaha degmada Wanla-weyn iyo ku-xigeenkiisa Arrimaha Bulshada, kadib markii uu dagaal culus ku dhaxmaray degmada. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in masuuliyiin ka tirsan ciidamada amniga, maxkamada ciidamada qalabka sida iyo maamulka gobalka lagu amray in la soo xiro masuuliyiintaas. 

Saraakiil ku sugan Balli-doogle ayaa sheegay in guddoomiyaha arrimaha Bulshada la geeyay Balli-doogle kadibna la soo fasaxay markii uu diiday guddoomiyaha degmada in uu asna tago. 

Sidoo kale xogta ayaa tilmaameysa in guddoomiyaha degmada uu diiday in uu tago taasoo keeni karta in xoog lagu soo qabto. Guddoomiyaha oo halkaas ku magacaaban muddo ka badan Lix sano ayaa heesta ciidamo beeleed hubeysan. 

Odayaal dhaqan oo ka soo jeedo dhinacyada dagaalamay oo qaraabo ahaanna isu dhaw ayaa arrinta ku jira waxaana la sheegay in ay isku dayayaan baajinta ammarka la bixiyay ee soo qabashada ah. 

Maalmo ka hor degmada Wanlla-weyn oo ku taala gobalka Shabeelada Hoose waxaa ku dagaalamay ciidamo ay kala hogaaminayaan labada guddoomiye waxaana dagaalkaas ku dhintay ku dhowaad 10 qof oo shacab u badan.

Dagaalka ayaa salka ku hayey maamulka isbaaro lacag badan ay kasoo xarooto.

Maxay tahay digniinta kasoo baxday guddoomiye Jeyte?

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo maanta ka hadlayay fatahaadaha Webiga Shabeelle uu ka geysto deegaanada gobolka ayaa digniin adag u diray hay’addaha ka howl-gala gobolka Hiiraan.

Jeyte ayaa sheegay in xiliga ka maamul ahaan ay waxqabad uga baahan yihiin dowladda iyo hay’adaha si fatahaadaha soo noq-noqday looga hortago.

Waxa uu carabka ku adkeeyay  in aan loo baahneyn waxyaabaha yar-yar oo ay Hay’adaha keenaan gobolka Hiiraan, balse loo baahan yahay waxqabad muuqda oo ku aadan fatahaadaha.

Guddoomiye Jeyte ayaa si adag uga digay Hay’adaha ceebta uga imaan karta maamulka iyo dregaannada gobolka Hiiiraan oo uu sheegay in dadka ay waqtiga uga luminayaan waxyabao aan waxba u soo kordhineyn, iyada oo ay jiraan fatahaado.

Hadalka Jeyte Cismaan ayaa imanaya xili ay magaalada Beledweyne ka socdan dadaalo looga hortagayo fatahaada webiga ee sanadkan, islamarkaana looga hortagi lahaa, si uusan saameyn balaaran ugu reeben dadka iyo deegaankaba.

Xaalad adag oo ka taagan magaalada Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xaalad adag ay ka taagan tahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kadib markii uu fatahaad horleh ka geystay webiga Shabelle ee mara magaaladaasi.

Wabiga ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu saacadihii lasoo dhaafay fatahaad ka sameeyey dhinaca xaafadda Xaawo-Taako oo ka tirsan magaalada Beledweyne, kadib markii biyo raacay Keliga Dhagax-Jebis ay karkaarada jabsadeen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadka deegaanka ay billaabeen barakac, si aysan go’doon ugu gelin xaafadaha uu ku fatahay webiga Shabelle ee Beledweyne.

Dhowaan maamulka gobolka Hiiraan ayaa digniin culus kasoo saaray fatahaadda wabiga, wuxuuna sheegay inuu buux dhaafsamay, loona baahan yahay feejignaan dheeri ah.

Waxaa sidoo kale jira dadaallo xoogan uu wado guddiga fatahaadaha magaaladaasi, kaas oo caro tuur ka sameeyey qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha Beledweyne, balse waxaa weli jirta cabsida iyo wal-walka laga qabo in fatahaaddu ay markale saameyso shacabka.

Horey Jowhar ayaa u wajaheysay xaalad adag oo ka dhalatay fatahaadda wabiga Shabelle, waxaana kala xirmay dhaq-dhaqaaqa magaalada, iyadoo doon lagu tegayo xaafadaha qaar.

HirShabelle ayaa sidoo kale dhowaan guddi u saartay ka hortegga fatahaadaha, si wax looga qabto, waxaana sidoo kale ay baaq gurmad ah u dirtay hay’adaha samafalka.

Beledweyne iyo Jowhar waxaa inta badan kusoo laa laabta fatahaadaha oo sanad kasta saameeya qoysas badan oo ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Laba qodob oo la isku hayo oo dib u dhigay in lasoo geba-gebeeyo shirka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib u dhacay qorshihii ahaa in la soo gaba-gabeeyo shirka madaxda Soomaalida uga socda magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayay arrimaha doorashada Soomaaliya. 

Sida uu shalay shaaciyay wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale, shirka ayaa la qorsheeyay in maanta la soo gaba-gabeeyo islamarkaana laga soo saaro war-murtiyeed kadibna loo dhaqaaqo doorashada Soomaaliya. 

Hase yeeshee Ilo wareedyo muhiim ah oo shirka ka qeybgalay ayaa Caasimada Online u sheegay in la isku mari la’yahay arrinta doorashada gobalada Waqooyi iyo arrinta gobalka Gedo. 

Wararku waxay sheegayaan in labadaan arrin ay aad u adagtahay arrinta gobalada Waqooyi oo dhinacyadu kala joogaan goobo adag. Xalay iyo shalay waxaa qabsoomay shirar u gaar siyaasiinta gobalada Waqooyi, kuwaasoo laga codsaday in dhaxdooda heshiiyaan, waxaana muuqato in dhinacyadu is fahmi waayeen. 

Xildhibaanada waqooyi ayaa u kala jabsan laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Mahdi Guuleed oo ku xiran Villa Somalia, iyo Cabdi Xaashi oo ka tirsan mucaaradka, waxayna isku hayaan sida loo kala qeybsanayo xubnaha guddiga doorashada ee hagaya soo xulista xildhibaanada waqooyi.

Shir u dhaxeeya Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa caawa ka dhacay Airport Hotel oo ku dhex yaalla Xalane, kaas looga wadahadlayey sidii xal looga gaari lahaa muranka ka taagan hanaanka loo soo magacaabayo xubnaha guddiyada doorashada ka soo gelaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

Sidoo kale arrinta gobalka Gedo ayaa maanta qaadatay saacado badan oo dood ah waxaana soo baxaya in aan ilaa hadda lagu heshiinin qodobkaas. Labada qodob ee doorashada Waqooyiga iyo mida Gedo ayaa kuwa adag ee dib u dhigay in shirka maanta la soo gaba gabeeyo. 

Waxaa socda dedaal badan oo ay wadaan madaxda qaar kuwaasi oo shirka ka ilaalinaya in uu fashilmo. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wada kulamo gaar ah iyo isu keenida dhinacyada si xal looga gaaro arrimaha doorashada.

Deni oo go’aan kasoo saaray haddii dadka kasoo jeeda K/Galbeed ay ka qeyb-gali karaan doorashada Puntland

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday in dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ee ku nool deegaanada Puntland ay xaq u leeyihiin inay ka qeyb qaataan codeynta doorashada.

Saciid Deni wuxuu sidoo kale sheegay in aysan carqaladeyn doonin qaab walba oo ay dadka kasoo cararay durufaha ka jira koonfurta Soomaaliya ay ku helayaan xuquqda ay ku leyahiin dhulka ay ku nool yahiin.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya, xilli uu Muqdisho uga qeyb galayo shirka arrimaha doorashooyinka dalka, waxaana sidoo kale diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashada Puntland ay haatan ka socotaa saddex degmo oo kaliya.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in dadka Soomaaliyeed ee ka kala yimid gobollada kala duwan ee dalka ee yimid Puntland intii ay colaadu jirtay, kana mid noqday dadka deegaanka ay si xor ah uga qayb qaadan doonaan doorashooyinka soo socdaa,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed kuna nool dhulka maamulkan xubinta ka ah Federaalka Soomaaliya xaq ayuu u leeyahay inuu wax ka doorto deegaanka uu ku nool yahay ama uu ku doorto, isla markaana uu doorto hoggaamiyayaasha mustaqbalka ee saamaynta ku yeelan doona noloshiisa.”

Si gaar ah isagoo ula hadlaya shacabka reer Koonfur Galbeed ee ku nool deegaanada Puntland ayuu xusay in aysan habooneyn inay idaacadaha ugu yeeraan magacaas, ayna ka haboon tahay in loogu yeero shacabka Puntland.

“Mararka qaar waxaa idaacadaha ka maqlaa shacabka reer Koonfur Galbeed ee degan Puntland. ‘Ma tihidiin shacab reer Koonfur Galbeed ah, waxaa tihiin reer Puntland’ Waana ku faraxsanahay in ay isu-diiwaan-gelinayaan doorashooyinka golayaasha deegaanka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Deni.

Madaxweynaha wuxuu amaan dusha uga tuuray dadka reer Puntland, kuwaas oo walaashaday, soona dhaweeyay shacabka Soomaliyeed ee durufaha kala duwan uga soo cararay deegaanadooda, hadana ay gaareen inay doortaan hoggaankooda.

“Waxaan shacabka ka codsanayaa inay ka shaqeeyaan horumarka iyo amniga Puntland maxaa yeelay way ku barwaaqoobeen, ku shaqeysteen, ku noolaan doonan, carruur ayaad ku dhasheen halkan, waxayna ku noolaan doonaan inta ka hartay mustaqbalkooda, waxayna xaq u leeyihiin in ay u codeeyaan hoggaamiyayaashooda,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Dagmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayey ka socotaa diiwangalinta codbixiyayaasha, waxaana la diyaarinayaa dhamaadka sanadkaan doorashadii ugu horreysay ee dimoqraadi ah ee ka dhacda Puntland. Puntland waxay billowday nidaamka xisbiyada badan.

Kulan lagu xalinayo xiisad taagan oo u socda Cabdi Xaashi, A/Madoobe iyo Deni

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir u dhaxeeya Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa hadda ka socda Airport Hotel oo ku dhex yaalla Xalane, kaas looga wadahadlayo sidii xal looga gaari lahaa muranka ka taagan hanaanka loo soo magacaabayo xubnaha guddiyada doorashada ka soo gelaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

Arrinta Somaliland ayaa ka mid ah qodobada ugu adag shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Khilaaf culus oo u dhaxeeya laba garab oo ay u kala qeyb-sameen siyaasiyiinta gobollada waqooyi ayaa ka taagan hanaanka loo soo magacaabayo xubnaha guddiyada doorashada ku metelaya Somaliland.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo guddoomiye Cabdi Xashi ayaa kala hoggaaminaya labada garab oo ay u kala qeyb sameen siyaasiyiinta gobollada waqooyi, waxaana la sheegay inay fashilmeen kulamo ay saacadihii lasoo dhaafay uga wadahadleen khilaafkan.

Madaxda dowlad goboleedyada iyo ra’iisul wasaare Rooble oo iyagu maalmahaan ka shiraya xalinta khilaafka doorashooyinka ayaa siyaasiyiinta gobollada waqooyi ka dalbaday inay xal ka soo gaaraan khilaafka u dhaxeeya, isla markaana ay shirka ku soo celiyaan go’aan ay mideysan yihiin.

Hase yeeshee Garabka guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa maanta shaaciyey qoraal sheegayey in lagu heshiiyey hanaanka loo soo magacaabayo xubnaha guddiga, balse ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa beeniyey warkaas.

Intaas kadib Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa gelinkii dambe ee maanta u yeertay saxaafadda, balse markii ay tegeen hoygiisa oo uu kula hadli lahaa ayuu codsi uga yimid madaxda Puntland iyo Jubbaland, sida aan xogta ku helnay.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa Cabdi Xaashi ka codsaday in saxaafadda uusan la hadlin, iyagoo ka digay in hadalkiisu uu arrinta cirka ku sii shareeri karo, waxayna ugu yeereen kulankan caawa u socda.

Waxaa sidaas ku baaqday shirkii jaraa’id oo Cabdi Xaashi uu qaban lahaa garabta, waxaana wariyaashii tegay goobta lagu war-geliyey in guddoomiyuhu uu berri hadli doono.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta qaabilay Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxuuna xafiiska Rooble shaaciyey in kulankaas uu ku soo dhamaaday is-afgarad.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi,” ayaa lagu yiri qoraal uu galabta baahiyey xafiiska ra’iisul wasaare Rooble.

Xukuumadda oo war kasoo saartay shirka Afisyooni oo galay maalinkii 3-aad + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalinkii seddaxaad waxaa si caadi ah ku soo dhamaaday shirka madaxda Soomaaliya oo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu shir guddoomiyey. Madaxda ayaa bilaawday ka doodista qodobada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo faahfaahin ka bixiyey hanaankii uu maanta ku socday shirku ayaa sheegay in si saraaxo leh ay madaxdu uga doodeen qodobadii maanta la soo saaray miiska.

“Si loo xaqiijiyo in shirku guuleysto waxa uu ra’iisul wasaaruhu maanta shir gaar ah la yeeshay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxayna ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka ee ka khuseeya heshiiskan, wadahadalladu waa ay sii socon doonaan,” ayuu yiri.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Ra’iisul wasaaruhu waxa uu la tasha doonaa dhamaan saamileyda siyaasadda iyo cid kasta oo shirka wax ku biiri karta, madaxdu waa ay isku soo laaban doonaan berri, laakiin waxa waxaad moodaa in wax kasta ay gaba-gabo yihiin markii la fiiriyo sida saraaxada leh ee madaxdu ay isula soo koobayaan wax kasta.”

Hoos ka Daawo

Xog: Ninkii ka dambeeyay dilka kaaliyaashii iyo askartii Guudlaawe oo lasoo qabtay

Jowhar (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan booliska HirShabeelle iyo xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in lasoo qabtay nin ay ku tilmaameen dilaa shiish badan oo ka tirsanaa maleeshiyaadkii Macawiisleyda ee soo wareeray Jowhar. 

Xubnanaha aan la hadalnay ayaa sheegay in qaar kamid ah ciidamadii amniga ee xafiiska Madaxweynaha dhaawaceen ninkaan oo kahor inta aan la dhaawicin dilay Cali Godad iyo laba kamid ah ilaaladii Madaxweynaha, sidoo kalane dhaawacay Ciise oo ahaa kaaliyaha Madaxweynaha. 

Wararka waxay sheegayaan in ninka la soo qabtay uu qabo dhaawac kadibna uu awoodi waayay in uu cararo, waxaana hadda lagu dabiibaya Isbitaal ay ka war qabaan masuuliyiinta HirShabeelle. 

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa la sheegay in uu amray in aan la taaban ninkaas oo ay ku sheegeen dilaa, islamarkaana wixii dhacay lagu dhameyn doono gogal nabadeed. 

Kooxdii Macawiisleyda aheyd ee soo wareertay Jowhar ayaa la sheegay in ka hor inta aysan soo wareerin in ay soo direen farrimo digniin ah islamarkaana aan la muujinin wax taxadar ah. 

Dagaalkii dabaayaqadii hore ka dhacay ee ciidamada HirShabeelle iyo macawiisleyda ayaa sababay dhimashada in ka badan 10 qof oo labada dhinac ah iyo dad kale oo shacab ah, wuxuuna ka dhashay sida la sheegay saraakiil ka tirsan macawiisleyda oo la xiray.

Muxuu salka ku hayaa khilaaf-ka maamulka masjidka Quba ee Soomaalida Amsterdam?

Amesterdam (Caasimada Online) – Muddooyinkii u dambeeyey waxaa sii xoogeysanayay hadal-haynta khilaaf ka dhextaagnaa maamulka masjidka Quba ee ku yaal Magaalada Amsterdam ee waddanka Holland.

Masjidkan oo dhulka uu ku fadhiyo ay Soomaalidu leedahay, ayaa soo maray marxalado kala duwan, marka loo eego sidii ay howshiisi ku billaabatay iyo adeegyada uu haatan u hayo mushtamacyada muslimiinta, ee ay Soomaaliduna ka mid tahay.

Sida ay wararka ku heleyso shabakada Somnieuws.com, khilaafkan oo muddo toddobaadyo ah soo jiitamayay ayaa u dhexeeya maamulka masjidka, waxaanna uu ku billowday markii xubno maamulka ka wada tirsan ay iska saareen liiska KVK.

“Markii hore waxaa KVK-ga laga saaray nin C/risaaq la yiraa, kana mid ah maamulka masjidka oo Tilburg degan, halkaas ayuu khilaafku ka curtay ilaa markii dambe isagana laga saaray Sheekh Suldaan oo ka mid ah maamulka sare, xaaladu hadda waxay maraysaa meel aan laga filayn dadkan culimida ah ee haya amaanadii dadka ay u dhiibteen,” ayuu yiri Sheekh Cali oo ka mid ah culimada masaajidka ku xiran, isaga oo intaasi raaciyay in marka loo eego dhumucda khilaafka ay suurtagal tahay in qabiil uusan ka marneyn.

“Anigu, khilaafka masjidka wax badan kalama socdo, dhegta un baan ka maqlay, haddana waxaa jirta hal dhibaato oo Soomaali haddaan nahay na haysata, taas oo ah; qof kasta ama “team” kasta oo Soomaali ah marka maamul loo dhiibo waxay u dhaqmaan sida milkiyad in ay u leeyihiin howsha loo dhiibay, dadka kalena ka xigsadaan, mana jirto marjic dadkaasi ay u laabanayaan oo la xisaabtamaya. Tusaale waxaa inoogu filan, ragga masjidka maamula waxay matalaan Soomaali oo dhan, haddana waa dhowr rag ah oo isku xiran, haddii markii hore loo diyaarin lahaa dad waxgarad ah oo laga soo xulo qaybaha kala duwan ee bulshada, oo iyagu yeesha mar walba go’aanka kama dambeysta ah, dadka howsha wada na loo aqoonsado shaqaale, dhibaatadu waa ka nasahnaan lahayd intaan, laakiin nin walba howshii loo dhiibo wuxuu aaminaa in uu cid kasta isaga ka xigo, dhibaatada kalena waxay tahay; shacabkii oo isugu jira dhalinyarada, haweenkii & cid kasta oo Soomaali ah oo aan arrintan ku baraarugsaneyn, haddii shacabku la xisaabtami lahaayeen dadka ay mas’uuliyada u dhiibtaan xal ayaa iman lahaa” Ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi, oo ka mid ah dhalinyarada masaajidka ku taxan, wuxuuna intaasi raaciyay in uu soo jeedinayo in mas’uuliyada masjidka loo dhiibo dhalinyarada.

Shabakada Somnieuws waxay xiriir la sameysay qaar ka mid ah maamulka masjidka, si wax looga weydiiyo khilaafkan cusub, iyada oo mas’uulkii lala xiriiray uu ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo.

Khilaafka u dhexeeya maamulka masjidka Quba, wuxuu noqday xaalad walaac badan ku haysa dad badan oo masjidka ku xiran, qeybna ka ah adeegyada islaamiga ah ee masjidka u hayo mushtamacyada islaamka, gaar ahaan Soomaalida.

Dhanka kale, waxaa jira dedaalo ay wadaan waxgarad kala duwan, oo ku soo baxay xiisada masjidka, waxaanna dedaaladaasi lagu raadinayaa sidii la loo qaboojin lahaa xiisada, haddii se xiisadu sii socota waxaa suurtagal ah in masjidka ay kala laabtaan kalsoonidii ay ku qabeen dad badan oo Soomaali ah.

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan 

Garabka Cabdi Xaashi ee xildhibaanada waqooyi oo sheegtay heshiis iyo Mahdi Maxamed Guuleed oo diiday

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa looga hadlay waxyaabihii kasoo baxay kulankii ay la qaateyn garabka uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda xil-garsiinta Mahdi Guuleed.

Garabka Cabdi Xaashi ayaa sheegay in kulankaas la isku afgartay illaa 3 qodob sidoo kalana la isku fahmi waayey qodobo kale kadib markii ay sheegeyn inuu diiday Mahdi Guuleed.

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Mahdi Guuleed uu diiday in guddiga doorashooyinka ay labada dhinac usoo dhisaan, si isla eg isla markaasna heshiis buuxda lagu yahay.

Sidoo kale waxaa ay soo jeediyeen inay lagama maarmaan tahay in shirka doorashooyinka dalka looga hadlayo uu noqdaa mid muuqaalka midnimada JFS ka muuqdo oo ay u dhan yihiin saamileyda siyaasadeed ee dalka.

Qodobada war saxaafadeedka lagu sheegay in lagu heshiiyey ayaa waxay kala yihiin

  • In siyaasiyiinta ka soo jeedo Gobollada Waqooyi (Somaliland) oo isku duuban ay u madax-bannaanaadaan maamulka doorashooyinkooda.
  • In Siyaasiyiinta ka soo jeedo Gobollada Waqooyi (Somaliland) ay si wadajir ah u dhistaan Guddiga sare ee Jiheynta Maamulka doorashooyinka (Steering Committee) oo aan ka yareyn 5, kana badnayn 9 Xubnood.
  • In doorashada Xildhibaanada Gobolada waqooyi lagu qabto xerada Ciidanka ee Afisyooni, iyada oo ammaankeeda loo xilsaarayo ciidamo gaar ah oo ka socda Boolislka Soomaaliyeed iyo AM1SOM, goobjoogayaalna ay ka yihiin warbaahinta, Beesha Caalamka iyo daneeyayaasha doorashada 2021.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in warqaddaan ay tahay mid wax kama jiraan ah, wuxuuna hadalka Mahdu u muuqdaa inuu yahay mid uu kaga soo horjeedo eedeynta loo jeediyey ee ah inuu diidan yahay in dhismaha guddiga doorashooyinka Somaliland loo dhiso qaab heshiis lagu yahay.

Halkaan hoose ka akhriso war saxafaadeedka oo dhameystiran

 

Mareykanka oo ku dhowaaqay xayiraado ka dhan ah Ethiopia

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogeysa kaalmada dhaqaale iyo amni ee ay siiso Ethiopia sababo la xiriira eedo gaboodfallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo dhacay intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay Axaddii soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka. 

Waxay sidoo kale xayiraad saareysaa saraakiil hore iyo kuwa hadda xilalka haya ee dalalka Ethiopia ama Eritrea, kuwaasi oo ay u aragto in ay mas’uul ka yihiin qalalaasaha.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallaabadani ay dowladda Mareykanka u qaadeyso si loo soo dadajiyo xalka colaadda ka taagan Itoobiya. 

Dhinacyada ku lugta leh “ma aysan qaadin talaabooyin macno leh oo ay ku joojinayaan dagaalada ama ay ku raadinayaan xal nabadeed oo laga gaaro qalalaasaha siyaasadeed,” ayuu yiri.

Redwan Hussein, oo ah madaxa guddi-hoosaad ay dowladda Itoobiya ee u saartay arrimaha Tigray, ayaa sheegay in dowladdu ay goor dhow soo saari doonto bayaan. Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel ayaan ka jawaabin telfoonada iyo farriimo looga raadinayay inuu warkan ka jawaabo.

Kummanaan qof ayaa la dilay iyadoo 2 milyan oo qofna lagu qasbay in ay ka cararaan guryahooda gobolka Tigray ka dib markii uu bishii November dagaal ka dhex qarxay Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) iyo militariga Itoobiya. 

Ciidamo ka socda gobolka deriska ah ee Amxaarada iyo kuwa dalka Eretria ayaa dagaalka galay si ay u taageeraan dowladda.

Dadka deegaanka ayaa ku warramaya in ciidamada Ethiopia iyo xulafadooda ay dileen dad rayid ah ayna ku keceen kufsi wadareed. Ethiopia ayaa Jimcihii sheegtay in ay maxkamad soo taagtay askar gaysatay kufsi iyo dil dadka rayid ah, in kastoo diiwaanka maxkamadda aan wali la shaacin.

Eritrea iyo Ethiopia ayaa labaduba muddo bilooyin ah waxa ay inkirayeen joogista askarta Eritrea ee gobolka Tigray ka hor intii aysan qiran in ay gobolka ku sugan yihiin islamarkaana ballan qaadin in ay ka bixi doonaan.

Blinken ayaa sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono kaalmada bani’aadamnimada iyo deeqaha kale ee muhiimka ah ee la siiyo Ethiopia. Waxa uu intaas ku daray in ay sii socon doonaan xayiraadaha ballaaran ee kaalmada ee saaran Eritrea.

Dowlada Ethiopia ayaa beesha caalamka kala kulmeysay cadaadis xooggan oo lagu doonayo in ay muujiso isla xisaabtan, xilli ay sii kordhayaan wararka ku saabsan xasuuqa ka socda Tigray. 

Midowga Yurub ayaa joojiyay kaalmada lacageed ee lagu kabo miisaaniyadda Ethiopia ka dib markii ay soo bexeen warbixino kufsi wadareed, dil wadareed loo geystay dadka rayidka ah, iyo dhac baahsan oo ka dhacay gobolkan ku yaalla waqooyiga. 

Blinken ayaa sheegay in Mareykanku ugu yeeray dowladda Ethiopia in ay la xisaabtanto dhammaan kuwa mas’uulka ka ah xadgudubyada xuquuqda iyo tacaddiga, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah, loona hubiyo in la helo marin xaddidaad la’aan loo marsiiyo gargaarka bani’aadamnimada.

VOA

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Cabdi Xaashi oo kulan ku leh magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa haatan kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula leh guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulankan oo ah mid ay albaada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda dalka, gaar ahaan dooda ka taagan soo xulista xubnaha ka imaanaya gobollada waqooyi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankan, kadib uu guddoomiyaha Aqalka Sare qaban doono shir jaraa’id oo uu kaga warbixin doono kulanka uu haatan la leeyahay Rooble.

Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen is-afgarad ku saabsan arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan tan xubnaha gobollada waqooyi ama Somaliland.

Kulanka ayaa sidoo kale daba socda warqad kasoo baxday xubnaha garabka Cabdi Xaashi oo lagu sheegay in ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka uu weli diidan yahay hab qeybsiga dhismaha doorashada ee xubnaha Somaliland ku metalaya dowladda cusub ee soo socota, inkastoo eedeyntaas uu iska fogeeyey Mahdi Guuleed oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warqadda soo baxday.

Arrintan ayaa muujineyso khilaaf hor leh oo soo kala dhex-galay labada garab xubnaha gobollada waqooyi ee ay kala hoggaaminayaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, waxaana haatan socda dadaallo uu wado ra’iisul wasaaraha oo xal waara looga gaarayo khilaafkaasi.

Doodan cusub ayaa kusoo aadeysa, xilli haatan magaalada Muqdisho uu ka socdo shirka doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo go’aan rasmi ah looga gaarayo is mari-waaga ka taagan hanaanka doorashooyinka.

Si kastaba Soomaaliya ayaa wajaheyso xaalad adag oo ka dhalatay marxaladda kala guurka ah, waxaana xiisaddu ay kasii dartay markii uu dhammaaday muddo xileedka dowladda Soomaaliya, iyadoo aanan xal loo helin khilaafka ka taagan doorashada 2021.

Culimada Soomaaliyeed oo afar qodob kasoo saaray shirka doorashooyinka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomalaiyeed ayaa maanta bayaan ka kooban afar qodob kasoo saaray shirka wada-tashiga qaran ee haatan magaalada Muqdisho uga socdo madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Kulan ay isugu yimaadeen Majmaca hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa si gaar ah waxay farriin ugu direen hoggaamiyeesha Soomaaliya ee ku shirsan Teendhada Afisyoone, si go’aan rasmi ah looga soo saaro is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Ugu horreyn Hay’adda Culimada ayaa soo dhoweysay qabashada shirkan, waxayna ku boorisay Rooble iyo madax goboleedyada inay ka dhabeeyaan wada-hadalladooda.

Sidoo kale culimada Soomaaliyeed ayaa bayaankooda ku sheegay in loo baahan yahay in la dhowro xasiliinida dalka, gaar ahaan amniga qaranka.

Baaqa hay’ada Culimada ayaa sidoo kale looga dalbaday bulshada Soomaaliyeed inay sii wadaan garab istaagga ay u muujiyeen shirka xal ka gaarista ee ka socdo Muqdisho.

Halkan hoose ka aqriso:-

1: Waxaay Culimada soo dhaweeynayaan Shirka Arrimaha doorashooyinka ee ka socda Muqdisho ee uu horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna Alle ka baryeen in Shirka uu guuleysto.

2: Hay’adda Culimada Soomaaliyeed waxay is xasuusinayaan ammaanada cirka iyo dhulka iyo Buuraha diideen ee rabi u dhiibay siyaasiyiinta Soomaaliyeed loogana baahan yahay inay dhowraan.

3: Waxay adkeeynayaan Culimada in go’aanka doorashada lagu saleeyo Diinta Islaamka sida Cadaalada hufnaanta lagana fogeeyo dhamaan nuuc kasta uu yahay dulmiga iyo musuq maasuqa.

4: Waxaay ugu baaqeynaa Umadda Soomaaliyeed Midnimo, waxaana u mahad celinayaan cid kasta oo gacan ka geeysatay hirgelinta iyo qabsoomida Shirka looga hadlayo Arrimaha doorashada Soomaaliya.

DF Soomaaliya oo ‘dhibsatay’ magaca Teendhada Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sharraxaad ka bixiyey ereyga ‘Teendhada Afisyoone’ oo beryihii dambe ay si weyn u adeegsaneysay warbaahinta, maadaama uu ka socdo shirka wada-tashiga ee arrimaha doorashooyinka.

Macalimuu oo qoraalkiisa ay ka muuaqatay in xukuumadda Soomaaliya ay ‘dhibsatay’ magacaasi ayaa sheegay in Afisyoone aysan aheyn Teendho, ayna tahay xarunta ciidamada Cirka Soomaaliya oo ah garoon ay ka duuli jireen diyaaradihii ay lahaayeen ciidanka cirka.

“Teendhada Afisyoone “Malab marka la doonayo in la magac xumeeyo ,shinnada xaarkeeda waa la oran karaa. Afisyoone ,waa xarunta Ciidamada Cirka Soomaaliya,ma ahan teendho . Waa garoonka ay ka haadi jireen diyaaradaha Ciidamada Cirka Soomaaliya oo soo shaqeynayay tan iyo xilligii gumeystaha,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Afhayeen Macalimuu.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey ” Ereyga Aviazione asalkiisu waa Talyaani la Soomaaliyeeyay kaas oo la micno ah ereyga (Duulista ) ama ereyga English-ka ee Aviation.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa farriin la xiriirta Afisyoone u diray wariyeyaasha Soomaaliyeed, isaga oo tusaale usoo qaatay Suxufiyiin Ajaaniib ah oo dalka yimid xilligii dagaallada Sokeeye, kuwaas oo uu sheegay inay Muqdisho u kala qeybiyeen koonfur iyo waqooyi.

“Berrigii ay horraantii 90aadka ee dagaalada sokeeye Xamar ka socdeen ayaa wariayyaal ajnabi ah oo aan Muqdisho Juquraafi ahaan aan garaneyn waxa ay Muqdisho u kala qeybiyeen Koofur iyo Waqooyi  iyaga oo ula jeeday in KM5 ay tahay Koofur ,Kaaraanna ay tahay Waqooyi . Is weydii adigu ma saxan tahay taasi? Taa waxaa hadda la mid ah teendhada Afisyoone,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri Maxamed Ibraahim Macalimu.

Si kastaba, ereyga Teendhada ayaa adeegsigiisu aad u batay sanadihii dambe, maadaama Teendho yar oo ku dhex taalla xerada Afisyoone lagu qabtay doorashadii madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Farmaajo, hadana uu ka socda shirka doorashooyinka.

Xog: Ciidankii ay DF geysay Gedo oo gadood sameeyey iyo arrin ay dalbanayaan

Beled-Xaawo (Caasimadda Online) – Gobolka Gedo ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay ciidamadii Dowladda Soomaaliya ay geysay Gobolkaas oo codsanayo in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya oo markii hore laga keenay.

Ciidamada ayaa sheegay inaysan ku noolan karin gobolkan oo xaaladdiisa nololeed ay adag tahay, islamarkaana aan u horumarsaneyn sida magaalada Muqdisho. Waxa sidoo kale sheegeen ay intaas ka badan ka maqnaan karin qoysaskooda, sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay in dib loo celiyo, taasoo kentay khilaaf xoog leh oo soo kala dhex galay saraakiisha hoggamineyso ciidamadaas.

Sidoo kale ciidamadii Cabdirashiid Janan oo ku sugan magaalada Beled-Xaawo ayaa ayagana wado gadood, waxayna taas keentay in gorgorton cusub lala galo, waxayna wararka sheegayaan inay dalbadeyn xuquuq iyo in la siiyo taliyeyaal.

Dowladda Soomaaliya oo diidan inay ku fashilmato qorshihi ay ciidamadaas markii hore u geysay Gobolkaas ayaa shalay wafdi u dirtay Gedo, gaar ahaan Magaalada Beled Xaawo si loo xaliyo tabashada ciidamada gadoodsan.

Wafdiga ay Dowladda Soomaaliya u dirtay Beled-Xaawo ayaa waxaa hoggaaminayo Taliye Xigeenka Ciidanka Dhulka Ee Xoogga Dalka General Xuseen Xoosh Cali, sidoo kalana waxaa wafdiga kamid ah Taliyaha Ciidamada Gorgor Gaashaanle Dayax Cabdi Cabdulle Iyo Sarakiil Kale.

Taliyaha Iyo Wafdigiisa ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Degmada Baladxaawo Abaanduulaha Guutada 10-Aad Gashaanle Dhexe Cismaan Sheikh Cabdi Qorax, Taliyaha Hay,adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Gobolka Gedo, Taliyaha howlgalinta ciidamada Nisa ee Gobolka Gedo iyo Saraakiil kale.

Degmada Balad-xaawo ayaa waxaa ku sugan Ciidamada Qalabka Sida, sida Militariga gaar ahaan Guutada 10-Aad, Guutada Ciidamada Kumaandoosta Gorgor, Ururka 2-aad ee  Ciidamada Police-ka iyo kuwa Nabad-sugida oo dhamaantood si wada jir ah uga wada Hawlgala Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.