25.1 C
Mogadishu
Monday, July 13, 2026

Xog: Ciidankii ay DF geysay Gedo oo gadood sameeyey iyo arrin ay dalbanayaan

Beled-Xaawo (Caasimadda Online) – Gobolka Gedo ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay ciidamadii Dowladda Soomaaliya ay geysay Gobolkaas oo codsanayo in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya oo markii hore laga keenay.

Ciidamada ayaa sheegay inaysan ku noolan karin gobolkan oo xaaladdiisa nololeed ay adag tahay, islamarkaana aan u horumarsaneyn sida magaalada Muqdisho. Waxa sidoo kale sheegeen ay intaas ka badan ka maqnaan karin qoysaskooda, sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay in dib loo celiyo, taasoo kentay khilaaf xoog leh oo soo kala dhex galay saraakiisha hoggamineyso ciidamadaas.

Sidoo kale ciidamadii Cabdirashiid Janan oo ku sugan magaalada Beled-Xaawo ayaa ayagana wado gadood, waxayna taas keentay in gorgorton cusub lala galo, waxayna wararka sheegayaan inay dalbadeyn xuquuq iyo in la siiyo taliyeyaal.

Dowladda Soomaaliya oo diidan inay ku fashilmato qorshihi ay ciidamadaas markii hore u geysay Gobolkaas ayaa shalay wafdi u dirtay Gedo, gaar ahaan Magaalada Beled Xaawo si loo xaliyo tabashada ciidamada gadoodsan.

Wafdiga ay Dowladda Soomaaliya u dirtay Beled-Xaawo ayaa waxaa hoggaaminayo Taliye Xigeenka Ciidanka Dhulka Ee Xoogga Dalka General Xuseen Xoosh Cali, sidoo kalana waxaa wafdiga kamid ah Taliyaha Ciidamada Gorgor Gaashaanle Dayax Cabdi Cabdulle Iyo Sarakiil Kale.

Taliyaha Iyo Wafdigiisa ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Degmada Baladxaawo Abaanduulaha Guutada 10-Aad Gashaanle Dhexe Cismaan Sheikh Cabdi Qorax, Taliyaha Hay,adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Gobolka Gedo, Taliyaha howlgalinta ciidamada Nisa ee Gobolka Gedo iyo Saraakiil kale.

Degmada Balad-xaawo ayaa waxaa ku sugan Ciidamada Qalabka Sida, sida Militariga gaar ahaan Guutada 10-Aad, Guutada Ciidamada Kumaandoosta Gorgor, Ururka 2-aad ee  Ciidamada Police-ka iyo kuwa Nabad-sugida oo dhamaantood si wada jir ah uga wada Hawlgala Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Madaxweyne Farmaajo ma kusoo biiri doonaa shirka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka doorashooyinka ee ka socda Muqdisho ayaa waxaa markii ugu horreysay ka maqan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, mana cadda illaa iyo hadda inuu dib ugu soo biiri doono iyo in kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Farmaajo uusan shirkan kusoo biiri doonin, sababo la xiriira xiisadda ka dhex-oogan isaga iyo madaxda maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland, oo haddii uu kusoo biiro shirkaas dib usoo nooleyn doonta xiisaddaas.

Hase yeeshee Dr. Shariif Cismaan oo falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa BBC Somali u sheegay in weli ay suurta-gal tahay in madaxweynaha uu ka qeybgalo shirkan balse ay ku xiran tahay qaab farsamo ama sida wad-ahadalka looga shaqeeyo.”

“Haddii ay noqoto in madaxweynaha uu ka soo qeybgalo waxay u baahan tahay in arrin si farsamo ah looga shaqeeyay ay noqoto,” ayuu yiri.

Farmaajo ayaa horey u sheegay in howlaha shaqo ee doorashada uu ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, kadib khilaafyo soo noqnoqday oo sababay dib u dhaca doorashadii baarlamaanka iyo tii madaxweynaha.

Sidaas darteed, Ra’iisul Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda guddoominaya shirka hadda ka socdo magaalada Muqdisho, In kastoo ysan weli kala caddeyn sida looga gudbi karo arrimihii khilaafka sababay.

Haddaba, maaxa loo baahan yahay in la sameeyo, haddii madaxweynaha uu damco in uu ka qeybgalo shirkan?

Dr. Shariif Cusmaan wuxuu yiri: “Shirarka noocan oo kale ah, waxaa jiro arrimo loo baahan yahay in la turxaan bixiyo inta aanan loo fariisan ka hor”.

“Waxay u baahan tahay in laga wadahadlo lana diyaariyo siyaabaha ay suurtagalka u tahay iyadoo aanay wax xasaasiyad ah abuureyn in arrimahaas oo kale ay dhacaan (sida in madaxweynaha uu ka qeybgalo). Marka waa arrin farsamo, wey dhici kartaa laakiin waxay u baahan tahay in la turxaan bixiyo oo la isla fahmo,” ayuu hadalka ku sii daray.

Haddaba, marka laga gudbo khilaafka oo heshiis la isla gaaro, yaa ka mid noqon doono saxiixeyaasha? 

Dr. Shariif Cismaan wuxuu qabaa in madaxweynaha uu saxiixi doono heshiiska “waa haddii la raaco arrimo farsamo oo horseedi kara in madaxweynaha uu saxiixo heshiiska.”

“Maadaama uu madaxweyne yahay, wuu saxiixi karaa weliba waxaan is leeyahay maadama uu qeyb ka aha go’aannadii hore, hadda saxiixiisa waa loo baahan yahay, waayo wuxuu caddeynayaa saxiixiisu in wixii meesha ka soo baxay uu raalli ka yahay ama in uusan ka aheyn”.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadallada in ay guuleystaan. “Jawi deggan ayuu ku bilowday, rajo weyn ayay dadka ka qabaan in labada dhinacba (ay heshiiyaan). Waxaad moodaa in muuqaalkiisa hadda uu yahay mid ay wax ka soo bixi doonaan”.

CC SHAKUUR oo la kulmay saddex madaxweyne goboleed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan u dhexeeyey hoggaamiye xisbiga Wadajir iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka, kaas oo xalay ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Kulanka oo uu albaabada u xirnaa ayaa ka qabsoomay Hotelka Peace, wuxuuna u dhexeeyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah MUSHARRAX madaxweyne iyo madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Puntland iyo sidoo kale Koonfur Galbeed.

Intii uu socday kulankan gaarka ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kulankan uu qaban qaabadiisa lahaa madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), isla-markaana uu ujeedkiisu ahaa sidii uu taageero uga heli lahaa madax goboleedyada musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale kulankan ayaa muujinaya inuu bilowday ololaha doorashada madaxweynaha iyo  sameynta isbaheysiyo gaar ah oo lagu wajahayo tartanka culus ee doorashada sanadkan.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa haatan dadaal xoogan muujinayo, maadaama la guda- galayo doorashooyinka 2021-ka, iyaga oo kala jiidanaya hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada oo ku wada sugan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kulanka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo qaar ka mid ah madax goboleedyada ayaa sidoo kale daba socda kulamo gaar gaar ah oo saacadihii ugu dambeeyey ka dhacay caasimada, kuwaas oo looga arrinsanayo xaaladda kala guurka iyo doorashada 2021-ka.

Si kastaba Soomaaliya ayaa galeyso doorasho isugu jirto tan baarlamaanka iyo tan madaxweynaha, kadib marka uu soo dhammaado shirka wada-tashiga qaran ee haatan ka socda Teendhada Afisyooni, kaas oo go’aan rasmi ah looga gaarayo muranka doorashada.

Muxuu shirka Muqdisho uga duwan yahay kuwii hore?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalintii saddexaad ka socda shirweynaha wada-tashiga qaran ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, kaas oo looga arrinsanayo doorashada 2021-ka.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa laga muujinayaa rajo wanaagsan oo ah inay guuleystaan wada-hadallada socda ee doorashooyinka, sida uu qabo Cali Socdaal (Cismaan Dheere) oo ah wasiirkii hore ee wasaaradda Dastuurka iyo dib u heshisiinta Galmudug.

Cismaan Dheere oo wareysi gaar ah siiyey Radio Mustaqbal ayaa shaaca ka qaaday in shirkan uu ka duwan shirarkii hore, isla-markaana uu hadda jiro biseyl siyaasadeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu jiro isku dhowaansho ay sameeyeen dhinacyada shirka qeyb-galaya, isla-markaana jawiga uu ku socdo shirka uu yahay mid aad u sarreeya.

“Shirarka wada-hadalka doorashooyinka Soomaaliya waxa ay soo jiitamayeen sanado oo marba meel ayaa lagu qabanayay, kan ugu rejada wanaagsan waa kulanka haatan socda, wax mabda’ qaran ah oo la isku hayay ma jirto oo sheekadaas way soo dhammaatay, hadda in wax la gaaro waa lagu qasban yahay,” ayuu yiri wasiir hore Cismaan Dheere.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isagu dhigay gogosha shirka uu dadaal badan ku bixinayo ka miro-dhalinta qodobada la’isku hayo, si meesha looga saaro, dalkuna u aado doorasho loo dhanyahay oo u dhacda xor iyo xalaal.

“Dhabbe wanaagsan ayuu ku socdaa Shirka Doorashooyinka, Ra’iisul Wasaaraha waxa uu wataa howshiisa oo ah in uu ka mira-dhaliyo qabsoomidda Doorashooyinka si meesha looga saaro danaha gaarka ah ee caqabadda ku noqotay hirgelinta heshiisyada siyaasadeed ee dhacay,” ayuu sii raaciyey wasiirkii hore ee Dastuurka iyo dib u heshisiinta Galmudug.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo shirka doorashooyinka ee ka socda Teendhada Afiysooni uu galay maalintiisii saddexaad, kaas oo ay ka qeyb-galayaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo shanta hoggaamiye goboleed ee dalka, waxaana la filayaa in laga soo saaro qodobo lagu go’aaminayo doorashooyinka 2021-ka.

Lacag laga qaaday Bankiga dhexe oo VILLA SOMALIA la geeyay oo aan weli lasoo celin 

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Wasaaradda Maaliyadda ay Bankiga dhexe ee Soomaaliya ka bixiyeen lacago malaayiin doollar ah, daba-yaaqadii bishii April ee sanadkan. 

Lacagtaan oo lagu bixiyay amarka Madaxweyne Farmaajo ayaa sababta Bankiga looga soo qaaday lagu sheegay in laga cabsi qabay ciidamadii hubeysnaa ee soo galay Muqdisho, kuwaasoo Villa Somalia sheegtay in ay qorsheeyeen in la dhaco Bankiga dhexe ee Soomaaliya. 

Ma cadda sababta aan loo soo celin lacagtaas, waxaana suurta-gal ah in weli ay jirto cabsidii marka hore loo saaray, maadaama xaaladda Muqdisho ay saacad kasta isbeddeli karto, ama inuu jiro qorshe kale oo laga leeyahay lacagta..

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa noo sheegay in lacagtaas aan dib loo soo celin kadib markii ay degtay xaaladda magaalada, iyadoo ay guul dareysteen dedaalo badan oo ay wasaaradda iyo masuuliyiinta Bankiga sameeyeen. 

Saraakiisha Bangiga dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa aaminsan in ay aad u adagtahay soo celinta lacagtaas oo la sheegay in markii hore si fudud lagu bixiyay. 

Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in Bankiga dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda ay aaminsan yihiin in ay fududaadeen oo ay heli kareen goobo kale oo lacagtaas la geeyo. 

Ciidamadii soo galay Muqdisho islamarkaana diidanaa muddo korarsiga, kuwaasoo looga cabsi qabay in ay boobaan goobo badan ayaa dib ugu laabtay goobihii ay ka soo baxeen ee furumaha dagaalka kadib heshiis laga gaaray waxyaabihii sababay in ay soo baxaan ee muranka doorashada Soomaaliya.

Taliye XIJAAR oo war kasoo saaray amniga doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa qoraal uu soo saaray uga warbixiyey kulan uu la yeeshay Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka dalka.

Taliye Xijaar oo kulankaas shir guddoomiyey ayaa sheegay inay diiradda saareen,dardar gelinta hawlaha hor-tebinta u leh sugidda amniga doorashooyinka qaranka.

“Waxa aan maanta guddoomiyey shirka Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka, kaas oo looga hadlayey dardar gelinta hawlaha hor-tebinta u leh sugidda amniga doorashooyinka si dalka ay uga qabsoonto doorasho ku dhacda jewi nabdoon,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Amniga doorashooyinka ayaa ah mid ka mid ah qodobada ugu adag ee la xiriira muranka doorashooyinka ayada oo ay jiraan walaacyo la xiriira in ciidamada federaalka loo adeegsado si qaldan xilliga doorashada.

Walaacyadan ayaa ka dhashay kadib markii madaxweyne Farmaajo uu horey dhowr mar ciidamada amniga ugu adeegsaday in loogu awood sheegto doorashooyinkii maamul goboleedyada qaar, sidoo kalena lagu weeraray qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweyne ee ku sugan Muqdisho. 

Wasiirka Amniga, Xasan Xundubey Jimcaale ayaa shalay meesha ka saaray walaaca iyo shakiga ay midowga musharraxiinta mucaaradka ka qabeen sugida amniga doorashooyinka dalka, wuxuuna tilmaamay saraakiisha laamaha amniga ay kulamo gaar gaar ah la qaateen saamileyda siyaasadeed, isla-markaana xilligan uusan jirin shaki ka taagan dhinaca amniga ee magaalada Muqdisho.

“Haddii maanta shir lagu heshiiyo ee la yiraa beri ayaa doorashada bilaabaneysaa wasaaradda amniga iyo guud ahaan aay’adaha amniga waa u diyarsan yahay qorshahooda.” ayuu yiri wasiirka wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya.

Weerar khasaare geystay oo ka dhacay SOMALILAND

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo deegaanada Somaliland ayaa sheegaya in xalay weerar khasaare geystay uu ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo si weyn looga dareemayo ololaha doorashada Somaliland.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan, isla-markaana ay fuliyeen rag hubeysan ayaa waxaa lagu qaaday xarun ay ka socotay olole doorasho, isla-markaana ay ku sugnaayeen dad shacab ah, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Goobta la weeraray ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xafiis ku leeyahay Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ah musharrax u tartamaya ka mid noqoshada baarlamaanka Somaliland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarka intii uu socday rasaas xoogan laga maqlay goobta, waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaawac oo soo gaaray shacabkii ku sugnaa xarunta, kuwaas oo qaarkood la dhigay goobaha caafimaad ee Laascaanood.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Somaliland iyo sidoo kale maamulka gobolka Sool oo ku aadan dhacdadaasi.

Xaaladda ayaa saaka deggan, balse ciidamada ammaanka ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo baaritaano ah ka bilaabeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Sool.

Lama oga kooxda ka dambeysay weerarkan oo goobta isaga baxsatay, balse wuxuu kuu kusoo aadayaa, iyadoo Somaliland ay ka billowdeen ololaha doorashada ee maamulkaasi.

Si kastaba gobollada Sool iyo Sanaag ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal ammaan darri oo u badan weeraro qorsheysan iyo dadaallo u dhexeeyo beello wada-daga gobolladaasi.

Xog: Qoddobka ugu adag ee illaa hadda hareeyey shirka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa lasoo geba-gebeeyey maalintii labaad, ayadoo weli ay jiraan in aad la isgu hayo qodobada qaar ee la xiriira hannaanka doorashooyinka.

Sida ay Caasimada Online u sheegen dad ka agdhow shirkaas, qoddobka ugu adag ee doodiisu ay hareysay shirka maanta ayaa ahaa arrinta Somaliland, ayada oo labada dhinac ee isku haya arrinta Somaliland aysan ku qanacsaneyn qoddobkii is-fahamkii shirkii Baydhabo.

Is-fahamka Baydhabo ee 16-Febraayo ayaa dhigayay in xubnaha guddiga doorashada Somaliland ay kala qeybsadaan ra’iisal wasaare kuxigeenka, Mahdi Guuleed iyo Guddoomiya aqalka sarre, Cabdi Xaashi, wuxuuna is-fahamkaas dhigayay in Mahdi Guuleed uu dib u celiyo 4 xubnood si Cabdi Xaashi uu usoo gudbiyo badalkooda.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa xalay kulan la qaatay xubnaha matala Somaliland, si xal looga gaaro, kaasi oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, hase yeeshee waxaa ka maqnaa Guddoomiye Cabdi Xaashi, oo asaguna hogaaminaya garabka kale oo ah siyaasiyiin kasoo jeeda Somaliland.

Arrinta Somaliland ayaa markale dood adag laga galayaa, waana qoddobka xiligaan ugu adag ee horyaala madaxda ku shirsan magaalada Muqdisho, waxaana xal ka gaarista arrintaan god dheer kusii ridaya mas’uuliyiinta sarre ee isku khilaafsan xubnaha guddiga, kuwaasi oo ay horkacayaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi.

Waxaa durbaba soo baxaya dhaliil xubnaha uu hoggaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi u jeedinayaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor oo ah inuu la safan yahay Mahdi Guuleed, islamarkaana uu la qabo fikirkii Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee gacanta loogu gelinayay go’aanka gobolada Waqooyi ra’iisal wasaare ku-xigeenka.

Is-mari-waaga cusub ee ka dhashay arrinta Somaliland ayaa haddii aan xal kama dambeys ah aysan ka gaarin madaxda shirsan ay caqabad cusub ku noqon karta heshiis si dhaqso leh looga soo saaro shirka, inkasta oo ay socdaan dadaalo ay madaxdu ku rabaan in qoddobkaas laga heshiisayo, ayada oo la qancinayo mas’uuliyiinta isku haya.

Taliye Xijaar oo is-beddel ku sameeyey taliska booliska G/Banaadir iyo degmooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar Taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliya ayaa maanta isbedello ku sameeyay qaar ka mid ah talisyada saldhigyada booliska ee degmooyinka gobolka Banaadir, sidoo kale waxa uu magacaabay Taliye ku xigeenka qaybta guud ee gobolka Banaadir.

Ugu horeyn Taliye ku xigeenka qeybta booliska gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay G/Sare Cali-dhuux Cabdi Mahad-Alle, maadaama taliye ku xigeenkii hore ee qeybta booliska gobolka Korneyl Waaweyne uu ka mid ahaa saraakiishii lagu dilay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay saldhigga booliska ee degmada Waaberi.

Ilaa sideed saldhig degmo ayey saameysay isku shaandheynta maanta uu sameeyey Taliye Xijaar, waxayna taliyayaasha iyo saldhigyada loo kala magacaabay ay kala yihiin:

1 – Macalin Aadan, Taliyaha Saldhigga Dharkenley
2 – Axmed Bootaan, Taliyaha Saldhigga Wadajir.
3 – Ismaaciil Saciid Jaamac, Taliyaha Saldhigga Waaberi.
4 – Xasan Cabdulle Bashiir, Taliyaha  Saldhigga Cabdicasiis.
5 – Yaxye Casuuro Taliyaha, Saldhigga Dayniile
6 – Zakeriye Cabdullahi Taliyaha, Saldhigga Hodan.
7 – Farxaan Maxamed Taliyaha, Saldhigga Bondheere.
8 – Cumar Axmed, Taliye ku-xigeenka Saldhigga Bondheere.
9 – Abuukar Sheekh Aadan, taliye ku-xigeenka Saldhigga Kaxda.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in isbedelkaan lagu sameeyey qaar ka mid ah taliyayaasha saldhigyada booliska degmooyinka gobolka Banaadir uu yimid, kadib markii Taliyaha qeybta booliska gobolka Banaadir G/Sare Farxaan Maxmuud Qaroole uu Taliyaha guud Jeneraal Xijaar u gudbiyay warqad uu ku sheegayo in uusan kalsooni badan ku qabin taliyayaashii hore ee saldhigyada, lana magacaabo taliyayaal cusub.

Xasan Sheekh oo qoraal ka soo saaray shirka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku soo dhaweeyey, isla markaana ku bogaadinayo hanaanka uu ku socdo shirka golaha wadatashiga Qaran oo maalin ka hor Muqdisho uga furmay ra’iisul wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho.

“Sooyaalka siyaasadda dalkeena waxa uu na barayaa in wadahadal kasta oo niyad-wanaag ku saleysan uu dhaliyo natiijo ay dadkeennu ku diirsadaan. Waxaan saamileyda siyaasadda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya ugu baaqayaa inay door ka qaataan sidii uu shirku ku guuleysan lahaa, ayuu Xasan Sheekh ku yiri war-saxaafadeedkiisa.

Waxa uu sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay maanta ku jirto xaalad halis ah oo u baahan in loo wada istaago, lagana badbaadiyo burbur hor leh. “Dhammaanshaha muddo-xileedka sharciga ah ee hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka waxa uu hubanti la’aan geliyay dowladnimadeena,” ayuu yiri.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhameystiran

Muqdisho, 23ka Maajo 2021: Waxaan soo dhaweynayaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ee Muqdisho ka furmay aniga oo u rajeynaya guul iyo in ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah.

Sooyaalka siyaasadda dalkeena waxa uu na barayaa in wadahadal kasta oo niyad-wanaag ku saleysan uu dhaliyo natiijo ay dadkeennu ku diirsadaan. Waxaan saamileyda siyaasadda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya ugu baaqayaa inay door ka qaataan sidii uu shirku ku guuleysan lahaa.

Heshiis wadar oggol ah oo laga gaaro maamulka doorashooyinka waqtigooda dhaafay waxay ummadda Soomaaliyeed u leedahay muhiimmad weyn oo ku qotonta jiritaanka dalkeena iyo wax la qeybsiga dunida asaaggeena ah.

Dowladnimadeennu waxay maanta ku jirtaa xaalad halis ah oo u baahan in loo wada istaago lagana badbaadiyo burbur hor leh. Dhammaanshaha muddo-xileedka sharciga ah ee hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka waxa uu hubanti la’aan geliyay dowladnimadeena.

Qatarta maanta dalka haysata ma aha oo kaliya in hay’adihii fadaraalka ee dalka isku hayay ay sharciyaddii ka dhammaatay ee waxaa kala qeybsan golayaashii sharci dejinta, golihii fulinta ayaa inta badan curyaansan, hay’adihii amniga ayaa qeybsan. Haddaba xaaladda ay ku sugan yihiin hayadaha fadaraalka ayaa keeni karta in nabad geliyada dalka ay qar ka sii dhacdo, taas oo fursad siin karta cadowga. Sidoo kale waxaa qatar ku jirta midnimada dalka oo hay’adaha Federaalku yihiin kuwa isku haya dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Waxaa taagan walwal ah in nidaaamka deyn-cafinta oo muddo siddeed sano ah soo socday uu gebi ahaanba burburo, taas oo ay ka dhalan karaan natiijooyin aan la mahadin oo dhaqaalaha dalka ee liita hoos usii dhiga. Xiriirka hay’adaha, ururrada iyo dowladaha dunida aan la leenahay oo dadaal badan lagu bixiyay soo celintiisa ayaa isna qatar ku jira haddii ay daba dheeraato marxaladda adag ee uu dalku ku jiro.

Iyada oo maanka lagu hayo xaaladdan, ayaa waxaa lama huraan ah in shirka furmay uu si degdeg ah u gaaro go’aamo suurtagelinaya in moddo kooban uu dalku ku aado doorasho xor iyo xalaal ah oo la isku raacsan yahay hannaanka maamulkeeda si loo wada aqbalo natiijada ka soo baxda.

Mar kasta Guul ayaan dadkeenna iyo dalkeennaba u rajeynayaa.

Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay go’aan kasoo baxay DF

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay tallaabo ay dhawaan qaaday wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, oo ay ku shaacisay liis 41 jaamacadood oo ay aqoonsatay, kuwaasi oo ay ku jireen jaamacado ku yaala gudaha Somaliland.

Guddiga Tacsliinta Sare ee Soomaliland oo kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa si adag uga hadlay arrintaas oo ay sheegen inaysan jirin wax ka khuseeya wasaaradda waxbarashada Soomaaliya jaamacadaha Somaliland.

Saleebaan Dirir Cabdi, Guddoomiyaha Guddiga Tacsliinta Sare ee Soomaliland ayaa sheegay in Shan Jaamacadood oo ku yaal degaannada Somaliland ay dowladda Soomaaliya ku dartay Jaamacadaha ay aqoonsan tahay.

Sidoo kale waxa uu sheegay inaysan Soomaaliya qiimeyn ku sameyn karin jaamacado ku yaala Somaliland, islamarkaana ay xukuumada Somaliland la xisaabtameyso jaamacadahee oo cid kale u daba fadhiisaneyn.

Waxa uu tallaabadaas ku macneeyay in hadalka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya uu lamid yahay midkii hadalkii ahaa in Hawada ay xukunto dowladda Soomaaliya.

Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa dhawaan soo saaray liis ay ku shaacineyso 41 jaamacadood oo ay aqoonsan tahay wasaaraddu.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in jaamacadahaas oo kamid ah kuwa dalka ka jira ay kasoo gudbeen wajiga 1-aad ee qiimeeyntii uu guddiga ku sameeyey jaamacadaha dalka ee ka diiwaan-gashnaa Wasaarada Waxbarshada Hidaha iyo tacliinta sare.

“Jaamacadaha aan ku jirin liiskaan waxeey heli doonaan fursad labaad oo ay ku soo buuxiyaan dhaliilahooda. Guddiga ayaana sida ugu dhaqsiyaha badan ula soo xiriiri doono jaamacad walba oo martay qiimeeyntaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Jaamacadaha ay wasaaradu soo bandhigtay ayaa waxaa ka dhex muuqday jaamacadaha Camuud iyo Eelo oo ku yaala Somaliland, gaar ahaan magaalada Boorama ee caasimada gobolka Awdal.

Xafiiska Rooble oo ka warbixiyey natiijada shirkii maanta ee doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal kasoo saaray Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo maanta galay maalintii labaad.

Shirka oo uu maanta shir-guddoominayay ra’iisal wasaare Rooble ayaa waxaa laga sameeyay horumar wanaagsan, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha dalka, Maxamed Xuseen Rooble.

“Madaxda ayaa bilaabay ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan. Iyadoo ay sii socon doonto maalinta beri ah falanqeynta ajandayaasha horyaala shirka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa qoraalka xafiiska ra’iisal wasaaraha lagu sheegay in shirka maanta uu kusoo dhamaaday rajo iyo iyo yididiilo wanaagsan, waxayna falan-qeynta qoddobada dhiman sii socon doonaan ilaa maalinta berri ah.

Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Shirka doorashada ayaa ka gedisan kuwii hore, waxaana ka maqan madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday oo qaar kamid ah madax goboleedyadu ay ku eedeyen fashilka shirarkii hore, waxana sareysa rejada laga qabo in heshiis laga gaaro khilaafka doorashada ee mudada badan soo jiitamay.

Ma is-bedeshay siyaasaddii Joe Biden ee ku wajahneyd Israel kadib dagaalkii Gaza?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inaysan wax isbeddel ah ku iman ballan-qaadkiisa ku aadan amniga Israel, hase yeeshee waxa uu ku adkeystay in xal laba-dal ah, oo uu ku jiro dal ay Falastiin leedahay uu yahay “jawaabta kaliya” ee dagaalkan.

Biden ayaa ka hadlay Aqalka Cad kadib markii heshiis xabad-joojin ah ay gaareen Xamas iyo Israel, kaasi oo ka dambeeyey 11 maalmood oo ah dagaal ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof, oo badankood ahaa shacab Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa Gaza.

Biden ayaa hoos u dhigay fikradaha la xiriira in dagaalkii Gaza uu khilaaf ka dhex-abuuray Xisbiga Dimoqraadiga, kadib markii tobaneeyo ka mid ah ay Biden ku khilaafeen wax ay ugu yeereen “diblomasiyad jilicsan” oo ka dhan ah Israel oo ay xulufo yihiin, kadib markii uu si shaacsan u dalbaday xabad-joojin.

“Xisbigeyga weli wuxuu taageeraa Israel,” ayuu yiri Biden. “Aan kala caddeeyo arrintaas, illaa gobolka uu si cad u garowsado xaqa ay Israel u leedahay inay u jirto dal madxa-banaan oo Yahuud ah, nabad ma jiri doonto,” ayuu ku daray.

Xabad-joojinta Gaza ayaa waxaa ka shaqeeyey Masar kadib markii Mareykanka ay ku cadaadiyeen Israel inay qaboojiso ololaheeda Gaza.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan booqdo gobolka “si uu uga xaajoodo dadaalla da dib usoo kabashada iyo wada-shaqeyn ku aadan mustaqbal u wada wanaagsan Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta.”

AP + VOA

Sacuudi oo go’aan rasmi ah kasoo saartay Xajka sanadkan

Makkah (Caasimadda Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadashay xajka sanadkaan iyo qaabka uu noqon doono, iyadoo soo rogtay amaro hor leh oo ku saabsan xajka sanadkaan 2021.

Dowladda Sacuudiga ayaa ugu horeyn sheegtay in sanadkaan xajka loo ogolaan doono illaa 60,000 oo qof oo 10 kun oo kamid ah ay ka xajin doonaan gudaha Sacuudiga, halka 50-ka kun ee kale ay ka imaan doonaan wadamada Adduunka.

Dowladda Sacuudiga weli ma aysan caddeyn sida dowladaha Caalamka loogu qeybinayo tirada 50-ka kun ee la ogolaaday inay banaanka kasoo xajiyaan, balse waxay dowladda Sacuudiga sheegtay in arrintan ay wada-hadal ka yeelanayaan Wasaaradaha Xajka iyo Caafimaadka ee Sacuudiga iyo wadamada loo ogolaan doono in laga soo xajiyo.

Dadka doonaya inay xajiyaan sanadkaan ayaa qasab looga dhigay inay qaataan tallaalka looga hortagayo xanuunka Coronavirus iyadoo si gaar ah loo ansixiyey illaa 4 nooc oo talaalka COVID19 ah oo ay aqoonsan tahay Sacuudiga iyo Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Qofka doonayo inuu sanadkaan soo guto waajibaadka xajka ayaa sidoo kala waxaa laga rabaa inuu qaato labada qeybood ee talaalka, sidoo kalana uu la yimaado baaritaan muujinayo inuusan qabin cudurkaan, mana la aqbali doono haddii uu baaritaankiisa kasoo wareego wax ka badan 70 saac ka hor inta uusan sacuudiga Imaan, waxaana xusid mudan in karantiil 3 maalin ah la gelin doono marka uu qofka yimaado Sacuudiga.

Sidoo kale Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in dadka loo ogol yahay xajka sanadkaan ay da’dooda u dhaxeyn doonto 15-60 sano jir, waxaana taas sabab looga dhigay in dadka ka weyn 60 jir ay u nugul yihiin qaadista iyo halista cudurka Corona Virus.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa sheegtay inay diyaarisay qaabab loo xajinayo si looga fogaado halista cudurka Covid19, waxaana dadka la dajin doonaa Hoteelo si gaar ah looga diyaariyey iyo gawaari gaar ah oo u daabuli doono Carafo, Musdalifa iyo Mina.

Sanadkii 2020, boqortooyada ayaa si weyn hoos ugu dhigtay tirada xujaajta loo oggol yahay inay xajka tagaan, waxaana sanadkii hore la ogolaaday illaa 1,000 muwaaddin oo Sacuudi ah iyo dadka deggan boqortooyada.

DF oo shaacisay xilliga lasoo xirayo shirka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyey xiliga lagu wado in lasoo afmeero shirka qaran ee wada-tashiga doorashooyinka dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in shirka ay isku horfadhiyaan madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir aan lagu daahi doonin, maadama is-faham horudhac ah laga gaaray qoddobo xasaasi ah oo ay ka dhaqaaqi waayeen shirarkii hore.

Waxa uu xusay in shirka wada-hadalada doorashada lasoo xiri doono maalinta berri oo ku beegan 24-ka bisha May, isagoona hoosta ka xariiqay inay suurta-gal tahay in maalin iyo labo ay ku darsanto mudadaas, taasi oo ka dhigaysa in shirka uu soo afmeeri doono Isniinta ilaa Arbacada inta u dhaxeysa.

“Waxyaabaha qaar waa laga wada-hadlay, bilow wanaagsan ayuu ku furmay. Rajada waxay tahay inaan aad loogu daahi doonin shirka, ilaa Isniinta uu soo dhamaan doono, laakiin waa dhici karaa in maalin iyo labo ku darsanto,” ayuu yiri Wasiir Xundubeey.

Sidoo kale waxa uu sheegay in arrimaha laga wada-hadalayo hore la iskula meel dhigay, iyadoo xiligan la isla meel dhigayo arrimaha tifaftirka u baahan, isaga oo meesha ka saaray in wax dhibaato ama carqalad ah ay ka taagan tahay arrimaha amniga.

Shirka doorashada ee ka socda Muqdisho ayaa ka gedisan kuwii hore, waxaana ka maqan madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday oo qaar kamid ah madax goboleedyadu ay ku eedeyen fashilka shirarkii hore, waxana sareysa rejada laga qabo in heshiis laga gaaro khilaafka doorashada ee mudada badan soo jiitamay.

DF oo meesha ka saartay shaki ay musharraxiinta ka qabeen doorashada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan ammaanka doorashooyinka sanadkan ka dhacaya gudaha Soomaaliya.

Xundubey ayaa marka hore shaaca ka qaaday in saraakiisha laamaha amniga dowladda Soomaaliya ay u diyaar garoobeen sugida amniga goobaha loo qorsheeyey doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray walaaca iyo shakiga ay midowga musharraxiinta mucaaradka ka qabeen sugida amniga doorashooyinka dalka, wuxuuna tilmaamay saraakiisha laamaha amniga ay kulamo gaar gaar ah la qaateen saamileyda siyaasadeed, isla-markaana xilligan uusan jirin shaki ka taagan dhinaca amniga ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay, haddii heshiis buuxa lagu gaaro shirka ka socda Teendhada Afisyooni ay si rasmi ah u bilaaban doonto doorashada.

“Haddii maanta shir lagu heshiiyo ee la yiraa beri ayae doorashada bilaabaneysaa wasaaradda amniga iyo guud ahaan aay’adaha amniga waa u diyarsan yahay qorshahooda,” ayuu yiri wasiirka wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo dhowaan Muqdisho ay heshiis ku gaareen dowladda dhexe iyo mucaaradka, kaas oo keenay in intooda badan ciidamadii kasoo horjeeday muddo kororsiga laga saaro gudaha caasimada, kadib dagaallo culus oo ka dhacay.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa u muuqata mid yare deggan, waxaana jawi qurux badan ku billowday shirka ka socda Afisyooni oo lagu jiheynayo doorashooyinka 2021-ka.

Ciidamada ammaanka iyo koox hubeysan oo maanta ku dagaalamay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, siiba degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Weerarkan oo uu xigay dagaal toos ah ayaa ka dhacay saldhigga Booliska degmada Kaxda, kadib markii ay weerareen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in iska hor imaad muddo kooban socday uu dhex-maray labada dhinac, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in xalay, illaa saaka ay howl-gallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmadaasi, kuwaas oo lagu baadi goobayey raggii ka dambeeyey weerarkaasi oo ahaa mid lasoo qorsheeyey.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay.

Kaxda oo ku taalla koonaha magaalada ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qorsheysan iyo dilal ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal ammaan dari oo u badan qaraxyo qaarkood lagu dilay saraakiil ka tirsanaa dowladda Soomalaiya.

Daawo: Beel Muqdisho kulan weyn ugu qabatay ciidankii diiday muddo kororsiga

Muqdisho (Caasimada Online) –Degmada Deyniile ee gobolka Banaadir waxaa maanta lagu qabtay kulan loogu mahad celinaayey saraakiishii, askartii  iyo mas’uuliyiintii sida xoogga ah uga hor-tagtay mudo kororsigii fashilmay ee uu dhawaan sameystay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Kulankaas oo ay kasoo muuqdeen xildhibaano, odayaal dhaqan iyo saraakiil isku heyb ah oo ka soo wada jeeda beesha Murusade ayaa geesiyaal Qaran loogu aqoonsaday ciidamadii Badbaado Qaran ee gudaha u soo galay caasimadda Muqdisho, markii uu Farmaajo saxiixday laba sano mudo kororsi ah.

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar, Senator Cabdi Dhuxulow Dhegdheer, Xildhibaan Mustaf Cali Dhuxulow, Xildhibaan Cabdullahi Gaafow Maxamuud, Saraakiishii beesha Murusade ee ka qeyb qaatay ka hor-taggii mudo kororsiga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Deyniile ayaa kasoo muuqday kulanka.

Nabadoon Xaad oo ugu horeyn kulankaas ka hadlay ayaa yiri, “Dadka aan metelno, ee aan magacooda halkaan ku fadhino, waxaan rabnay inay halganka qeyb ka qaataan, waana ka soo baxeen kaalintaas, waa inay dadkeenu noqdaan kuwo u qalma inay hoggaanka u qabtaan dalka.”

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa yiri, “Dalal ay ugu horeeyaan kuwa Afrika, waxaa lagu yaqaan in ciidamadu afgembi ka sameeyaan, laakiin ciidankeenu waxay baal-dahab ah ka galeen ilaalinta dimuquraadiyadda, waxay ku guuleysteen inay dalka kala dambeyntiisii soo celiyaan iyo inay afgembi siyaasadeed ka hor tagaan, waxay ka shaqeeyeen xasiloonida dalka, waa arrin lagu faani karo oo taariikhda u geli doonta ciidankeenna.”

Senator Dhegdheer ayaa yiri, “Markii madaxdii aan dooranay ee madaxweynuhu ugu horeeyo ay sharcigii iska laabeen, oo doorashadii dalka ay laaleen, oo mudo kororsi ay aadeen, ciidamadii, siyaasiyiintii iyo shacabkii ka dhiidhiyey, anigoo munaasababaad uga faa’iideysanaya waxaan leeyahay waa mahadsantihiin.”

Ugu dambeyntii guddoomiye Jacfar iyo mid ka mid ah saraakiishii ka qeyb gashay kulankaas ayaa sheegay inay guteen mas’uuliyadii loo igmaday ee ka saareyd dadka iyo dalka, isla markaana ay sii wadi doonaan ka hortagga wax kasta oo liddi ku ah sharciga iyo kala dambeynta dalka.

Hoos ka daawo Warbixinta

Shirka doorashooyinka oo galay maalintiisii labaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka wada-tashiga ee arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa galay maalintiisii labaad, kadib markii uu shalay si rasmi ah u daah-furay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa ku billaabmay jawi deggan, waxaana ka qeyb-galaya shanta madaxweyne goboleed ee dalka iyo sidoo kale duqa magaalada Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka, si xal waara looga gaaro.

Sidoo kale waxaa shirkani lagu dhammeystirayaa heshiiskii 17 September, kaas oo saldhig u ah doorashooyinka sanadkan ka dhacaya gudaha Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya oo iyadu soo qaban-qaabisay shirweynahan ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujisay in is faham buuxa looga gaari doono arrimaha doorashooyinka.

“Ra’isul Wasaaraha wax uu doonayaa intii suuragal ah in la soo koobo qodobbada muhiimka ah ee ay madaxdu kaga xaajoonayaan kulamadoodu si xal ka gaaristoodu ay u fududaato iyada oo maanka lagu hayo isu tanaasul, is qancin walaaltinimo, ahmiyadda koowaadna la siinayo badbaadada shacabka Soomaaliyeed iyo dalka uu aado doorasho leysla ogol yahay oo dhaqso ku qabsoonto,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimu.

Dhinaca kale waxaa xalay Muqdisho ka dhacay kulamo siyaasadeed oo dhammaantood looga hadlayey xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan marxalada adag ee kala guurka ah.

Kulanka koowaad ayaa wuxuu dhex-maray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland iyo sidoo kale siyaasiyiinta gobollada Waqooyi oo uu horkacayey ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, iyada oo diirada lagu saaray tabashada xubnaha Somaliland ku metala dowladda federaalka ah, gaar ahaan dhismaha guddiga doorashada.

Waxa kale oo xalay Caasimada ka dhacay kulan dhex-maray madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah musharraxiinta mucaaradka, sida Sheekh Shariif Sheekh Axmed, C/raxmaan Cabdishakuur iyo Dhuxulow, waxayna ka wada-hadleen doorashada.

Soomaaliya ayaa weli ku jirto xaalad adag oo ka dhalatay is jiid-jiidka doorashooyinka, waxaase haatan rajo weyn laga qabaa shirka ka socda Afisyoone oo la filayo in go’aan kama dambeys ah looga gaaro, sida looga gudbi karo xaaladda kala guurka ah ee lagu jiro.

Xog: Dhallinyarada foodda leh oo loo diiday qaadashada baasaboorka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya dhallinyarada ku nool magaalada Muqdisho ee ka cabanaya in loo diiday qaadashada Baasaboorka Soomaaliga ah, kadib markii lagu amray in ay iska soo jaraan timaha horey iyo gadaal kala dheer ama foodda ay u jaran tahay.

Caasimada Online ayaa la kulantay dhowr qof oo kamid ah dhalinyarada Muqdisho ee loo diiday Baasaboor ilaa ay iska jaraan foodda, waxayna si isku mid ah noogu sheegeen in shaqaalaha howsha wada gaar ahaan qolada qaada sawirrada islamarkaana xogta diiwaan gelisa ay ka diideen. 

Caadiyan qofka qaadanaya Baasaboorka Soomaaliga ah waxaa qasab ah in uu soo muuqdo wijiga ilaa dhagaha hase yeeshee in la jaro timaha ayaa ah dhaqan ku cusub Muqdisho.

Dhinaca kale, taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Korneel Koofi ayaa ka hadlay arrintaan. Korneel Koofi ayaa isagoo u jawaabaya qof soo dhigay Facebook waxa uu ku yiri “waa arrin cusub oo la yaableh anigoo ka tirsan xafiiska ma ogi ee faah-faahin naga sii sheekadaan” 

Dad badan ayaa hadalka taliyaha u qaatay mid jees jees ah, waxaana ka dhashay falcelin badan iyadoo inta badan dhalinyaradii ka hadashay arrinkaas ay isku mid ah uga cabanayeen arrintaan. 

Xariiro aan la sameynay Korneel Koofi iyo saraakiisha kale ee Hay’adda Socdaalka ayaan wali helin si aan uga helno faah faahin intaan ka dheeri ah.