25.1 C
Mogadishu
Monday, July 13, 2026

Shirka doorashooyinka oo galay maalintiisii labaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka wada-tashiga ee arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa galay maalintiisii labaad, kadib markii uu shalay si rasmi ah u daah-furay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa ku billaabmay jawi deggan, waxaana ka qeyb-galaya shanta madaxweyne goboleed ee dalka iyo sidoo kale duqa magaalada Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka, si xal waara looga gaaro.

Sidoo kale waxaa shirkani lagu dhammeystirayaa heshiiskii 17 September, kaas oo saldhig u ah doorashooyinka sanadkan ka dhacaya gudaha Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya oo iyadu soo qaban-qaabisay shirweynahan ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujisay in is faham buuxa looga gaari doono arrimaha doorashooyinka.

“Ra’isul Wasaaraha wax uu doonayaa intii suuragal ah in la soo koobo qodobbada muhiimka ah ee ay madaxdu kaga xaajoonayaan kulamadoodu si xal ka gaaristoodu ay u fududaato iyada oo maanka lagu hayo isu tanaasul, is qancin walaaltinimo, ahmiyadda koowaadna la siinayo badbaadada shacabka Soomaaliyeed iyo dalka uu aado doorasho leysla ogol yahay oo dhaqso ku qabsoonto,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimu.

Dhinaca kale waxaa xalay Muqdisho ka dhacay kulamo siyaasadeed oo dhammaantood looga hadlayey xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan marxalada adag ee kala guurka ah.

Kulanka koowaad ayaa wuxuu dhex-maray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland iyo sidoo kale siyaasiyiinta gobollada Waqooyi oo uu horkacayey ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, iyada oo diirada lagu saaray tabashada xubnaha Somaliland ku metala dowladda federaalka ah, gaar ahaan dhismaha guddiga doorashada.

Waxa kale oo xalay Caasimada ka dhacay kulan dhex-maray madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah musharraxiinta mucaaradka, sida Sheekh Shariif Sheekh Axmed, C/raxmaan Cabdishakuur iyo Dhuxulow, waxayna ka wada-hadleen doorashada.

Soomaaliya ayaa weli ku jirto xaalad adag oo ka dhalatay is jiid-jiidka doorashooyinka, waxaase haatan rajo weyn laga qabaa shirka ka socda Afisyoone oo la filayo in go’aan kama dambeys ah looga gaaro, sida looga gudbi karo xaaladda kala guurka ah ee lagu jiro.

Xog: Dhallinyarada foodda leh oo loo diiday qaadashada baasaboorka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya dhallinyarada ku nool magaalada Muqdisho ee ka cabanaya in loo diiday qaadashada Baasaboorka Soomaaliga ah, kadib markii lagu amray in ay iska soo jaraan timaha horey iyo gadaal kala dheer ama foodda ay u jaran tahay.

Caasimada Online ayaa la kulantay dhowr qof oo kamid ah dhalinyarada Muqdisho ee loo diiday Baasaboor ilaa ay iska jaraan foodda, waxayna si isku mid ah noogu sheegeen in shaqaalaha howsha wada gaar ahaan qolada qaada sawirrada islamarkaana xogta diiwaan gelisa ay ka diideen. 

Caadiyan qofka qaadanaya Baasaboorka Soomaaliga ah waxaa qasab ah in uu soo muuqdo wijiga ilaa dhagaha hase yeeshee in la jaro timaha ayaa ah dhaqan ku cusub Muqdisho.

Dhinaca kale, taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Korneel Koofi ayaa ka hadlay arrintaan. Korneel Koofi ayaa isagoo u jawaabaya qof soo dhigay Facebook waxa uu ku yiri “waa arrin cusub oo la yaableh anigoo ka tirsan xafiiska ma ogi ee faah-faahin naga sii sheekadaan” 

Dad badan ayaa hadalka taliyaha u qaatay mid jees jees ah, waxaana ka dhashay falcelin badan iyadoo inta badan dhalinyaradii ka hadashay arrinkaas ay isku mid ah uga cabanayeen arrintaan. 

Xariiro aan la sameynay Korneel Koofi iyo saraakiisha kale ee Hay’adda Socdaalka ayaan wali helin si aan uga helno faah faahin intaan ka dheeri ah.

Midowga Afrika oo ka hadlay go’aankii DF Soomaaliya iyo is-casilaadii John Mahama

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Bayaan kasoo baxay Midowga Afrika ayaa waxaa looga hadlay go’aankii ay dowladda Soomaaliya ku ndiiday ergeygii uu ururkaasi usoo magacaabay arrimaha Soomaaliya,  ahna madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama.

Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday inuu aad uga xun yahay go’aanka Soomaaliya oo sababay inuu is-casilo ergeygaasi, kadib markii markii ay ku gacan seertay dowladda.

“Waxaan muujineynaa sida ay uga xun tahay go’aanka ay qaadatay dowladda Soomaaliya, iyadoo diiday magacaabista H.E. Mr John Dramani Mahama, isagoo ah Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay ururka Midowga Afrika.

Sidoo kale ururka ayaa ka dalbaday guddoomiyaha Midowga Afrika inuu sii wado dadaalka iyo wada-hadalka uu la leeyahay dowladda Soomaaliya, si loo xalliyo khilaafka haatan jira.

“Waxaan ku boorrinaynaa guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu sii wado wadahadalka uu la leeyahay DFS si loo xalliyo khilaafka jira isla markaana uu warbixin uga siiyo Golaha sida loogu dhaqaaqayo la macaamilka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Golaha Amniga (PSC),” ayaa markale lagu yiri bayaanka kasoo baxay Ururka Midowga Afrika.

Go’aanka uu qaatay John Mahama oo iska casilay ergeynimadiisii ayaa yimid kadib markii ay dowladda federaalka kasoo horjeesatay magacaabistiisa, waxana ay sheegtay inuu xiriir dhow la leeyahay dowladda Kenya, oo Soomaaliya ay kala dhaxeyso xiisad siyaasadeed. 

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale horey warqad ay u qortay Midowga Afrika ku sheegtay in kulanka uu ra’iisul wasaare Rooble isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada ee ka dhacaya Muqdisho uu ka dhiggan yahay inaan loo baahneyn ergey.

Xog: Doorasho ka dhacda Baydhaba oo la doonayo in lagu xiro sii deynta Roobow

Baydhaba (Caasimada Online) – Waxaa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba si weyn uga socda abaabulka kulamo iyo banaan-baxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen. 

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay in abaabulka socda uu yahay mid lagu diidan yahay in ay doorasho ka dhacdo Koonfu Galbeed, ilaa laga soo daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo muddo laba sano iyo bar ah u xiran dowladda federaalka.

Siyaasiin, saraakiil ciidan iyo odayaal dhaqan oo ku beel ah Abuu Mansuur ayaa arrimahan ka billaabay Muqdisho iyo Baydhaba, iyadoo durba Baydhaba ay wajaheyso culeysyo iska soo horjeeda oo hab beeleed u abaabulan. 

“Waxaa naga go’an in aanan Baydhaba doorasho lagu qaban ilaa uu xorriyadiisa dib u helo Abuu Mansuur,” ayuu yiri Yuusuf Xasan Mursal oo la hadlay Caasimada Online. Yuusuf waxa uu ka tirsan hoggaanka Xisbiga uu Abuu Mansuur aas aasay ka hor inta aan la xiran. 

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur waxaa daba-yaaqada sanadkii 2018-kii laga xiray Baydhabo isagoo ah Murashax Madaxweyne waxaana xarigiisa ka dhashay banaanbaxyo sababay dhimashada ilaa 15 qof iyo dhaawacyo badan, oo ay gaysteen ciidamada dowladda.

Abu Mansuur ayaa la xiray kadib markii uu Villa Somalia ka diiday inuu ka haro doorashada, ayada oo laga cabsi qabay inuu kaga adkaayo Cabdicasiis Lafta-gareen oo ay Villa Somalia wadatay.

DF oo si kulul uga hadashay weerar lagu qaaday xarun ay leedahay hay’ad Qatari ah

Gaza (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeymo ay ciidamada Israel la beegsadeen xarunta Hay’adda Bisha Cas ee Qatar ay ku leedahay Marinka Gaza ee dhulka Falastiin.

Weerarkan oo dhacay Isniintii 17-kii May, intii ay socdeen weeraraddii Israel ee Gaza, ayaa lagu dilay laba qof oo Falastiiniyiin ah, ayada oo 10 kale lagu dhaawacay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliyaa ayaa lagu yiri “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynaysaa weerarka duqeynta cirka ah ciidamada gumeysiga Israel ay ku bartilmaameedsadeen xarunta hey’adda Bisha Cas ee Qatar ee Marinka Gaza galabnimadii Isniinta, 17-ka May, kaasoo sababay geeri iyo dhaawac tiro dad ah oo aan waxba galabsan iyo burbur lixaad leh oo haleelay dhismaha Isbitaalka Hamad bin Khalifa oo adeegyo caafimaad u fidinayay dadka naafada iyo kuwa baahida gaarka ah qaba.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Falkani waa talaabo aan marmarsiinyo lahayn iyo xadgudub cad oo ka dhan sharciga caalamiga, anshaxa iyo qiyamka aadanaha ayaa lagu yiri.” 

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar ayaa sidoo kale horey u cambaareysay weerarkan ayada oo sheegtay in beegsiga hay’adaha gargaarka bani’aadannimo iyo warbaahinta ay yihiin xadgudub cad oo lagu sameeyey xeerarka caalamiga ah iyo dhaqanka iyo qiyamka bani’aadannimada.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u cadeysay mowqifkeeda ku aadan damaca Israel ay ku boobeyso dhulka Falastiiniyiinta, waxayna cod dheer ku sheegtay in reer Falastiin ay mudan yihiin garab istaag dhab ah oo ay ka helaan walaalahooda Carbeed.

Todobaadyadii la so dhaafay waxaa cirka isku shareeray isku dhacyada ciidamada Yahuudda iyo shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Qaza iyo Qudus, waxaana dhintay boqolaal qof oo isugu jiray Falastiiniyiin iyo Yahuud, inkastoo khasaaraha ugu badan uu gaaray shacabka Falastiin, sidoo kale ciidamada Israel waxay dhulka dhigeen dhismayaal waaweyn oo ku yaallay Qaza iyo Qudus.

Kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta oo ay ugu horeyso Xamas ayaa dhankooda gantaalo ku tuuray magaalooyinka muhiimka ah ee Israa’iil, waxayna u geysteen khasaare xoog leh, kadib markii gantaallada qaar ay ka gudbeen difaacyadii ciidamada Israa’iil.

Al-Shabaab oo weerar jid gal ah ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya

Mandheera (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo dagaal culus oo deegaano ka tirsan Gobolka Mandheera ee dalka Kenya ku dhex maray xubno ka tirsan kuwa Al-Shabaab iyo ciidamada Dowladda Kenya ayaa sheegayo inuu ka dhashay khasaaro xoog leh.

Maleeshiyo kamid ah kuwa Al-Shabaab ayaa kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo ku socdaalayay wadada u dhaxeeysa deegaanada Taagaabo iyo Baanisa ee gobalka Mandheere ku qaaday weerar jid gal ah oo ku bilowday qaraxyo.

Hubka ay is dhaafsanayeen Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya ayaa waxaa si weyn looga maqlayey deegaanada u dhow dhow halka uu dagaalka ka dhacay, waxaana sidoo kale la maqlayey dhawaq loo maleenayo inuu yahay qaraxyo ay Al-Shabaab la beegsatay kolonyada jidka loo galay.

Warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay fulisay Al-Shabaab isla markaasna lagu dilay 13 isugu jirta saraakiil iyo Askar Kenya ah, sidoo kalana laga gubay gaari ay lahaayeen Ciidamada Kenya.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari oo ka hadlay weerarkaas ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in weerarka ay uga dhinteen Saddex Sarkaal saddex kalena ay uga dhaawacmeen.

Gaadiidka ay wateyn ciidamada Kenya ee jidka loo galay ayaa waxay usoo socdeyn xuduuda Soomaaliya iyo Kenya halkaas oo ay rabeyn inay ka sameeyaan howlgalo lagu beegsanayo xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ganacsadihii lagu waayey Nairobi oo meydkiisa la helay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee ganacsade Bashiir Maxamed Gaboobe oo todobaadyo ka hor la waayey ayaa haatan meydkiisa laga helay duleedka magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Marxuumka oo maalmo badan la baadi goobayey ayaa waxaa meydkiisa laga helay meel duur ah oo qiyaastii 180 KM u jirta magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi.

Ehellada marxuumka waxay shaaciyeen in dilka Bashiir loo adeegsaday rasaas, ayna sidoo kale ku yaalleen nabaro kale oo jir dil ah.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in meydka haatan la geeyey qolka maydka ee magaalada Mwea oo ka tirsan gobolka Kirinyaga oo ah halka laga helay meydka.

Marxuumka ayaa 13-kii bishan aynu ku jirno la waayey meel uu jaan iyo cirib dhigay, waxaana kadib waayitaankiisii duleedka Nairobi laga helay gaari la rumaysanyahay inuu yahay kiisa oo la gubay.

Sidoo kale marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka ayaa madax ka haa shirkad ganacsi oo ka shaqeysa dhismaha, mashaariic waa-weynna ka wadday dalka Kenya.

Dhacdadan ayaa wal-wal xoogan iyo sidoo kale cabsi ku reebtay ganacsatada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee ajaaniibta ah ee ku sugan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Dareen noocee ah ayey mucaaradku ka qabaan habka uu ku furmay shirka doorashada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan musharaxiinta sanadkan u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa saacadihii u dambeeyey soo saaray qoraallo ay ku soo dhaweeyeen hanaanka uu ku furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada dalka.

Waxa ay muujiyeen rajada ay ka qabaan doorasho heshiis lagu wadayahay oo ka qabsoonta dalka, iyagoo bogaadiyey dareenka iyo dabacsanaanta ay la yimaadeen madaxda ka qeyb gashay shirka maanta ka furmay Muqdisho.

Ugu horeyn Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraalkan soo saaray markii uu soo idlaaday shirkii maanta ayaa yiri, “Waxaan bogaadinayaa shirka wadatashi qaran ee maanta horudhiciisa furmay. Waxaan rajaynayaa in xal laga gaaro arrimaha la isku hayo ee la xariira fulinta heshiiska doorasho ee 17 Sept. Dalku wuxuu ku jiraa xaalad kala dhantaalan oo degdeg loogu baahan yahay doorasho, si loo helo hoggaan iyo dawlad sharciyad leh.”

Dhankiisa Musharax Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maanta dib ugu soo noqday dalka ayaa yiri, “Waxaan bogaadinayaa guulna u rajeynayaa shirka wadatashiga Qaran, waxaana dhamaanteen xil weyn naga saaran yahay inaan u howl galno taabagalinta iyo najaxinta shirka, si dalka oga qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah.”

Musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa isna yiri, “Waxaa ii muuqata Yididiilo iyo dareen cusub oo ay la yimaadeen madaxda ka qeyb galaysa shirka taas oo astaan fiican u ah inay jirto kalsooni iyo is-aaminaad sahli doonta in heshiis laga gaaro geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka.”

Duqii hore ee Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo haatan isna ah Musharax Madaxweyne ayaa yiri, “Shirka maanta ka furmay Muqdisho waxaan u rajeynayaa guul. Yididiilo ayaa muuqata, Shacabka Soomaaliyeedna waxay ku rajo weyn yihiin inuu noqdo mid miradhala, si gacanna loogu gurmado dadkeena wajahaya xaaladdo kala duwan, gacanna doorasho loogu qabto. Caano daatay dabadood la qabay baa inoo wada dan ah.”

Waxaa muuqata in mucaaradku ku qancay hanaanka loo wajahayo xalinta khilaafka doorashooyinka oo haatan ay bilaabeen ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, inkastoo mudooyinkii dambe ay dalbanayeen in laga qeyb geliyo shirkaan, hadana iyagoo aan door ku laheyn ayey bogaadinayaan.

 

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan leh siyaasiyiinta gobollada waqooyi + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa caawa kulan gaar ah Muqdisho kula leh siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyiga ee Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiintaas waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana kulanka looga hadlayaa xalinta tabashooyinka ka jira kuraasta Somaliland iyo sidii heshiis looga gaari lahaa khilaafka ka taagan.

Laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa isku haya guddiga doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland.

Xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in is fahamkii magaalada Baydhaba lagu gaaray 16-kii bishii Febraayo ee sanadkaan la isku raacay in xubnaha guddiga doorashada ee kuraasta Somaliland ay kala qeybsadaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa la sheegay inay caawa isku howleen in siyaasiyiinta gobollada waqooyi garabka uu hoggaaminayo Mahdi Guuleed ay ku qanciyaan is afgaradkii guddiyadii ka kala socda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku gaareen magaalada Baydhaba.

Rooble oo war kasoo saaray maalinkii koowaad ee shirka arrimaha doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo maanta ahaa shir guddoonka kulankii ka furmay teendhada Afisyooni ayaa soo saaray qoraal uu rajo wanaagsan uga muujiyey natiijada shirarka lagu xalinayo khilaafka doorashooyinka ee dowladda federaalka u uku metelayo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u mahad celiyey dhammaan madaxda dowlad goboleedyada oo maanta ka soo qeyb galay furitaankii shirkaas oo sii socon doona maalmaha na soo aadan.

“Waxaa maanta si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahadcelinayaa ka soo qeyb galkooda.Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka,” ayuu Ra’iisul Wasaare ku yiri qoraal uu soo saaray.

Shirkan Golaha Wadatashiga Qaran ee xalka loogu raadinayo arrimaha doorashooyinka oo maanta la daah-furay wajigiisa koowaad ayaa la isugu soo laaban doonaa maalinta Axadda ah ee burrito,  iyadoo madaxdu ay sii amba qaadi doonaan wadaxaajoodka arrimaha la isku hayo.

Inta badan xubnaha mucaaradka ah ayaa si siman u soo dhaweeyey shirkan maanta ka furmay magaalada Muqdisho, iyagoo muujiyey inay qabaan rajo wanaagsan oo hor seedi karta doorasho xasiloon oo dalka ka dhacda.

Dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay qarax ka dhacay magaalada Baydhaba caawa

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee gobolka Bay waxaa caawa ka dhacay qarax geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo noociisa lagu sheegay Bam-gacmeed.

Inta la xaqiijiyey laba qof ayaa ku geeriyootay, halka ugu yaraan shan kale oo isugu jira carruur iyo haween ay ku dhaawacmeen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay isgoyska Boqoleyda oo ku yaalla xaafadda Bardale ee magaalada Baydhabo. Waxaana qaraxa kadib goobta ka bilaabatay rasaas mudo socotay oo ay ridayeen askar goobta ku sugneyd.

Bartilmaameedka qaraxaas ayaa la aaminsan yahay inuu ahaa askar ku sugneyd goob qaadka lagu iibiyo oo ku taalla isgoyska Boqoleyda.

Ilaa shan  5-qof oo u badan caruur iyo haween ayaa dhaawacyadooda la gaarsiiyey cisbitaalka guud ee magaalada Baydhabo, halka laba qofna ay goobta ku geeriyootay.

Waxaa goobta ka baxsaday kooxdii Bam-gacmeedka ku weerartay askarta, sidoo kale weli ma kala cada in khasaare ka dhashay iyo in kale rasaastii ay fureen askarta ku sugneyd goobta lagu tuuray bambaanooyinka.

Xog: ROOBLE oo hal qodob kula heshiiyay Axmed Madobe iyo Saciid Deni ka hor shirka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland kala hadlay arrimo ku saabsan ciidanka la socda. 

Rooble ayaa labadaan maamul ka dalbaday in aysan saxaafada usoo bandhigin ciidanka la socda, islamarkaana uu damanaad qaadayo in ciidanka AMISOM ay sugi doonaan ammaanka goobta shirka. 

Inkastoo labadaan hogaamiye ay la socdeen ciidamo hubeysan, islamarkaana loo ogolaa ayaa haddana lagu heshiiyay in la yareeyo saameyntooda dhinaca warbaahinta amaba aan lasoo bandhigin markii ay ka soo dagaan garoonka Muqdisho. 

Sababta uu Rooble arrintaan u dalbaday ayaa lagu sheegay in uu kaga gol lahaa yareenta amaba joojinta sawirkii xumaa ee dhacay shirkii kan ka horreeyay kadib markii labada Madaxweyne la yimaadeen ciidamo aad u hubeysan, islamarkaana garoonka ka dhigtay meel la ciir ciiraya ciidamo hubeysan. 

Maxamed Xuseen Rooble ayaa isku dayaya in uu xakameeyo dhamaan waxyaabaha keeni kara in ay bixiyaan sawir colaad amaba shirka u ekeysiin kara mid aan waxba ka badalneen kuwii hore waxaana muuqata in uu ku guuleystay. 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale doonaya inuu dhiso kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, si ay u aaminaan in shirkan uu ka duwan yahay shirarkii hore, kana fishaan inuu guul ku dhammaan doono.

Shirkan ayaa waxa uu shirarkii hore uga duwan yahay iyadoo uu shirka hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, meeshana ay ka baxday hoggaamintii Madaxweynaha waqtigiisu dhamamaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la saaray mas’uuliyadda eeda fashilka shirka.

Waxaa aad u sareysa rajada laga qabo in shirkan uu guuleysto ayada oo loo heelan yahay in heshiis la gaaro, iyadoo aysan jirin xafiiltankii hore iyo kadeedkii siyaasadeed ee uu abuuray Farmaajo.

Sabab yaab leh oo dagaalka Wanlaweyn ka dambeysa iyo wararkii ugu dambeeyey

Wanlaweyn (Caasimadda Online) – Dagaal culus ayaa wuxuu Maanta Magaalada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose ku dhex maray Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana la xaqiijiyey inay dagaalkaas ku geeriyoodeyn 3 ka tirsan ciidamadii dagaalamay iyo qof shacab ah, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.

Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu u dhexeeyey guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn Maxamed Siidow Cabdiraxmaan iyo ku xigeenkiisa arrimaha bulshada Axmed Kheyr Caddow.

Guddoomiye Maxamed Siidow oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa sheegay in guddomiye ku xigeenkiisa uu isbaaro dhigtay bartamaha Magaalada isla markaasna uu lacago baad ah oo gaarayo 110 Dollar ka qaato gawaarida xamuulka ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in isbaarada uu dhigtay guddoomiye ku xigeenkiisa ay keentay inay ka xanaaqaan qaar ka tirsan ciidamada Daraawiishta ee ka amar qaato degmada kuwaas oo iyagana isbaaro kale dhigtay  kadibna ay weerar kuso qaadeyn ciidamo uu hoggaaminayo ku xigeenkiisa oo uu sheegay inuu diidan yahay in cid aan isaga aheyn ay isbaaro dhigato Magaalada.

Mar wax laga waydiyey khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ayuu sheegay in ciidamadiisa uu ka dhintay hal askari sidoo kalana uu dhintay wiil dhallinyaro ah oo ay ku dhacday rasaastii la is dhaafsanayey, wuxuu kaloo sheegay inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada ku xigeenkiisa balse uusan sheegi karin tiro sax ah.

Illo madax banaan oo ay la hadashay Caasimadda Online ayaa sheegaya in guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ay isku heystaan sidii loo maamuli lahaa lacagaha baadda ah ee laga qaado isbaaro ay ciidamada ka tirsan kuwa Dowladda dhigteyn magaalada.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli ka hadlin dagaalkii ka dhacay Wanlaweyn, waxayna wararka qaar sheegayaan in magaalada loo soo diray ciidamo kala dhex galo kuwa dagaalamay, waxaana la filayaa in maamulka Koonfur Galbeed uu soo farageliyo khilaafka u dhaxeeyo maamuka Degmadaas.

Arrin uu saadaaliyey Daahir Geelle inay qabsan doonto Farmaajo oo dhab noqon rabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu Maanta Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu si rasmi ah u furay shirka madaxda Maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa soo if baxday arrin uu horey usii sheegay Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa qormo uu qoray 17 April 2021 ku sheegay in khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya lagu xallin doono miis uusan fadhin madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taasoo u muuqata inay dhab noqon rabto maadaama Maanta Farmaajo laga waayey shirka u furmay Dowladda Dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada oo go’aan looga gaarayo arrimaha doorashooyinka.

“Farmaajo waxaa soo martay Maalin gurbaan taageero loo tumayay, maalin laga dalbado inuu gogol fidiyo si kala guurka looga arrinsado, balse wuu xagal daaciyay,” ayuu ku yiri farriin u muuqatay inuu si toos ah waqtigaas ugu dirayey madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.

Daahir Maxamed Geelle ayaa intaas ku daray “ Waxaa xigay maalin gogasha isaga laga codsan jiray ay beesha caalamka isaga ugu yeerto, waana isaga dhaqaaqay.”

Ugu dambeyntii Musharax Geelle ayaa sii saadaaliyey in go’aanka doorashada Soomaaliya xalkeeda la gaari doono iyadoo uusan Farmaajo fadhin miiska wadahadalka. “Waxaa muuqata arrinta Soomaaliya ee miis ku dhammaatada aheyd in ay ku dhammaan doonto miis uu Farmaajo ka maqan yahay.”

Shirka maanta u furmay madaxda Maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Dowladda Dhexe ayaa waxaa durba muuqata in heshiis hordhac ah laga gaaray qaar ka tirsan qodobadii la isku hayey oo ay kamid yihiin: Khilaafka Gobolka Gedo, Amniga Doorashada, kuraasta reer Woqooyiga iyo Guddiga doorashooyinka.

Farriinta uu Daahir Maxamed Geelle qoray 17 April 2021 ayaa qorneyd sidan

Qodobo si hordhac ah looga heshiiyey shirka R/W Rooble iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirka arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominaya ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyada oo ay ka qeyb-galayaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Sidoo kale shirka ayaa billowday isaga oo uu ka maqan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo horey qeyb uga ahaa wada-hadalladii fashilmay ee magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Muqdisho.

Caasimadda Online ayaa ogaatay qodobo gaarayo illaa afar qodob oo si hordhac ah heshiis looga gaaray, si uu shirka usii socdo isla markaasna ay wadahadalada uga bilowdaan meeshii ay markii hore ku istaageyn.

Qodobada sida hordhaca ah looga heshiiyey waxaa kamid ah:

1- Guddiyada Doorashada: Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ballan qaaday in uu kala diro guddiyada doorashada ee lagu muransan yahay, islamarkaana uu magacaabo guddi cusub oo lagu kalsoon yahay, loona wada dhan yahay

2- Gedo: Waxaa muuqata in uu jiro tanaasul ku aadan gobolkan, ayada maamulka Jubbaland lagu wareejinayo maamulka doorashada, ama meesha laga saaro, ayada doorashada laga dhigo hal magaalo maamul gobaleed kasta, taasi oo noqoneysa Kismaayo.

3- Arrinta Somaliland: In guddoomiye Cabdi xaashi iyo mas’uuliyiinta gobalada waqooyi ay go’aan ka soo gaaraan arrinta Somaliland loona madax banaaneeyo, taasi oo meesha ka saareysa saameyntii Villa Somalia.

4- Amniga doorashada: Arrinta kale ee si horu dhac ah xal loogu gaaray waxaa ka mid ah in Amniga doorashada ay la wareegaan Booliiska labada heer ee federaalka iyo mamaul goboleedyada, oo ay wehliso AMISOM.

Farmaajo oo ka maqan shirka R/W ROOBLE iyo madaxda M/Goboleedyada + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone waxaa goor dhow si rasmi ah uga furmay shirka arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyada oo ay ka qeyb-galayaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Arrimaha shirkan diirada lagu saarayo waxaa ka mid ah dhammeystirka heshiiskii 17 September iyo xalinta khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ee 2021-ka.

Sidoo kale shirka ayaa billowday isaga oo uu ka maqan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo horey qeyb uga ahaa wada-hadalladii fashilmay ee magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Muqdisho.

Waa mid isha lagu wada-hayo waxa kasoo baxi doono shirkani oo xal loogu raadinayo doorashooyinka dalka oo ay isku khilaafeen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Ka hor furitaanka shirka waxay hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay yeesheen kulamo horudhac ah oo ay uga wada-hadlayeen xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Si kastaba wuxuu shirkan ku soo aadayaa, xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya ku jirto marxalad adag oo ka dhalatay is mar-waaga ka taagan doorashooyinka 2021-ka.

Wasaarada Arrimaha Dibeda Mareykanka oo farriin u dirtay ra’iisul wasaare ROOBLE

Washington (Caasimada Online) – Xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliya ee uu shirka uga furmay Muqdisho inay ka faa’iideystaan fursaddan oo ay dhameystiraan heshiis doorasho.

Qoraal kooban oo xafiiska kasoo baxay ayaa sidoo kale farriin loogu diray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo wada-hadalladaas hoggaaminaya, ayada oo loo sheegay inuu haysto taageerada buuxda ee dowladda Mareykanka.

“Hoggaamiyayaasha Soomaaliya waa inay ka faa’iideystaan fursaddan si ay iminka u dhameystiraan heshiis doorasho oo u wanaagsan shacabkooda iyo dalkooda. Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu haystaa taageeradeena buuxda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Mareykanka ayaa daba socday qoraalkii maalimn kahor ay soo saareen xubnaha beesha caalamka ee madaxda Soomaaliya looga digay inay lumiyaan fursdadan.

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay u arkaan shir-madaxeedka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya – Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DFS-DGXDF) ee ka dhacaya magaalada Muqdisho in uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si  loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka beeesha caalamka.

Shirkan ayaa waxa uu shirarkii hore uga duwan yahay iyadoo uu shirka hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, meeshana ay ka baxday hoggaamintii Madaxweynaha waqtigiisu dhamamaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la saaray mas’uuliyadda eeda fashilka shirka.

Waxaa aad u sareysa rajada laga qabo in shirkan uu guuleysto ayada oo loo heelan yahay in heshiis la gaaro, iyadoo aysan jirin xafiiltankii hore iyo kadeedkii siyaasadeed ee uu abuuray Farmaajo.

MUUSE BIIXI oo jeediyey hanjabaad lama filaan ah oo la xiriirta aqoonsi raadinta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeedinayey munaasibad lagu xusayey 18-kii May, ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay dhiig badan u daadiso ictiraaf raadinta, sidii kal hore ay ugu daadisay madax-banaanida ay ku doodo.

Muuse Biixi ayaa carabka ku adkeeyay in yoolka koowaad ee Somamliland uu yahay inay hesho ictiraaf, xili ay u dabaal-dageyso sanad guuradii 30-aad ee kasoo wareegtay xiligii ay ku dhawaaqday madax-banaanida ay ku doodo, ee aan aqoonsiga caalamiga ah helin.

“Yoolkeena koowaad waa ictiraaf in aanu helno oo uu noqdo Somaliland qaran jira oo qeyrkii wax la qeybsada oo goleyaasha caalamiga ah aanay cidina matali karin, waqti kasta ha nagu kacdo, qiima ay doonto ha noogu kacdo, dhiiggii loo soo daadiyay (Somaliland) mid ka badan ayaanu u daadinaynaa ictiraafka, haddii loo baahdo,” ayuu yiri.

“Somaliland waxaa ka go’an dowladaa-na waajib ku ah in ay doorashooyiinka noqdaan kuwa waqtigooda lagu qabto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray asaga oo ka hadlaya muhiimada ay qabsoomida doorashooyinka u leeyihiin dowladnimada Somaliland.

“Inaga oo aan raalli kala ah aan qabano doorashooyiinka oo wax badan aan isla gorfeyno inta aanan doorashooyinka galin, doorashooyiinku waa in midnimo iyo kalgacal, horumar iyo waxqabad inoo horseedaan, ma aha inay caay iyo qabaa’il iyo fadeexad iyo xumaan inoo horseedaan.”

Somaliland ayaa ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, inkasta oo aysan helin ictiraaf caalami ah, haddana waxay u dhaqanta sidii dal ka madax-banaan Jamhuuriyada, taasi oo dhowr jeer xiisad ka dhex-abuurtay Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Dagaal culus oo ka qarxay degmada Wanlaweyn

0

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal dib uga qarxay degmada Wanlaweyn oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed kaas oo haatan ka socda xaafadda Muuri ee degmadaasi.

Dagaalkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo ciidamo kala taabacsan guddoomiyaha maamulka degmada, MudaneMaxamed Siidow iyo ku xigeenkiisa dhinaca arrimaha bulshada Axmed Kheyr, waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Labada mas’uul aya waxaa horey uga dhexeeyey khilaaf dhinaca maamulka ah, kaas oo ugu dambeyn sababay dagaalka maanta ka qarxay Wanlaweyn

Wararka ayaa intaasi ku daraya in iska hor imaadkani uu sababay khasaare kala duwan, waxaana waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah iyo ciidamadii dagaalamay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Sh/Hoose oo ku aadan dagaalkan iyo khasaaraha uu geystay.

Sidoo kale waxaa billowday dadaallo nabadeed oo lagu joojinayo xabadda ka billaabatay Wanlaweyn, kuwaas oo ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo maamulka gobolka.

Wanlaweyn ayaa waxaa ku soo laa-laabta khilaafaadka dhinaca maamulka, waxaana horey uga dhacay dagaal beeleedyo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Muxuu CC Sharma’arke ka yiri shirka doorashooyinka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa boggaadiyey wada-hadallada doorashooyinka ee ka bilaabanaya gudaha magaalada Muqdisho, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in shirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu kusoo aaday xilli xasaasi ah, isaga oo u tilmaamay in wada-hadalladan ay muhiim u yihiin ka gudubka xaaladda adag ee kala guurka ah ee haatan dalka uu ku jiro.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ra’iisul wasaaraha iyo madax goboleedyada inay gaaraan heshiis dhammeystiran, si ay dalka uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

“Shirka maanta ayaa muhiim u ah geedi socodka Doorashooyinka xaaladda kala guurka si heshiis dhammeystiran ay u gaaraan ra’iisul wasaaraha & madaxda dowlad goboleedyada” ayuu yiri ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Shirka arrimaha doorashooyinka oo ka dhacay Teendhada Afisyoone ayaa lagu wadaa inuu maanta si rasmi ah u billowdo, waxaana ka qeyb-galay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo hoggaamiye shanta maamul goboleed ee ka jira dalka.

Shirweynahan oo kusoo aadayo, xilli xasaasi ah lagu wadaa in laga soo saaro go’aanno culus oo lagu jiheynayo doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2021-ka, si looga gudbo marxaladda adag iyo xaaladda kala guurka ah ee ay haatan ku jirto Soomaaliya.

Beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale isha ku wada-haya natiijada ka soo baxda shirkan oo si aad ah loogu boggaadiyey xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble.

Soomaaliya ayaa waxaa ku daba-dheeraaday ka gudubka marxaladda adag ee kala guurka ah, waxaana dhammaaday muddo xileedkii dowladda dhexe, iyadoo aan heshiis rasmi ah laga gaarin hannaanka lagu wajahayo doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2021-ka.