26.6 C
Mogadishu
Monday, July 13, 2026

Yaa gudoomin doono shirka doorashooyinka dalka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sharraxaad ka bixisay shirka wada-tashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka ee lagu wado inuu saacadaha soo socda ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Afhayeenka xukuumadda Soomalaiya, Mudane Maxamed Ibraahim Macalimu oo war qoraal ah soo saaray ayaa shaaca ka qaaday inuu shirka ka dhacayo teendhada Afisyoone oo ku dhextaalo xerada Xalane, wuxuuna tilmaamay inay soo xaadireen ka qeyb-galayaasha marka laga reebo madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle oo isna maanta la sugayo.

“Waxa saaka furmaya Shirkii Wadatashiga Qaran ee arimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah DFS. Madaxda ka qeyb galeysa shirka waa ay soo wada xadireen, waxa u dambeeya oo goor dhow inshallah soo dagaya Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe” ayuu yiri Macalimu.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shirkan oo ah mid xasaasi uu guddoomin doono ra’iisul wasaare Rooble oo isagu isku soo daba riday, kadi gadaal markii uu si rasmi ah loogu wareejiyey qabsoomida arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale ammaankeeda.

“Shirka waxaa shir guddoomin doono Ra’isul Wasaare Mohamed Hussein Roble waxa uuna ka dhacayaa Afisyoone oo ah halkii ay caadiyan ka dhacayeen kulamadii u dambeeyay,” ayuu sii raaciyey Maxamed Ibraahim Macalimu oo ah afhayeenka xukuumadda Somaila.

Inta uu socda shirkan waxaa ka qeyb-galaya oo goobjoog ah madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, duqa Muqdisho iyo shanta hoggaamiye goboleed ee dalka, sida HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Puntland iyo gobolka Banaadir.

Qabsoomida shirkan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, waxaana la filayaa in go’aan kama dambeys ah looga gaaro is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.

Si kastaba dib u dhac kooban ayaa ku yimid furitaanka shirkan oo qurshuhu ahaa inuu billowdo 20-kii bishan, kadib is-bedal ku yimid xilliga imaashaha madaxweynayaasha qaar ee maamul goboleedyada dalka, kuwaas oo dib uga soo dhacay waqtigii loogu talagalay.

Guudlaawe oo loogu soo dhoweeyey Xamar + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, wuxuuna noqday hoggaamiye goboleedkii ugu dambeeyey ee kasoo dega garoonka Aadan Cadde.

Cali Guudlaawe ayaa waxaa si weyn garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ugu soo dhoweeyey mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan goleyaasha dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa ka qeyb-galaya shirka arrimaha doorashooyinka oo maanta ka furmayo caasimada, gaar ahaan Teendhada Afisyoone ee xarada Xalane.

Guudlaawe ayaa waxaa safarkiisa soo daahiyey xaaladaha adag ee ka jira magaalada Jowhar, gaar ahaan fatahaadaha iyo dadaalkii dhowaan ka dhacay magaaladaasi.

Muqdisho waxaa horey u soo gaaray madaxweynayaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo iyana qeyb ka ah shirka wada-tashiga qaran ee uu soo qaban qaabiyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Inta uu socdo shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka.

Shirka doorashooyinka ee Muqdisho oo isha lagu wada-hayo ayaa waxaa la filayaa inay kasoo baxaan go’aanno culus oo dalka u jiheynayo doorashooyin loo dhan yahay.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka doorashooyinka oo maanta ka furmayo Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saacadaha soo socda ee maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo shirka wada-tashiga arrimaha doorashooyinka ee dowladda federaalka yo dowlad goboleedyada dalka.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu  dhammaaday, ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya oo isugu dhigay gogosha, duqa magaalada Muqdisho iyo sidoo kale shanta madaxweyne goboleed ee dalka oo inta badan ku sugan gudaha caasimada.

Sidoo kale waxaa shirkan oo looga arrinsanayo is mari-waaga ka taagan doorashooyinka saldhig u ah heshiiskii 17 September ee ay gaareen hoggaamiyeyaasha Soomaalida.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in goordhow caasimada uu kusoo wajahan yahay madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle oo kasoo kicitamaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana haatan qaban qaabada soo dhoweyntiisa laga dareemayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Waxaa shirkan oo kusoo aadayo xilli xasaasi ah lagu wadaa in laga soo saaro go’aanno culus oo lagu jiheynayo doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2021-ka, si looga gudbo marxaladda adag iyo xaaladda kala guurka ah ee ay haatan ku jirto Soomaaliya.

Beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale isha ku wada haya natiijada shirkan oo si aad ah loogu boggaadiyey xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble.

Si kastaba dib u dhac kooban ayaa ku yimid furitaanka shirkan oo qurshuhu ahaa inuu billowdo 20-kii bishan, kadib is-bedal ku yimid xilliga imaashaha madaxweynayaasha qaar ee maamul goboleedyada dalka, kuwaas oo dib uga soo dhacay waqtigii loogu talagalay.

Ciidamada ammaanka oo xalay Odayaal ku xir-xiray BELEDWEYNE + sababta

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa ku warramayaa in saacadihii lasoo dhaafay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi lagu xiray qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku sugan gudaha magaaladaasi.

Odayaasha la xir-xiray oo gaaray illaa 6 ayaa ah odayaasha dhaqanka beelihii dhowaan ku dagaalamay galbeedka magaalada Beledweyne ee caasimada ee gobolka Hiiraan, sida ay Caasimada Online u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Xariga odayaashan ayaa yimid, kadib markii laamaha amniga ay ka war-heleen in Al-Shabaab ugu yeeren Odayaasha labada beelood deegaanka Buq-Aqable oo ka mid ah deegaanada ay ka arrimiso kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray in haatan odayaasha la geeyey saldhigga booliska Beledweyne halkaasi oo lagu weydiinayo su’aallo dheeraad ah oo la xiriira tuhunka ah inay u socdeen deegaanka Buq-aqable, si ay u fuliyaan amarka kasoo baxay Shabaab.

Arrintan ayaa waxaa walaac ka muujiyey waxgaradka magaalada, kuwaas oo waday dadaallo dhex-dhexaadin ah oo lagu daminayo xiisada dagaal ee ka taagan halkaasi.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada nabadeed ee socda, waxaana dhowaan degmada Beledweyne wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba xiisada ka aloolsan Beledweyn ayaa saameyn ku yeelatay ammaanka magaalada iyo sidoo kale nolosha dadka deegaanka, waxaana hada socda dadaallo xal raadin ah.

Rooble oo la kulmay Deni iyo wararkii ugu dambeeyey ee shirka ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan soo dhaweyn iyo is xog-wareysi ah la yeeshay madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo galabta Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka.

Faah-faahin dheeri ah lagama bixin waxa ay ka wada-hadleen, hase yeeshee wuxuu kulanka qeyb ka yahay kulamo uu Rooble la qaadanayey madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan caasimadda.

Rooble ayaa sidoo kale xalay la kulmay madaxweynayaasha Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo horey ugu sugnaa magaalada, oo la filayo inuu ka furmo shirka arrimaha doorashada ee ra’iisul wasaare Rooble uu hoggaaminayo.

Magaalada ayaa waxaa weli ka maqan Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo la filayo inuu soo gaaro berri oo Sabti ah, waxaana wararku ay sheegayaan in shirka Afrisyooni uu si rasmi ah u furmi doono maalinta Axadda ah ee 23-ka May 2021-ka.

Shirkan ayaa waxa uu shirarkii hore uga duwan yahay iyadoo uu shirka hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, meeshana ay ka baxday hoggaamintii Madaxweynaha waqtigiisu dhamamaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la saaray mas’uuliyadda eeda fashilka shirka.

Waxaa aad u sareysa rajada laga qabo in shirkan uu guuleysto ayada oo loo heelan yahay in heshiis la gaaro, iyadoo aysan jirin xafiiltankii hore iyo kadeedkii siyaasadeed ee uu abuuray Farmaajo.

Shirkan ayaa ah fursadii ugu danbeysay ee looga gudbayo is-mari waagga doorashada dalka oo sanad ka badan oo jiitameysay, dalkana gelisay qalalaase dastuuri iyo mid amni.

Daawo: Rumaan Cabdulqadir: Xabadda ma ayada ayaa isku dhufatay mise waa la dilay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehelada gabadh yar oo dhawaan la sheegay inay geeriyootay xili ay iskaga duubeysay muuqaal aalada loo yaqaan TikTok ayaa beeniyey inay gabadhoodu ay isku fakisay bistoolada ay ku jirtay xabad, ayada oo arrintaasi si weyn ugu baahday baraha bulshada.

Ehelada marxuumada Rumaan Cabdulqaadir Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in falkaas uu ahaa dil, waxayna beeniyeen wararka ku baahay baraha bulshada ee lagu sheegay inay gabadha yar isku-fakisay bastooladu ayada oo ku gudo jirta duubista muuqaalkaas.

“Gabadha waa la dilay, si foolxun ayaa loo dilay, gacan ka xaq-daran ayaa dishay” ayey tiri Haweeney kamid ah ehelka marxuumad Rumaan.

“Qof miyaa gadaal iska dili karo?. Meesha ay tinta ka duuban tahay ayey kasoo gashay, waxayna ka baxday goofanaha, markaa miyaa la is dhihi karaa cunugteyda ayadaa is-dishay, waa la dilay cunugteyda,” ayey tiri ayeeyada gabadha geeriyootay.

Ehelada ayaa sidoo kale sheegay in dilkaas uu geystay Nin aysan magacaabin, ayaga oo ka dhawaajiyey in eheladiisa iyo ehelka gabadha ay heshiis ka gaareen dilkaas, kadib markii ay labada dhinac kulan wada qaateen, sida ay sheegen.

Si kastaba, Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay dhacdadaas, waxayna sheegeen iney baaris ku hayaan kiiska gabadhaas daganeyd degmada Yaaqshiid, taas oo u geeriyootay xabad ku dhacday.

Shalay oo ay taariikhdu aheyd 19/05/2021 Abaaro 16:58 Galabnimo, waxaa Xarunta Hoggaanka Baarista Dembiyada la keenay meydka Marxuumad Rumaan Cabdulqaadir Maxamuud, Inna faadumo Cabdulqadir Axmed 14jir ahyd ku Dhalatay Xamar Degeneyd Degmada Yaaqshiid taasoo ay ku dhacday rasaas Bastooladeed degmada Yaaqshiid gaar ahaan Xaafada Suuq-Bacaad,” ayaa lagu yiri  Qoraal ka soo baxay Booliska maalinkii Khamiista.

“Ehelada Marxumada ayaa u sheegay Hoggaanka Baarista Dembiyada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, in aysan jirin wax rasaas ah oo ay isku fakisay. Balse, lagu fakiyay. Sidaas daraadeed, Hoggaanka Baarista Dembiyada ayaa baaraya arrinta iyo sida ay u dhacday, natiijadana Ummadda iyo ehelkeeda ayaan la wadaagidoono.”

Dhacdada gabadhaan yar ayaa si weyn u qabsatay saacadihii u dambeeyay baraha bulshada ayada oo siyaabo kala duwan uga hadleen dadweynaha, maadama ay tahay arrin ugu ku ah geyiga Soomaalida.

Beesha Caalamka oo war kasoo saartay go’aanka ay DF ku diiday John Mahama

Muqdisho (Caasimada Online) – IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo QM ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay ka xun yihiin diidmada dowladda federaalka ee ka dhanka ah ergeygii uu Midowga Afrika John usoo magacaabay xal u helista is-mari waaga doorashada Soomaaliya, John Mahama.

Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama ayaa warqad uu u qoray guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika xalay uga laabtay aqabalaaddiisii aheyd inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee xal u helidda is-mari waaga doorashada Soomaaliya, isaga oo sababta ku sheegay diidmada dowladda federaalka. 

“Waxaan si qoto dheer uga xunnahay go’aanka ay hoggaanka dowladda federaalka ku diideen wakiilka sare ee Midowga Afrika ee Soomaaliya; waxaana hoosta ka xariiqeynaa kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ka qaato sare u qaadidda nabadda iyo ammaanka Soomaaliya, oo ay ku jirto tabarucaadda weyn ee Amisom,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo QM.

Dowladda federaalka ayaa sababta ay ku diiday magacaabistiisa Mahama ku sheegtay inuu xiriir dhow la leeyahay dowladda Kenya, oo ay kala dhaxeyso xiisad siyaasadeed.

Mahama ayaa warqadda uu u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ku sheegay in muhiimadda siyaasadeed ee sare ee shaqada loo igmaday ay u baahan tahay in ergeyga uu helo taageerada buuxda iyo wada-shaqeynta dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya.

Mahama waxa uu intaas ku daray in taageero la’aanta dowladda federaalka Soomaaliya ay halis gelin karto hanaanka oo idil, islamarkaana waxyeeleyn karto rajada dunida ay dhan ay ka qabto inuu nabad kusoo dabaalo Soomaaliya.

Gudoomiyihii deegaanka Garasbaaley iyo dhowr qof oo kale oo qarax lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii deegaanka Garasbaaley, Cabdiraxmaan Garyare ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhintay qarax lala beegsaday gaarigiisa, xili uu ku sugna deegaankaas oo ah duleedka Muqdisho.

Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ku geeriyooday laba kamid ah ilaaladiisa oo xiliga uu qaraxu haleelay gaarigiisa la socday guddoomiye Garyare Allaha unaxariiste.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Garyare AUN ayaa kasoo baxay Salaadda Jimcaha oo bulshada deegaanka uu kula tukaday Masjid ku yaala deegaanka Garas-baaley.

Garyare ayaa kaalin mug leh kasoo qaatay dhismaha deegaanka Garasbaaleey oo kamid ahaa aasaasayaasha deegaanka, wuxuuna gudoomiye ka ahaa Garasbaaley sanado badan.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaas, hase yeeshe inta badan waxa qaraxyada noocaan ah fuliya kooxda Al-Shabaab oo ayadu dagaal adag kula jirta mas’uuliyiinta dowladda.

Afar bil ka hor unbey aheyd markii sidan oo kale ay ku dhinteen qaraxa lagula eegtay Garasbaaley Gudoomiye ku-xigeenkiisa iyo gudoomiyihii dhalinyarada ee deegaankaas.

Maxaa ka dhacay Marinka Gaza kadib heshiiskii xabad-joojinta ee Xamas iyo Israel?

Gaza (Caasimada Online) – Dabaaldegyo ballaaran oo lama filaan ah ayaa ku faafay Marinka Qaza, Daanta Galbeed iyo gudaha Falastiin iyadoo la dhaqan gelinayo xabad joojinta u dhaxeysa Israa’iil iyo kooxaha wax iska caabinta Falastiin, waxayna dadka dabaaldegaya muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin guusha ay iska caabbintu ka gaareen Ciidamada Israa’iil oo adeegsanayo hubkii ugu casrisanaa Adduunyada.

Weriyaha Al-Jazeera ee Gaza, Wael Al-Dahdouh, ayaa sheegay in jidadka Marinka Gaza ay buux dhaafiyeen dadweyne aad u fara badan oo u soo baxay dabaaldegga dhammaadka dagaalka Israa’iil ee Marinka, waxaana guud ahaan dhulka Falastiin laga maqlayaa dhawaqa rasaasta oo ah mid loogu mashxaradayo xabad joojinta ay ku qasbanaatay Israa’iil.

Dhammaan jidadka ayey dadweynaha isku soo baxay ka taageyn Calanka Falastiin, midka Dhaqdhaqaaqa Wax-iska-caabbinta Islaamiga (Xamaas) iyo kooxaha kale ee iska caabinta, waxaana dhammaan masaajida laga bilaabay Takbiirta iyadoo la adeegsanayo cod baahiyaal laga maqlayo meelo fog fog.

Sidoo kale waxaa cod baahiyaal laga daaray heyso lagu baraarujinayo kooxaha iska caabinta sidoo kalana lagu ammaanayo dulqaadka ay muujiyeen dadweynaha reer Falastiin ee Masjidka Aqsa, Xaafadaha Qudus iyo  xaafadda Sheikh Jarrah ee ku dhegan Buurta Macbadka.

Dabaaldegyo la mid ah ayaa ka dhacay magaalooyinka Daanta Galbeed, dad isugu soo baxay Magaalada  Ramallah ayaa salaan sharaf ka qaatay kooxaha iska caabinta iyagoo ugu hambalyeeyey waxqabadka Militari ee muuqda oo ay ka gaareyn dagaalkii ay la galeyn Yahuuda xoogga ku heysato dhulkooda.

Dhanka kale Dabaaldegyo ayaa ka bilowday magaalooyinka  Hebron, Nablus, Salfit, Tulkarm, Jerusalem, Hebron iyo kuwa kale isla markii ay xabbad joojintu dhaqan gashay, sidoo kale dabaaldegyo iyo isu soo baxyo ayaa ka dhacay gobollada gudaha ee Falastiin sida Umm al-Fahm, iyo xerada Ain al-Hilweh ee qaxootiga Falastiin ee Lubnaan.

Xabad joojinta ka dhaqan gashay Marinka Qaza saacadihii hore ee Maanta oo Jimco ah ayaa timid kadib markii Masar ay dhex dhexaadisay heshiis u dhexeeya Israel iyo Xamaas oo lagu joojinayo xabadda 11 maalmood.

Golaha wasiirrada Israa’iil waxay xaqiijiyeen iney heshiis xabbad joojin ay la gaareen Falstiiniyiinta si dagaalka tobanka maalmood socday loo joojiyo.

“Golaha amniga siyaasaddu waxay si aqlabiyad leh u aqbaleen soo jeedintii dhammaan saraakiisha amniga, amniga gudaha (Shin bet), amniga dibadda (Mossad), iyo madaxa golaha amniga qaranka, ee ahayd in la aqbalo hindisaha Masar ee xabbad joojinta shuruud la’aanta ee labada dhinac ah oo goor dambe hirgeli doonto” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay golaha wasiirrada Israa’iil.

Kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Islamic Jihad ayaa markaa kadib bayaan ay soo saareen ku xaqiijiyey  aqbalaada xabadjoojinta.

Sarkaal ka tirsan ururka Xamaas oo wakaaladda wararka ee AP u warramay wuxuu sheegay in xabbad joojinta ay Israa’iil ku dhawaaqday ay ka dhigan tahay ‘guul’ shacabka Falastiin u soo hoyatay iyo guul darro soo gaartay Ra’isulwasaaraha Israa’iil Banjamin Natanyahu.

Cali Barakeh wuxuu sheegay iney maleeshiyaadka Xamaas ay feejignaan ku jiri doonaan ilaa ay dhexdhexaadiyeyaashu ay dhammeystiraan faahfaahinta heshiiska xabbad joojinta iyo meel markiisa intaba.

Ugu yaraan 232 Falastiiniyiin ah oo ay 65 yihiin carruur in lagu dilay tani iyo marka uu dagaalka billaawday. Halka Israa’iilna dagaalkaasi ay uga dhinteen 11 qof oo 2 ka mid ah ay carruur yihiin.

Somaliland oo shaacisay in ‘xeelad’ ay sameysay DF lagu joojiyey tallaabo ay waddamo dhowr ah damacsanaayeen

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa sheegtay in wada-hadalladii ay la gashay dowladda federaalka lagu qiyaameeyey ayada oo laga dhigay kuwa lagu midoobayo, si looga hor-istaago aqoonsi ay heli laheyd, sida ay hadalka u dhigtay

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in wada-hadalladaas ay waxyeello xooggan gaarsiiyey qadiyadda Somaliland, loona baahan yahay in la joojiyo oo aan dib loogu laaban.

Guddoomiyaha, oo uu soo xigtay wargeyska Geeska Affrika, ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay degtay xeelad ay adduunka ugu macnaysay wada-hadallada in ay yihiin wada-hadalo dib loogu midaynayo Koonfur iyo waqooyi.

“Arrinta way beddeleen shakhsiyaadka kolba Muqdisho fadhiista ee dowladda isku sheega, adduunkii waxay ka dhaadhiciyeen in ay yihiin wada-hadalada lagu midoobayo,” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Inaguna awood aynu ku fidino nuxurka saxda ah maynaan yeelan.”

Faysal ayaa sheegay in wadahadaladu ay sababeen in waddamadii doonayay in ay Somaliland aqoonsadaan ay hakiyaan aqoonsigii “Waxay keentay in waddamadii u soo hanqal-taagayay ictiraaf keena la hakiyay, taasi waxay keentay in dowlad aan jirin la ictiraafo,” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey  “Waa in ayu wada-hadallada joojinaa, dalkeenii waynu haysanaa, waa in aynu qadiyadadeena Adduunka ka iibinaa.”

Faysal ayaa sheegay in Somaliland ay 2012 markale qaaday talaabadii ay Soomaaliyadii Talyaaniga ugu biirtay 1960 oo kale “Qaladkii aynu galnay 1960-kii ayaynu markale galnay 2012 markii aynu la hadalnay dal aan jirin,” ayuu yidhi.

Beegsiga ka socda xarunta Gobolka Banaadir oo kordhay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir ee lagu sameeyay shaqo joojin iyo mushaar ka xayirid, kadib markii uu gobalka ka billowday cadaadis la saarayo shaqaalaha ka aragtida duwan Madaxweyne Farmaajo. 

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in 70 qof ay marayaan dadka shaqada laga eryay, kuwaasoo ka tirsanaa dowladda Hoose, waxeyna dhamaantood yihiin shaqaalaha rayidka ah ama waa kuwa aan ka tirsaneyn qeybaha amaanka. 

Dowladda Hoose ee Xamar weli kama aysan hadlin go’aankaan shaqada looga eryayo shaqaalaha gobolka, hase yeeshee waxaa sababta lagu sheegay in la beegsanayo dhamaan dadka ka aragtida duwan Madaxweyne Farmaajo iyo siyaasada uu maamulka gobalka ku shaqeeyo. 

Sidoo kale waxaa la beegsanayaa shaqsiyaadka ay damiinka ka yihiin siyaasiinta mucaaradka noqday iyo odayaasha dhaqanka ee taageera siyaasiinta mucaaradka ah. Cabashooyin badan oo ay sameeyeen dadka shaqa joojinta lagu sameeyay ayaa mira dhalin waxaana qaarkood ay ka baqayaan in ay la hadlaan warbaahinta si aan loo sii beegsan. 

Caasimada Online ayaa 7-dii bishan weerisay in Maamulka Gobalka Banaadir uu shaqo joojin ku sameeyay 21 qof oo ka tirsanaa Shaqaalaha Gobalka Banaadir.

Badanaa dadkaas shaqada laga ceyriyay ayaa waxaa keenay Axmed Iimaan iyo Ibraahim Dheere oo laba guddoomiye ku-xigeen oo dhinaca maaliyada ah ka soo noqday gobalka Banaadir, islamarkaana hadda la shaqeeyaa Xasan Cali Kheyre oo ay qaraabo yihiin.

Sidoo kale waxaa qeyb kale oo dadkaas kamid ah shaqaaleysiiyay Maxamed Cabdullaahi Tuulax, Senator Dhageey iyo Mustaf Dhuxulow, kuwaasoo hadda la sheegay in ay mucaarad ku yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka horimaneysa heshiiskii Ra’iisul Wasaare Roobe iyo Mucaaradka ee dhigayey inaan la beegsan dadka ka aragtida duwan dowladda.

Lubnaan: Wasiir is-casilay kadib markuu kashifay arrin ka carreysiisay dalalka Khaliijka

Beirut (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Lubnaan Charbel Wehbe ayaa is-casilay Arbacadii, kadib markii uu sheegay hadal ka carreysiiyey Saudi Arabia, xilli Beirut oo ay dhaqaale xumo hayso, ay iska ilaalineyo khilaaf diblomaasi oo ay la yeelato dalkan ku yaalla Khaliijka ee hodanka ah.

Wehbe ayaa Isniintii dood ka baxday taleefishinka ka sheegay, in soo bixitaanka Daacish ee gobolka ay ka shaqeeyeen dalalka Khaliijka, taasi oo dhalisay in safiirrada Lubnaan ee dhowr dal loo yeero.

Hoggaamiyayaasha Lubnaan ayaa kadib isku dayey inay qaboojiyaan xiisadda, waxaana Wehbe oo 67 jir ah uu bayaan kooban oo uu soo saaray kadib kulan uu la qaatay madaaxweyne Michel Aoun ku sheegay inuu codsaday “in xilka laga qaado”.

Saacado kadib, Aoun ayaa wasiirka difaacay Zeina Akar u magacaabay inay beddesho Wehbe, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada.

Xiriirka dalalka Khaliijka iyo Lubnaan ayaa u qaboobay sababo la xiriirka saameynta siyaasadeed ee kordheysa ee kooxda Shiicada ah ee Xizbullah ay ku leedahay dalkaas, hase yeeshee Beirut ayaa taageero maaliyadeed oo cusub ka raadineysa xulufadeedii hore.

Lubnaan oo sanaddii tagtay ku guul-darreysatay inay iska bixiso deymaheeda, ayaa wajaheysa saboolnimo aan horey loo arag, mana damaanad qaadi karto adeeg koronto oo dhaafsiisan bisha June.

Doodda muranka dhalisa oo taleefishinka Al-Xurra ku dhex-martay isaga iyo nin Sacuudiyaan ah, ayuu Wehbe isaga baxay, isaga oo sheegay in aanu“aflagaadeyn karin Badawi.”

Wehbe ayaa xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda Lubnaan si rasmi ah u hayey kaliya toddoba maalmood.

Kahor wuxuu 282 xilkan hayey isaga oo qeyb ka ah dowlad xil-gaarsiin ah taasi oo inteeda badan is-casishay kadib qaraxii bishii August 2020 ka dhacay dekedda Beirut.

AFP + VOA

Howlgal lagu soo qabtay qaar ka tirsan macawiisleyda oo laga sameeyey Jowhar

Jowhar (Caasimadda Online) – Booliiska Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa howlgal saacado badan qaatay ka sameeyay Xaafadda Hanti-wadaag Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe dhanka kalena ah Caasimadda Dowlad-Goboleedkaas.

Sida la xaqiijiyey howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ku socday waxay ciidamada Booliska si gaar ah kaga sameeyeen deegaanada ku xeeran goobihii Maalmo ka hor dagaalka uu ka dhacay, Waxaana lagu soo qabtay rag la tuhmayo in ay ka tirsan yihiin maleeshiyadii macawisleyda oo magaalada ku dhuumaaleysanayay.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka howlgalkooda ay ku baareen qaar kamid ah Guryaha qaar, halka ay goob isugu geeyeen Dad ay ku tuhmayaan in ay ka qaybgaleen dagaal Arbacadii dhexmaray Hay’adaha amniga & Koox macawuusley ah.

Saraakiisha holwlgalka hoggaamineysa ayaa ciidamada ammaanka fartay in ay gacan adag kusoo dhigaan shaqsiyaadka hubka sharci darrada ah ku dhex heysta Magaalada Jowhar si markale uusan u dhicin iska hor imaad sababa khasaare kala duwan.

Magaalada Jowhar ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dagaal khasaare geystay oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Hirshabeelle iyo Maleeshiyaad degaanka ah oo kasoo horjeedda maamulka  qof ay xireen, waxaana dagaalka ku dhintay qaars ka tirsan ilaalada madaxweyne Cali Guudlaawe iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

Daawo: Xukuumadda oo war kasoo saartay kulan uu Rooble la yeeshay madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan casho iyo iswareysi ah u sameeyay madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada  Galmudug, Jubaland Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Xubnahan oo Muqdisho ku sugan ayaa soo gaaray saacadihii lasoo dhaafay, waxaana weli imaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada HirShabeelle iyo Puntland.

Kulanka cashada ahaa ee Ra’iisul Wasaaruhu u sameeyay madaxdan, ayaa imaanaya iyadoo la filayo in uu Muqdisho si rasmi ah uga furmo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee xalka loogu raadinayo khilaafka doorashooyinka.

Kulankan ayaa caawa ka dhacay Hotelka Decale oo u dhaw garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, maadaama uu Xalane degay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxaa la filayaa in ay berri Muqdisho soo gaaraan madaxweynayaasha Puntland iyo HirShabeelle oo haatan ku maqan deegaanadooda.

Maalinka Sabtida ee 22-ka bishan ayaa lagu wadaa in shirku uu ka furmo teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Xalane, maadaama ay berri tahay Jimco, isla markaana aysan weli Muqdisho soo gaarin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo HirShabeelle.

Khamiistii maanta ee 20-kii May ayey balantu aheyd in shirkaasi uu ka furmo magaalada Muqdisho, balse xukuumadda ayaa sheegtay in dib u dhacaan uu ku yimid arrimo farsamo.

Daawo Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu oo faahfaahiyey kulankii caawa

Mahama oo ka laabtay inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Somalia

Accra (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama ayaa warqad uu u qoray guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika uga laabtay aqabalaaddiisii aheyd inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee xal u helidda is-mari waaga doorashada Soomaaliya.

Mahama ayaa warqaddiisa ku sheegay in muhiimadda siyaasadeed ee sare ee shaqada loo igmaday ay u baahan tahay in ergeyga uu helo taageerada buuxda iyo wada-shaqeynta dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya.

Go’aanka uu qaatay Mahama ayaa yimid kadib markii dowladda federaalka ay kasoo horjeesatay magacaabistiisa ayada oo sheegtay inuu xiriir dhow la leeyahay dowladda Kenya, oo ay kala dhaxeyso xiisad siyaasadeed. 

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale warqad ay u qortay Midowga Afrika ku sheegtay in kulanka uu ra’iisul wasaare Rooble isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada ee ka dhacaya Muqdisho uu ka dhiggan yahay inaan loo baahneyn ergeyga Midowga Afrika. 

Mahama ayaa warqadda uu u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat waxa uu ku sheegay in taageero la’aanta dowladda federaalka Soomaaliya ay halis gelin karto hanaanka oo idil, islamarkaana waxyeeleyn karto rajada dunida ay dhan ay ka qabto inuu nabad kusoo dabaalo Soomaaliya.

Mahama ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu taageero aragtida Midowga Afrika ee ku aadan Afrika oo is-dhexgasha, barwaaqo iyo nabad ah, oo Soomaaliya-na ay ku jirto.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in inkasta oo Midowga Afrika uu u diyaarsanaa inuusan ka laaban magacaabista Mahama, haddana Mahama uu garowsaday inuusan Soomaaliya ka shaqeyn karin, ayada oo aysan aqbalsaneyn dowladda federaalka.

Ma cadda, tallaabada xigta ee uu Midowga Afrika qaadi doono, waxaana suurta-gal ah inuu sugo shirka ka furmaya Muqdisho, oo haddii heshiis lagu gaaro aanu soo magacaabin ergey kale. 

Beesha caalamka oo soo saartay digniin ku socota madaxda Soomaalida kahor shirka ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saareen uga digay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada inay lumiyaan fursadda muhiimka ah ee shirka Muqdisho ka furmaya.

Qoraalka beesha caalamka ayaa lagu yiri “Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay u arkaan shir-madaxeedka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya – Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DFS-DGXDF) ee ka dhacaya magaalada Muqdisho in uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si  loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya.”

 “Waxaan ku bogaadinaynaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble qabashada shirkan waxaana rajeynaynaa in uu sii hoggaamin doono geedi-socodka doorashada, oo ay ku jirto amniga doorashada.”

Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay inay soo dhoweyneyso ballanqaadka dhammaan madaxda maamul goboleedyada ee ka-qaybgalka shir-madaxeedka si shuruud la’aan ah.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan madaxda DFS iyo Dowlad goboleedyada inay sameyaan tanaasul wax-ku-ool ah si heshiis dhakhso leh loo gaaro, dalkuna uu si dhakhso leh u qaban-qaabiyo doorashooyin ku saleysan Heshiiskii 17-kii Sebtember,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Shirka lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho, oo uu ku baaqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dib u dhacay, ayada oo weli madaxweynayaasha HirShabelle iyo Puntland ay ka maqan yihiin magaalada caasimadda ah.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa inay u badan tahay in shirka uu furmo maalinta Sabtida oo ay taariikhud tahay 22-ka bisha May, lana filayo in madaxda maqan ay berri soo gaaraan caasimadda. 

Qoraalka beesha caalamka ayaa waxaa wadajir usoo saary: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Poland, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Rajada Axmed Madoobe ee shirka Muqdisho, kadib safarkiisa maanta + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo maanta gaaray magaalada Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey shirka lagu wado inuu ka furmo Muqdisho ee arrimaha doorashada.

Axmed Madoobe ayaa mas’uuliyiintii soo dhaweysay iyo bulshada Soomaaliyeed ugu bushaarayey in waxsan ay kasoo bixi doonaan shirka uu hore u iclaamiyey ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, kadib markii ay maamulada dalka qaarkood ka aamin baxeen madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.

“Waxaa ugu mahad-celinayna anaga oo imaaneynay gurigeena inay nasoo dhaweeyaan, waxaan rabaa in aan idhaahdo abshir, soo dhoweyntiina insha-allaha lagu khasaari maayo, halka shey ee muhiimka ah waxa uu yahay in aan ka baxno xaalada aan ku jirno,” ayuu yiri.

“Waa garaneyna waxaa soo marnay, waana garaneyna waxa naga horeeya iyo waxa dhacay waxa uu keeni karo, waa in aan taas niyada wada gashano. Qof walba qofka kale wanaag ha u maleeyo oo kheyrka ha la kala maleysto.”

Madaxweynaha Jubbaland oo si weyn isku hayeen Farmaajo oo guddoominayay shirarkii hore ee doorashada, ayaa markaan u muuqda mid la dhacsan doorka Rooble ee xalinta khilaafka doorashooyinka, oo asagu la wareegay arrimaha doorashooda iyo amnigeeda.

Shirka ka furmaya magaalada Muqdisho maalinta Sabtida ayaa lagu wadaa in xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafka doorashada ee muddooyinkii dambe taagna, kaasi oo kal hore gaaray heer gacan ka hadal ah.

Waxaa si weyn u socota qaban-qaabadii u dambeysay ee shirweynaha wada-tashiga qaran, waxaana magaalada Muqdisho ku sugan inta badan madaxda dowlad goboleedyada, halka kuwa dhimana lagu wado inay soo gaaran galinka dambe ee maanta.

Loolanka u dhaxeeya Turkey iyo Imaaraadka Carabta oo lugaha la galay Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Warbaahinta Turkiga ayaa baahisay in xifaaltanka siyaasadeed ee dowladaha Turkiga iyo Imaaraadka Carabta uu gaaray meeshii u sareysay, xili ay ku loolamayaan gudaha dalka Soomaaliya.

Warbaahinta T54 ee Turkiga ayaa sheegay in dagaalka siyaasadeed ee labada dowladood ee Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ka dhexeeyaa uusan ku koobnayn oo keliya taageerada Millatari ee siiyaan dhinacyada iskaga soo horjeeda Liibiya, balse uu dagaalkoodu xiriirsan yahay illaa Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa ka dagaalamaya in Turkigu awooddiisa ku fidiyo gobolka Geeska Afrika, sidaasi darteed markii Turkiga uu saldhiga Ciidan ka hirgeliyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu Imaaraadkuna uu Saldhig Ciidan ka samaystay Magaalada Berbera, sida ay sheegtay warbaahinta T54.

Imaaraadka oo xiriir fiican la leh Somaliland oo ayadu ku dooda inay ka go’day dalka intiisa kale, ayaa waxa uu uga faa’iideysanayaan xifaaltanka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Turkiga oo asagu dhinaca saaray dowladda federaalka Soomaaliya.

“Turkiga intuu isku muujinayey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Imaaraadku wuxuu Saldhig Ciidan ka dhistay Berbera oo ku taalla Gacanka Cadmeed, isagoo taageeraya Somaliland oo Madax-banaanideeda ku dhawaaqday 1991,” ayaa lagu yiri warbixinta.

“Juquraafi ahaan, Imaaraadku wuxuu sii waday inuu Millatari ahaan iskugu fidiyo dhul fog, si uu u sii joogteeyo dib u dhaca Turkiga.”

Dagaalka siyaasadeed iyo ka ciidan ee Imaaraadka iyo Turkiga ayaa si weyn u soo if-baxay markii ay labada dowladood kala taageereen dagaalka Liibiya, oo Turkiga uu taageero u fidiyey dowladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee dalkaas, halka Imaaraadka uu dhinaca saaray Generaal Khaliifa Xaftar.

QM oo soo bandhigtay laba arrin oo uu ku guuleysan karo shirka ka furmaya Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo shirka wada-tashiga ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday inay taageero buuxdo siineyso ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isugu leh qaban-qaabada shirkaasi iyo madaxda kale ee Soomaaliyeed ee ka qeyb-galeyso, si ay wada-hadalladu u noqdaan kuwa miro-dhal ah.

“Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda kale ee Soomaaliyeed waxay heystaan taageerada Qaramada Midoobay ee ku aadan guuleysiga shirka wada-tashiga qaran ee doorashooyinka ee ay Soomaalidu hoggaamineyso,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay QM.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa looga dalbaday madaxda Soomaaliyeed inay si daacadnimo ah uga qeyb-galaan shirka, si heshiis dhab ah looga gaaro doorashooyinka.

“Waxaan ku dhiiro-gelinay dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay si daacadnimo leh uga qeyb-galaan shirka Muqdisho ka dhacaya, si dhakhso looga heshiiyo hirgelinta doorashada,” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyn xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay tanaasul muujiyaan, si looga gudbo xaaladda adag ee haatan lagu jiro, si ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya horey ugu sii socoto.

“Tanaasul iyo is-afgarad ayaa loo baahanyahay, si Soomaaliya ay horey ugu sii socoto, uguna faa’iideystaan dhammaan dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warbixinta QM.

Bayaankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo la filayo inuu magaalada Muqdisho ka furmo shirka doorashooyinka ee dowladda iyo dowlad goboleedyada, kaas oo lagu waday inuu maanta si rasmi ah u bilowdo, balse uu ku yimid dib u dhac ay sababeen arimo farsamo.

DF oo shaaca ka qaaday magacyada 41 Jaamacad oo ay aqoonsan tahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray liis ay ku shaacineyso 41 jaamacadood oo ay aqoonsatay wasaaraddu.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in jaamacadahaas oo kamid ah kuwa dalka ka jira ay kasoo gudbeen wajiga 1-aad ee qiimeeyntii uu guddiga ku sameeyey jaamacadaha dalka ee ka diiwaan-gashnaa Wasaarada Waxbarshada Hidaha iyo tacliinta sare.

“Jaamacadaha aan ku jirin liiskaan waxeey heli doonaan fursad labaad oo ay ku soo buuxiyaan dhaliilahooda. Guddiga ayaana sida ugu dhaqsiyaha badan ula soo xiriiri doono jaamacad walba oo martay qiimeeyntaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Jaamacadaha ay wasaaradu soo bandhigtay ayaa waxaa ka dhex muuqday jaamacadaha Simad, Muqdisho, Benaadir, Hormuud iyo Jamhuuriya.

Sidoo kale Jaamacada ay soo bandhigtay waxaa ku jira Camuud iyo Eelo oo ku yaala Somaliland, gaar ahaan magaalada Boorama ee caasimada gobolka Awdal.

Liiska cusub ee ay ku shaacineyso wasaaraddu jaamacadaha ay aqoonsatay ayaa imanaya xili ay xalay digniin u dirtay labaatameeyo jamaacadood oo ku yaala dalka.

Ogeysiis xalay kasoo baxay Gudigga Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa loogu yeeray in ka badan 20 ka mid ah Jaamacadaha dalka, kuwaas oo lagu war-geliyey inay sida uga dhaqsiyaha badan ula soo xariiraan gudigga, si loo dhameystiro habraaca diwaangelinta aqoonsiga Jaamacadooda.

Qoraalka guddiga waxaa lagu sheegay in tani ay tahay fursadii ugu dambeysay oo ay jaamacadaha loo yeeray heystaan, maadaama afar jeer oo hore loo yeeray oo aysan imaan, sida ku cad qoraalka guddiga.

“Waxaan u sheegeynaa Jaamacadaha magacyadooda liiska ku qoran yahiin in ay tahay fursadii ugu danbeysay ee ay hesytaan kuna imaadaan sida ugu deg dega badan xarunta dhexe ee gudigga Qaranka Tacliinta sare uu ku leeyahay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS km5 Zoobe,” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Liiska uu xalay soo saaray guddigu waxaa ku xusan magacyada 21 jaamacadood oo ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo lagu war-geliyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono hadii aysan la soo xariirin guddiga inta u dhaxeysa 19-ka bishan May ilaa 5-ta bisha dambe ee June.

Hoos ka akhriso Liiska Jaamacadaha 41-ka ah ee ay wasaaradu aqoonsatay iyo kuwa kale ee 21-ka ah ee loo digay.