26.6 C
Mogadishu
Monday, July 13, 2026

DF oo shaaca ka qaaday magacyada 41 Jaamacad oo ay aqoonsan tahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray liis ay ku shaacineyso 41 jaamacadood oo ay aqoonsatay wasaaraddu.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in jaamacadahaas oo kamid ah kuwa dalka ka jira ay kasoo gudbeen wajiga 1-aad ee qiimeeyntii uu guddiga ku sameeyey jaamacadaha dalka ee ka diiwaan-gashnaa Wasaarada Waxbarshada Hidaha iyo tacliinta sare.

“Jaamacadaha aan ku jirin liiskaan waxeey heli doonaan fursad labaad oo ay ku soo buuxiyaan dhaliilahooda. Guddiga ayaana sida ugu dhaqsiyaha badan ula soo xiriiri doono jaamacad walba oo martay qiimeeyntaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Jaamacadaha ay wasaaradu soo bandhigtay ayaa waxaa ka dhex muuqday jaamacadaha Simad, Muqdisho, Benaadir, Hormuud iyo Jamhuuriya.

Sidoo kale Jaamacada ay soo bandhigtay waxaa ku jira Camuud iyo Eelo oo ku yaala Somaliland, gaar ahaan magaalada Boorama ee caasimada gobolka Awdal.

Liiska cusub ee ay ku shaacineyso wasaaraddu jaamacadaha ay aqoonsatay ayaa imanaya xili ay xalay digniin u dirtay labaatameeyo jamaacadood oo ku yaala dalka.

Ogeysiis xalay kasoo baxay Gudigga Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa loogu yeeray in ka badan 20 ka mid ah Jaamacadaha dalka, kuwaas oo lagu war-geliyey inay sida uga dhaqsiyaha badan ula soo xariiraan gudigga, si loo dhameystiro habraaca diwaangelinta aqoonsiga Jaamacadooda.

Qoraalka guddiga waxaa lagu sheegay in tani ay tahay fursadii ugu dambeysay oo ay jaamacadaha loo yeeray heystaan, maadaama afar jeer oo hore loo yeeray oo aysan imaan, sida ku cad qoraalka guddiga.

“Waxaan u sheegeynaa Jaamacadaha magacyadooda liiska ku qoran yahiin in ay tahay fursadii ugu danbeysay ee ay hesytaan kuna imaadaan sida ugu deg dega badan xarunta dhexe ee gudigga Qaranka Tacliinta sare uu ku leeyahay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS km5 Zoobe,” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Liiska uu xalay soo saaray guddigu waxaa ku xusan magacyada 21 jaamacadood oo ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo lagu war-geliyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono hadii aysan la soo xariirin guddiga inta u dhaxeysa 19-ka bishan May ilaa 5-ta bisha dambe ee June.

Hoos ka akhriso Liiska Jaamacadaha 41-ka ah ee ay wasaaradu aqoonsatay iyo kuwa kale ee 21-ka ah ee loo digay.

Sawirro: Laba madaxaweyne maamul goboleed oo maanta soo gaaray MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goordhoweyd soo gaaray magaalada Muqdisho, oo maalmaha soo socda uu ka furmayo shirka wada-tashiga Qaran ee looga arrinsanayo khilaafka doorashada.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde loogu soo dhaweeyay si ka duwan madaxdii hore u timid Muqdisho, iyadoo soo dhaweyntiisa ay safaf dhaadheer u galeen Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan xukuumadda xil-gaarsiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Axmed Madoobe ayaa noqonaya madaxweynihii saddexaad ee soo gaaray magaalada Muqdisho, ayada oo saaka barqanimadii uu caasimada soo gaaray Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Lafta Gareen oo isaguna qeyb ka ah madaxda ka qeyb galeysa shirka wada-tashiga arrimaha doorashooyinka ee uu dhowaanm iclaamiyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, si looga wada-tasho hannaanka doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa asagana waxaa saaka gudaha garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda, sida wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan.

Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in Caasimada ay soo gaaraan madaxweynayaasha kale ee dowlad goboleedyada HirShabeelle iyo Puntland.

Sida muuqata dib u dhac ayaa ku yimid furitaanka shirkan, maadaama inta bada madax goboleedyada dalka ay ka maqan yihiin Muqdisho oo lagu ballamay inuu shirka dhaco.

Wararka qaar oo ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaya in shirka ay u badan tahay inuu furmo maalinta Sabtida ah, maadaama berri ay Jimco tahay.

Si kastaba, qaban-qaabadii u dambeysay ee shirweynaha wada-tashiga qaran ayaa ka socota magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in shirkaan xal loogu helo doorashada.

Ganacsade SOOMAALI ah oo lagu la’yahay NAIROBI

0

Nairobi (Caasimada Online) – Bashiir Maxamuud oo ah ganacsade ayaa muddo todobaad ah la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay, balse waxaa labo maalmood kahor duleedka magaalada laga delay gaari la rumaysan yahay in uu yahay kiisa oo la gubay.

Bashiir oo ah Soomaali Mareykan 35 sano jir ah, ayaan ilaa iyo hadda lagu heynin nolol iyo geeri.

Ninkan oo ay qareennadiisa ku sheegeen inuu yahay qof furfuran ayaa waxaa la sheegay in kiiskiisa uu xujo ku noqday xitaa booliska baaraya.

Taliyaha booliiska xaafadda Kabete ee magaalada Nairobi, Francis Wahome, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in ay su’aalo weydiiyeen dhowr qof oo markii ugu dambeysay xiriir la sameeyay ganacsadahan injineerka ah.

Cabdullaahi Xasan oo ah qareenka Bashiir ayaa  sheegay in markii ugu dambeysay ee ganacsadaha la arko ay ahayd 13-kii bishan May, markaas oo kaamiradaha wax duuba laga arkay isaga oo xilli maqribadii ah ka sii baxaya maqaayad lagu magacaabo Miale.

“Mar ayuu isku dayay inuu xaaskiisa waco, wuu ka go’ay telefoonka, way walwashay, marka waa la raadiyay labo maalin dhan ayaa la raadinayay, kaddib waxaa la helay sawirro laga soo qaaday gaari nooca Range Rover ah oo lagu gubay meel Kibiku la dhaho, markaas ayuu walwal na galay,” ayuu yiri qareen Cabdullaahi.

Wuxuu sheegay inay arrintaas ku war geliyeen dowladda Kenya iyo safaaradda Mareykanka ee Nairobi.

Qolofka gaariga la rumaysan yahay inuu leeyahay Bashiir ayaa isla markiiba laga qaatay goobtii lagu gubay, sida uu sheegay qareenka.

Booliiska ayaa sidoo kale baaraya sida loo gubay gaariga Bashiir, saddex maalmood kaddib markii la waayay, isla markaana sida loo qaatay qolofka gaariga wax ka yar saacad markii uu sarkaal booliis ah oo ka socday saldhigga Kibiku uu booqday goobtaas.

Qareenka ayaa  sheegay in la qariyay wax walba oo lagu ogaan karay sida ay wax u dhaceen, balse ay ka war sugayaan lana shaqeynayaan dowladda Kenya iyo safaaradda Mareykanka.

“Warqad ayaan u qornay, jawaab ayaan ka sugeynaa,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Wuxuu Bashiir ku tilmaamay in uu ahaa nin aad u fiican una dedaal badan, isla markaana uu ku guda jiray howlaha dhismaha, isagoo mashaariic waaweyn ka heystay dowladda Kenya.

Bashiir ayaa labadii sano ee ugu dambeysay ku sugnaa Kenya, isagoo hadba safar aadayay kaddibna imaanayay dalka, sida uu sheegay qareenkiisa.

ISHA: BBC

A/Madoobe oo shaaciyey liiska wasiirada JUBALAND, xilna u magacaabay Seeraar

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa labo sano kaddib ku dhowaaqay liiska golaha wasiirada cusub ee maamulkaasi, kadib wareegto xalay kasoo baxday xafiiskiisa.

Liiska wasiirada Jubbaland ee lagu dhowaaqay ayaa waxaa intooda badan kasoo muuqday xubno cusub, halka qaar ka mid ah wasiiradii hore loo wareejiyey wasaarado kale.

Wasiirada uu shaaciyey Axmed Madoobe ayaa gaaraya 23 wasiir, 22 wasiir ku xigeen iyo sidoo kale 5 wasiir dowli, sida ku cad wareegtada kasoo baxday madaxtooyada.

Sidoo kale liiska wasiirada cusub ayaa waxaa kasoo muuqday, siyaasiga caanka ah ee Cabdinaasir Seeraar Maax oo ka mid ahaa xubnaha is-bedalka doonka ee Jubbaland, waxaana loo magacaabay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulkaasi.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland u magacaabay General Yuusuf Xuseen Cismaan, kadib markii wasiirkii hore ee amniga, Cabdirashiid Janan uu usoo goostay dhanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa magacaabistan kadib lagu wadaa inuu soo aado magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb-galo shirka arrimaha doorashooyinka ee ka dhacaya caasimada

Si kastaba, magacaabistan ayaa kusoo aadeysa, xilli xasaasi ah oo uu dalka ku jiro xaalad kala guur ah oo ka dhalatay is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.

DF oo waqti kooban u qabatay 21 Jaamacadood oo dalka ka howlgala + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ogeysiis kasoo baxay Gudigga Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa loogu yeeray in ka badan 20 ka mid ah Jaamacadaha dalka, kuwaas oo lagu war-geliyey inay sida uga dhaqsiyaha badan ula soo xariiraan gudigga, si loo dhameystiro habraaca diwaangelinta aqoonsiga Jaamacadooda.

Qoraalka guddiga waxaa lagu sheegay in tani ay tahay fursadii ugu dambeysay oo ay jaamacadaha loo yeeray heystaan, maadaama afar jeer oo hore loo yeeray oo aysan imaan, sida ku cad qoraalka guddiga.

“Waxaa lagu wargelinayaa Jaamacadaha magacyadooda hoos ku xusan yahiin in ay sida uga dhaqsiyaha badan kula soo xariiraan gudigga Qaranka Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta XFS si loo dhameystiro habraaca diwaangelinta aqoonsiga Jaamacadooda maadama ay gudigga Qaranka Tacliinta sare la xariireen mudu 4 jeer ah kana soo jawaabi waayeen xariiradii lala sameeyay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warkan ka soo baxay Gudigga Qaranka ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan u sheegeynaa Jaamacadaha magacyadooda liiska ku qoran yahiin in ay tahay fursadii ugu danbeysay ee ay hesytaan kuna imaadaan sida ugu deg dega badan xarunta dhexe ee gudigga Qaranka Tacliinta sare uu ku leeyahay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS km5 Zoobe.”

Liiskan uu soo saaray guddigu waxaa ku xusan magacyada 21 jaamacadood oo ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo lagu war-geliyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono hadii aysan la soo xariirin guddiga inta u dhaxeysa 19-ka bishan May ilaa 5-ta bisha dambe ee June.

Hoos ka akhriso Liiska Jaamacadaha loo yeeray

Axmed Madoobe oo sheegay arrinta kaliya ee uu shirka Muqdisho ku guuleysan karo

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la hadlay BBC ayaa sheegay in hadii Farmaajo uu faraha kala baxo amniga iyo arrimaha doorashada, islamarkaana uu ka dhabeeyo tallaabadii uu ugu wareejiyey Ra’iisul wasaaraha, uu ku kalsoon yahay in khilaafka doorashooyinka looga heshiin doono shirka ka dhacaya Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in arrinta ugu muhiimsan ay tahay in Ra’iisul wasaare Rooble uu qaato mas’uuliyadiisa, isagoo u balan qaaday inuu si buuxda ula shaqeyn doono.

“Hadii sidii loogu tala-galay ay wax u qabsoomaan oo ay noqoto in madaxweyne Farmaajo uu wareejiyo mas’uuliyadda doorashada oo u madax-baneeyo Ra’iisul wasaaraha, oo mas’uuliyadda amiga dalka loo daayo Ra’iisul wasaaraha, isaguna uu qaato mas’uuliyadda howshaas, waxaan rajo ka qabaa in arrinta doorashadu ay ku dhamaa doonto si xasiloon oo 100% ah,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubaland.

Axmed Madoobe oo sii hadlayey ayaa sheegay in hadii saldhig doorashada looga dhigo heshiiskii 17-kii September, ay aad u fududahay in laga heshiiyo arrimaha harsan ee la xariira farsamooyinka qabsoomidda doorashada.

Mar wax laga weydiiyey kalsoonida uu ku qabo in Farmaajo faraha kala baxay arrimaha doorashada ayuu ku jawaabay, “Inta Ra’iisul wasaaruhu sheegay ama madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu horay ugu cadeeyey in mas’uuliyadda uu wareejiyey, mida ugu horeysana ay tahay amniga doorashada, hadey sidaas u dhacdo, kalsooni ayaan ku qabaa in wax laga wada shaqeyn karo, xasilooni ayaan muujineynaa, waana ku kalsoonahay balanqaadkii Ra’iisul wasaaraha, waan garab istaageynaa, waana la shaqeyneynaa, sababtoo ah danta wadanka ayaa naga wada dhaxeysa.”

Mar wax laga weydiiyey mowqifkiisa arrinta gobolka Gedo ayuu sheegay in kasii mid ahaanshaha Jubbaland ee gobolkaas aysan wax gorgortan ah ka geli doonin, “Gobolka Gedo arrintiisa wax aan ka ganbaneyno maaha, Jubbaland ayuu ka tirsan yahay, dastuurka dowladda dhexe iyo kan Jubaland ayaa isku si u qeexaya, waa in maamulka gobolkaas lagu soo wareejiyo Jubaland,” ayuu yiri.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa wareysigaan uga jawaabay eedeyntii Madaxweyne Farmaajo ee aheyd in shirkii Afisyooni ay ‘fashiliyeen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, iyagoo ka soo shidaal qaadanaya shisheeye’ ayaa eedeyntaas ku gediyey isla Farmaajo, isagoo sheegay in shirkaas uu fashiliyey isagoo ka shidaal qaadanaya Isaias Afwerki-ga Eritrea iyo Abiy Axmed-ka Itoobiya.

“Ninka shisheeye wax u meerinayo ee maanta Afwerki dimuquraadiyadda ka qaadanaya, ee ka tegay Jabuuti iyo Kenya, ka doortay Itoobiya ayaa anaga na eedeynaya, dalka meel ugama aana bixin, shisheeye talefoon kulama hadlin, marka burburka maanta Soomaaliya ku dhacay ma Axmed Madoobaa keenay? Shirkii anagoo joogna oo ku balanay inaan isku soo noqono, ayaan maqalnay shirkii waa fashilmay iyo Dubbe oo qeylinaya, waana sheegnay markii,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda maamul goboleedyada ayaa la filayaa inay badankood maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho, oo lagu wado inuu ka furmo shirka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo uu qeyb ka yahay gobolka Banaadir.

Shirka ayaa dib u dhac uu ku yimid, mana muuqato inuu maanta furmi doono, ayada oo madaxweyne goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubaland ay soo gaareen Muqdisho, halka ay ka maqan yihiin kuwa HirShabeelle iyo Puntland.

Wararka qaar oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in shirka ay u badan tahay inuu furmo maalinta Sabtida ah, maadaama berri ay Jimce tahay.

Qaban-qaabadii u dambeysay ee shirweynaha wada-tashiga qaran ayaa ka socota magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in shirkaan xal loogu helo is-mari-waaga doorashada oo muddo badan soo jiitamayey, inkasta oo ay ku gadaaman yihiin caqabado hor leh.

Shirkaan ayaa waxaa ku baaqay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, kaddib markii madaxweynaha uu waqtigiisa uu dhamaaday uu kowdii bishan May ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga.

Go’aanka Farmaajo ayaa yimid kadib markii Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya uu ka noqday qaraarkii uu mudada ugu kordhiyay hay’adaha dowladda 12-kii April, taas oo ay ka soo horjeesteen maamul goboleeyada Puntland, Jubaland, Midowga Musharraxiinta, Xisbiyada Mucaaradka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo beesha Caalamka.

Muddo kororsigii fashilmay ayaa dalka ka riday qalaalase siyasaadeed, ayada oo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay gashay maalmo dagaal oo dhinacyada ku kala aragtida duwan doorashada ay isku faro-saareen.

Shirka la filayo inuu furmo ayaa waxaa uu dib usoo nooleynaya rajada laga qabo in heshiis laga gaaro khilaafka doorashada, maadama shirkii Afisyoon ee bishii April horraanteedii natiijo la’aan kusoo dhammaaday.

Shirkii Afisyooni ayaa fashilkiisa waxaa shaacisay dowlada oo dusha u saartay Jubbaland iyo Puntland, hase yeeshe madaxda labadaas maamul ayaa iska fogeeyay eedeynta xiligaas ay dowladda u jeedisay, wuxuuna dalka xiligaas wixii ka dambeeyay galay xaaladan hubanti la’aan ah dib looga soo kabtay.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa ku howlan sidii dhinacyada ku kala tagay shirkii hore ka hor midka Khamiista uu ka dhex dhaliyo kalsooni, si loo helo is aaminaad iyo wada-shaqeyn horseed u noqon karta xal laga gaaro is-mari-waaga mudada soo jiitamay.

Madaxweyne FARMAAJO oo war kasoo saaray geerida General Cabdisamad Cali

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay geerida ku timid Allaha u naxariistee madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland, Genaraal Cabdisamad Cali Shire.

Farmaajo ayaa sheegay in marxuumka uu kaalin mug-leh ka soo qaatay geeddi socodkii dowladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale dhismaha dowlad goboleedka Puntland.

“Inaa lillaahi wa innaa ilahayhi raajicuun. Marxuum Cabdisamad Cali shire waxa uu ahaa odey Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda,” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Sidoo kale wuxuu u duceeyey marxuumka, isaga Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

“Alle waxaan uga rajeynayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ina ga siiyo,” ayuu sii raaciyey madaxweynuhu.

AUN Genaral Cabdisamad Cali Shire oo ka mid ah aas aasayaashii Puntland ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay maamulkaasi, wuxuuna madaxweyne ku xigeen usoo noqday Faroole.

Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo masuuliyado kala duwan kasoo qabtay dowladdii dhexe ee Kacaanka.

Marxuumka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo la aaso, waxaana haatan socota qaban qaabada aaska loo sameynayo oo ay ka qeyb-geli doonaan mas’uuliyin kala duwan

Gudiga baaritaanka carruurtii magaalada Baydhabo lagu dilay oo natiijadii gudbiyey

Baydhaba (Caasimada Online)-Guddigii loo xil-saaray baariitaanka kiiska caruurtii walaalaha aheyd ee lagu dilay magaalada Baydhaba ayaa maanta soo gabagabeeyey baaritaankii ay wadeen muddooyinkaan, iyagoo natiijada baaritaankooda ku wareejiyey Xeer ilaalinta Guud ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa kol-sii horeysay magacaabay guddigan, si baaritaan dhab ah loogu sameeyo kiiska dilkii laba caruur ah oo walaalo ahaa, kuwaas oo meydadkooda oo gowracan laga helay duleedka Baydhgaba 7-dii bishii Abriil.

Malaaq Xasan Cali oo kamid ah guddiga ayaa sheegay in dilkii carruurtaas baritankii ay ku sameeyeen natiijadii uga soo baxday ay maanta ku wareejiyeen xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaas ku sii daray in dadka loo heysto kiiskan dhawaan Maxkamad la horkeeni doono, si cadaaladda loo waafajiyo oo mar kale dhibaatooyin noocaan ah aysan ugu geysan bulshada reer K/Galbeed.

Xeer ilaaliyaha Guud ee maamulka Koonfur Galbeed Awmaye Sheekh Maalin Cabdi ayaa sheegay in kiiskaan baaris kale lagu sameyn doono, si loo kala cadeeyo dadka sida rasmiga ah uga dameeyay falkii lagu dilay carruurta.

Xildhibaan hore Sheekh Aweys Cabdullaahi oo ahaa Aabaha carruurta la dilay oo kala ahaa wiil iyo garab aad u da’yar ayaa horay u sheegay in baaritaanka kiiskan lagu sameeyey wax is daba marin, waxayna eedeyntiisii sababtay in guddiga maanta warbixinta gudbiyey uu magacaabo Madaxweyne Laftagareen.

Sideed qof oo saddex arrin oo kala duwan ugu geeriyooday deegaannada Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Hay’dda Maareynta Masiibooyinka Puntland ayaa shaacisay khasaarihii ugu badnaa oo dhimasho iyo mid hantiyeed isugu jira oo ka dhashay roobabkii dhawaan ka da’ay deeganada maamulkaas.

Cabdullaahi Cayrow, Maarreeyaha guud ee haya’dda Maareynta Masiibooyinka Puntland ayaa sheegay in roobabkaas ay sababeen dhimashada 8 qof, kuwaasi oo iskugu jiray caruur iyo dad waaweyn.

Waxa uu sheegay in dadkaas ay geeryoodeen kadib markii qaar daad la tageen, qaybna biriq ama danab halleelay, halka kuwa kale-na ay liqeen oo ay ku dhaceen Goobo ay biyo fadhisteen.

Roobabka dhawaan ka da’ay deegaanada Puntland ayaa sidoo kale waxa ku le’day 1,500 oo Ari ah, sida uu sheegay Mareeyaha hay’adda maareynta masiibooyinka Puntland oo la hadlay warbaahinta.

Maareeyaha ayaa sidoo kale xusay inay jiraan khasaare hantiyeed oo ka dhashay roobabkaas.

Deegaanada maamulka Puntland ayaa dhawaan waxaa ka da’ay roobab xoogan oo hakad geliyay isku socodka magaalooyinka, kadib markii ay daadad xoogan ay kala jareen wadooyinka qaar, halka kuwo kalena ay biyo fariisin noqdeen.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee P/L oo geeriyooday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyooday madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire.

Qaar ka mid ah ehellada marxuumka ayaa xaqiijiyey geerida ku timid Gen. Cabdisamad oo maalmahan ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya inuu marxuumka ku dhintay isbitaalka Recep Tayyip Erdogan, Ex Digfeer oo lagu daaweynayey muddooyinkii lasoo dhaafay, kadib xanuun lasoo darsay.

Ehellada ayaa sidoo kale sheegay in marxuumka dhowaan laga keenay magaalada Hargeysa, balse uu ugu dambeyn xanuunkii hayey saaka ugu geeriyooday Muqdisho.

Gen. Cabdisamad Cali Shire oo ka mid ah aas aasayaashii Puntland ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay maamulkaasi, wuxuuna madaxweyne ku xigeen usoo noqday Faroole.

Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo masuuliyado kala duwan kasoo qabtay dowladdii dhexe ee Kacaanka.

Geerida marxuumka waxaa ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin kala duwan oo ay ugu horreeyaan madaxda Puntland oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Fardowso.

AUN marxuumka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo la aaso, iyadoo Puntland ay guddi ka kooban 9 xubnood u saartay aaska madaxweynihihi hore ee maamulkaasi, kuwaas kala ah:- 1. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud ( Guddoomiye ), 2. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan (Xubin ), 3. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaama Faarax Xasan (Xubin), 4. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdi Ibraahin Warsame Qawdhan (Xubin), 5. Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Agaasimaha Cabdiweli Cali Cabdulle Timacadde ( Xubin ), 6. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere (xubin), 7. Taliyaha Ciidanka Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Xubin),8. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed (Xubin) iyo 9. Guddoomiyaha Degmada Garoowe Mudane Axmed Siciid (Axmed Barre ) oo ah Xubin ka tirsan guddiga.

Xog: Shirka madaxda DF iyo dowlad goboleedyada ee Muqdisho oo dib u dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee la filayey inuu berri subax ka furmo magaalada Muqdisho uu dib u dhac kooban ku yimid.

Dib u dhaca shirka ayaa lagu sheegay mid farsamo, waxaana la filayaa in uu qabsoomo maalinta Sabtida oo ku beegan 22-ka bishan May, sida aan xogta ku helnay.

Wali inta madaxda maamul gobaleedyada dalka ayaa Muqdisho ka maqan iyadoo la filayo in ay badankood soo gaaraan maalinta berri ah, waxaana suurta-gal ah in maalinka xiga oo Jimcaha ay darteed aanu shirka qabsoomin, taasi oo u dhigeysa ugu yaraan Sabtida.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa ah madaxweynaha kaliya ee ku sugan caasimadda isaga oo caawa maqribkii kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasi oo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Dadka Soomaaliyeed ayaa rajo weyn ka qaba in shiraan uu noqdo mid ay ka soo baxaan is afgarad dhinaca doorashada iyadoo rajo weyn laga qabo in Rooble uu noqoto kaalintiisa hogaamineed iskana diido faro-gelinta Rooble. 

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey mira-dhalka shirka loo balansan yahay inuu Muqdisho ka furmo, kaas oo xal loogu raadinayo khilaafka doorashada.

Rooble oo shan qodob kasoo saaray shirka doorashada ee ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey mira-dhalka shirka loo balansan yahay inuu Muqdisho ka furmo, kaas oo xal loogu raadinayo khilaafka doorashada.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa soo saaray qoraal ka kooban shan qodob oo isugu jira raro-gelin, codsi, mahadcelin iyo balan qaad, waxuuna qodobada uu soo saaray ku yiri:

1 – Waxaan  u diyaar garownay shirka golaha wadatashiga Qaran ee dhameystirka arrimaha doorashooyinka.

2 – Waxaan filayaa in si habsami leh uu noogu furmo, guulna noogu dhamaado, si dalku u aado doorasho daah furan oo heshiis lagu yahay.

3 – Waxaa iga go’an fududeynta wax kasta oo horseedi kara in shirkani uu guuleysto.

4 – Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa taageeradooda dadaallada aan wadno, waxaana ka codsanayaa garab istaag.

5 – Waxaan Eebbe ka baryayaa inuu howshan noo fududeeyo.

Qoraalkan ka soo baxay xafiiska Rooble oo dowladda federaalka masuul uga ah wadahadallada xalka loogu raadinayo khilaafka doorashooyinka dalka ayaa ku soo aadaya, iyadoo berri ay ku beegantahay 20-ka May oo ah markii uu iclaamiyey in sharku furmo, balse inta badan madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku kala maqan gobolladooda, waxaana suurta-gal ah in shirka uu dib u dhaco.

Waxaa muuqata in dib u dhac uu ku imaan doona goorta uu furmayo shirkaas, in kastoo ay wararku sheegayaan in badanaa madaxda dowlad goboleedyada ay gelinka hore ee Khamiista ku soo wajahan yihiin Muqdisho. Rooble ayaa maanta magacaabay guddi uu hoggaaminayo wasiirka Amniga Xasan Xundubey oo loo xil-saaray soo dhaweynta madaxda dowlad goboleedyada.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka wadatashiga Qaran ee doorashooyinka. Waxaana wafdigaas garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda federaalka, gaar ahaan guddiga loo xil-saaray soo dhaweynta madax goboleedyada Muqdisho soo gaaraya.

Rooble mise Farmaajo: Yaa guddoomin doona shirka doorashada ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho, inkasta oo ay u badan tahay inuu kadib dhaco berri, hase yeeshee waxaa su’aalo ay ku gadaaman yihiin kaalinta madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee shirkaas.

Farmaajo ayaa guddoomiyey dhammaan shirarkii hore ee dhex-maray isaga iyo madax goboleedyada, oo uu ugu dambeeyey kii Afisyoone ka dhacay, hase yeeshee maadaama uu iminka maamulka doorashada ku wareejiyey Rooble waxaan caddeyn inuu weli kaalintaas haysan doono iyo in kale.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in ra’iisul wasaare Rooble laga yaabo inuu u ogolaado in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu furo shirka, balse isaga uu hoggaaminta yeelan doono, halka warar kalena ay sheegayaan in Farmaajo shirka hoggaamin doono, islamarkaana uu Rooble noqon doono dhex-dhexaadiyaha Farmaajo iyo madax goboleedyada.

Shirka ayaa lagu wadaa inuu ka furmo xerada Xalane, waxaana xiligan magaalada Muqdisho ka socda kulamo ay isku hor-fadhiyaan Guddiyada ka socda Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka, kaasi oo loogu sii gogol xaarayo shirka weyn ee madaxdu iskugu imaaneyso.

Waxaa suurta-gal ah in qaar ka mid ah madax goboleedyada ay ku gacan seeraan haddii uu ra’iisal wasaare Rooble hoggaaminta shirka siiyo Farmaajo.

Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa hore Farmaajo ugu eedeyay fashilka shirkii looga arrinsanayay doorashada, waxayna si weyn u diidan yihiin in Farmaajo mar kale ku lug yeesho ama door laga siiyo hoggaaminta shirka cusub.

Haddii Rooble uu qaado tallaabo uu maamulka shirka ku siiyo Farmaajo waxay muujin kartaa in aanu u madax bannaaneyn howsha la sheegay in loo igmaday, taasi oo markale fashil hor leh u horseedi karta shirka maamulada dalka iyo dowladda federaalka.

Qodobkan ayaa sidoo kale kamida arrimaha ugu muhiimsan ee ay tahay in go’aan looga gaaro ajendayaasha shirka. 

Astaamihii ugu dambeeyeey waxay muujinayaan in Rooble aanu sidaas sameyn doonin.

Rooble ayaa iska riixay isku day ay madaxtooyada ku dooneysay inay kusoo faro-geliso howshiisa la xiriirta hoggaaminta arrimaha doorashooyinka dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Caasimada Online u sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu diiday soo-jeedin ka timid madaxtooyada oo aheyd in Cabdi Cali Raage, oo ah la-taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka, loo soo wareejiyo xafiiskiisa, si uu ugala shaqeeyo shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Rooble ayaa tallaabada madaxtooyada u arkay isku day saameyn loogu dhex-yeelanayo, taasi oo dhaawici kartay kalsoonida ay ku qabaan mucaraadka iyo maamul goboleedyada kale oo weli u arka inuu yahay dhex-dhexaad.

Turkey oo jawaab ka bixisay eedaha mucaaradka ee la xiriira Haramcad iyo Gorgor

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa si lama filaan ah uga jawaabtay eedeyn ay Midowga Musharaxiinta u jeediyeen xukuumaddooda, taasi oo ay kaga cabanayeen howl-galada guracan ee loo adeegsado ciidamada ay u tobabaraan dowladda federaalka ee Haramcad iyo Gorgor.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga oo ka jawaabeysa arrintaas ayaa iska fogeysay inay mas’uul ka tahay falalka lagu eedeeyay ciidamada ay u tobabartay dowladda, ayada oo sheegtay inay jiraan dad magac-dil ku sameynaya dedaalada uu Turkiga ku taageerayo Soomaaliya.

“Waxaa ka war haynaa dad wada olole lagu wiiqayo sumcadda Turkiga ee gudaha Soomaaliya, waxaana la og yahay in dadkaas ay doonayaan in dalal kale ay ku lug yeeshaan doodaha siyaasadda ee gudaha, balse isku-daygooda ayaa ah mid guul-daraysanaya,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay wasaaraddu kaga jawaabtay eedeyntaas.

“Dowladda Turkiga waxay dowr hormuud ah ka qaatada dedaallada caalamiga ah ee lagu dhisayo ciidamo nidaamsan oo anshax leh, islamarkaana mideysan oo ay leedahay Jamhuuriyada Soomaaliya.”

Turkiga ayaa ku doodaya in ciidamada ay tobabaraan si toos ah u hoostagaan Ciidanka Xoogga Qaranka ee Soomaaliya ayna mas’uul ka tahay dowladda Federaalka, taasi oo ay gaashaanka ugu daruureyso cabashadii mucaaridka ee ku aadaneyd ciidamada ay tobabaraan ee sida qaldan loogu adeegsado arrimo siyaasadeed.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo Gorgor oo tobabaray Turkiga ayaa lagu eedeeyay in ay awood xad-dhaaf ah u adeegsadeen mucaaradka oo uu khilaaf ku aaddan arrimaha doorashada kala dhexeeyay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, halkii loogu adeegsan lahaa la dagaalanka argagixisada.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay ciidamadaas inay ku lug lahaayeen iska horimaadyo ka dhacay Muqdisho 19-kii February iyo 25-kii April ee sanadkan 2021-ka, kuwaas oo khal-khal geliyay ammaanka caasimadda.

Sidoo kale Midowga Musharaxiinta ayaa hore u sheegay in in gaadiidka gaashaaman ee Turkiga uu ku taageeray ciidamada Soomaaliya loo adeegsaday caburinta shacabka.

Ciidamada sida gaarka ah u tobabaran ee Haramcad iyo Gorgor ayaa kal hore loogu eedeyay inay ku milmeen siyaasada, islamarkaana ay madaxda waqtigeeda uu dhamaaday u adeegsadaan dano siyaasadeed, taasi oo xiisado hor leh ka kicisay caasimada dalka.

Heritage oo R/W Rooble kula talisay lix qodob kahor shirka berri ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa soo saaray warbixin uu cinwaan uga dhigay “Sida uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u hanan karo fursadda jirta,” oo uu Rooble ku siiyey lix talo, kahor shirka berri la filayo inuu Muqdisho ka furmo ee arrimaha doorashada.

Hoos ka aqriso warbixinta Heritage 

1-dii Maajo 2021, ayaa Golaha Shacabka ee baarlamaanka dawladda federaalka Soomaaliya, uu ka laabtay muddo kordhintii uu sameeyey 12 Abriil 2021, taas oo ay ku korodhsadeen muddo-xileedkooda iyo kan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mudo laba sannadood ah. Tallaabadan ayaa xasillooni ku soo dabbaashay xaaladda dalka oo qarka u saarnayd in uu ka qarxo dagaal sokeeye, ka dib dhawr maalmood oo ay Muqdisho ku dhex hirdamayeen ciidammo ka wada tirsan ciidamadii aminga dalka oo la kala safan xukuumadda Farmaajo iyo hogaamiyeyaasha mucaaradka. 

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, tobannaan kun oo shacab ah ayaa guryahoodii Muqdisho uga qaxay dagaalkii hubaysanaa ee ka dhacay Muqdisho, waxaana cirka isku shareeray xiisadaha siyaasadda ee caasimadda Muqdisho, taas oo dib ugu laabatay xaaladdii ugu xumayd, ka dib markii ay golaha shacabku qaateen go’aanka la isku diidan yahay ee muddo kordhinta ah. Iska hor-imaadyadii hubaysanaa ee ka dhacay caasimadda iyo cadaadiskii joogtada ahaa ee ay beesha caalamku dul saartay, ayaa Farmaajo iyo golaha shacabkaba ku qasbay in ay ka laabtaan go’aankii ay qaateen, kuna dhawaaqaan in ay DFS u laabatay heshiiskii wadaxaajoodka doorashooyinka ee 17 Sebtember. 

Waxa aad muhiim u ah, in uu madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay in raysalwasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble ku meteli doono hoggaaminta wadaxaajoodka arrimaha doorshooyinka. Farmaajo waxa uu raysalwasaaraha u xilsaaray in uu maamulo amniga iyo habsami-socodka doorashooyinka—arrintan ayaa ah halka ay sartu ka qudhuntay ee uu daaran yahay khilaafka u dhaxeeya dawladda faderaalka iyo kooxaha mucaaradka, oo hadda ku midoobay Golaha Badbaadada Qaranka. Mucaaradka iyo beesha caalamkuba waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen tallaabadan, waxaa aayna masuuliyaddeeda dusha ka saareen raysalwasaaraha. Raysalwasaaraha oo markii hore loo arkayey in aanu saamayn naf leh ku lahayn siyaasda dalka marka lala barbardhigo madaxweyne Farmaajo ayaa si lama filaan ah isugu arkay in uu tiir dhexaad u yahay xasilinta xiisaddahii taagnaa isla markaana helay raasumaal siyaasadeed oo mug leh.

Isla markii uu masuuliyaddan cusub qaaday, waxa uu raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble aasaasay guddi isku dhafan oo amniga ka shaqeysa, si ay talooyin wax ku ool ah uga gaystaan siddii ciidamada amniga ee dagaalku dhexmaray looga saari lahaaa caasimadda. Maalmo yar gudahood, ayaa uu raysalwasaaruhu dib-u-celin degdega ah ku sameeyay ciidamada, iyaga oo ku laabtay furamihii ay al-Shabaab kula dagaallamayeen iyo saldigyadoodii kale ee ay hore uga hawlgali jireen. Dhanka kale, si loogu gogolxaadho arrimaha doorashooyinka, raysalwasaaruhu waxa uu ku baaqay kulan u dhaxeeya DFS iyo hoggaamiyeyaasha dawladaha xubnaha ka ah federaalka, kulankaas oo loo asteeyay in uu qabsoomo 20-ka Maajo 2021. 

Gaadhitaanka guulahan degdegga ah, raysalwasaruhu kuma keenin oo kaliya awooddiisa siyaasadeed, balse waxa ay ku yimaaddeen in uu si weyn kor ugu qaaday kalsoonida ay
ku qabaan saammilayda siyaasaddu, iyaga oo ku taageeray in uu awooddiisa u isticmaalo xasilinta xiisadda siyaasadeed. Inkasta oo uu raysalwasaaruhu awood u leeyahay in uu dhinacyada oo dhan ka caawiyo in ay helaan gogol loo dhan yahay, haddana in uu farsadda kaga faa’iidaysto muddadan gaabani, waxa ay u baahan tahay in la isla helo karti siyaasadeed, istaraatiijiyad hiraal fog iyo fahan qotodheer oo loo yeesho qodobbada la isku maandhaafsan yahay, kuwaas oo sababay in lagu fashilmo wadahadalladii hore ee dhexmaray DFS iyo mucaaradka. 

Faalladan waxa looga gol leeyahay in lagu iftiimiyo siyaalaha uu raysalwasaaruhu u hanan karo fursaddaha jira muddadan gaaban si uu dalka guul ugu horseedo, ka dib xiisadahii baaxada weynaa ee ku salaysan siyaasadda iyo nabadgelyada ee la soo maray. Ugu horrayn, waa in uu raysalwasaaruhu dhexda u xidhaa in aanu sinaba dib u dhac ugu iman shirka uu ku baaqay 20-ka Maajo. Xataa dib-u-dhac yari, waxa uu wiiqayaa arrintan hadda taagan, isaga oo sababi kara cawaaqib xumo aan halisteeda laga soo waaqsan. 

Waxa intaa dheer, in R/W Rooble uu sameeyo dedaalkasta oo ay dhammaan saammilaydu kaga soo qaybgalayaan shirka soo socda. Marka laga yimaaddo dawladda federaalka iyo dawlad-goboleedyada, Golaha Midawga Musharaxiinta iyo labada guddoomiye ee aqalka sare iyo golaha shacabka waa in ay shirka ka soo qaybgalaan, iyada oo lagu tixgalinayo kaalintii muga lahayd ee ay ka qaateen xiisadihii dhawaan dhacay—waana in si degdeg ah xal loo gaadhaa. Haddii lagu fashilmo in loo wada dhammaado kulanka 20-ka Maajo, waxa ay curyaaminaysaa rejada laga qabo maxsuulka shirka. 

Arrimaha ugu muhiimsan 

Waxa la isku wada raacsan yahay in heshiiskii hadalhaynta badan dhaliyay ee 17 September, iyo talo soo jeedintii farsamo ee Baydhabo lagu qabtay 16 Febaraayo, ay gundhig u noqon doonaan wadahadalka la filayo in uu qabsoomo 20-ka Maajo. Hayeeshee, saammilayda siyaasadda ee Soomaaliya ayaan isku raacsanayn nuxurka heshiisyadaas, maxaa yeelay qolo kastaaba si gaara ayay u turjumatay heshiisyadaas. Marka loo eego sida ay qabto Dawladda Federaalka Soomaaliya, heshiisyadaasi waa qaar kama danbays ah oo dhaqangalay, waxa kaliya ee la rabaana waa in ay dhinacyadu isku waafaqaan. Dhanka kale, golaha midowga murashaxiinta, guddoomiyaha aqalka sare iyo dawlad-goboleedyada ay isku xulufada yihiin ee (Puntland, Jubbaland) waxa ay qabaan in ay heshiisyadaasi qabyo yihiin, oo ay wali socdaan, sidaa darteedna aanay u ahayn kuwo dhaqangal ah. Qoladan danbe waxa ay ku doodayaan in heshiiska 17 September uu yahay ka asaaska ah ee laga duulayo, loona baahanyahay wadahadal qotodheer. 

Waxa loo baahan yahay in uu Raysalwasaare Rooble isku xiro ama isu soo dhaweeyo kala duwanaashahaas aragtiyeed ee u dhaxeeya labada dhinac. Si kastaba ha ahaatee, waa in Raysalwasaaraha loo arko ama uu muujiyaa madaxbannaani siyaasadeed, isla markaana waa in uu la yimaaddo taxadar dheeraad ah, si uu dhexdhexaad ugu noqdo ama ugu sinnaado madaxwayne Farmaajo iyo mucaaradka. In uu majaraha u qabto wadahadalka doorashada, waxa ay ku xirantahay awoodda uu ku maareeyo in laga gudbo wadiiqadaas ciriiryoon. Waxa dhab ah,in raysalwasaaruhu awood weyn ku helay go’aankii u ku diiday muddo kororsigii labada sano ahaa. Marka taas laga yimaaddo, wali waxba iskamay beddelin nuxurka ama waxyaabaha gundhigga u ah siyaasadda la isku hayo, sidaa darteed Raysalwasaaraha oo kaliya ayaa ku habboon in uu arrimahaas u xalliyo hab kalsooni abuuri kara. 

Qiimayntanyadan, lix arrimood ayaa fure u ah in la helo wadahadal qotodheer oo daacad ah: 

Tan kowaad, Raysalwasaaruhu waa in uu xasilooni ka dhex abuuraa hoggaanka sare ee laamaha amniga, gaar ahaan Ciidanka Qaranka Soomaaliya. Qulqulatooyinkii hubaysnaa ee 25-29 Abriil Muqdisho ka dhacay, waxa ay inta badan u dhaxeeyeen cutubyo ka wada tirsan ciidanka qaranka Soomaaliyeed, oo la kala saftay dhinacyada siyaasadda. Taliyeyaal sarsare ayaa mucaaradka garab la noqday, iyaga oo sheegay in ay “difacayaan dastuurka iyo nidaamka dimuqraadiyadda.” kadib markii uu raysalwasaaruhu dib-u-calin ku sameeyay ciidamada amniga,waxa uu wadashaqayn wayn la sameeyay dhinacyada kala duwan, si uu u soo celiyo kalsoonidii hoggaanka sare ee ciidanka. Hawlaha horyaal Raysalwasaaraha waxaa ka mid ah sidii uu go’aan adag uga qaadan lahaa la dhaqanka taliyeyasha siyaasadeeyay laamaha amniga, ha noqoto in uu beddelo ama meelo kale u wareejiyee. Hayeeshee, marka la eego xaaladda kacsan ee dalku ku jiro, in tallaabooyinkaas lagu dhiirradaa ma aha arrin fudud. Iyada oo aan xal loo helin arrimaha cakiran ee ka dhex jira laamaha amnigana, mudane Rooble way ku adkaan doontaa in uu horseed u noqdo wadaxaajood siyaasadeed oo miro dhal leh. 

Labaad, waa in uu raysalwasaaruhu iska ilaaliyaa in uu dib ugu laabto khaladaadkii hore
oga dhacay, marka ay timaaddo magacaabida guddiga doorashooyinka federaalku. Guddigii maammulka doorashooyinka ee khilaafka badan dhaliyay, oo la aamminsanyahay in ay ku yimaaddeen rabitaanka madaxwayne Farmaajo ee uu hore u magacaabay Oktoobar 2020. Qaar ka mid ah guddigaas ayaa ah saraakiil sarsare oo ka tirsan xafiiska madaxwaynaha, iyo ka raysal-wasaaraha, ka mid noqoshadooda guddida doorashooyinkuna waxa ay meesha ka saartay kalsoonidii lagu qabi lahaa guddigaas. Raysalwasaaruhu waxa uu haystaa fursad oo uu ku soo dhisi karo guddi cusub oo doorasho, si loo suurtagaliyo in ay xubnahaasi noqdaan kuwo hela kalsoonida dhammaan saammilayda siyaasadda. Nasiib wannaag, Soomaaliya waxaa laga helayaa dad badan oo doorkaas qaadan kara, raysalwasaaruhuna waxa uu si shakhsiyan ah u yaqaannaa dad badan oo kaalintaas buuxin kara. In uu raysalwasaaruhu tallaabadan ku dhiirradaa waxa ay noqonaysaa farriin wayn oo muujinaysa in uu mudane Rooble daacad ka yahay qabsoomidda doorashooyin loo dhanyahay, oo lagu higsanayo doorasho xor iyo xalaal ah. Sidaa oo kale, arrintaasi waxa ay dawladaha Federaalka xubnaha ka ah ku riixi doontaa in ay dhankooda ka magacaabaan guddi ixtiraam ku leh bulshada dhexdeeda, waa haddii uu raysalwasaaruhu jeexo tusaale wanaagsan. 

Seddexaad, raysalwasaare Rooble waa in uu dhakhso u xalliyo caqabadaha iyo isdiidooyinka hortaagan guddida doorashada Soomaalilaan. Nasiib wanaag, arrinta Soomaalilaan, way sahlantahay in la xalliyo marka loo eego kuwa kale, maxaa yeelay, doorkaas waxaa leh R/W kuxigeenkiisa, Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi. Dhexdhexaadinta labada dhinac,waxa uu R/W Rooble ku cadaadin karaa in ay ku heshiiyaan nidaamka qaacidada, si ay wada jir ugu soo wada magacaabaan guddi masuul ka noqotaa maamulidda doorashada Soomaalilaan. Shaki kuma jiro in hoggaamiyeyaasha arrintani khusaysaa ay leeyihiin karti iyo go’aan ay ku gaaraan heshiis caddaalad ah. Balse marka ay timaaddo goobta codayntu ka dhacayso, waxa ugu habboon, macquulna ah, in la tixgalinayo u nuglaanta cadaadis ay wajihi karaan, haddaba si taas looga hortago waa in xulidda baarlamaanka Soomaalilaan lagu qabto gudaha gagida diyaaradaha ee Muqdisho, amnigoodana loo xil saaro AMISOM. 

Afraad, maaddaama ay ilaa iyo hadda arrinta Gedo tahay tan ugu adag dhamaan arrimaha miiska saran, raysalwasaaruhu waxa uu door dhexdhexaadineed ka ciyaari karaa xiisadda Gedo. Si ka duwan madaxweynaha, oo dano gaar ah ka leh xaaladda Gedo, loona arko in uu door hoggaamineed ka ciyaaray qotodheerida dhibaatadan, raysalwasaaraha waxa loo arki karaa in uu yahay shaqsi dhexdhexaad ah. Sida ku xusan heshiiska 17 Sebtember, dowlad- goboleedyadu waa in ay qabsan karaan doorashooyin u gaar ah. Si kastaba ha noqotee, dhinacyada Jubbaland waxa ay ku qasban yihiin in ay si daacad ah ugu gorgortamaan, oo ay go’aansadaan hannaanka ay u arkaan in ay doorasho uga dhici karto Gedo, iyada oo la waafajinayo tabashooyinka sharciga ah ee bulshada gobolka.

Shanaad, waa in tixgalin gaar ah la siiya waqtiga doorashada lagu qabanayo. Muddadii sharciga ahayd ee masuuliyiinta la doortay waxa ay ku ekayd seddex bilood ka hor, wadahadalada oo sii daba dheereedaana waxa ay horseedi karaan muddo kordhin tuugaaleysi ah, oo aan la shaacinin. Inta lagu guda jiro wadaxaajoodka dhacaya 20-ka bishan Maajo, waa in uu raysalwasaaruhu dejiyaa waqti bartilmaameed ah oo cayiman si ay labada doorasho ee baarlamaanka iyo madaxweynaha ugu qabsoomaan 90 ilaa 120 maalmood gudahood. Markasta oo ay saammilaydu sida uga dhakhsaha badan uga heshiiso doorashooyinka, waxa ay u fiican tahay xasiloonida dalka ee muddada-dheer. 

Ugu dambeyn, kaalinta beesha caalamku weli aad ayey muhiim u tahay. Cadaadiska joogtada ah ee ay ku hayaan madaxda Soomaaliya ayaa caawiyay in dib loo furo wada hadallada ka taagan jahwareerka siyaasadeed. Marka la eego, dhexdhexaadinta Midowga Afrika, oo ku timid codsiga madaxweyne Farmaajo, waa in loo oggolaadaa in ay sii socoto. Go’aankii ay DFS ku diiday ergayga midowga Afrika yaa tilmaan qaldan bixiyey. Marka laga yimaaddo cidda noqonaysa ergayga Midowga Afrika, waxaan shaki ku jirin in saamileeyda siyaasada Soomaaliya ay u baahan doonaan dhexdhexaadin inta wadahadalku socdo. Ku dhowaad 

15 sano, Midowga Afrika waxa uu wax badan u huray xasilloonida iyo nabadgalyada Soomaaliya, iyada oo loo marayo Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika ee loo yaqaanno AMISOM. Ergayga Midawga Afrika ayaa matali kara bulshada caalamka oo dhan, isaga oo wakiil ka noqon kara habsami-socodka wadaxaajoodka doorashooyinka, waa haddii ay codsadaan dhinacyada ku loolamaya siyaasadda Soomaaliya. Wadaxaajoodyadii hore ee doorashooyinkuna waxa ay bulshada caalamka uga baahdeen dhexdhexaadin.

DF oo jawaab kulul ka bixisay warka ay faafisay Kenya ee la xiriira ‘heshiiska’ badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay war uu baahiyey wargeyska The Star, ee Kenya uu ku sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay ku gaareen heshiis ah inay si siman u qeyb-sadaan dakhliga dhul badeedka lagu muransan-yahay.

Wargeyska The Star ayaa qoray inuu arkay warqadaha heshiiska oo dhigaya saami wadaag ah 50:50, kaasi oo la filayo in dhowaan lagu saxiixo Doha, kaasi oo meesha ka saaraya kiiskii yaalay maxkamadda ICJ, sida uu sheegay.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guuleed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska uu sheegay wargeyska, kaasi oo labada dal si siman ugu qeyb-sanayaan 50:50 kheyraadka badda lagu muransan-yahay.

Mahdi ayaa hoosta ka xariiqay in marnaba kiiska badda aan looga xaajoon karin meel ka baxsan maxkamadda ICJ, islamarkaana ay dowladda Soomaaliya sugeyso go’aanka maxkamadda.

Sidoo kale, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed ayaa asaguna wararka heshiiskaas ku tilmaamay mid ay dowladda Kenya ka leedahay ujeedo siyaasadeed, ayna ku rabto in bulshadeeda ku indho-sarcaado, maadama looga adkaaday kiiska badda.

Waxa uu ku tilmaamay heshiiska uu The Star baahiyey “maaweelo cusub oo dowladda Kenya ku jahwareerinayso bulshada”, sida uu hadalka u dhigay.

“Markii Dowladd Kenya ay u shaqeyn wayday damacii waalnaa ee ahaa annagaa iska leh badda, hadda waxay shacabkeeda u diyaarinaysaa inay ka tirtirto cajaladdaas, kuna maaweeliso dheefta ayaan wax ku leenahay haddii dacwadda nalooga adkaado,” ayuu yiri.

Warbaahinta Kenya, gaar ahaan wargeyska The Star ayaa hore u baahiyey in Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ka gaareen muranka Badda, kaasi oo ay dowladda Qatar gadaal ka riixeyso, oo ayadu kal hore dib usoo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dal.

Qatar ayaa saami ku leh shirkadda shidaalka ee Talyaaniga ee ENI, oo shidaal sahmin ka sameyneysa xirmooyin ku yaalla dhulka muranka ay gelisay Kenya, heshiiskaas oo ay la gashay dowladda Kenya.

Shirkadda Qatar Petroleum ayaa sidoo kale heshiis la gashay shirkadda shidaalka ee Faransiiska ee TOTAL, taasi oo ayada oo ay wehliso ENI ay leeyihiin 25% xirmooyinka shidaalka ee L11A, L11B iyo L12, kuwaas oo aan ka tirsaneyn dhul-badeedka ay muranka gelisay Kenya.

Xirmooyinka shidaal ee ENI ay ka iibisay Qatar ayaa la rumeysan yahay in cabirkooda uu dhan yahay 15,000 oo isku wareeg feet ah. Qatar ayaa qorsheysay inay shidaal sahmin ka sameyso dhulkaas sanadkii tegay, hase yeeshee waxay ka laabatay qorshahaas ayada oo aan si rasmi ah u shaacin sababta. 

Dowladda Qatar ayaa la fahamsan yahay inay dooneyso in kiiska badda ay labada dal ka gaaran heshiis, taasi oo meesha ka saareysa dacwadda taalla maxkamadda, si ay dhakhso ugu bilowdo sahminta shidaalka iyo ka shaqeysiinta saamiyada shidaal ee ay ku leedahay aaga lagu muransan yahay, hase yeeshe waxaa ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn halka ay ku biyo shuban doonaan dadaaladaas.

Qarax ka dhacay Jowhar oo lala beegsaday Kolonyo gurmad ah (Faah-faahin)

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in qaraxa nooca Miinada ah uu ka dhacay deegaanka Buur-kaama bareeye ee magaaladaas, kaasi oo lala eegtay Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida ay Caasimada Online u sheegen goobjoogayaal qaraxaas ayaa waxa uu haleelay ciidamo la socday kolonyo gurmad ah oo uu hogaaminayay guddoomiyaha, xiligaas oo Ciidamo kale oo duleedka magalada kula dagaalamayay Maleeshiyaadka macawiisleyda.

Qaraxa Miino ayaa waxa ku geeriyooday askar ka tirsan ilaalada guddoomiyaha oo ilaa inta la xaqiijiyey dhan saddex askari, halka kuwa kalena ay ku dhawaacmeen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka la qarxiyay ay ahaayeen kuwo lugeynaya cabsi ay ka qabeen Qaraxyo dhulka la geliyay, kuwaasoo midkood haleelay ciidankii lugeynayay.

Qaraxaan ayaa waxa uu kusoo aadaya xili uu socday dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda ee Haramcad, Boolis iyo ciidanka Danab oo dhinac ah iyo maleeshiyaad macawiisleey ah oo ka careeysan taliyahooda oo la xiray.

Dagaalka oo xoogiisa ka dhacay xaafadda Hanti-Wadaag ee magaaladaasi, ayaa yimid kadib markii  ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Macawisley ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin halkaasi, iyada oo la’isku adeegsaday huka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas lagu dilay Cali Axmed Goodaad (Cali Madoobe) oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee madaxtooyada dowlad goboleedka HirShabelle HirShabelle, iyadoo sidoo kale uu dhaawacmay Ciise Nuur oo ka mid ah shaqaalaha barotakoolka madaxtooyada HirShabelle.

Sidoo kale khasaaraha ayaa lagu soo warramayaa inuu intaasi ka badan yahay, balse ma jiro wax faah faahin ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee magaalada Jowhar.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana is horfdhiya dhinacyada ku dagaalamay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Jowhar iyo sarkaal ka tirsanaa madaxtooyada HirShabeelle oo lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle.

Dagaalkan oo uu xoogiisu ka dhacay xaafadda Hanti-Wadaag ee magaaladaasi, ayaa yimid kadib markii  ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Macawisley ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin halkaasi, iyada oo la’isku adeegsaday huka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan lagu dilay Cali Axmed Goodaad (Cali Madoobe) oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee madaxtooyada dowlad goboleedka HirShabelle HirShabelle, iyadoo sidoo kale uu dhaawacmay Ciise Nuur oo ka mid ah shaqaalaha barotakoolka madaxtooyada HirShabelle.

Sidoo kale khasaaraha ayaa lagu soo warramayaa inuu intaasi ka badan yahay, balse ma jiro wax faah faahin ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee magaalada Jowhar.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana is horfdhiya dhinacyada ku dagaalamay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalkan ayaa daba socda xarig loo geystay taliyihii maleeshiyaadka Macwiisley oo lagu magacaabo Yuusuf Macalin oo loo yaqaano (Dufaarow) iyo afar ka mid ah askartiisa, kuwaas oo xabsiga la dhigay kadib markii la’isku qabtay lacago ay ka qaadayeen gaadiidka.

Si kastaba Jowhar ayaa waxa ay horey ula daala-dhaceysay xaalad ka dhalatay fataahad wabiga Shabelle uu ka geystay magaaladaasi iyo sidoo kale deegaanada hoos yimaada.

Muxuu yahay dalabka adag ee Midowga Musharaxiinta ee ku aadan shirka 20-ka May?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha midowga musharraxiinta mucaaradka oo war cusub soo saaray ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan shirka arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka oo lagu wado beri oo ku beegan 20-ka May inuu dhaco magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Afhayeenka golaha midowga musharraxiinta mucaaradka, Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaca ka qaaday in marka hore ka gole ahaan ay taageerayaan dadaallada xoogan ee uu wado ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Geelle ayaa sidoo kale dalbaday in musharraxiinta laga qeyb-geliyo shirkaasi, maadaama looga hadlayo is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Siyaasiga Daahir Maxamuud Geelle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey shirkaasi iyo wada-hadallada u bilaabanaya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

“Midowga Musharixiinta waxa uu taageerayaa go’aanka uu Ra’iisu Wasaaraha ula wareegay qabsoomidda Doorashooyinka iyo wadahadalka balse shaqsi ma taageerin, rajo wanaagsan ayaa ka muujineynaa wadahadalka lagu ballansan yahay, waana in ay ka qaybgalaan Musharixiinta, Bulshada rayidka & dadka yaqaan dowladnimada kana soo shaqeeyay, miiska waa in laga dhigaa mid loo wada dhan yahay,” ayuu yiri musharrax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Ra’iisul Wasaaraha aragtidiisu way nala qumaneed oo si wanaagsan ayuu usoo bandhigay, awoodda aan leenahay waxa aan rabnaa in uu guuleysto wadahadalkaas”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo beri oo Khamiis ah qorshuhu yahay inuu furmo shirka arrimaha doorashooyinka ee uu horey u iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble, kaas oo go’aan rasmi ah looga gaari doono muranka hareeyey doorashooyinka dalka.

Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyey wajaheysay xaalad hubanti la’aan ah, kadib markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxda dowladda, iyadoo aan heshiis laga gaarin hannaanka loo wajahayo doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya sanadkan 2021-ka.