26.6 C
Mogadishu
Monday, July 13, 2026

Muxuu yahay dalabka adag ee Midowga Musharaxiinta ee ku aadan shirka 20-ka May?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha midowga musharraxiinta mucaaradka oo war cusub soo saaray ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan shirka arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka oo lagu wado beri oo ku beegan 20-ka May inuu dhaco magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Afhayeenka golaha midowga musharraxiinta mucaaradka, Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaca ka qaaday in marka hore ka gole ahaan ay taageerayaan dadaallada xoogan ee uu wado ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Geelle ayaa sidoo kale dalbaday in musharraxiinta laga qeyb-geliyo shirkaasi, maadaama looga hadlayo is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Siyaasiga Daahir Maxamuud Geelle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey shirkaasi iyo wada-hadallada u bilaabanaya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

“Midowga Musharixiinta waxa uu taageerayaa go’aanka uu Ra’iisu Wasaaraha ula wareegay qabsoomidda Doorashooyinka iyo wadahadalka balse shaqsi ma taageerin, rajo wanaagsan ayaa ka muujineynaa wadahadalka lagu ballansan yahay, waana in ay ka qaybgalaan Musharixiinta, Bulshada rayidka & dadka yaqaan dowladnimada kana soo shaqeeyay, miiska waa in laga dhigaa mid loo wada dhan yahay,” ayuu yiri musharrax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Ra’iisul Wasaaraha aragtidiisu way nala qumaneed oo si wanaagsan ayuu usoo bandhigay, awoodda aan leenahay waxa aan rabnaa in uu guuleysto wadahadalkaas”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo beri oo Khamiis ah qorshuhu yahay inuu furmo shirka arrimaha doorashooyinka ee uu horey u iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble, kaas oo go’aan rasmi ah looga gaari doono muranka hareeyey doorashooyinka dalka.

Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyey wajaheysay xaalad hubanti la’aan ah, kadib markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxda dowladda, iyadoo aan heshiis laga gaarin hannaanka loo wajahayo doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya sanadkan 2021-ka.

Midowga Yurub oo soo saaray digniin la xiriirta shirka 20-ka May ka furmaya Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan is mari-waaga weli ka taagan doorashooyinka dalka.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez ayaa wuxuu ku sheegay inuu muhiim yahay shirka wada-tashiga doorashooyinka ee lagu wado inuu 20-ka bishan oo beri ku beegan uu ka dhaco Muqdisho..

Nicolas Berlanga ayaa uga digay hoggaamiyeesha Soomaalida fashil horleh oo ku yimaada shirkan, sida wada-hadalladii ka dhacay Afisyoone iyo kuwii lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shirkan uu yahay fursaddii ugu dambeysay, loona baahan yahay in la muujiyo tanaasul, si looga gudbo caqabadaha hareeyey doorashooyinka Somalia oo aad uga daahay waqtigii loo asteeyey, sababo la xiriira khilaafka ka jira dalka.

“Dhacdooyinkii usbuucyadii la soo dhaafay waxay muujinayaan shir-madaxeedka soo socdaa inuu yahay fursadda keliya ee hartay ee lagu muujiyo sida looga go’an yahay mustaqbalka Soomaaliya. Cidna ma ahan in ay kharibto ama ay ishortaagto heshiis,” ayuu yiri Nicolás Berlanga oo ah wakiilka Midowga Yurub ee u qaabilsan Soomaaliya.

Digniintan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo aysan weli magaalada Muqdisho soo gaarin madax goboleedyada dalka ee lagu casuumay shirka 20-ka May oo ay xukuumadda federaalka Soomaaliya shaaca ka qaaday inuu si rasmi ah u furmayo beri oo ah maalin Khamiis ah.

Si kastaba shalay aheyd markii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya qaabilay wakiilada beesha caalamka, isaga oo ka hor ballan qaaday in uusan dib u dhici doonin shirka loo madalsan yahay ee arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Rooble oo diiday qorshe ay Villa Somalia ugu soo wareejin laheyd Cabdi Cali Raage

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa iska riixay isku day ay madaxtooyada ku dooneysay inay kusoo faro-geliso howshiisa la xiriirta hoggaaminta arrimaha doorashooyinka dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu diiday soo-jeedin ka timid madaxtooyada oo aheyd in Cabdi Cali Raage, oo ah la-taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka, loo soo wareejiyo xafiiskiisa, si uu ugala shaqeeyo shirka 20-ka May ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Rooble ayaa tallaabada madaxtooyada u arkay isku day saameyn loogu dhex-yeelanayo, taasi oo dhaawici kartay kalsoonida ay ku qabaan mucaraadka iyo maamul goboleedyada kale oo weli u arka inuu yahay dhex-dhexaad.

Ma cadda, sababta ujeedka ay madaxtooyada ka laheyd qorshaha Cabdi Cali Raage loogu soo darayey kooxda ra’iisul wasaaraha, hase yeeshee Farmaajo ayaa horey loogu eedeeyey inuusan dooneyn inuu fursad siiyo, oo uu howlihiisa u madax baneeyo Rooble.

Marna lagama yaabo in Farmaajo fursad u siiyo Ra’iisal Wasaare Rooble in uu muujiyo hufnaan uu saamileyda siyaasadda ugu dhexeeyo iyo madax bannaani uu go’aannadiisa ku qaato.  Haddaba Ra’iisl Wasaare Rooble waxaa looga fadhiyaa in uu qaado tallaabooyin xoojinaya filashada laga qabo ee ah in uu Farmaajo fariinka u qabto, xeeriyana danta shacbaka Soomaaliyeed, muujiyana in uu ka madax bannaan yahay saameynta taban ee Farmaajo iyo kooxdiisa,” waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabidraxmaan Cabdishakuur. 

Tallaabada uu qaaday Rooble ee uu ku diiday Cabdi Cali Raage ayaa sii xoojin karta kalsoonida ay ku qabaan Midowga Musharaxiinta, oo maalmihii ugu dambeeyey taageero xooggan u muujinayey ra’iisu wasaaraha, waxaana ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shalay sheegay inuu kalsooni ku qabo Rooble.

“Waxaan sidoo kale kalsooni buuxda ku qabaa dadaallada socda ee xal u helidda arrimaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, anigoo aaminsan in R/Wasaaraha lasiiyo fursad uu ku guto mas’uuliyadda weyn ee laga sugayo ee ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah,” ayuu yiri Shariif. 

Warbaahinta dalka Kenya oo werineysa in Soomaaliya iyo Kenya ay KIISKA BADDA ka gaareen heshiis ah 50:50

Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta Kenya ayaa werineysa in Soomaaliya iyo Kenya ay gaareen heshiis ay Qatar ka shaqeysay oo ay si siman ugu wadaagayaan dakhliga kasoo xarooda shidaalka iyo gaaska laga soo saaro dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay muranka gelisay.

Wargeyska The Star ayaa qoray inuu arkay warqadaha heshiiska oo dhigaya saami wadaag ah 50:50, kaasi oo la filayo in dhowaan lagu saxiixo Doha, sida uu sheegay.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadal heshiiskan la sheegay, hase yeeshee waxay horey u beenisay in madaxweyne Farmaajo uu kulan ku saabsan arrinta badda Doha kula yeelanayo Uhuru Kenyatta. Waxay sidoo kale sheegtay in kiiska badda iyo xiriirka lasoo celiyey ee Kenya aysan isku xirneyn.

Qatar ayaa saami ku leh shirkadda shidaalka ee Talyaaniga ee Eni, oo shidaal sahmin ka sameyneysa xirmooyin ku yaalla dhulka muranka ay gelisay Kenya, heshiiskaas oo ay la gashay dowladda Kenya.

Shirkadda Qatar Petroleum ayaa sidoo kale heshiis la gashay shirkadda shidaalka ee Faransiiska ee Total, taasi oo ayada oo ay wehliso Eni ay leeyihiin 25% xirmooyinka shidaalka ee L11A, L11B iyo L12, kuwaas oo aan ka tirsaneyn dhul-badeedka ay muranka gelisay Kenya. 

Xirmooyinka shidaal ee Eni ay ka iibisay Qatar ayaa la rumeysan yahay in cabirkooda uu dhan yahay 15,000 oo isku wareeg feet ah. Qatar ayaa qorsheysay inay shidaal sahmin ka sameyso dhulkaas sanadkii tegay, hase yeeshee ka laabatay qorshahaas ayada oo aan shaacin sababta. 

Qatar ayaa laba toddobaad kahor ku guuleysatay inay dib usoo celiso xiriirkii diblomaasi ee Soomaaliya iyo Kenya. Si kastaba, diblomaasi Qatari ah oo ku usgan Nairobi, islamarkaana codsaday inaan la magacaabin, ayaa The Star u sheegay in Qatar aysan sidaas u sameyn si ay u ilaashato danaheeda shidaalka ee dhul-badeedka. 

“Waa run in Qatar Petroleum ay 2019-kii iibsatay saddex xirmo oo shidaal laga sahminayo kuna yaalla badweyne Indian Ocean, kana tirsan Kenya. Si kastaba, xirmooyinkaas kama mid ahan dhul-badeedka ay ku loolamayaan kenya iyo Sooomaaliya,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in Qatar ay xiriir ganacsi la leedahay labada dal, islamarkaana khilaaf kasta oo dhex-mara aanu u wanaagsaneyn.

Qaar ka mid ah dhallinyaradii askar ahaanta loogu qaaday Eritrea oo soo baxsaday

Asmara (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dhallinyaro Soomaali ah oo ka badan 10 qof ay xoog uga soo baxsadeen xeradii tababarka ee dalka Eritrea kadib markii ay ka gadoodeen muddo dheer oo ay halkaas joogaan. 

Dhalinyarada soo baxsatay ayaa la sheegay in qaarkood ay ku geeriyoodeen jidka intii ay safarka soo haayeen halka qaar kalane ay ku dhinteen rabshado ay kala kulmeen Qowmiyadda Canfarta, iyadoo tiro kooban ay safar dhulka ah ku soo gaareen dowladd degaanka Soomaalida Itoobiya. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in dhallinyaradaan ay soo galeen gudaha Soomaaliya balse ay jiraan iskaashi ay sameeyeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu baadi goobayo dhalinyaradaan. 

Sida aan kasoo xiganay dad ehel la eh, qaar kamid ah dhalinyaradaan oo soo galay gudaha Soomaaliya ayaa sheegay inay soo waceen dad ku xiran Villa Somalia oo lacag badan u ballan-qaaday si aysan warbaahinta uga hadal, uguna yimaadaan dowladda.

Waxay sidoo kale sheegeen in loo hanjabay markii ay diideen yaboohyadii loo sameeyey, welina ay hadda ku jiraan baxsad ayna raadinayaan xubno kamid ah sirdoonka Itoobiya.

Villa Somalia ayaa dadaal kasta u mareysa in dhallinyaradaas aysan warbaahinta ka hadal, taasi oo haddii ay dhacdo banaanka keeni doonto sirtii sanado badan la qarinayey ee ku gadaaman dhallinyarada askar ahaanta loo geeyey Asmara.

Waalidiin badan ayaa maalmahan Muqdisho ka dhigayay banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in meel lagu sheego carruurta kaga maqan dalka Eritrea oo ay dowladda Soomaaliya ugu qaaday in shaqo ilaalo ah loo gaynayo Qatar.

Shabaab oo 4 qodob kasoo saartay weerarada Yahuudda ee GAZA, dalbatay hal mid

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa bayaan ay kasoo saartay weerarada a Yahuudda ku hayaan Falastiin waxay ku sheegtay in dhacdooyinkaas ay yihiin casharo ay wax ka baran karaa umadda Islaamka.

Al-Shabaab ayaa bayaankeeda ku sheegtay, in marka kowoaad, ay dhacdooyinkaas muujinayaan in ruuxda jihaadka ay weli ku nooshahay xididdada shacabka dhulka barakeysan ee Falastiin.

Waxay tiri, in marka labaad, ay dhacdooyinkaas muujinayaan heerka uu gaarsiisan yahay cadaawadda ay Yahuudda iyo Kirishtanka u hayaan umadda Muslimiinta ah. “Halka ay Yahuudda xasuuq ku hayaan haweenka iyo caruurta aan is-difaaci karin, dalalka Galbeedka oo ay ugu horreeyaan Mareykanka iyo Faransiiska waxay sii wadaan inay taageeraan dambiyada dagaalka Israel,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Marka saddexaad, ayaa lagu yiri bayaanka Al-Shabaab, dagaalka Qudus ka socday tan iyo bishii Ramadan wuxuu ceeb iyo dhabarjab ku yahay kuwii ku baaqayey in la caadiyeeyo xiriirka Israel, sida hoggaamiyayaasha Carbeed. Imaaraadka Carabta, Bahrian iyo Sudan ayaa sanadkii tegay caadiyeeyey xiriirka Israel.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dunida oo dhan ay hadda garowsatay in hindisaha loogu yeeray nabadda ee u dhaxeeya Yahuuda, Kirishtanka iyo Muslimiinta, oo ay ula jeedo dalalka Carbeed, aysan macquul aheyn inuu shaqeeyo, islamarkaana ay guul-darreysteen kuwii isku dayayey in umadda Muslimiinta ah ay u dhiibaan cadowgooda, sida lagu qoray bayaanka.

Bayaan Al-Shabaab ayaa intaas ku daray, in marka afaraad, ay u mahad-celinayaan dhammaan Muslimiinta is-garab taagga u muujiyey walaalahooda ku sugan dhulka barakeysan.

“Waxaan ugu dambeyn ugu baaqeynaa wiilashada Umadda inay bartilmaameedsadaan danaha Yahuudda iyo Gaalada ee dunida oo idil, ayna taageeraan walaalahooda caburinta lagu hayo ee Gaza iyo dhulalaka kale ee la haysto ee Falastiin,” ayey tiri Al-Shabaab.

Yaa hortaagan aqoonsiga Somaliland, 30 sano kadib?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shalay si weyn ugu dalaal degtay xuska 18-ka May oo ah markii la aas-aasay maamulkaasi, muddo hadda laga joogo 30-sano, waxaana tan markaas ay xukuumadda Hargeysa raadineysaa Ictiraaf gooni ah.

Madaxweyne Muuse Biixi oo xalay khudbad ka jeediyey munaasabad dabaal-deg ah oo lagu qabtay gudaha magaalada Hargeysa ayaa shaaciyey caqabadda hortaagan inay aqoonsi hesho Somaliland, wuxuuna shaaca ka qaaday inay tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyey inay kasoo horjeedo horumarkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Biixi ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dowladda kaliya ee kasoo horjeedo qaranimadooda marka la eego dhammaan dowladaha ka jira caalamka.

“Maanta dalalka boqol iyo dhowr iyo sagaashanka dowladood ee aduunka jira dowladda qudha ah ee aan ogleyn ee ka soo horjeeda qaranimada Somaliland waa dowladda Xamar ka dhisan ee watigeeda dhamaaday,” ayuu  khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ka xukuumad ah ay dadaal kasta ku bixin doonaan sidii ay Somaliland ku heli laheyd ictiraaf gooni ah, isla-markaana ay waqti iyo dhaqaalaba ku bixin doonaan jiritaan iyo sidoo kale madax banaanida ‘qaranimada’ Somaliland.

“Yoolkeena kowaad waa ictiraaf inaanu helno oo uu noqdo Somaliland qaran jira oo qeyrkii wax la qeybsada golayaasha caalamiga ah oo aysan cidina matali karin, waqti kasta ha nagu kacdo,qiima ay doonto ha noogu kacdo, dhiigii loo soo daadiyay mid ka badan ayaanu u daadinaynaa hadii ictiraafka loo baahdo,” ayuu markale yiri madaxweynaha Somaliland.

Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Somaliland ay dooneyso inay dowladaha caalamka iyo kuwa gobolka ay kula noolaato nabad iyo xasilooni, si loo wada ilaaliyo darisnimada iyo wax wada qeybsiga ee ka dhexeeya dhammaan dowladaha caalamka.

Si kastaba, Somaliland ayaa sanadkii 1991-kii ku dhowaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, welina ma helin aqoonsi gooni ah, waxaana soo maray dhowr madaxweyneyaal oo dadaal ku bixiyey qaddiyada Somaliland, balse ma jirto wax natiijo oo kasoo baxay damacaas iyo dadaalka ay Somaliland ku dooneyso madax banaanideeda.

Qarax askar Kenyan ah lagu dilay oo ka dhacay Lamu

0

Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya saacadihii lasoo dhaafay lagula eegtay gobolka Xeebta Laamu ee dalkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya, xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Baure oo ka tirsan Lamu.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib iska hor imaad kooban uu dhex-maray ciidamada Kenya iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ee qaaday weerarkan oo ah mid dhabo-gal ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyey jiritaanka weerarkaasi, waxayna shaaciyeen in ciidamadu ay sameeyeen iska caabin xoogan, kadib dagaalka ay la galeen kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidmada Kenya ayaa sameeyey qaraxa, kadib howlgal ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi oo meesha ka baxsaday.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay ugu yaraan labo askari, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo ka tirsan ciidmada Kenya, kuwaas oo dhaawacyadooda loo qaaday magaalada Narlirobi.

Al-Shabaab oo dhankeeda guulo ka sheegtay weerarkan waxay shaacisay in sidoo kale ay kusoo furatay saanad milatari oo ay lahaayeen ciidamada la weeraray.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha Kenya, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa ciidamada ammaanka ee dalkaasi.

Dagaal culus oo maanta ka qarxay magaalada Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helayo caasimada dowlad goboleedka HirShabelle ee Jowhar ayaa ku warramaya in goor dhow dagaal culus uu ka qarxay banaanka magaaladaasi, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inuu dagaalkan u dhexeeyo ciidamada dowladda, kuwa HirShabelle oo dhinac iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda magac-baxday Macawisley ee ka dagaalanta deegaano hoostaga maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad fara badan oo ka tirsan kooxda Macawiisley ay saacadihii lasoo dhaafay buux dhaafiyeen deegaano dhaca duleedka magaalada Jowhar, kuwaas oo ka yimid dhinaca xiga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Booliiska maamulka HirShabelle iyaguna ay bilaabeen inay ka hortagaan dhaq-dhaqaaqa ay wado kooxdaasi, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka u dhexeeya labada dhinac.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi xoogleh ka muujinayaan inuu saameyn ballaaran ku yeesho dagaalkaasi, maadaama lagu kor dirirayo.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya saraakiisha ciidamada dowladda iyo HirShabelle oo ku aadan dagaalka ka socda magaalada Jowhar oo xarun u ah gobolka Sh/ Dhexe.

Dagaalkan ayaa daba socda xarig loo geystay taliyihii maleeshiyaadka Macwiisley oo lagu magacaabo Yuusuf Macalin oo loo yaqaano (Dufaarow) iyo afar ka mid ah askartiisa, kuwaas oo xabsiga la dhigay kadib markii la’isku qabtay lacago ay ka qaadayeen gaadiidka.

Si kastaba Jowhar ayaa waxa ay horey ula daala-dhaceysay xaalad ka dhalatay fataahad wabiga Shabelle uu ka geystay magaaladaasi iyo sidoo kale deegaanada hoos yimaada.

Sheekh Shariif war kasoo saaray shirka 20-ka May iyo kalsoonida uu ku qabo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray qoraal uu rajo uga muujiyey in shirweynaha loo balansan yahay 20-ka bishan uu noqdo mid mira dhala, waa hadii uu noqdo mid loo dhanyahay, sida uu u dhigay qoraalkiisa.

Sheekh Shariif oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebookga ayaa yiri, “Waxaan rajeynayaa kulanka 20ka bishan loo madlan yahay kaas oo looga hadlayo dhamaystirka heshiiskii doorasho ee 17 September inuu noqdo mid mira dhal ah oo guulaysta si dalku u galo marxalad doorasho oo nabdoon, raallina laga wada yahay taasoo fure u noqon doonta in lagu qanco natiijada Doorashada.”

Sidoo kale madaxweyne Shariif waxa uu sheegay in kalsooni heerkeedu sareeyo uu ku qabo in dadaalada socda ay yihiin kuwo xal loogu heli karo khilaafka doorashooyinka dalka. Isagoo soo jeediyey in fursad la siiyo ra’iisul wasaaraha.

“Waxaan sidoo kale kalsooni buuxda ku qabaa dadaalada socda ee xal u helidda arrimaha Doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, anigoo aaminsan in R/Wasaaraha lasiiyo fursad uu ku guto mas’uuliyadda weyn ee laga sugayo ee ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah,” ayuu Sheekh Shariif qoraalkiisa ku yiri.

Rag qorsheynayey inay is-miidaamiyaan oo la laayey

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxay sheegayaan in caawa uu ka dhacay qarax ay ku geeriyoodeen ilaa seddax qof oo la socotay mooto Bajaaj.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in qaraxaas uu ka dhacay dhabarka dembe ee Hotel Ambas oo ku yaalla xaafadda Wadajir ee koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Sida aan xogta ku heleyno qaraxa ayaa dhacay xilli ay mootadu mareysay wado aad u cariiri ah oo marta dhabarka dambe ee hotelkan, waxaana war ka soo baxay Afhayeenka booliska Soomaaliya lagu sheegay in qaraxa ay wateen ragga ku dhintay ee saarnaa mootada.

“3 naftood-halige, oo qaraxsiday ayaa qorsheeynayay inay is qarxiyaan, ayeey ka hortageen Ciidanka Boliiska Magaalada Gaalkacyo, Xaafada Wadajir agagaarka Hotel AMBAS dhanka Galmudug. Argagaixisada oo dhamaan goobta lagu dilay,” ayuu ku yiri qoraalkaan uu soo saaray Afhayeenka booliska Sadiiq Aadan Cali.

Hey’adaha ammaanka koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in qof kale aysan waxyeello ka soo gaarin qaraxaas, isla markaana la aaminsan yahay in nooca qaraxaas uu ahaa jaakado qarxa oo ay wateen ragga ku dhintay ee saarnaa mooto Bajaajta.

Mowqifka Jubaland ee shirka 20-ka May ee Muqdisho

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa cadeeyay mowqifkiisa ku aadan shirka wada-tashiga doorashada ee la filayo in maalinta Khamiista uu ka furmo magaalada Muqdisho. 

Jubbaland ayaa soo dhaweysay shirkaas oo uu hore u iclaamiyey ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, si xal looga gaaro khilaafka soo noq-noqday ee hanaanka doorashada dalka.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland, Xersi Jaamac Gaani ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay waxyaabah kasoo bixi doona shirkaas oo uu si weyn usoo dhaweeyay.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in ra’iisal wasaare Rooble looga baahan yahay inuu cadeeyo in umadda Soomaaliyeed uu dhex u yahay, islamarkaana uu ka madax-banaan yahay dhinacyada iska soo horjeeda.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhankooda ay dadaal badan gelin doonaan sidii Soomaaliya wadada saxda ah ugu soo noqon laheyd, una qabsoomi laheyd doorasho xor iyo xalaal ah.

Jubbaland ayaa kamid ah maamulada sida adag uga soo horjeeday madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, hase yeeshe xiligan taageero balaadhan u muujinaya ra’iisal wasaaraha oo loo igmaday arrimaha doorashooyinka.

Madaxda Jubbaland ayaa kal hore soo dhaweeyay shirka uu iclaamiyay Rooble oo qabsoomaya maalinta Khamiista ee toddobaadkan, waxayna u badan tahay in is-faham guud laga gaaro qoddobadii hore loogu kala dhaqaaqay.

Farmaajo oo qoray faallo uu isku difaacay kuna weeraray mucaaradka, Jubaland iyo P/L

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa faallo uu ku qoray wargeyska Foreign Policy isaga difaacay eedaha loo jeediyo ee la xiriira xukun jaceylka, isaga oo sidoo kalena weerar ku qaaday mucaaradka iyo maamullada Jubaland iyo Puntland.

“Doorashooyinka Soomaaliya dib uguma dhicin sababo la xiriira inaan doonayo inaan xukunka ku dhegenaado, sida dadka qaar ay si been ah ugu doodaan, balse waxaa dib u dhigay is-mari waa siyaasadeed oo keenay inay kala qeybsamaan dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah oo ku aadan, habka horey loogu dhaqaaqi karo,” ayuu yiri Farmaajo.

Waxa uu sheegay in xudunta khilaafka ay tahay in dowladdiisa ay dooneyso doorasho toos oo qof iyo cod ah iyo kuwa “doonaya doorasho aan toos aheyn oo awoodda siisa siyaasiyiinta una diida shacabka caadiga ah codkooda.”

“Waxaa la gaaray xilligii ay beesha caalamka is-weydiin laheyd: Maxay shacabka Soomaaliyeed ay afar sano oo kasta ay mar la-haystayaal ugu noqdaan odayaal qabaa’il oo kooban iyo madaxda maamul goboleedyada,” ayuu yiri.

Farmaajo ayaa sheegay in bishii June 2018 ay dowladdiisa iyo maamul goboleedyada isku raaceen doorasho qof iyo cod ah, hase yeeshee taasi ay dhici weysay kadib markii dhammaan shanta dowlad goboleed ay ka baxeen heshiiska, ayaga oo kasoo horjeeda in awoodda la siiyo shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaas ku daray in isaga oo aad uga niyad jabsan taas, dib loo galay wada-xaajood, islamarkaana la isku raacay hanaan doorasho oo aan toos aheyn 17-kii September 2020, taasi oo uu aqbalay. 

“Hanaankan wuxuu burburay waxyar un kadib markii hoggaamiyayaasha Puntland iyo Jubaland ay bishii November 2020 kasoo laabteen safarro ay ku kala tageen Imaaraadka Carabta iyo Kenya – oo ah laba dal oo Soomaaliya aysan xiriir xooggan la lehyn,” ayuu yiri Farmaajo.

Wuxuu sheegay in is-mari waa dheer kadib baarlamanka uu meel mariyey sharci ah in dalka doorasho qof iyo cod ah laga qabto laba sano gudahood, taasi oo isaga uu saxiixay.

Hase yeeshee, buu yiri, taasi waxaa ka dhalatay carro xooggan oo ay sameeyeen mucaaradka iyo xubno ka mid ah beesha caalamka, taasi oo mar kale dowladdiisa ku qasabtay inay tanaasusho, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu ku eedeeyey mucaaradka inay huriyeen rabshadihii ka dhacay Muqdisho ee ka dhashay go’aanka baarlamanka. Wuxuu rabshadahaas ku qeexay fursad ay ka faa’iideysanayeen kuwa huriyey. 

Waxa uu ugu dambeyn sheegay in mar kale bishan la isku dayi doono in la isku raaco heshiis lagu fuliyo hanaan doorasho oo aan toos aheyn, ayada oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayna xaqiijin doonaan inuu noqdo hanaan loo dhan yahay oo doorasho ku hoggaamiya fursadda ugu horreysa uguna macquulsan.  

Rooble oo qaaday tallaabo la xiriirta dilka askarigii ciidanka Badbaado Qaran ka tirsanaa

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi ka kooban Wasiiro iyo Saraakiil Amni u magacaabay baarista dil dhowaan loo geystay askari ka tirsanaa Ciidamada Badbaado Qaran, guddigaas oo isla maanta la kulmay eheladda marxuumka.

Guddiga loo xilsaaray barista kiiskan waxa ka mid ah wasiirka Amniga Xasan Xundubeey, Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Al-Cadaala, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Xirsi Aadan iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Benaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Qaroole.

Mas’uuliyiintan ayaa si degan u dhageystay cabashada ehellada marxuum Maxamed Mukhtaar Sheikh Maxamed Ciroobe, iyagoo ehelada ka balan qaaday in dhacdadan oo ka hor imaanaysa Qaranimadda iyo Islaam-nimadaba ay si mas’uuliyad leh u baari doonaan.

Wahadal dheer, is dhageysi iyo is qancin kadib waxaa Warbaahinta la hadlay Cabdulaahi Khaliif Cali oo kamid ah Waxgaradka Marxuumka iyo Saalax Sheikh Maxamed Ciroobe oo ah Marxuumka adeerkiis, waxa ayna dalbadeen in cadaalada la horkeeno cidii wiilkoodii sida arxanka daran u dilay isaga oo xiran tuutihii uu Qarankiisa ugu adeegayey.

Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka Xirsi Aadan Rooble iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Al-Cadaalada ayaa u tacsiyeeyay eheladda waxaa ayna ka marag kaceen in arintan ay ceeb ku tahay Qaranimadda marka laga yimaado tiiraanyada qoyska sidaas daraadeedna ay waajib qaran tahay in la helo kuwii ka danbeeyay.

Meydka Maxamed Muqtaar Maxamed Deeqow oo ka mid ahaa askartii ciidamada dowladda ee ku biiray ciidanka bad-baado qaran ee kasoo horjeeday muddo kororsiga ayaa Axaddii laga helay agagaarka Iskuul Buluusiya ee Muqdisho.

Marxuumka oo si arxan darro ah loo dilay ayaa waxaa meydkiisa lasoo dhigay, isaga oo xiran dharka ciidanka god qashin ah oo ku yaalla agagaarka Iskuul Buluusiya.

Qaar ka mid ah ehellada marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Muqtaar (Maxamed Deeqow) ayaa sheegay inay waayeen wiilkooda, kadibna loo soo sheegay in meydkiisa uu yaallo nawaaxiga xerada Generaal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Deeqow ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada nabad sugida, gaar ahaan Unuga Duufaan, waxaana wararka ay sheegayaa in dhawaan looga yeeray taliska hay’adda NISA, si uu dib ugu laabto shaqadiisa, maadaama xal laga gaaray xiisadii ka taagneyd Muqdisho.

Dilka qarsoodiga ah ee loo geystay Maxamed Mukhtaar Sheikh Maxamed Ciroobe ayaa ciidamadii ka tirsanaa Badbaado Qaran ku abuurtay cabsi weyn kadib markii ay soo baxday shaki ku aadan in si gaar gaar ah loo ugaarsan doono saraakiishii ka tirsanaa ciidamadas.

Ciidankaan Badbaado Qaran oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in uu billowday beegsiga ragii mucaaradka u dagaalamay iyo kala shaki weyn, taasoo keeni karta uu jabo heshiiskii Rooble iyo Mucaaradka.

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa Axaddii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka dalbaday in uu baaro dadkii ka dambeeyay dilka Askariga maadaama uu qaatay masuuliyadda amniga dalka.

Muuse Suudi waxa uu sheegay in Rooble uu mas’uul ka yahay dhib kasta oo gaara ciidanka mucaaradka, maadaama isaga uu heshiis la galay.

Wakiilada Beesha Caalamka oo qodob muhiim ah maanta kala hadlay Rooble + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay dar-dargelinta arrimaha doorashooyinka dalka, oo dhawaan loo igmaday ra’iisal wasaare Rooble.

Rooble iyo Saaxiibada beesha caalamka ayaa sidoo kale si qoto dheer uga wada-hadlay u diyaar garowga Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu ra’iisal wasaaraha iclaamiyay inuu magaalada Muqdisho ka furmayo 20-ka bisha May ee 2021-ka.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa markale taageero balaadhan u muujiyey ra’iisal wasaaraha oo la wareegay arrimaha doorashada iyo amnigeeda, iyagoona balan qaaday garab-siinta geeddi socodka doorashooyin dalka.

Waxaa ra’iisal wasaaraha ku wehlinayay kulanka Wakiillada Beesha Caalamka xubno ka tirsan xukuumadiisa xil-gaarsiinta.

Ma aha markii u horeysay ee ra’iisal wasaaraha kulan la qaato Wakiillada Beesha Caalamka tan iyo markii lagu wareejiyay doorashada, hase yeeshe waxa uu kulankaan kusoo aadaya xili ay hal maalin inaga xigto qabsoomida shir-weynaha doorashada ee uu hore u iclaamiyay.

Sheekh Shariif oo si lama filaan ah uga hadlay xuska 18-ka May ee Somaliland

Muqdisho  (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si lama filaan hambalyo ugu diray reer Somaliland oo maanta u dabaal dagaya 18-ka May oo ah maalintii ay ku dhawaaqeen madax-banaanida ay ka go’een Soomaaliya ee aan weli aqoonsiga helin.

Sheekh Shariif ayaa reer Somaliland ku bogaadiyey nabada iyo xasiloonida siyaasadeed ee ay dhidibaha u taageen mudada 30-ka sanno ah.

“Waxaan hambalyo u dirayaa walaalaha Somaliland oo xusaya 18 May meel kasta oo Caalamka ay ka joogaan, anigoo ugu tahniyadeynaya nabadda, xasilloonida Siyaasadeed iyo hirgalinta nidaamka doorashada qof iyo cod ee ay ku guulaysteen,” ayuu yiri.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in qadiyadda Somaliland iyo xaalkeeda uu yahay arrin masiiriya, islamarkaana ay muhiim u tahay dib u yagleelida dowladnimo lagu wada kalsoon yahay oo Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sheegay in loo baahan yahay in lala fariisto hogaanka Somaliland oo matalaya bulshadooda, si looga qanciyo 30 sanno ka hor dhibaatadii gaartay, iyada oo laga garaabayo arrintaas.

“Waxaan aaminsanahay in qadiyadda Somaliland iyo xalkeeda ay tahay arrin masiiri ah, muhiimna u ah dib u yagleelidda dowladnimo lagu wada kalsoonyahay oo Soomaaliyeed, taasoo nooga baahan in xil gaar ah la iska saaro, iyadoo lama huraan ay tahay in lala fariisto, la dhegeysto si looga qanciyo 30 sano ka hor dhibaatadii gaartay oo garowshiyo nooga baahan.”

“Waxay tusaale wanaagsan u noqdeen mudadaas 30ka sanaa Soomaalida inteeda kale, iyagoo ku guulaystay sugidda Amniga, Horumarka Bulshada iyo in dadku ay doorasho galaan iyagoo xulanaya cidda hogaaminaysa.”

Sheekh Shariif ayaa ugu dambeyntiina si weyn ugu amaanay Somaliland hanaanka doorashooyinka qof iyo cod oo ka hirgelay deeganadeeda, ayada oo shacabku doortan cisa qabaneysa hogaankooda.

Si kastaba, Somaliland ayaa maanta u dabaal-degaysa sanad-guuradii 30-aad ee kasoo wareegtay xiligii ay ku dhawaaqeen madax-banaanida ay ku doodaan, waxayna sanadahaas dunida ka baadi-goobeysa aqoonsi caalami ah.

Madaxweyne Erdogan: Biden gacmaha ayuu dhiig ku sitaa

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu “gacmaha dhiig ku sito” sababo la xiriira taageeradiisa dagaalka Israel ay ku qaadeyo Marinka Gaza.

Hadalka Erdogan oo ku jiray khudbad uu taleefishinka ka jeediyey oo dalka oo dhan laga fiirsaday ayaa ah weerarkii ugu adkaa ee uu ku qaado Biden, tan iyo markii uu yimid Aqalka Cad bishii Janaayo.

“Waxaad gacmahaaga dhiigga leh ku qoreysa taariikh. Waad nagu qasabtay inaan sidan dhahno, sababtoo ah intan ka badan kama aamusi karno arrintan,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Erdogan ayaa taageero xooggan kaga kasbaday Bariga Dhexe u ololeyntiisa qadiyadda Falastiin, 18-kii sano ee uu xukumayey Turkey.

Waxa uu toddobaadkii tegay ku eedeeyey Israel Inay qaadeyso “argagixasanimo”, wuxuuna wacad ku maray inuu dunida isugu keeni dooni difaaca Gaza.

“Maanta waxaan aragnay saxiixa Biden ee hubka laga iibinayo Israel,” ayuu yiri Erdogan isaga oo tixraacaya warbixino ay baahiyeen warbaahinta Mareykanka oo ku saabsan in Maamulka Biden uu ansixiyey hub loo daadgureeyo Israel.

“Dhulka Falastiin wuxuu la ciir-ciirayaa cadaadis, rafaad iyo dhiig, si la mid ah dhul badan oo ku nabad-waayey burburkii Cusmaaniyiinta, adigana middaas ayaa taageereysaa,” ayuu Erdogan ku yiri Biden.

Waxa uu sidoo kale ku dhalleeceeyey Austria inay sare u qaaday calanka Israel toddobaadkii tegay ayada oo u muujineysa “is-garab tag.”

“Waxaan ku cambaareynayaa Austria inay sare u qaadeen alanka dowladda argagixisada ah,” ayuu yiri Erdogan.

Erdogan ayaa wada olole diblomaasi ah oo uu doonayo in cunaqabateyno iyo ciqaabo kale lagu saaro Israel oo tan iyo 10-kii May duqeyn ka wadda Gaza, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof oo ay ku jiraan ku dhowaad 60 caruur ah.

AFP + VOA

Maxkamadda ciidamada oo go’aan kasoo saartay kiiska dilkii Cabdixakiim Dhagajuun

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa go’aan rasmi ah kasoo saartay kiiska dilkii loo geystay Allaha u naxariistee guddoomiyihii maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir, Marxuum Cabdixakiin C/raxmaan Ciise (Dhagajuun).

Maxkamadda ciidamada ayaa maanta oo Tallaado ah ku dhowaaqday xukunka lagu ridday eedeysanayaasha kiiskan oo loo heystay illaa 6 askari oo uu ku jiro taliyihii hore ee sladhigga Booliska degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, Shuceyb Cabdi Maxamed.

Sidoo kale maxkamadeynta raggaan ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana horey xeer ilaalinta maxkamadda u sheegtay in dilka Dhagajuun uu ahaa mid si ula kac ah loo geystay, kuna ogaadeen baarista la sameeyay iyo warbixinada guddiga loo saaray dhacdadaasi.

Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, Xasan Cali Nuur oo ku dhowaaqay go’aanka maxkamadda ayaa sheegay in taliyihii hore ee booliska degmada Howlwadaag Gaashaanle Shceyb Cabdi Maxamed lagu ridday xukun 5-sanno oo xabsi ciidan ah, halka sidoo kale Dable Boolis Bishaar Axmed Cabdi lagu xukumay 5 sano, kaas oo haatan baxsad ah, ayna ku raad joogaan saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya.

Sidoo kale guddoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay in min labo sano xabsi ciidan ah lagu xukumay eedeysanayaasha kala ah Jamaal Isaaq Cali, Dhiblaawe Ibraahim Yuusuf, Faarax Sabriye Afrax iyo Kulmi Kaariye Cali, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya.

Waxa kale oo xabsiga usii dheer in ay bixiyaan magta (Diyada) marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise Dhega-juun, Ibraahim Abuukar Cismaan & Liibaan Xasan Liibaan oo rasaasta lagu furay uu dhaawac kasoo gaaray.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun ayaa xilli habeen ah, gaar ahaan 21-kii Janaayo ee sanadkan 2021 lagu dilay isgoyska Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho, saacado kadib markii uu kasoo laabtay dalka Turkiga oo caafimaad loogu qaaday.

Ciidamada Israel oo duqeyn culus ku billaabay Lubnaan iyo wararkii ugu dambeeyey

Beirut (Caasimada Online) – Militariga Israel ayaa duqeeyey dalka Lubnaan ayaga oo ka jawaabaya gantaallo halkaas looga soo tuuray, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay militariga.

Lix gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan ayaa Isniintii lala beegsaday waqooyiga Israel hase yeeshee uma soo gudbin Israel oo waxay ku dhaceen meel xuduudda u dhow, sida militariga Israel ay yiraahdeen. 

Militariga Israel ayaa sheegay in ayada oo taas laga jawaabay la duqeeyey Lubnaan, si loo beegsado “halka laga soo tuuray”gantaallada.

Ilo-wareedyo amnio o ku sugan Lubnaan ayaa Reuters u sheegay in illaa 22 gantaal oo ay soo rideen militariga Yahuudda ay kusoo dhaceen Lubnaan.

Ma jiraan wax khasaare ah oo lasoo weriyey inay ka dhasheen duqeymaha, mana muuqato in Israel ay ku furmeyso furin cusub oo dagaal ah, xilli ay duqeymo ka wadaan Marinka Gaza. 

Waxay aheyd markii labaad oo muddo toddobaad gudihiis ah Israel lala beegsado duqeymo ka yimid Lubnaan. Saddex gantaal oo Khamiistii laga soo tuuray Lubnaan ayaga oo ku wajahan Israel ayaa ku dhacay badda Mediterranean-ka.

Israel ayaa 2006 dagaal la gashay ururka Xizbullah ee Lubnaan oo maamul Koonfurta dalkaas, islamarkaana haysta gantaallo horumarsan. Wixii markaas ka dambeeyey ma dhicin dagaal dhex-maray labada dhinac. 

MIDOWGA AFRIKA oo ku adkeysanaya magacaabista John Mahama ee Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa weli ku adkeysanayaa magacaabista madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama ee ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya, kadib diidmadii ka timid dowladda federaalka Soomaaliya, waxaa sidaas weriyey wargeyska East African.

Midowga Afrika waxa uu rasmi ahaan sheegayaa inuu la-tashiyo ka sameynayo tallaabada xigta ee uu qaadayo, hase yeeshee waxa uu walaac ka muujiyey isku dayga ay Soomaaliya ku qaadaceyso go’aanka uu ururka ku caawinayo, ee markii hore uu codsaday madaxweyne Famaajo.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi, oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa wargeyska East African u sheegay in xubnaha ururka ay go’aan ka gaari doonaan arrinta Jahn Mahama.

“Arrimahan oo kale, guddoomiyaha Midowga Afrika kaligiis go’aan kama gaaro. Wuxuu kala tashadaa Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika,” ayuu yiri afhayeenka oo lagu magacaabo Zenon Mukongo, oo sidoo kale ka tirsan guddiga khubarada ah ee madaxweyne Tshisekedi kala taliya arrimaha Afrika.

“Madaxweynaha wuxuu hakiyey kulanka guddiga oo lagu waday inuu dhaco Arbacada. Mowqifka Midowga Afrika wuxuu caddaan doonaa kadib kulankan.”

Wargeyska East African ayaa ogaaday in ururka uu taageerayo Mahama, isaga oo rumeysan in isbeddel lagu sameeyo magacaabistiisa ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay ku lug yeelato cidda noqoneysa dhex-dhexaadiyaha.

Intii uu ku sugnaa magaalada Kampala oo uu toddobaadkii kaga qeyb-galay caleemo-saarka madaxweyne Museveni, madaxwene Farmaajo ayaa la kulmay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxayna ka wada-hadleen muranka ka taagan magacaabista Mahama.

Xiisadda magacaabista John Mahama ayaa salka ku haysa dowladda federaalka oo rumeysan inuu xiriir la leeyahay Kenya, halka ay sidoo kale gebi-ahaan kasoo horjeedo ergey lasoo diro, ayada oo ku doodeysa in ra’iisul wasaare Rooble uu qaatay doorka xal u raadinta is-mari waaga siyaasadeed.

Hase yeeshee mucaaradka Soomaaliya ayaa rumeysan in tani ay tahay isku-day kale oo uu Farmaajo ku xagal daacinayo xal u raadinta is-mari waaga doorashada, si uu kursiga ugu sii fadhiyo xilli muddo xileedkiisa uu dhammaaday saddex bil kahor.