27.3 C
Mogadishu
Monday, July 13, 2026

MIDOWGA AFRIKA oo ku adkeysanaya magacaabista John Mahama ee Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa weli ku adkeysanayaa magacaabista madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama ee ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya, kadib diidmadii ka timid dowladda federaalka Soomaaliya, waxaa sidaas weriyey wargeyska East African.

Midowga Afrika waxa uu rasmi ahaan sheegayaa inuu la-tashiyo ka sameynayo tallaabada xigta ee uu qaadayo, hase yeeshee waxa uu walaac ka muujiyey isku dayga ay Soomaaliya ku qaadaceyso go’aanka uu ururka ku caawinayo, ee markii hore uu codsaday madaxweyne Famaajo.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi, oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa wargeyska East African u sheegay in xubnaha ururka ay go’aan ka gaari doonaan arrinta Jahn Mahama.

“Arrimahan oo kale, guddoomiyaha Midowga Afrika kaligiis go’aan kama gaaro. Wuxuu kala tashadaa Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika,” ayuu yiri afhayeenka oo lagu magacaabo Zenon Mukongo, oo sidoo kale ka tirsan guddiga khubarada ah ee madaxweyne Tshisekedi kala taliya arrimaha Afrika.

“Madaxweynaha wuxuu hakiyey kulanka guddiga oo lagu waday inuu dhaco Arbacada. Mowqifka Midowga Afrika wuxuu caddaan doonaa kadib kulankan.”

Wargeyska East African ayaa ogaaday in ururka uu taageerayo Mahama, isaga oo rumeysan in isbeddel lagu sameeyo magacaabistiisa ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay ku lug yeelato cidda noqoneysa dhex-dhexaadiyaha.

Intii uu ku sugnaa magaalada Kampala oo uu toddobaadkii kaga qeyb-galay caleemo-saarka madaxweyne Museveni, madaxwene Farmaajo ayaa la kulmay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxayna ka wada-hadleen muranka ka taagan magacaabista Mahama.

Xiisadda magacaabista John Mahama ayaa salka ku haysa dowladda federaalka oo rumeysan inuu xiriir la leeyahay Kenya, halka ay sidoo kale gebi-ahaan kasoo horjeedo ergey lasoo diro, ayada oo ku doodeysa in ra’iisul wasaare Rooble uu qaatay doorka xal u raadinta is-mari waaga siyaasadeed.

Hase yeeshee mucaaradka Soomaaliya ayaa rumeysan in tani ay tahay isku-day kale oo uu Farmaajo ku xagal daacinayo xal u raadinta is-mari waaga doorashada, si uu kursiga ugu sii fadhiyo xilli muddo xileedkiisa uu dhammaaday saddex bil kahor.

Muxuu Cabdikariin Xuseen Guuleed ka yiri 18-ka May?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xuska 18-ka May oo ah markii ay Somaliland ku dhowaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale muddo hadda laga joono 30 sano.

Guuleed ayaa marka hore boggaadiyey guulaha ay Somaliland ka gaartay dhinacyada nabadda, horumarka iyo  hannaanka Doorashooyinka ku dhisan qof iyo codka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qadiyadda Somaliland ay u baahan tahay in la siiyo ahmiyad gaar ah, iyada oo mudnaanta la siinayo aragti Fog oo ay ku dheehan tahay Tanaasul.

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu ka gaabiyey arrimaha Somaliland, gaar ahaan wada-hadalladii socday ee u dhexeeyey labada dhinac.

“Waxaa wax laga xumaado ah in Maamulka Farmaajo aanu Arintaas siinin Mudnaantii iyo Meeqaamkii ay lahayd, taas badalkeeda uu kula kacay cunaqabatayn dhinaca Maawimooyinka Arrimaha Bulshada, mashaariicda horumarineed iyo waxyaabaha Aas-aasiga ah ee Dadka Reer Somaliland baahida u qabaan,” ayuu yiri musharrax Guuleed.

Halkan hoose ka aqriso:-

Maanta 30 sano ayaa laga joogaa markii ay walaalaha Reer Somaliland ku dhawaaqeen gooni isutaag dhankooda ah. sidaa daraadeed marka hore waxaa Bogaadin mudan guulaha ay Somaliland ka gaartay mudadaas dhinacyada Nabadda, Horumarka, Hannaanka Doorashooyinka ku dhisan Qof iyo Codka, dimuqoraadiyadda iyo isu Tanaasulka.

Waxaa xaqiiq ah in Xalka Qadiyadda Somaliland ay u baahan tahay ahmiyad, Mudnaan iyo Aragti Fog oo ay ku dheehan tahay Tanaasul, Garowshiyo iyo Wadahadalo miro dhal ah oo kayimaada dhanka Dawladda Dhexe ee Soomaaliya, kana Fog Caadifad iyo Laablakac, waana in lasameeyo  wadahadalo ku saleysan waaqaca iyo halka ay Boogtu taalo.

Waxaa wax laga xumaado ah in Maamulka Farmaajo aanu Arintaas siinin Mudnaantii iyo Meeqaamkii ay lahayd, taas badalkeeda uu kula kacay cunaqabatayn dhinaca Maawimooyinka Arrimaha Bulshada, mashaariicda horumarineed iyo waxyaabaha Aas-aasiga ah ee Dadka Reer Somaliland baahida u qabaan.

Midnimo ku timaada wax wadalahaansho, Walaalnimo, Garawshiyo iyo isu tanaasul ee aan ku imaan khiyaano iyo Jujuub ayaa ina wada Deeqda.

Xog: Shaki iyo cabsi ka dhalatay askarigii Badbaado Qaran ee Muqdisho lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah ciidamadii la magac baxay Badbaado Qaran ee diidanaa muddo korarsiga iyo saraakiishii hogaamineysay ayaa wajahaya cabsi amni oo xoog leh, sida ay noo xaqiijiyeen tobaneeyo ka mid ah ciidankaas. 

Ciidankaan Badbaado Qaran oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in uu billowday beegsiga ragii mucaaradka u dagaalamay iyo kala shaki weyn, taasoo keeni karta uu jabo heshiiskii Rooble iyo Mucaaradka. 

Cabsidaan oo maalmahaan taagneed ayaa waxay ka sii dartay maalmo kadib markii askari ka tirsanaa ciidanka Mucaaradka, islamarkaana qeyb ka ahaa hay’adda NISA la dilay kadibna lagu riday god qashin. 

Marxuumka ayaa sidoo kale lala dilay qof dumar ah oo la joogtay, waxaana xog la helay ay tilmaameysaa in ay ka dambeeyeen ciidan ka tirsan dowladda. Warkaan waxaan ka soo xiganay dhinaca mucaaradka. 

Saraakiisha iyo ciidamada taageeray mucaaradka ayaa qaba cabsi ah in si gaar ah loo beegsan karo islamarkaana ay soo gaartay warar cabsi gelin ah oo kaga imanaya dhinaca dowladda. 

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa Axaddii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka dalbaday in uu baaro dadkii ka dambeeyay dilka Askariga maadaama uu qaatay masuuliyadda amniga dalka. 

Muuse Suudi waxa uu sheegay in Rooble uu mas’uul ka yahay dhib kasta oo gaara ciidanka mucaaradka, maadaama isaga uu heshiis la galay.

Dowladda federaalka ayaan weli ka hadal askariga sida arxan darrada ah loogu dilay Muqdisho, waxaana inta badan eedda ay farta ku fiiqeysaa in dilkaas ay ka dambeeyeen ciidankeeda.

Dadka kasoo jeeda beelaha HAWIYE ee Somaliland oo loogu hanjabay in la tarxiilayo

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa soo dhaweeyay hadal uu dhawaan Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Somaliland uu ku sheegay inay tallaabo ka qaadayaan beesha Hawiye oo dhawaan taageero u muujiyey musharaxiin ka qeyb-galaya doorashada Somaliland.

Faysal ayaa sheegay in ajaaniibka ku nool Somaliland oo la fahamsan yahay inay qeyb ka yihiin beelaha Hawiye ee kunool Somaliland aysan ka qeyb qaadan karin doorashada Somaliland, islamarkaana aysan codeyn karin.

“Wasiirka amnigu wuu ku saxsan yahay inuu yidhaahdo ajaanibku ma codeynayaan waanu ku taagersanahay. Reer Somaliland waxay leeyihiin reer ayaa loo jeeda waxaanu leenahay intaan laydin Tarxiilin isaga baxa dalka,” ayuu yiri.

Faysal oo hadal ka jeedinayay munaasibad lagu shaacinayey xildhibaano ka sharaxan xisbigiisa Ucid ayaa ku hanjabay in beelahaas ay ka baxaan Somaliland, ka hor inta aan la tarxiilin, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay joojineyso wada-hadalada Soomaaliya oo ku tilmaamay kuwo aan faa’iido u laheyn, “Wada-hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland waan joojinayna, waayo faa’iido waa laga gaadhi waayey, sababttuna waa ciyaalkii kacaanka oo maanta Muqdisho ka arriminaya.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo dhawaan ka hadlayey shirkaas iyo go’aanadii ay soo saareyn Beesha Hawiye ayaa sheegay in cid aan u dhalan Somaliland aysan ka codeyn karin deegaanada maamulkaas.

“Qof aan u dhalan Somaliland ma codeynayo, way iska hadlayaan, kan soo kaxaystayna wuu iska hadlayaa,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo warbaahinta la hadlay.

Wuxuu sheegay in dadkii shirkaas qabtay ay ku daba joogaan islamarkaana ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Cabdinaasir ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay Dastuur islamarkaana uusan dastuurkooda qabin in qof aan kasoo jeedin Somaliland, oo uu ula jeedo qabiil ahaan, uu ka qeybgalo doorashooyinka iyo codeynta.

Hadalkaan ayaa imanaya xili asbuucii hore Magaalada Burco ku yeesheen Cuqaasha, Waxgaradka, madax dhaqameedka iyo Ganacsatada Beelaha Hawiye ee ku nool Magaalada Burco, kaasi oo ay ku sheegeyn inay taageerooda iyo codkooda ku biirinayaan musharaxiinta kala ah Suldaan Jaamac Nuux oo u sharaxan Golaha Deegaanka Degmada Burco iyo Cabdulahi Yuusuf Axmed oo u dharaxan golaha Wakiilada Gobolka Togdheer.

Waxa uu kusoo aadaya sidoo kale xili ay hadal hayn badan ka dhalatay hadalkii wasiirka ee uu ku sheegay in xukuumadda Biixi ay tallaabo ka qaadeyso beesha Hawiye, taasi oo siyaabo kala duwan looga fal-celiyay.

Weerar lagu dilay askar oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar jidgal ah oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka, xilli ay marayeen deegaanka Warmaxan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Weerarka oo ay fuliyeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhashay khsaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarkan ku dishay ugu yaraan saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, sidoo kalena ay qabsatay saanad, sida ay hadalka u dhigtay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo la xiriira weerarkaasi ee ay guulaha ka sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa haatan degan, waxaana ciidamada dowladda ee la weeraray lagu soo warramayaa inay sii wateen socdaalkooda.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada isaga kala gooshayaan gobollada dalka.

HirShabelle oo war cusub kasoo saartay khilaafka kala dhexeeya DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa faah faahin ka bixiyey khilaaf horleh oo soo kala dhex-galay maamulkaasi iyo dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Caadle oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa shaaca in wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ay ka gaabisay fulinta mashruuca horumarinta iyo wax ka qabashada fatahaadaha kusoo laa laabtay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda dhexe, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda ay haatan billowday fulinta mashruucan, xilli uu kar-kaaraha jabsaday wabiga Shabelle.

Wasiirka oo hadalkiisa siita ayaa xusay in xaaladda Jowhar iyo fataahadaha ku dhuftay ay gaariisan tahay heer aan wax laga qaban karin, loona baahan yahay in la xakameeyo biyaha.

“Mashruuca wax ka qabashada Fatahaadaha DG Hir-Shabeelle gaabiska ku yimid waxaa iska leh Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, qandaraaska waxaa la bixiyay xili uu fatahaad sameeyay wabiga Shabeelle dabcan meel wax laga qaban karo lama joogo, balse xalka loo baahan yahay waa in biyaha la xakameeyo kadibna lagu dhaqaaqo mashruuca, ”ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadeyao, iyada oo wasaaradda maaliyadda qudheeda ay eedeynta dhabarka u saartay HirShabelle oo ay sheegtay inay ka gaabisay ka hortagga fatahaada.

Ciidanka ammaanka oo rag burcad ah ku qabtay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay howl-gal qorsheysan ka fuliyey qeybo ka mid ah gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo sidoo kale lagu xaqiijinayey amniga caasimada dalka.

Howl-galka ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyada oo lagu soo qabtay rag burcad ah oo dhac ka geysanayey degmadaasi.

Ragga lasoo qabtay oo gaaraya illaa saddex nin ayaa waxa ay wateen Mindi, Bastoolad & walxaha maanka-dooriya oo lagu soo qabtay.

Taliyaha saldhigga Booliska degmada Yaaqshiid Gaashaanle Jimcaale Macow ayaa ka warbixiyey howl-galkaasi, wuxuuna sheegay in ragga lasoo qabtay ay habeenadii lasoo dhaafay dhibaato ku hayeen dadka deegaanka, iyaga oo dhac baahsan u geysan jiray shacabka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raggan ay u gudbin doonaan maxkamad, si looga qaado tallaabo waafaqsan sharciga.

“Kooxdaan waxa ay maalmihii lasoo dhaafay dhac u geysaneysay Shacabka Degmada Yaaqshiid, waxaa nasoo gaartay cabashooyin dhowr ah, ugu dambeyn gacanta ayaan kusoo dhignay burcaddaan oo wadata Bastoolad, Mindi & walxaha maanka dooriya sida Xashiiska, maxkamad ayaan u gudbineynaa si loo mariyo ciqaabta ay mudan yihiin” ayuu yiri.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay kusoo badanayey falalka la xiriira dhaca oo ay si weyn uga cabanayeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan caasimada.

Madaxweyne Qoor Qoor oo qaaday tallaabo daba joogta dilkii Sheekh Cali Dheere

Gaalkacyo (Caasimadda Online) –Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa magacaabay guddi xaqiiqo raadin iyo baaris ku sameeya falkii afduubka iyo dilka loogu geystay Allaha u naxariistee Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) oo ka mid ahaa culumada Soomaaliyeed iyo dadka ka shaqeeya samafalka oo ka howlgali jiray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Qoor Qoor oo ka kooban todoba qof ayaa kala ah:

1 – Muumin Xuseen Cabdullahi (Guddoomiye)
2 – Cabdixakiin Maxamed Xirse (Guddoomiye ku-xigeen)
3 – Saciid Maxamuud Jimcaale (Xogheyn)
4 – G/Dhexe Maxamuud Axmed Maxamed (Cawil) (Xubin)
5 – X/LE Ciise Axmed Cali (Xubin)
6 – Cabdi Jaamac Cabdulle (Xubin)
7 – Cabdirisaq Khaliif Aadan (Xubin)

11-kii bishan ayaa meydka Sheekh Cali Dheere oo laga afduubtay koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaa laga helay deegaan u dhow magaalada Galdogob ee gobolka Mudug, wixii intaas ka dambeeyana waxaa gobolka Mudug ka socda baaritaanka dadkii ka dambeeyey dilka marxuumkan oo ka shaqeyn jiray arrimaha samafalka.

Sidoo kale maalmihii la soo dhaafay waxaa Gaalkacyo ka dhacay banaanbaxyo lagu dalbanayey in cadaaladda la hor keeno ragii afduubtay ee dilay Sheekh Cali Dheere oo ahaa maamulihii guud ee Jaamacadda Iamaamu Nabawi ee gobolka Mudug, sidoo kalena aad u caawin jiray dadka danyarta ah.

Xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in muddo dheer Sheekha la dilay ay daba joogeen laanta dembi barista booliska gobolka Mudug ee CID-da iyo guddiga amniga gobolka Mudug oo Sheekha xiray dhowr jeer, kadib markii ay uga shakiyeen inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab.

Markii u dambeysay waxaa la sheegay in la xiray bishii hore ee Abriil, iyadoo su’aalo lagu waydiiyey xerada ciidamada kumaandooska Danab ee koonfurta magalaada Gaalkacyo, balse maalmo uu xirnaa kadib waa la siidaayey, waxaana intii u dhaxeysay 10-kii ilaa 11-kii bishan laga afduubtay gurigiisa, iyadoo maalin kadib meydkiisa la soo dhigay deegaan u dhaw magaalada Galdogob.

Waxaa dilka Sheekha lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey askari ka tirsan booliska dowladda federaalka oo lagu magacabo Cabdixakiin Cabdisalaan Aadan.

Cabdixakiin ayaa dhawaan waxaa laga soo wareejiyey saldhigga Booliska Galdogob, wuxuuna ka tirsanaa Ciidamada Booliska Federaalka ah, waxayna xogta sheegeysaa inuu kamid ahaa askar ka tirsanaa Saldhigga Booliska Gaalkacyo oo loo xil saaray baaritaan lagu hayey Sheekha la dilay, isagoo si gaar ah u ahaa askarigii xabsiga kasoo saari jiray marka la wareysanayo Sheekha.

Maalmo ka hor dilka Sheekha, ayuu Cabdisalaan ka goostay Saldhigga Booliska ee Gaalkacyo kadib markii ay meel xun gaartay xiisad ka dhalatay dil loo geystay nin ay qaraabo yihiin, wuxuuna 10-kii Bishii May soo wacay Sheekha dilka loo geystay oo kasoo jeedo Beesha dishay ninka ay qaraabada yihiin Cabdisalaan, isagoo u sheegay inuu ka socdo saldhigga loona soo dhiibay taleefoono horey looga qaaday Sheekha.

Markii uu Sheekha usoo baxay banaanka gurigiisa ayaa waxaa gaari ku gaxeystay Cabdisalaan iyo 2 askari kale oo watay baabuur gaar ah, waxaana saacado kadib ku dileyn meel u dhow Galdogob oo markii hore laga soo badalay Cabdisalaan. Booliska Soomaaliya ayaa billaabay baadi goobka eedeysane Cabdisalaan oo la sheegay inuu baxsad ka yahay gacanta Booliska kaasoo loo heysto dilka Sheekh Cali Dheere. Eedeysanahaan ayaa la rumeysan yahay inuu u gudbay deegaanada Soomaali Galbeed, waxayna Booliska codsadeen in lagu soo war geliyo haddii la arko eedeysanahaan.

Taliska booliska oo amray in xuquuqdooda loo dalbo saraakiil sare + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa taliyeyaal cusub u magacaabay Saldhiga Booliska magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug iyo Saldhiga Booliska degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Taliska.

Wareegtada Taliska ayaa waxa xilka taliyaha booliska magaalada Dhuusamareeb loogu magacaabay Gaashaanle Maxamed Xasan Warsame, halka Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayadana loo magacaabay Dhame Nuur Cilmi Maxamed.

Waxa uu taliska faray in loo dalbo taliyeyaasha cusub xuquuqdooda, sida lagu sheegay wareegtada uu ku saxiixan yahay Xijaar.

Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sidoo kale waxa uu taliye ku-xigeenka qeybta guud ee Booliska gobolka Mudug u Magacaabay Gaashaanle Maxamed Mire Maxamuud, kaas oo hore u ahaa Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb.

Xijaar ayaa faray Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Mudug in sida ugu dhaqsaha badan uu u howl-geliyo saraakiisha cusub ee xilalka kor ku xusan loo magacaabay.

Sidoo kale waxa uu Jeneraal Xijaar faray Taliyaha qeybta guud in taliyeyaasha cusub loo soo dalbo xuquuqda ay leeyihiin, isagoona si gaar ah hogaanka maaliyada iyo hogaanka Saadka ugu amray in ka gutaan waajibaadkooda ku aadan.

Hoos ka eeg wareegtada Xijaar

 

Khilaafka DF Soomaaliya iyo HirShabelle oo xoogeystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiga arrimaha fatahaada ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa soo saaray jawaab faahfaahsan oo daba joogta eedeymihii uu u jeediyey wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka, kadib markii ay dhawaan wasaaraddu ka dalbatay inay tusaalooyin ka bixiyaan eedeyn la xariirtay mashaariic looga hor-tegi lahaa fatahaadda uu geysto wabiga Shabeelle.

“Gudiga arrimaha fatahaada ee dowlad goboleedka Hirshabelle markii uu arkay war-Saxaafadeedkii tirsigiisu ahaa MOF/MD/35/2021 ee kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya una muuqday mid isdifaacid ah. Waxaa muhiim noqotay in guddiga xog sax ah oo dhameestiray lawadaago bulshada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay guddigan HirShabeelle u qaabilsan ka hor tagga fatahaadaha.

Guddigan ayaa qoraalkiisa ku xusay lix qodob oo faahfaahin looga bixiyey marxaladihii uu soo maray mashruucaan muranka ka dhex abuuray HirShabeelle iyo wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka, waxaana lagu yiri lixda qodob ee guddiga:

1 – Bangiga adduunka waxa uu ansixiyay mashruuca kasoo kabashada masiibooyinka (Somalia Crises Recovery Project) taariikhdu markii ay aheyd 15-kii May 2020.

2 – Heshiis is-afgarad ah (MoU) ayaa waxaa kala saxiixday Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo Dowladda Hirshabeelle taariikhdu markii ahayd 19-kii Augusto 2020 oo kasoo wareegtay 9 bilood, Waxaa hubaal ah haddii masuuliyad la iska saari lahaa in lagu fulin-karay mashruucan mudo kooban dhibaatadaana kuma dhacdeen umadda Hirshabeelle.

3 – Janaayo 2021 ayaa dowladda Hirshabeelle waxa ay digniin ku aadan fatahaado laga baqayay iyo muhiimada fududeynta mashruuca ka hortaga fatahaadaha u gudbisay Xafiiska Raisul Wasaaraha, iyadoo Raisul Wasaarahu u yeeray Wasiirka Maaliyadda si loo fududeeyo howlaha looga hortagayo fatahaadaha wabiga Shabeelle, nasiib darro howlahan waxa cusleeyay Wasaaradda Maaliyadda iyo howl-wadeenada loo xilsaaray mashruucan (SCRP-PIU).

4 – Waxaa la ansixiyay qandaraaskii ugu horeeyay ee ka hortaga fatahaada wabiga Shabeelle isbuucii kowaad ee May 2021. Xiligaas oo aan suuro gal ahayn in wax laga qabto wabiga oo waxaa biloowday roobabkii iyo fatahaadaha.

5 – Waxaa dhacay waxyaabihii ay ka digeeysay Dowladda HirShabelle, iyadoo weli aysan bilaaban wax howl ah oo looga hortagaayo fatahaadaha la xiriirana mashruuca kasoo kabashada masiibooyinka (SCRP).

6 – Dowladda HirShabelle wax ay aaminsantahay waxa sababay dhibaatada in ay tahay dib u dhaca iyo howl-wadeenada mashruuca oo aan fakir ka haysan deegaanka.

Ugu danbeentii war-saxaafadeedka guddigan HirShabeelle u qaabilsan ka hor tagga fatahaadaha ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Dowladda Hirshabelle waxa ay marwalba u taagantahay wadashaqeeyn iyo u adeegidda ummadda.”

Kenya oo cadaadis xooggan wajaheysa, kadib xayiraadii duulimaadyada Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa wajaheysa cadaadis xooggan oo uga imaanayaa go’aankii ay hore ugu joojisay duulimaadyadii Soomaaliya, xili dhawaan dib loo soo celiyay xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dal.

Sida uu qoray wargeyska Daily Nation, Ganacsatada beeraleyda Jaadka ee Kenya ayaa dowladda Kenya ku cadaadineysa in si buuxda dib loogu soo celiyo xiriirkii siyaasadeed ee labada dal, si dib ugu bilaabaan dhoofinta Jaadka.

Kimahi Munjuri, Guddoomiyaha ururka ganacsatada Jaadka ee Nyambene oo la hadlay wargeyska ayaa sheegay in dowladooda ay ku deg-degtay inay xayiraad kusoo rogto duulimaadyadii u kala gooshi jirey Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo ay culeys ku saareyso dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid “ra’yi qaldan ah”, islamarkaana aan laga fiirsan oo sii kala fogeynaya labada dowladooda, oo dhawaan ay dowladda Qatar dib usoo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed.

Ganacsatada Jaadka ee Kenya ayaa maalin kasta usoo diri jiray Soomaaliya Jaad faro-badan iyagoo ka sameyn jirey dhakhli aad u badan, si ay noloshooda ugu maareeyaan, waxayna xiliga wajahayaan dhaqaalo xumo baahsan.

Tan iyo markii dib loo soo celiyay xiriirka labada dal ayaa waxay dowladda federaalka Soomaaliya ay shaacisay inaysan weli fasaxin dhoofinta Jaadka, taasi oo markale mad-madow gelinaysa xiriirka ay Qatar ku bixisay dadaalka badan.

Kenya oo ka carootay go’aanka dowladda federaalka ayaa gebi ahaanba xayiraad kusoo rogtay duulimaadyadii iskaga kala gooshi jirey labada dal, waxayna dowladda federaalka ka fikireysa tallaabo adag oo ay kaga jawaabto go’aankaas.

XAMAS oo duqeysay laba magaalo oo ka mid ah Israel iyo wararkii ugu dambeeyey

Gaza (Caasimadda Online) – Ururka Xamas ayaa gantaallo ku garaacay laba magaalo oo ka mid ah dhulka ay Yahuudda xoogga ku haystaan, halka ciidamada Yahuuda ay Maanta mar kale duqeyn xoog leh oo dhanka cirka iyo dhulka ah la beegsadeen qeybo kala duwan oo ka tirsan Magaalada Gaza.

Duqeymaha Israa’iil ayaa lagu bartilmaameedsaday guryo ay dagan yihiin dad rayid ah, Xarumaha Amniga, iyo Xarumaha Dowladda ee Marinka Gaza, sidoo kalana duqeymaha ayaa si ula kac ah waxaa loogu burburiyey tiro kamid ah waddooyinka waaweynka iyo Isgoysyada taasoo sababtay burburka qeybo badan oo kamid ah kaabayaasha dhaqaalaha ee Magaalada Gaza.

Xamas ayaa dhankeeda Gantaalo culus la beegsatay magaalooyinka israel ee kala ah Ashkelon iyo Beersheba, waxayna saraakiisha Caafimaadka Israel xaqiijiyeen dhaawaca 13 qof oo Israa’iilyiin ah inkastoo aysan jirin illo madax banaan oo xaqiijiyey khasaaraha ka dhashay.

Intii ciidamada Israa’iil ay wadeen waxa ay ugu yeereen wajiga cusub ee dagaalka ay ku hayaan Gaza, warbaahinta Israel ayaa ku warantay in Ra’isul wasaare Benjamin Netanyahu uu ka qeybgalayo xaflad la sheegay in loogu dabaaldagayo natiijada guusha ah ee laga gaaray duqeyntii cirka aheyd ee diyaaradaha dagaalka Israel ku bilaabeen todobaad ka hor marinka Gaza, balse waxaa hadda lagu soo waramayaa in Netanyahu uu xafladdaasi ka baaqday.

Sababta la xariirto Netanyahu ka baaqashadiisa dabaaldagii ku aadanaa in suuq geyn loo sameeyo ka guuleesashada iska caabintii Gaza kaga imaaneysay  si uu ahdaaftii guusha dagaalka u gaaro waxaa lagu sheegay inay tahay ilo ku dhow oo la helay oo sheegayaan in natiijada loo arkay mid iska dhex dhexaad ah oo aan micno badan sameyn laheyn haddii uu ka qayb gali lahaa dabaaldagaas. Sidoo kalena waxaa la ogaaday in guusha Isra’iil sheegatay aysan wax weyn ahayn.

Sidoo kale, Ciidanka Israel ayaa sheegay in kadib saqdii dhexe ee Xalay ay fuliyeen wajigii seddexaad ee dagaalkooda sideeda maalin ee sida joogta ah uga socday marinka Gaza, waxayna howlgalkaan ugu magac dareen “Howlgallada Darbiyada.”

Ciidamada sida xoog ah ku heysto dhulalka reer Falastiin ayaa sidoo kale bayaan ay soo saareyn ku sheegay in weerarada laga beegsaday goobaha ay ku sugan tahay Xamaas, waxayna sheegeyn in Maanta muddo 20 daqiiqo ah duqeyn laga beegsaday 35 bartilmaameed .

Israel ayaa sheegtay in 54 dagaalyahan oo ka tirsan iska caabinta Falastiin ay kusoo rideen qiyaastii 110 Galtaal meel 15km u jirto Marinka Gaza.

Wasaaradda Caafimaada Gaza ayaa tirada dhimashada tan iyo markii ay duqeymaha billowdeen ku sheegtay 201 qof, oo ay ku jiraan 58 caruur ah iyo 34 haween ah. Mas’uuliyiinta Israel ayaa iyagana sheegay in 10 qof oo ay ku jiraan laba caruur ah lagu dilay gantaallada Xamas.

ABIY oo digniin u diray dalal uu ku eedeeyay faro-gelin

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa soo saaray digniin ka dhan ah dalal uu sheegay inay faro-gelin ku hayaan arrimaha dalkiisa, sida ay baahisay wakaalada wararka dowladda ee ENA.

Abiy ayaa sheegay inuusan ogolaan doonin in dibu dhacyada doorashada guud ku yimid loo isticmaalo ajandayaal kale, oo uu sheegay inay dabada ka riixayaan dalal awood badan oo uusan carabaabin.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in go’aanka doorashada Itoobiya ay gaarayaan un dadka Itoobiyaanka ah, islamarkaana iyagu ay ka arrinsanayaan masiirkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ka digay ajnabiga faraha kula jira arrimaha gudaha dalkiisa, isagoona ku eedeeyey dalal awood badan oo aannu carab dhabin ay dalkiisa ka wadaan olole lid ku ah danahoodda oo xoogan.

Abiy marnaba ma shaacin dalalka faro-gelinta ku haya ee uu digniinta u diray, kuwaasi oo u badan hey’addo iyo dalal dhaqaalahooddu xoogan yahay, oo xukuumaddiisa cadaadis ku saaraya qabashada doorashada oo markale dib u dhac ku yimid.

“Itoobiya u wiiqmi-meyso turun turooyinka laga soo maleegayo dalalka dibadda,” ayuu yiri ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

Hadalka Abiy ayaa imanay xili uu Sabtidii toddobaadkan Madaxa guddiga doorashada Ethiopia uu shaaciyey in aysan macquul ahayn in la qabto doorashada baarlamaanka ee qorshuhu ahaa in ay dhacdo 5-ta June, iyadoo aan la sheegin waqtiga cusub ee doorashada la qaban doono.

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa kolkii uu talada qabtay saddex sano ka hor waxa uu ballan qaaday in uu dalka ka saarayo hannaankii xukun ku dheganaanta ahaa, islamarkaana uu qaban doono doorashadii ugu dimoqraadiyadda badnayd ee abid soo marta dalkaasi, midaasi oo xiligan muuqan.

Doorashooyinka ayaa markii hore qorsheysnaa bishii August ee sanadkii hore, waxaana dib loogu dhigay sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee coronavirus, iyadoo dhibaatooyin ay soo kordheen tan iyo waqtigaas oo ay ka mid tahay dagaalka gobolka waqooyi ee Tigray.

“Codbixintu ma dhaceyso 5-ta June. Ma sheegi karno taariikhda maaddaama guddiga ay tahay in ay darsaan talooyinka ay ka helaan xisbiyada,” ayay tiri haweeneyda hoggaamisa guddiga doorashada Birtukan Mideksa oo ka gaabsatay shaacinta xiliga cusub ee ay qabsoomayaan doorashooyinkaas.

Tan iyo markii ay soo baxday dib u dhaca doorashada Itoobiya waxaa isasoo taraya guuxa dalalka beesha caalamka oo u arka Abiy Ahmed mid ka leexday dhabihii dimoqraadiyadeed ee uu hore u ballan-qaaday, waana mida keentay in maanta uu gaashanka u daruuro ra’iisal wasaaruhu.

Madaxweynayaashii hore iyo xildhibaano shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho + Video

Muqdisho (Caasimadad Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweyne Sheekh Shariif.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxaana looga wada-hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Madaxda shirka ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharixiinta ayaa waxay kulankooda diirada ku saareen wada-hadalada la filayo inay dhawaan ka furmaan magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka ag-dhow.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay sidii Ra’iisal wasaare Rooble loogu gacan siin lahaa dar-dar gelinta howlaha doorashooyinka ee loo xil-saaray, xili qaar kamid ah musharaxiinta mucaaridka ay walaac ka muujinayaan.

Qaar ka mid ah Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa hore walaac uga muujiyey dhex-dhexaadnimada ra’iisal wasaare Rooble, inkasta oo qoraalkaas aysan isku wada raacin dhammaan musharaxiinta

“Goluhu wuxuu aad uga walaacsan yahay in ra’iisul wasaare uu u muuqdo inuu hoggaansamay cadaadis dibedda ah, taasi oo ku hoggaamisay inuu ka leexdo mowqifkii dhex-dhexaadnimo,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu kala jabay oo kusoo baxay magaca Golaha Musharaxiinta.

“Goluhu wuxuu ra’iisul wasaare Rooble ku boorinayaa inuu muujiyo dhex-dhexaadnimo, islamarkaana joojiyo safarrada dibedda ah ee aan lagama maarmaanka aheyn, ahna waqti lumiska, deg degna u billaabay shaqo ku wajahan hanaan doorasho oo daah-furan ayna isku raaci karaan, wadana aqbali karaan shacabka Soomaaliya,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalkaas.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa kal hore kalsooni u muujiyey ra’iisal wasaare Rooble, ayada oo xubnaha ugu sareeya ee Golaha ay ku adkeysanayaan in weli fursad la siiyo Rooble, xili ay maalmo kooban ka harsan-yihiin furitaanka shirkii uu isugu yeeray maamulada dalka iyo gobolka Benaadir.



Sacuudiga oo dadkiisa ka mamnuucay inay u safraan Soomaaliya + Sababta

0

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa markale dib usoo cusbooneysiisay go’aan dalal ay ku jirto Soomaaliya uga mamnuucday inay u safraan muwaadiniinteeda, si loo xakameeyo faafista cudurka saf-marka ah ee Covid-19.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in muwaadiniintooda aysan u socdaali karin illaa 13 wadan oo ay ku jirto Somalia.

Wadamada uu saameynayo go’aankan ayaa kala ah:- Soomaaliya, Siiriya, Libya, lubnaan, Turkiga, Yemen, Iiraan, Belarus, Armenia, Hidniya, Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo iyo Afghanistan.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in xittaa muwaadiniinta Sacuudiyaanka ah aysan  13-kaasi wadan ogolaansho la’aan ku tegi karin duulimad toos ah iyo mid aan toos aheyn.

Horay dowladda Sacuudiga ayaa Bishii Febaraayo ee sanadkan 2021-ka usoo rogtay go’aan lagu karantiilayo muwaadiniinta ka imaanaya 20 dal oo ay ku jirto Soomaaliya.

Si kastaba weli dowladaha caalamka ayaa la tacaalaya xakameynta cudurka safmarka ah ee Coronavirus oo mar labaad kusoo laba kacleeyey dalal badan oo ku yaalla caalamka.

Maxay isku hayaan Rooble iyo qaar ka mid ah golaha Midowga Musharaxiinta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka midowga musharraxiinta mucaaradka Ridwaan Xirsi Maxamed oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka, gaar ahaan arrimaha ay isku hayaan iyaga iyo ra’iisul wasaaraha xilka siihaya ee Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Qaar ka mid ah musharaxiinta ayaa shalay soo saaray qoraal aan la isku wada raacin oo ay ku dhaliileen Rooble, waxaana uu Ridwaan sharraxaad ka bixiyey dhaliilaha xoogan ee ay u jeediyeen xukuumaddda ee ku aadan qabsoomida shirka wada-hadallada doorashooyinka ee dhacaya 20-ka bishan.

Afhayeenka musharraxiinta ayaa ku eedeeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka caga-jiidayo isu keenida madaxdii saxiixday heshiiskii 17-kii September oo la doonayo inuu saldhig u noqdo dadaallada socda iyo arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu aad u hooseeyo abaabulka Rooble ee ku aadan qabsoomida shirka loo ballansan oo ay haatan ka harsan tahay muddo saddex cisho ah.

“Waxa aan dooneynaa in wadahadalka uusan dib uga dhicin 20-ka May, balse waxa aan saluugsanahay dedaalka isu keenidda Madaxda ee Ra’iisul Wasaaraha oo si gaabis ah ku socda, waxa aan aaminsanahay in sidii laga rabay howsha Rooble xagal-daac uu ku socdo, waxa uu labo jeer galay safar iyada oo ay taagan tahay arrinta Doorashada,” ayuu yiri.

Shalay ayey aheyd markii musharraxiinta mucaaradka ay shaaciyeen in ra’iisul wasaaruhu ka leexday dhex-dhexaadnimadii uu waday, maadaama loo xil-saaray doorashooyinka.

SHACABKA Muqdisho oo billaabay hab cajiib ah oo dhaca looga hortegayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sameeyey arrin cajiib ah oo ay uga hortegayaan falalka dhaca ah ee ay xilliyada habeenkii ah ay kooxo hubeysan ka geystaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Dadka deegaanka ee waaxda Horseed oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sameeyey qorshahan oo ay ragga burcadda ah uga hor istaagayaan xaafaddaasi, iyaga oo Salaadda Maqrib, kadib xira dhammaan wadooyinka soo gala waaxdaasi.

Ujeedada loo xiro wadooyinka jidcadayaasha ah ayey shacabku ku sheegeen in laga hor-istaago mootooyinka Bajaajta oo inta badan lagu geysto falalka amni darrada sida dhaca.

Mid ka mid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay TV-ga Shabelle ayaa shaaca ka qaaday in dhowr habeen ay gudaha usoo galeen waaxda Horseed rag hubeysan, isla-markaana ay dhac baahsan u geysteen dadka shacabka ah, isaga oo tilmaamay in falalkaasi oo ahaa kuwa xiriir ah ay wax ka qaban waayeen laamaha ammaanka iyo maamulka degmada.

“Meeshaan waxaa ka dhacday dhowr habeen oo is xig-xiga tuugana ay ka qaraabanayaan in ilmihii ay mobeelada ka qaadanayaan inay guryihii soo galayaan wax naga qabanaayana aysan jirin,” ayuu yiri Oday ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay iyagu bilaabeen inay isku tashadaan, isla-markaana ay iska xireen dhammadaan jidadka soo gala xaafadaasi,.

“Anaga hub ma heysano waxaan door-bidnay inaan iska xirno waddooyinka marka habeenkii noqoto, si aysan noo soo gelin tuugo waxaa timid qoryo bistooladooyin wata oo mootooyin wato xaafadda ayey soo galayaan wax alla waxa ay arkaan way qaadanayaan, ayuu sii raaciyey.

Arrinatan la yaabka leh ayaa timid, ka gadaal markii ay si xoogeysteen falalka dhaca ah ee xilliyada habeenkii ah shacabka loogu geysanayo gudaha magaalada Muqdisho.

Xog: Midowga Musharaxiinta oo aan isku raacin qoraalkii lagu eedeeyey R/W Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa isku khilaafay warqad shalay kusoo baxday magaca golaha oo ku eedeysay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka leexday dhex-dhexaadnimadii, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Warqaddaas ayaa lagu yiri “Goluhu wuxuu aad uga walaacsan yahay in ra’iisul wasaare uu u muuqdo inuu hoggaansamay cadaadis dibedda ah, taasi oo ku hoggaamisay inuu ka leexdo mowqifkii dhex-dhexaadnimo.” 

Wuxuu qoraalka intaas ku daray “Goluhu wuxuu ra’iisul wasaare Rooble ku boorinayaa inuu muujiyo dhex-dhexaadnimo, islamarkaana joojiyo safarrada dibedda ah ee aan lagama maarmaanka aheyn, ahna waqti lumiska, deg degna u billaabay shaqo ku wajahan hanaan doorasho oo daah-furan ayna isku raaci karaan, wadana aqbali karaan shacabka Soomaaliya.” 

Warqadda ayaa waxaa barahooda bulshada ku baahiyey dhowr musharax oo ay ka mid yihiin Cabdulqaadir Cosoble iyo Cabdinuur Sheekh, inkasta oo aysan caddeyn inay ayaga qoreyn iyo in kale, balse waxaa hadda soo baxeysa in xubnaha golaha oo dhan aysan isku waafaqsaneyn warqaddan.

Xubno ku dhow Golaha, ayaa sheegay inaysan ka war-hayn warqaddaas oo ay la yaabeen markii ay ka arkeen warbaahinta.

Sidoo kale, Shadoor Xaaji oo ka tirsan xisbiga Wadajir ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay inaan warqadda loo dhameyn. 

Qof ayaa inuu warqad iska soo qorto isagoo magaca Midowga Musharaxiinta ku hadlaya eedeeyn aan loo meel-dayin iska soo ridaya. Ra’iisul Wasaare Rooble waa in waqti la siiyaa laguna kalsoonaadaa. Waxaan uga mahad-celinayaa Midowga Musharaxiinta sida habsamida leh ay ugu heelan yihiin garab-siinta Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri Shadoor.

Inta badan xubnaha Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inaan la gaarin waqti la eedeeyo ra’iisul wasaare Rooble, ayada oo xitaa aan la gaarin 20-ka May oo ah xilliga loo ballamay shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, waxayna ku baaqeen in waqti la siiyo ra’iisul wasaaraha. 

Ka qeybgal la’aanta Farmaajo ee caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle, ma go’doon siyaasadeed mise Ikhtiyaar?

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sabtidii ka baaqday ka qeybgalka xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, arrintaas oo noqotay hadalheynta bulshada, su’aalana la iska weydiiyey sababta iney noqon karto go’doomin.

Farmaajo sanadkii ugu dambeeyey waxaa uu isku koobay Eritrea iyo Ethiopia taasi oo keentay in Soomaaliya ay noqoto saxiib iyo olog la’aan dunida, gobolka iyo ugu dambeyntii qas gudaha ah.

Farmaajo iyo Gobolka:

Soomaaliya waxaa daris la ah saddexda dal ee kala ah Kenya, Itoobiya iyo Djibouti, labada madaxweyne ee Uhuru Kenyatta iyo Ismaaciil Cumar Geelle ma fiicna xiriirka ay la leeyihiin Farmaajo, isaga oo Nairobi xiriirka u jaray Hiil-walaalka ugaba hiililiey Asmara, una arko Djibouti dal cadow ku ah masaalixda Soomaaliya.

Farmaajo iyo Afrika:

Midowga Afrika hey’adihiisa kala duwan oo ay ku jiraan golaha amniga oo fadhigoodu yahay Adis Ababa, xafiiska midowga  Afrika ee Soomaaliya iyo xataa hawlgalka AMISOM waxay si cad uga hor yimaadeen damaca Farmaajo ee muddo kordhinta, iyada oo ergay gaar u magacaabay Soomaaliya si loo helo wada hadal saamileyda ah, loona qabto doorasho degdeg ah.

Farmaajo iyo Beesha Caalamka:

Marka laga soo tago inuu Farmaajo ku hungoobey iskudey kasta oo uu galaangal ugu sameyn lahaa gudaha Mareykanka, kuna booqan lahaa dalkaasi. Farmaajo markii uu labo sano ku darsaday, waxaa ay isku dhaceen diblomaasiyiinta shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya, taas oo keentay labo tillaabo iney qaadaan reer galbeedka gaar ahaan dalalka biila maamulkiisa, bixiyana kabka miisaaniyadda 60%.

(1). In laga goosto kabkii la siin jiray (2). In loogu hanjabo cunaqabateyn. Arrimahan oo ka dhigay inuu la kulmay go’aamin ka dhan reer galbeedka ah.

Farmaajo iyo Maamullada Soomaaliya:

Soomaaliya waxaa ka dhisan lix maamul marka lagu daro Somaliland, waxaa xusid mudan in saddex ka mid ah maamulladaasi kana taliya dhulka ugu weyn Soomaaliya aaney Farmaajo salaanta iska qaadin, taasi oo ku tuseysa siyaasadiisa arrimaha gudaha heerka ay joogto.

Farmaajo iyo Baarlamaanka:

Hey’adaha dowladda gaar ahaan baarlamaanka federaalka waa uu kala jabay sababtana waxaa lahaa Farmaajo, aqalka sare oo ka mid ah baarlamaanka wax xiriir lama laha halka golaha shacabka uu ka dhigay meel uu ka sameysto sida uu doono.

Farmaajo iyo Ciidanka:

Burburkii kadib, waxaa markii ugu horeysay la arkay ciidamo ku gadooday madaxweyne, taliyaha booliiska gobolka Banaadir, taliyeyaasha ciidamo ku sugnaa labada shabeelle iyo ciidamo kale gaar ahaa, ilaa Villa Somalia loo jirsaday hal kiilomitir, laguna qasbay inuu ka noqdo muddo kordhinta, ilaa hadda ciidamada lama mideyn.

Farmaajo iyo Musharaxiinta:

Waxaa intaasi dheer, waxaa ka aamin baxay musharaxiintii la tartamayey iyaga oo u arka inuu yahay keligii taliye aan ogoleyn inuu qabto doorasho hufan, oo xor iyo xalaal ah.

Ugu dambeyntii, ka baaqashada Farmaajo ee caleemo-saarka madaxweyne Djibouti waxa ay xiriir la leeyahay go’doomintaas uu kala kulmay dunida, gobolka iyo dunida isaga oo maanta ay kusoo hareen oo keliya la taliyeyashii gaarsiiyey heerkaas.

Xigasho: Goobjoog News

Dagaal saacado qaatay oo LAMU ku dhex maray Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhiga ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Kenay oo ku yaala deegaanka May-gaay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Weerarka kadib, waxaa bilowday iska hor-imaad dhex-maray ciidamada Kenya iyo dagaal-yahanada weerarka kusoo qaaday ee Al-Shabaab, kaasi oo qaatay in kabadan labo saac, sida ay dad deegaanka ah u sheegen Caasimada Online.

Dagaalka ayaa argagax hor leh ku abuuray dadka ku nool aaga deegaankaas, ayada oo hubka labada dhinac isku adeegsanayeen ay qaarkood ku dhaceen xaafadaha deegaanka May-gaay ee gobolka Lamu.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, marka laga imaado khasaaraha bulshada deegaanka kasoo gaaray dagaalkaas oo markii hore ku bilowday weerar ay Saldhiga kusoo qaadeen dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Taliska ciidamada Kenya ee gobolka Lamu iyo kooxda Al-Shabaab ayaa weli wax faah-faahin ah kasoo saarin dagaalkaas oo saacado qaatay, waxaana lasoo warinaya inuu jiro khasaare labada dhinac.

Weerarka ayaa kusoo aadaya maalin ka hor un weerar noocan ah oo xili habeen ah ku qaadeen dagaal-yahano Shabaab ah Saldhiga ciidamada Kenya ee gobolka Wajeer.