27.3 C
Mogadishu
Monday, July 13, 2026

Dagaal saacado qaatay oo LAMU ku dhex maray Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhiga ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Kenay oo ku yaala deegaanka May-gaay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Weerarka kadib, waxaa bilowday iska hor-imaad dhex-maray ciidamada Kenya iyo dagaal-yahanada weerarka kusoo qaaday ee Al-Shabaab, kaasi oo qaatay in kabadan labo saac, sida ay dad deegaanka ah u sheegen Caasimada Online.

Dagaalka ayaa argagax hor leh ku abuuray dadka ku nool aaga deegaankaas, ayada oo hubka labada dhinac isku adeegsanayeen ay qaarkood ku dhaceen xaafadaha deegaanka May-gaay ee gobolka Lamu.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, marka laga imaado khasaaraha bulshada deegaanka kasoo gaaray dagaalkaas oo markii hore ku bilowday weerar ay Saldhiga kusoo qaadeen dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Taliska ciidamada Kenya ee gobolka Lamu iyo kooxda Al-Shabaab ayaa weli wax faah-faahin ah kasoo saarin dagaalkaas oo saacado qaatay, waxaana lasoo warinaya inuu jiro khasaare labada dhinac.

Weerarka ayaa kusoo aadaya maalin ka hor un weerar noocan ah oo xili habeen ah ku qaadeen dagaal-yahano Shabaab ah Saldhiga ciidamada Kenya ee gobolka Wajeer.

Wariye Axmed Xuseen oo ku geeriyooday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Axmed Xuseen Cadow oo ka mid ahaa wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howl-galka caasimada, waxaana geeridiisa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa.

Marxuumka ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku xanuunsanaa gudaha magaalada Muqdisho, waxaana la dhigay isbitaalka Yardameli ,kadib wadno xanuun kusoo booday.

Geerida naxtinta leh ee ku timid marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyeeyey bahda saxaafadda oo tacsi tiraanyo leh u diray ehellada iyo qaraabada Ex-Wariye Axmed Xuseen Cadow.

Sidoo kale waxaa geerida ku timid wariyaha ka hadlay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, isaga oo bahda saxaafadda iyo ehellada marxuumka u tacsiyeeyey.

Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale marxuumka Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Fardowso.

Marxuum Axmed ayaa ifka uga tegay Xaas iyo saddex Carrruur ah, wuxuuna hadda ka tirsanaa shaqaalaha Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo soo saaray afar qodob (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo saaray qoraal uu ku shaaciyey goorta ay dib u bilaabanayaan dacwadaha aan ciqaabta ahayn oo ay qaadi jireen maxkamadaha dalka, kuwaas oo kol hore loo hakiyey Coronavirus dartiis.

16-ka May ayuu amray guddoomiye Baashe in dib loo furo dacwadaha aan ciqaabta aheyn, sidoo kale rafcaanadda wakhtigoodu dhacay intii ay dacwaduhu hakadka ku jireen ayuu amray in loo ogolaado wakhti ay dib ugu furan karaan rafcaanadda wakhtigoodu dhacay.

“Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS, isaga oo tixgalinaya baahida loo qabo in dib loo bilaabo dacwadaha aan ciqaabta ahayn ee muddada hakadka ku jiray xanuunka Covid-19 dartiis, bulshaduna u hesho adeegyadda cadaaladeed ee ay u baahntahay. Waxa uu soo saaray go’aanadan.”

1 – Laga bilaabo 16/05/2021 waxaa dib loo furay dhammaan dacwadaha aan ciqaabta ahayn ee muddada hakadka ku jiray xanuunka Covid-19 dartiis.

2 – Waxaa la farayaa garsooreyaasha iyo shaqaalaha kale ee Garsoorka inay si buuxda shaqadooda ugu soo laabtaan, una bilaabaan mudeynta iyo gar-maqaladda dacwadaha aan ciqaabta ahayn laga bilaabo maalinta Axadda ah ee 16/05/2021.

3 – Dhammaan rafcaanada wakhtigoodu dhacay muddadii ay dacwaduhu hakadka ku jireen waa in loo ogolaado wakhti ay dib ugu furan karaan rafcaanadda wakhtigoodu dhacay.

4 – Si loo dhawro badqabka bahda Garsoorka iyo bulshada loo adeegayo, loogana taxadaro faafida xanuunka Covid-19, waa in loo hogaansamo awaamiirta Wasaaradda Caafimaadka XFS, lana qaado talaabooyinka lagama maarmaanka u ah ka hortaga faafitaanka xanuunka.

Daawo: Muuse Suudi oo sheegay cidda loo haysto askarigii badbaado qaran ee Muqdisho lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ka hadlay dil si arxan darro ah magaalada Muqdisho loogu geystay askari ka tirsanaa ciidankii Badbaado Qaran ee ka hor tagay mudo kororsigii Farmaajo iyo gabar Weriye ah oo maanta ay jir dileen Taliyaha saldhigga booliska ee degmada Xamarweyne iyo askar uu watay.

Senatorka oo fariin u diray ra’iisul wasaare Rooble ayaa ka dalbaday inuu jawaab deg deg ah ka bixiyo labadaas dhacdo ee mid lagu dilay askariga, midna lagu jir dilay Weriyaha.

“Waxan leeyahay ra’iisul wasaareheena, amniyaad balan qaaday, nin askari ah ayaa la dilay oo qashin-qub la dhex dhigay, markii aad amniga balan qaaday kadib, gabar Weriye ah ayuu gacanta ula tegay taliyaha saldhigga Xamarweyne oo qalabkii ka jejebiyey, labadaas dembi ra’iisul wasaare adigaa laguu heystaa,” ayuu yiri Xaaji Muuse Suudi.

Waxa uu sheegay in hadii uu Rooble tallaabo ka qaado ragii geystay labadaas dembi ee dilka iyo jir dilka kala ah uu noqonayo in ka soo baxay balantii uu ka qaaday shacabka, laakiin hadii uu wax ka qaban waayo uu noqonayo nin gadaashiisa uu Farmaajo wax uga dheelaayo.

Sidoo kale Sanetorka ayaa xasuusiyey ra’iisul wasaaraha in dhamaan dadka Soomaliyeed ay wada adeeceen markii uu balan qaadyada u  sameeyey.

“Waxaa soo haray xoolahaan loogu deeqaayo ciidanka Badbaado Qaran istaagi maayaan, ra’iisul wasaare ciidankii magaalada waan ka saarnay, jidadka waan furnay, howsha waan kaaga dambeynaa, laakiin Farmaajo oo meesha aan ka bixin Geellu joogsa maayo, Iduhu joogsan maayaan, lana seexan maayo,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Askariga la dilay ayaa la sheegay inuu qeyb ka qaatay dadaalladii looga hor tegayey mudo kororsigii fashilmay ee Farmaajo, waxaana shalay meydkiisa laga helay goob qashin-qub ah oo u dhaw dugsiga tababarrada booliska Soomaaliya ee Jeneraal Kaahiye.

Sidoo kale askar uu watay Taliyaha saldhigga booliska ee degmada Xamarweyne ayaa maanta Talada Xaawo-taako ee afaafka hore ee madaxtooyada ku jir dishay Weriye Fardowso Maxamuud Sahal oo ka tirsan shaqaalaha Radio Kulmiye, xilli ay ku howlaneed tebinta dibadbaxyo ay dhigayeen waalidiinta askartii la waayey ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Weriye Fardowso ayaa sheegay inay dhaawacyo ka soo gaareen gacanta iyo sinta, kadib markii ay laamiga ku garaaceen askartii uu watay taliyaha saldhigga Xamarweyne, sidoo kale Taliyaha ayey sheegtay inuu gacantiisa uga qaaday talefoonkeedii iyo qalabkii ay ku howlgaleysay ee warbaahinta.

Senator Muuse Suudi ayaa amarka falalkaas ku eedeeyey inuu bixiyey madaxweyne Farmaajo, isagoo ra’iisul wasaare Rooble ka dalbaday inuu ka hor tago aar gudasha uu Farmaajo ka wado gadaashiisa.

Hoos ka Daawo

DF oo dalka ka mamnuucday shirkad diyaaradeed Kenyan ah oo ka degtay Hargeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shirkad ka diiwaan-gashan Kenya ka mamnuucday inay mar dambe ka howlgasho dalka kadib markii ay Hargeysa ka dejisay qalab loogu talo-galay doorashooyinka Somaliland oo ay ka qaaday Nairobi.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkadda oo lagu magacaabo Astral Aviation la mamnuucay kadib markii ay ku xadgudubtay hawada Soomaaliya, oo ay Hargeysa tagtay ayada oo aan ogolaansho haysan.

Dowladda Kenya ayaa 14-kii May u fasaxday laba diyaaradood inay dalkeeda ka baxaan oo ay qalab electronic ah geeyaan Somaliland, inkasta oo ay mamnuucday duulimaadyada dalkeeda ka aadaya iyo kuwa uga imanaya Soomaaliya.

Diyaaradahan oo lagu fasaxay amar Khamiistii kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, oo tirsigiisu yahay MFA/PRO.91/002 (052), ayaa lagu sheegay in laba diyaarad oo ay maamusho shirkadda Astral Aviation loo ogolaaday inay qalab ka qaadaan garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi, inta u dhaxeysa May 13 illaa 15.

Labada diyaarad ayaa noocoodu yahay MacDonnell Douglas DCC-9F iyo Boeing B727-727F, waxayna ka diiwaan-gashan yihiin Kenya.

Kenya ayaa toddobaadkii tegay joojisay dhammaan duulimaadyadii Soomaaliya, marka laga reebo kuwa caafimaad iyo gargaarka bani’aadannimo ayada oo la rumeysan yahay inay kaga jawaabeyso qaadka Kenya oo ay Soomaaliya mamnuucday.

Rooble oo loogu baaqay inuu 5 arrin ogaado ka hor inta uusan tagin shirka May 20

Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah musharaxiinta mucaaradka ah ayaa soo saaray qoraal uu talooyin shan qodob ah ugu soo jeediyey ra’iisul wasaare Rooble, kuwaas oo uu sheegay inay lama huraan tahay inuu wax ka bedelo marka la gaaro 20-ka bishan oo loo balan san yahay shir xal looga gaarayo khilaafka doorashada Soomaaliya.

“Waxay ila tahay in ay muhiim tahay in Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu shan arrimood ogaado kahor inta uusan tagin shirka 20ka May,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Daahir Geelle.

Shanta qodob ee Daahir Geelle uu kula taliyey Rooble ayaa kala ah:

1- In uu ogaado in aan laga aqbali doonin wixii Farmaajo laga diiday.

2- In uu ogaado in heshiiski 17ka September uu kaliya aasaas yahay, balse ay tahay in laga heshiiyo waxa la isku haayo oo dhan.

3- In uu ogaado in taageerada uu ka haysto mucaaradka, ciidamada, beesha caalamka iyo guud ahaan bulshada ay tahay mid shardiyaysan oo uu ku kasbaday in uu ka leexaday waddadii hore loogu lumay.

4- In uu ogaado in arrinta aan sheegi jirnay ee ahayd in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhammaato uu micnaheedu yahay in ay ku dhamaato miis loo dhan yahay oon lagu kala maqnayn.

5- In uu ogaado in miiska oo saamilayda loo diido, kuwa fadhiyana looga kaco uu yahay habdhaqan hore loogu hungoobay laguna fashilmay.

Ugu danbayntii Daahir Maxamuud Geelle ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Walaalkeey Ra’iisalwasaare Rooble waxaan leeyahay si aad u guulaysatid waa in aad guul-darrooyinkii hore wax ka baratid.”

20-ka bishan May waxaa lagu wadaa inuu Muqdisho ka furmo shir ay khilaafka doorashada uga arrinsanayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, waxuuna mucaaradku Rooble ka dalbanayaa in shirkaas la balaariyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan ra’iisul wasaaraha ku wareejiyey mas’uuliyadda doorashooyinka dalka, kadib markii uu ku guul dareystay inuu kala heshiiyo saamileyda kale, waxaana laga dhur sugayaa sida uu Rooble u maareeyo arrintaas.

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka DF iyo maamullada iyo xubno soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakiilo ka socda dowlad goboleedyada, oo qaban qaabinaya shirka Madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, ayada oo la filayo in shirkaas uu furmo 20-ka bishan May.

Guddiga qaban qaabada shirka la filayo inuu Muqdisho ka furmo ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, waxayna uga wada hadleen qaabka ugu fudud ee uu ku furmi karo shirka.

Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay inuu muqdisho ka socdo qaban qaabada shirka uu iclaamiyey Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“U diyaar garowga Shirka 20 May oo ay kaqayb galayaan dowladda, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa socda, waxaana  Gudiga qaban qaabada ee ka socda  Maamul goboleedyada ay maanta soo gaareen  Magaalada Muqdsiho, waxaana kulankan soo qaban qaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri Macalimuu

Diyaar garowga loogu jiro shirka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa imanaya ayada Golaha Midowga Musharaxiinta ay maanta sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin inuu Rooble ka leexday dhex-dhaxaadnimadii.

“Goluhu wuxuu aad uga walaacsan yahay in ra’iisul wasaare uu u muuqdo inuu hoggaansamay cadaadis dibedda ah, taasi oo ku hoggaamisay inuu ka leexdo mowqifkii dhex-dhexaadnimo,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharaxiinta.

“Goluhu wuxuu ra’iisul wasaare Rooble ku boorinayaa inuu muujiyo dhex-dhexaadnimo, islamarkaana joojiyo safarrada dibedda ah ee aan lagama maarmaanka aheyn, ahna waqti lumiska, deg degna u billaabay shaqo ku wajahan hanaan doorasho oo daah-furan ayna isku raaci karaan, wadana aqbali karaan shacabka Soomaaliya.” 

Midowga Musharaxiinta oo shaaciyey in Rooble uu ka leexday dhex-dhexaadnimadii

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey jawaabahay aan is-waafaqsaneyn ee dowladda federaalka ee ku aadan is-mari waaga hanaanka doorashada, waxayna ku eedeeyeen ra’iisul wasaare Rooble inuu ka leexanayo dhex-dhexaadnimada. 

“Markii hore dowladda waxay codsatay in Midowga Afrika uu soo faro-geliyey qalalaasaha, ayada oo ku doodeyso ‘In xal Afrikan ah loo helo dhibaatooyinka Afrika’ ayada oo ujeedko yahay in laga weecdo shaqada wakiilada beesha caalamka ee Xalane,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Golaha.

“Kadib magacaabistii wakiilka sare ee Midowga Afrika si uu mas’uul uga noqdo hanaanka, dowladda waxay ka laabatay codsigeedii hore ayada oo sheegeysa in Rooble uu bisha May 20-keeda qabanayo kulan la sheegay in lagu xalinayo arrimaha taagan.”

Golaha ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay inuu Rooble ka leexday dhex-dhaxaadnimadii.

“Goluhu wuxuu aad uga walaacsan yahay in ra’iisul wasaare uu u muuqdo inuu hoggaansamay cadaadis dibedda ah, taasi oo ku hoggaamisay inuu ka leexdo mowqifkii dhex-dhexaadnimo,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharaxiinta.

“Goluhu wuxuu ra’iisul wasaare Rooble ku boorinayaa inuu muujiyo dhex-dhexaadnimo, islamarkaana joojiyo safarrada dibedda ah ee aan lagama maarmaanka aheyn, ahna waqti lumiska, deg degna u billaabay shaqo ku wajahan hanaan doorasho oo daah-furan ayna isku raaci karaan, wadana aqbali karaan shacabka Soomaaliya.” 

Eedeynta Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa imaneysa xilli bilowgii horeba la rumeysnaa in Rooble uusan laheyn karti iyo go’aan uu uga madax-banaanaado Farmaajo, waxayna tani abuuri kartaa xiisad cusub, haddii aanu kasoo bixin xeendaabka madaxtooyada.

Ciidamo ka tirsan Haramcad oo sameeyey gadood ka dhan ah DF Soomaaliya + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa sida-gaarka ah u tobabaran ee Haramcad ee ku sugnaa magaalada  Johwar ee caasimada maamulka HirShabeelle ayaa maanta sameeyay gadood.

Ciidamada oo dalbanayey in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho ayaa gebi ahaanba xirtay waddooyin muhiim ah oo ku yaalla magaalada, taasi oo muhiim u ah isku socodkii dadka iyo gaadiidka, ayaga oo mararka qaarna ridayay rasaas goos-goos ah.

Ciidamada ayaa markii hore laga soo qaaday Muqdisho xilligii ay dhaceysay doorashada madaxda maamulka HirShabeelle, waxayna hadda dalbanayeen in caasimada dib loogu celiyo si ehelladooda iyo xaasaskooda uga war–qabaan.

Ciidamada gadoodka sameeynayey ayaa khal-khal amni ka abuuray gudaha magaalada, kuwaasi oo saameyn xoogan ku yeeshay ganacsiga iyo isku-socodka, sida ay qaar kamid ah dadka deegaanka u sheegen Caasimada Online.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada gadoodka sameeyay oo saacado kala xirtay magaalada dib loogu celiyay xeryahooda, kadib markii ay la kulmeen saraakiil sar-sare oo ciidanka.

Lama oga illaa hadda in saraakiisha ay ka aqbaleen dalabka ciidamada gadoodka dhigayay iyo in is-faham kale laga gaaray xiisada, sidaasina ay ugu noqdeen xeryahoodii.

Askari ka tirsanaa ciidanka bad-baado qaran oo si arxan darro ah loogu dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah askartii ciidamada dowladda ee ku biiray ciidanka bad-baado qaran ee kasoo horjeeday muddo kororsiga madaxweynaha ayaa saacadihii lasoo dhaafay meydkiisa laga helay agagaarka Iskuul Buluusiya ee Muqdisho.

Marxuumka oo si arxan darro ah loo dilay ayaa waxaa meydkiisa lasoo dhigay, isaga oo xiran dharka ciidanka god qashin ah oo ku yaalla agagaarka Iskuul Buluusiya.

Qaar ka mid ah ehellada marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Muqtaar (Maxamed Deeqow) ayaa sheegay inay waayeen wiilkooda, kadibna loo soo sheegay in meydkiisa uu yaallo nawaaxiga xerada Generaal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Deeqow ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada nabad sugida, gaar ahaan Unuga Duufaan, waxaana wararka ay sheegayaa in dhawaan looga yeeray taliska hay’adda NISA, si uu dib ugu laabto shaqadiisa, maadaama xal laga gaaray xiisadii ka taagneyd Muqdisho.

Geeridu kala xanuun badan walaalkay aa aduunka ugu jecla mohamed muktar mohamed Mahamed Muqtar ilaahay hakuu naxariisto. Gacan kaa xaqdaran aa ku dishay qabriga ilaahay hakuu waasiciyo kitaabkaaga gacanta midig ilaahay hakaa siiyo, ”ayuu yiri Cabdiraxmaan Muqtaar Maxamed oo ay walaalo yihiin marxuumka.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan falkan dilka ah ee loo geystay marxuum Maxamed Muqtaar Maxamed Deeqow.

Si kastaba dhacdadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo horey ay mucaaradka uga digeen in la beegsado askarta iyo saraakiisha ka horyimid muddo kordhintii labada sano aheyd ee loo sameeyey madaxweyne Farmaajo, taas oo mar dambe uu ka noqday golaha shacabka.

Shacab careysan oo maanta dibad-bax ka dhan ah DF ka dhigay Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta dibad-bax ka dhan ah dowladda oo ay dhigeen boqolaal shacab oo careysan.

Dibad-baxa oo ka dhacay taallada Daljirka Daahsoon ayaa waxaa ka qeyb-galay dhalinyaro iyo waalidiin ka cabanayey caruur ay dowladda u qaaday Ereteriya , si loo soo askareeyo.

Dadka dhigayey dibad-baxa oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ku qeylinayey arayo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka, iyaga oo shaaciyey in caruurta ay la’yihiin nolol & geeri.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen madaxweynaha uu waqtigiisa dhammaaday inuu soo fara-geliyo arrintan, si dalkooda dib loogu soo celiyo caruurtaasi.

Waalidiinta oo wejiyadooda ay muuqaatay murug aad u xoogan ayaa sheegay inay ka waalacsan yihiin xaaladda ay ku sugan yihiin caruurtooda oo muddo fog ka maqan.

Si kastaba cabashada waalidiintan ayaa bilihii u dambeysay isa soo tareysay, kadib markii la sheegay in ciidamo Soomaali ah oo tababar loo geeyey  Ereteriya ay ka qeyb-galeen dagaalladii ka dhacay gudaha dalka Itoobiya, gaar ahaaan gobolka Tigray ee waqooyiga wadankaasi.

Qatar oo war kasoo saartay dagaalka Gaza iyo dadkii ugu badnaa oo maanta dhintay

Gaza (Caasimada Online) – Waxaa weli socda duqeymaha ay Israel ka wado dhulka Gaza, kuwaasi oo ay uga jawaabeyso sida ay sheegtay gantaalaha looga soo ridayo Gaza, waxaana uu dagaalka galay maalintii toddobaad oo xiriir ah.

Duqeymaha cirka Israel ee magaalada Gaza ayaa Axadda maanta ah waxaa ku dhintay 23 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Duqeynta maanta ayaa ahayd tii ugu dhimashada badneyd tan iyo markii uu toddobaadkii hore dagaalkan ka dhex qarxay Israel iyo Xamas.

Subaxnimadii hore ee Axadda, Israel ayaa duqeysay guriga Yehya Al-Sinwar, oo ah Hoggaamiyaha ugu sarreeya Xamas ee Gaza, waxaana uu dagaalku galay maalintii toddobaad oo xiriir ah. Si rasmi ah looma oga in Sinwar uu guriga ku sugnaa iyo in kale. Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa warisay in ay “u badan tahay in isaga iyo madaxda kale ee kooxdu ay dhuumanayaan.” 

Ra’iisal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray inay sii wadayaan duqeymaha, waxaana saaka duqeymaha ay diyaaradaha Israel subaxnimadii saaka ka fuliyeen Gaza ay ku dileen ugu yaraan 3 qof.

Duqeymaha Israel ayaa sidoo kale sababay dhimashada 10 qof oo hal qoys ah, kuwaasi oo ku sugnaa xera qaxooti oo ku taalla Gaza, waxaana qoyskaas dhan ka bad-baaday wiil yar oo magaciisa lagu sheegay Cumar Al-Haadi oo shan bilood jir ah.

Cumar Al-Haadi oo dhaawac uu soo gaaray, ayaa duqeymaha Israel ku waayey Hooyadii, afar walaalihii ah, habaryartii iyo afar ay ilmo adeer yihiin, sida laga soo warinayo dagaalka ka socda Gaza.

Dagaalyahanada Falastiin ayaa 278 gantaal oo ay kasoo gameen Gaza waxay ku dhaceen magaalooyinka Koonfurta Israel ku yaala ee Ashdod, Beersheba iyo Sderot, sida uu sheegay Millateriga Yahuuda.

Gantaalladaasi intooda badan uu ka hortagay habka difaaca gantaallada ee Israel.

Gantaal ku dhacay waddada Ramat Gan oo ku xaafad xaafad ka mid ah Tel-Aviv, waxaa ku dhintay hal nin, xilli uu firirka gantaalka gurigiisa ugu tagay, sidoo kale waxa uu millateriga yuhuuda sheegay in 7 qof oo kale ay kaga dhinteen gantaalahaas, ayada oo la rumeysan yahay inay Yahuudda qarsanayaan jabkooda.

Khasaraha ugu dambeeyey ayaa tirada guud ee shacabka ay Yahuudda xasuuqeen ka dhigeysa 148 qof oo ay ku jiraan ugu yaraan 41 caruur ah. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 580 qof.

Dhinaca kale, dowladda Qatar ayaa si kulul uga hadashay dagaalka Gaza, ayada oo fartay in si deg-deg ah loo soo gaba-gabeeyo arxan-darrada Israel iyo weerarada joogtada ah ee ka dhanka ah shacabka Gaza.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar oo shalay la kulmay madaxda siyaasadda ee Xamas, ayaa waxa uu ku baaqay in Israel ay joojiso duqeymaha ay ka waddo Gaza, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Qatar.

“Bulshada caalamka waa inay deg-deg ugu dhaqaaqda in lasoo geba-gebeeyo arxan-darrada Israel iyo weerarada joogtada ah ee ka dhanka ah shacabka Gaza iyo masjidka Al-Aqsa ee Qudus,” ayuu Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ku yiri bayaan uu soo saaray oo ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee QNA.

Waxa uu sidoo kale u xaqiijiyey hoggaamiyaha Xamas Ismail Haniyeh taagerada Qatar ee “walaalaheeda Falastiin”.

Kulankooda ayaa yimid ayada oo Israel ay maalmo duqeymo ka waddo magaalada Gaza oo ay ku xoogan yihiin Xamas, ayaga oo ka jawaabaya gantaallo ay kooxdan ku weerareyso Israel.

Dowladda Qatar ayaa taageerta kooxda Xamas ayada oo gar-gaar iyo deymo malaayiin dollar ah siisa, sidoo kalena mararka qaar dhex-dhexaadisa ayaga iyo Israel.

Xog: Lacagtii uu qaadi jiray Maamulka Gobalka Banaadir oo istaagtay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay inay istaagtay guud ahaan lacagtii uu qaadi jiray maamulka Gobalka Banaadir ee aheyd canshuurta dowladda Hoose. 

Lacagtaan Canshuurta ah ayaa laga qaadi jiray goobaha Ganacsiga, Guryaha, Bajaajta iyo hantida kale ee ma guurtada ah ee magaalada Muqdisho.. 

Sababta ay u istaagtay qaadista lacagta canshuurta ah ayaa lagu sheegay inay shaqada joojisay shirkada si gaar ah loo leeyahay oo nidaamkeedu (System) heerkiisu sarreeyo ay joojisay wada shaqeyntii gobalka, iyadoo sidoo kale diiday inay bixiso xogtii la keydiyay ee sanadihii la soo dhaafay. 

Shirkadaan oo qaabkeeda shaqada la mid yahay kan wasaaradda maaliyadda canshuurta ku qaado islamarkaana ay aqoonsan yihiin IMF iyo World Bank ayaa weysay lacagto boqolaal kun ah oo ay ku yeelatay dowladda Hoose. 

Nidaamka shirkadda ayaa sheegi jiray canshuurta iyo goorta la bixiyay haddii muran yimaado ama la isku dayo in laga been sheego xogta lacag bixinta. Sidoo kale waxaa ku keydsanaa xogta hanti badan oo ma guurto ah oo ay leedahay dowladda Hoose ee Xamar. 

Xogta ayaa tilmaameysa in aysan dowladda hoose helin shirkad kale oo shaqadaan qabata. Sidoo kale waxay xogtu sheegeysaa in haddii la helo shirkad kale ay adkaan karto qabashada shaqada maadaama aan la kala ogayn cidda lacagta bixisay iyo kuwa aan bixin. 

Saraakiil sare oo ka tirsan xafiiska maaliyadda ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in bilaha soo socda aysan wax lacag ah oo ka mid ah adeegyada iyo mushaharka bixin karin islamarkaana ay bishaan si dhib leh ku bixiyeen. 

Xagee laga keenay hubkii badnaa ee ciidanka Puntland ay maanta gacanta ku dhigeen?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay saacadihii lasoo dhaafay gacanta ku dhigeen hub si qarsoodi ah lagu soo geliyey deegaano ka tirsan maamulkaasi, kadib howl-gallo ay ka sameeyeen gobolka Sanaag.

Hubkan oo doon lagu keenay ayaa laga soo dajiyey xeebta deegaanka Ceelaayo ee gobolkaasi, waxaana ugu dambeyn gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka ee Puntland.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in hubkaasi laga keenay dhinaca dalka ay dagaalladu la dageen ee Yemen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad oo ku aadan hubkaasi, dadka waday iyo sidoo kale cida loo waday.

Booliiska Puntland ayaa haatan la wareegay hubkaasi, iyada oo illaa hadda aan loo soo bandhigin warbaahinta iyo shacabka.

Puntland ayaa horey hub fara badan oo qaarkood loo siday kooxda Al-Shabaab ku qabatay gudaha maamulkaasi, kadib ay howl-gallo ballaaran oo ay sameeyeen ciidanka amniga.

DF Soomaaliya oo codsi u dirtay Golaha Ammaanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle ayaa si adag kaga hadlay weerarada iyo duqeymaha Israel ay ku heyso dhulka Falastiin, isaga oo shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay xun tahay falkaasi.

Sidoo kale Safiir Abuukar Cismaan Baalle ayaa Golaha Ammaanka ka dalbaday in ay si deg deg ah oo buuxda u siiyaan dadka reer Falastiin nabadgelyo, lana dhowro hantidooda iyo goobaha barakeysan.

Amb. Baalle ayaa xusay in dowladda federaalka ay shacabka Falastiin ku garab taagan tahay inay helaan xuquuqdooda oo dhammeystiran.

“Soomaaliya waxa ay Falastiin ku garab-taagan tahay in ay hesho xuquuqdeeda, waa in loo dhisaa Dowlad Madax bannaan oo Caasimadeedu tahay Qudus,” ayuu yiri Mr. Baalle.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladaha caalamka inay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ay haatan wajahayaan reer Falastiin.

“Xaaladda militari ee halista ah waa mid ka dhanka ah Falastiin, waxa aan bulshada caalmaka u soo jeedinayaa in si deg-deg ah wax looga qabto,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey u shaacisay mowqifkeeda ku aadan xiisada u dhexeysa Falastiin iyo Israel, iyada oo taageero u muujisay shacabka Falastiin.

Ciidamada DF oo soo qabtay ninkii dilay Sahra Muxumed

Balcad (Caasimada Online) – Nin la sheegay in uu ka tirsan yahay Ciidamada Dowladda ayaa haweeney ganacsato ahayd waxa uu Jimcihii ku dilay Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Haweeneydan oo ka mid ahayd haweenka qaadka ku iibiya degmadaasi ayaa la sheegay in muran uu soo kala dhexgalay askarigaasi, ka hor intii aanu dilin.

Haweeneyda oo lagu magacaabi jiray Sahro Muxumed Cali Kulmiye (Sahro Dhagey) ayaa u geeriyootay dhaawacyo ka soo gaaray rasaas uu huwiyay askarigaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in askariga uu ka baxsaday goobtii uu falka ka gaystay, waana wax yar uun ka dib, markii uu haweeneydaasi ku dilay Suuqa Balcad.

Ciidamada ammaanka oo hawlgalo lagu baadigoobayo ninka askariga ahi ka sameeyay Degmada Balcad ayaa waxaa u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan.

Askariga ayaa haatan ku xiran Saldhigga Booliska ee Degmada Balcad, waxayna qoyska marxuumadda dalbanayaan in sharciga la horkeeno.

Sahra Dhagey ayaa aad looga garanayay Degmada Balcad, oo 30km dhanka waqooyi ka xigta Magaalada Muqdisho.

Xog: Rag qaraxyo isku soo xiray oo Muqdisho soo galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan hay’adaha ammaanka Soomaaliya iyo kuwa ajanabiga ah ee daggan Xarunta Xalane ayaa sheegay in ay heleen xogo amni oo muhiim ah, oo ku saabsan qaraxyo ka dhici kara magaalada Muqdisho.

Xogaha la helay ayaa warinaya in magaalada Muqdisho ay soo galeen rag isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kuwaas oo ka yimid dhinaca Shabeellada Hoose ee koonfurta Soomaaliya, kuwaasi oo doonaya inay weeraro is-miidaamin ah fuliyaan. 

Mas’uuliyiintan kuwa ammaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in kooxaha magaalada soo galay islamarkaana damacsan in ay is qarxiyaan ay gaarayaan illaa sideed qof. 

Sidoo kale xogta ayaa tilmaameysa in bartilmaameedku yahay Saldhigyada ciidamada wasaaradaha, hoteello iyo maqaayada. Sidoo kale waxaa la sheegay in kooxdaan ay weerari karaan goobaha lagu badan yahay. 

Rag qaraxyada lagu soo xiray ee soo galay magaalada ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo qaraxii ugu dambeeyay ka fuliyay Saldhigga degmada Waabari ,waxaana ku dhintay dad u badan saraakiil ciidan. 

Sidoo kale maalmo ka hor waxaa baraha Bulshada lagu baahiyay qoraal lagu sheegay in uu ka soo baxay hay’adaha dagan Xalane, kuwaasoo ka digay qaraxyo ka dhaca Muqdisho oo maalmahan wajaheysa mashquul badan oo ka dhashay Farxadda Ciidul Fidriga.

Xaaladda Jowhar oo ka dartay iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa lagu soo warramayaa inay sii gashay xaalad adag, kadib markii uu maalmihii lasoo dhaafay ku fatahay webiga Shabelle oo kar-kaaraha jabsaday.

Magaalada oo dhan ayaa go’doon gashay waxaana go’ay jidadkii magaalada, kuwaas oo sababay inay istaagaan isku socdka gaadiidka isaga kala goosha halkaasi.

Sidoo kale waxaa gabi ahaan xirmay garoonka diyaaradaha Jowhar, iyada oo haatan kaliya la adeegsanayo doono, si gudaha loogu galo magaaladaasi.

Cabdi Mahad Cabdullahi Qoorgaab oo ah wasiirka gargaarka iyo maareynta muusiibooyinka maamulka HirShabelle oo uu warrmayaVOA ayaa ka hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Jowhar, isaga oo sheegay in dhammaan uu istaagay isku socodka gaadiidka.

“Magaalada Jowhar waxa ay ku sugan tahay xaalad fatahaad ah, waxaana ku fatahay Wabiga Shabeelle oo biyo badan ka keenay labada buq ee Baarey & Mookey, Magaalada waxaa la isaga kala gudbayaa doon oo socodka Gaadiidka gudaha & Garoonka Diyaaradaha wuu istaagay” ayuu yiri Wasiir Cabdi Mahad oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda VOA-da.

HirShabelle ayaa haatan la taacaleysa xaalad adag oo ka dhalatay fahaadda webiga Shabelle oo marar badan kusoo noqo-noqtay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ganacsato Soomaali ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay wadanka Koonfur Afrika

0

Cape Town (Caasimada Online) – Wararka laga helayo wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in dil iyo dhaawac loogu geystay labo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha wadankaasi, kadib markii ay weerar ku qaadeen kooxo burcad Afrikaan ah.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay goob ganacsi oo muwaadiniintaasi Soomaaliyeed ay ku lahaayeen xaafada Laanta Side B ee Tuulada Khayelitsha ee magaalada Cape Town, sida ay Caasimada Online u sheegeen qaar kamid ah ganacsatada.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Abuukar (Goobo Raambow), halka mid kale ee dhaawacmay la dhigay goob caafimaad oo ku taalla magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in burcadda ah ay sidoo kale weerartay dukaamo kale oo ay Soomaalidy ku lahaayeen halkaasi, balse ma jiro khasaare  ka dhashay

Sidoo kale waxaa meesha uu falku ka dhacay goor dambe gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika, inkastoo ay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi.

Koonfur Afrika waxaa sanadkan 2021-ka iyo kii kasii horreeyey ee 2020-kii aad ugu soo badanayey dilka, dhaawaca iyo dhaca loo geysanayo ganacsatada ku dhaqan dalkaasi.

Taliye ku xigeenkii booliska Gobolka Banaadir oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee taliye ku xigeenkii qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir, G/Sare Axmad Cabdi Wehliye ayaa caawa Isbitaalka Digfeer ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii 9-kii bishan ka dhacay saldhiga booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Weerarkaas oo uu fuliyey qof is-miidaamiyey waxaa horay ugu dhintay dad ay ku jireen laba sarkaal, oo kala ahaa Taliyihii saldhigga la qarxiyey ee Waaberi Gaashaanle Axmed Baashane iyo Taliye ku xigeenkii qeybta booliska gobolka ee Waliyow Cadde G/Dhexe Cabdibaasid.

Sarkaalka caawa geeriyooday ayaa noqonaya kii 3-aad ee ugu darajada sareeyay saraakiisha lagu dilay qaraxaas, waxaana geerida G/Sare Axmad Cabdi Wehliye warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeenka booliska Sadiiq Aadan Cali.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa tacsi u diray qoyska, caruurta, ehallada, ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Taliye Axmed Cabdi Wehliye, sida lagu shaaciyey qoraal lagu baahiyey bogga Facebook-ga ee wasaaradda arrimaha gudaha DF.

“Ugu dambayn, Wasiir Mukhtaar ayaa Alla uga baryay in Marxuum Axmed uu  Jannadii Fardowso  ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu Alle ka siiyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumka,” ayaa lagu yiri qoraalka.