27.2 C
Mogadishu
Monday, July 13, 2026

Taliye ku xigeenkii booliska Gobolka Banaadir oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee taliye ku xigeenkii qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir, G/Sare Axmad Cabdi Wehliye ayaa caawa Isbitaalka Digfeer ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii 9-kii bishan ka dhacay saldhiga booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Weerarkaas oo uu fuliyey qof is-miidaamiyey waxaa horay ugu dhintay dad ay ku jireen laba sarkaal, oo kala ahaa Taliyihii saldhigga la qarxiyey ee Waaberi Gaashaanle Axmed Baashane iyo Taliye ku xigeenkii qeybta booliska gobolka ee Waliyow Cadde G/Dhexe Cabdibaasid.

Sarkaalka caawa geeriyooday ayaa noqonaya kii 3-aad ee ugu darajada sareeyay saraakiisha lagu dilay qaraxaas, waxaana geerida G/Sare Axmad Cabdi Wehliye warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeenka booliska Sadiiq Aadan Cali.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa tacsi u diray qoyska, caruurta, ehallada, ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Taliye Axmed Cabdi Wehliye, sida lagu shaaciyey qoraal lagu baahiyey bogga Facebook-ga ee wasaaradda arrimaha gudaha DF.

“Ugu dambayn, Wasiir Mukhtaar ayaa Alla uga baryay in Marxuum Axmed uu  Jannadii Fardowso  ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu Alle ka siiyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliland oo go’aan kasoo saartay in Hawiyaha la degan ay ka qeyb-geli karaan doorashooyinka + Video

Burco (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland ayaa si kulul uga hadashay shir Maalintii Arbacada aheyd ay dad kasoo jeeda Beesha Hawiye ku yeesheen Magaalada Burco kaasoo looga hadlay doorashooyika maamulkaas.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo ka hadlayey shirkaas iyo go’aanadii ay soo saareyn Beesha Hawiye ayaa sheegay in cid aan u dhalan Somaliland aysan ka codeyn karin deegaanada maamulkaas.

“Qof aan u dhalan Somaliland ma codeynayo, way iska hadlayaan, kan soo kaxaystayna wuu iska hadlayaa,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo warbaahinta la hadlay.

Wuxuu sheegay in dadkii shirkaas qabtay ay ku daba joogaan islamarkaana ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Cabdinaasir ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay Dastuur islamarkaana uusan dastuurkooda qabin in qof aan kasoo jeedin Somaliland, oo uu ula jeedo qabiil ahaan, uu ka qeybgalo doorashooyinka iyo codeynta.

Hadalka kasoo yeeray Wasiirka ayaa jawaab u ahaa kulan ay asbuucii hore Magaalada Burco ku yeesheen Cuqaasha, Waxgaradka, madax dhaqameedka iyo Ganacsatada Beelaha Hawiye ee ku nool Magaalada Burco, kaasi oo ay ku sheegeyn inay taageerooda iyo codkooda  ku biirinayaan musharaxiinta kala ah Suldaan Jaamac Nuux oo u sharaxan Golaha Deegaanka Degmada Burco iyo Cabdulahi Yuusuf Axmed oo u dharaxan golaha Wakiilada Gobolka Togdheer.

“Mar haddii Murusade Fadhiyo, mar haddi Gaaljecel fadhido, mar haddii Jajeele fadhido, mar haddii Xawaadle fadhido, mar haddi Habargir Fadhiso, Hawiye wuxuu ballan qaadayaa inuu si mug leh u gabar taagan tahay Suldaan Jaamac Nuux oo u sharaxan Golaha Deegaanka Degmada Burco iyo Cabdulahi Yuusuf Axmed oo u dharaxan golaha Wakiilada Gobolka Togdheer,” ayuu yiri mid kamid ah odayaashii kasoo qeybgalay kulankaas.

Hoos ka daawo muuqaallada shirka Hawiye iyo kan wasiir ku-xigeenka


Doorashadii Ethiopia oo mar kale dib loo dhigay – Maxaa cusub oo soo kordhay?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxa guddiga doorashada Ethiopia ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in aysan macquul ahayn in la qabto doorashada baarlamaanka ee qorshuhu ahaa in ay dhacdo 5-ta June, iyadoo aan la sheegin waqtiga cusub ee doorashada la qaban doono.

Ra’iisulwasaare Abiy Ahmed ayaa kolkii uu talada qabtay saddex sano ka hor waxa uu ballan qaaday in uu dalka ka saarayo hannaankii xukun ku dheganaanta ahaa, islamarkaana uu qaban doono doorashadii ugu dimoqraadiyadda badnayd ee abid soo marta dalkaasi.

Doorashooyinka ayaa markii hore qorsheysnaa bishii August ee sanadkii hore, waxaana dib loogu dhigay sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee coronavirus, iyadoo dhibaatooyin ay soo kordheen tan iyo waqtigaas oo ay ka mid tahay dagaalka gobolka waqooyi ee Tigray.

“Codbixintu ma dhaceyso 5-ta June … ma sheegi karno taariikhda maaddaama guddiga ay tahay in ay darsaan talooyinka ay ka helaan xisbiyada,” ayay tiri haweeneyda hoggaamisa guddiga doorashada Birtukan Mideksa.

Waxa ay ku sababeysay dib u dhac xagga saadka ah, sida dhameystirka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, tababaridda shaqaalaha doorashooyinka, daabacaadda iyo qeybinta waraaqaha codbixinta.

“Dhabtii, waxa ay noqotay wax aan macquul aheyn in dhammaantood lagu soo gudbiyo taariikhaha markii hore loo cayyimay.” ayey hadalkeeda ku sii dartay Birtukan Mideksa.

Mideksa ayaa sheegtay in marka la qorsheynayo taarikhda cusub maanka lagu heyn doono xilli roobaadka – oo soconaya bilaha June ilaa September.

Iyadoo toddobaadyo ay ka harsan tahay doorashada ayaa waxaa jiray astaamo yar oo olole ah, waxaana dhowr xisbi oo mucaarad ah ay qorsheynayeen in ay qaadacaan codbixinta, iyagoo ku tilmaamay mid aan loo sinneyn.

Xog: Sidee loo shirqoolay yaase ka dambeeyey dilkii Sheekh CALI DHEERE?

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Xiisad ka dhalatay dilkii Talaadii lasoo dhaafay ee 11 Bishan loo geystay Sheekh caan ahaa oo meydkiisa laga helay xero u dhow magaalada Galdogob ayaa ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee Caasimadda Mudug.

Sheekha la dilay oo lagu magacabi jiray Sheekh Cali Axmed oo ku magac dheeraa (Sheekh Cali Dheere) ayaa waxaa markii hore laga afduubtay gurigiisa oo ku yaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, waxaana markii dambe meydkiisa oo si xun loo dilay lasoo dhigay meel 15 km u jirta halkii markii hore laga afduubtay.

Sheekha la dilay oo ahaa qof ka shaqeeyo howlaha safamalka, gaar ahaan u gargaaridda ilmaha agoonta ah, sidoo kalana ahaa madaxii guud ee Jaamacadda Imaami Nawawi ee Mudug ayaa waxaa dilkiisa ka dhashay banaanbaxyo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo lagu dalbanayo in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyey dilkiisa.

Waxaa jiro warar kala duwan oo kasoo baxayo ciddii ka dambeysay dilkiisa, ayada oo xog horudhac ah ay si gaar ah u iftiimineyso sida loo shirqoolay Sheekh. 

Waxaa in muddo ah Sheekha la dilay daba joogtay Hay’adda CID iyo Guddiga Amniga Gobolka Mudug oo Sheekha xiray dhowr jeer oo kala duwan oo markii ugu dambesay ay aheyd Bishii April, markaasi oo su’aalo lagu waydiiyey Xarada ay dagan yihiin Ciidamada Danab, waxaana Su’aalaha waydiineysay Hey’adda CID, ayada kiiskiisa ay la wareegtay qeyb kamid ah CID oo si gaar ah u baarta dadka loo heysto inay ka ta tirsan yihiin Argagixisada.

Hey’adda CID iyo Guddiga Amniga Gobolka Mudug ayaa Sheekha ku eedeeyey inuu xiriir  la leeyahay kooxda Argagixisada ee Al-Shabaab, waxaana markii ugu dambeysay laga qaaday taleefoon la sheegay inuu Sheekha u isticmaali jiray lacagaha uu siiyo Ilmaha Agoonta ah ee uu caawiyo.

Waxaa dhashay tuhun ku aadan in hey’adadaha Amniga ee Gaalkacyo ay ka dambeeyeen dilka Sheekha, waxayna taas keentay in Magaalada Dhuusamareeb laga soo diro xubno ka tirsan Booliska Galmudug si ay baaritaan ugu sameeyaan Saraakiisha Hey’adda CID ee Magaalada Gaalkacyo ee tuhunka soo galay.

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, baaritaanka ay sameeyeen sarakiisha ka tirsan Ciidamada Booliska ee Gaalkacyo gaaray ayaa si horudhac ah loogu ogaaday in dilka Sheekha uu yahay mid la xiriiro aano qabiil, islamarkaasna loo adeegsaday qaar ka tirsan Ciidamada booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka howlgala Saldhigga Booliska ee Gaalkacyo.

Yaa ka dambeeyey dilkiisa?

Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, waxaa dilka Sheekha lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey askari ka tirsan Booliska Federaalka Soomaaliya oo lagu magacabo Cabdixakiim Cabdisalaan Aadan.

Cabdisalaan ayaa dhawaan waxaa laga soo wareejiyey saldhigga Booliska Galdogob, wuxuuna ka tirsanaa Ciidamada Booliska Federaalka ah, waxayna xogta sheegeysaa inuu kamid ahaa askar ka tirsanaa Saldhigga Booliska Gaalkacyo oo loo xil saaray baaritaan lagu hayey Sheekha la dilay, isagoo si gaar ah u ahaa askarigii xabsiga kasoo saari jiray marka la wareysanayo Sheekha.

Maalmo ka hor dilka Sheekha, ayuu Cabdisalaan ka goostay Saldhigga Booliska ee Gaalkacyo kadib markii ay meel xun gaartay xiisad ka dhalatay dil loo geystay nin ay qaraabo yihiin, wuxuuna 10-kii Bishii May soo wacay Sheekha dilka loo geystay oo kasoo jeedo Beesha dishay ninka ay qaraabada yihiin Cabdisalaan, isagoo u sheegay inuu ka socdo saldhigga loona soo dhiibay taleefoono horey looga qaaday Sheekha.

Markii uu Sheekha usoo baxay banaanka gurigiisa ayaa waxaa gaari ku gaxeystay Cabdisalaan iyo 2 askari kale oo watay baabuur gaar ah, waxaana saacado kadib ku dileyn meel u dhow Galdogob oo markii hore laga soo badalay Cabdisalaan.

Booliska Soomaaliya ayaa billaabay baadi goobka eedeysane Cabdisalaan oo la sheegay inuu baxsad ka yahay gacanta Booliska kaasoo loo heysto dilka Sheekh Cali Dheere.

Eedeysanahaan ayaa la rumeysan yahay inuu u gudbay deegaanada Soomaali Galbeed, waxayna Booliska codsadeen in lagu soo war geliyo haddii la arko eedeysanahaan.

Dhanka kale waxaa Magaalada Gaalkacyo gaaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya Kaniifa si loo dajiyo xiisadda ka dhalatay dilka Sheekha, sidoo kalana cadaladda loo horkeeni lahaa dadkii ka dambeeyey dilkiisa.

Muxuu taliyaha Africom kala hadlay Axmed Madoobe?

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Kismaayo maanta kula kulmay Taliyaha howlgalka Mareykanka Afrika ee AFRICOM Jeneraal Stephen Townsend, oo booqasho ku tegay Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa taliyaha la qaatay kulan ay uga wadahadleen sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaallanka kooxda Al-Shabaab oo haatan Jubbaland ka heysta deegaano badan oo ay ku jirto caasimadda rasmiga ah ee maamulkaas, waa Bu’aale.

“Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Kulan la qaatay Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom Jeneraal Stephen Townsend, oo booqasho ku yimid Jubaland. Kulanka waxaa lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa ladagaalanka Argagixisada iyo sidii maraykanku uu door muuqda uga qaadan lahaa in la wiiqo Argagixisada halista ku ah shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey bogga Facebook-ga ee Madaxtooyada Jubbaland.

4-tii bishan May ayuu sidaan oo kale Axmed Madoobe Kismaayo ku qaabilay saraakiil ka socotay ciidamada Mareykanka ee AFRICOM qeybtooda ka howlgasha Soomaaliya, waxayna xilligaas Jubaland shaacisay in kulankaas diiradda lagu saaray ka hadalka is kaashi la xariira la dagaalanka Al-Shabaab.

Hoos ka Daawo kulankii dhex-maray Axmed Madoobe iyo Taliyaha

 

Xog: Khilaafka HirShabeelle iyo Wasaaradda Maaliyadda DF oo weji kale yeeshay

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa qiray in ay is hor-taageen lacago malaayiin dollar ah oo la damacsanaa in la musuq maasuq, lacagtaas oo loogu tala-galay HirShabeelle, arirntan ka duwan hadalkii wasiirka maaliyadda Beyle ee ahaa inaysan jirin lacag la is-hortaagay 

Dadka aan la hadalnay oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in khilaafka maamulka iyo wasaaradda ka bilaawday shirkado aan jirin oo ay soo gudbiyeen madaxda HirShabeelle si loo siiyo mashruuca dhismaha. 

“Shirkado aan la aqoonin oo saldhig iyo xafiis laheyn, oo waligood shaqo qaban oo ah dad iska socda magac shirkad wata Documents soo daabacday ayaa naloo keenay oo la yiri lacagta u dhiiba markaa baarnana waan ku aamini weynay,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. 

“Waxaan go’aansanay inaa tartansiino kuwa la yaqaano ee xaqa u leh, dagaal ayaa kala kulanay maamulka iyaga ayaana leh shirkadaha Fake ah, ugu dambeyn kuwii tartamay ayaa howsha qaarkood billaabeen waana sababta waxa keenay warqada maamulka ka soo baxday,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkaan oo aan qarinay magaciisa. 

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa maalmo ka hor beenisay in ay is hortaagaty lacago deeq ah oo loogu talagalay HirShabeelle kadib markii ay sidaas sheegeen madax ka tirsan HirShabeelle. 

“Waxaan cadeynaynaa in Wasaarada Maaliyadda DFS aanay jirin wax dhaqaale ah oo ay ka xayirtay Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayna sida ku cad qorshaha Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) ay howluhu u socdaan sidii loogu talagalay,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

“Wasaaradda Maaliyadda DFS waxay Guddiga Ka hortagga Fatahaadda ee Hirshabelle ka codsanaysa inay caddaymo ka bixiso lacagaha ay ku eedeyeen in dawladda dhexe ka xayitray wax ka qabashada fatahaadda degaanada HirShabelle.”

Sawirro: R/W Rooble oo ka qeyb galay caleemo-saarka madaxweynaha JABUUTI

Jabuuti (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loogu doortay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Jabuuti horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Geelle, isaga oo u rajeeyay in ay sii ambo-qaadi doono dadaalladaas.

Rooble iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha iyo diblomaasiyiinta ka soo qeyb galay xafladda, waxa ayna kala hadleen danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeyo dalkeenna.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti waxaa ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Maaliyadda Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Xubno kale oo ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xog: Muxuu yahay dambiga loo haysto eedeysanaha ay raadinayaan BOOLISKA?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Booliska Soomaaliya ayaa billaabay baadi goobka eedeysane la sheegay inuu baxsad ka yahay gacanta Booliska kaasoo loo heysto dambi dil ah, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Eedeysanaha uu booliska baadi goobayo ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdixakiim Cabdisalaan Aadan, waxaana loo maleenayaa inuu ku sugan yahay dhulka Soomaalida iyo deegaanada Soomaali Galbeed ee Itoobiya.

Booliska ayaa Shacabka iyo maamulada ka jiro deegaanada Soomaalida iyo kuwa dariska la ah Soomaaliya ka codsaday inay booliska kusoo war geliyaan haddii eedeysanahaan lagu arko deegaanadooda.

Booliska ma sheegin dambiga uu galay eedeysane Cabdixakiim Cabdisalaan Aadan, hase yeeshee Caasimada Online ayaa ogaatay in lagu tuhmayo dil ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana baadi goobkiissa lagu faafiyey dhammaan warbaahinta Dowladda iyo baraha Bulshada.

Halkaan hoose ka akhriso farriinta ay soo qoreyn Booliska

Wanted. (Eedeysane Baxsad ah).

Dhamaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo Deegaanada Soomaali Galbeed, waxaa laga Codsanaya in ay nagala qeyb qaataan baadi-goobka eedeysane Cabdi Xakiim Cabdisalan Aadan,  kaas oo Sawirkiisa halkaan idinkaga muuqdo.

Cidii aragta hanagala  so xiriirto tel 991 gudaha dalka ama baraha bulshada, iyada oo macluumaadkiisa loo gudbinayo xarumaha Boliiska ee kuugu dhaw, ama xiriirada Baraha bulshada.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
Mahadsanidiin.

Tallaabo ay DF ka qaaday shirkad KENYAN ah ayaa ka carreysiisay dowladda Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee Nairobi ayaa qoray xog ku saabsan sababtii keentay in dowladda Kenya ay joojiso duulimaadyadii Soomaaliya, oo la hakiyey muddo saddex bil ah marka laga reebo kuwa caafimaadka iyo kuwa sida gargaarka bani’aadannimo.

Wargeyska oo soo xiganaya ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Kenya ayaa sheegay in Kenya ay ka carrootay kadib markii dowladda federaalka ay xayirtay laba diyaaradood oo qaad usoo qaaday Soomaaliya, oo ay leedahay shirkadda Kenyan-ka ah ee Bluebird Aviation.

Labadaas diyaarad ayaa Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya waxay ku eedeysay inay jebiyeen amarkii ay dowladda ku mamnuucday in qaadka Miraa ee Kenya loo soo dhoofiyo dalka.

Tallaabada ay qaadday dowladda ayaa muran ka dhex-abuurtay labada dal ayada oo Kenya ay ku dooday in shirkadda ay qaadka usoo qaaday Muqdisho kadib markii dowladda federaalka ay dib usoo celisay xiriirkii labada ee ay goysay bishii December, islamarkaana diyaaradda ay timid Soomaaliya maalmo kadib markii xiriirka lasoo celiyey.

Hase yeeshee dowladda federaalka ayaa sheegtay in xiriirka lasoo celiyey aanu ka dhigneyn in qaadka la fasaxay, oo aysan jirin meel arrintaas lagu sheegay, sidaas darteedna ay shirkadda Bluebird Aviation ku xadgudubtay amarka dowladda.

Hay’adda Duulista ayaa kadib 9-kii May soo saartay qoraal ay ku xaqiijineyso in amarkii lagu mamnuucay qaadka uu weli taagan yahay, si aan loo sameyn qalad la mid ah kii Bluebird Aviation.

“Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed (SCAA) waxay si sharaf leh ugu war-gelineysaa dhammaan howlwadeenada in Qaadka Mirra oo la keeno Soomaaliya ay weli mamnuuc tahay, islamarkaana Siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan soo dhoofinta Qaadka Miraa ee garoomada diyaaradaha dalka aysan waxba iska beddelin. Soo dhoofinta Mirra, iyadoon wax ogolaansho ah laga haysan Hey’adda Duulista Raydika, waxaa loo arki doonaa tallaabo sharci darro ah iyo ku xad-gudub Hawada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Hay’adda Duulista Raydika Soomaaliya.

Si kastaba, Kenya ayaa ayada oo ka carreysan tallaabada ay dowladda federaalka ka qaaday shirkadda Bluebird Aviation iyo inaan dib loo fasaxin qaadka, waxay soo saartay amarkii ay ku joojisay duulimadyada Soomaaliya, taasi oo sii xumeysya xiriirka labada dal ee Qatar ay ku guuleysatay toddobaadn kahor inay dib usoo celiso.

Qatar oo ka codsatay Muuse Biixi inay dhex-dhexaadiso DF iyo Somaliland + Jawaabtiisa

Hargeysa (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxeysa waxa looga hadlay kulankii ay magaalada Hargeysa laba toddobaad kahor ku qaateen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti ka socday Dawladda Qatar oo uu hoggaaminayey ergayga gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha dibedda Qatar u qaabilan La-dagaalanka Argagixisada iyo Xal u helidda Khilaafaadka Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Dr. Mutlaq uu Muuse Biixi Cabdi u sheegay inay doonayaan inay xidhiidh laba geesood ah yeesheen Qatar iyo Somaliland oo ay aad isugu dhow yihiin Imaaraadka Carabta, sida uu ku warramay wargeyska Somaliland Chronicle.

Wafdiga Qatar ayaa sidoo kale Somaliland u sheegay inay doonayaan inay xafiis uga furaan Hay’adda Qatar u qaabilan Kaalmooyinka ee loo yaqaano Qatar Charity.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Weftigu uu Madaxweynaha Somaliland la wadaagay doonista Dawladda Qatar ee ah inay qayb ka noqoto dedaallada Caalamiga ah ee Wada-hadallada lagu dhex-dhexaadinayo dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland iyo Soomaaliya,

Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu warramay inuu Weftiga Qatar u sheegay Mowqifka Somaliland ee wada-hadallada iyo kalsoonida ay ku qabto Qaddiyadeeda Madax-banaanidu u saamaxayso inay meel kasta kaga qayb-galaan wada-hadallada dhex-dhexaadinta ah, sidoo kalena aqbalayaan cid kasta oo arrintaa dhexdhexaad ka ah.

Muuse Biixi Cabdi ayaa Weftiga Qatar ku war-geliyey inay Somaliland diyaar u tahay inay sugto inta ay Soomaaliya ka baxayso xasillooni la’aanta siyaasadeed ee hadda haysata, oo ka dhalatay muranka doorashooyinka.

Arrinta kale ee Weftiga Qatar iyo Madaxweynaha Somaliland ka wada-hadleen ayaa lagu sheegay inay tahay in diyaaradda Qatar Airways ay duulimaadyo toos ah ka bilowdo Somaliland. Xilligan la joogo, diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa ah ta keliya ee caalami ah ee duulimaadyo toos ah ku timaadda Somaliland.

Ra’iisul Wasaare ROOBLE oo soo saaray farriin cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa war qoraal ah kasoo saaray maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan maanta oo ah 15-ka bisha May ee 2021-ka.

Rooble ayaa marka hore dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalintan u gaarka ah ee 15-ka bisha May, isaga oo ku amaanay doorkooda ku aadan qeybaha kala duwan ee nolosha iyo sidoo kale difaaca dalka iyo howlaha kale ee qaranka.

“Xornimadii dalka ka hor iyo ka dibba, si weyn ayuu u muuqday doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee nolosha qeybeheeda kala duwan, siiba difaaca dalka iyo howlaha Qaran ee muhiimka ah,” ayuu qoraalkiisa ku yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in dhalinyarada Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin horumarka dalka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa udub dhexaadka dalkeenna, waxa ayna bulshada ka yihiin in ka badan 70%, taas oo ka dhigan in dalkeennu yahay dal dhallinyaro” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan doorkooda ku aadan horumarka dalka iyo sidoo kale dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Si kasataba dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa haatan wajahaya caqabado badan oo is biirsaday uguna daran tahay shaqo la’aan baahsan oo ka jirta guud ahaan dalka.

Dowladda China oo markab dagaal iyo ciidan usoo dirtay xeebaha Somalia + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Sabti ah markab nooca dagaalka ah iyo ciidamo u soo dirtay xeebaha dalka Soomaaliya, si ay u galbiyaan maraakiibta ganacsi ee isticmaala biyaha Soomaaliya iyo sidoo kale meelaha ka baxsan.

Markabkan oo ah mid aad u ballaaran ayaa waxaa dul-saaran diyaaradaha kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka, gantaallada wax burburiya iyo doomo nuuca dheereeya, wuxuuna noqonayaa markabkii miid 38-aad ee ay la socdaan ciidamada xoreynta badda (PLA).

Wararkii ugu dambeeyey ee ku geedaaman markabkan ayaa sheegaya inuu kasoo amba-baxay dekedda Zhoushan oo ku taalla gobolka Zhejiang ee dalkaasi Shiinaha.

Ujeedka ayaa waxa uu yahay sidii ciidamada badda ee Shiinaha iyo maraakiibtooda ay uga hortegi lahaayeen weeraro lagu qaado maraakiibta ganacsiga ee mara biya Soomaaliya.

Si kastaba Shiinaha ayaa sanadihii ugu dmabeeyey sare u qaaday howl-gallada uu ka wado biyaha dalka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah, waxaana ciidamadiisa ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan Gacanta Cadmeed iyo sidoo kale Biyaha fog ee dalkeena Soomaaliya.

Xiisadda uu QOOR QOOR isku dayayo inuu xalliyo ee ka taagan Gaalkacyo (Warbixin)

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo xalay ku hoyday magaalada Gaalkacyo ayaa halkaasi ka bilaabay wada-hadallo lagu xalinaayo shaqaaqo ka dhalatay dil loo geystay Sheekh Cali Axmed Faarax ( Sheikh Calidheere).

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo, isaga oo kala hadlay sidii loo dhameyn lahaa shaqaaqada ka dhalatay dilka Sheekh Cali Dheere, sidoo kalena gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Khamiistii todobadkii hore Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo dilkii degaan hoostaga magaalada loogu geystay Sheekh Cali Dheere), iyada oo banaanbaxayaasha ay dalbanayeen in cadaaladda la horkeeno dadkii dilka geystay.

Qoor Qoor oo uu wehlinayo taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Cismaan Cabdulahi Maxamed Kaniif ayaa waxaa lagu wadaa inay kulamo la yeeshaan saraakiisha ciidamada iyo maamulka degmada si baaritan dhab ah loogu sameeyo waxa sababay dilka Sheekh Cali Dheere.

Xiisadda magaalada ka taagan ee dilka Sheekh Cali Dheera ayaa laga cabsi qabaa inay horseeddo dilal kale oo magaalada ka dhacay oo aargoosi ah, amaba kasii daran’e dagaal ay dad badan ku dhintaan oo ka dhaca. 

Ciidamada NISA oo howlgal qorsheysan ka fuliyey Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada nabad sugida ee dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay howl-gal qorsheysan ka fuliyey duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga magaaladaasi.

Howl-galka ayaa si gaar ah waxaa looga sameeyey deegaano hoos-yimaad magaalada Beledweyne oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha NISA ee degmada Beledweyne Ibraahim Maxamed Abuukar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay si nabadoon ku gaareen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan, kadib markii ay isaga baxeen xooggagii Al-Shabaab ee horay ugu sugnaa halkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howl-galladooda, inta Al-Shabaab laga saarayo deegaanadaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey ee caleema saarka GEELLE

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta markii shanaad loo caleema saarayaa xilka madaxweynaha ee dalkaasi.

Munaabadda caleema saarka oo si weyn loo soo qaban qaabiyey ayaa waxaa ka qeyb-galaya wufuud kala duwan, sida ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ra’isul wasaareyaasha dalalka Itoobiya iyo Rwanda Abiy Ahmed iyo Edouard Ngirente, madaxweynaha Guine Alpha Conde, madaxweyne ku xigeenka South Sudan iyo xubno sare oo ka socda dalalka Uganda, Kenya, Pakistan, Turkey, Sucuudiga iyo sidoo kale France.

Sidoo kale waxaa la filayaa xubno kale oo ka qeyb-galaya xafladda caleema saarka inay maanta gaaraan gudaha wadankaasi.

Geelle oo dhowaan dib loo doortay ayaa helay codad gaaraya  98.41%, kadib doorashadii ka dhacday Jamhuuriyadda dalka Jabuuti.

Sidoo kale wuxuu Ismaaciil Cumar Geelle qaabili doono, isla-markaana kulan duceedyo la qaadan doono madaxda ka qeyb-galeysa caleema saarkiisa.

Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya ee uu waqtigiisu dhammaaday ayaa ka baaqsaday ka qeyb-galka munaasabaddan, waxaana ku metalaya Ra’iisul wasaare Rooble, hase’yeeshee ka qeyb-galka ra’iisul wasaaraha ee caleemo-saarka ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka ka dhex-oogan dowladaha dariska ah ee Somalia iyo Jabuuti.

Si kastaba khilaafkan ayaa kasoo billowday markii 2018-kii uu Farmaajo xulufo siyaasadeed la sameystay Eritrea oo haysata dhul ay Jabuuti leedahay, taasi oo aad ay uga xumaatay dowladda Jabuuti in madaxweyne Soomaaliyeed uu la safto dal haysta dhul Soomaaliyeed.

Socdaalka Rooble oo muujiyey heerka uu gaaray khilaafka Farmaajo iyo Jabuuti

Jabuuti (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen dhiggiisa Jabuuti Maxamed Cabdulqaadir Kaamil, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale. 

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka qeyb galaya caleemo saarka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo dhowaan markii shanaad loo doortay inuu shan sano oo kale hoggaamiyo Jabuuti.

Safarka Rooble ayaa yimid kadib markii madaxweyne Farmaajo uu ka baaqday caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle. 

Ma cadda in Farmaajo uu diiday ka qeyb-galka iyo inaan lagu casuumin, hase yeeshee ka qeyb-galka Rooble ee caleemo-saarka ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka ka dhex-oogan Farmaajo iyo dowladda Jabuuti.

Khilaafkan ayaa kasoo billowday markii 2018-kii uu Farmaajo xulufo siyaasadeed la sameystay Eritrea oo haysata dhul ay Jabuuti leedahay, taasi oo aad ay uga xumaatay Jabuuti in madaxweyne Soomaaliyeed uu la safto dal haysta dhul Soomaaliyeed.

Wuxuu khilaafka sii xoogeystay markii dowladda federaalka ay ku eedeysay guddigii ay Jabuuti hoggaamineysay ee IGAD ay u dirtay xadka Soomaaliya iyo Kenya inay la safteen Kenya, taasi oo Jabuuti ay beenisay.

Kadib dowladda federaalka ayaa soo saareysay qoraallo iyo hadallo ay jeedinayaan mas’uuliyiin oo lagu weerarayo Jabuuti, ayada oo lagu eedeynayo inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Jabuuti ma bixin jawaab aan aheyn inay eedahaas iska fogeyso, mana jirin wax dhaliilo ah ama camaabreyn ah oo ay u jeedisay dowladda federaalka.

Ka baaqashada Farmaajo ee caleemo-saarka Geelle, xilli uu dhowaan kasoo laabtay midkii Yoweri Museveni ee Uganda ayaa muujineysa in xiriirka  Farmaajo iyo Jabuuti uu meel xun gaaray iyo inaysan la qabin madaxda kale ee dowladda federaalka.

Farmaajo ayaa marar badan lagu eedeeyey inuu dagaalka siyaasadeed ee Kenya iyo Jabuuti u adeegsado dano siyaasadeed oo gudaha ah. Inkasta oo dagaalka Kenya aan qeylo badan ka iman, haddana midka Jabuuti aad ayey u diideen shacabka Soomaaliyeed, iyo xitaa xubno ka tirsan dowladda.


Dowlada Kenya oo fasaxday duulimaadyo Hargeysa ah kadib go’aanki ay ku joojisay duulimaadyada Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa u fasaxday laba diyaaradood inay dalkeeda ka baxaan oo ay qalab electronic ah geeyaan Somaliland, inkasta oo ay mamnuucday duulimaadyada dalkeeda ka aadaya iyo kuwa uga imanaya Soomaaliya.

Diyaaradahan oo lagu fasaxay amar Khamiistii kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, oo tirsigiisu yahay MFA/PRO.91/002 (052), ayaa lagu sheegay in laba diyaarad oo ay maamusho shirkadda Astral Aviation loo ogolaan doono inay qalab ka qaadaan garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi, ayaga oo sii maraya Jabuuti kadibna gaynaya caasimadda Somaliland ee Hargeysa. 

Labada diyaarad oo noocoodu yahay MacDonnell Douglas DCC-9F iyo Boeing B727-727F kana diiwaan-gashan Kenya ayaa loo fasaxay inay alaabta qaadaan inta u dhaxeysa May 13 illaa 15, loona kordhin karo waqtiga haddii aysan muddadaas ku duulin. 

“Fadlan la soco in fasax ku eg 72 saac la ogolaaday,” ayaa lagu yiri qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya u dirtay Xafiiska Somaliland ee Nairobi, Khamiistii. 

Tallaabada ay qaaday Kenya ayaa la filayaa inay carreysiiso dowladda federaalka, inkasta oo labaada diyaarad ay u sheegtay inay ka fogaadaan hawada Soomaaliya.

Si kastaba ma cadda hab ay diyaaradahaas uga baxsan karaa hawada Soomaaliya, maadaama halkii ay soo maraanba ay ugu dambeyn soo galayaan hawada Soomaaliya, si ay uga degaan Hargeysa. 

Kenya ayaa toddobaadkii tegay joojisay dhammaan duulimaadyadii Soomaaliya, marka laga reebo kuwa caafimaad iyo gargaarka bani’aadannimo ayada oo la rumeysan yahay inay kaga jawaabeyso qaadka Kenya oo ay Soomaaliya mamnuucday.

Dowladda federaalka ayaa qaadka Kenya beddelkiisa fasaxday kan Ethiopia, oo sida lagu sheegay mashruuc lagu siiyey dad ku dhow madaxweyne Farmaajo iyo kuwa ehel la ah, meeshana looga saaro ganacsatadii Soomaaliyeed ee qaadka Kenya keeni jiray. 

AL-SHABAAB oo baaq yaab leh u dirtay dhallinyarada dunida ee ‘jihaad’ doonka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaal ay hoggaanka ururkaas ugu baaqayaan dhallinyarada ajnabiga ah ee “jihaad” doonka ah inay usoo haajiraan Soomaaliya, si ay uga qeyb galaan “jihaadka ka socda.”

Muuqaalka Al-Shabaab ayaa sare loogu qaaday looguna amaanay ajaaniibtii horey uga garab dagaalamay xarakada eee ka yimid dalal badan oo caalamka ah, gaar ahaan Yurub, wuxuuna muuqaalka ku baxay afar luuqad oo kala ah; Somali, Carabi, English iyo Swahili.

Inkastoo aan la ogeyn xilliga muuqaalkan la duubayay iyo goobta lagu duubay, ayaa waxaa haddana ka muuqda dagaalyahano ajnabi ah oo tababar ay usoo xirayaan Amiir ku-xigeenka Al-Shabaab Mahad Karate iyo hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab ee Kenya Ahmed Imam. Dhallinyarada tababarka loo soo xiray ayaa ka yimid Kenya. 

Muuqaalka Al-Shabaab ayaa ujeedkiisu ahaa olole lagu doonayo in lagu soo jiito dhallinyarro cusub oo dibadda uga soo biirta kooxda, waxaana Mahad Karate iyo Ahmed Iman ay ugu baaqayaan dhallinyarrada caalamka ee Muslimiinta ah inay kusoo biiraan “jihaadka ka socda” Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ololahan qeyb ka ahaa baaqyo ay dirayaan dhallinyaro ajnabi ah, oo qaarkood ay geeriyoodeen iyo qaar nool, oo dhallinyarada kale ee caalamka ugu baaqaya kuna dhiiri-gelinaya inay Soomaaliya yimaadaan, ayaga oo sheegaya inay nolol fiican ku heystaan gudaha Soomaaliya.

Ajaaniibta ugu badan ee Al-Shabaab ka barbar dagaalama xilligan waa muhaajiriinta Kenyan-ka kasoo jeeda.

Dadka fallanqeeya amniga ayaa rumeysan in habka xun ee dowladda Kenya iyo ciidankeeda ay ula dhaqmaan dhallinyarada muslimiinta ah ee dalkaas, oo lagu hayo beegsi ay ka mid yihiin dilal ka baxsan sharciga, ay horseeday in dhallinyaro badan ay u biiraan Al-Shabaab. 

DF oo JAWAAB ka bixisay eedeyn uga timid HirShabelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeyn uga timid maamulka HirShabeelle oo ay ku sheegeen inay xayirtay lacago loogu tala galay in wax looga qabto fatahaadda wabiga Shabeelle.

War-saxaafadeedka Guddiga fatahaadaha Hir-Shabeelle kasoo baxay waxaa Wasaaradda Maaliyadda lagu eedeeyay in ay is hor istaag ku sameysay lacag laga fasaxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Janaayo 2021.

War kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidaan u qornaa:

Wasaaradda Maaliyadda ee DFS, markay aragtay war saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga Maamulka Hirshabelle ee maaraynta musiibooyinka, waxay caddaynasaa sida ay u socdaan hawlaha ka hortagga fatahaadaha ee Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) ka waddo Dawlad Goboleedka Hirshabelle.

1. Mashruuca waxa uu bilaabay qiimeynta baahida ka hortagga fatahaadaha webiyada Shabelle iyo Jubba 27 Marso 2021. Qorshaynta hawlaha waxaa si wadajir ah u fuliyay Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) iyo dawlad Goboleedka aan kor ku xusnay.

2. Waxaa la sahmiyay 71 goobood oo laga fulinayo ka hortagga fatahaadaha.

3. Waxaa la diyaariyay naqshadaynta loo raacaayo biyo xirista 5 April 2021.

4. Waxaa la furay u tartanka fulinta hawlaha ka hortagga fatahaadda.

5. Waxaa soo tartamay 44 qandarasleyaal oo maamulka Hirshabelle soo xulay (Jowhar 19 iyo Beletwayne – 25)

6. Laba shirkadood ayaa hadda hawlo biyo xirid ah ka wada 7 goobood (sites) gobolka Hiiraan.

7. Waxaa diyaar ah 10 qandaraaslayaal (contractors ) oo hawlgeli doona usbuuca soo socda: 6 shirkadood oo ka howlgali doonna Beletwayne iyo 4 ka howlgali doonna Jowhar iyo nawaaxigeeda. Wasaaradda Maaliyadda ee DFS waxay dhibaatada fatahaadaha la qaybsanaysaa Dowlad Goboleedka iyo shacbiga reer Hirshabelle.

Waxaa dadaal aan ugu jinaa dardargelinta hawlaha Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) uga qorshaysan degmooyinka Hirshabelle.

Waxaan cadeynaynaa in Wasaarada Maaliyadda DFS aanay jirin wax dhaqaale ah oo ay ka xayirtay Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayna sida ku cad qorshaha Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) ay howluhu u socdaan sidii loogu talagalay.

Wasaaradda Maaliyadda DFS waxay Guddiga Ka hortagga Fatahaadda ee Hirshabelle ka codsanaysa inay caddaymo ka bixiso lacagaha ay ku eedeyeen in dawladda dhexe ka xayitray wax ka qabashada fatahaadda degaanada Hirshabelle.

Dhammaad

Farmaajo oo mowqifkiisa u caddeeyey Moussa Faki

Kampala (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu intii uu joogay magaalada Kampala la kulmay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo ay ka wada qeyb galeen caleemo-saarkii madxaweyne Yoweri Museveni.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Farmaajo uu Moussa Faki kala hadlay diidmada dowladda federaalka ay ku aadan ergeyga cusub ee uu usoo magacaabay Soomaaliya, oo ah madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama.

Warqad uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midnimada Afrika Moussa Faki Mahamat oo ku taariikheysan 9-ka May, ayey dawladda Soomaaliya ku sheegtay inaysan taageero siin doonin John Mahama.

Warqaddan ayey Soomaaliya ku sheegtay in magacaabista ergay ee Mahama aysan haatan shaqaynayn sababtoo ah hannaanka heshiiska lagu wada yahay waxa billaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo kulan loo madlan yahay 20-ka May.

Waxay kaloo Soomaaliya su’aal ka keentay dhex-dhexaadnimada John Mahama oo ay sheegtay inuu xiriiro qoto dheer la leeyahay hoggaanka Kenya.

Xogta aan ka helnay kulanka Farmaajo iyo Moussa Faki ayaa sheegeysa in madaxweynaha uu farrintii warqaddaas ku qorneyd si toos ah ugu sheegay guddoomiyaha, isaga oo ku celiyey in dowladda federaalka aysan aqbali doonin ergeygaas. 

Illa aiyo hadda ma cadda waxa uu ku jawaabay Moussa Faki, hase yeeshee ururka Midowga Afrika ayaa horey u sheegay in ergeygaas uusan markii horeba ku iman talada dowladda federaalka, sidaas darteedna ay u badan tahay inaan la aqbali doonin codsiga dowladda. 

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in mowqifka dawladda Soomaaliya uu yahay in Mahama uusan dalka soo gelin, haddii Midowga Afrika uu ku adkeysto mowqifkiisa magacaabista.