27.2 C
Mogadishu
Monday, July 13, 2026

Farmaajo oo mowqifkiisa u caddeeyey Moussa Faki

Kampala (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu intii uu joogay magaalada Kampala la kulmay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo ay ka wada qeyb galeen caleemo-saarkii madxaweyne Yoweri Museveni.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Farmaajo uu Moussa Faki kala hadlay diidmada dowladda federaalka ay ku aadan ergeyga cusub ee uu usoo magacaabay Soomaaliya, oo ah madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama.

Warqad uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midnimada Afrika Moussa Faki Mahamat oo ku taariikheysan 9-ka May, ayey dawladda Soomaaliya ku sheegtay inaysan taageero siin doonin John Mahama.

Warqaddan ayey Soomaaliya ku sheegtay in magacaabista ergay ee Mahama aysan haatan shaqaynayn sababtoo ah hannaanka heshiiska lagu wada yahay waxa billaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo kulan loo madlan yahay 20-ka May.

Waxay kaloo Soomaaliya su’aal ka keentay dhex-dhexaadnimada John Mahama oo ay sheegtay inuu xiriiro qoto dheer la leeyahay hoggaanka Kenya.

Xogta aan ka helnay kulanka Farmaajo iyo Moussa Faki ayaa sheegeysa in madaxweynaha uu farrintii warqaddaas ku qorneyd si toos ah ugu sheegay guddoomiyaha, isaga oo ku celiyey in dowladda federaalka aysan aqbali doonin ergeygaas. 

Illa aiyo hadda ma cadda waxa uu ku jawaabay Moussa Faki, hase yeeshee ururka Midowga Afrika ayaa horey u sheegay in ergeygaas uusan markii horeba ku iman talada dowladda federaalka, sidaas darteedna ay u badan tahay inaan la aqbali doonin codsiga dowladda. 

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in mowqifka dawladda Soomaaliya uu yahay in Mahama uusan dalka soo gelin, haddii Midowga Afrika uu ku adkeysto mowqifkiisa magacaabista. 

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Gaza iyo Israel oo meel aysan fileyn looga soo tuuray gantaalo (Warbixin)

Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Yahuudda ayaa maanta oo Jicmaha ah sii wada duqeynta magaalada Gaza ee ay ku xasuuqayaan shacabka Falastiin ayaga oo iska dhego tiraya baaqyada caalamiga ah, halka ay diyaariyeen ciidamo dhulka ah oo gala magaalada.

Weriyaha Aljazeera ee Gaza, Safwat Al Kahlout ayaa sheegay in ciidamada Yahuudda ay dhooban yihiin xuduudda balse aysan jirin wararka sheegaya inay soo galeen magaalada. Militariga Yahuudda ayaa sidoo kale beeniyey in weerarka dhulka ah ee Gaza uu billowday. 

Khasaarihii ugu dambeeyey ee ka dhashay duqeynta Yahuudda ayaa waxaa ku dhintay haweeney iyo saddexdeeda wiil. Khasarahan ugu dambeeyey ayaa tirada guud ee shacabka ay Yahuudda xasuuqeen ka dhigeysa 113 qof oo ay ku jiraan ugu yaraan 31 caruur ah. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 580 qof. 

Dhinaca Israel-na, gantaallada Xamas ayaa waxay militariga Yahuudda sheegeen inay ku dhinteen 7 qof, inkasta oo la rumeysan yahay inay intaas ka badan yihiin oo ay Yahuudda qarsanayaan jabkooda. 

Weerarkii ugu dambeeyey ee Yahuudda ay saaka fuliyeen ayaa lala beegsaday degmada Zeytuun. Weli ma cadda khasaraaha halkaas ka dhashay. 

Dhinaca kale, gantaallo ay Xamas ka tuureen Gaza ayaa saaka ku dhacay dhisme ku yaalla magaalada Ashkelon. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarka, hase yeeshee Yahuudda badankood ayaa mar hore isku qariyey dhismooyin ku yaalla dhulka hoostiisa.

Sidoo kale, gantaallo laga soo riday dalka Lebanon oo loo waday Israel ayaa ku dhacay badda Mediterranean-ka, mana sababin wax khasaare ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay militariga Yahuudda. 

Gantaalladan ayaa furin cusub oo dagaal ku furi kara Yahuudda. 

Ma cadda cidda soo tuurtay gantaallada ka yimid dhanka Lebanon. Kooxda Xizbullah ayaa iska fogeysay inay wax lug ah ku leedahay. 

Qiimeynta sharcinnimada gudiga madaxa-banaan ee la-dagaalanka musuqmaasuqa

Ujeeddada qormadani waa:

ku dhiirrigelinta hayadaha saharcigu u xilsaaray dejinta, fulinta iyo ilaalinta shuruucda dalka ilaalinta sarreynta sharciga, u tilmaamidda shacabka Soomaaliyeed saxnimada shuruucda lagu dhaqayo.

Hordhac

Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqu waa mid ka mid ah guddiyada madaxabannaan ee uu Dastuurka KMG ah ku xusayo Cutubka 10aad.

Marka guddi dastuuri ah la yagleelayo waxaa qasab ah in uu dastuurku sheego hab-raaca/yada loo marayo dhismah guddiga, sidoo kalana waxaa waajib ah in ay Labada Aqal BFS dejiyaan sharci gaar ah oo qeexaya tirada xubnaha guddiga, hab-raaca magacaabista xubnaha guddiga, shuruudaha, wajibaadka, awoodaha, doorashada Guddoonka Guddiga, muddada xil-heynta, xilweynta, xil ka qaadista, miisaaniyadda, warbixinnadda guddiga, IWM.

Haddaba, Guddiga Madaxa-bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa waxaa sal iyo tixraac sharci u ah Dastuurka KMG qodobbada 111C iyo 112aad iyo Xeer lr. 12 oo ah Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer oo ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana uu Madaxweynaha Jamjuuriyadda Federaalka Soomaaliya saxiixa 21 Sep, 2019.

Qoraalkani wuxuu ka hadlayaa wax-ku-oolnnimada Guddiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa, iyo sharcinnimada xubnaha Guddiga ee uu dhaariyay Madaxweynaha JFS Apr 25, 2021, doortayna guddoonka guddiga May 4, 2021, ugu dambeyn qormado waxay soo jeedinaysa talo.

1: wax-ku-oolnimada Dhismah Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa

Soomaaliya waxay sanad walba ka gashaa musuqmaasuqa iyo maamul xumada kaalinta 1aad, sida ay sheegayaan international trancparancy iyo hayada kale ee daah-furnaanta iyo maamuul wanaagga ka faalloda, sidaas darteed dhismaha guddigan waxuu laf-dhabar u yahay

A: Horumarinta iyo adkeynta tallaabooyinka lagu joojinayo lagulana dagllamayo Musuq-maasuqa ka dhaca dalka iyo dibadda. kaas oo ay ku kacaan saraakiisha Dowladda.

B: Xaqiijinta habsami u maamulka hawsha Qaranka, iyada oo la ilaalinayo danta dadwaynaha Soomaliyeed iyo hantidooda lagana dhawrayo boob iyo ku- takrifal awoodeed.

C: Ka ilaalinta Saraakiisha dowladda ku xadgudubka xilkooda iyo ka gaabinta waajibaadkooda.

D: Iyada oo laga duulayo baahida loo qoba xaqiijinta arrimaha kor ku xusan loona hoggaansamayo Dastuurka KMG qodobkiisa 111C oo farayaa dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa waxay Labada Aqal ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ansixiyeen Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer islamarkaana Madaxweynaha Jamjuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixay Sharcigan Sep 21, 2019.

2: Qiimeynta Sharcinimada Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka musuqmaasuqa ee hadda jira.

Sharcinnimada Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa, waxaa tiir sharci u ah Dastuurka KMG iyo “Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer.

Haddaba, si uu guddigu u helo sharciyad wax-qabadkiisuna u yeesho raad sharci oo ay waajib tahay in loo hoggaansamo, waa in magacaabista xubnaha guddiga waafaqdaa habraacyada uu dhigayo Dastuurka KMG iyo sharciga (Xeer lr. 12) oo ay ansixiyeen Labada Aqal uuna saxiixay Madaxweynaha JFS Sep 21, 2019.

A: Dastuurka KMG

Qodobka 112aad. Magacaabidda Guddiyada Heer Federaal ayaa u qoran sidan:

Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, Wasiirka ay khuseyso ayaa u soo jeedinaya Golaha Wasiirrada magacyada Guddiga. Haddii Golaha Wasiiradu ay ansixiyaan, magacyada waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) Haddii Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo magacyadaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro.

B: Sharciga Dhismaha Guddiyada madaxa-bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer

Sida uu dhigayo Sharcigani Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan
ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer ansixinta magacyada xubnaha guddiga (qodobka 9aad xarafaha t&kh,), xil ka qaadista (15aad faqradda 3aad iyo 4aad.) iyo dalbashada warbixinnada guddiga (Qodobka 22aad faqrada 2aad.) waxaa si isku mid ah u gudanaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sida la ogyahay xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee hadda jira waxaa ansixiyay hal Aqal oo ah Golaha Shacabka, iyada oo aan la hor geyn Golaha Aqalka Sare, si ay ugu codeeyaan xubnaha guddiga.

Haddaba, Guddiga ay Xukuumaddii Xil-gaarsiinta magacaawday Sep 7, 2020, Golaha Shacabkuna ansixiyay Nov 16, 2020, islamarkaanan Madaxweynaga JFS dhaariyay April 25, 2021, doortayna guddoonka guddiga may 4, 2021, wuxuu khilaafsan yahay qodobka 55ad, 112aad ee Dastuurka KMG iyo Qodobka 2aad xarafka (d) qodobka 9aadxarfaha t&kh, (15aad faqradda 3aad iyo 4aad.) (Qodobka 22aad faqrada 2aad. ee “Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer, sidaas darteed, guddigani ma haysto sharciyad shaqooyinkiisuna ma yeelanayaan saameyn/raad sharci, maaddaam aan dhismaha Xubnaha Guddiga Madxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa loo marin habraacayadii shuruucda dalku fartay.

3. Gunaanad iyo talo soo jeedin            

A. Gunaanad

Guddiga madaxabannaan ee la-dagaallanka musuqmaasuqa ee hadda jira ma haysto sharciyad uu ku noqdo gudiga la dagaallanka musuqmaasuqa ee uu tilmaamayo qodobka 111C ee Dastuurka KMG, hawlahiisuna ma noqonayaan ku leh raad sharciyadeed sax ah inta uu guddigu ka helayo ansixinta labada aqal, lana marsiinayo habraacayada ku xusan qodobbada Dastuurka KMG iyo Sharciga Dhismaha Guddiga ay ansixiyeen Labada Aqal uuna saxiixay Madaxweynaha JFS Sep 21, /2019.     

B. Talo soo jeedin

Giddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmasuqa wuxuu fure iyo laf-dhabar u yahay mmmaamul wanaag ka hana qaada gayiga Soomaaliyeed, haddaba, si xoogga, waqtiga iyo hantida gashay dhismaha guddiga uga soo baxaan miriha laga filayayo, guddiguna u helo sharciyad, waxqabadkiisuna u yeesho raad sharci oo ay waajib tahay u haggansamiddiso, qormadani waxa ay u soo jeedineysaa Wasaaradda Caddaaladda XFS, Golaha wasirrada XFS, Garsoorka, Golaha Shacabka, Madaxweynaha JFS, iyo cid kasta oo hadda joogta ama imman doonta oo ay khuseyso arrintani in ay ka qayb qaataan dib-u-sixidda guddiga la dagaallanka Musuqmaasuqa lana waafajiyo habraacyada ku xusan Dastuurka KMG iyo Shirciga Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa oo ah meelmarinta Xubnaha Guddiga Labada Aqal.

Sida oo kale, Xubnaha Guddiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa waa in ay ogaadaan sharciyadda ay heystaan in ay tahay mid dhimman kana codsadaan hayadaha iyo ashqaasta awoodda u leh arrimahan dib u sixitaan iyo in la dhameystiro hab-raacyada qaldamay, si loo gaaro sarreynta sharciga.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sawirro: Muuse Biixi oo booqday Abwaan Hadraawi oo xanuunsan

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta guriga uu ka deggen yahay Hargeysa waxa uu ku booqday Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo waayihii dambe iska xanuunsanaa.

Abwaan Hadraawi oo ugu horeeya Abwaannada Soomaaliyeed ee nool kuwooda ugu caansan ayuu maanta Madaxweyne Muuse Bixii ku booqday guriga uu ka degyahay magaalada Hargeysa, isagoo ugu duceeyey inuu Alle xanuunka ka dul-qaado, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta guriga uu ka deggen yahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ku booqday Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo kamid ah abwaannada ugu caansan guud ahaanba geyiga ay ku dhaqan tahay bulshada Afka Soomaaliga ku hadashaa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa booqashada Abwaanka kadib socdaal ku maray goobo u badan hoteello oo ku yaalla magaalada Hargeysa halkaas oo ay u damaashaad tageen qaar badan oo ka mid bulshada ku nool caasimadda Somaliland.

Sawirro: Maxuu Rooble kala hadlay Xasan Sheekh markii uu ugu tegay hooygiisa?

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee SoomaaliyaXasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah musharaxiinta mucaaradka ah u taagan xilka madaxtinimada dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulankoodii galabta uga wada-hadlay xaaladda ee siyaasadda dalka, si gaar ah waxay diiradda u saareen arrimaha doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan dhawaan, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga. Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ka wada hadlay amniga guud , xasilloonida caasimadda iyo Arrimaha Doorashooyinka Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulankaan uu Ra’iisul wasaaruhu hoygiisa ugu tegay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo aaday iyadoo Rooble uu dhawaan dib ugu soo laabtay dalka, kadib markii uu safar Cumro ah u aaday Boqortoyada Sacuudi Carabiya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bilaabay kulamo la xiriira sidii loogu guuleysan lahaa dadaallada uu ku doonayo in dalka ay doorasho ka dhacdo. Waxuuna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta u balan qaaday inuu wax kasta la fududeyn doono.

Wixii ka dambeeyey markii uu Madaxweyne Farmaajo mas’uuliyadda doorashooyinka ku wareejiyey Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa dhowr mar fagaare ka sheegay in si dhab ah ay ula shaqeyb doonaan Rooble hadii uu ka soo baxayo waajibaadkiisa.

Yahuudda oo weli duqeyn ka wada GAZA iyo XAMAS oo ku jawaabeysa gantaalo

Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Israel ayaa lasoo dhoobay xuduudda Gaza, xilli ay weli duqeyn ku socoto magaalada, halka ururka Xamas ay ayagana gantaallo ku garaacayaan Israel, ayada oo xaaladda ay kasii dareyso.

Duqeymo cusub oo ay maanta ka fuliyeen Gaza, ayaa ciidamada Israel waxay ku garaaceen dhisme ka kooban lix dabaq oo ay sheegeen inay leeyihiin Xamas oo maamusha magaalada.

Ugu yaraan 83 qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markii ay billowdeen duqeymaha Israel Isniintii, sida ay sheegeen kooxaha caafimaadka, ayada oo isbitaallada oo markii horeba la tiicayey bukaanada COVID-19 la geeyey dhaawacyo.

“Waxaan wajaheynaa Israel iyo COVID-19. Waxaan dhexda uga jirnaa laba cadow,” waxaa sidaas yiri Asad Karam oo ah 20 jir ka shaqeeya dhismooyinka, isaga oo dhinaca taagan waddo ay waxyeeleeyeen duqeymaya Israel.

Dhinaca kale, weeraradii ugu dambeeyey ee gantaallo ee Xamas, ayaa mid ka mid ah wuxuu ku dhacay dhisme ganacsi oo ku yaalla caasimadda Tel Aviv, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen shan Israa’iiliyiin ah, sida ay sheegeen booliska.

Toddoba qof ayaa ku geeriyootay Israel tan iyo markii ay billowdeen gantaallada Xamas, sida ay sheegeen militariga Israel.

“Israel oo dhan waxaa ku socda weerar. Waxaa xaalad aad cabsi u leh in lagu sugnaado,” waxaa sidaas yiri Margo Aronovic oo ah 26 jir arday ah oo ku sugan Tel Aviv.

Israel ayaa ciidamo dagaal ku diyaarisay xuduudda Gaza, waxayna ku sugan tahay “marxalado kala duwan oo ay isugu diyaarineyso howlgal dhulka ah,” sida uu sheegay afhayeen u hadlay militariga.

REUTERS + VOA

Sawirro: Ra’iisul Wasaare Rooble oo la ciiday shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble  ayaa boqollaal shacab iyo mas’uuliyiin ah kula tukaday masjidka Shuhada ee ku dhex yaallay madaxtooyada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka ugu baaqay in la caawiyo dadka masaakiinta ah, lagana wada shaqeeyo amniga dalka si bulshada Soomaaliyeed ay ugu wada ciidaan farxad iyo damaashaad.

Sidoo kale Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Koobaad ee Ciidul Fitriga, isaga oo u rajeeyay in sanadkaan sankiisa kale ay ku gaaraan Bashbash iyo Barwaaqo.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida amniga dalka.


Xog: MASJID ku soo dumay dagaal-yahano Al-Shabaab ah kadib arrin ay sameeyeen

Jowhar (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa shalay subax xoog soonka uga furay dadka ku nool degaanka Warciise oo ku yaalla duleedka degmada Jowhar ee gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana halkaasi ka dhacay arrin la yaab ah. 

Dad goob joogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay qasab biyo ku siiyeen dad soomanaa kadibna waxaa la isugu geeyay masjid cusub oo laga dhisay degaanka, kaas oo ka sameysnaa Bulkeeti. 

Masjidka oo bilooyin ka hor la dhisay ayaa dumay markii ay Takbiirta ka billaabeen Al-Shabaab, islamarkaana dad aan badneyn qasab loo geeyay si Salaada Ciidda ugu Tukadaan. 

Ilo wareedyo dadka degaanka ah ayaa sheegay in Masjidka uu ka dumay laba qeybood, waxaana wax ku noqday dhowr dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Arrintaan la yaab ku noqotay dadka degaanka waxaana aad looga hadal hayaa gobalka Shabeellada Dhexe, ayada oo dadka qaar ay ku tilmaameen mucjiso lagu tusayey Al-Shabaab in cidda ay shalay ciideen ay aheyd mid qaldan. 

Al-Shabaab ayaa shalay dadka ku nool deegaanada ay maamulaan ku amray inay ciidaan, kadib markii ay sheegeen in Bisha Shawaal laga arkay deeganao ka mid ah Hiiraan, Bakool iyo meelo kale oo ay joogaan Al-Shabaab, oo gaaraya illaa sideed goobood.

Soomaaliya inteeda kale ayaa waxaa laga ciiday maanta kadib markii la waayey cid sheegtay inay bisha aragtay, ayada oo dowladda federaalka ay amartay in shalay ay aheyd 30-ka Ramadaan, cidduna ay tahay maanta.

Xog: DF oo diidan inuu dalka soo galo ergeyga Midowga Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawaan guddoomiyaha Midowga Afrika ku war-gelisay in Soomaaliya aan looga baahneyn Ergeyga uu 7-dii bishan May usoo magacaabay ayaa hadda u diidan in uu dalka soo galo, sida ay ilo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa horay ugu gacan seyray dalabkii dowladda Soomaaliya ee ahaa in laga laabto ergeyga cusub oo ah madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama oo ay ku eedeysay inuu xiriir dhow la leeyahay Kenya.

Hase yeeshee Caasimada Online ayaa ogaatay in dowladda Soomaaliya ay qaadatay go’aan ah in ergeygaas uusan soo gelin dalka, haddii Midowga Afrika aanu ka laaban magacaabistiisa.

Warqad uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq u diray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo ku taariikheysan 9-kii bishan May, ayey dawladda Soomaaliya ku cadeysay in aysan taageero siin doonin John Mahama oo ah madaxweynihii hore ee dalka Ghana, saaxiib dhowna la ah Kenyaanka sida ay ku doodeen mas’uuliyiinta Soomaaliya.

Sidoo kale Soomaaliya waxay ku dooday in haatan hannaanka heshiis lagu wada yahay uu bilaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana 20-ka bishan May loo balansan yahay shir guud oo lagu dhameynayo madmadow hor taagan in la qabto doorashooyinka dalka.

Warqadda uu wasiirku u diray Midowga Afrika waxaa kaloo lagu sheegay in magacaabistan ay jahawareer iyo siyaasadayn gelin karto howsha doorashada ee uu haatan guda galay Ra’iisul Wasaare Rooble.

DF iyo shirkadaha diyaaradaha dalka oo ka shiray qorshe lagu wajahayo go’aankii Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda xil-gaarsiinta Duraan Axmed Faarax ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay guddiga shirkadaha diyaaradaha ka howlgala dalka, maalin ka dib markii ay Kenya xayirtay duulimaadyada Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay hannaan lagu wajahayo in aysan saameyn ku yeelan diyaaradaha xayiraadda ay ku soo rogtay dowladda Kenya isu-socodka labada dal, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

“Waxaan ballan-qaadayaa in Dawladda ay kala shaqeynayso ganacsatada diyaaradaha wax kasta oo u sahlaya inuusan go’aankan saameyn ku yeelan,” ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sidoo kale guddiga la wadaagay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay in la hormariyo iskaashiga duulimaadyada waddamada gobolkan Geeska Afrika.

Dowladda Kenya ayaa maalin ka hor soo saartay go’aan ay illaa bisha Agosto ku joojineyso isu-socodka duulimaadyada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, waxuuna go’aankaas ku soo aaday iyadoo dowladda Soomaaliya ay maalmo ka hor shaacisay in dib loo soo celiyey xiriirkii diblomnaasiyadeed ee labada wadan oo go’naa muddo lix bilood ah.

Waxaa la aaminsan yahay in Kenya go’aankaas ay uga aar gudaneyso dowladda Soomaaliya oo diiday inay dib u fasaxdo Qaadkii laga soo dhoofi jiray dalka Kenya oo gabi ahaanba laga mamnuucay Soomaaliya, waxaana xusid mudan in laba maalin ka hor ay ganacsatada Kenya ku hungoobeen inay Qaad u soo dhoofiyaan Soomaaliya, isla markaana uu soo gaaray khasaare xoog leh.

Xog: Sida ay DF Soomaaliya u hor-istaagtay qorshihii Kenya Airways ee HARGEYSA

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa daboolka ka qaadeysa sababta u weyn ee diyaaradda Kenya Airways  ay u bilaabi laadahay duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalada Hargeysa ee Somaliland, bilo kadib markii ay sidaas ku heshiiyeen Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi.

Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways ayaa qoraal ay maanta soo saartay ku sheegtay in duulimaadkii tooska ahaa ee Hargeysa uu weli ku jiro hakad, ayada ka gaabsatay faah-faahin intaas ka baxsan.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, sababta u weyn ee diyaaradda Kenya Airways u bilaabi laadahay duulimaadka tooska ah ee Hargeysa ayaa ah inay ogolaansho ka la’dahay wasaaradda.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa diiday inay diyaaradda Kenya Airways u ogolaato fasax ay ku tagto magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kadib markii ay su’aal gelisay hab macaamilka Kenya ee Somaliland.

“Anaga ayaa mamulna hawada Soomaaliya, mana jirto diyaarad iman karta garoon ka tirsan dalka, ayada oo aan fasax ka haysan dowladda federaalka,” ayuu yiri xubin sarre oo ka tirsan Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada oo la hadlay Caasimada Online.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u aragta Kenya mid wada fowdo, maadama ay rabto inay Somaliland ula taacamisho sidii dal ka madax-banaan Soomaaliya, taasi oo ay ka biyo diidan tahay dowladda federaalka oo ayadu gacanta ku haysa maamulka hawada.

Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways ayaa maanta iska fogeysay warar sheegayay inay duulimaad toos ka bilaabi doonto magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland dhamaadka bishan aan ku jirno ee May.

“Kenya Airways (KQ) waxay jeceshahay inay cadeyso in qorshooyinka ay duulimaadyada uga bilaabi doonto Hargeysa, Somaliland ay weli ku jiraan hakad, iyadoo la sugayo ogolaanshaha iyo ansixinta aas-aasiga ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Shirkadda.

“Hadda ma jiraan duulimaadyo toos ah oo howl-galaya oo shirkadda ah,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka oo ay Kenya Airways ku beeninayso wararka la wareejinayo baraha bulshada.

Qorshaha ay diyaaradda Kenya Airways ugu tageyso duulimaad toos ah magaalada Hargeysa ayaa soo socday billooyinkii dambe, hase yeeshe waxa uu ka dhaqan gali laayahay dowladda federaalka oo u aragta xad-gudub ka dhan Jamhuuriyada.

DF oo tallaabo ka qaaday MASJID iyo Imaam qaatay amar kasoo baxay Shabaab

Afooge (Caasimadda Online) – Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa xabsi iyo jirdil isugu daray imaamyo iyo dadka Shacab ah oo salaadda Ciidul Fidriga ka oogi rabay qaar ka mid ah masaajida ku yaal Degmadaas.

Imaamyadaan ayaa la sheegay inay qaateen amarkii kasoo baxay Al-Shabaab ee ahaa in Maanta oo Arbaco ah ay tahay Ciid, islamarkaana la arkay dhalashada bisha Shawaal.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa xoog ku galay masaajidaas, waxaana xabsiga la dhigay dhowr imaam oo diiday inay joojiyaan Takbiirta isla markaasna ay qaataan amarka Dowladda ee ahaa in Maanta ay tahay Maalin Soon ah.

Al-Shabaab ayaa awood muuqato ku leh gudaha Magaalada Afgooye, waxayna qeybo kamid ah Magaalada si toos ah uga qaadaan Canshuur, iyadoo ay magaalada ku sugan yihiin xubno Al-Shabaab u qaado waxa ay ugu yeereyn Zakawaad.

Dhammaan Gobolada Soomaaliya ayaa Maanta laga sooman yahay, marka laga reebo Magaalooyinka ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xalay shaaciyey in dalka Soomaaliya aysan Maanta Ciid u aheyn, isla markaana la kaamilo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xili inta badan dowladaha Islaamka ay ku dhawaaqeen in maanta aysan Ciid aheyn.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Xalay sheegtay in Maanta ay tahay maalin ciid ah, waxaana laga ciiday dhammaan goobaha ay gacanta ku heyso Xaramada, waxaana ugu waaweynaa meelaha laga ciiday Garhareeri, Jilib iyo Saakow.

Sawirro: Sidee looga ciiday deegaanada ay gacanta ku heyso xarkada Al-Shabaab?

Jilib (Caasimadda Online) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday deegaanada ay gacanta ku heyso ururka Al-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliy iyo qeybo kamid ah Kenya.

Deegaanada laga ciiday oo ay Al-Shabaab gacanta ku hayaan waxay ku kala yaalaan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Magaalooyinka sida weyn looga ciiday oo ay Al-Shabaab gacanta ku heyso waxaa kamid ah Magaalada Jilib ee Jubbalada Dhexe.

Boqolaal qof oo isugu jiro shacab, madax iyo ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa isugu yimid barxad loo diyaariyey in salaadda Ciidda lagu dukado taasoo loogu magacay daray macallin Aadan Xaashi Ceyrow.

Dadka isugu yimid halkaas ayaa waxaa khudbado kala duwan u jeediyey madax iyo saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale deegaanada Shabaab gacanta ku hayaan ee laga sida weyn looga ciiday waxaa kamid ah Magaalada Galhareeri ee gobolka Galguduud.

Dhanka kale, waxaa si weyn looga ciiday Magaalada Saakow ee Jubbalada Dhexe, halkaas oo ay isugu soo dhaweyno dadweyne aad u badan iyo ciidamo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana halkaas kasoo muuqday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo hadalo jeediyey.

Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo kamid ah deegaanada ay Shabaab gacanta ku hayaan ayaa sidoo kale si weyn looga ciiday, waxayna Al-Shabaab dadka isugu keeneyn barxad weyn halkaas oo lagu dukaday Salaadda.

Kenya Airways oo war kasoo saartay duulimaad la sheegay inay ka bilaabeyso Hargeysa

0

Nairobi (Caasimada Online) – Shirikadda Diyaaradaha Kenya Airways ayaa maanta ka hadashay warar sheegaya in duulimaad toos ah ka bilaabi doonto magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, dhamaadka bishan aan ku jirno ee May.

Qoraal kasoo baxay maamulka Kenya Airways ayaa waxba kama jiraan loogu tilmaamay wararkaas oo shalay ilaa xalay si weyn loogu baahinayay baraha bulshada, ayada oo lagu lifaaqay heshiiskii ay hore u wada-galeen madaxweyne Muuse Biixi iyo Uhuru Kenyatta.

Wararka ay beenisay Kenya Airways ayaa waxaa lagu sheegay inay duulimaad toos ah ku tegi doonto Hargeysa toddobaadkiiba saddex maalin, kuwaasi oo lagu kala sheegay Arbacada, Jimcaha iyo Axadda.

“Kenya Airways (KQ) waxay jeceshahay inay cadeyso in qorshooyinka ay duulimaadyada uga bilaabi doonto Hargeysa, Somaliland ay weli ku jiraan hakad, iyadoo la sugayo ogolaanshaha iyo ansixinta aas-aasiga ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Shirkadda.

“Hadda ma jiraan duulimaadyo toos ah oo howl-galaya oo shirkadda ah,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka oo ay Kenya Airways ku beeninayso wararka la wareejinayo baraha bulshada.

Qoraalka Kenya Airways ayaa laga fahmi kara in duulimaad ay ka bilowdo Somaliland ay ku xirantahay ogolaansho laga helo dowladda federaalka oo gacanta ku haysa maamulka hawada Soomaaliya, inkasta oo ay arrintaas ku cadeyn qoraalkeeda.

Madaxweynayaasha Kenya iyo Somaliland ayaa heshiis ay kal hore wada-gaareen, waxaa qeyb ka aheyd in diyaaradda Kenya Airways ay duulimaadyo toos ah ka bilowdo Hargeysa.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xili ay shalay dowladda Kenya ku dhawaaqday joojinta duulimaadyadii Soomaaliya, midaasi oo cadaadis hor leh lagu saarayo dowladda federaalka, si ay u fasaxdo qaadka laga soo dhoofiyo Kenya.

Muxuu Farmaajo kala hadlay madaxweynaha Burundi?

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Kampala ee dalka Uganda kula kulmay madaxweynaha dalka Burundi, Évariste Ndayishimiye, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay Villa Somalia.

Kulanka ayaa waxay labada madaxweyne kaga wada-hadleen xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada ka dhaxeeya ee amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye oo kulan-doceed ku yeeshay caasimadda Kambaala ee dalka Uganda ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Farmaajo ayaa sidoo kale waxa uu shalay kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni, waxayna ka wada-hadleen xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay madaxdu isku raaceen adkeynta xiriirka qotada dheer ee ku dhisan iskaashi iyo wax wadaqabsi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Yoweri Museveni guusha uu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay dalkan, isaga oo u rajeeyey horumar iyo barwaaqo Shacabka iyo dawladda Uganda.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa dhawaan gaaray dalka Uganda, waxaana safarkaan ku wehlinaya wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil kale, si ay uga qeyb-galeen caleema saarka madaxweyne Museveni.

Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayay ahayd markii Museveni lagu dhawaaqay in uu yahay guuleystaha doorashooyinka guud ee dalkaas, wallow uu natiijadaas qaadacay hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine.

Madaxweyne Museveni oo talada dalka Uganda qaab Jabhadayn ku qabsaday sanadkii 1986-dii waxa uu xilkaasi hayaa 35-sano, isagoo codbixinta Doorashadii u dambaysay ee ka dhacday dalkaasi bishii Janaayo 14-dii ee sanadkan uu ka helay 58.64%.

Rooble oo qorshe cusub ka billaabay Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka billaabay wada-tashiyo ku aadan shirka arrimaha doorashooyinka, kadib markii uu shalay ku soo laabtay dalka.

Rooble ayaa haatan wada qorshihii ugu dambeeyey ee shirkaasi oo la filayo inuu qabsoomo 20-ka bishan aynu ku jirno ee 2021-ka, iyada oo go’aan looga gaarayo doorashooyinka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in ra’iisul wasaaruhu ka baaraan-degaya shirkani, si uu u noqdo mid ka duwan kulamadii hore, meeshana looga saaro shuruudaha fashilin kara shirkan oo saldhig u ah doorashooyinka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in Rooble uu haatan ka fakirayo sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha fashilin kara wada-hadallada doorashooyinka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la wareegay amniga iyo maamulka doorashada, isaga oo kadib billaabay abaabul xoogan oo uu ku wajahayo mucaaradka.

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan xaaladda siyaasadeed ee yare dagan tahay, kadib heshiiskii ay Muqdisho ku gaareen dowladda iyo mucaaradka.

Xog: Ciidamadii Cabdirashiid JANAN oo diiday qorshe ay damacsaneyd dowladda

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan gobalka Gedo ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamadii Cabdirashiid Janan ee la heshiiyey dowladda Soomaaliya ay diideen in lagu daro ciidanka dowladda ee ku sugan qeybo kamid ah gobalka. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in ciidanka Janan ay sharuud ku xireen ku biirista ciidanka dowladda, taasoo ay ka biya diideen saraakiisha dowladda ee ku sugan gobalka Gedo. 

Ciidanka Cabdirashiid Janan ayaa dalbaday in la siiyo guddoomiyaasha degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beladxaawo. Sidoo kale ciidankaan Janan ayaa dalbaday in la siiyo taliyaasha degmooyinkaas ee Nabad Sugidda ama taliye ku-xigeenada. 

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa la filayaa in uu safar ugu baxo gobalka Gedo, waxaana safarkiisa ku wehlin doono saraakiil ka tirsan Villa Somalia, ayadoo ujoodka safarkooda lagu sheegay in xal loogu raadinayo arrimaha ka soo cusboonaaday gobalka Gedo.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay jirto cabsi ku aadan in laga yaabo in ciidanka Janan ay isaga ka goostaan, islamarkaana noqdaan kuwa iskood u taagan oo dowladda mucaarada ama la gorgortama.

Xog: Laba qodob oo sababay inay dowladda Kenya joojiso duulimaadyada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shalay soo saartay go’aan ay ku joojineyso duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya, marka laga reebo duulimaadyada caafimaadka iyo kuwa gargaarka bani’aadannimo. 

Si rasmi ah looma shaacin sababta go’aanka, hase yeeshee waxaa la sheegay in joojinta ay jiri doonto muddo saddex bilood ah, waxeyna ku soo aaday saacdo kadib markii ay Soomaaliya sheegtay in aysan fasaxin qaadka ka iman jiray dalka Kenya. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Kenya u joojisay laba arrin oo kala ah. 

1- In dowladda Soomaaliya aysan fasaxin qaadka ka yimaada dalka Kenya oo sanadkii malaayin lacag ay ka hesho dowladda Kenya. Wararku waxay sheegayaan in dad ehel la ah madaxweyne Farmaajo iyo Cali Yare Cali ay dalka keenaan qaadka Itoobiya dartoodna loo joojiyay kan Kenya. Qaadka Kenya ayaa markii hore u xirnaa ganacsato Soomaali ah, hase yeeshee maadaama aan laga wareejin karin la joojiyey gebigiisa si mashruuc kale oo dhanka Itoobiya ah loogu furo dad kale.

2- Warqad ay dowladda Soomaaliya u dirtay Midowga Afrika, taasoo lagu dalbaday in la badalo ergaygii dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya oo ah madaxweynihii hore ee Kenya John Mahama, waxaana warqadda ku qornaa inuu daganyahay Kenya islamarkaana uu ganacsi ku leeyahay. 

Arrintaas ayaa loo arkaa in wali muujineyso in Soomaaliya ay wali ku taagantahay dagaalka siyaasadeed ee dalka Kenya, islamarkaana soo-celinta xiriirka uu muuqdo mid ku kooban kaliya oraah, oo aan ficil laga muujin.

Waxaa la filayaa in dowladda Qatar markale soo kala dhaxgasho labada dal oo ay markii hore ka shaqeysay inay soo celiso xariirkooda.

CC Shakuur oo shaki cusub geliyey madax-bannaanida Rooble ee doorashooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war qoraal ah soo saaray ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, isaga oo ku eedeeyey inuu weli lugaha qabanayo doorashada.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in Farmaajo markii UU dantiisa ka waayey ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika uu iska diiday, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu weli siyaasadeynayo arrimaha ciidamada qaranka, si uu ugu fushado danahiisa gaarka ah.

“Farmaajo isaga ayaa dalbaday in Midowga Afrika arrimaha Soomaaliya soo dhexgalo, haatanna isaga ayaa diidaya markii uu dantiisa ka arki waayey. Farmaajo weli ciidanka fadqalallo ayuu ka dhex wadaa. Danaha shacabka Soomaaliyeed ayuu u afduubay dan ganacsi oo ay walaalkiis iyo saaxibbadiisu leeyihiin,” ayuu yiri CC Shakuur Warsame.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweynuhu uusan wax fursad ah siineynin ra’iisul wasaaraha oo loo xil saaray doorashada iyo dhex-dhexaadinta mucaaradka.

‘Marna lagama yaabo in Farmaajo fursad u siiyo Raysalwasaare Rooble in uu muujiyo hufnaan uu saamileyda siyaasadda ugu dhexeeyo iyo madax bannaani uu go’aannadiisa ku qaato,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay Ra’iisul wasaare Rooble inuu qaado tallaabooyin deg deg ah oo ku aadan qabashada doorashooyinka, si dalka looga bad-baado qalalaase horleh.

“Haddaba Raysalwasaare Rooble waxaa looga fadhiyaa in uu qaado tallaabooyin xoojinaya filashada laga qabo ee ah in uu Farmaajo fariinka u qabto, xeeriyana danta shacbaka Soomaaliyeed, muujiyana in uu ka madax bannaan yahay saameynta taban ee  Farmaajo iyo kooxdiisa,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo 20 bishan loo ballansan-yahay shir ay qeyb ka yihiin madax goboleedyada dalka, kaas oo looga arrinsanayo is mari-waaga doorashooyinka.

DF oo shaacisay inaysan jirin taliyeyaal la bedelayo kadib dalabkii musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in la beddelo taliyayaasha ciidamada dowladda, taasi oo muddo aheyd dalab ay ku dheganayeen Midowga Musharaxiinta, kadib markii ay ku eedeeyeen inay bixiyeen amaro lagu weeraray qaar ka mid ah musharxiinta madaxweynaha. 

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in heshiiskii lala galay mucaaradka ee lagu soo afjaray xiisaddii Muqdisho aanu ku jirinin la bedelo taliyeyaasha ciidamadda qaranka.

“Taliyeyaal la bedelayo heshiiska kuma jiro. Taasina waa mid u taalo maamulka ra’iisul wasaaraha. Haddii ay ku timaado talo kale waa meesheeda. Qodobada aan ku heshiinay waa tobban qodob, waana cad yihiin,” ayuu yir Xundubey.

Hase yeeshee, qodobka lixaad ee heshiiska ay gaareen xukuumadda iyo mucaaradka ayaa waxa uu dhigayaa in la magacaabo guddi khubaro ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka, mana cadda haddii dib u habeyntaas ay qeyb ka tahay hoggaanka ciidanka

Hadalka Xundubey ayaa meesha ka saaraya rajo laga qabay in Rooble uu beddelo qaar ka mid ah taliyayaasha kadib markii uu la wareegay amniga doorashada. Rooble oo dhowr maalmood ku maqnaa Cumrada ayaa shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho, waxaana la filayaa inuu guda galo howlaha doorashada.

Dhinaca kale, Xundubey ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada lagu heshiiyey inay Muqdisho ka baxaan aysan ku koobneyn oo kaliya kuwa taageerayay Madasha Badbaado Qaran, balse ay sidoo kale ku jiraan ciidamada taabacsan dowladda ee xiisadda dagaal ku yimid Muqdisho.

“Waxa magaalada laga saarayo ee lagu heshiiyey waa ciidan kasta oo kusoo galay xiisaddii ka dhalatay muddo kordhinta,” ayuu yiri Xundubey. 

Si kastaba, inkasta oo ciidamada Badbaado Qaran ay magaalada uga baxeen si shaacsan, oo la wada arkay, haddana ma muuqato inay magaalada ka baxeen ciidankii uu kusoo daabulay Farmaajo.