25.9 C
Mogadishu
Monday, July 13, 2026

DF oo shaacisay inaysan jirin taliyeyaal la bedelayo kadib dalabkii musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in la beddelo taliyayaasha ciidamada dowladda, taasi oo muddo aheyd dalab ay ku dheganayeen Midowga Musharaxiinta, kadib markii ay ku eedeeyeen inay bixiyeen amaro lagu weeraray qaar ka mid ah musharxiinta madaxweynaha. 

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in heshiiskii lala galay mucaaradka ee lagu soo afjaray xiisaddii Muqdisho aanu ku jirinin la bedelo taliyeyaasha ciidamadda qaranka.

“Taliyeyaal la bedelayo heshiiska kuma jiro. Taasina waa mid u taalo maamulka ra’iisul wasaaraha. Haddii ay ku timaado talo kale waa meesheeda. Qodobada aan ku heshiinay waa tobban qodob, waana cad yihiin,” ayuu yir Xundubey.

Hase yeeshee, qodobka lixaad ee heshiiska ay gaareen xukuumadda iyo mucaaradka ayaa waxa uu dhigayaa in la magacaabo guddi khubaro ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka, mana cadda haddii dib u habeyntaas ay qeyb ka tahay hoggaanka ciidanka

Hadalka Xundubey ayaa meesha ka saaraya rajo laga qabay in Rooble uu beddelo qaar ka mid ah taliyayaasha kadib markii uu la wareegay amniga doorashada. Rooble oo dhowr maalmood ku maqnaa Cumrada ayaa shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho, waxaana la filayaa inuu guda galo howlaha doorashada.

Dhinaca kale, Xundubey ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada lagu heshiiyey inay Muqdisho ka baxaan aysan ku koobneyn oo kaliya kuwa taageerayay Madasha Badbaado Qaran, balse ay sidoo kale ku jiraan ciidamada taabacsan dowladda ee xiisadda dagaal ku yimid Muqdisho.

“Waxa magaalada laga saarayo ee lagu heshiiyey waa ciidan kasta oo kusoo galay xiisaddii ka dhalatay muddo kordhinta,” ayuu yiri Xundubey. 

Si kastaba, inkasta oo ciidamada Badbaado Qaran ay magaalada uga baxeen si shaacsan, oo la wada arkay, haddana ma muuqato inay magaalada ka baxeen ciidankii uu kusoo daabulay Farmaajo. 

DF oo si kulul u cambaareysay weerarkii Israel ee Al-Aqsa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Balaal Maxamed Cismaan oo Aaladda fogaan arragga uga qeyb-galay  shirkii Golaha Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii ay ciidamada Israel ku qaadeen masijidka barakeysan ee Al-Aqsa.

Wasiir Balaal ayaa shaaca ka qaaday in gar-darrada ay Israel ku heyso Falastiin aan indhaha laga laaban karin, isla-markaana ku heyso dhibaatooyin aad fool xun.

“Soomaaliya waxay cambaareyneysaa xoogaga qabsashada ee ku soo duulay barxadaha Masjidka Al-Aqsa iyo weerarkooda ay ku qaadeen dadka reer Falastiiniyiinta ee aan is difaaci karin” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladaha caalamka, gaar ahaan kuwa Islaamka in meel looga soo wada-jeesto sidii looga hortegi lahaa weerarada Israel ee dhulka Falastiin.

Halkan hoose ka aqriso:

Mudane Sheekh Maxamed Bin Cabdulraxman Al Thani, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda aan walaalaha nahay ee Qatar, Guddoomiyaha kalfadhiga hadda socda Mudane Axmed Abu Al-Ghait – Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta. Iyo Dhamaan Mudanayaasha kale ee sharafta leh.

Asalaamu calaykum Waraxmatulahi Wabarakatuhu (ASC)

Qabashada kulankeenna deg-deg ah ee heer Wasiir waxay ku timid kalfadhi aan caadi aheyn oo ay codsadeen Dowladda walaalaha ah ee Falastiin si looga hortago dambiyada arxan darada ah ee Israa’iil iyo weerarada lagu hayo nafta, karaamada iyo hantida dadka reer Falastiin.

Soomaaliya waxay cambaareyneysaa xoogaga qabsashada ee ku soo duulay barxadaha Masjidka Al-Aqsa iyo weerarkooda ay ku qaadeen dadka reer Falastiiniyiinta ee aan is difaaci karin.

Waxaan ugu baaqeynaa bulshada caalamka inay qaataan mas’uuliyadahooda sharci iyo akhlaaqiyadeed, ayagoo mudnaan siinaya ilaalinta lagama maarmaanka u ah dadka Falastiiniyiinta ah ee Israa’iil dhibta ku hayso dhaqamadaan foosha xun, xadgudubyada joogtada ah iyo tallaabooyinka kor u qaadaya khatarta, waxaana ku baaqeynaa in lagu qasbo xoogagga ku soo duulay dhulka reer Falastiin inay u hoggaansamaan go’aannada sharci ee caalamiga ah iyo soo celinta xuquuqda dadka Falastiiniyiinta, oo ay kujirto xaqa ay u leedahay inay si xor ah ugu dhaqmaan cibaadooyinka diiniga ah.

Soomaaliya waxay xaqiijineysaa u hogaansananta Hindisaha Nabadda ee Carabta oo ah ikhtiyaar istiraatiijiyadeed oo lagu xallinayo qaddiyadda Falastiin, iyadoo la tixraacayo qaraarrada sharci ee caalamiga ah iyo qaraarada khuseeya ee Golaha Amniga ee arrintan la xiriira.

Soomaaliya waxay dalbaneysaa boobka iyo qalalaasaha in la joojiyo dhammaan tallaabooyinka caburinta ah ee lagu hayo dadka reer Falastin ee ku dhaqan magaalada Qudus, sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa caalamka inay si deg deg ah u qaadato mas’uuliyadeeda si ay ugu cadaadiso Israa’iil inay joojiso dhammaan weerarada isdaba jooga ah ee Israa’iil ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin, iyagoo lagu heysto ku dhaqanka Diintooda iyo sameynta dowlad madaxbanaan, iyadoo caasimadda ay tahay Al-Quds Al-Sharif tahay.

Gabagabadii, waxaan cusbooneysiineynaa go’aankeena ah inaan sameyno dadaal kasta si aan ugu adeegno sababaha dalalkeenna, waxaana ilaah ka baryeynaa inuu naga caawiyo danta ugu fiican qarankeena iyo inuu nagu taageero dadaaladeena si aan uga gudubno xaaladaha gaarka ah ee ummaddeena Carabta ah la soo dersaya.Eebbe ayaa Kaalmo iyo Ilaalinba weydiisaneynaa

Muuse Biixi oo farrin u direy shacabka SOMALILAND

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa dhamaan bulshada reer Somaliland meel walba oo ay jooga iyo guud ahaan shucuubta Islaamka u direy dhambaal hambalyo ah Ciidal Fidriga awgeed.

“Ilaahay baa mahad leh nimcooyinka badan ee caafimaadku kow ka yahay, nabada, roobka iyo barwaaqada, fadliga ramadaan, ilaahaybaa ku mahad leh, waxaan dhammaan hambalyo iyo salaan u dirayaa ummadda islaamka ah meel ay joogtaba, gaar ahaan ummadda Somaliland, gude iyo dibed waxaan u dirayaa salaan iyo hambalyo,” ayuu yiri.

“Waxaa ilaahay uga rajaynayaa sannadkaa sannadkiisa inay barwaaqo iyo bash-bash iyo caafimaad ku ciidaan oo ilaahay caafimaad inagu wada gaadhsiiyo iyo horumar, ramadaantu waxay ku soo hagaagtay sannadkan roob, qabaw iyo barwaaqo dalkuna nabad yahay.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xuska 18-May oo maalmo kooban inaga xigaan, maalintaas oo ay Somaliland u dabaal-degto madax-banaanida ay ku doodo, iyo doorashooyinka la filayo inay ka qabsooman deegaanada Somalilan.

“Ramadaanta waxa inoogu xiga oo iyana soo socota 18 May oo maalintii qarannimada Somaliland oo shan cisho ka danbayn doonta haddii Alle yidhaahdo, waxa ku xigidoona 18-ka, haddana doorashadii oo ilaa hadda ku qotonta inay qabsoonto 31-May bishan aynu ku jirno, arrimahaasa isu keen dabayaala.”

“Waxa kusii xiga 26-June, waxa weeyaan arrimo wada muhiim ah, dabaal-deg, xus, cibaado iyo farxad ah oo ciid ah, waa ilaahay mahadii intaa isku xigtaa, si ilaahay ciidahaa iyo doorashooyinkaa isdaba-jooga ahi inoogu qabsoomaan nabad, qof walba oo muwaadina oo Somaliland ah, waxa ku waajib ah in uu ilaaliyo dalkiisa, nabadiisa, dadkiisa inay si nabad ah oo barwaaqo ah oo caafimaada caruurtiisa iyo ciroolihiisu ku ciidaan.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale farta ku fiiqay cadow uu sheegay inay leedahay Somaliland, islamarkaana loo baahan yahay in meel looga soo wada-jeesto, “Somaliland cadaw badan ayey leedahay oo aan jeclayn horumarkeeda iyo nabadeeda iyo wada jirkeeda, waxaan ku dardaarayaa dhammaan muwaadiniintu inay meel uga soo wada jeedaan wixii inaga khal-khalinaaya horumarkeena, nabadeena, walaaltinimadeena, maalmahaa ciida, tan fidriga, tan 18-ka, ta doorashada, ta 26-June, waxay isku wada xigaan”.

Ugu danbayntiina madaxweynuhu waxa uu ka hadlay xanuunka Covid-19 oo faro ba’an ku haya Somaliland, wuxuuna sheegay in sannadkan sidii kal hore uu ka cuslaa, isagoona ilaahay uga baryay dadkii u geeriyooday inuu naxariistii janno ka waraabiyo, inta la jiiftana uu ka kiciyo.

DF Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay maalinta ciidda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa goordhaw shaaciyey in dalka Soomaaliya aysan berri Ciid u aheyn, isla markaana la kaamilo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Wasiirka oo ay wehliyaan Culumaa’udiin Soomaaliyeed ayaa illaa Afurkii caawa ku sugnaa Wasaaradda Warfaafinta, si ay u xaqiijiyaan bilashada bisha Shawaal ee Soonfur, balse markii la waayey waxay wasaaraddu go’aamisay in Arbacada berri la buuxiyo 30-ka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xili inta badan dowladaha Islaamka ay ku dhawaaqeen in berri aysan Ciid aheyn.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa dhankeeda caawa xaqiijisay in Arbacada berri ay tahay maalinta u dambeysa ee bisha Soon, maadaama galabta la waayey bilashada bisha Soonfur ee Shawaal.

Guddiga aragtida dayaxa ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in baaristii la sameeyey Talaadadii maanta lagu ogaaday in aysan dhalan bisha Shawaal ee Soonfur.

Sidoo kale dowladda Qatar ayaa caawa shaacisay in maalinta berri ay tahay Soon 30 buuxo ah, isla markaana la ciidi doono maalinta Khamiista ah ee 13-ka bishan May.

Dhanka kale war ka soo baxay ururka Al-Shabaab oo ay baahisay warbaahinta taageerta ayaa lagu iclaamiyey in Arbacada berri ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, isla markaana la arkay bilashada bisha Soonfur ee Shawaal

Al-Shabaab waxa ay sheegeen in illaa 8-qof oo ku kala sugan gobollada Hiiraan, Gedo, Bay iyo Bakool ay xaqiijiyeen inay arkeen bisha Soonfur oo dhalatay.

Shabaab oo ku dhowaaqday in berri ay ciid tahay oo bisha ‘laga arkay’ dhowr gobol

Muqdisho (Caasimada Online) –War ka soo baxay ururka Al-Shabaab oo ay baahisay warbaahinta taageerta ayaa lagu iclaamiyey in Arbacada berri ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, isla markaana la arkay bilashada bisha Soonfur ee Shawaal

Al-Shabaab waxa ay sheegeen in illaa 8-qof oo ku kala sugan gobollada Hiiraan, Gedo, Bay iyo Bakool ay xaqiijiyeen inay arkeen bisha Soonfur oo dhalatay.

Deegaanka Afcad oo hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, Al-Shabaab waxay qoraalkooda u sheegeen inay bisha ku arkeen 3-qof, sidoo kale deegaanka Yasooman oo hoos taga degmada Buulo-Burte ee isla gobolka Hiiraan, waxaa bisha ku arkay hal qof, sida lagu sheegay qoraalka kooxda.

Sidoo kale duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayey sheegeen inay bisha ka arkeen laba qof, halka deegaanka Tuulo-barwaaqo oo ka tirsan gobolka Gedo ay bisha ka arkeen illaa labo qof, sida lagu sheegay qoraalka Al-Shabaab.

Aragtida bisha ee sideedaas qof darteed Al-Shabaab waxay iclaamiyeen in berri oo Arbaco ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Shawaal, isla maraakan ay tahay Ciid.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa dhankeeda caawa xaqiijisay in Arbacada berri ay tahay maalinta u dambeysa ee bisha Soon, maadaama galabta la waayey bilashada bisha Soonfur ee Shawaal.

Guddiga aragtida dayaxa ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in baaristii la sameeyey Talaadadii maanta lagu ogaaday in aysan dhalan bisha Shawaal ee Soonfur.

Sidoo kale dowladda Qatar ayaa caawa shaacisay in maalinta berri ay tahay Soon 30 buuxo ah, isla markaana la ciidi doono maalinta Khamiista ah ee 13-ka bishan May.

Sawirro: Xasan Sheekh oo war kasoo saaray kulan uu la qaatay safiirka Jabuuti

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan, ayaa maanta hooygiisa magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheesh Maxamuud.

Safiirka iyo Madaxweynaha ayaa ka wadahadlay xaaladda guud ee dalka iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, waxuuna Xasan Sheekh Danjire Aadan uga mahadceliyey booqashadaas.

Xasan Sheesh Maxamuud ayaa boggiisa Twitter-ka ku soo qoray, “Sharaf ayey ii ahayd in uu maanta i soo booqday Safiirka dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Ambassador Aadan Xasan Aadan”.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu dowladda Jabuuti ku tilmaamay dal ka shaqeeya dib u dhiska Soomaaliya. “Waxaan uga mahadceliyay dadaallada dowladda Jabuuti ee dib u dhiska Soomaaliya,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay go’aanka Jabuuti ay ku garab taagan tahay walaalahood Soomaaliya, isagoo xusay in weligiis uusan isbedeli doonin.

Intaas waxa uu raaciyey in aysan Jabuuti lamid ahayn dalal fara badan oo Soomaaliya saaxiib la ah. Waxa uu sheegay inay Jabuuti tahay dal walaal ah oo Soomaaliya, garab istaagay waqtiyo ay xaaladuhu aad ugu adkaayeen. “Jabuuti waa walaal iyo saaxiib na garab istaagay xilli adag” ayuu Xasan Sheekh ku yiri qoraalkiisa.

Booqashadaan waxay imaaneysaa iyadoo dowladda Soomaaliya bilihii lasoo dhaafay ay ugu yaraan laba jeer ku eedeysay dowladda Jabuuti inay xagal-daacineyso Soomaaliya.

Sidoo kale xukuumadda madaxweyne Farmaajo ayaa horay loogu eedeeyey inay lumineyso Jabuuti oo dadka Soomaaliyeed aysan u aaminsaneyn dal kaliya deris la ah,  balse u arka walaal u soo hiiliyey, xilliyadii adkaa ee Qaran-jabku ku dhacay umadda Soomaaliyeed.

SACUUDIGA oo shaaciyey maalinta ay tahay CIIDDA

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in Arbacada berri ay tahay maalinta u dambeysa ee bisha Soon, maadaama galabta la waayey bilashada bisha Soonfur ee Shawaal.

Guddiga aragtida dayaxa ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in baaristii la sameeyey Talaadadii maanta lagu ogaaday in aysan dhalan bisha Shawaal ee Soonfur.

“Guddiga aragtida dayaxa ee Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijiyay Talaadadii in dayaxa bilaha ah oo curanaya bilowgii Shawaal aan la arkin. Sidaas darteed, Arbacada 12-ka May waxay noqon doontaa maalinta ugu dambeysa iyo 30-ka Ramadaan, Khamiista 13-ka May waxaa loo arki doonaa maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga,” ayaa lagu yiri qoraal goordhaw ay soo saartay dowladda Sacuudiga.

Sidoo kale dowladda Qatar ayaa caawa shaacisay in maalinta berri ay tahay Soon 30 buuxo ah, isla markaana la ciidi doono maalinta Khamiista ah ee 13-ka bishan May.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli kala xaqiijin tallaabada ay shacabka Soomaaliyeed qaadanayaan berri, balse waxaa lagu wadaa in wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ay warbixin siiso shacabka.

Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa Talaadadii maanta ku beegneyd 29, waxaana loo badinayaa in berri la buuxi doono 30-ka, waxaana xusid mudan in bishii hore ee Shacbaan ay ku dhamaatay 30 maalmood.

Sawirro: Farmaajo oo si weyn loogu soo dhoweeyey Uganda

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Kampala, wuxuuna qeyb ka yahay madaxda lagu marti-qaaday Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay caasimada Kampala ee dalka Uganda waxa uu kulamo duceedyo la qaadan doona madaxda ka qeyb-galeysa caleema-saarka, sida uu sheegay Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Kampala waxa uu madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday kulamo la qaadan doona jaaliyada Soomaaliyeed ee Uganda iyo ardeyda wax ka barata dalkaas.

Madaxweynaha ayaa waxa safarkaan ku wehlinaya wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Maxamed Xasan, Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil kale.

Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayay ahayd markii Museveni lagu dhawaaqay in uu yahay guuleystaha doorashooyinka guud ee dalkaas, wallow uu natiijadaas qaadacay hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine.

Si kastaba, madaxweyne Museveni oo talada dalka Uganda qaab Jabhadayn ku qabsaday sanadkii 1986-dii waxa uu xilkaasi hayaa 35-sano, isagoo codbixinta Doorashadii u dambaysay ee ka dhacday dalkaasi bishii Janaayo 14-dii ee sanadkan uu ka helay 58.64%.

Soomaaliya oo dib u celisay qaad ay dalka u soo wadeen ganacsato Kenyan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsatada qaadka ee Kenya ayaa shaaciyey inay ku hungoobeen soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii xalay laga xareeyay qaad ay usoo dhoofinayeen magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli fasaxin qaadka Kenya in la keeno gudaha dalka, waxayna ganacsatada Kenya sheegen in soo celinta xiriirka kadib ay filayeen in qaadka ay usoo dhoofin karaan dalka, waxayna xalay qaad fara badan geeyeen garoonka diyaaradaha Nairobi.

Ganacsatada ayaa sheegay in qaadka ay geeyen garoonka laga xareeyay markii ay dowladda Soomaaliya diiday in qaadka lasoo geliyo caasimada, taasi oo la rumeysan yahay inay keentay tallaabadii ay maanta dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya iyo kuwa aadaya.

Nuuriya Cabdinuur Xasan oo ka tirsan ganacsatada qaadka oo la hadashay idaacada BBC-da ayaa sheegtay in khasaare lixaad leh uu ka soo gaaray qaadka laga xareeyay, iyada oo sheegtay in lacagihii ay ku shaqaysanaayeen ay Soomaaliya uga xayiranyihiin, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaa nagula yiri Soomaaliya iyo Kenya wey heshiiyeene khaadkiina soo rarta, garoonka diyaaradaha ayaan gaynay kaddibna khadkii waa nagala xareeyay, waxaana markii dambe nagula yiri Soomaaliya qaad dhulkeeda ka dagaayo malahan,” ayey tiri.

Sidoo kale waxay sheegtay inaysan xiligan jirin cid ay kala xisaabtamaan, islamarkaana ay kala socdaan qaadka ay geeyeen garoonka diyaaradaha, kadib markii ay xareeyen ee lagu war-geliyay in Soomaaliya ay diiday in dhulkeeda laga dejiyo qaadka Kenya.

Waxay su’aal gelisay sababta ay dowladda Soomaaliya u fasixi weyday qaadka xili la dhameeyay khilaafkii diblumaasiyadeed ee labada dal, waxayna walaac xoogan ka muujiysay xaalada ganacsatada qaadka oo dhaqaalo xumo wajahayay tan iyo markii dowladda ay joojisay in dalka loo soo dhoofiyo qaadkaas.

Caasimada Online ayaa ogaatay in qaadka ay ganacsatada Kenya rabeen inay usoo dhoofiyaan Soomaaliya ay is-hortaagtay dowladda, ayada oo la fulinayo go’aanka hore loogu joojiyey qaadkaas, waana sababta la fahamsan yahay inay Kenya ugu aar-gudatay maanta inay joojiso duulimaadyada dalka.

DF oo war kasoo saartay go’aankii ay qaadatay Kenya, qorsheynaysa jawaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aanka ay dowladda Kenya ku joojisay dhamaan duulimaadyadii tegi jirey iyo kuwii ka imaan jirey dalkeeda.

Sii-hayaha Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Duraan Axmed Faarax oo ka jawaabaya go’aankaas ayaa ku tilmaamay mid aan rasmi aheyn, maadama uu sheegay inaysan dowladda Kenya kusoo war-gelin arrintaas.

Duraan ayaa sheegay in go’aanka ay Kenya ku joojineyso duulimaadyadii Soomaaliya iyo Kenya ay keliya ka arkeen warbaahinta, taasi oo markale mad-madow gelinaysa xiriirkii diblumaasiyadeed ee dhawaan soo cesheen labada dal.

Waxa uu ku sifeeyay tallaabada Kenya mid la yaab leh, xili maalmo kooban horteed la xaliyay xiisadii diblumaasiyadeed, si buu yiri labada dal ay dadka deriska ah noloshooda si caad ah ugu soo noqoto.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilowday wada-tashiyo kala duwan oo ku aadan go’aanka Kenya, kaasi oo looga jawaabayo tallaabadaas oo aysan kusoo wargelin dowladda, sida uu sheegay Wasiir Duraan.

Hadalkaan ayaa imanaya xili dowladda Kenya ay qaaday tallaabo u muuqata mid aar-gudasho ah, kadib markii ay dhowaan dowladda Soomaaliya ku dhowaaqday inuu weli hakad ku jiro keenista qaadka nooca Mirra oo laga keeni jiray dalkaasi.

Hay’adda duulista hawada ee dalka Kenya ayaa shaacisay in la hakiyey dhammaan duulimaayada diyaaradaha ka imaada ama tega Soomaaliya, marka laga reebo kuwa gargaarka iyo  diyaaradaha gaarka ah ee la shaqeeya hay’adaha Qaramada Midoobay.

Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in go’aankan uu dhaqan-galayo laga bilaabo maanta oo ku taariikheysan 11-bishan May illaa 9-Bisha soo socota Agoosto ee sanadkan 2021-ka.

Tan iyo markii uu soo baxay go’aankaan waxa uu isla-markiiba saameeyey shacab u soo socday gudaha Soomaaliya, kuwaas oo saaka loo diiday inay kasoo ambabaxaan dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in tallaabadan ay ka dambeyso, sababo la xiriira qaadka ay weli hakineyso Soomaaliya ee uga imaan jiray dhinaca Kenya, ayada oo la xaliyay xiisadii diblumaasiyadeed, hase yeeshe waxay arrintaan u muuqata mid markale dib usoo istaadheysa khilaafka labada dhinac.

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda Qudus – Israel oo isaga baxday AL-AQSA iyo duqeyn weli ku socota Gaza

Qudus (Caasimada Online) – Askarta Israel ayaa la sheegay inay dib uga gurteen Masjidka Al-Aqsa ee magaalladda Qudus, kadib maalmo ay rabshado socdeen, laguna dhaawacay Boqolaal Falastiiniyiin ah, halka ciidamada Yahuudda ay weli sii wadaan duqeymha Gaza.

Bixitaankooda ayaa ku soo beegmay, kadib markii ay Kooxda Muqaawamada Islaamiga ah ee Falastiin ee Xamas ay waqti u qabteen inay Ciiddankaasi kaga baxaan Masjidka Al-Aqsa iyo Tuulladda Xaaji Sheekh Jaraax ee Bariga magaalladda Qudus.

Ciiddanka Israel waxay kaloo weli sii wadaan inay Cirka iyo Badda ka duqeeyaan Deegaanadda Marinka Qasa.

Hadal ka soo baxay Milliteriga Israel waxay ku sheegeen inay Duqeymo la beegsadeen in ka badan 130 Goobood oo ku yaalla Qasa, iyadoo goobaha la duqeeyey ay ka mid yihiin Dhismaha Sirdoonka Milliteriga Ururka XAMAS, sida ay sheegteen.

Hase yeeshee, duqeymaha badankood ayaa lala beegsanayaa goobo shacab ah, waxaana kuwii ugu dambeeyey ee saaka dhacay lagu dilay laba qof oo shacab ah, ayada oo lagu dhaawacay 100 kale. Tani waxay ka dambeysay duqeyntii Isniintii oo lagu dilay 24 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan sagaal caruur ah.

Warbahinta Reer Falastiin waxay sheegeen inay Ciiddanka Israel qaadeen 130 weerar oo 40 ka mid ah ay fuliyeen Waaberigii hore ee saakayto oo Talaado ah.

Waddamada caalamka qaarkood ayaa ku baaqay in la dajiyo xasilooni darrada ka dhex aloosan Israa’iil iyo Falastiin oo faraha ka sii baxaya.

Mareykanka, Midowga Yurub iyo Britain waxay Israa’iil iyo Falastiin ugu baaqeen iney xaaladda si dhaqsa ah u qaboojiyaan.

Xiisadda ayaa ka sii dartay habeennimadi Isniinta kaddib marki ay Falastiiniyiinta ay gantaallo ku soo tuureen magaalada qeybaha ay ka degenyihiin Israa’iiliyiinta.

Dalalka BARIGA AFRIKA oo go’aan ka gaaraya codsi ay usoo gudbisay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wadamada ku bahoobay ururka EAC ee Bariga Qaaradda Afrika ayaa go’aan kama dambeys ah ka gaaraya codsi la xiriira ku biiritaanka ururkaas oo ay u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha ururkan oo lagu magacaabo, Dr Peter Mathuki ayaa shaaca ka qaaday inay billaabeen howlihii hordhaca ahaa ee diyaarinta dalka ku biiraya ururka EAC.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Soomaaliya ay u gudbiyeen shuruudaha looga baahan yahay inay buuxiso, si ay uga mid noqoto wadamada ku bahoobay ururka EA.

“Arrintaas waxay aheyd codsi, waxay arrinta taagan tahay bilowgii, markaa waxaan u gudbinnay shuruudaha looga baahan yahay inay buuxiso, waana xiriirka ugu horreeya ee dhexmara dal doonaya in uu kusoo biiro ururka,” ayuu yiri Xoghaye Dr Peter Mathuki.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Waana bilaabnay arrintaas haatan, waxaan rajeyneynaa kol haddii howashu bilaaw tahay in la gaari goor ay wax kala caddaadaan oo la gaari doono kolka uu biilaabmi doono ka hadalka kusoo biiridda dalkaas”

Ururka EAC waxaa haatan xubno ka’ah dalal badan oo dhaca Bariga Afrika, sida Kenya, Rwanda, Burundi, Uganda iyo Tanzania.

Kenya oo joojisay dhammaan duulimaadyadii Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabo u muuqata mid aar-gudasho ah, kadib markii ay dhowaan dowladda Soomaaliya ku dhowaaqday inuu weli hakad ku jiro keenista qaadka nooca Mirra oo laga keeni jiray dalkaasi.

Hay’adda duulista hawada ee dalka Kenya ayaa shaacisay in la hakiyey dhammaan duulimaayada diyaaradaha ka imaada ama tega Soomaaliya, marka laga reebo kuwa gargaarka iyo  diyaaradaha gaarka ah ee la shaqeeya hay’adaha Qaramada Midoobay.

Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in go’aankan uu dhaqan-galayo laga bilaabo 11 bishan May illaa 9 bisha soo socota Agoosto ee sanadkan 2021-ka.

Kadib soo bixitaanka go’aanka wuxuu isla-markiiba saameeyey shacab u soo socday gudaha Soomaaliya, kuwaas oo saaka loo diiday inay kasoo ambabaxaan dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in tallaabadan ay ka dambeyso, sababo la xiriira qaadka ay weli hakineyso Soomaaliya ee uga imaan jiray dhinaca Kenya.

Qaadka Soomaaliya uga iman jiray Kenya ayaa la hakiyey, ayada oo lagu beddelay midka Itoobiya, kaasi oo la sheegay in mashruuc lagu siiyey madaxweyne Farmaajo walaalkiisa Xasan Farmaajo iyo dad kale oo dowladda ku jira.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmo ka hor labada dowladood ay soo celiyeen xiriirkoodii diblumaasiyaadeed oo go’ay dhammaadka sanadkii hore ee 2020-kii.

Xog: Muxuu Midowga Afrika ka yiri codsigii DF ee ka dhanka ahaa ergeyga cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa diiday codsi ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ku dooneysay in la bedelo oo dib loo dhigo ergeyga sarre ee uu ururka usoo diray inuu dhex-dhexaadiyo dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dowladda Soomaaliya ayaa warqad ay u dirtay ururka ku dalbatay in la beddelo Madaxweynihii hore ee Ghana, John Mahama oo dhawaan usoo magacaabay guddoomiyaha guddiha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayada oo ku eedeysay inuusan dhex-dhexaad ka noqon karin arrimaha Soomaaliya.

Dowladda ayaa sababta ku sheegtay in John Mahama uu dano ganacsi ku leeyahay dalka Kenya, oo xiisad ay kala dhaxeyso dowladda federaalka, islamarkaana danahaas ganacsi dartood ay ergeyga saameyn ku yeelan karto dowladda Kenya oo xiisad ay kala dhaxeyso madaxweyne Farmaajo, inkastoo dhowaan xiriirka diblomaasiyadeed ee laba dal lasoo celiyey.

Dowladda ayaa sidoo kale codsatay in bedelidda ergeyga ka sokow, sidoo kale dib loo dhigo in ergey ka socda ururka uu yimaado Muqdisho, ayada oo ku dooday in fursad la siiyo wada-hadallada ra’iisul wasaare Rooble la gelayo madaxda dowladda goboleedyada, ayna suurta-gal tahay in lagu heshiiyo oo aan ergey loo baahan.

Hase yeeshee ururka ayaa ku gacan seeray codsiga dowladda federaalka ah, kuna adkeystay in John Mahama uu dhowaan iman doono Muqdisho.

Ilo diblomaasiyadeed oo ururka ku dhow ayaa laga soo xigtay in Ururka Midowga Afrika uu u sheegay madaxda dowladda in soo dirista iyo magacaabista ergeygan aan markii horeba lagala tashan dowladda, ee ay isku soo raaceen dalalka Midowga Afrika, sidaas darteedna aysan dowladda saameyn ku yeelan karin howshiisa.

Waxay intaas ku dareen in arrintan loo arkay isku day ay madaxtooyada Soomaaliya ku fashilineyso dadaallada dhex-dhexaadinata Midowga Afrika.

Midowga Afrika ayaa wajahaya cadaadisyo dhowr ah oo ku aadan is-diidooyinka siyaasadeed ee Soomaaliya oo uu dhawaan ku dhawaaqay dhex-dhexaadintooda, xili ay degtay xiisadii ka dhalatay dagaalkii Muqdisho.

Midowga Afrika ayaa maalmo ka hor qaaday tallaabo deg-deg ah oo ay mid kamid ah diblomaasiyiinta ugu saraysa kooxda dhex-dhexaadinta Soomaaliya uga saarayaan xubnaha ay magacaabeyn kadib markii ay sidaas codsadeen Midowga Musharixiinta.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in Midowga Afrika uu tallaabadaas qaaday kadib cadaadis uga yimid xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo dacwad ay gudbiyeen xubnaha Midowga Musharixiinta oo si toos ah usoo dhaweeyey ergeyga loo soo magacaabay dhex-dhexaadinta balse walaac ka muujiyey in Babatunde Taiwo uu kamid ah noqdo la taliyeyaasha madaxa dhex-dhexaadinta.

Babatunde Taiwo ayaa ah madaxa qeybta Arrimaha Siyaasada ee AMISOM, waxayna midowga musharixiinta ku eedeeyen inuu la shaqeeyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

CIIDAMADA DF ay gaysay Gedo oo qabsaday deegaano

Garbhaarey (Caasimada Online) – Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay deegaano dhaca duleedka degmada Garbahaaray ee gobolka Gedo kale wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab ka dib howlgalo ciidanka ammaanka ay ka sameeyeen gobolka Gedo.

Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in ay dagaal la’aan kula wareegeen deegaanada Doofaareey, Kooradheer, Booco, Qalwo, Bakaaro iyo Fargeeleey oo dhammaantood hoostaga degmada Garbahaaray ee gobolka Gedo.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo laba Xidigle Maxamed Jaamac Gaaciye ayaa sheegay in degaannada ay howlgalka ka fuliyeen ay isaga tageen Al-Shabaab kadib markii ay ka war heleen in ay kusoo wajahan yihiin.

Waxaa uu sheegay in u jeedka howlgalkoodu ahaa “ka hortaga weerarada ay bisha Ramadaan geystaan Al-Shabaab iyo in ay dadka Shacabka ah ka qaadaan Xoolo Nool, iyaga oo ku sheegaya in ay tahay Zakawaad” sida uu u sheegay warbaahinta dowladda.

Ciidamadda ay dowladda Faderaalka Soomaaliya gaysay gobolka Gedo, ayaa howlgallo sidaan oo kale ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, inkastoo Al Shabaab ay dib ula wareegeen markii ay dib uga bexeen ciidanka amaanka Soomaaliya.

Xigasho: Mustaqbal Radio 

Waare oo shaaciyey in DF ay xanibtay $35 milyan + beegsi lagu hayo degaano gaar ah

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay xanibtay lacag gaareysa 35 milyan oo dollar oo loogu talo-galay in wax looga qabto fatahaadda Webiga Shabelle ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Waa nasiib darro in 35 milyan oo dollar oo ay fatahaadaha ugu deeqeyn Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bankiga Adduunka, looguna talo-galay dooxada Shabelle ay xanibeen wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta, iyo Beeraha ee dowladda federaalka. Ceeb idin ku dhacday,” ayuu Waare ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter.

Waa markii labaad oo dowladda federaalka ay xanibto lacag loogu talo-galay fatahaadaha, ayada oo laba sano kahor lacag sidan oo kale ay u xanibtay oo ka timid Jabuuti ay fadeexad kala kulantay, ayadoo markii dambe fasaxday. 

Ma cadda sababta, hase yeeshee wasiirada dowladda qaarkood ayaa la sheegay inay qabyaalad darteed u xanibaan mashruucyada laga fuliyo deegaanada koonfurta Soomaaliya oo aysan kasoo jeedin, si gaar ahna wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, kan maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, iyo kan Beeraha Siciid Xuseen Ciid.

Magaalada Jowhar ayaa maalmihii tegay waxaa ka dhacay fatahaad xooggan oo ay ku barakaceen kumanaan qof, ayada oo ay biyo qarqiyeen magaalada.

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay FAO ayaa digniin ay soo saartay uga digtay in xaaladda ay kasii dari karto, ayada oo daadad xoog leh ay ka dhalan karaan roobab dhowrkii maalmood ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka, kuwaas oo si aad ah usoo buux dhaafiyay wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

FAO ayaa sidoo kale sheegtay in roobab u culus ay ka da’een dhulka Buuraleeyda Itoobiya kuwaas oo si toos ah daadadka ugu soo shuba gudaha Soomaaliya, gaar ahaana waxay si aad ah u saameyn doonaan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda waxba ka qaban dhibaatada webiga Shabeelle ee Jowhar, ama xitaa aan ka hadal.

Video: Sarkaalkii rasaaseeyey taageerayaasha xisbiga Wadajir oo qaaday tallaabo lama filaan ah

Muqdisho (Caasimada Online) –Daahir Cabdiraxmaan Maxamed oo ah sarkaalkii ka tirsanaa ciidanka booliska Soomaaliya ee isgoyska Banaadir ee Muqdisho ku rasaaseeyey gabdho dhigayey banaanbax ka dhan ah Farmaajo 25-kii bishii December ee sanadkii hore ayaa hadda qirtay dembigii uu geystay, isagoo dalbanaya cafis.

Gabdhihii uu maalinkaas rasaaseeyey sarkaalkan waxaa ka mid aheyd Deeqo Soomaali oo maalmahaas sheekada ku saabsan ay aad u qabsaday baraha bulshada, kadib markii aad loo faafiyey sawirro laga qaaday, isagoo madaxa uga haya bistoolad.

Sidoo kale rasaas ayuu hor ugu riday gabdhahaan, balse ma aysan joojin banaanbaxoodii ka dhanka ahaa Madaxweyne Farmaajo.

Maanta ayaa kulan ka dhacay xarunta Xisbiga Wadajir ee Muqdisho waxaa ka dhacay kulan soo hoyasho ahaa oo Daahir Cabdiraxmaan uu cafis uga dalbanayey gabdhihii uu isgoyska Banaadir ku xabadeeyey sabayaaqadii sanadkii hore.

“Maanta waxaan joogaa guriga xisbiga Wadajir oo ay joogaan gabdhihii walaalahey ahaa ee ay wax na kala gaareen, iyagoo ku banaanbaxaaya isgoyska Banaadir, kadib markii aan xabado kor ugu riday gabdhahaas, arrintaas si qalad ah ayey aniga iiga dhacday, marka maanta waxaan ka codsaday cafis, waana iga aqbaleen,” ayuu yiri Daahir Cabdiraxmaan.

Sidoo kale Deeqo Muxudiin oo loo garan ogyahay (Deeqo Soomaali) oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay in Daahir uu uga soo hoyday qaladkii uu ka galay, isla markaana uu ka dalbaday cafis, iyaguna ay cafiyeen.

“Waxaa maanta garabkeyga taagan walaalkey Daahir oo 25-kii December aad ogeydeen inuu nagu xabadeeyey isgoyska Banaadir, anagoo banaanbaxeyna, Daahir Ilaahey waxuu maanta tusay inuu qirto qaladkii uu naga galay, waxuuna noogu yimid inuu naga dalbado cafis, anagana si niyadsami leh ayaan u cafinay,” ayey tiri Deeqo Soomaali.

Hoos ka Daawo

Wararkii ugu dambeeyey Xamas oo weerartay Israel iyo Yahuudda oo xasuuqay caruur

Gaza (Caasimada Online) – Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeuymo ay ciidamada Yahuudda ka fuliyeen Marinka Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, kadib markii Xamas ay gantaallo laga soo tuuray magaalada ku weerareen Israel. 

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in dadka lagu dilay duqeymaha oo lagu garaacay Waqooyiga Gaza ay ku jiraan sagaal caruur ah. 

Duqeymaha ayaa yimid kadib markii Xamas ay dhowr gantaal ku tuureen Israel kadib markii uu dhammaaday waqti ay u qabteen inay ciidamadooda ka baxaan dhismaha Masjidka Al-Aqsa.

Ciidamada Israel ayaa sheegtay in weerarka ku dileen saddex ka mid ah dagaal-yahanada Xamas. 

Goor sii horreysay oo maanta ah, xaaladda kacsan ee Al-Aqsa ayaa kasii dartay kadib markii ciidamada Yahuudda ay xoog ku galeen Masjidka, waxaana rabshado ka dhashay ku dhaawacay 300 qof kadib markii ay adeegsadeen xabaddo caag ah, bambooyinka aan qarxin iyo sunta dadka ka ilmeysiisa.

Dhinaca kale, dab xooggan ayaa caawa ka kacay dhimsha Masjidka Al-Aqsa, kaasi oo laga arki karay qeybo ka mid ah magaalada Qudus. 

Sababta dhalisay dabka ayaa weli caddeyn, hase yeeshee wuxuu yimid markii ciidamada Yahuudda ay xoog ku galeen Masjidka.

 

“Aniga istikhaaradeyda waxay qabatay Xamar” – Qisada gabar ka timid Mareykanka oo ku geeriyootay qaraxii xalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa kamid ahaa Bahjo Maxamed oo aheyd Hooyo dhawaan caruurteeda kala soo guurtay dalka Mareykanka, si Soomaaliya ay ugu qaataan waxbarashada diiniga ah.

Cabdiqafaar Axmed Aadan waa seyga Allaha u naxariistee Bahjo Maxamed waxa uu sheegay inta uusan reerkiisa ka soo rarin Mareykanka inay is barbar dhigeen nolosha iyo waxbarashada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ku yalla caalamka, balse Marxuum Bahjo ay dooratay nolosha Muqdisho.

“In muddo ah waxaan raadineynay meel aan ciyaalka diintooda iyo dhaqankooda aan ku barbaarino… gabadha Allaha u naxariistee istikhaara ayay dukatay waxay dhahday aniga istikhaaradeyda waxay qabatay Xamar, sanadkii 2018-kii ayaan anigu Xamar tagey, waan soo sahmiyay, aniga aad baan uga helay magaalada Xamar, gaar ahaan deegaanka Daarusalaam, waxaana Bahjo la qaatay go’aankii ay ku dooratay Xamar, sidii ayaana ugu guurnay Muqdisho, waxaana degnay xaafadda Daarusalaam,” ayuu yiri Cabdiqafaar oo la hadlay BBC.

Waxa uu sheegay in isagu hadda uu joogo dalka Mareykanka, isla markaana xalay markii la afuray ay wadahadleen iyadoo joogta xaafadii uu reerku deganaa ee Daarusalaam.

“Markaan cabaar wadahadalnay waxay igu tiri waa baxaa, waxaan u maleynaayey in meel dheer aysan adeynin, saacado kadib taleefoono aana garaneyn ayaa Xamar iga soo wacay, ma aana ka qaban, markii dambe waxaa isoo wacay wiil deris la ahaa reerkeyga markaan ka qabtayna waxa uu ii sheegay in Bahjo ay ku dhimatay qaraxii ka dhacay Muqdisho.”

“Macquul waa ila noqo weysay, waxaana ku iri ma Daarusalaam ayuu qarax ka dhacay saacado ka hor ayaanba la hadlee, waxuu ii sheegay inay baxeen oo Muqdisho aadeen iyada iyo gabdho kale oo deriska ahaa,” ayuu Cabdiqafaar hadalkiisa ku sii daray.

Cabdiqafaar waxa uu sheegay intaas kadib inuu la xariiray mid ka mid ah gabdhihii loo sheegay inay is raaceen Bahjo, isla markaana ay u sheegtay inay soo dhaweyn u sameynayeen gabdho kale oo qurbaha ka yimid, balse iyadu ay aaday dhanka isgoyska Dabka, sidaasna uu Qaraxu ku haleelay intii ay u sii socotay Dabka.

“Gabadhii waxay igu tiri markii aan imaanay halkii aan xafladda soo dhawqeynta ah ku laheyn ee KM4 ayey Bahjo nagu tiri dad ayaan alaab u geynaa waana soo noqonaa ee isuga, marka waa ay lugeysay ilaa Dabka, markii ay agmareysay saldhigga waxaa la ii sheegay in askartii hor fadhisay saldhigga ay aqoodeen oo ku yiraahdeen ‘Bahjo waad lugeyneysaa ee maxaa dhacay’ iyaduna ay ku tiri waaba daalay, sidaasna ay u siiyeen kursi, daqiiqado kadibna intii ay hor fadhiyeen saldhigga ayuu qaraxu dhacay,” ayuu yiri Cabdiqafaar Axmed oo ahaa seyga gabadhaan dhimatay.

Madaxweyne FARMAAJO oo safar dibadeed u baxaya

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu safar dibadeed u baxo isaga oo ku wajahan caasimadda waddanka Uganda ee Kampala

Afhayeenadda Madaxtooyada Uganda, Lindah Nabsayi oo la hadashay Warbaahinta chimpreports.com ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu kamid ah yahay madaxda ka qeybgaleysa caleema saarka madaxweynaha Uganda oo markii 6-aad ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimada ee bilowgii sanadkan ka dhacday Uganda.

Caleema saarka Madaxweynaha dalkaas Yoweri Kaguta Museveni ayaa 22-ka bishan ka dhici doonta Caasimadda dalkaasi ee Kampala.

Nabusayi ayaa sheegtay in Farmaajo uu ku jiro liiska madaxwayneyaasha la filayo in ay gaaraan magaala madaxda Uganda ee Kampala Talaadada todobaadkan oo taariikhdu tahay 12-ka bisha May.

Lindah Nabsayi waxay kaloo tilmaamtay inay Madaxweynayaasha dalalka Mozambique, Burundi, Gabon, South Sudan xaqiijiyeen Ka-qeybgalkooda Munaasbadda Caleema-saarka ee Madaxweynaha Uganda.

Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayay ahayd markii Museveni lagu dhawaaqay in uu yahay guuleystaha doorashooyinka guud ee dalkaas, wallow uu natiijadaas qaadacay hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine.

Museveni oo talada dalka Uganda qaab Jabhadayn ku qabsaday sanadkii 1986-dii waxa uu xilkaasi hayaa 35-sano, isagoo codbixinta Doorashadii u dambaysay ee ka dhacday dalkaasi bishii Janaayo 14-dii ee sanadkan uu ka helay 58.64%.

Dhanka kale, ma jiro wax xaqiijin ah oo illaa haatan laga hayo Villa Soomaaliya. Isku dayo ay caasimadda Online ku dooneysay in ay ku heleesho xiriirka xafiiska Farmaajo ayaanan guuleysan.