25.5 C
Mogadishu
Monday, July 13, 2026

“Aniga istikhaaradeyda waxay qabatay Xamar” – Qisada gabar ka timid Mareykanka oo ku geeriyootay qaraxii xalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa kamid ahaa Bahjo Maxamed oo aheyd Hooyo dhawaan caruurteeda kala soo guurtay dalka Mareykanka, si Soomaaliya ay ugu qaataan waxbarashada diiniga ah.

Cabdiqafaar Axmed Aadan waa seyga Allaha u naxariistee Bahjo Maxamed waxa uu sheegay inta uusan reerkiisa ka soo rarin Mareykanka inay is barbar dhigeen nolosha iyo waxbarashada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ku yalla caalamka, balse Marxuum Bahjo ay dooratay nolosha Muqdisho.

“In muddo ah waxaan raadineynay meel aan ciyaalka diintooda iyo dhaqankooda aan ku barbaarino… gabadha Allaha u naxariistee istikhaara ayay dukatay waxay dhahday aniga istikhaaradeyda waxay qabatay Xamar, sanadkii 2018-kii ayaan anigu Xamar tagey, waan soo sahmiyay, aniga aad baan uga helay magaalada Xamar, gaar ahaan deegaanka Daarusalaam, waxaana Bahjo la qaatay go’aankii ay ku dooratay Xamar, sidii ayaana ugu guurnay Muqdisho, waxaana degnay xaafadda Daarusalaam,” ayuu yiri Cabdiqafaar oo la hadlay BBC.

Waxa uu sheegay in isagu hadda uu joogo dalka Mareykanka, isla markaana xalay markii la afuray ay wadahadleen iyadoo joogta xaafadii uu reerku deganaa ee Daarusalaam.

“Markaan cabaar wadahadalnay waxay igu tiri waa baxaa, waxaan u maleynaayey in meel dheer aysan adeynin, saacado kadib taleefoono aana garaneyn ayaa Xamar iga soo wacay, ma aana ka qaban, markii dambe waxaa isoo wacay wiil deris la ahaa reerkeyga markaan ka qabtayna waxa uu ii sheegay in Bahjo ay ku dhimatay qaraxii ka dhacay Muqdisho.”

“Macquul waa ila noqo weysay, waxaana ku iri ma Daarusalaam ayuu qarax ka dhacay saacado ka hor ayaanba la hadlee, waxuu ii sheegay inay baxeen oo Muqdisho aadeen iyada iyo gabdho kale oo deriska ahaa,” ayuu Cabdiqafaar hadalkiisa ku sii daray.

Cabdiqafaar waxa uu sheegay intaas kadib inuu la xariiray mid ka mid ah gabdhihii loo sheegay inay is raaceen Bahjo, isla markaana ay u sheegtay inay soo dhaweyn u sameynayeen gabdho kale oo qurbaha ka yimid, balse iyadu ay aaday dhanka isgoyska Dabka, sidaasna uu Qaraxu ku haleelay intii ay u sii socotay Dabka.

“Gabadhii waxay igu tiri markii aan imaanay halkii aan xafladda soo dhawqeynta ah ku laheyn ee KM4 ayey Bahjo nagu tiri dad ayaan alaab u geynaa waana soo noqonaa ee isuga, marka waa ay lugeysay ilaa Dabka, markii ay agmareysay saldhigga waxaa la ii sheegay in askartii hor fadhisay saldhigga ay aqoodeen oo ku yiraahdeen ‘Bahjo waad lugeyneysaa ee maxaa dhacay’ iyaduna ay ku tiri waaba daalay, sidaasna ay u siiyeen kursi, daqiiqado kadibna intii ay hor fadhiyeen saldhigga ayuu qaraxu dhacay,” ayuu yiri Cabdiqafaar Axmed oo ahaa seyga gabadhaan dhimatay.

Madaxweyne FARMAAJO oo safar dibadeed u baxaya

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu safar dibadeed u baxo isaga oo ku wajahan caasimadda waddanka Uganda ee Kampala

Afhayeenadda Madaxtooyada Uganda, Lindah Nabsayi oo la hadashay Warbaahinta chimpreports.com ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu kamid ah yahay madaxda ka qeybgaleysa caleema saarka madaxweynaha Uganda oo markii 6-aad ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimada ee bilowgii sanadkan ka dhacday Uganda.

Caleema saarka Madaxweynaha dalkaas Yoweri Kaguta Museveni ayaa 22-ka bishan ka dhici doonta Caasimadda dalkaasi ee Kampala.

Nabusayi ayaa sheegtay in Farmaajo uu ku jiro liiska madaxwayneyaasha la filayo in ay gaaraan magaala madaxda Uganda ee Kampala Talaadada todobaadkan oo taariikhdu tahay 12-ka bisha May.

Lindah Nabsayi waxay kaloo tilmaamtay inay Madaxweynayaasha dalalka Mozambique, Burundi, Gabon, South Sudan xaqiijiyeen Ka-qeybgalkooda Munaasbadda Caleema-saarka ee Madaxweynaha Uganda.

Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayay ahayd markii Museveni lagu dhawaaqay in uu yahay guuleystaha doorashooyinka guud ee dalkaas, wallow uu natiijadaas qaadacay hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine.

Museveni oo talada dalka Uganda qaab Jabhadayn ku qabsaday sanadkii 1986-dii waxa uu xilkaasi hayaa 35-sano, isagoo codbixinta Doorashadii u dambaysay ee ka dhacday dalkaasi bishii Janaayo 14-dii ee sanadkan uu ka helay 58.64%.

Dhanka kale, ma jiro wax xaqiijin ah oo illaa haatan laga hayo Villa Soomaaliya. Isku dayo ay caasimadda Online ku dooneysay in ay ku heleesho xiriirka xafiiska Farmaajo ayaanan guuleysan.

DF oo dalbatay in la beddelo ergeyga sare ee Midowga Afrika uu soo diray + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa warqad u dirtay Midowga Afrika, taasi oo ay ku dalbaneysay in la bedelo Ergey sarre oo Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ee dhowaan lasoo magacaabay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda ay dalbatay in la beddelo Madaxweynihii hore ee Ghana, John Mahama oo dhawaan usoo magacaabay Midowga Afrika, ayada oo ku eedeysay inuusan dhex-dhexaad ka noqon karin arrimaha Soomaaliya.

Arrinta u weyn ee dowladda waqtigeeda dhamaaday u dalbaneyso bedelka Ergeygan cusub ayaa ah inuu dano ganacsi ku leeyahay dalka Kenya, oo xiisad ay kala dhaxeyso dowladda federaalka.

Dowladda ayaa ka cabsi qabta in danahaas ganacsi dartood ay ergeyga saameyn ku yeelan karto dowladda Kenya oo xiisad ay kala dhaxeyso madaxweyne Farmaajo, inkastoo dhowaan xiriirka diblomaasiyadeed ee laba dal lasoo celiyey.

Midowga Afrika ayaa wajahaya cadaadisyo dhowr ah oo ku aadan is-diidooyinka siyaasadeed ee Soomaaliya oo uu dhawaan ku dhawaaqay dhex-dhexaadintooda, xili ay degtay xiisadii ka dhalatay dagaalkii Muqdisho.

Midowga Afrika ayaa maalmo ka hor qaaday tallaabo deg-deg ah oo ay mid kamid ah diblomaasiyiinta ugu saraysa kooxda dhex-dhexaadinta Soomaaliya uga saarayaan xubnaha ay magacaabeyn kadib markii ay sidaas codsadeen Midowga Musharixiinta.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in Midowga Afrika uu tallaabadaas qaaday kadib cadaadis uga yimid xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo dacwad ay gudbiyeen xubnaha Midowga Musharixiinta oo si toos ah usoo dhaweeyey ergeyga loo soo magacaabay dhex-dhexaadinta balse walaac ka muujiyey in Babatunde Taiwo uu kamid ah noqdo la taliyeyaasha madaxa dhex-dhexaadinta.

Babatunde Taiwo ayaa ah madaxa qeybta Arrimaha Siyaasada ee AMISOM, waxayna midowga musharixiinta ku eedeeyen inuu la shaqeeyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Midowga Afrika ayaa markale wajahaya cadaadis uga imaanaya dowladda waqtigeeda dhamaaday, lamana oga in Guddoonka uu hogaansami doono fulinta dalabkaas iyo cidda lagu beddeli doono Mahama.

Saraakiishii lagu dilay qaraxii Muqdisho oo maanta la aasay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Allaha u naxariiste Taliyihii saldhiga Booliska degmada Waaberi, Axmed Cabdullaahi Baashane iyo Taliye-xigeenkii Qeybta Waliyoow Cadde, Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamed Cageey oo xalay ku geeriyooday qarax is-miidaamin ahaa oo ka dhacay saldhiga Waaberi.

Taliyeyaasha ayaa waxaa saaka Aas Qaran loogu sameeyay qabuuraha Isbitaalka Xooga ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb-galay aaskooda mas’uuliyiin sarre oo uu kamid yahay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo ehellada iyo asxaabta marxuumiinta.

Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ka qeyb-gashay aaskaas oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay sida ay uga naxeen dilka labada Sarkaal oo ahaa shaqsiyaad sumcad iyo shaqo wanaag ku suntanaa.

Sidoo kale waxay ilaahay uga baryeen inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo Saraakiisha iyo dadkii kale ee ku dhintay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay afaafka hore ee saldhigga booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir oo ku yaalla meel aan ka dheereyn isgoyska Dabka.

Dadka ku geeriyooday qaraxaas ee la xaqiijiyey oo tiradooda lagu sheegay ayaa waxa kamid ahaa Taliyahii saldhigga booliska degmada Waaberi Axmed Cabdullahi Baashane oo ku magac-dheeraa Taliye Calooley iyo Taliye ku xigeenkii qeybta Waliyow-Cadde ee booliska gobolka Banaadir G/Dhexe Cabdibaasid Maxamuud Cageey.

Sidoo kale waxaa qaraxaas ku dhaawacmay 6 ruux oo kale, sida ay laamaha amaanka u xaqiijiyeen warbaahinta.

Saldhiga ayaa aad ugu dhaw isgoyska mashquulka badan ee Dabka, sidoo kale waxa uu aad ugu dhaw-yahay laamiga, waxaana dhici karta in khasaaruhu inta boolisku xaqiijiyey uu ka bato, maadaama ay wadada hor marta saldhigga ee Maka Al-mukarama ay aad u saxmad badan tahay..

Maxaa beddalay go’aankii Jeesow ee muddo kordhinta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Jeesow oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Shacabka ee taageersan madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ayaa marka hore wax laga weydiiyey waxa bedalay go’aankiisii uu ku taageeray muddo kordhinta loo sameeyey Farmaajo, isaga oo markaas ku goodiyey in uusan marnaba ka laaban karin, isla-markaana ay ku sameyn doonaan xil ka qaadis.

Xildhibaanka ayaa markale fasiraad ka bixiyey hadalkaasi, maadaama laga noqday muddo kordhintii horey loo sameeyey, isaga oo hoosta ka xariiqay in madaxweynuhu aanu wax gor-gorton ah gelin hadalkiisii horena uu la xiriiray in uusan cidna kala fariisan karin go’aankii baarlamaanka.

“Meel xaflad ah ayaan hadalkaasi ka jeediyey waa jirtaa, laakiin madaxweynuhu kama gor-gortamin, sidaan anigu iri waxay aheyd haddii uu ka gorgortamo waa duuban tahay waa la’eegi karaa,” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Haddaba waan ahay Nabad iyo Nolol, mana Loos gareynin, kuwa kalena maba isla socono.”

Si kastaba Jeesow ayaa ka mid ah xubnaha xildhibaanada ah ee ku xiran Villa Soomaaliya, isla-markaana si weyn ugu ololeeyey go’aankii muddo koodhinta ee baarlamaanka , taas oo qalalaase siyaasadeed iyo mid dagaal kadib dib looga noqday

Maxay ka wada-hadleen XASAN SHEEKH iyo SHARIIF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah xubnaha midowga musharraxiinta ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho.

Labada dhinac oo uu kulankoodu qaatay saacado badan ayaa waxa ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka weli ka taagan doorashooyinka.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday sidii loo dhameystiri lahaa heshiiska ay dhowaan gaareen mucaaradka iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale waxaa kulankan looga hadlay u diyaar garowga shirka arrimaha doorashooyinka ee dhacaya 20-ka bishan May, kaas oo looga arrinsanayo doorashooyinka dalka ee 2021.

Labada musharrax ayaa sidoo kale ku ballamay in kulamada ay sii socon doonaan, kuwaas oo looga hadlayo, sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho loo dhan yahay.

Kulanka Madaxweyneyaashii hore ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo Mas’uuliyiin kale oo kamid Xisbiyada ay labada Madaxweyne kala hoggaamiyaan.

Soomaaliya ayaa ku jirto marxalad kala guur ah, waxaana aad la’isugu hayaa hannaanka doorashooyinka dalka oo ay isku khilaafeen dowladda dhexe iyo xubnaha mucaaradka.

Xog: Odayaashii Geela u geeyay ciidamada Badbaado qaran oo loo hanjabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ay qatar amni wajahayaan qaar kamid ah odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee ka soo muuqday furimaha dagaalka, intii ay socotay qalalaasaha Muqdisho. 

Odayaashan ayaa ahaa kuwii xoolaha geela iyo raashiinka u geeyey ciidamadii kasoo horjeeday muddo kororsiga ee Muqdisho soo galay.

Ilo wareedyo lagu kalsonn yahay oo ka tirsan dhaqanka ayaa sheegay in qaar kamid ah odayaasha la soo wacay islamarkaana lagu eedeeyay “qaran dumin,” halka qaar kale oo laga soo wacay Numbero kale lagu eedeeyay in ay taageereen ciidamo “maleeshiyaad ah” oo aysan u qalmin dhaqan. 

Odayaasha ayaa sheegay in aysan isu sheegin qolada soo wacday. Qaarkood ayaa sheegay in dil loogu hanjabay halka qaar kalane ay sheegeen in loogu baaqay in ay ka haraan mucaaradka. 

Qaar kamid ah odayaasha ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in waxa soo wacaya ay yihiin ciidanka dharcadka ah ee dowladda. 

“Shaki kama qabno in dowladdu tahay iyada ayaana ka masuul ah haddii midkeen dhib gaaro,” ayuu yiri qof kamid ah odayaashaan oo la hadlay Caasimada Online islamarkaana aan magaciisa qarinay sababo amni aawgood. 

Ma jirto ilaa hadda Il madax banaan oo xaqiijin karta halka ay ka tirsan yihiin kooxda u hanjabeysa odayaasha dhaqanka. Numberada laga soo wacay odayaasha ayaa dhamaantoodba ah kuwa aan la arag ama Unknown number.

Daawo: Xaaji Muuse Suudi oo sheegay inay ka hotageen ‘arrin uu rabay’ FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Sanetor Muuse Suudi Yalaxow oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inta Madaxweyne Farmaajo madaxtooyada joogo in aysan ka bixi doonin difaaca, isagoo ku tilmaamay nin qorshihiisu yahay in la isku baaba’o.

“Farmaajo waxa uu ku tala-galay in magaaladaan lagu dad beelo, lagu gurya beelo, la is biliqeysto, gabdhahana lagu kufsado, balse taasi ma dhicin, waxa uu dhihi jiray intey joogaan dadka iga soo hor jeeda, isagoo isku haleynaya wiilasheena, waxaana siray dad aan tiro iyo tayo laheyn oo la-taliyeyaal u ah, kuwaas oo ku yiraahda ‘wax kaa soo hor jeeda ma jiraan, magaaladu waa nabad, balse kuwaas hadda hanaga kaa celiyeen,” ayuu yiri Sanetor Muuse Suudi.

Sidoo kale Senatorka ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aan awood loo sheegan karin oo looga adagyahay sharciga oo kaliya, “Dadkaan wax lagaa soo qaaday ma cuni jirin, adigoo af iyo calool ah ayaad u timid, waxoodii ayaadna ku heysataa, marka sharciyaa looga adagyahay dadkaan, ee xoog cid ku aadda malahan,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in iyadoo Farmaajo iyo ragiisa aan xukunka laga wareejin aysan nasa doonin, isla markaana xoolaha ay beeluhu ugu deeqayaan ciidanka Badbaado Qaran ay sidooda u sii soca doonaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada ay heystaan aysan waxaba ku qaada doonin inay Farmaajo ka saaraan madaxtooyada, isagoo sheegay inuu qalqalay markii ay soo kor degeen.

“Dadkii Farmaajo beenta u sheegi jiray, wasiir ha ahaado, ama xildhibaan ha ahaado, ama guddoomiye baarlamaan ha ahaadee, ma cafi doono, iyagoon cafis naga dalban, sida aan asaga isaga dhicinay ayaan ula diriri doonaa, in dadkeenu is dilo, oo magaaladeenu gubato ayey ka shaqeeyeen, iyagoo hunguri doon ah oo reerahoodii meelo kale uga soo tagtay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sanetor Muuse Suudi.

Sanetorka ayaa aad u eedeeyey guddoomiyaha waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka Maxamed Mursal, isagoo sheegay in beeshiisa aysan waxaba u heysan, balse Farmaajo uusan ka dembi yareyn, maadaama uu isku deyey in laba sano oo kale uu ugu daro xukunka.

“Waxaan ku leeyahay Farmaajow, haku daahin meesha, anigu waxaan ku sugaa adigoo Villada ka baxay ee guri ijaar ah galay, ama ka qaxay magaaladaan, taas kaligey sugi mayo ee dadkeygaa ila qaba, sababtoo ah dhibaataa u geysatay,” ayuu hadakiisa ku sii daray Xaaji Muuse Suudi.

Ugu dambeyntiin waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble ay warkiisa yeeleen, balse markiisa laga doono inuu dadkiisa maqlo, “Rooble nin tol leh waa yahay, waana la tusay, laakiin tol aan nin laheyn yuusan naga dhigin,” ayuu yiri.

Hoos ka Daawo

Farmaajo iyo Rooble oo war kasoo saaray qaraxii xalay ee saldhigga degmada Waabari

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtiigiisa uu dhammaaday, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa si adag uga hadlay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay saldhigga degmada Waabari ee ku yaalla waddada Maka Al-Mukarrama.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi, gaar ahaan saraakiishii Booliiska ahaa ee lagu dilay qaraxaasi.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Taliyihii Booliiska Degmada Waaberi Gaashaanle Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane, Saraakiisha iyo Askarta kale ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u shahiiday iyagoo ka shaqeynaya Amniga dalkooda iyo dadkooda. Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Amniga waxaan ugu baaqayaa in si wadajir ah ay isaga kaashadaan ka hortagga dhagarta arxan-darrada ah ee argagixisada.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Dhankiisa ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag u cambaareyey falkan, wuxuuna tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay weerarkaasi oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa Booliska, isaga oo ku dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixisadu ku qaadeen saldhigga degmada Waaberi.Waxaan qoysaskoodii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa saraakiishii iyo shacabkii ku naf waayay falkaas argagixiso. Inta dhimatay Allaha u naxariisto dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Falkani waxa uu tusaale cad u yahay sida aysan argagixisadu xurmo ugu hayn dhiigga Shacabka xilligan oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argagixisada noo diiddan in dadkeennu ay nabad ku naalloodaan.

Si kastaba magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacay weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan oo ay soo abaabushay kooxda Al-Shabaab.

Korneyl Shaah-macabe oo ka sheekeeyey qisada uu ugu baxay magacan (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneyl Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Sheeh-macabe) waxa uu ka mid yahay saraakiishii hoggaamineysay ciidankii Badbaado Qaran ee dhanka Shabeellada Dhexe ka soo galay Muqdisho,isla markaana ka hor tegay mudo kororsigii Farmaajo ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta uu ugu baxday magaca Shaah-macabe.

Waxa uu sheegay in yaraantiisii qoyskiisu uu ahaa reer Miyi oo ay deganaa jireen Tuulo lagu magacaabo Biyocade, halkaas oo u uku soo qaatay waxbarashadiisii hoose.

“Reer Miyigu wax aan Shaah aheyn ma daneeyaan, cidii aad u tagto wax aan Shaah aheyn kuma siineyso, anigu waxaan la socday ama shukaansa jiray gabar deriskeena ah, habeenkii ayaan u tegay, saan u sheekeysaneynay ayuu waagii beryey, waan ka tegay waxaan tegay xaafadeenii, waxaa la iisoo shubay Shaah, markii aan fiiriyey koobkii Shaah uku jiray oo qaacaa waxaa iiga dhex-muuqatay gabadhii aan ka soo tegay, waxaan ku iri ‘naa heblo’ inta la igu qoslay ayaa la i dhahay war heblo meeshaan ma joogtee Shaaha cab, ana ma cabine waan ka istaagay, xilligaas ayaana ka go’ay Shaah oo dhan,” ayuu yiri Mukhtaar Shaah-macabe

Waxa uu sheegay in xiligaas qiyaastii uu jiray 15-sano, isla markaana uu hadda mudo 18-sano ah Shaah moog yahay, “Markaas ka hor Shaaha aad ayaan u cabi jiray, waxaana la ii yaqiinay sagaal cooble,” ayuu yiri.

Sidoo kale Sarkaalkan waxa uu sheegay in gabadhii uu darted Shaaha uga go’ay aysan is calfan, oo haatan ay weli ku noo shahay Miyiga, isaguna uu xilligaas wax barasho u soo aaday Muqdisho.

Korneyl Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Sheeh-macabe) hadda waa Abaanduulaha guutada 4-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka. Magaciisa Shaah macabe ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad u qabsaday baraha Bulshada, iyadoo dadku ay siyaabo kala duwan uga fal-celinayeen magacaan.

Hoos ka Daawo

‘Weerar Al-Shabaab ay soo qorsheeyeen oo laga hortagay lagana dilay xubno badan’

Maxaas (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee qeybta 27-aad oo ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay weerar ay shalay galab ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay duleedka degmada Maxaas.

Saraakiishii hoggaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay inay ka war-heleen weerarro qorsheysan oo ay damacsanaayeen Al-Shabaab, islamarkaana ay sidaas ku weerareen, waxaana Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda halkaas ku dhex maray dagaal xoog leh.

Dagaalka ayaa ka dhacay tuulo lagu magacaabo Quulaale oo dhacda inta u dhaxeysa deegaanka Cali-Ganeey iyo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaas lagu dilay todoba dagaalame oo ka tirsanaa kooxda, sida ay sheegeen saraakiishu.

Sidoo kale saraakiishan waxay sheegeen inay Al-Shabaab ka gubeen gaadiid iyo saldhigyo ay ku lahaayeen tuuladaas, balse waxay ka gaabsadeen shaacinta khasaaha dhankooda ka soo gaaray howlgalkaas.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ku xooggan gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka ayaa inta badan saldhigyadooda ku weerara ciidamada dowladda, waxayna mararka qaar gaarsiiyaan khasaare culus, balse haatan waxaa la sheegay in lagu weeraray goob ay ku qorsheynayeen weerar ka dhan ah ciidamada dowladda.

Faah-faahinta QARAXII saldhigga Waaberi + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidamin ahaa caawa ka dhacay afaafka hore ee saldhigga booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir oo ku yaalla meel aan ka dheereyn isgoyska Dabka.

Dadka ku geeriyooday qaraxaas ee la xaqiijiyey waxaa ka mid ah Taliyahii saldhigga booliska degmada Waaberi Axmed Cabdullahi Baashane oo ku magac-dheeraa Taliye Calooley iyo Taliye ku xigeenkii qeybta Waliyow-Cadde ee booliska gobolka Banaadir G/Dhexe Cabdibaasid Maxamuud Cageey.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yiri, “Qof naftii halige ah ayaa caawa fiidkii isku qarxiyay afaafka hore ee Saldhiga Boliiska Degmada Waaberi. Qasaaraha uu qaraxu reebay ayaa ah geerida inta la xaqiijiyay ilaa 6 qofood iyo naftii haligihii iyo 6 dhaawac ah. Ilaahay ha u naxariisto Ex- Gle Axmed Cabdulahi Baashane (Taliyihii Saldhiga) , Ex-Gaale Cabdi Baasid Maxamuud Cageey (Taliye xigeenkii hore ee Qeybta Waliyow cade) 3 qofood oo Ciidanka ah iyo qof dariska ahaa.”

Saldhiga ayaa aad ugu dhaw isgoyska mashquulka badan ee Dabka, sidoo kale waxa uu aad ugu dhawyahay laamiga, waxaana dhici karta in khasaaruhu inta boolisku xaqiijiyey uu ka bato, maadaama ay wadada hor marta saldhigga ee Maka Al-mukarama ay aad u saxmad badan tahay.

Sheekh Shariif, Fiqi, iyo Odawaa oo war ka soo saaray qaraxa saldhigga Waaberi

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa iyo wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraallo ka soo saaray geerida Taliyihii Saldhigga booliska degmada Waaberi Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane oo ka mid ahaa dad caawa lagu dilay qarax is-miidaamin ahaa oo ka dhacay afaafka hore ee saldhigga.

Ugu horey Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa u uku yiri, “Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Taliyihii Booliiska degmada Waaberi Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane oo kamid ahaa dhalinyaradii qaybta kasoo qaatay difaaca Dalka. Geerida Taliye Baashane waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa Taliska Booliiska Soomaaliyeed iyo qoyskii Marxuumka Allaha u naxariistee.”

Qoraalka Sheekh Shariif ayaa intaas ku sii daray, “Saraakiisha kale iyo shacabka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxii argagixisada lahaa ee saldhiga Waaberi lagu weeraray waxaan Alle u weydiinayaa caafimaad degdeg ah. Argagixisadu maleh diin waana mas’uuliyad guud in loo midoobo sidii looga hortagi lahaa.”

Sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa isna qoraal uu soo saaray waxa u uku yiri, “Allaha u naxariisto taliye Axmed Sh Cabdullahi Baashane.

Waxa uu ahaa nin akhlaaq badan oo dabeecad wanaagsan, mustaqbalka booliiska Soomaliieed oo soo ifaya ayuu ahaa. Waxaan uga tacsiyaynayaa abihiis Sh Baashane oo an saxiiib ahayn muddo dheer iyo dhammaan ahalkiisa iyo ummadda Soomaliyeed.”

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo saaray isna waxa uu ku yiri, “Allaha u naxariisto taliyihii saldhigga Waaberi Axmed Baashane oo caaway kooxaha argagixisadu ay ku beegsadeen qarax, inta kale ee la dhimatay Allaha u raxmado. Dhaawacana Allaha u booga-dhayo. Waa geeri xanuun badan.”

Wararkii u dambeeyey ee aan heleyno waxay sheegayaan in dhaawac goobta looga qaaday uu u geeriyooday Taliye ku xigeenkii qeybta Waliyow-Cadde ee booliska gobolka Banaadir G/Dhexe Cabdibaasid Maxamuud Cageey.

Dad shacab ah oo wadada maraayey, saraakiil iyo askar ayey sidoo kale dhimasho iyo ku dhaawacyo ka soo gaareen qaraxaas, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin inta uu dhanyahay khasaaraha guud ee ka dhashay.

DF oo go’aan kasoo saartay keenista qaadka KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ka dhan ah Qaadka Kenya ee Miraa, kaas oo mar kale ay ku celisay in aan la soo geli karin Soomaaliya, islamarkaana uu sidiisii yahay go’aankii ay ku joojisay dowladdu.

“Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed (SCAA) waxay si sharaf leh ugu war-gelineysaa dhammaan howlwadeenada in Qaadka Mirra oo la keeno Soomaaliya ay weli mamnuuc tahay, islamarkaana Siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan soo dhoofinta Qaadka Miraa ee garoomada diyaaradaha dalka aysan waxba iska beddelin,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Hey’adda Duulista Raydika Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalkaan waxaa lagu sheegay in hadii la isku dayo in Soomaaliya la keeno Qaadkaas, ay tallaabadaas dowladda Soomaaliya u tix-geli doonto xad-gudub ka dhan ah hawada Soomaaliya.

“Soo dhoofinta Mirra, iyadoon wax ogolaansho ah laga haysan Hey’adda Duulista Raydika,  waxaa loo tixgelin doonaa tallaabo sharci darro ah iyo ku xad-gudub Hawada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii Hey’adda Duulista Hawada ayaa qoraalkeeda ku tiri, “Sidaas darteed Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya waxay si adag ula talineysaa dhammaan hawlwadeennada in aysan ku dhaqaaqin usoo dhoofinta Mirra ee Soomaaliya illaa amar dambe ay ka soo saarto Hay’addu.”

Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dib loo soo celiyey xiriirkii go’ay ee kala dhaxeeyey Kenya, balse weli ma fasixin Qaadkii ka imaanjiray dalkaas oo la joojiyey markii uu xumaaday xiriirka labada dal.

Shacabka iyo dowladda Kenya ayaa aad u daneeya in dib loogu fasaxo suuqoodii Qaadka ee Soomaaliya, balse in dowladda Soomaaliya ay gabi ahaanba xirto suuqaas waxaa sababay khilaaf asalkiisu yahay xuduuda badda ee labada dal, kaas oo dhawaan ay maxkamadda ICJ qaaday dacwadiisa, isla markaana laga sugayo go’aan kama dambeys ah.

Xog: DF oo mushaarka ka goosatay 100 ka mid ah ciidamada xoogga dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in laga goostay mushaarka bishii la soo dhaafay ee April, sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ciidamada. 

Ciidanka laga goostay mushaarka ayaa ka tirsan Guutada 14-ka October, waxaana tiradooda lagu sheegay ku dhowaad 100 askari waxayna ka howlgalaan degaanka Bariire ee Gobalka Shabeellada Hoose. 

Askarta mushaarka loo diiday ayaa la sheegay in qaarkood ku dhaawacmeen dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Bariire 3-da Bishii April ee sanadkaan, halka qaar kalane oo kamid noqdeen kuwii ku dhintay dagaalkii iyo qaraxyadii Al-Shabaab ay ku qaadeen isla degaanka, balse xuquuqdooda laga goostay ehalladooda iyo carruurtii ay ka tageen. 

Qaar kamid ah ciidanka mushaarka laga joojiyay ayaa sheegay in dhamaantood ay joogeen Bariire oo bil ka hor ku qabsaday dagaal qaraar oo ay ku waayeen tobaneeyo saaaxiibadood ah, hase yeeshee 20 maalmood kadib markii ay la dagaaleen Al-Shabaab mushaarkii laga goostay. 

Lama oga sababta rasmiga balse waxay wararku sheegayaan in tiro koob lagu sameeyay maalmo ka hor laga reebay liiska askarta dhaawacyada ah, akoonada kuwa dhintay, askar fasax ku jirtay iyo kuwa xiligaas roondo ku maqnaa. 

Ciidamada ayaa sheegay in markii hore askarta la siin jiray wargelin ah in uu jiro tiro koob maalmo ka hor inta aysan imaanin qolada qaabilsan balse kan uu ahaa mid kadis lagu sameeyay. Ciidanka laga goostay lacagta ayaa baaq u diray madaxda dowladda iyagoo sheegay in xilli adag ay kusoo aaday.

Villa Somalia oo war cusub kasoo saartay kiiska dacwada badda iyo ‘kulanka’ DOHA

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa ka hadlay inuu jiro is-bedel ku yimid kiiskii Badda ee yaalay maxkamadda ICJ, kadib heshiis lagu soo celiyey xiriirka oo dhawaan dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya oo uu ka dhaxeeyay khilaaf xoogan.

Agaasime Cabdirashiid ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in kiiska Badda ay labada waddan ku xalinayaan meel ka baxsan maxkamadda, taasi oo uu ku tilmaamay “mala-awaal aan sal iyo raad laheyn”.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda uu ka tirsan yahay ay ka go’an tahay difaaca iyo u-dagaalanka taako kasta oo kamid ah xuduudeheeda, gaar ahaan midda badda oo xiligan uu muran kala dhaxeeyo Kenya.

“Muranka badda waxaa go’aan ka gaari doonta maxkamadda. Mala-awaal ma aha xaqiiqo mana ahan aasaaska sharciga. Waxaa naga go’an inaan u dagaallano, difaacno oo aan ilaalino taako kasta oo ka mid ah xudduudaha badda ee Soomaaliya, si ay uga faa’iideystaan dadkeenna,” ayuu yiri Cabdirashiid.

Hadalkaan ayaa sii xoojinaya mid uu dhawaan sheegay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo uu rajo wanaagsan uga muujiyey, kuna sheegay in Soomaaliya ay guul weyn kasoo hoynayso kiiska Badda, hase yeeshe waxaa xiligan is-bedel ku yimid xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dal, kaasi oo kal hore meel xun gaaray.

Dhinaca kale, Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Dubbe oo qoraal ku baahiyey bartiisa Facebook ayaa sheegay inuusan jirin kulan gaar ah oo Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ku dhex-maraya caasimada Qatar ee Doha.

“Cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya oo hore u xumaaday waxa hadda laga shaqaynayaa sidii loo wanaajin lahaa, waan u mahad-celinaynaa wadamada ka shaqeeyey isu soo dhowaan tan, laakiin xilligan waxba kama jiraan wararka la faafinayo ee sheegaya in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay hadda kulmayaan kuna kulmayaan Doha/Qatar,” ayuu yiri.

“Arrinka Badda Soomaaliyana wuxu ku jiraa gacanta Maxkamadda Caddaalada Adduunka ee ICJ, waxaana la wada sugayaa go’aanka Maxkamadda.  Soomaaliya Hanoolaato.”

Tan iyo markii dib loo soo celiyay xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Muranka badda ee Kiiskeedu yaallo maxkamadda caalamiga ah ee ICJ lagu xalinayo meel ka baxsan maxkamadda, taasi oo ka dhigan in Soomaaliya ay ka tanaasushay dacwaddaas.

Dib usoo celinta xiriirka labada dal ayaa waxa dadaal badan ku bixisay dowladda Qatar, oo ergey gaar ah, Dr. Mutlaq Al-Qahtani usoo dirtay magaalada Muqdisho, oo uu wada-hadal kula yeeshay madaxda dowladda federaalka, sidoo kalena Nairobi kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Qatar ayaa aad u dooneysa heshiis dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya, oo laga gaaro muranka badda Soomaaliya, sababtoo ah, dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay ayaa waxaa qandaraas shidaal baaris ah ku haysta shirkadda ENI ee Talyaaniga oo Qatar ay saami ku leedahay.

Midowga AFRIKA oo si deg deg ah u aqbalay dalabkii Midowga Musharaxiinta

Muqdisho (Casimadda Online) – Midowga Afrika ayaa qaaday tallaabo deg deg ah oo ay mid ka mid ah diblomaasiyiinta ugu saraysa kooxda dhexdhexaadinta Soomaaliya uga saarayaan xubnaha ay magacaabeyn kadib markii ay sidaas codsadeyn Midowga Musharixiinta.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in Midowga Afrika uu tallaabadaas qaaday kadib cadaadis uga yimid xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo dacwad ay gudbiyeen xubnaha Midowga Musharixiinta oo si toos ah usoo dhaweeyey ergeyga loo soo magacaabay dhex-dhexaadinta balse walaac ka muujiyey in Babatunde Taiwo uu kamid ah noqdo la taliyeyaasha madaxa dhexdhexaadinta.

Babatunde Taiwo ayaa ah madaxa qeybta Arrimaha Siyaasada ee AMISOM, waxayna midowga musharixiinta ku eedeeyen inuu la shaqeeyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyey inuu laaluush ka qaato Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka islamarkaarna uu siraha wada-hadallada u gudbiyo taliska madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Midowga musharixiinta ayaa ku adkeysatay in ka mid noqoshada Taiwo ay tahay mid aysan aqbali karin sababo la xiriira dabeecadiisa musuq-maasuqa iyo cilaaqaadka uu la leeyahay Villa Soomaaliya.

“Ma aqbali karno in ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika uu ka qeybqaato wadahadal xasaasi ah ama qaabab kale oo xiriir ah ilaa iyo inta Mr Taiwo uu ku jiro boos kasta uu ku heli karo,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay musharixiinta.

“Marka waxaan si xushmad leh u codsaneynaa in laga laabto magacaabida Mr Taiwo iyadoo la tixgelinayo kooxda Ergeyga Gaarka ah waxaana si adag ugu talineynaa in dib loogu celiyo waax kale oo ka tirsan Midowga Afrika,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoralka.

Talaabadan uu Midowga Africa qaaday ayaa loo arkaa inay tahay mid ka qeyb qaadan karto ka mira dhalinta kulanka uu madaxda Maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Dowladda Dhexe ugu yeeray Ra’isulwasaare Roonle kaasoo lagu ballansan yahay 20 Bishaan.

Waalidiinta wiilashooda loo geeyey Eritrea askar ahaanta oo war cusub saaray + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Waalidiinta dhalay dhalinyaradii tobabarka ciidan-nimo loogu qaaday dalka Eritre oo warbaahinta la hadlay ayaa dowladda u qabtay muddo ku siman toddobaad inay wiilashooda ugu soo celiyaan.

Waalidiintaan ayaa sheegay inay wiilashooda la’yihiin labo sanno, islamarkaana ay rabaan inay dib u arkaan, maadama mudada intaas le’eg aysan ka warqabin xaalada ay ku sugan yihiin, lana soo warinayo warar sheegayay inay ku la’deen dagaalkii Tigray.

Waxay dalbadeen in wiilashooda loo soo gacan-geliyo, ayaga oo sheegay in qaar kamid ah dhalinyaradii loo qaaday tobabarka laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, halka kuwooda ay maqan yihiin, sida ay sheegen.

“Caruurteena waa in naloo keena sida ugu dhaqsaha badan, nimankii loo qaaday tobabarka ayaa la keenay oo kuwii ka horeeyay ayaa la keenay, waxaan dowladda ka codsanayaa in awlaadeena ay noo keenaan,” ayey tiri Hooyo kamid ah waalidiinta warbaahinta la hadlay ee wiilashooda ka maqan yihiin.

“Ilmaheena qaar sanad iyo labo sanno ayey maqan yihiin, doorasho dhici mayso mana dhaceyso ilaa caruurteena naloo keenayo, mana joojineyno mudaharaadka, waana in sida ugu dhaqsaha badan naloogu keeno.”

Sidoo kale waxay sheegen in wiilashooda ay qaarkood ka baxeen Eritrea oo ah dalkii ay dowladda hore ugu qaaday tobabarka, kadib markii ay kala kulmeen xaalad adag, sida ay sheegen qaar kamid ah waalidiinta warbaahinta la hadlay.

Waalidiintaan oo iskugu jiray aabayaasha iyo hooyoyinka dhalinyaradii tobabarka loo qaaday Eritrea ayaa waxay dowladda iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ka dalbaday inay caruurtooda ugu soo celiyaan muddo ku siman toddobaad.

Dhalinyarada loo qaaday tobabarka ee la geeyay Eritrea ayaa waxa ka dhalatay xiisad hor leh, waxaana dhowr jeer lasoo wariyey inay ka qeyb-qaateen dagaalkii Tigray ee xukuumadda Abiy Axmed ku qaaday, inkasta oo ay beenisay dowladda waqtigeeda uu dhamaaday.

Hoos ka daawo muuqaalka waalidiinta

Loolanka Imaaraadka iyo QATAR ma sababi karaa in Soomaaliya ay lasoo noqoto kiiska dacwadda badda?

Tan iyo markii ay Qatar ku guuleysatay Arbacadii soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, waxaa soo baxay shaki badan oo laga qabo in is-afgaradka labada dhinac uu qeyb ka yahay soo celinta kiiska muran xadeedka badda ee la filayo in ICJ ay go’aan ka gaarto dabayaaqada sanadkan iyo weliba heerka uu gaaray loolanka Qatar iyo Imaaraadka ee geeska Afrika.

Go’aanka labada dal ay xiriirka kusoo celiyeen waxaa u sabciyey Amiirka Qatar Tamiim, isaga oo ku ammaanay Farmaajo iyo Uhuru go’aanka xikmadda ku saleysan oo geesinnimada leh halka Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Aala taahni oo wareysi gaar ah siiyey Al-Jazeera uu sheegay in arrintan timid kadib markii ay Farmaajo iyo Uhuru ay warqado ka heleen Amiirka.

Dhanka Soomaalida inkasta oo ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed uu sheegay in muranka badda lagu soo afjari doonta Maxkamadda ICJ , kadib dhageysiga dacwadda ee afka ayaa la soo gaba gabeyay bishii Maarso 15-18 ee sanadkan, lana sugayo xukun cadaalad ah, laakin waxaa jiro xildhibaanno shaki muujiyey waxaa ka mid ah Axmed Macalin Fiqhi iyo Cabdiraxmaan Odowaa, iyada oo Fiqhi uu yiri “Kiiskii muranka baddu ma muddo kordhintii laga noqday oo kale ayuu noqday?! Waa lagama maarmaan in madaxweynaha waqtigiisu uu dhamaaday in uu caddeeyo mawqifkiisa ku aadan arrintan.! Halka Xildhibaan Odowaa oo qabo “Tanaasul badane Farmaajo amuu baddeenna ka soo tanaasulaa!”.

Shakiga xildhibaannada waxaa ay sidoo kale kuusoo aadeysaa iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in 21-ka bishan laga yaabo iney Doxa tagaan Farmaajo iyo Uhuru, isla markaana la isku raaco in kiiska badda lagu dhameeyo wada hadal ka baxsan ICJ, taas oo aheyd dalabka Nairobi.

Maxay Tahay Faa’idada Qatar ugu Jirta Heshiiska Soomaaliya iyo Kenya?!

Qatar 2017-kii, xilli ay aad u kacsan tahay xiisadda Khaliijka iyo loolankooda kala dhaxeeyey Doxa ayey Soomaaliya siiyey mashruuc ku kacaya $ 200 million oo ah dhismaha Jidadka Muqdisho-Afgooye(30 kilometr) iyo Muqdisho-Jowhar(90 kilometr), mashruucaasi oo weli socda ayey hadana ka shaqeysay isu soo dhowaanshiyaha Soomaaliya iyo dal kale oo Doxa kala dhaxeeyo heshiis arrimo badeed kaas oo ah Kenya.

Si ay isugu ballaariso bariga Afrika,  shirka Qatar Petroleum ayaa bartamihii 2019-kii sheegtay in heshiis la gashay shirkada ENI iyo Total, si ay saammi 25%  ugu yeelato sahminta saddex Baloog oo ku yaala Laamu, oo ah gobol dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Qatar waxaa ay iibsatay xisadada 13. 75 oo ay ka iibsatay ENI iyo  11.25 oo ay ka iibsatay Total, waana saddex Baloog oo ku yaala Laamu Basin. Bolooyadan oo kala ah: L11A, L11B iyo L12 ayaa ku yaalo sida aan sheegay Lamu oo ah bariga Kenya, waxaa ay ku fadhisaa 15,000 square KM, xagga moolka waa 1,000-3,000 oo Mitiri.

Qatar ayaa aaday dhanka bariga Afrika, dano badanna ku leh kadib markii Imaaraadka ay uga hor mareen Khaliijka Cadan iyo aagga badda Cas, shakiga ayaa ah in hadda heshiiskan ay dhex dhigtay Soomaaliya iyo Kenya uu arrinkaas la xiriiro.

Imaaraadka iyo Geeska Afrika:

Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka ee DP World  ayaa khamiistii hore waxaa ay $1 billion  ku bixin doontaa dhismaha jidka dekadda Berbera iyo Itoobiya.

Shirkada Imaaraadka ayaa gobolkaas joogay afartii sano ee ugu dambeysay.  DP World  ayaa waddo mashruuc lagu casriyeynayo dekadda Berbera oo ku kacaya  $442 million , kaas oo ay heshay 30 sano 2017-kii.

Shirkadda kale ee Imaaraadka P&O Ports ayaa iyada waxaa ay isla sanadkaas 2017-kii heshay maamulka 30 sano dekadda Boosaaso, waxaa ay ku kaceysaa $336 million.

Loolanka Qatar iyo Imaaraadka kuma koobna Soomaaliya ee waxaa uu ka jiraa meel badan oo Afrika iyo Asia ah, waana labo dal oo dhibaatadooda ay ka badan tahay faa’idad ay wadaan.

W/Q: Cabdicaziz Gurbiye

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sanbaloolshe oo ka digay qorshe uu sheegay in R/W ROOBLE loo adeegsan rabo

0

Muqdisho (Caaismada Online) – Siyaasiga caanka ah Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa wareysi cusub oo uu bixiyey wuxuu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha soo kordhay iyo sidoo kale doorashooyinka dalka 2021-ka.

Ugu horreyn wuxuu shaaca ka qaaday in xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay yeelatay weji cusub, isla-markaana ay sidii hore aad uga wanaagsan tahay.

“Xaalka sidii hore waa ka fiican yahay waa lasoo wada miirsaday, awalba miir la’aanta dhinac ayey u badneyd,” ayuu yiri siyaasiga caanka Sanbaloolshe

Sidoo kale Sanbaloolshe oo hore usoo noqday taliyihii hay’adda NISA ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, isaga oo tilmaamay in Farmaajo uu rabo inuu Rooble ku baabi’iyo xubnaha mucaaradka.

“Ra’iisul wasaare Rooble maanta (To Day) waa nin warqad cad ah, Farmaajana wuxuu rabaa inuu u diro in mucaaradka uu soo baaba’sho,” ayuu markale yiri Sanbalooshe.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Mucaaradka haddii Farmaajo af ilka leh ku qaniini jireen, maantana waa in Rooble af aan ilko laheyn ay ku qaniinaan,”.

Ugu dambeyn wuxuu kula taliyey ra’iisul wasaaraha in uusan qaadan talada Farmaajo iyo ciidamadiisa, si ay miro dhal u noqdaan dadaallada oo haatan wado ra’iisul wasaare Rooble.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ay heshiis ku gaareen magaalada Muqdisho, si loo amba-qaado wada-hadalladioi doorashooyinka dalka.