25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 14, 2026

Loolanka Imaaraadka iyo QATAR ma sababi karaa in Soomaaliya ay lasoo noqoto kiiska dacwadda badda?

Tan iyo markii ay Qatar ku guuleysatay Arbacadii soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, waxaa soo baxay shaki badan oo laga qabo in is-afgaradka labada dhinac uu qeyb ka yahay soo celinta kiiska muran xadeedka badda ee la filayo in ICJ ay go’aan ka gaarto dabayaaqada sanadkan iyo weliba heerka uu gaaray loolanka Qatar iyo Imaaraadka ee geeska Afrika.

Go’aanka labada dal ay xiriirka kusoo celiyeen waxaa u sabciyey Amiirka Qatar Tamiim, isaga oo ku ammaanay Farmaajo iyo Uhuru go’aanka xikmadda ku saleysan oo geesinnimada leh halka Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Aala taahni oo wareysi gaar ah siiyey Al-Jazeera uu sheegay in arrintan timid kadib markii ay Farmaajo iyo Uhuru ay warqado ka heleen Amiirka.

Dhanka Soomaalida inkasta oo ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed uu sheegay in muranka badda lagu soo afjari doonta Maxkamadda ICJ , kadib dhageysiga dacwadda ee afka ayaa la soo gaba gabeyay bishii Maarso 15-18 ee sanadkan, lana sugayo xukun cadaalad ah, laakin waxaa jiro xildhibaanno shaki muujiyey waxaa ka mid ah Axmed Macalin Fiqhi iyo Cabdiraxmaan Odowaa, iyada oo Fiqhi uu yiri “Kiiskii muranka baddu ma muddo kordhintii laga noqday oo kale ayuu noqday?! Waa lagama maarmaan in madaxweynaha waqtigiisu uu dhamaaday in uu caddeeyo mawqifkiisa ku aadan arrintan.! Halka Xildhibaan Odowaa oo qabo “Tanaasul badane Farmaajo amuu baddeenna ka soo tanaasulaa!”.

Shakiga xildhibaannada waxaa ay sidoo kale kuusoo aadeysaa iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in 21-ka bishan laga yaabo iney Doxa tagaan Farmaajo iyo Uhuru, isla markaana la isku raaco in kiiska badda lagu dhameeyo wada hadal ka baxsan ICJ, taas oo aheyd dalabka Nairobi.

Maxay Tahay Faa’idada Qatar ugu Jirta Heshiiska Soomaaliya iyo Kenya?!

Qatar 2017-kii, xilli ay aad u kacsan tahay xiisadda Khaliijka iyo loolankooda kala dhaxeeyey Doxa ayey Soomaaliya siiyey mashruuc ku kacaya $ 200 million oo ah dhismaha Jidadka Muqdisho-Afgooye(30 kilometr) iyo Muqdisho-Jowhar(90 kilometr), mashruucaasi oo weli socda ayey hadana ka shaqeysay isu soo dhowaanshiyaha Soomaaliya iyo dal kale oo Doxa kala dhaxeeyo heshiis arrimo badeed kaas oo ah Kenya.

Si ay isugu ballaariso bariga Afrika,  shirka Qatar Petroleum ayaa bartamihii 2019-kii sheegtay in heshiis la gashay shirkada ENI iyo Total, si ay saammi 25%  ugu yeelato sahminta saddex Baloog oo ku yaala Laamu, oo ah gobol dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Qatar waxaa ay iibsatay xisadada 13. 75 oo ay ka iibsatay ENI iyo  11.25 oo ay ka iibsatay Total, waana saddex Baloog oo ku yaala Laamu Basin. Bolooyadan oo kala ah: L11A, L11B iyo L12 ayaa ku yaalo sida aan sheegay Lamu oo ah bariga Kenya, waxaa ay ku fadhisaa 15,000 square KM, xagga moolka waa 1,000-3,000 oo Mitiri.

Qatar ayaa aaday dhanka bariga Afrika, dano badanna ku leh kadib markii Imaaraadka ay uga hor mareen Khaliijka Cadan iyo aagga badda Cas, shakiga ayaa ah in hadda heshiiskan ay dhex dhigtay Soomaaliya iyo Kenya uu arrinkaas la xiriiro.

Imaaraadka iyo Geeska Afrika:

Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka ee DP World  ayaa khamiistii hore waxaa ay $1 billion  ku bixin doontaa dhismaha jidka dekadda Berbera iyo Itoobiya.

Shirkada Imaaraadka ayaa gobolkaas joogay afartii sano ee ugu dambeysay.  DP World  ayaa waddo mashruuc lagu casriyeynayo dekadda Berbera oo ku kacaya  $442 million , kaas oo ay heshay 30 sano 2017-kii.

Shirkadda kale ee Imaaraadka P&O Ports ayaa iyada waxaa ay isla sanadkaas 2017-kii heshay maamulka 30 sano dekadda Boosaaso, waxaa ay ku kaceysaa $336 million.

Loolanka Qatar iyo Imaaraadka kuma koobna Soomaaliya ee waxaa uu ka jiraa meel badan oo Afrika iyo Asia ah, waana labo dal oo dhibaatadooda ay ka badan tahay faa’idad ay wadaan.

W/Q: Cabdicaziz Gurbiye

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sanbaloolshe oo ka digay qorshe uu sheegay in R/W ROOBLE loo adeegsan rabo

0

Muqdisho (Caaismada Online) – Siyaasiga caanka ah Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa wareysi cusub oo uu bixiyey wuxuu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha soo kordhay iyo sidoo kale doorashooyinka dalka 2021-ka.

Ugu horreyn wuxuu shaaca ka qaaday in xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay yeelatay weji cusub, isla-markaana ay sidii hore aad uga wanaagsan tahay.

“Xaalka sidii hore waa ka fiican yahay waa lasoo wada miirsaday, awalba miir la’aanta dhinac ayey u badneyd,” ayuu yiri siyaasiga caanka Sanbaloolshe

Sidoo kale Sanbaloolshe oo hore usoo noqday taliyihii hay’adda NISA ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, isaga oo tilmaamay in Farmaajo uu rabo inuu Rooble ku baabi’iyo xubnaha mucaaradka.

“Ra’iisul wasaare Rooble maanta (To Day) waa nin warqad cad ah, Farmaajana wuxuu rabaa inuu u diro in mucaaradka uu soo baaba’sho,” ayuu markale yiri Sanbalooshe.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Mucaaradka haddii Farmaajo af ilka leh ku qaniini jireen, maantana waa in Rooble af aan ilko laheyn ay ku qaniinaan,”.

Ugu dambeyn wuxuu kula taliyey ra’iisul wasaaraha in uusan qaadan talada Farmaajo iyo ciidamadiisa, si ay miro dhal u noqdaan dadaallada oo haatan wado ra’iisul wasaare Rooble.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ay heshiis ku gaareen magaalada Muqdisho, si loo amba-qaado wada-hadalladioi doorashooyinka dalka.

Muqdisho: Dhacdo xanuun badan oo 8 qof ay ku dhinteen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo xalay ka dhacday duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii uu dhisme qadiimi ahaa kusoo dumay barakacayaal degan gudaha deegaanka Garasbaaley.

Wararka ayaa sheegaya in darbigan oo ay hoos daganaayeen qoysas dan-yar ah oo kasoo barakacay Shabeelaha Hoose ay ku dhinteen ugu yaraan illaa sideed qof oo ay ku jireen hooyo iyo 5 caruur ah oo ay dhashay, iyadoo ay dhaawacyo soo gaareen illaa 4 qof oo kale.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in burburka dhismahaasi uu sababay roobkii maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayey caasimadda.

“Darbi dheer oo qadiimi ah ayaa dadkaan kusoo dumay, waxaana ku dhintay 6-ruux oo kala ah Hooyo, carruurteeda & dad kale oo ay deris ahaayeen, afar ruux oo dhaawac ah labo kamid ah waa ay dhinteen, sababta burburka darbiga sababtay waa roobkii ugu dambeeyay ee da’ay oo jilciyay dhismaha,” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa haatan socda qaban qaabada aas loo sameynayo dhammaan dadkii ku dhintay dhacdadaasi oo ahaa barakacayaal degan waaxda afaraad ee Garasbaaley.

Ma’ahan dhacdo ugub ah, waxaana marar badan gudaha magaalad Muqdisho ka dhacay dhimasho iyo dhaawac oo ay sababeen burburka dhismooyin ku yaalla caasimada.

Gantaalkii Shiinaha ee kasoo fakaday hawada sare oo ku soo dhacay dhulka – Xagee?

Beijing (Caasimada Online) – Haraadigii gantaalkii Shiinaha ay u direen hawada sare balse soo fakaday ayaa Axadda maanta ah kusoo dhacay Badweynta India, ayada oo inta badan uu burburay markii uu soo galay jawiga dhulka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Shiinaha.

Tani waxay soo geba-gebeysa maalmo hadal hayn oo ku saabsan halka uu gantaalka ku dhici karo gantaalka.

Gantaalkan oo ka mid ah koox gantaallo ah oo loo yaqaan Long March 5 ayaa Shiinaha ay u adeegsadaan inuu shaqaalaha iyo agabyada u qaado saldhigga ay China ka dhiseyso hawada sare.

Warbahainta Shiinaha oo soo xiganeysa xafiiska hawada sare u qaabilsan Shiinaha ayaa sheegtay in gantaalka uu ku dhacay meel dhinaca galbeed ka xigta jasiiradda Maldives. 

Fakashada gantaalkan ayaa walaac badan ku abuuray dunida oo dhan tan iyo markii ay Shiinaha u direen hawada sare 29-kii April, balse kadib la shaaciyey inuu fakaday.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in gantaalka uu dib usoo galay hawada dhulka saacaddu markay aheyd 10:24 am xilliga Shiinaha, kuna beegneyd 5:24 am xilliga Muqdisho. 

Ayada oo inta badan dhulka dushiisa ay biyo daboolaan, suurta-galnimada ah in gantaalka ku dhaco meel ay dadku ku badan yihiin ayaa aad u yareyd, waxaana kasii yaraa in dhaawacyo uu gaysto, sida ay sheegeen khubarada.

Hase yeeshee hubanti la’aanta arrintan iyo in Shiinaha ay ku guul-darreysteen inay xaqiijin xooggan soo saaraan ayaa walaac badan ka abuurtay dunida.

Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray ergeyga Midowga Afrika, dacwadna ka gudbiyey la-taliye sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey allaabadii ururka Midowga Afrika uu Soomaaliya ugu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee dalka Ghana John Dramani Mahama oo noqonaya u qaabilsanaha Midowga Afrika ee dhexdhaxaadinta khilaafka doorasho ee ka jira Soomaaliya.

“Waxaan uga mahadcelineynaa Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaana dadaallada dhismaha nabadeed ee ka socda guud ahaan dalka. Waxaan ku rajo weynahay in ergayga cusub uu si dhakhso leh oo dhab ah ula macaamili doono dhammaan daneeyayaasha arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, waxaan ka rajo qabnaa inuu ka shaqeeyo kala guur habsami leh iyo dhaqan galinta heshiiskii 17-kii Sebtember oo aas-aas u ah qaadashada doorashooyinka qaranka ee dastuurku jideeyay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxday midowga musharaxiinta.

Sidoo kale golaha ayaa qoraalkaan ku balan qaaday inuu si buuxda ula shaqeyn doono Ergeyga cusub iyo kooxdiisa, iyagoo ka  codsaday daneeyayaasha kale ee siyaasadda dalka inay la shaqeeyaan Ergaygan cusub.

Sidoo kale Golaha ayaa u kala eexasho ku eedeeyey La-taliyaha sare ee siyaasada kooxda dhexdhexaadinta Midowga Afrika, waxayna musharaxiintu qoraalkaan ku codsadeen in dib u eegis lagu sameeyo magacaabidiisa.

“La-taliyaha sare ee siyaasada kooxda dhexdhexaadinta Midowga Afrika Mr. Babatunde Taiwo, intii uu ka shaqeynayay Soomaaliya, waxuu si furan u baacsaday, isaga iyo qaar kale oo ka tirsan hoggaanka AMISOM, koorsooyin siyaasadeed oo xad gudub u ah waajibaadkiisa, isla markaana si dhab ah oo taban uga qayb qaatay dhibaatadii ka dhacday dalka, haatana waxaa loo xilsaaray dhexdhexaadin. Markii aan dib-u-eegista iyo latashiga ballaadhan la yeelanay Mr. Taiwo waxqabadyadiisii ​​hore iyo faham la’aantiisa dhaqanka Soomaalida,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay si dhab ah uga walaacsan yihiin muhiimada uu leeyahay xilkaan Qaran ee uu hayo Babatunde Taiwo iyo tuhunka ay ka qabaan, iyagoo soo jeediyey in laga bedelo.

“Goluhu si niyad sami ah ulama shaqeyn karo Mudane Taiwo. Waxaan rajeyneynaa kana codsanayaa in Midowga Afrika inuu si xushmad leh uga fiirsado magacaabistiisa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka midowga musharaxiinta.

Madaxweynaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa xalay madaxwaynihii hore ee dalka Ghana, John Dramani Mahama u magacaabay inuu noqdo ergayga gaarka ah ee dhex-dhexaadinta is-mari waaga doorashada Soomaaliya.

‘Soomaaliya waxay noqon lahayd waddanka saddexaad ee ugu taajirsan adduunka’

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo su’aalo lagu weydiiyey barta ClubHouse ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka maarmi karto dhaqaalaha lagu taageero ee dibedda ka yimaada.

“Jawaabta su’aasha ku saabsan maka maarmi kartaa dhaqaalaha nalagu taageero waa haa waan ka maarmi karnaa,” ayuu yiri.

Wuxuu sii raaciyey “Si aan uga maaranno, waxaa loo baahan yahay Soomaalida inay fahmaan inaan leenahay dal aad iyo aad qani u ah dadkiisuna ay aad faqri u yihiin. Dad badan waxaa laga yaabaa in ay dalalka Kahliijka u arkaan kuwo qani ah. Haddaad fiiriso Sacuudiga, Kuwait, Imaaraadka waxay leeyihiin Shidaal, intooda badan waxay leeyihiin Shidaal kaliya.”

Wasiirka ayaa ku dooday in Soomaaliya ay kaalin wanaagsan geli lahayd haddii ay soo saari kari lahayd shidaalkeeda.

Waxa uu intaas ku daray inuu arkay daraasado la sameyey sanadkii 2009 taasoo lagu sheegay in Soomaaliya haddii lasoo saaro shidaalkeeda ay adduunka lambar saddex ka gali lahayd hodontinimada caalamka.

“Soomaaliya waxay leedahay Shidaal aad u badan. 2009-kii daraasado aan arkay qeexayeen in Soomaaliya haddii lasoo saaro shidaalkeeda ay adduunka lambar toddobo ka gali lahayd. Dhowr sano kaddib waxaan arkay daraasad kale oo sheegeysa in Soomaaliya haddii shidaalkeeda lasoo saaro ay noqon lahayd lambar saddex. Shidaalka waxaa noo dheer waxa la yiraahdo gaaska dabiiciga ah. Adduunka waxaa kaalinta koowaad uga jira Ruushka, kaalinta labaad waxaa ku jirta Qadar, sida aan filayo, Soomaaliyana waxaan u maleynayaa in ay labadoodaba meel la mid ah haddiiba aysan ka badneyn ay gaarsiin lahayda” ayuu yiri.

Ciidanka Xoogga dalka oo la wareegay deegaano horleh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ciidamada dowladda saacadihii lasoo dhaafay ay howl-gallo qorsheysan ka sameeyeen deegaano iyo tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi.

Howl-gallada ayaa waxaa xigay iska hor imaadyo kooban oo dhex-maray labada dhinac, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay la wareegeen deegaanada kala ah Shaam-Garre, Raqaleey, Raydableey, Goloole, Caanooleey iyo Gumeysidiid ee gobolka Sh/Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay dhaq-dhaqaaqyadaasi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay khasaare xoog-leh gaarsiiyeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhaca dagaallo xoogan oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

QM oo digniin culus kasoo saartay xaaladda Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay, gaar ahaan hay’addeeda cuntada iyo beeraha ee FAO ayaa war kasoo saaray xaaladda adag ee Soomaaliya, iyada oo ka digtay daadad ku soo wajahan dalka, iyada oo laga cabsi qabo inay da’aan roobab xoogleh.

FAO ayaa sheegtay in wabiga Shabelle uu buux-dhaafsamay, isla-markaana uu kar-kaaraha jabsaday dhinaca magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle.

Sidoo kale hay’adda ayaa ugu baaqday dadka degan hareeraha wabiga inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, si looga fogaado waxyeelo ka soo gaarta fatahaadaha

“Waxaa ugu daran biyo-xireenka iyo qararka wabiga oo daciif ah, kuwaas oo durba fatahaad ku billaabay Jowhar. Bulshooyinka ku nool hareeraha wabiga Shabeelle waa inay taxadaraan, maadaama qul-qulka webiga la fiłayo in biyahu soo dhaafaan jiinka wabiga dabayaaqada todobaadkan” ayaa lagu yiri baqayn ka soo baxday hay’adda cunada ee FAO.

Sidoo kale waxay hay’addu ku baaqday in si wadajir ah looga hortego daadadkaasi, si loo bad-baadiyo shacabka, loogana hortego waxyeelo ka dhalata fatahaadaha soo noq noqday.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysaa xaalad adag oo ka dhalatay arrimaha doorashooyinka, waxaana haatan ugu sii darsamay kuwa  kale oo bani’adanimo oo ka dhashay fatahaadaha.

Somaliland oo 8 QODOB ka soo saartay amniga SOOL

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Guddiga nabad-gelyada gobolka Sool ee Somaliland ayaa soo saaray siddeed qoddob oo lagu xoojinayo amniga gobolka, kadib shir ay ku yeesheen magaalada Laascaanood.

Guddiga ayaa gebi ahaanba mamnuucay qaadashada hubka sharci darrada ah iyo gawaarida aan taarikada lahayn ee magaalada dhex-socda, kuwaasi oo wajahi doona ciqaab adag.

Qodobada ay soo saareen guddigaan ayaa sidoo kale waxaa lagu xakameynayaa socodka gaadiidka ee habeenkii xiliga dambe, sida ay isla qaateen xubnaha guddiga nabad-gelyada gobolka Sool.

Gobolka ayaa muddooyinkii dambe wajahayay falal amni darro, ayada oo magaalada Laascaanood ee caasimada gobolkaas ay ka dhaceen dilal qorsheyn iyo qaraxyo aan hore looga baran Somaliland.

Hoos ka aqriso 8-qoddob ee guddigu soo saaray:

1- Qabashada Hubka
2- Gadiidka aan Taarikada lahayn
3- Adkaynta Nabadgelyada Wakhtiga kala guurka
4- Qoriga la qabto in lahaynayo Saddex bilood oo u dhiganta 90 cisho
5- Qofkii aan Ciidan ahayn ee lagu qabto Tuute isagoo xiran sharciga in la horgaynayo.
6- in aan hub lagu qaadan karin magaalada dhexdeeda qofkii lagu qabtananuu yahay dambiile sharcigaana la horgaynayo.
7-Baabuurta wareegta Saacadaha dambe habeenkii ee la garan waayo shaqada ay hayaan in la qabanayo.
8-Baabuurta Bersoll (Bacda lagu dhajiyo Muraayada) leh waa laga goynayaa.

Sawirro: Muxuu Farmaajo kala hadlay ganacsatadii uu xalay kula shiray Villa Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan afur ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa ku bogaadiyay doorka ay ka qaateen horumarinta dhaqaalaha dalka, xoojinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladdu ay ka miro-dhalisay qorshaha lagu yareynayey musuqmaasuqa hantida dadweynaha iyo eexda dhanka shaqada, taas oo xoojisay kalsoonida ganacsatada Soomaaliyeed ay ku qabaan hannaanka Maaliyadeed ee dalka, horseedna u noqotay in la joogteeyo mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidammada.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay garab xooggan ugu yihiin Dowladda fidinta adeegyada aas-aasiga ah, joogteynta xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada, Barnaamijkii Is-xilqaan ee dib loogu dhisayo xarumihii danta guud iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, iyaga oo wakhtiyada adagna safka hore kaga jira gurmadka iyo samatabixinta dalkeenna. Dareenkiinna waddaniyadeed iyo doorkiina samafal waa mid ay idiin ogyihiiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo.

Dhankooda, Ganacsatada ayaa u faahfaahiyey Farmaajosaamaynta xanuunka Safmarka ah ee COVID-19 uu ku yeeshay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka, mudnaanta ay siinayaan nabadda oo aas-aas u ah kobaca ganacsiga iyo sida ay uga go’an tahay in la sii amba-qaado qorsheyaasha miro-dhalka ah ee dib u dhiska dalka, loona xaqiijiyo dal iyo dowlad ay ku soo hirtaan maalgashadeyaashu.

Kulankan waxaa goobjoog ku ahaa Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiiru-dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Madaxda Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Agaasime ku Xigeenka Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.
 

Sawirro: Xiisadda Al-Aqsa oo kasii dartay iyo Yahuudda oo mar kale xalay weeraray

Qudus (Caasimada Online) – Shacab Falastiiniyiin ah oo dibad-baxayey iyo ciidamada Yahuudda ayaa mar kale xalay isku dhacay, dibedda Xaramka Al-Shariifka ah ee Qudus, ayada oo kumanaan qof ay ay salaadda tahajudka ku tukanayeen Masjidka Al-Qasa oo ku dhex-yaalla xaramka iyo dibeddiisa.

Falastiiniyin dhallinyaro ah ayaa dhagxaan ku tuurayey ciidamada Yahuudda oo dhigtay jidgooyooin waddooyinka gala Masjidka, ayaga oo isku dayaya inay celiyaan shacabka qaarkiis.

Ugu yaraan 80 qof ayaa lagu dhaawacay rabshadaha, oo ay ku jiraan caruur uu ugu yar yahay hal sano jir, kuwaas oo 14 ka mid ah la dhigay isbitaalka, sida ay sheegtay hay’adda Bisha Cas ee Falastiin.

“Ma doonayaan inaan tukano. Maalin kasta waxaa jira dagaal iyo isku dhac,” waxaa sidaas yiri Mahmoud al-Marbua oo ah 27 jir isaga oo ku sugan albaabka Dimishiq ee laga galo Xaram Al-Shariifka, isaga oo tilmaamaya booliska Yahuudda. “Bal fiiri waa ay na xabadeynayaan,” ayuu yiri.

Xiisadda Al-Aqsa ayaa taagneyd intii lagu guda jira bisha Ramadan oo idil ayada oo ay jirto carro xooggan oo ka dhalatay qorshe la rabo in dad Falastiiniyiin ah looga saaro guryo ku yaalla magaalada Qudus oo ay sheegteen Yahuud.

Ugu yaraan 205 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay isku dhac kale oo dhacay Jimcihii, taasi oo dhalisay in dunida aay si xooggan u cambaareeyaan Yahuudda. 

Isku dhacyada ayaa habeen walba ka dhaca Bariga Qudus, gaar ahaan xaafadda Sheikh Jarrah, halkaasi oo Yahuudda ay damacsan yihiin inay si qasab ah uga raraan qoysas Falastiiniyiin ah, si loo dejiyo Yahuud.  

Kooxda loo yaqaan Dhex-dhexaadiyayaasha afarta ah ee Bariga Dhexe, oo ka kooban Mareykanka, Ruushka, Midowga Yurub iyo QM ayaa walaac ka muujiyey rabshadaha iyo suurta-galnimada ah in dad guryahooda laga saaro.

“Waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta Israel inay muujiyaan is-xakameyn ayna ka fogaadaan tallaabooyin sii xumeyn kara xaaladda inta lagu guda jiro maalmaha barakeysan,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen.

Xiisadda ayaa la filayaa inay sii kacsanaato maalmaha soo socda, ayada oo Maxkamadda Sare ee Israel ay Isniinta billaabi doonto dhageysiga kiiska dadka al rabo in laga saaro xaafadda Sheikh Jarrah.

Dimuqraadiyad noocee ah ayaa ka jirta Somaliland?

“Dab iyo dhagax, la iskuma dhuftee, kala dhawraay”, Abwaan Cali Sugulle (AUN)

Horraamihii bishii Febraayo 2021 ayaa maamulka Somaliland (SL) xabsiga u taxaabay murshaxiin baarlaman oo ka tirsan xisbiga UCID: Maxamed Axmed Jaamac iyo Raage Axmed Yusuf. Xabsiga labada murashax waxa loo sibir-saaray, in reeraha ay labada murashax ka soo jeedaan murashaxyo kale ku leeyihiin xisbi xaakimka Kulmiye.

Sidoo kale 25tii bishii Abriil 2021 ayaa labo murashax, oo ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah, ayaa mir-dhexe oo habeenimo guryahoodii booliisku ka kaxaysteen, kuwaas oo kala ah: Abdillahi Xasan Xirsi (UCID) iyo Qasim Aden Saleeban (Waddani). 

Haddaba ficiladaa xukumaddu SL waxay u dhacayaan in murashaxa cidda soo sharaxdaa tahay reerka ee aanay ahayn xisbiga. Kolkaa hadday sidaa tahay, talow, maxaa looga baahan yahay xisbiyada iyo dastuurka; shaqadii xisbiyadana ay odayaasha reeruhu hayaan?

Marka aad u dhabbo-gasho waxa kuu soo bixi in la isku wada raacsan yahay in doorashada dhacaysa 31da Maajo 2021 ay reero sharaxan yihiin, xisbiyaduna iska yihiin magac-u-yaal. Reerku qofka ay sharaxaan ayuun baa xisbiguna sharaxayaa. Waa afgarad sida u yaal, dawladduna midkaas ayey fulisaa.

Laakiin meel bay iska qabsan la’adahay: marna laguma fulin af-garadkaas, ilaa hadda, mursahixiin ka socota xisbi xaakimka Kulmiye. Odayaal reer oo mucayin ah oo la isla og-yahay, tiro go’aan leh, meel loogu soo hagaago lehina ma jiraan. Sidaa darteed murashax waliba odayaal taageersan kama qatana. 

Waxa intaa dheer in murashiixintaas, muddada ay xabsiga ku jiraan, lagu dirqiyo inay saxeexaan warqado ay kaga tanaasulayaan murashaxnimadooda. Taasoo ah jawrfal loo geysanayo xuquuqdooda madaniga ah iyo xorriyadda qofka. Ogow in sharciga oo la raacaa yahay rukun ka mid ah rukumada  dumuqraadiyadda.

Ficilada xadgudubka ah iyo hab-dhaqanka diktaatooriyadeed ee maamulka Somaliland waxay dabaysha raacinayaan dastuurka dawladnimo ee lagu andacoodo in dalku leeyahay.

Sideedaba fal-dhaqanka madaxda ayaa macneeya fekerkooda. Tusaale ahaan khudbaddii uu bishii Desembar 2020 m/weyne Muuse Biixi ka jeediyey tuulada Agabar, galbeedka Hargeysa, ayaa daaha ka feyday fekerkiisa, dubaaqiisa hoose iyo aragtida hagta-ba; taasoo uu ku tiraabay in doorashadii madaxtooyada ee 2017 ay reero ku tartameen, reerkiisuna ku guuleystay, reerihii kalena ay kaga adkaadeen doorashadaas.

Sidaa darteed, waxa Mudane Biixi ku baaqay in reerkii laga guuleystay, inay libta reerkiisa aqbalaan. Macnhii ka dhigan reerkii ku guuleysta doorsahada ayaa dawladnimada wada qaata.  Ogow waxay taasi meesha ka saaraysaa rukun kale oo sal  u ah dimuqraadiyadda: talo-wadaag.

Teeda kale waxa Somaliland ka jira saddex xisbi oo keliya oo tobonkii sannaba mar la baabiiyo oo saddex kale oo cusubi soo bixi karaan. Ma garanayo meel dunida nidaam noocaas ahi ka jiro.

Arrin kale oo dhowaan soo kordhay baa iyana jirta. 21dii bishii Abriil 2021 ayuu baarlamanka Somaliland ansixiyey qaab-dhismeedka xisbiyada, taasoo meesha ka saaraysa dastuurkii iyo xeer-hoosaadkii xisbi waliba goonidiisa u lahaa. Macninhii xisbiga dawladda ayaa gacanta ku haynaya maamulka xisbiyada kale. Haddii fekerka m/weynaha Biixi ee uu khudbaddii Agabar ka jeediyey lagu dabaqana, miyaanay noqonayn reerkayga ayaa reerha kale maamulaya?

Waxa arrinkaa dood caqli-gal ah kala hor-yimi xildhibaanka waayo-aragga ah ee Cabdulqadir Jirde, kana digay cawaaqib-xumada talo-maroorsiga ah iyo cabudhineed ee looga aayi doono sharciga noocaas ah: xakamaynaya madax-banaanida xisbiyada. Cidi se dheg-jalaq uma ay siin.

Hab-dhaqanka noocan kore ahi wuxu ka hor-imanayaa rukumo kale oo dimuraadiyaddu leedahay sida: xadaynta awoodaha hay’adaha fulinta/dawladda,  ilaalinta xoriyadda ra’yiga iyo xuquuqda samaysashada urur.

Haddaba, hore ayaa abwaan Cali Sugulle (AUN) uga digay khatarta dawlad iyo qabiil la is-dhex-geliyaa keeni karto, ama cidhib xumada qabiilka la reer-gashadaa (institutionalising) leeyahay, macnihii dawladnimada lagu badhxo reero. Waxa laga filaaba waa holac: dab iyo dhagax, la iskuma dhuftee, kala dhawraay.

In qabiil la reer-gashadaa, ma aha runtii, mid u gaar ah Somaliland. Geyiga Soomaalida oodhan baa dhibkaasi ka jiraa. Laakiin iyada waxbaa u weheliya: waxay ku faantaa oo dunida ka iibisaa dimuqraadiyad baanu ku dhaqannaa, Soomaali inteeda kale-na tusaal wacan oo lagu naaloodo bay u ahayeen. Imika se xaajadu waxay maryasaa in su’aal la saaro: dimuqraadiyad noocee ah ayaa Somaliland ka jirta? DIMUQRAADIYAD QARQOOSH? Allow sahal amuuraha. 

Wa Bilaahi Towfiiq
Maxamuud Cabdullahi Axmed – Waxaad kala xiriiri kartaa email: [email protected]

Tixraac
DAAWO: Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Murashixiin Ka Tirsanaa Oo Xabsiga Loo Taxaabay (hadhwanaagnews.ca)
Somaliland opposition speaks out against jailed candidates – Somali Dispatch
Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Nuxurka Khudbadii Shacabka Reer Agabar U Ujeediya – YouTube
“Dalka Saddex Xisbi Ma Anfacayaan” Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde – YouTube

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xog: Qoor Qoor oo sababo amni uga baaqday safar uu ugu bixi lahaa Dhuusamareeb

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta ka baaqday safar uu ku aadi lahaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweyne Qoor Qoor ay saraakiishiisa dhanka ammaanka ku wargeliyeen in uusan ka dagi karin Dhuusamareeb, kadib duqeymo xalay saqdii dhexe lagu garaacay. 

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay ku dhowaad 10 hoobiyo ku garaacay garoonka Dhuusamareeb iyo nawaaxigiisa waxaana wali jirta cabsi laga qabo in ay markale duqeeyaan. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Qoor Qoor ay suurtagal tahay in safar dhulka ah ku tago Dhuusamareeb islamarkaana uu ka dago garoonka magaalada Cadaado si loo ilaaliyo bad qabkiisa. 

Madaxda maamulada Galmudug iyo HirShabeelle ayaa la filayaa in muddo maalmo ah soo joogaan degaanadoo iyagoo ka hor 20-ka bishaanna usoo laaban doono Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka uu Iclaamiyay ra’iisul wasaare Rooble ee arrimaha doorashooyinka. 

Al-Shabaab ayaa bishii Novermber ee sanadkii hore duqeeyay diyaarad uu la socday Madaxweyne Qoor Qoor, taasoo ka kacday garoonka Dhuusamareeb inkastoo aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Tan iyo markii uu madaxweyne noqday Qoor Qoor, islamarkaana meesha laga saaray Ahlu-Sunna, kooxda Al-Shabaab ayaa kusoo xooogeysaneysay Galmudug, ayada oo Qoor Qoor uu noqday madaxweyne inta badan ku sugan Muqdisho, oo ka shaqeeya danaha Villa Somalia.  

Sawirro: Sheekh Shariif oo war ka soo saaray kulan uu la yeeshay taliye Xijaar

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa galabta guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu faahfaahin uga bixiyey waxyaabihii ay uga wada hadleen kulankaas iyo sidoo kale dardaaran uu u jeediyey Taliyaha.

“Waxaa booqasho noogu yimid taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil kale oo la socotay, iyadoon ka wada hadalnay arrimaha Amniga doorashooyinka iyo ahmiyadda ay Boolisku u leeyihiin,” ayuu Sheekh Shariif qoraalkiisa ku yiri.

Qoraalka Madaxweynihii hore ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan is hoga tusaaleyney muhiimadda ay u leedahay doorashada in la iska kaashado amniga, iyagoo noo balan qaadey in Ciidanka Boolisku ay dhex-dhexaad u yihiin murashaxiinta oo aan loo adeegsan doonin arrima Siyaasadeed.”

Dhanka kale qoraal lagu baahiyey bogga twitter-ka ee Taliska booliska ayaa lagu sheegay in kulankaas looga wada hadlay sugidda ammaanka musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka.

“Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Xijaar oo ay weheliyeen saraakiil ka tirsan booliska ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif. Kulankan waxaa lagaga wada hadlay qorshaha sugidda amniga Musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Dalka ayaa hadda kadib u jeheysanaya doorashooyin, maadaama uu fashilmay mado kororsigii abuuray qalqalka siyaasadeed, qorshaha ugu weyn ee sugidda ammaanka doorashadana waxay mas’uuliyadi ka saran tahay booliska.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa maalin ka hor Muqdisho ka sheegay in mas’uuliyadda ammaanka magaalada uu si buuxda ugu xil-saaray taliska guud ee booliska Soomaaliya, xilligaas oo ay Muqdisho ka baxayeen ciidankii Badbaado Qaran ee furimaha uga soo baxay ka hor tagga mudo kororsiga.

DF oo shaacisay sababta ay usoo celisay xiriirka Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya aya ka hadashay sababta ay dib ugu soo celisay xiriirkii diblomaasi ee Kenya oo go’aanaa ku dhowaad lix bilood, kaasi oo hadda dib loo billaabay Khamiistii tagtay. 

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in sababta ugu weyn ay Soomaaliya u golaatay inay soo celiso xiriirka ayaa ah in dalna aanu dal kale farogelin.

“Waxaa heshiiska aasaas u ahaa in dalna aan dal kale farogelin, in darsinimada la isxtiraamo, in waddankasta aanu sameyn tallaabo wax u dhimiyesa xornimadiisa, sida meesha ka muuqatana wax allaale wixi arrimaha gudaha Soomaaliya iyadaa iska leh mana ogolaaneyso in la farogeliyo, waana la isla gartay arrintaas iyada ah inaanay dhicin,” ayuu yiri Al-Cadaala.

Xiriirka labada dal ayaa sidoo kale kasii daray kaddib markii uu soo cusboonaaday muranka la xiriira lahaanshaha qeybo ka mid ah xadka dhinaca badda Soomaaliya, halkaas oo la sheegay inuu ku jiro kheyraad dabiici ah oo qiimo badan leh.

Soo celinta xiriirka labada dal ayaa waxaa ka shaqeysay Qatar, oo saami ku leh shirkadda Talyaaniga ee ENI oo iibsatay qeybo ka mid ah xirmooyinka shidaal ee dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay, taasi oo dhalisay shaki xooggan oo ku saabsan in labada dal ay qorsheynayaan heshiis maxkamadda ka baxsan. 

Hase yeeshee Al-Cadaala ayaa sheegay inaysan soo celinta xiriirka saameyn ku yeelanayn arrinta dacwadda badda.

“Wax saameyn ah oo ay ku yeelanayso ma jirto, sababtoo ah arrintaas ma ahan arrin quseeysa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, waa arrin soo jirtay intii aanu hakan xiriirka diblomaasiyadeed markii uu cilaaqaadka hakadayna socotay, hadda oo uu cilaaqaadka soo noqdayna waa ay sii socon doontaa waana arrin hotaalla maxkamad oo aan quseynin arrimaha siyaasadda,” ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa xilligii ay jartay xiriirka Kenya ku eedeysay inay faro-gelin siyaasadeed ku hayso arirmaha gudaha dalka, mana cadda illaa iyo hadda wax isbeddel ah oo Kenya ay sameysay tan iyo markaas oo ka duwan arrimihii lagu eedeeyey.

DF oo shaacisay sida ay ula dhaqanto xubnaha beesha caalamka ee MUQDISHO

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan sida ay u shaqeyso Wasaaradda arrimaha Debadda xilli uu ka qeyb galay barnaamij lagu qabtay barta Clubhouse.

Wasiirka oo Su’aalo badan la waydiiyey ayaa sharaxad ka bixiyey qodobo ay kamid yihiin Sida ay Soomaaliya ula dhaqanto safaaradaha iyo Beesha Caalamka, qaabka loo xusho safiirada iyo Soomaaliya haddi ay ka maarmi karto dhaqaalaha ay ka hesho beesha Caalamka.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo la waydiiyey sida ay wasaaradiisa ula dhaqanto safiirada hadalada kulul oo ay uga hadlayaan Soomaaliya soo dhigo baraha bulshada, iyadoo tusaalaha ahaan loogu soo qaatay qoraal ay Twitter-ka soo dhigtay mid ka mid ah safiirrada ajaanibta ah. Qoraalka ay dowladda Soomaaliya qoonsatay wuxuu ahaa in dowladda lagu amray inay awood wareejin sameyso.

Cabdirisaaq ayaa sheegay in marka hore ay tahay in la ogaado in Soomaaliya aysan ka maarmi karin beesha Caalamka maadaama uu sheegay aysan heysan dhaqaae.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradiisa ay mar walba si hoose xiriir ula sameyso safiirada qoraalada ku saabsan Soomaaliya soo dhigo baraha Bulshada.

“30 sano ka hor adduunka kama jirin baraha bulshada iyo waxyaabahan Twitter-ka lasoo wada dhigayo, laakiin annaga laftirkeenna inkastoo waxyaabahan ay aad noo dhibayaan an oggolaano xaqiiqada ku saabsan inaan nahay dal miisaaniyaddiisa la kabo, amnigiisa wax lagala qabto dadkiisa loo soo gurmado markii ay ku dhacaan abaaro ama fatahaado, bal ka warran haddii maanta aan wax walba heysanno. Safaaradahan iyo wasaaradahan qaabka aan ula dhaqanno way ka duwanaan lahayd sida, ayagana marka horeba way na ixtiraami lahaayeen,” ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu sii raciyefy “Waa inaan annaga lafteenna muraayad isku fiirinno oo aan aragno inaan nahay dal saas ah oo waliba raba in lagu ixtiraamo. Si kastaba ha ahaatee wali waxaan marar badan ka shaqeyneynaa, isu ekeesiineynaa inaannaan qaadan karin waxyaabaha qaar, waana naga dhab. Hadda Tweet-ki ugu dambeeyay markaan arkay qaarkood aniga si shaac baxsan waan ugu jawaabi karay laakiin waxaan kala doortay in aan farriin gaar ah u diro oo farriimahaas isdhaafsanno iyo inaan Tweet ku jawaabo kee wax tar noo leh annaga.”

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa yiri “Qaarkiin way ogyihiin aniga inaan kala gabbanin safiirrada iyo diblomaasiyiinta aan dareemo inay nagu xad gudbaan, oo aan si loo wada jeedo ugu jawaabo kana hadlo. Marka waxaan go’aansaday inaan Tweet-kaas farriin khaas ah u diro una sheego in waxa lasoo qoray aysan nagu habbooneyn, taasna waxay keentay jawaabtii aan annaga ka rabnay.”

Hadalka kasoo yeeray Wasiirka Arrimah Debadda Soomaaliya ayaa kuso aadayo xilli maalmihii ugu dambeeyey ay xubnaha beesha Caalamka cadaadis ku saarayeen Dowladda Soomaaliya inay dalka ka qabato doorasho la isla ogol yahay, iyadoo dowladaha qaar ay soo saarayeen hanjabaado ka dhan ah madaxda Dowladda.

Sheekh SHARIIFoo farriin u diray dowladda federaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa xalay la kulmay qoysas carruur ay shalay uga dhinteen daadad xoogan oo ka dhashay roobkii ka da’ay magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa qoysaska uga tacsiyeeyay carruurtii ka geeriyootay, islamarkaana waxaa uu Allah ugu baryay inuu badal kheyr qaba iyo simmir ku irsaaqo qoysaska, isagoona  garab istaagna u muujiyay.

Xasan Cabdullaahi Gacal oo 5 Carrruur ah ku waayay musiibada, Aadan Jabriil Sheekh oo 3 carruur ah ka geeriyootay iyo waalidka 3 carruur ah oo hooyadood Cisbitaal la dhigay ayaa u mahad celiyey Madaxweynihii hore ee dalka iyo Xisbiga Himilo Qaran.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in la caawiyo dadka dhibaatadu gaartay oo carruurtoodii ku waayay daadad ka dhashay roobkii ka da’ay Muqdisho, maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif ayaa waxaa ugu baaqay dowladda federaalka inay wax ka qabato sababaha keenay in daadadku ku rogmadaan xaafadaha shacabku deggan yahay.

Qoysaskan ayaa waxaa shalay galab boqoda guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish, wuxuuna u sameeyey ballan-qaad, hase yeeshee weli ma jirto wax la taaban karo oo ay dowladda u qabatay.

Labo ka mid ah askartii loo heystay dilkii guddoomiye Dhagajuun oo lasii daayey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo weli ay socoto dhageyso dacwadda dilkii loo geystay guddoomiyihii degmada Hodan ayaa maxkamadda ciidamada qalabka sida waxay sii deysay 2 ka mid ah askartii lagu soo eedeeyey dilka marxuum C/raxmaan Dhagajuun.

Labada askari ee lasii daayey ayaa kala ah Cabdiraxmaan Isaaq Cabdullaahi iyo Xasan Abuukar Maxamuud (Buuqsane) oo ka mid ahaa 7 askari ee loo xiray dhacdadaasi.

Sii deynta raggan ayaa timid, kadib markii xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada uu shaaciyey inuu eeda kala noqotay labadaasi oo askari oo ka mid ahaa ilaalada taliyaha saldhigga Booliiska degmada Waabari Maxamed Cabduqaadir oo loo yaqaano (Mooshin).

Sidoo kale waxay maxkamaddu sheegtay in labadaasi askari aysan qeyb ka aheyn ciidamadii ridday rasaasta lagu furay, laguna dilay Marxuumka.

Maxkamadda ayaa sidoo kale dhageysatay warbixinta guddi gaarka ahaa ee loo saaray, sida uu dhacay dilka Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa xilli habeen ah, gaar ahaan 21-kii Janaayo ee sanadkan lagu dilay isgoyska Howl-wadaag ee  magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa inay maxkamadda ciidamada go’aan rasmi ah ka soo saarto dilka guddoomiyihii Hodan.

Muxuu CC Sharmaarke ka yiri dib usoo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa wuxuu kaga hadlay arrimo ku aadan dib u soo nooleynta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Cumar Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday in arrin lagu farxo ay tahay dib usoo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal oo ah kuwa daris ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu soo dhoweynayo dhex-dhexaadinta iyo dadaallada ay waddo dowladda Qatar.

“Waa war faxad leh dib u soo nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya. Waxaan sidoo kale jeclahay inaan soo dhaweeyo dadaallada dhex-dhexaadinta ee Qadar” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid oo haatan ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa xusay inay tani xoojineyso ganacsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

“Si loo xoojiyo ganacsigeenna, una gudagalno geeddi-socodka horumarka waxaa lagama maarmaan ah in dib loo soo nooleeyo xiriirkeenna diblomaasiyadeed ee aan la leenahay adduunka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii ku dhowaaqday inay dib usoo celisay xiriirka labada dowladood, kaas oo horey u go’ay dabayaaqada sanadkii hore 2020-kii, kadib markii ay dowladdu ku eedeysay Kenya inay faragelin ku heyso arrimaha Soomaaliya.

DF oo sheegtay in tallaabo ay qaadeen beesha caalamka ay ku qasbeyso in si deg deg ah loo qabto doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Cabdrisaaq ayaa sheegay in dowladda federaalka ay dedejin doonto qabashada doorashooyinka dalka si looga hortago xasillooni darro, loogana dhaadhiciyo dalalka deeqaha bixiya inay fasaxaan lacagaha ay ka joojiyeen dowladda.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa u sheegay warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka in lacagtan deg deg loogu baahan yahay si loo bixiyo mushaharka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada ammaanka.

Dowladda federaalka ayaa aad ugu xiran kalamada deeq bixiyayaasha, ayada oo dakhliga gudaha kasoo xarooda uu ka yar yahay bar ka mid ah miisaaniyadda sanadka ee xukuumadda. 

Waxay sanadkan heshay kaliya bar ka mid ah 100 milyan oo euro ama 120 milyan oo dollar, oo Midowga Yurub uu ballan-qaaday inuu sanad kasta ku taageeri doono muddo saddex sano ah, ayada oo inta kale laga hakiyey.

Dowladda ayaa ka digtay halista xasillooni darro sare u kacda, haddii aan la buuxin firaaqa dhanka miisaaniyadda, oo ay awoodi weyso inay iska bixiso mushaharka.   

“Haddii dowladda aysan awoodin inay sii waddo inay bixiso mushaharaadka shaqaalaha rayidka ah, iyo gaar ahaan ciidamada amniga, tani waxay gaysan kartaa dhaawac weyn,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq. “Waxaan hadda wadnaa wada-hadallo ku saabsan in lacagtaas lasoo fasaxo.”

Midowga Yurub kama jawaabin email ay u dirtay Bloomberg si ay arrintan uga jawaabaan.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu 20-ka May wada-hadallo ku saabsan qabashada doorashooyinka la yeesho madax goboleedyada, markaasi oo haddii heshiis lagu gaaro lagu dhowaaqi doono xilliga ay doorashooyinka dhacayaan.

“Waxay ku dhici karaan 90 maalmood gudahood, marka muddada la qabto,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda xilka sii-haya.