25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 14, 2026

Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka uu taliyaha booliska gurigiisa ugu tegay Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ay weheliyaan taliye ku-xigeenka iyo afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlay qorshaha sugidda amniga musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska booliska.

Waxaa sidoo kale kulankasi looga hadlay fulinta qorshayaashii Amniga ee dhawaan ay gaareen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Midowga Musharaxiinta ee Muqdisho looga saaray ciidankii Badbaado Qaran.

Taliyaha Booliska iyo ku xigeenkiisa ayaa sidoo kale ka cudurdaartay dhacdooyinkii ka dhacay Muqdisho iyo in aysan ka jawaabin eedeymo uga yimid Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Ciidamada booliska, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Haramcad, ayaa horey ugu lug yeeshay weeraro ka dhan ah musharaxiinta mucaaradka, oo uu ku jiro Xasan Sheekh, iyo dagaallo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Inkasta oo ciidanka Haramcad ay hoos tagaan booliska, haddana waxaa si toos ah looga amraa madaxtooyada, oo ay fuliyaan amarrada kasoo baxa, ayada oo badankood loo adeegsado ujeedooyin siyaasadeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Xijaar ayaa afartii bishan soo saaray amar ku socda ciidanka oo muuqda in lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqyadooda iyo howlaha ay qaban karaan.

Taliyaha ayaa faray dhammaan Ciidanka Booliska in ay ku ekaadaan shaqadooda oo ah xaqiijinta amniga muwaadiniinta iyo hantidooda, si fiicanna ay ula dhaqmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Waa kuma ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika usoo magacaabay Soomaaliya?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa u magacaabay madaxwaynihii hore ee dalka Ghana, John Dramani Mahama inuu noqdo ergayga gaarka ah ee dhex-dhexaadinta is-mari waaga doorashada Soomaaliya.

Moussa Faki Mahamat ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Madaxweyne Mahama wuxuu kala shaqeyn doonaa saamileyda siyaasadda Soomaaliya inay gaaraan tanaasul la wada aqbali karo oo ku wajahan xal loo dhan yahay oo ku aadan qabashada doorashooyinka Soomaaliya, waqtiga ugu gaaban, uguna macquulsan.”

“Isaga oo fulinaya waajibaadkiisa, wakiilka sare waxaa taageeri doona Amisom, si loo xaqiijiyo in dadaallada dhex-dhexaadinta iyo howlgalka taageeridda nabadda ay u wada shaqeeyaan si habsami leh.”

Moussa Faki Mahamat ayaa ugu baaqay saamileyda siyaasadda Soomaaliya inay u wada-xaajoodaan si daacad ah, ayna danta iyo wanaaga shacabka Soomaaliyeed ka hormariyaan wax kasta oo kale, ayaga oo raadinaya heshiis loo dhan yahay oo laga gaaro xasaradaha doorashada.

“Tani waa inay dhalisaa dowlad si dimoqraadi ah loo soo doorto oo leh sharciyad iyo wajibaad dastuuri ah, si loo xalliyo inta ka harsan arrimaha siyaasadda iyo dastuuriga ah ee halista ku ah xasilloonida dalka iyo gobolka oo idil,” ayuu yiri Moussa Faki Mahamat.

John Dramani Mahama, oo dhashay 29-kii November 1958-kii, ayaa ahaa madaxweynaha Ghana intii u dhaxeysay July 24, 2012 illaa January 7, 2017. Wuxuu kahor soo noqday madaxweyne ku-xigeenka Ghana, intii u dhaxeysay January 2009 illaa July 2012.

Magacaabista ergeyga ayaa timid kadib markii uu madaxweyne Farmaajo ka codsaday madaxweynaha dalka DR Congo iyo guddoomiyaha Midowga Afrika Félix Tshisekedi in ururka uu dhex-dhexaadiyo dhinacyada Soomaalida.

Magacaabista ergeyga ayaa waxaa horey usoo dhoweeyey wakiilada beesha caalamka ee Muqdisho ku sugan. Hase yeeshee, Midowga Musharaxiinta ayaan wax aragti ah ka dhiiban ergeyga markii la shaaciyey qorshaha lagu soo magacaabayo. 

Magacaabista ayaa imaneysa ayada oo ra’iisul wasaare Rooble uu shir dhacaya 20-ka May isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, mana cadda kaalinta uu shirkaas ku yeelan doono ergeyga cusub. 

Turkey oo war kasoo saartay go’aanka ay Soomaaliya ku soo celisay xiriirka Kenya

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkey ayaa Jimcihii soo dhoweysay dib u billaabidda xiriirka diblomaasiyadeed ee dalka Soomaaliya iyo Kenya kadib bilo uu go’aana

“Waxaan soo dhoweyneynaa arrimaha soo cusboonaaday ee la xiriirka dib u billaabidda xiriirka diblomaasi ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan uga mahad-celineyaa dalka Qatar dadaalladooda ku aadan hannaankan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Turkey. 

Wasaaradda ayaa sheegtay in Turkey ay sii wadi doonto inay taageerto dadaallada lagu xalinayi khilaafyada gobolka Geeska Afrika, ayada oo loo marayo wada-hadallo iyo is-afgarad,

Dowladda federaalka ayaa Khamiistii shaacisay inay dib usoo celisay xiriirka Kenya oo go’aanaa ku dhowaad shan bil kadib markii ay labada dal dhex-dhexaadisay Qatar.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iyada oo la ilaalinayo danaha deris wadaaga ah waxay ku dhawaaqeysa in dib loo soo celiyay xiriirkii diblumaasiyadeed ee la laheyd jamhuuriyada Kenya, dowladda jamhuuriyada Kenya waxay soo dhaweynaysa tallaabadaan lagu ilaalinayo danaha deris wadaaga ah ee labada dal,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ku dhowaaqay go’aanka.

Jaamacada Carabta oo war kasoo saartay soo laabashada xiriirka Somalia iyo Kenya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Jaamacadda Carabta ayaa soo dhaweeyay xiriirka diblomaansiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya iyo in dib loo soo celiyo saaxiibtinimadii , Is-ixtiraadimadda madax banaanida labada dhinac .

Afhayeen u hadlay Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu amaanay dadaalada uu ururka ku bixiya soo celinta xiriirka labada dal, gaar ahaan xiriirkii dowladda Qatar ee ugu dambeyay .

Ugu dambeyntii  Jaamacadda Carabta ayaa labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ugu baaqday in ay ka wada shaqeeyaan soo celinta xiriir dhameystiran oo ilaalinaya Maslaxadda labada dal iyo Amniga Gobalka .

Dhankiisa, Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Amiirka ayaa sheegay in go’aankii lagu soo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid geesinimo leh, isagoo labada dal u rajeeyey inay hadda kadib ka wadashaqeeyaan amniga iyo xasiloonidooda.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Mudane Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Madaxweyne Kenyatta go’aanka xigmadda iyo geesinimada leh ee ay ku soo celiyeen xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan si dhab ah ugu rajeynaynaa labada dal ee deriska ah iyo dadkooda nabadgelyo iyo xasilooni, waxaan xaqiijinayaa in Qatar waligeed sii wadi doonto ku dadaalka wanaaga iyo nabadda” ayuu Amiir Tamim ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladda Kenya, oo go’aan tan bishii December ee sanadkii 2020, xilligaas oo dowladda Soomaaliya ay si toos ah dhammaan cilaaqaadkii kala dhaxeeyey ugu jartay Kenya.

“Laba dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, iyadoo lagu saleynayo mabaadii’ida is ixtiraamka iyo madax-banaanida dhuleed, faro-galin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinaanta wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta Al-Cadaala.

DF oo war kasoo saartay kiiska badda kadib markii ay soo celisay xiriirka Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan wax shaqo ah isku laheyn kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee yaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya oo ay shalay dib usoo celisay.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii saacadihii ugu dambeeyey ay soo baxeen warar lagu faafiyey baraha bulshada iyo warbaahinta qaar oo sheegayey in labad dal ay kiiska badda ka gaarayaan xal ka baxsan maxkamadda, oo ay garwadeen ka tahay Qatar.

Wararkaas ayaa intaas ku daray in madaxweyne Farmaajo uu tegayo Doha halkaasi oo uu kula kulmi doono Uhuru Kenyatta, si heshiiska loogu saxiixo.

Hase yeeshee ra’iisul wasaare ku-xigeenka xilka sii-haya ee Soomaalia Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, oo sidoo kale hoggaaminaya ergada Soomaaliya ee maxkamadda ICJ, ayaa sheegay in kiiskaas ay maxkamadda go’aan ka gaari doonto.

“Muranka badda waxaa dhameystiri doona ICJ kadib markii dhageysigii hadalka ahaa lasoo geba gebeeyeey March 15-18 ee sanadkan. Waxaan sugeynaa go’aan caddaalad ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal waa arrin gaar ah,” ayuu yiri Mahdi oo qoraal soo dhigay twitter.

Dowladda federaalka ayaa shalay shaacisay inay dib usoo celisay xiriirka Kenya oo go’aanaa ku dhowaad shan bil kadib markii ay labada dal dhex-dhexaadisay Qatar.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iyada oo la ilaalinayo danaha deris wadaaga ah waxay ku dhawaaqeysa in dib loo soo celiyay xiriirkii diblumaasiyadeed ee la laheyd jamhuuriyada Kenya, dowladda jamhuuriyada Kenya waxay soo dhaweynaysa tallaabadaan lagu ilaalinayo danaha deris wadaaga ah ee labada dal,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ku dhowaaqay go’aanka.

QM oo boggaadisay doorka Qatar ee dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Kenya

0

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa soo dhoweeyey dib usoo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo go’ay dabayaaqada sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii.

Antonio Guterres ayaa boggaadiyey dadaallada dhex-dhexaadinta ah ee ay wado Qatar, isaga oo tilmaamay inay tallaabadan xoojineyso diblumaasiyadda & horumarka siyaasadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey inay muhiim tahay in la dhameystiro heshiiskan, si looga mira-dhaliyo is afgaradka billowga ah.

“Waxa aan soo dhaweynayaa kaalinta dowladda Qadar ee dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Kenya, waa tallaab habboon oo xoojineysa diblumaasiyadda & horumarka siyaasadda, waxa dhiman waa in la dhammeystiraa, si looga gungaaro is afgaradka bilawga ah,” ayuu yiri.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa u dhexeeyey khilaaf xoogan oo ka dhashay kiiska badda ee horyaalla maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ.

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii ku dhowaaqday inay dib usoo celisay xiriirka labada dowladood, kaas oo horey u go’ay dabayaaqada sanadkii hore 2020-kii, kadib markii ay dowladdu ku eedeysay Kenya inay faragelin ku heyso arrimaha Soomaaliya.

Maxkamadda ciidamada oo markale la horgeeyey rag loo heysto dilkii Dhagajuun

0

Muqdisho (Caasimada Online) -Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta markale dib u billowday dhageysiga dacwadda dilkii loo geystay Allaha u naxariistee guddoomiyihii maamulka degmada Hodan Marxuum Cabdixakiin C/raxmaan Dhagajuun.

Maxkamadda ayaa horey kiiskan dhagesigiisa u furtay 24-kii bishii hore, iyada oo dhageysiga dacwadda maaanta ay noqoneyso markii labaad ee loo fariisanayo, waxaana goobjoog ah saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada, rag loo heysto dilka marxuumka oo ay saraakiil Booliis ah ku jiraan, ehellada labada dhinac iyo dadweyne kale.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, Cabdullaahi Buulo Kameey ayaa maxkamadda horkeenay cadeymo la xiriira sida uu u dhacay dilka guddoomiyihii degmada Hodan oo ay toogteen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale maxkamadda ciidamada ayaa la filayaa inay go’aan kasoo saarto kiiskan oo horey guddi gaar ah loogu xil-saaray, kaas oo baaritaan dheeraad ah kusoo sameeyey dhacdadaasi, wuxuuna guddigu shaaciyey in si bareer ah loo toogtay marxuumka.

Allaha u naxariistee Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa xilli habeen ah 21-kii Janaayo ee sanadkan lagu dilay isgoyska Howl-wadaag ee  magaalada Muqdisho, saacado kadib markii uu kasoo laabtay wadanka Turkiga oo uu u aaday arrimo caafimaad.

Sawirro: Rooble oo gaaray Jeddah + Ujeedka qarsoon ee safarkiisa Sacuudi Carabiya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta gaaray magaalada Jeddah, isagoo ku sii jeeda magaalada barakeysan ee Makka, si uu u soo Cumreysto.

Rooble ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Abdulaziz International Airport kusoo dhoweeyey Amiir Khaled Al-Faisal oo ah la taliyaha Boqorka Sacuudiga, gudoomiyaha gobolka Makkah Al-Mukaramah,  iyo duqa magaalada Jeddah Saleh bin Ali Al-Turki, iyo xubno kale.

Rooble ayaa Sacuudi Carabiya ku tegay diyaarad qaas ah oo ay usoo dirtay boqortooyada Sacuudiga. Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ujeedka safarka uu yahay cumro maalmo kooban ah oo uu ku tagi doono Xaramka.

Xukuumadda ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaaraha uu si deg deg ah ugu soo laaban doono Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya si uu u dardar geliyo howlaha hor yaalla ee ku aadan doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.

Caasimadda Online ayaa ogaatay in sidoo kale safarka Ra’iisul wasaaraha ay qeyb ka tahay inuu kulamo la qaato madax ka tirsan boqortooyada Sacuudiga, iyagoo ka wada hadli doono xiriirka labada dal iyo sidii ay Sacuudiga u garab istaagi laheyd arrimaha doorashooyinka dalka.

Dolwadda ayaa sidoo kale dhaqaale ka codsan doonta Sacuudiga, oo horey u jaray taageeradii uu siin jiray. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo inta badan dalalkii Reer Galbeedka ay sidoo kale dhaqaalaha ka jareen dowladda kadib markii ay ku fashilantay inay doorasho qabato.

Xiriirka u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa ahaa mid mugdi ku jiro afartii sano oo ay Dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo ay ka talineysay Soomaaliya, wuxuuna khilaafka soo bilowday markii Soomaaliya ay diiday inay xiriirka u jarto dalka Qatar kadib markii ay go’doon geliyeen Sacuudiga iyo xulafada uu hoggaaminayo.

Daawo: Jeneral Gacma-dulle oo digniin xooggan diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Cali Cosoble Caraay (Gacma-dulle) oo kamid ahaa hogaamiyeyaashii ciidamada Bad-Baado Qaran ayaa maanta la hadlay ciidamadii ka gadooday muddo kororsigii sharci darrada ahaa oo markii ay ka kacaan laga laabtay.

Jeneraal Gacma-dulle ayaa ugu horeyntii faray inay ciidamada bad-baado qaran dib ugu laabtaan faruumihii dagaal, islamarkaana ay fuliyaan heshiiskii dhawaan laga gaaray xiisadii keentay inay ciidamadu soo galeen magaalada Muqdisho.

Waxa uu ka digay in markale la isku dayo in sifo sharci darro ah dalka lagu maamulo, isagoona wacad ku maray in mardambe aysan aqbaleyn in dalkaan lagu hogaamiyo keli-talisnimo iyo xukun jaceyl, sida uu sheegay.

“Dad ayaa lahaa Ciidankan waa Maleeshiyaad tiro yar oo magaalada soo galay waxaan caddeynayaa inay yihiin ciidankii Xoogga dalka kuwii ugu xoogga badnaa oo diiddan xukun la isku dhajiyo iyo in dalkaan xoog lagu qabsado,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xuquuqdii ay lahaayaan ciidamada bad-baado qaran ee la duudsiiyay intii xiisadu taagneyd ay dib u haleyaan, ayna tahay inay gutaan waajibaadka ciidamo ee ay hore ugu dhaarteen.

“Waxaad ogtihiin in ra’iisal wasaaraha iyo guddiga bad-baado qaran ay is arkeen oo laga wada-hadlay, waxaana ciidanka horteeda ka xaqiijinayaa in aan ka wada-hadalnay in xuquuqdii iyo darajooyinkii lagu dhibaateyay la xalin doona labada toddobaad ee soo socota.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ciidamada kula dar-daarmay inay gutaan waajibaadkii ay u dhaarteen, ayaga oo ilaalinaya dastuurka dalka iyo qaranimada Soomaaliyeed, ayada oo laga fogaanayo in cid gaar ah loo adeego.

Daawo: Mahad Salaad oo shaaciyey in la billaabay qorshe lagu fashilinayo heshiiska MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho ee ciidamada Badbaado Qaran looga saaray, kaasi oo uu sheegay inuu wajahayo caqabado hor leh.

Mahad Salaad ayaa ugu horeyntii sheegay inay garab taagan yihiin ra’iisal wasaare Rooble, islamarkaana ay fuliyeen heshiiskii ay dhawaan wada gaareen qeybtoodii kaga aadaneyd mucaaridka, loona baahan yahay inuu mas’uuliyadeeda uga soo baxo sidii loogu igmaday.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in cid gaar ah oo uusan carabaabin ay dibin-daabyo u dhigayaan heshiiskii Rooble iyo Mucaaridka, si cagaha loo qabto dhaq-dhaqaaqyada Rooble, loona saaro eedeynta waxkasta oo halaaba, sida uu hadalka u dhigay.

“Xukuumadda oo ra’iisal wasaaraha hogaaminayana waxaan halkaan fariin ugu direyna intii anaga nagalama rabay wan sameynay oo waan kusoo garab istaagnay, waan ognahay in dibin-daabyo badan loo dhigayo heshiiska, in la fashiliyo in la rabo, oo la is-leeyahay qolada ayaga ayey wax ku wareegeen qoorta ha la isku geliyo,” ayuu yiri.

“Anagu waan ka bad-baadinay, adigana waxaan rajeynaynaa kuwa agtada meereysanaya ee raba inay fidnadaa ka shaqeeyen inaad adigana kasoo bara-moosi doonti ayaa rajeynaynaa.”

Mahad ayaa ka dalbaday xukuumadda inay sida ugu dhaqsaha badan u fuliyaan heshiiskii ay la galeen, maadama ay dhankooda bilaabeen fulinta qodobadii lagu hesiiyay, islamarkaana ay ciidamadii ka saareen magaalada, sida uu sheegay.

Ra’iisal wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa dhawaan gaaray heshiis xal looga gaarayo shaqaaqadii Muqdisho, taasi oo amniga guud ee caasimada loogu wareejiyay xukuumadda, si ay u dar-dar geliso doorashada, meeshana looga saaro xiisadii ka dhalatay muddo kordhinta.

Hoos ka daawo Mahad Salaad

Sagaal qof oo ay ka mid yihiin toddoba carruur ah oo ku geeriyooday Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho uu ka da’ayay roob xooggan, ayaa waxaa uu khasaare u geystay qoysas danyar oo deggan xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho halka ay dumeyn guryo badan.

Guri ku yaalla Xaafadda Buula-xubey ee Degmada Wadajir ayaa daad ku fatahay waxa uu galaaftay nolosha 9 qof, oo ay 7 kamid ah yihiin carruur, sida ay xaqiijiyeen Dadka deegaanka.

Geerida carruurtaan ayaa timid kadib markii Biyaha Roobka ay ka sare mareen guryo ay ku jireen oo dhagax ka sameysan balse dhul ahaan ka hooseeya waddooyinka biyo mareenada ah sidaasna daadka ugu rogmaday.

Gurmad ay sameeyeen qoysaska deriska la ah dhibbanayaasha ayaa ku guuleystay in ay badbaadiyaan caruurta qaar, waxaana socda dedaal biyaha ay uga saarayaan Hoygooda si ay dib u deegaansadaan.

Dhibaatada ugu weyn ayaa ka dhalatay war soo fatahday, taasi oo saameysay xaafado kamid ah Buula-Xuubey, waxaana Dowladda hoose lagu eedeeyey inay ka jifatay wax ka qabashada wartaas oo sanad kasta marka xilli roobaadka la gaaro dhibaato u geysato dadka deegaanka.

Muqdisho marka uu roobka da’o waxa uu saameynta ugu weyn ku reebaa qoysaska barakacayaasha ah, kuwa degen Guryaha qadiimiga ah & xaafadaha ka dhaw meelaha biyo mareenada ah, halka waddooyinka qaar isu socodkooda uu joogsado.

Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Somalia oo maanta ku geeriyooday Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, haatanna ahaa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Geerida Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ayaa waxaa Caasimada Online u xaqiijiyey Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale qoraal kasoo baxay golaha shacabka ayaa lagu sheegay inuu geeriyooday xildhibaanka.

Qoraalka Golaha Shacabka ayaa lagu yiri “Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhammaan xillibaanada Golaha iyo guud ahaan shacbiga soomaaliyeed kaga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Oo Goor dhow ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. Waxaana gaar ahaan uu ugu tacsiyeeyay ehelada iyo qoyska marxuum xildhibaanka.”

Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil wuxuu ahaa rugcadaa in badan qarankaan u soo shaqeeyay soona qabtay xilal kala duwan.

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa soo noqday Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya xilligii xukuumaddii kumeel gaarka aheyd ee uu Ra’isul wasaare ka ahaa Cali Maxamed Geedi sanadkii 2004.

2015 ayaa waxaa sidoo kale xilka Wasiirka Gaadiidka u magacaabay Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale waxa uu soo noqday safiirka Soomaaliya ee dalka Ruushka intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey ka bixitaanka MUQDISHO ee ciidanka Badbaado + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamadii kasoo hor jeeday muddo kordhintii loo sameeyey madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee magac baxay Badbaado Qaran ayaa la filayaa in maanta guud ahaan laga saaro dhufeysyadii ay ka sameysteen magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ciidamada oo shalay billaabay inay ka baxaan waddooyinka qaar ayaa la filayaa inay maanta soo geba-gebeeyaan ka bixitaanka magaalada oo gebi ahaan laga wada saaro.

Ciidamada ayaa la filayaa in dib loogu celiyo xeryahooda iyo difaacyada hore ee lagala dagaalamo kooxda Al-Shabaab oo ay horey uga soo baxeyn kadib markii shalay Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Roobe uu booqday goobaha fariisinka u ahaa ciidamadaan.

Afhayeenka ciidamada la magac baxay Badbaado Qaran Gaashaanle Diini Rooble Axmed ayaa idaacadda VOA u sheegay in dhammaan waddooyinka Muqdisho laga qaaday dhufeysyadii carada ahaa oo ay ka sameysteen, waxaana Magaalada Muqdisho laga dareemayaa dhaqdhaqaaq magaalada looga saarayo ciidamadii militariga ahaa ee soo galay.

Ciidamada diidanaa Muddo kordhinta ayaa guud ahaan waxaa la isugu geeyey waqooyiga Muqdisho halkaas oo ay dhuulatus Militari ku sameeyeen, waxaana la filayaa inay kasii aadaan meelihii ay markii hore ka yimaadeen.

Shalay ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu kormeeray furista waddooyinkii ku xirmay isku hor imaadyadii u dhaxeeyay Ciidankii ka soo horjeeday muddo kororsiga iyo ciidanka dowladda.

Goobaha dib loo furay ee difaacyada u yaalleen Ciidankii muddo kororsiga ka soo horjeeday ayaa kala ahaa Xaafadaha Siigaale, Barmuudo illaa aagga Mirinaayada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku wareejiyay goobaha la furay ee jidka Mirinaayada ciidanka Booliska, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska.

Rooble ayaa midowga Musharixiinta oo ay wehliyaan saraakiisha hoggaamineysay qorshihii looga hor yimid muddo kordhinta ayaa ku heshiiyey 10 qodob si ciidamada looga saaro Magaalada Muqdisho, waxaana fullinta heshiiskaas mas’uuliyadiisa qaatay Ra’isulwasaare Maxames Xuseen Rooble.

R/Wasaare Rooble oo codsi u gudbiyey dowladda Turkiga

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Xukuumadda xirgaarsiinta ah ee Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa kulan la qaatay Safiirka dalka Turkiga u joogo Muqdisho Mehmet Yılmaz.

Rooble iyo Mehmet Yılmaz ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kalana waxay si qoto dheer uga wada hadleyn doorashada la filayo inuu Rooble u jiheeyo Soomaaliya kadib markii Farmaajo uu ku wareejiyey Mus’uuliyadda Doorashada iyo Amnigeeda.

Turkiga ayuu ka ka dalbaday in dowladda Turkiga ay kaalin wanaagsan ka qaadato Arrimaha dib u heshiisiinta Soomaaliya sidoo kalana ay ka caawiso qorshaha doorashada ee uu Rooble rabo inuu ka hirgeliyo Soomaaliya.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa u ballan qaaday Ra’isulwasaare Rooble in Dowladda Turkiga ay garab ku siin doonto sidii uu ugu guuleysan lahaa howsha culus ee hor taalo oo ah inuu isku soo dhaweeyo Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Farmaajo isla markaasna uu dalka ka qabto doorasho.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowladdaha taageera Soomaaliya iyaga oo ka caawiya dhinaca tababarada ciidamada iyo dib u dhiska intaba, waxayna dhawaan Midowga Musharixiinta ku eedeyn Turkiga in ciidamadii ay tababartay iyo gaadiidkii dagaalka oo ay ugu deeqday Soomaaliya loo adeegsaday caburinta siyaasiyiinta kasoo horjeedo Dowladda.

Tan iyo wixii ka danbeeyay Rooble markii lagu wareejiyay maamulka doorashada, wuxuu kulamo kala duwan la qaatay wakiilada Beesha Caalamka si ay uga gacan siiyaan dadaalada loogu jiro qabashada doorasho ku dhacdo is ogol iyo hufnaan.

Beesha Caalamka ayaa Ra’isulwasaare Rooble u ballan qaaday inay kala shaqeyn doonto fududeynta kulanka uu isugu yeeray madaxda Maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo madaxda Dowladda Federaalka Soomaliya kadib kulan uu kula yeeshay Afisyooni.

Maamulka Gobolka Banaadir oo shaqada ka joojiyey 21 qof oo u badan hal beel

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogatay in Maamulka Gobalka Banaadir uu shaqo joojin ku sameeyay 21 qof oo ka tirsanaa Shaqaalaha Gobalka Banaadir, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay shaqa ka ceyrintan. 

Mas‘uuliyiinta shaqada laga joojiyay ayaa isugu jira la-taliyeyaal, agaasimyaal, ku xigeenno iyo madax qeybeedyo, kuwaasoo ugu dambeyn loo diiday in ay galaan xarunta gobalka Banaadir, iyadoo sidoo kale ay waayeen masuul uga jawaaba cabashooyinka ay qabaan ee ah shaqo ka ceyrinta.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in dadka shaqada laga ceyriyay loo beegsaday in ay ka aragti duwanyihiin maamulka Madaxweyne Farmaajo, halka qaarkood loo beegsaday in lagu cadaadiyo dadkii keenay oo mucaarad ku noqday dowladda Soomaaliya. 

Badanaa dadka shaqada laga ceyriyay ayaa waxaa keenay Axmed Iimaan iyo Ibraahim Dheere oo laba guddoomiye ku-xigeen oo dhinaca maaliyada ah ka soo noqday gobalka Banaadir, islamarkaana hadda la shaqeeyaa Xasan Cali Kheyre oo ay qaraabo yihiin. 

Sidoo kale waxaa qeyb kale oo dadkaas kamid ah shaqaaleysiiyay Maxamed Cabdullaahi Tuulax, Senator Dhageey iyo Mustaf Dhuxulow, kuwaasoo hadda la sheegay in ay mucaarad ku yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya. 

Sidoo kale waxaa liiska shaqo ka joojinta laga reebay dhowr qof uu keenay Xildhibaan Mahad Salaad, kadib markii uu damiintay Cali Yare Cali oo ay isku beel yihiin.

Go’aanka shaqa ka ceyrinta dadkaan ayaa waxaa iska kaashaday Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo labadiisa ku xigeen ee ammaanka iyo maaliyadda, iyo xubno ka tirsan Villa Somalia.

DP World iyo Ethiopia oo kala saxiixday heshiis lagu dhisayo jidka Berbera iyo Ethiopia

Berbera (Caasimada Online) – Shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay Dubai ayaa heshiis lagu dhisayo jidka isku xira Itoobiya iyo Berbera ee Somaliland la gashay Wasaaradda Gaadiidka ee Itoobiya.

Shirkadda DP World ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay qorsheyneyso in maalgashi gaaraya 1 Bilyan oo Dollar ay ku bixiso 10-ka sano ee soo socoto hormarinta kaabayaasha saadka ee marinka.

Shirkadda ayaa sheegtay in mashruucyada la fulinayo ay qeyb ka noqon doonto Dekado qalalan, Bakhaaro leh qaboojiyaal, Konteenaro, Gawaarida xamuulka gudbiya iyo howlaha nadaafadda.

“Waxaan rumaysanahay in horumarinta marinka Berbera oo laga dhigo mid ka mid ah marinnada waaweyn ee ganacsiga iyo saadka ay furi doonto faa’iidooyin dhaqaale oo aad u weyn oo ay u leedahay Itoobiya ayna taageeri doonto qorshayaasheeda horumarineed ee hanka leh,” ayuu Sultan Ahmed bin Sulayem oo ah guddoomyaha iyo madaxa fulinta ee DP World.

Itoobiya iyo DF World ayaa si wadajir ah u sheegay in mashruuca lagu hormarinayo jidka isku xiro Berbera iyo Itoobiya uu noqon doono mid abuuri doono shaqooyin cusub, sidoo kalana uu sababi doono ganacsiyo cusub oo dhex mara Somaliland iyo Itoobiya.

Sidoo kale heshiiska ay saxiixdeyn DF World iyo Itoobiya ayaa waxaa kamid ah in labada dhinac ay abuuraan shirkad wadaag ah oo dhanka saadka ah si ay u fuliso howlaha saadka si guul looga gaaro mashruucaan oo soconayo muddo badan.

DF World ayaa la filayaa inay qabato shaqada adeegyada dhoofinta oo asal ahaan ka imaanayo Itoobiya illaa Dekadda Berbera, sidoo kalana waxaa qeyb ka ah adeegyo alaab looga soo dejinayo Dekadda Berbera lana gaarsiinayo illaa Adis Ababa.

Qoraalka lasoo baxay labada dhinac ayaa sidoo kale lagu sheegay in Wasaaradda Gaadiidka ee Itoobiya ay xallin doonto caqabadaha xagga sharciyeynta dhinaca Itoobiya ee marinka Berbera Corridor si ay u fududaato fullinta qorshahaan la isugu furayo ganacsiga Berbera iyo Adis Ababa.

Si loo hubiyo ammaanka xamuulka u kala gudbayo labada dhinac, Dowladda Itoobiya ayaa qaadatay Mas’uuliyadda ammaanka, waxayna marinka ka hirgelin doontaa kaabayaasha IT-ga iyo Qalab casri ah oo awood buuxda u leh hubinta badqabka xamuulka.

Heshiiska waxaa Addis Ababa ku saxiixay Khamiistii Dagmawit Moges, Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya iyo Sultan Bin Sulayem, guddoomiyaha iyo madaxa fulinta ee Shirkadda DP World.

Wadada isku xiri doonta Dekedda Berbera iyo Wajaale ee xadka Itoobiya, oo ay maalgelinayso Sanduuqa Abu Dhabi ee Horumarinta iyo Waaxda Horumarinta Caalamiga ee Boqortooyada Ingiriiska, ayaa la filayaa in la dhammaystiro dhammaadka sannadka 2021, ayaa lagu yiri qoraalka.

DF World, Itoobiya iyo Somaliland ayaa horey u kala saxiixday heshiis lagu hormarinayo Dekadda Berbera, waxaana heshiiskaas sharci darro ku tilmaamay Baarlamaanka Soomaaliya .

Maxay tahay arrinta beesha caalamka u ballan-qaadeen ra’iisul wasaare Rooble?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan kulan la qaatay beesha caalamka, kaasi oo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka iyo is-bedelka siyaasadeed ee dalka.

Sii-hayaha Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yusuf Al-Caddaala oo wareysi siiyay idaacada VOA-da ayaa sheegay in beesha caalamka ay ra’iisal wasaare ku taageerayaan mas’uuliyada doorashada ee uu la wareegay.

Al-Caddaala ayaa xusay in beesha caalamka ay gacan weyn ka siinayaan xukuumadda ra’iisal wasaaraha si looga miro-dhaliyo doorasho wadar ogol ah oo dalka ka dhacda, maadama uu yahay mas’uulka u sarreeya ee loo igmaday doorashooyinada iyo amnigeeda.

“Kulanka uu ra’iisal wasaaraha la yeeshay beesha caalamka waxa uu ahaa sidii ay B/caalamka ugu taageeri laheyd qabashada doorashadii ay dadka ka wada-sugayeen iyo sugida amniga dalka, balan-qaad wanaagsan ayey u sameeyen, weyna garab istaagsan yihiin dadaalka ra’iisal wasaaraha,” ayuu yiri.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in wakiilada beesha caalamka ay u ballan-qaadeen inay kala shaqeynayaan qabashada doorashada, xili uu dhawaan shaaciyey in shirweyne looga arrinsanayo khilaafka doorashada la iskugu imaado 20-ka bishaan.

Beesha caalamka oo si weyn uga soo horjeeday muddo kororsigii fashilmay ee loo sameeyay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa soo dhaweysay tallaabadii lagu laalay qaraarkii golaha shacabka, waxayna dadaal badan ku bixineysa sidii Rooble loogu taageeri lahaa isku keenida dhinacyada is-haya, si heshiis kama dambey ah looga gaaro khilaafka doorashada.

Xiisada doorashada ayaa bishii hore gaartay meel aad u sarreysa oo gacan ka hadal ah, hase yeeshe tan iyo markii laga laabtay muddo kororsigii loo sameeyo Farmaajo waxaa soo dhawaaneysa rajada laga qabo in heshiis laga gaaro hanaanka doorashada.

Hoos ka dhageyso wareysiga Al-Cadaala

 

Sawirro: FARMAAJO oo kulan kale ku qabtay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo habeenadii tegay kulamo la qaadanayey qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa xalay kulan dhiirrigelin ah la qaatay qaar ka mid ah dhakhaatiirta iyo adeegayaasha caafimaad ee la tacaalaya xakamaynta cudurka COVID-19.

Farmaajo ayaa dhaqaatiirta ku bogaadiyey dadaalladooda naf hurka ah ee ay ku bixinayaan ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay dadaallada ay Dowladdu gelisay kor u qaadidda adeegyada caafimaad ee dalka, iyo guulaha la taaban karo ee laga gaarey xakamaynta Cudurka, iyada oo sidoo kale xil gaar ah la iska saaray daryeelka adeegayaasha caafimaadka.

“Waxaad aad tihiin halyeeyo baal dahab ah ka galaya taariikhda dalkan. Waxaan idiin ka mahad-celinayaa sida geesinimada, naf hurka iyo daacadnimadu ku jirto ee habeen iyo maalinba aad ugu soo jeeddaan shacabkiinna iyo sidii aan u xakameyn lahayn halista caafimaad ee cudurkan safmarka ah,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo hoggaansamo talooyinka iyo awaamiirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabkooda, iyada oo ay weli taagan tahay khatarta cudurku. Madaxweynaha ayaa adkeeyey walwalka ku aaddan halista ka imaan karta in mawjadaha cusub ee cudurkani dalka soo gaaraan, isaga oo ku boorriyey shacabka in ay qaataan tallaalka cudurka COVID-19 si ay ka hortag ugu noqoto cudurkan safmarka ah.

“Waxaan idinku boorrinayaa in aad u dhega nuglaataan talooyinka caafimaad oo aad qaadataan tallaalka cudurka COVID-19, waa ka hortag wanaagsan wax dhibaato ahna malaha. Talaalka anigu waan qaatay dadbadan oo Soomaaliyeedna way qaateen waana ka hortag aan dhib lahayn. Ilaahay aan talo saaranno oo aan dadaalno,“ ayuu yiri.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahayd Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Fowsiya Abikar Nuur iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Axmed Xuseen Macallin ayaa Dhakhaatiirtu waxa ay Farmaajo kula wadaageen warbixin ku saabsan halista cudurkan safmarka ah, saameynta uu ku yeeshay dalkeenna iyo duruufaha ay ku shaqeynayaan halyeeyada caafimaadka ee u taagan samata-bixinta dadkeenna.

Wararkii ugu dambeeyey ee DAGAALKII Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xabad joojin la dhex-dhigay labo beeleed oo maalmihii u dambeeyay ku dagaalamayay duleedka magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa waxa ku naf waayey ugu yaraan 6-ruux oo labada dhinac ah, halka ay 15 qof ka badan ay ku dhaawacmeen iska hor-imaad dhex-maray maleeshiyaad kala taabacsan labada beelood ee wada dega deegaanadaas.

Xabad joojinta la dhex dhigay beelahaan ayaa waxay imaneysa kadib markii ay saaka ku baxeen deegaanada dabeeyl iyo baladu-amin Kusimaha madaxweynaha ahna madaxweyne kuxigeenka HirShabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweynaha kuxigeenka ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaatay odayaasha dhinacyada isku horfadhiyey deegaanadaas, kuwaasi oo ay ugu dambeyntii isla qaateen in xiisada lagu dhameeyo jawi nabdoon.

Labada bilood ayaa waxay u balameen wada-hadalo ay ku dhameynayaan muranka ka dhaxeeya ee sababay dagaalka gacan ka hadalka, sida ay Caasimada Online u sheegan xubno ka tirsan wafdiga madaxweyne Hagar.

Dagaal beeleedyada ayaa muddooyinkii dambe kusoo noq-noqday deegaanada gobolka Hiiraan, wuxuuna maamulku dadaal ugu jiraa sidii loo soo afjari lahaa xiisada dagaal ee ka dhaxeeya maleeshiyaad beeleedyo hubeysan oo isku horfadhiya Beledweyne.

Xog: Imisa jeer ayuu SHARIIF diiday kulanka FARMAAJO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale ah guddoomiyaha Midowga Murashaxiinta ayaa afar jeer diiday la kulanka Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay ogaatay Caasimada Online

Afarta jeer waxaa kulanka soo codsaday Madaxweyne Farmaajo waxaana ugu dambeeyey codsi ka yimid madaxtooyada kadib markii ay Muqdisho gashay xaalad dagaal oo ka dhalatay muddo kororsiga, toddobaad ka hor. Saddexda goor ee hore ayaa ahaa Markii la dhisay Midowga Murashaxiinta, ku dhawaaqistii Madasha Badbaadinta Qaranka, iyo maalmo kadib Markii uu fashilmay Shirkii Dhuusamareeb ee uu ka soo baxay Madaxweynaha.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa laba jeer oo kamid ah codsiyadaan u sheegay in Farmaajo uu waqtiga ka dhamaaday, islamarkaana uusan aheyn Madaxweyne halka labada jeer ee kalane uu sheegay in uu madax u yahay Murashaxiin islamarkaana uu go’aanka Golaha dhaxyaalo. 

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sheekh Shariif u sheegay in uu si shaqsi ah ugu baahan yahay balse ay suurta geli weysay rajadaas. Farmaajo ayaa laba jeer oo kamid ah codsigiisa usoo dhiibay Cali Guudlaawe iyo Qoor Qoor, halka hal jeerna uu wakiil ka ahaa Fahad Yaasiin, marka afaraadna waxaa la sheegay in uu isaga toos u wacay. 

Shariif ayaa ugu dambeyn la kulmay ra’iisul wasaare Rooble, wuxuuna kala hadlay xiisadda ka taagan Muqdisho.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa mar ahaa saaxiibo inkastoo muddooyinkii ugu dambeeyay ay aad ukala fogaadeen. Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in dhowr jeer uu weeraray madaxdii hore ee dalka iyo Murashaxiin kale, iyadoo sidoo kale laga hor istaagay safarro badan.