24.9 C
Mogadishu
Tuesday, July 14, 2026

Xabsiyada Baydhaba oo laga buuxiyey dad u xiran Lafta-gareen iyo Farmaajo dartood

Baydhaba (Caasimada Online) – Tobaneeyo qof oo isugu jira shacab, siyaasiin iyo ganacsato ayaa ku xiran yihiin xabsiyada ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay, kuwaas oo loo haysto in aragti ahaan ka soo horjeedaan hpggaanka maamulka Koonfu Galbeed iyo hab maamulka dalka ee Madaxweyne Farmaajo. 

Inta badan dadka xiran ah ayaa ah dhalinyaro aqoonyahanno ah, kuwaas oo Madaxweyne Lafta-gareen ku dhaliilay sida uu u maamulo maamulka Koonfur Galbeed iyo doorkiisa siyaasadda guud ee dalka. 

Dhallinyarada xiran ayaa u badan kuwa qoraallo soo dhigay Facebook iyo qaar ka hadlay xaflado ka dhacay Baydhaba, waxaana sii kordhaya caburinta dadweynaha ee degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya. 

Xildhibaan Xasan Macallin Yuusuf “Black” oo kamid ahaa baarlamaakii 1-aad ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa kamid ah shaqsiyaadkii ugu dambeeyay ee loo xiro arrimo siyaasadeed, waxaana uu xabsiga ku qaadanayaa muddo ku dhow bil, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya inuu ku dhacay xukun muddo sanado ah. 

Mas’uulkan ayaa dhowr jeer dhaliilay nidaamka maamulka lafta-gareen waxaana sababta loo beegsaday lagu sheegay in uu la shaqeynayay Midowga Musharixiinta mucaaradka iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed. 

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kamid ah, kuwa aan ixtiraamin xorriyadda hadalka waxaana deegaanada maamulka lagu beegsadaa dadka ka aragtida duwan ama kasoo horjeeda is-xulufaysiga Lafta-gareen iyo Farmaajo.  

Warbaahinta deegaanada Koonfur Gaalbeed ayaa ka aamusay wararka iyo xukanka Black, kadib markii cadaadis iyo hanjabaado ay kala kulmeen maamulka Lafta-gareen. 

Xog: Beesha Caalamka iyo Rooble oo laba qodob ku heshiiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in wakiilada beesha Caalamka ay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble shalay kala hadleen laba qodob oo quseeya doorashada iyo ammaanka Soomaaliya.

Wakiilada Caalamka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble u sheegay in wixii doorasho ah iyo amnigaba ay isaga un kala hadli doonaan wixii ka dambeeyay khudbadii Madaxweyne Farmaajo, sidoo kale waxay u sheegeen in mas‘uuliyadda fashil kasta oo ku yimaada doorashada Soomaaliya ay qaadan doonaan isaga iyo maamul gobaleedyada. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in beesha Caalamka ay Rooble kula dardaarmeen in uu shaqadiisa qabsado, islamarkaana uusan qaadan farogelin kasta oo ay ku sameyso Villa Somalia, taasoo haddii ay dhacdo keeni karto fashil kale oo ku yimaada doorashada Soomaaliya. 

Safiirada ka socda wadamada daneeya Arrimaha Soomaaliya iyo ururada caalamiga ah ayaa Ra’iiusl Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u ballan qaaday in ay ka taageeri doonaan wax kasta oo quseeya doorashada, sida dhaqaalaha iyo wixii farsamo ah. 

Arrintaan ayaa dhiirri gelin weyn u ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo laga sugayo in uu wax ka qabto doorashada waddanka oo muddo sanado ah wajaheysa jahwareer xoog leh, kaasi oo ugu dambeyn sababay dagaal uu dhiig ku daatay.

Amiirka Qatar oo war kasoo saaray heshiiska uu dhex dhigay Soomaaliya iyo Kenya

Doxa (Caasimada Online) – Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo go’naa ku dhawaad lixdii bilood ee u dambeysay.

Amiirka ayaa sheegay in go’aankii lagu soo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid geesinimo leh, isagoo labada dal u rajeeyey inay hadda kadib ka wadashaqeeyaan amniga iyo xasiloonidooda.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta oo go’aansaday inay dib u soo celiyaan xiriirkoodii Diplomasi, waana tallaabo wanaagsan oo geesinimo leh, waxaan u rajeenayaa labada dal ee dariska ah, inay amniga iyo xasiloonidoodu waarto, waxaan xaqiijinayaa in Qatar waligeed sii wadi doonto ku dadaalka wanaaga iyo nabadda” ayuu Amiir Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka.

Ergeygii ay dowladda Qatar u soo dirtay Soomaaliya, Dr. Mutlaq al-Qahtani, ayaa kulamadii uu la qaatay madaxda Soomaalida kadib, waxa uu maalin ka hor tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Bogga twitter-ka ee madaxtooyada Kenya ayaa maanta lasoo dhigay sawirro muujinaya in Amiirka Qatar uu booqday Kenya, uuna la kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo horay uu ugu guul-dareystay urur goboleedka ay ka wada tirsanyihiin ee IGAD, ayaa hadda sida muuqata waxaa ku guuleysatay dowladda Qatar.

15-kii bishii December ee sanadkii hore ee 2020 ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay si caro leh u joojisay cilaaqaadkii kala dhaxeysay Kenya, waxaana dhammaan diblomaasiyiintii reer Kenya lagu amray inay Soomaaliya uga baxaan todoba cisho, halka diblomaasiyiintii Soomaaliya ka joogay Nairobi xilligaas lagu war-geliyey in deg deg ugu soo noqdaan dalka.

Labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Kenya wixii intaas ka dambeeyey ma yeelan kulamo fool ka fool ah, markii laga reebo shirkii ay Soomaaliya codsatay ee ka dhacay Jabuuti, kaas oo IGAD ay ku guuleysa weyday inay ku xaliso khilaafkaas.

Maxay tahay sababta ay DF uga noqotay go’aankii ay xiriirka ugu jartay Kenya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladda Kenya, oo go’aan tan bishii December ee sanadkii 2020, xilligaas oo dowladda Soomaaliya ay si toos ah dhammaan cilaaqaadkii kala dhaxeeyey ugu jartay Kenya.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dib usoo celisay xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda Kenya, isagoo sharaxaad kooban ka bixiyey sababta.

“Laba dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, iyadoo lagu saleynayo mabaadii’ida is ixtiraamka iyo madax-banaanida dhuleed, faro-galin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinaanta wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha” ayuu yiri Al-Cadaala.

Dad badan ayaa isweydiinaya sababta ay dowladda Soomaaliya dib uga noqotay tallaabada ay horay xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay dowladda dariska la ah ee Kenya.

War-saxaafadeedkii uu akhriyey kadib weriyaashii ku sugnaa goobta ayaa wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan waxa iska bedelay eedeymihii ay dowladda Soomaaliya horay ugu jeedisay Kenya, isla markaana ay u cuskatay inay u jarto xiriirka.

Isagoo ka jawaabayey ayuu yiri, “Arrintan markii horeba ma ahayn dookh iska yimid, waa la ogyahay duriifihii keenay in Soomaaliya ay joojiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee Kenya ay la lahayd. dowladdu waxay arrintan ku baddalatay markii la xaqiijiyay in la joojiyay, la iskuna afgartay in la joojiyo dhammaan ficilladii iyo arrimihii keenay in dowladda Soomaaliya ay joojiso cilaaqaadka ay la lahayd Kenya.”

Al-Cadaala waxuu intaas ku sii daray, “Mar hadii dhibaatooyinkii jiray ay meesha ka baxeen, sida ku qoran war-murtiyeedkana la isku afgartay in la is ixtiraamo, daris wanaag lagu wada noolaado, danaha labada wadanna laga wada shaqeeyo, sidaas ayuu ku yimid go’aankan.”

Sidoo kale Wasiir Al-Cadaala waxa uu qiray in Amiirka dalka Qadar, Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thani uu dadaal ka geystay in ay heshiiyaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Bogga Twitter-ka ee madaxtooyada Kenya ayaa maanta lasoo dhigay sawirro muujinaya in Amiirka Qatar uu booqday Kenya, uuna la kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya maanta waxa uu sheegay in go’aanka ay dowladda Soomaaliya ay dib ugu soo celisay xiriirka Kenya uusan wax saameyn ah ku yeelaneynin arrinta kiiska badda ee yaalla maxkamadda ICJ.

15-kii bishii December ee 2020 ayay ahayd markii Soomaaliya ay si caro leh u joojisay cilaaqaadkii kala dhaxeysay Kenya, waxaana dhammaan diblomaasiyiintii reer Kenya lagu amray inay Soomaaliya uga baxaan todoba cisho, halka diblomaasiyiintii Soomaaliya ka joogay Nairobi xilligaas lagu war-geliyey in deg deg ugu soo noqdaan dalka.

Intaas kadib waxaa guul dareystay dadaallo uu urur goboleedka IGAD ku doonayey in khilaafka labada dal meesha looga saaro, dhawaanahaana ma dhicin kulamo fool ka fool ah oo dhex maray madaxda labada dal, hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in dib u soo noqoshada xiriirka labada dal ay si buuxda dowladda Qatar uga soo shaqeysay.

Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaran oo laga saaray goobihii ay qabsadeen ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Badbaado Qaran ayaa billaabay inay ka baxaan qeybo ka mid ah degmooyinka Holwadaag, Hodan, Cabdicasiis iyo Kaaraan, oo ay ku sugnaayeen laba toddobaad kadib markii ay usoo galaan inay ka hortagaan muddo kororsigii sharci-darrada ahee ee baarlamanka uu sameeyey.

Ra’iisiul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa korneeray furista qaar ka mid ah jidadkii u xirnaa ciidankan, taasi oo qeyb ka ah hirgelinta heshiiskii xalka looga gaaray qalalaasihii ka dhacay caasimadda.

Rooble ayaa sheegay in galabta uu si rasmi ah u bilowday qorshaha Ciidamada looga saarayo xaafadaha, dhufeysyadii yaallayna looga qaadayo, gaar ahaan aagaga Mirinaayo, Siigaale illaa Xaafada Barmuuda. Waxa uu intaas ku daray in amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidanka booliska,

Qaadistan ciidankan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah xildhibaanada Madasha Badbaado Qaran.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanadaas ayaa yiri “Waxaan galabta si wadajir ah uga qaadnay isgoosyada Dabka iyo Mirinaayo difaacyadii Ciidamada Badbaado Qaran waxaanan amniga goobahaas ku wareejinay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.“

Qaadista ciidankan ayaa ku timid heshiis shalay lagu gaaray Muqdisho oo dhigayey in dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

Waxaa sidoo kale heshiiska ku jiray in xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.

Wasiirka Maaliyadda Qatar oo la xiray + Sababta

Doha (Caasimada Online) – Xeer-ilaaliyaha guud ee Qatar ayaa amray in la xiro wasiirka maaliyadda dalkaas Ali Shareef al-Emadi, taasi oo qeyb ka ah baaritaan lagu sameynayo lacagta dowladda oo si qaldan loo isticmaalay iyo ka xugudub awoodeed, sida ay sheegaty warbaahinta dowladda.

Wakaaladda wararka Qatar ee QNA ayaa maanta werisay in go’aankan la gaaray kadib markii dib u eegis lagu sameeyey dokumentiyo iyo warbixino ku saabsan dambiyo la xiriira lacagta dowladda. 

“Baaritaan ballaaran ayaa hadda socda,” ayaa lagu yiri warbixinta QNA.

“Xeer-ilaaliyaha guud waxa uu armay in la xiro wasiirka maaliyadda Ali Shareef al-Emadi, waxaana su’aalo la weydiiyey oo ku saabsanaa arrintan kasoo baxay dambiyo la xiriira xafiiska dowladda sida lacag si qaldan loo adeegsaday iyo ka faa’iideysashada kursiga,” ayey tiri wakaaladda wararka.

Ma jiraan wax faah-faahino ah oo intaas dheer oo la bixiyey.

Ali Shareef al-Emadi oo kaalin ku lahaa kobaca Bankiga dowladda ee Qatar National Bank ayaa ahaa wasiirka maaliyadda tan iyo 2013.

Waxa uu xubin ka yahay guddiga awoodda badan ee Qatar ee maamula sanduuqa lacagta Qatar ee Qatar Investment Authority oo maamula 300 oo bilyan oo dollar.

Al-Emadi ayaa hagay siyaasadda Qatar ee dhaqaalaha intii lagu guda jiray burburkii 2014 illaa 2015 ku yimid qiimaha saliidda caalamka, taasi oo Qatar iyo dalalka kale ee gobolka ku qasabtay inay kala duwaan ilahooda dhaqaale, oo aysan ku tiirsanaan kaliya saliidda.

Al-Emadi ayaa 2020 waxaa loo aqoonsaday wasiirka maaliyadda ee ugu wanaagsan gobolka kadib qiimeyn uu sameeyey wargeyska caalamiga ah ee ka faalloda maaliyadda ee The Banker.

Soomaaliya iyo Kenya oo dib usoo celiyey xiriirkooda kadib cadaadis ay Qatar saartay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dib usoo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee Kenya, oo ay hore u jartay kadib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf xoogan oo ku qotomay faro-gelin ay dowladda federaalka ku eedeysay Kenya.

Sii-hayaha Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta u aqriyay war-murtiyeed uu sheegay inay si wada-jir ah usoo saareen dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo lagu gaaray ilaalinta daris wanaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Al-Caddaala ayaa sheegay in war-murtiyeedka wada-jirka ah ee dib usoo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya lasoo saaray, kadib markii ay labada dhinac ku heshiiyeen ilaalinta danaha labada dal iyo ka fogaanshaha waxkasta oo keenaya faro-gelin gudaha ah.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iyada oo la ilaalinayo danaha deris wadaaga ah waxay ku dhawaaqeysa in dib loo soo celiyay xiriirkii diblumaasiyadeed ee la laheyd jamhuuriyada Kenya, dowladda jamhuuriyada Kenya waxay soo dhaweynaysa tallaabadaan lagu ilaalinayo danaha deris wadaaga ah ee labada dal,” ayuu yiri.

“Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, iyada oo lagu saleynayo mabaa’dida is-ixtiraamka ee madax-baananida iyo midnimada dhuleed, faro-gelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinaanta, wax-wada-qabsiga iyo nabad ku wada noolanshaha.”

Soo celinta xiriirkan ayaa waxaa ka shaqeeyay dowladda Qatar oo dhowaan ergey gaar ah, Dr. Mutlaq Al-Qahtani usoo dirtay magaalada Muqdisho, oo uu wada-hadal kula yeeshay madaxda dowladda federaalka, isaga oo maanta-na Nairobi kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale, labo maalin ka hor unbay aheyd markii uu Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani uu khadka taleefonka wada-hadal kula yeeshay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Qatar ayaad u dooneysa heshiis dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya, oo laga gaaro muranka badda Soomaaliya, sababtoo ah, dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay ayaa waxaa qandaraas shidaal baaris ah ku haysta shirkadda ENI ee Talyaaniga oo Qatar ay saami ku leedahay.

SARKAAL ka tirsanaa mid ka mid ah xisbiyada mucaaradka oo MUQDISHO lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xubin ka tirsan xisbiga DAN-QARAN oo uu hogaamiyo Musharax Daahir Geelle lagu dhex dilay gurigiisa oo ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay xisbiga Musharax Daahir Geelle ayaa waxaa lagu sheegay in dabley hubeysan ay dishay Aweys Cumar Salaad oo sidoo kale ka tirsanaa Saraakiisha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, islamarkaana kamid ahaa xubnaha xisbiga ee Muqdisho.

Musharax Daahir Geelle ayaa dhamaan qoyska iyo xubnaha xisbiga uga tacsiyadeeyay geerida marxuum Aweys Cumar Salaad allaha u naxariiste.

“Guddoomoyaha Xisbiga Dan-Qaran danjire Dahir Mohamud Gelle iyo xubnaha xisbiga waxay murugada la qabsanayaan una tacsiyeynayaan qoyska iyo xubnaha Xisbiga geerida ku timid Allaha u naxariistee marxuum Aweys Sheekh Cumar Salaad oo ka tirsanaa xubnaha xisbiga Dan-Qaran ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyada dilkaan, waxaana weerarada iyo dilalka noocan ah inta badan fuliya dagaal-yahanada Shabaab oo beegsi xoog leh ku haya Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha dowladda.

Qorshaha DF Soomaaliya ee marka ciidamada Badbaado Qaran laga saaro Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda federalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yusuf Al-Caddaala ayaa faah-faahin dheeriya ka bixiyay heshiiska shalay lagu gaaray magaalada Muqdisho ee lagu soo afmeeray qalalaasihii ka dhashay mudo kororsigii Farmaajo.

Al-Caddaala ayaa sheegay in marka ay ciidamada Badaabdo Qaran ka baxaan magaalada Muqdisho ay ciidamada dowladda si toos ah ula wareegi doonaan amniga caasimada, islamarkaana la guddo galo arrimaha doorashooyinka.

Hase yeeshee, ra’iisul wasaare Rooble ayaa shalay sheegay in xukuumadda ay waddo qorshe ay kusoo dhiseyo ciidamo khaas ah oo fuliya amniga dooarshada, kuwaasi oo loo wada dhan yahay dhex-dhexaadna ah, oo u mideysan yihiin dhinacyada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa uu intaas ku daray inay ciidankaasi ku shaqayn doonaan xayndaabka sharci uuna dhisiddooda kala tashan doono dhammaan saamileyda siyaasadda dalka.

Dhinaca kale, Al-Caddaala ayaa sheegay in heshiiska ciidanka Badbaado Qaran looga saaray Muqdisho ay kasoo shaqeeyen guddigii uu dhawaan magaacabay ra’iisal wasaare Rooble, oo isugu jiray xubno taabacsan mucaaridka iyo dowladda oo loo xil-saartay

“Guddiga ayaa soo diyaariyey warbixintooda kadibna waxaa kulmay ra’iisal wasaare Rooble, Midowga Musharaxiinta iyo madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle ayaa wada kulmay si loo shaaciyo natiijada waxyaabihii ay soo saareen guddiga,” ayuu yiri.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in heshiiskaas ujeedkiisa u weyn uu ahaa “sidii dib loogu soo celiyo degenaanta xaalada amni ee caasimada,” maadama ay muddooyinkii dambe ciidamo kasoo horjeeda muddo kororsigii fashilmay ay dhufeyso hor leh ka qoteen degmooyin kamid ah magaalada Muqdisho.

“Waxa uu nuxurka ahaa in ciidamadii magaalada soo galay dib loogu celiyo xeryahooda, sidii ay ciidamada booliska gacantooda keliya ugu jiri laheyd amniga magaalada Muqdisho.”

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in qoddobada ugu cawaaqibta culus ee heshiiska uu kamid yahay in in dhinacyada iska soo horjeeda aysan Ciidamada Qalabka u adeegsan arrimo siyaasadeed, ayna fara-gelin ku sameyn.

Hoos ka dhageyo wareysiga Al-Cadaala ee VOA

Mareykanka oo shaacinaya magacyada siyaasiyiinta diidan doorashooyinka

0

Washington (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa sheegay in dowladdiisa ay ugu yeertay magaalada Washington, si uu warbixin uga siiyo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka.

Yamamoto ayaa hadalkan ka sheegay kulankii shalay ee beesha caalamka iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna sheegay inuu si qoto dheer uga warrami doono xaaladda cakiran iyo is mari-waaga weli ka taagan hannaanka loo wajahayo doorashada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladdiisa uu u bandhigi doono magacyada siyaasiyiinta Soomaalida ah ee diidan doorashada ama ka caga-jiidaya.

Danjiraha Mareykanka ayaa sidoo kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida in aysan ku mashquulin siyaasadda, isla-markaana ay eegayaan bad-baadada dalka iyo howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee weli ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

“Mareykanka wuxuu wali wadaa howlgalada milatari ee wadajirka ah ee ku taageerayo ciidanka Xoogga dalka SNA. Talaadadii askari ayaa nooga dhintay gudaha Soomaaliya. Soomaalidu waa in ay wajahdaa AlShabaab oo aysan ku mashquulin meelo kale” ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad kala guur ah oo daba-dheeraaday, waxaana haatan dib u billowday wada-hadallo loogu gogol xaarayo, sidii loo qaban lahaa doorasho loo dhan yahay.`

Dalalka G7 oo hanjabaaddii ugu cusleyd kasoo saaray is-mari waaga Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wadamada ku bahoobay Ururka G7 ee awoodda warshadaha iyo dhaqaalaha ayaa bayaan ay si wadajir ah usoo saareen waxa ay kaga hadleen xaaladda Soomaaliya, iyagoo walaac ka muujiyey is mar-waaga doorashooyinka.

Ugu horeyn dowladaha G7 ayaa soo dhoweeyey go’aankii Golaha Shacabka ee dib uga noqoshada muddo kordhintii loo sameeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, iyaga oo intaasi ku daray in xal laga gaari karo oo kaliya wada-hadallada haatan dib u billowday.

“Waxaan soo dhaweyneynaa ansixintii Baarlamaanka ee 1-dii March ee aheyd dib u billaabista wadahadallada u dhexeeya dowladda Federalka iyo madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in la dhameystiro hannaanka doorashada ee ku saleysan heshiiskii 17-kii September” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay shirkii ay yeeshiin wasiiradda horumarinta iyo arrimaha dibadda ee dalalka la’isku yiraahdo G7.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in todobadan dal aysan taageeri doonin doorashooyin is bar-bar socda, isla-markaana horseedi kara xasilooni darro.

Dalalka G7 ayaa ku booriyey madaxda Soomaaliyeed inay is xakameeyaan, iyaga oo uga digay inay qaadaan tallaabo keeni karto isku dhacyo iyo dib u noqosho dambe.

“Waxaan hoosta ka xarriiqeynaa in aynaan taageeri doonin geeddi-socod babar-socod ah, mid aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo horseedaya kordhinta muddo xileedkii hore. Waxaan ku boorinaynaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed inay aad isu xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo hal dhinac ah, kaas oo sababi kara in xiisadaha siyaasadeed ay kasii daraan, waana muhiim in dhammaan dhinacyadu ay ilaaliyaan amniga iyo xasilloonida Soomaaliya” ayaa markale lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay wadamada G7.

Ugu dambeyn dalalka ku jira ururka G7 ee kala ah Canada, France, Germany, Italy, Japan, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa ku goodiyey inay wax ka bedali doonaan qaabka ay ula macaalimaan Soomaaliya, haddii aysan isbedal dhab ah la imaan madaxda Soomaalida.

“Haddii ayna taasi dhicin, waxay horseedi doontaa in bulshada caalamku wax ka bedesho qaabka ay u wajaheyso Soomaaliya” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay warmurtiyeedka ka soo baxay shirkii Wasiiradda Arrimaha Dibada ee dalalka ku bahoobay G7, kaas oo Chinach kale soo dhaweysay Egayga Gaarka ah ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Africa, iyagoo sheegay inay taagerayaan dadaallada xal u helista arrimaha Soomaaliya”,.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo weli is mari-waa uu ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo mucaaradka, waxaase haatan socda wada-hadallo u dhexeeya labada dhinac oo xal looga gaaro khilaafka ka jira dalka.

Sawirro: Saciid Deni oo la kulmay wafdi ka socda QM

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta xafiiskiisa Garoowe ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey madaxa xafiiska Qaramada Midoobey ee deegaanada Puntland, Guy Griffin.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay guud ahaan ee Puntland, gaar ahaan wada shaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo maamulkaasi.

“Kulanka oo looga hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya waxaa ka qeybgalay Cabdicasiis Maxamuud Maxamed oo arrimaha siyaasadda u qaabilsan xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Puntland.

Sidoo kale intii uu socday kulankan ayaa waxaa lagu soo qaaday sidii ay QM kaalin uga geysan laheyd caawinta dadka uu saameeyay roobabkii ka da’ay Puntland.

Si kastaba kulankan ayaa kusoo aadaya, xilli Puntland ay dhowaan qeylo dhaan u dirtay hay’adaha caalamiga ah, si gurmad deg deg ah loo gaarsiiyo dadka tabaaleysan.

Sheekh Shariif oo soo saaray baaq cusub kadib heshiiskii shalay lagu gaaray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay heshiiska shalay lagu gaaray magaalada Muqdisho ee horseedaya in magaalada laga saaro ciidamadii ka dhashay muddo kororsiga ay sameeyeen Mursal iyo Farmaajo.

Sheekh Shariif ayaa ku baaqay in kadib heshiiskaas gacmaha la isku qabsado sidii looga gudbi lahaa marxaladdan adag ee kala guurka, iyadoo wax kasta lagu bixinayo dib uheshiin, isqancin iyo isku tanaasul.

Hoos ka aqriso qoraalka uu oo soo saaray madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Waxaan soo dhaweynahaa heshiiska laga gaaray rabshadihii ka dhashay muddo kordhintii sharci darrada ahayd, anigoo codkayga ku biirinaya in ciidamada qalabka sida ee geesiyayaasha aan marna la siyaasadeyn oo ay ku laabtaan xarumahoodii.

Waxaan kaloo bogaadinayaa dadaalada Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Xil-Gaarsiinta, iyadoo aan ka rajeyneyno in heshiis laga gaaro doorashooyinka iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 September.

Waxaan ku celinaynaa markale in gacmaha la isku qabsado sidii looga gudbi lahaa marxaladdan adag ee kala guurka, iyadoo wax kasta lagu bixinayo dib uheshiin, isqancin iyo isku tanaasul.

Waxaan u mahad celinayaa guddiyadii kasoo shaqeeyey heshiiska iyo saraakiishii badbaadiyay dalka, maamulada xubnaha ka ah dowladda dhexe, iyo sidoo kalena saaxiibada caalamka ee waqtiga ku bixiyay in lagu laabto heshiiskii 17 September 2020.

Weerar ku billowday QARAX oo ka dhacay CEELWAAQ

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar ku billowday qarax xoogan oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Ceelwaaq oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Weerarka oo ay qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa lala beegsaday saldhig ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarka kadib uu xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda inta uu la’egyahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey, waxaana dadka soo wajahay cabsi xoogan, kadib weerarkaasi.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalkan ayaa shaacisay inay ku dishay askar ka tirsanaa ciidamada Kenya oo uu ku jiro sarkaal labo Xiidgle ah, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha AMISOM, gaar ahaan ciidamada Kenya oo ku qaadan weerarkaasi khasaaraha lagu gaarsiiyey.

Xaaladda ayaa haatan yare degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada Kenya oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo

Korneyl Doolaal oo maanta XABSIGA laga sii daayey

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maanta xabsiga Hargeysa laga sii daayey Korneyl Korneyl Jaamac Doolaal oo hore Maxkamadda Ciidamdada Millateriga Somaliland ay ugu riday xukun adag oo labo sanno ah, kadib xiriir uu la sameeyay mas’uuliyiinta dowlada federaalka.

Doolaal ayaa loo haystay inuu shaqsigaas oo uu kala hadlay dhanka telefoonka uu kala hadlay arrimo qoys, ayada oo maxkamadda meesha ka saartay in Korneylka uu ku kacay khiyaamo qaran iyo kacdoon ciidan, kadib markii ay maxkamaddu cadeyn kari weyday cod lagu sheegay sir oo ay kusoo eedeysay xeer ilaalinta ciidanka Somaliland.

Korneylka ayaa dib u helay xoriyadiisa kadib markii uu muddo toddobaadyo ah ku xirnaa xabsiga Hargeysa, waxaana kiiskiisa oo ay maxkamadda millateriga xukuntay laga gaaray is-afgarad hoose, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Soo-deynta Doolaal ayaa sidoo kale imaneysa maalmo un kadib markii uu Boqor Cismaan Buurmadow oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland oo ku hanjabay in haddii xukuumadda Muuse Biixi ay saddex maalin gudahood kusii deyn weydo Doolaal ay beeshiisu sameyn doonto arrin aan la mahdin.

Boqor Buurmadoow oo xiligaas luuqad adag kula hadlayey madaxda sarre ee xukuumadda Somaliland ayaa carabka ku adkeeyay haddii korneyl Doolaal dib loogu celin waayo xoriyadiisa ay ku dhaqaaqi doonaan arrin cawaaqib xumo dhalin karta.

Si kastaba, xukuumadda Somaliland ayaa inta badan xirta siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka ay ku tuhmeyso inay kasoo horjeedaan madax-banaanida ay ku doodo, ayada oo dood aan lugo badan ku taagneyn u adeegsata dacwadaha ay ku oogto shaqsiyaadka ay ku eedeynayso inay kasoo horjeedaan gooni-goosadkeeda.

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay imtixaanka dugsiga sare ee Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in muddo todobaad ah dib loo dhigay imtixaanka Shahaadia ah ee dugsiga sare ee dalka oo algu waday inuu billowdyo 22-ka May.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka wasaaradda.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay halkaan kula wadaagaysaa dhammaan bahda Waxbarashada gaar ahaan masuuliyiinta dalladaha, maamulayaasha dugsiyada, ardayda iyo waalidiinta in imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare uu ku yimid dib dhac kooban oo ah asbuuc. 

Dib u dhacaan ayaa ka yimid culeysyada soo kordhay maalmihii la soo dhaafay, taas oo saamaysay ardayda, ayay Wasaaraddu garawsatay in lagama maarmaan ay tahay in ardayda la siiyo waqti dheeri ah si ay isugu diyaariyaan imtixaanka.

Haddaba, Wasaaraddu iyada oo ka amba-qaadeysa dib-u-dhacaas ayaa waxay halkaan idinkula wadaageysa in imtixaanka sannad-dugsiyeedkan 2020/21 la qaadi doono 29ka Maajo illaa 2da Juunyo, 2021. 

Sidaas daraadeed, Wasaaraddu waxay ku boorinaysaa dhammaan ardayda ka qayb-gelaya imtixaanka in ay waqti siiyaan muraajacada cashirrada si ay ugu guuleeystaan imtixaanka ayna u helaan natiijo ku habboon dedaalkooda.

Wasaaraddu waxay u rajaynaysaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee sanadkaan imtixaanka u fariisanaya Nasiib Wanaagsan iyo Muqtaqbal Horumarsan.

Daawo: Rooble oo hal arrin aad uga codsaday Midowga Musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaasiinta Maxamed Xuseen Rooble oo hadal kooban ka jeediyey kulankii galabta ay heshiiska ku gaareen isaga iyo midowga musharaxiinta ayaa musharaxiinta aad uga codsaday inay si dhow ugala shaqeeyaan arrimaha doorashada.

Waxa uu sheegay in howsha doorashada ay aad u culus tahay kaligiisna uusan ka shaqeyn karin, sidaas darteena uu muhiim u yahay garab uu ka helo musharaxiinta u tartameysa xilka madaxtinimada dalka.

“Dhamaan musharaxiinta, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo ra’iisul wasaarihii hore waxaan idinka codsanaa doorashada aniga kaliya inaan la igu haleyn, dhamaanteen mas’uuliyadaa na wada saaran. Inaan si cadaalad ah doorasho idinkugu maamulo ayaad ii dirsateen, marka gacan ayaan idin kaga baahanahay,” ayuu yiri Rooble.

Sidoo kale shacabka magaalada Muqdisho ayuu Ra’iisul wasaare Rooble ka codsaday inay amniga kala shaqeeyaan ciidamada ammaanka, gaar ahaan booliska oo uu sheegay in hadda kadib si gaar ah loogu xil saaray amniga caasimadda.

“Waxaan hey’adda ciidamada boliiska Soomaaliyeed amrayaa inay ilaaliyaan amniga qof kasta oo muwaadin ah, inay ilaaliyaan amnigeyga, amniga madaxweynaha, kan musharaxiinta iyo amniga qof kasta oo Soomaaliyeed, waxaan rabaa inaan cidna lagu xad gudbin oo qof dhib loo geysan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa musharaxiinta ka balan qaaday in qof gaar ah uusan xigsa doonin, oo doorashada uu si xalaal ah u maamuli doono, “Qalbigiina kheyr u sheega, laakiin gacan ayaan idin kaga baahanahay, aragiina yaana waayin,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in aysan jirin doonin qof ciidan ah oo lagu xad gudbo, sidaas darteena uu farayo ciidamada gudaha caasimadda difaacyada uga jira inay goobahoodii ku noqdaan.

“Qof ciidan ah laguma xad gudbi doono, ciidanku mucaarad iyo muxaafid kalama laha, marka waxaan farayaa inay dib ugu noqdaan xeryahoodii, oo ay shacabka ka difaacaan argagixisada Al-Shabaab,” ayuu yiri  Ra’iisul wasaare Rooble.

Hoos ka daawo

Mahad Salaad oo ka sheekeeyey arrin galabta dhex-martay isaga iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaaan Mahad Salaad oo ka mid ahaa siyaasiyiintii sida weyn u hor istaagay mudo kororsigii Farmaajo iyo golaha shacabka, sidoo kalena ka mid ahaa guddigii dhawaan loo xilsaaray inay ka soo tala bixiyaan xalka xiisadii ka dhalatay mudo kororsiga, ayaa ka sheekeeyey hadallo ay galabta is dhaafsadeen isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Waxa uu sheegay in Rooble weydiiyey sababta ku khasabtay dagaalka, maadaama uu metelo, isla markaana uu meesha u joogo, “Waxaan ku iri waa runtaa Meesha waa ii joogtaa, laakiin Abtiyow markii Mursal ii diiday inaan tago Golihii aan ka tirsanaa, codna malihid la’i yiri. Farmaajo-na jidadka ciidamo ii dhigay ee albaab kasta iga celiyay, cid iga celisana aan waayay ayaan ku qasbanaaday in aan ka dagaalamo gardarada, dulmiga iyo ku tagrifalka awoodeed ee Mursal iyo Farmaajo ku bahoobeen,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wasiir ka tirsan xukuumada Rooble uu weydiiyey in wixii dhacay uu hadda ka qanacsan yahay, “Si degan ayaan ugu iri mar hadii Golihii Mursal fuuntoobay waxtar dambena uusan lahayn. Farmaajo-na jidadkii shalay uu ii diiday maanta aniga wax la iga weydiinayo, wax cabasho ah ma qabo,” ayuu Mahad Salaad qoraalkiisa ku yiri.

Hoos ka aqriso qoraalkan oo Mahad Salaad uu Facebook-ga soo dhigay

Kaftan aniga iyo Abtigey Rooble galabta nagu dhex maray Madashii lagu shaacinayay heshiiska. Wuxuu i su’aalay Abtiyow maxaa dagaalka kugu qasbay soo anigu Abtigaa ma’ ihi meeshana kuuma joogo?

Waxaan ku iri waa runtaa adigaa Abtigey ah, meeshana ii jooga lkn Abtiyow markii Mursal ii diiday inaan tago Golihii aan ka tirsanaa, codna malihid la’i yiri. Farmaajo-na jidadka ciidamo ii dhigay ee albaab kasta iga celiyay, cid noo garqaada ama iga celisana aan waayay ayaan ku qasbanaaday in aan ka dagaalamo gardarada, dulmiga iyo ku tagrifalka awoodeed ee Mursal iyo Farmaajo ku bahoobeen!

Intaas markaan isdhaafsanay Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa mid Wasiirada meesha joogay ka mid ah inta soo booday igu yiri “hada ma qanacsantahay”? Si degan ayaa waxan ugu iri “mar hadii Golihii Mursal fuuntoobay waxtar dambena uusan lahayn. Farmaajo-na jidadkii shalay uu ii diiday maanta aniga wax la iga weydiinayo, wax cabasho ah ma qabo”. Wasiirkii inta dhinacyada iska fiiriyay oo dhoolacadeeyay ayuu tartiiba u siibtay. Malaha mid Fahad iyo Farmaajo wali u noolyihiin oo yaan lagu maqlin isleh ayuu ahaa!

Hadal iyo dhamaantiis hada waa la heshiiyay ee howsha aan wada qabano. Mahadsanidiin.

Maxay mucaaradka DF ka yiraahdeen heshiiska ciidanka looga saarayo Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii heshiis ka kooban 10-qodob galabta laga gaaray xiisadii todobaadyadaan ka taagneyd magaalada Muqdisho, waxaa isisoo taraya soo dhaweynta iyo boggaadinta qodobada ay ku heshiiyeen ra’iisul wasaare Rooble iyo midowga musharaxiinta.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdiraxmaan Odawaa iyo Mahad Salaad oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa aad u soo dhaweeyey qodobadii lagu heshiiyey galabta, iyagoo ku taliyey in sida ugu haboon loo dhaqan geliyo heshiiskaas oo xal u noqon kara xiisadii maalmahaan ka jirtay magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa u uku yiri, “Heshiiskii iyo qodobada caawa lagu heshiiyay waa soo dhawaynaynaa waana bogaadinaynaa. Dhammanteen mar haddii muddo kororsigii saqiiray aan nabadeynta u istaagno una dhaga nuglaanno.”

Sidoo kale hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna yiri, “Waxaan bogaadinayaa heshiiska maanta laga gaaray xiisadii ka dhalatay muddo kororsigii fashilmay. Kalsooni ayaan ku qabaa adkaysiga geedi socodka nabada iyo dhismaha dawladnimada Soomaaliya. Mahad Alle aya leh, kaddibna Shacabka Soomaaliyeed iyo intii hor istaagtay muddo kororsiga.”

Sidoo kale Xildhibaan Mahad Salaad oo qeyb ka ahaa guddigii ka soo shaqeeyey heshiiska galabta la gaaray ayaa ka sheekeeyey hadallo kaftan ahaa oo dhex-maray isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble, isagoo qoraalkiisa ku sheegay in hadda wax kasta laga heshiiyey.

Heshiiskaas waxaa lagu gaaray hooyga uu Muqdisho ka degan yahay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, sidoo kale madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa hooyga uu Muqdisho ka degan yahay kulan afur ugu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha Galmudug iyo Midowga Musharraxiinta.

Heshiis 10 qodob ah oo lagu gaaray Muqdisho iyo ciidanka oo laga saarayo magaalada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta magaalada Muqdisho lagu gaaray heshiis lagu soo afmeeray qalalaasihii ka dhashay mudo kororsigii Farmaajo ee 25-kii bishii April ka dhacay magaalada, ayada oo la isku raacay in ciidamada laga saaro magaalada.

Heshiiskan ayaa waxaa lagu gaaray kulan galabta ka dhacay caasimadda oo ay ka qeyb galeen, Ra’iisul Wasaare Rooble, Midowga Musharaxiinta oo ay ugu horreeyaan madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh, madaxweynayaasha HirShabelle iyo Galmudug, iyo guddiga ka kooban 11-ka xubnood ee loo xil saaray arrintan.

Heshiiska la gaaray oo ka kooban 10 qodob, ayaa kala ah:

1- In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

2- In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.

3- In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.

4- In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.

5- In Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida. A. In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda. B. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.

6- In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka.

7- In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.

8- In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.

9- In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.

10- Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.