24.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 14, 2026

Heshiis 10 qodob ah oo lagu gaaray Muqdisho iyo ciidanka oo laga saarayo magaalada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta magaalada Muqdisho lagu gaaray heshiis lagu soo afmeeray qalalaasihii ka dhashay mudo kororsigii Farmaajo ee 25-kii bishii April ka dhacay magaalada, ayada oo la isku raacay in ciidamada laga saaro magaalada.

Heshiiskan ayaa waxaa lagu gaaray kulan galabta ka dhacay caasimadda oo ay ka qeyb galeen, Ra’iisul Wasaare Rooble, Midowga Musharaxiinta oo ay ugu horreeyaan madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh, madaxweynayaasha HirShabelle iyo Galmudug, iyo guddiga ka kooban 11-ka xubnood ee loo xil saaray arrintan.

Heshiiska la gaaray oo ka kooban 10 qodob, ayaa kala ah:

1- In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

2- In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.

3- In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.

4- In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.

5- In Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida. A. In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda. B. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.

6- In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka.

7- In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.

8- In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.

9- In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.

10- Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.

XASAN SHEEKH: Waa in la garab istaagaa R/W Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la garab istaago Ra’iisul Wasaaraha Xakuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, si loo hirgeliyo doorasho xor ah oo dalka ka dhacda.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu boqaadinayo dadaallada uu Rooble ka billaabay xal u helidda xasaradihii amni ee Muqdisho ka dhacay iyo sida uu kasbaday saamileyda siyaasadda dalka.

“Waxaan bogaadinayaa dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee xal u helidda xiisadda ka dhalatay muddo kororsigii sharci darrada ahaa, sidoo kale waxaan soo dhoweynayaa shirka uu ku baaqay 20ka bishan” ayuu ku sheegay hadal kooban oo uu maanta jeediyay.

Waxa uu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in fursad la siiyo lana garab istaago dadaalka u wado Ra’iisul Wasaaraha, si uu dalku uga baxo xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee ka dhalatay muddo kororsigii sharci darrada ahaa iyo inqilaabkii hay’adaha dastuuriga ah.

“Dhammaan qeybaha ka duwan ee bulshada waxaan ugu baaqayaa in ay Ra’iisul Wasaare Rooble ku garab istaagaan hirgelinta doorasho xor ah oo dalkeena ka dhacda” ayuu raaciyay.

Xasan Sheekh ayaa muujiyay sida uu ugu kalsoonyahay go’aannada  Ra’iisul Wasaare Rooble, taas oo meesha ka saareysa shaki ay muujinayeen midowga musaharraxiinta iyo golaha badbaado Qaran.

Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tan iyo markii la siiyey awoodda hirgelinta doorashada iyo amnigeeda wado dadaalo uu ku doonayo inuu saamileyda siyaasadda iyo madaxda Maamul Goboleedyada ku qanciyo si ay uga qeyb noqdaan xal u helidda khilaafka ka taagan Dowladda, wuxuuna hadda heystaa ogolaanshaha dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta.

Shir u furmay ROOBLE iyo beesha caalamka iyo Rooble oo ku dhowaaqay dhisidda ciidan u gaar ah doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo xubnaha beesha caalamka ee ku sugan Soomaaliya, ayaa shir waxa uu maanta uga furmay xerada Xalane.

Kulanka oo ay qaban qaabadiisa laheyd beesha caalamka ayaa waxaa looga wada hadlayaa doorashooyinka iyo sidii Rooble lagala shaqeyn lahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay ku wada qanacsan yihiin saamileyda siyaasadda.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga wada hadlayaa sidii ay beesha Caalamka u fududeyn laheyd shirka la filayo inay Dowladda iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ku yeeshaan Muqdisho 20 Bishaan sida uu iclaamiyey Ra’isul wasaare Rooble.

Rooble ayaa kulanka ka sheegay in xukuumadda ay waddo qorshe ay kusoo dhiseyo ciidamo khaas ah oo fuliya amniga dooarshada, kuwaasi oo loo wada dhan yahay dhex-dhexaadna ah. Waxa uu intaas ku daray inay ciidankaasi ku shaqayn doonaan xayndaabka sharci uuna dhisiddooda kala tashan doono dhammaan saamileyda siyaasadda dalka.

Waa shirkii u horreeyay ee dhex mara Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka, tan iyo markii Ra’iisul Wasaaruhu la wareegay arrimaha doorashooyinka iyo amniga oo looga fadhiyo inuu dhowaan guda galo hirgelinta heshiiskii 17 September.

Waxa uu sheegay in kadib markii uu wadatashi la sameeyey maamul gobleedyaada uu diyaar u yahay inuu dalka ka hirgeliyo doorasho aasaaskeedu yahay heshiiskii 17-kii September. Rooble ayaa sheegay in caqabadda keliya ee hortaagan doorashada ay tahay dhammeystirka heshiiskii 17-ka September, iyadoo loo sii marayo taloyinkii shirkii Baydhaba.

Waxa uu ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo xubnaha kale ee beesha caalamka inay billaabaan qorshayaasha ku saabsan taageerada dhinaca tasiilaadka, farsamada iyo dhaqaale ee loo fidinayo hannanaka hirgelinta doorashada.

Shirkaan ayaa imaanayo kadib markii madaxweyaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ogolaaday inuu Mas’uuliyadda doorashada iyo amnigeeda uu ku wareejiyo Ra’isulwasaare Rooble kadib markii Magaalada Muqdisho uu ka dhacay dagaal dhiig ku daatay oo u dhaxeeyey Ciidamada Dowladda iyo ciidamo diidan muddo kordhin loo sameeyey Farmaajo.

Askari ka tirsan Haramcad oo bixiyey xog yaab leh oo ku saabsan aragtida ciidanka DF ee mucaaradka (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Sayid Cali Xasan oo kamid ahaa ciidanka Haramcad, islamarkaana ahaa muuqaal duubaha gaarka ah ee ciidamada, ayaa shaaciyey arrin argagax leh oo ku aadan mucaaridka, taasi oo ay si gaar ah u beegsadaan inta badan ciidamadaan.

Saydi Cali oo dhawaan lagu eedeyay inuu ka dambeeyay weerarkii ay ciidamada Haramcad ku qaadeen Idaacadda Mustaqbal ayaa wareysi gaar ah uu bixiyey iskaga fogeeyay eedeymahaas, wuxuuna banaanka keenay arrimo badan oo ku aadan howl-galada ciidamada.

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda laga dhaadhiciyo in mucaaradka kasoo horjeeda dowladda ay yihiin cadow mudan “in xoolahooda la qaniimeysto”, midaasi oo lamid ah qorshaha ay argagixisada u adeegsato dagaal-yahaanadeeda.

“Askari kasta ayaa laga dhaadhiciya in waxwalba oo mucaaradka leeyihiin ee kasoo horjeeda dowladda ay yihiin qaniimo. Haddii askariga loo sheego oo la dhaho gurigaan nin mucaarad ah ayaa iskaleh, Xasan Sheekh ama Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaa markiiba kusoo dhaceysay qaniimeysiga,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xafiiska madaxweynaha uu beegsi gaar ah ku hayo warbaahinada baahiya waxyaabaha ay dhibsato, gaar ahaan adeegsiga magaca “Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday”  oo si weyn uga carooto Villa Somalia.

“Idaacad kasta oo ka aragti duwan oo ku dhawaaqda ereyga madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday waxa uu qorshaha yahay in la beegsado, oo wariyaha la beegsado, xafiiska Madaxweynaha ayey awaamiirtaas toos uga timaada,” ayuu yiri.

Waxa uu shaaciyey in dowladda ay qorshaha ugu jirto inay weerarto warbaahind dhowr ah oo ay dhibsatay qaab tabantooda, kuwaasi oo ay kamid yihiin Goobjoog iyo Radio Kulmiye, sida uu sheegay.

Arrimaha uu shaaca ka qaaday Sayid Cali oo ah kuwo xasaasiya ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiyey Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, oo uu sheegay in aan ciidan qaran laga filan karin.

“La-yaab waxa leh askari ka tirsan ciidamo qaran inuu isticmaalo asagoon la qasbayn erayo la mid ah kuwa shabaabku sida xun ugu isticmaalaan boobka hantida dadka. Waxaase in la isweydiiyo mudan ciidamadii amniga dalka in ay ilaaliyaan loo soo tababaray inay ka hortagaan argagixisada inay noqdaan kuwo erayo dhibaya Farmaajo hawl-galadooda saldhig looga dhigo, amarkana ka qaata xafiiska Villa Somalia,” ayuu yiri.

“Wiilkan dhallinyarada ah ee waraysiga bixinayey waxaa ka muuqatay degenaan iyo inuu iska rogayey eedo si gaar ah asaga dusha looga tuuray balse wuxuu daaha ka rogay arrimo dadka badankiisu aysan ogeyn laakin in muddo ah dad xog ogaal ahi ay sheegi jireen.”

Fiqi ayaa isdul taagay qoddobo ku jiray wareysiga Sayid Cali Xasan oo kamid ahaa ciidanka Haramcad oo muujinayey hanaanka guracan ee loo adeegsado ciidamadaas, kuwaasi oo u dhignaa sidan;

1. Wuxuu isticmaalay erayga “Qaniimo” oo ah eray ay kooxda shabaabku si xun u adeegsadaan marka ay xalaashanayaan xoolaha dad ay aaminsan yihiin in ay gaalo yihiin.
2. Wuxuu sheegay in askarta hantidaas ku qamaamtay uu qof walba wixii uu qaadan karo u fasaxan yahay oo aysan jirin isla xisaabtan iyo tirakoob lagu sameeyo wixii meeshaas laga qaaday.
3. Wuxuu sheegay ciidankaas weerarada iyo hawlgallada ay samaynayaan in taliska Booliska ee uu hoostago aysan wax war ka heyn.
4. Wuxuu sheegay in ay beegsadaan warbaahinta isticmaasha erayga “Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ama madaxweynihii hore”.
5. Wuxuu sheegay in madaxtooyada uu ka yimaado amarka ay uga hawlgalayaan goobaha iyo shaqsiyaadka ay weeraraan.
6. Wuxuu sheegay qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho ka hawlgala in weerarada soo socda ay ku soo wajahan yihiin asagoo sidoo kale magacaabay qaar ka mid ah hogaamiyaasha mucaaradka guryahooda in la qaniimaysto in ay amarkeeda haystaan.

Hoos ka daawo muuqaalka

Xarumaha hay’ad dhaqaale siisay Al-Shabaab iyo Xamas oo weeraro lagu qaaday

Berlin (Caasimadda Online) – Hay’ad lagu eedeeyey inay dhaqaale siiso ururka Xamas ee reer Falastiin iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa lagu soo rogay xayiraad dhaqaale, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha, dhismaha iyo jaaliyadda dowladda federaalka Jarmalka Horst Seehofer.

Ururka lagu eedeyey inuu dhaqaale siiyey Xamas iyo Al-Shabaab ayaa lagu magacaabaa Ansaar International, wuxuuna saldhigiisa ugu weyn ku leeyahay dalka Jarmarka, halkaas oo lagu aasaasay.

Afhayeen lagu magacaabo Steve Alter oo Arbacada maanta qoraal soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa yiri “Shabakadda Ansaar International waxa ay maalgelisaa ururo argagixiso oo ka dhisan qeybo kala duwan oo adduunka ku yaalla.”

Afhayeenka ayaa sido kale sheegay in tallaabada kaliya ee ururada argagixisada lagula dagaalami karo ay tahay in laga jaro dhaqaalaha.

“Haddii aad dooneysid in aad la dagaalantid argagixiso, waa in aad ka jartaa ilaha dhaqaalaha,” ayuu yiri Steve Alter.

Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka ayaa sidoo kale ururkaan Islaamiga ah ku eedeeyay in dhaqaale badan u diro ururo ku kula sugan dalal kala duwan sida Al-Nusra oo Syria ka aas-aasan, Xamas oo Falastiin ah iyo Al-Shabaab oo Soomaaliya ka dhisan.

Ciidamada ammaanka Jarmalka ayaa howlgallo ka dhan ah ururkan waxay maanta ka fuliyeen 10 dowlad goboleed oo kala ah: Rhineland-Palatinate, Baden-Württemberg, Bavaria, Berlin, Brandenburg, Hamburg, North Rhine-Westphalia, Lower Saxony, Schleswig-Holstein iyo Hesse.

Ururka Ansaar International ee xayiraada dhaqaale lagu soo rogay ayaa dadka mutadawiciinta ah waydisato inay bixiyaan lacago loogu deeqayo dadka ku nool waddamo kala duwan oo ay kamid yihiin Soomaaliya, Falastiin, Lebanon iyo Sudan.

Wararkii ugu dambeeyey qarax ay ku dhinteen dhowr qof oo ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax nooca miinada ah oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley ayaa lala beegsaday gaari Land Cruiser oo marayey Kaxda.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan saddex ruux, halka uu ku dhaawacmay qof kale, kuwaas oo la socday gaariga la qarxiyey.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa goobta gaaray dhacdada kadib, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma cadda bartilmaameedka qaraxan, mana jiro weli wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ka bixiyeen qaraxaasi khasaaraha dhaliyey.

Si kastaba qaraxan ayaa qeyb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey Muqdisho, kuwaas oo isugu jiray dilal qorsheysan iyo qaraxyo intaba.

Dagaal ka qarxay Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal markale dib uga qarxay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa saaka ka billowday halka loo yaqaano Beledunuur oo ku taalla galbeedka Beledweyne, kadib markii ay isku dhaceen labo maleeshiyo beeleed, kuwaas oo haatan dagaalkooda dib uga sii qarxay halkaasi, waxaana socotay rasaas xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalkan uu sababay muran ka dhashay dhul ay isku qabsadeen laba dhinac ee dagaalamay.

Sidoo kale maamulka gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa inuu ku baxay xiisadaasi, islamarkaana uu ciidamo geeyey goobta lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in dhaq-dhaaqyo ciidan laga dareemayo xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xog: Xiisad horseedi karta iska hor-imaad oo ka taagan xarunta gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogesatay xiisad iyo is faham waa muddo dheer u dhaxeeya ciidan ka titsan booliska Soomaaliya oo ilaalo ka haya xarunta dowladda Hoose ee Xamar iyo ciidanka ilaalada u ah guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho. 

Ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska guddoomiyaha iyo ciidanka booliska ee ku sugan xarunta gobalka ayaa Caasimada Online u sheegay in todobaad ka hor ay dhacday halis weyn kadib markii ay is qabteen labada ciidan, taas oo sababi gaartay in xarunta lagu dagaalamo. 

Ciidanka la socda duqa magaalada oo ah kuwa aad u hubeysan ayaa u badan kuwa xigtidiisa ah oo ah maleeshiyadii uu haysan jiray markii uu ahaa hoggaamiye kooxeedka, waxaana la sheegay in ay dhowr jeer u hanjabeen ciidanka booliska ee halkaasi ku sugan. 

Labadaan ciidan ayaa isku qabtay marar badan hab maamulka amniga xarunta oo aan saldhigan tan iyo markii la dilay duqii hore ee saraakiil kale.

Cumar Filish ayaa kadib dilkii Allaha u naxariistee Injineer Yariisow ka aamin baxay ciidamada dowladda, wuxuuna wataa ciidan awood badan oo kasoo jeeda beesha Daa’uud ee uu ka dhashay halka ciidankii booliska ay iyagana weli joogaan xarunta.

Ciidamada Filish oo inta badan shaki qaba ayaa la sheegay inay marar badan ku amar taagleeyeen ama si aan wanaagsaneyn ula dhaqmeyn ciidamada booliska, taasi oo ah sababta mar kasta dhalisa xiisadda.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in ilaa hadda aysan jirin cid arrintaan wax ka qabatay islamarkaana ay keeni karto in goobtaasi lagu dagaalamo.

Odowaa oo shaaciyey xiliga ay Muqdisho ka baxayaan ciidamada babaado qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Odowaa, xoghayaha Madasha Xisbiyada Qaran oo sidoo kalena ah mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa wareysi uu siiyey telefishanka Dalsan waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo xasaasiya.

Xildhibaan Odowaa ayaa ugu horeyntii in xaalada dalka iyo qalaalasaha ka taagan uu sabab u yahay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoona sheegay inuu leeyahay mas’uuliyada dadweynaha dhawaan ku barakacay magaalada Muqdisho.

Waxa uu shaaciyey in magaalada Muqdisho aysan ka baxeyn ciidamada kasoo horjeeday muddo kororsigii la laalay, ilaa inta la dhameystirayo wada-hadalo bilow ah oo la iskugu laab-xaarayo saraakiisha iyo ciidamada, taasi oo waqti u baahan, sida uu sheegay.

“Mas’uuliyada qaxa waxaa iskaleh Farmaajo (mas’uuliyada barakaca). Wada-hadal ayaa ka socda mida ciidamada markaa miraheeda hala gaaro, waqti ayey u baahan tahay. Taliyeyaal ciidan ayaa jira oo ciidamadaan ay ishaysteen oo shalay iska soo horjeedee,” ayuu yiri.

Wasiirki hore ee arimaha gudaha DFS ayaa inta uu wareysiga socday ka jawaabay su’aal la xiriirtay inuu Jeneraal Saadaq John u difaacayo beel ahaan?, maadama markii uu kasoo horjeestay Farmaajo uu si weyn ugu muujiyey garab istaag.

“Haa!, ceeb miyaa xildhibaankiisa ayaa ahee, aniga kursiga aan ku fadhiyo beel sow kuma fadhiyo, waxaa ku fadhiyaa 4.5,” ayuu yiri Xildhibaan oo ka jawaabaya su’aasha la xiriirta in Saadaq John ay ku difaacayaan garab qabiil, islamarkaana ugu hiiliyeen kadib markii ay is-qabteen Farmaajo.

Xildhibaan Odowa ayaa ugu dambeyntiina sheegay in qaybaalada uu dib usoo nooleeyay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo uu xusay inuu wada-hadalo masiiri ah u bur-buriyay deegaanka uu kasoo jeedo ee Gedo.

R/W ROOBLE oo uu baxaya safar dibadeed iyo ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee xukuumadda Soomalaiya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu booqasho rasmi ah ku tego boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu casuumaad ka helay.

Wararka ayaa sheegaya inuu ra’iisul wasaaraha uu soo Cumreysanyo maalmaha ka dhiman Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu ra’iisul wasaare Rooble kulamo la qaadan doono madaxda sare ee dalkaas, isla-markaana uu kala hadli doono xiriirka labada dal.

Sacuudiga ayaa dhawaan qaaday xayiraaddii dhinaca socdaalka caalamiga ah, ka gadaal markii uu sameeyey cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

Safarka Rooble ayaa kusoo aadayo, xilli ay u taallo shaqo adag oo ay ugu horreyso qabashada doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka.

Si kastaba safarkani ayaa noqon doono kii sadexaad ee uu ambabaxo Rooble tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’isul-wasaaraha, isagoo horey booqasho ugu tegay Qatar & Kuweyt

Wareysi: Afhayeenka gudiga ciidanka Badbaado Qaran oo ka hadlay qorshahooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddi saraakiil ah oo ay iska dhex magacaabeen ciidamada dhawaan gudaha u soo galay magaalada Muqdisho ee difaacyada ka sameystay xaafado ka tirsan degmooyinka Cabdicasiis, Hodan iyo Howlwadaag, ayaa shuruudo ku xiray inay dib ugu laabtaan xeryahoodii.

Guddigan oo ka kooban sedex Janaraal iyo afar Korneyl ayaa dalbaday in madaxweyne Farmaajo wareejiyo mas’uuliyadda amniga guud ee dalka, maadaama uu mudo xileedkiisii dhamaaday, iyagoo ku eedeeyey inuu iska hor keenay ciidamada qalabka sida ee dalka.

Gaashaanle Diini Rooble Axmed oo ah afhayeenka guddiga ciidamada ka gadooday mudo kororsigii Farmaajo oo u waramay BBC ayaa sheegay inay sii joogi doonaan difaacyada ay ka sameysteen gudaha magaalada Muqdisho, inta xal looga helayo waxyaabihii markii hore ay ka gadoodeen.

“Anagu markasta waxaan ilaalineynaa sareynta sharciga iyo ku dhaqankiisa, Soomaaliya waxaa u degan dastuur ay ku heshiisay, waxaana markii aan aragnay in sharciyadii wadanka la lunsaday go’aansanay inaan badbaadino dowladnimada Soomaaliya, u jeedkeenu waxa uu ahaa hor istaaga mudo kororsiga iyo in lagu soo laabto miiska wadahadalka,” ayuu yiri Afhayeenka guddiga ciidanka Badbaado Qaran Gaashaanle Diini Rooble Axmed.

Sidoo kale Afhayeenka guddigan ayaa ku dooday in Farmaajo ciidanka uu ka dhex abuuray qalalaase, isla markaana ay khasab tahay inuu iska wareejiyo mas’uuliyadda ciidamada Qaranka.

“Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday sidii umaddu rajeyneysay mudo kororsiga ugama uusan hadlin, sida noo muuqatay qeyb waa ka tanaasulay, qeybna weli waa ku dhimantahay. Ammaanka dalka madaxweynuhu kama sii ahaan karo masuul, sababtoo ah waxa uu sababay in ciidankii qalabka siday ee Soomaaliya uu iska hor yimaado, sidaas darteed anagu waan sii joogi doonaa gudaha Muqdisho, inta kala dambeyntii dalka ay dib uga soo noqaneyso,” ayuu hadalkiisa ku sii daray sarkaalkan.

Mar wax laga weydiiyey sababta ay u qaadan waayeen amarkii Ra’iisul wasaaraha ee ahaa inay dib ugu noqdaan xeryahooda ayuu ku jawaabay, “Ra’iisul wasaaraha xil-gaasiinta waan maqlay hadalkiisa, laakiin shalay markii aan soo geleynay magaalada waa uu joogay,  muhiimadeenuna waxay tahay in sababtii aan shalay u soo galnay magaalada ee aheyd inay sharciyadu sareyso ay weli wax ka dhimanyihiin.”

Hoos ka dhageyso wareysiga

Sawirro: Farmaajo oo codsi u gudbiyey cuilmada oo uu kula kulmay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Madaxtooyada kulan afur ah kula qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed.

Farmajaao ayaa culimada kala hadlay “dhibaatooyinka kala duwan ee dib u dhigay dalkeenna” kuwaas oo uu sheegay in looga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada diinta iyo Madaxda dowladda.

Sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay madaxtooyada, Farmaajo yaa culimada ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta iyo toosinta bulshada, dib u heshiisiinta iyo deminta colaadaha, isaga oo ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan taakulaynta dadka danyarta ah iyo kuwa u nugul masiibooyinka dabiiciga ah.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Farmaajo talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday dowlad-wanaagga, ilaalinta ammaanada shacabka iyo xaqiijinta caddaaladda.

Sida lagu sheegay qoraalkan Madaxweyne Farmaajo ayaa culimada ka codsaday in ay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan horumarinta iyo kobcinta wacyiga bulshada, ayna hormuud u noqdaa xasilinta iyo nabadeynta dalka.

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ayaa habeenadaan bilaabay kolamo uu madaxtooyada kula qaadanayo qeybaha kala duwan ee bulshada, isagoo habeen ka hor Villa Somalia ku casuumay madaxda warbaahinta madaxa-banaan.

Xog: Sheekh Shariif oo mar labaad diiday codsi ka yimid wafdiga Qatar ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa mar labaad diiday in uu la kulmo wafdiga dhax dhaxaadinta ee ka socda dalka Qatar, kuwaas oo maalmahan Muqdisho u jooga xal u helidda arrimaha doorashada Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Sheekh Shariif, oo laba habeen ka hor ka cudur daartay kulankii Midowga Musharaxiinta iyo wafdiga Qatar, ay mar kale diiday codsi labaad oo ka yimid wafdiga Qatar oo ahaa  inay si gaar ah ula kulmaam.

Wararka aan helnay ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu sheegay in Soomaaliya ay dambiyo ka galeen dalalka, Itoobiya, Eritrea iyo Qatar, halka Turkiga uu sheegay in taageeradii ay siisay Soomaaliya si qaldan loo adeegsaday. 

Wafdiga Qatar ayaa la sheegay in si weyn ay u daneynayeen kulanka Murashax Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ay u arkaan hoggaamiyaha ugu awoodda badan mucaaradka, sababtoo ah waa guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta, sidoo kalena ciidanka ku sugan Muqdisho ee Badbaado Qaran ayaa badankood ku beel ah.

Xubno ku dhow Shariifka oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay inn madaxweynihii hore uu qabo su’aalo ay ka mid yihiin: Xagee jirtay Qatar afartii sano ee tagtay, markii loo qeylinayey kaalmo dibadeed iyo in wax laga qabto xadgudubyada Villa Somalia ay ku kaceysay?

Qatar xitaa kama hadal markii Muqdisho ay ololeysay toddobaadkii tegay ee ciidamada dowladda ay weerareen aqallada Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur taasi oo dagaal gelisay caasimada. Kama hadal markii Farmaajo iyo Mursal ay sameysteen laba sano oo muddo kororsi sharci-darro ah, markaasi oo beesha caalamka oo idil ay soo saareen qoraallo ay ku diideen. 

Qarax ka dhacay xuduudda dalalka Soomaaliya iyo Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray, kadib qarax ka dhacay xadka ay wadaagaan wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen dadkaasi oo ahaa qandaraasleyaal dhisayey darbiga ay Kenya ka sameyneyso xuduuda ay wadaagaan dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya oo ka hadlay qaraxaasi ayaa ku eedeeyey inay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab oo weeraro culus ka fulisa gudaha dalkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortegi doonaan weerarada khasaaraha geysta ee ka dhaca deegaanada u dhow xadka Soomaaliya

Weerarkan qaraxa ah ayaa si gaar ah uga dhacay gobolka Xeebta ee Laamu, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska oo baaritaano ka sameeyey halkaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha dalka Kenya, iyaga oo beegsada ciidamada dalkaas iyo gawaarida dadweynaha.

Magacyada saraakiisha loo doortay inay hoggaamiyaan ciidamada Badbaado Qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Badbaado Qaran, kuwaas oo diidanaa muddo korarsigii laga laabtay ee Golaha Shacabka u sameeyeen hay’adaha dowladda. 

Saraakiishaan ayaa iska dhax doortay ama magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo isugu jira qeybaha ciidamada, kuwaas oo iska dhax doortay guddoomiye, ku-xigeen iyo afhayeen. 

Guddoomiyaha guddiga ayaa loo doortay Janaraal Cali Cosoble Caraay (Gacma-dule), halka ku xigeenna loo doortay Janaraal Indha Cade, ayada oo afhayeenka oo loo doortay Gaashaanle Diini Rooble Axmed.

Guddigaan ayaa la baxay magaca Ciidanka Badbaado Qaran waxaana ku jira rag khuburro ah. Xubnaha ku jira waxaa ka mid ah Jeneral Cabdimaalik Ismaaciil, taliyihii hore ee ciidamada Danab, Korneyl Saney Cabdulle, Korneyl Cusmaan Xaadoole iyo Jeneral Saadaq John.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in guddigaan ay la kulmi doonaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble islamarkaana ay kala hadli doonaan go’aanna ay xalay ku gaareen Muqdisho. 

Go’aannada ay gaareen ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin qorshayaasha looga baxayo Muqdisho islamarkaana loogu laaban lahaa goobaha ay ka yimaadeen ama furumaha ay ka soo baxeen. RW Rooble ayaa wada dedaalo uu xal ugu raadinayo xaalada Muqdisho oo wali ah jawi ciidan.

Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, saraakiisha ayaa sidoo kale isku raacay inaysan ka bixin goobaha ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho illaa ra’iisul wasaare Rooble uu ka qaado tallaabo muujineysa in lagu kalsoonaan karo, waxayna ka dalbadeen inuu beddelo taliyayaasha ciidamada dowladda ee ku lugta lahaa dagaalkii lagu soo qaaday musharaxiinta madaxweyne 25-kii April.

Waxay sheegeen in kahor inta aanay ciidanka ka saarin caasimadda ay muhiim tahay in la hubiyo in ra’iisul wasaare Rooble uu daacad ka yahay dadaallada uu wado iyo inuu yahay nin fulinaya aragti uu Farmaajo usoo dhiibay oo gadaal laga maamulayo, taasi oo looga aargudanayo ciidankii ka hor-yimid muddo kororsiga.

Xuseen Warsame: Xaq ma aha in la yiraahdo Farmaajo madaxtooyada ha ka guuro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wajahaya cadaadisyo hor leh, oo ku aadan inuu baneeyo xarunta looga taliyo dalka ee Villa Somalia, xili ay dhamaatay muddo xileedkiisa sharciga ah.

Xiisada doorashada ee ka dhanka ah Farmaajo ayaa kasii dartay kadib markii uu Golaha Shacabka meel-mariyay muddo kordhin sharci darro ah, kaasi oo markii dambe uu laalay horaantii toddobaadkan.

Farmaajo ayaa sidoo kale loo jeedinayay inuu ka guuro Villa Somalia, kaddib qalalaasihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee ka dhashay muddo kordhinta, inkasta oo ay xiisaddu hadda qabowday waxaa haddana wali Muqdisho aan laga saarin ciidamadii difaacyada ka sameystay xaafadaha qaarkood.

Haddaba, xiligaan ma tahay in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu baneeyo Villa Somalia, sida ay dalbanayaan musharaxiinta mucaaridka.

Prof. Xuseen Warsame oo bare ka ah Jaamacadda Calgery ee dalka Canada, ayaa wareysi uu siiyay idaacada VOA-da waxa uu ku sheegay inaysan muuqan xiligan arrin kalifeysa in uu madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu ka guuro Madaxtooyada.

Professor-ka ayaa is-barbar-dhig ku sameeyay waqtiyadii ay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif xilka hayaan, kuwaasi oo ayaga oo muddo xileedkooda uu dhamaaday kusii jirey Madaxtooyada, markaasna aan xaq loogu laheyn Farmaajo inuu asagana xiligaan baneeyo.

“Xaq uma laha (in la dhaho ka guur Villa Somalia), waxaa lagu sababeynayaa in madaxweynaha uu waqtigiisu ka dhamaaday, laakiin maaha markii u horeysay taariikhdeena ee madaxweyne waqtigiisu ka dhamaaday uu sii joogo Villa Somalia,” ayuu yiri.

“Markaa sanad iyo bar ayey u kordheen Sheekh Shariif, laftigiisa Xasan Sheekh waqti baa u kordhey inkasta oo uusan badneyn, waxayna sii joogeen Madaxtooyada, markaas meesha wey ka baxeysa arrintii ka bax aheyd, waayo wuxuu lamid yahay madaxweynayaashii hore”

Professor-ka ayaa ugu dambeyntiina soo dhaweeyay in Rooble uu la wareego arrimaha doorashooyinka iyo amnigeeda, taasi oo uu dhawaan ku wareejiyay madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, kadib markii ay socon weysay muddo kordhintii loo sameeyay.

Hoos ka dhageyso codka Xuseen Warsame.

Rooble oo guddi ay ku jiraan mucaaradka u magacaabay xiisadda ka jirta Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isul wasaaraha xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga ka kooban 11 Xubnood oo kasoo talo bixiyo sidii xal looga gaari lahaa Khala-laasihii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

Rooble ayaa sheegay inuu Guddigaan magacaabay markii uu arkay qodobka 99-aad farqadiisa A,B iyo F ee Dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, Qodobka 100-aad Farqadiisa A iyo B ee dastuurka iyo baaqii Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in Rooble uu la wareego Mas’uuliyadda Doorashada iyo Amniga.

Guddiga la magacaabay ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Amniga Xukuumadda Xil-gaarsiinta Xasan Xundubey, waxaase ku jira xildhibaano iyo xubno ka tirsan mucaaradka

Guddiga ayaa wuxuu ka kooban yahay xubno ka tirsan Xildhibaanada Labada Aqal ee mucaaradka ah iyo kuwa taageersan Dowladda Soomaaliya, Sidoo kalana waxaa kasoo muuqday Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.

Ra’isul wasaare Rooble ayaa guddigaan u xil saaray:

1- Xallinta caqabadaha saameeyey Ciidanka ee ka dhalatay Arrimaha Siyaasadda
2- Dib u celinta ciidamada kasoo baxay furumaha ee soo galay Magaalada Muqdisho
3- Baabi’inta calaamadihii ka dhashay shaqaaqadii ka dhacay Muqdisho.

Rooble ayaa guddigaan faray inay muddo shan maalmood ah kusoo gaba gabeeyaan xal ka gaarista khilaafka ciidamada iyo xiisadda ka jirto Muqdisho.

Shaqada Guddigaan ayaa waxay ka bilaabatay maanta oo ay tariikhda tahay 4 Bisha May 2021.

Magacyada Guddiga la magacabay

  1. Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Guddoomioye
  2. Wasiirka Arrimaha Gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax   Xubin
  3. Wasiirka Gaanshaandhigga Xasan Xuseen Xaaji    Xubin
  4. Mudane Cabdi Sheekh Axmed Rooble Xubin
  5. Wasiiru Dowlaha Amniga Farxaan Cali Axmed Xubin
  6. Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaalla   Xubin
  7. Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid   Xubin
  8. Senator Dhagey Geelle Ugaas  Xubin
  9. Senator Cabdi Aaden Dhuxulow (Dhagdheer)   Xubin
  10. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur  Xubin
  11. Xildhibaan Mahad Salad  Xubin

 

Sawirro: Axmed Madoobe oo maanta saraakiil Mareykan ah kula kulmay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay sarakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ka howlagala Soomaaliya, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo, waxaana Madaxweyne Axmed Madoobe ku wehliyay laba sarkaal oo kala ah S/Guuto Maxamed Cabdi Sheekh oo ah Taliyaha guud ee ciidamada Jubbaland iyo ku xigeenkiisa G/Sare Maxamed Guuleed Xasan.

“Kulankaan waxaa lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo iskaashi buuuxa laga samaynayo sidii loo dardar galin lahaa howlgallada ka dhanka ah Argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka ay baahisay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland.

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM qeybtiisa Soomaaliya ayaa inta badan duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka geysta deegaanada Jubbaland oo kooxdu ay ku xoogantahay.

Dhawaan dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya kala baxday inta badan ciidamadii ka joogay, balse waxay horay u shaacisay in aysan joogsa doonin duqeymaha iyo weerarrada ay ku beegsaneyso ururka Al-Shabaab, iyagoo gacan siinaya ciidamada xoogga Soomaaliya.

Maxay kulankii caawa uga wada-hadleen Sheekh Shariif iyo Cumar Filish? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa hooygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ahna guddoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxayna ka wadahadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadda ka dhalatay mudo kororsiga ee ka taagan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qoraal uu kulankaas ka baahiyey maamulka gobolka ayaa lagu yiri, “Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magalaada muqdisho Mundane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa lakulmay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta Mudane Shariif Sheikh Axmed iyagoo kawada hadlay arrimaha doorashooyinka amniga Caasimada iyo qaboojinta Xasaradaha ka soo Cusbooday Arrimaha doorashooyinka Dalka.”

Tan iyo markii degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ay isku fara saareen ciidamo kala taabacsan mucaaradka oo ka soo korjeeda mudo kororsigii Farmaajo iyo golaha shacabka iyo kuwa difaacaya madaxda waqtigu ka dhamaaday, waxaa bilaawday kulamo xal loogu raadinayo raadadka ay reebeen rabshadihii dhacay.

Inta badan dadaallada xal raadinta ah mudooyinkii dambe waxaa waday xukuumadda, hase yeeshee hadda waxay u muuqataa inuu ku soo biiray maamulka gobolka Banaadir, oo horay mas’uuliyiinta ugu sareysa ay mucaaradka weerarro afka ah ugu qaadeen.

Guddoomiye Cumar Filish iyo ku xigeenkiisa dhanka amniga Cali Yare ayaa dhowr mar hadallo xanaf leh ku tuuray mucaaradka, iyagoo ku raali gelinaya Farmaajo, balse hadda waxay u muuqataa inay fahmeen xaqiiqada, isla markaana ay ka qeyb qaadanayaan xal u raadinta xiisadda todobaadyadaan ka taageyd magaaladaan ay masuulka ka yihiin ee Muqdisho.

Degmooyinka Howlwadaag, Hodan, Cabdicasiis iyo Yaaqshiid ayey ciidamada ka soo hor jeestay mudo kororsiga ee Badbaado Qaran difaacyo ka sameysteen, iyagoo ku goodiyey in aysan ku laaban doonin xeryahoodii ilaa Farmaajo uu ka wareejinayo mas’uuliyadda ciidamada Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay wasiir cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif u magacaabay Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, xilkaasi oo uu hore iskaga diiday Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.

Wasiirka cusub, ayaa waxa uu hore usoo noqday Wasiirkii wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha, sidoo kalena waxa uu noqday Ra’iisul-wasaare kuxigeen xilligii xukuumaddii Badbaado Qaran.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa haawaneysa tan iyo markii uu Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada loo soo badalay uu ku gacan seyray booskaas, kadib markii ay arrin hor leh isku khilaafeen Oomaar iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.

Caasimada Online oo dabagal ku sameysay sababta ka dambeysay xil wareejintii lagu sameeyey Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ogaatay inay arrintaas timid kadib markii uu Farmaajo ku amray Oomaar inuu qoro warqad siyaasiyiinta mucaaradka looga mamnuucayo inay ka dhoofaan kana soo dagaan Garoonka Aadan Cadde International, warqadaasna uu u diro Maareeyaha Garoonka.

Sida ay xiligaas xogta ku heshay Caasimada Online, Wasiir Oomaar ayaa dalabka Farmaajo iska diiday isagoo taas sabab u dhigay in dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah, islamarkaana ay beesha Caalamka isha ku heyso xaaladaha dalka, sidoo kalana uusan u bareeri karin in caburin noocaan ah dalka la geliyo.

Khikaafkaas oo xiligaas taagna ayaa Wasiir Oomaar wuxuu u dhoofay dalka Sacuudi Carabiya arrimo dhanka qoyskiisa ah, waxaana maalmo kadib soo baxday in xilkii laga wareejiyey, loona beddelay xil kale, kaasi oo uu iska diiday.