24.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 14, 2026

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay wasiir cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif u magacaabay Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, xilkaasi oo uu hore iskaga diiday Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.

Wasiirka cusub, ayaa waxa uu hore usoo noqday Wasiirkii wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha, sidoo kalena waxa uu noqday Ra’iisul-wasaare kuxigeen xilligii xukuumaddii Badbaado Qaran.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa haawaneysa tan iyo markii uu Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada loo soo badalay uu ku gacan seyray booskaas, kadib markii ay arrin hor leh isku khilaafeen Oomaar iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.

Caasimada Online oo dabagal ku sameysay sababta ka dambeysay xil wareejintii lagu sameeyey Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ogaatay inay arrintaas timid kadib markii uu Farmaajo ku amray Oomaar inuu qoro warqad siyaasiyiinta mucaaradka looga mamnuucayo inay ka dhoofaan kana soo dagaan Garoonka Aadan Cadde International, warqadaasna uu u diro Maareeyaha Garoonka.

Sida ay xiligaas xogta ku heshay Caasimada Online, Wasiir Oomaar ayaa dalabka Farmaajo iska diiday isagoo taas sabab u dhigay in dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah, islamarkaana ay beesha Caalamka isha ku heyso xaaladaha dalka, sidoo kalana uusan u bareeri karin in caburin noocaan ah dalka la geliyo.

Khikaafkaas oo xiligaas taagna ayaa Wasiir Oomaar wuxuu u dhoofay dalka Sacuudi Carabiya arrimo dhanka qoyskiisa ah, waxaana maalmo kadib soo baxday in xilkii laga wareejiyey, loona beddelay xil kale, kaasi oo uu iska diiday.

Mareykanka oo ballan-qaad cusub u sameeyey DF

0

Muqdisho ( Caasimada Online) –  Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay xoojineyso taageerada ay siiso Soomaaliya, iyada oo ballan qaad horleh u sameysay dowladda federaalka Soomaaliya.

Waaxda cadaalada Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay Soomaaliya ka caawineyso nidaamka Garsoorka, si loo helo garsoor’ si u hufan ugu shaqeeyo dadka Soomaaliyeed.

Mareykanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in sare loo qaado adeegga garsoorka ee dalka, maadaama aysan shacabka Soomaaliyeed waqti dheer helin garsoor iyo cadaalad la’isku haleen karo.

Mareykanka wuxuu ka caawinayaa Soomaaliya in ay ka dhigto nidaamkeeda garsoor mid wax ku ool ah oo loogu adeego shacabka Soomaaliyeed oo waqti dheer aan helin garsoor la isku halayn karo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay waaxda cadaaladda ee wadanka Mareykanka.

Sidoo kale waaxda cadaalada Mareykanka ayaa tilmaamtay inay xooga saari doonto sidii loo mideyn lahaa dhammaan hay’adaha garsoorka dalka, gaar ahaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ka jira Soomaaliya.

“Sidii loo mideyn lahaa ku dhaqanka shuruucda ee hay’addaha garsoorka hoostaga Dowladda Faderaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka”, ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Si kastaba Mareykanka ayaa horey Soomaaliya uga taageerayey dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada iyo sidoo kale ammaanka  dalka.

CC Sharmaake oo ROOBLE usoo jeediyey talo la xiriirta taliyeyaasha ciidamada DF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke horeyna usoo noqday Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay sida uu Ra’isul wasaare Rooble ugu guuleysan karo inuu dalka ka qabto doorasho xalaal ah laguna wada qanacsan yahay.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in guul uu Rooble ka gaaro doorashada dalka ay ku xiran tahay in marka hore dib u habeyn lagu sameeyo madaxda Hay’adaha Amniga Waddanka maadaama uu shaki soo kala dhex galay Saraakiisha iyo Taliyeyaashaa Ciidamada kadib dagaalki ka dhacay Muqdisho.

Sharma’arke oo ka tirsan Aqalka Sare waligiisna aan kasoo qeyb gelin kulamadii uu afartii sano ee lasoo dhaafay yeeshay golaha u ka midka yahay ayaa xusay in Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble uu u baahan yahay jawi xasiloon si uu ugu guuleysto waajibaadka culus ee loo igmaday.

“Kala qeybsanaanta ka dhex jirta Ciidamada Amniga ayaa wiiqi karta wadahadallada socda ee doorashada. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu mudan yahay jawi deggan si uu ugu guuleysto wadaxaajoodyadda loona maareeyo geeddisocodka doorashooyinka. Xaaladdaan ayaa si deg deg ah loogu baahan yahay dib u habeyn hoggaanka hay’adaha amniga ah si loo mideeyo loona tayeeyo ciidamada,” ayuu  yiri Sharmaake oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ayaa rumeysan in Rooble uusan wali u madax-banaaneyn go’aanadda qaar, waxaana ay ku booriyeen in si loo uu u helo kalsooni buuxda uu u baahan yahay isbedel uu ku sameeyay hay’adaha ammaanka oo ku milmay siyaasada.

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku wareejiyay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble in uu hogaamiyo geedi-socodka doorashooyinka iyo qorshaha guud ee ammaanka qaranka inkastoo arrintaas laga muujiyey shaki.

Weli waxaa shaqeyn la’ amarkii Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ahaa in ciidamada ay ka baxaan Muqdisho kuna laabtaan xeryahooda, waxayna weli labada dhinac isku hor fadhiyaan goobihii ay horey ugu dagaalameyn inkastoo magaalada Muqdisho ay dagan tahay maalmihii ugu dambeeyey.

Xog: Saraakiisha ciidamadii diiday muddo kororsiga oo go’aano cusub soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Badbaado Qaran ee ka dhashay muddo kororsigii dowladda ayaa shalay ku shiray magaalada Muqdisho waxayna soo saareen dhowr qodob oo muhiim, sida aan xogta ku helnay

Saraakiisha oo ay ka mid yihiin Indha-Cadde, Saney Cabdulle, Saadaq John, Cabdimaalik Ismaaciil iyo Cusmaan Xaadoole ayaa isku raacay in la dhowro amniga magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobaha ay kaga sugan yihiin lana xaqiijiyo inaysan ka dhicin xabad, iyo wax kasta oo shacabka dhibaato u gaysan kara.

Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, saraakiisha ayaa sidoo kale isku raacay inaysan ka bixin goobaha ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho illaa ra’iisul wasaare Rooble uu ka qaado tallaabo muujineysa in lagu kalsoonaan karo, waxayna ka dalbadeen inuu beddelo taliyayaasha ciidamada dowladda ee ku lugta lahaa dagaalkii lagu soo qaaday musharaxiinta madaxweyne 25-kii April. 

Saraakiisha ayaa sheegay in caqliga saliimka ah uu diidayo in ciidamada militariga ee sharciga ilaalinaya dib loo hoos geeyo taliyayaal ay dagaalameen oo ay cadaawad kala dhaxeyso, kuwaas oo dib u beegsan kara.

Waxay sheegeen in kahor inta aanay ciidanka ka saarin caasimadda ay muhiim tahay in la hubiyo in ra’iisul wasaare Rooble uu daacad ka yahay dadaallada uu wado iyo inuu yahay nin fulinaya aragti uu Farmaajo usoo dhiibay oo gadaal laga maamulayo, taasi oo looga aargudanayo ciidankii ka hor-yimid muddo kororsiga.

“Waxaa tan lagu ogaan karaa in Rooble uu beddelo taliyayaasha ku lugta lahaa dagaalka iyo in kale,” ayaa laga soo xigtay xubno ka tirsan saraakiisha oo shirka ku qeyb galay.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaan weli qaadin wax tallaabo ah oo muujinaya inuu yahay mas’uul ka madax banaan Farmaajo, oo dhex-dhexaad ka ah arrimaha la isku hayo, wuxuuna ka aamusan yahay aargudasho durba lagu billaabay ciidamadii ka horyimid muddo kororsiga

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay amartay in laga joojiyo mushaarka ay qaataan ciidamadii iyo saraakiishii ka midka noqday ciidamada diidan muddo kororsiga, islamarkaana ka qeyb qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho. 

Xogta aan helnay ayaa tilaameysa in amar ka soo baxay Madaxweynaha lagu joojiyay lacagaha ay qaataan ciidanka iyo saraakiisha diidan muddo kororsiga, waxaana sababta lagu sheegay in ay ku biireen mucaaradka. Waxaa sidoo kale la amray in saraakiishan iyo ciidanka laga saaro ciidamada, lana ruqseeyo.

Taliye Xijaar oo soo saaray amar ku socda ciidamada

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Xijaar ayaa soo saaray amar ku socda ciidanka oo muuqda in lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqyadooda iyo howlaha ay qaban karaan.

Taliyaha ayaa faray dhammaan Ciidanka Booliska in ay ku ekaadaan shaqadooda oo ah xaqiijinta amniga muwaadiniinta iyo hantidooda, si fiicanna ay ula dhaqmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Inkasta oo Xijaar uusan si gaar ah u shaacin sababta keentay amarkan cusub, haddana dad xog ogaal ah oo ka tirsan booliska ayaa laga soo xigtay in ujeedka amarkan uu yahay in laga ilaaliyo in ciidanka ay ku milmaan siyaasadda.

Ciidamada booliska, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Haramcad, ayaa horey ugu lug yeeshay weeraro ka dhan ah musharaxiinta mucaaradka iyo dagaallo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Si kastaba, ma cadda saameynta hadalka Xijaar uu ku yeelan karo ciidankan, sababtoo ah, inkasta oo ciidankan ay hoos tagaan booliska, haddana waxaa si toos ah looga amraa madaxtooyada, oo ay fuliyaan amarrada kasoo baxa, ayada oo badankood loo adeegsado ujeedooyin siyaasadeed.

Xubno ku dhow mucaaradka ayaa iyagana aaminsan in amarkan uu yahay ruwaayad siyaasadeed oo saraakiisha ciidanka ay isugu muujinayaan in ciidanka laga reebayo howlo siyaasadeed, si ciidamadii ka dhashay diidmada muddo kororsiga ee ku sugan Muqdisho loogu cadaadiyo inay ka baxaan.

Sababta ay ku sheegeen in amarkan uusan marnaba iman xilligii ay ciidankan ku lug lahaayeen dagaalladii toddobaad kahor ka dhacay Muqdisho ee ka dhashay weeraro lagu qaaday musharaxiin madaxweyne. 

Muxuu Amiirka dalka Qatar xalay kala hadlay Farmaajo?

Doha (Caasimada Online) – Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa xalay khadka taleefonka wada-hadal kula yeeshay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomalaiya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, sida ay shaacisay wakaaladda wararka Qatar ee QNA.

“Intii uu socday wicitaanka, waxay dib u eegeen xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah iyo hababka sare loogu qaadi karo looguna hormarin karo, waxaa taas dheer inay ka wada-hadleen dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee xaaladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka QNA.

Wakaaladda wararka Qatar ma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan wada-hadallada.

Wada-hadallada ayaa imanaya ayada oo uu magaalada Muqdisho ku sugan yahay ergey gaar ah oo ka socda dowladda Qatar oo lagu magacaabo Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani kaasi oo la sheegay inuu dhex-dhexaadinayo dhinacyada Soomaalida.

Al-Qahtani ayaa la kulmay ra’iisul wasaare Rooble, guddoonka labada aqal ee baarlamanka, madaxweyne goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta, hase yeeshee waxaa yaab leh inuusan weli la kulmin Farmaajo.

Ujeedka ergeygan ayaa laga bixiyey fasiraado kala duwan. Taxliiliyayaasha qaar ayaa rumeysan inuu isku dayayo inuu wiiqo oo uu kala qeybiyo mucaaradka dowladda, halka qaar ay qabaan in soo diristiisa ay astaan u tahay in Qatar iyo Farmaajo ay sii kala fogaanayaan, islamarkaana Doha ay isku dayeyso inay saaxiibo cusub ku yeelato Soomaaliya.

Afar askari oo Kenyan ah ‘oo lagu dilay’ Jubbada Hoose

0

Kismaayo ( Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurka Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Kaambooni iyo Buur-Gaabo oo ka wada tirsan gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka uu ku  billowday qarax, islamarkaana uu xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarka ay qaadeen dagaalyahanadeeda ayaa sheegtay inay ku dishay ugu yaraan illaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkaas ay ku gubeèn gaari nooca dagaalka ah oo ay lahaayeen ciidamada Kenya, sida ay hadalka u dhigtay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM, gaar ahaan ciidamada Kenya oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku qaada ciidamada huwanta ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha dalka oo ay weli ku xoogan tahay.

Ergeyga ay soo dirtay Qatar oo la kulmay Mahdi Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar) ayaa qaabilay ergeyga ka socda dowladda Qatar, Dr Mutlaq al-Qahtani, kaas oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo kor u qaadida taageerada Qatar ee Soomaaliya.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka Soomaaliya 2021-ka.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha sida dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo ka caawiso dhinacyo dhowr ah.

Dr Mutlaq al-Qahtani oo maalmhan ku sugnaa Muqdisho ayaa horey ula kulmay madaxda sare dalka, siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah madax goboleedyada dalka.

Si kastaba kulaman ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah, islamarkaana ay Soomaaliya ku jirto xaalad adag oo ka dhalatay is mariwaaga ka taagan doorashada 2021-ka.

Xog: Hadalladii kululaa ee la isku weydaarsaday kulankii xalay ee ergeyga Qatar iyo Midowga Musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaan xog ka helnay waxyaabihii looga wada-hadlay kulankii xalay Hotelka Decale ku dhex-maray midowga musharaxiinta mucaaradka ah iyo Ergeyga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Kulankaas waxaa looga hadlay arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka iyo taageerada dowladda Qatar la garab taagneed Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, waxaana kulankaas musharaxiinta uga qeyb galay Xasan Sheekh Maxamud, Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble, Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Musharaxiinta ayaa u sheegay Mutlaq Al-Qahtani in taageeradii ay dowladda Qatar sida indha la’aanta ah ula garab taagneyd Farmaajo iyo Fahad afartii sano ee lasoo dhaafay lagu dhibaateeyey shacabka Soomaaliyeed, isla markaana dhaawac xoog leh loogu geystay geedi socodkii dhismaha dawladnimada Soomaaliya.

Intii uu socday kulankaas Musharaxiintii waxay kaloo ku eedeeyeen Qatar iyo Turkiga in hubkii iyo gaadiidkii ay ugu deeqeen ciidanka Soomaaliya uu Farmaajo u adeegsaday caburinta shacabka, iyadoo lagu weeraray Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo dadweyne banaanbax banadeed dhigayey.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kulankii xalay ka sheegay in weerarkii gurigiisa lagu qaaday 17-kii December uu si gaar ah ugu tuhmaayo inay Qatar ku lug laheyd, sida ay nagu soo gaartay xogtu.

Musharaxiintu waxay Mutlaq Al-Qahtani u sheegeen in dhaqaalihii dowladda Qatar ay ku taageertay Farmaajo iyo Fahad loo adeegsaday burburinta dawlad goboleedyadii ka dhisnaa dalka, laaluushka baarlamaanka iyo iibsashada saraakiisha sarsare ee ciidanka iyo qandaraas shirkado loobiga Maraykanka lagu siiyey in ay hagaajiyaan xiriirka Farmaajo maamulkii hore ee madaxweyne Trump.

Waxaa loo soo jeediyey in ay shacabka Soomaaliyeed uga cudurdaartaan gaboodfalladii dhacay, isla markaana qaataan tallaabo muuqata oo muujinaysa inay ka xunyihiin taageeradii Farmaajo.

Ergeyga ka socda dowlada Qatar Mutlaq Al-Qahtani ayaa ka dalbaday sida uu xalku ula muuqdo Midowga Musharaxiinta oo loo soo celin karo kalsoonida siyaasiyiinta dhexdooda, waxay Midowga Musharaxiinta si cad ugu sheegeen ergeyga in xalka iyo kalsoonidu ay ku soo laaban karto oo kaliya in Farmaajo kursiga baneeyo, isagana soo baxo Vilada ama uu wareejiyo amniga guud ee dalka, farahana kala baxo arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxay kaloo musharaxiintu la wadaageen Ergeyga in dowladiisu kala shaqeyso Ra’iisul Wasaare Rooble sidii uu u qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo sida ugu dhaqsiyaha badan dalka uga dhacda.

Ergeyga ayaa isagoo is difaacaya dhiniciisa sheegay in dowladiisa Qatar aysan shakhsiyaad taageerin, balse ay taageereen dowladda Soomaaliyeed, waxa uu sheegay inay Farmaajo gaarsiiyeen fariin adag oo ay ka soo wada shaqeeyeen dowladda Maraykanka.

Waxuu kaloo sheegay in uu danaynayo xal u helidda khilaafka Kenya iyo Soomaaliya iyo inuu la kulmi doono Madaxweynaha Kenya si uu u guddoonsiiyo fariin gaar ah uu ka sido Amiirka dalkiisa.

Dawladda Qatar ayaa haatan u muuqata in ay ka guurtay taageeradii Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isla markaana ay baadi-goob ugu jirto xulufaysi siyaasadeed oo hor leh.

Ciidamadii iyo gawaaridii uu la goostay Captan Muumin oo dib loogu soo celiyey DF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, waxaa dib loogu celiyey gacanta Dowladda Soomaaliya ciidamo iyo gawaari uu lasoo goostay Taliye ku xigeenkii ciidanka booliiska gaarka ah ee Haramcad Muumin Ciise Maxamuud oo xalay ku biiray ciidamada la magac baxay Badbaado Qaran.

Arrintaan ayaa ku timid wadahadal dhex maray Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ku sugan Degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu kamid ahaa Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Al-Cadaalla.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada la magac baxay Badbaado Qaran iyo xubnaha ka socday Dowladda Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo ciidamadii iyo gawaaridii uu lasoo goostay Taliye ku-xigeenkii Haramcad Muumin Ciise Maxamuud, taasoo ugu dambeyntii kusoo dhamaatay si guul ah.

Taliye ku xigeenkii ciidanka Haramcad Muumin ayaa ku adkeystay inuusan dib ugu laabaneyn gacanta Dowladda Soomaaliya, wuxuuna isaga si rasmi ah ugu biiray ciidamada diidanaa muddo kordhinta ee gacanta ku hayo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ciidamadii la socday Muumin ayaa cudur daar ka bixiyey tallaabadii ay ku dhaqaaqeen, waxayna sheegeyn inaan lagu war gelin go’aanka soo goosashada islamarkaana ay aheyd wax ku kooban taliye ku xigeenka.

Horay saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya iyo ciidamo ay wataan ayaa ugu biiray ciidanka siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Badbaado Qaran, kuwaas oo aad uga soo hor jeeda mudo kororsigii ay dhawaan sameysteen Farmaajo iyo golaha shacabka ee dib looga noqday.

Waxaa socon waayey qorshihii mudo kororsiga, kadib markii gudaha magaalada Muqdisho ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo si weyn u diidanaa mudo kororsiga.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday waxa uu ogolaaday in dib loogu noqdo heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, waxuuna shaaciyey in amniga iyo guud ahaan arrimaha doorashada uu ku wareejiyey ra’iisul wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble, balse ciidamadii ka gadooday mudo kororsiga weli waxay difaac uga jiraan gudaha magaalada Muqdisho.

Villa Somalia oo jawaab ka bixisay warbixintii uu New York Times ka qoray Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay warbixin xasaasi ah oo uu wargeyska New York Times ka qoray sababta uu madaxweyne Farmaajo isaga dhiibay baasaboorka Mareykanka, iyo inuu hadda ka hor qaatay baasaboorka dalka Canada, islamarkaana uu wajahay baaritaan ay sameysay dowladda Mareykanka.

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa beeniyay in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu haysto dhalashada dalka Canada, isagoona waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha la xiriira in dacwad looga furay Mareykanka.

“Waan akhriyey waxa wargeyska uu qoray. Run ahaantii warar aan sal iyo raad lahayn ayaa ku jira. Madaxweynahu waxa uu haystaa baasaboorka Soomaaliya, hore-na wuxuu u haystay ka Maraykanka, waana kii iska dhiibey madaxweynuhu, si uu shaqadan uu u dhaartay ee madaxtinnimo ee dalka uu si hufan ugu guto. Ma jirto markaa dal kale oo dhalashadiisa uu haysto oo aan ka ahayn Soomaaliya,” ayuu yiri.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Farmaajo uu haysto baasaboorka Soomaaliya oo keliya, xili uu dhawaan shaaciyey New York Times in Farmaajo uu hadda ka hor qaatay baasaboorka dalka Canada, midaasi oo aan hore loo ogeyn.

“Sababta madaxweynuhu u celiyey baasaboorka Mareykanka waa sheeko dheer, faah-faahinteedana aan hore u bixinay, kuma jirto marnaba inuu sababo kale u dhiibay, haba yaraatee madaxweynaha weligii laguma soo oogin wax dacwad ah,” ayuu yiri Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada.

“Madaxweynaha jamhuuriyadda wax dacwada oo xilliyadas kaga socotay Maraykanka ma jirto, weligiina laguma soo eedayn.”

Cabdirashiid ayaa meesha ka saaray in Farmaajo uu door hogaamineed ku lahaa jaaliyada Buffalo, isagoona ku tilmaamay been abuur eedeymaha la xiriira inuu isku dayey inuu xukunka kusii dhegnaado isaga oo wax kala qiyaameynaya.

“Way jirtaa in uu ahaa abaabule aqoonyahan ah, dhanka siyaasaddana uu ku jiray oo xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga, labadana u soo shaqeeyey. Balse marnaba ma dhex gelin (jaaliyadda), guddoonna uma noqon, intii uu halkaa joogay, rag badan baa caan ku ahaa oo la weydiin karaa reer buffalo-na ay yaqaannaan,” ayuu yiri.

Warbixin ay dhawaan baahisay New York Times ayaa shaaca ka qaaday dhacdo ku saabsan nolosha Farmaajo oo ka dhacday magaalada Buffalo ee gobolka New York, oo tusaale u noqon karta hanaankiisa siyaasadeed ee hadda meesha halista ah istaajiyey Soomaaliya.

“Dhowr ka mid ah hoggaamiyayaasha Soomaalida Mareykanka ayaa sheegay in 2007, uu muran xooggan ka dhex qarxay jaaliyadda Soomaalida ee Buffalo ee uu hoggaaminayey Farmaajo. Waxaa dhammaad ahaa laba sano oo Farmaajo loo doortay hoggaanka, hase yeeshee qaar ka mid ah xubnaha Jaaliyadda ayaa ku eedeeyey inuu isku dayey inuu xukunka kusii dhegnaado isaga oo wax kala qiyaameynaya,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Sidoo kale warbixintaas ayaa lagu sheegay in madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday uu dhalashada Mareykanka iska dhiibay, xili ay socdeen baaritaan ay Waaxda Dakhli Uruurinta Mareykanka ee Internal Revenue Service (IRS) ku haysay maaliyaddiisa (lacagihiisa), sida ay sheegeen saddex sarkaal oo reer galbeed ah oo arrintan xog ogaal u ah.

IRS ayaa awood u leh inay baarto lacagaha iyo dhaqaalaha muwaadniinta Mareykanka, haddii lagu tuhmo qaladaad, meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Isaga oo ka tanaasulaya dhalashadiisa Mareykanka, Farmaajo wuxuu ka baxay xeendaabkii ay ku baari kartay IRS. 

Sawirro: Muxuu ergeyga dowladda Qatar kala hadlay Qoor Qoor iyo Guudlaawe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee ka socda dowladda Qatar, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa maanta si gaar-gaar ah magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle.

Dr. Al-Qahtani oo madaxweynayaasha kula kulmay hotelka Decale ee gudaha garoonka Aadan Cadde, ayaa waxa uu kala hadlay khilaafka doorashada iyo is-mari-waaga siyaasadeed ee kal hore isku rogay dagaalka.

Ergeyga ayaa Qoor-Qoor iyo Guudlaawe u bayaamiyey doorka ay Qatar ka qaadaneyso xal u helida qalaalasaha siyaasadeed ee ka dhashay muranka doorashooyinka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Labada madaxweyne oo dhawaan ka horyimid muddo kororsigii uu laalay Golaha Shacabka ayaa waxay hore u taabacsanaayeen madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, wallow ay ku kala aragti fogaadeen muddo kororsiga uu dagaalka ka dhashay.

Kulamadaan ayaa qeyb ka ah kuwo uu Ergeyga gaar ah ee Qatar la qaadanayo madaxda Soomaalida, ayada oo labadii maalin ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho kula shiray ra’iisal wasaaraha, labada guddoon ee baarlamaanka iyo musharraxiinta mucaaridka.

Dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ay bilowday Qatar ayaa kusoo aadaya, xilli lagu wado in dhawaan dib loo bilaabo wada-hadalladii doorashada ee u dhexeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada, kuwaasi marar badan fashilmay.

Farmaajo oo aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Ethiopia + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Farmaajo ayaa sidoo kale danjiraha ka guddoomay fariin iyo salaan uu uga siday madaxweynaha dalka Itoobiya, wuxuuna madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uga warbixiyey Cabdulfataax guulo wax-ku-ool ah oo ay gaartay dowladiisa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

“Danjiraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyey Safiirka guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada dib-u-dhiska ciidammada, adkeynta dowladnimada, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.”

Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa asaguna dhankiisa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka labada dal ee ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam, waxa uuna muujiyey ahmiyadda ay leedahay dhowrista madax-bannaanida dal walba.

Madaxweynaha waqtigiisa uu dhaaamaday ayaa ugu dambeyntiina waxa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka miro-dhalinta iyo xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi, daris wanaag iyo wax-wada-qabsi, iyada oo xoogga la saarayo in kor loo qaado heerka nololeed iyo dhaqaale ee shucuubta Geeska Afrika.

Ma aha markii u horeysay ee madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu waraaqaha danjirenimo ka guddoomo safiir dal kale, xili uu dhamaaday muddo xileedkiisa sharciga ahaa.

Sharciga Soomaaliya ayaa dhigaya in madaxweynaha dalka uu ka guddoomo danjirayaasha dalalka caalamka aqoonsiga safiirnimo si ay u howl-bilaaban, hase yeeshe xiligan Soomaaliya malaha madaxweyne sharci ah, waxaana dhamaaday muddo xileedkii hay’adaha dowladda.

JUBALAND oo caddeysay mowqifkeeda shirka uu R/W ROOBLE iclaamiyey, kana dalbatay qodob xasaasi ah

Kismaayo (Caasimadda Online) – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa shaaca ka qaaday inay ka qeyb gali doonaan shirka uu iclaamiyay rai’sul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo uu 20-ka bishan isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada iyo Gobolka Banadir.

Madaxwayna ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Adan oo BBC la hadlay ayaa ku baaqay in la isu tanaasulo danta shacabka Soomaaliyeedna la eego, islamarkaana raii’sal wasaaraha looga baahan yahay inuu xal u helo arrimihii lagu muransanaa.

“Jubaland way ka qeyb galeysaa shirka uu ra’iisul wasaaraha ku baaqay 20 Bisha, wax kasts oo aan rabnay ee habsami u socodka doorashada lawada ogolyahay waxaan soo saari doonaa miiska wadahadalka,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Adan.

Maxamuud Sayid Adan ayaa Rooble ka codsaday inuu xalka la raadinayo ku daro sidii Gobolka Gedo looga soo saari lahaa ciidamo uu sheegay inay ku milmeyn siyaasadda, sidoo kalena laga wada hadlo afduubkii loo geystay madaxdii Jubaland ee Gobolka Gedo oo uu tilmaamay in si xoog ah Muqdisho looga dajiyey.

“Waxaan kaloo Ra’iisul wasaaraha ku dhiira gelineynaa inuu qorshihii amniga qaranka ee uu isaga hadda hayo ku daro sidii xal loogu heli lahaa ciidamada siyaasadda ku milmay labadii sano ee ugu dambeysay oo ay ka qeyb ka tahay kuwa Gobolka Gedo ee albaabada isugu dhuftay hey’adihii dastuuriga laguna daro waajibaadka guddiga shaqada ka wado Muqdisho,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Mar wax laga waydiiyey inay Jubaland shuruud ku xireyso ka qeybgalka shirka uu iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble ayuu sheegay inaysan wax shuruud ah ku xiri doonin balse wuxuu tilmaamay inay jiraan caqabado dhowr ah oo muddo hortaagnaa inuu hirgalo heshiiskii 17 September taasna looga wada hadli doono miiska wada-hadalka, isagoo rajo ka muujiyey in xal kama dambeys ah la gaari doono.

Ugu dambeyntii Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo la waydiiyey in madaxweyne Axmed Madoobe uu Muqdisho la tagi doono ciidamadii uu markii hore la tagi jiray iyo haddii uu hadda ku kalsoonaan doono ra’iisul wasaare Rooble ayaa uga jawaabay in ilaalinta qofka Mas’uulka ah aysan ku xirneyn amni iyo amni darro balse ay iyaga ay ka go’an tahay inay tagaan shirka.

Dhinaca kale, Wasiiru dowladaha madaxtooyada Maamul Goboleedka Jubaland Xirsi Jaamac Gani ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xirgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble looga baahan yahay inuu xilalka ka qaado taliyayaasha ciidamada si dalka uu u aado doorasho lagu kalsoonaan karo.

Xirsi Jaamac oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa tilmaamay in Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble looga baahan yahay inuu adeegsado awoodiisa dastuuriga ah oo ay qeyb ka tahay inuu xilalka ka qado taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

“Sida ku cad qodobka 99-aad ee dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya waxaa  ku jira xuquuqda RW iyo laantiisa fulinta inay dalacsiiyaan ama shaqada ka eryaan taliyayaasha ciidamada. Waxaan kula talinayaa Ra’iisul Wasaare rooble  inay tahay inuu adeegsado awoodiisa si uu faa iidada ugu helo mideynta ciidamada,” ayuu yiri Xersi Gaani.

Midowga Yurub oo qoraal kulul kasoo saaray ciidanka weli ku sugan MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa maanta dalbaday in ciidamada militariga laga saaro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayada oo xiisaddii magaalada ka taagneyd ay yara qabowday.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “In militariga laga saaro Muqdisho waa muhiimadda koowaad ee iminka. Dadka doonaya inay cayaaraan kaalin wanaagsan oo ku aadan doorashada waa inay ra’iisul wasaare Rooble ka taageeraan shaqadan muhiimka ah.”

“In Muqdisho lagu kala qeybiyo maleeshiyo ama ciidamo amni oo leh talis ka baxsan qadka talis guud ma caawineyso shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku wada sugan ciidamada dowladda iyo ciidamo kale oo dowladda ka tirsan balse ka horyimid muddo kororsiga madaxweyne Farmaajo iyo golaha shacabka ee laga laabtay Sabtidii, waxaana ra’iisul wasaare Rooble uu dalbaday in ciidamaas ay ka baxaan Muqdisho.

Hase yeeshee, ciidanka diidan muddo kororsiga oo hadda u muuqda inay toos ugu biireen ciidamada Midowga Musharaxiinta, ayaa waxaa kusii biiraya ciidamo hor leh oo kasoo goosanaya dhanka dowladda.

Taliye ku xigeenkii ciidanka booliiska gaarka ah ee Haramcad Muumin Ciise Maxamuud iyo ciidamo uu hoggaaminayo ayaa shalay ka goostay dowladda federaalka, iyagoo ku biiray ciidanka taabacsan mucaaradka ee la baxay Badbaado Qaran.

Arrintan ayaa aad uga carreysiisay dowladda oo xalay u digtay siyaasiyiin ay sheegtay inay Muqdisho ka wadaan kala-qeybinta iyo burburinta ciidamada.

Mucaaradka ayaa sheegay in weli aysan jirin wax la taaban karo oo ra’iisul wasaare uu sameeyey si loo aamino, sidaas darteed ay ciidankooda joogayaan Muqdisho illaa dalka uu doorasho ka aado, sababtoo ah ciidamo uu soo iro Farmaajo oo dhowr jeer weeraray qaar ka mid ah musharaxiinta, ayaga oo aan haysan difaac badan.

KOOX hubeysan oo maanta dil ka geysatay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dilka saaka ka dhacay isgoyska Carwo Itko ee magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay qof shacab ahaa oo watay gaari nooca raaxada ah, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen kooxo hubeysan oo rasaas huwiyey gaariga uu watay marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Cimraan Nuur Geedi.

Wararka ayaa sheegaya in markii hore uu dhaawac halis ah soo gaaray Cimraan, balse uu markii dambe u geeriyooday dhiig-bax, sida ay innoo sheegeen goobjoogayaashu.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inay goobta isaga baxsadeen raggii ka dambeeyey falkaasi dilka ah, waxaana meesha teegay ciidan ka tirsan kuwa amniga.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee loo toogtay ninkaasi shacabka ahaa, balse meydkiisa ayaa waxaa loo soo qaaday CID-da, si loogu sameeyo baariraano dheeri ah.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi iyo howl-gallada xigay ee ay sameeyeen ciidamada Booliiska.

Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo isugu jiro dagaallo, dilal qorsheysan iyo qaraxyo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Sababta uusan Shariif ula kulmin iyo shakiga laga qabo qorshaha ergeyga QATAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaar ah oo ay dowladda Qatar soo dirtay Dr. Mutlaq bin Majed al-Qahtani ayaa xalay Muqdisho kula kulmay xubno ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta, kadib markii uu shalay la shiray mas’uuliyiinya dowladda federaalka.

Hase yeeshee, warka ugu weyn ee safarka wafdiga ayaa noqon kulamadii dhacay balse waa kulanka aan dhicin, ee ah kan wafdiga Qatar iyo Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed. Maxaa keenay in Shariif oo ah hoggaamiyaha ugu sarreeya Midowga Musharaxiinta uu diido la-kulanka wafdiga Qatar?

Marka aad eegto sooyaalka Qatar ee Soomaaliya, gaar ahaan afartii sano ee ugu dambeeyey, Qatar ma sameysan xitaa hal shey oo Shariif uu ku ixtiraami karo, kulana kulmi karo ergeyga ay soo dirtay. Waxaa sidoo kale kale is-weydiin mudan, oo tuhun weyn abuuraya sababta xilligan kusoo beegtay ergeyga ay soo dirtay Qatar. 

Safarka ergeygan ayaa kusoo aaday xilli ururka Midowga Afrika uu doonayo inuu ergey gaar ah usoo diro Soomaaliya, sidoo kalena ururkaas uu qaatay siyaasad aad uga carreysiisay xulafada Qatar ee Villa Somalia, kadib markii uu si xooggan u cambaareeyey muddo kororsigii sharci-darrada ahaa ee madaxweyne Farmaajo. 

Xubno ka tirsan mucaaradka ayaa qaba in deg degta lagu soo diray ergeygan laga leeyahay laba ujeedo oo kala ah; 1- in la wiiqo qorshaha dhex-dhexaadinta Midowga Afrika iyo 2- In la qaboojiyo carcarta mucaaradka oo taageero shacab iyo mid ciidan ku jebiyey dowladda federaalka toddobaadkii tegay.

Dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya ku habsatay afartii sano ee lasoo dhaafay waxay aheyd Qatar, oo xulufo weyn u aheyd Farmaajo. Waxay lacag sharci-darro ah oo ka baxsan nidaamka maaliyadda dalka ku taageereysay Farmaajo, taasi oo loo adeegsaday in lagu caburiyo, lagu weeraro laguna wiiqo siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda iyo suxufiyiinta. Waxaa loo adeegsaday in lagu iibsado xildhibaanada baarlamanka, iyo cid kasta oo loo arko in hadalkeedu saameyn leeyahay oo mushahar laaluush ah oo bille ah loogu qoray. 

Maxay tahay marka xalka ay Qatar raadineyso inay Soomaalida dhex dhigto, mise waxay weji ka sameysaneysa mucaaradka, si lacalla haddii Farmaajo soo noqon waayey aysan ugu soo dhicin meel eber ah.

Xubno ku dhow Shariifka oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay inn madaxweynihii hore uu qabo su’aalo ay ka mid yihiin: Xagee jirtay Qatar afartii sano ee tagtay, markii loo qeylinayey kaalmo dibadeed iyo in wax laga qabto xadgudubyada Villa Somalia ay ku kaceysay?

Qatar xitaa kama hadal markii Muqdisho ay ololeysay toddobaadkii tegay ee ciidamada dowladda ay weerareen aqallada Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur taasi oo dagaal gelisay caasimada. Kama hadal markii Farmaajo iyo Mursal ay sameysteen laba sano oo muddo kororsi sharci-darro ah, markaasi oo beesha caalamka oo idil ay soo saareen qoraallo ay ku diideen. 

Waxaa cad oo dood aysan ka taagneyn in Qatar ay la jirto dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, lana jirtay muddo afar sano, ayna aheyd shidaalka hurinayey dhibka ka jira dalka.

Qatar weligeed ma taageerin Soomaaliya iyo shacabkeeda ee waxay taageereysay shaqsi ka shaqeeya danaheeda. Haddii aad dooneyso inaan ogaato sida ay u egtahay taageerada Soomaaliya iyo shacabkeeda waxaad eegta Turkish-ka. Maxay Qatar u qabatay Soomaaliya oo muuqda?

Waxa hadda kaliya la rajeyn karo ayaa ah in Qatar ay garowsatay qaladkeeda oo ay dhab ka tahay inay dooneyso xal, hase yeeshee diiwaankeeda taariikhda ma muujinayo rajadaas.

Warbixin: Caqabadaha uu durba wajahayo ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Sabtidii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hoggaanka doorashada iyo tan amniga doorashooyinka ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa durba waxaa soo baxaya culeysyo ka hor imaanaya Rooble. 

Caqabada ugu weyn ee uu wajihi karo Rooble islamarkaana uu durba billawday qeyla dhaantooda ayaa ah wareejinta ammaanka guud ee dalka oo aan wali laga heynin Farmaajo. 

Mucaaradka iyo maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa qaba in Madaxweyne Farmaajo uu wareejiyo ammaanka guud ee dalka, taasoo haddii aysan dhicin imaan doonin kalsooni amni, sababtoo ah waxaa weli ciidanka hoggaamiya taliyayaal isaga ka amar qaata, mana jirto awood uu Rooble leeyahay marka laga soo tago magac un, sida ay qabaan dhinacyadaas.

Midowga Musharaxiinta iyo Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa Rooble ku cadaadinaya in uu la soo wareego ammaanka guud ee dalka, si xilka looga qaado taliyaasha ciidamada booliska, Milateriga iyo nabad sugidda oo lagu eedeeyay in ay wax ka abaabuleen dagaallo iyo weeraro ka dhacay Muqdisho. 

“Maadaama ay ciidammadii qaranka ku kala qeybsameen diidmada iyo difaaca muddo kororsiga sharci-darrida ah, Goluhu wuxuu soo jeedinayaa si dib loogu mideeyo ciidanka in xukuumaddu magacawdo hoggaan mideyn kara ciidanka, abuuri karana kalsooni dhexdooda ah. Golaha wuxuu ka digayaa in ciidanka diiday muddo kordhinta laga aarguto, xuquuqooda la duudsiiyo ama uu maamulka amniga faraha la soo galo, si muuqata ama si dadban, Madaxweynihii hore iyo xulafadiisa. Goluhu wuxuu ku boorrinaayaa Rai’isal Wasaare Roble in uu qaado tallaabooyin muujinaya in uu amniga dalka u madaxbannaan yahay, si uu u kasbado kalsoonida ciidanka, siyaasiyiinta, shacabka iyo beesha caalamkaba,” ayaa sidoo kale lagu yiri war-murtiyeed shalay kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta

Dad badan ayaa qaba in Farmaajo uusan weli si rasmi ah u wareejin awoodda maamulka ciidamada, marka laga reebo afka un.

“Haddii weli Fahad, Kulane, Xijaar, Qaroole, Biixi iyo Odowaa ay ka amar qaadanayaan Farmaajo maxay tahay amniga uu Rooble la wareegay ee gacantiisa ku jira, yaan lagu ciyaarin caqliyaddeena,” waxaa sidaas yiri mid ka mid ah mucaaradka oo la hadlay Caasimada Online.

“Sidee Rooble ku maamuli amaanka doorashada marba haddii aysan hoos imaanin taliyaasha ciidamada qaranka.?”

Xog: DF oo aargudasho ku billowday ciidamadii diiday muddo kororsiga Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay amartay in laga joojiyo mushaarka ay qaataan ciidamadii iyo saraakiishii ka tirsanaa ciidamada Soomaaliya, ee ka midka noqday ciidamada diidan muddo kororsiga, islamarkaana ka qeyb qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho. 

Xogta aan helnay ayaa tilaameysa in amar ka soo baxay Madaxweynaha lagu joojiyay lacagaha ay qaataan ciidanka iyo saraakiisha diidan muddo kororsiga, waxaana sababta lagu sheegay in ay ku biireen mucaaradka. Waxaa sidoo kale la amray in saraakiishan iyo ciidanka laga saaro ciidamada, lana ruqseeyo.

Boqolaal ka mid ah ciidamada dowladda ayaa ka soo baxay furumaha dagaalka, kuwaasoo ku sugan Waqooyiga iyo Koonfurta Muqdisho. 

Ciidamada ayaa isugu jira laba nuuc oo kala ah ciidamo maleeshiyaad ah oo taabacsan mucaaradka iyo ciidamo isugu jira Militeri iyo boolis oo ka gadooday muddo korarsigii ay Sabtidii ka laabteen Golaha Shacabka ee baarlamanka.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa shalay qoraal ay soo saareen uga digay in laga aarguto ciidamada muddo kororsiga sameeyey.

“Golaha wuxuu ka digayaa in ciidanka diiday muddo kordhinta laga aarguto, xuquuqooda la duudsiiyo ama uu maamulka amniga faraha la soo galo, si muuqata ama si dadban, Madaxweynihii hore iyo xulafadiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka

Inkastoo amarkaan uu ka soo baxay Farmaajo, haddana ma cadda waxa uu ka yeeli doono ra’iisul wasaare Rooble, waxayna tani tusaale u noqon doonta sida uu Rooble u maareeyo xaaladdan cakiran iyo awoodda uu u leeyahay inuu ka horyimaado

Daawo: Xaaji Muuse Suudi oo wacad ku maray arrin aysan Farmaajo ka aqbali doonin

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa Madaxweyne Farmaajo ka dalbaday inuu ka baxo madaxtooyada oo guri u gaar ah uu Muqdisho ka dego, isagoo sheegay in wax xil wareejin ah aan laga rabin, isla markaana uusan mudneyn.

Muuse Suudi ayaa sheegay inaysan ka aqbali dooni Farmaajo inuu iska sii degenaado Villa Somalia, oo ay ka baxeen madaxweynayaal isaga ka fiican oo kala ah Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, sida uu hadalka u dhigay.

“Farmaajow xil wareejin lagaama rabo, guriga ka bax, guri ijaar ah gal, dadkii horay gurigaan uga baxay kama fiicnid, ma mudnid in xil lagaa wareejiyo, sababtoo ah adiguba Xasan Cali Kheyre kama aadan wareejin, adigana cid kugu sharfee ma jirto in lagaa wareejiyo,” ayuu yiri Muuse Suudi.

Sidoo kale Senotor Muuse Suudi waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan maanta waxaba dheereyn madaxweynayaashii ka horeeyey ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, “Hadii sida uu yahay uu inkiraayo sidey yihiin ayaa la gaarsiinaa,” ayuu yiri.

Senatorka ayaa ku maahmaahay ra’iisul wasaare Rooble, isagoo sheegay inuu ka gaabiyey mas’uuliyadiisa, iyadoo la dulminaayo dadkii uu ku metelayey kursiga.

“Rooble hadii uu yiraado Farmaajo shaqadeyda ii madax-baney, anaguna diyaar ayaan u nahay inaan la shaqeyno, ma dooneyno dhalinyaradeena in la rukhseeyo oo iyaga la isku bedelo, oo la dilo, Biixi ayaa doonaya inuu ilmaheena nagu hor dilo,” ayuu yiri Senotor Muuse Suudi.

Hoos ka Daawo