26.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 14, 2026

SAFIIRKA UK oo Hargeysa kula kulantay Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay safiirka UK ee Soomaaliya, Amb. Kate Foster oo uu wehlinayey Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa warbixin dheer ka siiyey Amb. Kate, dadaalada ictiraaf raadinta, oo ay Somaliland ka baadi-goobeyso beesha caalamka muddo ku siman 30-sano, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

“Madaxwweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu safiirka cusub xog-warran ballaadhan ka siiyey hannaanka Dimuqraaddiyadeed ee ha kana qaaday Somaliland intii ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii burburtay ee Soomaaliya oo Somaliland ay ka gaadhay horumar dhinac walba ah oo sababtay inay tusaale u noqoto dalal badan oo ka mid ah geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa looga wada-hadlay kulankaan qodobbo dhowr ah oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dhinac, arrimaha diyaar garowga doorashooyinka Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka oo loo dareerayo dabayaaqada bishaan.

Sidoo kale waxaa lagu lafo-guray deeqaha dalka Ingiriisku uu ku taageero Somaliland, gaar ahaan dhinaca mashaariicda horumarineed ee arrimaha bulshada iyo xaaladda amni ee mandaqada.

Amb. Kate ayaa dhinaceeda waxay uga mahadnaqday madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland-ba horumarka, Dimuquraaddiyadda iyo nabad-gelyada buuxda ee ay gaaren muddadaa soddonka sanno ah, iyadoona balan qaaday dar-dar gelinta wada-shaqeynta labada dhinac.

Kulankaan ayaa waxa uu noqonayaa midkii u horeeyay ee dhexmara madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka cusub ee UK, tan iyo intii ay xilka la wareegtay, waana booqashadeedii koowaad ee ay ku tagto caasimada Somaliland oo Ingiriisku ku leeyahay xafiis wakiileed.

Ergeyga ka socda Qatar oo maanta la kulmaya qaar ka mid ah madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee ka socda dowladda Qatar, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa lagu wadaa in maanta uu kulan gaar ah la qaato qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Kulankan oo ka dhacaya Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxda Galmudug, HirShabelle iyo K/Galbeed, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho ka maqan ayaa sidoo kale saacadaha soo socda soo gaaraya caasimada, halka ay xaadir ku yihiin Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulankan ay cudur daarteen madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland oo uu weli khilaaf kala dhexeeyo dowladda.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in kulankan dhex-mari doona madax goboleedyada qaar iyo ergeyga ka socda Qatar looga hadli doono xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Al-Qahtani ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay kulamo ka waday magaalada Muqdisho, isaga oo la shiray ra’iisul wasaaraha, guddoonka baarlamaanka iyo musharraxiinta.

Dhaq-dhaqaaqyadan siyaasadeed ayaa kusoo aadaya, xilli lagu wado in dhowaan dib loo bilaabo wada-hadalladii doorashada ee u dhexeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Puntland oo xukun dil ah ku ridday shan Al-Shabaab ah

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa xukun dil ah ku ridday illaa shan xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay maxkamaddu sheegtay in dhamaan raggaasi lagu helay dambigii lagu soo oogay.

Maxkamadeynta raggan oo ay Puntland sheegtay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab ayaa ka dhacday magaalada Gaalkacyo, taas oo socotay labadii cisho ee lasoo dhaafay.

Xubnaha la xukumay ayaa kala ah:- Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib), Cabdulqaadir Axmed Ummal (Abu-Cabdalla), Maxamed Cali Cawke (Jeeri), Maxamed Cabdullaahi Ayaanle(Abbeyle) iyo Qaasim Jaylaani Al-turaabi.

Sidoo kale maxkamadda ayaa sii deysay illaa afar ruux oo ay shaacisay in lagu waayey dacwaddii lagu soo oogay oo aheyd inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab.

Bishii hore ee April ayey aheyd markii maxkamadda ciidamada Puntland ay xukun adag sidan oo kale ugu ridday shan xubnood oo ka tirsanaa dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyey weeraro iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay deegaanada maamulkaasi.

Si kastaba dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya magaalooyinka waa-weyn ee Puntland.

Sawirro: Wafdigii ka socday Qatar oo caawa kulan la leh midowga musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Hotelka Decale ee u dhaw garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa caawa ka socda shir u dhaxeeya xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta mucaaradka ah ee Soomaaliya iyo wafdigii ka socday dowladda Qatar oo dhawaan soo gaaray Soomaaliya.

Wafdigaas waxaa hoggaaminaya Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani, waxaana la sheegay in musharaxiinta ay kala hadlayaan ismari-waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Wafdigaan ka socda dowladda Qatar oo xalay soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib safar shalay uga bilaawday magaalada Hargeysa ayaa bilaabay dadaallo ku aadan xal u helidda khilaafka doorasho ee hareeyey Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergaygan wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Multaq Alqahtani iyo xubnaha diblomaasiyiinta ah ee ku wehliya safarkaan. Waxay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxay gooni gooni ula kulmeen guddoonka labada Aqa lee baaralaamka Soomaaliya, iyagoo kala hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan muranka hareeyey doorashooyinka, sidoo kale xoojinta xiriirka labada dowladood ayaa lagu soo hadal qaaday kulamadii dhacay.

Waa kulankii u horeeyey masuuliyiin sare oo ka socda dowladda Qatar iyo midowga musharaxiinta Soomaaliya dhex-mara, waxayna dowladda Qatar dadaal balaaran ugu jirtaa sidii ay beesha caalamka uga dhaadhicin laheyd inay dhex-dhexaad ka tahay xiisada doorasho ee Soomaaliya , isla markaana aysan jirin koox gaar ah oo ay la safantahay.

Muddo dheer dowladda Qatar waxaa lagu xaglinayey inay gacan saar dhow la leedahay madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo, balse hadda waxay dadaal ugu jirtaa inay aragtidaas Meesha ka saarto.

Video: Maxay caawa ka wada-hadleen Rooble iyo Shariif?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, waxayna ka wadahadleen sidii la isaga kaashan lahaa nabad geliyada Muqdisho iyo arrimaha doorashooyinka.

Intii uu kulankan socday Ra’iisul wasaaraha ayaa Sheekh Shariif la wadaagay qorshaha xukuumadiisa ee ku aadan inay dalka ka dhacdo doorsho xasiloon oo loo dhanyahay.

Markii uu soo dhamaaday kulankaas waxaa faahfaahin ka bixiyey afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Mucalimuu, isagoo sheegay in kulankaan diirada lagu saaray duruufaha uu maanta dalku marayo, gaar ahaan xasaradihii dhawaan ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

“Labada masuul waxay ka wadahadleen duruufaha haatan dalku ku jiro, amniga caasimadda, xasilinteeda iyo sidii horay loogu socon lahaa, iyadoo la ogyahay in dhawaan ay ka dhaceen xasarado, waxaana ra’iisul wasaaraha ka go’an in wax walba nabad lagu dhameeyo, diyaar garowna loo sameeyo shirarka Qaran ee dib u heshiisiinta ee dhici doona, waxuuna sii wadayaa kulamada iyo xiriirka uu la yeelanayo siyaasiyiinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Mucalimuu.

Kulankaan garabka mucaaradka waxaa Sheekh Shariif ku wehliyey musharax Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, waxuuna sheegay afhayeenka xukuumadda Mucalimuu inuu ku soo dhamaaday is af-garad, isla markaana mas’uuliyiintan ay isku afgarteen qodobadii ay ka wadahadleen.

Hoos ka Daawo

Taliye xigeenkii Haramcad iyo ciidankiisa oo ku biiray ciidanka Badbaado Qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii ciidanka booliiska gaarka ah ee Haramcad Muumin Ciise Maxamuud iyo ciidamo uu hoggaaminayo ayaa galabta ka goostay dowladda federaalka, iyagoo ku biiray ciidanka taabacsan mucaaradka ee la baxay Badbaado Qaran.

Sarkaalkaan ayaa la sheegay inuu wato ciidamo xoog leh iyo gaadiid dagaal, waxaana arrintaan qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku xaqiijiyay Xildhibaan Mahad Salaad oo si dhow ula shaqeeya ciidamada Mucaaradka.

“Captan Muumin oo ah Sargaalkii ugu miisaanka cuslaa Ciidanka Haramacad iyo ciidamo uu wato ayaa galabta ku soo biiray Ciidanka Badbaado Qaran,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad si weyn ugu adeegsan jirtay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah siyaasadiida, maadaama uu aad ugu kalsoonaa, balse hadda waxay ku biirayaan mucaaradka.

Horay saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya iyo ciidamo ay wataan ayaa ugu biiray ciidanka siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Badbaado Qaran, kuwaas oo aad uga soo hor jeeda mudo kororsigii ay dhawaan sameysteen Farmaajo iyo golaha shacabka.

Waxaa socon waayey qorshihii mudo kororsiga, kadib markii gudaha magaalada Muqdisho ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo si weyn u diidanaa mudo kororsiga.

Shalay Madaxweyne waxa uu ogolaaday in dib loogu noqdo heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, waxuuna shaaciyey in amniga iyo guud ahaan arrimaha doorashada uu ku wareejiyey ra’iisul wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble, balse ciidamadii ka gadooday mudo kororsiga weli waxay difaac uga jiraan gudaha magaalada Muqdisho.

DF oo u digtay siyaasiyiin ‘dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada’ Muqdisho + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka warbixiyey xaaladda ammaan ee dalka ayaa sheegay in maanta ra’iisul wasaare Rooble uu magacaabay guddi gaar ah oo ka soo shaqeeya hir-gelinta amarkii uu dhawaan siiyey ciidamada isku hor fadhiya magaalada Muqdisho.

“Ra’iisul wasaaruhu waxa uu maanta howlgeliyey guddi gaar ah oo ka soo shaqeeya sidii loo hir gelin lahaa amarkii ra’iisul wasaaraha ee ahaa in ciidamada qalabka sida ee isku hor fadhiya magaalada, iyagoo aan mucaarad iyo muxaafid kala laheyn ay dib ugu noqon lahaayeen xeryahooda, lana soo afjaro astaamaha colaadeed ee maalmahaan ka taaganaa magaalada Muqdisho,” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Al-Cadaala waxa uu sheegay inay jiraan siyaasiyiin diidan inuu shaqeeyo amarkii ra’iisul wasaaraha, isagoo uga digay siyaasiyiintaas dhaqdhaqaaqyada aan u adeygeyn danta guud.

“Waxaan rabaa inaan bulshada Soomaaliyeed la dawaagno inay socdaan dhaqdhaqaaqyo ay wadaan xubno siyaasiyiin ah, waxaana dadkaas uga digeynaa howlahaas aan saacidey dadaalka xukuumadda, oo ay ka fogaadaan wax kasta oo abuuri kara kalsooni darro,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Wasiirka oo aan carabaabin xubnaha uu eedeynayo ayaa sheegay inay qabad ku yihiin in ciidamada dib loogu celiyo xerahoodii, isagoo sheegay in taas ay u arkaan mid laga leeyahay u jeedooyin qaarsoon.

Sidoo kale waxa uu shacabka ugu baaqay inay xukuumadda ku garab istaagaan in la soo afjaro qalalaasaha laga abuuray Muqdisho, isagoo sheegay in cabashada dadka ay dhageysa doonaan.

Hoos ka Daawo

Rooble oo shir isugu yeeray madax goboleedyada iyo waqtiga loo iclaamiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa iclaamiyey shirweynaha doorashada ee madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee looga arrinsanayo khilaafka doorashada.

Afhayeenka xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa goordhoweyd shaaciyey in ra’iisal wasaare Rooble uu casuumad u direy madaxweynayaashada dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si ay uga qeyb-galaan shirweynaha wada-tashiga.

Ra’iisal wasaaraha ayaa qabsoomida shirkaas u mudeeyay 20-ka bishan May, kaasi oo ka dhacaya magaalada Muqdisho oo muddooyinkii dambe ka dhaceen shaqaaqooyin u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan madaxda dowladda federaalka iyo mucaaridka.

“Ra’iisal wasaaraha xukuumadda waxa uu casuumad u diray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo gobolka Benaadir, isaga oo ku casuumay inay kasoo qeyb-galaan shirka wada-tashiga qaran ee dhameystirka doorashooyinka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September,” ayuu yiri Afhayeenku.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha doorashooyinka ayaa waxa uu ra’iisal wasaaraha ka muujiyey rajo wanaagsan oo meesha looga saarayo khilaafka mudada badan soo jiitamayey ee ka taagna hanaanka doorashada.

Shirweyanaha uu iclaamiyey Rooble ayaa waxa uu gundhigiisu noqonayaa heshiiskii 17-kii September, oo markale uu Golaha Shacabka maalintii shalay aheyd uu meel-mariyay in dib loogu noqdo, kadib markii ay socon weysay muddo kororsigii uu hore u sameeyay.

Si dhab ah uma cadda in madaxda dowlad goboleedyada, gaar ahaan kuwa Puntland iyo Jubbaland ay aqbali doonaan shirkaan uu iclaamiyey ra’iisal wasaaraha, inkasta oo ay wax badan iska bedeleen hanaanka shirarkii hore oo uu iclaamin jirey madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaaday.

Wasiirka Arrimaha Dibadda IRAN oo CAFIS weydiistay qoyska Qassem Soleimani kadib cod si sir looga duubay

Tehran (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa Axadda maanta ah cafis weydiistay qoyska Qasem Soleimani kadib markii warbaahinta loo dusiyay cod sir ah oo uu ku sheegay in taliyaha la dilay uu door aad u weyn ka ciyaaray diblomaasiyadda.

Soleimani, oo ahaa taliyihii qeybta howlgallada dibadda ee Ciidamada Ilaalada Kacaanka, ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo sanadkii hore uu Mareykanku ka fuliyay dalka Ciraaq.

Warbaahin ka howlgasha dalal ka baxsan Iran ayaa Axaddii hore baahiyay cajalad maqal ah oo muddo saddex saac socotay oo laga duubay Wasiirka Arimaha Dibada Mohammad Javad Zarif, taasi oo dhalisay dood kulul ka hor doorashada madaxtinimada iyo xilli ay Iran wadahadallo lagu soo nooleynayo heshiiskii nukliyeerka magaalada Vienna kula leedahay quwadaha dunida.

Cajaladda maqalka ah, ayuu Zarif kaga hadlay militariga inay saameyn badan ku leeyihiin diblomaasiyada, wuxuuna xusay doorka muuqda ee uu ciyaaray Soleimani.

Zarif ayaa dhaleeceyn kala kulmayay siyaasiyiinta muxaafidka ah iyo warbaahinta kadib markii codkaas la dusiyay iyadoo hadallada Soleimani ay yihiin kuwa aad looga carooday.

“Haddii aan ogaan lahaa in erey ka mid ah meel fagaare ah lagu daabacayi, ma aanan sheegeen,” ayuu yiri Zarif.

“Hadalkeyga … ma yareynin maqaamka iyo doorka aan la beddeli karin ee shahiid Soleimani,” ayuu Zarif ku daabacay boggiisa Instagram.

 VOA

Mashruuc: Fursad xooggan hala siiyo wasiirka koowaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc ayaa ku baaqay in fursad xooggan la siiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hadda la wareegay arrimaha doorashada iyo amniga.

Mashruuc ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Mudane Mohamed Hussein Roble waa in loo arkaa Raisul Wasaare xilka hadda la wareegay. Mudane Rooble qayb kama ahayn nidaamaki iyo siyaasaddii dalka lagu hagayay afartii sano la soo dhaafay, ee abuurtay kalsnooni darrada baahsan.”

“Waxa uu dhexlayaa caqabada badan taabanaya dhanka amniga, doorashada, dhaqaalahah, xiriirka arrimaha dibadda iyo guud ahaan hannaanka dawladnimo. Haddaba, dalka si uu doorasho deg deg u aado waa in dhan kasta laga muujiyaa tanaasul iyo is fahan si looga gudbo dhammaan caqabadaha taagan.’

Mashruuc ayaa dhankiisana ugu baaqay Rooble inuu soo celiyo kalsoonida lagu qabi karo awoodda dowladnimada, maadaama uusan musharax ahayen.

“Mudane Mohamed Hussein Roble maadama uusan musharax ahayn waa inuu soo celiyaa kalsoonida lagu qabi karo awoodda dawladnimada si loo hubiyo inaan loogu isticmaalin gaarista hanka siyaasadeed ee saaxiibadiisa Villa Somalia . Dhanka kale dawlad goboleedyada iyo mushaarixiintaba iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed waa in taageero buuxda la siiyaa dadaallada wasiirka 1aad si uu dalka uga saaro xaaladda cakiran ee qaranku ku sugan yahay.”

Rooble ayaa caawa iclaamiyey shirweynaha doorashada ee madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee looga arrinsanayo khilaafka doorashada.

Ra’iisal wasaaraha ayaa qabsoomida shirkaas u mudeeyay 20-ka bishan May, kaasi oo ka dhacaya magaalada Muqdisho oo muddooyinkii dambe ka dhaceen shaqaaqooyin u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan madaxad dowladda federaalka iyo mucaaridka.

C/raxman Caynte oo sheegay inay 4 arrin ka dhigan tahay go’aanka uu qaatay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte ayaa si cajiib ah uga hadlay qaabka uu Farmaajo uga laabtay muddo kororsigii uu meelmariyay Golaha Shacabka, kaasi oo xiisad dagaaladeed ka abuuray magaalada Muqdisho.

Caynte ayaa ugu horeyntii 1-May oo aheyd shalay, islamarkaana uu Farmaajo ka laabtay “maroorsigii xukunka” ku tilmaamay inay sumad u tahay “Maalinta dib usoo nooleynta dimoqraadiyadda Soomaaliya”.

Waxa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay si aan kala har laheyn uga dhiidhiyeen boobka xukunka iyo soo laba kacleynta kalitalisnimada madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan Caynte ayaa hoosta ka xariiqay in Afar arrin ay keenen in Farmaajo uu dib uga laabto muddo kororsiga, taasi oo uu ugu yeeray “Isa-soo dhiibidda madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday”.

Hoos ka aqriso 4-QODOB ee uu Caynte ku sheegay inay hormuud u ahaayeen in meesha laga saaro muddo kororsigii Farmaajo.

1. Inuu guuleystay halgankii adkaa ee Madasha Badbaado Qaran iyo shacabka xaq u dirirka ah ee Muqdisho

2. Inuusan qof dambe kusoo saqajaami doonin boobka xukunka iyo nidaamka kalitalisnimada

3. In laga baaqsaday colaad dhibaato weyn u geysan laheyd dalka iyo dadka

4. In hannaankii dimoqraadiga ahaa ee dalku ku socday 20-kii sano ee lasoo dhaafay dib loogu laaban doono, xoogaaga dhaawaca ah ee soo gaarayna la dhayi doono.

Si kastaba, Caynta ayaa yiri ” Waxaas oo dhan waa haddii uu mudane Farmaajo saxiixo warqad uu si rasmi ah ugu wareejinayo masuuliyadda amniga iyo midda doorashada R/Wasaare Rooble.”

Wararkii ugu dambeeyey ergeyga QATAR oo dadaallo ka wada Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Mutlaq bin Majed al-Qahtani, oo ah Ergeyga gaar ah ee dowladda Qatar usoo dirtay Soomaaliya, ayaa dadaallo ka billaabay magaalada Muqdisho oo uu xalay soo gaaray, kadib markii uu safarkiisa shalay ka billaabay magaalada Hargeysa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergaygan oo wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Mudane Multaq Alqahtani. Waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Ergeyga ayaa sidoo kale la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiaxmaan. Guddoomiyaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo xoojinta xiriirka labada dowladood.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka si gaar ah go’aankii ay shalay Golaha Shacabka ku ansixiyeen codsiga Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-September 2020.

Ergeyga cusub ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doona dhinacyada kala duwan ee siyaasadda dalka isku haya, gaar ahaan mucaaradka iyo xubno ka kala tirsan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, oo isku haya hanaanka doorashada.

Sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka agdhow Musharaxiinta, Dr Mutlaq al-Qahtani ayaa sidoo kale waxa uu caawa kulan gaar ah la qaadan doona Midowga Musharaxiinta, kaasi oo ka dhacaya hotelka Decale ee gudaha garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Al-Qahtani ayaa waxa hogaamiyeyaasha mucaaridka kala hadli doona dhaq-dhaqaaqyadii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khilaafka ragaadiyey dalka ee doorashada oo kal hore gaaray gacan ka hadal.

Kulankaan ayaa noqonaya midkii u horeeyay ee noociisa oo Mas’uul sarre oo ka socda dowladda Qatar uu la qaato Mucaaridka dowladda, tan iyo intii ay kasoo dabacday sida la fahamsan yahay mowqifkii halka dhinac ahaa.

Si kastaba, dowladda Qatar ayaa dadaal balaaran ugu jirta sidii ay beesha caalamka uga dhaadhicin laheyd inay dhex-dhexaad ka tahay xiisada doorashada ee dalka, islamarkaana aysan jirin koox gaar ah oo la safan tahay, xili muddooyinkii dambe lala xiriiriniyey madaxda sarre ee dowladda waqtigeeda dhamaaday.

Midowga Musharaxiinta oo dalab xasaasi ah u gudbiyey Rooble kadib la-wareegistii doorashada iyo amnigeeda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyey go’aankii uu Baarlamaanka Soomaaliya dib uga noqday muddo kordhintii loo sameeyey madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Golaha Midowga Musharraxiinta wuxuu soo dhoweynaynaa go’aanka dib uga noqoshada muddo kororsiga, loona laabtay heshiiskii 17-ka September. Goluhu wuxuu u mahacelinayaa shacabka iyo ciidanka difaacay Dastuurka, kana dhiidhiyey in go’aankii sharci-darrada ahaa ee muddo¬kororsiga uu dhaqan galo,” ayaa lagu yiri war murtiyeed kasoo baxay Golaha.

Midowga Musharixiinta ayaa sidoo kale soo dhaweeyey in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka iyo Amniga doorashada dalka.

“Goluhu wuxuu sidoo kale soo dhowaynayaa in Rai’sal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka doorashooyinka qaranka iyo amniga dalka,” ayaa lagu yiri war murtiyeedka Midowga Musharixiinta.

Midowga Musharixiinta oo soo saaray war murtiyeed ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Ra’iisul wasaare Rooble kala shaqeyaan qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana ku dhacdo waqtiga ugu dhow ee macquulka ah.

“Goluhu wuxuu diyaar u yahay inuu si buuxda ugala shaqeeyo Rai’sul Wasaaraha qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda waqtiga ugu dhow, wuxuuna diyaar u yahay ka qaybgalka shirka wadatashiga, si uu miiska u soo saaro tabashooyinka ku aaddan fulinta heshiiska 17-ka September.”

Golaha ayaa Ra’ii sulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ugu baaqay inuu dhexdehxaad ka noqdo arrimaha doorashooyinka uusana la safan dhinac kamid ah dhinacyada ku tartamayo doorashada la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo.

Dhinaca kale, Golaha Midowga Musharixiinta madaxweynaha ayaa Xukuumadda xilgaarsiinta ah usoo jeedisay inay magacowdo hoggaan mideyn kara ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna taas sabab uga dhigeyn in ciidamada ay ku kala qeybsameyn diidmada iyo difaaca muddo kordhintii uu baarlamaanka u sameeyey Madaxweyne Farmaajo.

“Maadaama ay ciidammadii qaranka ku kala qeybsameen diidmada iyo difaaca muddo kororsiga sharci-darrida ah, Goluhu wuxuu soo jeedinayaa si dib loogu mideeyo ciidanka in xukuumaddu magacawdo hoggaan mideyn kara ciidanka, abuuri karana kalsooni dhexdooda ah. Golaha wuxuu ka digayaa in ciidanka diiday muddo kordhinta laga aarguto, xuquuqooda la duudsiiyo ama uu maamulka amniga faraha la soo galo, si muuqata ama si dadban, Madaxweynihii hore iyo xulafadiisa. Goluhu wuxuu ku boorrinaayaa Rai’sal Wasaare Roble in uu qaado tallaabooyin muujinaya in uu amniga dalka u madaxbannaan yahay, si uu u kasbado kalsoonida ciidanka, siyaasiyiinta, shacabka iyo beesha caalamkaba,” ayaa sidoo kale lagu yiri war-murtiyeedka.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta

 

 

Deelqaafka ku jiray khudbadii R/Wasaare ROOBLE – Faallo uu qoray Mahad Salaad

0

DEELQAAFKA ku jiray Khudbadii Ra’iisul Wasaare Rooble ee dareenka aan ka muujiyay. Sadex qodob ayaanan ku soo koobayaa.

  1. Arimaha amniga wuxuu sheegay in uu la soo wareegay Amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha amniga guud ee qaranka.

– Amniga doorashada waa howl farsamo mas’uuliyadeedana waxaa iska leh Ciidanka Booliska heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. Waana shaqo uu qaban karo Taliye Saldhig isagoo kaashan kara cidii uusan uga maarmeyn. Lkn waxa la isku hayo intaas waa ka mug weynyihiin, taasoo ah awaamiirta Taliyeyaashu bixinayaan, cida ay ka amar qaadanayaan iyo siyaasaadka ay ku shaqaynayaan. Rooble waxa laga sugayay in uu mas’uuliyada amniga si buuxda ula wareego, badalana Taliyeyaasha dhiiga gacmaha kula jira ee hormuudka ka ahaa dhibaatadii ka dhacday magaalada Muqdisho.

– Fulinta Qorshaha Amniga ee Rooble sheegay hadii uu yahay midkii Farmaajo shalay Golaha Shacabka ka hor sheegay waxaba isma badalin wali, waxayna ka dhigantahay in Farmaajo wali yahay Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida, Rooblena uu yahay fuliyaha qorsheyaasha Farmaajo. Walina waxaan aqrisanaynaa casharadii Farmaajo muddada afarta sano ah noo meerinayay ee ay ugu dambeeyeen weerarkii 19-kii Febraayo uu ku qaaday Madaxweyneyaal, Ra’iisul Wasaare, Musharaxiin, Xildhibaano, Siyaasiin iyo Shacab si nabad ah u bannaanbaxaya. Weerarkii 14-kii iyo 16-kii Abriil lagu qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Gen Saadaq Joon iyo duulaankii qorshaysnaa ee guryaheena lagu soo qaaday 25-kii Abriil ee dad shacab ah lagu laayay kuwa kalena lagu barakiciyay, Ciidamada Qalabka Sida-na ku burbureen oo maanta aagag dagaal isaga soo horjeedaan.

  1. Ciidamada wuxuu yiri mucaarad iyo muxaafid malahan waxaanan farayaa in ay xeryahooda ku noqdaan, kana fogaadaan in ay ku milmaan arimaha siyaasada. Sidoo kale wuxuu sheegay in loo saarayo gudi farsamo oo ka soo talo bixiya arimaha siyaasadeed ee saameynta ku yeeshay ciidamada.

– Ra’iisul Wasaare Rooble waxaan waydiin lahaa sidee xero u wada geli karaan Ciidamo madaafiic isla dhacay oo dhufaysyo isugu jira iyadoo aan la xalin sababihii dhaliyay arintaan, sidoo kalena aan la samaynin isbadal muuqda oo kalsooni gelin kara labada dhinacba. Sidoo kale sidee isku aaminayaan ama u kala amarqaadanayaan Taliyeyaal kala irdhoobay, mid waliba midka kale xabad ku goobayo, wax xurmo ah oo ka dhaxeysana aysan jirin?

– Siyaasada ciidamada in laga dhex saaro ma xuma lkn Farmaajo makaa yeelayaa, maadaaba ilaa hada ciidamo uu ka soo daabulayo gobolada dalka si uu mar kale ugu isticmaalo siyaasad. Dhanka kale gudiga aad sheegtay in aad magacaabayso sidee loo aamini karaa hadii uu noqdo gudi hal dhinac ah, sooma noqon karo gacmo Farmaajo ku adeegto mar kale?

  1. Qodobka ugu dambeeya waa arinta ku saabsan shirka DF iyo DG ee Rooble sheegay in uu ku baaqi doono. Rooble iyo Farmaajo waxay ka mideysanyihiin in aan waxaba lagu darin heshiiskii 17-kii September iyo talo soo jeedintii 16-kii Febraayo wax sharuudo ahna aan lagu xirin. Sida labadooduba shalay ay ku sheegeen khudbadahooda.

– Waxaan su’aali lahaa Ra’iisul Wasaare Rooble hadii howshu sidaas u fududahay maxay Madaxweyneyaasha DG Muqdisho u fadhiyeen mudo 45 cisho, shirkuna u fashilmay, sababayna in dagaal ka dhaco magaaladan.

Aragtideydu kuma dhisna caaddifad ee waxay ka tarjumaysaa waaqica jira. Waxaanan diyaar u ahay inaan qayb ka noqdo xal walba oo suurtagelin kara in si nabdoon dalkaan doorasho uga dhacdo, dalka iyo dadkana laga samatabixiyo mushkiladaan uu dhex maquuranayo.

Ra’iisul Wasaare Rooble waxaan leeyahay abtiyow dhiiqadii Farmaajo lugaha kula jiray yaan adiga lagaaga dhex siibanin ee si xikmadeysan arintaan u wajah, dadkana talada wax ka sii. Kuwa xamaasadeysan ee raba cadiifad in ay ku majoxaabiyaan dadaalkeenana waxaan leenahay walaaleyaalow Ilaahey iimaanka ha idin geliyo.

Mahadsanidiin.

Jubaland oo shaki weyn ka muujiysay go’aankii Farmaajo ee doorashada iyo amniga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland, Eng Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa ka hadlay go’aankii madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo shalay shaaciyey in doorashada dalka iyo amnigeeda uu ku wareejiyey ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka ayaa shaki weyn geliyey go’aanka Farmaajo, wuxuuna shaaca ka qaaday in Jubbaland aysan aamini doonin illaa si buuxda uu u wareejiyo, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah carabka ugu goday in weli howl qabyo ah ay tahay wareejinta uu sameeyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Ma wada dhamo oo sidii la rabay ma aha in xukunka uu wareejiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, waa laga habboon yahay in uu isku dhaliyo ciidamadii ayaa is hor fadhiya, mana ahayn in uu doorashada keliya wareejiyo, hoggaankii ciidanka ayuu weli hayaa waana in uu saxiixaa warqadda xil & amar wareejinta” ayuu yiri Eng Cabdi Xuseen.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Farmaajo ay u laaban tahay gacan gadaal, taas oo uu doonayo inuu ku wajaho amniga iyo doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Jubbaland ay soo dhoweyneyso in hoggaaminta doorashada loo gacan-geliyo Rooble, balse ay tahay in si dhameystiran loogu wareejiyo.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay madaxweyne Farmaaho baarlamaanka hortiisa ka sheegay inuu awooda doorashada ku wareejiyey ra’iisul wasaare Rooble.

Xog: Afar arrin oo sababay go’aankii uu qaatay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay xubnaha Golaha Shacabka ka hor sheegay in amniga iyo hoggaanka doorashada uu ku wareejiyay ra’iisul wasaare Rooble. 

Inkastoo wali ay mucaaradku qabaan dood ku saabsan in Madaxweynaha wareejiyo ammaanka guud ee dalka, lana beddelo hoggaanka ciidamada, ayaa hadana waxaa loo arkaa in uu kasoo dabcay halkii uu joogay bilooyinkii la soo dhaafay. 

In Madaxweyne Farmaajo uu wareejiyo ammaanka doorashada iyo hogaankeedaba waxaa loo arkaa in ay keeneen 4 qodob oo aad u culus, oo qasbay, kuwaas oo kala ah. 

1- Dagaaladii ka dhacay Muqdisho oo keenay in qeybo badan oo magaalada ay gacanta dowladda ka baxday, ayada oo xaafado badan ay qabsadeen ciidanka diida muddo kororsiga

2- Dhaqaalo la’aan xoog leh oo ay wajaheyso dowladda, taasi oo meesha ka saartay arrimo badan oo dowladda ay ku furdaamin jirtay dhaqaale, si gaar ahna saraakiishii ciidamada ee kasoo jeeda beelaha Hawiye ee la laaluushi jiray.

3- Dhamaan maamul gobaleedyada oo ka furtay Villa Somalia, marka ay noqoto arrinta muddo kororsiga, oo ay ugu dambeeyeen Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

4- Iyo Beesha Caalamka oo cadaadis xoog leh saartay Madaxweynaha, uguna hanjabtay cunaqabteyn, aqoonsiga oo lagala laabto iyo xayiraado kale.

Dad badan ayaa u arka in Madaxweyne Farmaajo oo markii hore damacsanaa in uu awood ku maquuniyo mucaaradka uu dareemay in magaalada uusan ku adkaan karin kadib dagaalo qaraar oo ka dhacay xaafado kamid ah Muqdisho, kuwaas oo ka dhashay muranka doorashada iyo muddo korarsiga. 

Farmaajo ayaan weli hab qoraal oo rasmi ah ku wareejin amniga doorashada iyo hogaankeedaba, waxaana taagan caqabado cusub oo dhinaca mucaaradka ka soo baxay. 

Mucaaradka ayaa dalbanaya in Madaxweynaha wareejiyo ammaanka guud ee dalka, taasoo haddii aysan dhicin ay qabaan in dhibaato kale uu dalka lugaha la geli karo.

Wasaaradda difaaca DF oo baafineysa ciidamo ka maqan

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyayaasha qeybaha iyo kuwa ka hooseeya ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo madaxda wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa billaabay in ay raadiyaan ciidamo boqolaal ah oo ka maqan xarumihii lagu ogaa, kuwaas oo isugu jira ciidan fasax ku maqan iyo kuwa iska soo baxay.

Taliyayaasha ayaa la faray in ay dib xarumahooda ugu soo celiyaan ciidanka maqan, iyadoo sidoo kale la faray in ay soo kala ogaadaan ciidanka fasaxa ku maqan iyo kuwa iska baxay. Sidoo kale waxaa la faray in ay soo ogaadaan ciidamada ka qeyb qaatay dagaalladii ka dhacay Muqdisho.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa la sheegay in gacanada laga baafiyay askar maqan iyo saraakiil ciidanba. Sidoo kale waxaa la sheegay in qaar kamid ah ciidamada iyo saraakiisha loola xiriiray si toos ah.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay ciqaabto ciidamadii ka qeyb qaatay dagaalladii dowladda looga soo horjeeday ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo wali qaarkood aan ku laaban xarumihii ciidanka.

Sidoo kale go’aanka wasaaradda gaashaandhigga ee ciidanka dib loogu celinayo xarumahooda ayaa loo arkaa mid lagu wiiqayo awoodda mucaaradka, inkastoo la aamisan yahay in ciidanku ay badanaa aysan laaban doonin oo ay diidi doonaan go’aanka taliyaashooda maadaama markii horaba xoog ku soo baxeen. 

Ciidamada diidan muddo kororsiga ayaa horey u sheegay inaysan Muqdisho ka bixi doonin illaa ay doorasho ka dhacdo, islamarkaana aysan aamini doonin oo kaliya hadalka Farmaajo ee ah in doorasho la qabanayo.

Mareykanka oo ballan-qaad u sameeyey Soomaaliya kadib go’aankii golaha shacabka

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo dhoweysay go’aanka ay qaateen Golaha Shacabka Soomaaliya iyo madaxweyne Farmaajo ee looga tanaasulay muddo kororsiga, dibna loogu laabanayo heshiiskii 17-ka September, waxayna ballan-qaaday inay gacan ka gaysaneyso qabashada doorashada dalka.

“Waxaan amaaneynaa shaacinta uu sameeyey madaxweynaha ee ah in ra’iisul wasaare Rooble uu hoggaamin doono dadaallada dowladda federaalka ee lagu soo dhameystirayo heshiiska, uuna maamuli doono fulinta hanaanka doorashada, oo ay ku jiraan arrimaha ammaanka,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh heshiiska inay deg deg u kulmaan ayada oo aan lagu xirin wax shuruudo horudhac ah, si loo dhameystiro qaban-qaabada doorashada loona billaabo in lagu fuliyo hab daah-furan oo wada-shaqeyn ku dhisan.

“Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay taageero ka gaysato fulinta doorashooyinka sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa si aqlabiyad leh shalay ku ansixiyey codsigii uu hor keenay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiska doorashada ee 17 September.

Guddoomiyaha Baalamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday Xildhibaanada in cod gacan tag ah loo qaado codsiga Madaxweynaha. Waxaa codsiga madaxweynaha aqbalay guud ahaan Xildhibaanadii kulanka kasoo qeyb galay oo ahaa 140 xldhibaan, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Mursal.

Laba wiil oo Soomaali ah oo walaalkood uu toogasho ku dilay, dalka Mareykanka

Kansas City (Caasimada Online) – Nin Soomaali ahaa ayaa habeenkii Jimcaha magaalada Kansas City ee gobolka Missouri ee dalka Mareykanka ku dilay laba wiil oo walaalihiis ahaa, xilli ay kasoo laabteen salaadda taraawiixda, sida ay sheegeen booliska

Qoysaska iyo booliiska ayaa labada wiil ee la dilay ku kala sheegay Abdiwahid Abdulaziz oo 16 jir ahaa iyo Abdirahman Abdulaziz oo 14 jir ahaa. Qoyska ayaa sheegay inay ahaayeen walaalaha ka yar Hanad.

Booliska ayaa laga wacay xaafad ku dhow waddooyinka East 8th Street iyo Olive Street, abaare 11:00 pm ee habeenkii Jimcaha laguna wargeliyey inay toogasho dhacday, sida uu sheegay afhayeenka Booliska Kansas City, Capt. Dave Jackson. 

Markii ay goobta yimaadeen waxay arkeen meydadka labada wiil oo ay xabado ku yaallaan, islamarkaana yaalla dibedda apartment ay deganaayeen. 

Booliska ayaa sheegay in dilka lagu tuhmayo eedeysane lagu magacaabo Hanad Abdiaziz, oo 25 jir ah. Habeenkii Sabtida ee xalay ayaa is-rasaaseyn dhex-martay booliska, waxaa lagu dilay nin hubeysan, oo loo malaynayo inuu yahay Hanad, hase yeeshee booliska weli ma aysan shaacin magaca, ayaga oo sheegay inay dib kasoo sheegi doonaan.

Labada wiil ayaa ahaa kuwa aad looga jeclaa bulshada Soomaalida, ayaga oo ahaa xaafidul qur’aan salaadaha taraawiixda ka tukin jiray Masjidka Al-Taqwa ee Kansas City.

Qoyska dhibanayaasha ayaa sheegay in Hanad uu sidoo kale u hanjabay xubno kale oo ehelka ah. waxay intaas ku dareen inay hadda is qaarinayaan ayaga oo noloshooda u cabsanaya, sababtoo ah weli ma cadda in ninka ay booliska dileen uu Hanad yahay.

Sida laga soo xigtay bulshada Soomaalida qaarkeed, qoyskan ayaa horey ula kulmay dhacdooyin murugo leh, ayada oo hooyada iyo aabaha labada wiil ee la dilay la sheegay in horey ayagana loogu dilay isla magaalada, wax ka yar 10 sano kahor.

Xaaji Maxamed Yaasiin oo ka hadlay go’aanka uu shalay qaatay Farmaajo (Aqriso)

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasi Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa si weyn usoo dhaweeyay hadalkii shalay kasoo yeeray madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, wuxuuna shaki badan ka muujiyey is-bedeladii siyaasadeed ee u dambeeyey, kuwaasi oo xulafadii u dhoweyd Farmaajo uga soo horjeesteen.

Musharax hore Xaaji Yaasiin oo qoraal soo saaray ayaa waxa uu su’aal geliyay in Farmaajo ka go’an tahay inuu dalka aado doorasho wadar ogol ah, isagoo ka digay in la isku dayo qiyaano kale oo dalka dib u celin karta, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan jeclahay in aan dhinac kale ka abaaro falanqaynteeda si loo lafo-guro arrimaha la isku hayey iyo soo jeedintii Farmaajo. Horta Shaxdiisa ma Runbaa mise waa Riwaayad..?, Farmaajo inuu xilkii Doorashada ku wareejiyey Rw Roble, ma Runbaa mise waa Riwaayad?, Farmaajo inay isqabteen Rooble, Qoor-Qoor, Guudlaawe iyo Lafta-gareen, ma Runbaa mise waa Riwaayad?” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya halis labaad uu Alle ka badbaadiyey oo wali muuqata in si fudud qarax u dhici karo haddii aan si Dhab iyo Dacaadnnimo ah loo heshiin.

Siyaasi Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay qoddobo uu ku sheegay in lagu gaari karo maslaxo guud, oo ay qeyb ka tahay in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu ka tanaasulo musharaxnimadiisa.

Hoos ka aqriso:

  • Farmaajo wuxuu maanta cadeeyey in 2-dii sano ee muddo kororsiga ahaa ay aheyd baadil iyo Sharci-darro.
  • Farmaajo wuxuu cadeeyey in isaga iyo Barlamaanka uu waqtigooda dhammaaday.
  • Farmaajo iyo Barlamaanka in maanta wixii ka dambeeya aysan lahayn xil dastuuri ah oo ay Dalka ku hoggaamiyaan.
  • Farmaajo iyo Barlamaanka waxay si rasmi ah maanta xilalkooda ugu wareejiyeen RW Rooble oo noqonayaa Hoggaamiyaha dowlad kusime ah inta la soo dooranayo Xildhibaano iyo Madaxwayne.
  • Farmaajo wuxuu ku sii joogi karaa Villa Somaaliya in la helo heshiis Siyaaaadeed shardigiisana yahay inuu ka TANAASULO MURASHAXNNIMO.

“Marlabaad waa soo dhaweenayaa Khudbaddii MW Farmaajo laakiin waxaan ka codsanayaa inuu si Sharaf leh u soo wareejiyo xilalka oo idil, isagoo aan gadaal u dhigan KARAR la isla fahmyo inaan guul lagu gaarayn.”

“Soomaaliya waa diideen sib u noqosho dambe ma jirto ee walaaloow Farmaajo, dadkaaga dhinac ka raac!. Waari mayside warsan hakaa haro..!! Alloow Tawfiiqda na waafaji oo Qaflada naga saar.. Aamiin,” ayuu yiri ugu dambeyntiina.

W/Q: Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya