26.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 14, 2026

Laba wiil oo Soomaali ah oo walaalkood uu toogasho ku dilay, dalka Mareykanka

Kansas City (Caasimada Online) – Nin Soomaali ahaa ayaa habeenkii Jimcaha magaalada Kansas City ee gobolka Missouri ee dalka Mareykanka ku dilay laba wiil oo walaalihiis ahaa, xilli ay kasoo laabteen salaadda taraawiixda, sida ay sheegeen booliska

Qoysaska iyo booliiska ayaa labada wiil ee la dilay ku kala sheegay Abdiwahid Abdulaziz oo 16 jir ahaa iyo Abdirahman Abdulaziz oo 14 jir ahaa. Qoyska ayaa sheegay inay ahaayeen walaalaha ka yar Hanad.

Booliska ayaa laga wacay xaafad ku dhow waddooyinka East 8th Street iyo Olive Street, abaare 11:00 pm ee habeenkii Jimcaha laguna wargeliyey inay toogasho dhacday, sida uu sheegay afhayeenka Booliska Kansas City, Capt. Dave Jackson. 

Markii ay goobta yimaadeen waxay arkeen meydadka labada wiil oo ay xabado ku yaallaan, islamarkaana yaalla dibedda apartment ay deganaayeen. 

Booliska ayaa sheegay in dilka lagu tuhmayo eedeysane lagu magacaabo Hanad Abdiaziz, oo 25 jir ah. Habeenkii Sabtida ee xalay ayaa is-rasaaseyn dhex-martay booliska, waxaa lagu dilay nin hubeysan, oo loo malaynayo inuu yahay Hanad, hase yeeshee booliska weli ma aysan shaacin magaca, ayaga oo sheegay inay dib kasoo sheegi doonaan.

Labada wiil ayaa ahaa kuwa aad looga jeclaa bulshada Soomaalida, ayaga oo ahaa xaafidul qur’aan salaadaha taraawiixda ka tukin jiray Masjidka Al-Taqwa ee Kansas City.

Qoyska dhibanayaasha ayaa sheegay in Hanad uu sidoo kale u hanjabay xubno kale oo ehelka ah. waxay intaas ku dareen inay hadda is qaarinayaan ayaga oo noloshooda u cabsanaya, sababtoo ah weli ma cadda in ninka ay booliska dileen uu Hanad yahay.

Sida laga soo xigtay bulshada Soomaalida qaarkeed, qoyskan ayaa horey ula kulmay dhacdooyin murugo leh, ayada oo hooyada iyo aabaha labada wiil ee la dilay la sheegay in horey ayagana loogu dilay isla magaalada, wax ka yar 10 sano kahor.

Xaaji Maxamed Yaasiin oo ka hadlay go’aanka uu shalay qaatay Farmaajo (Aqriso)

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasi Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa si weyn usoo dhaweeyay hadalkii shalay kasoo yeeray madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, wuxuuna shaki badan ka muujiyey is-bedeladii siyaasadeed ee u dambeeyey, kuwaasi oo xulafadii u dhoweyd Farmaajo uga soo horjeesteen.

Musharax hore Xaaji Yaasiin oo qoraal soo saaray ayaa waxa uu su’aal geliyay in Farmaajo ka go’an tahay inuu dalka aado doorasho wadar ogol ah, isagoo ka digay in la isku dayo qiyaano kale oo dalka dib u celin karta, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan jeclahay in aan dhinac kale ka abaaro falanqaynteeda si loo lafo-guro arrimaha la isku hayey iyo soo jeedintii Farmaajo. Horta Shaxdiisa ma Runbaa mise waa Riwaayad..?, Farmaajo inuu xilkii Doorashada ku wareejiyey Rw Roble, ma Runbaa mise waa Riwaayad?, Farmaajo inay isqabteen Rooble, Qoor-Qoor, Guudlaawe iyo Lafta-gareen, ma Runbaa mise waa Riwaayad?” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya halis labaad uu Alle ka badbaadiyey oo wali muuqata in si fudud qarax u dhici karo haddii aan si Dhab iyo Dacaadnnimo ah loo heshiin.

Siyaasi Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay qoddobo uu ku sheegay in lagu gaari karo maslaxo guud, oo ay qeyb ka tahay in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu ka tanaasulo musharaxnimadiisa.

Hoos ka aqriso:

  • Farmaajo wuxuu maanta cadeeyey in 2-dii sano ee muddo kororsiga ahaa ay aheyd baadil iyo Sharci-darro.
  • Farmaajo wuxuu cadeeyey in isaga iyo Barlamaanka uu waqtigooda dhammaaday.
  • Farmaajo iyo Barlamaanka in maanta wixii ka dambeeya aysan lahayn xil dastuuri ah oo ay Dalka ku hoggaamiyaan.
  • Farmaajo iyo Barlamaanka waxay si rasmi ah maanta xilalkooda ugu wareejiyeen RW Rooble oo noqonayaa Hoggaamiyaha dowlad kusime ah inta la soo dooranayo Xildhibaano iyo Madaxwayne.
  • Farmaajo wuxuu ku sii joogi karaa Villa Somaaliya in la helo heshiis Siyaaaadeed shardigiisana yahay inuu ka TANAASULO MURASHAXNNIMO.

“Marlabaad waa soo dhaweenayaa Khudbaddii MW Farmaajo laakiin waxaan ka codsanayaa inuu si Sharaf leh u soo wareejiyo xilalka oo idil, isagoo aan gadaal u dhigan KARAR la isla fahmyo inaan guul lagu gaarayn.”

“Soomaaliya waa diideen sib u noqosho dambe ma jirto ee walaaloow Farmaajo, dadkaaga dhinac ka raac!. Waari mayside warsan hakaa haro..!! Alloow Tawfiiqda na waafaji oo Qaflada naga saar.. Aamiin,” ayuu yiri ugu dambeyntiina.

W/Q: Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya

Al-Shabaab oo nabaddoon caan ahaa ka afduubatay Raage Ceelle, kadibna dishay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay saacadihii lasoo dhaafay gudaha u galeen degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyaga oo ka fuliyey weerar sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabaab ay beegsadeen guriga Nabadoon Axmed Jilcane oo ku yaalla degmadaasi, iyaga oo horey usii kaxeystay Nabadoonka.

Jilcane ayaa ahaa nabadoonka guud ee degmada, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale Al-Shabaab oo war kasoo saartay dhacdadaas ayaa sheegtay inay dishay Nabadoonka oo ay ku eedeysay inuu ahaa sarkaal ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay inay gubeen labo gaari oo NOHA ah oo uu lahaa marxuumka.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarkaasi iyo dilka loo geystay Nabadoon Jilcane oo si weyn looga yaqaanay Sh/Dhexe.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo badi ciidamadii milatariga ee ku sugnaa Raage Ceelle ay soo galeen magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku biiray ciidanka mucaaradka ee ku sugan caasimada, kana soo horjeeday muddo kordhintii horey loogu sameeyey Farmaajo.

Guterres oo farriin cusub u diray madaxda Soomaalida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa markale war kasoo saaray xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka ee lagu wado inay dhacaan sanadkan 2021-ka.

Antonio Guterres ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday inuu soo dhoweynayo tallaabadii ay shalay qaadeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo go’aamiyey in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September, si dalka looga saaro xasaradaha ka dhashay muddo kordhinta.

“Xoghayaha Guud wuxuu soo dhaweynayaa go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka uu ku ansixiyay ku laabashada Heshiiskii Doorashooyinka ee 17-kii Sebtember.” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Afheeynka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegay inuu Antonio Guterres ugu baaqay dhinacyada Soomaalida inay ka wada shaqeeyaan xasiloonida dalka, isla-markaana ay dib ugu laabtaan wada-hadalladii doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu xoghayuhu intaasi ku daray in qaadashada go’aankan uu bad-baado uu yahay xasiloonida Soomaaliya, si looga baaqsado qalalaase horleh oo ka dhaca dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo markale xildhibaanada Golaha Shacabka ay u codeeyeen in laga laabto muddo kordhintii labada sanada aheyd ee loo sameeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, laguna noqdo heshiiska 17-kii September.

Si kastaba Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyey wajaheysay xaalad cakirnaan ah, kadib markii ay dagaallo u dhexeeyey mucaaradka iyo dowladda ay ka dhaceen Muqdisho.

Taabid Cabdi oo farriin culus u diray R/Wasaare ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Mudane Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay go’aankii shalay ee baarlamaanka isaga oo bogaadiyey tallaabada uu sidoo kale qaaday madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday.

Taabid ayaa marka hore u mahadceliyey cid weliba oo u istaagtay ka hortagga dagaallo markale ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in cashar laga barto qalalaasihii dhowaan ka dhacay caasimada, si aan markale dalka dib loogu celin dagaallo sokeeye.

“Waxaan u mahadcelinayaa qof kasta oo kaalin nabaddeed ka geystay xasilloonida dalka.Waa inaan fursaddan la lumin, wixii dhacayna inooga filnaato inaan nahay ummad aanan sina isu hureynin marxalad kasta,” ayuu yiri siyaaga caanka ah ee Taabid Cabdi.

Waxaa kale oo uu farriin culus u diray ra’iisul wasaaraha, isaga oo ka dalbaday inuu qaato doorkiisa hogggaanineed ee ku aadan doorashooyinka.

Ugu dambeyn Taabid ku baaqay in Rooble lagu garab istaago howsha loo igmaday, iyada oo aan shuruud lagu xireyn wada-hadallada soo socda ee looga arrinsanayo doorashada.

“Waxaan ku baaqayaa in RW Rooble garab lagu siiyo hawsha culus ee hortaal, iyada oo aanan wax shuruud hor leh lagu xirin.RW Rooble, isagana waa inuu qaataa door hoggaamineed oo ka nasahan eex iyo eed intaba,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey.

Si kastaba dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa inay dib ugu laabtaan wada-hadalladii socday ee doorashada, si xal looga gaaro khilaafka ka jira dalka.

Xildhibaano soo bandhigay ‘arrimo muujinaya inaan amniga lagu wareejin’ Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxman Odawaa iyo Mahad Salaad oo kamid ahaa xildhibaanadii maanta ka qeyb galay kulankii uu khudbadda ugu jeedinayey madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaki badan ka muujiyey qaar ka mid ah qodobadii uu sheegay Farmaajo, gaar ahaan arrinta amniga doorashada.

Labada xildhibaan ayaa sheegay inay jiraan qodobo muujinaya in amniga dalka uusan weli gacanta ugu jirin Rooble.

Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay in Madaxweyaha waqatigiisu dhamaaday laga doonayo inuu wareejiyo guud ahaan amniga dalka, balse aan laga rabin inuu kaliya wareejiyo amniga doorashooyinka.

“Madaxweynaha waqtigiisa dhaamaaday waa inuu ogaado inuu kala qeybiyey ciidamada Qaranka, isla markaana uusan sii ahaan karin taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, waxuuna sheegay inuu amniga doorashada wareejiyey, waxaa laga rabaa inuu wareejiyo amniga guud ee dalka, sababtoo ah ciidamadii uu kala qeybiyey ma aqbali karaan inuu taliye guud u sii ahaado,” ayuu yiri Xildhibaan Odawaa oo saxaafadda la hadlay markii uu soo dhamaaday kulankii golaha shacabka ee maanta.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa sheegay inay qasab tahay inuu madaxweynaha qoro warqad uu ku cadeynayo inuu wareejiyey amniga dalka iyo kan doorashada, si dib loogu laabto Teendhada Afisyooni.

Cabdiraxmaan Odawaa ayaa ugu dambeyntii ciidamada diiday muddo kororsiga ugu baaqay in aysan ku sirmin hadalladii jilicsanaa ee Farmaajo uu ku sheegay khudbadiisii Golaha Shacabka, isagoo xusay in hadal jileycaas loo baahan yahay marka miiska wada-hadalka la joogo.

Dhanka kale Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada ku jiro jiidda hore ee difaaca ciidamada ka soo horjeestay muddo kororsiga Farmaajo oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa shaki geliyey in madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu amniga ku wareejiyey Ra’isulwasaare Rooble.

Mahad Salaad ayaa ka digay inaan lagu khatalmin hadalka kasoo yeeray madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday inta ay ka amar qaadanayaan Taliyaha Ciidamada Xoogga Odawaa, Taliyaha Booliska Xijaar iyo Taliyaha Hey’adda Nabad-sugidda Qaranka Fahad Yaasiin.

“Farmaajo Amniga dalka kuma wareejin Ra’iisul Wasaare Rooble. Sidaas daraadeed Farmaajo oo wali ay ka amar qaadanayaan Odowaa, Xijaar iyo Fahad doorasho dalkaan kama dhici karto ee yaan lagu khatalmin,” ayuu yiri Mahad Saalad.

Hadalka kasoo yeeray labadaan Xildhibaan ayaa ku soo aadaya, xilli maanta madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shaaciyey inuu maamulka iyo amniga doorashada ku wareejiyey Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana uu diyaar u yahay in dib loogu noqdo heshiiska 17-kii September oo aan wax shuruud ah lagu xirin.

FIQI: Wiilasha afar degmo ayaa soo celiyey awooddii xafiiska ra’iisul wasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ka fal-celiyey go’aanka uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo maanta isaga wareejiyey maamulka doorashada dalka iyo amnigeeda, kadib kulan uu ka jeediyey golaha shacabka.

Fiqi oo qoraal soo dhigay facebook ayaa sheegay in ciidamadii dagaalka ka galay afarta degmo oo kala ah Kaaraan, Yaaqshid, Hodan iyo Hawlwadaag ay sabab u ahaayeen in lagu noqdo heshiikii 17-ka September, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi.

Oday Farmaajo bil ka hor markii teendhada Afisyoone la fadhiyey qodobadii uu diiday ayuu maantay ogolaaday ka dib markii uu tijaabiyey in aan dalkaan Xoog iyo qori caaradii lagu qabsan karin. 

Shirkii Dhuusamareeb 4 wixii uu ku diidayna 2 todobaad ka dib ayuu Baydhabo ku ogolaaday, wuxuu iska jecel yahay wax aan soconayn in uu isaga dhego ka dibna si fudud uga fuqo, kuna darsado liiska tanaasulka.

Wiilasha Xaafadaha Kaaraan, Yaaqshid, Hodan iyo Hawlwadaag ayaan aaminsanayay in ay mar hore u codeeyeen in heshiiskii 17 September loo noqdo, wixii maantay aan golaha shacabka ku aragnayna waxay ahaayeen odoga maryaha halagu celiyo. 

Khudbada Farmaajo waxa kaliya ee laga qaadan karo waa inuu Raysulwasaare Rooble ku wareejiyey mas’uuliyadda doorashada iyo amniga dalka. 

Waxaan rajaynayaa in Md. Rooble uu waajibkiisa si dhexdhexaad iyo daahfurnaan u guto, dalkana uu u horseedo in ay ka dhacdo doorasho la isla wada oggol yahay. Farmaajo oo Musharax ah iyo musharixiinta kalena uu u dhexeeyo isku sina ula macaamilo.

Awoodda Xafiiska Rooble waxaa soo celiyey Afarta degmo iyo midowga musharixiinta intoodii dabka gashay!.

Oday Farmaajo nasiino wacan ayaan u rajaynayaa.

Daawo: Rooble oo war kasoo saaray mas’uuliyadda uu FARMAAJO ku wareejiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ugu horeyn madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyay sida uu ugu wareejiyay mas’uuliyadda arrimaha doorashooyinka dalka.

“Waxaan u mahad celinyaa madaxweyne Farmaajo oo maanta muujiyey tanaasul, waxaana uga mahad naqayaa in aniga iyo xukuumadeyda uu nagu soo wareejiyey howlaha doorashooyinka, anigoo rajeynaya inay ku guuleysto gudashada mas’uuliyadaas muhiimka u ah masiirka dalka una maareyno sida ugu wanaagsan,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale xildhibaanada Golaha Shacabka uga mahadceliyay in sida ay u tixgeliyeen codsigii madaxweynaha ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September.

“Xukuumaddu waxay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo bandhigi doontaa qorshaha doorashooyinka, amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha guud ee amniga Qaranka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Rooble.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu dhawaan ku casuumi doono madaxda dowlad goboleedyada in ay ka soo qeyb galaan shirka Madasha Qaran ee dhammeystirka arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Ciidammada Qaranku in ay ku laabtaan xeryohoodii oo aysan ku milmin siyaasadda, isagoo ugu baaqay siyaasiyiintuna in ay ka fogaadaan hadal ama ficil kasta oo aan caawineyn xasilloonida dalka iyo wadajirka shacabka.

Hoos ka Daawo Muuqaalka R/W Rooble

Sheekh Shariif oo hal arrin dalbaday kadib go’aankii ay golaha shacabka gaareen

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo ah guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhoweeyey go’aanka ay golaha shacabka uga laabteen muddo kororsiga, uguna noqdeen heshiiska 17-ka September.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka golaha shacabka ay maanta gaareen oo dalka dib ugu celiyey heshiiskii doorasho ee 17 September. Waa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaadey, oo mudan in lagu bogaadiyo cid kasta oo qayb ka ahayd,” ayuu yiri Sheekh Shariif oo qoraal soo dhigay facebook iyo twitter.

“Waxaan in muddo ah aan u taagnayn sidii heshiiskaas loogu laaban lahaa oo uu yahay xalka kaliya ee doorasho ee aan haysanno.”

Shariif ayaa sidoo kale dalbaday in fulinta heshiiska laga qeyb-galiyo dhammaan saamileyda siyaasadda, si la mid ah xukuumadda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, inkasta oo ay u eg tahay in taasi uu aqbli doonin madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan markale ku celinaynaa in heshiiskaas iyo fulintiisaba ay tahay in ay iska fahmaan Xukuumadda xilgaarsiinta, madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Saamileyda Siyaasadda ee Dalka,” ayuu yiri madaxweyne Shariif.

“Ugu dambeyntii waxaan umahad celinayaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Xil-gaarsiinta, madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe, Saamileyda Siyaasadda iyo beesha caalamka oo go’aan mideysan ka qaatay muddo kororsigii sharci darrada ahaa.” 

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyey codsigii uu hor keenay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiska doorashada ee 17 September.

Guddoomiyaha Baalamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday Xildhibaanada in cod gacan tag ah loo qaado codsiga Madaxweynaha. Waxaa codsiga madaxweynaha aqbalay guud ahaan Xildhibaanadii kulanka kasoo qeyb galay oo ahaa 140 xldhibaan, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Mursal.

QM iyo Turkiga oo qoraallo kasoo saaray go’aankii lagu laalay muddo kororsiga

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraallo ka soo kala baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Turkiga ayaa lagu soo dhaweeyey go’aankii ay maanta xildhibaanada golaha shacabka ku laaleen mudo kororsigii labada sano ahaa, isla markaana ay ku ogolaadeen in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September.

Ugu horeyn Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweyn kadib madaxda Soomaalida ugu baaqday inay deg deg uga wada xaajoodaa arrimaha doorashada, isla markaana la soo dhaweeyo doorka ra’iisul wasaare Rooble

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa go’aanka baarlamaanka Federaalka ee dib loogu soo celiyey heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebteembar, kadib codsiga madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qaramada Midoobay waxa ay ugu baaqeysaa madaxda Soomaalida in ay dib ugu laabtaan wadahadalka oo ay u diyaar-garoobaan doorashooyinka dib u dhac la’aan, iyadoo la soo dhoweynayo doorka hoggaamineed ee Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo matalaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay QM.

Sidoo kale war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa lagu soo dhaweeyey go’aanka ay maanta xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku ogolaadeen in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September

“Waxaan soo dhoweyneynaa go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya uu maanta (1-da Maajo) qaatay, kaas oo ayidsan yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashada iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii Sebtember,” ayaa lagu yiri qoraalka Turkiga.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan rajeyneynaa in horumarkan uu u adeegi doono dib u bilaabida wadahadalada wax ku oolka ah ee daneeyayaasha siyaasada, dib u dhac la’aan iyo in la xaqiijiyo horumarka ku saleysan is afgaradka bulshada, iyadoo laga gudbayo khilaafaadka.”

Ugu dambeyntii dowladda Turkiga ayaa qoraalkan ku shaacisay in marxaladan adag ay ku garab taagantahay ‘dadka saaxiibtinimada iyo walaaltinimada leh ee Soomaaliyeed.’

Mareykanka iyo MIDOWGA YURUB oo soo saaray dalab iyo digniin deg deg ah kadib go’aankii golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aanka ay maanta qaateen madaxweyne Farmaajo iyo golaha shacabka ee looga laabtay muddo kordhintii labad sano aheyd.

Golaha shacabka ayaa maanta u codeeyey in lagu laabto heshiikii 17-ka September, ayada oo meesha laga saaray sharcigii muddo kororsiga labada sano ahaa, kadib markii uu sidaas ka codsaday Farmaajo, oo khudbad u jeediyey.

“Waxaan soo dhoweeneynaa ficillada ay maanta qaadeen Farmaajo iyo Golaha Shacabka. Waxaan sidoo kale soo dhoweeneynaa kaalinta Rooble ee fulinta doorashooyinka Soomaaliya, oo ay tahay in loo qabto sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo twitter-ka ay soo dhigtay safaaradda Mareykanka.

Sidoo kale, danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa soo dhoweeyey go’aanka baarlamanka iyo Farmaajo, wuxuuna ka digay cudurdaar dambe oo kale. 

“Midowga Yurub wuxuu soo dhoweynayaa go’aanka Golaha Shacabka iyo dhawaaqa madaxweyne Farmaajo. Hadda kadib ma jirto wuxu shuruudo horudhac ah, wax qas-wadeyn ah, wax rabshado ah. Rooble inuu isku halleeyaa taageerada wax ku oolka ah ee dhammaan madax goboleedyada iyo jilayaasha kale ee Soomaaliya, si uu u hoggaamiyo hanaan ay Soomaalida ay hoggaamineyso,” ayuu yiri Berlanga.

Farmaajo oo khudbad maanta kahor jeediyey Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaaday inuu fulinta doorashada iyo amniga doorashada ku wareejiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan rabaa inaan caddeeyo in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta iyo fulinta doorashada iyo amniga doorashada, sidoo kale fulinta qorshaha amniga doorashada, si waafaqsan dastuurka, waxaa iska leh xukuumadda. Waxaan farayaa xukuumadda inay u diyaar garowdo howshaas baaxadda weyn,” ayuu yiri Farmaajo.

Sawirro: Ergeyga ay Qater usoo dirtay Soomaaliya oo dalka yimid, iyo muhiimadda halka uu ka billaabay safarka

Hargeysa (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Dowladda Qatar usoo dirtay dalka Soomaaliya Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani  ayaa maanta soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, taasi oo muujineysa isbeddel siyaasadeed oo weyn.

Dr. Al-Qahtani ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, wuxuuna la kulmay wasiirku ku xigeenka arrimaha dibada Somaliland Liibaan Yuusuf Cusmaan, kadibna madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Qatar ayaa ergeygan, oo ay Qaramada Midoobay sanadkii 2020 u aqoonsatay dhex dhexaadiyaha ugu wanaagsan, usoo dirtay Soomaaliya si uu uga qeyb qaato wada-hadallada Soomaaliya iyo is-mari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya..

Muuse Biixi ayaa warbixin dheer ka siiyey weftiga xaaladda guud ee Somaliland ee maanta iyo halkii laga soo ambo qaaday geeddiga Dimuquraaddiyadda muddo Soddon sanno ah, waxaanu madaxweynuhu weftiga ka guddoomay salaan ay uga sideen madaxda dalka Qadar. 

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay in labada dhinac ay yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo walaalnimo iyo iskaashi wada shaqayneed iyo in dalka Qadar halkan (Somaliland) ku yeesho xafiis Diblumaasiyadeed oo rasmi ah.

Sidoo kale, waxa laga wada hadlay sidii hay’adda Qadar u qaabilsan mucaawimooyinka ee (Qadar Charity) ay xafiis uga furan lahayd Somaliland, loona xoojin lahaa xidhiidh wada shaqayneed oo dhinaca mucaawimooyinka ah iyo samafalka ah.

Rashid Abdi oo fallanqeeya siyaasadda gobolka ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in socdaalka Al-Qahtani ee Hargeysa uu tusaale u yahay isbeddel ku yimid siyaasadda Qatar ee gobolka.

“Qatar waxay u weecatay Somaliland, wafti sare ayaa yimid Hargeysa. Arrintani waa muhiim, waxay imaneysa ayada oo qaska Muqdisho uu kasii darayo, oo waqtigii Farmaajo iyo Fahad uu gebo-gebo ku dhow yahay. Imaaraadka taageero badan ayey ka sameysteen Somaliland. Ma jirto sabab aysan Hargeysa uga faa’iidi karin labadaba,” ayuu yiri.

Al-Qahtani ayaa la filayaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxa uuna kulmo kala duwan la qaadan doona dhammaan qaybaha kala duwan ee isku haya siyaasadda Soomaaliya iyo wakiilada beesha caalamka.

Qatar oo inta badan lagu eedeyo inay xiriir hoose la leedahay madaxda waqtigoodu dhamaaday ee dowladda federaalka ayaa waxa la fahamsan yahay inay tallaabadan ku muujineyso inay dhex-dhexaad uga tahay xiisada dalka.

Dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in tallaabada Qatar ay qaaday ay ka dhigan tahay inay hagaajiso sumcaddeeda Soomaaliya, ayna rumeysan tahay in maalmihii Farmaajo ee xukunka Soomaaliya ay gebo-gebo yihiin, si ay ula macaamisho cid kasta oo xukunka ka beddesha.

Rooble oo la wareegay wada-hadalla DF iyo maamullada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mar kale la hadlay xildhibaanada golaha shacabka kadib markii ay ansixiyen codsigiisa ahaa in dib loogu laabto heshiiskii doorashada ee 17 September ayaa Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku wareejiyey wada-hadallada dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Farmaajo ayaa faray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu casuumaad u sameeyo madaxda maamul goboleedyada, si loo saxiixo heshiiskii ay horey u gaareen ee dhacay 17 September.

Farmaajo ayaa mar kale ku celiyey go’aankiisa ahaa inuusan aqbaleyn in wax isbadal ah lagu sameeyo qodobadii heshiiska 17 September ee horey u saxiixdeyn Farmaaj iyo madaxda Maamul goboleedyada taaso durba, shaki gelisay awoodda uu Rooble u yeelan karo hoggaaminta shirarka la filayo inay dhacaan.

Rooble ayaa hadda looga fadhiyaa inuu qaato doorkiisa doorashada maadaama Farmaajo uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ku wareejiyey, waxaana looga fadhiyaa inuu si dhex-dhexaad ah u hoggaamiyo hanaanka doorashada.

Ra’isul wasaaraha ayaa la filayaa inuu shir guddoomiyo kulanka ay yeelanayaan madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana meesha ka bixi doonto doorkii uu Farmaajo ku lahaa kulamada looga xaajoonayo doorshada iyo xallinta khilaafka taagan.

Lama qiyaasi karo go’aanka ay madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka qaadan doonaan Mas’uuliyadda lagu wareejiyey Ra’iisul wasaare Rooble iyo casuumadda la filayo inuu dhawaan u fidiyo.

Farmaajo ayaa khudbaddii koowaad ee uu ka jeediyey golaha shacabka shaaca uga qaaday inuu fulinta doorashada iyo amniga doorashada ku wareejiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan rabaa inaan caddeeyo in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta iyo fulinta doorashada iyo amniga doorashada, sidoo kale fulinta qorshaha amniga doorashada, si waafaqsan dastuurka, waxaa iska leh xukuumadda. Waxaan farayaa xukuumadda inay u diyaar garowdo howshaas baaxadda weyn,” ayuu yiri Farmaajo.

Golaha shacabka BF oo u codeeyey in muddo kororsiga laga laabto, oo lagu noqdo heshiiskii 17-ka September

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyey codsigii uu hor keenay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiska doorashada ee 17 September.

Guddoomiyaha Baalamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday Xildhibaanada in cod gacan tag ah loo qaado codsiga Madaxweynaha. Waxaa codsiga madaxweynaha aqbalay guud ahaan Xildhibaanadii kulanka kasoo qeyb galay oo ahaa 140 xldhibaan, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Mursal.

Guddoomiye Mursal ayaa shaaciyey in dalka uu dib ugu laabtay heshiiska doorashadii 17 September maadaama Baarlamaanka uu si aqbalbiyad leh u ansixiyeen, waxaana halkaas ka baxay muddo kororsigii.

Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa baarlamaanka Soomaaliya ugu mahadceliyey sida ay u aqbaleyn codsigiisa ahaa in dib loogu laabto heshiiskii 17 September.

Go’aanka Baarlamaanka uu gaaray ayaa kusoo aadayo xilli Magaalada Muqdisho ay gashay xaalad hubanti la’aan ah iyadoo ay is hor fadhiyaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa diidanaa muddo kordhinta.

Waxaa hadda la filayaa in mar kale ay kulmaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, si loo dhameystiro heshiiska 17-ka September, ugu dambeyna dalka uu aad doorasho.

Farmaajo oo ku dhawaaqay inuu ROOBLE ku wareejiyey doorashada iyo amnigeeda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad la wada sugayey kahor jeediyey Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaaday inuu fulinta doorashada iyo amniga doorashada ku wareejiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan rabaa inaan caddeeyo in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta iyo fulinta doorashada iyo amniga doorashada, sidoo kale fulinta qorshaha amniga doorashada, si waafaqsan dastuurka, waxaa iska leh xukuumadda. Waxaan farayaa xukuumadda inay u diyaar garowdo howshaas baaxadda weyn,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa sidoo kale xubnaha baarlamaanka ka codsaday inay ka aqbalaan in laga laabto sharciga muddo kororsiga, islamarkaana dib loogu laabto miiska wada-hadalka si loo hirgeliyo heshiiska 17-ka September.

Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka u sheegay iyadoo la qadarinayo duruufaha ay wajaheyso Muqdisho inay ka tanaasulaan go’aankii ay horey u gaareen oo ahaa in muddo laba sano ah lagu qabto doorasho qof iyo cod ah.

Farmaajo ayaa sheegay in sharciga 12-ka April ee muddo kororsiga ay diideen qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, islamarkaana Muqdisho laga abaabulay xasarado qorsheysan, lana barakiciyey shacab, sida uu hadalka u dhigay.

Farmaajo ayaa sheegay inuusan dooneyn in dagaallo ay ka dhacaann Muqdisho.

“Waxaan idiin sheegayaa, magaaladan, qof ahaan, aniga lex jeclo weyn ayaa iga haysa, maxaa yeelay aniga magaaladan ayaan ku dhashay, magaaladan ayaan ku barbaaray, dugsi qur’aan, dugsi hoose, dugsi dhexe iyo dugsi sare uga baxay. Lamana ogolaan karo in dalkeena iyo magaaladan ay ku laabteen dhabihii ay qaadeen 30 sano ka hor, sidaas darteed waxaan dooranay inaan u hiilino xasiloonida dalka,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta ay is diidan yihiin inay ka wada shaqeeyaan amniga iyo xasilloonida dalka.

Cabdiweli Gaas oo weerar culus ku qaaday Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ka hadlayey xaaladda dalka ayaa weerarka afka ah ku qaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, isagoo ku eedeeyey inuu ku fashilmay hoggaanka dalka.

Gaas ayaa shaaca ka qaaday in Farmaajo uu ku guul darreystay qabashada doorasho loo dhan yahay, isla-markaana dalka uu galiyey xaalad hubanti la’aan ah.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay inay muujinayaan sida uu usoo gaabtay mustaqbal siyaasadeed ee Farmaajo.

Cabdiweli Gaas oo ra’iisul wasaare kasoo noqday dalka ayaa sidoo kale taageero u muujiyey ciidamada milatariga ee kasoo horjeeda muddo kororsiga madaxweynaha, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay mudan yihiin in la dhiira-geliyo, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu ku eedeeyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in afartii sano ee lasoo dhaafay uu ku mashquulay kaliya burburinta hanaanka federaalka Soomaaliya, si uu meesha uga saaro, una sameysto koox gaar ah oo isaga xulafo la’ah.

Si kastaba hadalkan kasoo yeeray siyaasiga caanka ah ee Cabdiweli Gaas ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta madaxweynuhu hortegayo xildhibaanada Golaha Shacabka, isla-markaana uu ka hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada.

Farmaajo oo loogu baaqay inuu is-casilo, kadib kulanka golaha shacaba ee maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu hortego xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo kala hadli doono xaaladda dalka.

Kulanka oo lagu wado inuu goor dhow ka furmo Villa Hargeysa ayaa waxaa haatan hoolka ku sugan xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo la sugayo madaxweynaha oo khudbad xasaasi ah ka jeedin doono kulanka maanta ee Golahaasi.

Xildhibaan Idiris Dhaqtar oo wariyeyaasha kula hadlay hoolka baarlamaanka ayaa ka hadlay kulankan, wuxuuna farriin culus u diray madaxweyne Farmaajo.

Idiris Dhaqtar ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha laga raayey, isla-markaana ay haboon tahay inuu is-casilo, sida uu hadalka u dhigay.

“Isaga waxaa ku haboon inuu is-casilo barkey haddii ninka laga raayo ma’ahan inuu meesha isku dhajiyo waxaa fiican inuu meesha isaga tego,” ayuu yiri Idiris Dhaqtar.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in xaaladdu ay faraha kasii baxayso, isla-markaana jidadka ay fadhiyaan mucaaradka, loona baahan yahay in dalka la bad-baadiyo

“Marka u shaan dhig waan kuu duceyneynaa xittaa maanta barkey waan soo lugeynay meel aan soo marno ayaan weynay jidadkii mucaaradaa fadhiyo xaaladda meel qaraar ayey mareysaa dadkii waa barakaceen,” ayuu sii raaciyey xildhibaanku.

Kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa ah mid isha lagu wada hayo, wuxuuna kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah oo uu dalku jiro marxalad ah adag oo kala guur ah.

Farmaajo: Dalkeenna maanta waxaa uu wajahayaa halis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war kasoo saaray Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo maanta ku beegan ayaa hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysas-kooda.

Farmaajo ayaa farriin gaar ah u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, isaga oo uga mahadceliyey sida maskax iyo muruqba ay u geliyeen dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

“Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed waxaan hambalyo qiimo badan u dirayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda meel kasta oo ay joogaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey ” Waxa ay maanta oo kale mudnaayeen maamuus, dabaaldegyo, kulamo lagu sharfayo iyo guddoonsiin billad shara, laakiin nasiib xumo saamaynta uu keenay caabuqa COVID-19 darteed suurtogal inooma ahan arrimahaasi,”.

Dhinaca kale madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay haatan la tacaaleyso xaalad halis ah oo uu sababay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, kaas oo kusoo labo kacleeyey gudaha dalka.

“Dalkeenna maanta waxaa uu la tacaalayaa halis caafimaad oo uu sababay cudurka COVID-19, kaas oo dunida oo idil ku yeeshay saamayn xoog leh oo dhinacyada caafimaadka, dhaqaalaha iyo guud ahaan nolasha bulshada,” ayuu markale yiri madaxweyne Farmaajo.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay Soomaaliya isku biirsadeen xaalado ka dhashay  cudurka Covid-19 oo saameeyey dhaqaalaha dalka iyo khilaafka ka taagan doorashooyinka.

JUBALAND oo shaacisay mowqifkeeda ku aadan shirka uu ku baaqay FARMAAJO

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa sheegay inaysan ka qeyb-geli doonin shirka arrimaha doorashada ee uu ku baaqay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo oo khudbad jeediyey habeenkii Talaadada ayaa sheegay inuu maanta hortagayo baarlamanka, si uu uga codsado in dib loogu laabto heshiiskii 17-ka September lagana tanaasulo muddo kororsiga, wuxuuna madaxda dowlad goboleedyada ka codsaday inay shir isugu yimaadaan.

Hase yeeshee, wasiirka Warfaafinta ee maamulka Jubaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo shalay ka qeyb galay barnaamijka doodda Jimcada ee BBC-da, ayaa sheegay inaysan marnaba ka qeyb geleyn shir uu Farmaajo ku baaqay.

“Kama soo qayb galeyno, horayna nooguma yeerin, markii ugu dambeysay ee uu noo yeerayna waa taan diidnay, mana u aqoonsanin inuu madaxweyne yahay, waqtigiisuna wuu dhammaaday, sidii looga soo qeyb galayay ee beesha caalamku noogu wada yeereysay haloo wada yimaado,” ayuu yiri Cabdi Xuseen.

Mowqifka Jubaland ayaa ah inay ka qeyb-gasho kaliya shir ay abaabulkiisa leedahay beesha caalamka, oo ay u siman yihiin dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, si la mid ah shirkii Teendhada Afisyoone. 

Jubaland ayaa ku biireysa Puntland oo dhawaan iyana sheegtay in ay shuruudo ku xirayaan ka qeyb galka shirka wadatashiga.

Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa sheegay in shirka uu Farmaajo ku baaqay aysan tegayn illaa inta ay martiqaad ka helayaan Beesha Caalamka.

New York Times oo qoray warbixin xasasaasi ah oo kashiftay saddex sir oo u qarsanaa FARMAAJO

New York (Caasimada Online) – Wargeyska New York Times ayaa warbixin xasaasi ah ka qoray sababta uu madaxweyne Farmaajo isaga dhiibay baasaboorka Mareykanka, inuu hadda ka hor qaatay baasaboorka dalka Canada, iyo dhacdo ku saabsan Jaaliyadda Soomaalida ee Buffalo, oo tusaale u ah sida uu xukunka u jecel yahay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 1-dii August 2019 ka tanaasulsay muwaadannimadiisa Mareykanka, isaga oo aan shaacin wax sabab ah, hase yeeshee New York Times ayaa warbixin uu maanta qoray ku sheegay inay ugu wacan tahay hal sabab.

“Markii Farmaajo uu iska dhiibay baasaboorka Mareykanka, waxaa jiray baaritaan ay Waaxda Dakhli Uruurinta Mareykanka ee Internal Revenue Service (IRS) ku haysay maaliyaddiisa (lacagihiisa), sida ay sheegeen saddex sarkaal oo reer galbeed ah oo arrintan xog ogaal u ah, kuwaas oo codsaday inaan la magacaabin sababo la xiriira xasaasiyadda arrintan oo ku saabsan madaxweyne dal,” ayaa lagu yiri warbixinta New York Times.

IRS ayaa awood u leh inay baarto lacagaha iyo dhaqaalaha muwaadniinta Mareykanka, haddii lagu tuhmo qaladaad, meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Isaga oo ka tanaasulaya dhalashadiisa Mareykanka, Farmaajo wuxuu ka baxay xeendaabkii ay ku baari kartay IRS. 

New York Times ayaa sheegtay in markii arrintan wax laga weydiiyey xafiiska Farmaajo aysan wax jawaab ka bixin baaritaanka IRS. 

New York Times ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday arrin aan horey loo ogeyn oo ah in Farmaajo uu hadda ka hor qaatay baasaboorka dalka Canada.

“Mr. Maxamed wuxuu Mareykanka yimid 1985-kii isaga oo ah diblomaasi curdun ah oo ka shaqeeya safaaradda Soomaaliya. Markii dalkiisa uu dagaallada galay wuxuu go’aansaday inuu iska sii joogo. Qof saaxiib la ah qoyskiisa ayaa sheegay inuu marka hore magan-galyo ka codsaday Canada oo ay ku noolaayeen hooyadiis iyo walaalhiis, wuxuuna kadib qaatay baasaboorka Canada,” ayaa lagu yiri warbixinta New York Times.

Illaa iyo hadda ma jiro diiwaan shaacsan oo muujinaya in Farmaajo uu ka tanaasulay baasaboorka Canada.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Farmaajo oo markaas un guursaday uu dib ugu soo guuray Mareykanka horraantii sagaashamaadkii, uuna degay magaalada Buffalo.

Warbixinta New York Times ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday dhacdo ku saabsan nolosha Farmaajo oo ka dhacday magaalada Buffalo ee gobolka New York, oo tusaale u noqon karta hanaankiisa siyaasadeed ee hadda meesha halista ah istaajiyey Soomaaliya. 

“Dhowr ka mid ah hoggaamiyayaasha Soomaalida Mareykanka ayaa sheegay in 2007, uu muran xooggan ka dhex qarxay jaaliyadda Soomaalida ee Buffalo ee uu hoggaaminayey Farmaajo. Waxaa dhammaad ahaa laba sano oo Farmaajo loo doortay hoggaanka, hase yeeshee qaar ka mid ah xubnaha Jaaliyadda ayaa ku eedeeyey inuu isku dayey inuu xukunka kusii dhegnaado isaga oo wax kala qiyaameynaya,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Xubno ka mid ah Soomaalida Mareykanka, oo codsaday inaan magacyooda la shaacin si uusan u xumaan xiriirka ay la leeyihiin qoyska Farmaajo, ayaa intaas ku daray in murankaas uu horseeday in jaaliyadda ay u kala jabot laba garab, 

Sheekada ku saabsan arrintan Jaaliyadda ayaa horey marar badan waxaa loogu soo qoray baraha bulshada, hase yeeshee warbixinta New York Times ayaa ah markii ugu horreysay oo ay warbaahin sumcad leh ay arrintan kashifto.

Halkan ka aqriso warbixinta New York Times