27.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 14, 2026

Daawo Tarsan: Madaxweyne Farmaajo afartaada sano waa dhamaatay ee berri adigoo sharaf leh xilka iska dhiib

Muqdisho (Caasimada Online)- Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Farmaajo ayaa soo duubay muuqaal tallo iyo tusaaleyn ah oo ku socda mucaaradka iyo madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday.

Tarsa ayaa labada dhinac ka codsaday in dalka iyo dadka loo turo wax walbana lagu dhameeyo wada hadal iyo tanaasul, maadaama koox walba ay hami ka leeyihiin inay dalka hoggaamiyaan.

Tarsan ayaa si adag ula hadlay mucaaradka isagoona ku eedeeyay in aysan danta dalka iyo dadka u tureyn ee ay danahooda kaliya eeganayaan, wuxuuna carabka ku dhuftay in dalal shisheeye ay qorshaha siyaasadeed iyo xasillooni daro in dalka la geliyo ay doonayaan dalalkaasi oo uu tilmaamay in maslaxadooda ay ku jirto xasilooni darada Soomaaliya.

Sidoo kale, Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu fiiriyo danta dalka, dalka iyo marxalada adag ee shacabka ku jiraan, dagaalna uusan xal u arag ee uu muujiyo tanaasul iyo wada hadal in wax walba lagu dhameeyo.

“Madaxweyne, waxaan ku leeyahay afartii sano waa dhamaatay, adigoo karaamo leh xilka ka tag, waqti baa haysataa adigoo sharaf leh, waxaan kaa rajeynayaa berito markaad baarlamaanta tagtid inaad iska dhiibto xilka, oo tiraahdo Soomaaliyeed waa soo shaqeeyay, waxaan rabay wadanka inaan dhiso, aragtideeda lahaa, laakiin dad baa i diiday, sidaas ayaa ugu tegay,” ayuu yiri Tarsan oo sheegay in haddii la isku dayo in ciidan la isu adeegsado sharaf xumo ay tahay.

Hadalka Tarsan oo aad u dheeraa ayaa waxaa micnahiisa uu kusoo koobay in tanaasulka uusan aheyn jab siyaasadeed, isagoona si adag ula taliyay Farmaajo in taariikhdiisa uusan kusoo gabagabeyn dagaal in xukunka lagu qabsado, isagoona tusaale usoo qaatay ra’iisul wasaarihii hore ee geeriyooday Nuur Cadde iyo Cabdiqaasim Salaad oo si sharaf leh ay  siyaasadda u xusto.

Waxa laga filan karo kulanka golaha shacabka ee maanta iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa la filayaa inay maanta kulmaan ayada oo uu hor-iman doono madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo hadal u jeedin doona.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu xildhibaanada ka codsado inay ka laabtaan muddo kororsiga, islamarkaana ay taageeraan heshiiska 17-ka September, si la isugu dayo in dalka uu doorasho galo, ayada oo dib loo furayo wada-hadalladii ku aadanaa dhameystirka heshiiskaas.

Hase yeeshee, kulanka maanta ayaa waxaa hareeyey hubanti la’aan iyo cabsi xooggan oo ku aadan in guddoomiyaha baarlamanka uu qaato go’aan qalalaalse kale dalka u horseedaya, isaga oo la shaqeynaya Farmaajo, si la mid ah go’aankii 12-ka April ee muddo kororsiga.

Cabsida ugu xooggan ayaa waxay ka jirtaa in la isku dayo in xilka laga qaado ra’iisul wasaare Rooble, laguna adkeysto muddo kororsiga. Inkasta oo Mursal uu si shaacsan u beeniyey arrintan, haddana guuxa la xiriira ayaa weli ka dhex-jira xildhibaanada, waxaana socda hadal hayn badan.

Waxaa suurta-gal ah in kulanka maanta uu ku ekaado hadal jeedinta Farmaajo oo kaliya, laguna kala tago, balse dib loogu ballamo kulan kale oo lagu eegayo arrinta doorashada.

Wax kasta oo ay ahaataba, isku day kasta oo al xiriira ku adkeysashada muddo kororsiga iyo xilka ka qaadista Rooble, ayaa dadka siyaasadda fallanqeeya waxay u arkaan is-miidaamin siyaasadeed, oo si buuxda usoo afjari doonta mustaqbalka siyaasadeed ee Farmaajo iyo Mursal.

Waa tan koowaadee, Farmaajo hadda ma haysto awood ciidan oo uu xukunka kusii joogo kadib markii ciidamada militariga ay laba u kala jabeen oo qaarkood ay diideen xukun dheereysiga, sidoo kalena dhammaan siyaasiyiinta Hawiye, oo ay ku jiraan Rooble, Guudlaawe iyo Qoor Qoor ay diideen muddo kororsiga.

Waa tan labaadee, waxay soo afjari doontaa dulqaadka yar ee Farmaajo ugu haray dalalka beesha caalamka qaarkood, kuna qasbi doontaa inay qaataan go’aan looga wareejinayo maamulka doorashada dalka, looguna aqoonsanayo qaswade, laga go’doomiyo caalamka intiisa kale.

Haddii arrinta muddo kororsiga ama xil ka qaadista Rooble aysan labadaba dhicin, waxaa suurta-gal ah in baarlamanku laalo muddo kororsiga, laguna laabto wada-hadallo cusub, kadibna sidii lagu yaqaan Farmaajo uu mar kale ciyaaro siyaasad kale oo ila-meereyso ah.

Dhinaca kale, inta badan xildhibaanadii horey uga shaqeeyey muddo kororsiga oo ku dhowaa 60 ayaa badankood ka cararay Muqdisho oo dibadaha aaday markii ay soo galeen ciidanka diidan muddo kororsiga, ayaga oo ka cabsanaya in loo beegsado qaladkii iyo sharci-darradii ay sameeyeen ee xiisadda siyaasadeed gelisay dalka, waxaana suurta-gal ah in kooram la’aan ay ku dhacdo kulanka.

Si kastaba, Mursal oo marar badan qabtay kulamo sharci-darro ah, sharciya badanno saxiixay ayada oo aanu kooramka buuxin, sida kulankii muddo kororsiga oo ay joogeen kaliya 56 xildhibaan, ayaa mar kale la filayaa inuu kulanka qabto isaga oo sharci-darro ah.

ZAHRA Siyaad Neeleeye oo ka hadashay sababta ay ku heshay abaal-marinta

Amesterdam (Caasimada Online) – Marwo Zahra Naaleeye Waxay ka tirsan dalad ururka FSAN ee dalka Nederland , caanna ku ah ololaha ka hortagga gudniinka gabdhaha, ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta loo yaqaan ” Officier in de Orde van Oranje-Nassau” oo ah abaalmarin ay bixiso boqortooyada dalka Nederland.

Abaalmarintan ayaa la siiyaa dadka loo arko in ay door muhiim ah kaga jiraan horumarinta & kor u qaadista wacyiga bulshada, iyada oo Zahra muddo ka badan 20 sanno hormuud u aheyd wacyigelinta dadka magangelya-doonka ah, ee dhinacyada caafimaadka & la socodsiinta shuruucda dalkan.

Zahra, ayaan wax ka weydiinay abaalmarintani waxa ay kaga dhigan tahay iyo waxa ay ku muteystay, waxaana ay ku jawaabtay:

“Abaalmarintan waxaa la bixiyaa sanad kasta xilliga ay ku beegan tahay dhalashada boqorka, dadka la siiyo waxaa lagu qiimeeyaa waxa ay bulshada ku soo kordhiyeen, anigu waxaan ku muteystay howlihii adkaa ee aan ka soo qabanay dhanka wacyigelinta iyo tabaradda arrimaha la xiriira ka hortagga gudniinka gabdhaha oo gaar ahaan agaasinkooda masuul ka ahaa.”

Zahra oo saxaafadda la hadashay, waxaa kale oo ay ku nuuxnuuxsatay in markii hore shaqadeedu ay ku koobneyd Soomaalida oo keliya, oo ay ka caawin jireen marka ay dalkan soo galaan, la socodsiiyaan shuruucda dalkan, gaar ahaan hooyooyinka oo lagu wargelin jiray in ay mamnuuc tahay nuuc kasta oo gudniinka gabdhaha.

“Dalkan waxaan soo galnay annaga oo habqan ah, oo aynaan wax badan kala socon sharciyada Yurub, annaga oo kaashanayna wasaaradda caafimaadka waxaan ku guuleysanay in dadku ay helaan xogag ku filan oo dhinac walba ah” Ayeey tiri Zahra, waxayna u mahadcelisay ururka Pharos, GGD & Veilig thuis, ururadda bulshada iyo wacyigaliyaasha oo ay soo wada qabteen howlo muhiim ah.

Zahra waxaa la weydiiyey waxa ay Soomaalida ku dhaqan Holland kaga dhigan tahay abaalmarinta ay ku guuleysatay.?

” Anigu jinsiyadeydu waa Soomaali, mararka qaar waxaan aragnaa in Soomaalida lagu tilmaamo in ay yihiin ma shaqeystayaal qaata ceyr, sawirkaas ayeey wax ka bedeleysaa, laakiin aniga keliye ma ihi waxaa jira dad badan ee Soomaliyeed oo kaalin muhiim ah bulshada kaga jira, dalkanna magac ku leh, shaqooyin wanaagsana haya” Ayeey tiri Zahra.

Zahra waxay sheegtay in dhinacyada ay caawiyaan aysan aheyn Soomaalida keliya, ee sidoo kale ay tababaro siiyaan dadyowga kale ee qaxootiga ah sida wadamada Afrikaanka, Ciraaqiyiinta kurdisha.

“inaan dadyowga kale ee ajnabiga caawino waxaan ku helnay qiimo dheeraad ah oo na lagu aaminay, ayna nagu taageereen hay’adihii dowladda, oo ay ugu horreeyso wasaaradii caafimaadka oo nagu taageertay, waxaana u sabab aheyd aqoontii iyo waaya-aragnimadii aan dhaxalnay waqtiga dheer ee aan soo shaqeynay oo aan kasbanay kalsooni” Ayeey tiri Zahra waxayna intaasi sii raacisay in ay tababar siiso shaqaalaha kala duwan caafimaadka ka shaqeeya, arrimaha bulshadaiwm.

Zahra waxaa kale oo ay sheegtay in ay ugu baaqayso Soomaalida, in ay joojiyaan caadada duuga ah ee gudniinka gabdhaha

“Waxaan la soconaa in weli dalkeenu si xooggan lagaga dhaqmo gudniinka gabdhaha, waxaan juhdi kasta ku bixinay, kuna bixin doonaa sidii loo joojin lahaa dhaqankaasi, qof keligii wax kama qaban karo, waxaan soo jeedinayaa inaan dowlad & shacabba u guntano sidii loo joojin lahaa dhaqankaasi” Ayeey tiri Zahra.

Midowga Murashaxiinta oo digniin culus soo saaray ka hor kulanka BF ee Sabtida

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa diginin culus u diray guddoonka Golaha Shacabka, sidoo kalena dalbaday in Farmaajo uu faraha kala baxo hanaanka doorashooyinka qaranka. Hoos ka aqriso qoraalka Golaha.

War-saxaafadeed

Golaha Midowga Murashixiinta wuxuu uga digayaa guddoonka Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhammaaday in ay qaadaan tillaabo lagu dibindaabinayo xasilloonida iyo geeddi socodka doorashooyinka dalka, sidii ay 12 kii Abriil 2021, iyaga iyo tiro kooban oo xildhibaano ah u qateen go’aan sharci darro ah oo dalka u horseeday qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. 

Goluhu wuxuu caddaynayaa in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad C/llaahi Farmaajo uu yahay caqabadda ugu wayn ee hortaagan heshiis laga gaaro doorashooyinka dalka, sidaas darteed wuxuu Goluhu ku baaqayaa in uu faraha kala baxo hawlaha doorashooyinka, isla markaana banneeyo xafiiska uu sida sharci darrada ah ku degan yahay ee Villa Somalia. 

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Raysal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta in uu si buuxda ula wareego hoggaanka doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka. Tillaabadani waxay sahlaysaa dib u midaynta iyo kalsooni dhiska ciidanka qalabka sida ee ku kala qaybsamay diidmada muddo kordhinta sharci darrida ah. Waxay kaloo xoojinaysaa kalsooni lagu qabi karo hufnaanta doorashooyinka, maadaama uu Raysalwasaaruhu murashax u ahayn xilka madaxtinimada dalka. 

Goluhu wuxuu dawlad goboleedyada xubanaha ka ah dawladda federaalka ugu baaqayaa in ay Xukuumaddu ku garab siiyaan hoggaaminta amniga iyo doorashooyinka dalka, si dalka looga samata bixiyo qalalaase amni iyo doorasho la boobo.

Xog: Maxaa baajiyey shirkii golaha wasiirada ee shalay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay baaqday shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya oo toddobaad kasta la qaban jiray maalinta khamiista ah, waxaana baaqashadiisa ka soo baxaya warar kala duwan, xilli ay xaalad cakiran ay ka jirto magaalada Muqdisho.

Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa Caasimada Online u sheegay in shirka uusan shalay qabsoomin, balse aysan ogeyn sababta rasmiga. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in baaqashada shirka loo maleynayo in ay saameyn weyn ku yeelatay khilaafka doorashada dalka. 

Xogta tilmaameysa in aysan shalay soo xaadirin wasiirada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen, halka sidoo kale aysan xaadir ku noqon qadka ZOOM-KA oo mararka qaar la isugu imaan jiray. 

Lama oga sababta rasmiga ah balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo ka dhashay doorka ra’iisul wasaaraha ee muranka doorashada dalka. Xubno badan oo ka mid golaha wasiirada ayaa la sheegay inay yihiin kuwa raacsan madaxweyne Farmaajo.

Xubno ka mid ah xafiiska ra’iisul wasaaraha oo aan la hadalnay ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu shalay ku mashquulsanaa xal u helidda arrimaha gobolka Banaadir, taasina ay shirka baajisay.

Dhanka kale, afhayeenka ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa xalay beeniyey warar sheegayey in Rooble uu qorsheynayo inuu xilka ka qaado qaar ka mid ah wasiiradiisa. Wararkan, oo aad ugu baahay baraha bulshada saacadihii ugu dambeeyey, ayaa lagu sheegay in Rooble uu doonayo inuu meesho ka saaro wasiirada ku dhow Farmaajo, xilli la tuhunsan yahay inuu khilaaf ka dhaxeeyo labada mas’uul.

Rooble iyo Farmaajo ayaa aragti ahaa kala fogaaday kadib markii Rooble uu Talaadadii qaatay go’aan uu ku diiday muddo kororsiga Farmaajo, iyo in dowladda ay weerarto ciidamada diidan muddo kororsiga ee ku sugan magaalada Muqdisho. 

Go’aanka Rooble ayaa soo geba-gebeeyey damacii Farmaajo ee muddo kororsiga iyo in awood ciidan lagu dayo ciidamada diidan muddo kororsiga ee Muqdisho ku sugan, taasi oo si weyn uga carreysiisay madaxweyne Farmaajo, sida aan xogta ku helnay.

Guddoomiye degmo oo ‘ka bad-baaday’ rasaas ay ku fureen ciidamada militariga

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Baraawe, Cumar Sheekh Cabdi Shafaana ayaa sheegay inuu ka bad-baaday isku dey dil oo la doonayey in lagu khaarajiyo, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan dowladda.

Guddoomiye Shafaana oo wareysi siiyey idaacada VOA-da ayaa sheegay in rasaastaas lagu furay maanta ay ku geeriyoodeen qof rayid ah iyo mid kamid ahaa ilaaladiisa oo ka tirsanaa nabad-sugidda NISA, sidoo kalena uu khasaaro ba’an kasoo gaaray gaarigiisa.

Waxa uu sheegay in rasaasta ay ku fureen ciidamada Millateriga ee ku sugan kantaroolka Baraawe, taasi oo ku tilmaamay inuu ahaa isku-dey dil oo uusan garaneyn sababta keentay beegsigiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa xabado la igu soo shubay ilaa 40 xabadood, ilaahayna waa iga bad-baadshay, dhacadaadaas ayaa maanta i qabsatay anigoo kusii socda xarunta shaqadeydeeda oo ilaahay iga bad-baadshay, waxaana meesha joogey taliyihii ciidamada millateriga qeybteeda Baraawe,” ayuu yiri Guddoomiye Shafaana.

Dhinaca kale, Taliyaha ciidamada Millateriga ee Baraawe, Cabdiraxmaan Jimcaale oo ay idaacada VOA-da la hadashay ayaa sheegay in si ku talo-gal ah loogu furin rasaasta, balse ay jirtay warbixin gaari qarax ah oo la sheegay inuu kujiro degmada Baraawe.

“Ku talo-gal uma weerarin sida runta ah waxaan raadineynay oo difaac ugu jirnay gaari qaraxa ah oo noocasa, guddoomiye maanu weerarin awal hore ayaa wareeri laheyn, degmadiisa iyo ilaalintiisa intaas oo sanadood ku jirnay, sidaasay wax u dhaceen oo qaraxaas magaalada ku jira ayaa howlihiisa ku jirnay,” ayuu yiri.

Xaalada degmada Baraawe ayaa dagan kadib tacshiirada lagu furay gudoomiyaha degmada oo xiisad xoogan ka dhalatay, waxaana socda dadaalo lagu dejinayo dhacdadaas oo uu Shafaana ku doodayo inay aheyd isku-dey dil.

Fursaddii ugu dambeysay oo hortaalla R/W Rooble

Kaalinta uu Ra’iisul Wasaare Rooble ka qaadan karo xallinta xiisadaha dalka ka taagan ayaa loo arkaa rajada keliya ee laga leeyahay in dalka laga badbaadiyo colaad. Waxaana Rooble ku soo jeeda indhaha shacabka, siyaasiyiinta iyo Beesha Caalamka oo dhammaantood isaga u arka furaha guusha nabadda iyo xasilloonida.

Dadka siyaasadda odorosa ayaa aaminsan in tan ay ka dhigan tahay fursaddii ugu dambeysay oo gebagebo u ah fursado xiriir ah oo uu Rooble hore u soo dayacay. Waa fursad uu si la mid ah sidii fududeyd ee uu siyaasadda ku soo galay ugaga mid noqon karo dadka faro-ku-tiriska ah ee raadadka taariikheed ee wanaagga ku suntan ka taga. Waase haddii uu garto awooddiisa siyaasadeed, kuna baraarugo filashada ballaaran ee shacabka rajobeelka ku dhaw ay xaggiisa ka qabaan. 

Waxa ugu muhiimsan ee uu Ra’iisul Wasaare Rooble maanta ku maalgashan karo dhaxal siyaasadeedkiisa wax-ku-oolka ah waa in uu la yimaadaa ka-go’naan iyo dhiirrasho aan labalabays lahayn oo uu ku qaato kaalin hoggaamineed oo siyaasadda iyo amniga dalka ah, si loo dhiso kalsoonidii ku burburtay damacii muddo-kororsiga ee ay madaxtooyadu ku dhaqaaqday. 

Isku-soo-dhawaashaha hadda kala dhexeeya musharraxiinta iyo qaybaha bulshada oo yididdiilo nabadeed abuuray wuxuu ku sii jiri karaa in uu Ra’iisul Wasaaruhu isku muujiyo hoggaamiye u taagan xasilloonida, diyaarna u ah inuu qaato xuquuq walba oo uu dastuurku u siinayo samatabixinta dalka.

W/Q: Abdiaziz Golfyare 

Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka baarlamanka ee berri

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka BFS ayaa Caasimadda Online u sheegay in uu socdo diyaargarowga fadhigooda berri 1-da May 2021 oo ay ku dhageysanayaan khudbadda Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa habeenkii Talaadada 27-ka April 2021 shaaciyay in uu kala hadlayo Sharciga jiheynta Doorashooyinka iyo dib usoo celinta wadahadalkii Afisiyooni ee Madaxda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir u socday.

Waxaa jiro kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan Xildhibaanada daacadda u ah Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna ka hadlayaan jawabta ay ka bixin karaan haddii laga dalbado inay ka noqdaan go’aankii muddo kordhinta ah oo ay horey usoo saareyn.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa Xildhibaannada dalka ka maqan ka dalbaday in ay degdeg usoo laabtaan kahor 1-da May 2021 si ay qayb uga noqdaan go’aanka codka gacan-taagga ah ee uu Golaha Shacabka ku laalayo Sharciga Jiheynta oo 12-kii April 2021 Villa Hargeysa ku ansixiyay kadib markii Madaxtooyada Soomaaliya soo jeedisay in waqti dheereysi labo sano ah uu qalinka ku duugo Baarlamaanka balse tallaabadaas waxaa kahor yimid QM, AU, EU, IGAD, Musharixiinta, Siyaasiyiin & dhinacyo kala duwan.

Kulankaan oo ah mid indhaha lagu wado waxa uu fure u yahay fadhiga wadahadalka maadaama 28-kii April 21 uu soo baxay shaki ka dhashay in kulanka Golaha Shacabka la horgeynayo Mooshin degdeg ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya balse waxaa arrintaas jiritaankeeda beeniyay Guddoonka Baarlamaanka oo xaanshi uusoo saaray ku muujiyay wax kama jiraanka warkaas.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa go’aan weliba kadib dib ugu laabanayay Golaha Shacabka laga soo bilaabo July 2020 oo xilgaas ku beegan bilawgii shirarkii Dhuusamareeb ee sababta u ahaa in Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada ay is afgartaan ilaa bishii September 2020 Muqdisho ku saxiixdaan heshiiska salka u ah arrimaha Doorashooyinka.

Ciidamada diidan muddo kororsiga oo ka hor-yimid inay Muqdisho ka baxaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka ee ka soo horjeeda muddo kororsiga Hay’adaha Dowladda Federaalka ayaa iska diiday inay ka baxaan Magaalada Muqdisho, sababo ku aaddan illaa iyo inta laga xaqiijinayo furitaanka shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Ciidankan iyo Ciidamada Dowladda ayaa habeenkii Axadda ku dagaalamay Magaalada Muqdisho, ka dib markii Ciidamada Haramcad iyo Booliska Gobolka Banaadir ay weerareen hoyga Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ciidankan ayaa gurmad ahaan ku yimid aagga Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan ee Degmada Hodan oo dagaalku uu ka socday, waxaana horkacayay Saraakiil ay ka mid yihiin Faarax Xasan Xaashi (Faarax Jareer) iyo Liibaan Madaxweyne, waxayna ka tirsan yihiin Guutada 7aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Faarax Xasan Xaashi waa Taliyaha Ururka Gurmad ee Guutada 7aad, kuwaa oo ka hawlgala deegaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Guutada 7aad ayaa la rumeysan yahay inay fashilisay hawlgalkii Dowladda Federaalka ku dooneysay in lagu soo qabto Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xoogaga Ururka Gurmad ee Guutada 7aad ayaa haatan fariisimo ka sameystay Degmada Hodan, waxayna Saraakiisha horkaceysa si buuxdo uga horyimaadeen inay xeryahooda dib ugu laabtaan, sababo la xiriira shakiga la sheegay inuu soo kordhay.

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka tirsan Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Arbacadii sheegay inuu socdo qorshe la doonayo in lagu carqaladeeyo is afgaradka laga gaaray arrinta doorashada, isagoona Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanadaba uga digay inay carqaladeeyaan amaba xilka ka tuuraan Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Kama bixi doono fariisimaha aan ka sameysanay magaalada, haddii la rabo inaan ka baxno waa inay madaxda tagtaa Teendhada Afisyooni, oo halkaasina uu shirka wadahadalada ka furmo. Ninka ku fekeraya inaan xeryaha ku laabano, iyadoo aan heshiis la gaarin waa nin riyooday,” ayuu yiri Faarax Jareere.

Dhanka kale Guutada 4aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo diidan muddo kororsiga ayaa iska diiday inay baneeyaan goobaha ay kaga sugan yihiin magaalada.

Ciidankan ayaa tan iyo habeenkii Sabtida ku sugan qaybo ka mida Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan, ka dib markii ay soo faarujiyeen fariisimihii ay ku lahaayen Gobolka Shabellaha Dhexe.

Saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Guutada 4aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Saney Cabdulle Gaab ayaa horkacaya ciidamadan.

Inkastoo Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiinta ay horumar ka sameeyeen arrimaha taagan ayaa waxaa haddana muuqato in weli uu kala shaki jiro.

Tani ayaa imaanaysa, xilli Ra’iisal Wasaare Rooble uu Arbacadii shalay ku baaqay in qoysaskii ka barakacay magaalada ay dib guryahooda ugu soo laabtaan.

Maxaa ka jira in Rooble uu doonayo inuu xilalka ka qaado wasiiro ku dhow Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa beeniyey warar sheegaya in Rooble uu qorsheynayo inuu xilka ka qaado qaar ka mid ah wasiiradiisa.

Wararkan, oo aad ugu baahay baraha bulshada saacadihii ugu dambeeyey, ayaa lagu sheegay in Rooble uu doonayo inuu meesho ka saaro wasiirada ku dhow Farmaajo, xilli la tuhunsan yahay inuu khilaaf ka dhaxeeyo labada mas’uul.

Hase yeeshee, Macallimuu ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas.

“Nin baa galab gaabkii maanta i soo wacay oo ii sheegaya in uu RW Rooble xilka ka qaadayo Wasiir X ,Y,Z . Aad baan ula yaabay waxaan ku iri Wasiiradaa aad ka hadleyso qaarkood baa kulan shaqo hadda kula jira Ra’isul Wasaaraha,” ayuu yiri Macallimuu oo qoraal soo dhigay facebook.

Waxa uu intaas ku daray “Isla ninkii odayga ahaa baan I soo wacay Taraawiixda kadib ,wuxuu i leeyahay sheekada haddaan xaqiiqdeeda soo helay, Madaxweyne Farmaajo ayaa Wasiiradii aan galabta kuu sheegay ee X,Y,Z amray in ay deg deg isu casilaan oo waxaan sugayaa Live-kooda.”

“Waxaan xaqiiqsaday in beentan hore aaney waxba ka duwaneyn tii galabta. Waxaan is weydiiyay wax aan jirin buunbuuniteeda maxuu ka helayaa ruuxaa mise Shayaadiintii la xirxiray bisha Ramadaan ayaa u soo wareegay Facebook iyo Twitter?”

Rooble iyo Farmaajo ayaa aragti ahaa kala fogaaday kadib markii Rooble uu Talaadadii qaatay go’aan uu ku diiday muddo kororsiga Farmaajo, iyo in dowladda ay weerarto ciidamada diidan muddo kororsiga ee ku sugan magaalada Muqdisho. 

Ruushka oo war naadir ah ka soo saaray qabasho la’aanta doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa ka hadashay is-mari waaga siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, ayada oo ballan-qaaday inay ka qeyb qaadaneyso dadaallada caalamiga ah ee xalka lagu raadinayo.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ruushka ayaa lagu yiri “Waxaan la soconaa arrimaha ka dhacaya Soomaaliya ee ay sii xumeysa qabasho la’aanta doorashooyinkii Febraayo.”

“Ayada oo xubin joogto ah ka ah Golaha Ammaanka ee QM, Russia waxay qorsheyneysa inay taageerto dadaallada caalamiga ah ee caawimaad dhameystiran lagu siinayo Muqdisho.”

Waa markii ugu horreysay ee Ruushku ay ka hadlaan is-mari waaga doorashada Soomaaliya, tan iyo markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, 7-dii Febraayo 2021.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa isku dayeysay inay ku dhowaato Ruushka, kadib markii reer galbeedka ay Farmaajo ka diideen muddo kororsiga, waxaana 15-kii April Muqdisho ku kulmay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Belel Cusmaan iyo safiirka Ruushka ee Soomaaliya iyo Jabuuti Michail Golovanov. 

Caasimada Online ayaa 7-dii April qortay xog gaar ah oo ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay heshiis hoose oo muhiim ah la gashay dowladaha Shiinaha iyo Ruushka, oo qeyb ka ah waddamada leh codka awoodda qayixan ee golaha ammaanka ee QM.

Labadaan dowladood ayaa Madaxweyne Farmaajo u ballan qaaday in ay is hortaagi doonaan qaraar kasta oo Soomaaliya ka dhan ah,  islamarkaana la horkeeno fadhigga golaha ammaaka.

Soomaaliya ayaa la sheegay in taa beddelkeed ay Shiinaha iyo Ruushka u ballan qaaday iskaashi iyo in fursad wanaagsan laga siiyo tartanka gobalka ka socda oo dalalkaas muhiim u ah.

Si kastaba, xitaa haddii Ruushka iyo Shiinaha ay dowladda ka hor-istaagaan qaraarada golaha ammaanka, waxaa xusid mudan in Mareykanka iyo Yurub ay saari karaan cunqabateyno iskood ah, maadaama dhaqaalaha caalamka oo idil ay inta badan ayaga maamulaan.

Sawirro: Ciidamada Danab oo maanta burburiyey gaari siday waxyaabaha qarxa

0

Jilib Marka (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab ka fuliyey deegaanka Jilib Marka oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.

Taliska Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalkaas lagu burburiyey gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu diyaarinayey saldhig ay halkaas ku lahaayeen Kooxda Al-Shabaab.

Gaariga la burburiyey ayaa waxaa lagu sheegay noociisa inuu ahaa Saruf, waxayna wararka sheegayaan in la doonayo in lasoo geliyo Magaalada Muqdisho inkastoo aan la ogeyn bartilmaameedkiisa saxda ah.

Howlgalkaan ayaa wuxuu dhacay aroortii hore ee saaka, waxaana ujeedka howlgalkaan lagu sheegay inuu ahaa burburinta fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jilib Marka.

Taliska Ciidamada ayaa xusay inay ciidamada u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan fariisimo cusub oo ay horey ugu sugneyd kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab weli kama aysan hadlin sheegashada Saraakiisha ciidamada Dowladda iyo howlgalkii laga sameeyey Jilib Marka.

Dowladda Kenya oo dib u dhigtay go’aankii ka dhanka ahaa Soomaalida + Sababta

Nairobi (Caasimada Online) – Dawladda Kenya ayaa shaacisay inay dib u dhigtay xiritaankii xeryaha qaxootiga ee Dadaab iyo Kakuma oo ay ku jiraan qaxooti ay ka mid yihiin boqolaal kun oo Soomaali ah.

Go’aankan ayay ku dhowaaqday Kenya shalay kadib markii ay kulan yeesheen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxa Hay’adda Qaxootiga Dunida UNHCR Filippo Grandi.

Kenya waxay sheegtay inay xeryahan xiri doonto marka la gaaro bisha 30-ka Juun ee sannadka 2022-ka. Guddi ka socda dawladda Kenya iyo Qaramada Midoobay ayaa billaabi doona qorshaha lagu dedejinayo xiritaanka xeryaha laga billaabo 5-ta bisha May 2022-ka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dawladda Kenya.

Dadka qaxootiga ah ayaa dib loogu celin doonaa waddamada ay kasoo jeedaan. Waxaa sidoo kale qaxootiga kasoo jeeda Bariga Afrika qaarkood fursad loo siin doonaa inay helaan oggolaansho shaqo, si ay uga shaqaystaan gudaha dalka Kenya.

Kenya ayaa sheegtay inay xilligan ku jiraan xeryaha Dadaab iyo Kakuma qaxooyi dhan 433,765. Bishii hore ayey dawladda Kenya soo cusboonaysiisay go’aanka ay doonayso inay ku xirto xeryaha qaxootiga.

Hay’adda xuuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa soo dhowaysay go’aanka dawladda Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in go’aanka lagu xiray xeryaha qaxootiga uu yahay mid siyaasadeed, oo ay Kenya ku beegsanesyo Soomaalida, xilli ay is-hayaan dowladda federaalka. 

Dad badan oo Somaliland ugu geeriyooday COVID-19

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in dad gaaraya 79-qof laga helay cudurka Coronavis, kuwaasi oo lagu xaqiijiyey baaritaanadii u dambeeyay ee laga sameeyay deegaanadaas.

Covid-19 ayaa markale si weyn ugu soo labo-kacleeyay deegaanada Somaliland, ayada oo laga deyrinayo xawliga faafistiisa, waxaana maalmihii u dambeeyay lasoo warinayaa in dad hor leh cudurkaas ugu geeriyoodeen gudaha magaalada Boorama.

Iskuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu faro ba’an ku hayo gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, isagoona sheegay in dadka u geeriyooday ay u badan yihiin waayeel.

“Waxaad mooda in usoo kordhayo inta dambe gobol ahaan, gaar ahaan degmada Boorama oo caasimada gobolka ah, xaalada ahaan waxaa joogna waqtigii ugu cuslaa, iyada oo cidna waqtigeeda dhaafeyna haddana dhimashadu wey nagu badan tahay oo uu sabab u yahay Covid-ku, waana dadka waaweyn,” ayuu yiri Dr. Mustafe Muumin Muuse.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka uu soo ritay ee ugu geeriyooday magaalada Boorama cudurkaan ay u badan yihiin dadka waaweyn ee qaba xanuunada gaar ah, wuxuuna ugu baaqay bulshada inay qaataan tallaalka cudurka oo kal hore la gaarsiiyey Somaliland.

Cudurka safmarka ah ee Coronavirus ayaa waxa uu faro ba’an ku hayaa Somaliland tan iyo markii uu dalka kusoo labo kacleeyay, waxaana guud ahaan cudurka laga helay 4,267-qof, halka ay u geeriyoodeen 269-qof, ilaa hadda inta la ogyahay.

Gudoomiyaha Al-Shabaab ee G/Banaadir oo si yaab leh uga hadlay dagaalladii Muqdisho ee mucaaradka iyo dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ururka Al-Shabaab ugu magacaaban gobolka Banaadir oo la yiraahdo Muuse Cabdi Caraale ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xiisada colaadeed ee ka dhex taagan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowlada federaalka iyo xubnaha mucaaradka ah, kuwaas ciidamo kala taabacsan ay dhawaan ku dagaalameen gudaha magaalada Muqdisho.

Muuse Cabdi oo wareysi siiyey warbaahinta kooxda ayaa eedeynta ugu weyn ee wixii dhacay dusha ka saaray madaxweyne Farmaajo, isagoo sheegay in wixii kala dhaxeeyey ragga kala ee ka soo hor jeeda uu kaligiis la cararay, balse waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in shacabka laga barakiciyey gurayahooda xilligaan kuleyka ah.

Sidoo kale sarkaalkaan ka tirsan Al-Shabaab waxa uu qabaa in labada dhinac ee ku hardamaya Muqdisho uusan midkood wax maslaxo ah u haynin bulshada ku nool magaaladan, isagoo sheegay in garab kasta uu wato danihiisa u gaarka ah.

Mar wax laga weydiiyey suurta galnimada inay heshii karaan dhinacyada isku khilaafay doorashada Soomaaliya, maadaama Farmaajo Sabtiga hor tegayo BF waxa uu yiri, “Uma muuqato inay heshii doonaan, sababtoo ah Farmaajo waxa uu aruursanayaa ciidamo uu ka keensanaayo, Galgaduud, Gedo, Bay iyo Hiiraan, waxa uu ciidamadaas u soo uruursanayana waa inuu ku dagaalamo, mucaaradkuna waa fahamsan yahay oo waxay diyaarinayaan qorsheyaal hor leh, waxayna u diyaar garoobayaan dagaal, Farmaajana mujaamalo ayuu ku wadaa, hana u maleynin inay heshii doonaan.”

Waxuu intaas ku sii daray, “Dadka reer Muqdisho waa il bax, maaha dad la dheyalsan karo, waxaan leeyahay reer Muqdishow yaan la niyad jebin, dadka doonaya inay soo celiyaan sharaftiina waa taqaanaan.”

Sidoo kale sarkaalkan ka tirsan Al-Shabaab waxaa uu sheegay in beesha caalamka aysan si daacad u kala dhex-geli doonin labada dhinac, balse ay hadda wax-wal ka qabaan burburka ay wajahayaan ciidankii ay dhiseen ee kharashka badani uga baxay.

Mar wax laga weydiiyey baaqyada ka soo baxa beesha caalamka waxa uu yiri, “Qoladaas markoodii hore waxay dhaqaale xoog leh geliyeen AMISOM, markii ay guul dareysteen oo ay wax ka qaban waayeen weeraradeena, waxay u weecdeen oo dhaqaale xoog leh mar kale geliyeen dhismaha ciidamada Soomaalida, marka hada shisheeyuhu kama murugsana inay Soomaalidu is disho, ee waxaa murug ku haaya beertii ay tabcayeen ee juhdiga badan ay ku buxiyeen inay hadda sii burbureyso, oo ciidankii ay tabceen ay beelahooda kala raacayaan, mida ay ka dhawaajinayaan oo mar kasta ay ka calaacalayana waa taas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xog: Qatar oo ergey gaar ah usoo direysa Muqdisho, damacsan qorshe cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa dhawaan usoo direysa dalka Soomaaliya ergey gaar ah, kaasi oo qeyb ka noqonaya dadaallada miiska wada-hadalka la iskugu keenayo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo saamileyda siyaasadda, sida ay Caasimada Online u sheegen ilo xog-ogaal ah.

Sida ay Caasimada Online kasoo xigatay ilo diblomaasiyadeed, ergeyga cusub ee Qatar usoo direyso Soomaaliya, ayaa lagu magacaaba Dr. Mutlaq bin Majed al-Qahtani, waana ninkii hogaaminayay wada-hadalladii uu Mareykanka la galay Taliban.

Ergeyga cusub, oo lasoo magacaabayo billowga toddobaadka cusub, ayaa waxa uu kulmo kala duwan la qaadan doona dhammaan qaybaha kala duwan ee isku haya siyaasadda Soomaaliya iyo wakiilada beesha caalamka.

Qatar oo inta badan lagu eedeyo inay xiriir hoose la leedahay madaxda waqtigoodu dhamaaday ee dowladda federaalka ayaa waxa la fahamsan yahay inay tallaabadan ku muujineyso inay dhex-dhexaad uga tahay xiisada dalka.

Dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in tallaabada Qatar ay qaaday ay ka dhigan tahay inay hagaajiso sumcaddeeda Soomaaliya, ayna rumeysan tahay in maalmihii Farmaajo ee xukunka Soomaaliya ay gebo-gebo yihiin, si ay ula macaamisho cid kasta oo xukunka ka beddesha.

Todobaadkii hore un bay aheyd, markii wasaaradda arrimaha dibada ee Qatar qoraal ku beenisay eedeymo la xiriiriyey “inay lacago boorso lagu qaado soo mariso taliyaha Nabad-Sugidda, Fahad Yaasin”.

Qoraalkaas ayaa waxay Qatar ku sheegtay inay jirto lacag dhan $20 Milyan oo sanadkii tegay ay ku taageertay miisaaniyada dowladda, waxayna hoosta ka xariiqday inaysan jirin lacag madow oo ay geliso Soomaaliya.

“Qatar waxay door wax dhisid ah ka ciyaarta Soomaaliya, taasi oo aan uga gol leenahay in aan ku caawino madax-banaanida, degenaanshaha iyo horumarinta Soomaaliya. Dadaalada Qatar iyo mowqifkeedu wuxuu lamid yahay midka QM iyo saaxiibada kale ee Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka Qatar.

Dowladda Qatar oo la rumaysnaa inay aheyd maalgeliyaha dowladda Farmaajo tan iyo 2017, iyadoo bixisay kharashka howlgallada ciidan iyo siyaasadeed, ayaa hadda doonaysa inay beesha caalamka iyo mucaaradka u muujiso inaysan taageero gaar ah u haynin Farmaajo oo muddo xileedkiisu dhamaaday.

Xildhibaan Fiqi: Teendhada Afisyoone sideedii hore looguma noqon karo!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale ah mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa su’aal ka keenay qaabka ay madaxda dalka ugu laabanayaan wada-hadaladii teendhada Afisyooni.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in marnaba aan la aqbali karin in sidii hore loogu noqdo teendhada, maadama uu ku doodayo in hogaanka shirkaas uu ka madax-banaanado “cid dan gaar ah la leh doorashada”.

Qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in talada doorashada iyo shirka teendhada Afisyooni ay musharaxiinta u taagan tartanka doorashada ay u jirsadaan in is le’eg.

Inkasta oo uu carabaabin Fiqi cida uu ka digayo inay qabato hogaanka shirka Afisyooni, ayaa haddana waxaa la fahamsan yahay inuu kasoo horjeedo in madaxweynaha waqtigiisu dhamaado uu door hogaamineed ku yeesho wada-hadalada lagu wado inay dib u bilowdaan ee doorashada.

Farmaajo ayaa dhowr jeer lagu eedeyay inuu bur-buriyay shirar ay iskugu imaadeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka, kaasi oo uu ugu dambeeyay midkii ka dhacay teendhada Afisyooni, oo ay dowladda shaacisay inuu fashilmay, ayada oo qoddobada qaar is-afgarad horudhac ah laga gaaray.

Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi

Taladii dalku waxay la mid noqotay miino gacanta ugu jirta cunug yar oo kale, kaasoo si joogto ah ugu cayaaraya, Marka uu doonana korkeeda garaacaya.

Cunuga yari aqoontiisa iyo caqligiisuba ma siinayaan in uu garto waxa uu ku cayaarayo ama garaacayo in ay naftiisa iyo inta ka ag-dhowba ay galaafanayso.

Qarniga 21aad, dal 30 sano dagaallo ku jiray, dawladnimadiisu ay kabkab tahay, nidaamkiisa siyaasadda lagu qeybsado qabiil iyo 4.5, ninka leh taladii ayaan xoogayaa, wixii iga horyimaadana waa xasuuqayaa waxba kama duwana cunugaas yar ee halista gacmaha ugu jirta aan ka war-hayn.

Talada doorashada iyo teendhadii Afisyoone sideedii hore looguma noqon karo, hogaanka shirkaas waa in uu qabtaa cid aan doorashada dan gaar ka lahayn, musharixiintuna masaafo is le’eg ay u jirsadaan!.

Libaax baxsad ah oo laba qof ku dhaawacay Hargeysa iyo digniin laga soo saaray

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Somaliland ayaa goordhoweyd soo saaray digniin la xiriirta Libaax ka baxsaday Beer lagu xanaaneyn jiray, kaasi oo dhaawac ka geystay gudaha magaalada Hargeysa.

Ciidanka ayaa bulshada Somaliland, gaar ahaan dadweynaha ku nool caasimada Hargeysa uga digay inay ka feejignaadan halista Libaaxaas, islamarkaana ay soo wargeliyaan laamaha amaanka si dib loogu celiyo Beerta Xayawaanka ee Waran Cade, oo uu markii hore kasoo fakaday.

“Wargelin: Ciidanka Booliska Somaliland waxay ku wargalinayaan Bulshada somaliland gaar ahaan Caasimada in uu baxsaday mid ka mid ah Libaaxyadii ku Xaraysnaa Beerta Xayawaanka Ee Waran Cade. Hadaba waxaanu bulshada uga digaynaa in ay ka feejignadaan Libaxaasi Baxsadka ah isla markaana cidii aragtaa ay la soo socdsiiso Ciidamada Booliska,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Libaaxa baxsadka ah ayaa dhaawac ugu geystay xaafada New Hargeysa labo qof oo shacab ah, sida ay dad deegaanka ah u sheegen Caasimada Online.

Ciidamada booliska Somaliland ayaa weli baadi-goob balaaran ugu jira sidii Libaaxaas gacanta loogu soo dhigi lahaa, ayada oo cabsi hor leh soo food saartay shacabka magaalada Hargeysa.

Libaaxa baxsadka ah ayaa waxa uu kamid ahaa Libaaxyo ku xareysnaa Beerta Xayawaanka ee Waran Cade, oo uu leeyahay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde.

Sawirro: Rooble, Qoor Qoor iyo Guudlaawe oo la kulmay ganacsatada + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay qaar kamid ah ganacsatada gobolka Banaadir, kadib dagaalladii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ahaa oo ra’iisal wasaare Rooble ku wehlinayay Madaxweyneyaasha Galmudug iyo HirShabeelle, oo ayagu dhawaan ka horyimid muddo kororsigii uu Golaha Shacabka u meel-mariyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Waxaa looga hadlay kulankaan sidii ganacsatada uga qeyb qaadan laheyd kaalinteeda ku aadan xoojinta   xasiloonida caasimadda iyo caawinta dadkii ku barakacay rabshadihii dhacay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Ganacsatida Muqdisho ayaa loo arkaa awood ballaaran oo saameyn ku yeelan karta loolanka magaalada, haddii ay taageeraan musharaxiinta iyo haddii kaleba.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga musharaxiinta mucaaridka ayaa hore ugu baaqay ganacsatada inay joojiyeen canshuurta ay siiyan Farmaajo, “Ganacsatadeena waxaan ugu baaqayaa in aysan Farmaajo Canshuur iska siin maadaama uu Sharcidaro ku joogo Villa Soomaaliya”.

Kulankaan ayaa waxa uu qeyb ka noqonaya kulamo uu saacadihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ka waday ra’iisal wasaare Rooble, kuwaasi oo lagu dejinayo xiisada ka taagan magaalada, oo soo qaboweysay tan iyo markii lagu dhawaaqay in dib loogu laabanayo heshiiskii doorasho ee 17-kii September.

Dalalka Amisom oo go’aan ka soo saaray muddo kororsiga iyo amar la siiyey ciidamada

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Kulankii 32-aad ee Gudidga Isku xirka dalalka Ciidamada iyo Booliska ku tabaruca Amisom ee loo yaqaan (T/PCCs) oo 28-kii bishan lagu qabtay hab online ah, ayaa laga soo saaray go’aano la xiriira xaaladda Soomaaliya ee iminka iyo xiisadda ka dhalatay muddo kororsiga hay’adaha dowladda federaalka.

Kulanka oo uu guddoominayey madaxa arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, Bankole Adeoye, ayaa waxaa ka qeyb-galay wakiilo ka socday dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone iyo Uganda.

Qoraal kasoo baxay kulanka ayaa mar kale ku celiyey cambaareyntii Midowga Afrika ee ku aadaneyd go’aankii halka dhinac ah, ee ay 12-kii iyo 13-kii April qaateen Golaha Shacabka Soomaaliya iyo madaxweyne Farmaajo, kuwaasi oo ay muddo kororsi laba sano ah ku sameysteen.

Kulanka ayaa sidoo kale mar kale xaqiijiyey in heshiiska 17-ka September, uu yahay waddada wada-xaajoodka hanaanka doorashada Soomaaliya. 

“Dalalka T/PCCs waxay isku raaceen in Amisom ay qaado tallaabooyin looga hortagayo rabshado ka dhaca Muqdisho iyo meelaha ka baxsan, ayada oo sidoo kalena la ilaalinayo lana sugayo goobaha Amisom,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen.

Kulanka ayaa tusmeeyey in xaaladda Soomaaliya ee iminka ay tahay mid welwel leh oo sii xumaaneysa, waxayna ku cel-celiyeen baaqyada ku aadan in la qaado tallaabooyin lagu xoojinayo kalsoonida iyo is-aaminadda iyo in la billaabo wada-hadallo lagu gaaro heshiis.

Waxay soo dhoweeyeen hadalkii Farmaajo ee ahaa inuu Aqalka Hoose ku celinayo qaraarkii 12-kii April ee muddo kororsiga, si dib loogu laabto heshiiska 17-ka September.

Ka qeyb-galayaasha kulanka ayaa ugu dambeyn ka codsaday Amisom inay ka fogaato inay lugaha la gasho siyaasadaha Soomaaliya, ayna dhex-dhexaad ka ahaato dhinacyada isku haya siyaasadda, si ay u fududeyso in Muqdisho laga dhigo aag ka caagan militariga.