24.9 C
Mogadishu
Wednesday, July 15, 2026

Dowladda Kenya oo dib u dhigtay go’aankii ka dhanka ahaa Soomaalida + Sababta

Nairobi (Caasimada Online) – Dawladda Kenya ayaa shaacisay inay dib u dhigtay xiritaankii xeryaha qaxootiga ee Dadaab iyo Kakuma oo ay ku jiraan qaxooti ay ka mid yihiin boqolaal kun oo Soomaali ah.

Go’aankan ayay ku dhowaaqday Kenya shalay kadib markii ay kulan yeesheen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxa Hay’adda Qaxootiga Dunida UNHCR Filippo Grandi.

Kenya waxay sheegtay inay xeryahan xiri doonto marka la gaaro bisha 30-ka Juun ee sannadka 2022-ka. Guddi ka socda dawladda Kenya iyo Qaramada Midoobay ayaa billaabi doona qorshaha lagu dedejinayo xiritaanka xeryaha laga billaabo 5-ta bisha May 2022-ka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dawladda Kenya.

Dadka qaxootiga ah ayaa dib loogu celin doonaa waddamada ay kasoo jeedaan. Waxaa sidoo kale qaxootiga kasoo jeeda Bariga Afrika qaarkood fursad loo siin doonaa inay helaan oggolaansho shaqo, si ay uga shaqaystaan gudaha dalka Kenya.

Kenya ayaa sheegtay inay xilligan ku jiraan xeryaha Dadaab iyo Kakuma qaxooyi dhan 433,765. Bishii hore ayey dawladda Kenya soo cusboonaysiisay go’aanka ay doonayso inay ku xirto xeryaha qaxootiga.

Hay’adda xuuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa soo dhowaysay go’aanka dawladda Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in go’aanka lagu xiray xeryaha qaxootiga uu yahay mid siyaasadeed, oo ay Kenya ku beegsanesyo Soomaalida, xilli ay is-hayaan dowladda federaalka. 

Dad badan oo Somaliland ugu geeriyooday COVID-19

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in dad gaaraya 79-qof laga helay cudurka Coronavis, kuwaasi oo lagu xaqiijiyey baaritaanadii u dambeeyay ee laga sameeyay deegaanadaas.

Covid-19 ayaa markale si weyn ugu soo labo-kacleeyay deegaanada Somaliland, ayada oo laga deyrinayo xawliga faafistiisa, waxaana maalmihii u dambeeyay lasoo warinayaa in dad hor leh cudurkaas ugu geeriyoodeen gudaha magaalada Boorama.

Iskuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu faro ba’an ku hayo gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, isagoona sheegay in dadka u geeriyooday ay u badan yihiin waayeel.

“Waxaad mooda in usoo kordhayo inta dambe gobol ahaan, gaar ahaan degmada Boorama oo caasimada gobolka ah, xaalada ahaan waxaa joogna waqtigii ugu cuslaa, iyada oo cidna waqtigeeda dhaafeyna haddana dhimashadu wey nagu badan tahay oo uu sabab u yahay Covid-ku, waana dadka waaweyn,” ayuu yiri Dr. Mustafe Muumin Muuse.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka uu soo ritay ee ugu geeriyooday magaalada Boorama cudurkaan ay u badan yihiin dadka waaweyn ee qaba xanuunada gaar ah, wuxuuna ugu baaqay bulshada inay qaataan tallaalka cudurka oo kal hore la gaarsiiyey Somaliland.

Cudurka safmarka ah ee Coronavirus ayaa waxa uu faro ba’an ku hayaa Somaliland tan iyo markii uu dalka kusoo labo kacleeyay, waxaana guud ahaan cudurka laga helay 4,267-qof, halka ay u geeriyoodeen 269-qof, ilaa hadda inta la ogyahay.

Gudoomiyaha Al-Shabaab ee G/Banaadir oo si yaab leh uga hadlay dagaalladii Muqdisho ee mucaaradka iyo dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ururka Al-Shabaab ugu magacaaban gobolka Banaadir oo la yiraahdo Muuse Cabdi Caraale ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xiisada colaadeed ee ka dhex taagan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowlada federaalka iyo xubnaha mucaaradka ah, kuwaas ciidamo kala taabacsan ay dhawaan ku dagaalameen gudaha magaalada Muqdisho.

Muuse Cabdi oo wareysi siiyey warbaahinta kooxda ayaa eedeynta ugu weyn ee wixii dhacay dusha ka saaray madaxweyne Farmaajo, isagoo sheegay in wixii kala dhaxeeyey ragga kala ee ka soo hor jeeda uu kaligiis la cararay, balse waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in shacabka laga barakiciyey gurayahooda xilligaan kuleyka ah.

Sidoo kale sarkaalkaan ka tirsan Al-Shabaab waxa uu qabaa in labada dhinac ee ku hardamaya Muqdisho uusan midkood wax maslaxo ah u haynin bulshada ku nool magaaladan, isagoo sheegay in garab kasta uu wato danihiisa u gaarka ah.

Mar wax laga weydiiyey suurta galnimada inay heshii karaan dhinacyada isku khilaafay doorashada Soomaaliya, maadaama Farmaajo Sabtiga hor tegayo BF waxa uu yiri, “Uma muuqato inay heshii doonaan, sababtoo ah Farmaajo waxa uu aruursanayaa ciidamo uu ka keensanaayo, Galgaduud, Gedo, Bay iyo Hiiraan, waxa uu ciidamadaas u soo uruursanayana waa inuu ku dagaalamo, mucaaradkuna waa fahamsan yahay oo waxay diyaarinayaan qorsheyaal hor leh, waxayna u diyaar garoobayaan dagaal, Farmaajana mujaamalo ayuu ku wadaa, hana u maleynin inay heshii doonaan.”

Waxuu intaas ku sii daray, “Dadka reer Muqdisho waa il bax, maaha dad la dheyalsan karo, waxaan leeyahay reer Muqdishow yaan la niyad jebin, dadka doonaya inay soo celiyaan sharaftiina waa taqaanaan.”

Sidoo kale sarkaalkan ka tirsan Al-Shabaab waxaa uu sheegay in beesha caalamka aysan si daacad u kala dhex-geli doonin labada dhinac, balse ay hadda wax-wal ka qabaan burburka ay wajahayaan ciidankii ay dhiseen ee kharashka badani uga baxay.

Mar wax laga weydiiyey baaqyada ka soo baxa beesha caalamka waxa uu yiri, “Qoladaas markoodii hore waxay dhaqaale xoog leh geliyeen AMISOM, markii ay guul dareysteen oo ay wax ka qaban waayeen weeraradeena, waxay u weecdeen oo dhaqaale xoog leh mar kale geliyeen dhismaha ciidamada Soomaalida, marka hada shisheeyuhu kama murugsana inay Soomaalidu is disho, ee waxaa murug ku haaya beertii ay tabcayeen ee juhdiga badan ay ku buxiyeen inay hadda sii burbureyso, oo ciidankii ay tabceen ay beelahooda kala raacayaan, mida ay ka dhawaajinayaan oo mar kasta ay ka calaacalayana waa taas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xog: Qatar oo ergey gaar ah usoo direysa Muqdisho, damacsan qorshe cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa dhawaan usoo direysa dalka Soomaaliya ergey gaar ah, kaasi oo qeyb ka noqonaya dadaallada miiska wada-hadalka la iskugu keenayo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo saamileyda siyaasadda, sida ay Caasimada Online u sheegen ilo xog-ogaal ah.

Sida ay Caasimada Online kasoo xigatay ilo diblomaasiyadeed, ergeyga cusub ee Qatar usoo direyso Soomaaliya, ayaa lagu magacaaba Dr. Mutlaq bin Majed al-Qahtani, waana ninkii hogaaminayay wada-hadalladii uu Mareykanka la galay Taliban.

Ergeyga cusub, oo lasoo magacaabayo billowga toddobaadka cusub, ayaa waxa uu kulmo kala duwan la qaadan doona dhammaan qaybaha kala duwan ee isku haya siyaasadda Soomaaliya iyo wakiilada beesha caalamka.

Qatar oo inta badan lagu eedeyo inay xiriir hoose la leedahay madaxda waqtigoodu dhamaaday ee dowladda federaalka ayaa waxa la fahamsan yahay inay tallaabadan ku muujineyso inay dhex-dhexaad uga tahay xiisada dalka.

Dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in tallaabada Qatar ay qaaday ay ka dhigan tahay inay hagaajiso sumcaddeeda Soomaaliya, ayna rumeysan tahay in maalmihii Farmaajo ee xukunka Soomaaliya ay gebo-gebo yihiin, si ay ula macaamisho cid kasta oo xukunka ka beddesha.

Todobaadkii hore un bay aheyd, markii wasaaradda arrimaha dibada ee Qatar qoraal ku beenisay eedeymo la xiriiriyey “inay lacago boorso lagu qaado soo mariso taliyaha Nabad-Sugidda, Fahad Yaasin”.

Qoraalkaas ayaa waxay Qatar ku sheegtay inay jirto lacag dhan $20 Milyan oo sanadkii tegay ay ku taageertay miisaaniyada dowladda, waxayna hoosta ka xariiqday inaysan jirin lacag madow oo ay geliso Soomaaliya.

“Qatar waxay door wax dhisid ah ka ciyaarta Soomaaliya, taasi oo aan uga gol leenahay in aan ku caawino madax-banaanida, degenaanshaha iyo horumarinta Soomaaliya. Dadaalada Qatar iyo mowqifkeedu wuxuu lamid yahay midka QM iyo saaxiibada kale ee Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka Qatar.

Dowladda Qatar oo la rumaysnaa inay aheyd maalgeliyaha dowladda Farmaajo tan iyo 2017, iyadoo bixisay kharashka howlgallada ciidan iyo siyaasadeed, ayaa hadda doonaysa inay beesha caalamka iyo mucaaradka u muujiso inaysan taageero gaar ah u haynin Farmaajo oo muddo xileedkiisu dhamaaday.

Xildhibaan Fiqi: Teendhada Afisyoone sideedii hore looguma noqon karo!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale ah mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa su’aal ka keenay qaabka ay madaxda dalka ugu laabanayaan wada-hadaladii teendhada Afisyooni.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in marnaba aan la aqbali karin in sidii hore loogu noqdo teendhada, maadama uu ku doodayo in hogaanka shirkaas uu ka madax-banaanado “cid dan gaar ah la leh doorashada”.

Qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in talada doorashada iyo shirka teendhada Afisyooni ay musharaxiinta u taagan tartanka doorashada ay u jirsadaan in is le’eg.

Inkasta oo uu carabaabin Fiqi cida uu ka digayo inay qabato hogaanka shirka Afisyooni, ayaa haddana waxaa la fahamsan yahay inuu kasoo horjeedo in madaxweynaha waqtigiisu dhamaado uu door hogaamineed ku yeesho wada-hadalada lagu wado inay dib u bilowdaan ee doorashada.

Farmaajo ayaa dhowr jeer lagu eedeyay inuu bur-buriyay shirar ay iskugu imaadeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka, kaasi oo uu ugu dambeeyay midkii ka dhacay teendhada Afisyooni, oo ay dowladda shaacisay inuu fashilmay, ayada oo qoddobada qaar is-afgarad horudhac ah laga gaaray.

Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi

Taladii dalku waxay la mid noqotay miino gacanta ugu jirta cunug yar oo kale, kaasoo si joogto ah ugu cayaaraya, Marka uu doonana korkeeda garaacaya.

Cunuga yari aqoontiisa iyo caqligiisuba ma siinayaan in uu garto waxa uu ku cayaarayo ama garaacayo in ay naftiisa iyo inta ka ag-dhowba ay galaafanayso.

Qarniga 21aad, dal 30 sano dagaallo ku jiray, dawladnimadiisu ay kabkab tahay, nidaamkiisa siyaasadda lagu qeybsado qabiil iyo 4.5, ninka leh taladii ayaan xoogayaa, wixii iga horyimaadana waa xasuuqayaa waxba kama duwana cunugaas yar ee halista gacmaha ugu jirta aan ka war-hayn.

Talada doorashada iyo teendhadii Afisyoone sideedii hore looguma noqon karo, hogaanka shirkaas waa in uu qabtaa cid aan doorashada dan gaar ka lahayn, musharixiintuna masaafo is le’eg ay u jirsadaan!.

Libaax baxsad ah oo laba qof ku dhaawacay Hargeysa iyo digniin laga soo saaray

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Somaliland ayaa goordhoweyd soo saaray digniin la xiriirta Libaax ka baxsaday Beer lagu xanaaneyn jiray, kaasi oo dhaawac ka geystay gudaha magaalada Hargeysa.

Ciidanka ayaa bulshada Somaliland, gaar ahaan dadweynaha ku nool caasimada Hargeysa uga digay inay ka feejignaadan halista Libaaxaas, islamarkaana ay soo wargeliyaan laamaha amaanka si dib loogu celiyo Beerta Xayawaanka ee Waran Cade, oo uu markii hore kasoo fakaday.

“Wargelin: Ciidanka Booliska Somaliland waxay ku wargalinayaan Bulshada somaliland gaar ahaan Caasimada in uu baxsaday mid ka mid ah Libaaxyadii ku Xaraysnaa Beerta Xayawaanka Ee Waran Cade. Hadaba waxaanu bulshada uga digaynaa in ay ka feejignadaan Libaxaasi Baxsadka ah isla markaana cidii aragtaa ay la soo socdsiiso Ciidamada Booliska,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Libaaxa baxsadka ah ayaa dhaawac ugu geystay xaafada New Hargeysa labo qof oo shacab ah, sida ay dad deegaanka ah u sheegen Caasimada Online.

Ciidamada booliska Somaliland ayaa weli baadi-goob balaaran ugu jira sidii Libaaxaas gacanta loogu soo dhigi lahaa, ayada oo cabsi hor leh soo food saartay shacabka magaalada Hargeysa.

Libaaxa baxsadka ah ayaa waxa uu kamid ahaa Libaaxyo ku xareysnaa Beerta Xayawaanka ee Waran Cade, oo uu leeyahay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde.

Sawirro: Rooble, Qoor Qoor iyo Guudlaawe oo la kulmay ganacsatada + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay qaar kamid ah ganacsatada gobolka Banaadir, kadib dagaalladii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ahaa oo ra’iisal wasaare Rooble ku wehlinayay Madaxweyneyaasha Galmudug iyo HirShabeelle, oo ayagu dhawaan ka horyimid muddo kororsigii uu Golaha Shacabka u meel-mariyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Waxaa looga hadlay kulankaan sidii ganacsatada uga qeyb qaadan laheyd kaalinteeda ku aadan xoojinta   xasiloonida caasimadda iyo caawinta dadkii ku barakacay rabshadihii dhacay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Ganacsatida Muqdisho ayaa loo arkaa awood ballaaran oo saameyn ku yeelan karta loolanka magaalada, haddii ay taageeraan musharaxiinta iyo haddii kaleba.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga musharaxiinta mucaaridka ayaa hore ugu baaqay ganacsatada inay joojiyeen canshuurta ay siiyan Farmaajo, “Ganacsatadeena waxaan ugu baaqayaa in aysan Farmaajo Canshuur iska siin maadaama uu Sharcidaro ku joogo Villa Soomaaliya”.

Kulankaan ayaa waxa uu qeyb ka noqonaya kulamo uu saacadihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ka waday ra’iisal wasaare Rooble, kuwaasi oo lagu dejinayo xiisada ka taagan magaalada, oo soo qaboweysay tan iyo markii lagu dhawaaqay in dib loogu laabanayo heshiiskii doorasho ee 17-kii September.

Dalalka Amisom oo go’aan ka soo saaray muddo kororsiga iyo amar la siiyey ciidamada

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Kulankii 32-aad ee Gudidga Isku xirka dalalka Ciidamada iyo Booliska ku tabaruca Amisom ee loo yaqaan (T/PCCs) oo 28-kii bishan lagu qabtay hab online ah, ayaa laga soo saaray go’aano la xiriira xaaladda Soomaaliya ee iminka iyo xiisadda ka dhalatay muddo kororsiga hay’adaha dowladda federaalka.

Kulanka oo uu guddoominayey madaxa arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, Bankole Adeoye, ayaa waxaa ka qeyb-galay wakiilo ka socday dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone iyo Uganda.

Qoraal kasoo baxay kulanka ayaa mar kale ku celiyey cambaareyntii Midowga Afrika ee ku aadaneyd go’aankii halka dhinac ah, ee ay 12-kii iyo 13-kii April qaateen Golaha Shacabka Soomaaliya iyo madaxweyne Farmaajo, kuwaasi oo ay muddo kororsi laba sano ah ku sameysteen.

Kulanka ayaa sidoo kale mar kale xaqiijiyey in heshiiska 17-ka September, uu yahay waddada wada-xaajoodka hanaanka doorashada Soomaaliya. 

“Dalalka T/PCCs waxay isku raaceen in Amisom ay qaado tallaabooyin looga hortagayo rabshado ka dhaca Muqdisho iyo meelaha ka baxsan, ayada oo sidoo kalena la ilaalinayo lana sugayo goobaha Amisom,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen.

Kulanka ayaa tusmeeyey in xaaladda Soomaaliya ee iminka ay tahay mid welwel leh oo sii xumaaneysa, waxayna ku cel-celiyeen baaqyada ku aadan in la qaado tallaabooyin lagu xoojinayo kalsoonida iyo is-aaminadda iyo in la billaabo wada-hadallo lagu gaaro heshiis.

Waxay soo dhoweeyeen hadalkii Farmaajo ee ahaa inuu Aqalka Hoose ku celinayo qaraarkii 12-kii April ee muddo kororsiga, si dib loogu laabto heshiiska 17-ka September.

Ka qeyb-galayaasha kulanka ayaa ugu dambeyn ka codsaday Amisom inay ka fogaato inay lugaha la gasho siyaasadaha Soomaaliya, ayna dhex-dhexaad ka ahaato dhinacyada isku haya siyaasadda, si ay u fududeyso in Muqdisho laga dhigo aag ka caagan militariga.

UK oo farrin culus u dirtay Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo ciidanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa si weyn usoo dhaweysay go’aanadii u dambeeyay ee madaxda Soomaalida iskugu raacday in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September, ayada oo meesha laga saarayo muddo kororsigii uu meel mariyey Golaha Shacabka.

UK ayaa sheegtay “in dib loogu laabto wada-hadal ay meesha ka saareyso qalaalase iyo xaalad abuur amni,” waxayna walaac xoogan ka muujisay in dhinacyada is-haya ay ku guul-dareystaan in si dhaqso leh ugu dhaqaaqi waayan doorasho.

Qoraalka kasoo baxay dowladda UK ayaa sidoo kale waxaa lagu bogaadiyey go’aankii ay ra’iisal wasaare Rooble go’aankii iyo maamullada taabacsanaa Farmaajo uga horyimaadeen muddo kororsiga uu sameystay.

“Nabadgelyada, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya darteed, waxaa muhiim ah in sida ugu dhakhsaha badan loo qabto doorashooyin ku dhisan is-afgarad. Boqortooyada (UK) waxay xuseysaa go’aanka Madaxweyne Farmaajo ee ah “inuu dib ugula laabto wada-hadalka madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DF, isagoo cuskanaya heshiiskoodii 17-kii September, kaas oo ah wadada kaliya ee ay ansixiyeen DF iyo dhamaan dowladdaha xubnaha ka ah DF.” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaan hadda ugu yeereynaa Madaxweynaha iyo madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah DF inay si deg-deg ah u wada-hadlaan, weliba wada-hadal shuruud la’aan. Waa inay yimaaddaan iyagoo diyaarsan si ay u sameeyaan tanaasul lagama maarmaan ah oo ay si daacadnimo leh uga gorgortamaan.

Sidoo kale waxaa qoraalka Boqortooyadda UK baaq adag loogu diray ciidamada Soomaaliyeed, si ay uga waantooban ka qeyb noqoshada rabshado horseedaya amaan darro, islamarkaana ay xooga saaran dadaalkooda ku aadan la dagaalanka argagixisada.

“Waxaan si aad ah uga walaacsanahay in ku guul-darraysiga in dhaqso loogu dhaqaaqo doorashooyinka ay horseedi karto amni darro weyn, gaar ahaan Muqdisho iyo meelo kale, ayna la timaado cawaaqib xumo bani’aadamnimo. Rabshadaha ka socda Muqdisho ayaa horay u barakiciyay tobanaan kun. Abaartu waxay sii kordhineysaa qatarta nolosha dadka rayidka ah iyo nolosha.”

“Waxaa lama huraan ah in ciidamada amniga ay xooga saaraan dadaalkooda ku aadan la dagaalanka cadowga guud ee Al Shabaab, si loo hubiyo inaysan ka faa’iideysan mudadan hubanti la’aanta siyaasadeed. Waxaana ugu baaqeynaa ciidamada amaanka caasimada inay ka waantoobaan rabshadaha isla markaana ay ilaaliyaan xasiloonida,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka kasoo baxay UK.

Daawo: Shariif oo ka hadlay dagaalladii Muqdisho kadib markii uu dalka kusoo laabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaridka oo maanta dib ugu soo laabtay dalka, ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqyadii u dambeeyay ee ka socday magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif oo shir jaraa’id ku qabtay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku waxyeeloobay dagaaladii dhawaan dhacay, kuwaasi oo looga soo horjeeday muddo kororsiga madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Waxa uu soo dhaweeyay go’aankii ay maamulada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed uga soo horjeesteen muddo kororsiga Farmaajo, ee uu taageeray ra’iisal wasare Rooble, taasi oo ku tilmaamay mid waqtigiisa yimid.

“Waa in aan maskaxda ku hayno marwalba inaysan suurta-gal aheyn in xaaladu ay sidan sii ahaato, waa xaalad qatar ah oo aan sii fiirsan karin, loona baahan yahay in si wada-jir ah looga wada-shaqeeyo. Waxaa rajeynayna in baarlamaanka fahmeen wixii laga digaayey inay sax ahaayeen, markaa waxaa leenahay mas’uuliyadiina qaata,” ayuu yiri.

“Sida ugu dhaqsaha badan waa in laga wada-shaqeeyo sidii doorasho loo aadi lahaa, ayada oo culeyska laga qaadayo magaalada oo laga wada-shaqeeyo. Soomaaliya maanta dagaal uma baahna ee waxay u baahan tahay dowladnimo la wada leeyahay”

Sidoo kale waxa uu si gaar ah uga mahad-celiyay ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta doorka uu ka qaatay dejinta xiisada mucaaridka iyo madaxda waqtigoodu dhamaaday, isagoona beesha caalamka ku bogaadiyey dadaalka ay ugu jirto sidii dalka uu doorasho u aadi lahaa iyo taageerada ay u muujisay go’aamadii u dambeyay ee muddo kororsiga lagu diiday.

Sheekh Shariif ayaa ugu dambeyntiina ku baaqay in laga fogaado waxkasta oo horseedi kara qalaalase iyo amni darro, islamarkaana ay dalka ka dhacdo doorasho lagu kalsoon yahay oo heshiis lagu yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Sixitaan: Fanaanadda Luul Jeylaani Cali ma geeriyoon

0

Minneapolis (Caasimada Online) – War aan goor sii horeysay baahinay oo ku saabsanaa inay geeriyootay fanaanadda caanka ah ee Luul Jaylaani ayaa waxaa beeniyey qaar kamid ah ehelada fanaanadda oo ku nool dalka Mareykanka.

Warkan oo soo shaac baxay goor dhoweyd ayaa si weyn loogu faafiyey baraha bulshada ee Internet-ka iyo warbaahinta Soomaalida, ayaa waxaa laga soo xigtay fanaanadda Sahra Cumar Dhuule, balse waxaa waxba kama jiraan ku tilmaamaday ehellada fanaanaddaasi oo ka mid ah fanaaniinta caanka ah ee Soomaaliyeed.

Caasimada Online waxay raalli-gelin buuxda ka siineysa aqristayaasha iyo fanaanaddaba qoraalka ay horey u daabacday ee geerida la sheegay inay ku timid fanaanadan oo caan ku ah fanka Banaadiriga.

Luul Jaylaani oo ka tirsaneyd hobolladii Qaranka ee Waabari ayaa sanadihii dambe ku nooleyd dalka dibaddiisa, gaar ahaan wadanka Mareykanka.

Fanaanadda ayaa sidoo kale qeyb ka aheyd ruwaayado caan baxay oo la sameeyey bariisamaadkii, isla-markaana ka hadlayey wadaniyada iyo sidoo kale jaceylka.

Xog: Farmaajo iyo ROOBLE, Cali Guudlaawe iyo QOOR QOOR oo sii kala fogaanaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya inay aragti ahaan sii kala fogaanayaan madaxweyne Farmaajo, iyo xubnihii xulufada la ahaa ee kala ah; Ra’iisul Wasaare Rooble, Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Rooble, Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ay si cad uga hor-yimaadeen in xiisadda Muqdisho mar dambe lagu dayo awood ciidan, ayna ka go’an tahay inay si kasta uga hortagaan.

Saddexda mas’uul, oo war-saxaafadeed ay soo saareen Talaadadii ku diiday muddo kororsiga Farmaajo, ayaa la sheegay inuu ahaa go’aan mideysan oo baajiyey weerar ay qorsheeyeen madaxweyne Farmaajo iyo la-taliyayaashiisa oo ku aadanaa in ciidamada ku sugan Muqdisho ee diidan muddo kororsiga lagu soo afjaro dagaal.

Sidoo kale, xog aan ka helnay kulankii ay xalay saddexda mas’uul la yeesheen musharaxiinta mucaaradka, ayaa sheegeysa in la isku raacay in loo midoobo inaan la aqbalin dagaal dambe oo ka dhaca Muqdisho iyo weerar ay ciidamada dowladda qaadaan.

Go’aanka ayaa dhabar-jab weyn ku ah madaxweyne Farmaajo, aadna u wiiqaya awooddiida, sababtoo ah magaalada oo qeybo badan oo ka mid ah ay haystaan ciidamo kasoo horjeeda, ayada oo mowqifka Rooble, Qoor Qoor iyo Guudlaawe uu ciidamada kale ee Hawiyaha ah ee ku jira dowladda kusii dhiiri-gelinayo inaysan dagaal ka qeyb-qaadaan, taasi oo qaar badan oo ka mid ah ay horey u diideen.

Ka hor, go’aankii Rooble, Qoor Qoor iyo Guudlaawe, Farmaajo ayaa la sheegay in uu faray saraakiisha ciidanka Milateriga Soomaaliya iyo kuwa booliska inay soo afjaraan ciidanka diidan muddo korarsiga ee ku sugan agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya. 

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyay in la soo afjaro ciidanka diidan muddo korarsiga ee ku sugan aagga u dhaw Madaxtooyada gaar ahaan, Dabka, Siigaale, Barmuudo, Taleex iyo xaafado kale oo ka tirsan Howlwadaag. 

Xaafado ka mid ah Howl-wadaag, sida Shanta-Geed, Cago Dhiig iyo agagaarka sayidka ayaa Subaxii Talaadada lagu soo daadiyey ciidan badan oo ka mid ah kuwa dowladda, waxaana xigay hanjabaad uu kadib jeediyey wasiirka amniga Xasan Xundubey, oo sheegay in ciidamada musharaxiinta ay soo dhex-geli karaan Al-Qacida iyo Daacish. Hadalkaas ayaa la rumeysan yahay inuu horudhac u ahaa qorshaha weerar ee dowladda.

Si kastaba, Rooble, Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa kadib soo saaray qoraallo mideysan, taasi oo fashilisay qorshihii weerarka.

Dhinaca kale, Rooble ayaa lagu warramayaa inuu ka fakarayo inuu la wareego hoggaanka wada-hadallada doorashada, uuna iclaamiyo shir. Arrintan ayaa waxaa taageersan beesha caalamka, waxaana ku cadaadinaya inuu sameeyo inta badan musharaxiinta mucaaradka iyo Qoor Qoor iyo Guudlaawe.

Mareykanka oo farriin culus u diray FARMAAJO, Golaha Shacabka iyo ciidmaada

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka inay deg deg u baabi’iyaan sharcigii muddo kororsiga ee la meel-mariyey 12-kii bishan April.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Dowladda Mareykanka waxay qireysaa ballan-qaadka uu madaxweyne Farmaajo sameeyey 28-kii April ee ah inuu dib ugu laabanayo heshiiska 17-ka September uuna deg deg u billaabayo wada-hadallada hoggaamiyayaasha dowlad goboleedyada. Waxaan ugu baaqeynaa madaxweynaha iyo baarlamanka inay deg deg uga howl-galaa baabi’inta sharciga muddo kororsiga ee 12-ka April.”

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu ammaanay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo hoggaamiyayaasha HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed inay diideen muddo kororsiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa ugu baaqday madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay deg deg u kulmaan si ay u dhameystiraan hanaan doorasho oo heshiis ku dhisan, una qabtaan doorashooyinka baarlamanka iyo madaxweynaha sida ugu dhaqsaha badan, ayada oo saldhig looga dhigayo heshiiska 17-ka September. 

“Dhammaan hoggaamiyayaasha waa inay meel iska dhigaan damacooda siyaasadeed iyo khilaafyad, danta shacabka darteed-na ay wada-xaajood ku galaan niyad wanaagsan ayada oo aan lagu xirin shuruudo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaan ugu baaqeynaa ciidamada amniga Soomaaliya iyo kooxaha hubeysan inay dhinac u leexdaan ayna ogolaadaan in wada-hadallada siyaasadeed ay ku bilowdaan jawi ka madax-banaan rabshado iyo cabsi gelin. Sii socoshada dagaallada waxay kaliya oo ay sii xumeeneysa xaaladaha shacabka Soomaaliyeed.”

Maxaa kasoo baxay shirkii Rooble, Guudlaawe, QOOR QOOR iyo murashaxiinta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan saacado qaatay oo xalay magaalada Muqdisho ku dhex maray Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyneyaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Midowga Murashaxiinta oo ay wehliyeen xildhibaano ayaa lagu lafa guray xaalada dalka iyo isbadalada siyaasadeed ee dhacay 24-kii saac lasoo dhaafay.

Kulanka oo ahaa mid ku yimid dalabka Ra’iisul wasaare Rooble, kana dhacay guriga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweyne Qoor Qoor ,ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ugu horeeyaan dhacdooyinkii iyo qalalaasihii habeenadii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Waxay madaxdu isla garteen dhowr qodob uu saldhig u noqon doona in amniga magaalada Muqdisho laga shaqeeyo iyo sidii dib loogu noqon lahaa doorashadii lagu heshiiyay 17-kii September.

Waxaa qodobadii la isla gartay ee lagu heshiiyay baahiyay wasiir kuxigeenka xukuumadda xil gaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala oo shirka ka qeyb galay, isagoo sheegay in shirka uu guul kusoo dhamaaday, lagana wada shaqeynayo sidii xal loogu heli lahaa in mar kale magaalada ka dhicin iska horimaadyo kale, in laga shaqeeyo xasiloonida caasimada iyo sidii ay dib ugu soo noqon lahaayeen dadkii ka barakacay magaalada.

Wasiir Al-Caddaala ayaa intaa raaciyay in labada dhinac ay ka wada shaqeyn doonaan sidii dib loogu noqon lahaa doorasho ku saleysan heshiiskii 17-kii Septembar la gaaray si loo qabto doorasho la isla ogal yahay.

Madaxdii ka qeybgashay kulankaasi ee midowga murashaxiinta oo ugu horeeyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh, ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdulqaadir Cosoble, Mustaf Dhuxuloow, Qoor Qoor, Guudlaawe iyo xildhibaanada mucaaradka ayaa si wada jir ah usoo dhoweeyay iyagoona si dadban u sheegay in fulinta qodobadaasi madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday aan lagu aamini karin.

Farmaajo oo u muuqda inuu ku adkeysanayo qodobadii burburiyey shirarkii hore

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu dambeyn u hoggaansamay cadaadiska ka dhashay dagaalka ka dhanka ahaa muddo kordhinta ee ka dhacay Muqdisho, isaga oo sheegay inuu ka laabanayo muddo kordhinta, diyaarna u yahay heshiiskii September 17.

Farmaajo ayaa go’aankaas qaatay kadib markii ay garabkiisa ka baxeen maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle iyada oo uu raacay ra’isul wasaare Rooble. Waxaa kale uu uu wajahay cabsida ah cunaqabateyn ay ugu hanjabeen Mareykanka.

Farmaajo ayaa markii uu hadlay habeen hore waxaa uu sheegay inuu Sabtida hortagi doonno golaha shacablka, waana tallaabo kale uu golahaasi gacanta ugu jira uu uga ka dhaadhicin doono iney laalaan muddo kordhin uu 12-kii bishan april ku qasbay.

Farmaajo ayaa ku celiyey in September 17 lagu noqdo shuruud la’aan. Hase yeeshee waxaa xusid mudan in aaney wax dhibaato ah ka jirin heshiiska September 17, ee waxa la isku heystay ay aheyd maamul goboleedyada oo lahaa hala furo heshiiskaas iyo Farmaajo oo ku adkeysaney in sidiisa lagu qaato, sababtoo ah kadib heshiiskaas ayaa waxaa isbeddelay arrimo badan

Shirkii Dhuusamareeb 4 ee Febraayo, maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland waxaa ay hor dhigeen ilaa 3 qodob oo kala ahaa:

1- Arrinta Somaliland iyo cidda maamuleysa xildhibaanada gobollada waqooyi.

2- Guddiga doorashada lagu muran sanyahay, oo lagu soo daray xubno ka tirsan dowladda iyo shaqaale sirdoon, sida ay sheegeen Jubaland iyo Puntland.

3- Arrinta Gedo, oo Farmaajo uu geeyey ciidamo badan, oo Jubaland ay dalbaneyso in laga saro.

Shirkii April horraanteeda ka dhacay Teendhada Afrisyoone, waxaa ay maamul goboleedyada ku dareen shuruudo cusub oo ay ugu muhiimsanaayeen:

1- In Farmaajo saxiixo warqad uu ku caddeynayo in muddo xileedkiisu idlaaday, maadaama heshiiskii September 17 kadib uu waqtigu ka dhacay.

2 – Inuu wareejiyo maamulka amniga doorashada una gacan geliyo ra’iisul wasaare Rooble

3- Xil ka qaadista taiyeyaashii qaska wada ee ku lugta yeeshay weerarkii 19-ka Febraayo.

4- In shirka laga soo qeyb geliyo musharaxiinta mucaaradka, maadama hadda Farmaajo uu ayaga la mid yahay oo uu waqtigu ka dhacay.

Haddaba shirka la filayo inuu dhaco bisha May oo ay ka horreeyeen dagaallo ka dhacay Muqdisho, askar gadootay, qorshaha dhexd-hexaadinta Midowga Afrika iyo arrimaha cusub ayaa horseedi kara shuruudo kale oo cusub.

Sidaas darteed sidee doorasho loogu galaa heshiisak 17-ka September ee Farmaajo uu hadda ku dhegan yahay. Haddii uusan Farmaajo ogolaan in wax walba laga wada-hadlo uuna diido inuu aqbalo shuruudaha, waxay tani keeni karta burbur cusub oo ku yimaada wada-hadallada la qorsheynayo, xaaladdana kusoo celiso meesheeda.

ODOWAA: Golaha Shacabku ma wuxuu noqday albaab furihiisa Farmaajo heysto?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, haatana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo u warramay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha soo kordhay.

Xildhibaan Odowaa ayaa shirkiisa jaraa’iid kusoo hadal qaaday kulanka loo ballansan yahay Sabtida ee mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya iyo waxa laga filan karo, wuxuuna shaaca ka qaaday in Golaha Shacabka uu noqday gole sacab, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xildhibaanadii ansixiyey muddo kordhinta labada sano ay markale ka noqon doonaan go’aankaasi, kadib markii uu socon waayey.

“Waxaa ii muuqata markale in xildhibaanada Golaha Shacabka ee maalin dhoweyd la siray in haddana loo keeni doono oo ay sacbi doonaan oo ay dhihi doonaan waa ka laabanay labadii sano,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa).

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Odowaa oo hadalkiisa sii wata ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, isaga oo sheegay in Golaha Shacabka Soomaaliya uu ka dhigay albaab uu furihiisa isagu heysto.

“Haddaba Golaha Shacabku ma wuxuu noqday fure albaab furihiisa Farmaajo heysto?, subixii uu rabana uu furto. baabuur matoorkiisa la kicinaayo subixii uu rabana uu damiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey xildhibaan Odowaa oo ka tirsan xildhibaanada mucaaradka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya uu kulan deg-deg ah isugu yeeray xildhibaanada golahaasi, kaas oo yimid kadib khudbadii uu dhowaan u jeediyey shacabka Soomaaliyeed madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Hanti dhowrihii Jubbaland oo ku geeriyooday NAIROBI

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Allaha u naxariistii waxaa xalay magaalada Nairobi ku geeriyooday hanti dhowrihii guud ee maamulka Jubbaland, Marxuum Cabdicasiis Sheekh Xuseen Dayib.

Marxuumka ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayey gudaha magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo ugu dambeyn uu ku dhintay.

Dayib ayaa sidoo kale ka mid ah ahaa aas aasayaashii dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland, iyadoo geerida ku timid uu ka tacsiyeeyey madaxweynaha maamulkaasi.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Axmed Madoobe ayaa waxaa tacsi loogu diray ehellada, qaraabada marxuumka iyo guud ahaan reer Jubbaland.

Sidoo kale madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Marxuum Cabdicasiis Sheekh Xuseen Dayib Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdawso.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa isagoo ku hadlaya Magaciisa, iyo kan Goleyaasha kala duwan ee Dowlada waxaa uu Shacabka Soomaaliyeed, Bulshada Jubaland, qaraabadii, qoyskii iyo Saxiibadii uu ka baxay uga Tacsiyeeyay Alle ha u Naxariistee Hanti dhowrahii guud ee Dowlada Jubaland Marxuum Cabdicasiis sheekh Xuseen Dayib oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya oo maalmahii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Alle ha u Naxariistee Cabdicasiis wuxuu ahaa qof afgaaban oo alle ka cabsi badan isla markana hormuud u ahaa nabada iyo wadajirka wax walbana ka hormarin jiray danta guud ee ummada.

“ Marxuum Cabdicasiis wuxuu kamid ahaa aas aasayaashii Jubaland isagoo mar walba ay ku weynayd sidii dadka Soomaaliyeed ay nabad iyo walaalnimo ugu wada noolaan lahayeen wuxuuna ka soo shaqeeyay qeybo kala duwan isagoo wakhti iyo naf huris u muujiyay wakhtiyo adag oo bulshadu ay u baahnayd.” Ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu danbayn Madaxweynahu wuxuu Alle “SWC” uga baryay marxuumka inuu u danbi dhaafo naxariistii janana rabi uu ka waraabiyo.

Sheekh Shariif oo maalmo, kadib kusoo laabtay dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladii ku meel gaarka aheyd , haatana ah guddoomiyaha midowga musharraxiinta mucaaradka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif oo ka yimid dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta oo uu ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyey xildhibaano ka tirsan labada gole, qaar ka mid ah musharraxiinta, xubno ka mid ah xisbiga Hilimo Qaran iyo mas’uuliyiin kale.

Intaasu kadib Sheekh Shariif ayaa waxaa loo galbiyey hoyga uu ka dagan dhinaca Mirinaayo ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula hadli doono warbaahinta.

Shariifka ayaa la filayaa inuu ka hadlo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan qalalaasihii dhowaan ka dhacay caasimada dalka ee Muqdisho iyo doorashooyinka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray inuu kulamo la leeyahay siyaasiyiinta mucaaradka, iyaga oo ka wada-hadli doono khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Si kastaba socdaalka madaxweynihii hore ee dalka ayaa kusoo aadaya, iyada oo mucaaradka ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ay ka bilaabeen magaalada Muqdisho, waxaana haatan socda kulamo siyaasadeed oo looga hadlayo xaaladaha gaarka ah ee soo kordhay.

PUNTLAND oo shuruud ku xirtay wada-hadallada uu xalay ku baaqay Farmaajo

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa shaaciyey in maamulkooda uusan ka qeyb-gali doonin shirka uu xalay carabaabey madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, oo ka hadlay xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Wasiir Timacadde oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ka qeyb-galka shirkaas ku xirayo martiqaad uga imaada Beesha Caalamka, isaga oo ka hor-imaaday tallaabada uu Farmaajo ku hortagayo Golaha Shacabka.

“Baarlamaanka iyaga ayaaba sharci aheyn oo waqtigooda dhamaaday muddona ma kordhin karaan, iyana ma kordhisan karaan micnana masoo kordhineyso hadii uu Madaxweynaha hortago,” ayuu yiri Wasiir warfaafinta Puntland.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in maamulka Puntland uu diyaar u yahay ka qeyb-galka shirkasta oo looga arrinsanayo arrimaha Soomaaliya, balse aysan ku kalsoonaan kareyn madaxda waqtigooda dhamaaday oo ay u baahan yihiin damaanada Beesha Caalamka.

Hadalka Puntland ayaa imanaaya xili uu xalay Farmaajo ku baaqay wada-hadalo looga arrinsayo doorashada oo marnaba shuruud lagu xireyn, kadib markii uu ku fashilmay isku-deygii muddo kororsi oo ay ka hor-imaadeen maamuladii taabacsanaa, mucaaridka iyo beesha caalamka.

Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa gashay jawi cusub oo ka duwan midka maalmihii lasoo dhaafay oo ay xiisad colaadeed ka taagneyd magaalada Muqdisho, hase yeeshe ilaa hadda si dhab ah uma muuqato in dhinacyada isku haya ay heshiis kama dambeys ah ka gaaran doorashada.

Guddoonka golaha shacabka oo war kasoo saaray warka la xiriira xil ka-qaadista Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku beeniyey warar soo baxay goor hore oo sheegayey in xilka laga qaadayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. 

“Waxaa shacabka Soomaliyeed la wadaagayaa inay been abuur ay tahay wararka lagu daabacay baraha bulshada oo ah in maalinta Sabtida xil ka qaadis lagu sameynayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qorala uu soo saaray xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Buux.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan umadda Soomaliyeed uga digayna in ay ka fogaadan wararkaas been abuurka ah, u jeedada kulanka uu yahay in maalinta Sabtiga 1-da May uu madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu hor imaan doono mudanayaasha golaha shacabka.”

Qorshaha la xiriira xil ka qaadista ayaa la rumeysan yahay inay wadeen xildhibaano diidan in laga laabto muddo kororsiga oo xulufo la ah madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Mursal, waxaana qorshahaas ka digay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Senator Cabdi Qeybdiid.

“Waxaan uga digayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada inaysan ku dhaqaaqin wax carqaladeynaya doorashada, haddii arrintaas imaadana cawaaqibka ay leedahay iyo dhibaatada ka timaada iyagaa qaadaya, arrintii ay qaadeen 12-kii bishii April ee aheyd kordhinta labada sano waaye waxa dadna u dhintay dadna u dhaawacan yahay, dadna u barakaceen,” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.