24.7 C
Mogadishu
Wednesday, July 15, 2026

Guddoonka golaha shacabka oo war kasoo saaray warka la xiriira xil ka-qaadista Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku beeniyey warar soo baxay goor hore oo sheegayey in xilka laga qaadayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. 

“Waxaa shacabka Soomaliyeed la wadaagayaa inay been abuur ay tahay wararka lagu daabacay baraha bulshada oo ah in maalinta Sabtida xil ka qaadis lagu sameynayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qorala uu soo saaray xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Buux.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan umadda Soomaliyeed uga digayna in ay ka fogaadan wararkaas been abuurka ah, u jeedada kulanka uu yahay in maalinta Sabtiga 1-da May uu madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu hor imaan doono mudanayaasha golaha shacabka.”

Qorshaha la xiriira xil ka qaadista ayaa la rumeysan yahay inay wadeen xildhibaano diidan in laga laabto muddo kororsiga oo xulufo la ah madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Mursal, waxaana qorshahaas ka digay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Senator Cabdi Qeybdiid.

“Waxaan uga digayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada inaysan ku dhaqaaqin wax carqaladeynaya doorashada, haddii arrintaas imaadana cawaaqibka ay leedahay iyo dhibaatada ka timaada iyagaa qaadaya, arrintii ay qaadeen 12-kii bishii April ee aheyd kordhinta labada sano waaye waxa dadna u dhintay dadna u dhaawacan yahay, dadna u barakaceen,” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Cabdi Qeybdiid oo u digay guddoonka BF, xilli uu socdo qorshe ka dhan ah Rooble

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey Soomaaliya iyo go’aanadii kasoo baxay madaxweynayaasha HirShabeelle, Galmudug iyo Ra’iisul wasaare Rooble oo ahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay isla markaasna aan la aqbali doonin muddo kordhin.

Senator Qeydiid ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay go’aanadii ay muddo kororsiga ku diideen madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, oo markii hore si weyn u taageersanaa qorsha madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Waxa uu ka digay in baarlamaanka uu qaado tallaabo dalka u horseedaysa qalaalase hor leh, xili ay soo baxayaan in kulanka golaha ee maalinta Sabtida qabsoomaya la keenayo mooshin xilka looga tuuray ra’iisal wasaare Rooble.

“Waxaan uga digayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada inaysan ku dhaqaaqin wax carqaladeynaya doorashada, haddii arrintaas imaadana cawaaqibka ay leedahay iyo dhibaatada ka timaada iyagaa qaadaya, arrintii ay qaadeen 12-kii bishii April ee aheyd kordhinta labada sano waaye waxa dadna u dhintay dadna u dhaawacan yahay, dadna u barakaceen,” ayuu yiri.

Inkastoo uusan Cabdi Qeybdiid si rasmi ah u sheegin waxa uu ka digayo inay tahay xil ka qaadista la hadal hayo in Baarlamaanka uu ku sameynayo Ra’isul wasaare Rooble Maalinta Sabtida ah, haddana waxaa la rumeysan yahay in ujeedka hadalkiisa uu yahay in Baarlamaanka uusan isku dayin inay xilka ka qaadan Ra’isulwasaare Rooble.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu dhawaan qaaday tallaabo  uu muddo kordhin ugu sameeyey madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday taasoo ay ka dhalatay inay Magaalada Muqdisho marti geliso dagaalo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Wuxuu ka digay in Baarlamaanka Soomaaliya uu qaato go’aan aan laga fiirsan, wuxuuna  tilmaamay in wixii ka dhashay ay qaadi doonaan Mas’uuliyadeeda madaxda ka dambeyso qorshaha uu wado Baarlamaanka.

Cabdiqeybdiid ayaa ugu dambeyn sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka socdaan dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada Dowladda, wuxuuna ka digay in dalka mar kale loo horseedo dagaal iyo barakac.

Cabdi Qeybdiid ayaa la rumeysan yahay inuu aad ugu dhow yahay Ra’isul Wasaare Rooble oo ay isku heyb yihiin, sidoo kalana wuxuu kamid yahay shakhsiyaadkii ka shaqeeyey in Rooble uu ka hor yimaado muddo kordhinta, islamarkaasna uu dalka u horseedo doorasho xor iyo xalaal ah.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo ku dhow guddoonka baarlamaanka, kulankaas oo uu dalbaday madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, ayaa waxaa loo qorsheynayaa in xilka looga qaado Ra’iisal wasaare Rooble, ayada oo loo cuskanayo eedeyn la xiriirta “inuu ku fashilmay qabashada doorashadii uu meel-mariyey baarlamaanka”.

Xogtan ayaa sidoo kale waxaa laga soo xiganaya qaar kamid ah xildhibaanada oo ayagu isla wadaagaya qorshaha uu guddoonka horkeeni doono xildhibaanada, si mowjad cusub uu dalka u galo.

Baarlamaanka ayaa Rooble ku eedeyn doona in uu ku fashilmay diyaarinta doorasho qof iyo cod ah, waana isla eeddii xilka looga tuuray Xasan Cali Khayre, kaasi oo uu khilaaf la xiriira muddo kororsiga soo kala dhex-galay Farmaajo.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlay dagaalladii Muqdisho, farriina u diray shacabka

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay shaqaaqooyinkii maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo looga soo horjeeday muddo kororsiga madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Muuse Biixi ayaa waxa uu sheegay inay Somaliland ka damqaneyso dhibaatada iyo qaxa ay dawladda Xamar ka dhisani u geysatay shacabka Muqdisho, islamarkaana ay qaddarin iyo ixtiraam badan u hayaan shacabka, balse ay si weyn isku hayaan siyaasiyiinta iyo hogaamiyayaasha diiddan madax-banaanida ay ku doodaan.

“Dawladda Xamar ka dhisani dhibaatada ay u geysatay dadka xamar jooga iyo dhibaatada iyo qaxa ay gelisay aad iyo aad baannu uga damqanaynaa, Soomaaliya maamulka dadka hogaamiya iyo siyaasiyiinta tallo xumadoodaannu is haynnaaye shacbiga walaalahayaga Soomaaliya marna dhibaato lama rabno, haddaannu haynona waa u gurman lahayn, markay dhibaato dhacdona waannu u gurmannaa,” ayuu yiri.

“Maanta aad baannu uga walaacnay oo aannu uga naxnay markaannu aragnay Xamar oo dib dagaal uga bilaabmayo, eeddaasna waxa leh dawladdii hoggaanka haysay oo iyadoo waqtigeedii dhammaaday damacday inaanay dadkii dhegaysan.”

Madaxweyne Biixi ayaa waxa kale oo uu sheegay in dhibaatada ay xanuunkeeda Afarta sanno ku dareemeen shacabka Soomaaliyeed, ay u dulqaadaneysay Somaliland soddonkiisa sanno ee ugu dambeeyeyba, sida uu hadalka u dhigay.

“Shacabka Soomaaliya waxan leeyahay bal Soddon sanno oo ah waxaas aad maanta aragteen ah ee dhibaatadaasi idinka gaadhay baa naga haysta dawladihii Xamar ka dhismay, kan ilaa kuwii ka horreeyey.”

“Waxaan idiin sheegayaa shacab ahaan inaad ogaataan inaannaad dadka necbayn ee danteennu is diidday oo waxaas maanta aad ka sasteen ee caalamku ka yaabay ay soddonkaas sanno naga haysteen madaxdiina iyo dadka idiin taliya,” ayuu ugu dambeyntiina yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Dhanka kale, Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa shacabka iyo ciidanka reer Muqdisho ku hambalyeeyay kacdoonka ay kaga soo horjeedeen muddo korodhsiga dowlada madaxweyne Farmaajo.

Waraabe ayaa sheegay inuu aad usoo dhaweynayo in lasoo afjaro muddo kordhintii madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna sheegay inuu arrintaas ugu hambalyaynayo saraakiisha iyo ciidanka Muqdisho ee ka hor yimid damaca Farmaajo.

“Waxaanu leenahay Muqdisho ma toostay heeryadiina ma tuurtay, Farmajana ma tuurtay baanu leenahay”

Guddoomiye Faysal, ayaa kamid ahaa dadka aadka uga soo horjeeday dowlada madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Xog: Qorshe la rabo in xilka looga qaado Rooble oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka deg-deg ah ee xildhibaanada golaha shacabka loo balamiyey maalinta Sabtida ayaa waxaa la qorsheynayaa in la geeyo mooshin xilka looga tuurayo ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegen Caasimada Online.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo ku dhow guddoonka baarlamaanka, kulankaas oo uu dalbaday madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, ayaa waxaa loo qorsheynayaa in xilka looga qaado Ra’iisal wasaare Rooble, ayada oo loo cuskanayo eedeyn la xiriirta “inuu ku fashilmay qabashada doorashadii uu meel-mariyey baarlamaanka”.

Xogtan ayaa sidoo kale waxaa laga soo xiganaya qaar kamid ah xildhibaanada oo ayagu isla wadaagaya qorshaha uu guddoonka horkeeni doono xildhibaanada, si mowjad cusub uu dalka u galo.

Baarlamaanka ayaa Rooble ku eedeyn doona in uu ku fashilmay diyaarinta doorasho qof iyo cod ah, waana isla eeddii xilka looga tuuray Xasan Cali Khayre, kaasi oo uu khilaaf la xiriira muddo kororsiga soo kala dhex-galay Farmaajo.

Guuxa arrintan ku saabsan ayaa saacadihii la soo dhaafay aad u soo baxayay, waxaana isla dhex-maraya xildhibaanada raacsan Mursal iyo Farmaajo ee ay ka go’an tahay inaan dalka doorasho ka dhicin, si aysan xilalkooda u waayin.

Warar kalae ayaa iyagana sheegaya in laga yaabo in Rooble aan xilka laga qaadin balse kulanka Sabtida lagu diido heshiiska 17-ka September, laguna adkeysto muddo kordhinta, taasi oo dalka gelin karta qalalaase cusub.

Isbaheysiga Farmaajo ayaa waxaa hadda kusoo haray kaliya Mursal iyo xildhibaano lagu qiyaasay 50, kadib markii ay garbihiisa ka baxeen madaxdii HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Waxaa hadda socda cadaadis xooggan oo ay Rooble saarayaan xildhibaano ku hayb ah oo ah inuu go’aan qaato, oo uu iclaamiyo shirka wada-tashida doorashada, haddii kale laga yaabo inuu Sabtida meel cidlo ah kusoo dhaco, waxaana la sheegay in Rooble diidan yahay arrintaas, isaga oo aaminsan inaan mooshin laga keeneyn. 

Haddii xilka laga qaado Rooble, Farmaajo ayaa la sheegay inuu doonayo inuu magacaabo Cali Maxamed Geedi, si uu u kala jebiyo awoodda ciidan ee beesha Abgaal, oo ah tan xoogga badan ku leh Muqdisho, inkasta oo Geedi uusan wax sumcad ah ku dhex laheyn beesha.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa goor horey oo maanta ah ka  digay qorshaha ka dhanka ah Rooble. 

“Farmaajo xalay fursad uu shacabka Soomaaliyeed ku macsalaameeyo ayaa dhaaftay. Hadalkiisu micno yari, aflagaaddo iyo ixtiraam la’aan ayuu isugu jiray. Waa nin shirqool horleh la soo maleegaya Mursal iyo 54-tii xildhibaan ee muddo kordhinta xaaraanta ah kala shaqeysay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Waa kala goyskii isaga iyo Mursal ay Kheyre ku shirqooleen. Xilliga iyo xaalkuba waa kala beddelan yahay, laakiin waallida kalitalisnimo ee Farmaajo mid dhaqanta maaha. Waxaan uga digaynaa 54ta xildhibaan ee Sabtiga la balamiyey in aysan fidno kale ka sii shaqaynin. Rooble waa in uu tillaabada la hormaraa oo uu hoggaanka qaataa, casuumadda shirka fidiyaa, oo uu saamileyda ballaariyaa, ciidanka kala qaybsanna isku soo celiyaa, amniga dalka iyo doorashooyinka la wareegaa, dawlad Goboleedyada garabka ku qabtaa, taageerada beesha caalamka kasbadaa. Go’aan sax oo aan xilligiisa laga daahin ayaa laga rabaa.”

Arrintaan ayaa imaneysa xili uu xalay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu shaaciyey inuu hortagayo Golaha Shacabka si uu ula wadaago xaalada kasoo cusboonatay qaraarkii ay meel-mariyeen oo ay ka hor-yimaadeen maamuladii taabacsan, saamileyda siyaasada iyo beesha caalamka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa isaguna iclaamiyay fadhi gaar ah oo ay deg-deg iskugu imaanayaan xildhibaanada Soomaaliya, kaas oo uu codsaday Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farriin guddoonka Golaha Shacabku u diray dhammaan xildhibaanada ayaa looga codsaday inay ka soo qeyb galaan kulan “aan cadi ahey” oo madaxweyne Farmaajo kula hadlayo xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya.

“Xildhibaannada dalka dibaddiisa ku sugan iyo kuwa jira gobollada dalka waxaa la farayaa inay si degdeg ah u soo galaan caasimadda Muqdisho, si ay u soo xaadiraan fadhigan aan caadiga aheyn maalinta sabtida ee ay taariikhdu tahay 1-da bisha May 2021, maadaama ay jiraan xaalado adag oo u baahan in dalka laga samatabixiyo”, ayaa lagu yiri faafin rasmi aheyd oo ku socotay xildhibaannada Golaha Shacabka.

IMAAM Maxamed oo war ka soo saaray dagaalladii ka dhacay Muqdisho (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaam Maxamed Yuusuf, oo sheegta inuu yahay Imaamka Mudulood, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo shaqaaqooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo u dhaxeeyay madaxda waqtigoodu dhamaaday iyo mucaaridka.

Imaamka ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeeyay dadkii ku waxyeeloobay dagaaladii maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoona ku baaqay in nabada la xoojiyo, ayada oo laga baaqsanayo in dalka uu galo dagaal hor leh.

Waxa uu ku taliyey in la fuliyo heshiiskii 17-kii September, si dalka loo samata-bixiyo, wuxuuna soo dhaweeyay go’aankii madaxweynayaasha maamulada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, oo ka horyimid muddo kororsigii uu meel-mariyey Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyey ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta in uu kaalin muhiim ah ka ciyaaray xaalada dalka, islamarkiina uu soo dhaweeyay isbedelka cusub ee ku yimid xaalada dalka, kaasi oo la filayo inuu u jiheeyo doorasho wadar ogol ah.

“Madaxweyneyaashii iyo Ra’iisal wasaareyaashii hore si nabad ah ayey xilka ku wareejin jireen Madaxweynahaana kama caqli yara kamana cilmi yara waxa umadu rabtana waa yaqaanaa ee maalinta Sabtida marka uu Baarlamaanka hor tago waxsan oo umadaan anfaca afkiisa Allaha ka keeno,” ayuu yiri.

“Ilaahay afkiisa waxa uu ka keenay madaxweynaha inuu hortagayo baarlamaanka, waxaan leenahay ilaahay waxsan afkiisa ha ka keeno oo doorashadaas ay waafaqaan, baarlamaanka uu ayido, oo talada Soomaaliyana ay sidaas ku toosto.”

Ugu dambeyntiina waxa uu Imaamka ku baaqay in gacan laga geysto dib usoo celinta dadkii ku barakacay shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalada Muqdisho, “Waxaan ku talinayaa dadkii xamar ka qaxay ee masaakiinta ahaa, waxaa umadda wax haysta ugu baaqayaa in dib-u-dajin loo sameeyo oo lasoo celiyo, waqtiga soon-qaadka ajar ayey leeyihiin, wey ka baxeen guryihii ijaarka ahaa ee ay ku jireen.”

Hadalkaan ayaa imanaya xili uu madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu xalay saqdii dhexe shaaciyey inuu ka qeyb qaadanayo in dalka uu aado doorasho, ayada oo la raacayo heshiiskii 17-kii September, islamarkaana uu go’aanka arrintaas kula laaban doono Golaha Shacabka.

R/W Rooble oo farriin u diray ciidamada iyo shacabkii ka barakacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo soo saaray qoraal kooban ayaa markale kaga hadlay xaaladda adag ee magaalada Muqdisho, isaga oo farrin culus u diray shacabka iyo ciidamada ammaanka.

Rooble ayaa ugu baaqay dadkii shacabka ahaa ee ka barakacay guryahooda inay dib ugu soo laabtaan caasimada, maadaama xiisadii taagneyd xal laga gaaray.

“Waxaan ugu baaqayaa dadkii ku barakacay qalalaasihii maalmahan ka jiray Muqdisho in ay guryahooda ku soo laabtaan,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale wuxuu amray ciidamada ammaanka inay shacabka u fududeeyaan in ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ku soo noqdaan.

Ra’iisul wasaaraha oo hadalkiis sii wata ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay xukuumaddiisa in la helo nabad iyo xasilooni buuxda, si dalkan ay uga dhacdo doorasho wadar ogol ah

“Ciidammada waxaan farayaa in ay shacabka u fududeeyaan in ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ku soo noqdaan. Waxaa naga go’an in shacabkeennu helo nabad iyo xasillooni,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaaruhu.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan ay degan tahay xaaladda magaalada Muqdisho, kadib markii shalay ra’iisul wasaaraha uu shaaciyey in la aado doorashooyin xor iyo xalaala, si dalka loo bad-baadiyo, loogana hortego in la-galo qalalaase iyo fowdo horleh.

Xildhibaan MAHAD Salaad: Ujeedka FARMAAJO wuxuu ahaa ii dheh siyaasadeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka, gaar ahaan kuwa mucaaradka ayaa ka fal-celiyey khudbadii uu xalay jeediyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, isaga oo kusoo koobay illaa 5 qodob.

Mahad Salaad ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha uusan khudbaddiisa kusoo hadal qaadin dhibaatada ka taagan magaalada Muqdisho iyo qalalaasaha siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ujeedka Farmaajo uu ahaa ii dheh siyaasadeed oo uu waqti ku iibsanayo, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha mucaaradka inay heegan ku sii jiraan, inta laga hubinayo in dalku aaday doorashooyin madax banaan.

Halkan hoose ka aqriso:-

Ismoogaysiis iyo ila meerayso ayay ahayd khudbadii Farmaajo xalay jeediyay. Kumana soo hadalqaadin dhibaatada ka taagan magaalada Muqdisho iyo qalalaasaha siyaasadeed iyo midka amni uu dalka geliyay. Tusaale:

  1. Sooma hadalqaadin ku darsigii xaaraanta ahaa iyo xukun boobkii uu ku kacay 12-kii bishan Abriil 2021.
  2. Kama garaabin, umana tacsiyeen shacabkii dhiigooda uu daadiyay, guryahoodana ka barakiciyay iyadoo bil Ramadaan lagu jiro.
  3. Wuxuu iska indhotiray fidnada uu ka dhex abuuray ciidamada qalabka, isagoo kala qaybiyay kadibna qoryo isugu dhiibay. Mana jiro maanta askari askari kale aaminaya iyo sarkaal laga amar qaadanayo, qof walibana wuxuu miciin bidday qorigiisa iyo qabiilkiisa.
  4. Sidoo kale ma sheegin sida xal loogu heli karo ismariwaaga siyaasadeed ee maanta taagan, kumana baaqin wadatashi iyo dib-u-heshiisiin siyaasadeed oo dalka lagu samatabixinayo.
  5. Isku soo wada duuboo ujeedka Farmaajo wuxuu ahaa ii dheh siyaasadeed uu waqti ku iibsanayo si uu diyaar garoobo isla markaasna isaga yareeyo cadaadiska ciidan ee dulsaaran iyo goodiska beesha caalamka ku hayso.

Ugu dambeyntii waxaan ku baaqayaa inaan heeganka laga bixin inta ninkaan jid iyo jiho diidka ah dalka iyo dadka laga badbaadinayo. Lagana hubiynayo in dalku doorasho aaday.

Hon. Mahad Salad

Sawirro: Ciidamada diidan muddo kororsiga oo xalay degay xaafado cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno waqooyiga magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in ciidamada Militeriga ah ee diidan mudo korarsiga Madaxweyne Farmaajo ay xalay isku ballaariyeen xaafado cusub.

Ciidamada ayaa xalay gaaray Isgoyska Fagax, xaafada Juungal, Siisi iyo xaafadaha ka agdhow ee degmada Yaaqshiid, waxeyna halkaas ka sameysteen dhufeysyo ciidan. Ciidamadan ayaa sidoo kale waddooyinka qaar ku gooyey ciid.

Dhaqdhaqaaqyadaan ciidan ee xalay laga dareemay degmooyinka waqooyi ee caasimadda Muqdisho waxay ku soo aadayaan, xilli uu isbadal weyn ku yimid xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Qaar kamid saraakiisha hogaaminaysa ciidamadaas ayaa Caasimada Online u sheegay in ay sii joogayaan Muqdisho ilaa inta uu Madaxweyne Farmaajo ka laabanayo mudo kororsiga.

Sidoo kale waxay sheegeen inay ku qanci karaan oo ay xal u arkaan in madaxweyne Farmaajo uu hoggaanka doorashada iyo arrimaha amniga ku wareejiyo xukuumadda Rooble.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay ciidamadaan faray in ay dib ugu laabtaan furumaha dagaalka ee gobalka Shabeellada Dhexe oo markii hore ay ka soo baxeen, balse taas waa ka biya diideen, waxayna si cad u sheegeen in hadafkoodu uu yahay kaliya inay dalka ka badbaadiyaan mudo kororsi.

Xaaladii cakirneyd ee dalka ayaa mar qura qabowday, kadib markii maamullada Galmudug iyo HirShabeelle ay si cad uga soo horjeesteen mudo kororsigii uu sameystay Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isla markaana ay madaxda dowladda federaalka u soo jeediyeen inay dib ugu laabtaan wadahadallo hor-seeda hir-gelinta heshiiskii 17-kii September.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa mowqofka labadaas maamul si deg deg ah u taageeray, sidoo kale waxaa soo dhaweeyey oo talllaabo loo baahnaa ku tilmaamay madaxda dowlad goboleedyada kale, guddoomiyaha Aqalka Sare iyo dhamaan madaxda mucaaradka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale digniin kasoo saaray arrimaha ciidamada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u warramayey wariyeyaasha ayaa markale ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka doorashooyinka iyo arrimaha ciidamada.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inay marar badan ku cel-celiyeen digniinta ku aadan in aan la siyaasadeyn ciidamada, balse la arkay wixii dhacay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidamada inay iska diidaan wax-kasta oo ka hor imaanaya Dastuurka.

”Aniga dhowr jeer waan ka digay in la siyaasadeeyo Ciidamada, waana aragteen wixii dhacay, waxaana ku mahadsan Ciidamadii diiday in loo adeegsado wax aan Dastuurka ogoleyn, waxaana ugu baaqayaa Ciidamada inay iska diidaan waxkasta oo ka hor imaanaya Dastuurka,” madaxweyne horee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay muhiim tahay in wax weliba lagu dhammeeyo miiska wada-hadalka, isla-markaana laga wada-tashado aayaha dalka iyo bad-baadadiisa.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo Muqdisho ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa kale oo ka horyimid muddo kordhinta labada sano ah ee loo sameeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Qarax loo adeegsaday gaari oo ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo saaka aroortii hore ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-Control Afgooye ee duleedka Muqidhsho, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay darbi ka mid ah dhismaha xerada ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku taalla halkaasi, waxaana jugta qaraxa si weyn looga maqlay qeybo ka mida caasimada.

Ilo wareedyo lagu kasloon-yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa uu dhacay, xilli ay saf-dheer ku jireen ciidamada Asluubta ee ka howl-gala xeradaasi.

Ujeedka gaariga sida qaraxa ayaa ahaa inuu gudaha u galo xerada ciidamada Asluubta, balse uu soo dhaafi waayay darbiga oo adkaa, sida uu sheegay sarkaal tirsan dowladda.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan saddex qof oo rayid ahaa, iyada oo ay ku dhaawacmeen todobo qof oo kale.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi, balse waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho oo ay ka jireen dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan.

Mursal oo kulan deg deg ah isugu yeeray xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa iclaamiyay fadhi gaar ah oo ay deg deg iskugu imaanayaan xildhibaanada Soomaaliya, kaas oo uu codsaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farriin guddoonka Golaha Shacabku u diray dhammaan xildhibaanada ayaa looga codsaday inay ka soo qeyb galaan kulan “aan cadi ahey” oo madaxweyne Farmaajo kula hadlayo xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya.

“Xildhibaannada dalka dibaddiisa ku sugan iyo kuwa jira gobollada dalka waxaa la farayaa inay si degdeg ah u soo galaan caasimadda Muqdisho, si ay u soo xaadiraan fadhigan aan caadiga aheyn maalinta sabtida ee ay taariikhdu tahay 1-da bisha May 2021, maadaama ay jiraan xaalado adag oo u baahan in dalka laga samatabixiyo”, ayaa lagu yiri faafin rasmi aheyd oo ku socotay xildhibaannada Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadan inuu ka codsado Golaha Shacabka inay ka noqdaan go’aankii muddo kordhinta ahaa ee 12-kii April ee uu isna saxiixay, kaddib markii cadaadis iyo cambaareyn ay kala kulmeen gudaha iyo dibaddaba.

Farmaajo ayaa go’doon siyaasadeed galay shalay kadib markii muddo kororsiga ay diideen ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyo maamul goboleedyada HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Marka baarlamanka ka laabto muddo kororsiga ayaa la filayaa in dib loo furo wada-hadalladii dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo horseeda in dalka ay ka dhacdo doorasho wada-ogol ah. 

Fiqi oo sheegay in ciidan ku sugnaa Galmudug loo soo qaaday Xamar (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qaar ka mid ah ciidamo ku sugnaa Galmudug iyo gobollo kale ay usoo qaaday magaalada Muqdisho oo ay xiisad ka taagan tahay.

Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa arrintaas ku baahiyey bartiisa Facebook, iyo sidoo kale wareysi uu siiyey idaacadda VOA, isaga oo sheegay in lasoo banneeyey furimihii ciidamadaas ay ku aadanaayeen ee ay kula dirirayeen kooxda argagixisada ah.

Waxa uu tallaabada ciidamada looga soo dejinayo magaalada Muqdisho uu ku macneeyay “u diyaar-garowga dagaal lagu hoobto oo ka dhaca caasimada”.

Fiqi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in colaad hurin la bilaabo meeshii laga sugayey meel marinta xabad joojintii uu ku baaqay ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, oo uu si weyn ugu dhaliilay tix-gelin la’aanta fariimihiisa.

Fiqi ayaa hadalka sheegay kahor inta aysan maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle iyo sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble ka horiman muddo kororsiga, taasi oo yara qaboojisay xiisaddii ka taagneyd Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isna xalay sheegay inuu baarlamanka ku laabanayo si dalka doorasho uga dhacdo ayada oo la raacayo heshiiska doorashada ee September 17, taasi oo rajo badan abuurtay oo ah in magaalada Muqdisho ay dagaal ka baaqsan karto.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa laga deyrinayey, tan iyo markii ay qarxeen dagaalada u dhaxeeyay dhinacyada is-haya, waxaana qeybo kamid ah ka bilowday qax, ayada oo weli ciidamada ay kala joogaan aagaggooda.

Hoos ka dhageyso wareysiga Fiqi ee VOA.

FARMAJAO oo shaaciyey inuu arrinta doorashada dib ugula laabanayo BF (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay jeediyey khudbadii uu balan qaaday, kadib markii ay garabkiisa baneeyeen madaxda maamul goboleedyadii taabacsanaa, kuwaas oo si cad uga soo jeestay mudo kororsigii ay xildhibaanada mudo xileedkoodu dhamaaday u sameeyeen 12-kii bishan April.

Madaxweyne Farmaajo oo ugu horeyn weerar afka ah ku qaaday dowlad goboleedyada qaar iyo dowlado shisheeye oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin dalka ay doorasho nabdoon ka dhacdo, ayaa soo dhaweeyey weeyey baaqyadii saacadihii la soo dhaafay ka soo baxay dowlad goboleedyada dalka, kuwaas oo ka ddhashay go’aankii ay Galmudug iyo HirShabeelle uga soo hor-imaadeen mudo kororsiga, isla markaana uu taageeray ra’iisul wasaare Rooble.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay caawa kala ogaanayaan cidda ka shaqeynaysa in aysan doorasho dhicin, dowladnimada la burburiyo, iyo cidda u hiilinaysa nabadda, qarannimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu khudbadiisa ku yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in maalinka Sabtiga ah ee soo socda uu hor tegi doono xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka, si uu mar kale u horgeeyo arrimaha ku soo kordhay doorashooyinka dalka.

“Maadaama aan ahay ilaaliyaha Dastuurka, ayna waajib tahay in aan isu dheellitiro heshiiska siyaasadeed ee hore loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtida ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada,” ayuu yiri.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa saxiixayaashii heshiiskii 17-kii September ugu baaqay inay isugu yimaadaan shir deg deg ah si loo saxiixo qodobada harsan, iyadoo aan lagu xireyn wax shuruud ah, si buu yiri loo guda galo hir-gelinta doorasho la isla ogolyahay.

“Annagu ka dowlad ahaan, waxaan diyaar u ahayn in la qabto doorasho aan shuruudi ku xirnayn oo saldhiggeedu yahay heshiisyadii horey loo gaaray ee 17ka Sebteembar 2020, iyo tala-bixintii guddiyada farsamada ay ku gaareen magaalada Baydhabo 16-kii Febraayo 2021,” ayuu yiri Farmaajo.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed in la joojiyo wax kasta oo dalka u horseedi kara xasillooni darro, isaga oo faray hay’adaha amniga in ay ilaaliyaan xasiloonida Caasimadda iyo bedqabka shacabka birimageydada ah, lagana fogaado wax kasta oo dhalin kara khalkhal amni, shacabka Soomaaliyeed-na ay arrintaas ku garab siiyaan Ciidamada Qalabka Sida.

Hoos ka daawo khudbadiisa

Xubno Al-Shabaab ahaa oo lagu laayey SH/ HOOSE

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa inay saacadihii lasoo dhaafay howl-gal qorsheysan ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Sh/ Hoose, halkaas oo ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.

Howl-galka ayaa si gaar ah uga dhacay tuulada Ugunji, kadib markii ay weerar gaadmo ahaa ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xog-ku aadan weerar ay kooxda Al-Shabaab kasoo abaabuleyso halkaasi, kadibna ay weerar ku qaadeen, si ay uga hortegaan duulaanka kusoo socday.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay dileen ugu yaraan 11 dagaalame, isla-markaana ay gubeen gaari Cabdi Bile ah oo loo diyaarinayey fulinta weerarkaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Shabeelaha Hoose ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey weeraro geystay khasaare kala duwan, iyada oo ay xoogeysteen dhaq-dhaqaaqyada ka jira gobolkaasi.

Wareysi: Qoor Qoor oo faah-faahin ka bixiyey go’aankii ay ku diideen mudo kororsiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa faahfaahin ka bixiyey go’aankii ay maanta Galmudug iyo HirShabeelle uga soo hor jeesteen mudo kororsigii loo sameeyey hey’adaha dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in mowqifka Galmudug uu markii horeba cadaa oo horay uu u shaaciyey in aysan ogoleyn mudo kororsi.

Qoor Qoor oo wareysi siiyey VOA ayaa mar wax laga weydiiyey sababta ay mar hore uga soo hor jeesan waayeen mudo kororsiga, waxa uu sheegay inay wadeen wadahadal iyo dadaallo ku aadan arrintaas, isla markaana ay aad uga xunyihiin wixii dhacay intii ay wadeen dadaalladaas.

“Waxaan rajeynayaa in dhibku halkaas ku istaago, wixii dhacayna ay nasiib darro ahaayeen, Soomaalina laga samata bixiyo caqabadaha ka soo wajahay doorashada iyo dib u dhaca jira, waxaan sidoo kale rajeynayaa in dhamaan wixii la qorsheynayey ee danta umada aysan ku jirin laga waantoobo,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweyne Qoor Qoor wax laga weydiiyey in madaxweyne Farmaajo uu la ogaa go’aankii ay galabta qaateen ayaa yiri, “Madaxweynuhu aragtidiisa iyo mas’uuliyadiisa ayuu leeyahay, waxa uu caawa dhihi doonana ma ogi, in aan ogaadana wax baahiya looma qabo, marka anagu mowqifka aan qabnay iyo sidii wax nala ahaayeen ayaan sheegnay, isaguna wixii mowqifkiisa ah ayuu sheegi doonaa.”

Hoos ka dhageyso wareysiga

DF oo soo saartay qoraal ay ku amreyso in doorasho la galo ayada oo aan dib looga laaban wada-hadal dambe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in toos loo aado doorashooyinka dalka, ayada oo aan dib looga laaban wada-hadalladii burburay.

“Iyadoo Laga Ambaqaadayo Barnaamijka xukuumadda ee ku aaddan hirgelinta Dooorashooyinka Qaranka oo ay fulinteeda u xilsaarantahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Wasaaradda oo fulinaysa awaamiirta Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaliya, waxay ugu baaqaysaa dhinacyada ay quseyso in ay bilaabaan dardar-galinta Nidaamka Doorashada Dalka ee uu saldhig u yahay hishiiskii 17 Sept 2020 ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha.

Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku sii daray, “waxay Wasaaraddu ugu baaqaysaa dhammaan daneeyayaasha doorashada dalka in ay u diyaar garoobaan doorasho jawi nabdoon ku dhacda, sida uu faray Wasiirka kowaad ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya.”

Qoraalkan ayaa u muuqda mid ay dowladda ku dooneyso in doorasho lagu galo, ayada oo aan dib loogu laaban wada-hadalladii burburay, islamarkaana toos loo dhaqan geliyo heshiiskii 17-ka September ee qodobo badan oo ka mid ah ay dowladda jebisay.

Maamul goboleedyada Puntland, Jubaland iyo musharaxiinta mucaaradka ayaa horey u sheegay in heshiiskaas aan doorasho lagu gelin karin, waana taas sababtii ay kadib heshiiskii u dhaceen dhowr wada-hadal oo aan miro-dhalin.

Hase yeeshee, qoraalkan ayaa u muuqda mid ay dowladda dooneyso inay kaga faa’iideysato xiisadda kacsan ee Muqdisho ee ka dhalatay muddo kororsiga, ayada oo isu muujineyso inay ka tanaasuleyso muddo kororsiga, taas beddelkeedna ay qasbeyso in la qaato heshiiska 17-ka September.

Si kastaba, khudbadda la filayo in caawa uu jeediyo Farmaajo ayaa kala caddeyn doono wax walba.

Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda

LAFTA-GAREEN oo ku biiray diidmada muddo kororsiga

0

Baydhaba (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu shaaciyey in iyadoo laga duulayo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dalka iyo ismari waaga arrimaha doorashooyinka ay K/Galbeed ku talineyso in dalka doorasho la isla ogolyahay loo jiheeyo.

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada K/Galbeed oo ka kooban afar qodob, ayaa lagu yiri:

  1. In dib loogu noqdo wadaxaajoodka doorashooyinka si waafaqsan heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 iyo talo-soojeedintii kasoo baxday wadatashigii Guddigii Farsamada ay ku yeeshaan magaalada Baydhabo 16kii Febraayo 2021.
  2. In laga fogaado wax walba oo dhaawici kara midnimada, wadajirka iyo nabadgalyada dalka, lagana fogaado siyaasadeynta iyo kala qeybinta Ciidamada Qalabka Sida.
  3. In Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka Ah ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan xasilloonida iyo geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.
  4. Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuu uga mahadcelinayaa Beesha Caalamka iyo saaxibada kale ee Soomaaliya taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Qoraalkan ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Laftagareen oo ahaa shakhsiga ugu dhaw madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo aadaya iyadoo galabta ay si cad maamullada Galmudug iyo HirShabeelle uga hor yimaadeen mudo kororsigii labada sano ahaa ee uu sameystay Farmaajo, isla markaana ay soo dhaweeyeen Ra’iisul wasaare Rooble, Puntland iyo Jubbaland.

Jubaland iyo PUNTLAND oo war kasoo saaray xaaladda MUQDISHO iyo go’aanka Galmudug iyo HirShabelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa qoraallo ay soo saareen waxay ku soo dhaweeyeen qoraalladii ay galabta soo saareen Ra’iisul Wasaare iyo madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle, kuwaas oo ay ku cadeeyeen in aysan raali ka aheyn mudo kororsigii uu sameystay Madaxweyne Farmaajo.

Ugu horeyn Puntland ayaa kula talisay dhigeeda Koonfur Galbeed in ay qaataan mowqif lamid ah kan ay qaateen madaxda dowlad goboleedyada kale iyo ra’iisul wasaare Rooble.

“Dowladda Puntland waxay ka xuntahay dhacdooyinka amni darro ee ka dhacay Magaalada Mogadishu maalmihii la soo dhaafay, waxayna uga tacsiyeynaysaa cid kasta oo wax yeello ka soo gaartay, waxayna sidoo kale guud ahaan ciidamada amniga ugu baaqeysaa in ay illaaliyaan amniga iyo xasiloonida Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Puntland ayaa ugu baaqday dhammaan qaybaha ay quseyso in dib loogu soo laabto wadahadalladii doorashasda si heshiis looga gaaro fulinta heshiiskii 17-kii September 2020, loona qabto doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar oggolna ah.

“Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa Midowga Murashaxiinta, Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada rayidka ah iyo dhammaan qaybaha Bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka geysataan illaalinta xasiloonida Dalka iyo sidii looga miro dhalin lahaa qabsoomidda doorasho wadar oggol ah.”

Ugu dambeyntii Puntland waxay wakiillada Beesha Caalamka ku bogaadisay in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhameystirayo heshiiskii 17 September si dhaqso dalka looga hirgaliyo doorasho nabad ah, wadar oggolna ah

Dhanka kale dowlad goboleedka Jubaland ayaa si lamid ah Puntland u soo dhaweeyey go’aanka ay qaateen maamullada kale ee Galmudug iyo HirShabeele, kaas oo ay ku diideen mudo kororsiga sharci darada ahaa.

“Dowlada Jubaland waxay soo dhawaynaysa go’aanka ay qaateen Dowladaha Galmudug iyo Hirshabeele kaas oo ay ku diideen mudo kororsiga sharci darada ah, Waxaan aaminsanahay heshiiska 17 Sep inuu yahay waxa  kaliyah ee laga amba qaadi karo doorashooyin loo dhan yahay oo dalka ka dhaca,” ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland.

Sidoo kale Jubaland waxay ciidamada Qaranka ugu baaqday in aysan fulin hadii la siiyo amaro sharciga hareer-marsan, isla markaana aysan ku milmin siyaasadda.

Hoos ka aqriso qoraalka Jubaland oo dhameystirsan.

Mareykanka iyo M/Yurub oo faririn cad u diray Farmaajo kadib go’aankii Galmudug, HirShabelle iyo ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa ammaantay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle inay kasoo horjeesteen muddo korodhsiga, ayna ku taageerene heshiiskii 17-kii September.

Fariin lagu qoray barta twitter-ka ee safaaradda Maraykanka ayaa loogu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu aqbalo jidka cad ee wada-hadalka iyo nabadda, sida lagu sheegay farriintaas.

Dhinaca kale Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa isna farriin uu ku qoray bartiisa twitter-ka waxa uu ku ammaanay dhiirranaanta ay muujiyeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Maamullada ee ku saabsna in doorasho wadar oggol ah ay waddanka ka dhacdo.

Berlanga ayaa sheegay in gacan ka hadal aysan meel uga bannaanayn Soomaaliya, jidka keliya ee bannaana uu yahay wadahadal.

Maamul goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan wax muddo kordhin ah oo loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka.

Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen labada maamul ayey ku yiraahdeen “Waxaan isla qaadanay In ay dalka si deg deg ah uga dhacdo doorasho meeshana laga saaro nuuckasta oo ah muddo kordhin.

Dhinaca kale, Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa goor sii horeysay war kasoo saartay xiisada dagaal ee ka taagan magaalada Muqdisho, taasi oo u dhaxeysa ciidamo kala taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo Musharaxiinta mucaaridka.

Qoraal kasoo baxay safaarada oo si toos ah ugu socda madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta ayaa waxa lagu sheegay in khilaafka siyaasadeed ee dagaalka isku rogay uu bur-burinayo rejada umadda iyo dalka Soomaaliyeed.

“Khilaafka siyaasadeed wuxuu bur-burinayaa rajada Soomaaliya. Waxaan mar labaad ka codsaneynaa dhamaan dhinacyada inay ka waantoobaan rabshadaha,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo lagu baahiyey barta twitter-ka.

Safaaradda ayaa si toos ah u fartay Farmaajo iyo Rooble oo ah madaxda u sareysa ee dowladda waqtigeedu dhamaaday inay sida uga dhaqasaha badan dib ugu bilaabaan wada-hadaladii looga arrinsanayey doorashada ee u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

“Waxaan mar labaad ugu baaqeynaa Farmaajo iyo Rooble inay dib u bilaabaan wada-hadalkii ay la lahaayeen madaxda dowladaha xubnaha ka ah sida ugu dhaqsaha badan. Tani waa wadada kaliya ee horay loogu soconayo,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Farmaajo oo sheegay inuu caawa la hadlayo shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa la hadli doona warbaahinta, sida lagu sheegay qoraal kooban oo lagu baahiyay bogaga Villa Somalia.

Farmaajo ayaa khudbadiisa caawa kaga hadli doona xaaladda dalka, gaar ahaan doorashada, kadib markii muddo korosigiisa ay diideen HirShabelle, Galmudug iyo ra’iisul wasaare Rooble.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ka warbixin doonaa xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo arrimaha ku aaddan doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Khudbada ay shaacisay Villa Somalia inuu caawa jeedin doono Farmaajo ayaa kusoo aadeysa waxyar un kadib markii maamulada Galmudug iyo HirShabeelle oo si weyn u taabacsan ay kasoo horjeesteen muddo kororsiga loo meel-mariyay hay’addaha dowladda.

Hirshabelle iyo Galmudug oo war saxaafadeed soo saaray ayaa si cad uga hor yimid muddo kordhintaas, waxayna si wadajir ah u shaaciyeen in dalka laga qabto doorasho si deg-deg ah u dhacda, iyada oo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii September.

Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay go’aankaas kasoo baxay Maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug ee looga hor-yimid muddo kordhinta Farmaajo.

Rooble ayaa sheegay inuu dalka ka qabanayo doorasho ku saleysan heshiiskii 17 Setepmber sida uu markii hore ka hor sheegay Baarlamaanka Soomaaliya. Waxay u badan tahay in khudbada Farmaajo uu ku muujiyey tanaasul, xili ay kasoo horjeesteen maamuladii taabacsanaa.