24.7 C
Mogadishu
Wednesday, July 15, 2026

Farmaajo oo sheegay inuu caawa la hadlayo shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa la hadli doona warbaahinta, sida lagu sheegay qoraal kooban oo lagu baahiyay bogaga Villa Somalia.

Farmaajo ayaa khudbadiisa caawa kaga hadli doona xaaladda dalka, gaar ahaan doorashada, kadib markii muddo korosigiisa ay diideen HirShabelle, Galmudug iyo ra’iisul wasaare Rooble.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ka warbixin doonaa xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo arrimaha ku aaddan doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Khudbada ay shaacisay Villa Somalia inuu caawa jeedin doono Farmaajo ayaa kusoo aadeysa waxyar un kadib markii maamulada Galmudug iyo HirShabeelle oo si weyn u taabacsan ay kasoo horjeesteen muddo kororsiga loo meel-mariyay hay’addaha dowladda.

Hirshabelle iyo Galmudug oo war saxaafadeed soo saaray ayaa si cad uga hor yimid muddo kordhintaas, waxayna si wadajir ah u shaaciyeen in dalka laga qabto doorasho si deg-deg ah u dhacda, iyada oo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii September.

Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay go’aankaas kasoo baxay Maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug ee looga hor-yimid muddo kordhinta Farmaajo.

Rooble ayaa sheegay inuu dalka ka qabanayo doorasho ku saleysan heshiiskii 17 Setepmber sida uu markii hore ka hor sheegay Baarlamaanka Soomaaliya. Waxay u badan tahay in khudbada Farmaajo uu ku muujiyey tanaasul, xili ay kasoo horjeesteen maamuladii taabacsanaa.

R/W Rooble oo ka hor-yimid muddo kororsiga, shaaciyey inuu qabanayo doorasho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa si cad u sheegay inuu soo dhaweynayo go’aankii kasoo baxay Maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug ee looga hor yimid muddo kordhinta.

Rooble ayaa sheegay inuu dalka ka qabanayo doorasho ku saleysan heshiiskii 17 September, sida uu markii hore ka hor sheegay Baarlamaanka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook 

Bismillaahi,

Markii aan  tixgaliyay duruufaha Adag ee uu dalku ku jiro iyo baahida loo qabo in xal deg deg ah laga gaaro arrimaha Doorashooyinka ee cakiran.

Markii aan latashi ballaaran la sameeyay qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan soo saaray War-murtiyeedkaan:

1- Waxaan ku celinayaa markale sida aan uga xumahay xiisadaha colaadeed ee ka jiray Magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay iyo natiijada xun ee ka dhalatay, taas oo sababtey barakaca Shacab badan oo danyar ah.

2- Waxaan soo dhawaynayaa Warmurtiyeedka ay soo saareen labada Dowlad-goboleed  Hirshabelle iyo Galmudug. Dowlad-Goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Benaadir, waxaan ka codsanayaa in ay qeyb ka qaataan geedi socodka nabada iyo dardar gelinta doorasho xor iyo xalaal ah.

3- Sida ku caddayd barnaamijkii xukuumadayda ee aan Baarlamaanka ka hor-aqriyay waxaan diyaar u ahay in aan dalka ka hirgaliyo doorashadii lagu heshiiyay 17-kii September 2020.

4- Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Dalka, waxaan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan in uu dalku aado Doorasho isla markaana la joojiyo dhaqdhaqaaq kasta oo wax u dhibaya arrimaha doorashooyinka iyo xasiloonda Dalka.

5- Ciidamada Qalabka sida waxaan farayaa in ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah isla markaana ay sugaan Amniga, si gaar ah waxaan taliyayaasha ciidamada u farayaa in dib loogu celiyo ciidamada xeryahooda.

6- Siyaasiyiinta Mucaaradka ah waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan ficilada iyo dhaqdhaqaaqyada abuuraya Colaadda, waana in ay ku ekaadan Guryahooda iyo Goobahooda gaarka ah.

7- Doorka beesha caalamka waa muhiim, waxaan codsanayaa in ay sii wadaan taageerada ay u fidiyaan dadka iyo dowlada Soomaaliyeed.

8- Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan waxaan ka codsanayaa in ay nagu garab istaagaan dedaalada nabadaynta iyo xasilinta Dalka iyo sidii aan si nabad ah doorasho uga hirgalin lahayn Dalka.

Wa Billaahi Towfiiq

Mamaullada HirShabelle iyo Galmudug oo si rasmi ah u diiday muddo kororsiga

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug oo war saxaafadeed soo saaray ayaa si cad uga hor yimid muddo kordhinta uu Baarlamaanka Soomaaliya u sameeyey madaxweyne waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Labada Maamul ayaa si wadajir ah u shaaciyey in dalka laga qabto doorasho si deg deg ah u dhacdo iyadoo lagu saleenayo heshiiskii 17 September.

Warsaxaafadeed wadajir ah oo ay saareen labadaan maamul ayey ku sheegeen in aysan aqbali doonin burbur dalka ku yimaada, taas oo ka dhalata muddo korarsiga Madaxweyne.

Labadaan maamul ayaa cambaareeyay dagaaladii ka dhacay waxayna ku baaqeen in la dejiyo xaalada iyo in la qabto doorasho ku qotanta heshiiskii 17-kii Sep ee 2020.

Warkan ka soo yeeray labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug ayaa waxa uu dharbaaxo kulul ku yahay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.
Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka Galmudug iyo Hirshabelle.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxafadeedka oo dhameystiran

Tr. April 27-2021

War-saxaafadeed Wadajir ah

Madaxda Dawlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle ee xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya markii ay tixgaliyeen mnarxaladda adag ee uu dalku marayo.

Markii ay wadatashiyo qotta dheer layeesheen Bulshada qaybaheeda kala duwan. Markii ay garawsadeen qataraha dhinacyada badan ee uu dalku wajahayo.

Markii ay arkeen ismariwaaga siyasadeed ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka dalka iyo baahida loo qabo in xal deg deg ah lahelo.

Markii ay arkeen xaaladaha amnidarro ee kusoo kordhay caasimadda Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay iyo sida ay usii fidayaan. Markii ay garawsadeen in aanay macquul ahayn lasii fiirsado xaaladaha isisoo taraya ee aan farad galinaynin shacabka Soomaaliyeed.

Markii ay garawsadeen baahida loo qabo qaadashada go’aarno badbaadinkara rnustaqbalka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed. Waxeey soo saareen warmurtlyeedkaan.

1- waxaan ka xunnahay dhacdooyinkii ka dhacay Caasimadda Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, waxaanan ka tacsiyaynaynaa Dacikii ay waxyeeladu kasoo gaartay dhacdooyinkaas.

2-dhacdooyinkaas waxaan u aragnaa in ay nasiib-darro ku yihiin hanaanka Dawlad-dhiska Soornaaliya, si gaar ah shacabka ku nool caasimadda Muqdisho oo aan mudnayn in dib loo xusuusiyo waqtiyadii adkaa ee ay soo mareen.

3- waxaan isla qaadanay In ay dalka si deg deg ah uga dhacdo doorasho meeshana laga saaro nuuckasta oo ah muddo kordhin.

4- Waa in doorashada lagu galaa heshiiskii 17-kii september 2020. maadaama uu yahay kan.

5- waa in la joojiyaa meeshana laga saaraa waxkasta oo caqabad ku noqonkara ama horay ugu noqday hirgelinta heshilskil 17-kli september.

6- Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Maamul Goboleedyada kale ee dalka in ay ka qaatan kaalinta uga aadan sidii loo fulin lahaa  heshiiskii 17- september

7- Madaxda DFS waxaan ka codsaneynaa inay si dhaqso ah u qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah fulinta heshiiskii 17- september si dalku u aado Doorashadii lagu heshiiyey.

8- waxaan ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyada ay khuseeyaan arrimaha taagan ee Soomaallya in ay ka fogaadaan wax kasta oo keenIkara kala fogaansho iyo xaslloonidarro taas badalkeedana la muujiyo qalbiwanaag iyo masuuliyad

9- waxaan usoo jeedinaynaa Qaybaha kala duwan ee ClIdamada Oalabka sida In ay ka fogaadaan waxkasta oo keenikara arnnidarro kuna ekaadaan waajibaadka qaran ee Dastuurku ucayimay isla markaana aanay ku milmin arrimaha Siyaasadda.

10- Guud ahaan Shacabka Soornaallyeed waxaan ugu baaqaynaa in ay meel uga soo wada jeestaan cidkasta oo khatar ku ah amnIga lyo wadajirka umadda Soomaallyeed.

11- beesha Calaamka waxaan uga mahadcelInaynaa taageerada joogtada ah ee lagarabtaaganyihiin Soomaaliya. waxaanan ku dhiirigalinaynaa in ay sii wadaan dedaalkooda.

Mahadsanidlin.
Dhammaad

 

Fiqi oo si adag uga jawaabay hadalkii wasiir Xundubeey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag ugu jawaabay Sii-hayaha Wasiirka Amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho.

Xundubeey ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay leedahay awood buuxda oo ay ku maamusho kuna qabsato guud ahaan Magaalada Muqdisho, isagoona ciidamada ka gadoodsan muddo kororsiga ku tilmaamay “mooryaan barakacineysa shacabka Muqdisho”.

Wasiir Fiqi ayaa hadalka Xundubey ku sheegay mid shiki galinaya awooda kala sareyn ee xukuumadda xil-gaarsiinta, maadama uu ra’iisal wasaare Rooble uu hore ugu dhawaaqay xabad joojin, halka uu Xundubey uu asaguna iclaamiyey tallaabo horseedaysa dagaal.

“Mar kasta ee uu RW Rooble hadlo waxaa hadalkiisa mid khilaafsan ka daba dhaha wasiirkiisa amniga Xundubey. Shalay Rooble wuxuu ku dhawaaqay xabbad joojin, maantana Xundubey wuxuu iclaamiyey dagaal. Waa yaabe sidee loo kala sareeyaa xukuumadan!?,” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale waxa uu ku naqdiyey wasiirka in bililiqo uu ku eedeyo ciidamada gadoodsan ee kasoo horjeeda muddo kororsiga, ayada oo madaxda waqtigeedu dhamaaday ay kursi bililiqo ku joogan Villa Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

“Saaxiibkay Xundubay wax baa la bililiqeystay ayaa ahayd xujadiisa ugu weyn ee uu dagaalka ku xalaalsanayo, laakin miyuusan ogeyn bililiqo ka weyn kursigii dalka looga talinayey oo Xoog lagu heysto in aysan jirin.”

“Asagoo kursi bililiqo ah difaacaya inuu cid kale ku eedeeyo wax bay bililiqeysatay ma ahayn, bililiqada kaliya ee dagaal in lagu qaado mudan waa midda ka jirta Villa Soomaaliya,” ayuu ugu dambeyntiina yiri Fiqi.

Hadalkaan ayaa imanaya waxyar un kadib markii Sii-hayaha wasiirka amniga uu magaalada Muqdisho ka sheegay in dowladda waqtigeedu dhamaaday ay talaabo ka qaadi doonto kuwa uu sheegay “inay yihiin malleeshiyaad dhiira-gelinaya argagixisada,” isla markaana ciidanka amniga ay ku dadaalayaan xaqiijinta amniga caasimada.

Hadalka kasoo yeeray Xundubey ayaa uga sii daraya xiisada dagaal ee ka tagaan magaalada Muqdisho, xili uu ra’iisal wasaare Rooble ku dhawaaqay xabad joojin iyo wada-hadal aan weli si rasmi ah loo gudo-galin.

Beesha caalamka oo qoraal xasaasi ah soo kasoo saartay dagaalladii Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wadamada saaxibada la ah Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ururada caalamiga ah ayaa ka hadlay dagaaladii Axaddii ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho iyo weliba khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka.

Qoraalka Beesha  Caalamka ayaa waxaa lagu cambaareeyay dagaalkii ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxayna hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay ugu baaqeen inay dib ugi laabtaan wada-hadalada.

Halkaan hoose ka akhriso qoralaka Beesha Caalamka.

Saaxiibada caalamka* waxay si adag u cambaareynayaan rabshadihii ka dhacay Muqdisho 25kii Abriil.

Waxaan marar badan ka dignay in muddo kororsiga uu horseedi doono qalalaase siyaasadeed uuna wiiqi doono nabadda, xasilloonida iyo amniga Soomaaliya. Shaqaaqadii dhacday 25kii Abriil awgeed, ayaan waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada inay aad isu xakameeyaan, dib u billaabaan wadahadalka, kana fogaadaan ficillada halka dhinac ah ee sii hurin kara xaaladda.

Waxaan si gaar ah uga welwelnay kala qeybsanaanta soo bexeysa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) oo u qaybsamaya qaab qabiil, taas oo wax u dhimaysa howshiisii koowaad ee ay ahayd la-dagaalanka Al Shabab iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed. In ciidamada amniga loo adeegsado xaqiijinta ujeedooyin siyaasadeed waa wax aan la aqbali karin.

Waxaan mar kale ku celinaynaa in heshiiskii 17kii Sebtember uu wali yahay hanaanka kaliya ee lagu heshiiyey ee doorashooyinka waxaana ku boorinaynaa saxiixayaashii heshiiskan inay si deg deg ah ugu laabtaan wada hadalada ku saleysan hanaankaas.

Waxaan soo dhoweyneynaa go’aanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu kusoo magacaabayo Ergey gaar ah waxaana ku boorineynaa in wakiilkan heerka sare ah uu yimaado magaalada Muqdisho isla markaana uu guda galo shaqadiisa sida ugu dhaqsiyaha badan. Waxaan diyaar u nahay, haddii aynu nahay saaxiibada, in aan taageero u fidino Ergeygan, isla markaana aan sii wadno dadaallada aan isugu keeneyno dhinacyada.

Waxaan mar kale xaqiijineynaa xurmada aan u hayno gobanimada Soomaaliya, midnimadeeda, midnimadeeda dhuleed, iyo madax-bannaanideeda.

Qoraalka ayaa waxaa soo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Spain, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Xundubey oo ku dhowaaqay tallaabo ka dhan ah ciidanka ku sugan Muqdisho + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee xiisadda dagaal ee ka jirto Magaalada.

Wasiir Xundubey ayaa sheegay in ciidamada kasoo horjeedo kuwa Dowladda Soomaaliya ay yihiin ciidamo leh dhaqan mooryaanimo kuwaas oo uu sheegay inay dhac iyo dil u geysanayan dadka Shacabka.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ciidamadaan ay dadka Shacabka ah ku qasbayaan inay guryahooda ka baxaan taasoo uu ku tilmaamay inay tahay arrin aan wanaagsaneyn.

Xundubey oo la hadlayey madaxda xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo muddo kordhinta uu sameystay madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay inaysan gabaad u noqon dad aysan hadhow maamuli karin.

“Madaxda waddo abaabulka dagaal waxaan u sheegayaa inaysan gabaad u noqon ciidamo aysan hadhow maamuli karin isla markaasna leh dhaqan mooryaanimo taasoo dhibaato ku noqon doonta dadka Muqdisho,” ayuu yiri Wasiir Xundubey.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in xiisadda dagaal ee ka taagan Magaalada Muqdisho ee gabaad iyo fursad siineyso kooxda Al-Shabaab oo uu ku sheegay inay yihiin kuwa mar kasta ka faa’ideysto khalalaasaha.

Ugu damneyntii Wasiir Xundubey ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay leedahay awood buuxda oo ay ku maamusho kuna qabsato guud ahaan Magaalada Muqdisho balse wuxuu sheegay inay u turayaan dadka Shacabka isla markaasna ay diidan yihiin in Bil Ramadaan lagu dhex dagaalamo xaafado ay dagan yihiin dad rayid ah.

Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in dowladda ay isku dayday in ay ka baaqsato in lagu dhex dagaallamo shacabka, isagoo ciidanka muddo kororsiga diidanna ku eedeeyey in ay ka dambeeyaan barakicinta shacabka qeybo ah magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda ay talaabo ka qaadi doonto kuwa uu sheegay in ay yihiin malleeshiyaad oo dhiirogelinaya argagixisada, isla markaana ciidanka amniga ay ku dadaalayaan xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho.

Hadalkan Wasiirka ayaa u muuqday mid dagaal oo xiisadii ka jirtay magaalada sii kordhin kara, waxaana uu ku soo aaday, iyadoo saacadihii la soo dhaafay si aad looga barakacayey degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan, kaddib markii ciidanka ka soo horjeeda kuwa dowladda ay farriisimo hor leh ka sameysteen goobahaas.

 

Ciidamada DF oo difaac ka sameystay Daljirka Daahsoon

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta dhammaan jidadka soo gala Taalada Daljirka Daahsoon oo ku taalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ka sameysteen difaac xooggan.

Ciidamada ayaa dhagxaan waa-weyn ku gooyey wadooyinka soo gala Taalladan oo u dhow dhismaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa goobta lagu arkayaa ciidamo badan oo ka tirsan kuwa loo yaqaano Duufaan iyo gaadiid dagaal oo lasoo dhoobay halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in ciidamadu ay difaacyo ka sameysteen aaggaasi, si ay uga hortegaan weerar uga yimaada dhanka mucaaradka.

Dhinaca kale waxaa guud ahaan caasimada ka jira dhaq-dhaqaaqyo xoog leh oo iska soo horjeed, kuwaas oo ay wadaan dowladda iyo mucaaradka.

Sidoo kale shacabka ayaa billaabay barakac xoog-leh, waxaana degmooyinka laga qaxay ka mid ah Hodan, Howlwadaag, Warta Nabadda iyo Boondheere, ka agaal markii xaafado ku yaalla qaar ka mid ah degmooyinkaasi ay fariisimo ka sameysteen ciidamada mucaaradka.

Si kastaba xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta aad u kacsan, waxaana cabsi ballaaran laga muujinayaa inuu markale dagaal culus ka qarxo gudaha caasimada.

Ciidamada ay hor-kacayaan Indha-Cadde iyo Saadaq Joon oo aag beddeshay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa taageersan musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyo ciidamo kale oo diidan muddo kororsiga oo ay hogaaminayaan Saadaq Joon iyo Yuusuf Indhacadde ayaa isaga guuray agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim halkaas oo ay ku sugnaayeen habeenadii tegay.

Ciidamada ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan inay u guureen dhinaca Xaafada Siigaale ee degmada Hodan, halkaas oo iyaga iyo madaxda la socota ay fariisin cusub ka sameysteen.

Jen. Saadaq Joon iyo Yuusuf Indhacadde ayaa lagu warramay inay tallaabada ay qaadeen ku sheegeen istiraatiijiyad ciidan oo ay ka aag bedesheen xaruntoodii hore, waxaana hadda ay u muuqdaan inay isku fidiyeen degaano cusub, ayaga oo kusoo dhowaanaya dhanka madaxtooyada.

Waxay sidoo kale ku xirmeen ciidamo kale oo horey u haystay xaafadaha Barmuudo, Dambka iyo qeyb ka mid ah Howlwadaag, kuwaas oo iyagana kasoo horjeeda dowladda, kuna beel ah ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Arrintan ayaa ka dhigan in waddada inta badan xaafadaha ka hooseeya Maka Al-Mukarama ee ka tirsan Howl-Wadaag iyo Hodan ay haystaan ciidamada kasoo horjeeda dowladda federaalka.

Dhinaca kale Ciidamada ammaanka ee Dowladda ayaa bilaabay inay furaan wadada u dhaxeysa Isgoysyada KM4 iyo Tarabuunka, halkaas oo horay ay dhufeysyo uga sameysteen Ciidamo ka tirsanaa kuwa taageersan mucaaradka oo ilaalo u ahaa musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Saadaq Joon iyo Yuusuf Indhacadde.

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ee Xaafadaha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ka socda barakac ay sameeynayaan dadka shacabka ah, iyaga oo ka cabsi qaba in dushooda lagu dagaalamo.

Sawirro: Ciidanka dowladda oo weeraray mid ka mid ah Idaacadaha MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka aroortii hore weerar ku qaaday dhismaha ay dagan tahay Idaacadda Mustaqbal oo ka mid ah warbaahinta madaxa banaan ee haatan ka howl-gasha gudaha magaalada Muqdisho.

Maamulka Idaacadda oo war qoraal ah soo saaray, kadib weerarkaasi ayaa sheegay in ciidamadu ay jir-dil xoogan u geysteen qaar ka mid ah shaqaalaha Raadiyaha, sidoo kalena ay qaateen dhammaan qalabkii war-qabadka iyo sidoo kale kan maamulka Idaacadda.

“Ciidanka dowladda ee galay xarunteenu waxa ay geysteen Jirdil shaqaalaha qaarkood, Waxa ay qaateen Dhammaan qalabkii Warqabadka, Maamulka iyo Telefeahinka. Aad ayaan uga xunahay in ciidanku noola dhaqmay sida dad cadow ah oo si gaar ah loo beegsanayo,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay xafiiska maamulka Radio Mustaqbal.

Sidoo kale maamulka ayaa codsaday dowladda Soomaaliya inay dib ugu soo celiso qalabka laga burburiyey, sidoo kalena laga dul-qaado ciidamo la dhigay afaafka hore ee xarunta

“Waxa aan ka codsaneynaa dowladda in ay dib u soo celiso qalabka islamarkaana aanay u dhaqmin hab beegsi ah oo na dareensiinaya in magaca, hubka iyo awoodda dowladdu nalugu dulminayo.Waxaan sidoo kale dalbaneynaa in nalaga qaado ciidanka iyo hubka yaal Albaabka xarunteena,” ayaa markale lagu yiro qoraalka cabasha ee Radio Mustaqbal.

Ma cadda illaa iyo sababta rasmiga ah ee loo beegsaday Idaacadda Mustaqbal, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan gudaha magaalada Muqdisho ay ka taagan taha xiisad dagaal oo u dhexeysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo mucaaradka, taas oo ay tabaneysay Mustaqbal, si la mid ah Idaacadaha kale ee ku yaalla caasimada.

Xoghayaha guud ee QM oo farriin deg-deg ah kasoo saaray xaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa si adag uga hadlay iska hor imaadyada u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda dhexe ee kasoo cusboonaaday gudaha magaalada Muqdisho.

Antonio Guterres ayaa shaaca ka qaaday inuu aad uga walaacsanyahay xiisadaha dagaal ee haatan ka jira Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac inay ka joogsadaan rabshada dambe, isla-markaana ay wax-weliba ku xalliyaan wada-hadal.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Stephane Dujarric oo ah afhayeenka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu yiri “Xoghayaha-Guud wuxuu aad uga walaacsan-yahay iska hor imaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisa ah in dhamaan saamilayda Soomaaliyeed ay ka joogsadaan rabshado dambe oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal iyo isu-tanaasul,”.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray afhayeenka inuu xoghayuhu ku boorinayo dhinacyada is-haya inay si deg-deg ah ku billaabaan wada-xaajood, si loo soo afjaro xiisada aloolsan.

“Xoghayaha-Guud wuxuu ku boorinayaa dhamaan saamilayda Soomaaliyeed inay si dhakhso leh dib u billaabaan wada-xaajoodyada isla markaana ay gaaraan heshiis ku saleysan Hanaankii Doorashada ee 17kii Sebtember iyo soo-jeedintii Baydhabo,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan xaalad adag ay ka taagan tahay magaalada Muqdisho oo ay qeybo ka mid ah isku horfadhiyaan ciidanka dowladda iyo kuwa kale oo taabacsan mucaaradka, kana soo horjeedo muddo kororsiga madaxweyne Farmaajo.

Barakac ka billowday qeybo ka mid ah MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho waxaa ka billowday barakac xoogan oo ay sameynayaan dadka deegaanka, kuwaas oo ka cabsi qaba inay waxyeelo kasoo gaarto dadaallada kasoo cusuboonaday gudaha caasimada.

Shacabka ku dhaqan degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Warta Nabadda ee gobolka Banaadir ayaa xalay iyo saaka billaabay inay isaga hayaamaan guryahooda, kadib markii ciidamada taabacsan mucaaradka ay aag ka sameysteen xaafadda Siigaale ee magaalada Muqdisho.

Xaafadaha laga qaxay waxaa ka mid ah Taleex, Siigaale, Shanta Geed iyo xaafadaha ku dhow isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa billaabay inay u gaaraan xaafadaha kale ee ka caagan dhaq-dhaqaaqyada, sida degmooyinka Wadajir, Dharkenley, Kaxda iyo duleedka caasimada.

Inkastoo ay wada-hadallo socdaan ayaa haddane waxaa jira abaabul xoogan oo ay wadaan labada dhinac, kuwaas oo haatan isku bira tumanayo.

Muqdisho ayaa xaalad dagaal gashay, kadib markii ay caasimada gudaha u soo galeen ciidamo diidan muddo kororsiga loo sameeyey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), kuwaas oo qabsaday qeybo badan oo ka mid ah gudaha magaalada Muqdisho.

Mareykanka oo war kasoo saaray rabshadihii Muqdisho, jeediyey hanjabaad culus

Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegtay inay uu aad uga walaacsan tahay rabshadihii magaalada Muqdisho ka dhacay Axaddii ee u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo ilaalada qaar ka mid ah musharaxiinta, oo ay wehliyaan ciidamo diidan muddo kororsiga.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, si ay khilaafyadooda ugu xalliyaan si nabdoon,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

“Wada-hadallo iyo heshiis ayaa ah hababka kaliya ee lagu xaliyo is-mari waaga siyaasadeed, waxaan ku boorineynaa dhinacyada inay dib u billaabaan wada-xaajoodyada mar un, si ay u gaaraan heshiis horey loogu ambaqaado doorashooyin deg deg ah.”

“Sida uu horey u sheegay xoghayaha arrimaha dibedda, dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay ka fakarto dhammaan agabyada la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateyno iyo xayiraado dhanka visa-ha ah, si looga jawaabo dadaallada lagu waxyeeleynayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.”

Hanjabaadda ay ku celisay dowladda Mareykanka ayaa u muuqata inay mar kale ku socoto madaxda dowladda federaalka, maadaama hanjabaddii hore ee soo baxday 14-kii April ay si toos ah ugu socotay madaxda dowladda, kana dhalatay muddo kororsiga.

Qoraalkaas ayaa lagu yiri “Waxaan sidoo kale caddeynay in Mareykanka uusan taageeri doonin muddo kororsi aan haysan taageerada saamileyda siyaasadda Soomaaliya, iyo hanaan doorasho oo hal dhinac ah iyo kuwa is-dhinac socda.” 

“Ficillada noocan ah waxay noqon doonaan kuwa aad wax u kala qeybiya, waxyeeleeya hanaanka federaalka iyo isbeddelada siyaasadeed ee xudunta u ahaa horumarka dalka iyo saxiibtinimada beesha caalamka, waxayna dareenka ka weecinayaan Al-Shabaab. Waxay sidoo kale dib usii dhigayaan qabashada doorashada shacabka Soomaaliyeed loo ballan-qaaday ee ay sugayeen.”

Prof. Xuseen Warsame oo xog dheeri ah ka bixiyey dhaqaalaha laga jartay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa dhawaan xaqiijiyey in dowladda federaalka ay soo food-saartay dhaqaale yari baahsan, kadib markii laga jartay dhaqaalihii ay ka heli jirtay deeq bixiyayaasha.

“Lacagihii kabka ahaa ee adduun weynaha na siin jiray waa ay naga goosteen, xoogaa Sacuudiga iyo Qatar na siiyeen ayaan mushaharka ku bixinaynay iyagiina December iyo January ayay dhammaadeen, hadda waxaan taagannahay sagxadda,” ayuu yiri Beyle.

Beyle ayaa sidoo kale dhawaan sheegay in dakhliga dowladda uga soo xarooda gudaha uu markii horeba ahaa 30%, inta kalena ay ka heli jireen dalalka deeqaha bixiya, kuwaas oo iminka lacagtooda goostay, sidaas darteedna loo baahan yahay in Soomaalida ay isku tashato. 

Haddaba, Maxaa keenay in dhaqaalaha laga jarto dowladda federaalka?

Professor Xuseen Warsame oo dhaqaalaha ka dhiga jaamacada Calgary ee dalka Canada oo u waramay idaacada VOA-da ayaa sheegay in dhaqaalaha la jartay ay keentay xaalada cakiran ee dalka ka taagan iyo tallaabooyinka ay qaaday dowladda waqtigeedu dhamaaday.

Prof. Xuseen ayaa dhaqaalaha la jartay ku macneeyay “mid gadaal loogu riixayo sidii doorasho u qaban lahaayeen madaxda waqtigeedu dhamaaday,” islamarkaana culeys lagu saarayo ka laabashada go’aankii Golaha Shacabka.

“Lacagtii kabta aheyd ee dowladda ayaa istaagtay, markaa si dowladaha sameysamaya ama kuwa markaas jooga si dabada looga yara riixo (ayaa looga jartay dhaqaalaha), si ay u qabtaan doorashada, oo si muuqata ah, marka ay dhamaato ayaa dib loo bilaaba,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in lacagta ay jarteen dalalka caalamka ee ay ku taageeri jireen Soomaaliya ay saameyn xoogan ku yeelaneyso miisaaniyada dowladda waqtigeedu dhamaaday ee sanaadkaan, “Markii hore haddii ay ku dareen miisaaniyada lacagtaas, dabcan meeshii ay buuxineysay waa banaan tahay”.

Professor-ka ayaa carabka ku adkeeyay in dhaqaalaha la jartay uu soo laabanayo marka ay dalka ka dhacda doorasho oo ay arrintaas aqbalaan madaxda dalka, midaasi oo ilaa hadda aysan jirin ifafaalo muujineysa arrintaas.

Si kastaba, dowladda federaalka ee waqtigeedu dhamaaday ayaa wajaheysa culeys dhaqaale oo baahsan, tan iyo markii ay waayeen taageeradii dhaqaale ee beesha caalamka oo balaayiin doollar ku bixin jirtay Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso wareysiga Prof. Xuseen Warsame

Daawo: Dibad-baxyo xoogan oo ka dhan ah Farmaajo oo xalay ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Banaanbaxyo waa weyn oo ay dhigayeen dad shacab ah ayaa xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaana looga soo horjeeday madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay muddo kordhinta u sameeyeen Golaha Shacabka.

Banaanbaxayaasha oo watay boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah Farmaajo ayaa socod ku maray dhowr isgoys oo ka mid ah Jidka Wadnaha, laga soo billaabo Isgoyska Jiiro Wacbuudhan, Sanca, Jardiinka, Siinaay illaa nawaaxiga Xararyaale ee wadaddada Wadnaha.

Dadka banaanbaxaas dhigayey oo watay cod baahiyeyaal ayaa ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah madaxweyne Farmaajo, waxayna lahaayeen, “Kaligi-taliye dooni meyno, Farmaajo ha dhaco, mudo kororsi dooni meyno, Farmaajo waa gacan ku dhiigle” iyo erayo kale oo ay ku muujinayaan diidmadooda ku aadan mudo kororsigii dhacay 12-kii bishan.

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Farmaajo uu ku fashilmay in dalka uu ka qabto doorasho xor iyo xalaal ah sidoo kale uu yahay kaligiis talis, islamarkaana ay doonayaan in uu iska baxo, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waa habeenkii labaad oo xiriir ah oo banaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uu ka dhaco magaalada Muqdisho, iyaga oo dadka banaanbaxa dhigaya ay dalbanayaan in Farmaajo uu iska baxo, si loo qabto doorasho.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maalinkii labaad degan kadib dagaalladii Axaddii ka dhacay, inkasta oo weli ay jirto cabsi ah in dagaalka uu mar kale qarxi karo.

Daawo: Mid ka mid ah saraakiisha hoggaaminaya ciidamada diidan muddo kororsiga oo hadlay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Militariga ee kasoo horjeedo muddo kordhinta loo sameeyey madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa fariisimo cusub ka sameystay xaafado ka tirsan Degmada Howl-Wadag gaar ahaxan Xaafadaha u dhow madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Cabdulqaadir Maxamed Warsame oo ah Gaashaanle sare oo kamid ah saraakiisha hoggaaminayo dagaalka, oo warbaahinta kula hadlay aagagga dagaalka ee Degmada Howl-wadag, ayaa sheegay in ciidamada diidan muddo kordhinta ay la waregeen gacan ku heynta Xaafadaha Shanta-Geed, Isgoyska Bakaaraha, Sayidka iyo Hotelka Wehliye.

Gaashaanle Cabdulqaadir ayaa sheegay inay si cad uga soo horjeedaan muddo kordhinta uu sameystay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, wuxuna sheegay inay kaliya ku qanci karaan in Farmaajo is-casilo ama uu qabto doorasho loo dhan yahay.

“Dagaalka wuu socon doonaa inta aan ujeedkeena ah inuu Farmaajo is-casilo ama doorasho qabto aan ka gaareyno, mana istaagi doono illaa aan ka dhimano,” ayuu yiri gaashaanle Cabdulqadir.

Sarkalkaan ayaa saxaafadda soo tusay dhammaan goobaha ay difaaca kaga jiraan, wuxuuna ku hanjbay inay dhawaan la wareegi doonaan xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Xalay ayaa waxaa Xaafado ka tirsan degmada Howl-wadaag ku dagaalamay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo Millateri ah oo taagersan Mucaaradka, kuwaas oo sheegay inay kasoo horjeedaan muddo kordhinta.

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa maanta ah mid dagan, waxaana dib u bilowday isku socodka daadiidka iyo dadweynaha, waxaana goobihii lagu dagaalmay ku sugan ciidamada mucaaradka.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Gaashaanle Cabdulqaadir

Video: Laba taliye oo ka mid ah booliska gobolka Banaadir oo ka goostay dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Taliyihii Saldhigga booliska ee degmada Yaaqshiid Faarax Cadaani Maxamed uu galabta ku biiray ciidamada gadoodsan ee ka soo hor jeeda mudo kororsiga hey’adaha dowladda federaalka ee ku sugan qeybo ka tirsan Muqdisho.

Taliye Faarax oo wata gaadiid dagaal iyo ciidan ayaa la sheegay inuu ku biiray ciidamo ku sugan aagga Mirinaayo, kuwaas oo shalay halkaas dagaal kula galay ciidamo daacad u ah madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Tallaabada uu galabta qaaday Taliyaha booliska degmada Yaaqshiid waxay ku soo aadeysaa, iyadoo sidaan oo kale uu galabta ciidamada ka gadoodsan mudo kororsiga ugu biiray taliyihii saldhigga booliska degmada Shibis ee gobolka Banaadir Farxaan Jaraaye.

Taliye Farxaan Jaraaye ayaa warbaahinta kula hadlay aagga Mirinaayada, waxuuna sheegay inuu gartay waxa saxda ah, isla markaana uu ka soo horjeedo gumaadka lagu hayo shacabka magaalada Muqdisho. Sidoo kalena uusan is-dhiibin, balse uu ka baaqsanayo in uu dadka iyo dalka u horseedo dagaal sokeeye, isaga oo markii hore ka tirsanaa ciidamada daacada u ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Taliyihii saldhigga booliska degmada Shibis Farxaan Jaraaye ayaa saraakiisha iyo ciidanka booliiska ugu baaqay inay iskaga soo baxaan dhanka dowladda, isla markaaana ay soo garab istaagaan dadkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa sidaas galabta garabka dowladda ku baneeyey ilaa laba sarkaal oo laba ka mid ah degmooyin waqooyi ee gobolka Banaadir u qaabilsanaa booliska Soomaaliya oo hadda saraakiisha ugu sareysa ay daacad u yihiin madaxda waqtigu ka dhamaaday ee qaadatay go’aanka mudo kororsiga ah.

Hoos ka daawo taliyaha Shibis oo warbaahinta la hadlay.

ROOBLE oo ku dhowaaqay shir deg deg ah (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-hayaa Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay xabbad joojin ka dhacda magaalada Muqdsho, iyo shir degdeg ah oo la iskugu yimaado sida ugu dhaqsiyaha badan.

Rooble ayaa hadalkan jeediyey kadib markii uu galabta la kulmay xubnaha bulshada rayidka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay inuu ka xunyahay dhibkii ka dhacay magaalada Muqdisho 24-kii saac ee u dambaysay.

Waxa uu sheegay inuu ku baaqayo shir degdeg ah oo ay kasoo qaybgalaan waxgaradka Muqdisho iyo siyaasiyiinta, kaasi oo uu sheegay in xaaladda lagu dejinayo looga arrinsanayo amniga.

Waxa uu sheegya inuu ciicdanka farayo sugidda amniga muwaadiiinta, difaacda dalka, iyo la dagaalanka argagixisada, islamarkaana aysan siyaasadda ku milmin.

Hadalka kasoo yeeray Rooble ayaa waxaa durba hareeyey su’aalo, ayada oo dadka ay is-weydiinayaan sababta uusan ula kulmin dhinacyada ay dowladda ay is-hayaan, iyo waxa uu soo kordhin karo shir aanu kala tashan ama kala Shirin mucaaradka.

Tan iyo markii xiisadda colaadeed ka billaabatay Muqdisho, Rooble ayaa waxaa lagu dhaliilayey inuusan aheyn shaqsi go’aan qaadan kara, si uu u bad-baadiyo magaalada iyo shacabeedka oo xaalad kasii dareysa wajahaya.

Kadib dagaalladii shalay iyo xalay ka dhacay Muqdisho, Rooble ayaa soo duubay muuqaal uu xalay ciidanka ku faray inay gutaan waajibkooda, ayna la-dagaalamaan dadka wada khal-khalka amni, sida uu hadalka u dhigay, hadalkaas oo ka carreysiiyey mucaaradka, siina fogeeyey rajadii laga qabay xal laga gaaro xiisadda magaalada.

Aqalka Sare oo sharci-darro ka dhigay guddigii shalay lagu dhaariyey Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyey inay sharci-darro yihiin Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa, ee shalay lagu dhaariyey Villa Somalia, maadaama aan lasoo marsiin, oo aanu soo ansixin Aqalka Sare. Hoos ka aqriso qoraalka Cabdi Xaashi.

Aqalka Sare oo ka digay tallaabooyinka ka hor imaanaya Dastuurka Dalka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa uga digay Hay’adaha Dowladda iyo cid kasta oo xiganaysa nidaamka sharci-dejinta dalka, hadallada ama qoraallada ka hor imaanaya Dastuurka Dalka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa faahfaahiyay Hab-raaca dastuuriga ah ee Xeer-dejinta dalka kaas oo qeexaya Awoodda Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ka koobanyahay.

“Awoodda xeer-dejinta Dalka waxaa iska leh labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, hal Aqal kaligiina iskuma koobi karo, mana ku Shaqeyn karo awoodda Baarlamaanka sida ku cad Qod.55aad ee Dastuurka KMG ah oo dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu ka kooban yahay labo gole oo kala ah Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka” 

Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in muddo kordhinta ay ansixiyeen  Golaha Shacabka ay baalmarsan tahay Dastuurka KMG ee Dalka, wax sharciyad ahna aan laheyn Dalkana u horseeday xasilooni darro iyo qalqal amni aan la mahdin.Wuxuu Guddoomiyuhu sidoo kale xusay, inuu hore soo saaray go’aan uu ku faahfaahiyay sharci-darraninada go’aankaas Golaha Shacabka iyo waxa ka dhalan kara.

Faahfaahinta Nidaamka Xeer-dajinta Dalka 

Sida ku cad “Madaxa Afaraad (Qod.79aad – Qod.86aad) ee Cutubka Lixaad ee Dastuurka KMG ah wuxuu xeerinayaa dhammaan tallaabooyinka loo baahan yahay in sharci kasta oo qabyo ah uu maro. Nuxurka tallaabooyinkaas waa sida hoos ku qoran: 

1. In sharci kasta oo qabyo ah ee la horkeeno mid ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay waajib dastuuri ah tahay in uu maro aqalka kale ee Baarlamaanka Federaalka iyada oo la raacayo habraaca dastuuriga ah ee sida faahfaahsan loogu qeexay Qod.82aad iyo Qod.83aad ee Dastuurka KMG ah.

2. In nuqulka kama dambeysta ah ee ay si kala goonni ah u meel mariyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.82aad, Qod.83aad iyo Qod.90aad(f) ee Dastuurka KMG ah; si uu u saxiixo.

3. In nuqulka uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.82aad, Qod.83aad iyo Qod.85aad ee Dastuurka KMG ah”.

Sida oo kale, Dastuurka KMG ah wuxuu si faahfaahsan uga hadlay habraaca lagu meelmarin karo Xubnaha Guddiyada Madaxa-bannaan oo uu ka mid yahay Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa, sida uu xeeriyay Qod.112aad ee Dastuurka KMG ah. Sida oo kale, xeerka lagu dhisay Guddigaan ayaa si qummaati ugu qeexay qodobbada 10aad iyo 11aad habraaca loo marayo dhismaha guddigaan. Haddaba, tallaabooyinka lagu soo magacaabay,sida loo ansixiyay iyo sida sharci-darrada ee loo dhaariyay waxay baalmarsan yihiin qodobbada Dastuuriga ah iyo sharciga kor ku xusan ee Labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalku ansixiyeen.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo jeediyay in Hay’adaha Dowladda & cid kasta oo xiganaysa nidaamka sharci-dejinta Dalka in ay ilaaliyaan sharciga Dalka u yaala ayna ka fogaadaan hadallada ama qoraallada ka hor imaanaya Dastuurka Dalka.

Maxaa ka jira inuu billowday wada-hadallo u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli ka taagan magaalada Muqdisho xiisadii dagaal ee u dhaxeysay ciidamada kala taabacsan dowladda waqtigeedu dhamaaday iyo musharaxiinta mucaaridka, taasi oo bilaabatay shalay gelinkii dambe, kadib markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen aaga uu degan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kadib markii ay cirka isku shareertay xiisada dhinacyada is-haya oo dagaal xoogan uu magaalada Muqdisho ku dhex-maray 24-kii saac ee u dambeeyay, waxaa ra’iisal wasaaraha uu sheegay inuu waan-waan iyo wada-hadallo wado oo uu la leeyahay mucaaradka.

Hase yeeshee, sida ay ogaatay Caasimada Online, illaa hadda majiro wax wada-hadal toos ah oo u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka ama waan-waan ah oo loogu tagay saraakiisha hogaamineysa ciidanka ka horyimid muddo kororsiga iyo qaar kamid ah midowga musharaxiinta oo weerar lagu qaaday hoyga ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho.

Xubno ka tirsan Midowga musharixiinta ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuusan jirin xiriir dhexmaray mas’uuliyiinta dowladda waqtigooda dhamaaday iyo dhinacyada kala ee ku dagaalamay Muqdisho, taasi oo meesha ka saareysa sheegashadii Rooble.

Wada-hadallada kaliya ee hadda socda ayaa ah kuwa u dhaxeeya musharaxiinta iyo beesha caalamka.

Xubno ka tirsan mucaaradka ayaa sheegay in hadalkii ra’iisul wasaaraha uu ku amray ciidamada dowladda inay gutaan waajibkooda amni, iyo kii wasiir Xundubey uu ciidamada musharaxiinta ugu yeeray maleeshiyo qabiil ay meesha ka saareen in la wada hadlo.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo xalay iska soo duubay muuqaal ayaa sheegay in xiisada taagan uu ku dhameyn doono wada-hadal, islamarkaana uu bilaabay arrintaas, waxaana soo baxaysa inuusan jirin dadaal ku aadan xiisadaan oo ay bilowday dowladda waqtigeedu dhamaaday.

Arrintaan ayaa sarre u qaadeysa suurta-galnimada in Muqdisho mar kale uu dagaal ka dhaco, iyadoo ciidamadu difaacyo iyo dhufeyso caro-tuur ay dhigteen goobihii xalay iyo shalay dagaalada ka dhaceen, waxaana dadka reer Muqdisho ay qabaan wal-wal weyn iyo dareen ku aaddan amnigooda.

Xildhibaan Fiqi oo jawaab ka bixiyey hadalkii Rooble, lana xiriiriyey dagaalkii 1991-kii

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa ka hadlay dagaalkii 24-kii saac ee u dambeeyay dhex-maray ciidamo kala taabacsan madaxda mudo xileedku ka dhamaaday ee dowlada federaalka iyo ciidamada Musharaxiinta oo garab ka helaya kuwa kasoo hor-jeeda mudo kororsiga.

Fiqi ayaa si weyn u cambaareeyay hadalkii uu ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta kaga fal-celiyey dagaalladii ka qarxay magaalada Muqdisho, kaasi oo faray ciidamada qaranka iyo laamaha ammaanka inay gutaanka waajibkooda sharciga ah ee ilaalinta nabadda iyo badqabka muwaadiniinta, xili ay xiisad taagan tahay.

“Xalay fariintii halka daqiiqo ahayd ee timid dagaal 24 saac qiyaastii socday ka dib, kama turjumayn dareenka dadka Muqdisho iyo kuwa uu raysulwasaaraha u yahay Rooble oo weeraro gardarro ah oo muddo kordhin xukun oo qasab ah daba socday lagu qaaday hogaamiyaal diiday muddo kordhin sharciga hareermarsan,” ayuu yiri Fiqi.

Axmed Macalin Fiqi ayaa dagaalladdaan la xiriiriyey kuwii 1991-kii, wuxuuna yiri “Dagaalkii 1991 Marka uu socday oo madaafiicda laga ridayey Villa Somalia ay guri walba ku dhacaysay waxaan xusuustaa madaxdii Villa Soomaalida fadhiday waqtigaas waxay lahaayeen: beeraha hala fasho, nabadda halaga shaqeeyo”.

Waxaa uu ku baaqay in Rooble uu kaalin ka balaaran middii xalay uu ka qaato xiisadda ka taagan magaalada Muqdisho oo ay isku faro-saareen ciidamo kala taabacsan mucaaridka iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.

“Raysulwasaaruhu inuu kaalin intaas ka balaaran cayaaro waa laga sugayey, hadal ka duwan kan wasiirkiisa amniga waa laga sugayey laakin marnaba loogama fadhin inuu dafiro waxa keenay isku dhacyada hubaysan iyo inuu amaano ciidamo amar qaldan fulinaya oo magaalo xasiloon qalalaase ka samayanaya kuwaasoo furimihii Alshabaab laga soo bixiyey!.”

“Sida hala isku dhaamo, dhiigga dadka Muqdisho oo qulqulaya madaxtinimada lagu dhex sheegto waxaan magac xumo ahayn laga dhaxli maayo,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Fiqi.

Hadalkaan ayaa imanaya ayada oo 24-kii saac ee u dambeeyay ay magaalada Muqdisho ka dhaceen dagaallo culus, kaasi oo xoogiisa uu ka bilowday guriga hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ku yaalla agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin ee degmada Hodan.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa u muuqata mid dagan saaka, inkasta oo ay dhinacyada is-haya ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo, ayada oo aagga KM4 iyo Maka Al-Mukarama lasoo warinayo in laga qaaday ciidamadii dowladda, ayna joogaan kuwa taabacsan musharaxiinta, xaaladdana ay degan tahay.