24.7 C
Mogadishu
Wednesday, July 15, 2026

Xildhibaan Fiqi oo jawaab ka bixiyey hadalkii Rooble, lana xiriiriyey dagaalkii 1991-kii

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa ka hadlay dagaalkii 24-kii saac ee u dambeeyay dhex-maray ciidamo kala taabacsan madaxda mudo xileedku ka dhamaaday ee dowlada federaalka iyo ciidamada Musharaxiinta oo garab ka helaya kuwa kasoo hor-jeeda mudo kororsiga.

Fiqi ayaa si weyn u cambaareeyay hadalkii uu ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta kaga fal-celiyey dagaalladii ka qarxay magaalada Muqdisho, kaasi oo faray ciidamada qaranka iyo laamaha ammaanka inay gutaanka waajibkooda sharciga ah ee ilaalinta nabadda iyo badqabka muwaadiniinta, xili ay xiisad taagan tahay.

“Xalay fariintii halka daqiiqo ahayd ee timid dagaal 24 saac qiyaastii socday ka dib, kama turjumayn dareenka dadka Muqdisho iyo kuwa uu raysulwasaaraha u yahay Rooble oo weeraro gardarro ah oo muddo kordhin xukun oo qasab ah daba socday lagu qaaday hogaamiyaal diiday muddo kordhin sharciga hareermarsan,” ayuu yiri Fiqi.

Axmed Macalin Fiqi ayaa dagaalladdaan la xiriiriyey kuwii 1991-kii, wuxuuna yiri “Dagaalkii 1991 Marka uu socday oo madaafiicda laga ridayey Villa Somalia ay guri walba ku dhacaysay waxaan xusuustaa madaxdii Villa Soomaalida fadhiday waqtigaas waxay lahaayeen: beeraha hala fasho, nabadda halaga shaqeeyo”.

Waxaa uu ku baaqay in Rooble uu kaalin ka balaaran middii xalay uu ka qaato xiisadda ka taagan magaalada Muqdisho oo ay isku faro-saareen ciidamo kala taabacsan mucaaridka iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.

“Raysulwasaaruhu inuu kaalin intaas ka balaaran cayaaro waa laga sugayey, hadal ka duwan kan wasiirkiisa amniga waa laga sugayey laakin marnaba loogama fadhin inuu dafiro waxa keenay isku dhacyada hubaysan iyo inuu amaano ciidamo amar qaldan fulinaya oo magaalo xasiloon qalalaase ka samayanaya kuwaasoo furimihii Alshabaab laga soo bixiyey!.”

“Sida hala isku dhaamo, dhiigga dadka Muqdisho oo qulqulaya madaxtinimada lagu dhex sheegto waxaan magac xumo ahayn laga dhaxli maayo,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Fiqi.

Hadalkaan ayaa imanaya ayada oo 24-kii saac ee u dambeeyay ay magaalada Muqdisho ka dhaceen dagaallo culus, kaasi oo xoogiisa uu ka bilowday guriga hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ku yaalla agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin ee degmada Hodan.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa u muuqata mid dagan saaka, inkasta oo ay dhinacyada is-haya ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo, ayada oo aagga KM4 iyo Maka Al-Mukarama lasoo warinayo in laga qaaday ciidamadii dowladda, ayna joogaan kuwa taabacsan musharaxiinta, xaaladdana ay degan tahay.

Musharaxiinta oo shir la leh beesha caalamka iyo qorshe Amisom kusoo fara-gelineyo dagaalka Muqdisho oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd shir xasaasi ah u furmay Midowga Musharaxiinta mucaaridka iyo Beesha caalamka C6+ oo ka wada-hadlaya xiisada dagaal ee ka tagaan Magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xubno ka agdhow xerada Xalane ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkaan oo ahaa dhanka fogaan arag oo ka qabsoomay qadka Zoom-ka ay labada dhinac ku lafo-gureen  isku dhacyadii xalay illaa shalay dhacay iyo sidii xaalada loo dejin lahaa.

Wakiilada Beesha caalamka ee fadhigooda yahay Xalane ayaa dadaal ugu jira sidii loo dejin lahaa xiisada ka taagan Muqdisho, si looga baaqsado dagaal markale ka qarxa caasimada, kadib xiisad dagaal oo 24-kii saac ee u dambeeyay ka taagneyd magaalada.

Waxay xubnaha beesha caalamka ku booriyeen Midowga Musharaxiinta in deg-deg loo bilaabo wada-hadal dhex-mara madaxda waqtigoodu dhamaaday iyo mas’uuliyiinta mucaaridka oo shalay ciidamadoodu isku faro-saareen qeybo kamid aha magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka agdhow Musharaxiinta mucaaridka ayaa sidoo kale waxay Caasimada Online u sheegen in wakiilada Beesha Caalamka ay midowga musharaxiinta kala hadleen sidii dib u eeg loogu sameyn lahaa kaalinta howl-galka AMISOM iyo waajibaadkooda ku aadan nabad ilaalinta.

Waxaa socda dadaalo ku aadan in Ciidamo AMISOM ah la kala dhex dhigo goobaha shalay illaa xalay isku dhacyada ka dhaceen, si loo baajiyo dagaal kale, loona yareeyo khasaare soo gaara dadka rayidka ah.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa kasii dartay 24-kii saac ee u dambeeyay, kadib markii ay dhaceen dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo qaar kamid ah midowga musharaxiinta mucaaridka. Hase yeeshe jawiga guud ee magaalada ayaa saaka degan.

Yaa gacanta ku haya goobihii lagu dagaalay ee Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta degen deegaanadii xalay iyo shalay ay dagaaladu ku dhex mareen ciidamada dowlada iyo ciidamada ka soo horjeeda muddo kororsiga Farmaajo iyo ilaalada musharaxiinta qaar oo dhinac ah.

Goobaha ay dagaalada ka dhaceen sida agagaarka Marinaayada, Xaafada Taleex, Isgoyska Dabka iyo qeybo kamid ah degmada Howl-wadaag, gaar ahaa waddada Maka Al-Mukarama ayaa degen, waxaana si teel teel ah u socda dad badankood u socda shaqooyinkooda gaarka ah iyo kuwo doonaya inay ogaadaan wixii shalay illaa xalay dhacay iyo cidda ku sugan goobihii lagu dagaalamay.

Dhammaan Goobihii ay dagaalada ka dhaceyn ee Marinaayada, Xaafada Taleex iyo Isgoyska Dabka ayaa waxaa gacanta ku hayo ciidamo daacad ah Xasan Sheekh oo Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, Saadaq Joon, iyo kuwa kale oo ka amar qaata saraakiil si toos ah ugu xiran Midowga Musharixiinta.

Dhammaan waddooyinka soo gala goobihii dagaalada dhaceyn ayaa waxaa lagu xiray carro, waxaana difaac kaga jiro ciidamo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka.

Ciidamada diidan mudo kordhinta madaxweyne Farmaajo ayaa xalay muujiyey awoodooda, waxayna ku guuleysteen inay gubaan afar ka mid ah baabuur oo ay waten Ciidamada Gorgor oo ay tababartay dowladda Turkiga.

Ciidamada dowlada ee daacada u ah Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday ayaa xalay ka laabtay isgoyska KM4 oo ay dagaalada ka bilowdeen waxaana qeybo ka mid ah wadada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarrama ku sugan ciidamo taabacsan Midowga Musharaxiinta.

Waxaa socdo dadaalo lagu doonayo in xal looga gaaro dagaaladii dhacay inkastoo ay adag tahay in dhinacyada ay si fudud isku aaminaan maadaama ay Dowladda Soomaaliya ku guul-dareysatay inay fuliso heshiisyadii ay horey ula gashay Midowga Musharixiinta oo ay kamid aheyd inay ogolaatay in banaanbax ay qabsadan mucaaradka inkastoo markii dambe ay dowladda ka baxday.

Dad badan oo ka barakacay guryahoda oo miciin bidey xaafado kale ayaa weli wadnaha farta ku haya iyadoo ay jirto cabsi la xiriirta in markale uu dagaal bilowdo.

Farmaajo ma leeyahay qorshe aan muddo kororsi ahayn?

Laga soo billaabo 12kii April 2021, markii uu baarlamaanka Soomaaliya go’aamiyay in muddo laba sano ah lagu kordhiyo muddo xileedka madaxweynaha, waxaa taagnaa xiisad ka dhan ah arrintaas oo ugu dambeyn soo gaartay halka uu maanta dalka taagan yahay. Waxaa laga baqayaa dagaal uu dhiig ku daato oo ka dhaca caasimadda, kadibna ku faafa gobollada kale ee dalka.

Billowgii dhacdadaan gudaha iyo dibaddaba waxaa looga arkayay cadaadis siyaasadeed oo ay kooxda madaxweynaha saarayaan mucaaradka gaar ahaan Puntland iyo Jubaland si ay uga tanaasulaan qaar kamid ah qodobada ay miiska soo saareen wadahadalka balse, dhacdooyin dhowr ah oo is xig xigay waxa ay muujinayaan natiijo taas ka duwan oo miiska soo saartay su’aasha ah madaxweyne Farmaajo ma leeyahay qorshe aan ahayn muddo kororsi haddii uu socon waayo? Mise waa halka xulasho ee uu heysto, haddii ay surtageliweysana uu dalku ka dhacayo haadaan laga yaabo in ay isaga galaafato?

Dagaalka Beesha Caalamka

Dhowr qoraal oo is daba joog ahaa oo uu soo saaray madaxweynaha xilligiisu dhamaaday waxa uu ku handaday beesha caalamka, qoraalladan oo dhowr nuuc ahaa dhowr hay’adood oo dowladeedna la dhex marsiiyay waxa ay muujinayeen colaadin iyo awood sheegasho.

Xafiiska Farmaajo oo abaabulka ugu badan ee ololahan sameynayay ayaa farriimo toos ah u dirayay beesha caalamka isaga adeegsanaya Twitter-ka agaasimaha warfaafinta Villa Somalia, Cabdirashiid Xaashi Duqa, sidoo kale qoraallo loo kala diray ururrada ay Soomaaliya xubinta ka tahay, dowlado iyo hay’ado oo lagu diyaariyay Villa Soomaaliya ayaa lagu dirayay magaca wasaaradda arrimaha dibadda, isla markaana hoos looga dusinayay warbaahinta.

Muddada howshaan socotay waxay dowladda Soomaaliya ka hortimid dhammaan soo jeedinnadii dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo ugu dambeyn midowga Afrika oo amniga dowladda Soomaaliya iyo madaxdaba gacanta ku haya. Waxaa intaa dheer in eedeymo xooggan oo aan caddeyn loo heynin loo jeediyay dalalka deriska ah sida Jabuuti iyo Kenya.

Ololahaan oo qeyb ahaan guuleystay waxa uu soo afjaray qorshahii beesha caalamka ee ahaa in in cadaadis nabdoon looga jibba keeno madax adaygga Farmaajo, waxa uuna xubnaha beesha caalamka gaarsiiyay quus sababtay in ay ka fikiraan “Gacan qabasho muuqata”, taas oo cawaaqib waawey oo u baahan in aad looga fiirsado ay ka dhalan karto.

Abaabulka gudaha

Muddada ay beesha caalamku ka fiirsaneyso tallaabo adag oo Farmaajo gacanta looga qabto ayay kooxda madaxweynaha xilligiisu dhamaaday go’aansadeen in hubiyaan awooddooda iyo taageeradooda gudaha.

Madaxweynaha ayaa kulamo la yeeshay odayaal dhaqan, hoggaamiye kooxeedyo hore iyo dad uu aaminsan yahay in ay saameyn ku leeyihiin bulshada Muqdisho, arrinkaan ayaa abuulkeeda waxaa loo xil saaray maamulka Gobolka Banaadir iyo wasaaradda warfaafinta.

Kulamadaan qabiilka iyo baahinta xooggan ee wasaaradda warfaafintu u sameysay waxaa ka dhashay “Hadallo Nacayb” ku sameysan oo abuuray xiisad cusub.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Benaadir Cali Yare, Hoggaamiye kooxeed hore Cabdi Waal, Ra’iisul wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi, Cabdullaahi Sheekh Xasan iyo siyaasiin kale oo dadka reer Muqdisho ku xusuustaan waxyeellada ay ciidamadii Ethiopia u geysteen Muqdisho 2006-2009 ayaa si cad u weerar qaar kamid ah Musharixiinta oo taageere xoogga ku leh Muqdisho, qaarkood waxay ku baaqeen dagaal. Arrinkaan ayaa abuuray xiisad iyo dhaqdhaqaaq ciidan.

Soo afjaridda Mucaaradka Muqdisho ku sugan

Ilo xilkas ah ayaa xaqiijiyay in Musharrixiinta kala ah; Xasan Cali Keyre, Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdulqaadir Cosoble ay heleen xogta weerar la qorsheeyay 16kii bishan April, taas oo la doonayay in lagu soo xiro ama la dilo haddii ay dagaallamanaan.

Musharixiintan oo dhammaan ka soo jeeda Muqdisho ayaa go’aansaday in degaan goobo ay ammaankooda ku hubinayaan oo aay taageerayaashooda ku badan yihiin, waana arrinka adkeeyay in si sahlan ay ciidamada dowladdu ku soo afjaraan mucaaradka.

Xasan Sheekh ayaa degay Xaafadda Marinaaya oo ku taalla duleedka Bari ee Muqdisho oo ay reerkiisu u badan yihiin, isla markaana dhabarka ku heysa deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe. Sheekh Shariif ayaa isna degan Xaafadda Siisii ee degmada Yaaqshiid iyo Kaaraan oo ku taalla Waqooyi Bari Muqdisho, waa halkii uu ka soo billaabay halgankii maxkamadaha Islaamiga  ah 2005. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna u guuray degmada Hodon oo ay taageerayaashiisu ku badan yihiin, halka Xasan Cali Khayre uu qorsheeyay in uu u guuro degmada Howlwadaag oo aad ugu dhow madaxtooyada.

Tallaabadaan ay musharrxiintu qaadeen ayaa ahayd mid ay ugu fogaanayeen weerar kaga yimaado Farmaajo, balse taa meesha kama saarin in la weeraro.

Maxaa xiga?

Dhacdooyinkaan oo dhammaan la aaminsan yahay in ay abauulnaayeen ayaa muujinaya in qorshaha kaliya ee madaxweyne Farmaajo yahay in uu guuleysto muddo laba sano ahna awood ku joogo, taas oo meesha ka saari karta rajada Soomaalida iyo beesha caalamka ee ah in wadahadalladii doorshada dib loogu laabto.

Labada koox ee siyaasadda Soomaaliya isku heysa oo horay ugu muuqday koox isku dayeysa soo afjaridda cid walba oo ka hor timaada waa Farmaajee iyo koox isku dayeysa in ay cadaadis saarto madaxweynaha xilligiisa dhamaaday si uu doorsho u oggolaado ayaa hadda is wajahaya iyada oo labada dhinacba isku dayayaan in mid walba uu midka kale soo afjaro.

Walwalka ah in xaaladdu faraha ka baxdo ka hor inta aysan beesha caalamku go’aamo adag gaarin ayaa sii kordhaya maadaama ay kooxda madaxweynaha xilligiisu dhamaaday isku dayayso soo afjaridda mucaaradka ka hor go’aan kasta oo laga filan karo beesha caalamka, dhanka kale mucaaradka oo go’aansaday in ay is difaacaan ayaan la ogeyn sida ay u xakameyn karaan taagarayaashooda oo ay suurtagal tahay in ay wiiqaan ciidanka daacadda u ah Farmaajo.

Xigasho: Mustaqbal Radio

QM oo war kasoo saartay dagaallada MUQDISHO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dagalladii xalay iyo shalay ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo u dhexeeyey ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa kale oo kasoo horjeedo muddo kororsiga.

Ugu horreyn Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay rabshadaha kasoo cusboonaaday magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale ay walaac xoogan ka muujisay isku dhacyada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa daacadda u ah siyaasiyiinta macaaradka ah.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday labada dhinac inay is xakameeyaan, wax welibana ay ku dhameeyaan wada-hadal iyo deganaan.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Rabshaddu xal uma ahan is mariwaaga siyaasadeed ee hadda taagan. Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si dhaqso ah dib ugu bilaabaan wadahadal degdeg ah,”.

Hadalka kasoo yeeray Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadayo, xilli maanta xaaladda Muqdisho ay yare dagan tahay, kadib dagaalladii shalay iyo xalay ka dhacay gudaha caasimada, iyadoo labada dhinac ay weli isku horfadhiyaan goobihii lagu dagaalamay.

Sawirro CC Shakuur oo xirtay waddada Cabdiqaasim

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada daacadda u ah siyaasiga mucaraadka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa lagu soo warramayaa inay saaka xirteen wadada dheer ee isku xirta isgoysyada KM4 iyo Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa caro ku xiray waddadaasi oo sii marta dalcadda Cabdiqaasim ee degmada Hodan, iyaga oo gaadiidka ka celinaya halkaasi.

Sidoo kale ciidamada mucaaradka ee ka soo horjeeda dowladda ayaa difaacyo kaga jira xaafadaha ku dhow wadadaasi oo uu xalay ka dhacay dagaal xoogan.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in ciidamo kale oo ka mid ah kuwa ka soo horjeeda muddo kororsiga madaxweynaha ay iyana ku sugan yihiin inta u dhexeysa Dabka iyo Sayidka, iyaga oo difaacyo kaga jira halkaasi, waxaana lagu arkayaa iyo gaadiid dagaal.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana markasta suura-gal ah inuu dagaalka dib u qarxo, maadaama labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo iska soo horjeeda.

Si kastaba waxaa haatan socda dadaallo uu hokacayo ra’iisul wasaaraha xil ka sii haya ee Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda taagan.

Xaaladda MUQDISHO ee maanta iyo xog ku saabsan wada-hadallo dhacay xalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta degan kadib markii dagaallo ay ka dhaceen xalay iyo shalay, waxaana socota waan-waan laga dhex-wado mucaaradka iyo dowladda.

Waan-waanta ayaa waxaa wada ra’iisul wasaare Rooble, oo la xiriiray musharaxiin ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Sheekh Maxamuud, una sheegay in dowladda ay dooneyso xabad-joojin iyo heshiis.

“Mar dhexe ayaa ra’iisul wasaaraha ila hadlay oo uu sheegay inuu doonayo in la joojiyo dagaalka, waxaan sidoo kale fahamsanahay inuu wacay Xasan Sheekh, mana hubo inay wada hadleen. Waxaan iri ‘haddaad wax ka qaban karto oo dagaalka joojin karto, oo aad awood leedahay ahlan wa sahlan, soo dhowow’,” ayuu yrii Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaas ku daray in goor dambe ay soo waceen rag ka socda xafiiska ra’iisul wasaaraha una sheegeen inay ciidankii dagaalka ku jiray ay bixinayaan.

Waxaa sidoo kale saaka socda dadaallo dheeri ah oo lagu xaqiijinayo in xabadda aysan dib u billaaban, waxaana sidoo kale qeyb ka ah odayaal dhaqameeyo iyo madaxda Galmudug iyo HirShabelle, Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe.

Dagaalka ayaa shalay ka dhacay Mirinaayo iyo aagga KM4 oo ay kala degan yihiin Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayada oo labada musharax ay sheegeen in ciidamada dowladda ay soo weerareen.

Wararka saaka ka imanaya aagga KM4 iyo Maka Al-Mukarama ayaa sheegaya in laga qaaday ciidamadii dowladda, ayna joogaan kuwa taabacsan musharaxiinta, xaaladdana ay degan tahay.

Sidoo kale, aagga Mirinaayo ayaa shalay dagaal looga soo riixay ciidamada dowladda, welina waxaa jooga ciidamo militari oo diidan muddo kororsiga iyo ciidamada ilaalada madaxweyne Xasan Sheekh.

Si guud, xaaladda ayaa degan maanta, mana jiraan wax dhaq-dhaqaaqyo ciidan ah illaa hadda.

Daawo: Rooble oo ka hadlay xiisadda Muqdisho, amarna siiyey ciidamada dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay rabshadihii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhacdadaasi, oo u uku qeexay mid lagu khalkhal gelinayey ammaanka caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dadka iyo dhinacyada ku lugta lahaa rabshadahaasi ugu baaqay in nabadda la dhawro, islamarkaana loo turo shacabka.

Rooble ayaa sidoo kale faray ciidamada qaranka iyo laamaha ammaanka inay gutaanka waajibkooda sharciga ah ee ilaalinta nabadda iyo badqabka muwaadiniinta, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ciidanka ku adkeeyey inay ka hortagaan khatar walba oo lala damacsan yahay amniga.

Rooble ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay aaminsan tahay in wadahadal keliya lagu xallin karo arrimaha taagan, isagoo tilmaamay in dadaalada wadahadalada uu isagu horay u bilaabay ay xukuumaddu sii xoojin doonto, islamarkaana uu ku raja-weyn yahay in dhammaan tabashooyinka jira guul iyo isfaham laga gaari karo.

Rooble ayaa ugu dambeyn ugu baaqay waxgaradka, culimada, bulshada rayidka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyaradu inay kaalintooda ka qaataan adkaynta nabagelyada iyo xasiloonida dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Daawo: AXMED DAACI oo hanjabaad kasoo saaray xiisada kacsan ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) oo ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka ayaa digniin culus u diray madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Guddoomiye Axmed Daaci ayaa fariimo dardaaran ah u kala diray dhinacyada kala ah, Farmaajo, Rooble, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe, Cumar Filish, ciidanka Qaranka iyo AMISOM.

Ugu horeyn Axmed Daaci ayaa madaxweyne Farmaajo ka codasay inuu xilka ka dego, isagoo sheegay in hadii uu taladaas qaadan waayo ay xaaladu sidaan kasii xumaa doonto.

“Madaxweynaha Soomaaliya xilka inuu ka dego ayaan ka codsaneynaa saacadaha soo socda, hadda fursad ayuu heystaa, fursada uu heysto waa inuu garoonka ka dhoofi karo, hadii uu sidaan ku sii adkeysto, waxaa imaan doonta inuu garoonka ka dhoofi waayo,” ayuu yiri Axmed Daaci.

Waxa uu intaas ku sii daray, “Madaxweyne inta dab nagu shido garoonka u carari meyside xilkaan isaga deg, waa lagaa hor istaagi doonaa inaad dalkaan ka dhoofto, ciidamada nabad ilaalinta u jooga dalkaana waxaan ka codsaneynaa in uusan garoonka ka bixin nin dalka Dab ku shiday.”

Mar uu fariin u diraayey Ra’iisul wasaare Rooble ayuu yiri, “R/wasaaraha waxaan leeyahay waqtigaagu afar bilood ayuu ahaa, waajibaad-kaagana waad gudan weysay, asaguna ha iska casilo xilka.”

Sidoo kale guddoomiye Axmed Daaci ayaa fariin duray madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo duqa Muqdisho, waxuuna ka dalbaday in madaxweynaha aysan afgebi ku gacansiin, hadii kale sidiisa loola dagaalami doono.

“Seddax nin ayaan la hadlaa markaan, waa Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cumar Filish, walaalayaalow hal fursad ayaad heysatiin, madaxweynuhu waa idinla shaqeeyey oo madax ayuu idinka dhigay, laakiin hadii aad garab siineysaan, doorasho ku garab siiya ee afgembi haku garab siinina. War madaxweynaha la hadla oo war layaqaan ha idinka soo baxo, hadii ay taasi dhici weyso sida asaga loola diriraa ayaa la idiinla diriri doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Daaci.

Waxa uu sheegay in rajada la qabo hadda kadib ay ku soo koobantay seddaxdaas hoggaamiye, balse hadii ay taladu seegto aysan xaaladdu fiinaa doonin, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntii Axmed Daaci ayaa fariin u diray ciidamada Qaranka, isagoo kula dardaarmay in xabadda dhaceysa ay joojiyaan, furimaha dagaalka aysan soo baneyn, Shabaab-na ay dalka ka difaacaan.

Hoos ka Daawo

CC SHAKUUR oo shacabka u digay kadib markii wasiir Beyle uu ka dalbaday lacag

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa ka hadlay dhaqaalo xumada soo food-saartay dowladda waqtigeedu dhamaaday, kadib markii ay dalalka deeqaha bixiya ka goosteen lacagtii ay ku taageeri jireen dowladda federaalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa habeen hore shaaciyey in loo baahan yahay in Soomaalidu isku tashado, maadama ay dalalkii lacagaha badan ku bixin jirey taageerada dowladda ay jarteen, taasi oo uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay “xeelad cusub oo loogu gabbanayo boobka hantida shacabka ee khasnadda ku harsan”.

“Khasnadda Dowladda waa maran tahay iyo shacabka ayaan lacag ka uruurineynaa waa farsamo loogu  gabbanayo boobka hantida shacabka ee khasnadda ku harsan. Rajiimka Farmaajo saacadihii ugu danbeeyey ayuu ku jiraa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Waa xilligii ay wax kasta horay u sii qaadan lahaayeen ee hantidiinna ka ilaashada. Canshuur iyo deeq tii aad siisaanba way dhacayaan ee ka digtoonaada.”

Sidoo kale waxa uu Guddoomiyaha Baanka dhexe, Hantidhowr-ka iyo Xisaabiyaha Qaranka ugu baaqay inay xil iska saaran hantida shacabka, oo ay u ilaaliyaan.

Beyle ayaa shaaca ka qaaday in dalalka deeqaha bixiya ay goosteen lacagtii ay ku taageeri jireen dowladda federaalka, oo ay dowladdu hadda wajaheyso xaalad dhaqaale xumo oo aad u darran.

“Lacagihii kabka ahaa ee adduun weynaha na siin jiray waa ay naga goosteen, xoogaa Sacuudiga iyo Qatar na siiyeen ayaan mushaharka ku bixinaynay iyagiina December iyo January ayay dhammaadeen, hadda waxaan taagannahay sagxadda,” ayuu yiri Beyle.

Beyle ayaa sheegay in dakhliga dowladda uga soo xarooda gudaha uu markii horeba ahaa 30%, inta kalena ay ka heli jireen dalalka deeqaha bixiya, kuwaas oo iminka lacagtooda goostay, sidaas darteedna loo baahan yahay in Soomaalida ay isku tashato.

Bangiga Aduunka, Midowga Yurub iyo dowlado ay ku jirto Dowladda Sacuudiga ayaa joojiyay lacagtii ay ku kabi jireen dowladda Soomaaliya waxaana sababta lagu sheegay in muddo xileedka madaxda dowladda dhamaaday, muranka siyaasadeed iyo ku tagri-falka awoodeed oo ay ku dhaqmeyso dowladda Soomaaliya.

Sawirro: Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay keydka qaraxyada ee Al-Shabaab

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay qeyb ka mid ah Keydka qaraxyada Al-Shabaab, kadib howl-gallo ballaaran oo ay ka sameeyeen dhulka buuraleyda ah gobolka Bari ee maamulkaasi.

Saraakiisha horkaceysay dhaq-dhaqaaqyadaasi ayaa sheegay in kadib xog ay ka heleen shacabka ay gacanta kusoo dhigeen qaraxyadaasi ku keedsanaa god weyn oo ay kooxda Al-Shabaab ka qodatay duleedka magaalada Boosaaso, gaar ahaan buuraleyda Galgala.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay qarxiyeen qaar ka mid ah miinooyinka ku jiray godkaasi iyaga oo aan geysan wax khasaare ah.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayo bambaanooyin aad u badan oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada ammaanka iyo sidoo kale walxo kale oo qaraxyada laga sameeyo.

Xaaladda ayaa ah weli mid kacsan, waxaana qeybo badan oo ka mid ah gobolka Bari laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac.

Muddooyinkii dambe ciidamada amniga Puntland ayaa weerar ku ahaan dagaalyahanada Al-Shabaab iyo kuwa Daacish, iyagoo howl-gallo ka bilaabay dhulka buuraha ee gobolka Bari.

Jabuuti oo jawaab ka bixisay eedeyntii DF Soomaaliya

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda dalka Jabuuti ayaa markii horreysay si faah- faahsan uga hadashay eedeymaha ay dhowaan u jeedisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo ku aadanaa inay fara-gelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ridwaan Cabdullahi Bahdoon oo u jawaabiyey dhiggiisa Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in dano siyaasadeed laga leeyahay hadallada kulul ee haatan kasoo yeeraya dowladda Soomaaliya.

Bahdoon ayaa xusay inay muhiim tahay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay hal u jeedo ka yeeshaan, sidii ay u dhici laheyd doorasho lagu kalsoon-yahay waqtigeeda ku dhacda.

“Eedaymaha noocan oo kale ah ee Soomaaliya ay jeedinayso waa dano siyaasadeed, waxaana waqtigan muhiim ah inay madaxda siyaasadeed ay hal ujeedo lahaadaan, taas oo ah, inay si degdeg ah uga heshiiyaan qorshaha doorasho lagu kalsoonaan karo oo wagtigeeda ku dhacda si loo xoojiyo nabadda, xasiloonnida iyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya,” Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon wasiirka warfaafinta dowladda dalka Jabuuti.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Jabuuti waxa ay aad uga walaacsan tahay hadallada ka soo yeeray wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, isagoo Jabuuti ka been abuuray, Jabuuti waa dal taariikh ahaan u muujinaya taageero walaaltinimo oo joogta ah Soomaaliya,”.

Ugu dambeyn wuxuu wasiirka warfaafinta dalka Jabuuti hoosta ka xariiqay in ka dowlad ahaan ay dadaal xoog leh ku bixiyeen nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, isla-markaana ay ka dhalatay in Soomaaliya ay dib u soo ceshato kursigii ay ku laheyd QM.

“Jabuuti waxa ay dedaal ku bixisay nadaynta iyo dib u heshiisiinta, shirkii Carta oo la ogyahay natiijadii ka soo baxday oo ay Soomaaliya ka dhaxashay inay dib u soo ceshato kursigii ay ku laheyd Qaramada Midoobay kaddib sanado badan oo ay ka maqnayd,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo muddooyinkii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ay digniino culus hawada u marineysay dalalka Jabuuti iyo Kenya oo ay ku eedeysay  inay galaan-gal xoogan ku lahaayeen bayaankii dhowaan kasoo baxay Ururka Midowga afrika.

Taliyihii Shibis oo ka goostay DF, kuna biiray ciidanka diidan muddo kororsiga (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliiska degmada Shibis Farxaan Jaraaye ayaa goordhoweyd si rasmi ah ugu biiray Agga Mirinaayadda oo ay difaac kaga jiraan ciidamo ilaalada u ah madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ciidanka Millateriga ah ee ka gadoodsan muddo korarsiga Farmaajo.

Taliye Farxaan Jaraaye ayaa hadda warbaahinta kula hadlay aaga Mirinaayada, wuxuuna sheegay inuu gartay waxa saxda ah, kana soo horjeedo gumaadka lagu hayo shacabka magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in uusan is-dhiibin, balse uu ka baaqsanayo in uu dadka iyo dalka u horseedo dagaal, isaga oo markii hore ka tirsanaa ciidamada daacada u ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Anigu isma dhiibin ee waxaan arkay in dadka lagu kor dagaalamayo ay yihiin dadkeyga, waxaana u tagay walalahayga,” ayuu yiri

Sidoo kale waxa uu Saraakiisha iyo Ciidanka Booliiska ugu baaqay inay iskaga soo baxaan dhanka dowladda, islamarkaaana ay soo garab istaagaan dadkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka daawo Taliyaha oo la hadlay

Warbixin: Waa sidee caawa xaaladda Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho ayaa caawa marti gelisay iska hor-imaadyadii ugu cuslaa, kuwaas oo u dhaxeeyey ciidamo taabacsan madaxda mudo xileedku ka dhamaaday ee dowlada federaalka iyo ciidamo ka soo hor jeeda mudo kororsiga ay ku dhaqaaqeen Madaxweynaha iyo Aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka.

Dagaalkii ugu xooganaa ayaa salaadii Maqrib kadib ka bilaawday guriga hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaas oo ku yaalla agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin ee degmada Hodan.

Weerarkaas waxaa fuliyey ciidamo ka amar qaata madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, waxuuna siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku eedeeyey inay hoggaaminayeen laba sarkaal oo kala ah, Farxaan Qaroole iyo Kaniif.

“Kaniif iyo Farxaan Qaroole waa labada sarkaal ee weerarka ku ah caawa oo dhan hoygayga aan deganahay. Farmaajo ayey la qaadayaan masuuliyada weerarka,” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dagaallada caawa ka qarxay Muqdisho ayaa ku faafay goobo badan, sida isgoysyada Dabka, Shaqaalaha iyo KM-4 ee wadada Maka Al-Mukarama illaa madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, waxaana la isku adeegsaday hub culus.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno weerarka lagu qaaday hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegaya in iska cabin xoog leh ay halkaas kala kulmeen ciidamadii weerarka qaaday ee taabacsanaa madaxda dowladda federaalka, isla markaana ay hadda dib uga laabteen hoygii ay weerareen ee Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur.

Dagaalladan ayaa maanta duhurkii ka qarxay xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Shibis ee waqooyiga Muqdisho, halkaas oo ay isku fara-saareen ciidamo ka yimid gobolka Sh/Dhexe oo diidan mudo kororsiga iyo kuwo taabacsan madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Maxamed Farmaajo.

Dagaalkaas waxaa la sheegay in ciidamadii ka yimid gobolka Shabeellada Dhexe ay guulo ka gaareen oo ay iska caabiyeen ciidamadii weeraray ee DF, isla markaana ay caawa ku sugan yihiin inta goobihii lagu dagaalamay maanta.

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo degan aagga maanta lagu dagaalamay ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in gurigiisa ay ku soo weerareen ciidamo ka tirsan dowladda, isagoo nasiib darro ku tilmaamay arrintaas.

Hase yeeshee wasiirka amniga Xasan Xundubey oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, isagoo ka jawaabayey hadalka Xasan Sheekh ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaas, isagoo sheegay in Xasan Sheekh uu yahay madaxweyne hore dowladuna ay aad u xushmeyneyso.

Ugu dambeyntii rasaas goos-goos ah ayaa hadda laga maqlayaa meelo badan oo wadada Maka Al-mukarama ah, sida agagaarka isgoyska Sayidka, isgoyska Dabka, Shaqaalaha iyo isgoyska KM-4, sidoo kale dhanka degmada Howlwadaag ayaa laga maqlayaa rasaas teel-teel ah.

Midowga Yurub iyo UK oo farriin adag iyo digniin kasoo saaray rabshadaha Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirrada UK iyo Midowga Yurub u jooga Soomaaliya ayaa qoraallo ka soo saaray dagaallada ka qarxay caasimadda Muqdisho, oo maanta ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah magaalada.

Ugu horeyn qoraal ka soo baxay xafiiska Safiirka dowladda UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa walaac looga muujiyey dagaallada ka socda Muqdisho.

“Wararka sheegaya rabshadaha ee Muqdisho, aad ayey walaac u leeyihiin. Waxaan ku baaqeynaa deganaan iyo is-xakameyn. Wada-hadallo nabadeed ayay ku jirtaa danta Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Safiirka UK Kate Foster.

Dhanka kale qoraal uu soo saaray Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa lagu yiri “Aad ayaan uga walaacsanahay dhacdooyinka ka socda Muqdisho. Danta guud waxay ku jirtaa is-xakameynta ugu sarreysa, ilaalina ha’ayadaha la wada leeyahay iyo wada-hadallo. Rabshadaha ma ahan wax la aqbali karo. Kuwa ka mas’uulka ah waa lala xisaabtami doonaa,”

Degmooyinka dhaca waqooyiga magaalada Muqdisho ayuu maanta ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamo ka soo hor jeeda mudo kororsiga hey’adaha dowladda federaalka iyo ciidamo daacad u ah madaxweyne Farmaajo, kaas oo la isla soo gaaray salaadii maqrib ee caawa.

Sidoo kale fiidkii hore ee caawa ayuu weerar kale ka bilaawday hoyga uu siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka degan yahay magaalada Muqdisho, kaas oo ku yaalla agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin ee degmada Hodan.

Weerarkaas waxaa fuliyey ciidamo ka amar qaata madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, waxuuna siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku eedeeyey inay hoggaaminayaan laba sarkaal oo kala ah, Farxaan Qaroole iyo Kaniif.

“Kaniif iyo Farxaan Qaroole waa labada sarkaal ee weerarka ku ah caawa oo dhan hoygayga aan deganahay. Farmaajo ayey la qaadayaan masuuliyada weerarka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dagaallada ka soo cusboonaaday Muqdisho ayaa caawa ku faafay isgoysyada Dabka, Shaqaalaha iyo KM-4 ee wadada Maka Al-Mukarama illaa madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, waxaana laga maqlayaa rasaas la is-weydaarsanayo.

Midowga Murashaxiinta oo QORAAL xasaasi ah kasoo saaray dagaallada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta mucaaradka ah ayaa si adag loogu canbaareeyey weerarro ay sheegeen in ciidamo ka amar qaata madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay  ku qaadeen guryaha ay Muqdisho ka degan yihiin Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Waraame.

“Weerarka waxaa qayb ka ahaa ciidanka Gorgor ee ay Dawladda Turkiga tababareen, qalabeeyeen, mushaarkana siiyaan. Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasiin ayaa maanta AMISOM ka daabulay rasaas weerarka looga qayb qaato, ayaa lagu yiri qoraalkan caawa ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta.

Sidoo kale golaha ayaa ciidanka AMISOM iyo Dawlada Turkiga oo taageerta Ciidanka Gorgor uga digay in aysan qayb ka noqon waxa ay ku tilmaameen ‘colaada sokeeye’ ee Muqdisho ka qaraxday, isla markaana ay caddeeyaan mawqifkooda ku aaddan taageeradoodii loo isticmaalay dagaalka sokeeye, tallaabo cadna ay ka qaataan arrintaas.

“Waa markii labaad oo ciidanka Farmaajo ay weerar ku qaadaan deegaanka Xasan Sheekh Maxamuud iyo C/raxmaan C/shakuur oo labaduba ka mid ah Midowga Murashaxiinta. Goluhu wuxuu kaloo cambaaraynayaa caburinta iyo cadaadiska ay ku hayaan ciidanka Farmaajo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaa shacabka Muqdisho ee sida nabadda ah u mudaaharaadaya, kuwaasoo ka soo horjeeda muddo kordhinta sharci darrida ah ee uu samaystay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii Golaha Midowga Murashaxiinta  ayaa qoraalkan ku sheegay inay horay uga digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta in ciidanka oo loo adeegsado siyaasadda, lagana weeciyo yoolkii la dagaallanka Alshabaab. “Goluhu wuxuu ku baaqayaa in gebi ahaanba ciidanka siyaasadda laga fogeeyo.”

Daawo: Wasiirka Amniga oo war kasoo saaray xaaladda kacsan ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo shir jaraa’id goordhaw ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan Muqdisho, isagoo dardaaran u jeediyey dadka ku nool magaaladan.

Wasiirka ayaa been abuur ku tilmaamay in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen guriga madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

“Madaxweynihii hore mudane Xasan Sheekh Maxamuud, tan iyo markii uu xilka wareejiyey 2017-kii waxaa waardiyeynayey ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada madaxtooyada Qaranka, maamuus iyo mudnaan ayuu leeyahay, suurta galna maaha in la weeraray oo wax ka jira malahan,” ayuu yiri.

Wasiir Xundubey ayaa sheegay in dad aan u naxeyn dadka reer Muqdisho ay magaalada soo geliyeen maleeshiyaad, kuwaas oo uu sheegay in ciidamada dowladdu ay iska caabiyeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagallada laga abuurayo Muqdisho ay gadaal ka riixayaan dowlado shisheeye, sida uu sheegay.

“Reer Muqdisho waxaa idin lee yahay dagaaladaan lagu soo xawilay Muqdisho haka qeyb qaadanina, dowlado shisheeye ayaa loogu daneynayaa, dad yar oo Soomaali ah ayaana dalaal ka ah, dagaal waad soo aragteen ee ayaanaa iska burburin nabadda noo soo iftiintay,” ayuu yiri Wasiirka amniga Xasan Xundubey.

Hoos ka Daawo

DAGAALKA oo ku faafay wadada Maka Al-Mukarama ee bartamaha Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka ka socda magaalada Muqdisho ayaa ku sii faafaya dhul badan kaas oo markii hore ka qarxay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, halkaas oo uu degan yahay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dagaalka ayaa ku faafay isgoysyada Dabka, Shaqaalaha iyo KM-4 ee wadada Maka Al-Mukarama illaa madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, waxaana laga maqlayaa rasaas la is-weydaarsanayo.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa goordhaw shaaciyey in weerar toos ah uu ku socdo gurigiisa oo ay kula sugan yihiin xildhibaano iyo siyaasiyiin uu sheegay inay ugu tageen wadatashi, maadaama xaalaldda magaaladu ay aad u kacsan tahay.

“Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada  weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan ayaa dhawaan soo degay guri u dhaw madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, halkaas oo hadda uu ka socdo dagaalka xoogiisa, waxana la sheegay in weerarkan ay fuliyeen ciidamo ka amar qaata madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka.

CC Shakuur oo sheegay in gurigiisa lasoo weeraray iyo dagaal culus oo socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaciyey in hadda hoyga uu ka degan yahay Muqdisho uu ka socdo weerar lagu soo qaaday, kaas oo mas’uuliyadiisa uu dusha ka saaray madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo.

Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku shaaciyey in haatan ay gurigiisa oo weerar ku socdo ay kula sugan yihiin xildhibaano iyo siyaasiyiin ugu tegay wadatashi, maadaama xaaladda Muqdisho ay maanta kacsaneed.

“Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada  weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan ayaa dhawaan soo degay guri u dhaw madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, halkaas oo hadda uu ka socdo dagaal culus, kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo ka amar qaata madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka.

DEG DEG: Dagaal ka socda agagaarka KM4

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in goor dhow uu dagaal ka billowday agagaarka KM4 ee maagaalada Muqdisho, ayada oo la maqlayo rasaas xooggan oo dhaceysa.

Dagaalka oo ka socda inta u dhaxeysa KM4 iyo madaxtooyadii hore Cabdiqaasim ayaan la ogeyn illaa iyo hadda cidda uu u dhaxeeyo, hase yeeshe waxaa la sheegay inay ku lug leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo kuwa kale oo kasoo horjeeda.

Dagaalka ayaa imanaya ayada oo sidoo kale uu galabta dagaal ka dhacay xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, markii ay ciidamada dowladda weerareen ciidamada ilaalada madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Dagaalkaas ayaa goor dambe qaboobay markii lasoo riixay ciidamada dowladda oo isugu jiray Nabad-Sugid iyo Gorgor.

Wixii warar ah ee kusoo kordha la soco dhowaan, Insha Allah.