26.7 C
Mogadishu
Wednesday, July 15, 2026

Xasan Sheekh oo sheegay inay soo weerareen ciidan ka amar qaata Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada dowladda federaalka ah ay mar kale maanta weerar kusoo qaadeen.

Xasan Sheekh ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku yiri “Waxaa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga. Waxaan horay ugu digay kuna celinayaa khattarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka. Mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata arrinkan waxaa qaadaya Farmaajo.”

Waa weerarkii labaad oo ay ciidamada dowladda ku qaadaan madaxweynayaashii hore, ayada oo sidoo kale 19-kii Febraayo ay ku weerareen hotelka Maa’ida oo ay deganaayeen.

Dagaalka galabta ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga Mirinaayo ee ay degan yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyey ciidamada ilaalada musharaxiinta, oo ay taageerayaan ciidamo militari ah oo Muqdisho soo galay iyo ciidamo ka amar qaata dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Nabad-Sugidda iyo gorgor.

Mas’uuliyiin ku dhow musharaxiinta ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka Mirinaayo uu billowday kadib markii ciidamada dowladda ay soo weerareen aagga difaaca ciidamada ilaalada, sidaasna uu ku bilowday dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda loosoo riixay dhanka garoonka Stadium Konis, islamarkaana aagga lagu dagaalamay ee Mirinaayo uu qabsaday Korneel Cusmaan Xaadoole, oo maanta ciidamo badan lasoo galay Muqdisho.

Dagaalkii ka socday aagga Mirinaayo oo istaagay iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa istaagay dagaal ka socday qeybo ka mid ah degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga Mirinaayo ee ay degan yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyey ciidamada ilaalada musharaxiinta, oo ay taageerayaan ciidamo militari ah oo Muqdisho soo galay iyo ciidamo ka amar qaata dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Nabad-Sugidda iyo gorgor.

Mas’uuliyiin ku dhow musharaxiinta ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka Mirinaayo uu billowday kadib markii ciidamada dowladda ay soo weerareen aagga difaaca ciidamada ilaalada, sidaasna uu ku bilowday dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda loosoo riixay dhanka garoonka Stadium Konis, islamarkaana aagga lagu dagaalamay ee Mirinaayo uu qabsaday Korneel Cusmaan Xaadoole, oo maanta ciidamo badan lasoo galay Muqdisho.

Dhinacxa kale, ciidankii saakay qabsaday xaafaddo ka mid ah degmada Yaaqshiid ayaa dib uga laabtay deegaanka Gudbadleey kadib, lama oga sababaha uga baxeen, hase ahaatee waxaa la sheegayaa in saraakiishii hogaamineysay ay la hadleen odayaasha deegaanka. Ciidanka dowladda ayaa dib ugu soo laabtay Isgoysa Fagax oo dagaal la’aan kula wareegay.

Goor sii horeysay dagaal kooban oo ka dhacay isgoyska Sanca ayaa ciidankii milateriga dib looga riixay. 

Xaaladda magaalada ayaa hadda degan, mana jiraan wax rasaas ah oo laga maqlayo.

Dagaalka ayaa yimid ayada oo maanta ay magaalada Muqdisho soo galeen ciidamo badan oo ka tirsan militariga oo kasoo horjeedo muddo kororsiga Farmaajo.

Sawirro: Safiir cusub oo ay soo dirtay dowladda Ethiopia oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya, kaasi oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Safiirka cusub oo lagu magacaabo Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa waxaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay, islamarkaana warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abuubakar.

Safiirka cusub ayaa beddelay Jamaluddin Mustafa oo muddo ahaa safiirka Ethiopia ee Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda, wasiirka ayaa safiirka ugu baaqay inay mideeyaan dadaallada labada dal, si ay uga faa’iideystaan furasadaha iskaashi.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu qiimeynayo wada-tashiyada ay wadaagaan labada dal ee ku aada arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka ee ay wada daneeyaan.

Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku daray in safiir Cabdulfataax “uu xaqiijiyey taageerada dalkiisa u hayo” shacabka iyo hay’adaha dowladda Soomaaliya, uuna “ku faraxsan yahay” inuu ka shaqeeyo Soomaaliya, si uu u horumariyo xiriirka labada dal.

Ciidamada kasoo horjeeda muddo kororsiga oo oo la wareegay isgoysyo cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda waqooyiga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa weli aad u kacsan, gaar ahaan qeybo ka mid ah degmooyinka Kaaraan, Shibis, iyo Yaaqshiid oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Ciidamo milatari ah oo ka gadoodsan muddo kororsiga loo sameeyey madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa gabi ahaan la wareegay isgoysyada Fagax, Sanca iyo Beyxaani.

Ciidamadaan ayaa lagu arkayaa dhammaan isgoysyadaan iyagoo ku hubeysan gaadiidka Dagaalka iyo Hubka noocyadiisa kala duwan.

Isgoysyada ay la wareegeyn ciidamadaan ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo gebi ahaanba faarujiyey kadib markii ay ka war heleen dhaq-dhaqaaqyada ay sameenayaan Ciidamada gadoodsan ee ka tirsan Militariga.

Saraakiil kan tirsan Ciidamada Dowladda oo ku sugan furumaha dagaalka ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyey in inta badan ciidamadii halkaaa ku sugnaa ay soo aadeen Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka dhinac degmada Kaaraan iyo duleedka ayaa lagu soo warramayaa inay ku sugan yihiin ciidamo kale oo uu hoggaaminayo Col. Saney Cabdulle Gaab, kuwaas oo iyana watay tobaneeyo baabuur oo nooca dagaaalka iyo ciidamo aad u fara badan.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan gadoodsan ayaa isugu yeeray lana filayaa inay saacadaha soo socda la hadlaan warbaahinta, si ay shaaciyey u jeedka dhaq-dhaqaaqooda.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya oo arrintaan ka war heshay ayaa maanta xirtay qaar ka mid ah wadooyinka waa weyn ee magaalada, kuwaas oo la dhigay ciidamo dheeraad ah inkastoo markii dambe la furay dhammaan jidadkii la xiray kadib markii lagu guuldareystay in la xakameeyo ciidamada gadoodsan.

Si kastaba xaaladda kacsanaanta ah ee laga dareemayo Muqdisho ayaa kusoo aadeysa, xilli siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda dhexe ay isku khilaafeen arrinta muddo kordhinta, kadib markii golaha shacabka uu meel-mariyey qaraar doorasho oo qaadanyo laba sano

Daawo: Dibad-bax ka dhan ah Farmaajo oo ka billowday qeybo ka mid ah Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd ka bilowday magaalada Muqdisho banaanbax looga soo horjeedo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo, waxaana dhigay qaar kamid ah dadweynaha magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dibad-baxaan ayaa hadda ka socda Isgoyska Fagax oo kala qeybiya degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaran ee Gobolka Banaadir, halkaas oo lagu soo waramayo inay gacanta ku hayaan ciidamo ka gadoodsan dowladda waqtigeedu dhamaaday.

Dadka banaan-baxa dhigaya ayaa waxay ku dhawaaqayaan ereyo ka dhan ah Farmaajo,oo ay si weyn uga soo horjeedaan, sidoo kale waxay taayaro ku gubayaan bartamaha Isgoyska.

Ereyada ay dibad-baxayaashu ku dhawaaqayaan ayaa waxa kamid ah “Muddo kororsi doonimeyo, Farmajo doonimeyo iyo kaligii talis doonimeyno”.

Waxay gebi ahaanba hakiyeen isku socodkii gaadiidka ee Isgoyska Fagax, ayada oo amaanka banaanbaxayaasha ay sugayaan ciidamo Millateri ah oo saacado ka hor la wareegay Isgoyska Fagax, kuwaasi oo ka gadoodsan dowladda.

Xaalada Isgoyska Fagax ayaa kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in banaanbaxaan uu saacadaha soo socdo kusii faafo degmooyinka kale ee gobolka, ayada oo warbaahinta la hadli doona warbaahinta saraakiisha kasoo horjeeda muddo kororsiga ee kasoo horjeeda Farmaaj.

CANSHUUR oo naqdiyey weerarka ay DF Somalia ku qaaday dowladda Jabuuti

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan oo warbixin dheer soo saaray ayaa ku bidhaamiyey abaalka ballaaran ee ay dowladda Jabuuti u gashay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Wasiir Canshuur ayaa warbixintiisa ku soo bandhigay waxyaabaha ay Jabuuti u qabatay  Soomaaliya laga soo billaabo 1991-dii, kadib burburkii ku yimid dowladdii dhexe ee dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kadib qaran-jabkii Soomaaliya ay dowladda iyo shacabka Jabuuti buuxiyeen kaalintii laga filayay ee garab istaagga.

“Tan iyo markii uu qaran-jabku nagu dhacay, Jabuuti waxay buuxisay kaalintii laga filayay iyo abaalkii aan u galnay,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta.

Waxa kale oo uu nasiib darro ku tilmaamay in dano doorasho darteed haatan loo ijaafeeyo walaalaha Soomaaliyeed ee reer Jabuuti.

Halkan hoose ka aqriso:-

Jabuuti waa Hiil-Walaal

Xukuumadda iyo shacabka Jabuuti waxay ahaayeen kuwo hiil iyo hooba la garabtaagnaa Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Jamhuuriyadda. Tan iyo markii uu qaranjabku nagu dhacay, Jabuuti waxay buuxisay kaalintii laga filayay iyo abaalkii aan u galnay:

  1. Sanadkii 1991 waxay qabatay shirarkii dib-u-heshiisiinta ee Jabuuti 1&2, laguna soo dhisay Dawlad KMG ah.
  2. Sanadkii 2000 waxay noo qabteen shirkii Carta ee dhidibada loogu taagay dawladnimada aan maanta haysanno.
  3. Sanadkii 2008 waxay marti geliyeen kulamadii dib-u-heshiisiinta ee Xukuumaddii KMG iyo Isbahaysigii Dib-u-Xoreynta, kolkaasoo lagu soo dhisay dowlad wadaag ah.
  4. Gobolka Hiiraan markii Shabab loo loogay Jabuuti waa tii wiilasheeda & gabdhaheeda usoo dirtay, kana qeyb qaadatay nabadgelyada iyo horumarka dhammaan magalooyinka gobolka Hiiraan. Reer Hiiraanna waxay ugu magac dareen Hiil- Walaal.
  5. Jabuuti waxay u istaagtay inay martigeliso ganacsatadeena, isla markaana u fududeysay sidii ay ku heli lahaayeen baasaboorro ay adduunka uga ganacsadaan, iyadoo ganacsatadaasi ay yihiin dadka halbowlaha u ah dhaqaalaha dalkeena.

Waxaa nasiibdarro ah dano gaaban oo doorashada ku siman in loo ijaafeeyo walaalaheen Jabuuti oo abaalkaas nagu leh, iyadoo dadka dagaalka ku haya Jabuuti aysan dalka ku sugneyn, kana warqabin xaalkiisa sanadahaas adag ee la soo maray.

Reer Jabuuti xil iyo xaal-marin naga guddooma haddaan nahay Soomaali. Yaan naloo qabanin in yar oo kursigu kala weyn yahay walaalnimada iyo abaalka la isku leeyahay.

Jabuuti waa Soomaali, Soomaalina waa Jabuuti.

Beyle: Lacagihii kabka ahaa waa nalaga goostay, waxaan taagannahay sagxadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Duceyle Beyle ayaa shaaca ka qaaday in dalalka deeqaha bixiya ay goosteen lacagtii ay ku taageeri jireen dowladda federaalka, oo ay dowladdu hadda wajaheyso xaalad dhaqaale xumo oo aad u darran. 

“Lacagihii kabka ahaa ee adduun weynaha na siin jiray waa ay naga goosteen, xoogaa Sacuudiga iyo Qatar na siiyeen ayaan mushaharka ku bixinaynay iyagiina December iyo January ayay dhammaadeen, hadda waxaan taagannahay sagxadda,” ayuu yiri Beyle.

Beyle ayaa sheegay in dakhliga dowladda uga soo xarooda gudaha uu markii horeba ahaa 30%, inta kalena ay ka heli jireen dalalka deeqaha bixiya, kuwaas oo iminka lacagtooda goostay, sidaas darteedna loo baahan yahay in Soomaalida ay isku tashato. 

Caasimada Online ayaa bishii tagtay qortay in qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda ee illaa 8 wasaaradood aysan qaadan mushaharkooda billaha ahaa, kadib markii ay dowladda awoodi weysay inay bixiso. 

Sida ana xogta ku helnay, Bangiga Aduunka, Midowga Yurub iyo dowlado ay ku jirto Dowladda Sacuudiga ayaa joojiyay lacagtii ay ku kabi jireen dowladda Soomaaliya waxaana sababta lagu sheegay in muddo xileedka madaxda dowladda dhamaaday, muranka siyaasadeed iyo ku tagri-falka awoodeed oo ay ku dhaqmeyso dowladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale jirta cabsi xooggan oo ku aadan in Soomaaliya ay isku rogtay nidaam kali-talis ah.

Dowladda Sacuudiga ayaa hore sidaan oo kale u joojisay miisaaniyad 10 Milyan oo ay siin jirtay Soomaaliya markii uu socday go’doomintii Qatar, hase waxay dib u soo celisay markii uu hagaagay xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga, iyadoo lacagtiina ka dhigtay 5 Milyan oo dollar.

Arrintan ugu weyn ee uu Beyle shaaca ka qaaday ayaa ah in xitaa Qatar aysan bixin lacagtii ay ku taageeri jirtay dowladda federaalka, oo la rumeysan yahay inay saaxiibkeeda koowaad, waxaana suurta-gal inuu cadaadis kaga yimid Midowga Yurub iyo Mareykanka. 

Gaari xamuul ah oo looga shakiyey inuu sido qaraxyo oo lasoo dhigay Black Sea

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaari nooca qaada xamuulka, isla-markaana looga shakisan yahay inuu sido walxaha qarxa ayaa goor dhow lasoo dhigay agagaarka Isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in la xiray gabi ahaan dhaq-dhaqaaqa wadadaasi, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay baabuurkaasi laga shakiyey.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay sidoo kale haatan wadaan dhaq-dhaqaaq xoogan, iyaga oo dadka iyo gaadiidkaba ka celinaya halka lasoo dhigay gaarigaasi.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa lugaha ka banjariyey gaariga, waxaana haatan ku socota baaris xoog leh.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dadka shacabka ah iyo ciidamada ammaanku ay ku jiraan feejignaan dheeri ah.

Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo sidoo kale qaraxyo geystay khasaare kala duwan.

Dr. Cabdiraxman Baadiyow: In JABUUTI lagu tilmaamo cadow waa jisaarnimo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan xiriirka sii xumaanaya ee dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Dr. Baadiyow ayaa shaaca ka qaaday in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay garab u yihiin Soomaaliya, isla-markaana ay jisaarnimo tahay in xilligan cadow lagu tilmaamo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in wax laga xumaado ay tahay erayada kasoo yeeray dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasiir Cismaan Abuukar Dubbe.

“In Jabuuti lagu tilmaamo cadow waa jisaarnimo iyo habowsanaan. Rageyni joogay heshiiskii Carta 2000 aad ayaan uga xunnahay erayadaas,” ayuu yiri Dr. Baadiyow.

Siyaasiyagn oo mar isku soo sharraxay xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaalidu aysan illaabi doonin abaalkii weynaa ee uu u galay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo xaal-marin siiyey dhammaan walaalaha reer Jabuuti.

“Reer Jabuuti xaal ha qaateen, gaar ahaan M. Ismaciil C. Geelle. Somalidu ma ilaabayaan meesha aad ka keenteen dowlladdooda 20 sano ka ho,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada dowladda Soomaaliya ay digniintii u dambeysay shalay u dirtay xukuumadda Jabuuti, kadib markii ay ku eedeysay inay fara-gelineyso Soomaaliya.

JUBALAND oo shaacisay sida ay u aragto go’aankii kasoo baxay MIDOWGA AFRIKA

Kismaayo (Caasimada Online) – Mamaul goboleedka Jubaland ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee 22 April 2021, kaasi oo si xooggan loogu cambaareeyey muddo kororsiga hay’adaha dowladda federaalka.

Qoraal kooban oo ay soo saartay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu yiri “Waxaan aaminsanahay in heshiiska doorashada ee September 17 ay tahay wadada ugu macquulsan ee lagu gaari karo doorasho lagu kalsoonaan karo.”

Midowga Afrika ayaa la filayaa inuu dhowaan soo magacaabo ergey u kala dab-qaada dhinacyada Soomaaliya, islamarkaana dib u fura wada-hadalladii doorashada ee u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka ah iyo madax goboleedyada. 

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo shalay Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id ayaa sidoo kale  sheegay inay soo dhoweynayaan qodobka la xiriira in ergey gaar ah uu Midowga Afrika usoo magacaabo Soomaaliya, si uu dhex-dhexaadiyo dhinacyada Soomaalida, taasi oo uu sheegay inay aheyd soo-jeedin ka timid madaxweyne Farmaajo.

Si kastaba Dubbe ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ay diidan tahay qodobka la xiriira cambaareyntii uu Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu u jeediyey muddo kororsigii uu golaha shacabka u sameeyey hay’adaha dowladda iyo madaxweynaha.

“Ma jiro urur goboleed sharci u leh inuu ka hor yimaado go’aan kasoo baxay baarlaman dal madax banaan, waana sharci darro mana soo dhoweyneyso dowlada Soomaaliya cambaareynta loo soo jeediyay golaha shacabka, waa arrin la yaab leh qodobkaas, waxa uu si cad uga horimaanayaa waajibaadka shaqo ee AMISOM ee ah qaraarka 2568 ee ka soo baxay Golaha Aammaanka Qaramada Midoobay,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Ma cadda sida ay wada-hadallo ku dhici karaan haddii ay dowladda weli ku adkeysaneyso muddo kororsi.

Ciidamo militari ah oo kasoo horjeestay mudo kororsiga oo Muqdisho soo galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan milateriga dowladda federaalka oo ku sugnaa difaacyada deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa soo galay duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho, ayaga oo sheegay inay kasoo horjeedaan mudo kororsiga labada sano ee uu sameystay madaxweyne Farmaajo.

Ciidamadaan oo ku hubeysan gaadiid dagaal oo ku dhow boqol ayaa qaarkood gudaha usoo galay magaalada, gaar ahaan degmada Kaaraan, kuwo kalena waa ay kusoo wajahan yihiin, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Markii arrintaan ay ka war heshay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa wadooyinka qaar ee magaalada la dhigay ciidamo kale, kuwaasi oo xiray qaar dhowr isgoys.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweyne Farmaajo uu ku amray taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Odawaa Yuusuf Raage in uu ka hortago ciidamadaasi, waxaana Jeneral Odawaa uu gaaray deegaanka Sheekh Cali Cabdulle oo ciidamadaasi taliyeyaashooda ay ku sugan yihiin isaga oo kula kulmay Col. Saneey Cabdulle oo hoggaaminaya ciidamadaasi, hase yeeshee kulankooda ayaa noqday mid aan waxba kasoo bixin.

Col. Saneey Cabdulle, ayaa sida aan xogta ku helnay, u sheegay Jeneral Odawaa in ay ciidamada kasoo horjeedaan mudo kororsi islamarkaana ay maanta mowqifkooda warbaahinta u caddeyn doonaan, ayaga oo qabanaya shir jaraa’id.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa amray madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe inuu arrintaan wax ka qabto, maadaama taliyeyaasha ciidamadan ay isku heyb yihiin hase ahaatee Cali Guudlaawe oo la xiriiray saraakiisha ciidamada ayaa ku guuldareystay dalabka Farmaajo in la fuliyo.

Dhinaca kale, magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan iyo saan saan aan wanaagsaneyn, ayada oo dowladda ay isku dayeyso inay xakameyso ciidamada kasoo horjeeda muddo kororsiga oo sii kordhaya.

Dowladda ayaa horey waxay ula tacaali weysay taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Jeneral Saadaq Joon, oo ciidamo badan ku haysta xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan, kadib markii isna uu diiday muddo kororsiga.

Wixii warar ah ee kusoo kordha xaalada magaalada Muqdisho wararkeena danbe ayaan idinkula wadaagi doonnaa, Insha Allah.

CIIDAMO militari ah oo la wareegay qeybo ka mid ah magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay maanta ka taagan tahay waqooyiga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka , gaar ahaan qeybo ka mid ah degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Ciidamo milatari ah oo ka gadoodsan muddo kororsiga loo sameeyey madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa gabi ahaan la wareegay isgoyska Fagax, iyo qeybo kale oo ka mid ah degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Heliwaa.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay kasoo baxeen furumaha dagaalka ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay horey ugu sugnaayeen.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in gaadiid fara badan oo nooca dagaalka ah ay wataan ciidamadan oo isku fidiyey xaafadaha ku dhow isgoyska Fagax.

Sidoo kale wararka dhinac degmada Kaaraan iyo duleedka ayaa lagu soo warramayaa inay ku sugan yihiin ciidamo kale oo uu hoggaaminayo Col. Saney Cabdulle Gaab, kuwaas oo iyana watay ku dhowaan 10 baabuur oo nooca dagaaalka iyo ciidamo aad u fara badan.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan gadoodsan ayaa isugu yeeray lana filayaa inay saacadaha soo socda la hadlaan warbaahinta, si ay shaaciyey u jeedka dhaq-dhaqaaqooda.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya oo arrintaan ka war heshay ayaa maanta xirtay qaar ka mid ah wadooyinka waa weyn ee magaalada, kuwaas oo la dhigay ciidamo dheeraad ah.

Si kastaba xaaladda kacsanaanta ah ee laga dareemayo Muqdisho ayaa kusoo aadeysa, xilli siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda dhexe ay isku khilaafeen arrinta muddo kordhinta, kadib markii golaha shacabka uu meel-mariyey qaraar doorasho oo qaadanyo laba sano.

Dagaal ka socda Cabdicasiis iyo warar sheegaya in la weeraray musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal xoog leh ayaa ka socda qeybo ka mid ah degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga ay degan yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

Wararka ayaa sheegaya in hubka culus la isku adeegsanayo, waxaana dagaalka uu u dhaxeeya ciidamada ilaalada musharaxiinta iyo ciidamo ka amar qaata dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ku dhow musharaxiinta ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada dowladda ay soo weerareen aagga difaaca ciidamada ilaalada, sidaasna uu ku bilowday dagaalka.

Rasaasta dagaalka ayaa laga maqlayaa meelo fog-fog, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in dagaalku uu yahay mid culus.

Dagaalka ayaa imanaya ayada oo maanta ay magaalada Muqdisho soo galeen ciidamo badan oo ka tirsan militariga oo kasoo horjeedo muddo kororsiga Farmaajo.

Faah-faahin naga filo goor dhow, Insha Allah.

Mid ka mid ah nabadoonada beelaha Muqdisho oo la dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wax yar un ka hor salaadii maqrib ee galabta waxaa degmada Kaaraan lagu dilay Nabadoon caan ahaa oo ka mid ah ergadii afar sano ka hor soo xushay baarlamaankan waqtigu ka dhamaaday ee 10-aad.

Koox ku hubeysan bastoolado ayaa Nabadoonka ku dishay agagaarka masjidka Turkiga ee xaafadda Jamhuuriya oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Ciise Hilowle, waxuuna kamid ahaa Ergadii soo xushay xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana goobta ka baxsaday ragii dilay marxuumka.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in dilka kadib ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya oo baaritaano ka bilaabay xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, halkaas oo Nabadonka lagu dilay.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyada dilka Nabadoon Cabdullahi Hilowle, balse kooxda Al-Shabaab ayaa mudo dheer ugaarsi ku heysay odayaasha iyo ergadii soo dhisay baarlamaankan 10-aad ee Soomaaliya.

Guddoomiyihii LEEGO iyo askar oo weerar lagu dilay

0

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Magaalada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose waxaa caawa lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Leego iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa, kadib markii lagu weeraray guri ay ku sugnaayeen.

Koox hubeysan ayaa Bambaanooyin ku weerartay hooyga uu guddoomiyihii Leego ka deganaa degmada Wanllaweyn, waxaana halkaas ku geeriyooday isaga iyo laba askari, halka dhaawacyo kalena ay jiraan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Wanllaweyn ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey geerida guddoomiye Gucdur, waxaana magaalada ka bilaawday howlgallo lagu baacsanayo kooxdii fulisay weerarkaas.

Illaa hadda ma jirto cid la shaaciyey in loo soo qabtay weerarkaas, sidoo kale ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadiisa.

2-dii bishii Agoosto 2020 weerar noocaan oo kale ahaa oo goor habeen ah ka dhacay degmada Wanllaweyn ayaa lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda degmadaas Maxamed Cabdullahi Koosto, kadib markii lagu weeraray gurigiisa, iyadoo weerarkaas dhaawacyo lagu gaarsiiyey xubno ka mid ahaa qoyskiisa.

Madaxweyne Joe Biden oo ‘xasuuq’ ku sheegay dilal ay gaysteen Cusmaaniyiinta

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Sabtidii maanta xasuuq u aqoonsaday dilalkii badnaa ee xilligii dagaalkii koowaad ee Adduunka ay boqortooyadii Cusmaaniyiintu ka gaysatay dalka Armenia.

Aqoonsiga Madaxweyne Biden ayaa ah fulinta balanqaadkii ololahiisa doorashada, waxuuna ku soo beegmay maalinta xusuusta xasuuqii Armenia, taas oo laga xuso dalka Armenia, sidoo kale qurba joogta reer Armenia xusa.

“Sannad kasta maanta oo kale, waxaan xusuusannaa noloshii dhammaan dadkii ku dhintay xasuuqii xilligii Cusmaaniyiinta ee Armenia, waxaanan dib isku xasuusineynaa in aan ka hortagno sidii uusan xasuuqaas oo kale mar dambe u dhicin,” ayuu Biden ku yiri hadal uu soo saaray. “Dadka Mareykanku waxa ay sharfayaan dhammaan dadka Armenia ee ku halaagmay xasuuqii billowday 106 sano ka hor maanta.”

Intii uu waday ololihiisii madaxweynenimo sanadkii hore, Biden ayaa sheegay in uu “taageeri doono qaraar aqoonsanaya xasuuqa Armenia, wuxuuna mudnaanta koowaad siin doonaa xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah.”

Ilaa 100 xubnood oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka oo kala socday labada xisbi ayaa warqad ay Arbacadii qoreen waxa ay Biden ku booriyeen in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee dilalkaasi u aqoonsada xasuuq.

“Aamusnaanta ceebta ah ee Dowladda Mareykanka ee xaqiiqda taariikhiga ah ee xasuuqii Armenia ayaa socotay muddo aad u dheer, waana in ay dhammaataa,” ayay xildhibaannadu ku qoreen warqadda. “Waxaan kugu boorrineynaa in aad raacdo fulinta wixii aad ballan qaadday oo aad runta ka hadasho.”

Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa horaantii toddobaadkan sheegay in aqqoonsiga Biden uu dhaawici doono xiriirka ka dhaxeeya xulafada NATO. Cavusoglu ayaa Sabtidii ku sheegay qoraal uu soo saaray in aqqoonsiga Biden “uu qalloocinayo xaqiiqooyinka taariikheed, taas oo aysan dadka Turkigu waligood aqbali doonin, wuxuuna furi doonaa nabar qotodheer oo wiiqaya is aaminaadeenna iyo saaxiibtinimadeenna.”

“Waxaan ugu baaqeynaa Madaxweynaha Mareykanka in uu saxo qaladkan weyn, oo aan laheyn wax ujeeddo ah marka laga reebo qancinta kooxo siyaasadeed, iyo in uu taageero dadaallada ujeedkoodu yahay in la abuuro dhaqan ay si nabad ah gobolka loogu wada noolaado, gaar ahaan qowmiyadaha Turkida iyo Armenia, intii uu u adeegi lahaa ajandaha kooxahaas isku dayaya in ay cadaawad ka abuuraan taariikhda,”ayuu Cavusoglu ku daray.

Taariikhyahannada ayaa sheega in dad lagu qiyaasay 1.5 milyan oo reer Armenia ah ay ku dhinteen gacanta Boqortooyadii Cusmaaniyiinta intii u dhaxeysay 1915 iyo 1923-kii.

Turkiga ayaa meesha ka saara inuu jiray xasuuq iyo qorshe kasto oo si ula kac ah loogu ciribtirayo Armenia. Waxa ay sheegtay in qaar badan oo ka mid ah dhibbanayaashu ay ku dhinteen dagaalka ama ay dileen Ruushku. Turkiga ayaa sidoo kale sheegaya in tirada dadka reer Armenia ee la dilay ay aad uga yar tahay tirada inta badan la isla wada oggol yahay ee gaareysa 1.5 milyan.

AQRISO: Magacyada guddi loo xil-saaray shaqaaqadii garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa magacaabay guddi soo baara cidda iska leh mas’uuliyadda rabshadihii Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magalaada Muqdisho.

Guddigan oo ka kooban afar xubnood ayaa guddoomiye looga dhigay Axmed Macalin Xasan oo ah maareeyaha hey’adda duulista rayidka, waxaana la faray inay deg deg u howlgalaan.

“Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya asaga oo fulinaya amarkii Ra’iisul wasaaraha iyo qodobadii ka soo baxay shirkii amniga ee deg dega ahaa ee dhacay 23/04/2021, waxa uu magacaabay guddi baaris iyo xaqiiqo raadin ku sameeya dhacdadii ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, taariikhdu markii ay ahayd 22/04/2021,” ayaa lagu yiri qoraalka wasiirka amniga.

Xubnaha guddiga ah ee loo magacaabay baaritaanka shaqaaqadaas ayaa kala ah:

1- Axmed Macalin Xasan Guddoomiye
2- Cabdi Aadan Xuseen Xubin
3- Cabdinaasir Xaashi Jimcaalle Xubin
4- G/Dhexe Ciise Maxamed Ciise Xubin
5- Dhamme Maxamed Cali Maxamed Xubin.

“Haddaba xubnaha guddiga la magacaabay waxaa la farayaa in ay si dhaqsi leh u howlgalaan, isla markaana natiijada batista oo tafntiran ku soo gudbiyaan muddo gaaban gudaheed,” ayaa lagu yiri qoraalka wasiirka amniga.

Gacan ka hadalkii ka dhacay Garoonka Aadan Cadde oo u dhaxeeyey shaqaalaha garoonka iyo ciidanka NISA ayaa la sheegay inuu ka dhashay dad ajaaniib ah oo NISA u socday, kuwaas oo shaqaalaha garoonka  ay u diideen inay gudaha dalka usoo galaan, iyadoo aan la hubin waxa ay yihiin iyo ujeedka socdaalkooda.

Daawo: DF oo jawaab rasmi ah ka bixisay go’aanadii ka soo baxay Midowga Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay qaraarkii kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee la xiriiray xaaladda is-mari waaga doorashada Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan qodob ka mid ah qodobada kasoo baxaya Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, balse ay diidan yihiin laba qodob.

Dubbe ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan qodobka la xiriira in ergey gaar ah uu Midowga Afrika usoo magacaabo Soomaaliya, si uu dhex-dhexaadiyo dhinacyada Soomaalida, taasi oo uu sheegay inay aheyd soo-jeedin ka timid madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka ayaa sheegay in ergeygan uu Dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doono sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah iyo sidii Shacabka Soomaaliyeed mar kale gacantooda loogu soo celin lahaa awoodda, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay inay dowladda Soomaaliya ay diidan tahay qodobka la xiriira cambaareyntii uu Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu u jeediyey muddo kororsigii uu golaha shacabka u sameeyey hay’adaha dowladda iyo madaxweynaha.

“Ma jiro urur goboleed sharci u leh inuu ka hor yimaado go’aan kasoo baxay baarlaman dal madax banaan, waana sharci darro mana soo dhoweyneyso dowlada Soomaaliya cambaareynta loo soo jeediyay golaha shacabka, waa arrin la yaab leh qodobkaas, waxa uu si cad uga horimaanayaa waajibaadka shaqo ee AMISOM ee ah qaraarka 2568 ee ka soo baxay Golaha Aammaanka Qaramada Midoobay,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay sidoo kale diidan tahay qodobka la xiriira in ciidamada Amisom ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

“Go’aanki kasoo baxay Midowga Africa ee ku saabsanaa in ay AMISOM la socoto dhaq-dhaqaaqa ciidamada Dowladda waxay niyad jab weyn ku tahay ciidamada Soomaaliyeed inkastoo ay niyaddooda adag tahay, waxay arrintaan dhaawaceysaa howshii socotay ee aheyd in ciidamada Soomaaliya ay mas’uuliyadda amniga kala wareegaan kuwa Midowga Afrika, sidoo kalana waxay dhiira gelineysaa ururka argagixisada ee Al-Shabaab,” ayuu yiri Dubbe.

Dubbe ayaa sheegay in labadaas qodob ay yihiin kuwa ka hor-imanaya madax-banaanida Soomaaliya, oo ay ka dambeeyeen dalalka Kenya iyo Jabuuti. 

“Dowladaha kenya iyo jabuuti ayaa dadaal dheer ku bixiyay go’aanada shirkaas balse waxaan la yaabanahay dowladda Jabuuti maadaama khilaaf uu hore uga dhexeeyay dowlada Kenya iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta .

“Dowladda Jabuuti waxa ay sii wadaa wixii aan hore uga digney afar sano kahor, kursiga ay Jabuuti ku fadhido ee guddoonka Golaha Ammaankana Soomaaliya ayaa xaq u lahayd balse Jabuuti si walaaltinimo ah ayaan ugu ogolaanay balse waxay ku fakartay inay Soomaaliya ku dhibaateyso,” ayuu yiri Dubbe.

Ugu dambeyntii Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay soo dhawaynayso hadalkii ka soo baxay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Dubbe

Farmaajo oo $150,000 ku qortay shirkad Mareykan ah oo u ololeysa + Caddeymo

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shaqaaleeyey koox uga ololeysa Congress-ka Mareykanka, xilli uu wajahayo cambaareyn xooggan oo kaga imaneysa maamulka Joe Biden, taasi oo ku aaddan muddo kororsiga uu sameystay.

Safaaradda Soomaaliya ee Washington ayaa heshiis ku kacaya $150,000 la gashay shirkaddan oo lagu magacaabo LFA Holdings, fadhiggeeduna yahay gobolka New Jersey, si ay u abaabusho booqasho uu Farmaajo ku tago Mareykanka, sida ku cad diiwaan loo gudbiyey Waaxda Cadaaladda Mareykanka, oo ay heshay Caasimada Online.

Diiwaanka ayaa lagu sheegay in LFA ay gacan ka gaysan doonto kulamo lala yeesho xubnaha Congress-ka Mareykanka iyo khubaro, hase yeeshee laguma xusin wax kulamo ah oo lala yeelanayo mas’uuliyiinta hay’adaha fulinta Mareykanka.

“Shaqada ay qaban doonto LFA waxaa ku jira, balse aan ku koobneyn oo kaliya, inay taageero u hesho booqashada Congress-ka,” waxaa sidaas warqadda heshiika uu la galay safiirka Soomaaliya ee Washington Cali Shariif Axmed, ku yiri Luis Aleman oo madaxda LFA.

“LFA waxay sidoo kale gacan ka gaysan doontaa xoojinta xiriirka shirkadaha gaarka loo leeyahay, ayada oo la raadinayo fursado maal-gashi oo toos ah,” ayuu yiri Aleman. 

LFA ayaa lasiin doonaa $150,000 oo ay shaqadan ku qabaneyso, sida ku cad diiwaan-gelinta shaqsiga ah ee uu sameeyey Aleman, isaga oo u hoggaansamaya Xeerka Diiwaan-gelinta Wakiilada Ajaaniibta ee loo yaqaan Foreign Agents Registration Act (FARA).

Warqadda heshiiska ayaa ku taariikheysan 22-ka March, taasi oo aheyd saddex maalmood un kadib markii xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken uu soo saaray bayaan uu ugu baaqayo dowladda federaalka inay deg deg u qabato doorashooyinka.

13-kii April, Blinken ayaa soo saaray bayaan kale oo uu ku diiday muddo kororsiga hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha. 

Tibor Nagy oo ah kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika ee xilligii madaxweyne Trump ayaa sheegay in Farmaajo uu xulufo cusub ka raadinayo Washington, xilli uu sii kordhayo shakiga uu maamulka Biden ka qabo. 

“Waxaan u maleynayaa in Soomaaliya ay garowsan tahay inaysan hadda awoodin inay wax ka iibiso maamulka Biden, marka maxaysan uga billaabeyn Congress-ka,” ayuu yiri Naggy.

Muhiimadda dowladda federaalka ayaa ah in lasii joogteeyo kalamada dowladda Mareykanka ee ay suurta-galka tahay in loo joojiyo muddo kororsiga darteed, kaalmadaas oo sanadkii tegay gaareysay $137 milyan, iyo gacan ka gaysashada dagaalka Al-Shabaab.

Hoos ka aqriso caddeymaha heshiiska

Daawo: Taliyaha Hodan oo xog muhiim ah ka bixiyey dilkii guddoomiye Dhagajuun

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Saldhiga degmada Hodan ee gobolka Banaadir Bashiir Cabdi Siyaad oo ka mid ah marqaatiyeyaasha la horgeeyey maxkamadda ciidamada oo maanta billowday dhageysiga dacwadda dilkii loo geystay guddoomiyihii maamulka degmadaasi, Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun ayaa ka warbixiyey sida uu u dhacay dilka.

Bashiir oo xilligaas ahaa taliyaha qeybta Waliyow Cadde ayaa shaaca ka qaaday in ka hor inta uusan dhicin dilka uu taliyaha saldhigga degmada Howl-wadaag Shuceyb Cabdi Maxamuud lasoo wadaagy xog ku aadan inay gudaha magaalada soo galayaan gawaari sida muqaadaraad, isla-markaana uu hayo xiriirkooda iyo sidoo kale xogtooda, soona socdaan.

Intaasi kadib taliye Bashiir wuuxuu sheegay inuu isna xogta usii gudbiyey taliska qeybta Booliska ee gobolka Banaadir, gaar ahaan Saadaq Joon, isaguna uu ku amray in laga hortego gawaarida la sheegay inay magaalada soo gelinayaan muqaaradaadka.

Sidoo kale wuxuun intaasi ku daray inuu tegay saldhigga Howl-wadaag, uuna ugu yimid taliye Shuceyb oo diyaar garoobay, isla-markaana uu la joogo taliyaha Waaberi, isaga oo xusay inuu kala hadlay sida loo fulinayo howl-galka oo uu mas”uliyadiisu qaatay Shuceyb.

Bashiir oo ka mid ah marqaatiyaasha kiiskan ayaa sidoo kale tilmaamay inuu wacay taliyaha saldhigga Hodan, si uu qeyb uga noqdo howl-galka, balse wuxuu xusay inuu arrintaasi ka horyimid taliyaha salddhigga degmada Howl-wadaag Shuceyb Cabdi Maxamuud oo isugu sheegay inuu kaligiis ku filan yahay howshaasi iyo fulinteeda.

“Aniga waxaan wacay taliyaha saldhiga degmada Hodan si obareeshinkaas uu mid guud u noqdo. Shuceyb wuu soo booday wuxuu yiri taliye aniga ayaa ku filan, wax Problem ahna malahan ee dhammaan yaanan ku wada dhafrin shaqadaas aniga ayaa qabanayo,” ayuu yiri taliyaha Saldhiga Degmada Hodan Bashiir Cabdi Siyaad oo ka hor-hadlay maxkamadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey  “Bacdeen waxaa iigu xigtay rasaasta dhaceysa aniga oo kormeer isaga socda wuxuu gacanka iga soo siiyey in baabuur uu xabadeeyey oo rasaas ay isku fureen bacdeena gaariga uu gadaal u baxay. Waxaan ku iri wax khasaare ah ma jiraan wuxuu dhahay ma faah faahin karo, kadib waa soo baxay meel dhexe intaan soo marayey ayuu igu soo celiyey wuxuuna igu yiri waa guddoomiyihii degmada Hodan,”.

Bashiir Cabdi Siyaad oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in durbo uu tegay goobta ay dhacdadu ka dhacday, isla-markaana uu la kulmay dhimashada guddoomiyaha iyo dhaawac qaar ka mid ilaaladiisa, kadib wuxuu carabka ku dhuftay inuu amray in dhammaan askarta laga qaado hubka, laguna xareeyo saldhigga, isaga oo intaas ku sii daray in kadib la waayey askari ka mid ah ilaalada taliye Shuceyb oo qeyb ka ahaa falkaasi.

“Goobta ayaan imid waxaan la kulmay ka bacdi dhimashada guddoomiyihii iyo dhaawaca dadka anaa ugu soo horreeyey, kadibna tallaabadii iiga gudbooneyd ayaan qaaday. Saraakiishii ayaan u yeeray nin walba istaafka uu wado qoryaha haka qaado saldhiggana halagu wada xareeyo, sidaas ayaan hubka uga dhignay bacdeena istaafkii mid ka mid ah ayaa la waayey oo Shuceb istaafkiisii ka mid ah ahaa,” ayuu markale yiri taliyuhu.

Si kastaba dhageysiga dacwaddan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo horey guddiga loo saaray baaritaanka sida uu u dhacay dilka guddoomiyihii maamulka degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Dhagajuun uu shaaca ka qaaday in bareer ah loo toogtay marxuumka.