26.7 C
Mogadishu
Wednesday, July 15, 2026

Daawo: Taliyaha Hodan oo xog muhiim ah ka bixiyey dilkii guddoomiye Dhagajuun

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Saldhiga degmada Hodan ee gobolka Banaadir Bashiir Cabdi Siyaad oo ka mid ah marqaatiyeyaasha la horgeeyey maxkamadda ciidamada oo maanta billowday dhageysiga dacwadda dilkii loo geystay guddoomiyihii maamulka degmadaasi, Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun ayaa ka warbixiyey sida uu u dhacay dilka.

Bashiir oo xilligaas ahaa taliyaha qeybta Waliyow Cadde ayaa shaaca ka qaaday in ka hor inta uusan dhicin dilka uu taliyaha saldhigga degmada Howl-wadaag Shuceyb Cabdi Maxamuud lasoo wadaagy xog ku aadan inay gudaha magaalada soo galayaan gawaari sida muqaadaraad, isla-markaana uu hayo xiriirkooda iyo sidoo kale xogtooda, soona socdaan.

Intaasi kadib taliye Bashiir wuuxuu sheegay inuu isna xogta usii gudbiyey taliska qeybta Booliska ee gobolka Banaadir, gaar ahaan Saadaq Joon, isaguna uu ku amray in laga hortego gawaarida la sheegay inay magaalada soo gelinayaan muqaaradaadka.

Sidoo kale wuxuun intaasi ku daray inuu tegay saldhigga Howl-wadaag, uuna ugu yimid taliye Shuceyb oo diyaar garoobay, isla-markaana uu la joogo taliyaha Waaberi, isaga oo xusay inuu kala hadlay sida loo fulinayo howl-galka oo uu mas”uliyadiisu qaatay Shuceyb.

Bashiir oo ka mid ah marqaatiyaasha kiiskan ayaa sidoo kale tilmaamay inuu wacay taliyaha saldhigga Hodan, si uu qeyb uga noqdo howl-galka, balse wuxuu xusay inuu arrintaasi ka horyimid taliyaha salddhigga degmada Howl-wadaag Shuceyb Cabdi Maxamuud oo isugu sheegay inuu kaligiis ku filan yahay howshaasi iyo fulinteeda.

“Aniga waxaan wacay taliyaha saldhiga degmada Hodan si obareeshinkaas uu mid guud u noqdo. Shuceyb wuu soo booday wuxuu yiri taliye aniga ayaa ku filan, wax Problem ahna malahan ee dhammaan yaanan ku wada dhafrin shaqadaas aniga ayaa qabanayo,” ayuu yiri taliyaha Saldhiga Degmada Hodan Bashiir Cabdi Siyaad oo ka hor-hadlay maxkamadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey  “Bacdeen waxaa iigu xigtay rasaasta dhaceysa aniga oo kormeer isaga socda wuxuu gacanka iga soo siiyey in baabuur uu xabadeeyey oo rasaas ay isku fureen bacdeena gaariga uu gadaal u baxay. Waxaan ku iri wax khasaare ah ma jiraan wuxuu dhahay ma faah faahin karo, kadib waa soo baxay meel dhexe intaan soo marayey ayuu igu soo celiyey wuxuuna igu yiri waa guddoomiyihii degmada Hodan,”.

Bashiir Cabdi Siyaad oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in durbo uu tegay goobta ay dhacdadu ka dhacday, isla-markaana uu la kulmay dhimashada guddoomiyaha iyo dhaawac qaar ka mid ilaaladiisa, kadib wuxuu carabka ku dhuftay inuu amray in dhammaan askarta laga qaado hubka, laguna xareeyo saldhigga, isaga oo intaas ku sii daray in kadib la waayey askari ka mid ah ilaalada taliye Shuceyb oo qeyb ka ahaa falkaasi.

“Goobta ayaan imid waxaan la kulmay ka bacdi dhimashada guddoomiyihii iyo dhaawaca dadka anaa ugu soo horreeyey, kadibna tallaabadii iiga gudbooneyd ayaan qaaday. Saraakiishii ayaan u yeeray nin walba istaafka uu wado qoryaha haka qaado saldhiggana halagu wada xareeyo, sidaas ayaan hubka uga dhignay bacdeena istaafkii mid ka mid ah ayaa la waayey oo Shuceb istaafkiisii ka mid ah ahaa,” ayuu markale yiri taliyuhu.

Si kastaba dhageysiga dacwaddan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo horey guddiga loo saaray baaritaanka sida uu u dhacay dilka guddoomiyihii maamulka degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Dhagajuun uu shaaca ka qaaday in bareer ah loo toogtay marxuumka.

Madaxweyne FARMAAJO: “Xukunka anigaa sii haynaya illaa ay doorasho ka dhacdo”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay inuu xafiiska sii joogi doona illaa doorasho ay ka dhacdo dalka.

Farmaajo oo wareysi siiyey wargeyska Buffalo News ee dalka Mareykanka, oo kasoo baxa magaaladii uu ka yimid ee Buffalo ee gobolka New York ayaa yiri “Weli waan joognaa markii uu muddo xileedkeenu dhammaaday bilo kahor, sababtoo ah dalka ma huri karo firaaq, firaaq dhanka xukunka ah.” 

“Sidaas darteed illaa ay doorasho ka dhacdo, xafiiska waan sii joogi doonaa, sababtoo ah kama tagi karo, yaa hoggaaminaya dalka haddii aan baxo, sababtoo ah waxaa loo baahan yahay dowlad sharci ah oo xafiiska la wareegta, oo ku timaada doorasho,” ayuu yiri.

Farmaajo ayaa wargeyska u sheegay in labada sano ee uu ku kororsaday muddo xileedka ay tahay “isbeddel nidaam doorasho,” wuxuuna ku adkeystay in waqtigan dheeri ah uu ku qaban karo doorashooyin ay shacabka doortaan wakiiladooda, inkasta oo ay jirto in afartii sano ee uu xukunka hayey aanu maalinna ka shaqeyn doorasho noocaas ah.

Waxa uu sidoo kale ka jawaabay cambaareynta Mareykanka iyo Yurub ee ka dhanka ah muddo kororsiga. “Tan ma ahan muddo kororsi. Tani waa isbeddel nidaamka doorashada ah. Waxayna u baahan tahay waqti in doorashada la qabto, dabcan.”

“Doorashada dadban ma ahan doorasho, waa hanaan xulasho, sababtoo ah hoggaamiyayaasha qabaa’ilka ayaa xulaya xubnaha baarlamanka, kuwaas oo kadibna dooranaya madaxweynaha. Tani ma ahan hanaan dimoqraadi ah. Hase yeeshee doorashada qof iyo cod ah ayaa ah doorasho, taasi oo siineysa muwaadinka xuquuq uu ku codeeyo. Waxaan fileynay in Mareykanka iyo Midowga Yurub ay tani taageeri doonaan – oo aysan diidi doonin,” ayuu yiri.

Si kastaba, Farmaajo oo xafiiska joogay afar sano ayaan xitaa hal maalin ka shaqeyn qabashada doorasho qof iyo cod ah, taasi oo ah mid ka mid ah sababaha loo rumeysan yahay inay tahay qiil xukunka lagu dheereysanayo, maadaama la ogyahay inaysan dhici karin.

Farmaajo oo la weydiiyey haddii uu xafiiska ka tegi doono haddii doorasho looga adkaado ayaa yiri “Haa dabcan, dhab ahaantii, ka laba labeyn la’aan.”

Warbixin: Ergeyga la filayo in M/Afrika uu soo diro iyo qalad siyaasadeedkii Farmaajo

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa la filayaa inuu dhowaan ergey cusub oo gaar ah usoo magacaabo Soomaaliya, si uu dhex-dhexaadiyo saamileyda siyaasadda dalka, kadib go’aankii kasoo baxay Golaha Nabdda iyo Ammaanka ururka.

Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in ergeygan laga yaabo inuu noqdo madaxweynihii hore ee dalka Sierra Leone Ernest Bia Koroma, isaga oo taageero ka helaya qaar ka mid ah dalalka Galbeedka Afrika oo magacaabistiisa aad ugu ololeynaya, sida Nigeria, Ghana, Sierra Leone iyo Senegal.

Dalal oo u badan kuwa waqooyiga Afrika ayaa iyana u ololeynaya xoghayihii hore ee Jaamacadda Carabta Camr Mussa, inkasta oo ay u badan tahay in loolanka xilkan uu ku adkaado Ernest Bia Koroma.

Go’aanka Midowga Afrika ayaa yimid kadib markii Farmaajo uu ka codsaday madaxweynaha dalka DR Congo, ahna guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi inuu dhex-dhexaadiyo Soomaalida, hase yeeshee dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa sheegaya in Farmaajo uusan marnaba fileyn qaraarkii adkaa ee Midowga Afrika ee sida weyn loogu cambaareeyey muddo kororsiga.

Wargeyska Afrika Intelligence ayaa qoray in Kenya, oo ay xiisad kala dhaxeyso Farmaajo, ay kaalin weyn ku laheyd in Felix-Antoine Tshisekedi uu ku guuleysto xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, ayada oo Uhuru Kenyatta uu booqday Kinshasa, maalin kadib markii uu kasoo laabtay Farmaajo, taasi oo ay suurta-gal tahay in Kenya ay kaalin ka cayaartay jabkii siyaasadeed ee uu Farmaajo kala kulmay Midowga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaraarka kahor ka digtay in Kenya iyo Jabuuti ay faro-gelin ku hayaan go’aanada Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, hase yeeshee dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa rumeysan inay aheyd diblomaasiyad xumo iyo garasho la’aan siyaasadeed in Farmaajo uu fahmi waayo waxa ka dhaxeeya Uhuru Kenyatta iyo Felix-Antoine Tshisekedi, kahor inta aanu tegin Kinshasa.

Eregyga cusub ee Midowga Afrika ayay suurta-gal tahay inuu horseedo in Farmaajo uu xilka isaga tago. 

Sidan oo kale, ayaa sanadkii 2010 waxay Midowga Afrika ergay gaar ah usoo magacaabeen Soomaaliya kadib markii barlamaankii xilligaas uu samaystey muddo kororsi, ergeygaas oo ahaa madaxweynihii hore ee Ghana Jerry Rawlings. Xilligaas ayaa waxaa dalka ra’iisul wasaare ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dadaalladii Jerry Rawlings ayaa ku dhameeyey heshiiskii Kampala Accord ee uu ku baxay Farmaajo. 

Hal sabab oo madaxweyne Farmaajo ‘ku qasbeysa’ inuu aqbalo go’aankii M/Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in go’aanka Midowga Afrika ee la xiriira ismari-waaga siyaasadeed ee Soomaaliya uu ahaa mid adag, marka loo fiiriyo habka ay uga hadleen, taas oo ah wax aan horey looga fileynin, sidaas oo ay tahayna madaxweyne Farmaajo uu ku qasban yahay inuu qaato. 

Dr. Jibriil Cali Aw Maxamed, oo wax ka dhiga jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in arrintaan ay waji gabax ku tahay dowladda Soomaaliya.

“Runtii, marka hore dowladda Soomaaliya arrintaan waxay ku tahay waji gabax, waayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isaga ayaa u safray dalka DR Congo, si uu ula kulmo guddoomiyaha Midowga Afrika, isaga ayaana codsaday in Afrika ay arrinta soo kala dhex gasho,” ayuu yiri Jibriil oo BBC-da u waramayay.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ay soo dhoweyneyso in Midowga Afrika uu qaato dowrka fududeynya, si saamileyda siyaasadda ee dalka ay uga heshiiyaan hannaanka doorashada xilligeedii la soo dhaafay.

Arrintan waxay soo baxday kaddib markii, dhawaan wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, uu booqasho ku tegay caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Kinshasa, halkaasi oo uu kula kulmay dhiggiisa, Madaxweyne Felix Tshisekedi, oo haatan ah guddoomiyaha Midowga Afrika.

Dr Jibriil Cali Aw Maxamed ayaa qaba in booqashadii Madaxweyne Farmaajo ee Congo, iyo kulankaas uu dhigiisa la yeeshay, ay qasbayso in uu hadda u hoggaamsamo warka ka soo baxay Midowga Afrika.

“Haddii dowladda ay ku adkeysan lahayd ‘innagu dal qaran ah ayaan nahay oo hay’addaha yaga ayaa wax maareeynaya innagaa heshiineyna’, waa laga haybsan lahaa, laakin maadama uu qoor dhiibtay oo uu yiri ‘Afrika ayaa arrinta fududeynaysa’ hadda wuxuu ku qasban yahay madaxweynaha inuu raaco,” ayuu yiri Jibriil.

Si kale, haddii loo dhigo hadalka Jibriil ayaa ah in Farmaajo uu sheegay inuu ku qanco xal Afrikan ah, haddana xalkii Afrika uu noqday inuu la diido muddo kororsigiisa.

Wakiilada beesha caalamka ee Muqdisho oo mar kale ka shiraya xaaladda dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in markale ay kulan gaar ah ka yeeshaan xaaladda adag ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha soo kordhay ee is mari-waaga siyaasadda iyo doorashooyinka.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa qaban-qaabinaya ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo kaashanaya qaar kamid ah safiirada dalalka qaar, sida UK.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha beesha caalamka ay kulankan uga hadlayaan xaaladda cakiran ee dalka iyo diidmadooda muddo kororsiga uu sameeyey golaha shacabka.

Sidoo kale wakiilada beesha caalamka ayaa sidoo kale go’aan ka gaaraya tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan, si xal loogu helo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa horey u shaacisay inay kasoo horjeedo muddo kordinta loo sameeyey dowladda, iyadoo ku baaqday in dib loo bilaabo wada-hadalladii fashilmay.

Si kastaba Soomaaliya ayaa wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah oo ka dhalatay tallabaadii baarlamaanka, taas oo ay sidoo kale ka horyimaadeen maamullada qaar iyo mucaaradka.

Sawirro: GALMUDUG oo ciidankii ugu badnaa geysay koonfurta Mudug + Ujeedka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay Galmudug ay ciidamadii ugu badnaa geysay koonfurta gobolkaasi, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka bilaabay duleedka magaalada Wisil.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa daraawiishta maamulkaasi ayaa lagu soo warramayaa inay fariisimo cusub ka sameysteen deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug.

Ujeedka dhaq-dhaqaaqyadan ay Galmudug ka billowday gobolka Mudug ayaa waxaa lagu sheegay in looga hortegayo weeraro ay Al-Shabaab kasoo abaabulaan halkaasi.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay booqdaan gudaha deegaanadaasi mas’uuliyiin uu hoggaaminayo wasiirka amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi, si ay iyana qeyb uga noqdaan gulufka ka dhanka ah dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale baqdin iyo wal-wal ka muujinayo in dagaal uu ka qarxo halkaasi, maadaama ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa Galmudug ay wajaheysay weeraro uga imaanayey dhanka Al-Shabaab oo weli ku sugan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Maxkamadda ciidamada oo billowday dhageysiga kiiska dacwadda dilkii Dhagajuun

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo ay ku beegan tahay 24 bishaan April ee 2021-ka u fariisatay dhageysiga dacwadda dilkii loo geystay Allaha u naxariistee guddoomiyihii maamulka degmada Hodan Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun.

Fadhiga maxkamadda ayaa waxaa goobjoog ah saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada, rag loo heysto dilka marxuumka, ehellada labada dhinac iyo dadweyne kale.

Eedeysanayaasha kiiskan loo heysto ayaa isugu jiro saraakiil iyo sidoo kale askar ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo maanta kasoo hor-muuqday maxkamadda.

Sidoo kale maxkamadda ayaa waxaa loo horgeeyey cadeymo la xiriira sida uu u dhacay dilka guddoomiyihii degmada Hodan oo ay toogteen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale la filayaa inay go’aan kasoo saarto kiiskan oo horey guddi gaar ah loogu xil-saaray, kaas oo baaritaan dheeraad ah kusoo sameeyey dhacdadaasi, wuxuuna guddigu shaaciyey in si bareer ah loo toogtay marxuumka.

Allaha u naxariistee Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa xilli habeen ah 21-kii Janaayo ee sanadkan lagu dilay isgoyska Howl-wadaag ee  magaalada Muqdisho, saacado kadib markii uu kasoo laabtay wadanka Turkiga oo uu u aaday arrimo caafimaad.

Daawo: DF oo ka hortimid mid ka mid ah qodobadii ka soo baxay Midowga Afrika

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka horyimid go’aankii kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee lagu amray AMISOM in la socoto dhaq-dhaqaaqa ciidamada Soomaaliya, si looga hortaggo iska hor-imaadyo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ayaa sheegay in Midowga Afrika uusan xaq u laheyn go’aan noocaas ah, wuxuuna ku tilmaamay go’aankaas mid lagu xaqirayo awoodda ciidamada dowladda, isagoo sheegay in aan la aqbali doonin dalabkaan oo uu ku sheegay inay soo jeediyeen dowlado aan la magacaabin.

“AMISOM waajibaadkeeda kama mid ahan inay dabagal ku sameyso dhaqaqaaqa ciidamada dowladda, waxaa loogu talagalay inay ilaaliso xarumaha dowladda iyo madaxda Soomaaliya, sidoo kalena ay la dagaalamaan kooxaha argagixisada,” ayuu yiri wasiir Cabdifataax oo ka hadlay xaflad lagu taageerayey dowladda oo ka dhacday Muqdisho.

“Ciidamadii aan rabnay inay ka madax-banaanaadan miyaa hadda la leeyahay hadda ha waardiyeeyaan, maxay ka wardiyeynayaan, ciidamada ma shacabkooda ayay cunayaan? Maxaase kulmiyey hadalkan iyo hadalladii maalmahan ay wadeen walaalaheen ee ahaa ciidamada ha kasoo baxaan iyo ciidamada ha kala yaacaan.”  

“Ma dareemeysaan in qodobkaan ah in lala socdo dhaqaqaaqa Ciidamada Dowladda ay ku darsadeyn dowlado dariska ah oo aan dooneyn in Soomaaliya ay yeelato ciidan xoog leh iyo ciidamo dhisan?” ayuu waydiiyey wasiirka

Wasiirka ayaa hadalkiisa kusii daray “Anaga ma rabno Dowlad daciif ah, dowladna waxay ku taagan tahay awood ciidan, Ciidamadeena way dhismayaan, waxayna hadda leeyihiin niyad wanaagsan.”

Sidoo kale Wasiir Cabdifataax ayaa xaqiijiyay in mudadii afarta sano ahayd ee sharciga ahayd iyo bilaha dheeriga oo ay dowladda jirtay mushahar joogto ah la siinayay askarta dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in loolanka ka taagan Doorashada Soomaaliya aysan aheyn mid kaliya ka dhaxeyso Soomaalida balse ay jiraan dowlado shisheeye oo qeyb ka ah in Soomaaliya aysan xasilin isla markaasna ka shaqeenayo danahooda sida uu hadalka u dhiga.

Soo jeedinta Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika ee ah in lala socdo dhaqdhaqaaqa ciidamada Dowladda ayaa ka dhalatay weerar dhacay 19 September 2021 oo lagu qaaday hoteel ay deganaayeen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Sheekh Aadan, sidoo kalana rasaas lala dhacay banaanbaxayaal ay qeyb ka ahaayeen siyaasiyiin iyo madax hore.

Golaha Ammaanka QM oo war cusub kasoo saaray is-mari waaga doorashada Somalia

New York (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Ammaanka QM ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay si qoto dheer uga walaacsan yihiin is-mari waaga siyaasadeed iyo khilaafka u dhaxeeya hoggaamiyayaasha Soomaalida ee ku aadan hannaanka doorashooyinka.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay in khilaafyada sii socda ee ku aadan hannaanka doorashada aysan baabi’ineyn oo kaliya horumarkii dhibka laga soo maray, balse ay sidoo kale dareenka ka weecinayaan dhibaatooyin joogto ah; oo ay ka mid yihiin daadadka, abaaraha, ayaxa, COVID-19, iyo la-dagaalanka halista kooxda Al-Shabaab.

Waxa ay sheegeen in heshiis laga gaaro doorashooyinka uu taagerayo fududeynta si wadista horumarka Soomaaliya iyo shacabkeeda.

“Xubnaha Golaha Ammaanka waxay hoosta ka xariiqeen in heshiis la gaaro uu muhiim u yahay hanaan kasta oo doorasho in si guul leh loo fuliyo. Waxay xuseen in heshiiska 17-ka September uu yahay aas-aaska kaliya ee ay taageereen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan dowlad goboleedyada,” ayaa lagu yiri bayanaka.

“Sidaas darteed, xubnaha Golaha Ammaanka waxay ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada Soomaalida inay iska diidaan rabshadaha, dibna u billaabaan wada-hadallada si deg deg ah, ayada oo aan wax shuruud ah lagu xirin.”

Waxay ugu baaqeen hoggaamiyayaasha Soomaalida inay xaliyaan arrimaha harsan, ayna hormariyaan danta shacabka Soomaaliyeed marka hore, ayna si deg deg ah isugu raacaan hanaan doorasho oo leh waqti cayiman.

Waxay intaas ku dareen in xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM, oo kaashanaya AMISOM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo saaxiibada kale ee caalamiga uu diyaar u yahay inuu caawiyo. 

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa soo dhoweeyey codsigii Farmaajo uu u jeediyey madaxweynaha DR Congo, ahna guddoomiyaha Midowga Afrika ee ahaa inuu dhex-dhexaadiyo saamileyda siyaasadda Soomaaliya, waxayna taageero u muujiyeen dadaallo gobolka uu hoggaaminayo oo miiska wada-hadalka la isugu keeno dhinacyada Soomaalida. 

Farriinta Midowga Yurub ee Soomaaliya kadib go’aankii Midowga Afrika (Aqriso)

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa taageeray go’aankii xalay kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee lagu cambaareeyey muddo kororsiga labada sano ah ee Farmaajo iyo golaha shacabka.

Wakiilka sare ee Midowga Yurub ee Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo Siyaasadda Amniga Josep Borrel ayaa sheegay in go’aanda Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ay yihiin kuwa muhiim ah oo lasoo dhoweeyo

“Midowga Yurub wuxuu taageerayaa diidmada muddo kororsi kasta, wuxuuna sugayaa in deg deg loogu laabto wada-hadallada, ayada oo uu fududeynayo ergeyga Midowga Afrika, si loogu guuleysto heshiisyo doorasho oo saldhig looga dhigayo heshiiskii 17-ka September 2020,” ayuu yiri Borrel oo soo saaray war-saxaafadeed.

Borrel ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhoweynayo baaqa ku saabsan inay kulmaan dalalka ciidamada ku tabaruca Amisom Troop Contributing Countries (TCC), si ay u qiimeeyaan xaaladda amni ee Soomaaliya. 

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrik ayaa shalay ka codsaday Amisom inay isha ku hayaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada Soomaaliya, islamarkaana kulan arrintan ku saabsan ay yeeshaan dalalka ciidamada ku tabaruca.

“Midowga Yurub wuxuu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo ergeyga Midowga Afrika, islamarkaana wuxuu codsanayaa degenaansho iyo in laga fogaado ficil kasta oo kasii dari kara xiisadda,” ayuu yiri Wakiilka saree e Midowga Yurub ee Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo Siyaasadda Amniga Josep Borrel.

Go’aanka Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa dhabar jab weyn ku noqday Farmaajo, ayada oo ururka Midowga Afrika uu ahaa kan kaliya ee ka harsanaa beesha caalamka, xilli ay horey muddo kororsiga ay u diideen QM, Midowga Yurub, Mareykanka iyo dhammaan dalalka Yurub.

Xog: Imaaraadka Carabta oo baabuur dagaal kasoo dejiyey garoonka Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Puntland ugu deeqday gadaadiid kuwa dagaalka ah, oo toddobaadkan laga soo dejiyey magaalada Boosaaso, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Gadaadiidkan dagaal ayaa gaaraya illaa 30, waxaana la sheegay inay yihiin nooca Cabdi Bile-ha ay Soomaalida u taqaan ee lagu rakibo hubka culus, sida ay aan xogta ku helnay.

Maamulka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xoojinaya awoodda ciidamada Puntland, xilli laga cabsi qabo in haddii Farmaajo ay u meel-marto labada sano ee muddo kororsiga ah uu dagaal ku qaado Puntland. Xildhibaan ka tirsan baarlamanka federaalka oo taabacsan Farmaajo ayaa horey ugu hanjabay inay qabsanayaan Puntland. 

Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ka dhaxeeya loolan siyaasadeed oo ka socda, ayaga oo kala taageeraya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada. 

Qatar ayaa hadda ah dowladda bixineysa lacagta uu Farmaajo u adeegsanayo muddo kororsiga, taasi oo laaluush ahaan loo siiyo, guddoonka golaha shacabka xildhibaanada iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka, ee laga cabsida qabo inay kasoo horjeestaan muddo kororsiga, si loogu aamusiyo. 

Qatar waxaa taas usii dheer in lagu eedeeyo inay xiriir iyo wada-shaqeyn la leedahay kooxaha argagixisada Soomaaliya, kaalina ka qaadato qaar ka mid ah falalka argagixiso, sida lagu sheegay warbixin uu bishii July 2019 daabacay wargeyska caanka ah ee Mareykanka ee New York Times. 

Sida lagu sheegay warbixinta New York Times, cod uu helay wargeyska oo ah wada-sheekeysi taleefon, ayaa waxaa laga maqlay, Khalifa Kayed al-Muhanadi oo safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem ku dhahaya “waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka.”

Al-Muhanadi ayaa sheegay in qaraxyada loo fuliyey “si loogu qasbso Imaaraadka Carabta inay ka cararaan Boosaaso.”

Qatar waa ay beenisay eedeymahaas.

CC Shakuur: Farmaajo shalay waxaa ku dhacday seddax dharbaaxo oo talantaalli ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa weerar xoog leh ku qaaday madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo, oo uu sheegay inay shalay si dhab ah usoo if-baxday hogaamiye kooxeednimadiisa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook waxa uu ku shaaciyey saddex arrin oo uu sheegay inay Farmaajo ku noqdeen dhirbaaxooyin talantaali ah oo waji-gabax ku ah, xili uu dhawaan sameystay muddo kororsi.

“Farmaajo shalay seddax dharbaaxo oo talantaalli ah ayaa ku dhacday. Seddaxduba waxey dibada soo dhigeen hoggaamiye kooxeednimadiisa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Tan koowaad, waa dhacdaddii garoonka diyaaradaha oo muujisay in nabadsugiddiisu dhaqan maleeshiyaad leeyihiin.”

“Tan labaad waa shirkii uu ku soo uruursaday haraagii hoggaamiye kooxeedka iyo kuwii hormuudka u ahaa xasuuqii Itoobiya.”

“Tan seddexaad waa canbaareyntii uga timid Midowga Afrika, dunida inteedii kalana ku raaceen.”

Ugu dambeyntiina waxa uu qoraalkiisa ku yiri “Ruuxii maanta ka dib sii agjooga waa qof u af-duuban, sababtuba sidey doonto ha noqotee.”

Hadalkaan ayaa imanaya xili uu madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu wajahayo cadaadisyo xoogan oo uga imaanaya madaxda Afrika iyo beesha caalamka oo halis amni u arka tallaabada uu xukunka ku dheereystay ee ay u meel-mariyeen Golaha Shacabka.

Mareykanka oo ergey gaar usoo magacaabay dalalka Geeska Afrika + Ujeedka

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa u magacaabay Jeffrey Feltman inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Mareykanka ee Geeska Afrika.

Blinken ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Magacaabistan waxay hoosta ka xariiqeysaa sida ay maamulka uga go’an tahay inuu hoggaamiyo dadaal diblomaasiyadeed oo caalami ah oo wax looga qabanayo xasaradaha xiriirsan ee siyaasadda, amniga iyo bani’aadannimada ee Geeska Afrika.”

Blinken ayaa sheegay in Feltman oo xilal kala duwan kasoo qabtay Waaxda Arrimaha Dibedda iyo Qaramada Midoobay uu si gaar ah ugu habboon yahay inuu khibrado tobaneeyo sano ah keeno Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe. 

Waxa uu intaas ku daray in Feltman uu gobolka ka hormarin dooni wada-xaajoodyo iyo dhex-dhexaadin lagu horumarinayo istaraatiijiyadda Mareykanka ee wax ka qabashada arrimaha cakiran ee gobolka.

“Walaaca gaarka ah waa xaaladda aan deganeyn ee Ethiopia, oo ay ku jirto dagaalka gobolka Tigray, xiisadda sii xumaaneysa ee Ethiopia iyo Sudan; iyo muranka ku hareereesan biyo-xireenka webiga Nile,” ayuu yiri Blinken.

Waxa uu sheegay in isbeddel weyn oo ku saabsan istaraatiijiyadda gobolka iyo ku lug lahaansho sare oo Mareykanka ah ay muhiim u tahay in la qafiifiyo halisaha ay soo rogayaan khilaafyada sii xumaanaya, laguna siinayo fursado isbeddelo oo aan inta badan la helin.

Shariif Sheekh Ahmed oo farriin cusub soo saaray kadib go’aankii Midowga Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaridka ayaa si weyn usoo dhaweeyay baaqii Midowga Afrika ee xaalada Soomaaliya, isagoona ka digay tallaabooyinka qalafsan ee dowladda waqtigeedu dhamaaday.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto meel halis ah, islamarkaana ay tahay in laga bad-baadiyo inta uusan god mugdi ah ku dhicin xal ka gaarista xiisada siyaasaddeed ee dalka, oo kasii dartay tan iyo markii uu golaha shacabka meel-mariyey muddo kordhin sharci darro ah.

“Waxaan codkeyga ku biirinayaa taageerada baaqa golaha amniga ee Q.M, kan golaha amniga ee Midowga Africa, iyo baaqyada isxigxiga ee saaxiibada Soomaaliya ee caalamka oo ay si wadajir ah ugu cambaareeyen muddo kordhinta sharci darrada oo inyar oo kamid ah golaha shacabka ay sifa aan waafaqsanayd shuruucda dalka u go’aamiyeen.”

Sidoo kale waxa uu markale ku celiyay in Soomaaliya aysan qaadi karin xil kordhin oo ay tahay in heshiiskii September 2020 uu yahay dariiqa kaliya ee looga badbaadin karo Dalka inuu galo fowdo iyo amni darro caqabad ku ah xasilloonida Soomaaliya iyo tan gobolka.

Waxa uu ka digay in madaxda waqtigoodu dhamaaday ay dhagaha ka fureystaan baaqyada beesha caalamka, kuwaasi oo looga baaqsanayo qalalaase siyaasadeed oo dalka ka dhaca, islamarkaana aan la aqbali karin in la dumiyo dowladnimada aan cagaha badan ku taagneyn ee meesha fog laga keenay.

“Waxaan ugu baaqaynaa madaxda xilligoodu dhamaadey iyo maamulada sida indha la’aanta ah u taageerey iyagoon la tashan dadka ay matalaan inay ka fiirsadaan tallaabooyinka qaras iska tuurnimada ah oo ay qaadayaan, waxaana ugu baaqeynaa inay kusoo laabtaan miiska wada hadalka oo ay tahay in doorasho la aado sida ugu dhaqsaha badan.”

“Dalkaan dowladnimadiisa jilcan meel fog baa laga keeney oo waqti, xoolo iyo nafba loo huray, sidaa awgeed marna lama aqbali doono ficillada aan mas’uuliyadda lahayn ee ay wadaan koox yar oo kursi jacayl uu madax maray,” ayuu yiri ugu dambeyntiina Sheekh Shariif.

AMISOM oo laga dalbaday inay la socoto dhaqaaqyada ciidamada DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – War-murtiyeedka xalay kasoo baxay Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa looga codsaday AMISOM inay la socoto dhaq dhaqaaqa Ciidamda Amniga Soomaaliya, si looga hortaggo iska hor-imaadyo ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa laga codsaday inuu qabto shirarka dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya heer Safiiro iyo heer taliyeyaasha ciidamada si looga tashado tilaabooyinka laga qaadi doono dhinacyada Soomaalida haddii ay isku dayaan gacan qaad.

“Waxaa ka codsaneynaa  AMISOM, inta laga cusboonaysiinaayo waajibaadkeeda, si ay ula socoto soo daad gureynta Ciidamada Amniga ee Soomaaliya (SSF), sidoo kale  waxaan  ka codsaneynaa Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, inuu si deg deg ah u qabto shirarka Ciidamada iyo Wadamada Ciidamada ku biiriya Booliska (T / PCCs ), heer safiirnimo, iyo sidoo kale Guddiga Isku-dubbaridka Hawlaha Milatariga (MOCC) ee heerka Taliyeyaasha Difaaca, si loo tixgeliyo saameynta amniga ee is-maandhaafka siyaasadeed ee hadda jira, iyo sidoo kale khariidaynta xulashooyinka wax looga qabanayo iyo yareynta,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay si toos ugu fashilantay qorshihii dalalka caalamka ay uga raadinaysay muddo kororsiga, waxayna warbixinta Midowga Africa kuso aaday xilli laga cabsi qabo in Magaalada Muqdisho ay marti geliso dagaal u dhaxeeyo Ciidamad Dowladda iyo kuwa mucaaradka ah.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ka guuray Hotel Jazeera, waxayna dageyn waqooyiga Muqdisho, waxaana guuritaankooda lagu fasiray inay tahay kaarto Militari oo loogu diyaar garoobayo dagaal ka dhan ah Dowladda.

Sidoo kale General Saadaq Joon oo horey u ahaa Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa xirtay qeybo kamid ah xaafadda Shiirkole, wuxuuna halkaas ku heystaa ciidamo aad u hubeysan, waxaana laga cabsi qabaa inay weerar ku qaado Dowladda.

Jaamacadda CARABTA oo war kasoo saartay xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya

0

Cairo (Caasimadda Online) – Jaamacadda Carabta ayaa ka dhawaajisay inay walaac xoog leh ka qabto Xaaladda Soomaaliya iyo khilaafka ka dhaxeeyo dhinacyada siyaasadda ee Soomaaliya ee ku saabsan doorashadii la filayey inay dhacdo.

Bayaan kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa loogu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxda Maamul Goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah inay xal siyaasadeed oo deg deg ah ka gaaran arrinta Doorashada.

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in wadahadalka siyaasadeed uu yahay midka kaliya ee xal looga gaari karo heshiis la isku raacsan yahay oo lagu maamulo doorashooyinka soo socdo ee Soomaaliya.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Jaamacadda Carabta ay garab taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed xilli kasta illaa ay ka guuleysanayaan caqabadaha haatan jira ee dib u dhiska Hey’adaha Dowliga ah, waxayna jaamacadda Carabta sheegtay inay lagama maarmaan tahay ilaalinta midnimada Qaranka,  Xisiloonida iyo soo kabashada guud ee dalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka taagan khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan doorashada maadaama dowladda hadda ka taliso uu waqtigeeda ku ekaa 8 February illaa haddana ma jirto doorasho heshiis lagu yahay oo lagu soo dooranayo madaxweynaha iyo Baarlamaanka iyadoo weliba uu guddoonka Baarlamaanka soo saaray sharci u ogolaanayo muddo kordhin laba sano ah.

Isniintii, Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay in Midowga Africa uu door hoggaamineed ka qaato fududeynta geeddi-socodka doorashooyinka oo awood u siinaya “muwaadin kasta in uu ku doorto wakiillada iyada oo loo marayo doorashooyin xor iyo xalaal ah.”

CAYNTE: Farmaajo wuxuu toddobaad gudihiis ku dhacay bohoshii ugu weyneyd

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu toddobaadkan ku dhacay bohoshii ugu weynd, sida uu hadalka u dhigay.

Caynte oo qoraal soo dhigay facebook ayaa yiri “Kalitaliye Mohamed Abdullahi Farmaajo muddo toddobaad gudihiis ah wuxuu ku dhacay bohoshii ugu weyneyd. Kaddib markii uu si sharci darro ah labo sano ugu dhufsaday, wuxuu damcay inuu ka dhex kalluumeysto Midowga Afrika, si loogu xalaaleeyo boollida uu dhacay.’

Waxa uu intaas ku daray “Caawa ayay Midowga Afrika kasoo xireen albaabkaas, waxayna codkooda ku biiriyeen caalamka intiisa kale (USA, EU, UK & UN).”

Caynte ayaa ka falcelinayey go’aankii xalay kasoo baxay Midowga Afrika ee sida xooggan loogu cambaareyey muddo kororsiga Farmaajo iyo golaha shacabka, kuna baaqay in deg deg loogu laabto wada-hadalladdii doorashada.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ayaa sheegay in Farmaajo ay hadda u furantay laba waddo oo kala daran.

“Laba wadiiqo oo kala daran ayaa u furan: 1. Inuu kusii socdo dhabbaha qar iska xoornimada, sheegtana inuu yahay madaxweyne sharci ah. Taas waxaa ka dhalan doonta in isaga iyo xertiisa toos loo beegsado, cunaqabateyn iyo curyaamin kale la dul dhigo.  2. Inuu is-casilo, kaddib marka uu garowsado tabar darradiisa. Ku soco ayaan leeyahay.”

Go’aanka Golaha ayaa dhabar jab weyn ku noqday Farmaajo, ayada oo ururka Midowga Afrika uu ahaa kan kaliya ee ka harsanaa beesha caalamka, ayada oo horey muddo kororsiga ay u diideen QM, Midowga Yurub, Mareykanka iyo dhammaan dalalka Yurub. 

AFRICOM: Muddo kororsiga Farmaajo way ka halis badan tahay kooxda Al-Shabab

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn Soomaaliya ee iminka aysan aheyn Al-Shabaab, balse ay tahay muddo kororsiga madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka.

“Al-Shabaab ma ahan walaaca ugu weyn ee Soomaaliya iminka, balse waa qaska siyaasadeed ee ka dhex jira dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada….muddo kororsiga madaxweynaha waa caqabaddeena ugu weyn, sidaas ayey ila tahay iminka,” ayuu taliyaha AFRICOM Jeneral Stephen Townsend, oo warbixin siiyey guddiga adeegga ciidamada ee Aqalka Senate-ka. 

Senator Jack Reed, oo ah guddoomiyaha guddiga ciidamada ayaa isna kulanka ku yiri “Tallaabadan [muddo kororsiga] waxay si toos ah u waxyeeleyneysaa horumarkii laga sameeyey hanaanka dimoqraadiyadda iyo is-beddelada hay’adaha dowladda, waxayna halis gelin kartaa taageerada caalamiga ah.” 

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa horey u diiday muddo kororsiga, waxayna ku hanjabtay tallaabooyin ka dhan ah kuwa ku lugta leh, oo ay ka mid yihiin cunaqabteyno.

Dhinaca kale, Jeneral Stephen Townsend ayaa Senate-ka u sheegay in go’aankii uu maamulka Trump ciidamada uga saaray Soomaaliya uu abuuray caqabad cusub oo la xiriirta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Shaki kuma jiro in ka bixitaanka ciidamada ee Soomaaliya ay soo kordhisay caqabado iyo halis cusub,” ayuu yiri Townsend. 

Townsend ayaa sheegay in ciidamo yar oo gaaraya illaa 100 ay iminka ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, kuwaas oo shaqadooda ay la xiriirto safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. 

Waxa uu intaas ku daray inuu xog ka siinayo xoghayaha Gaashaandhigga Lloyd Austin mustaqbalka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, ayada oo hadda ay socoto dib u eegis lagu sameynayo, taasi oo uu amray madaxweyne Biden, markii uu xukunka  kala wareegay Trump. 

Mareykanka oo soo saaray dalab cusub kadib go’aankii Midowga Afrika ee Somalia

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa taageertay qoraalkii kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee sida xooggan loogu cambaareeyey muddo kororsiga labada sano ah ee ay sameysteen Farmaajo iyo golaha shacabka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika ee Waaxda Arrimaha Dibedda ayaa lagu yiri “Waxaan taageereynaa go’aanka Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee cambaareynaya muddo kororsiga uu toddobaadkii tegay meel-mariyey baarlamanka Soomaaliya.”

“Waxaan soo dhoweeneynaa dhex-dhexaadinta Midowga Afrika, waxaana ugu baaqeynyaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay isku racaan waddo horey loogu socdo, si deg deg loogu xalliyo qalalaasaha doorashada.”

War-murtiyeedka xalay kasoo kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee lagu cambaareeyey muddo kororsiga ayaa lagu sheegay in go’aankaas uu dib u dhigayo doorashooyinkii Soomaaliya, islamarkaana uu waxyeeleynayo midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo hanaankiii lagama maarkmaanka ahaa ee dimqoraadiyadda iyo dastuurka.

Qoraalka Golaha ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu rumeysan yahay in heshiiskii 17-ka September 2021 uu yahay saldhigga iyo habka ugu wanaagsan ee lagu qaban karo doorasho xilligeeda ku dhacdo, daah-furan oo la isku haleyn karo.

Go’aanka Golaha ayaa dhabarjab weyn ku noqday Farmaajo, ayada oo ururka Midowga Afrika uu ahaa kan kaliya ee ka harsanaa beesha caalamka, ayada oo horey muddo kororsiga ay u diideen QM, Midowga Yurub, Mareykanka iyo dhammaan dalalka Yurub. 

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin go’aanka Midowga Afrika, hase yeeshee dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa sheegay inuu albaabkii ugu dambeeyey kasoo xirmay Farmaajo,  marka ay noqoto arrinta muddo kororsiga. 

Jabuuti oo jawaab culus ka bixisay eedeyntii uga timid DF

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa ka jawaabtay eedeyntii shalay uga timid dowladda federaalka ee aheyd inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. 

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa ku eedeeyey Jabuuti iyo Kenya inay isku dayeen “inay farageliyaan” go’aankii Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, isaga oo sheegay inay wadeen olole diblomaasiyadeed oo ay kaga dhaadhicinayaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika soo jeedin qoddobo ay rabeen in lagu daro qoraalkii xalay kasoo baxay.

Wasiirka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa sheegay inay aad uga niyad jabeen ugana xun yihiin in wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya uu mar kale ku celinayo eedeymo iyo tuhun been abuur ah oo ah in Jabuuti ay ajende ka leedahay xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Aan si aad ah u caddeeyo, Jabuuti uma qalanto hadalladan oo kale. In Jabuuti lagu eedeeyo inay faro-gelineyso arrimaha Soomaaliya oo ay dhinac la jirto waa mid aan wax macno ah laheyn, oo waxyeeleyneysa qiyamkeena ku aadan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayuu yiri Ilyaas. 

“Aad ayaan u qiimeynaa waxa ay Soomaalia noo fashay. Sidaas darteed ma sameyn karno wax ka yar. Waa taas sababto ay wiilasheena ugu dhimanayaan dib u curashada Soomaaliya,” ayuu yiri. Jabuuti ayaa waxay ciidamo ka tirsan AMISOM ka joogaan Soomaaliya. 

Dowladda Soomaaliya ayaa siyaasad cadaawad leh kula dhaqmeysay Jabuuti, tan iyo markii ay saaxiibeen madaxweyne Farmaajo iyo kaligii-taliyaha Eritrea Isaias Afwerki, oo ciidankiisa ay xoog ku haystaan dhul ay leedahay Jabuuti.