27.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 15, 2026

Jabuuti oo jawaab culus ka bixisay eedeyntii uga timid DF

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa ka jawaabtay eedeyntii shalay uga timid dowladda federaalka ee aheyd inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. 

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa ku eedeeyey Jabuuti iyo Kenya inay isku dayeen “inay farageliyaan” go’aankii Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, isaga oo sheegay inay wadeen olole diblomaasiyadeed oo ay kaga dhaadhicinayaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika soo jeedin qoddobo ay rabeen in lagu daro qoraalkii xalay kasoo baxay.

Wasiirka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa sheegay inay aad uga niyad jabeen ugana xun yihiin in wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya uu mar kale ku celinayo eedeymo iyo tuhun been abuur ah oo ah in Jabuuti ay ajende ka leedahay xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Aan si aad ah u caddeeyo, Jabuuti uma qalanto hadalladan oo kale. In Jabuuti lagu eedeeyo inay faro-gelineyso arrimaha Soomaaliya oo ay dhinac la jirto waa mid aan wax macno ah laheyn, oo waxyeeleyneysa qiyamkeena ku aadan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayuu yiri Ilyaas. 

“Aad ayaan u qiimeynaa waxa ay Soomaalia noo fashay. Sidaas darteed ma sameyn karno wax ka yar. Waa taas sababto ay wiilasheena ugu dhimanayaan dib u curashada Soomaaliya,” ayuu yiri. Jabuuti ayaa waxay ciidamo ka tirsan AMISOM ka joogaan Soomaaliya. 

Dowladda Soomaaliya ayaa siyaasad cadaawad leh kula dhaqmeysay Jabuuti, tan iyo markii ay saaxiibeen madaxweyne Farmaajo iyo kaligii-taliyaha Eritrea Isaias Afwerki, oo ciidankiisa ay xoog ku haystaan dhul ay leedahay Jabuuti.

Rooble oo soo rogay amarro deg deg kadib kulan uu ku qabtay Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble oo xalay guddoomiyay shirka amniga caasimadda ayaa faray hay’adaha ammaanka in la dardargeliyo sugidda amniga, xiligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Rooble ayaa ka dhegaystay Hay’adaha ammaanka warbixinno ku saabsan xaaladaha guud ee amniga Caasimadda iyo sidii looga hortagi lahaa dhagarta kooxaha argagixisada iyo cadowga shirqoollada u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed, sida uu yiri.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu faray Wasaaradda Amniga in tallaabo deg-deg ah laga qaado sharcigana la horkeeno dadkii ka danbeeyey shaqaaqadii shalay ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Garoonka ayaa waxaa isku dagaalay ciidamo ka tirsan NISA iyo shaqaalaha hay’adda socdaalka markii shaqaalaha ay diideen in garoonka lasoo geliyo qof ajnabi ah oo NISA ay dooneysay inay soo marsiiso ayada oo aanu marin nidaamka sharciga ah.

Rooble ayaa sheegay in dhacdadaas ay ay muuqaal aan wanaagsanayn ka bixinaysay dalka, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in aan la buunbuunin dhacdooyinka wax u dhimaya muuqaalka dalka, sida uu yiri.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa uu Rooble kormeeray qeybta gurmadka deg-degga ah ee Booliska, isagoo ku ammaanay hay’adaha amniga dadaalkooda ku qotoma caawinta bulshada. Waxuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in lala shaqeeyo ciidanka ammaanka.
 

Ururka Midowga Afrika oo si weyn u cambaareeyey muddo kororsiga BF iyo Farmaajo

Addis Ababa (Caasimada Online) – Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa cambaareeyey go’aankii uu Golaha Shacabka Soomaaliya qaaday 12-kii April, 2021 ee uu muddo laba sano ah ugu korhiyey muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamanka.

War-murtiyeed kasoo baxay Golaha ayaa lagu sheegay in go’aankaas uu dib u dhigayo doorashooyinkii Soomaaliya, islamarkaana uu waxyeeleynayo midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo hanaankiii lagama maarkmaanka ahaa ee dimqoraadiyadda iyo dastuurka.

Golaha ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey saameynta xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay ku yeelan karto nidaamka federaalka Soomaaliya, midnimada ciidamada iyo hay’adaha amniga iyo sii wadista dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. 

Qoraalka Golaha ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu rumeysan yahay in heshiiskii 17-ka September 2021 uu yahay saldhigga iyo habka ugu wanaagsan ee lagu qaban karo doorasho xilligeeda ku dhacdo, daah-furan oo la isku haleyn karo. 

Waxa uu ugu baaqay hoggaamiyayaasha Soomaaliya inay ahmiyad siiyaan danaha qaranka, ayna deg deg dib ugu billaabaan wada-hadallo saldhig looga dhigayo heshiiskii September 17, iyo soo-jeedintii guddiga farsamo ee Baydhaba ku kulmay bishii Febraayo.

Golaha ayaa ka codsaday Amisom inay isha ku hayaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale ka codsaday guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu deg deg u magacaabo ergey, oo uu u diro Soomaaliya, si uu dhinacyada Soomaaliya iyo saamileyda siyaasadda ugala shaqeeyo inay heshiis gaaraan, dibna warbixin ugu soo celiyo Golaha afar toddobaad gudahood.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka

Xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka fal-celiyey shaqaaqadii garoonka Muqdisho + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odowaa iyo Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag uga hadlay dhacdadii maanta ka dhacday Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kaasi oo uu dagaal gacan ku hadal ah ku dhex-maray ciidamo ka tirsan NISA iyo shaqaalaha waaxda hay’adda socdaalka.

Siyaasiyiinta ayaa dhacdadaas ku macneeyay mid muujineysa “isu awood sheegasho hey’adihii Dawladda dhexdooda ah iyo in ay jiraan kuwo isku heysta in ay sharciga ka sarreeyaan,” maadama ay meesha ka baxday sharciyadii dowladda.

“Bahdilaad iyo awood sheegasho ayey muujiyeen ciidanka NISA. Dhaqanka fowdada, isku itaal sheegashada ee hoggaamiye kooxeednimo ayaa maalamahan ku faafaya xarumaha Dowladda. Waxaan maqli jiray Quraankii alif ka halaaba Albaqra kama taasoo. Dawlad uusan hoggaankeedu sharci ahayn, hay’adaheedu sharci kuma shaqayn karaan Farmaajo iyo kooxdiisa waa in ay fahmaan waxa ay ka dhigan tahay sharciyaddu,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Mahad Salaad ayaa asaguna dhinaciisa cambaareeyay dhacdadaas oo uu ku sifeeyay “fal argagixisinimo oo ka tarjumaya ujeedooyinka gurracan ee la rabay in loo isticmaalo ciidamo aad u farabadan oo waayadan dambe Fahad Yaasiin ku sii daabulayay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde,” sida uu sheegay.

“Dhalinyaro badan oo dhaawacyo kala duwan qaba ayaa Isbitaalka loola cararay, agabkii iyo xaafiisyadii ay ku shaqaynayeena waa la burburiyay. Dhalinyarada dhaawacyadu soo gaareena waxaan Alle uga baryeynaa in uu caafimaad deg-deg ah siiyo. Marka labaadna waxaan ku baaqayaa in ciidamadaan Ayrboorka laga saaro ama qof waliba ilaaladiisa la galo Garoonka si amnigiisa loo ilaaliyo.”

Sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay arrinta maanta ka dhacday garoonka Muqdisho oo ah madaarka ugu caalamisan dalka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhacdooyin noocan ka qaab daran uu soo wado Farmaajo

“Dowladnimada markii aysan wax sharci ah lahayn xaalku sidaan ayuu noqonayaa, kaa xoog badni iyo waxaan rabo aan samaynaa haddii kale waa la isu gacan qaadaa. Bal ciyaal weero miyaaa?. Waxa uu soo wado Ina Farmaajo ayaa ka badan oo qaab darro ah,” ayuu yiri.

Wasiir Fiqi oo asaguna arrintaas ka hadlay ayaa dalbaday in sharciga la hor-geeyo shaqsiyaadka bur-buriyey hantida guud ee umadda, dhaawaca u geystay shaqaalihii hey’adda socdaalka, argagixiyey dadkii sodcaalka ahaa, islamarkaana cuuryaamiyey shaqadii garoonka.

“Marka koox xukun heysata gabalkeedu uu sii dhacayo, waxay sharciga ku qaataan gacmahooda, waxaana yaraata isla xisaabtanka iyo kala danbaynta, mararka qaarkoodna dhaqan waalli ah ayay la soo baxaan, waa midda ka muuqata garoonka Aadan Cadde.”

Si kastaba, siyaasiyiintaan ayaa dhamaantood dhacdadii maanta ka dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho dusha u saaray madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo Taliyaha NISA, kuwaasi oo ay sheegen inay muddooyinkii dambe ku howlanaayeen soo saarista ciidamo noocan ah.

Xiisadan Garoonka ayaa lagu soo warramayaa inay ka dhalatay, kadib markii shaqaalaha garoonka iyo ciidanka NISA ay isku qabteen dad ajaaniib ah oo NISA u socday, kuwaas oo loo diiday inay gudaha usoo galaan dalka, iyadoo aan la hubin waxa ay yihiin iyo ujeedka socdaalkooda.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in goobta ay shaqaaqadu ka dhacday uu goor dambe tegay taliyaha hay’adda socdaalka jinsiyadaha, Maxamed Aadan Koofi oo xalliyey arrintaasi, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa garoonka Aadan Cadde.


Daawo: Rooble iyo Wasiirka Amniga oo war kasoo saaray shaqaaqadii ka dhacday garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay dhacdadii maanta ka dhacday Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ee ay isugu gacan qaadeen ciidamada NISA iyo shaqaalaha hay’adda socdaalka.

Rooble ayaa “wax aan la aqbali karin” ku tilmaamay falkii ka dhacay Garoonka, kaasi oo horseeday inay istaagaan qaar ka mid ah shaqooyinkii garoonka

“Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso in ay baaritaan deg-deg ah ku sameeyaan falkaas si dhaqso ahna sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda.

Dhinaca kale, Sii-hayaha Wasiirka Amniga, Xasan Xundubeey ayaa dhinaciisa sheegay in mas’uuliyiinta dowladda federaalka ay amreen inay tallaabo ka qaadan shaqsiyaadkii ku lugta lahaa dhacdadaas oo si weyn loogu baahiyey baraha bulshada.

“Anaga oo fulineyna amarka madaxweynaha iyo kan ra’iisal wasaaraha waxaan talaabo sharci ah ka qaadi doon cid walba oo ay ku cadaato in ay qeyb ka aheyd shaqaaqadii ka dhacday garoonka,” ayuu yiri Wasiir Xundubeey.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in dhacdo noocaas oo kale ah aysan kusoo laaban doonin Garoonka Muqdisho oo ah midka ugu caalamisan ee dalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu shacabka Soomaaliyeed ka raali-geliyay muuqaladii foosha xumaa ee muujinayey wixii ka dhacay Garoonka, kuwaasi oo laga dheehan karayey qaabka arxan-daradda ah ee loo garaacay shaqaalaha waaxda hay’adda socdaalka.

Hadalkaan ayaa imanaya xili ay siyaasiyiinta mucaaridka si weyn ugu dhaliileen madaxda waqtigoodu dhamaaday dhacdada ka dhacday Garoonka, taasi oo ay ku sifeeyeen natiijada ka dhalata marka laga baxo xayndaabka sharciyadda.

Hoos ka daawo Xundubey

DF oo digniin kasoo saartay qorshe ay sheegtay inay wadaan Jabuuti iyo Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd soo saartay digniin culus oo ku socota dalalka Jabuui iyo Kenya oo ay ku eedeysay “xad-gudub iyo faro-gelin ka dhan ah arrimaha gudaha dalka”.

Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Dubbe oo warbaahinta dowladda kasoo muuqday ayaa sheegay in dowladda waqtigeedu dhamaaday aysan marnaba aqbaleyn in la faro-geliyo go’aamada kasoo baxaya Midowga Afrika ee ku aadan xaalada dalka, taasi oo uu sheegay inay wadaan Jabuuti iyo Kenya.

“Dowladda waxay ka digaysa xogaha xasaasiga ah ee hordhaca ah oo xaqiijinaya in dowladaha Kenya iyo Jabuuti ay ka dhex wadaan olole diblumaasiyadeed oo xubnaha guddiga amniga iyo nabada afrika kaga dhaadhicinayaan soo jeedin qoddobo ay rabaan in lagu daro qoraalka la doonayo in uu soo saaro guddiga amniga iyo nabad ee Midowga Afrika,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in marnaba aysan aqbaleyn dowladda waqtigeedu dhamaaday in meesha laga saaro qaraarkii Golaha Shacabka uu muddo kororsiga ugu sameeyay Farmaajo, kaasi oo uga sii darey xiisadii doorashada.

Dubbe ayaa waxa uu sheegay in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu Midowga Afrika u gudbiyay in ayada oo la meel-marinayo qaraarkii Golaha Shacabka la dhameeyo khilaafka doorashada ee ka dhex aloosan dhinacyada isku haya siyaasada dalka.

“Dowladda Soomaaliya waxay ka digaysa waxkasta oo taabanay gobonimada iyo madax-banaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyada, waxayna kasoo horjeeda in dowladdo xubno ka ah guddiga oo Soomaaliya kala dhaxeyso xurguf siyaasadeed ay guddiga amniga iyo nabada ee Midowga Afrika u adeegsadaan ku xad-gudubka gobonimada iyo madax-banaanida Soomaaliya.”

“Soomaaliya waxay si cad u sheegaysa inaysan cidna ka aqbaleyn ku xad-gudubka arrimaha gudaha Soomaaliya, taasi oo kasoo horjeeda xeerkii iyo sharciyadii lagu aas-aasay ururka Midowga Afrika oo Soomaaliye qeyb ku laheyd aas-aaskiisa iyo taabo-gelintiisa.”

Sii-hayaha wasiirka warfaafinta ayaa ugu dambeyntiina sheegay inay dowladda waqtigeedu dhamaaday ay soo dhaweynayso “cidkasta oo gacan ka siinaysa sida ay dalka uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah,” ayada oo la ixtiraamayo madax-banaanida dalka, sida uu sheegay.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ayaa dhawaan codsi la xiriira dhex-dhexaadinta mucaaridka u gudbiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi oo ah hogaamiyaha Midowga Afrika, wada-hadaladaas oo ay diideen Madasha Badbaado Qaran, oo ayadu sheegtay in isku dayga uu yahay mid Farmaajo uu dadka ku maaweelinayo, waqtigana kusii dheereysanayo.

Farmaajo ayaa u muuqda mid raba inuu wada-hadal la galo siyaasiyiinta ay isku hayaan doorashada, ayada oo aan “wax is-bedel ah lagu sameynayn qaraarkii Golaha Shacabka”, oo ay ka hor-imaadeen Musharaxiinta mucaaridka, beesha caalamka iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Lamana oga halka ay wax sal dhigan doonaan.

Hoos ka daawo Dubbe

Maxaa kasoo baxay kulankii Midowga Afrika ee is-mari waaga doorashada Somalia?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika oo kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda adag ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in muhiimadda koobaad la siiyo sii amba-qaadida wada-hadallada xalka loogu raadinayo is mari-waaga siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka.

Shirkan oo ku qabsoomay Aaladda Zoom-ka ayaa golaha amniga iyo nabadda Midowga marka hore wuxuu warbixin uga dhageystay ergayga Midowga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, kaas oo ka hadlay arrimihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo doorashada.

Sidoo kale waxaa kulankan qeyb ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo metalayey dowladda federaalka ah, kana hadlay doorka xukuumadda ee xal raadinta.

Golaha ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo saamileyda kale inay mudnaanta siiyaan wada-hadal loo dhan yahay, si loo gaaro heshiis buuxa.

Bankole Adeoye oo ah guddoomiyaha golaha amniga iyo nabadda Midowga Afrika oo isna ka hadlay madasha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin inay ka qeyb-qaataan dadaallada socda, gaar ahaan fududeynta wada-hadallo dhex-mara Soomaalida.

“Waxaan caddeeyey in guddiga Midowga Africa diyaar u yihiin inay fududeeyaan wada-hadal wax ku ool ah oo dhex-mara dhinacyada Soomaalida, si looga gudbi is mari-waaga siyaasadeed ee haatan Jira,” ayuu yiri Bankole Adeoye.

Midowga Afrika qoraalkan marnaba kuma soo hadal qaadin go’aankii baarlamaanka ee muddo kordhinta, balse wuxuu ka mid ahaa ururadii ka horyimid talaabadaasi.

Si kastaba dhowaan ayey aheyd markii madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday oo booqasho ku tegay dalka Kongo uu ka dalbaday madaxweynaha dalkaasi oo sidoo kale guddoomiyaha Midowga Africa inuu dhexdhexaadiyo dhinacyada Soomaalida ee isku haya doorashooyinka.

Wararkii ugu dambeeyey shaqaaqo maanta ka dhacday garoonka Muqdisho + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in barqanimadii maanta ay ka dhacday shaqaaqo u dhexeysay ciidamo ka tirsan NISA iyo shaqaalaha waaxda hay’adda socdaalka.

Shaqaaqadan oo sababtay gacan ka hadal ayaa lagu soo warramayaa inay sidoo kale dhalisay in muddo kooban ay hakad gasho shaqada garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale waxaa gacan ka hadal-kaasi ka dhashay xaalad halis ah, waxaana dhaawacyo fudud ay soo gaareen qaar ka mid ah shaqaalaha, halka ay burbureen agabyo yaallay xafiisyada lagu dhex-dagaalamay ee gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Xiisadan ayaa lagu soo warramayaa inay ka dhalatay, kadib markii shaqaalaha garoonka iyo ciidanka NISA ay isku qabteen dad ajaaniib ah oo NISA u socday, kuwaas oo loo diiday inay gudaha usoo galaan dalka, iyadoo aan la hubin waxa ay yihiin iyo ujeedka socdaalkooda.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in goobta ay shaqaaqadu ka dhacday uu goor dambe tegay taliyaha hay’adda socdaalka jinsiyadaha, Maxamed Aadan Koofi oo xalliyey arrintaasi, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa garoonka Aadan Cadde.

Arrintan ayaa sababtay walaac xoogleh oo soo wajahay shaqaalaha kala duwan ee garoonka ka howl-gala dadka kale ee safraya ama kasoo dagaya garoonka Muqdisho.


Dr. Buurane oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay goordhow xaafadda Albaraka ku toogteen Dr. Xasan Cismaan Ciise (Buurane) oo ka mid ahaa dhaqaatiirta caanka ee Soomaaliyeed ee ka howl-gala gudaha magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in dhaqtarka la dilay, isaga oo horfadhiyey guri uu leeyahay oo uu dhisme ka socday, kaas oo ku yaalla isla xarunta uu ka howl-galo ee Albaraka.

Dhaqtar Buurane oo ku taqasusay xanuunada maqaarka ayaa 30 sano ka badan kusoo jiray howlaha caafimaadka, wuxuuna mar soo noqday agaasimaha isbitaalka Madiina.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey falkan ay goobta isaga baxsadeen toogashada, kadib waxaana halkaasi tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta loo dilay dhaqtarka oo si weyn caan uga ahaa gayiga Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca koonfurta ee dalka.

AUN Dr Buurane ayaa si bilaash ah ku daaweyn jiray dadka danyarta ah wuxuuna ka mid ahaa dhaqaatiirtii aan dalka ka bixin intiii ay socdeen dagaalladii sokeeye.

Dilkan qorsheysan ayaa sidoo kale qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii dambe siyaabo kala duwan uga dhacayey magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Madasha Badbaado Qaran oo shuruud adag u gudbisay Golaha Ammaanka Midowga Afrika kahor kulanka maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Badbaado Qaran ayaa qoraal u dirtay Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika oo maanta kulan ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya, qoraalkaas oo la mariyey safiirka Jabuuti ee Ethiopia Mohamed Idriss Farah, oo ah guddoomiyaha iminka ee golahaas.  

Kulanka Golaha ee maanta ayaa la filayaa in looga hadlo isku day Midowga Afrika ku doonayo inuu ku dhex-dhexaadiyo dhinacyada Soomaalida, kadib cadaasi ka yimid beesha caalamka oo keenay in Farmaajo uu dalbado dhex-dhexaadintaas.

Qoraalkan ayey Madasha ku sheegtay inay soo dhoweeneyso dhex-dhexaadin dibadeed oo loo sameeyo dhinacyada Soomaalida, hase yeeshee waxay sheegtay in wada-hadal kasta ay qasab tahay in saldhig loogu dhigo diidmada muddo kororsiga sharci-darrada ah ee labada sano, iyo ku laabashada wada-hadallo ku saabsan fulinta heshiiskii 17-ka September ee doorashooyinka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu caqabad ku yahay inay dalka ka dhacaan doorashooyin daah-furan, nabad ah oo loo dhan yahay, uuna isku dayayo inuu awood u adeegsado ficillo dalka waxyeello gaarsiinaya.

“Sidaas darteed waxana ku baaqeynaa in Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika uu qaado tallaabo deg deg ah oo looga hortagayo in arrintan ay noqoto mid dhab ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalkaa ayaa intaas ku daray in tallaabada ay qaadeen baarlamanka Soomaaliya ay aheyd mid aan sharci-darro kaliya aheyn, balse ay sidoo kale ka hor-imaneyso dastuurka, maadaama golaha shacabka muddo xileedkiisu dhamaaday, uu muddo kororsiga ku ansixiyey ayada oo aanu kooramka buuxin iyo in Aqalka Sare uusan ansixin.

Waxay tallaabadaas ku qeexaan mid dambi ah, oo musuq maasuq ah, taasi oo halis gelineysa xasilloonida aan cagaha adag ku taagneyn ee dalka.

CC Shakuur oo soo iibsaday gaadiid dagaal iyo hub badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay in uu soo iibsaday gaadiid dagaal iyo hub faro badan oo uu isku difaaco, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo xog ogaal ah. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu soo iibsaday gaadiid gaaraya ilaa 8 gaari oo kuwa dagaalka ah, iyadoo ay hore ugu yiileen gaadiid dagaal oo kale. 

Sidoo kale xogta ayaa tilmaameysa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu soo iibsaday hub u badan BKM, Sabanka, iyo qoryaha dhashiikaha ah ee gaadiidka la saaro iyo hubka fudud. 

Arrimahaan ayaa ka dambeeyay kadib markii ay magaalada Muqdisho gashay xaalad amni oo hubinti la’aan ah, taas oo ka dhalatay muranka doorashada Soomaaliya, lagana cabsi qabo in dowladda ay weerarto mucaaradka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo kamid ah Murashaxiinta mucaaradka ah kuwa ugu cad cad, ayaa sidoo kale waxa uu ugu horreeyaa siyaasiinta Hawiye ee diidan muddo korarsiga sharci-darrada ah ee madaxweyne Farmaajo. 

Wali magaalada Muqdisho waxaa ka jira dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, iyadoo aysan jirin wax dedaal ah oo socda islamarkaana lagu raadinayo xalka doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Golaha Ammaanka oo war kasoo saaray xaaladda Soomaaliya

0

New York (Caasimada Online) – Ergayga joogtada ah ee Vietnam u jooga Qaramada Midoobay, ahna madaxweynaha Golaha Ammaanka ee bisha April, Danjire Dang Dinh Quy oo ka hadlayey fadhiga golaha ammaanka ayaa soo hadal qaaday xaaladda adag ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka hareeyey doorashooyinka dalka.

Danjire Dang Dinh Quy ayaa marka hore shaaca ka qaaday in Vietnam ay walaac xoog leh ka muujineyso xaaladda murugsan ee Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in sii socoshada khilaafkan uu caqabad ku noqon doonta hanaanka loo wajahayo doorashada 2021-ka.

Dang Dinh Quy ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loo bilaabo wada-hadalladii ku saabsanaa ee doorashooyinka ee u dhexeeyey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo sidoo kale gobolka Banaadir.

Waxa kale oo intaasi ku daray in Vietnam ay taageereyso dadaallada socda ee horey loogu sii amba-qaado nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

“Vietnam waxa ay taageertaa dadaallada dadka Soomaaliyeed ee nabadda, xasilloonida iyo horumarka” ayuu yiri Ergayga oogtada ah ee Vietnam u jooga Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay qaadato doorkeeda, isla-markaana ay gacan ka geysato dadaallada lagu dhameynayo xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Xamar Jajab, kadib dilkii Maxamed Xayle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta guddoomiye cusub u magacaabay maamulka degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday xafiiska duqa Muqdisho ayaa waxaa xil-kan loogu magacaabay inuu qabto Mucaawiye Sheekh Axmed Muudey, kaas oo ah nin dhalinyaro ah.

Mucaawiye ayaa bedalaya guddoomiyihii hore ee degmada Xamar Jajab Marxuum Maxamed Cabdi Xayle oo 17-kii bishan April lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Cumar Filish ayaa faray guddoomiyaha cusub inuu si deg-deg ah ula wareego xil-ka, isagoona sidoo kale amray saraakiisha laamaha ammaanka inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub oo horey u ahaa wariye ka howl-gala gudaha magaalada Muqdisho.

Magacaabistaan ayaa kusoo aadeyso, iyadoo aan weli lasoo bandhigin natiijada baaritaanka dilkii loo geystay AUN Marxuum Xayle oo si arxan darro ahaa loogu dilay Sarkuusta.

Xog: Beesha caalamka oo Farmaajo ku cadaadineysa inuu sameeyo laba midkood

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay in la saaray cadaadiskii ugu dambeeyay ee dhinaca beesha caalamka, iyadoo shirar gaar gaar ah oo laga yeeshay xaaladda Soomaaliya laga soo saaray farriimo adag. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xubno sare oo ka tirsan QM, Midowga Yurub, Midowga Afrika, dowladaha Mareykanka iyo UK ay Madaxweyne Farmaajo hor dhigeen laba qodob oo kala ah. 

1- In uu dib ugu laabto shirkii looga hadlayay arrimaha doorashada Soomaaliya ee teendhada Afisyoone, islamarkaana uu xaliyo khilaafka doorashada Soomaaliya.

2-  In uu iscasilo haddii uu diido ku laabashada shirka ama uu xalin waayo muranka doorashada Soomaaliya oo gaaray heerkii ugu sarreeyay.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Farmaajo uu saaran yahay culeys xooggan oo dhanka dibadda ah. Sidoo kale xogta ayaa sheegeysa in si isdaba joogb ah ay ula soo xariiraan wakiilada beesha caalamka ee dalalka Mareykanka, UK iyo France iyo ururada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya. 

Kulankii Golaha amaanka ee QM xalay ka yeesheen arrimaha Soomaaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa loo oo jeediyay saddex qodob, kuwaas oo kala. 

1- In dowladda  iyo maamulada dalka ay ku laabtaan shirkii Afisyooni. 2- In la dhaqan geliyo heshiiskii 17-Sep, ee doorashada Soomaaliya. 3- Iyo in la saxiixo is afgaradkii guddi ee Baydhabo lagu gaaray 16-kii Feb ee sanadkaan, kaas oo ku aadanaa doorashada Soomaaliya. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu warramayaa inuu weli ka dhego adeegayo inuu ka laabto muddo kororsiga, mana cadda sida ay xalaaddan ku dhammaan doonto.

Puntland oo go’aan 7 qodob ah ka qaadatay xaaladda doorashada Soomaaliya

Garowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa go’aan ka kooban 7 qodob kasoo saaray xaaladda doorashada Soomaaliya, iyo muddo kororsigii ay sameysteen hay’adaha dowladda federaalka iyo Farmaajo. Hoos ka aqriso qoraalka Puntland.

Go’aanka Dowladda Puntland ee Xaaladda Doorashada Soomaaliya. 

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay u taagan tahay mabaadiida dowladnimada Puntland si waafaqsan Dastuurka Puntland iyo kan Dowladda Federaalka ah ee Puntland xubinta ka tahay. Dowladda Puntland waxay sidoo kale illaalisaa masiirka geeddi socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya ee ku dhisan hannaanka federaalka ah, dimuqraadina ah. 

Kadib tillaabadii sharci darrada ahayd ee qeyb kamid ah Xildhibaanadii Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday 26 December 2020 ku dhawaaqeen 12 April 2021 ee ay muddo kororsiga ugu sameeyeen hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka. Golayaasha Puntland waxay wadatashi ka yeesheen xaaladda cakiran ee marxaladda kala guurka ah ee uu Dalku marayo. Sidoo kale Dowladda Puntland waxay wadatashi la yeelatay Uruurada Siyaasadda, Bulshada Rayidka ah, Aqoonyahanka iyo qaybaha kale ee bulshada Puntland. 

Ka dib markii la tixgaliyey go’aankii Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland ee soo baxay 17 April 2021.

Ka dib markii la arkay Xeerka tirsigiisu yahay 10 ee soo baxay 30 July 2000 ee ilaalinaya doorka Puntland ee nidaamka dowlad dhiska Soomaaliya.

Dowladda Puntland iyadoo tixgelinaysa talooyinka hay’adaha Dowladda Puntland iyo qaybaha bulshada, kana duuleysa baahida loo qabo ilaalinta midnimadda, Xasiloonida iyo horumarka geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya, waxay qaadatay go’aanada soo socda.

1- Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ma aqoonsana tilaabaadii sharci darrada ahayd ee Golaha Shacabka Federaalka ee 10_aad ee muddo xileedkoodii dhammaaday ku meel mariyeen waxay ugu yeereen xeerka jiheynta doorashada iyo muddo kororsiga hay’adaha Federaalka ee dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 

2- Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in heshiiskii 17 September 2020 uu yahay hannaanka kaliya ee heshiiska lagu yahay si loo qabto doorashada Federaalka, iyadoo Ia xalinayo caqabadaha hortaagan fulinta heshiiskaas si loo gaaro doorasho si nabad ah, wada oggolna ah ku dhacda. 

3- Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa Saxiixayaashii heshiiskii 17 September 2020, Saamileyda Siyaasadeed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya hormarka siyaasadda Soomaaliya in miiska wada hadalka lagu soo noqdo sida ugu dhaqsaha badan si loo soo afjaro xaaladda hubanti la’aanta dowladeed, loogana hortago khal khal amni iyo burbur dowladnimo 

4- Haddii ay dhici weydo in dib loogu soo laabto miiska wada hadalka, Dowladda Puntland, iyadoo ka duuleysa go’aanadii shirweynaha Puntland ee 17 March 2020, waxay Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba Ia wadaagi doontaa tillaabada ku haboon ee la qaadi karo si loo badbaadiyo masiirka dowladnimo dhiska Soomaaliya iyo danaha gaar ahaaneed ee Dowladda iyo Shacabka Puntland. 

5-Dowladda Puntland waxay dadka Soomaaliyeed ugu yeeraysaa in la illaaliyo midnimada, wadajirka, lana badbaadiyo mabaadiida geeddi socodka dowladnimo dhiska Soomaaliya ee ku dhisan hannaanka federaalka ah iyo dimuqraadiyadda. 

6- Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Shacabka Puntland in ay illaaliyaan midnimadooda dastuuriga ah, amniga iyo xasiloonida Puntland. Dowladda Puntland waxay tillaabo sharciga waafaqsan ka qaadeysaa cid kasta oo isku deyda in ay xasilooni darro ka abuurto Puntland. 

7- Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa cid kasta oo ka qeyb qaadaneysa xal u helista xaaladda cakiran ee ka jirta Soomaaliya.

Xog: DF oo ciidamo dheeraad ah geysay wasaaradda warfaafinta xilli ay cabsi jirto

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Koofiya-casta ee ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya iyo xarumaha ka agdhow ayaa ciidan dheeraad ah geeyay dhismaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo ku taalla kasoo hor jeedka taliska booliska Soomaaliya ee Kumaanda Buluusiya. 

Ciidankaan dheeraadka ah ee la geeyay ayaa la sheegay in ay xoojin doonaan ciidan kooban oo markii hore halkaasi ku sugnaa, kuwaas oo ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxtooyada, waxaana arrintaan lagu sheegay amar ka soo baxay Villa Somalia. 

Ciidanka dheeraadka ah ee maalmo kahor la geeyay dhismaha Wasaaradda Warfaafinta oo ay ku dhax yaalaan xarumaha Warbaahinta Qaranka, sida SNTV, Radio Muqdisho, SONNA iyo Radio SNA ayaa ah ciidan haysta hub culus iyo mid fudud. 

Qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta iyo agaasimayaasha wasaaradda ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidankaan wasaaradda lagu soo kordhiyay markii ay Golaha Shacabka Muqdisho kaga dhawaaqeen muddo korarsiga dowladda islamarkaana uu dowladda ka goostay Janaraal Saadaq Joon. 

Khubarada amniga ayaa qaba in dowladu ka baqday afgambi ka dhaca Muqdisho, oo Farmaajo looga qaado xukunka sharci-darrada ah ee u uku joogo Villa Somalia.

Badanaa markii ay ciidamada sameeyaan afgambi waxay ka billaabaan Warbaahinta Qaranka, xarumaha Madaxtooyada iyo baarlamaanka, waana sababta ay dowladda u adkeysay ammaanka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. 

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika iyo ninkii dilay oo la toogtay

0

Cape Town (Caasimada Online) – Wararka laga helayo wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay muwaadin Soomaali ah oo sidoo kale ka mid ah ganacsatada ku dhaqan gudaha dalkaasi lagu dilay duleedka magaalada Cape Town.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Cabdullahi Gacaney ayaa dilkiisu waxa uu ka dhacay tuulada Khayelitsha oo ka tirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in muwaadinkaasi Soomaaliyeed oo dhalinyaro ahaa in lagu dhex dilay goobtiisa ganacsi, xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo maalmeed.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalkaasi ayaa sidoo kale shaaciyey in isna toogasho lagu dilay ninkii dambeeyey falkaasi oo isku dayey inuu baxsado.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika oo baaritaano kooban ka sameeyey xaafadda uu dilku ka dhacay, balse ka aysan hadlin.

Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayey dilka, dhaawaca iyo boobka hantiyeed ee loo geysnayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan Koonfur Afrika.

Golaha Hoggaaminta beesha Habargidir oo war kasoo saaray xaaladda dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Hoggaaminta beelaha Habargidir ayaa lagu sheegay in madaxda waqtigu ka dhamaaday ee  dowladda federaalka ay khilaaf ka dhex abuurayaan golaha dhexdiisa, iyadoo arrintaas aad loogu dhaleeceeyey qoralkaan.

“Waxaan ogsoonahay in abaabul xoogan oo lagu kala dhantaalayo awooda golaha mudaba uu ka soctay xaafiisyada dowladda waqtigeedu dhamaaday, iyadoo qaar kamid ah xubnaha golaha laga hadalsiinayo, loona isticmaalayo dano guracan, waa in ay ogaadaan xubnaha golaha in xeer qaba doono, cid kasta oo ku xad gudubta danta guud ee loo aas-aasay Golaha Hogaaminta Habaragidir,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedka oo dheer ayaa intaas ku sii daray, “GHH himaladli iyo Hilgsigii uu u qabay doorashada Soomaaliya waxay ahayd in shacabka Soomaaliyeed helaan doorasho hufan, xalaal ah, la isla ogolyahay, isla marahaantaasna lagula kala wareego xukunka si nabadgalyo ah, oo dhamaan saamilayda siyaasada Soomaaliya laga tixgaliyo, si looga gudbo dib u dhaca iyo xasarad dalka ka dhacda.”`

Golaha Hoggaaminta beelaha Habargidir ayaa sidoo kale qoraalkaan ku sheegay inay u muuqato khatar siyaadeed iyo mid amni oo ku gedaaman habraacii ‘sharciga baalmarsanaa ee uu ku dhaqaaqay Golaha Shacabka baarlamaaka Soomaaliya’ kaas oo mudo kordhin u sameeyey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday, halka madaxweynuhuna uu deg deg ku saxiixay.

“ GHH waxaa uu ka digayaa khatarta kor aan kusoo xusnay oo umadda Soomaaliyeed ku yeelan karta saameyn taban oo aan si dhow looga soo kabsa karin, wax kasta oo ka yimaada isku dhajinta kursiga oo halis ku ah dalkeena kasoo banaya qalalaase 3o-sano jirsaday, waxaa masuuliyadeeda qaadi doona madaxwaynaha iyo hogaanka golaha shacabka ee muda xileedkoodii sharciga ahaa wada dhamaaday,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Golaha Hoggaaminta beelaha Habargidir ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada in xiligaan adag ay badbaadiyaan dalka iyo dadka Soomaallyeed, iyagoo kaashanaya saamileyda kale ee siyaasadda iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan.

“Waxaa uu qayb ahaa Golaha Hoggaaminta beelaha Habargidir, soona dhawaynayaa wixii ka soo baxay shirweynilhii beelaha Hawiye ee Isniintii shalay Muqdisho ka dhacay,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Xog: Sababta ay Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ay uga baaqdeen shirkii Hawiye

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya sababta rasmiga ah ee Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uga baaqdeen shirkii beelaha Hawiye, oo la filayey inay uga dhowaaqeen mowqifkooda ku aadan muddo kororsiga Farmaajo.

Sida aan xogta ku helnay, Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa xubnaha mucaaradka ah u sheegay in ay dib ugu laaban doonaan degaanadooda islamarkaana ay kulamo la qaadan doonaan baarlamaanka, golaha wasiirada iyo ururada bulshada rayidka, islamarkaana ay kadib caddeyn doonaan mowqifkooda ku aadan arrinta muddo korarsiga. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameyso in labadaan Madaxweyne ay u sheegeen mucaaradka in ay soo saari doonaan war-saxaafadeed wadajir ah, islamarkaana aysan ka qeyb geli karin shirkii aaya ka tashiga Hawiye iyagoo aan wadatashiyo la sameynin maamulada ay matalaan. 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha mucaaradka ah ay ku qanceen hadalka labada madaxweyne, islamarkaana ay ka qabaan rajo wanaagsan in ay helaan mowqifkooda ku aadan arrimaha doorashada Soomaaliya. 

Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shalay ka baaqsaday shirkii aaya ka tashiga Hawiye, waxaana soo baxayay warar sheegaya in ay uga baaqdeen cadaadis uga yimid dhinaca Villa Somalia oo shirkaasi diidaneed. 

Beel Weynta Hawiye ayaa shalay si cad u diiday muddo korarsiga Madaxweyne Farmaajo, waxaana shirkaas ka maqnaa Madaxweyne Galmudug iyo HirShabeelle oo shirka la rajeynayay in ay ka soo qeyb galaan maadaama ay beesho degto degaanada iyo meelo kale oo Soomaaliya kamid ah. 

IGAD oo war kasoo saartay wada-hadallada cusub ee laga qorsheynayo Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Urur Goboleedka IGAD ayaa goordhoweyd war-murtiyeed kasoo saaray xaalada dalka, gaar ahaan dalabkii uu dhawaan madaxeynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo u gudbiyay guddoomiyaha Midowga Afrika ee madaxweyne Congo, Felix Tshisekedi.

IGAD ayaa soo dhaweeysay “hindisaha la soo jeediyay ee dib wada-hadalada loogu bilaabayo Saamileyda siyaasadda dalka,” si loo xalliyo xaalada cakiran ee ka taagan siyaasadda Soomaaliya.

Waxay sheegtay in dhinacyada is-diidan ee saamileyda siyaasada ay fursad siiyaan hidisahaan cusub, si loo galo wada-hadal furan oo miro-dhal ah.

“IGAD waxay markale ku celinaysa in wada-hadalku uu weli yahay midka ugu fiican ee isku-xirnaanta qaran, siyaasad loo dhan yahay, dhismaha nabadda, dib-u-heshiisiinta, amniga aadanaha iyo xasilloonida,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay IGAD.

Sidoo kale waxay hogaamiyeyaasha IGAD ugu baaqeen siyaasiyiinta Soomaalida inay is-xakameeyaan oo ay ka fogaadaan talaabo kasta oo sii xoojin karta xiisada taagan, midaasi oo keeni karta isku dhac dhex-mara dhinacyada is-diidan.

“Waxa ku boorineyna dhamaan daneeyayaasha inay fursad siiyaan hindisaha cusub, oo dib loogu celiyo meel furan, ayada oo la galayo wada-hadal hufan oo wax ku ool ah, kaasi oo dan u ah dadka Soomaaliyeed iyo in hore looga socdo dib u dhaca siyaasadeed.”

Si kastaba, wada-hadallada ay IGAD boorineyso ayaa waxaa hore u diiday Madasha Badbaado Qaran, ayada oo sheegtay in isku dayga uu yahay mid Farmaajo uu dadka ku maaweelinayo, waqtigana kusii dheereysanayo.

Qoraalka IGAD ayaa imanaya xili uu dhawaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday u ambabaxay dalka DR Congo, kana codsaday madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi inuu dhex-dhexaadiyo saamileyda Soomaalida ee ku muransan arrimaha doorashada.

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya iyo madaxtooyada DRC ayaa sidoo kale qoraalo ay soo saareen ku xaqiijiyey in Farmaajo doonayo in madaxweyne Félix Tshisekedi uu saamileyda Soomaalida u qabto wada-hadallo lagu gaaro heshiis doorasho, oo aan la shaacin nooca ay yihiin.

Xaalada Soomaaliya ayaa kasii dartay, tan iyo markii uu soo baxay qaraarka Golaha Shacabka ee uu muddo kororsiga ugu sameeyay Farmaajo, lamana oga in saamileyda siyaasaddu ay aqbali doonaan wada-hadal dhex-mara madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday oo asagu sii dheereystay xukunka dalka.