27.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 15, 2026

IGAD oo war kasoo saartay wada-hadallada cusub ee laga qorsheynayo Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Urur Goboleedka IGAD ayaa goordhoweyd war-murtiyeed kasoo saaray xaalada dalka, gaar ahaan dalabkii uu dhawaan madaxeynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo u gudbiyay guddoomiyaha Midowga Afrika ee madaxweyne Congo, Felix Tshisekedi.

IGAD ayaa soo dhaweeysay “hindisaha la soo jeediyay ee dib wada-hadalada loogu bilaabayo Saamileyda siyaasadda dalka,” si loo xalliyo xaalada cakiran ee ka taagan siyaasadda Soomaaliya.

Waxay sheegtay in dhinacyada is-diidan ee saamileyda siyaasada ay fursad siiyaan hidisahaan cusub, si loo galo wada-hadal furan oo miro-dhal ah.

“IGAD waxay markale ku celinaysa in wada-hadalku uu weli yahay midka ugu fiican ee isku-xirnaanta qaran, siyaasad loo dhan yahay, dhismaha nabadda, dib-u-heshiisiinta, amniga aadanaha iyo xasilloonida,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay IGAD.

Sidoo kale waxay hogaamiyeyaasha IGAD ugu baaqeen siyaasiyiinta Soomaalida inay is-xakameeyaan oo ay ka fogaadaan talaabo kasta oo sii xoojin karta xiisada taagan, midaasi oo keeni karta isku dhac dhex-mara dhinacyada is-diidan.

“Waxa ku boorineyna dhamaan daneeyayaasha inay fursad siiyaan hindisaha cusub, oo dib loogu celiyo meel furan, ayada oo la galayo wada-hadal hufan oo wax ku ool ah, kaasi oo dan u ah dadka Soomaaliyeed iyo in hore looga socdo dib u dhaca siyaasadeed.”

Si kastaba, wada-hadallada ay IGAD boorineyso ayaa waxaa hore u diiday Madasha Badbaado Qaran, ayada oo sheegtay in isku dayga uu yahay mid Farmaajo uu dadka ku maaweelinayo, waqtigana kusii dheereysanayo.

Qoraalka IGAD ayaa imanaya xili uu dhawaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday u ambabaxay dalka DR Congo, kana codsaday madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi inuu dhex-dhexaadiyo saamileyda Soomaalida ee ku muransan arrimaha doorashada.

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya iyo madaxtooyada DRC ayaa sidoo kale qoraalo ay soo saareen ku xaqiijiyey in Farmaajo doonayo in madaxweyne Félix Tshisekedi uu saamileyda Soomaalida u qabto wada-hadallo lagu gaaro heshiis doorasho, oo aan la shaacin nooca ay yihiin.

Xaalada Soomaaliya ayaa kasii dartay, tan iyo markii uu soo baxay qaraarka Golaha Shacabka ee uu muddo kororsiga ugu sameeyay Farmaajo, lamana oga in saamileyda siyaasaddu ay aqbali doonaan wada-hadal dhex-mara madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday oo asagu sii dheereystay xukunka dalka.

Odowaa oo weerar culus ku qaaday QOOR-QOOR

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Odowaa, xoghayaha Madasha Xisbiyada Qaran oo sidoo kalena ah mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Qoor-Qoor oo xulufo dhow la’ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Odowaa ayaa waxa uu Qoor-Qoor ku eedeyay amni darada ka taagan deegaanada maamulkiisa, xili uu muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu sheegay inuu u joogay meel-marinta muddo kororsiga sharci darada ah ee Farmaajo.

“Farmaajo musiibada uu dalkan u horseeday kuma sinna inuu duminaayo dowladdii federaalka aheyd ee 20 sano lasoo dhisaayay, balse wuxuu sidoo kale duminayaa dowlad goboleedyadii dalka. Madaxda dowlad goboleedyada uu isagu dhistay (Farmaajo), kuraastana u boobay, ayaa dhowr bilood waxay iska fadhiyaan Xamar, iyagoo aan wax war ah ka heyn dadkooda iyo deegaankooda,” ayuu yiri.

“Maalimihii lasoo dhaafay, Shabaab waxay qabsadeen dagmada Bacaadweyne oo ahayd magaalo muddo dhan kaligeed difaac ku jirtay, sidoo kale deegaanada Sinadhaqo iyo Labi Dulle oo ku yaalla duleedka koonfureed ee caasimadda Galmudug ee Dhuusmarreeb. Madaxweynihii Galmudug na wuxuu Xamar u joogaa inuu Farmaajo kala shaqeeyo muddo kororsi sharci darro ah. Waana sababta markii horeba loo geystay Galmudug.”

Odowaa ayaa madaxweynaha Galmudug ku canaantay ‘dayaca mas’uuliyadiisa’, maadama uusan gacan ku hayn amniga deegaanadiisa, balse taasi bedelkeeda uu ku howlan yahay ka shaqeynta damaca ‘Ninkii geystay Galmudug’, sida uu sheegay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa kamid ah maamulada saddexda ah ee taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, kuwaasi oo uu doorashadooda ku bixiyay dhaqaale badan, halka kuwa qaarkoodna uu u daadiyay dhiig aan la mahdin.

Xaalada dalka ayaa kasii dartay, tan iyo markii uu Golaha Shacabka meel-mariyay qaraar uu muddo kororsi ugu sameeyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo hay’addaha dowladda, kaasi oo ay si adag uga hor-yimaadeen mucaaridka, dhaqanka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland.

FARMAAJO oo ‘shahiid’ ku tilmaamay Idriss Deby

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay geeridii ku timid kaligii taliyihii dalka Chad Idriss Deby, oo shalay la dilay isagoo ka dagaalamaya jiidda hore ee dagaalka ay dowladiisa kula jirto mucaaradka

Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed, waxaan qaaradda Afrika kula biirayaa uga tacsiyeynta shacabka iyo dowladda Chad geeridii ku timid Madaxweyne Idriss Deby.”

“Idriss Deby wuxuu ahaa hoggaamiye dowli oo dhab ah, kuna weyneyd Afrikaanimada, wuxuu shahiiday isagoo difaacaya dadkiisa iyo dalkiisa,” ayuu yiri Farmaajo, oo qeexaya Deby oo ahaa kaligii taliye 30 sano awood iyo caburin ku xukumayey dalka Chad. .

Hadalka Farmaajo ayaa kuso aadayo xilli shalay war qoraal oo ku saabsanaa geerida Idriss lasoo geliyey oo warbaahinta dowladda si weyn loogu weerayey madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday iyadoo inta badan dadkii fikradaha ka dhiibtay ay dhahayeen “sidan oo kale ayaa u dambeysa kaligii taliye.”

Faallooyinkaas shacabka Soomaaliyeed ay bixiyeen ayaa keenay in qoraalkaas laga saaro baraha bulshada warbaahinta dowladda oo dhan, balse dib loo soo geliyey ayada oo laga soo reebay erayo ay ka mid ahaayeen inuu 30 sano kali-talis ahaa.

Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ayaa dhawaan sameystay muddo kordhin, waxaana lagu eedeeyey inuu doonayo inu xukunka kusii heysto awood taasoo ah dhaqan ay inta badan caan ku yihiin madaxda Afrika oo looga bartay inay isku dhajiyaan kursiga.

Hoobiyeyaal lagu garaacay xaafado u dhow Villa Somalia iyo khasaare ka dhashay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Tiro hoobiyeyaal ah oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa ay goordhow kusoo dhaceen xaafado ka tirsan degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabada ee Gobolka Banaadir.

Illaa afar Hoobiye ayaa lagu warramayaa in lagu duqeeyey gudaha degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere, waxaana ay ku kala dhaceen suuqii hore Warta Nabadda, Safaaradii hore ee Jarmalka, Xarunta Jodka Jilacow, Wasaaradii hore ee Caafimaadka iyo guryo kale oo dad rayid ah ay degan yihiin.

Gudaha Warta Nabadaa waxaa la xaqiijiyey geerida laba qof, halka dhaawacana uu intaasi ka badan yahay. Sidoo kale Hoobiyaasha ku dhacay Degmada Boondheere ayaa sababay khasaare, balse weli lama hayo tiro rasmi ah.

Sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Caasimada Online, mid kamid ah hobiyeyaasha ayaa ku dhacay Kaam ay daganaayeen dad barakacayaal ah, waxaana la xaqiijiyey inuu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Xaafadaha hoobiyeyaasha lagu garacay ayaa aad ugu dhow madaxtooyada Villa Somalia, mana jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan loo adeegsaday madaafiicda.

Inta badan weerarada noocaan oo kale ah waxaa looga bartay kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirto Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin weerarkaan, wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Insha Allah.

Saraakiil ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo duqeyn lagu khaarijiyey + Magacyada

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed oo xalay laga fuliyey qeybo ka mid ah gobolkaasi lagu dilay saraakiil sar sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo ay si wadajir u fuliyeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxibadooda caalamka ayaa waxaa lala bartilmaameedsay goono ay ku sugnaayeen saraakiisha oo ku yaalla tuulooyinka Tawakal iyo Ugunji oo hoosta deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi dhanka cirka lagu dilay illaa 3 sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Khaalid Cabdulaahi oo qaabilsanaa dhanka canshuurta, iyo Macalin yuusuf oo ka mid ahaa amniyaadka ka howl-gala gobolka Shabeelaha Hoose .

Sidoo kale warka kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay illaa dagaallame oo la joogay hoggaamiyeyaasha la khaarijiyey.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi la sheegay in khasaaraha xoogan lagu gaarsiiyey.

Ciidamada huwanta ayaa muddooyinkii la soo dhaafay si aad ah u xoojiyey howl-gallada iyo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Maxaa kasoo baxay shirkii golaha ammaanka ee is-mari waaga doorashada Somalia?

0

New York (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shir gaar ah ka yeeshay xaaladda adag ee Soomaaliya, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka iyo fashilka ku yimid wada-hadalladii ka socday Teendhada Afisyoone.

Kulankan oo ahaa mid uu albaabada u xirnaa ayaa waxaa marka hore warbixin looga dhageystay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, kadib golaha ayaa ka hadlay xaaladaha soo kordhay & khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Ugu horeyn Golaha Ammaanka ayaa shaaciyey in xalka kaliya uu ku jiro in dib loo soo celiyo wada-hadalladii doorashooyinka ee ka socday Afisyoone ee magaalada Muqdisho, balse ma jiro bayaan wadajir oo ay soo saareen 15-ka xubnood ee golaha ammaanka.

“Dariiqa kaliya ee u furan Soomaalida waa in dib loo billaabo wadahadalladii doorashada ee ku saleysanaa heshiiskii 17 September,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ergaga Norway ee Golaha Ammaanka.

Sidoo kale T. S. Tirumurti oo ah safiirka India ee Qaramada Midoobay ayaa dhankiisa qoraal kooban oo uu soo saaray kaga hadlay arrimaha Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay illaa afar qodob oo ay ka mid yihiin;

1-In Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleeydu ku laabtaan madasha wadahadalka.
2-in la hirgaliyo heshiiskii 17-kii September iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo.
3-in caqabadaha siyaasaddu ay dhiirragalinayaan Al-shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.
4-inay soo dhaweynayaan dadaallada Midowga Africa.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Soomaaliya ay gashay wejiga kale oo siyaasadeed, kadib markii Golaha Shacabka Soomaaliya uu ansixiyey muddo kordhin labo sano ah, taas oo ay si weyn uga horyimaadeen xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka.

Si kastaba Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa horey u sheegay in aysan taageeri doonin doorasho hal dhinac ah iyo sidoo kale muddo kordhin horleh.

Sheekh Shariif oo u guuray xaafad cusub iyo qorshaha mucaaradka oo xoogeystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay u guuray oo xarun ka dhigtay Waqooyiga Muqdisho, isagoo kasoo guuray hoygii uu ka deganaa agagaarka garoonka diyaaraddaha ee Muqdisho.

Qorshahaan uu Sheekh Shariif ugu soo guuray Waqooyiga Muqdisho ayaa qeyb ka ah istiraatiyada murashaxiinta mucaaradka ay isugu ballaarinayaan degmooyinka gobolka Banaadir, si awooda maamul ee dowladda waqtigeeda dhamaaday loo wiiqo.

Madaxweyne Shariif ayaa degay guri ku yaal degmada Cabdicasiis oo aan ka fogeyn guriga uu dhawaan degay madaxweyne Xasan Sheekh oo ku yaalla isla degmadaasi, gaar ahaan aagga Mirinaayo.

Maalmo ka hor ayaa degmada Cabdicasiis ee uu degay Sheekh Shariif waxaa kaga soo horeeyay madaxweyne Xasan Sheekh oo fariisimo dhowr ah ka sameystay, waxaana barbarka ku haya baro kontorool oo ay maamulaan ciidamo taabacsan Senator Xaaji Muuse Yalaxow.

Qorshahaan ayaa u muuqda mid milateri oo murashaxiinta ay degeen maadaama ay deganaayeen goobo isu dhow dhow oo ku teedsan garoonka diyaaraddaha Muqdisho, una arkeen in deegaanadaasi ay dhexda ugu jiraan kontoroollo ay maamulaan ciidamada dowladda.

Tallaabadan ayaa waxay tahay mid ka dhalatay mudo kororsiga Farmaajo oo looga soo horjeedo iyo dhaqdhaqaaqyada dowladda ay ku dooneyso inay ku baabi’iso awooda ciidan ee taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Jen. Saadaq Joon

Tan iyo markii uu baarlamaanka fuliyay qorshaha madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Farmaajo ee mdudo kororsiga, waxaa dhaawacmay horumarkii dimoqraadiyadda ee ay Soomaaliya hiigsaneysay.

Qoraal shalay kusoo baxay Caasimada Online ayaa waxaa uu kashifay in magaalada Muqdisho labo qeybood u qeybsantay, qeyb dowladda ka caagan iyo qeyb mucaaradka ka taliyaan oo aysan usoo gudbi karin dowladda.

Ali Muhiyaddiin
London, Caasimad

Xog: Qeybo ciidanka DF ka mid ah oo diiday weerar ay ku qaadaan Jeneral Saadaq

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ayaa ka tanaasushay qorshe ay ku weerari laheyd taliyihii hore ee booliska gobalka Banaadir Jeneraal Saadaq Joon oo degaan ka dhigtay xaafada Shiirkole, kadib cadaadis beeleed xooggan oo la saaray iyo qaar ka mid ah ciidanka oo diidan inay ka qeyb-galaan weerarka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Caasimada Online ayaa xaqiijsay in taliyaasha ciidamada Gorgor iyo Alpha Group ay diideen in ay ka qeyb qaataan weerarka Saadaq Joon, oo laba mar ay dowladda isku dayday toddobaadkii tegay balse ku fashilantay.

Xogta aan helnay ayaa tilmaamaysa in taliska Gorgor oo dacaayad iyo cambaareyn xoog leh kala kulmay weerarkii lagu qaaday madaxdii hore ee qaranka, islamarkaana ay todobaadkii tegay aba jeer iska diideen in ay markale ka qeyb qaataan weeraro salka ku haaya arrimo siyaasadeed. 

Sidoo kale taliska ciidanka gaarka ah ee Alpha Group islamarkaana ka tirsan NISA laakiin ka mid ah ciidamada ay tababartay dowladda Mareykanka ayaa diiday in ay ka qeyb qaataan weerarka ka dhanka ah Jenaraal Saadaq Joon oo dagan xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan.

Labadaan ciidan oo ay tababareen dowladaha Mareykanka iyo Turkiga islamarkaana ilaa hadda gacanta ugu jira dalalkaas ayaa taliyaashooda waxay sheegeen in aysan diyaar u aheyn ka qeyb qaadashada dhacdooyin salka ku haaya muranka doorashada iyo dano gaar ah. 

Sidoo kale, ka sokow taliska ciidanka, askar badan oo ciidanka ku jira ayaa diiday inay dagaal ku qaadaan dad lagu haysto dano siyaasadeed, oo qaarkood ay ehel iyo isku beel yihiin.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in inta badan ciidankii Haramcad ee qaadi jiray weerarada nuucaan ah ay intooda ugu badan yihiin ciidanka la goostay Janaraal Saadaq Joon, halka ciidanka Waran iyo Gaashaan ee NISA aysan aheyn tiro badan waxayna sugaan amniga xarumo gaar ah. 

Sanbaloolshe oo beeniyey WAR laga faafiyey oo la xiriira madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa baaniyey warar laga faafiyey oo ku saabsan inuu taageeray muddo kororsiga madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. 

“Waxaan arkay warar meelaha lagu soo qoray oo sheegaya in aan si aad ah u dhaliilay mucaaradka isla markaasna aan ku baaqay in Farmajo iska jooga waxaan cadeynayaa in uu warkaasi yahay waxba kama jiraan iyo been abuura la iga faafiyey,” ayuu Sanbaloolshe ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook.

“Aniga mowqifkeygu waa cadyahay oo waa in Farmajo iyo damaciisa xukun boob ka ah dalka laga badaadiyo oo si cad oo aan gambasho la heyn looga hor yimaado. Waxaan si weyn u boogaadinayaa una taagerysanahay mowqifka mucaaradka iyo go-aanka shir weynaha Hawiye ee maanta lagu qabtay muqdisho oo hal ku dhiigiisa ahaa no extension.”

Ma cadda, cidda faafisay wararka Sanbaloolshe uu beeniyey, hase yeeshee maalmihii dhowaa waxaa jiray dadaallo ay wadeen dad ku xiran madaxweyne Farmaajo oo baraha bulshada aad ugu faafinayey warar lagu kala qeybinayo mucaaradka.

Dadka faafinayey wararkan ayaa qaarkood waxay ka shaqeeyaa warbahainta dowladda, qaarna maamulka gobolka Banaadir, waxaan dadaallada ay wadeen ka mid ah in hab qabiil loo kala qeybiyo mucaaradka, inkasta oo aysan ku guuleysan.

Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa ka mid ah xubnaha sida weyn u mucaaradsan Farmaajo, ee aan xitaa la gaban hadallada, wuxuuna marar badan beelaha Hawiye usoo jeediyey inay iska kiciyaan Farmaajo, xitaa ka hor inta aanu muddo xileedka ka dhammaan 8-dii Febraayo.

CC Shakuur oo shaaciyey 3 qodob oo ay kaga adkaan karaan muddo kororsiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadjir Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame oo hadal ka jeediyey shirweynihii Muqdisho lagu soo gabagabeeyey ee beelaha Hawiye ayaa sheegay in hadda ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan in dalkan lagu xukumo sharci darro.

“Anaga in sharci darro nala ku xukumo, dhibkeeda hadda ayaan iska qabaneynaa, si aan dhibweyn oo soo socda isaga badbaadino, taasina diinteena ayaa qabta,” ayuu yiri Cabdiraxman Cabdishakuur.

Siyaasigaan ayaa tilmaamay seddax qodob oo kala badbaadi kara mucaaradkooda iyo Farmaajo, isagoo sheegay in hadii aysan qodobadaas hir-gelin, aysan huri doonin inay Farmaajo is fara saaraan.

Cabdiraxman oo tirinaayey qodobadaas ayaa yiri, “Anaga iyo Farmaajo waan kala baaqaneynaa hadii ay I maqlaayaan dhinacyada aan la hadlaayo.

1- Ganacsatadeena waxaan leeyahay hadii aad canshuurta diidaan, anaga iyo Farmaajo waan kala baaqaneynaa, sababtoo ah shilin uu ku shaqeeyo ma helaayo, ileen aduunkii waa ka goosteen lacagtiiye, nin hoggaamiye kooxeed ah oo Villa Somalia dhex jooga oo adduunkii lacagta ka goostay, halkuu lacagta ka keenaa inuu dadka dhaco maahane?

2- Labada dowlad goboleed ee federaalka nagu metesha, oo yiraahda mudo kororsi ma ogolin, Farmaajo waa nakala badbaadi kartaa.

3- Ra’iisul wasaaraha oo yiraahda shaqadeyda ayaan heystaa, hadii intaas la waayo Farmaajo is huri meyno, sababtoo ah waxa uu rabaa inuu xoog nagu xukumo, taasna waxay u soorta geli weysay dad isaga ka awood badan.

Ugu dambeyntii Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa yiri, “Ninka mudo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Farmaajo ah waxaan leenahay fursadda maanta aad heysato waa tii ugu dambeysay, dadkan mar dambe shir isugu imaa maayaane, sidii ay isaga kaa qaban lahaayeen ayey isugu imaa doonaan.”

Hoos ka Daawo

Koox hubeysan oo dil ka geystay degmada Afgooye

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo ay kooxo hubeysan ka geysteen degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Dilka oo xalay ka dhacay xaafadda Dhagaxtuur ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay mid ka mid ah dadka deegaanka, iyada oo ay baxsadeen raggii ka dambeeyey.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, AUN Axmed Maxamed Mayow (Karbaash), waxaana la toogtay isaga oo kusii jeeday hoyga uu ka dagan yahay degmada Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed Maxamed Mayow (Karbaash) oo la shaqeynayey maamulka degmada Afgooye, isla-markaana uu isku xiri jiray bulshada iyo maamulka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa dilka kadib tegay goobta, waxaana ay saameeyeen howl-gallo baaritaano ah, balse waxa natiijo ah oo ka soo baxay.

Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan iyo weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan Sh/ Hoose.

Sawirro: Lafta Gareen oo la kulmay saraakiil ka socota AMISOM iyo Ingiriiska

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa qaabilay saraakiil ka socotay howl-galka AMISOM iyo Ingiriiska, kuwaas oo sidoo kale ka qeyb-galay shirka golaha amniga maamulkaasi oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ah saraakiil ka tirsanaa ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga ee ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed.

Intii socday kulankan ayaa waxaa lagu soo qaaday xaaladaha ammaanka ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo sidii sare loogu qaadi lahaa howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale qaar ka mid ah saraakiisha ammanka oo warbixin laga dhageystay ayaa xusay inay labo jibaareen inta lagu guda jiro bisha Ramadaan howl-gallada lagu sugayo amniga.

Dhankiisa madaxweynaha Koonfur Galbeed oo madasha ka hadlay ayaa marka hore u mahad-celiyey saraakiisha AMISOM iyo kuwa dowladda Ingiriiska, isaga oo ku booriyey sida ay u garab taagan yihiin ciidamada Soomaaliya oo dagaal kula jiro kooxda Al-Shabaab.

Lafta Gareen ayaa sidoo kale ciidamada Soomaaliyeed ku amaanay, sida ay mar-weliba ugu heelan yihiin shacabkooda, si ay nabad-gelyo ugu naaloodaan.

Koonfur Galbeed oo ka kooban Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ayaa waxaa weli magaalooyinka qaar go’doomin ku haya Al-Shabaab oo ku xoogaan gobolladaasi.

Daawo Sheekh Shariif: “War ma harin, waa in jawaab deg deg ah la bixiyaa”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyey shirweynihii beelaha Hawiye ee Muqdisho ka dhacay ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in xilligaan shaki la geliyo doorashooyinkii soo jireenka ahaa ee dalkan.

Waxa uu sheegay in dadku ay mudo soo dul qaadanayeen, balse hadda ay qasab tahay in go’aan deg deg ah la qaato oo doorashada laga heshiiyo.

“In ku filan dadka Soomaaliyeed waa ay u soo dul qaateen dowladda, cod dheer ayey mudo dheer kula hadlayeen, balse maanta war ma harin, waa in jawaab deg deg ah la bixiyo oo la tago teendhadii Afisyooni, doorashana la aado,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweyne Shariif Sheekh mas’uuliyadda waxa dhacaya oo dhan waxa uu dusha ka saaray madaxweynaha wartigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Cidda doorashada diidan waan wada ognahay oo teenadhadii gogoshu taalay kasoo tagtay, tii halkaan ka fidsaneed laabtay, masuuliyaddu laba maaha hal qof ayaa iska leh, madaxweynuhu hadii uusan go’aansan in dalka ay doorasho ka dhacdo, cid ka qaban karta ma jirto, meeshaan waan soo marnay waana naqaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Shariif.

Sidoo kale waxa uu sheegay in cid kale aysan eed ku laheyn waxa socda, isagoo u mahad celiyey beesha caalamka, waxuuna muwaadiniinta Soomaaliyeed ku baraarujiyey in dowlad dhiska dalkan ay daacad ka noqdaan.

“Madaxweynaha iyo madax goboleedyada, waxaan ugu baaqeynaa in teendhada degdeg loogu noqdo, hadii taasi dhici weyso, wixii dhaca masuuliyadooda waxaa si gaar ah u qaadaaya madaxweynaha,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyey shirweynihii beelaha Hawiye ee Muqdisho ka dhacay.

Hoos ka Daawo

Sawirro: DF oo kala dirtay guddiyadii doorashada ee muranka uu hareeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kala dirtay guddiyadii doorashada heer federaal iyo heer goboleed, iyo guddiyadii xalinta khilaafaadka ee lasoo dhisay kadib heshiiskii doorasho ee 17-ka September.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xilka sii-haya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa kulan afur ah la yeeshay madaxda guddiyadan kadib markii uu maanta u yeeray ra’iisul wasaare Rooble inay xafiiska yimaadaan, si loola kulmo.

Mahdi Guuleed ayaa xubnaha u sheegay in la kala diray, wuxuuna uga mahad celiyay wax uu ugu yeeray “dedaalkii dheeraa ee ay muujiyeen muddadii 6-da bilood ahayd ee ay shaqaynayeen.”

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan  guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer maamul ayaa Caasimada Online u sheegay in xubnaha guddiyada sidoo kale lagu wargeliyay in ay ka baxaan hoteeladii la dejiyay ugu dambeyn 25-ka bishan.

Guddiyadan ayaa noqday khilaafkii ugu horreeyey ee caqabadda ku noqday doorashada, kadib markii ay dowladda kusoo dartay xubno ay mucaaradka iyo maamul goboleedyada qaar sheegeen inay yihiin sirdoon.

Guddiyada doorashada heer Qaran iyo heer dowlad gobaleedyada ayaa ka kala socday dowladda dhexe iyo maamulada kale ee kala ah, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Gobalka Banaadir.

Dowladda ayaa dhowaan sameysatay muddo kororsi laba sano ah, waxayna dib usoo celisay guddigii doorashada ee Xaliimo Yarey, taasi oo macanheedu yahay in guddiyada hadda laga saaray hoteellada aan loo baahneyn.

Daawo: Shirweynaha Hawiye oo laga soo saaray war-murtiyeed xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha Beelaha Hawiye oo goordhoweyd oo fiidkii ka furmay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa si adag looga hor-yimid muddo kororsiga labada sano ee madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Shirweynahaan oo ay ka qeyb-galeen Musharaxiinta mucaaradka, Xildhibaannada, Senatarada, Odayaasha dhaqanka, Aqoon-yahan iyo dad kale oo lagu martiqaaday shirka ayaa waxa laga soo saaray War-murtiyeed xasaasi ah.

Mahad Salaad oo ka tirsan mudaneyaasha golaha shacabka ayaa warbaahinta ka hor aqriyay war-murtiyeedkaas, ayaa sheegay in shirweynaha uusan madaxweynaha Soomaaliya u aqoonsaneyn Farmaajo, oo weli ku sugan Villa Somalia.

“In si deg-deg ah looga laabto go’aanka muddo kororsiga sharci darada ah, Shirweynahana waxa uu ku adkeynayaa in wado kasta lagu hor-istaago muddo kororsiga si uusan u meel-marin,” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka kasoo baxay Shirweynaha Beelaha Hawiye.

Sidoo kale waxa lagu sheegay War-murtiyeedkaan in si dalka loo bad-baadiyo ay shir deg-deg ah isugu imaadaan madaxda maamul goboleedyada iyo saamileyda siyaasada, kaasi oo uusan goobjoog ka aheyn Farmaajo, si dalka uu doorasho u aado.

“Shirweynaha waxa uu ka digaya cawaaqib xumada ka dhalata muddo kordhinta sharci darrada, wuxuuna cadeynayaa in mas’uuliyada ay qaadayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo guddoonka golaha shacabka.”

Waxay digniin adag u direen taliyeyaasha ciidanka lugta, nabad sugida iyo booliska oo ay sheegen inay ku howlan-yihiin fulinta qaraarkii muddo kororsiga sharci darada ah, iyagoona dalbaday in ciidanka laga saaro loolanka siyaasadeed.

Ugu dambeyntiina waxaa war-murtiyeedkaan lagu sheegay in go’aankii golaha shacabka ee muddo kororsiga aysan ku metelin shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay si deg-deg ah uga laabtaan go’aankaas oo xasilooni darro u horseedaya dalka.

Qatar oo jawaab rasmi ah ka bixisay eedeyn la xiriirta Fahad Yaasiin oo loo jeediyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa markii u horeysay si rasmi ah uga hadashay inay lacag Malaayiin doollar ah siiso madaxda waqtigoodu dhamaaday ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxay beenisay inay jiraan lacago ay Soomaaliya usoo mariso Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) Fahad Yaasiin, eedeyntaasi oo uu dhawaan u jeediyay Safiirkii hore Mareykanka ee Soomaaliya, Stephen Schwartz.

Dowladda Qatar oo qoraal rasmi ah usoo dirtay idaacada VOA-da oo wax ka weydiisay eedeynta Safiirkii hore ayaa gebi ahaanba meesha ka saartay inay si hoose dhaqaalo badan ku taageero dowladda waqtigeedu dhamaaday.

Qoraalkaas ayaa waxay Qatar ku sheegtay inay jirto lacag dhan $20 Milyan oo sanadkii tegay ay ku taageertay miisaaniyada dowladda, waxayna hoosta ka xariiqday inaysan jirin lacag madow oo ay geliso Soomaaliya.

“Qatar waxay door wax dhisid ah ka ciyaarta Soomaaliya, taasi oo aan uga gol leenahay in aan ku caawino madax-banaanida, degenaanshaha iyo horumarinta Soomaaliya. Dadaalada Qatar iyo mowqifkeedu wuxuu lamid yahay midka QM iyo saaxiibada kale ee Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka Qatar.

Sidoo kale waxay iska fogeysay inuu jiro xiriir hoose oo ka dhaxeeya Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin, islamarkaana ay taageerada qarsoodiga ah ee dowladda usoo mariso asiga, sida uu hore ugu eedeyay safiirkii hore Mareykanka ee Soomaaliya.

Stephen Schwarts, Safiirkii hore Mareykanka ee Soomaaliya ayaa wareysi uu dhawaan siiyey idaacada VOA-da waxa uu dowladda Qatar ku eedeyay inay lacag sharci darro ah siiso madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, islamarkaana ay soo dhex-mariso Fahad Yaasiin oo uu sheegay inuu taas ka helay awood iyo saameyn siyaasadeed.

Qatar ayaa muddooyinkii dambe lagu eedeynayay inuu heshiis hoose kala dhaxeeyo madaxda sarre ee dowladda federaalka, hase yeeshe inta badan waxaa eedeymahaas gaashanka u daruurta dowladda Qatar oo loolan adag ku wajahaysa gobolka.

Mucaaradka oo jawaab ka bixiyey dalabkii uu Farmaajo u gudbiyey Midowga Afrika

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa jawaab kulul ka bixiyey dalabkii uu madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Famaajo uga dalbaday Midowga Afrika inay dhex-dhexaadiyaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya.

Midowga Musharaxiinta ayaa si weyn cambaareeyey isku day ay sheegeyn in Farmaajo ku doonayo inuu ku dhinac maro heshiiskii doorashada ee 17-ka September, islamarkaana uu si sharci darro ah laba sano ugu darsaday muddo xileedkiisa kadib codsi uu u diray Midowga Afrika.

“Soo jeedintii madaxweynihii hore Farmaajo ee ku aadaneyd in Midowga Afrika (AU) ay qaadato doorka hogaamineed ee fududeynta xalinta dhibaatada dastuurka ee uu sababta u ahaa isaga waa mid aan daacad aheyn madaama Madaxweynihii hore uu horay uga fogaaday sii socoshada wadahadalada u dhaxeeyo Soomaalida oo ay garwadeenka ka tahay bulshada caalamka ee AU lafteeda ka tirsan tahay,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharixiinta.

Midowga Musharixiinta ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ku eedeeyey inuu si aan cudurdaar laheyn usii wado diidmadiisa ku aadan dadaallada wadajirka ah oo ay waddo Beesha Caalamka isla markaasna uu iska dhaga tirayo baaqyada ka imaanayo Beesha Caalamka ah oo ah inaan la aqbali karin muddo kordhin.

“Madaxweynihii hore wuxuu si aan cudurdaar lahayn u sii wadaa inuu diido dadaallada wadajirka ah ee bulshada caalamka, sidoo kalana wuxuu iska indha tirayaa baaqyada uga imaanayo Beesha Caalamka ee ah inaan la aqbali karin muddo kordhin. Goluhu wuxuu rumeysan yahay in Madaxweynihii hore looga baahan yahay inuu ku baraarugo xaqiiqda jirta ee dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo dhigayo in  doorashooyinka qaranka ee madaxweynaha iyo baarlamaanka afartii sanaba mar la qabto iyada oo aan wax waqti kororsi ah la sameynin iyo in 8-da Febraayo, 2021-ka ay ahayd dhammaadka waajibaadkiisii dastuuriga ahaa,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Musharixiinta.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa sheegay inay mar kale ku celinayaan mowqifkooda ah inay taagersan yihiin heshiiskii 17-kii September, waxayna musharixiinta ugu baaqeyn madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday inuu ka laabto go’aankii 12 April ee muddo kordhinta.

“Goluhu wuxuu mar kale ku celinayaa mowqifkiisa aan kala go’a lahayn ee ah inuu taageero heshiiskii 17-kii Sebtember iyo inuu horay u socdo,  madaxweynihii hore waa inuu ka laabtaa go’aankii muddo kordhinta ee 12 Abriil oo ah mid sharci darro ah, wuxuu isku dayayaa inuu xukunka sii hayo oo uu iska indhatiro qalalaasaha siyaasadeed ee hareeyay Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka, madaxweynihii hore wuxuu sii wadaa inuu raadsado xalal milatari oo ku saabsan dhibaato kasta oo siyaasadeed,” ayaa lagu yiri warka Mushariixinta.

Ugu dambeyntii Midowga Musharixiinta ayaa ugu baaqay Hoggaanka Midowga Africa inay il gaar ah ku fiiriyaan wixii ay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ka digeyn iyo xeeladaha khiyaanada leh ee lagu doonayo in si sharci darro ah xukunka lagu sii heysto, waxayna madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ku eedeeyen inuu ku guuldaraystay inuu guto waajibaadkii loo dhaariyey ee ahaa inuu dalka ka qabto doorasho qof iyo cod ah, ama uu hirgeliyo doorashooyin dadban sida ku xusan heshiiskii 17-kii Sebtember.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay midowga Musharixiinta

DF oo ka hadashay haddii uu isbedel ku yimid qaraarkii BF ee muddo kororsiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay si rasmi ah uga hadashay inuu isbedel ku yimid iyo in kale qaraarkii uu Golaha Shacabka muddo kororsiga ugu sameeyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo hay’addaha kale ee dowladda.

Hadal-hayntan ayaa soo shaac baxday kadib markii Farmaajo uu madaxweynaha DR Congo ka codsaday inuu dhex-dhexaadiyo saamileyda siyaasadda Soomaaliya, taasi oo dad badan ay u qaateen inuu diyaar u yahay wada-hadallo doorasho, oo uu ka tanaasulayo muddo kororsiga.

Hase yeeshee, sii-hayaha Wasiirka Arrimaha dibadda, Maxamed Cabdirisaaq ayaa shaaca ka qaaday in marnaba uusan isbedel ku imaan qaraarkii Golaha Shacabka ee muddo kororsiga, isagoona carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay doorashada wada-ogol ah.

Waxa kale oo uu meesha ka saaray in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo uu kala hadlay dhigiisa Congo qaraarkii Golaha Shacabka, oo ay dalalka beesha caalamka culeys ku saarayaan in gebi ahaanba meesha laga saaro.

“Doorashada mid dadban iyo mid toos ahba waa inay ahaataa mid la isku raacsan yahay oo natiijadeeda ay noqoto mid dadka oo dhan ay ku qanci karaan, waxna ismaka bedelin go’aankii uu garay baarlamaanka,” ayuu Wasiir Cabdirisaaq oo la hadlayey BBC-da.

Sidoo kale waxa uu ku cel-celiyay Wasiirku inay lagama maarman tahay in doorashada Soomaaliya nooceey ahaataba ay noqoto mid xor iyo xalaal ah oo la isku raacsan yahay.

Hadalka Wasiirka ayaa meesha ka saaraya in wada-hadalo dhex-mara saamileyda siyaasada uu meesha ka saaro qaraarkii Golaha Shacabka, maadama ay shalay wasaaraddu shaacisay in Farmaajo uu doonayo wada-hadallo la xiriira qabashada doorashooyin oo uu Midowga Afrika dhex-dhexaadinayo.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhowaaqay ‘Dowladda federaalka ayada oo tix-gelineysa dadaallada Soomaaliya ay ku qabaneyso doorashooyin loo dhan yahay, nabdoon oo waqtigooda ku dhaca, dowladdeyda waxay soo dhoweeneysaa in Midowga Afrika uu kaalin ka qaato fududeynta hanaan Soomaali ay hoggaamineyo, Soomaali-na ay leeyihiin oo hoggaamin kara wada-hadallo,’” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Mucaaradka Soomaaliya ee Farmaajo codsanayo inuu la hadashiiyo madaxweynaha Congo ayaa si weyn u diidan muddo kororsigii uu dhawaan sameystay, ilaa haddana ma muuqdo isbedel ku aadan arrinkaasi oo dhanka dowladda federaalka, lamana oga ilaa hadda halka ay wax sal dhigan doonaan.

Hoos ka dhageyso codka wasiirka

Madaxweynihii dalka Chad oo lagu dilay furinta hore ee dagaal ka socda dalkaas

0

N’Djamena (Caasimada Online) – Madaxweynihii dalka Chad Idriss Deby ayaa lagu dilay furinta hore ee dagaalka u dhaxeyo Dowladda iyo kooxda fallaagada kadib 30 sano  oo uu xoog ku heystay awoodda dalkaas sida uu sheegay telefishinka Qaranka Maanta oo talaado ah.

Toogashada loo geystay Idriss Deby ayaa kuso aadeyso hal maalin kadib markii 68 jirkaan la shaaciyey inuu ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaas taasoo u ogolaatay inuu markii lixaad ku guuleystay kursiga madaxweynimo.

Ciidanka ayaa sheegay in Idriss Deby uu ka shaqeenayey diyaarinta ciidanka ku jiro furinta hore ee dagaalka lagula jiro fallaagada oo duulaan weyn kusoo qaaday waqooyiga dalkaas maalintii doorashada socotay.

Deby “wuxuu hadda neefsaday neeftiisii ugu dambaysay isagoo difaacaya qaranimada xilli uu ku sugnaa aagaga dagaalka,” ayuu ku yiri hadal uu ka akhriyay telefishanka qaranka afhayeenka ciidamada General Azem Bermandoa Agouna.

Deby oo 68 ah ayaa gacan bir ah ku xukumayey dalka Chad mudo 30 sano ah, laakiin wuxuu xulafo muhiim ah u ahaa olole ka dhan ah jihaadiyiinta reer galbeedka ee gobolka dhibta ka taagan ee Saaxil.

Ciidanka ayaa sheegay in gole militari oo uu hogaaminayo wiil uu Dhalay madaxweynaha dhintay oo lagu magacaabo Mahamat Idriss Deby oo 37 jir ah, oo ah jeneraal afar xidig leh uu badali doono.

Isniintii, ciidanka ayaa “guul weyn” ka gaaray dagaalka ay kula jiraan fallaagada ka socota dalka ay deriska yihiin ee Libya, iyagoo sheegay inay dileyn 300 dagaalyahanno, sidoo kalana wuxuu ciidanka sheegay in dhankooda laga dilay 5 Askari kadib dagaal socday 8 Maalin.

Mucaaradka Chad oo fadhiggoodu yahay dalka Libya ayaa maalinkii doorashada soo weeraray xuduudda, waxayna boqolaal km kusoo siqeen koonfurta dalka.

Deby oo 68 sano jir ahaa ayaa xukunka ku yimid kacdoon dhacay 1990-kii, wuxuuna ahaa mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu muddada dheer Afrika.

Madasha Badbaado Qaran oo dalab xasaasi ah u dirtay Golaha Ammaanka QM

0

Muqdishi (Caasimada Online) – Madasha la magac-baxday bad-baado qaran oo ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka, guddoomiyaha aqalka sare, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa fariin la xiriirta xaalada dalka u dirtay golaha amaanka ee QM.

Qoraalka ay madasha la wadaagtay golaha ammaanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee Soomaaliya, gaar ahaan arrinta muddo kororsiga.

Madasha bad-baado qaran ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay si weyn uga soo horjeedo go’aanka Golaha Shacabka uu ku ansixiyey qaraarka labada sano ah.

“Go’aanka ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ee ay ku kororsadeen shaqadooda iyo tan madaxweynaha laba sano waa waxba kama jiraan” ayaa lagu yiri warqadda.

Sidoo kale madasha bad-baado qaran ayaa Qaramada Midoobay ka dalbaday in fariintooda laga aqriyo golaha hortooda.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dartay in tallaabada ay qaadeen xildhibaanada Golaha Shacabka ay khatar ku tahay xasilloonida, nabadda iyo midnimada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Soomaaliya ay gashay xaalad cusub, kadib muddo kordhinta loo sameeyey madaxweynaha iyo fashilka ku yimid wada-hadalladii doorashada.