27.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 15, 2026

Madasha Badbaado Qaran oo dalab xasaasi ah u dirtay Golaha Ammaanka QM

0

Muqdishi (Caasimada Online) – Madasha la magac-baxday bad-baado qaran oo ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka, guddoomiyaha aqalka sare, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa fariin la xiriirta xaalada dalka u dirtay golaha amaanka ee QM.

Qoraalka ay madasha la wadaagtay golaha ammaanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee Soomaaliya, gaar ahaan arrinta muddo kororsiga.

Madasha bad-baado qaran ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay si weyn uga soo horjeedo go’aanka Golaha Shacabka uu ku ansixiyey qaraarka labada sano ah.

“Go’aanka ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ee ay ku kororsadeen shaqadooda iyo tan madaxweynaha laba sano waa waxba kama jiraan” ayaa lagu yiri warqadda.

Sidoo kale madasha bad-baado qaran ayaa Qaramada Midoobay ka dalbaday in fariintooda laga aqriyo golaha hortooda.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dartay in tallaabada ay qaadeen xildhibaanada Golaha Shacabka ay khatar ku tahay xasilloonida, nabadda iyo midnimada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Soomaaliya ay gashay xaalad cusub, kadib muddo kordhinta loo sameeyey madaxweynaha iyo fashilka ku yimid wada-hadalladii doorashada.

Mas’uul sare oo lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxa nooca miinada ah oo maanta ka dhacay wadada Daarulsalaam ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaas oo geystay khasaare isugu jiri dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan lala bartilmaameedsaday guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda ee maamulka degmada Dayniile, Cabdi Maxamed Maxamuud, kaas oo dhaawac kasoo gaaray qaraxaasi, kadib u geeriyooday.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amnmaanka Soomaaliya oo howl-gallo kooban sameeyey halkaasi.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa aad u kacsan, waxaana muddo kooban uu hakad ku yimid dhaq-dhaqaaqa wadada gasha xaafadda Daaru-Salaam.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dayniile oo ku aadan dhacdadaasi.

Qaraxan ayaa qeyb ka noqonayo falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Farmaajo oo qoraal cusub ku rajo tiray dhex-dhexaadintii uu ka codsaday M/Afrika

Kinshasa (Caasimada Online) – Saacado kadib markii uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiag ah ee Congo, ahna guddoomiyaha Midowga Afrika ka codsaday inuu dhex-dhexaadiyo saamileyda siyaasadda, ayaa madaxweyne Farmaajo wuxuu soo saaray qoraal durba rajo tiray wada-hadalladaas.

Qoraalladii hore ee wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya iyo madaxtooyada DRC ayaa labaduba lagu sheegay in Farmaajo doonayo in madaxweyne Félix Tshisekedi uu saamileyda Soomaalida u qabto wada-hadallo lagu gaaro heshiis doorasho, oo aan la shaacin wuxuu yahay. Hase yeeshee saacado kadib ayuu Farmaajo soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu doonayo inuu galo wada-hadallo ku saabsan qabashada doorasho qof iyo cod ah.

“Waxaan soo dhoweynayaa in Midowga Afrika uu kaalin hogaamineed ka qaato fududeynta hanaan doorasho oo muwaadin kasta uu doorasho xor iyo dhex-dhexaad ah ku doorto wakiiladooda. Dhammaan saamileyda siyaasadda ayaa ka qeyb qaadan doona wada-hadallada mustaqbalka dimoqraadiyaddeena,” ayuu ku yiri Farmaajo qoraalka uu soo dhigay twitter-ka.  

Qoraalka madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka muuqata inu weli uu ku dheggan yahay doorasho qof iyo cod ah, oo horey la isugu raacay inaysan suurta-gal aheyn in xilligan ay Soomaaliya ka dhacdo.

Maamul goboleedyada qaar iyo mucaaradka ayaa horey u sheegay ku adkeysiga “qabashada” doorasho qof iyo cod ah ay tahay xeelad uu Farmaajo waqtiga ku luminayo, sababtoo ah afar sano oo uu madaxweyne ahaa xitaa hal maalin kama shaqeyn arrintaas.

Qabashada doorashada qof iyo cod ayaa sidoo kale aheyd qiilkii uu Maxamed Mursal u adeegsaday labadii sano ee sharci-darrada aheyd ee uu ku kordhiyey muddo xileedka Farmaajo iyo kan xildhibaanada golaha shacabka.

Madaxweyne Farmaajo oo ku dhacay arrintii uu Xasan Sheekh uga digay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muuqda inuu ku dhacay arrin uu toddobaad kahor uga digay madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa Farmaajo kula taliyey in talada inta ay gacmaha Soomaalida ay ku jirto, gudaha dalkana lagu wada hadlayo uu xal gaaro, haddii uu ka dhega adeegana ka gudbi doonto xerada Afisyooni oo ay gaari doonto in Kambala ama dalalka kale ee Africa, oo uu xal ka raadin doono.

Hadalkaasi ayaa xaqiiq noqday markii uu madaxweyne Farmaajo u ambabaxay dalka DR Congo kana codsaday madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi inuu dhex-dhexaadiyo saamileyda Soomaalida ee ku muransan arrimaha doorashada.

“Maanta waa laga soo tegay Afisyooni ayey joogtaa, Afisyooni waa dhul Soomaaliyeed weli waa caasimadii Jamhuuriyadda, war waa la yaqaan waxaan horaa loo soo arkay Maxamadoow hadaad Buffalo fadhiday adiga, anagaa soo joognay waa la yaqaan wadadaas meesha ay ku dhamaato, berri Kambala yeynan ku dhamaan, waa ku celinayaa maanta meel fiican ayey joogtaa caasimadii dalka ayey joogtaa, Villa Somalia iyo meeshii maqaamka wey ka timid xero ciidan iyo garoonka diyaaradaha ayey maanta joogtaa yey ka bixin beri ee boorsooyinka anagoo sii xerxeraneyno, jaakadaha sii dhuuqsaneyno yaan nala arkin oo aan sii socono,” ayuu yiri Xasan Sheekh Madaxweynihii hore isagoo intaa raaciyay in dadka iyo dalka intaasi ka mudneyn, awood iyo qorina dalka lagu haysan karin.

Hadalkaasi dhaxal-galka ahaa ee Xasan Sheekh ayaa maanta noqday mid dhaboobay, markii uu Farmaajo ka codsaday madaxweynaha DR Congo inuu dhexdhexaadiyo Soomaalida, taasi oo sidoo kale meesha ka saartay dooddii Farmaajo ee aheyd inuusan dooneyn faro-gelin shisheeye.

Tallaabada madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale bahdilaad iyo karaamo xumo ku ah ummadda Soomaaliyeed iyo madaxdoodii hore oo muujiyay sharaf iyo karaamo inay u taagan yihiin dimuqraadiyad soo jireen ah.

Tallaabada uu qaaday Farmaajo ayaa ka dhalatay aqbalaad la’aanta soo jeedinta tallooyinka mucaaradka, maamul goboleedyada iyo in uu ku fashilmay mudo kororsiga labada sano oo uu xaqiiqda ogaaday in aysan soconeyn wax aan raali laga wada aheyn.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada, London

Video: Rooble oo odayaal Habar-gidir ah u sheegay qaabka ay u wajahayaan arrinta Jen. Saadaq Joon

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble xalay uu la yeeshay odayaasha beesha Habar Gidir ee taageersan dowladda ayuu ku caddeeyay in dowladda waqtigeeda dhamaaday aysan duulaan iyo weerar ku qaadi doonin taliyihii guud ee ciidamada booliska gobolka Banaadir Jeneral Saadaq Joon oo xilkii iyo darajadii todobaadkii hore uu ka xayuubiyay madaxweyne Farmaajo.

Suldaanka beesha Habar Gidir, Suldaan Mahdi Cabdirisaaq Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho xalay ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu damaanad qaaday in dowladda xiligeeda dhamaaday aysan duulaan ku aheyn deegaanka Shiirkole oo fariisin uu ka dhigtay Jen. Saadaq Joon.

“Ra’iisal wasaarahu wuxuu noo damaanad qaaday in dowladda aysan duulaan ku aheyn Shiirkole, Saadaq-na aysan duulaan ku aheyn arrinkaasina ay jacel yihiin qaab wada hadal ah iyo is-fahan in lagu dhameeyo,” ayuu yiri Suldaan Mahdi Cabdirisaaq Maxamuud oo ka warbixinayay wixii ay isla garteen Ra’iisul wasaare Rooble iyo waxgaradka beesha Habar Gidir.

Suldaan Mahdi Cabdirisaaq ayaa meesha ka saaray welwelka iyo cabsida maalmahaan ka jirtay Muqdisho, isagoona sheegay in juhdi badan ay ku bixiyeen sidii loo baajin lahaa dhibaato soo gaarta shacabka deegaanka Shiirkole degan, islamarkaana aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo dadkaasi oo ay mas’uuliyadeeda ay qaadeen.

Wuxuu tilmaamay Suldaanka in ra’iisul wasaaraha iyo madaxda maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabeelle ay ku madalaan siyaasadda beesha Hawiye, wixii wanaag ahna ka wada shaqeynteeda ay qeyb ka yihiin cid walba oo dhaqanka ugu horeeyo.

Sidoo kale, wuxuu Suldaan Mahdi uu tilmaamay in xildhibaanada Hawiye ee habeenadaan ku baaqayay difaaca Saadaq Joon inay la kulmi doonaan, isagoona ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada kale inay nabadda iyo xasilloonida dalka ka shaqeeyaan.

Farmaajo oo soo gaabiyey safarkii CONGO, kuna soo laabtay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib booqasho hal maalin  qaadatay oo uu kusoo bixiyey magaalada Kinshasa ee caasimadda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo (DRC).

Soo laabashada Farmaajo ayaa aheyd lama filaan, ayada oo madaxtooyada ay horey u sheegtay in safarka uu qaadn doono laba maalmood, balse lagu soo koobay kaliya 24 saac.

Ma cadda sababta loo soo gaabiyey safarka, hase yeeshee waxaa horey u jiray warar sheegayey in Farmaajo uu walaac ka qabay in inta uu maqan yahay ay xaaladda Muqdisho faraha ka baxdo ama magaalada gacantiisa ka baxdo, maadaama xiisad colaadeed ay ka taagneyd maalmihii tegay.

Safarka Farmaajo ee Kinshasa ayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka geliyey is-beddel cusub, kadib markii uu ka codsaday madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi in isaga oo cayaaraya doorkiisa guddoomiyaha Midowga Afrika oo dhex-dhexaadiyo saamileyda Soomaaliya.

Si kastaba, Farmaajo ayaa sidoo kale soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu doonayo inuu galo wada-hadallo ku saabsan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taasi oo u muuqata mid aan suurta-gal aheyn xilligan.

“Waxaan soo dhoweynayaa in Midowga Afrika uu kaalin hogaamineed ka qaato fududeynta hanaan doorasho oo muwaadin kasta uu doorasho xor iyo dhex-dhexaad ah ku doorto wakiiladooda. Dhammaan saamileyda siyaasadda ayaa ka qeyb qaadan doona wada-hadallada mustaqbalka dimoqraadiyaddeena,” ayuu ku yiri Farmaajo qoraalka uu soo dhigay twitter-ka.

Wariye ka howl-galayey magaalada BOOSAASO oo mindi lagu dhaawacay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in xalay wariye ka howl-galayey magaalada Boosaaso lagu dhaawacay gudaha magaaladaasi, kadib markii ay weerar ku qaadeen saddex nin oo mindiyo ku hubeysnaa.

Wariyaha oo lagu magacaabo Ficil Burkud ayaa ka tirsan howl-wadeenada warbaahinta Daljir ee ka howl-gasha deegaanada dowlad goboleedka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in wariyaha ay dhaawac culus u geysteen raggaasi oo burcad ahaa, waxaana ay waxyeeladu kasoo gaartay garabka midig, gacanta iyo bowdada.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in kooxda burcadda ah ay horey usii qaateen taleefanka uu watay wariyaha oo markii dambe, isaga oo garaab ah goobta laga qaaday.

Ciidamada Puntland oo kadib sameeyey howl-gallo ayaa gacanta ku soo dhigay burcaddii ka dambeysay falkaasi, iyaga oo watay mindiyo iyo mobile-kii ay ka qaateen wariyaha.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso ka dhacayey falal ammaan darri oo u badan dilal iyo dhac intaba.

Xog: Farmaajo oo eedda muddo kororsiga dusha u saaray guddoomiye Mursal

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo diblomaasiyeed oo ku dhow safaaradda Mareykanka iyo xafiiska Midowga Yurub ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday ee Farmaajo uu wakiilada caalamka u sheegay in wax kasta oo ka dhasha muddo korarsiga uu mas’uuliyaddeeda leeyahay guddoomiye Mursal. 

Farmaajo iyo wakiilada beesha caalamka ayaa 17-kii bishan April, oo ku beegneyd Sabtidii, ku kulmay teendhada Afisyoone.

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in Farmaajo uu wakiilada caalamka hortooda dhowr mar ka sheegay in muddo korarsiga uu yahay go’aan uu qaatay Golaha Shacabka, islamarkaana ay u madaxbanaan yihiin go’aannadooda, wixii ka dhashana ay mas’uul ka yihiin guddoonka Golaha. 

Sidoo kale Farmaajo ayaa wada-shaqeyn ku tilmaamay inuu saxiixo go’aanka Golaha Shacabka ay ka gaareen arrimaha doorashada, isagoo sidoo kale sheegay in uu diyaar u yahay in Goluhu ka laabtaan go’aankaas. 

Wakiilada beesha caalamka ayaa diiday soo jeedinta Farmaajo ee in wax kasta ay mas’uul ka yihiin Golaha Shacabka, balse waxaa la sheegay in guddoonku uu qeyb ka noqon doono shaqsiyaadka wax ku leh dhibkii dhaca ama la saari karo cunaqabataynta. 

Ma ahan markii koowaad ee Farmaajo dano siyaasadeed marsado Mursal kadibna uga baxo. Kahor heshiiskii doorashada ee September 17, Mursal ayaa meel-mariyey sharci doorasho oo qof iyo cod ah, hase yeeshee waxaa meesha ka saaray Farmaajo oo markii horeba ka dhaadhiciyey Mursal inuu sidaas sameeyo. Haddana, waxaa suurta-gal ah in cadaadis kadib Farmaajo sharcigan iska tuuro dibna ugu laabto wada-hadallada doorashada.

Dhinaca kale, beesha caalamka ayaa kulankii la sheegay in ay u sheegeen in uu beddelo mowqifka ku saabsan muddo korodhsiga dibna loogu laabto wadahadal iyo wadar-oggol. Farmaajo ayaa la sheegay in uusan markiiba siinin jawaab balse lagu soo kala tagay is-faham in la isku soo laabto.

Farmaajo oo Midowga Afrika ka codsaday inuu fududeeyo wada-hadallo doorasho oo dhex-mara Soomaalida

0

Kinshasa (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in madaxweynaha waqtigi ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi ka codsaday inuu dhex-dhexaadiyo Soomaalida.

Qoraal kasoo baxa wasaaradda arrimaha dibedda oo lasoo dhigay twitter-ka ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu doonayo wada-hadallo la xiriira qabashada doorashooyin oo uu Midowga Afrika dhex-dhexaadiyo.

Felix Tshisekedi ayaa iminka ah guddoomiyaha ururka Midowga Afrika.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhowaaqay ‘Dowladda federaalka ayada oo tixgelineysa dadaallada Soomaaliya ay ku qabaneyso doorashooyin loo dhan yahay, nabdoon oo waqtigooda ku dhaca, dowladdeyda waxay soo dhoweeneysaa in Midowga Afrika uu kaalin ka qaato fududeynta hanaan Soomaali ay hoggaamineyo, Soomaali-na ay leeyihiin oo hoggaamin kara wada-hadallo,’” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda

Madaxtooyada dalka Congo ayaa sidoo kale qoraal ay soo dhigtay twitter ku sheegtay in Farmaajo uu madaxweyne Tshisekedi ka codsaday in isaga oo cayaaraya doorkiisa guddoomiyenimo ee Midowga Afrika inuu fududeeyo, oo uu dusha kala socod wada-hadallo dhex-mara dhammaan saamileyda ku lugta leh qalalaalsaha siyaasadeed ee Soomalaiya.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in madaxweyne Tshisekedi isaga oo u ololeynaya in xal African ah loo helo dhibaatooyinka Afrika uu aqbalay codsiga Farmaajo ee ah inuu la xiriiro dhinacyada Soomaalida, si nabad waarta ay u hesho Soomaaliya.

Illa aiyo hadda ma cadda waxay ay yihiin wada-hadallada uu Farmaajo doonayo, iyo haddii uu ka tanaasulayo muddo kororsiga.

Mucaaradka Soomaaliya ee Farmaajo codsanayo inuu la hadashiiyo madaxweynaha Congo ayaa si weyn u diidan mudo kororsigii uu dhawaan sameystay Farmaajo, waxayna habeeno ka hor si cad u diideen kulan uu dalbaday inuu la yeesho.

Sawirro: Villa Somalia oo war kasoo saartay kulanka Farmaajo iyo Felix Tshisekedi

Kinshasa (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa maanta kulan la qaatay dhigiisa Congo ee Felix Tshisekedi.

Kulankaan ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo xoojinta dimuqraadiyadda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

“Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxaa horyaalla caqabado adag oo isku mid ah oo ay tahay in aan iska kaashanno  si aan u xaqiijino horumarka labadeenna shacab. Caqabadahaas waxaa ka mid ah xagjirnimada, saboolnimada, shaqo la’aanta dhallinyarada iyo argagixisada caadeystay carqaladeynta horu-socodka dalalkeenna.”

Kulanka oo ka dhacay aagga Midowga Afrika ee caasimadda Kinshaasa ayaa si wada-jir ah labada mas’uul iskula qaateen muhiimad xoojinta xiriirka iskaashi labada dal iyo kor u qaadida xiriirka dalalka Afrika, sida lagu sheegay qoraalka Villa Somalia.

Sidoo kale qoraalka ay Villa Somalia kasoo saartay kulankaas ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo Mudane Felix Tshisekedi oo ah Madaxweynaha Midowga Afrika ayaa Madaxweyne Farmaajo uga mahad celiyey aqbalaadda casuumadda ay u fidiyeen, isaga oo bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku tallaabsadeen.”

Farmaajo ayaa asaguna dhankiisa uga mahad celiyey Madaxweynaha iyo Shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo sida ay usoo dhoweeyeen Isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in dowladda federaalka ay ku garab istaageyso Madaxweyne Tshiskedi doorkiisa hoggaaminta Midowga Afrika.

Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Sii-hayayaasha Wasiirada Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed, Diblumaasiyiin iyo Lataliyeyaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka ayaa xalay gaaray caasimada dalka Congo.

Madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo ayaa ayaduna dhankeeda markii ugu horreysay ka hadashay safarka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu ku tegay dalkaas.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka ee madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dalkaas Félix Tshisekedi, oo sidoo kale ah guddoomiyaha Midowga Afrika, uu Farmaajo kala hadli doono arrimo ku saabsan gobolka, oo aan la caddeyn waxa ay yihiin.

Hase yeeshee, ajendaha kulanka ee ah “arrimo ku saabsan gobolka” ayaa ka duwan mid ay hore u shaacisay Villa Somalia oo ah in safarka “uu ku qotomo kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka fakhriga iyo xagjirnimada.”

Waxaa soo baxaya tuhuno la xiriira in safarka Farmaajo ee Congo, ay soo abaabushay Qatar, islamarkaana la doonayo in lagu heshiisiyo Kenya iyo Soomaaliya, maadama ay Qatar saami buuran ku leedahay shirkada ENI oo haysata baarista shidaalka dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay.


Safiirkii Mareykanka: “Farmaajo ma rabo inay doorasho dhacdo, waa in tallaabo adag laga qaado”

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Safiirkii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa ka hadley xaaladda Soomaaliya ee xilligan, gaar ahaa is-mari waaga arrimaha doorashada, isaga oo si xun u weeraray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Stephen oo wareysi siiyey idaacadda VOA ayaa ugu horeyn wax laga waydiiyey sida uu u arko xaaladda ay hadda ku jirto Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xaaladda Soomaaliya ay hadda tahay mid aad qatar u ah, wuxuuna madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuusan marnaba ku fakarin inuu qabto doorasho afartii sano ee uu xilka hayey.

“Xaaladda waa mid qatar ah oo nasiib darro xambaarsan, waxay ila tahay looma baahneyn in xaaladda sidaan noqoto, balse haddii aan fiirino sida ay aheyd xaaladda Soomaaliya afartii sano ee ugu dambeysay ee Farmaajo, waxaa jiray dhaqan joogto ah oo muujinayey inuusan rabin in la helo hanaan doorasho, lama qaadin tallaabooyinkii muhiimka u ahaa doorasho qof iyo cod ah,” ayuu yiri Stephen.

Sidoo kale Stephen ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeyey inuusan waxa xiriir ah la yeelan madaxda maamul Goboleedyada ee ka jira Soomaaliya marka laga reebo kuwa uu isaga ka caawiyey inay xilka qabtaan.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku guul-dareystay inuu wax xiriir ah la sameysto madaxda Maamul Goboleedyada marka laga reebo kuwa uu isaga ka caawiyey inay xilka ku guuleystaan, wuxuu ku fashilmay inuu wada-hadal la yeesho madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland oo ah kuwa khibrad leh isla markaasna heysto kalsoonoda shacabka deegaanadooda,” ayuu sii raaciyey.

Mar wax laga waydiiyey sida uu arko go’aanadii kasoo baxay beesha Caalamka ee looga soo horjeestay muddo kordhinta uu sameeyey Baarlamaanka Soomaaliya iyo jawaabtii ay ka bixisay Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay isku dayeyso inay muujiso inay ka maaranto beesha Caalamka, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay inay tahay wax lala yaabo maadaama Soomaaliya ay ku tiirsan tahay taageerada Beesha Caalamka.

“Labadii bilood ama seddexdii bilood ee ugu dambeysay jawaabaha Dowladda Soomaaliya ee ku wajahan qoraalada Beesha Caalamka waxay ahaayeen kuwa aad u adag, waxay ila tahay inay isku dayayaan inay hadal ahaan muujiyaan awood iyagoo sheegayo inaan la qasbi karin, hase yeeshee aad ayey uga fiirsanayaan sababtoo ah beesha Caalamka ayey isku haleenayaan marka ay noqoto badbaadadooda, haddii ay ahaan laheyd kaalmada debadeed, deyn cafinta, xawaaladaha, iyo muwaaqifta ku aadan lacagaha sirta ah ee ka imaaneyso Qatar, Sidoo kale haddii ay lahaan laheyd tababarada Ciidamada Militariga oo ay siiso Turkiga, haddii ay ahaan laheyd nooc kasta oo taageero oo ay ka helaan Eritrea, dhammaan beesha Caalamka oo kala duwan ayaa caawinayo Dowladda Soomaaliya, sidaa daraateed waa wax yaab leh inaad iska dhigto inaad ka maarmi karto danahaas oo dhan iyo cadaadiska ay beesha caalamka waddo,” ayuu yiri.

Sidoo kale Stephen ayaa Dowladda Mareykanka ugu baaqay inay tallaabo adag ka qaado madaxweyne Farmaajo oo uu ku eedeeyey inuu si ula kac ah uga leexday hanaankii uu ku socday dalka Soomaaliya oo aheyd in si dimoqraadi ah la isku doorto, wuxuuna taas badalkeeda sheegay in Farmaajo uu dalka ku wado jid aad u xun.

Wuxuu intaas ku daray in madaxweyne Farmaajo aan marnaba laga fileyn inuu hadal wax ku qaato balse Beesha Caalamka looga fadhiyo inay qaado tallaabo adag oo looga jawaabayo dhibaatada uu Farmaajo doonayo inuu u horseedo Soomaaliya.

Stephen ayaa is waydiiyey haddii ay Dowladda Mareykanka ka suurta geli karto inay aqoonsi uga raadiso safiirkeeda cusub ee Soomaaliya dowlad aan iyadaba sharci heysan, wuxuuna ugu baaqay Dowladda Mareykanka inay joojiso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya iyo kaalmada ay siiso iyadoo il gaar ah lagu fiirinayo arrimaha bini’aadanimada.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran.

Congo oo war kasoo saartay ujeedka safarka FARMAAJO iyo tuhun la xiriira KENYA iyo QATAR oo soo baxay

Kinshasa (Caasimada Online) – Madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo ayaa markii ugu horreysay ka hadashay safarka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku tegay dalkaas.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka ee madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dalkaas Félix Tshisekedi, oo sidoo kale ah guddoomiyaha Midowga Afrika, uu Farmaajo kala hadli doono arrimo ku saabsan gobolka, oo aan la caddeyn waxa ay yihiin.

Hase yeeshee, ajendaha kulanka ee ah “arrimo ku saabsan gobolka” ayaa ka duwan midka ay shaacisay Villa Somalia oo ah in safarka “uu ku qotomo kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka fakhriga iyo xagjirnimada.”

Dhinaca kale, diblomaasiyiin ku sugan gobolka ayaa laga soo xigtay in safarkan ay soo abaabushay Qatar, islamarkaana la doonayo in lagu heshiisiiyo Kenya iyo Soomaaliya. Qatar ayaad u dooneysa heshiiskan, sababtoo ah, dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay ayaa waxaa qandaraas shidaal baaris ah ku haysta shirkadda ENI ee Talyaaniga oo Qatar ay saami ku leedahay.

Madaxweyne Félix Tshisekedi ayaa laba toddobaad kahor un, 29-kii March, waxa uu Doha kula soo kulmay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, ayada oo la rumeysan yahay in kulankaas loogala hadlay inuu qaato doorka dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Kenya, maadaama uu yahay guddoomiyaha Midowga Afrika.

Qatar iyo Congo ayaa la sheegayaa inay doonayaan in Farmaajo uu ogolaado inuu heshiis la galo Kenya, taa beddelkeena Kenya ay aqoonsato Farmaajo.

Haddii heshiiskaas la gaaro ayaa Félix Tshisekedi waxa uu kadib Midowga Afrika uga ololeyn doonaa inay aqoonsadaan Farmaajo, maadaama muddo xileedka uu ka dhacay, labadii sano ee uu ku darsaday-na ay diideen Reer Galbeedka, sida ay ku warramayaan diblomaasiyiinta laga soo xigtay xogtan.

Waan idinla soo socod siin doonnaa wixii kusoo kordha, Insha Allah. 

FAYSAL Cali Waraabe oo shaaciyey arrin uu Geelle ‘ka hor-istaagay’ Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan loo doortay markii shanaad inuu hogaamiyo dalkaas.

Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeedinayay kulan ka qabsoomay Clubhouse ayaa waxa uu ku sheegay inaysan marnaba heshiis aheyn madaxweyne Geelle, islamarkaana uusan la dhacsaneyn siyaasidiisa xukun maroorsiga.

Waxa uu ku tilmaamay madaxweynaha Jabuuti inuu yahay cadowga Somaliland ee kasoo horjeeda inay hesho aqoonsi caalami ah oo ay baadi-goobeyso soddankii sanno ee u dambeeyay, maadama ay ku doodeyso inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya.

“Anigu heshiis ma nihin Ismaaciil Cumar Geelle, waayo Ismaaciil waa cadowga Somaliland, waayo marnaba ma ogola in Somaliland la aqoonsado. Djibouti-na kama dambaynayso Ismaaciil,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in madaxweyne Geelle aysan ka dambeyn doonin Jabuuti, maadama uu gebi ahaanba curyaamiyey siyaasiyiintii ka aragtida duwaneyd, islamarkaana uu caburin iyo awood ku haysto hogaanka dalkaas.

Faysal ayaa dhowr jeer oo hore taageero u muujiyey banaan-baxyo looga soo horjeedo Ismaaciil Cumar Geelle, oo uu xiligaas ku sifeeyay shaqsi ‘gacan-maroojis iyo kali-talisnimo’ ku haysta hogaanka Jabuuti.

Jeneral Koronto oo si kulul uga hadlay rasaaseyntii xalay ka dhacday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – General Maxamuud Macalin Koronto oo ka tirsan Saraakiisha Militariga Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay rasaastii xalay lagu furay gaadiidkii uu la socday Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

General Maxamuud Macalin Koronto, Abaandulihii hore Qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in uu ka ag-dhawaa Isgoyska Mirinaayada ee Degmada Cabdicasiis, markii lagu rasaaseynayay General Tuuryare.

“Wax si kedis ah ku dhacay maaha, run ahaantii aniga waan maqlayay xabadaha oo meesha gurigeyga ayaa ka dhow. Koley, koley waxaan u aragnaa daan-daansi beryahaan socdaya,” ayuu yiri General Koronto.

General Koronto oo ka barbar hadlayay shir jaraa’id oo General Tuuryare uu ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay inaysan wax wanaagsan ahayn in masuuliyiinta lagu arbusho wadooyinka.

“Ciidan haddii amar la siiyo waxaa la rabaa waajibka inay toos u aadaan, maaha inay dadka wadada maraya ama masuuliyiinta ahi ku xag-xagtaana,” ayuu yiri General Koronto oo xilal kala duwan ka soo qabtay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Jananka ayaa yiri “Haddii arrintan loo bareerayna waa sidii loogu bareeray, haddii aan loo bareerin-na koley, koley Saraakiishii ku soo baxay arrintan ayaa ka mid ahaa, koley jawaabteeda iyo waqtigeeda ayaan ka bixin doonnaa, si adagna waa uga bixin doonnaa, haddii Alle idmo.”

General Koronto oo saaxiibo dhow ay ahaayeen Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ku kala irdhoobay arrimaha siyaasadda ee dalka.

Koronto oo Korneyl ahaa ayaa darajada S/Guuto waxaa loo dalacsiiyay 20-kii bishii October ee sanadkii 2017, waana maalmo ka dib qaraxii dadka badani ku dhinteen ee 14-kii bishaasi ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale ayaa dhinacyada mucaaradka ku eedeeyay inay hab beeleed u kala fur furayaan Ciidamadii Qaranka, oo dib-u-dhiskoodu sida uu sheegay dhibaato badan laga soo maray.

Khilaafka ka dhashay doorashooyinka dalka ayaa gaaray meeshii ugu adkeyd, waana markii ugu horeysay xiisad ceynkani oo kala ah labaatankii sano ee ugu dambeysay ee dib-u-dhiska Dowladnimada Soomaaliya.

XOG: Yaa iska leh lacagtii shalay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa lacagtii dollarka aheyd ee ay shalay ciidamada ammaanka ku qabteen gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo ka timid dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in lacagtan ay laheyd gabar ganacsato ah oo magaceeda lagu sheegay Saabiriin Cabduqaadir Isaaq, sida ay shaaciyeen qaar ka mid ah ehelladeeda.

Saabiriin ayaa lagu soo warramayaa in lacagtan ay Kenya uga ganacsaneysay Dahab, waxaana waday oo lagu qabtay nin ay usoo dhiibatay oo wakiil u ahaa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya Sabiriin Cabduqaadir Isaaq ay taleefanka kula hadleen ciidamada amniga, kadibna ay si deg deg ah kusoo gaartay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo haatan su’aallo dheeraad ah lagu weydiinayo.

Sidoo kale gabadhan ayaa sheeganeysa in lacagta la qabtay ay dhameyd illaa hal milyan oo dollar, iyadoo shalay Booliiska Soomalaiya uusan shaacin tirada lacagtaasi.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo shalay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) uu shaaca ka qaaday in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde lagu qabtay lacag sharci darro ah oo dalka lasoo geliyey, kana timid Kenya.

Galmudug oo Puntland ku eedeysay inay ‘xoog uga haysato’ dhul ballaaran

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa ka fal-celiyey heshiis cusub oo ay maamullada Galmdug iyo Puntland ku kala saxiixdeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Falagle ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskaasi uu yahay mid milatari, isla-markaana ay si wadajir ah u saxiixeen wasiirada amniga ee labadaasi maamul oo daris ah.

Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa duray heshiiskani, wuxuuna sheegay in Puntland ay dhul ballaaran xoog heysto Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka amniga maamulka Galmudug ma carab-baabin halka uu ku yaallo dhulkaasi uu shaaciyey inuu Galmudug ‘uga maqan’ dhinaca Puntland.

“Iskaashi Milatari ayey Gaalkacyo ku kala saxiixdeen dowladaha Galmudug iyo Puntland, gaar ahaan wasiirada amniga, Fiqi iyo Galan,” ayuu yiri wasiir Falagle.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Deegano Galmudug ah oo balaaran waxaa xoog  ku heysta Puntland,”.

Hadalkan oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshada ee Internet-ka ayaa waxaa ka dhashay fal-celin aad u xoogan iyo hadal heyn badan, balse ma jirto illaa iyo hadda wax jawaab ah oo ay Puntland ka bixisay eedeyntaasi culus ee loo jeediyey.

Warbixin: Xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho oo ka baxay gacanta dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho oo maalmihii u danbeeyay xaalad cakirnaan siyaasadeed ah gashay ayaa waxay sababtay in qeybo ka mid ah xaafado ay ka baxaan gacanta dowladda, ayada oo isku fidiyeen ciidamo taabacsan midowga murashaxiinta iyo taliyihii hore ee ciidamada gobolka Banaadir Saadaq Joon.

Mudo kororsiga labada sano uu ku dhaqaaqay madaxweyna muddo xileedkiisa dhamaaday ayaa sababtay in magaalada Muqdisho noqoto mid kala qeybsanta oo ciidamada taabacsan dowladda ay degmooyinka qaar ka caaganaadaan.

Degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis  ayaa waxaa inta bada ku sugan ciidamo taabacsan madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow, kuwaasi oo ka hor istaagay ciidamada dowladda waqtigeeda dhamaday inay usoo gudbaan, waxaana isgoysyada degmooyinkaasi ku sugan ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo taabacsan Xasan Sheekh iyo Muuse Suudi.

Sidoo kale qeybo ka mid ah degmada Hodan waxay u xeran yihiin Jeneraal Saadaq Joon ciidamadiisa oo aad u hubeysan, kuwaasi oo dhufeysyo adag ka sameystay isgoysyada iyo jid cadayaasha degmadaaasi.

Xaaladahaan ayaa muujineysa saan saan colaadeed iyo isku dhacyo ciidan oo iska soo horjeeda, iyadoo xalay ay aheyd markii ciidamo ka tirsan dowladda ay rasaas ku fureen gaadiid uu la socday taliyihii hore NISA Jeneral Cabdiraxmaan Tuuryare oo ka badbaaday rasaastaasi xili uu kasoo gudbayay aaga ciidamada dowladda kaga sugnaayeen ee dhinaca degmada Cabdicasiis.

Waxaa muuqata in Muqdisho xiligaan ay yeelaneyso qad cagaaran, taasi oo dib usoo xasuusineysa dadka Muqdisho waagii dagaaladii sokeeye 29 sano kadib.

Dhamaan caqabadahaasi iyo yadadiilada colaadeed waa mid halisteed leh, balse looga baaqsan karo in madaxweyne Farmaajo uu dib uga laabto muddo kororsiga, si bulshada Banaadir nabad ugu noolaadaan, colaadna ugu nabad galaan.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online

CC Shakuur: Daandaansiga FARMAAJO waa mid qof walba soo jeedinayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa si adag kaga hadlay falkii xalay lagu rasaaseeyey taliyihii hore ee nabad sugida qaranka Cabdiraxmaan Tuuryare.

Marka hore Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa cambaareeyey weerarka lagu qaaday siyaasiga Cabdiraxmaan Tuuryare oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ku ah dowladda, wuxuuna ku tilmaamay in falkaasi uu yahay mid gar darro iyo oo beegsi ah.

“Waxaan canbaaraynayaa falka weerar ee lagu qaaday taliyihii hore ee Nabadsugida Qaranka Generaal C/raxmaan Tuuryare. Waxaan joognaa xilli madaxweyne kii uu xilka ku weeraray iyo taliye nabadsugid oo kii ka horeeyey xabadaynayo,”. ayuu yiri.

Musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in arrintan ay caddeyn u tahay daan-daansiga ay wadaan madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo kooxdiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Wax kale maaha ee waxay cadayn u tahay dhaqanka hoggaamiye kooxeednimo ee ina Farmaajo iyo kooxdiisa. Daandaansiga Farmaajo iyo kooxdiisa mid qof walba soo jeedinaya,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Si kastaba hadalkani ayaa kusoo aadayo, iyada oo xalay Cabdiraxmaan Tuuryare uu ka bad-baaday rasaas ay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ku fureen gaarigiisa oo marayey isgoyska Miranaayo oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Daawo: Odayaasha beesha Sheekhaal oo raali-gelin ugu tegay XASAN SHEEKH

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beesha reer Awqudub ee Sheekhaal ayaa raali-gallin iyo xaal-siin ugu tegay Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo la sheegay inuu dhibsaday hadal dhawaan ka soo yeeray Abwaan ka dhashay beeshaas.

Kulanka ka dhacay hoyga Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka deganyahay ayey odoyaasha dhaqanka beesha reer Awqudub uga raali-geliyeen hadal dhowaan uu warbaahinta ka sheegay Abwaan Bedel Kulmiye Xirsi oo ku beel ah.

Odayaasha ayaa Xasan Sheekh saaray cimaamad, sidoo kalena ku sharfay kitaab Musxaf ah, waxaana la sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu aqbalay raali gelintaas uga timid Odayaasha dhaqanka beesha reer Awqudub ee Sheekhaal

Abwaan Bedel oo bilaawgii todobaadkan ka hadlayay munaasabad lagu taageerayay madaxweyne Farmaajo ayaa hadallo aan munaasab aheyn ku weeraray Xasan Sheekh iyo musharaxiinta kale ee mucaaradka ah, isagoo taageero u muujinayey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Abwaanka oo ka sheekeynayey xilligii uu socday ololihii doorashada Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in markaas oo taageersanaa Sheekh Shariif, balse markii dambe uu u wareegsaday dhanka Farmaajo.

Xasan Sheekh ayuu ku eedeeyey inuu isku jimeeyey doorashadii xilligaas, balse sidii uu rabay aysan u suurta gelin, sida uu hadalka u dhigay.

Daawo hadalkii Abwaan Bedel, sawirradana hoos ka eeg

Sawirro: Farmaajo oo gaaray magaalada KINSHASA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedku ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kinshasa ee caasimadda dalka Jamhuuriyadda Dimqoraadiga ah ee Congo, halkaas oo booqasho labo maalmood ah ay uga bilaabantay.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee N’djili kusoo dhoweeyey Madaxda Dalkaas, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxtooyada ayaa sidoo kale sheegtay in safarka Madaxweynaha uu ku qotomo kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka fakhriga iyo xagjirnimada.

Diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Farmaajo ayaa inta ay ku sugan yihiin Koongo waxa ay kulan-doceedyo la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas iyo Madax kale oo ka tirsan Midowga Afrika.

Safarkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee Farmaajo uu dalka kaga baxo tan iyo markii uu muddo xileedkiisa uu dhammaaday 8-dii Febraayo iyo toddobaad kadib markii uu laba sano ku darsaday.