27 C
Mogadishu
Wednesday, July 15, 2026

Sawirro: Farmaajo oo gaaray magaalada KINSHASA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedku ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kinshasa ee caasimadda dalka Jamhuuriyadda Dimqoraadiga ah ee Congo, halkaas oo booqasho labo maalmood ah ay uga bilaabantay.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee N’djili kusoo dhoweeyey Madaxda Dalkaas, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxtooyada ayaa sidoo kale sheegtay in safarka Madaxweynaha uu ku qotomo kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka fakhriga iyo xagjirnimada.

Diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Farmaajo ayaa inta ay ku sugan yihiin Koongo waxa ay kulan-doceedyo la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas iyo Madax kale oo ka tirsan Midowga Afrika.

Safarkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee Farmaajo uu dalka kaga baxo tan iyo markii uu muddo xileedkiisa uu dhammaaday 8-dii Febraayo iyo toddobaad kadib markii uu laba sano ku darsaday.

Taliyihii hore ee NISA oo ay Muqdisho ‘ku weerareen’ ciidamada dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore hey’adda sirdoonka iyo nabadsugida NISA Jeneral Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa ka badbaaday rasaas ay xalay ciidamo ka tirsan dowladda la beegsadeen gaari uu la socday oo marayay isgoyska Miranaayo ee degmada Cabdicasiis. 

Jen. Tuuryare ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil xili lagu rasaaseeyay isgoyska Miranaayada ee degmada Cabdicasiis, wuxuuna tilmaamay in ciidamada rasaaseeyay aaney aheyn kuwii degmadaasi ka shaqeyn jiray, islamarkaana ay yihiin ciidamo cusub oo goobtaas la geeyay xalay kuwaas oo lagu magacaabo Duufaan. 

Wuxuu sheegay Jen. Tuuryare in rasaastaasi lala beegsaday ay aheyd daandaansi si ula kac ah loo sameeyay iyo isku day dil, wuxuuna intaa raaciyay in uu la tashiyo la sameyn doono saraakiisha si jawaabta ku haboon uu uga bixiyo haddii aan laga jawaabin sababta keentay in la weeraro gaadiidkii uu saarnaa.

Isgoyska Marinaayo ayaa xalay la lasoo dhigay ciidamo ka tirsan Dowladda, xili xaafadda Mirinaayo uu halkaasi degay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, horayna uu u deganaa Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa xiligaan ah mid riman oo mar walba la filan karo dagaal u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka kasoo horjeeda oo xaafadaha Muqdisho qaarkood xirtay.

Agaasimaha Human Rights Watch: Farmaajo wuxuu ku dayanayaa Isaias Afwerki

0

Wali waxaa isa soo taraya wararka la xiriira ka falcelinta tallaabadii dhawaan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay wakhtiga ugu kordhiyeen hay’adaha dolwadda federaalka oo ay ugu dareen muddo laba sano ah.

Agaasimaha Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch Kenneth Roth, ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay fariin qoraal ah oo uu ku muujinayo in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku dayanyo madaxweynaha dalka Erateriya oo muddo badan xukunka haya.

“Layaab malahan in madaxweynaha Soomaaliya Maxamaed Cabdullaahi Farmaajo ay Galaha Shacabku u sameeyaan muddo kordhin hal dhinac ah oo laba sano ah xili uu u muuqdo inuu qaadayo wadada madaxweynaha dalka Eratariya Isaias Afwerki isla markaana xukunka haya muddo dheer kaas oo bilooyinkii ugu dambeyay ay noqdeen xulufo aad isugu dhow” ayuu ku yiri qoraalkiisa Kenneth Roth.

Hadalka Agaasimaha Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights ayaa imaanaya xili wadamada beesha caalamku ay siyaabo kala duwan uga hadleen arrinta muddo kordhinta.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdillahi Farmaajo ayaa shalay wadahadallo kula yeeshay Teendhada Afisyooni wakiillada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho. Shirka oo ahaa mid albaabadu u xiranaayeen ayaa labada dhinac uga wadahadleen xaalladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo xiisadda ka dhalatay muddo kordhinta labada sanno ah ee loo sameeyay hay’adaha dawladda federaalka ee waqtigoodu dhamaaday.Balse ilaa iyo hadda lama shaacin qodobbada dhabta ah ee shirkaasi la iskula soo qaaday.

Beesha Caalamku ma khasbi kartaa madaxda Soomaalida?

Barfasoor Ibraahim Faarax Bursaliid, oo ah khabiir falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya, ayaa BBC-da u sharraxay dhowr sababood oo uu fikir ahaan qabo in beesha Caalamku aysan cadaadis xad dhaaf ah ku saari karin siyaasiyiinta khilaafku u dhaxeeyo.

Ugu horreyn wuxuu Prof Bursaliid qeexay in hadda laga soo gudbay xilligii Beesha Caalamku ay hoggaanka u heysay masiirka Soomaalida.

“Beesha Caalamka ee la sheegayo waxay noqon karaan waddamo ay Soomaaliya u wada hadli karaan dal ka dal ama waa urur goboleedyo heer gobol ama heer qaaradeed ah ama waa ururro caalami ah sida Qaramada Midoobay iyo wixii la mid ah, marnaba Soomaalidu kuma khasbana Jamhuuriyad ahaan iyo ka dowlad ahaanba in xaanshi loo soo qoray ay ku dhaqanto ama ay raacdo.

“Waxaad mooddaa in lasoo dhaafay xilligii xukuumadda Soomaaliya ay ku jirtay ku meel gaarnimada oo laga caawinayay dal dhiska, nabadeynta iyo dib u mideyntiiba.

Tan iyo doorashadii 2012-kii waxaad mooddaa in laga baxay ku meel gaarnimadii, sidaas darteedna ay tahay in la xurmeeyo gobanimada iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda,” ayuu yidhi Prof Bursaliid.

Waddada kale ee u furan beesha Caalamka ayuu Prof Ibraahim Bursaliid ku sheegay mid qallafsanaan ku imaan karta.

“Dal walba wuxuu ku sabsan yahay inuu Soomaalida ku xurmeeyo go’aannadooda masiiriga ah, sida uu Shiinuhuba caddeeyay.

Laakiin haddiiba ay noqoto in talooyin gurracan la siiyo waa in loo qariyo oo si hoose oo saaxiibtinnimo leh loogu sheego ama si hanjabaad ah loogu sheego, haddiiba uu jiro dal tun buuran sida Mareykanka, Ingiriiska iyo Turkiga.”

Beesha caalamka ayaa ka soo horjeestay tallaabada muddo kordhinta ah waxaana ay ku goodiyeen inay jawaab ka bixi doonaan haddii aan warkooda la maqlin kaas oo la xiriira in la sameeyo hannaan oggalaanaya in doorasho loo dhanyahay dalka ay ka dhacdo.

Heshiiskii 17 September yaa diiday?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo waraysi siinayay Tv-ga Shabelle ee xaruuntiisu tahay Muqdisho ayaa dhankiisa ku eedeyay maamullada Jubaland iyo Puntland in shirkii natiijo la’aanta ku soo dhamaaday ee ugu dambeyay ay ku soo bandhigeen maamullada JUbalnd iyo Puntland shuruudo cusub isla markaana ay diideen heshiiskii horey loo gaaray ee 17-kii September oo ay ku sheegeen inuu dhacay oo wakhtigiisa laga gudbay.

Madaxweynaha oo la waydiiyay waxa ku kalifi kara inay sidaa dhahaan maadama ay horey u saxiixeen ayaa sheegay in aysna rabin in doorasho ay galaan.

“Waxaa ku kalifi karay saan is leeyahay ma rabaan in ay galaan doorasho xaqiiqatan, maxaa yeelay markii aad loo murmay waxay waxay soo istaageen September 17 maaha sax September 17 waa dhacay wakhtigiisii” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Mr Farmaajo ayaa sheegay in Jubaland iyo Puntland ay ku tala galeen in shirka ay fashilayaan oo aaney dooneyn in la gaaro heshiis wada jir ah si loo aado doorasho maadama ay soo kordhiyeen shuruudo cusub oo qaarkood laga aqbalay qaarna aaney sharci ahayn.

Xigasho: BBC SOMALI 

Dowladda Nigeria oo ciidan horleh u soo dirtay Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa soo gaaray ciidamo horleh oo ka mid noqonaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) ee ka howl-gala dalka, kuwaas oo ay soo dirtay Nigeria.

Ciidamada oo ah kuwa Booliis ah ayaa gaaraya illaa 144, waxayna u badan yihiin saraakiil, kuwaas oo soo qaatay tababar la xiriira howl-galka nabad ilaalinta.

Sida uu sheegay isu duwaha howlaha Booliiska AMISOM Daniel Ali Gwambal 30 ka mid ah ciidamadan waxa ay muddo hal sano ah ka howl-geli doonaan gudaha magaalada Beledweyne, halka qaybta soo hartayna ay ka howl-geli doonaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale isu duwaha ayaa hadalkiisa kusii daray in ciidamadan ay ka shaqeyn doonaan xoojinta nabad-gelyada, isla-markaana ay la howl-geli doonaan Booliiska Soomaaliya.

“Si loo dhammeystiro howl sharciyeedka AMISOM ee lagu taageerayo Soomaaliya si gaar ah Booliiska Soomaaliya waxa ay saraakiishaan ilaalinayaan amniga si ay ula howlgalaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed,” ayuu yiri isu duwaha howlaha Booliiska AMISOM.

Daniel Ali Gwambal ayaa sidoo kale intaasi sii raaciyey “Waxa ay leeyihiin qibrad gudasho waajibaa waxa ay kormeerayaan baraha hubinta & saldhigyada Booliiska ay wada shaqeynayaan”.

Si kastaba saraakiishan ka socda dowladda Nigeria ee ku biiraya howl-galka AMISOM ayaa imaantinkooda waxa uu kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, taas oo ka dhalatay is mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2021.

Farmaajo oo caawa ka dhoofay Muqdisho, halkuu aaday?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dhoofay Muqdisho, isagoo ku sii jeeda dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, kadib markii sida la sheegay uu casuumaad ka helay madaxweynaha dalkaas Felix Tshisekedi.

Ilo ku dhow Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in safarka Farmaajo uu la xariiro wadahadallo la filayo in laga dhex bilaabo hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Kenya, maadaama labada dal ay si toos ah xiriirka isugu jareen.

Madaxweynaha dalka Congo oo hadda ah madaxa ururka Midowga Afrika oo ay xubno ka yihiin Soomaaliya iyo Kenya ayaa casuumay Madaxweyne Farmaajo, sidoo kale waxaa la sheegay in todobaadkan gudihiisa uu qaabili doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu waday in gelinkii dambe ee maanta uu ka dhoofo Muqdisho ayuu safarkiisu dib u dhacay, kadib markii ay ka soo daahday diyaaradii qaadi laheyd oo laga soo diray dalka Congo, taas oo caawa fiidkii soo gaartay Muqdisho.

Wararka aan heleyno waxay intaas ku darayaan in Farmaajo markii uu u soo dhamaado safarka uu caawa ugu baxay dalka Congo uu ka sii aadi doono dalka Itoobiya, halkaas oo uu kula kulmi doono ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ay saaxiibo dhow yihiin.

Waa safarkii ugu horeeyey ee Farmaajo uu dalka uga baxay tan iyo 8-dii Febraayo markii uu dhamaaday mudo xileedkiisa, isagoo dhawaan mudo kordhin laba sano ah sameystay, taas oo weli u socon la’.

Banaanbax xooggan oo ka billowday xaafadda Shiirkole

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Banaanbax xoog leh ayaa hadda ka bilaawday xafadda Shiirkole ee degmada Hodan, halkaas oo uu gedan yahay Jeneraalkii ay Farmaajo isku dhaceen ee Saadaq Joon, waxaana dhigaya banaanbaxaan dad u badan dhalinyaro.

Banaanbaxaan ayaa looga soo horjeedaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxayna dadka dhigaya ku qeylinayaan erayo ay ka mid yihiin “Kaligi taliye dooni meyno, hoggaamiye kooxeed dooni meyno, sharci jebiye dooni meyno, doorasho diid dooni meyno”.

Xaafadda Shiirkole waxay noqotay aag u xoreysan taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Joon oo ay isku dhaxeen Madaxweyne Farmaajo.

Markii laga reebo halka wado ee ka leexata isgoyska Balaaksii ee aadda isgoyska Shiirkole, wadooyinka kale ee gala xaafadaas waxaa lagu jaray Carro, waxaana difaac uga jira ciidamo daacad u ah, Jeneraal Saadaq Joon.

Ugu yaraan laba habeyn oo lasoo dhaafay ayaa la sheegay in dowladdu qorsheyday inay Shiirkole ku weerarto Saadaq Joon, balse ma suurta gelin.

Xalay waxaa tegay xaafadda Shiirkole oo shir jaraa’id ku qabtay xildhibaano ka soo jeeda beelaha Hawiye, kuwaas oo ku goodiyey in gacmaha aysan ka laaban doonin hadii dowladdu ay isku daydo inay soo weerarto Shiirkole iyo Saadaq Joon.

Xaaladda Caasimadda Muqdisho ayaan cago  badan ku taagneyn, tan iyo markii uu mudada xilheyntiisa laba sano ku darsaday madaxweyne Farmaajo, waxaana laga cabsi qabaan inay Muqdisho ka bilaawdaan isku dhacyo hubeysan.

DF oo sheegtay in lacag ka timid dal kale lagu qabtay garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in maanta garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde lagu qabtay lacag ka timid dalka Kenya iyo dadkii watay, taas oo la sheegay inay khatar ku aheyd amniga Qaranka, balse shaki badan ayaa ku geedaaman sheegashadan.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo qoraalkan soo saaray ayaan shaacin cadadka lacagta ay qabteen iyo tirada dadka lagu qabtay intaba, balse waxa uu sheegay inay baaritaano ku socdaan, sharcigana la hor keeni doono dadkaas.

“Saaka abaare 09:00 AM, ayaa Ciidanka Saldhiga Boliiska Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ay gacanta ku soo dhigeen cadad lacag ah oo Dollar ah, taas oo ay siday diyaarad ka mid ah kuwa u kala goosha Muqdisho iyo Nayroobi. Lacagtaas oo la rabay in sifo sharci daro ah dalka lagu soo galsho, taas oo lid ku ah shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah,” ayuu yiri Sadiiq Aadan.

Qoraalka afhayeenka booliska Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Cadadka lacagtaas iyo eedeysanihii waday, ayey Ciidanka Boliisku gacanta ku hayaan, iyada oo baaris ku socoto cadaadana la horgeyn doono. Waan bogaadinaynaa Ciidanka Boliiska iyo Howlwadeenada kale ee ka howlgala Garoonka, sida ay u guteen waajibaadkooda shaqo.”

Dhanka kale Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Maxamed Xasan Xijaar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka waxa uu ku yiri, ”Waxaan bogaadinayaa Ciidanka Saldhiga Booliska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde oo maanta Gacanta ku dhigay lacag tiro badan oo sharci darro ku soo gashay dalka, lana socotay diyaarad ka timi dalka Kenya. Baaritaan dheeri ah ayaa xilligan Ciidanku ku hayaan dhacdadan.”

Arrintaan ayaa durba shaki badan abuurtay, waxaana baraha bulshada qabsaday doodo la xiriira in tani ay tahay mid siyaasadeysan, oo lagu xoojinayo doodda dowladda ee ah in dalka faro-gelin lagu hayo

Waxaa sidoo kale tuhunka sii dheereynaya ayada oo la soo bandhigin wax macluumaad ah oo la xariira lacagtaas, sida cadadka lacagta, diyaaradda lagu keenay, dadka la sheegay in lagu qabtay, cidda loo waday iyo cidda soo dhiibtay toona.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah siyaasiyiin ka fal-celiyey sheegashada booliska ayaa qorshahaan ku macneeyey mid in dhaha dadka looga jeedinayo safar uu sheegay in Farmaajo uu ugu bixi rabo Itoobiya, isagoo su’aal ka keenay sababta ka dambeysa in xilligaan uu Farmaajo u safro Itoobiya.

“Xijaar si indhaha dadka looga leexiyo safarka Farmaajo, ayuu suuqa soo geliyay lacag ayaan qabanay. Taliyow riwaayadaan caatada ah inta naga dhaaftid bal nooga waran duqu muxuu xiligan Itoobiya ka doonayaa?” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa.

Safiirka UK ee Soomaaliya oo beenisay war uu faafiyey xafiiska ra’iisul wasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa iska fogeysay warar ay xukuumadda xil-gaarsiinta ka faafisay kulan ay maanta la qaadatay Sii-hayaha ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Guuleed.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa qoraal uu ka baahiyay kulankii Kate Foster iyo Mahdi Guuleed ku sheegay mid looga wada-hadalay xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhaqaalaha iyo amniga.

Daqiiqado kadib Danjiraha UK ayaa ka fal-celiyay hadalkaas, kaasi oo u muuqday mid lagu maran-habaabinayo ujeedka dhabta ah ee kulanka maanta dhex-maray Mahdi Guuleed iyo Kate Foster.

Kate Foster ayaa sheegtay inay Mahdi Guuleed kala hadashay mowqifka diidmada UK ee ku aadan qaraarka uu Golaha Shacabka ugu sameeyay muddo kordhinta madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo hay’addaha kale ee dowladda.

“Kulan wax ku ool ayaa maanta yeelanay Mahdi Guuleed, kaas oo aan uga wada-hadalnay xaaladda siyaasadeed ee haatan taagan. Waxaan u xaqiijiyey in dowladda UK aysan taageeri doonnin muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo,” ayey tiri Kate Foster oo jawaab ka bixisay qoraal uu Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta ah uu ku baahiyey bartiisa twitter-ka.

Sidoo kale waxay sheegtay Kate Foster intii uu socday kulanka ay la qaadatay Mahdi Guuleed inay ku adkeysay muhiimada ay leedahay in si deg-deg ah loogu laabto ‘qaab doorasho oo ku saleysan is af-garad’, islamarkaana ay madaxdu dib ugu laabtaan wada-hadaladii fashilmay.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo ay dalalka beesha caalamka cadaadis xoogan ku saarayso madaxda dowladda waqtigeedu dhamaaday, tan iyo markii uu golaha shacabka meel-mariyay qaraar uu xukunka labo sanno ugu sii dheereynayo Farmaajo.

Dowladda muddo xileedkeedu dhamaaday ayaa maalmihii dambe waday maran-habaabinta ujeedka dhabta ah ee kulamada ay la qaadato dalalka beesha caalamka, xili ay wajaheyso cadaadisyo dib looga laabanayo go’aankii golaha shacabka, ayada oo lagu goodiyay madaxda sarre inay wajahi doonaan cawaaqib xumada tallaabadaas.

Mahad Salaad, Odowaa iyo Saabir oo ka jawaabay hadalkii xildhibaanada ku beesha ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odowaa iyo Cabdisaabir Shuuriye ayaa luuqad adag ugu jawaabay xildhibaanadii Habargidir xalay taageerada u muujiyey Farmaajo, ayaga oo kasoo horjeestay xildhibaanadii tegay Shiirkole.

Mahad Salaad ayaa sheegay in xildhibaanada Farmaajo xalay kasoo dhex hadlay ay yihiin kuwo uu lacago joogta ah siinayay intii xukunka uu joogay, islamarkaana aan marnaba kasoo horjeesan karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Xildhibaanada Farmaajo xalay kasoo dhex hadlay ee afarta sano uu biilka siinayay walina u heysta in uu noolyahay ama uu ka matajin karo wixii ay ka cuneen hadii ay warkiisa diidaan walaaleyaalow haloo cudurdaaro. Sababtoo ah dadna Farmaajo ayaa u ah duunyana waa mida ay gacantiisa ka sugaan,” ayuu yiri.

Waxaa uu hadalkiisa sii raaciyey “Waxaa kaloo dhici karta in aysan ogeynba dadka degan Shiirkole qoloda ay yihiin oo Farmaajo u sheegay in qaraabadiisu degantahay anaguna aan meesha doolaal ku tagnay. XOOLO DARMADAY AYAAN MAQLI JIRAY EE KUWAANI WAA DAD DARMADAY!.”

Sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa asaguna ku sifeeyay xildhibaanadan kuwo uu Farmaajo isaga dejinayo cadaadiska uga imaanaya beeshooda, kadib markii uu si sharci darro ah xukunka usii dheereystay.

Odowaa ayaa ku dhaliilay xildhibaanadaas ay isku beesha yihiin inaysan ku hadlin rabitaanka dadka ay matalaan, balse ay ku hadleen rabitaanka Farmaajo iyo aragtidiisa qalafsan.

“Farmaajo markii kulaylku gaaro waxa uu ka soo dhax hadlaa kuwa dad kuu xiga. Xalay kuwo aan qaraaba nahay ayuu ka soo dhax hadlay, Haddii ay dadka matalaan may meesha ay dadku joogaan ka so dhax hadlaan waa kuwa ina Farmaajo agtiisa laga so shidaaye sida cajalade. Nafeey nin ku doono ku waa aan maqli jiray!” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Wasiirka dekadaha iyo kaluumeysiga Galmudug Cabdisabir Nur Shuriye oo isaguna u jawaabay xildhibaanada ay soo dirsatay Villa Somalia ee taageerada u muujiyey Farmaajo, ayaa sheegay inay masiirka umaddooda ka doorteen madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Waxa uu sheegay hoosta ka xariiqay in mardambe aysan u dhuuman doonin xubnahaas uu daaha gadaashiisa kasoo hagayo Farmaajo, islamarkaana ay barteen waxay yihiin, midaasina ay ku baraarugeen bulshada ay kasoo jeedaan.

“Jawaab kale nagama mudnidin oo inaan idinku masquulno ma doonayo Farmaajo ayaa shaqo nooga baahan lakin waxaan idin leeyahay haka so hadline Villa Somaliya ee imaada Shiirkole oo u sheega dadka aad leedihiin waa u tureynaa waxaad Villada ka soo sheegaysaa,” ayuu yiri.

“Shiirkole iyo Farmaajo, waxaadna doorateen Farmaajo oo waqtigiisu dhamaaday, waxaana ilaahey mahadiis ah inaad is caddeyseen oo aadnaan umadda u dhuuman.”

Waxaa maalmihii u dambeysay magaalada Muqdisho si weyn looga dareemayay dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoog leh, oo looga soo horjeedo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, kaasi oo siyaasiyiinta mucaaridka u aqoonsadeen “hoggaamiye kooxeed sharci-darro” ku jooga Villa Somalia.

Daahir Geelle oo shaaca ka qaaday ‘fursad’ Farmaajo hortalla oo uu iska luminayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Daahir Maxamed Geelle ayaa sheegay in Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu luminayo fursada uu qeyb kaga noqon karo wada-hadallada xalka loogu raadinayo khilaafka doorashooyinka.

Daahir Maxamuud Geelle, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Dan Qaran oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa hoosta ka xariiqay sidda ay muhiiim u tahay in is-mari-waaga si degdeg ah loosoo afmeero.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya ayaa intaas ku daray in Farmaajo uu xagal-daaciyey natiijo miradhala oo kasoo baxay wadaxaajoodyadii hore.

“Farmaajo waxaa soo martay maalin gurbaan taageero loo tumaayey, maalin laga dalbado inuu gogol fidiyo si kala guurka looga arrinsado, balse wuu xagal daaciyay. Waxaa xigay, maalin gogashi isaga laga codsan jiray ay beesha caalamka isaga ugu yeerto, waana isaga dhaqaaqay,” ayuu ka dhawaajiyey.

“Waxaa muuqata arrinta Soomaaliya ee miis ku dhammaatada ahayd in ay ku dhamaan doonto miis uu Farmaajo ka maqan yahay.”

“Saaxibadeyda xilalka haaya waxaan leeyahay, xil kasta, ha noqdo Ra’iisal wasaare, Wasiir, Xildhibaan, Taliye iyo Guddoomiye waxaa gadaal ka raaci doona erayga “hore”,” ayuu yiri safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Sacuudiga.

Daahir Geelle ayaa caddeeyay: “Xilka waxa laga faa’iido waxaa ugu wayn dhaxal reeb wanaagsan. Taariikh mugdi ah ayaa laga dhaxlaa la shaqaynta nidaam qalloocan oo aadan khaladka ka qaban karin ee toosi ama ka tag. Berrito ma foga mana dhammaato, xafiis la yimaado in laga tago ayaa ku xigta.”

“Farmaajo-ne waxa aan leeyahay, inta aad qaranka kala goyn lahayd quruxso taariikhda,” ayuu kusoo xiray isaga oo qeybta u dambeysay ee hadalkiisa kasoo xigtay Abwaan Abshir Bacadle.

Inkasta oo dhankiisa uu eedeeyay maamulada Puntland iyo Jubaland, hadana mucaaradka ayaa sheegay in Farmaajo uusan daacad ka ahayn xal u helida muskhilada doorashooyinka doonayana in uu awooda kusii haysto si sharci daro ah.

PROF. MAXAMED Cabdi Gaandhi oo geeriyooday

Paris (Caasimada Online) – Prof. Maxamed Cabdi Gandhi oo ahaa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, ahaana musharax madaxweyne ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Besancon ee barriga dalka Faransiiska.

Prof. Gandhi ayaa lagu warramayaa inuu maalmihii tegay halkaas ku xanuusanaa, kuna geeriyooday isbitaal ku yaalla, hase yeeshee weli wax faah-faahin ah lagama bixin xanuunka hayey.

Prof. Gandhi waxa uu ka mid ahaa aqoonyahanada Soomaaliyeed ee aadka looga dambeeyo taariikhda isirka Soomaalida. Wuxuu bartay culuunta dhulka, bulshada iyo dhaqamada bulshooyinka, isagoo laba shahaadada sare ee PhD ku haystay culuuntaasi.

Waxa uu horey usoo noqday wasiirkii gaashaandhigga ee dowladdii ku-meel gaarka aheyd ee madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, ee uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. 

Madaxweynihii Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo ay soo wada shaqeeyeen Gaandhi ayaa ka tacsiyeeyey geeridiiisa. “Waxaan shacbiga Soomaaliyeed la wadaagayaa murugada iyo geerida Prof Maxamed Cabdi Gaandhi oo ay isoo gaartay inuu ku geeriyoodey dalka Faransiiska,” ayuu yiri.

“Prof Gaandhi waxaan is barannay 2006 xilligaas oo uu ka shaqeynayay dhex-dhexaadinta Dowladdii KMG ahayd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf AUN iyo Midowga Maxaakiimta. Wuxuu kamid noqdey isbahaysigii dib u xoreynta ee Asmara, isagoo Dowladdii aan Madaxweynaha ka ahaana kasoo noqdey Wasiir.”

“Prof hadda wuxuu kamid ahaa Madasha Xisbiyada Qaran oo uu guddoomiye ku-xigeen ka ahaa, iyo Midowga Musharaxiinta wuxuu ahaa odey Soomaaliyeed oo dalkiisa usoo shaqeeyey, wuxuu ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed, isagoo sidoo kalena qayb ka ahaa dhismihii dowlad goboleedka Jubaland.”

Waxa u mudod dheer ku noolaa dalka Faransiiska. Waxa uu ahaa 72 sano jir marka uu geeriyooday.

FIQI oo raali-gelin u diray ‘Halgamayaasha Shiirkoole’

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, sidoo kalena ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Axmed Macalin Fiqi ayaa raali-gelin ka bixiyay hadaladii kasoo yeeray xildhibaano xalay shir jaraa’id ku qabtay oo weeraray xildhibaanada tegay Shiirkole ee taageeray Saadaq John. 

Xildhibaanadaas oo ay soo abaabushay Villa Somalia, kana tirsan beesha Habargidir ayuu Fiqi ku tilmaamay “la haystayaal aan xor u aheyn aragtidooda,” islamarkaana ku hadlaya af aan kooda aheyn.

“Halgamayaasha Shiirkoole waxaa ka raalli gelinayaa xildhibaanada walaalaha ah ee hiilkii ay u baahnaayeen markii ciidamadu dul fadhiyeen ka gaabiyey, ee aan haddana intaas ku ekaan,” ayuu yiri.

“Reer Shiirkole waxaad  mudnaydeen in la idinla qeybsado xaaladda qalafsan ee habeenadii la soo dhaafay guryihiina la idinkugu keenay, ama ugu yarraan aad mudnaydeen in la idinkaga tacsiyeeyo hurdo la’aantii, wel-welkii iyo cabsidii la idin dul keenay, haddii ay taasi dhici weydayna aad astaahisheen in qalbiga la idinkaga soo duceey”.

Sidoo kale waxaa uu ka dalbaday xildhibaanada ay soo dirsatay Villa Somalia inay raali-gelin ka bixiyaan hadalkii xalay ay uga soo horjeesteen halganka socda, islamarkaana ay ka waantooban ficilada noocaas ah ee ay ku taageerayaan taliska Farmaajo.

“Waxaa meeshii weerarka Shiirkole laga soo go’aamiyey meel aan sidaas uga dheereyn shir jaraa’id ku camirtay dhowr xildhibaan oo isku dayey in ay isku aadiyaan eed aysan lahayn ayagu, ku hadlaan af aan kooda ahayn, ayna isaga qaldantay qadiyadda dadeed iyo difaaca taliska waqtigu ka dhamaaday ee Villa Somalia.”

Xildhibaanada uu weerarka ku qaaday ee Villa Somalia soo dirsatay ayaa waxa kamid ah; Ubax Tahliil Warsame, Warsame Joodax iyo Cabdikariim Khaliif Dhalac.

Ugu dambeyntiina waxa uu sii xoojiyey taageerada kacdoonka looga soo horjeedo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo oo muddo labo sanno ah oo sharci darro ah kusii darsaday xukunka dalka, “Naga raalli noqda walalayaal, halgankuna sidiisii ha u socdo, garabkiina ayaan nahaye.”

CC Shakuur oo shaaciyey in QOOR QOOR uu taageeray muddo kororsiga Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlayey xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan go’aankii baarlamaanka ayaa shaaciyey in Axmed Qoor Qoor uu taageeray muddo korosiga Farmaajo.

Horey wxaaa loo ogaa in madaxda HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ay taageereen muddo korosiga Farmaajo, halka Qoor Qoor uusan caddeyn mowqifkiisa, hase yeeshee qoraal uu soo dhigay facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku eedeeyey saddexda maamulba in ay taageereen muddo kordhinta loo sameeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, iyaga oo aan wax latashiyo ah la soo sameyn baarlamaanadooda, wasiiradooda iyo bulshadooda intaba.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in saddexdan maamul ee taabacsan Villa Soomaaliya ay ka arkeen dadkooda, isla-markaana ay go’aanka ku sitaan jeebka, siduu hadalka u dhigay.

Maamullada Jubbaland iyo Puntland ayuu dhanka kale ku amaanay, sida ay ugu kalsoon yihiin dadkooda, baarlamaanadooda iyo wasiiradooda oo ay la tashiyo la soo sameeyeen, kadibna si cad uga biyo diiday arrinta muddo kororsiga oo uu ku tilmaamay sharci darro.

“Waxaa is waydiin mudan dawlad goboleedyada qaarkood bulshadii rayadka iyo waxgaradkii ayey la tashadeen, ka dibna golayaashii Wasiirada iyo Baarlamaanka ayaa go’aan ku diiday muddo kororsiga . Laakiin dawlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed yey la tashadeen markii ay go’aanka muddo kororsiga Farmaajo ku taageereen? bulsho rayad, waxgarad, Gole Wasiiro iyo Baarlamaan ma lahan miyaa? Mise dadkoodeey ka arkeen oo go’aanka iyagaa jeebka ku sita?,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Dhinaca kale musharrax madaxweyne Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame ayaa si cad uga horyimid la kulanka madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo dalab u diray qaar ka mid ah midowga musharraxiinta mucaaradka, balse ay ku gacan seereen.

“Farmaajo isagaa irdaha u soo xiray wadahadaladii doorashooyinka, ka dibna hoggaamiye kooxeed noqday. Ma jirto cid xiisa u qabta la kulankiisa,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horey warbaahinta dowladda ay u shaacisay warqad la sheegay inay si wadajir u soo saareen maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed oo lagu taageeray go’aankii baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba Soomaaliya ayaa gashay xaalad cusub oo jahwareer ah, kadib markii lagu kala kacay wada-hadalladii ka socda Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

GUUDLAAWE oo war kasoo saaray dilka Korneyl Yaasiin

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa si adag uga hadlay qarax miino oo shalay gelinkii dambe lagu dilay Korneyl Yaasiin Cabdi Tooxow oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ugu horreyn madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tacsi tiraanyo leh u diray ehellada, qaraxaada, asaxaabta iyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee uu marxuumkaka baxay, isaga oo sidoo kale u rajeeyey inuu Eebbe ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

Sidoo kale madaxweynaha HirShabelle ayaa amray laamaha ammaanka inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan falka lagu dilay sarkaalkaas oo ka howl-galayey Shabeelaha Dhexe.

Korneyl Yaasiin Cabdi Tooxow iyo ciidamo oo watay ayaa qarax miino lagula eegtay deegaanka Gololey ee duleedka degmada Balcad, kaas oo uu ku dhintay, iyadoo sidoo kale dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen qaar ka mid ah askartii la socotay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan qaraxa ah ee lagu dilay sarkaalkaasi ka tirsanaa ciidanka milatariga, sida ay ku baahisay Internet-ka.

Inta badan waxaa jidka xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ka dhaca qaraxyo nooca miinada ah, waxaana kii ugu dambeeyey uu haleelay gaari ay la socdeen dad rayid ah, kaas oo ay ku dhinteen dad badan oo shacab ahaa, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Musharaxiinta oo go’aan ka gaaray codsiga Farmaajo iyo buuq hareeyey kulanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan u dhaxeeyay Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle ayaa xalay ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle ayaa kulankaas Midowga Musharaxiinta kula wadaagay fariin ay uga wadeen madaxweyne Farmaajo, taas oo ah in musharaxiintu ay aqbalaan kulan uu ka soo dalbaday madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo.

Musharaxiinta ayaa ku gacan seyray farriintii ay wadeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle, waxayna si cad u diideen codsiga ka yimid Madaxweyne Farmaajo ee ah inuu la kulmo.

Sidoo kale ilo ku dhow kulankii dhacay xalay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu isaga baxay kulanka, kadib markii Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ay ula yimaadeen musharaxiinta fariin aan ka turjumeyn mowqifkii ay ka sugayeen.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ayaa laga sugayay inay mowqif cad ka qaataan mudo kororsiga Farmaajo, isla markaana ay go’aankooda ka cadeeyaan shirweynaha beelaha Hawiye ay iclaamiyeen Isniinta todobaadkan.

Hase yeeshee kulankii xalay u dhaxeeyey iyaga iyo musharaxiinta ayey xaadireen iyagoo ah farriin sidayaal, taas oo keentay in kulanka uu ka baxo musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kadibna sidaas lagu kala tago.

Caasimada Online ayaa kol sii horeysay idinla wadaagtay in kulankan uu dhici doono, iyadoo xogtii aan idin siinay ay ku jirtay in fariin noocaas ah ay Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ka sidaan Farmaajo.

Xogtii aan horay idiinla wadaagnay waxaa ku jirtay in musharaxiintu ay shuruudo waaweyn ku xiri doonaan la kulanka Madaxweyne Farmaajo, kuwaas ay ka mid yihiin in marka hore Farmaajo uu ka laabto mudo kororsigii uu sameystay dhawaan iyo inuu soo saaro warqad uu ku cadeynayo inuu dhamaaday mudo xileedkiisii, go’aan dambe oo masiiri ahna uusan qaadan karin.

ICG oo beesha caalamka u jeedisay tallaabo xal u ah xiisada doorashada Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qalalaasaha daba dheeraaday ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa wuxuu galay marxad halis ah, waxaa sidaas warbixin ay soo saartay ku sheegtay he’yadda xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group oo sheegtay in khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya ay isku badali karto gacan ka hadal.

Hey’adda oo ka hadashay muddo kordhinta loo sameeyey hey’adaha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay sababi karto dib u dhac ku yimaado horumarka Soomaaliya, waxayna hey’adda muujisay cabsideeda ku aadan in xubnaha mucaaradka ay iyagana sameeyaan geedi socod barbar socdo kan Dowladda Soomaaliya.

“Saaxiibbada dibedda ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika (AU) oo ay taageerayaan Mareykanka, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, waa in ay u istaagaan abaabulidda iyo hoggaaminta wada-hadallo cusub oo dhexmara dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya si loo dejiyo khariidad loo maro doorashooyinka waqtigooda ku dhaca,” ayaa lagu yiri qoraalka

Hay’ada ayaa tiri “Dhammaan jilayaasha dibadda waa inay si aan shaki ku jirin u muujiyaan inay diyaar u yihiin in cunaqabateyn lagu soo rogo dhinacyada hor istaagaya hindisaha cusub ee lagu doonayo waddo la isku afgarto oo horay loo socdo,” ayaa lagu sii yiri warbixinta.

Crisis Group waxaa ay warbixinta kusoo jeedisay in loo baahanyahay dhex-dhexaadin saddexaad oo salka ku haysata oo lagu jabinayo caqabadda doorashada, iyada oo la tixgelinayo kalsooni darrada ka dhex jirta jilayaasha Soomaaliya.

“Xaqiiq ahaan, si kastaba ha noqotee, doorasho kasta waxay u baahan tahay in si ballaaran loogu saleeyo xeyndaabka heshiiskii Sebtember 17, iyadoo la ogyahay in doorashada aan tooska ahayn ay tahay habka keliya ee suurtogalka ah ee lagu codeyn karo jawiga amniga ee maanta maadaama Al-Shabaab ka taliso dhul ballaaran oo koonfurta dalka ah,” ayay ku dartay warbixinta hay’ada.

Crisis Group ayaa si cad u sheegtay in laga soo gudbay waqtigii la sugi lahaa in siyaasiyiinta Soomaalida ay kaligood go’aan gaaraan maadaama muddo badan la isku fahmi waayey, waxayna tilmaamtay in khilaafkaan u fursad weyn siiyey kooxda Al-Shabaab sidoo kalana uu caqabad ku noqday horumarkii ka socday dalka.

Maamulka Farmaajo oo waqtiga ka dhamaadey 8-dii Febraayo isla markaana doonayo in dib loo doorto ayaa ganafka ku dhuftay hanjabaadaha caalamka kuna adkeystay ku darsiga oo uu ku sifeeyay mid awooda dib loogu celinayo dadweynaha.

Mareykanka oo soo celiyey saraakiil uu horey ugala baxay gudaha Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markale gudaha Soomaaliya dib ugu soo celisay saraakiil tababarayaal ah oo ay horey ugala baxday gudaha Soomaaliya, kadib go’aankii madaxweynihii dalkaasi, Donald Trump.

Saraakiishan ayaa dib ugu laabtay xeradii ay ka howl-galayeen ee Balli-Doogle oo ku taalla gobolka Shabeelaha Hoose ee ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiishani oo kulan la qaatay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa ballan qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan, isla-markaana ay sii wadi doonaan taageerada joogtada ah ee ay siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Waxa kale saraakiisha ka socota Mareykanka ay shaaciyeen inay dib u bilaabi doonaan tababarada ciidamada Danab oo hakad galay muddooyinkii lasoo dhaafay.

Dib u soo noqoshada saraakiishan ayaa wax badan ka bedaleysa ciidamada kumaandooska Danab oo heli doono qalab iyo tababaro dheeraad ah.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, isaga sidoo kale ka qeyb-qaato dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxii AL-SHABAAB ee qaraxyada Sh/Dhexe oo howlgal lagu dilay maanta

0

Balcad (Caasimadda Online) Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Maanta howlgal qorsheysan ka fuliyey inta u dhaxeyso Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Howlgalka oo qaatay dhowr saacadood ayaa waxaa lagu dilay madaxii Qaraxyada Gobolka Shabeellada Dhexe u qaabilsanaa Kooxda Al-Shabaab iyo qaar ka tirsan ilaaladiisa.

Ciidamada Dowladda ayaa sidoo kale gacanta u dhigay laba xubnood oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirto ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Dowladda Soomaaliya weli ma aysan shaacin magaca madaxii Qaraxyada Gobolka Shabeelada Dhexe u qaabilsanaa Kooxda Al-Shabaab  ee howlgalkaas lagu dilay iyo xubnaha kale ee howlgalka lagu qabtay.

Taliyaha Guutada 3-aad Qeybta 27-aad XDS Gaashaanle Sare Abshir Maxamuud Maxamed Shitaqeey, oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida, ayaa sheegay in weli ay socdaan howlgal ka dhan ah Al-shabaab iyo sidii looga saari lahaa deegaanada ay ku sugan Al-shabaab.

Al-Shabaab weli kama aysan hadlin sheegashada Dowladda Soomaaliya iyo khasaaraha kaso gaaray howlgalka ay Maanta fuliyeen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey kusoo xoogeysaneysay jidka isku xiro Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar, waxaana aad u yaraday madaxdii Hirshabelle ee safarka dhulka ah isaga gooshi jiray Jowhar iyo Muqdisho.

Afar maamul goboleed iyo G/Banaadir oo soo saaray qoraal wadajir ah (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradaha Waxbarashada Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir ayaa shir ay isugu yimaadeen 15-kii bishan waxay uga tashadeen hanaankii loo qaadi lahaa imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiga Dhexe ee sand dugsiyeedka 2020-2021-ka.

“Wadatashi iyo gorfeyn dheer kadib. Wasaaradaha iyo Gobolka Banaadir waxay isku raaceen in imtixaanka fasalka 8-aad la qaado 5-ta illaa 8-da bisha June 2021. Sidaas darteed wasaaraduhu waxay ku war-gelinayaan banda waxbarshada iyo maamuleyaasha dugsiyada in loo diyaar garoobo imtixaanka fasalka 8-aad,” ayaa lagu yiri qoraal ay si wadajir ah u soo saareen.

Qoraalka ay soo saareen ayaa intaas ku sii daray, “Wasaaradaha iyo Gobolka Banaadir waxay ku boorinayaan maamulka dugsiyada, ardayda iyo howl-wadeenada imtixaanka in ay raacaan talooyinka iyo habraaca ay bixinayaan hay’adaha caafimaadka ee la xiriira ka hortagga iyo xakameynta cudurka Covid-19.”

Ugu danbeyntii wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir ayaa guul iyo mustaqbal ifaya qoraalkaan ugu rajeeyey dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee u fariisan doonta imtixaanka shahaadiga ah, fasalka 8-aad ee sand dugsiyeedka 2020-2021.

Maxaa kasoo kordhay kiiska caruurti lagu dilay Baydhabo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cadaaladda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Xasan (Joon) oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey halka ay marayaan baaritaanada lagu hayo kiiska caruurtii dhowaan sida arxan darrada ahaa loogu dilay duleedka magaalada Baydhabo.

Wasiir Joon ayaa sheegay in dad horleh oo gaaraya illaa 6 qof loo soo xiray dhacdadaasi, kadib howl-gallo ay sameeyeen ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale dadka lasoo qabtay ayuu sheegay inay isugu jiraan afar rag ah iyo labo dumar ah, kuwaas oo uu tilmaamay in haatan ay ku socoto baaris dheeri ah.

Wasiirka cadaaladda Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray in lagu raad-joogo dad kale oo la tuhmayo inay ku lug leeyhiin dilkii arxan darrada ahaa ee loo geystay labo caruur ahaa oo uu dhalay Xildhibaan hore Sheekh Aweys Cabdullahi, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray, Aamino Aweys iyo sidoo kale Cabdimuni Aweys.

Ugu dambeyn wuxuu wasiirku hoosta ka xariiqay in si deg-deg loo soo gaba-gabeyn doono kiiskan, si maxkamad loo soo taago eedeysanayaasha lasoo qabtay.

Dhowaan ayey aheyd markii caruurtaasi oo u socday Dugsi Qur’aan la watay, kadibna lagu dilay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.