27 C
Mogadishu
Wednesday, July 15, 2026

Afar maamul goboleed iyo G/Banaadir oo soo saaray qoraal wadajir ah (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradaha Waxbarashada Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir ayaa shir ay isugu yimaadeen 15-kii bishan waxay uga tashadeen hanaankii loo qaadi lahaa imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiga Dhexe ee sand dugsiyeedka 2020-2021-ka.

“Wadatashi iyo gorfeyn dheer kadib. Wasaaradaha iyo Gobolka Banaadir waxay isku raaceen in imtixaanka fasalka 8-aad la qaado 5-ta illaa 8-da bisha June 2021. Sidaas darteed wasaaraduhu waxay ku war-gelinayaan banda waxbarshada iyo maamuleyaasha dugsiyada in loo diyaar garoobo imtixaanka fasalka 8-aad,” ayaa lagu yiri qoraal ay si wadajir ah u soo saareen.

Qoraalka ay soo saareen ayaa intaas ku sii daray, “Wasaaradaha iyo Gobolka Banaadir waxay ku boorinayaan maamulka dugsiyada, ardayda iyo howl-wadeenada imtixaanka in ay raacaan talooyinka iyo habraaca ay bixinayaan hay’adaha caafimaadka ee la xiriira ka hortagga iyo xakameynta cudurka Covid-19.”

Ugu danbeyntii wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir ayaa guul iyo mustaqbal ifaya qoraalkaan ugu rajeeyey dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee u fariisan doonta imtixaanka shahaadiga ah, fasalka 8-aad ee sand dugsiyeedka 2020-2021.

Maxaa kasoo kordhay kiiska caruurti lagu dilay Baydhabo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cadaaladda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Xasan (Joon) oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey halka ay marayaan baaritaanada lagu hayo kiiska caruurtii dhowaan sida arxan darrada ahaa loogu dilay duleedka magaalada Baydhabo.

Wasiir Joon ayaa sheegay in dad horleh oo gaaraya illaa 6 qof loo soo xiray dhacdadaasi, kadib howl-gallo ay sameeyeen ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale dadka lasoo qabtay ayuu sheegay inay isugu jiraan afar rag ah iyo labo dumar ah, kuwaas oo uu tilmaamay in haatan ay ku socoto baaris dheeri ah.

Wasiirka cadaaladda Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray in lagu raad-joogo dad kale oo la tuhmayo inay ku lug leeyhiin dilkii arxan darrada ahaa ee loo geystay labo caruur ahaa oo uu dhalay Xildhibaan hore Sheekh Aweys Cabdullahi, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray, Aamino Aweys iyo sidoo kale Cabdimuni Aweys.

Ugu dambeyn wuxuu wasiirku hoosta ka xariiqay in si deg-deg loo soo gaba-gabeyn doono kiiskan, si maxkamad loo soo taago eedeysanayaasha lasoo qabtay.

Dhowaan ayey aheyd markii caruurtaasi oo u socday Dugsi Qur’aan la watay, kadibna lagu dilay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ciidamo ka amar qaata Cali Guudlaawe iyo Shataqeey oo dacwad laga gudbiyey

Jowhar (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka mid kamid ah beelaha daga gobalka Shabeellada Dhexe ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo Sarkaal ay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Shataqeey, kuwaas oo la sheegay in si wadajir ah ay dhac xoog leh uga geysteen guri ku yaala xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Jowhar.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in sarkaalkaan iyo ciidan ka soo baxay guriga Cali Guudlaawe ay galaan guriga haweeney lagu magacaabo Khadro Cabdulle Raage islamarkaana ay ka qaateen Dahab, lacag caddaan ah iyo agabyo kale oo guriga yiilay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in qoyskaan muddo saacado ah loo geestay hanjabaad iyo cabsi gelin waxaana warqada dacwada loo gudbiyey taliyaha ciidamada xoogga Jeneral Odowaa Yuusuf Raagge, sidoo kalena la ogeysiiyey taliyaha qeybta 27-aad ee Militariga Soomaaliya oo uu hoos yimaado Sarkaalka lagu magacaabo Shataqeey. 

Odayaasha ayaa dalbaday in taliyaha uu wax ka qabtay dhaca bareerka ah ee ay sheegeen in ciidamada xoogga dalka ay u gaysteen dad shacab ah, islamarkaana sharciga la horkeeno askarta ku lug leh.

Hoos ka akhriso dacada iyo warqada ka soo baxday odayaasha beesha Agoonyar Gaabane.

Wasiirkii hore ee ganacsiga oo warbixin cajiib ah ka qoray xaaladda Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Eng. C/llaahi Cali Xasan, Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumaddii Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal dheer oo ugu hadlayay xaalada cakiran ee Muqdisho iyo khilaafka ka dhashay mudo kororsiga labada sano ee Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wuxuu si hufan ugu hadlay xaaladahaasi, isagoona talo wax ku ool ah usoo jeediyay Farmaajo iyo kooxaha mucaaradka si dalka iyo dadkaba loo badbaadiyo, waxayna qormadiisa u qorneyd sidan.

TALO ODAYTINIMO

Labaatankii sano ee la soo dhaafay, dadaalo fara badan ayaa lagu bixiyay dib-u-dhiska Qaran Soomaaliyeed, waxaana dalku ku jiraa xaalad nugul iyo ka soo kabasho colaadeed. Muddada aan kor xusay,waxaa dalkeena ka jiray dimoqoraadiyad iyo rajo wanaagsan, waxaana loo socday xagga nabada iyo wax dhiska, iyada oo doorasho la qabanayay afartii sanoba mar oo hoggaanka siyaasadda lagula kala wareegayay si nabad iyo dimoqraadiyad ah oo heshiis ay ku wada ahaayeen qaybaha Siyaasadda dalka.

Wada-hadaladii hogaamiyeyaasha siyaasadda uga socday xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, waxay ku dhammaadeen natiijo la’aan kadib markii dhinacyadu isku afgaran waayeen wada xaajoodkii doorashada oo isku tanaasuli waayeen, burburka wadahadalka waxa ay Shacabka Soomaaliyeed ku abuurtay niyad jab weyn, maadaama ay filayeen in heshiis la gaari doono oo madaxdu ay danta guud ka hormarin doonaan dantooda gaarka ah, una tanaasuli doonaan shacabka ay halkeeyeen dagaalo iyo colaado, gaajo, cudurro iyo dhaqaala xumada baahsan.

Go’aankii Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaaray 12 April,2021 ee muddo kororsiga labada sano ee Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha, waa mid baalmarsan kana hor-imaanaya dastuurka dalka, islamarkaana dhaawac ku ah hannaanka dowladnimada iyo dimoqraadiyada ee dalkeenu cagta saaray.

Madaama Hay’adaha Dastuuriga mudo-xileedkoodii uu dhamaaday oo aysan sharci u lahayn mudo kororsi, go’aanka mudda kordhinta ee Golaha Shacabka waxaa ka dhalan kara deganaasho la’aan siyaasadeed iyo mid amni oo dalka u horseedi karto qalalaase hor leh, waxaa ay sidoo kale wiiqeysaa dadaaladii loogu jiray dhismaha dowlad dhiska dalkeenna iyo dimoqoraadiyadii curdunka aheyd.

Mudda kordhinta, waxay niyad jab iyo kalsooni darro ku riday shacabka Soomaaliyeed, haddii aan laga laabana, waxay dib inoogu celin kartaa marxaladihii iyo maalmihii adkaa ee mugdiga oo aan ka soo gudubnay, haddii aanan caqligu shaqayn oo aan laga laaban talaabadaas sharciga baalmarsan oo aanan dib loogu noqon miiska wada hadalka.

Khilaafka iyo ismarin-waaga siyaasadeed ka taagan arrimaha doorashada, dowlad, mucaarad iyo shacab midkoodna maslaxa uguma jirto. Maxaa maslaxa ah? Waxaa maslaxa ah in caqligu taliyo, talada miiska la keeno oo la wada tashado oo koox waliba miiska soo dhigto talada ay heyso. Wiilwaal waxaa laga hayaa “rag wax walba waan ku dayay, oo walaalow wuxuu ku dhaamo waan waayay”. Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyo siyaasinta ku looltamaya madaxtinimda dalka, waxaan talo odaytinimo ku leeyahay, waxaa inoo wada dan ah heshiis iyo in khilaafaadka siyaasadeed lagu xaliyo, isu-tanaasul, talo odaytinimo, maslaxada guud iyo danta qaranka.

Waxaan ku talinaa in heshiiskii doorasho ee ay muqdisho ku gaareen madaxda DF iyo  dowlad goboleedyada 17 September,2020 uu yahay wadiiqada ugu wanaagsan ee lagu gaari karo doorasho wada ogol ah oo heshiis lagu wada yahay, una horseedi karta dalka deganaasho siyaasadeed iyo mid amni.

Waxaa muhiim ah in Dowladu garowsato in talada lala leeyahay, mar haddii muddo xileedkeedii dhammaaday oo ay lagama maarmaan tahay in ay qaybaha siyaasadda kala xaajooto waxyaabaha la isku khilaafsan yahay, lana timaado tanaasul ay dhici karto in uusan raaligelin balse qaybaha siyaasada u wada cuntami kara si loo gaaro natiijo ay ku midoobaan qaybaha siyaasadda.

Ummadda Soomaaliyeed, waxa ay dantu ugu jirtaa in Madaxda Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada xubnaha ka ah Dowlda Federaalka heshiis ka wada gaaraan arrimaha la isku haayo ee doorashada, sidaas darteed, Dowlada talada heysa, waa in ay odaytinimo, masuuliyad, dulqaad iyo tanaasul la timaado oo wada-hadal dib ula furto dhinacyada siyaasadda, oo wada-ogol iyo heshiis lagu go’aamiyaa arrimaha doorashada si la dhameystiro wixii ka harsanaa heshiiskii doorasho ee la gaaray 17 September 2020.

Dalkeenu maanta, wuxuu inooga baahan tahay inaan wax kasta u hurno oo u hiilino si aanay dib ugu noqon marxaladahii iyo maalmahii adkaa ee aan ka soo gubnay, waxaan ugu baaqayaa madaxda Dowlada Federalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowlada Federaalka inay dib ugu noqdaan miiska wadahadaka, kana dhabeeyaan xaqiijinta heshiis kama danbeys ah oo doorasho lagu qaban karo, taas ayaa ah waxa kaliya ee shacabka soomaaliyeed ku qanci karaan loogana guul gaari karo khilaafka hareeyey hanaanka doorashada. Waxaan Ilaah ka baryeynaa in aan dhibaatooyin iyo colaado dambe dalkeena ka dhicin, kuna boorinayaa qaybaha talada dalka ku looltamaya in ay u turaan shacabka la daala dhacaya duruufaha adag, lana yimaadaan caqli miyir qaba, dulqaad, isu-tanaasul, wada hadal, is qancin iyo is-afgarad si marxalada taagan looga gudbo si nabad ah.

Waxaa mahad dhammaanteed leh Allaah Subxaanuhu Watacaalaa noogu deeqay nimcooyin badan oo aanan shucuubta kale ee adduunku heysan oo innaga dhigay dad mid ah oo isku diin(Muslim), dhaqan, af iyo dhalasho ah isla markaana noogu deeqay dhul barwaaqo ah, cimilo wanaagsan, xoolo nool, dhul bacrin ah oo beerashada ku fiican, bad dheer oo dihin oo kheyraad dhex ceegaago, macdan iyo shidaal dihin IWM. Bisha Ramadaan fadligeeda, Ilaah ha inanga dhigo kuwa loo dembi dhaafo, nimcadaas ku shukriya oo talo wadaag iyo is-afgarad iyo walaalnimo arrimaha dhex yaal ku dhameysta, kana faaideysta nimcada Allah SWT ugu deeqay.

Waxaan u mahadcelinaa ururada caalamiga ah iyo kuwa goboleed iyo dalalka saaxiibka aan nahay iyo kuwa aan walaalaha nahay ee mar walba shacabka Soomaaliyeed la garab taagnaa gargaarka iyo dowld dhiska oo xaqiiqdii, dadaalo badan ku bixiyay dowlad-dhiska iyo dib-u-soo kabashada Soomaaliya, waxaana ku boorinayaa in ay garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed waqtigaan adag.

Ugu dambeyn, waxaan ugu baaqayaa waxgaradka Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan Culumaa-udiinka, Salaadiinta, Cuqaasha, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhallinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada in aysan daawadayaal ka noqon waxa dalka ka dhacaya oo ay si mug leh oo buuxda u qaataan doorkooda ku aaddan dhexdhexaadinta iyo xalinta khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira qaybaha siyaasadda ku tartamaya si dalka ay uga dhacdo doorasho wada ogol ah oo heshiis lagu wada yahay, ku qabsoonta jawi nabdoon.

Allaa weyn ninkii aaminaa awood leh.

Injineer Cabdullaahi Cali Xasan

Wasiirkii hore ee ganacsiga iyo Warshadaha, JFS

Muqdisho- Soomaaliya

DF oo xirtay askar isaga soo tagtay xaafadda Shiirkole

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa amray in la xiro 7 ka mid ah ciidanka booliska degmada Hodan oo xalay laga soo eryay guriga taliyihii hore ee ciidanka booliska gobalka Banaadir Jeneraal Saadaq Joon, kuwaas oo la geeyay aagga Shiirkole Arbacadii, oo aheyd marki ay shaqaaqada billaabatay

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online in ciidankaan oo daganaa meel u dhaw guriga Jeneraal Saadaq oo ku yaalla Shiirkole uu u yimid Janaraalka oo wata ciidan badan, kadibna uu ka qaatay moobeeladii.

Jeneral Saadaq ayaa markaas kadib toddobada askari u sheegay in uusan diyaar u aheyn in uu dilo ama uu hubka ka qaato, maadaama ay yihiin dhalinyaro uu waqti badan horey u geliyay oo uu taliyahooda ahaado, hase yeeshee ay u tagaan taliyihii soo diray una sheegaan in uu soo fasaxay taliye Saadaq Joon.

Wuxuu sidoo kale u sheegay in mobeeladooda ay gacan aamin ah ku jiraan islamarkaana ay markale soo doontaan haddana uu sababi amni uga reebay. 

Taliska ciidanka booliska ayaa askartaan markii ay u tageen amray in la xiro, waxaana lagu eedeeyay dacayaad amni maadaama ay ka soo tageen goob amaankeeda lagu haleeyay waliba iyadoo aan wax dagaal ah dhicin. Waxaa sidoo kale lagu qabsaday sababta aysan ula dagaalin markii ay u yimaadeen ciidanka Saadaq.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa hadda dagan balse waxaa weli jira jawi colaadeed oo ka dhashay dhaq-dhaqaaqyadii ciidan ee xalay. Dowladda Soomaaliya ayaa ka shakisan saraakiisha qaar oo ay aaminsan tahay inaysan diyaar u aheyn weerarka Saadaq Joon. 

Xalay ayaa aheyd habeenkii labaad oo ay ciidamada dowladda isku dayaan weerarka Jeneraal Saadaq balse ay ku fashilmeen, inkasta oo dowladda markii dambe ay sheegtay inuusan qorshuhu ugu jirin weerar ka dhan ah Jeneral Saadaq.

Jeneral Saadaq Joon ayaa maanta billaabay inuu dhufeyso ciidan ka sameysto xaafadda Shiirkole, si uu isaga difaaco weerarka dowladda.

Xog: Magacyada 3 haween ah oo loo soo qabtay dilka guddoomiyihii Xamar Jajab

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidan ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa soo qabtay saddex qof oo dumar ah, kuwaas oo ku eedeysan dilka guddoomiyihii degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir, kaas oo xalay lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla degaanka Sarkuusta ee duleedka Muqdisho.

Saraakiisha booliska Soomaaliya ayaa sheegay in mraxuumka ay shir qooleen dumar ka mid ah kuwii xaafadda daganaa kadibna waxaa dilka fuliyay dhallinyaro mindiyo ku hubeysan oo gowrcay marxuumka. 

Allah ha u naxariistee dilka Maxamed Cabdi Axmed oo ahaa guddoomiyihii degmada Xamar Jajab ayaa loo soo qabtay, Farxiyo Xasan Axmed oo 31 sano jir ah, Farxiyo Cabdi Samataay oo 38 sano jiro ah iyo Caaliyo Abuukar Cumar oo iyadana 38 jir ah. 

Haweenka la soo qabtay ayaa la sheegay in mid kamid ah ay hogaamineysay ragga dilka geystay oo ka koobnaa saddex qof, kuwaas oo ugu dambeyn xaafadda ka baxsaday.

Guddoomiyaha la dilay ayaa daganaa xaafada Sarkuusta oo ka tirsan degaanka Garasbaalay waxa uuna daganaa 3-dii bilood ee la soo dhaafay. Waxaa la sheegay in uusan wadan wax hub ah iyo ilaalo midna. Dadka la soo qabtay waxaa ku jirta xaaskiisa oo ay boolisku sheegeen in uu jiro shaki soo galay. 

Maxruum Maxamed Cabdi Axmed ayaa ahaa 63 sano jir dhawaan loo magacaabay degmada Xamar Jajab waxaana asalkiisa laga keenay maamulka gobalka Shabeellada Hoose oo uu ka tirsanaa.

Xog: FARMAAJO oo codsi u diray Xasan iyo Shariif

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la sheegay in markii ugu horeysay uu codsi u diray madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Caasimada Online ayaa ogaatay in kulan xalay ka dhacay Villa Somalia oo ay yeesheen Farmaajo, Rooble, Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe aad loogu lafa guray arrinta mudo kororsiga iyo xiisadda ka soo cusboonaatay caasimadda, iyadoo Farmaajo uu dalab u dhiibay Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe.

Dalabka Madaxweyne Farmaajo ayaa ah inuu la kulmo madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, si ay uga wadahadlaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Si dalabka Farmaajo loogu gudbiyo Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh waxaa caawa loo balansan yahay kulan dhexmara madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh, Shariif Sheekh iyo madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle.

Hase yeeshee Caasimada Online ayaa xog hor dhac ah ka heshay shuruudo adag oo Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh ay ku xiri doonaan dalabka Madaxweyne Farmaajo ee ah inuu la kulmo.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku dhaw madaxweynayaashii hore waxay shuruud uga dhigi rabaan qodobo ay ka mid yihiin in marka hore Farmaajo uu ka laabto mudo kororsigii uu sameystay dhawaan iyo inuu soo saaro warqad uu ku cadeynayo inuu dhamaaday mudo xileedkiisii, go’aan dambe oo masiiri ahna uusan qaadan karin.

Madaxweyne Farmaajo oo ay u muuqato inay u hir-gasho laba sano oo mudo kororsi ah ayaan la ogeyn sababta uu shuruudahaas u fulin karo, waxaana xilligaan muhiim u ah la kulanka madaxweynayaashii isaga talada dalka uga horeeyey, maadaama uu dalku qarka u saran yahay kacdoon iyo isku dhacyo sababi kara burbur qaranimo.

Daawo: Xildhibaanada Hawiye oo farriin kasoo diray Shiirkole

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo ka soo jeeda Beelaha Hawiye, oo galabta gaaray xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan oo maalmahan ay xiisad colaadeed ka taagan tahay, ayaa halkaas ku qabtay shir jaraa’id oo xasaasi ah.

Qaar ka tirsan Xildhibaanada booqashada ku tagay Shiirkole oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inay garab taagan yihiin General Saadaq Joon oo saldhig Ciidan ka sameystay Xaafadaas kadib markii uu ka war helin weerar ay kusoo qaadi rabto Dowladda.

Senator Yuusuf Dhagey oo kamid ahaa Xldihibaanadii tagay Shiirkole ayaa sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo dadka deegaanka oo uu sheegay inay muujiyeen geesinimo, islamarkaana ay is-hortaageen gardarradii dowladda.

Senator Dhagey ayaa sidoo kale sheegay in dalkaan laga keenay meel fog islamarkaasna aysan shaqeyn karin waqtigaan in dib loogu celiyo, oo aysan aqbali doonin.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay weerar kusoo qaado cid kasta oo ka ra’yi duwanaata, wuxuuna Dowladda Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada ugu baaqay inay dib ugu laabtaan Teendhada Afisyooni.

“Shiirkole waa meeshii markii ugu horeysay kacdoonka looga bilaabay kacaankii Siyaad Barre, waxay caan ku tahay in howl kasta oo laga bilaabo ay guul ku dhamaato,” ayuu yiri Dhagey.

“Waxaan soo marnay qeybo badan oo kamid ah magaalada, waxaana aragnay dhufeyso badan oo ay ku sugan yihiin ciidamo diyaara u ah inay soo celiyaan dimoqraadiyada,” ayuu sii raaciyey Dhagey.

Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Nuur oo kamid ahaa Xildhibaanadii booqday Shiirkole ayaa isna sheegay inuu Shacabka deegaankaas uga mahad-celinayo inay iska difaaceyn weerarkii gardarada ahaa ee lagu soo qaaday, wuxuuna Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inaysan laheyn wax naxariis ah.

Sidoo kale Cabdullaahi Axmed Nuur ayaa sheegay in Saadaq Joon uusan gelin wax dambi ah, islamarkaana uu kaliya dowladda u sheegay inay doorasho qabato, wuxuuna tilmaamay in wixii hadda ka dambeeyo Madaxweyne Farmaajo ay u aqoonsan yihiin hoggamiye kooxeed.

“Farmaajo isagaa ugu tabar yar dadka isagaana dagaal hurinaya,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi.

Dhinaca kale Senator Cabdi Ahmed Dhuxulow Dhegdheer oo kamid ahaa Xildhibaanadii tagay Shiirkole ayaa isna Sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku tumatay Dastuurka isla markaasna aysan diyaar u aheyn inay dalka ka qabato doorasho xalaal ah.

“Waan ku gumeysanaa ama saraha dhaadheer ayaan kaa duminaa kuuma suurta galeyso Farmaajoow, dadkaanna gumeysi aqbali maayaan,” ayuu yiri Xildhibaan Dhagdheer ayaa sidaan yiri.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id.

Xog: Farriinta FARMAAJO loogu gudbiyey kulankii wakiilada beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin ayaa kasoo baxeysa shir maanta dhex-maray madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo wakiilada beesha caalamka oo ka dhacay teendhada Afisyoone ee xerada Xalane.

Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkan uu ahaa mid ay dalbadeen wakiilada Beesha Caalamka ee loo yaqaan C6+, kuwaas oo Farmaajo ugu yeeray inuu yimaado teendhada Afisyoone.

Xogta ana helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in wakiilada beesha caalamka ay Farmaajo u gudbiyeen farriin adag oo kama dambeys ah oo la xiriira go’aanka ay ka qaateen muddo korosiga uu sameystay, kaasi oo ay billaabi doonaan dhaqan-gelintiisa haddii aanu ka laaban muddo kororsiga.

Waxaa sidoo kale Farmaajo kulanka loogu gudbiyey nooca cunaqabateyn ee ay wajihi doonto dowladda federaalka, iyo xayiraadaha ay wajahayaan shaqsiyaadka ku lugta leh muddo kororsiga, oo uu ku jiro isaga.

Waxaa sidoo kale xayiraadaha wajahaya guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal iyo labadiisa ku xigeen Cabdiweli Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad, oo Farmaajo siiyey muddo kororsiga sharci-darrada ah.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa la sheegay inaysan marnaba aqbali doonin muddo kororsi, ayaga oo rumeysan inay taasi horseedi karto dagaal ka qarxa Muqdisho iyo dowladda fedreraalka ay gebi ahana burburto oo caasimadda laga eryo.

Baarlamanka Puntland oo go’aan culus kasoo saaray muddo kororsiga Farmaajo

0

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Wakiilada Maamulka Puntland oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa go’aan ka gaaray muddo korosiga Farmaajo kadib cod ay arrintaas u qaadeen.

Kulanka baarlamaanka Puntland ayaa ugu horeyn waxaa khudbad ka hadleysay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka ku jiro iyo khilaafka doorashada ka taagan u jeediyey madaxweyne Saciid Deni.

Kadib khudbadda uu Saciid Deni, ayaa wuxuu guddoonka ku dhawaaaqay in cod loo qaadayo go’aanka maamulka ee ku aadan muddo kororsiga uu sameystay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Kulanka Baarlamaanka Puntland ayaa waxa soo xaadiray ilaa 52 mudane, waxaana qaadacay muddo kordhinta uu sameeyey Baarlamaanka Soomaaliya 49 mudane, 1 Xildhibaan ayaa diiday halka 2 Xildhibaan ay ka aamustay.

Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u guddoominayey guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabriil iyo labadiisa ku xigeen ee Cabdicasiis Cabdulaahi Cusmaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame.

Waxaa weli socda la tashiyo Madaxweynaha Dowladda Puntland la leeyahay Goleyaasha kala duwan ee Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, Iyadoo dhowaan Puntland soo saari doonto mowqifkeeda ku aadan muddo kordhinta uu sameystay Madaxweynihii DFS ee Wakhtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Go’aanka kasoo baxay Baarlamaanka Puntland ayaa kusoo aadayo xilli Maanta Beesha Caalamka ay Xalana uga wacday madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isla markaasna lagu wargeliyey go’aanka ugu dambeeyo ee beesha Caalamka oo ah in dalka ka dhacdo doorasho lana aqbali doonin muddo kordhin haddii ay taas dhacdana la saari doono cuna-qabateyn aan weli nooceeda si rasmi ah loo ogaana.

Axmed Madoobe oo xilalka ka qaaday taliyeyaal ciidan

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey taliyaha ciidanka Booliska maamulkaasi, ku xigeenkiisa iyo agaasimaha hay’adda nabad sugida.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale taliyeyaal cusub u magacaabay xilal kaasi, kadib wareegto maanta kasoo baxday xafiiskiisa.

Taliyaha guud ee Booliska Jubbaland ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Sheekh, halka ku xigeenkiisa laga dhigay Maxamed Guuleed Xasan.

Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa agaasimaha hay’adda nabad sugida u magacaabay Maxamed Axmed Sabriye, sida lagu sheegay digreetada.

Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo ciidamada ayaa la faray inay la shaqeeyaan taliyeyaasha cusub ee la magacaabay, kuwaas oo la amray inay xilka la wareegaan.

Wareegtada uu soo saaray Axmed Madoobe laguma shaacin sababta ka dambeysa is-bedalka lama filaanka ah ee lagu sameeyey taliyeyaasha ciidanka maamulka Jubbaland.

Sawirro: Jeneral SAADAQ Joon oo dhufeysyo dagaal ka sameystay Shiirkole

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada Booliska gobolka Banaadir, Jeneral Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa lagu soo warramayaa inuu dhufeysyo ka qotay xaafadda uu dagay ee Shiirkole ee magaalada Muqdisho.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemayo Shiirkole, isla-markaana uu Saadaq Joon carro tuur ka sameystay, si uu uga dhigto dhufeys, haddii ay weerar ku soo qaadaan ciidamada dowladda.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadiisa ay xirteen dhammaan waddooyinka soo gala xaafaddaasi oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dadka deegaanku ay cabsi ka muujiyanaayn in iska hor imaad uu ka dhaco halkaasi, maadaama ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka jiiraan.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dowladdu shaacisay in aysan duulaan ku aheyn Jeneral Saadaq Joon oo dib ugu laabtay xaafadda Shiirkole oo ay degan tahay beeshiisa.

Si kastaba xalay ayey aheyd markii is-rasaaseyn kooban ay dhex-martay ciidamada ammaanka iyo kuwa Saadaq Joon, waxaana markii dambe u tegay xildhibaano ay isku beel yihiin oo taageero u muujiyey dhanka kalna eedeeyey dowladda Soomaaliya.

XOG: Sidee u dhacay dilka guddoomiyihii Xamar Jajab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa weli laga helayaa qaabka uu u dhacay dilkii loo geystay AUN guddoomiyihii degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, Maxamed Cabdi Xayle oo xalay lagu toogtay xaafadda Sarkuusta ee duleedka Muqdisho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay  dilka fuliyeen saddex rag ah iyo qof dumar ah oo la sheegay inay fududeysay falka lagu khaarijiyey marxuumka, taas oo la sheegay inay iska dhigtay haweenay daris la ah qoyska oo magaceeda lagu sheegay Farxiyo.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale shaaciyey in ragga dilka geystay ay wateen Baangad, kuna dhaawaceen guddoomiyaha, iyaga oo kadib sii gowracay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in wax ilaalo ah aysan joogin guriga xilliga uu dhacayey dilka qorsheysan ee loo geystay guddoomiyihii maamulka degmada Xamar Jajab.

Dhinaca kale war qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay dad lagu tuhmayo dilkaasi.

Qoraalka Booliska ayaa sidoo kale lagu xusay inay haatan socota baaris lagu hayo eedeysanayaasha la soo qabtay oo la rumeysanyahay in ay ku lug lahaayeen falkaasi.

“Xalay fiidkii ayaa Sar-kuus duleedka Muqdisho lagu dilay Maxamed Cabdi Xayle           (Guddoomiyihii Degmada Xamar Jajab) ee Gobolka Banaadir. Ma aynaan cadeyn qaabka loo dilay guddoomiyaha, waxaa loo hayaa eedeysanayaal la rumeysanyahay in ay ku lug lahaayeen falkaas, baaristiisana waa socotaa,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee taliska Booliska Soomaaliya.

Si kastaba waa gudoomiyihii 2-aad oo billo gudahood lagu dilo Magaalada Muqdisho. 21-kii bishii January ayay ahayd markii la dilay Gudoomiyihii Degmada Hodan, Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhegajuun), oo ku dhintay israsaaseyn Ciidanka Booliska iyo ilaaladiisii ku dhex martay inta u dhaxeyso Isgoysyada Aadan Cadde iyo Hawlwadaag.

Sheekh Shariif iyo Jeneral Odowaa oo xalay kulmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay la kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage, xilli ay aad u kacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Kulankan oo ka dhacay hoyga Shariif Sheekh Axmed uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ayaan la ogayn waxyaabihii looga hadlay, mana jirto cid Warbaahinta uga warbixisay.

Waxaase soo baxaya warar sheegaya in kulanka diiradda lagu saaray doodda cusub ee ka dhalatay muddo kordhinta uu Golaha Shacabka u sameeyay Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in Shariif Sheekh Axmed uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ugu baaqay inaanan ciidamada loo adeegsan dano siyaasadeed oo gaar ah.

Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa toddobaadkii hore sheegay in muddo kororsiga Dowladda Federaalka uu dalka dib ugu celinayo xilligii adkaa ee laga soo gudbay.

Sharciga gaarka ah ee jiheynta doorashooyinka dalka ayaa sii kala foggeeyay dhinacyada siyaasadda ee dalka, oo in muddo ahba ku kala qaybsanaa dhabaha loo marayo doorashada dalka.

Si kastaba ha-ahaatee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socdo kulamo iska soo horjeeda, waana xilli qaybo ka mida magaalada ay xiisadi ka jirto.

Daawo: DF oo war rasmi ah kasoo saartay ‘weerarka’ Jeneraal SAADAQ JOON

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xunudbey oo xalay shir jaraa’id qabtay isaga oo ku sugan gurigiisa, ayaa si rasmi ah u sheegay in dowladda aysan wax qorshe ah ka laheyn inay weerarto ama soo qabato Saadaq Cumar Xassan (Joon).

Wasiirka ayaa beeniyey in ay markii horeba qorshahaasi jirey iyada oo la ogaa in habeenkii Arbacada ciidamo badan la dul dhigey xaafadda Shiirkole oo markaas uu ku jirey Saadaq Joon, sidoo kalena mar kale halkaas ciidan la geeyey xalay kadib markii uu Saadaq ku laabtay isaga oo kasoo tegay gurigiisa agagaarka garoonka Aadan Cadde.

“Arrinta ku saabsan Saadaq Cumar Xasan, taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir dowladda haddii ay rabto inay tallaab ka qaado saacadihii hore ayay ka qaadi laheyd, laakiin lama qorsheyn ninkas arrintiisa in wax tallaab ah laga qaado, meesha hadda u degan yahay oo xaafado bulsho nabdoon degan yihiin ah in la weeraro wax dan ah oo ku jiro malahan,” ayuu yiri Xundubey.

Xundubey ayaa diginin culus u diray dad uu sheegay inay arrintan siyaasadeynayaan oo ay qas hurinayaan. “Waxaan leenahay faraha kala baxo,” ayuu yiri.

Xundubey ayaa dhinaca kale xaqiijiyey in ciidamada dowladda furfur iyo kala daadin lagu hayo oo ay ka shaqeynayaan siyaasiyiin, waxaana uu ka dalbadey in aan ciidamada la kala furfurin oo siyaasadda laga heshiin doono.

Xaaladda Shiirkole ayaa xalay aad u kacsaneyd waxaan halkaas gaaray xildhibaanada beesha Habar-gidir, si ay u garab istaagaan Jeneral Saadaq, ayada oo sidoo kalena dibad-baxyo waa weyn ay dhigeen shacabka halkaas degan oo ku qeylinayey “Farmaajo dooni meyno”.

Xildhibaanada iyo odayaasha beesha Habar-gidir, oo sidoo kale shir jar’aaid halkaas ku qabtay ayaa sheegay in beesha ay iska difaaceyso Farmaajo, waxayna sidoo kale shacabka Muqdisho ugu baaqeen inay iska difaacaan dowladda Farmaajo.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Xundubey 

Axmed Madoobe oo weerar culus ku qaaday Farmaajo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku laabashadiisii Kismaayo, kadib faah faahin dheeraad ah ka bixiyey fashilka ku yimid wada-hadalladadii u dhexeeyey dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, go’aankii baarlamaanka & doorashooyinka.

Axmed Madoobe ayaa marka hore shaaca ka qaaday in laga gudbi waayay arrimaha gobolka Gedo, amniga, aftida aastuurka, arrinta Somaliland iyo ka gudubka awood qaybsiga beelaha ee 4.5.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale eedeyn culus u jeediyey madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday, isaga oo sheegay inuu god-dheer kusii ridayo dalka.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyey in laga hortego qorshaha Farmaajo, si dalkan loo bad-baadiyo, ugana dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

“Dhibaatooyinka uu ka hadlayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxba kama jiraan, waxa uu Soomaaliya ku ridayaa god dheer, haddii aan maanta la iska qaban dalka dib ayuu u noqonayaa, Jidadka ayuu ka xiray Dadka Muqdisho waxaana isii dheer habeen weliba cabsi, Doorasho sharaf leh oo xor & xalaal ah ayuu shalay ku yimid, mana wanaagsana in uu ku daydo Efwarki & meelo kale,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in heshiiska 17-kii September laga doorbiday doorasho qof iyo cod ah oo laga leeyahay dano gaar ah, sida muddo kororsiga la sameeyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Soomaaliya ay gashay xaalad cusub, kadib go’aankii baarlamaanka oo ay si weyn uga horyimaadeen mucaaraka, Jubbaland iyo Puntland.

Daawo: Xildhibaanada iyo odayaasha Habar-gidir oo ku dhowaaqay is-difaac

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada beesha Habar-gidir oo ay ka mid yihiin Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odowaa iyo Cabdi Saabir Shuuriye, oo ay wehliyaan odayaasha beesha, ayaa xalay shir jaraa’id ku qabtay xaafadda Shiirkole oo ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa Jeneral Saadaq John.

Xildhibaanada iyo odayaasha ayaa si isku mid ah uga digay weerar ciidamada dowladda qorsheynayaan inay ku qaadaan Jeneral Saadaq, xilli aad loo soo dhoobay halkaas, kadib markii Saadaq uu shalay galab kasoo tegay gurigiisa oo ku yaalla garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaan Cabdi Saabir ayaa sheegay in Farmaajo uu ugaarsi iyo beegsi ku hayey dadka Habar-gidir tan iyo 2017, oo uu si shakhsi ah isaga u beegsaday, laakiin dadka ay iminka arkayaan wax uu yahay, sida uu hadalka u dhigay

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa isna ku eedeyey Farmaajo inuu yahay qabyaaladiiste, soo dhoweystay oo aad u maamuusay Cabdirashiid Janan oo ah dambiile dagaal oo caalamka laga doonayo balse ay isku beel yihiin, halka uu weerar ku yahay Jeneral Saadaq oo lasoo shaqeynayey afar sano.

Dhammaan xildhibaanada ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho inay u diyaar garoobaan inay iska difaacaan Farmaajo, oo ay ugu wada yeereen “hoggaamiye kooxeed sharci-darro” ku jooga Villa Somalia.

Mid ka mid ah odayaasha goobta ka hadlay ayaa yiri “Habar-gidir 34 dowladood ayay ka diideen Caydiid ha lasoo qabto, oo ay la dagaalameen, haddana Farmaajo ka yeeli maayaan Saadaq John ha lasoo qabto, ee ciddii awood leh ha u timaada.”

Hoos ka daawo shirka jaraa’id.

Siciid Deni oo hortegay baarlamaanka Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta Nugaal waxaa goordhow ka furmay kulanka xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland oo uu maanta ka qeyb-galayo madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni).

Kulankan oo ay goobjoog yihiin inta badan xildhibaanada golaha ayaa waxaa daah-furay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdisamad Abwaanka, isaga oo amar ku bixiyey in Wariyeyaasha ku sugan hoolka ay kulankaasi oo ah mid xasaasi ah banaanka uga baxaa.

Cabdisamad Abwaanka ayaa shaaca ka qaaday in kulanka uu yahay mid wada-tashi ah oo u dhexeeya xildhibaanada iyo madaxweyne Siciid Deni.

Wararka ayaa sheegaya in Deni xildhibaanada uu la wadaagi doono warbixin ku aadan xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan fashilka ku yimid wada-hadallada doorashada.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Puntland ay mowqif adag ka qaadato go’aanka golaha shacabka ee muddo kordhinta loogu sameeyey madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Puntland ayaa ka mid ah maamullada ay sida weyn isugu hayaan dowladda federaalka, iyaga oo isku qabtay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Muuse Biixi oo amar siiyey ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka SOOL

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga hadlay xiisada colaadeed ee ka taagan gobolka Sool, gaar ahaan dagaal beeleedkii ka dhacay Ceelka Dhabar-Dalool oo ku yaalla waqooyi bari ee gobolkaasi.

Biixi ayaa baaq nabadeed u diray maleeshiyaadka labada beelood ee ku diriraya halkaasi, isagoo ka dalbaday inay dagaalka joojiyaan wax welibana ay ku dhameeyaan wada-hadal.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhinacyada sii hurinayo xiisadaasi inay ka waantoobaan, isla-markaana ay u turaan dadkooda, maadaama lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka ayuu sidoo kale ugu baaqay inay qaataan kaalintooda, isla-markaana ay ku baxaan, sidii loo xalin lahaa colaadaasi.

Ugu dambeyn wuxuu amray ciidamada Somaliland ee ku sugan Sool inay qaadaan tallaabo deg deg ah oo looga hortegayo sii socoshada dagaalkaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi,  waxa uu  baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay  Ceelka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun oo dhacda waqooyi barri ee gobolka Sool.

Dagaalkaas oo ka kacay Ceel-biyoodka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun, wakhtigan maaha macquul in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah, sidaa awgeed waxa aan ugu baaqayaa kuwa colaadda hurinaya inay ka waantoobaan oo ay u tudhaan dadkooda maatida ah ee aan waxba galabsan iyo aakhiradooda, iyadoo weliba lagu jiro bishii barakaysanayd ee Ramadaan oo ah bil cibaado.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu ugu baaqayaa waxgaradka, waayeelka, culimada iyo aqoonyahanka labada dhinac ee dirirtu dhexmarayso inay xasilooni ku soo dabbaalaan xaaladda, dhexdana u xidhaan sidii loo joojin lahaa khasaaraha uu sababay dagaalka beelaha walaalaha ah oo dhawaan uun muddo dheer ka dib heshiis ku gaadhay degaanka Adhi-cadeeye oo ay xubno ka mida golaha wasiiradu bilo u fadhiyeen sidii heshiis loo gaadhi lahaa, balse nasiib daro ay labadii beelood dib ugu dirireen ceel-biyood shalay.

Sideedaba colaad wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, madaxweynuhu wuxuu si adag u tilmaamayaa in aan loo dulqaadan Karin colaad sokeeye oo sidan u khasaare badan inay ku soo noq-noqoto deegaamada gobolka Sool,

Madaxweynuhu waxa uu ciidamada qaranka, maamulka gobolka iyo dhammaanba hay’adaha kala duwan ee xukuumadda amrayaa inay tallaabo dawladnimo ka qaadaan colaadaasi soo noq-noqotay, cid kasta oo u hoggaansami-wayda nabadda iyo samahana tallaabo ku habboon ka qaadaan.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabadda iyo samaha jecel u soo jeedinayaa inay gacan ka geysataan daminta colaadaasi iyo joojinta dhiig danbe oo ku daata dirirtaa.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaasi, waxaanu u ducaynayaa intii ku dhaawacan tahay in Alle caafimaad ka siiyo waxyeelada ka soo gaadhay dagaalkaasi.

Xildhibaano iyo saraakiil ciiidan oo kasoo jeeda beelaha Hawiye oo gaaray Shiirkole

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo ka soo jeeda Beelaha Hawiye, gaar ahaan Mudullood iyo Murusade ayaa galabta gaaray xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan oo maalmahan ay xiisad colaadeed ka taagan tahay.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha iyo xildhibaanadan ay u tageen Shiirkole inay garab is-taag iyo taageero u muujiyaan Jeneral Saadaq Joon iyo xildhibaadana beesha Habargidir ee halkaas ku sugan, oo ay is-hayaan ciidamada dowladda.

Xildhibaanada iyo saraakiishan ayaa la filayaa, sida aan xogta ku helnay inay ka qeyb-galaan shir jaraa’id oo ay si wadajir ah halkaas ugu qabanayaan xildhibaanada, saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye.

Xubnahan ayaa watay gaadiid dagaal iyo ciidan aad u badan, sida ay sheegeen dad ku sugan xaafadda Shiirkole, taasi oo sii kordhineysa ciidanka tirada badan ee horey halkaas ugu sugnaa. Wararka qaar ayaa sheegaya in ilaa 50 tikniko ah ay halkaas gaareen.

Xaafadda Shiirkole ayaa waxaa ka taagan xiisad colaadeed oo ka dhalatay isku day ay dowladda ku dooneyso inay kusoo qabato Jeneral Saadaq, kaasi oo fashilmay markii ciidamo badan iyo xildhibaano ay garab istaageen.

Xildhibaanada beesha Habar-gidir oo ay ka mid yihiin Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odowaa iyo Cabdi Saabir Shuuriye, oo ay wehliyaan odayaasha beesha, ayaa xalay shir jaraa’id ku qabtay xaafadda Shiirkole, ayaga oo ka digay in lasoo weeraro Saadaq Joon.

Xildhibaanada ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Muqdisho inay u diyaar garoobaan inay iska difaacaan Farmaajo, oo ay ugu wada yeereen “hoggaamiye kooxeed sharci-darro” ku jooga Villa Somalia.