25.7 C
Mogadishu
Wednesday, July 15, 2026

FARMAAJO iyo wakiilada beesha caalamka oo uu shir uga furmay Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir u dhexeeyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo wakiilada beesha caalamka ayaa goor dhow ka billowday Teendhada Afiysoone ee xerada Xalane.

Shirkan oo aan horey loo sii shaacin ayaa ka dambeeyey ka gadal markii wada-hadallo toos ah ay yeesheen qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka iyo Villa Soomaaliya.

Intiisa badan waxaa shirkan looga hadlayaa xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan muddo kororsiga ay sameeyeen xildhibaanada golaha shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha beesha caalamka ay madaxweynaha la wadaagi doonaan go’aankooda ku aadan dooda ka dhalatay muddo kordhinta loo sameeyey.

Beesha caalamka oo horey u sheegtay in aysan taageeri doonin doorasho hal dhinac ah iyo muddo kororsi ayaa si adag uga hortimid go’aankii ka soo baxay golaha shacabka.

Xaaladda Soomaaliya ayaa yeelatay weji cusub, waxaana Farmaajo iyo Mursal ay ku adkeysanayaan muddo kordhinta loo sameeyey oo dhalisay xiisad kale oo siyaasadeed.

Guddoomiyihii degmada XAMAR JAJAB oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii Degmada Xamar Jabab, Maxamed Cabdi Axmed (Xayle) ayaa xalay lagu dilay weerar ay dabley hubeysan ku qaaday xilli uu sii gelayay hoygiisa oo ku yaalla deegaanka Sarkuuste oo ka tirsan Garasbaaley.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Dhamme) ayaa xaqiijiyay dilka Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in kooxo bastoolado ku hubeysnaa, isla-markaana watay mooto bajaaj ay dileen Gudoomiyaha.

Maxamed Cabdi Axmed, ayaa xilka Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab loo magacaabay 5-tii bishii September ee sanadkii 2020.

Waa Gudoomiyihii 2-aad oo billo gudahood lagu dilo Magaalada Muqdisho. 21-kii bishii January ayay ahayd markii la dilay Gudoomiyihii Degmada Hodan, Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhegajuun), oo ku dhintay israsaaseyn Ciidanka Booliska iyo ilaaladiisii ku dhex martay inta u dhaxeyso Isgoysyada Aadan Cadde iyo Hawlwadaag.

Dilka Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab ayaa ku soo aadaya, xilli ay dhiilo colaadeed ay ka soo cusboonaatay Magaalada Muqdisho, oo u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo Jeneral Saadaq John.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Habargidir oo gaaray Shiirkole

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada beesha Habar-gidir ee baarlamanka federaalka ayaa goordhow gaaray xaafadda Shiirkole, oo caawa ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo Jeneral Saadaq John. 

Xildhibaanada gaaray halkaas ayaa waxaa ka mid ah  Cabdiraxmaan Odawaa, Mahad Salaad iyo Cabdi Saabir Shuuriye iyo kuwa kale, si loo garab is-taago Jeneral Saadaq John, oo laga cabsi qabo in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadaan.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Xildhibaanadeena Habar Gidir ayaa hadda soo gaaray Shiirkole. Farmaajo, Fahad iyo Biixi dadkeena ayay duulaan ku yihiin. Dadkeena waxaan ugu baaqaynaa in ay iska difaacaan cadowga iso soo bahaystay. Waanan ka guuleysanaynaa inshaa’allah.”

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaannadan ay degi doonaan deegaanka Shiirkole, mana cadda inta ay joogi doonaan iyo tallaabada ay dowladda qaadi doonto.

Go’aanka ay qaateen xildhibaanada Habar-gidir ayaa adkeynaya in dowladda ay weerar qaado, maadaama ay haystaan xasaanad, inkasta oo wax kasta ay ka suurtoobaan Farmaajo. 

Saadaq oo wata gaadiid dagaal oo badan ayaa caawa dib ugu laabtay xaafadda Shiirkole, kadib markii ay dowladda ciidan badan dul dhigtay guriga uu ka deganaa agagaarka garoonka diyaraadha Muqdisho.

Saadaq ayaa gurigiisa agagaarka garoonka Aadan Cadde ku laabtay shalay subax kadib markii madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor uu u ballan-qaaday inaysan dowladda soo weerari doonin, hase yeeshee maanta ayaa ciidamo badan la dul-dhogay.

Si kastaba, Saadaq iyo ciidankiisa ayaa xoog kaga gudbay barta koontarool ee Wadada Jaayga, ee agagaarka garoonka, halkaasoo galabta ay dowladdu ciidan xoogleh geysay, si ay u go’doomiso, waxayna gaareen Shiirkole.

Xiisad caawa ka taagan Muqdisho iyo Jeneral Saadaq John oo ku laabtay Shiirkole

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo taliyihii hore ee ciidanka booliska gobolka Banaadir Jeneral Saadaq John ayaa mar kale caawa ka taagan magaalada Muqdisho, kadib markii uu ay dowladda isku dayday inay ku go’doomiso.

Saadaq oo wata gaadiid dagaal oo badan ayaa caawa dib ugu laabtay xaafadda Shiirkole, kadib markii ay dowladda ciidan badan dul dhigtay guriga uu ka deganaa agagaarka garoonka diyaraadha Muqdisho.

Saadaq ayaa gurigiisa agagaarka garoonka Aadan Cadde ku laabtay shalay subax kadib markii madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor uu u ballan-qaaday inaysan dowladda soo weerari doonin, hase yeeshee maanta ayaa ciidamo badan la dul-dhogay.

Si kastaba, Saadaq iyo ciidankiisa ayaa xoog kaga gudbay barta koontarool ee Wadada Jaayga, ee agagaarka garoonka, halkaasoo galabta ay dowladdu ciidan xoogleh geysay, si ay u go’doomiso.

Wararka ayaa sheegaya inuu hadda ku sugan deegaanka Shiirkole oo ah xaafad ay reerkiisa u badan yihiin.

Qeyb ka mid ah xaafadda Shiirkole iyo xaafadaha ka ag dhow ee degmada Hodan ayaa waxaa caawa laga dareemaya dhaq-dhaqaaq ciidan, ayada oo dowladda ay ciidamo badan dhigtay, mana cadda qorshaha ay damacsan tahay. Sidoo kale, ciidan taabacsan Saadaq oo xooggan ayaa ku sugan Shiirkole. 

Dadka xaafadda Shiirkole, ayaa soo weriyey inay maqleen rasaas kooban.

Xog: Sababta rasmiga ah ee Axmed Qoor Qoor u diiday muddo kororsiga Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa u diiday inuu taageero muddo kororsiga Farmaajo sababo la xiriira lacag malaayiin dollar ah oo kaga maqan dhanka dowladda, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Qoor Qoor uu Farmaajo iyo Fahad Yaasin u sheegay in ay siiyaan lacago malaayiin dollar ah oo kaga xayiran dhinaca dowladda, kahor inta aan taageerin muddo kororsiga. 

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Villa Somalia u sheegay in go’aanka Golaha Shacabka uu yahay mid aad u qaraar islamarkaana uu ku waayi doono dad badan oo degaanka ah, sidoo kalane uu qeyb ku yeelan doono wixii dalka ka dhaca, sidaas darteedna uusan taageeri karin iyadoo ay waliba dhinaca dowladda kaga maqan tahay lacago mallaayiin dollar ah. 

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa inuu jiro tuhun dhanka Villa Somalia ka jira oo ah Qoor Qoor uu damacsan yahay in markii uu lacagtiisa helo uu ka bixi doono ballanta taageeridda muddo kororsiga, taasi oo keentay inaan lacagta loo fasaxin.

Maalinkii lagu dhowaaqay muddo kororsiga, waxaa si qasab ah baraha bulshada maamullada HirShabelle iyo Koonfur Galbeed loogu daabacay warqad ay taageereen oo ay soo diyaarisay madaxtooyada, hase yeeshee Galmudug waa ay diiday warqaddaas, waxaana sidoo kale ay beenisay inay wax shaqo ah ku leedahay.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Madaxweyne Qoor Qoor la saaray culeys badan oo kaga imanaya mucaaradka iyo muxaafadkaba kadib markii uu ka gaabsaday arrinta muddo korarsiga, oo uu ilaa hadda uusan si shaacsan uga hadal.

Si kastaba, Qoor Qoor ayaa laba maalmood kahor muddo kororsiga wareysi uu bixiyey ku diiday muddo kororsiga, waxaana la fahamsan yahay inay aheyd farriin cadaadis ah oo uu u diray dowladda si ay lacagta u fasaxdo.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa xalay u sheegay musharaxiinta mucaaradka inaysan taageeri doonin muddo kororsi, waxaana la filayaa inay mowqifkooda si rasmi ah u shaaciyaan. Qoor Qoor ayaa hadda ka quustay lacagtii uu ka sugayey Villa Somalia.  

FIQI: “Waxaa la casuumay oo banaanka u soo baxaya qoryihii duugoobay”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa si adag uga hadlay go’aanka madaxda waqtigoodu dhamaaday ay ku dheereysanayaan xukunka, kadib qaraarkii uu soo saaray Golaha Shacabka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in kursiga Farmaajo keliya lagu ilaalin karo dastuurka heshiiska lagu yahay, balse aan marnaba lagu waardiyeyn kareyn qori iyo cago-jugleyn ka dhan ah dadka kasoo horjeeda tallaabada sharci darada.

“Marka ay noqoto in qori lagu ilaaliyo kursigii sanduuqa dhalada ah uu sharciyeeyey, dadka arrintaas ka dhiidhiyana caburin iyo argagixin la isugu daro, markaas waxaa la casuumay oo banaanka u soo baxaya qoryihii duugoobay ee boorka fuulay mudadii dastuurku uu dhaqangalka ahaa, wadadaasna ma ahan mid cusub oo waa mid horey loo soo tijaabiyay oo aan cawaaqibteeda la mahdin,” ayuu yiri Fiqi.

“Waana la soo tijaabiyey in qori kursi lagu ilaaliyo iyo mid Karaamada lagu ilaaliyo uu awood weyn yahay kan sharafta iyo dastuurka ilaalada u ah.”

Waxa uu ka digay in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu dalka ku celiyo meeshii uu hore uga imaaday, islamarkaana uu dib ugu laabto teendhadii Afisyooni iyo wada-hadaladii uu fashiliyey ee loogu gogol xaarayay heshiiska doorashada.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay inay dalka ka qabsoomto doorasho wada-ogol ah oo loo dhan yahay, si dalka looga bad-baadiyo qalaalase siyaasadeed iyo mid amni.

“Waxaa haboon in caqligu shaqeeyo oo aan dalka kursi jacayl awgii haadaan dheer looga tuurin, wadada kaliya ee furanna ay tahay wadahadalkii siyaasadeed iyo in dalka doorasho la isla ogal yahay ay ka qabsoonto sida ugu dhow,” ayuu yiri Fiqi.

Xog: Beelaha HAWIYE oo go’aamiyey shirweyne lagu gaarayo go’aan xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka si weyn uga socda qaban-qaabada shirweyne ay iskugu imaanayaan Beelaha Hawiye, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen siyaasiyiin iyo xildhibaano kasoo jeeda beesha.

Shirkaan ayaa waxa lagu wadaa in todobaadka soo socda uu ka furmo magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qeyb-galaya; waxgaradka, siyaasiyiinta, madaxdii hore iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle.

Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, shirkaan ayaa waxa laga soo saari doona go’aan adag oo ka dhan ah qaraarkii uu dhawaan Golaha Shacabka ugu sameeyay muddo kordhinta madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxaa shirkaas inta uu socdo caddeyn doona mowqifkooda ku aadan muddo kororsiga Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle, kuwaasi oo lagu wado inay ka warbixiyaan waxay kala soo kulmaan Madaxweyne Farmaajo marka ay la kulmaan iyo mowqifka ay ka qaateen muddo kororsiga.

Shirkaan ayaa waxa u imanayaa, xili ay labadii maalin ee u dambeeyay kulamo xasaasiya uu dhex-maray Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle oo ayaga lagu tirin jirey inay kamid yihiin maamulada taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Farmaajo.

Madaxdaan ayaa isku afgaraty in dalka doorasho aado oo aan la taageerin muddo kordhinta, iyadoo labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ay dalbadeen in Farmaajo marka hore uga soo digaan qatarta muddo kordhinta, taasi oo ay si adag uga hor-imaadeen beesha caalamka.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xili ay xaalada dalka kasii dareyso, tan iyo markii uu Golaha Shacabka ku dhawaaqay muddo kordhinta, waxaana intaas wixii ka dambeeyay magaalada Muqdisho ka socday abaabulo ka dhan ah tallaabadaas.

Magacyada xildhibaanadii ka dambeeyey in Farmaajo ku darsado 2 sano (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhammaaday ayaa fadhi uu yeeshay 12-kii bishan waxaa uu Farmaajo ugu daray laba sano taasi oo kahor yimaadeen Aqalka Sare, maamul goboleedyada, Madasha Badbaado Qaran, bulshada rayidka iyo xataa beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Yurub iyo Mareykanka.

Waxaa hadda la helay liiska Xildhibaannada keenay isla markaana saxiixay mooshinka jiheynta doorashada. Liiska la helay ayaa wuxuu muujinayo tirada guud ee Mooshinka saxiixday, Inta haweenka ah, inta wadata dhalasho kale iyo maamul Goboleedyada ay kasoo jeedaan, waana sidan:

1- Tiro ahaan waa 41 keliya.
2- Liiska inta saxiixday 50% waa haween oo ku tuseysa in Farmaajo u adeegsaday dumarka oo ah kuwa looga tiro badan yahay aqalka.
3- Xildhibaannada 18% waxay heystaan baasaboorrada Mareykanka iyo Yurub oo laga yaabo iney cunaqabateyn wajahaan.
4 – Marka maamul goboleed ahaan loo fiiriyo Xildhibaannada mooshinka keenay waa sida:

Jubbaland(7) Xildhiban, Koonfur Galbeed(14) Xildhibaan, Hirshabeelle(3) xildhibaan, Galmudug(3) xildhibaan, Puntland(2) xildhibaan iyo Somalinad(11) xildhibaan.

Halkan Ka Akhriso Liiska Xildhibaannada Keenay Mooshinka Jiheynta Doorashada ee Farmaajo loogu daray 2 sano.

  1. Dahir Amin Jesow
  2. Samra Ibrahim Omar
  3. Ibrahim Isaaq Yarow
  4. Maryan Ahmed Harun
  5. Mohamud Ahmed Isse Run sheeg
  6. Feysal Omar Guled
  7. Asha Kos Mohamed
  8. Farhia Hassan Adan
  9. Rabico Sheikh Nur
  10. Sarha Abudkadir Osman
  11. Malaq Dhayow
  12. Amina Omar Jama
  13. Yurub Ibrahim Rabi
  14. Ikram Yusuf Hersi
  15. Sadia Musa Abdullahi
  16. Abdirahman Ahmed Suge
  17. Abdullahi Osman Duale Sugulle
  18. Bibi Kalif Mohamed
  19. Abudllahi Sheikh Mohamed Bakistan
  20. Abdiaziz Abdullahi Yusuf
  21. Abdullahi Olad Roble
  22. Ahmed Mohamed Jama Irro
  23. Hashim Nur Aden
  24. Qasim Mohamed Jama
  25. Fatah Said Hassan
  26. Osman Haji Ali
  27. Nadifa Farah Jama
  28. Khadra Mohamud Tukale
  29. Sheikh Shacir
  30. Ali Sheikh Abudllahi Afgooye
  31. Hawo Mohamed Aden
  32. Mohamed Ibrahim Abdi
  33. Sahra Omar Malin
  34. Abdullahi sheikh Ismail
  35. Amina Sheikh Osman
  36. Abdirahman Kulmiye Hersi
  37. Sheikh Nur Mohamed
  38. Ali yusuf Osman-Ganey
  39. Nur Sidow Baba-Hassan
  40. Hasaan Ali Mohamed-Amardambe
  41. Yaqub Ali Mohamed

Sida uu sheegay guddoomiyaha golaha waqtigoodu dhamaaday ee shacabka waxaa ogolaaday qararka 149 Xildhibaan, Waxaa jira warar sheegaya in aanu kooramka maalintaa buuxin, taasi oo baaristeeda ay socoto.

Qoor Qoor iyo Guudlaawe oo musharaxiinta u caddeeyey MOWQIFKOODA ku aadan muddo kororsiga Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah oo laga helayo kulan ay Xalay Muqdisho ku yeesheen Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan shiikh, Shiikh Shariif iyo Madaxweyneyaasha maamulada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo kan HirShabelle Cali Guudlaawe Xuuseen ayaa sheegayo in laga gaaray is faham hordhac ah.

Kulanka oo ka dhacay guriga uu Muqdisho ka dagan yahay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan Xaaladda cakiran ee xilligan uu marayo Dalka iyo muddo kordhinta ay golaha shacabka u sameeyeen Hay’addaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyneyaasha Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ayaa u caddeeyey Madaxweyneyaashii hore ee Dalka in ay ka soo horjeedaan Muddo Kordhinta loo sameeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa labada madaxweyne ee Galmudug iyo HirShabelle ku cadaadinayo inay si cad warbaahinta ugu sheegaan mowqifkooda ku aadan muddo kordhinta isla markaasna aysan iyaga ka war qabin waraaqdii la sheegay inay kasoo baxday madaxtooyada balse lagu sheegay inay aheyd mid ay si wadajir ah usoo saareyn maamul goboleedyada taabacsan dowladda.

Xubnaha mucaaradka ayaa u arko Axmed Qoor Qoor iyo Guudlaawe wadada kaliya ee looga hortagi karo muddo kordhinta uu sameystay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankan oo ahaa mid horay labada dhinac ugu balameen, markii shirar gaar ah yeesheen ayaa la filayaa inay si wadajir ah go’aan uga gaaraan arrinta muddo kordhinta Madaxweyne Farmaajo u sameeyay Golaha Shacabka.

Habeeno ka hor warbaahinta dowladda ayaa lagu faafiyey warqad laga qoray Madaxtooyada, taas oo lagu muujinayey in seddaxda maamul goboleed ee taabansan dowladda federaalka ay taageersan yihiin mudo kororsiga, balse Galmudug ayaa dib ka beenisay ku lug-lahaanshaha warqadaas.

Madaxweynaha Galmudug ayaa u muuqda mid aan ogoleyn mudo kororsiga Farmaajo, hadana waxa uu ku dhiiran la’yahay inuu cadeeyo mowqifkiisa, markii laga reebo in mar uu warbaahinta ka sheegay in uusan taageeri doonin mudo kororsi.

Xog: DF oo dibad-baxyo ka abaabuleysa qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa abaabuleysa banaanbaxyo ka dhacaya qaar ka mid ah magaalooyinka dalalka Reer Galbeedka, kuwaas oo lagu taageerayo muddo kororsiga labada sano ah ee uu sameystay Farmaajo.

Dibad-baxyadan ayaa la qorsheynayaa inay ka dhacaan magaalooyin ay ka mid yihiin London oo UK ah, Minneapolis, Columbus iyo Washington oo Mareykanka ah, iyo magaalooyin kale oo ku yaalla qaar ka mid ah dalalka kale ee Yurub, sida Sweden, Norway, Belgium, Germany iyo kuwa kale.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, xubno ka mid ah maamulka gobolka Banaadir oo uu ka mid yahay guddoomiye ku xigeenka gobolka ee dhanka amniga ayaa loo xil-saaray abaabulka banaan-baxyada, kuwaasi oo lacago boqolaal kun oo dollar ah billaabay inay u diraan abaabulayaal kale oo ku sugan dalalka ay ka dhacayaan dibad-baxyada.

Dibad-baxayaasha ayaa taageeri doono muddo kororsiga dowladda, ayada oo aan lasoo hadal qaadi doonin, balse taa beddelkeed boorarka lagu qori doono erayo lagu dalbanayo doorasho qof iyo cod ah, iyo in dimqoraadiyadda ay tahay in shacabka loo ogolaado inay codeeyaan.

Doorashada qofka iyo codka ayaa aheyd qiilkii loo adeegsaday muddo kororsiga, inkasta oo xaqiiqda ay tahay, qof kastana uu og yahay in doorasho qof iyo cod ah aysan Soomaaliya ka dhici karin.

Dowladda ayaa rumeysan in dibad-baxyada ay beddeli karaan ra’yiga beesha caalamka kana yareyn karaan cadaadiska, sida ay xubno ka mid ah dadka arrintan ku lugta leh u sheegeen Caasimada Online. 

Si kastaba, siyaasadaha dalalka reer galbeedka ayaa si ka duwan Soomaalida ah, kuwa aan ku shaqeyn dareen, balse ku dhisan daraasaad iyo xog-ogaalnimo, sidaas darteedna aysan dibad-baxyo lacag lagu soo abaabulay waxba ka beddeli karin.

Saraakiil laga shaki qabo in aysan daacad aheyn oo laga qaaday xilalkii G/Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wixii ka dambeeyey 12-kii bishan April oo mudo laba sano ah uu waqtiga xil-heyntiisa ku kororsaday madaxweyne Farmaajo, waxaa bilaawday is bedello xoog leh oo ku socda saraakiisha ciidamada, gaar ahaan booliska, kuwaas oo qaar xilalkii laga qaaday, qaarna goobo kale loo bedelay.

Taliyeyaashii saldhigyada degmooyinka Waaberi, Wadajir, Deyniile, Shibis, Cabdicasiis iyo Howlwadaag ayaa intooda badan isku shaandheyn lagu sameeyey, halka qaar looga shakiyey inay xiriirro la leeyihiin Taliyihii hore ee booliska Gobolka Banaadir Jeneral Saadaq Joon iyo musharaxiinta mucaaradka ah xilalkii laga qaaday.

Taliye ku xikeenkii qeybta booliska gobolka Banaadir, Taliyihii qeybta Galbeed Yuusuf Xundubey iyo taliyeyaashii saldhigyada Waaberi iyo Howlwadaag ayaa xilalkii laga qaaday.

Taliyihii saldhigga degmada Wadajir Saciid Cali Baryare ayaa la dalacsiiyey, waxaana ku xigeen looga dhigay Farxaan Qaroole, iyadoo loo magacaabay Taliye ku xigeenka qeybta booliska gobolka Banaadir, sidoo kale Cabdibaasid Maxamuud ayaa loo magacaabay taliye ku xigeenka qeybta Waliyow Cadde, halka taliye ku xigeenka Qeybta Galbeed loo magacaabay sarkaal lagu magacaabo Daa’uud Axmed.

Madaxda xukunka dheereysatay ee dowladda federaalka ayaa la sheegay in shaki weyn ay ka qabaan saraakiisha qaar, waxaana weli socota shaandheynta ka dhanka ah saraakiisha ay uga shakiyeen inay xiriir laleeyihiin Jeneral Saadaq Joon iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ah.

Sidoo kale, xil ka qaadista lagu sameeyey saraakiishaan waxay kusoo aadeysaa, iyadoo 12-kii bishaan ciidamada booliska ah ee ka howlgala gobolka Banaadir ay isku hareereeyeen madaxtooyada, kadibna ay hor istaageen kulankii mudo kororsiga lagu sameystay ee xildhibaanada golaha shacabka.

Amarkii lagu hor istaagay xildhibaanada waxaa bixiyey Jeneraal Saadaq Joon, balse saacado kadib ayaa ciidamada laga wareejiyey wadooyinkii ay xireen kadib markii deg deg xilka looga qaaday Saadaq Joon, waxaana hadda la ugaarsanayaa saraakiishii amarkaas ka qaadatay.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in maalmaha soo socda saraakiil kale xilalka laga qaadi doono, qaar kalena loo wareejin doono xilal kale, kuwaas oo loo arko inaysan daacad u aheyn Farmaajo.

Dagaal ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Sool

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Sool ee Somaliland ayaa sheegaya in deegaan lagu magacaabo Dhabar-dalool oo tirsan degmada Xudun ee gobolkaas uu shalay galinkii dambe ka qarxay dagaal xoogan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalkaan ayaa waxa uu u dhexeeya labo Beelooda oo deegaankaas wada dega oo muddooyinkii dambe ay taagneyd xiisad u dhaxeysa labada dhinac.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, sida ay dadka deegaanka u sheegeen Caasimada Online, waxaana lasoo warinayaa in ilaa tobaneeyo ruux oo labada dhinac ah ay ku naf waayeen dagaalkaas.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga waxa uu salka ku hayo dagaalkaan, waxaana soo baxaya warar sheegaya in labada beel ay isku haysteen dhul balaarsi, kadib markii mid kamid ah beelahaas uu qorsheynayay inuu Ceel-biyood ka qoto deegaanka Dhabar-dalool.

Mana jiro ilaa hadad wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland iyo laamaha amaanka oo ku aadan dagaalka labada beel oo sababsday geerida dad hor leh.

Biden oo safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa si rasmi ah safiir cusub ugu soo magacaabay Soomaaliya, islamarkaana xilkii ka qaaday safiirka muddada dheer dalka u joogay ee Donald Yamamoto.

Madaxweyne Biden ayaa u xushay in safiirka Mareykanka ee Soomaaliya danjire Larry André Jr., oo ah rug caddaa muddo badan ka shaqeynayey diblomaasiyadda. André ayaa ka mid ahaa 9 safiir oo uu xalay magacaabay Biden, kuwaas oo badankood loo magacaabay dalal African ah.

Andre iyo safiirada kale ayaa u baahan inuu ansixiyo Aqalka Senate-ka Mareykanka kahor inta aysan qaban xilalka loo magacaabay, taasi oo qaadan karta muddo bilo ah, waxaana intaas sii shaqeynaya safiirada hadda xilka haya. 

André ayaa ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 20, 2017 illaa January 20, 2021, isaga oo ka horna ahaa safiirka Mareykanka ee Mauritania, muddadii u dhaxeysay 2014 illaa 2017.

André waa diblomaasi rug caddaa ah, oo diblomaasiyadda ka shaqeynayey tan iyo 1990-kii, wuxuuna kasoo shaqeeyey sagaal howlgal dibadeed oo badankood ah Afrika.

Magacaabistiisa André ayaa imaneysa ayada oo xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya uu aad u xun yahay, islamarkaana wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ay dhowaan ku hanjabtay tallaabooyin ay ka mid yihiin cunaqabateyn oo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka kadib markii ay sameysteen muddo kororsi laba sano ah.

Donald Yamamoto ayaa muddo lagu eedeynayey inuu aad ugu dhowaa dowladda federaalka kuna fiirsanayey qaladaad iyo xadgudubyo badan, inkasta oo markii uu xilka qabtay Joe Biden oo uu beddelay Trump 20-kii janaayo 2021, uu sameeyey isbeddelo u muuqday inuu dowladda si kulul ula macaamilayey.

Dadka siyaasadda darsa ayaa rumeysan in magacaabista Larry André ay xilli xun ku imaneyso dowladda federaalka, maadaama uu yahay diblomaasi aaminsan dimoqraadiyadda iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, oo cadaadis badan ay kala kulmi doonto.

Sawirro: Qorsho cusub oo lagula dagaalo Al-Shabaab oo lasoo bandhigay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka qeyb-galay kulan labo maalmood soconayay oo lagu qiimeynayay guulaha laga gaaray howl-galada ka dhanka ah argagixisada gaar ahaan guulaha ciiidamada xoogga ay ka gaareen howl-galadii ugu dmabeeyay ee ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka.

Kulankaan waxaa goob joog ka ahaa hoggaanka saraakiisha ciidamada howl-galka midowga Africa ee AMISOM iyo wakiilka Midowga Africa uqaabilsan Howl-galka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, saraakiil ka socotay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, xubno ka sacday UK Mission iyo qaar ka mid ah saaxiibada kale ee Soomaaliya ka caawiyo Amniga .

Waxaa Gabagabii lagu soo bandhigay qorshe mideysan oo ka dham ah argagxisada kaasi oo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa xoogga dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage ayaa ku booriyay waxyaabaha kasoo baxay shirkaan inay noqdaan kuwa laga miro dhaliyo oo aysan qoraal ku koobnaan si dhibaatooyinka ay argagixisadu ku heyso shacabka looga dulqaado.

“Waxaa loo baahanyahay qorshahaan inuu noqdo miro dhal si dalka looga saaro argagixisada dhibaatooyinka ku haya shacabka waana muhiim inaan si wadajir ah uga shaqeyno”

Dhankooda hogaanka ciidamada AMISOM ayaa soo dhaweeyay waxaana ay sheegeen inay xoojinayaan howl-galada ka dhanka ah argagixisada oo qeyb-ka ah waxyaabaha ay u yimaadeen Soomaaliya.

‘Ciidamo horleh oo Puntland ka goostay oo is-dhiibay’

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhaweysay saraakiil iyo ciidan hor leh oo kasoo goostay maamulka goboleedka Puntland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland.

Saraakiisha iyo ciidamada kasoo goostay ciidamada difaaca Puntland ayaa waxa deegaanka Goojo-cadde ku qaabilay Taliyaha ciidanka Somaliland ee jiida hore ee gobolka Sool.

Ciidamadaan ayaa lagu sheegay tiradoodu inay gaareyso tobaneeyo, kuwaasi oo sitay saanadoodii millateri ee ay kala soo goosteen maamulka Puntland oo dagaal kala dhaxeeyo Somaliland.

Saraakiisha iyo ciidamadaan kale ayaa waxa lagu wadaa in la mariyo nidaamka qarameynta ciidamada Somaliland, waxayna kamid noqon doonaan ciidamada ka howl-gala xuduuda Somaliland ee dhanka Puntland.

Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa muddo badan ka dhaxeeya dagaal dhanka xadka ah, waxaana dhowr jeer dagaalo ku dhex-mareen deegaano ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, oo ay isku hayaan gacan ku hayntooda.

Sawirro: Ceeb iyo hadal hayn ka dhalatay tallaabo ay DF u qaaday dhanka Ruushka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ceeb iyo hadal hayn badan ayaa ka dhalatay kulan maanta Muqdisho ku dhex-maray wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Belel Cusmaan iyo safiirka Ruushka ee Soomaaliya iyo Jabuuti Michail Golovanov. 

Sawirrada kulanka oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde, islamarkaana ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa waxaa ka muuqda calanka Netherlands, kaasi oo dowladda ay ku qaladay kan Russia.

Waxaa durbadiiba baraha bulshada Soomaalida, iyo xitaa kuwa ajaaniibta qabsaday hadal haynta qaladka ka dhacay dowladda Soomaaliya iyo sida ay ku dhacday inay kala garan weyday labada calan ee Netherlands iyo Russia.

Soomaalida qaarkeed ayaa dhacdadan u adeegsanayey ereyo ay ka mid ah yihiin “waa iska sidan marka xilka lagugu siiyo ilmo adeernimo,” ayaga oo ula jeeda in Belel ay isku beel yihiin Farmaajo, islamarkaana uu ka mid yahay shakhsiyaadka ugu dhow.

Hase yeeshee fadeexadda ka dhalatay calanka waxaa ka weyn saameynta siyaasadeed ee kulanka iyo tallaabada ay dowladda u qaaday dhanka Ruushka, oo la rumeysan yahay inay kusii dhowaaneyso xilli ay kala furteen dalalka reer galbeedka ee Mareykanka iyo Yurub.

Tallaabada ay qaaday dowladda ayaa muuqata mid uga jawaabeyso hanjabaadii Mareykanka iyo Midowga Yurub, islamarkaana ugu direyso farriin ah in haddii Mareykanka xiriirka u jaro inay soo dhoweysaneyso Ruushka oo ay xifaaltamaan.

Caasimada Online ayaa 7-dii April qortay xog gaar ah oo ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay heshiis hoose oo muhiim ah la gashay dowladaha Shiinaha iyo Ruushka, oo qeyb ka ah waddamada leh codka awoodda qayixan ee golaha ammaanka ee QM.

Labadaan dowladood ayaa Madaxweyne Farmaajo u ballan qaaday in ay is hortaagi doonaan qaraar kasta oo Soomaaliya ka dhan ah islamarkaana la horkeeno fadhigga golaha ammaaka.

Soomaaliya ayaa la sheegay in taa beddelkeed ay Shiinaha iyo Ruushka u ballan qaaday iskaashi iyo in fursad wanaagsan laga siiyo tartanka gobalka ka socda oo dalalkaas muhiim u ah.

Si kastaba, xitaa haddii Ruushka iyo Shiinaha ay dowladda ka hor-istaagaan qaraarada golaha ammaanka, waxaa xusid mudan in Mareykanka iyo Yurub ay saari karaan cunqabateyno iskood ah, maadaama dhaqaalaha caalamka oo idil ay inta badan ayaga maamulaan.

Shir xasaasi ah oo u socda Qoor Qoor, Guudlaawe iyo musharaxiinta iyo go’aan la filayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa magaalada Muqdisho ka socda shir u dhaxeeya Madaxweynayaasha maamullaad Galmudug iyo HirShabelle iyo Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya.

Kulankaan oo soo bilaawday afurkii kadib ayaa ka socda guriga Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor uu ka deganyahay magaalada Muqdisho, waxaana looga hadlayaa mudo kororsiga loo sameeyey hey’adaha dowladda federaalka.

Kulankan oo ahaa mid horay labada dhinac ay ugu balameen, markii shirar gaar ah yeesheen ayaa la filayaa inay si wadajir ah go’aan uga gaaraan mudo kordhinta ay xildhibaanada Golaha Shacabka u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo HirShabelle ayaa laga sugayaa inay si cad u diidaan mudo kororsiga Madaxweyne Farmaajo, waxaana go’aankaas ku cadaadinaya muharaxiinta mucaaradka ah oo badankood ay isku heybyihiin.

Habeeno ka hor warbaahinta dowladda ayaa lagu faafiyey warqad laga qoray Madaxtooyada, taas oo lagu muujinayey in seddaxda maamul goboleed ee taabansan dowladda federaalka ay taageersan yihiin mudo kororsiga, balse Galmudug ayaa dib ka beenisay ku lug-lahaanshaha warqadaas.

Madaxweynaha Galmudug ayaa u muuqda mid aan ogoleyn mudo kororsiga Farmaajo, hadana waxa uu ku dhiiran la’yahay inuu cadeeyo mowqifkiisa, markii laga reebo in mar uu warbaahinta ka sheegay in uusan taageeri doonin mudo kororsi.

Midowga Musharaxiinta ayaa labadan madax goboleed culeys ku saraya inay ka hor yimaadaan mudo kororsiga xukuumadda Farmaajo, taas oo hadii ay dhacdo noqoneysa tallaabo fududeysa in Madaxweyne Farmaajo laga hor istaago mudo kororsiga.

Xog: Biden oo maanta safiir cusub usoo magacaabaya Soomaaliya – Waa kuma?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu maanta safiir cusub usoo magacaabo Soomaaliya, islamarkaana beddelo safiirka muddada dheer dalka u joogay ee Donald Yamamoto.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweyne Biden uu safiirka Soomaaliya u magacaabi doono danjire Larry André Jr., oo ah rug caddaa muddo badan ka shaqeynayey diblomaasiyadda.

André ayaa ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 20, 2017 illaa January 20, 2021, isaga oo ka horna ahaa safiirka Mareykanka ee Mauritania, muddadii u dhaxeysay 2014 illaa 2017.

André waa diblomaasi rug caddaa ah, oo diblomaasiyadda ka shaqeynayey tan iyo 1990-kii, wuxuuna kasoo shaqeeyey sagaal howlgal dibadeed oo badankood ah Afrika.

Magacaabistiisa André ayaa imaneysa ayada oo xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya uu aad u xun yahay, islamarkaana wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ay dhowaan ku hanjabtay tallaabooyin ay ka mid yihiin cunaqabateyn oo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka kadib markii ay sameysteen muddo kororsi laba sano ah.

Donald Yamamoto ayaa muddo lagu eedeynayey inuu aad ugu dhowaa dowladda federaalka kuna fiirsanayey qaladaad iyo xadgudubyo badan, inkasta oo markii uu xilka qabtay Joe Biden oo uu beddelay Trump 20-kii janaayo 2021, uu sameeyey isbeddelo u muuqday inuu dowladda si kulul ula macaamilayey.

Dadka siyaasadda darsa ayaa rumeysan in magacaabista Larry André ay xilli xun ku imaneyso dowladda federaalka, maadaama uu yahay diblomaasi aaminsan dimoqraadiyadda iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, oo cadaadis badan ay kala kulmi doonto.

DF oo dacwad kusoo oogtay lix qof oo isugu jira ajaaniib iyo Soomaali caan ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay qoraal ay ugu yeereyso 6-eedeysane oo u badan ajaanib, kuwaas oo loo heysto inay ku kaceen falal basaasid ah oo ay faafiyeen xogo ku saabsan amniga Qaranka.

Eedeysanayaasha kala ah:

1 –Matt Brydan
2 –Kheyre Cabdiraxmaan Raage
3 –Rashiid Cabdi
4 –Emmanuel Deisser
5 –Robison Colin
6 –David Hopkines 

Ayaa lagu war gelinayaa inay hor tagaan Maxkamadda gobolka Banaadir oo uu ka furanyahay gal-dacwadeed ciqaab ah oo ay ku muteysteen inay ku kaceen falal ay ka mid yihiin faafinta xogaha amniga Qaranka, sameynta basaasid siyaasadeed iyo mid ciidan, waxayna ku xadgudbeen shuruucda dalka, sida lagu sheegay qoraalkan.

Afar ka mid ah ragaan waa ajaanib, halka labada kale ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

 “Maxkamadda gobolka Banaadir waxay fareysaa eedeysanayaasha kor ku xusan inay maxkamadda yimaadaan maalinta Sabtida ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 29-05-2021, si ay isaga difaacaan eedda loo heysto,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir.

Raggan dacwada laga gudbiyay waxaa ka mid ah Mitt Bryden oo ah agaasimaha hay’adda Sahan Research oo horay dalka looga mamnuucay, waxuuna mar soo noqday xiriiriyaha guddiga dabagalka cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea.

Xog: Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo musharaxiin kale oo u guuray xaafado cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka u guuray xarun uu ka sameystay degmada Kaaraan, gaar ahaan aagga Mirinaayo, oo ku taalla waqooyi-Bari Muqdisho, isla markaasna deriska la ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warar kale oo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinya in madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uu dhankiisa xarun ka sameystay degmada Yaaqshiid, gaar ahaan xaafadda uu ka soo jeedo ee SiiSii.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa isna isu diyaarinaya in uu isla maanta u guuro degmada Dayniile, halka Musharrixiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu degi doono degmada Hodan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in musharixiinta mucaaradka ah ay u diyaar garoobeen tallaabo milatari oo ka dhan ah Farmaajo, haddii xalka beesha caalamka uu meesha ka baxo.

Marka la eego afarta xarumood ee ay musharrixiintu degeen ayaa ah goobo istaraatiiji ah, haddii uu dagaal ka qarxo caasimadda, waxa ayna xusheen goobo ay taageerayaashoodu ku badan yihiin.

Iibsiga hubka ayaa sare u kacayay Muqdisho labadii bil ee la soo dhaafay, iyada oo ay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ay billaabeen in ay is hubeeyaan, taas oo walwal badan ku abuurtay dadka caasimadda.

Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in golaha badbaadada Qaranka ay qorsheynayaan in madaxweyne kumeel gaar ah doortaan oo muddo cayiman dalka doorasho ku gaarsiinaya, taas oo iska hor imaad ka dhalin karta Muqdisho 

Arrimahaan ayaa ugu wacan cabsi amni oo ka jirta magaalada Muqdisho kadib markii ay dowladda Soomaaliya sameysatay muddo korarsi Madaxweynaha iyo Golaha Shacabka ah iyo qalalaaso amni oo xalay magaalada ka dhacay.