25.7 C
Mogadishu
Wednesday, July 15, 2026

Xog: Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo musharaxiin kale oo u guuray xaafado cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka u guuray xarun uu ka sameystay degmada Kaaraan, gaar ahaan aagga Mirinaayo, oo ku taalla waqooyi-Bari Muqdisho, isla markaasna deriska la ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warar kale oo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinya in madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uu dhankiisa xarun ka sameystay degmada Yaaqshiid, gaar ahaan xaafadda uu ka soo jeedo ee SiiSii.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa isna isu diyaarinaya in uu isla maanta u guuro degmada Dayniile, halka Musharrixiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu degi doono degmada Hodan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in musharixiinta mucaaradka ah ay u diyaar garoobeen tallaabo milatari oo ka dhan ah Farmaajo, haddii xalka beesha caalamka uu meesha ka baxo.

Marka la eego afarta xarumood ee ay musharrixiintu degeen ayaa ah goobo istaraatiiji ah, haddii uu dagaal ka qarxo caasimadda, waxa ayna xusheen goobo ay taageerayaashoodu ku badan yihiin.

Iibsiga hubka ayaa sare u kacayay Muqdisho labadii bil ee la soo dhaafay, iyada oo ay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ay billaabeen in ay is hubeeyaan, taas oo walwal badan ku abuurtay dadka caasimadda.

Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in golaha badbaadada Qaranka ay qorsheynayaan in madaxweyne kumeel gaar ah doortaan oo muddo cayiman dalka doorasho ku gaarsiinaya, taas oo iska hor imaad ka dhalin karta Muqdisho 

Arrimahaan ayaa ugu wacan cabsi amni oo ka jirta magaalada Muqdisho kadib markii ay dowladda Soomaaliya sameysatay muddo korarsi Madaxweynaha iyo Golaha Shacabka ah iyo qalalaaso amni oo xalay magaalada ka dhacay.

DF oo shaacisay goorta loo fariisanayo IMTIXAANKA shahaadiga dugsiyada sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey goorta loo fariisanayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka.

“Qiimeyn iyo wadatashi dheer kadib, waxa ay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ku wargelineysaa dhammaan Bahda Waxbarashada in imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2020-2021 la geli doono 22-ka illaa 26-ka bisha 5-aad ee Maajo , 2021,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka.

Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku sii daray, “Wasaaraddu waxay ku boorinaysaa dhammaan maamulayaasha dugsiyada in ay xil iska saaraan in arday kasta oo ka qeyb gelaya imtixaanka uu helo kaarkiisa agoonsiga iyo muraajaco ku filan ka hor xilliga imtixaanka.”

Ugu dambeyntii qoraalka wasaaradda ayaa ardayda sanadkan geleysa imtixaanka loogu rajeeyey natiijo wanaagsan iyo horumar ay ka gaaraan imtixaankan shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2020-2021.

Sanad dugsiyeedkii kan ka horeeyey ayaa lagu xasuustaa in imtixaankii dowlaadda ay ku dhaceen arday aad u badan, kuwaas tiradooda lagu sheegay 8,550 oo arday.

25.35% celcelis ahaan ayaa ku dhacday imtixaankaas, waxaana u fariistay 33,727 oo arday, 90% ardaydii ku dhacday imtixaankaas ayaa wax ku baratay gobolka Banaadir, taas oo abuurtay shaki iyo aaminaad darro weyn oo ay imtixaanaadka dowladda ka qaadeen dadka reer Muqdisho.

Xog: SACIID DENI oo ku dhawaaqaya go’aan culus

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha mamaulka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa lagu wadaa in Sabtida soo socota uu hortago baarlamaanka maamulkaasi, si uu khudbad ugu jeediyo, isaga oo laga filayo go’aan culus.

Xildhibaanada Puntland ayaa loo diray farriin, iyada oo lagu war-geliya inay soo xaadiraan kulankaasi oo uu ka qeyb-gali doono madaxweynaha maamulkaasi.

Deni ayaa xarunta baarlamaanka ka jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka.

Wararka ayaa sheegaya inuu si gaar ah diirada u saari doono burburka ku yimid wada-hadalladii arrimaha doorashooyinka ee ka socday magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la filayaa in khudbaddiisa uu ku soo qaado go’aankii baarlamaanka ee muddo kordhinta loogu sameeyey hay’adaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xog kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Deni la filayo inuu ku dhowaaqo go’aan ay Puntland si rasmi ah uga baxeyso ka mid ahaanshaha dowladda federaalka iyo guud ahaan nidaamka federaalka ee dalka.

Puntland ayaa horey uga hortimid tallaabada uu qaaday baarlamaanka Soomaaliya ee muddada labada sano ah loogu daray madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Maamulka G/BANAADIR oo war kasoo saaray xiisaddii ciidanka DF iyo Saadaq Joon

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Mudane Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo u warramay warbaahinta ayaa ka hadlay xiisaddii u dhexeysay ciidamada dowladda iyo kuwa daacad u ah taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir, Jeneral Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), kuwaas oo xalay dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Cali yare ayaa sheegay in xiisadaasi ay ku lug lahaayeen dad uu ku sifeeyay inay colaadda ku naaxaan, isla-markaana ay ku baaqayeen in dhibaato laga huriyo caasimadda.

Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir ayaa sidoo kale tilmaamay in laga hortegay xiisadaasi, kadib dadaallo uu sameeyey madaxweynaha maamulka Glamudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ku baxay in la qaboojiyo xiisadaasi.

“Waxaan halkaan ugu mahad-celinayaa madaxweynaha Galmudug… oo u caqli celiyay dhalinyaradii la doonayay in dhiigooda laga dhex abuuro fursad siyaadadeed, haatana si nabdoon oo xilkasnimo iyo xikmad leh ugu celiyay aqaladooda,” ayuu yiri Cali Yare

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray  n wax colaad ama amni daro ah aysan ka jirin magaalada Muqdisho isla-markaana ay heegan ku jiraan ciidamada ammaanka.

Ugu dambeyn Cali Yare ayaa ku baaqay in loogbaahanyahay in aan la siyaasadeyn amniga, maadaama uu yahay wax Ummadda wada leedahay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo saacadihii u dambeeyey la hadal-hayey warar soo baxay oo sheegayey in Saadaq Joon iyo ciidamadiisa ay dageen xaafadda Shiirkoole ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka bilaabay dhaq-dhaqaaq ka dhan ah dowladda.

Nin hooyadiis dhowaan ku dilay Baydhabo oo xun dil ah lagu riday maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Baydhaba ee gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta xukun adag ku riday Nin lagu soo eedeyay markii hore inuu dilay Hooyadiis.

Maxkamada ayaa xukun dil ah ku ridey Mukhtaar Ibraahim Isxaaq oo dhawaan hooyadiis oo 70 jir ah ku diley magaalada Baydhabo, waxaana goobjoog ka ahaa xukunkaas oo maxkamadda ku sugnaa Eheladda Marxuumka.

Axmed Sheekh Nuur Zaki, Garsooraha Maxkamadda Gobolka Baay ayaa ku dhawaaqay xukunka, wuxuuna sheegay in Mukhtaar Isxaaq ay hore usoo eedeysay xeer ilaalinta maxkamadda gobolka Baay, kadibna ay ku cadaatay inuu falkaas geystay.

Sidoo kale waxa uu Garsooruhu sheegay in baaris dheer iyo qiraalka eedeysanaha oo Maxkamadda horteeda ka cadeeyay inuu dilay Hooyadiis Kheyrto Shariif Xasan, taasi oo loo cuskaday xukunka dilka toogasha ah.

Dhacdadaan oo ah mid ugub ah ayaa waxa si weyn looga hadal hayey magaalada Baydhabo, ayada oo fajac iyo amakaag ku noqotay bulshada gobolka in Mukhtaar Ibraahim Isxaaq uu si bareer ah u dilay Hooyadiis.

Xog: Xiisaddii u dhaxeysay ciidamada DF iyo Jeneraal Saadaq oo la qaboojiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisaddii xalay ka taagneyd qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee u dhaxeysay Jeneraal Saadaq Joon iyo ciidamo uu soo diray Farmaajo ayaa qabowday kadib dadaal uu sameeyey madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor, oo ay isku beel yihiin Saadaq.

Wararka ayaa sheegay in Qoor Qoor uu ku guuleystay baajinta dagaal ka dhici lahaa xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan oo dhex-mari lahaa ciidamada Farmaajo iyo kuwa taliyihii hore ee ciidamada booliska ee gobolka Banaadir.

Ciidamada dowladda ayaa lagu warramayaa inay hadda dib uga laabteen xaafadda Shiirkole oo uu weli Jeneral Saadaq Joon ku sugan yahay.

Markii xalay ay soo baxday in dowladda ay qorsheysay weerar ka dhan ah Jeneral Saadaq, waxaa u gurmaday rag badan oo hubeysan oo ku beel ah, kadib dadaallo ay baraha bulshada ka sameeyeen xildhibaanada beesha Habar-gidir oo ku baaqay in la garab istaago.

Waxaa sidoo kale lagu warramayaa in dowladda ay dareentay in cawaaqib xun uu ka dhalan karo weerarka Saadaq Joon iyo in qoryo laga wada qaato magaalada, taasi oo horseeday inaysan weerarka ku deg degin.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in Qoor Qoor uu ku qanciyey Jeneral Saadaq inuu dib ugu soo laabto gurigiisa oo ku yaalla agagaarka agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, oo uu markii hore deganaa. Si kastaba, Saadaq ayaa weli ku sugan Shiirkole, mana cadda goorta uu kasoo tegi doono inkasta oo uu aqbalay codsiga Qoor Qoor.

Ma cadda sababta uu Qoor Qoor Saadaq ugu qanciyey inuu kusoo laabto agagaarka garoonka Muqdisho, iyo danta arrintan ugu jirta dowladda, waxaana dadka qaar ay ku macneeyeen shirqool la rabo in marka uu halkaas tago lagu weeraro, maadaama uusan ku heleen difaac la mid ah kan uu ku haysto Shiirkole.

Ma cadda halka ay xaaladda ku dambeyn doonto iyo haddii Jeneral Saadaq uu ku laaban doono gurigiisa ku yaalla agagaarka garoonka Aadan Cadde.

Xog: Arrinta uu diiday wasiir Oomaar ee keentay in loo wareejiyo wasaarad kale

0

Muqdisho (Caasimadda Online) –Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Axaddii xilalka u kala badalay laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya kadib dalab ka yimid Madaxweynaha muddo xileedkisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu tixgeliyay.

Duraan Axmed Faarax oo ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loo wareejiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, halka Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo ahaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada loo bedelay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Oomaar ayaa qoraal uu habeenkii Isniinta soo dhigay bartiisa facebook ku diiday xilka cusub ee loo magacaabay.

Haddaba Caasimada Online oo dabagal ku sameysay sababta ka dambeysay xil wareejintii lagu sameeyey Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ogaatay inay arrintaas timid kadib markii isaga iyo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ay isku fahmi waayeen dalab lasoo hor dhigay.

Farmaajo ayaa amray Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada Oomaar inuu qoro warqad siyaasiyiinta mucaaradka looga mamnuucayo inay ka dhoofaan kana soo dagaan Garoonka Aadan Cadde International, warqadaasna uu u diro Maareeyaha Garoonka.

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, Wasiir Oomaar ayaa dalabka Farmaajo iska diiday isagoo taas sabab u dhigay in dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah, islamarkaana ay beesha Caalamka isha ku heyso xaaladaha dalka, sidoo kalana uusan u bareeri karin in caburin noocaan ah dalka la geliyo.

Khikaafkaas oo weli taagan ayaa Wasiir Oomaar ugu dhoofay dalka Sacuudi Carabiya arrimo dhanka qoyskiisa ah, waxaana Axaddii soo baxday in xilkii laga wareejiyey, loona beddelay xil kale.

Wasiirka cusub ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa weli shaqadiisa cusub si rasmi ah u billaabin, waxaana laga cabsi qabaa inuu ku dhaqaaqo amaradii uu diday Oomaar, marka uu xilka si rasmi ah ula wareego.

Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa xilka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada soo hayay muddo afar sano, wuxuuna xilkaas hayay illaa xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Farmaajo oo shalay baarlamanka uu siiyey muddo kordhin laba sano ah, ayaa laga cabsi qabaa inuu qaado talloobooyin cawaaqib xun reeba oo lala beegsanayo mucaaradka.

GAAS oo shaaca ka qaaday saameyn ka dhalan karta go’aankii golaha shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan go’aankii muddo kordhinta ee xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Gaas oo ra’iisul wasaare kasoo noday dalka ayaa marka hore shaaca ka qaaday inay sharci darro tahay muddo kordhinta loo sameeyey hay’adaha dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha iyo sidoo kale xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in go’aankan uu saameynayo dalka oo dhan iyo amniga Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa sharci darro waa go’aan qaldan oo waqti qaldan kusoo aaday waayo baarlamaanka, isaga ayaaba waqtigiisa dhamaaday in uu soo saaro ma aheyn go’aan dalka saameynaya oo amniga saameynaya, wax la aqbali karana maahan,” siyaasiga Cabdiweli Gaas.

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in xildhibaanada Soomaaliya looga baahnaa inay qaataan doorkooda saxda ah, isagoo ku eedeeyey inay la safteen hal dhinac.

Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in muddada labada sano ah ee la kororsaday aysan ku qabsoomi karin doorasho qof  iyo cod ah, iyadoo dagaalyahanada Al-Shabaab ay joogaan magaalooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobollada Shabeelooyinka.

Si kastaba Soomaaliya ayaa gashay xaalad cusub, kadib go’aankii muddo kordhinta baarlamaanka oo ay si weyn uga biyo diidan yihiin mucaaradka iyo beesha caalamka.

DF Somalia oo jawaab kulul ka bixisay canaantii beesha caalamka ee mudo kororsiga

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa looga jawaabay dhaleeceyntii iyo soo jeedinadii caalamiga ahaa ee ka dhashay mudo kororsigii uu meel mariyey Aqalka Hoose ee baaralamaanka mudo xileedkiisu ka dhamaaday.

“Hadalada xanafta leh ee ay ku raran yihiin hanjabaadaha, ee wax u dhimaya madaxbanaanida siyaasadeed iyo xuquuqda madaxbanaan ee hay’adaha qaranka, waxay kaliya u adeegi doonaan dhiiragelinta ururada argagixisada iyo kuwa nabad diidka ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah jawaabtaan ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si aad ah uga xumaatay inay aragto hadallada bulshada ee qaar ka mid ah saaxiibbadeeda caalamiga ah iyo saaxiibbada muddada dheer ay ku marin habaabinayaan sharciyada ay soo saaraan hay’adaha dowladda ee lagu ilaalinayo xuquuqda dimoqraadiyadda ee shacabka ee ay ku dooranayaan hoggaankooda.

Dadka Soomaaliyeed waxay u oomanaayeen fursad ay ku gutaan xuquuqdooda dimoqraadiyadeed oo ay ugu adeegsadaan awoodda codkooda doorashada hoggaamiyeyaashooda. In kasta oo maamulkani dadaal badan ku bixiyay himiladan, Sebtember 17th, 2020, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya waxay isku raaceen in la joojiyo hannaankaas oo la qabto doorasho dadban taa beddelkeeda.

Sida ay dhammaantood goobjoog u ahaayeen sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, labo ka mid ah toddobadii saxiixayaasha heshiiska 17 Sebtember 2020, oo kala ah hoggaamiyeyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyagoo ku dhaqmaya cadaadis ba’an oo kaga imanaya saameynta shisheeye, waxay isku dayeen inay hakiyaan oo afduubtaan howsha iyagoo abuuraya dalab aan dhammaad lahayn iyo iyagoo ku baaqaya in la burburiyo hay’adaha dowliga ah ee qaranka.

Khataraha ka dhalan kara luminta horumarka la sameeyay ilaa iyo hadda waxay ku kalliftay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka inuu ka doodo oo u codeeyo 12-ka Abriil 2021-ka si loo ilaaliyo hay’adaha dalka. Go’aankan waxaa si ballaaran u taageeray daneeyayaasha muhiimka ah ee siyaasadda dalka, oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saddex ka mid ah shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah Federaalka, kuwaas oo kala ah Hirshabeele, Galmudug iyo Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Sida ku cad qodobka 47aad ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro sharciyo gaar ah oo qeexaya xeerarka khuseeya doorashooyinka heer federaal.

Sidaa darteed, sharciga uu soo ansixiyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka 12-kii Abriil 2021 oo dhigaya in hal qof, hal-cod doorasho lagu hirgeliyo dalka ayaa meesha ka saaraya qorshe kasta oo horay loo gaaray, oo uu ku jiro heshiiskii 17-kii Sebtember 2020. Asal ahaan, sharcigani wuxuu dalka siinayaa fursad ay ku fuliyaan mid ka mid ah xulashooyinka ay soo jeediyeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC), oo horay u soo saaray dhowr fursadood oo la fulin karo, oo ay ku jiraan khariidad lagu dhameystirayo doorashooyinka 13 bilood gudahood.

In kasta oo aan ka mahadcelinno walaacyada saaxiibbadeen iyo saaxiibbadeenna caalamiga ah ee ku aaddan xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya, haddana waa wax laga xumaado in markhaati laga noqdo u ololeynta mabaadi’da dimoqraadiyadda oo ka gaabinaysa. a taageeridda himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ah in ay ku dhaqmaan xuquuqdooda dimoqraadiyadda.

Hadalada xanafta leh ee ay ku raran yihiin hanjabaadaha, ee wax u dhimaya madaxbanaanida siyaasadeed iyo xuquuqda madaxbanaan ee hay’adaha qaranka, waxay kaliya u adeegi doonaan dhiiragelinta ururada argagixisada iyo kuwa nabad diidka ah ee Soomaaliya.

 

Aqri: Muxuu salka ku hayaa KHILAAFKA guddoomiye Cabdi Xaashi iyo MURSAL?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan khilaaf uu sheegay inuu soo kala dhex-galay  isaga iyo guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Cabdi Xaashi ayaa shaaca ka qaaday in haatan aysan isku wanaagsaneyn isaga iyo guddoomiye Mursal, isla-markaana ay isku qabteen arrin sharci gaf ah.

“Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka xiriir fiican hadda kama dhaxeeyo waxaana u sabab ah qodobo sharci gaf ah oo guddoomiyahaasi uu sameeyay ayaan anigu…. waayo sharci baan ku shaqeynaa sharci gaf uu ku shaqeynayo, dee ma jiro,” ayuu yiri Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray “in hal aqal uusan gaar u lahayn inuu sharci kaligiis ansixiyo”.

Dhinaca kale guddoomiyaha Aqalka Sare oo hadalkiisa sii wata ayaa si adag uga hadlay go’aanka golaha shacabka ee muddo kordhinta, wuxuuna ku tilmaamay sharci darro.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in sharci kasta oo baarlamaanka sameeyo ay waajib tahay in la horgeeyo labada aqal, kadibna loo sii gudbiyo madaxweynaha.

“Qodobka 55-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya ku meel gaarka ah ayaa sheegaya inuu baarlamaanka Soomaaliya ka kooban yahay labo aqal oo kala ah Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Waxaan idiin sheegayaa in sharci kasta oo baarlamaanka Soomaalida sameeyo waa inay labada aqalba ansixiyaan, Markii ay labada aqal ansixiyaan waa inuu madaxweynaha u tagaa oo uu saxiixaa,” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday in dastuurka uusan siineyn baarlamaanka inuu kororsiimo sameysto ama u sameeyo madaxweyne, sida uu hadalka u dhigay

“Hal midna ogaada, Dastuurku ma siinayo baarlamaanka inuu kororsiimo sameysto ama u sameeyo madaxweyne, iska daa inuu hal Aqal taas sameeyee labada Aqal xitaa xaq uma laha.” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadkan xildhibaanada golaha shacabka ay muddo kordhin labo sano ku dhawaaqeen, taasi oo lagu qabanayo doorasho qof & cod ah.

 

Al-Shabaab oo weeraray saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Hoosingow

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Hoosingow oo ka tirsan gobolkaasi.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa, kaas oo geystay khasaare kala duwan, walow aan la cadeyn karin khasaaraha rasmiga ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka dhex-maray labada dhinac uu qaatay muddo saacado ah, isla-markaana meelo foog laga maqlayey rasaasta.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM iyo dhinaca dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda oo howl-gallo ka bilaabay halkaasi.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada fariisimaha ciidamada huwanta ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka.

Xog: Daacish oo albaabada isugu dhufatay shirkado ku yaalla suuqa Bakaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo kuwa ammaanka ah, dagaalamayaasha ururka Daacish ayaa amray in la xiro goobo ganacsi oo ku yaala Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho. 

Daacish ayaa beegsaday shirkadaha daawooyinka keena dalka ee saldhigoodu yahay Muqdisho, waxaana sababta lagu sheegay in ay dul dhigeen kumanaan dollar oo lacag baad ah oo lagu qasbay inay bixiyaan.

Shirkadaha ayaa sheegay in aysan awoodin bixinta lacagahaas waxaana lagu amray in ay joojiyaan shaqada ay haayaan, haddii aysan bixin lacgtaas.

Mid kamid ah shirkadahaas oo ka dhaga adeegtay islamarkaana ganacsigeeda furtay ayaa dhismihii ay daganeyd lagu xiray qarax miino, kaas oo sababay dhaawaca qof shacab waxa uuna falkaan dhacay todobaadkii hore. 

Milkiilayaasha shirkadaha la xiray qaarkood ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya oo canshuur ka qaadata ay daawaneyso dhibka haysta, islamarkaana aysan soo faro-gelin arrintan oo aysan sugin amnigooda 

Wali hay’adaha amaanka kama aysan hadlin arrintaan waxaana la sheegayaa in Daacish ay kordhiyeen cadaadiska ay saarayaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Dhibaatada kale ee jirta ayaa ah in kooxda Al-Shabaab ay sidoo kale lacag ka qaado ganacsatada, islamarkaana aysan ogoleyn inay lacag kale siiyaan Daacish oo uu dagaal kala dhaxeeyo.

Xiisad caawa laga dareemayo Muqdisho iyo shir u socda Rooble iyo Qoor Qoor

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Shir u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa hadda ka socda madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo caawa magaalada Muqdisho laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh iyo cabsi dagaal, waana taas arrinta uu Qoor Qoor kala hadlayo Ra’iisul wasaare Rooble.

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq John) ayaa xarun deegaan ka dhigtay qeybo ka tirsan xaafadda Shiikole ee degmada Deyniile, waxuuna wataa ciidamo daacad u ah iyo gaadiid dagaal.

Sidoo kale qeybo ka tirsan wadada 30-ka, gaar ahaan isgoysyada Balaksii iyo Baar-ubax oo aad ugu dhaw isgoyska Shiirkole ayaa caawa lasoo dhoobay ciidamo ka tirsan booliska gaarka ah ee Haramcad.

Shiirkole ayaa ka tirsan xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile, taas oo inteeda badan ay deganyihiin beesha uu ka dhashay Saadaq Joon, waxaa soo baxaya cabsi xoog leh oo laga qabo in madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo uu amro weerar ka dhan ah Saadaq Joon iyo ciidamada uu wato.

Hadii ay dowladdu ku dhiirato inay weerarto Saadaq Joon waxay dad badan qabaan inay bilaaw u noqon karto qalalaase aan la fududeysan karin oo ka qarxa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday ee Farmaajo ayaa xalay darajadii sarkaalnimo iyo dhamaan waxii xuquuq ciidan ahaa ka xayuubiyey Jeneraal Saadaq Joon.

S/Guud Saadaq Joon oo lagu tirin jiray saraakiisha ugu dhaw madaxweyne Farmaajo ayaa maalin ka hor Muqdisho ka sheegay inuu hor istaagay kulan ay xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka mudada ugu kordhinayaan hey’adaha dowladda federaalka.

Hase yeeshee daqiiqado gudahood markii uu kasoo yeeray hadalkaas ayaa xilkii laga qaaday, waxaana qabsoomay kulankii uu hor istaagay ee golaha shacabka, iyadoo uu dhacay mudo kororsigii uu ka digay.

Xog: Saadaq Joon oo Muqdisho ka degay xaafad ay ku badan tahay beeshiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq John) uu xarun deegaan ka dhigtay qeybo ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Saadaq Joon oo wata ciidamo daacad u ah iyo gaadiid dagaal ayaa deegaansaday xaafadda Shiirkole, halkaas oo deegaan ahaan ay ku badan yihiin reerkiisa.

Shiirkole ayaa ka tirsan xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile, taas oo inteeda badan ay deganyihiin beesha uu ka dhashay Saadaq Joon.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa caawa lagu arkayaa qeybo ka tirsan wadada 30-ka, gaar ahaan isgoysyada Balaaksii iyo Baar-ubax.

Waxaa soo baxaya cabsi xoog leh oo laga qabo in madaxda dowladda federaalku amraan weerar ka dhan ah Saadaq Joon iyo ciidamada uu wato.

Hadii ay dowladdu ku dhiirato inay weerarto Saadaq Joon waxay dad badan qabaan inay bilaaw u noqon karto qalalaase ka qarxa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday ee Farmaajo ayaa xalay darajadii sarkaalnimo iyo dhamaan waxii xuquuq ciidan ahaa ka xayuubiyey Jeneraal Saadaq Joon.

S/Guud Saadaq Joon oo lagu tirin jiray saraakiisha ugu dhaw madaxweyne Farmaajo ayaa maalin ka hor Muqdisho ka sheegay inuu hor istaagay kulan ay xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka mudada ugu kordhinayaan hey’adaha dowladda federaalka.

Hase yeeshee daqiiqado gudahood markii uu kasoo yeeray hadalkaas ayaa xilkii laga qaaday, waxaana qabsoomay kulankii uu hor istaagay ee golaha shacabka, iyadoo uu dhacay mudo kororsigii uu ka digay.

Daawo: CC Shakuur oo ku dhowaaqay inay dhamaatay musharaxnimadiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka kuwooda ugu saameynta badan ayaa ka hadlay xaaladda uu hadda dalku ku jiro, kadib markii Dowladda Soomaaliya ay sameysatay muddo kordhin laba sano ah.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dalka uu hadda galay waji hoggaamiye kooxeednimo, wuxuuna madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey inuu jabinayo sharciga iyo xeerarka ku yaalla Soomaaliya.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Dowladda Eretariya ku eedeeyey inay ka shaqeeneyso khalalaasaha siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, wuxuuna sheegay in arrintaan ay keeni karto in dalku uu ku laabto sidii uu ahaan jiray 20 sano ka hor.

Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa si cad u sheegay in ay dhamaatay rajadii laga lahaa in doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya, sidaas darteedna uu Muqdisho kasoo fuqsaday boorarkii musharaxnimadiisa, kadib markii uu ogaaday in aysan muuqan ififaalo muujinaya doorasho.

Waxaa uu dhaliil u soo jeediyay Maamul Goboleeedyada taageeray sharcigii ay  meel mariyeen xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya, kaas oo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu saxixay xalay.

Beesha caalamka ayaa dhaleeceysay go’aankii ay Golaha Shacabka Soomaaliya muddo labo sano ah ugu kordhiyeen dowladda Soomaaliya.

Midowga Yurub, Mareykanka iyo UK ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta go’aankan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay saxiixay sharciga gaarka ah ee muddada loogu kordhiyay hey’adaha dowladda federaalka.

Hoos ka Daawo

Somaliland oo QORAAL yaab leh kasoo saartay muddo kororsiga Farmaajo, farriin-na u dirtay shacabka Muqdisho

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somalilanda ayaa markii u horeysay maanta qoraal rasmi ah kasoo saartay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya oo kasii dartay, tan iyo markii uu soo baxay qaraarkii Golaha Shacabka ee muddo kordhinta.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland ayaa waxa walaac looga muujisay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay ugu yeertay ‘dalka deriska’, gaar ahaan is-mari-waaga ka dhex taagan madaxda waqtigooda dhamaaday iyo musharaxiinta mucaaridka.

“Ismari-waagga siyaasaddeed ee maanta jira wuxuu marqaati u yahay dulmiga iyo hoggaaminta macangagga ah ee Taliska Farmaajo, oo qatar buuxda ku ah amniga iyo xasiloonida gobolka taasi oo suurtagal ah in ay Soomaaliya geliso dagaal sokeeye oo hor leh,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri “Waxaa laga yaaba dagaalkaas uu ku qasbo kumannaan shacab ah inay u barakacaan dalalka deriska ah oo ay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland.”

Sidoo kale waxaa shacabka magaalada Muqdisho ugu baaqeen inay adkeeyaan amniga iyo xasilloonida caasimada.

“Waxaan ugu baaqeynaa shacabka adkeysiga badan ee Muqdisho ee dhexda u galay xabadda iyo argagaxa aan joogsiga laheyn ee Al-Shabaab iyo kali-talisnimada Farmaajo ee tix-gelin la’aantiisa xuquuqda aadanaha inay ilaashadaan nabddooda iyo xasilloonidooda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Somaliland ayaa waxa kale oo lagu soo dhaweeyay go’aankii uu Golaha Qaramada Midoobey ka qaatay kordhinta cunaqabteynta hubka, waxayna ka codsatay beesha caalamka inay si dhow ula socoto cunaqabteynta hubka Soomaaliya, xiligan xasaasiga ah.

Somaliland oo ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Jamhuuriyada, ayaa isku sifeysay inay hormuud u tahay dimuquraadiyada, waxayna qoraalka ku sheegtay in qori-isku-dhiibka kursiga uu si nabad ah uga socda dhaco dalkeeda.

Qoraalkan ayaa imanaya xili ay kasii dareyso xaalada siyaasadeed ee dalka, tan iyo markii uu golaha shacabka soo saaray qaraar muddo kordhin loogu sameynayo Farmaajo, taasi oo ay si weyn uga hor-imaadeen mucaaridka iyo beesha caalamka.

Hoos ka aqriso qoraalka

KULAN cadaadis xooggan lagu saarayo Guudlaawe oo MUQDISHO ka socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif ayaa hadda kulan xasaasiya la leh madaxweynaha dowladda goboleedka HirShabeelle, Cali Guudlaawe oo kamid ah maamulada taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo.

Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, kulankaan ayaa waxaa labada madaxweyne ku wehlinaya Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo kamid ah hoggaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaran, waxayna madaxweyne Guudlaawe kala hadlayaan go’aankii uu ku taageeray qaraarkii uu Golaha Shacabka muddo kororsiga ugu sameeyay hay’addaha dowladda.

Go’aanka Cali Guudlaawe kula saftay Farmaajo ayaa ka careysiiyay madaxdaas ay isku haybta yihiin oo ah Musharaxiin iyo Madax hore, iyadoo xusid mudan tahay in madaxdan horay u taageereen doorashadiisa oo aanay ka hor imaan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif ayaa si weyn usoo dhaweeyay doorashadii khilaafka badan ka dhashay ee uu ku soo baxay madaxweyne Guudlaawe, wuxuuna intaas kadib kamid noqday maamulada sida weyn u taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Sida ay ogaataay Caasimada Online, madaxdaan ayaa la wadaagay Cali Guudlaawe niyad jabkooda ku aadan go’aankii la sheegay inuu ku taageeray muddo kororsiga Farmaajo, waxayna ku cadaadinayaan inuu ka laabto.

Kulankan ayaa loo arkaa fursadii ugu dambeeysay ee ay Madaxdii hore uga quusanayaan ama isku fahmayaan madaxweyne Cali Guudlaawe, iyadoo la kala ogaan doono midka uu dooran doono.

Kulankaan ayaa daba socda midkii ay xalay la yeesheen Musharaxiinta mucaaridka ah madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-Qoor, kaasi oo uu ku bayaamiyay inuusan qeyb ka aheyn taageerada loo muujinayo muddo kororsiga Farmaajo, islamarkaana ay tahay inay Guudlaawe lasoo hadlaan, si kulamo kala la iskugu iamado.

Si kastaba, xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa kasii dareysa, tan iyo markii uu Golaha Shacabka soo saaray qaraarkii uu muddo kororsiga ugu sameeyay madaxda sarre ee dalka, waxaana isasoo taraya hanjabaadaha ku aadan go’aankaasi ee ay soo saarayaan dalalka beesha caalamka.

Dalalka beesha caalamka oo qoraal wadajir ah kasoo saaray muddo kororsiga DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa qoraal wadajir ah oo ay soo saareen ku sheegeen inay walaacsanyihiin meelmarinta 12-kii April uu Golaha Shacabka meelmariyay qaraar lagu bedelayo heshiiskii 17-kii Sebtember, qaraarkaas oo xambaarsan geedi-socod doorasho oo ay ka dhalan doonto muddo kordhin dheeri ah oo ku timaadda muddo xileedkii loo igmaday Madaxweynaha iyo Baarlamaanka.

Qoralaka ayaa waxaa soo wada saaray Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Kanada, Danmark, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay

Qoraalka ayaa lagu yiri “Waxaan si isdaba joog ah u sheegnay in aan la taageeri doonin geeddi-socod siyaasadeed oo is barbar socda, doorashooyin aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo keenaya kordhinta muddo xileedkii hore.

“Qaraarka 12-kii April wuxuu wiiqayaa nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya iyo meelo ka baxsan. Qaraarkan ayaa sidoo kale sii daahin doona qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo kuwaas oo ay sugayeen dadka Soomaaliyeed.”

Dalalka beesha caalamka ayaa sidoo kale qoraalkooda ku sheegay in hirgelinta heshiiskii 17kii September uu yahay hanaanka ugu wanaagsan ee waxqabad ee la heli karo.

Sidaa darteed, ayey yiraahdeen “waxaan ku boorinaynaa madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka inay si dhakhso leh ugu soo laabtaan wadahadallada si loogu heshiiyo habka hawsha horey loogusii wedi lahaa. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay aad isu xakameeyaan, ayna sii wadaan wadahadalka, iskana ilaaliyaan ficillada halka dhinac ah ee kicin kara xiisadaha.”

“Waxaan diyaar u nahay inaan bixinno adeegyada dhexdhexaadinta si loo fududeeyo loona soo nooleeyo wadahadal loo dhan yahay oo ku saleysan heshiiskii 17-kii September.”

Ergo ka socota Farmaajo oo kulan la leh wakiilada beesha caalamka ee Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro taabacsan iyo la taliyeyaal ergo ka ah Farmaajo ayaa hadda kulamo ku leh xerada Xalane Wakiilada Beesha Caalamka, ayaga oo kala hadlaya qaraarkii uu Golaha Shacabka muddo kororsiga ugu sameeyey Farmaajo.

Kooxda Wasiirada iyo La-taliyeyaasha isugu jira ayaa wakiilada beesha caalamka ka dhaadhicinaya in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uusan ka dambeeyen tallaabada uu qaaday Golaha Shacabka, sida ay xubno ku sugan xerada Xalane u sheegen Caasimada Online.

Wasiirada iyo La-taliyeyaasha ayaa loo kala diray dhowr Safiir oo kulamo la yeelanayaan, si ay xaalada u dejiyaan, sidoo kale suuq-geyn ugu sameeyaan Farmaajo, kadiba hanjabaadihii cuslaa ee kasoo baxay dalalka beesha caalamka.

Kooxdaan ayaa ku andacoonaysa in go’aanka Baarlamaanka gaaray u yahay mid awoodda shacabka loogu dhoweynayo, islamarkaana uu ku raacay madaxweynaha, oo markii hore rabay inuu dalka gaarsiiyo doorasho ku sheegta ‘qof iyo cod’.

Si kastaba, doodda Farmaajo ee ah inaanu muddo kordhinta shaqo ku laheyn ayaa waxaa diidaya xaqiiqda ah inuu sharciga saxiixay, weliba ayada oo beesha caalamka ay digniino xooggan direysay oo ku aadan inaanu saxiixin.

Waxaa sidoo kale wakiilada beesha caalamka ay rumeysan yihiin in Farmaajo uu ka dambeeyey in sharcigan la horgeeyo baarlamanka, oo uu gadaal ka riixay, islamarkaana uu ka baxay wada-hadalladii uu Afisyoone kula lahaa madaxda mamaul goboleedyada, xilli ay fadhiyaan.

Tallaabadan uu qaaday Farmaajo ayaa imaneysa xili ay Beesha Caalamka, gaar ahaan Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka ay xalay ku hanjabeen inay qaadi doonaan tallaabooyin hor leh oo lagu ciqaabayo mas’uuliyiintii ka dambeeyay muddo kororsiga.

Sidoo kale dalalkaas ayaa si cad u sheegay inay ka fiirsanayaan xiriirka Soomaaliya iyo caawimaada ay siiyaan dowladda Federaalka, kuwaasi oo ugu goodiyay cunaqabateyn, xayiraado safar iyo tallaabooyin kale.

Xog aan helnay ayaa tilmaameysa in beesha caalamka ay cunaqabatayn ugu goodisay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee waqtiga ka dhamaaday Maxamed Mursal Sheekh Craxmaan iyo labadiisa ku xigeen Cabdiweli Ibraahim Muudey, iyo Mahad Cabdalla Cawad.

Afartan mas’uul ayaa loogu goodiyay in la saari doono cunaqabateyn islamarkaana laga xayiri doono safarada dibedda iyo dhaqaalaha. Sidoo kale madaxdaan ayaa loogu goodiyay in sidoo kale qoysaskooda la saari doono cunaqabateynta.

Madaxda sarre ee waqtigoodu dhamaaday ayaa wajahaya culeys uga imaanaya Beesha caalamka oo ayagu ka hor-imaaday muddo kororsiga uu dhawaan sameeyay Baarlamaanku, waxaana la filayaa inay dhowaan soo saaraan go’aan qaraar oo ku aadan xaaladda Soomaaliya, kaas oo aad loo dhowrayo tan iyo markii ay Golaha shacabka go’aanka gaareen.

Qarax ay ku la’adeen dad badan oo SHACAB ah oo ka dhacay deegaanka Gololey

Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in qarax uu qabsaday baabuur ay saarnaayeen dad rayid ah, xili uu marayey nawaaxiga tuulada Gololey, oo dhanka waqooyi ka xigta magaalada Balcad.

Sida ay ilo-wareedyo deegaanka ah u sheegen Caasimada Online, baabuurkaan ayaa waxa uu siday dad ka badan 24 qof, oo 15 ka mid ah ay ku dhinteen qaraxa miino, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, waxaana ka bad-baaday oo keliya 4 qof.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dhaawacyadii loo soo qaaday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, halkaasi oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Ma aha markii u horeysay ee deegaanka Gololey uu ka dhaco qaraxyo ka dhashay miinooyin dhulka lagu aasay, kuwaasi oo lala beegsaday ciidamada amniga iyo baaburta rayidka ah intaba.

Mas’uuliyada qaraxyada noocan ah ayaa inta badan waxaa sheegta kooxda Al-Shabaab oo dagaal xoogan kula jirta madaxda dowladda iyo ciidamada xooga dalka.