25.7 C
Mogadishu
Wednesday, July 15, 2026

Qarax ay ku la’adeen dad badan oo SHACAB ah oo ka dhacay deegaanka Gololey

Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in qarax uu qabsaday baabuur ay saarnaayeen dad rayid ah, xili uu marayey nawaaxiga tuulada Gololey, oo dhanka waqooyi ka xigta magaalada Balcad.

Sida ay ilo-wareedyo deegaanka ah u sheegen Caasimada Online, baabuurkaan ayaa waxa uu siday dad ka badan 24 qof, oo 15 ka mid ah ay ku dhinteen qaraxa miino, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, waxaana ka bad-baaday oo keliya 4 qof.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dhaawacyadii loo soo qaaday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, halkaasi oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Ma aha markii u horeysay ee deegaanka Gololey uu ka dhaco qaraxyo ka dhashay miinooyin dhulka lagu aasay, kuwaasi oo lala beegsaday ciidamada amniga iyo baaburta rayidka ah intaba.

Mas’uuliyada qaraxyada noocan ah ayaa inta badan waxaa sheegta kooxda Al-Shabaab oo dagaal xoogan kula jirta madaxda dowladda iyo ciidamada xooga dalka.

Farmajao awood sharci ah ma u leeyahay darajo ka xayuubinta Saadaq Joon?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu xeer madaxweyne darajadii ciidanka kaga xayuubiyey Taliyihii Booliska gobolka Banaadir Sareeye Guuto Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Saadaq Cumar ka xayuubiyay wixii xaquuq ah oo uu kula ciidanka Soomaaliya.

Xilka qaadista, daraja iyo xuquuq ka xayuubinta ayaa timid kadib markii uu Generaal Saadaq Joon sheegay in uu joojiyey kulankii Isniitii loo balansanaa ee Golaha Shacabka, kaas oo ajandihiisu ahaa ka doodista mooshin la xiriira doorashooyinka.

Hadaba Madaxweyne Farmaajo xil ka xayuubin ma samayn karaa?

Golaha Midowga Musharixiinta iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ah ayaa sheegay in aan madaxweyne Farmaajo xil ka qaadis iyo magacaabis samayn karin, maadaama uu dhamaaday, sida ay yiraahdeen mudo xileedkiisa sharciga ah oo ku ekaa Fabruary 8, 2021.

Senetar Abshir Maxamed Axmed, gudoomiye ku xigeenka Aqalka Sare BFS ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan waddo sharci ah u marin tallaabada uu qaaday ee ka dhanka ah Saadaq, wuxuuna soo qaatay dhowrka qodob:-

“1. Taliyaha Ciidanka Boliiska waa in uu magacaabaa guddi anshax oo baara kiiska sarkaalka (waxaa ku jirto in sarkaalka la dhageysto) kana soo talo bixiya tallaabada laga qaadi karo.”

“2. Guddiga waa in uu ku jira ugu yaraan hal sarkaal sare iyo saraakiil kale.3. Tallaabada ay soo jeediyaan ayaa loo gudbinayaa Madaxweynaha si uu ugu soo saaro Xeer Madaxweyne. Haddii tallaabadaasi ay tahay ka-saarista Ciidanka, waa in uu soo jeediyaa Wasiirka Amniga Gudaha.”

Sidoo kale xildhibaan Mahad Salaad ayaa soo qaatay xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida, wuxuuna yiir:

“Sida ku cad Xeerka Ciqaabta Ciidamada Qalabka Sida qodobada 21aad, 22aad, 23aad iyo 24aad Sharci Lr.2 ee soo baxay 1963 waxaa sarkaal derajo ka qaadis ciidan, shaqo ka joojin ama laalid derajada lagu sameyn karaa marka maxkamadda ciidamada qalabka-sida ay ku caddeeyso danbi, xukunna ku dhaco.”

Ma’ahan Markii ugu horaysay.

Sep 8, 2018, ayaa warqad uu ku saxiixay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa darajadii ciidan looga xayuubiyay Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo horay u soo noqday taliye xigeenka hay’adda NISA.

Waqradaasi oo isla xilligaasi dhaqan gashay ayaa Cabdalla Cabdalla gabi ahaanba waxa looga saaray xubinimadiisa hay’adda NISA.

Xog: Farmaajo, Mursal iyo shaqsiyaadka kale ee DF ee wajahaya cunaqabateynta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo muhiim ah oo ka tirsan xafiisyada wakiilada beesha caalamka ayaa sheegay in saaxiibada Soomaaliya ay ka fikirayaan sidii ay cunaqabateyn u saari lahaayeen qaar ka mid ah madaxda waqtigooda dhamaaday ee dowladda federaalka Soomaaliya. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in beesha caalamka ay cunaqabatayn ugu goodisay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee waqtiga ka dhamaaday Maxamed Mursal Sheekh Craxmaan iyo labadiisa ku xigeen Cabdiweli Ibraahim Muudey, iyo Mahad Cabdalla Cawad.

Afartan mas’uul ayaa loogu goodiyay in la saari doono cunaqabateyn islamarkaana laga xayiri doono safarada dibedda iyo dhaqaalaha. Sidoo kale madaxdaan ayaa loogu goodiyay in sidoo kale qoysaskooda la saari doono cunaqabateynta. 

Xogta aan helnay waxaa sidoo kale si dadban u xaqiijiyey xafiiska arrimaha Africa ee wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka oo qoraal oo ay soo dhigtay twitter laguna taag gareeyey afartan mas’uul ku yiri “Muddo kororsiga dowladda federaalka waxay sii dheereyneysa kala qeybsanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya. Hoggaamiyayaasha waa inay deg deg ugu laabtaan wada-hadallada ayna xaliyaan xasaradda doorashada @AmbMursal @AbdiweliMudey @awed_mahad @M_Farmaajo.”

Wadamada qorshahaan wado waxaa ugu tun weyn Mareykanka, UK iyo Faransiiska. Sidoo kale dowladaha Midowga Yurub ayaa raba in talaabadaas la qaado kadib markii ay muddo kororsi sameesteen hay’adaha dowladda Soomaaliya. 

Beesha caalamka ayaa la filayaa inay dhowaan soo saarto go’aan qaraar oo ku aadan xaaladda Soomaaliya, kaas oo aad loo dhowrayo tan iyo markii ay Golaha shacabka go’aanka gaareen.

Xog: Xagee ku dambeeyaa Jeneraal Saadaq Joon? 

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee qeybta guud ee booliska gobalka Banaadir Saadaq Cumar Xasan oo loo garan ogyahay Saadaq Joon, islamarkaana Isniintii xilka laga qaaday ayaa wali ku sugan magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay Caasimada Online. 

Saacado kadib markii uu hadlay ayaa laga qaaday xilka waxaana durba soo baxayay warar sheegaya in uu u baxay dalka Jabuuti, halka warar kalane ay tilmaamayeen in uu galay xerada Xalane, balse labadaas warba waa waxba kama jiraan.

Caasimada Online ayaa xaqiijisay in Janaraal Saadaq Joon uu ku sugan yahay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel u dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. 

Saadaq Joon waxaa la jooga ciidan iyo gaadiid dagaal oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya, kuwaas oo u go’ay xagiisa. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijiyay in uu heesto ciidan ku filan iyo gaadiid dagaal islamarkaana aysan jirin cid isku dayday qalqal gelinta amnigiisa. 

Saraakiil ciidan oo ka agdhow Saadaq Joon iyo siyaasiin kale oo ehelkiisa ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Janaraal Saadaq uu dastuurka u ogolyahay in uu kamid noqdo siyaasiinta islamarkaana saraakiisha ciidanka haddii ay mar gaaraan darajooyin sare ay siyaasadda ku biiri karaan. 

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa darajadii ciidanimo ka xayuubiyey S/Guud Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon), sidoo kale guud ahaan xuquuqdiisii ciidanimo ayuu ka xayuubiyey.

Saadaq Cumar Xasan ayaa hore u ahaa shaqsiyaadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee go’aankii uu qaatay Isniintii ayaa muujiyey in siyaasaddu aysan lahayn saaxiib joogto ah oo ay leedahay dan joogto ah.

Mareykanka oo shaaciyey tallaabooyinka uu qaadayo kadib muddo kororsigii DF

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay aad uga niyad jabtay go’aanka ay dowladda federaalka Soomaaliya ku ansixisay sharci laba sano ku kordhinaya muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamanka. 

Blinken ayaa sheegay inay marar badan ay ku celiyeen in heshiis dhex-mara dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo hoggaamiya doorasho uu muhiim u yahay nabadda, xasilloonida iyo baraaraha Soomaaliya

“Waxaan sidoo kale caddeynay in Mareykanka uusan taageeri doonin muddo kororsi aan haysan taageerada saamileyda siyaasadda Soomaaliya, iyo hanaan doorasho oo hal dhinac ah iyo kuwa is-dhinac socda,” ayuu yiri Blinken.

“Ficillada noocan ah waxay noqon doonaan kuwa aad wax u kala qeybiya, waxyeeleeya hanaanka federaalka iyo isbeddelada siyaasadeed ee xudunta u ahaa horumarka dalka iyo saxiibtinimada beesha caalamka, waxayna dareenka ka weecinayaan Al-Shabaab. Waxay sidoo kale dib usii dhigayaan qabashada doorashada shacabka Soomaaliyeed loo ballan-qaaday ee ay sugayeen.”

Xoghayaha arrimaha dibedda ayaa sheegay in fulinta sharciga noocan ah [muddo kororsiga] uu caqabad weyn ku noqon doono wada-hadallada uuna dhaawac weyn gaarsiin doono nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.

“Waxay ku qasbi doontaa dowladda Mareykanka inay dib u qiimeyso xiriirka aan la leenahay dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan midka diblomaasiyadeed iyo kan kaalmo, islamarkaana aan ka fakarno wax kasta oo aan heli karno, oo ay ka mid yihiin cunqabateyno iyo xayiraado visa, si aan uga jawaabno, dadaallada lagu waxyeeleynayo amniga iyo xasilloonida,” ayuu yiri xoghayaha arriamha dibedda Mareykanka.

Blinken ayaa sheegay inuu ugu baaqayo hoggaamiyayaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay deg deg ugu soo laabtaan wada-hadallada, iskuna raacaan waddo lagu xallin karo xasaradaha doorashada.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay in dhammaan dhinacyada ay muujiyaan is-xakameyn, ay sii wadaan wada-hadallada, kana dheeraadaan ficillo hal dhinac ah oo sii hurin kara xiisadda islamarkaana waxyeeleyn kara hanaanka dimoqraadiyadda iyo hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. 

UK oo shaacisay qorshe ay dalalka caalamka wadaan oo ku wajahan DF Soomaaliya

London (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa shaaca ka qaaday inay dalalka beesha caalamka kala shaqeyneyso qorshe mideysan oo lagu wajahayo Soomaaliya kadib muddo kororsigii ay sameeyeen baarlamanka iyo Farmaajo.

Wasiirka UK ee Africa James Duddridge ayaa sheegay inay aad uga niyad jabeen go’aanka uu Golaha Shacabka baarlamanka Soomaaliya uu muddo kordhin laba sano ah ugu sameeyey Farmaaajo iyo baarlaamankaba.

Duddridge ayaa ku qeexay go’aankan mid aan xal u noqon karin is-mari waaga ka taagan hanaanka doorashada, balse uu waxyeeleynayo kalsoonidii hoggaanka Soomaaliya, uuna halis ku yahay nabad-galyada iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay inay marar badan ku celiyeen inay kasoo horjeedaan hindise kasta oo hoggaaminaya doorashooyinka is-barabar socda, kuwa hal dhinac ah iyo muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore. 

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha Soomaalida inay ka fogaadaan ficillo hal dhinac ah, oo kasii dari kara xiisadda siyaasadeed ama rabshado. Waa muhiim in dhammaan dhinacyada Soomaalida ay deganaan muujiyaan ayna ilaaliyaan nabadda iyo amniga Soomaaliya,” ayuu yiri Duddridge.

“Haddii la waayo heshiis hoggaamin kara doorashooyin loo dhan yahay oo la isku haleyn karo oo la qabto ayada oo aan dib loo sii dhigin, waxaa isbeddeli doona xiriirka ay beesha caalamka la leedahay hoggaanka Soomaaliya,” ayuu yiri Duddridge.

“UK waxay kala shaqyen doontaa saaxiibada caalamka hab si isku mid ah dib loogu qiimeynayo xiriirka aan la leenahay iyo kaalmada aan siino Soomaaliya.”

Duddridge ayaa sheegay in wada-hadallo wax ku ool ah oo dhex mara hoggaamiyayaasha Soomaalida ay xudun u noqon karaan xaqiijinta fulinta heshiiskii 17-ka September ee hanaanka doorasho, heshiiskaas oo ah kan kaliya ee sharci ah ee saldhig looga dhigi karo doorashooyin.

Dad gaaraya 64 qof oo ku dhintay Somaliland iyo wararkiii ugu dambeeyey

0

Hargeysa (Caasimada Oline) – Deegaanada Somaliland waxaa weli fara kulul ku hayo cudurka saf-marka ah ee Coronavirus, kaas oo mar labaad ku laba kacleeyey maamulkaasi.

Xukuumadda Hargeysa ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay kiisaskii ugu dambeeyey ee la diiwaan-geliyey iyo xaaladaha soo kordhay ee la xiriira cudurka Covid-19.

Sheekh Khaliil Cabdillahi oo ah wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland ayaa sheegay in bishan lagu jiro April ay xanuunka u dhinteen 64 qof oo ku sugan degaanada maamulkaasi.

Sidoo kale wuxuu bulshada ugu baaqay inay qaataan talooyinka caafimaadka ee lagu xakameynayo faafintaanka cudurka Coronavirus.

“Waxaa u geeriyooday kow iyo tobanka maalmood ilaa haatan 64 qof, waxaana soo jeedinaya in bulshada guryahooda ku tukadan sallaadda Taraawiixda bisha barakeysan ee Ramadaan,” ayuu yiri wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta maamulka Somaliland.

Si kastaba Somaliland ayaa faafitaanka xanuunka Covid-19 ee deegaanada Somaliland aya waxaa loo sababeynayaa in maamulka ka gaabiyey xayiraadihii hore ee soo rogay ee looga hortagey faafitaanka cudurka oo mar labaad ku soo laba kacleeyey dalal badan oo ku yaalla caalamka.

Farmaajo oo saxiixay xeerkii muddo kororsiga loogu sameeyey isaga iyo BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu xalay fiidkii saxiixay xeerkii mudo kororsiga ahaa ee shalay ay ansixiyeen xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebookga waxa uu ku sheegay in xalay afurkii kadib uu Farmaajo saxiixay sharcigii ay ansixiyeen xubanaha golaha shacabka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa afurkii kaddib saxiixay Sharciga Gaarka ah ee Jihaynta Doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya aqlabiyad ku ansixiyey shalay oo taariikhdu ahayd 12-04-2021,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Dubbe.

Beesha Caalamka, qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada, saamileyda kale ee siyaasadda iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa aad u diidan mudo kororsigaan uu gadaal ka riixayo madaxweyne Farmaajo, waxaana la ogeyn sida xaalku ku dambeyn doono.

Beesha Caalamka ayaa ku hanjabeysa cunaqabateyn, halka siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Badbaado Qaran ay saacadihii u dambeeyey ku goodiyeen inay qaadi doonaan tallaabo kasta oo ay uga hor-tegayaan mudo kororsiga Farmaajo.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanadoodii kadib mudo bil ka badan oo ay Muqdisho u joogeen in laga heshiiyo khilaafka doorashada, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo saaraan go’aano culus oo la xariira xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Ciidanka DF oo gacanta ku dhigay nin dilay xaaskiisa

0

Afgooye (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gal ay ka sameeyeen agagaarka deegaanada Sabiid iyo Caanoole, iyaga oo gacanta ku soo dhigay nin la sheegay inuu dhowaan xaaskiisa ku dilay tuulada Muur-Diinle oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Galbeed Soomaaliya.

Howl-galkan oo ay fulineen ciidanka guutada 14 October ayaa waxaay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan Cabduqadir Cali Axmed oo ah eedeysanaha loo heysto dilka xaaskiisa.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Khadiija Sheekh Nuur Cabdi, taas oo la sheegay inay laheyd uur sideed bilood ah.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya dilkan ayaa yimid, kadib muran soo kala dhex-galay haweeneyda iyo seygeeda oo markii dambe goobta isaga baxsaday, waxaana ugu dambeyn maanta laga soo qabtay tuulada Muur-Diinle ee gobolka Sh/ Hoose.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha ay ku wareejin doonaan hay’adaha ku shaqada leh baarista, si maxkamad loo soo taago.

Dhacdadan ayaa si weyn u taabatay ehellada marxuumadda iyo dadka deegaanka oo soo dhoweeyey soo qabashada eedeysane Cabduqadir Cali Axmed .

Madaxweyne Joe Biden oo go’aan ka gaaray ciidamada Mareykanka ee Afghanistan

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta ku dhowaaqaya kasoo saarista dhammaan ciidamada Mareykanka ee dalka Afghanistan ugu dambeyn September 11, 2021.

Go’aanka ayaa laga damacsan yahay in lagu soo geba-gebeeyo dagaalkii ugu muddada dheer ee ciidamada Mareykanka ay ka qeyb-qaataan oo socday 20 sano.

Hase yeeshee, bulshada sirdoonka Mareykanka ayaa Talaadadii soo cusbooneysiiyey walaaca ay ka qabaan waxa uu ku dambeyn doono xaalka dowladda Mareykanka uu taageero ee Kabul.

“Dowladda Afghanistan way ku adkaan doontaa inay iska celiso Taliban haddii isbaheysiga ay la baxaan taageeradooda,” ayaa lagu yiri qiimeyn ay sirdoonka u direen Congress-ka.

“Kabul waxay guul-darrooyin kala kulmeysaa dagaalka, Taliban-na waxay ku kalsoon yihiin  inay guul militari gaari karaan.”

Biden ayaa doortay taariikhda 11-ka September, oo ah maalin xusuus weyn ku leh Mareykanka, waxaana buuxsami doonta 20 sano markii Al-Qacida ay weerartay Mareykanka, taasi oo dhalisay in madaxweynihii hore George W. Bush uu billaabo dagaalka Afghanistan.

Dagaalkan ayey ciidamada Mareykanka ay ku waayeen 2,400 oo askari, waxaana kaga baxay lacag lagu qiyaasay 2 trillion oo dollar.

Biden ayaa wajahayey waqti kama dabeys oo ah 1-da May, oo uu dejiyey madaxweynihii ka horeeyey Donald Trump, kaasi oo isku dayey inuu ciidamada Mareykanka kasoo saaro Afghanistan kahor inta anau xafiiska ka tegin balse ku guul darreystay. 

Go’aanka Biden ayaa 2,500 oo askar Mareykan ah kusii hayn doona Afghanistan kadib 1-da May, hase yeeshee saraakiisha ayaa sheegay in 11-ka September ay dhammaan ciidanka Mareykanka ka tegi doonaan Afghanistan. 

Markii ugu badneyd waxaa Mareykanka dalkaas ka joogay 100,000 oo askari waxayna aheyd 2011, hase yeeshee waa ay sii gurmayeen wixii markaas ka dambeeyey.’

Weerar khasaare geystay oo ka dhacay GALGADUUD

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay weerar qorsheysan ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi, kaas oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Weerarkan oo lagu qaaday gaari ay la socdeen dad shacab ah ayaa ka dhacay deegaanka Xananbuure, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ugu yaraan hal qof oo ka mid ah rakaabkii la socday gaariga ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi, iyada oo sidoo kale burbur uu soo gaaray baabuurka la rasaaseeyey.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadkii ka dambeeyey falkan ay goobta isaga baxsadeen dhacdada, kadib.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarkan uu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan agagaarka deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

Xaaladda deegaanka ayaa haatan ah mid deggan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor oo howl-gallo ballaaran ka billaabay qeybo badan oo ka mid ah gobolkaasi.

Midowga Yurub oo ku hanjabay inuu tallaabo qaadayo hadii aan laga noqon mudo kororsigii BF

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in tallaabadii mudo kororsiga aheyd ee shalay ay qaadeen xildhibaanada galaha shacabka ee baarlamaanka mudo xileedkiisu dhamaaday ay wiiqayso dadaalladii ay taageerayeen Midowga Yurub iyo Beesha Caalamka, si dib loogu dhiso Soomaaliya, iyadoo loo marayo is afgarad.

“Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya waxuu shalay u codeeyay in si-dhab ah loo kordhiyo waqtiga Madaxweynaha iyo baarlamaanka federaalka mudo labo sano ah, kadib ciriiriga ku yimid geedi-socodka doorashooyinka oo ay ahayd in la soo afjaro ugu dambeyn 8-dii Febraayo 2021. Tallaabadani waxay wiiqaysaa dadaalladii ay taageerayeen Midowga Yurub iyo Beesha Caalamka, si dib loogu dhiso Soomaaliya, iyadoo loo marayo is afgarad,” ayaa lagu yiri bayaankan ka soo baxay Midowga Yurub.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray,”Beesha Caalamka, oo ay ku jiraan Midowga Yurub, waxay si isdaba joog ah oo cad u muujiyeen inaan sinnaba loo aqbali karin in waqtiga loo kordhiyo dowladda, iyadoo aan la helin heshiiskii dhinacyada doorashada ee 17-kii Sebtember.”

Qoraalkan waxaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu xaqiiqsan yahay in qaraarkii ay shalay gaareen xildhibaanada Golaha Shacabka uusan u adeegeyn danaha dadka Soomaaliyeed.

“Midowga Yurub waxa uu rumeysan yahay in ansixinta iyo saxiixa qaraarkan ay kala qeybin doonaan Soomaaliya, soo rogi doonaan dib u dhacyo dheeri ah, ayna khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo deriskeeda,” ayaa lagu yiri.

Qoraalkan oo baaq loogu jeediyey hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah loogu laabto wadahadallada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka, iyadoo aan dib loo dhigin laguna saleynayo heshiiskii 17-kii Sebtember.”

Ugu dambeyntii Midowga Yurub waxay ku goodiyeen in haddii la qaadan waayo talooyinkan ay tixgelin doonaan ‘tallaabooyin dheeri ah oo la taaban karo.’

Farmaajo oo darajadii ciidanimo ka xayuubiyey Jeneraal Saadaq Joon

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa darajadii ciidanimo ka xayuubiyey Taliyihii hore ee qeybta booliska gobolka Banaadir S/Guud Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon).

Qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri, “Madaxwaynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa S/G Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon) ka xayuubiyay dhamaan darajadii ciidan si waafaqsan sharciga ciidamada Qalabka sida.”

Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed ayaa shalay xilka laga qaaday, kadib markii uu warbaahinta u sheegay inuu hor istaagay kulankii xildhibaanada golaha shacabka, kuwaas oo uu sheegay inay damacsan yihiin mudo kororsi.

Xil ka qaadistiisii kadib waxaa qabsoomay kulankii uu hor istaagay ee xildhibaanada golaha shacabka, waxayna si dadban u ansixiyeen mudo kororsi laba sano ah, iyagoo u maraya sharci doorasho oo guddoomiye Maxamed Mursal uu hor keenay.

Waa sarkaalkii labaad ee madaxweyne Farmaajo uu darajadiisa ciidan ka xayuubiyey intii uu joogay xukunka, waxaana ka horeeyey Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo ay is qabteen Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo ah midigta Farmaajo.

Hoos ka Daawo dikreetada Farmaajo

Madasha Badbaado Qaran oo go’aano 4-qodob ah ka soo saartay mudo kororsiga

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Kulamo saacadihii u dambeeyey magaalada Muqdisho uga socday siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Badbaado Qaran ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed ka kooban afar qodob oo lagu naqdinayo tallaabadii mudo kordhinta aheyd ee shalay uu qaaday golaha shacabka.

Qoraalka Madasha ayaa ugu horeyn lagu yiri, “Kulan ay isugu yimaadeen hoggaanka sare iyo xubnaha Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliyeed ayaa looga hadlay go’aankii muddo kororsiga sharci darraida ahaa ee uu ku kacay Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday.”

Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu sheegay in kulamadii dhacay ee xubnaha Madasha looga hadlay sida ugu habboon ee looga samata bixin karo dalka xaaladda cakiran ee Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu lugaha u geliyey.

War-saxaafadeedkan ka soo baxay Madasha Badbaado Qaran ayaa lagu go’aamiyey afar qodob oo kala ah:

1 –In uu waxba kama jiraan yahay go’aankii dastuur ku tumashada ahaa ee uu Golaha shacabka xilka labo sano isugu kordhiyey, uguna kordhiyey Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday.

2 –In uu Go’aankaas halis ku yahay xasilloonida, nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

3 –In Go’aanku yahay isku day lagu hor istaagayo dadaalladii lagu baadi goobayey doorasho heshiis lagu yahay iyo meelmarinta heshiiskii 17 September.

4 –In Madashu iyadoo la tashanaysa qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaallieed ay qaadayso tillaabo kasta oo lagu joojinayo in muddo kordhinta sharci darrada ah masiirka dalka loo afduubo, waxayna ka shaqaynaysaa sidii xal loogu heli lahaa maaraynta xilliga kala guurka ah.

Congress-ka Mareykanka oo ku baaqay in dib loo eego xiriirka DF iyo cunaqabateyn

0

Washington (Caasimada Online) – Laba mudane oo ka tisran Aqalka Congaress-ka Maraykanka ayaa ku baaqay in dawladda Maraykanku ay dib u eegis ku samayso xiriirka ay la leedahay dawladda federaalka Soomaaliya, ayna tixgeliso in cunqabatayn lagu soo rogo kuwa caqabadda ku ah hannaan dimqoraadiyada, sida lagu sheegay war saxaafadeed maanta soo baxay.

Xildhibaannada kala ah Gregory W. Meeks iyo Michael McCaul, oo ah Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Hose ee Congaress-ka Guddigiisa Arirmaha Dibedda ayaa goor dhowayd soo saaray war saxaaafadeedkan.

“Waxaan aad uga walaacsanahay wararka ku saabsan doorashada Soomaaliya gaar ahaan sharciga muddo laba sano ah u kordhinaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,” ayey ku sheegeen qoraalkooda.

“Ficilkan waxa uu tirtirayaa hannaanka federaalka waxaana uu boqon goynayaa raadintii dimqoraadiyadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayey intaas ku dareen.

Waxay sheegeen in haddii muddo kordhintaasi ay sii socoto in dawladda Maraykanka ay dib u qiimeeyso taageerada iyo xiriirka ay la leeyahay dawlada federaalka Soomaaliya, lana tixgeliyo in cunaqabatayn lagu soo rogo kuwa caqabadda ku ah hannaanka dimoqraadiyadda.

Waxay ugu baaqeen dawladda Soomaaliya inay dib usoo noolayso wada-xaajoodka si qalalaasahan loo xalliyo dibna loogu laabto hannaankii doorashada September 17 2020.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay kadib markii Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya uu shalay muddo 2 sano ah u kodhiyey dawladda federaalka, taasi oo ay kasoo horjeesteen mucaaradka iyo maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

Goor sii horeysay, Senate-ka Mareykanka ayaa sidoo kale ka hor-yimid muddo kordhinta uu Golaha Shacabka Soomaaliya shalay u sameeyey madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday iyo hay’adaha kale ee dowladda federaalka, muddo kordhintaas oo ah laba sano.

Qoraal kasoo baxay guddiga arrimaha dibedda Mareykanka ee Senate-ka ayaa lagu sheegay in ka shaqeynta muddo kordhin ay jebineysa xeerarka dimoqraadiyadda islamarkaana ay halis xasillooni darro u keeneyso Soomaaliya.

“Doorashooyin waqtigooda ku dhaca waa tiir muhiim u ah dimoqraadiyad caafimaad qabta. Ka shaqeynta muddo kororsi waxay jebineysaa xeerarka dimoqraadiyadda waxayna halis xasllooni darro gelineysaa Soomaaliya. Saamileyda siyaasadda waa inay heshiis garaaan. Isku dayada lagu waxyeeleynayo wada-hadallada ku aadan waddo loo maro codbixin la isku haleyn karo waa inay joogsadaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Senate-ka oo lasoo dhigay twitter.

Xigasho: VOA

Puntland oo soo bandhigtay ciidan ‘kasoo goostay’ Gor-gor iyo Haramacad + Video

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigay saraakiil ay sheegtay inay kasoo goosteen ciidamada dowladda federaalka, gaar ahaan Kamaandooska Haramcad iyo Gorgor.

Waxaa Saraakiishan magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Wasiirada amniga iyo maaliyada Puntland, Guddoomiyaha gobolka Mudug iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaas, waxayna ku bogaadiyeen ‘inay garteen in deegaanadoodii ay dib ugu soo laabtaan’.

Saraakiishan oo dhamaantood tobabar gaar ah kusoo qaatay dalka Turkiga ayaa sheegay inay dowladda federaalka uga soo goosteen, kadib markii ay arkeen midab-takoor iyo musuq-maasuq baahsan, sida ay sheegen.

“Markaan aragnay caqli xumada iyo midab takoorka ka taagan federaalka, waxaan go’aansanay in aan wadankeena kusoo noqon,” ayuu yiri mid kamid ah Saraakiishaan la sheegay inay kasoo goosteen ciidamada dowladda federaalka.

Mas’uuliyiinta soo dhaweynta usameysay saraakiishan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan askari kasta oo kasoo horjeeda aragtida dowladda dhexe, oo ay madaxdeeda si weyn isku hayeen muddooyinkii dambe.

Sidoo kale, waxay baaq u direen saraakiisha dalka dibadiisa lagu soo tababaray ee kasoo jeeda deegaanadooda inay dib ugu soo noqdaan deegaanadooda, si ay u difaacaan dalka iyo dadkooda, sida ay hadalka u dhigeen.

“Saraakiishaan waxaa rabnaa saraakiisha ciidamada dowladda Puntland ee hananaya ciidamada, waxaa hanta ciidamada saraakiisha dhexe ee kabtan, labo xidigle iyo xidigle, waana inta u muhiimsan ee anagu raadineynay, waana la idin magacaabaya,” ayuu yiri Wasiirka maaliyada Puntland oo hadal ka jeediyay munaasibada soo dhaweynta Saraakiishaan.

Dhawaan ayey aheyd markii sidan oo kale ay xukuumadda Somaliland usoo dhaweysay Saraakiil ay sheegtay inay kasoo goosteen ciidamada dowladda federaalka, gaar ahaan Kamaandooska Haramacad iyo Gorgor, kuwaasi oo ka deyrinaya xaalada ciidamada dalka iyo madaxda maamusha.

Axmed Madoobe iyo DENI oo ka dhoofay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa ka dhoofay magaalada Muqdisho ayaga oo dib ugu laabtay maamulladooda, kadib kulan ay la yeesheen wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa Muqdisho ka kala qaaday laba diyaarad oo kala duwan, kuwaas oo u duulay magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, kadib in ka badan 40 maalmood oo ay ku sugnaayeen caasimadda.

Labada madaxweyne ayaa lagu warramay inay ka carroodeen muddo kordhinta golaha shacabka u sameeyey Farmaajo iyaga oo sidoo kale ka niyad jabay wada hadallada socday.

Goor sii horreysay Deni iyo Axmed Madoobe ayaa Xalane kula kulmay wakiilada Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Safiirada Mareykanka iyo UK ayaga oo kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muddo kororsiga loo sameeyay hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale wakiilada beesha caalamka u sheegay inay muddo ku ka badan bil ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho si xal looga gaaro doorashada, balse ay midaasi muuqan, islamarkaana ay ka tagayaan magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka ag dhow labada maamul.

Wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ee Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ay Wakiilada Beesha Caalamka u jeediyeen in ay go’aan ka qaataan xalada dalka, isla markaana la badbaadiyo dalka.

Waxaa gebi ahaanba soo xirmay albaabkii wada hadalada oo la filayay in dib loogu laabto Teendhada Afisyooni, kaddib markii shalay Golaha Shacabka ay u sameeyeen Farmaajo muddo kordhin labo sano.

Waxaa laga deyrinayaa xaalada siyaasadeed ee dalka oo laga cabsi qabo inay gaarto heer gacan ka hadal ah, kadib markii uu golaha shacabka soo saaray qaraar labo sanno muddo kordhin loogu sameynayo hay’addaha dowladda, midaasi oo ay ka hor-imaadeen mucaaridka iyo qaar kamid ah madax goboleedyada dalka.

SHIR xasaasi ah oo dhex maray mucaaradka, Deni, Madoobe iyo Cabdi Xaashi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay shir u dhaxeeyey xubnaha Midowga Musharaxiinta, Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ayagu ku wada mideysan Madasha Bad-baado Qaran.

Xogta ay helayso Caasimada Online ayaa sheegay in madaxdaan ka shireen muddo kordhintii uu shalay sameeyay Golaha Shacabka, midaasi oo ka hor-imaaneysa sharciga dalka iyo digniintii muddooyinkii dambe laga soo jeedinayay arrintaas.

Waxay shirkaan diirada lagu saaraya sidii mowqif mideysan looga soo saari lahaa muddo kororsiga dowladda. Kulankooda oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa labada dhinac waxay ka soo saari doonaan go’aan siyaasadeed oo ay uga jawaabayaan tallaabadii shalay ee Baarlamaanka.

Waxaa laga deyrinayaa xaalada siyaasadeed ee dalka oo laga cabsi qabo inay gaarto heer gacan ka hadal ah, kadib markii uu golaha shacabka soo saaray qaraar labo sanno muddo kordhin loogu sameynayo hay’addaha dowladda, midaasi oo ay ka hor-imaadeen mucaaridka iyo qaar kamid ah madax goboleedyada dalka.

Waxaa gebi ahaanba soo xirmay albaabkii wada hadalada oo la filayay in dib loogu laabto Teendhada Afisyooni, kaddib markii shalay Golaha Shacabka ay u sameeyeen Farmaajo muddo kordhin labo sano.

Dowladda federaalka ayaa dhawaan shaacisay inuu fashilmay shir maalmo uga socda madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka teendhada Afisyooni, kaasi oo ay dadaal badan ku bixisay beesha caalamka.

Yuusuf Garaad oo warbixin cajiib ah ka qoray xaaladda cusub ee DALKA uu galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, haatana ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed Yuusuf Garaad Cumar oo warbixin gaar ah soo dhigay Facebook-giisa ayaa ka hadlay xaaladaha soo kordhay iyo is mari-waaga siyaasadeed ee weli ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Yuusuf Garaad ayaa marka hore shaaca ka qaaday in siyaasaddu ay isugu jirto waxa la kala leeyahay iyo wax la wada leeyahay oo ay tahay in la dhowro, si loo ilaaliyo xasiloonida.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta baarlamaanka, isaga oo sheegay in xildhibaan kastaa uu ogyahay muddada xaddidan ee kursigiisa, taas ooheshisi lagu wada yahay.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqan inay haboon tahay in la aqbalo aragtiyada kaa duwan, isaga oo ka digay in  la’isku bixiyo magacyo gaar ah.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in loo istaago bad-baadada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sidoo kale la ilaaliyo madaxbannaanida iy  xasilloonida guud ee dalka.

Halkan hoose ka aqriso:-

Aragti shakhsi iyo talo guud.

Siyaasaddu waxay isugu jirtaa wax la kala leeyahay oo la kala jiito iyo in la wada leeyahay oo ay tahay in la dhowro.

Ha lagu kala aragti duwanaado hannaanka ay noqoneyso. Ha la kala jiito goobaha ay ka dhaceyso, marna ha la isu soo jiido. Laakiin goorta ay noqoneyso doorasho ma ahan in muran iyo talo la geliyo.

Xildhibaan kastaa marka uu u tartamayay, wuu ogaa muddada xaddidan ee kursiga. Waxaa kale oo uu ogaa Goorta ay khasab ku noqoneyso in uu tartan hor leh u galo isla kursiga. Ama uu isaga tago haddii uu u bogi waayo ama ay la noqoto in aanuu doorashada libin ka keeni kari doonin.

Haddana waxaan qabaa in ay habboon tahay in la isku dayo in la fahmo aragtida kaa duwan xataa haddii ay kula gurracan tahay. Waxaan qabaa in aan keliya la isu muuqan oo aan magacyo la isu bixin ee la kaashado deggenaan iyo dulqaad inta suurta gal ah ee aan dalka Madaxbannaanidiisa, xasilloonidiisa iyo hannaankiisa siyaasadeed wax u dhimeyn.

Sidaa ay tahay, waxaan qabaa in kuwa aad kala aragtida tihiin, midka kuula aragti qallafsan aad xusuusnaato in sidaada oo kale uu Soomaali yahay, kulana xuquuq siman yahay.

Waxaa ila qumman in inta aadan tiraabin iyo inta aanad mowqif qaadan aad xusuusnaato mua’uuliyadda wadareed iyo midda shakhsi walbow adiga kuu gaarka ah ee aan raadkeedu kaa hari doonin.

Ramadan macnihiisu ma ahan oo keliya in quudka uun laga soomo.

Ka quuso in aad ka quusato Soomaaliya.

James Swan oo fariin u diray shacabka Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan oo war qoraal ah soo saaray ayaa hambalyo ku aadan bisha barakeysan ee Ramadaan u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Swan oo ku hadlayey magaca bahda Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la’isku naxariisto, sidoo kalena la caawiyo dadka danta yar ee ku dhaqan gudaha dalka.

“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, fadlan iga guddooma hambalyadeyda bil cibaado oo nabdoon, la isku naxariisto oo la daryeelo dadka kale,” ayuu yiri ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii saray “Bisha Ramadaan ee sanadkan ayaa bilatay iyadoo dadka Soomaaliyeed dib u billaabayaan soo celinta xiriirka ku qotoma qiyamka soojireenka ah ee wadajirka, isu-dulqaadashada, is-cafinta iyo dib-u-heshiisiinta, taas oo aan rajeynayno inay sidoo kale hagi doonto madaxda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Swan ayaa u rajeeyey dadka Soomaaliyeed nabad, si looga gudbo marxaladda adag ee lagu jiro, isla-markaana loo baahan yahay midnimo.

“Waxaan rajaynayaa in waqtigan gaarka ah ee ka-fikirka xaaladaha uu idiin horseedo farxad iyo midnimo! Ramadaan kariim, Soon wanaagsan,” ayuu kusoo gabagabeeyey.