25.5 C
Mogadishu
Wednesday, July 15, 2026

James Swan oo fariin u diray shacabka Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan oo war qoraal ah soo saaray ayaa hambalyo ku aadan bisha barakeysan ee Ramadaan u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Swan oo ku hadlayey magaca bahda Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la’isku naxariisto, sidoo kalena la caawiyo dadka danta yar ee ku dhaqan gudaha dalka.

“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, fadlan iga guddooma hambalyadeyda bil cibaado oo nabdoon, la isku naxariisto oo la daryeelo dadka kale,” ayuu yiri ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii saray “Bisha Ramadaan ee sanadkan ayaa bilatay iyadoo dadka Soomaaliyeed dib u billaabayaan soo celinta xiriirka ku qotoma qiyamka soojireenka ah ee wadajirka, isu-dulqaadashada, is-cafinta iyo dib-u-heshiisiinta, taas oo aan rajeynayno inay sidoo kale hagi doonto madaxda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Swan ayaa u rajeeyey dadka Soomaaliyeed nabad, si looga gudbo marxaladda adag ee lagu jiro, isla-markaana loo baahan yahay midnimo.

“Waxaan rajaynayaa in waqtigan gaarka ah ee ka-fikirka xaaladaha uu idiin horseedo farxad iyo midnimo! Ramadaan kariim, Soon wanaagsan,” ayuu kusoo gabagabeeyey.

Midowga Musharraxiinta oo soo jeediyey tallaabo ay doonayaan in la qaado kadib muddo kororsigii Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag uga hadlay xaaladda cusub ee uu dalku galay, gaar ahaan muddo kordhinta loo sameeyey madaxweynaha iyo baarlamaanka Somalia.

Ugu horeyn qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in go’aanka kasoo baxay golaha shacabka ee muddo kordhinta loogu sameeyey hay’adaha dowladda uu yahay mid sharci darro ah, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkooda oo afar sano ah, sida ku cad dastuurka.

Golaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dastuurka dalka iyo shuruucda u taalla dalka ay jabiyeen koox yar oo uu hoggaaminayo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday iyo sidoo kale guddoomiyaha golaha shacabka.

Sidoo kale golaha ayaa ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed in meel looga soo wada jeesto wax ugu yeereen kali-talisnimo dalka lagu burburinayo dalka, sida ay hadalka u dhigeen.

Ugu dambeyn musharraxiinta ayaa qoraalkooda ku soo hadal qaaday tallaabadii uu qaaday taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasam (Joon), iyaga oo sheegay inuu iska diiday qaadashada amarro gurracan oo lagu burburinayo dalka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka aqriso:-

Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu si adag u diidayaa muddo kororsiga sha darrida ah ee maanta uu ku kacay guddoonka Golaha Shacabka uu muddo xileedkiisu dhammaaday Sida ku cad Qod. 60aad ee Dastuurka dalka muddada xil-haynta Baarlamaanka waa afar sano oo ka billaabanaysa maalinta la dhaariyo. Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa inta uusan idlaanin muddo xileedkooda si wadajira u ansixiyey heshiiskil doorasho ee l7 September ay wada gaareen madaxda dawlad Goboleedyada iyo kuwa dawladda Federaalka ah ee uu xilkoodu dhammaaday iminka.

Goluhu wuxuu caddaynayaa in dastuurkii dalka iyo go’aankii labada aqal ee Baarlamaanka ay jebiyeen koox yar oo uu hormuud u yahay madaxweynaha iyo guddoonka Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhacay.

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan difaaca dalka iyo ka hortagga kalitalisnimada dalka lagu burburinayo.

Wuxuu Goluhu bogaadinayaa tallaabta uu qaaday Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Xasan oo iska diiday amarrada gurracan ee danta dalka iyo dadka lagu burburinayo. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa saraakiisha kale ee ciidanka in ay waddadaas qaadaan, si ay sumcaddooda iyo tan dalka u badbaadiyaan.

Senate-ka Mareykanka oo ka horyimid muddo kororsiga hay’adaha DF Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Senate-ka Mareykanka ayaa ka hor-yimid muddo kordhinta uu Golaha Shacabka Soomaaliya shalay u sameeyey madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday iyo hay’adaha kale ee dowladda federaalka, muddo kordhintaas oo ah laba sano.

Qoraal kasoo baxay guddiga arrimaha dibedda Mareykanka ee Senate-ka ayaa lagu sheegay in ka shaqeynta muddo kordhin ay jebineysa xeerarka dimoqraadiyadda islamarkaana ay halis xasillooni darro u keeneyso Soomaaliya.

“Doorashooyin waqtigooda ku dhaca waa tiir muhiim u ah dimoqraadiyad caafimaad qabta. Ka shaqeynta muddo kororsi waxay jebineysaa xeerarka dimoqraadiyadda waxayna halis xasllooni darro gelineysaa Soomaaliya. Saamileyda siyaasadda waa inay heshiis garaaan. Isku dayada lagu waxyeeleynayo wada-hadallada ku aadan waddo loo maro codbixin la isku haleyn karo waa inay joogsadaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Senate-ka oo lasoo dhigay twitter.

Ka sokow qoraalka Senate-ka, ma jiro weli war rasmi ah oo ku aaddan muddo kordhinta oo kasoo baxay dowladda Mareykanka, ama hay’adda fulinta. Sidoo kale waxaan jirin falcelin ay arrintan ka sameeyeen hay’adaha iyo dowladaha kale ee Reer Galbeedka ee daneeyaa arrimaha Soomaaliya.

Ilo-wareedyo lagu klasoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in wakiilada beesha caalamlka ee Muqdisho ay weli ka hadlayaan tallaabada ay qaadi lahaayaan. 

Waxay sidoo kale wada-hadallo la leeyihiin madaxweyne Farmaajo, oo ay kala hadlayaan inuusan saxiixin sharciga baarlamanka ee muddo kordhinta. Inkasta oo Farmaajo uu soo dhoweeyey sharciga haddana weli ma saxiixin, taasi oo macnaheedu yahay inuusan dhaqan-gelin, waxaana la rumeysan yahay inuusan ku deg degi doonin.

Beesha caalamka ayaa rumeysan in xaqiiqda aah in sharciga aanu weli dhaqan-gelin ay siineyso fursad ay uga dhaadhiciyaan Farmaajo in laga laabto, taasi oo ah mid ka mid ah sababaha aysan weli usoo saarin qoraal rasmi ah.

Haddii madaxweynaha uu saxiixo, waxaa la rumeysan yahay inay qaadi doonaan tallaabooyin ay ka mid yihiin; aqoonsiga oo lagala laabto dowladda federaalka, taageerada dhaqaale oo laga jaro iyo cunaqabteyn la saaro shakhsiyaadka ku lugta leh arirntan.

DF oo weysay laba ka mid ah baarayaashii ugu fiicnaa ee dambiyada faraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa laba maalin oo isku xigta Muqdisho lagu dilay G/Sare Mahad Cali Cilmi oo caan ku ahaa magaca (Mahad Dollar) iyo G/Dhexe Cismaan Shariif oo isna ku magac dheeraa (Cismaan Laba-goodle), waxayna ahaayeen laba sarkaal oo isku tababar ah. 

Mahad Dollar oo la dilay Axaddii, iyo Cismaan Laba-goodle oo la dilay xalay, waxay mid kamid ahaayeen saraakiisha fara-ku-turiska ah ee yaqaanay baarista dambiyada faraha, waxuuna Mahad Dollar ka tirsanaa hay’adda Main Action ee baarta qaraxyada.

Sidoo kale Mahad Dollar ayaa ahaa sarkaal ka tirsan hay’adda dambi baatista booliska Soomaaliya ee CID-da, inkastoo waayihii dambe uusan xaruntaas uga howlgeli jirin si toos ah. 

G/Sare Cismaan Laba-goodle ayaa goor habeen ah lagu toogtay degmada Kaaraan, waxaana dilay koox afku u duubnaa oo wadatay mooto Bajaaj, sida ay goobjoogayaal u sheegeen Caasimada Online.

Sidoo kale Mahad Dollar ayaa maalin cad lagu dilay banaanka hore ee suuqa Caanaha ee ku yaalla xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan, waxaana isaga iyo askari la socday toogtay koox dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysnaa.

Mahad Dollar waxa uu kamid ah saraakiishii hore ee qaranka, waxuuna ka qeyb qaatay baatista iyo ka gun gaaridda dembiyo culus oo lagu ogaaday dhinaca faraha ah.

Saraakiil ay xigto yihiin Mahad islamarkaana ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ay aad u baadi goobayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo shaqsiyaad kale oo uu ka qeyb qaatay in la helo dambiyo ay galeen. 

Xogta ayaa sidoo kale tilmaameysa in dhowr jeer isagoo aan kamid aheyn hay’adda CID uu ka qeyb qaatay baarista dambiyo culus oo looga maarmi waayay.

Ilo wareedyo aad ugu dhawaa Mahad Dollar ayaa Caasimada Online u sheegay in waayihii dambe uu dowladda ka diidanaa inuu toos uga howlgalo xarunta baarista dembiyada booliska ee CID-da, maadaama uu ku xeel-dheeraa baaritaanka faraha dembiga lagu geystay.

Waxaa la sheegay inay aad u yaryihiin saraakiisha Soomaalida ah ee heysata tababarka baarista faraha dadka lagu tuhmo inay dembiyo geysteen.

Mahad Dollar ayaa sidoo kale ahaa sarkaal si shaqsi ah u shaqeysta waxa uuna heestay ciidan u gaar ah oo canshuurta uga uruuriya suuq ku yaala xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodan. 

Dilka labada marxuum oo kala dambeeyey wax ka yar 24-saac waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo barahooda bulshada ku soo daabacay inay iyagu dileen.

Mareykanka oo xadgudubyo culus ku eedeeyey DF

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, waaxdeeda dimoqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka kuna saabsan xaaladda Soomaaliya ee 2020-kii ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku kacday falal wax u dhimaya dimoqoraadiyadda iyo xuquuqul insaanka.

Qoraalka oo ahaa mid dheer ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey iney ku kacday falal ka baxsan bani’aadamnimada sida xarig sharci darro ah, dad gacanteeda lagu waayey, diidmada isu soo baxyada shacabka, baaris la’aan iyo arrimo kale oo ka hor imaanaya xeerarka caalamiga ah.

Warbixinta ay wasaaradda qortay waxaa lagu sheegay in 60% dilalka dadka rayidka ah loo geystay ee ka dhacay Soomaaliya inta u dhaxeysay November 2019 ilaa August 2020 ay ka dambeeyeen Al-Shabaab, waxaana intaas dheer isla wakhtigaas in dowladda ay riday 32 xukun oo dil ah, taasi oo ay maxkamadda amartay.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda ay caburisay warbaahinta, waxaana si gaar ah loogu xusay in wariye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja la heystay in u dhaxeysa February ilaa August sanadkii 2020 kadib markii lagu eedeeyay Al-Shabaabnimo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa lagu eedeeyay ineysan wax ixtiraam ah siinin sharciyadda xariga sida ineysan heysan karin qof aysan u heysan warqad xiritaan, iyadoo ay taasi ogyahiin hadana wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka waxey sheegtay iney iska indho-tirtay.

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in dadka loo soo qabto arrimaha siyaasadeed aan badankood sharciga la marin, waxeyna tusaale usoo qaateen Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo tan iyo 2018 xiran maxkamad la’aan.

Intaas kaliya loogama harin eedaha dowladda ee saraakiil sar-sare oo xukuumadda ka tirsan ayaa lagu eedeeyay iney magacooda iyo magaca dowladda dad uga barakiciyeen goobo ay daganaayeen ama ay xoog kaga qaateen.

Arrimaha warbaahinta oo aad loogu dhaliilay dowladda waxaa la sheegay iney guulo ka keeni weysay baritaanada ay ku sameeyeen dilalkii loo geystay Cabdiweli Cali Xassan, Maxamed Sahal Cumar iyo Hodan Naaleeye, waxaa intaas dheer in xoriyadda hadalka oo ay caburiyaan lagu eedeeyay sida xarigii ay u geysteen Cabdicasis Guribiye oo ka tirsanaa warbaahinta Goobjoog.

Ugu dambeyntii dowladda waxaa si weyn loogu dhaliilay iney diiday isku soo bax weyn oo ay abaabuleen mucaaradka, taasna ay ka hor imaaneyso dastuurka, waxaana jirta sidoo kale in guddiga maaliyadda lagu eedeeyay iney jiraan hay’ado si xisaab la’aan ah qandaraasyo ula galay dowladda.

Xildhibaan Fiqi oo si cajiib ah uga hadlay go’aanka uu qaatay taliye Saadaq John

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan golaha shacabka, ayaa ka hadlay go’aankii uu shalay ku hor-istaagay Saadaq John in uu qabsoomo kulankii baarlamaanka ee looga hadlayay doorashada.

Saadaq John, oo ahaa Taliyihii gobolka Benaadir ayaa waxyar kadib xilka laga qaaday markii uu shaaciyey inuusan raali ka aheyn in muddo kororsi loo sameeyo dowladda waqtigeedu dhamaaday, taasi oo laga cabsi qabay inay ku dhaqaaqan mudaneyaasha goluhu.

Fiqi ayaa ugu horeyntii ku bogaadiyey Saadaq go’aanka uu ka qaatay xaalada dalka, isagoona ku tilmaamay mid uu kor ugu qaaday sumcada ciidanka booliska oo muddooyinkii dambe si gaar ah loo adeegsanayey.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa ciidanka ugu faca weyn ciidamada qaranka Soomaaliya, wuxuuna u xilsaaran yahay ilaalinta nidaamka guud, ka hortagga danbiyada iyo wax Alla iyo wixii keeni kara xasilooni darro nooc kasta oo ay tahay iyo sidoo kale ilaalinta sharciga dalka,” ayuu yiri.

“Talaabada uu qaaday taliyaha gobolka Banaadir ee ciidanka Boolisku waa mid bogaadin mudan, waana mid kor u qaadaysa sumcadda Ciidamada Booliska oo waayadii danbe oo dhan dhiiqooyin lugaha loo galinayey. Waxaa qormaysa taariikh, ayadoo dano gaar ah la fulinayo ha ka mid noqon kuwa loo adeegsado Dhaqangelinta sharcidarrada.!”.

Saadaq Joon oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu joojiyey kulankii baarlamanka. Intaas kadib Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa waxyar kadib xil ka qaadis ku sameeyey taliyaha qeybta guud ee gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Jonh).

Wareegto kasoo baxday xafiiska taliye Xijaar ayaa lagu sheegay in xilka taliyaha ciidamada Booliiska gobolka Banaadir loo magacaabay Farxaan Maxamed Aadan (Qaroole), kaas oo loo dalac-siiyey Gaanshaanle Sare.

Arrintan ayaa uga sii dareyso xaaladda cakiran ee uu haatan ku jiro dalka, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqa xoogan ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaasi oo maraya meeshii u sareysay.

Danab oo howl-gal ku laayey xubno Al-Shabaab ah

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Danab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay deegaanka Gamboole oo qiyaas ahaan 48km u jira magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle.

Sarkaal u hadlay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa shaaca ka qaaday inay howl-galkaasi ku dileen illaa 24 xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, isaga oo intaasi ku sii daray inay dhaawaceen tiro kale, sida uu hadalja u dhigay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ujeedka howl-galka uu ahaa mid lagu xaqiijinayey amniga, loogana hortagayey weerarada Xoogaga Al-Shabaab kasoo abaabulaan halkaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ciidamada dowladda ayaa shalay gelinkii dambe dib uga soo baxay deegaanka Gamboole oo ay la wareegeen saacado kooban, waxaana xaaladdu ay tahay mid deggan.

Somaliland: Korneyl xukun loogu riday xiriir qoys oo uu la sameeyey Muqdisho

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamdada Millateriga Somaliland ayaa xukun adag ku riday Korneyl Jaamac Doolaal oo ka tirsanaa Saraakiisha Millateriga Somaliland, kadib markii ay la xiriirisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa Korneyl Jaamac Doolaal ay maxkamaddu ku xukuntay labo sanno oo xabsi millateri ah.

Eedeymaha loo cuskadaya xukunka maxkamadda ayaa waxay ku qotomeen inuu xiriir dhanka telefoonka ah la sameeyay shaqsiyaad jooga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, midaasi oo ay maxkamadu ku tilmaamatay dembi, sida ay saraakiil sarre u sheegen Caasimada Online.

Maxkamadda ayaa u aragta in Korneylka uu dambi ka galay Somaliland, maadama uu xiriir la sameeyay shakhsi jooga Soomaaliya, waxayna wararka aan helayno sheegayaan inuu Dolaal kala hadlay shaqsigaas arrimo qoys oo keliya.

Arrintaan ayaa meesha ka saareysa eedeyn hore loogu soo jeediyay Korneylka oo sheegayay inuu ku kacay khiyaamo qaran iyo kacdoon ciidan, kadib markii ay maxkamaddu cadeyn kari weyday cod lagu sheegay sir oo ay kusoo eedeysay xeer ilaalinta ciidanka Somaliland.

Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xili muddooyinkii dambe dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidamo si qarsoodi ah uga qoraneysay deegaano ka tirsan Somaliland

Ilo wareedyo dhawana la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ciidamada ay dowladda ka qoraneyso Somaliland ayaa xogtooda aad loo qariyay, waxayna xiligan laga diiwaan-geliyay magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo.

Tirada ciidankaas oo aan si rasmi ah loo heynin ayaa la sheegay in la qoray laba jeer, oo markiiba ah la qoray ciidan aan ka yareyn 400-500 oo askari, waxaana bilowgii ciidanka la qoray ayaa kamid noqday kumanaanka askari ee loo qaaday dalka Eritrea, halka bilo ka horna la qoray kuwa kale oo aan la sheegiin halka la geeyay, waxaase la xaqiijiyay in loo qortay ciidannimo.

Dhalinyarada Tababarka loo qaaday ayaa qaarkood la sheegay in lagu tababaro meelo kale oo kamid ah gobalada dalka halka qaar kalane loo qaado dalka dibadiisa.

Lama oga in dowladda federaalka ciidamadaas u tababarayso qalalaase laga abuuro Somaliland iyo in loo qortay kamid noqoshada ciidanka dowladda Soomaaliya, hase yeeshee odayaasha degaanka ayaa sheegay inay walaac ka qabaan.

CC Sharmaarke oo sheegay xaalad dalka uu geli karo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo hadda ah Senator kamid ah Aqalka Sarre ayaa si adag uga hadlay xaalada dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo uu khilaaf xoogan ka taagan yahay.

Cumar Cabdirashiid ayaa walaac xoogan ka muujiyey fashilka ku yimid wada-hadaladii teendhada Afisyooni, wuxuuna ku baaqay in markale la isugu imaado miiska wada-hadalka.

Senator-ka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu sidoo kale ku sheegay in joojinta wada-hadalladaas ay horseedi karto xaalad hubaal la’aan ah oo uu dalka galo.

“Joojinta wada-xaajoodyada doorashooyinka waxay bulshada u horseedi doontaa xaalad hubaanti la’aan ah, iyadoo su’aal la gelinayo mustaqbalka dalkeenna.”

Waxa uu hoosta ka xariiqay in tallaabooyinka guracan ee madaxda sarre ee waqtigoodu dhamaaday ay dalka ku riixayaan wax uu ugu yeeray ‘kala-tag iyo fowdo’.

Hadalkaan ayaa imanaya xili aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin khilaafka doorashada, islamarkaana lagu kala kacay wada-hadalo muddooyinkii dambe madaxda sarre ee dalka uga socda teendhada Afisyooni, kaasi oo ay dowladda shaacisay inuu fashilmay.

Waxaa laga deyrinayaa xaalada siyaasadeed ee dalka oo laga cabsi qabo inay gaarto heer gacan ka hadal ah, kadib markii dhinacyada is-diidan dhowr jeer iska hor-imaad ku dhex-maray magaalada Muqdisho.

MUUSE BIIXI oo boqolaal maxaabiis ah cafis u fidiyay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta cafis madaxweyne u fidiyay maxaabiis badan oo ku xirnaa xabsiyada deegaanada Somaliland, bilashada bisha Ramadaaan darteed.

Madaxweynaha ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay inuu cafis u fidiyay 484 Maxbuus oo hore loogu xukumay dembiyada fudud, taasi oo uu fulinayo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, sida lagu sheegay qoraalka Madaxweynaha.

“In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 484 (Afar Boqor iyo Afar iyo Siddeetan) maxbuus,” ayaa lagu yiri wareegtada madaxweynaha Somaliland.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalkaas “Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan”.

Cafiska uu madaxweyne Biixi u fidiyey maanta boqolaalka maxbuus ee dambiyada fudud u xirnaa ayaa waxa uu daba socda soo jeedin uu 6-dii bishan April uu u gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland.

Ma aha markii u horeysay ee madaxweynaha Somaliland uu cafis u fidiyo maxaabiis, ayada oo sanad ka hor uu cafis Madaxweyne u fidiyay maxaabiis badan oo tiradoodu dhameyd 574-maxbuus oo ku xirnaa xabsiyada Somaliland, si looga hortago faafida cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus/Covid-19.

Puntland iyo Jubaland oo qoraallo kooban kasoo saaray muddo kororsiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraallo kooban oo kasoo kala baxay dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa looga fal-celiyey go’aankii muddo kororsiga ahaa ee xildhibaanada Goalah Shacabka ay maanta ku dhaqaaqeen.

Ugu horeyn qoraal lagu daabacay twitterka madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in tallaabadii uu maanta qaatay baarlamanka mudo xileedkiisu dhamaaday ay dib u celineyso dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

“Dowlada Jubaland waxay cadaynaysaa wixii maanta ka dhacay Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday inaysan wax sharci ah ku dhisnayn. Arrinkan wuxuu dib u celinayaa hannaanka geeddi socodka dib u dhiska dowladnimada dalka,” ayaa lagu yiri qoralka Jubaland.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in Puntland ay aad uga xuntahay tallaabadii ay maanta qaadeen xildhibaanada golaha shacabka, taas oo uu ku tilmaamay sharci darro.

“Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ka xuntahay tillaabadii sharci darrada ahayd ee Aqal hoose ee Baarlamaanka muddo xileedkiisu dhammaaday maantay qaaday. Dowladda Puntland dib ayey Ummadda Soomaaliyeed kala soo wadaageysaa mowqifkeeda ku aadan dhacdadii maantay,” ayuu yiri wasiir Dhabancad.

Warar hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in labadan maamul goboleed ee Puntland iyo Jubbaland ay haatan ku howlan yihiin soo saaridda qoraal ay si wadajir ah ugu cadeynayaan mowqifkooda ku aadan tallaabadi ay maanta xildhibaanadu qaadeen iyo qorshaha socda.

Madaxda labadaan maamul goboleed ayaa isku mowqif ka ah xiisadda siyaasadeed ee dalka, halka madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka iyo madaxda maamullada kale ay is xulufeysteen.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta ansixiyey sharci uu hor keenay guddoomiye Mursal, kaas oo horseedaya laba sano oo mudo kororsi ah, kadibna la aadayo doorasho qof iyo cod ah oo uu qabanayo guddigii doorashooyinka ee Xaliimo Yarey ay hoggaamineysay.

KHEYRE: Waan hubaa oo su’aali kama taagna ineysan hal mid dhici doonin + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre oo hadda kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa si adag uga hadlay xaalada cakiran ee dalka iyo is-mari-waaga doorashada oo meel xasaasiya mareysa.

Xasan Cali Kheyre ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidanka Soomaaliyeed ku kala qeybsanaadaan damaca madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii maanta xilka laga qaaday taliyaha qeybta guud ee gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John).

Saadaq John ayaa is-hortaagay kulankii maanta ee baarlamaanka, kaasi oo loo balansanaa inuu qabsoomo 9:00 subaxnimo, wuxuuna ku eedeyay golaha inuu muddo kororsi aan sharci aheyn u sameynayo Farmaajo, taasi oo uu wiiqeysa wada-hadaladii toddobaadyadii u dambeeyay ka socday teendhada Afisyooni.

“Waxaan ka dignay in aan la imaan meesha maanta la taaganahay oo ah in dalku god kusii dhaco, oo ka mas’uul yahay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, mar hore ayaa sheegnay in fikirka muddo kordhinta ama ciidan isticmaalida, ayada oo aan sharci aheyn inay dalkaan dib u dhac weyn u keenayso,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ku eedeyay inuu markasta fashiliyo wada-hadallada doorashada, kaasi oo ay u dambeysay wada-hadalkii teendhada Afisyooni oo dowladda federaalka ay shaacisay inuu guul-daro kusoo dhamaaday, ayada oo eedeynta u weyna dusha u saartay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

“Dariiqa uu Farmaajo dalka ku wado, god ayuu ku wadaa, waa in aan hadda kasii digna taariikh ayaa is-qoreysa oo maanta is-fasireysa.”

“Waan hubaa oo su´aali kama taagna ineysan dhici doonin in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday uusan sharci daro iyo qori caaradii xukunka kusii heysan karin. Su´aasha taaganni waxey tahay, ilaa intee le´eg ayuu dib noo celin karaa ama horumarkii aan sameynay naga burburin karaa,” ayuu yiri.

Xaalada dalka ayaa mareysa meel xasaasiya, kadib tallaabooyinkii u dambeeyay ee dowladda waqtigeedu dhamaaday ay qaaday, taasi oo meesha ka saartay in is-faham guud laga gaaro shirweynaha doorashada oo ay dadaal badan ku bixisay beesha caalamka, lamana oga halka ay wax sal dhigan doonaan.

Wasiir Oomaar oo iska diiday xilka cusub ee shalay loo magacaabay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar oo maalin ka hor laga qaaday xilkaas, ayaa iska diiday xil kale oo loo magacaabay.

Wasiir Oomaar ayaa shalay wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaare Rooble loogu wareejiyey wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, balse qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook-ga ayuu hadda ku sheegay in uusan diyaar u aheyn qabashada xilkaas.

Waxa uu sheegay in go’aanka uu isaga diiday qabashada xilka wasaaraddaas uusan la xariirin siyaasad oo ay ku kalifeen arrimo u gaar ah, isagoo si cad u sheegay inuu weli taageersan yahay siyaasadda madaxweyne Farmaajo ee Nabad iyo Nolol.

Hoos ka aqriso qoraalka wasiir Oomaar

Waxaa sharaf ii ah in shalay oo ay taariikhdu  ahayn April 11 2021 la Ii magacaabay wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada.  Wasaaraddan oo aad muhim u ah waxay u baahan tahay Wasiir dardar geliyo howlaha baaxadda leh ee Ka socoda wasaaradda.

Anigoo Jecel inaan u shaqeeyo waddankayga hooyo, suuragal iima aha xilligan inaan qabto shaqada muhimka ah ee la ii magacaabay. Sidaa aawgeed waxaan Ka cudur daaranayaa qabashada xilkaa muhiimka ah. Duruufo qoys iyo kuwo shakhsiyadeed ayaan ii saamaxaynin inaan hawshaa galiyo tamarta, wakhtiga iyo firfircoonida ay u baahan tahay masuuliyaddan baaxadda weyn.

Waxan uga mahadnaqayaa madaxweyne Farmaajo iyo raiisal wasaaraha fursadda qaaliga ah ee ay ii siiyeen inaan u adeego inta tabartayda ah waddanka iyo shacabka Somaliyeed.

Muddadii aan xilka u hayay ummadda Soomaaliyeed waxaa suura gal ah in uu khalad iga dhacay, ma khaldame waa Ilaah. Waxaan ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay iga cafiyaan khaladaadka laga yaaba inuu iga dhacay.

NB: Go’aankani ma aha mid siyaasadeed ee waa mid shakhsi. Waxaan mar walba ahay garabka Madaxweyne Farmaajo (N&N).

Wabillahi tawfiiq

Aqalka Sare oo ka horyimid muddo kordhinta uu maanta sameeyey golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa ka hor-yimid oo sharci-darro ku tilmaamay go’aanka uu Golaha Shacabka muddo kordhin laba sano ah maanta ugu sameeyey hay’adaha dowladda.

Cabdi Xaashi ayaa tallaabadaas ku tilmaamay ‘mid hal dhinac ah’, oo uga sii dareysa xiisada doorashada, islamarkaana sharci darro ah oo gebi ahaanba baalmarsan sharciyadii dowladnimo ee dastuurka dalka ku dhisna.

Waxaa uu walaac ka muujiyey in qaraarka golaha shacabka ee labada sanno ugu kordhiyeen hay’addaha dowladda uu dalka u horseedo xasiloni darro siyaasadeeda iyo mif amni oo halis ah.

Cabdi Xaashi ayaa qoraalka ku yiri “Go’aanka halka dhinac ah ee Golaha Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhammaaday wuxuu Dalka u horseedayaa xasilooni darro siyaasadeed oo ay wehliyaan khataro amni iyo xaalado kale oo aan hadda la saadaalin karin. Sida oo kale, go’aankaasi wuxuu sii fogeeyay xal laga gaaro doorashooyinka Dalka isaga oo si toos ah u baalmaray sharciyaddii dowladnirnada ee ku dhisnayd Dastuurka iyo shuruucda kale ee Dalka.”

Sidoo kale waxa uu madaxda sarre ee dalka usoo jeediyay inay kusoo laabtan xayndaabka sharciga, ayada oo go’aan ka gaarista doorashada loo marayo nidaamka wada-ogolka ee wada-hadalada dhinacyada isku haya doorashada oo muddooyinkii dambe ka socday Muqdisho.

“Sidaas darteed, waxaan ugu baaqeynaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda muddo xileedkeedu dhammaaday, Guddoonka Golaha Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhammaaday in cagligu shageeyo laguna soo noqdo xeendaabka sharciga ah ee Dalka u yaalla iyo Heshiiskii September 17, 2020 oo ay ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si degdeg ahna loo wada fariisto miiska wada-hadalka; si Dalku doorasho u aado.”

Golaha shacabka ayaa maanta isugu yimid kulan uu ka maqan yahay Aqalka Sarre, kaasi oo ay ku meel-mariyeen muddo kordhin sharci darro ah oo uu guddoonku sheegay inay hab gacan taag ah ugu codeeyeen illaa 149-xildhibaan oo ka qeyb-galay kulankii maanta, kuwaas oo ka dooday sharci gaar ah oo jiheenayo doorashooyinka heer Federaal.

Guddoonka ayaa faray Xukuumadda xil gaarsiinta ah inay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka  uga dambeyso arrimaha la xiriira doorashooyinka heer federal isla markaasna gacan buuxda lagu siiyo meel marinta waajibaadkooda Dastuuriga ah sida uu hadalka u dhigay Guddoonka Baarlamaanka.

Tallaabada uu qaaday Guddoonka golaha shacabka ayaa uga sii dareysa xaalada dalka, oo maalmihii u dambeysay mareysay meel xasaasiya, lamana oga sida ay wax noqon doonaan, maadama ay mucaaridku ka biyo diidan yihiin muddo kordhinta sharci darrada.

FARMAAJO oo war kasoo saaray muddo kordhinta uu Mursal sameeyey maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey muddo kordhinta uu baarlamanku sheegay inuu sameeyey hay’adaha dowladda oo ah laba sano.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka oo dalka u jiheynaya doorasho toos ah, dibna ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qaranka.”

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay inuu ugu baaqayo shacabka Soomaaliyeed in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen wax uu ugu yeeray “fursaddan taariikhiga ah, ugana qeyb qaadan lahaayeen geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.”

Farmaajo sidoo kale ayaa uga mahadceliyey saaxiibbada Soomaaliya ee dadaalka la garab taagan sidii loo sii xoojin lahaa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka oo marxalado kala duwan soo maray, hase yeeshee wuxuu uga digay faro-gelin.

“Madaxweynaha ayaa adkeeyey in hay’adaha Dowladda oo ka duulaya Dastuurka dalka, waajibaadka qaran ee ay wakiilka ka yihiin, curfiga diblumaasiga iyo mabaadi’da caalamiga ah in aysan aqbaleyn faragelinta shisheeye ee arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreyso doorashooyinka dalka oo ah arrimo ay u madaxbannaan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka. 

Golaha Shacabka oo meel-mariyey muddo kordhin loo sameeyey dowladda

0

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya ayaa muddo laba sano ah ku kordhiyey muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka kadib codbixin ay u qaadeen arrintaas.

Kordhinta muddo xileedka ayaa la sheegay inay hab gacan taag ah ugu codeeyeen illaa 149 xildhibaan oo ka qeyb-galay kulankii maanta, kuwaas oo ka dooday sharci gaar ah oo jiheenayo doorashooyinka heer Federaal.

Sharciga la sheegay inuu ansixiyey Golaha Shacabka, wuxuu ka kooban yahay illaa sagaal qodob oo qeexayo sida loo hirgelinayo doorashada. Guddoonka ayaa ku dooday in sharcigaan uu waafaqsan yahay qodobka 47-aad ee Dastuurka oo siinayo golaha Shacabka soo saaridda shuruuc gaar ah oo khuseeyo nidaamka doorashooyinka iyo xasbiyada .

Sidoo kale Guddoonka ayaa soo saaridda sharcigaan u cuksaday qodobada 64 (1), 72 (1) ee faraya doorasho qof iyo cod ah oo ah, mid toos ah iyo mid qarsoodi ah.

Qodobada 5-aad iyo 8-aad ee sharcigan ayaa si toos ah muddo kordhin u siinaya hay’adaha dowladda ee hadda jira.

Qodobka 5-aad u qoran sidan: “Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyiska qaranka waxaa awood loo siiyey qabashada doorasho toos ah, qarsoodi ah oo madax banaan, muddo aan ka badneyn laba sano oo ka billaabata marka madaxweynaha uu saxiixo sharcigan.”

Qodobka 8-aad ayaa ah kan sida gaarka ah u shaacinaya muddo kordhinta, wuxuuna u qoran yahay sidan: :”Hay’adaha dastuuriga ah ee heer federal oo awooddoodu u dhameystiran tahay waxay waajibaadkooda u gudanayaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka muddada ku xusan [Laba sano] qodobka 5-aad ee sharcigan.”

Guddoonka ayaa faray Xukuumadda xil gaarsiinta ah inay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka  uga dambeyso arrimaha la xiriira doorashooyinka heer federal isla markaasna gacan buuxda lagu siiyo meel marinta waajibaadkooda Dastuuriga ah sida uu hadalka u dhigay Guddoonka Baarlamaanka.

Sharcigan cusub ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii ugu dambeeyey uu taagnaa shaki ku aadan in Baarlamaanka Soomaaliya uu soo saari doono nidaam doorasho oo ka duwan midkii ay isku fahmi waayeen maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe.

Kulanka Baarlamaanka ee Maanta ayaa waxaa dib u dhaca ku keenay kadib markii taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed ee gobolka Banaadir uu diiday in maanta uu furmo, inkastoo markii dambe xilka laga qaaday.

Halkaan hoose ka akhriso sharciga oo dhameystiran

Midowga Musharixiinta oo Farmaajo u aqoonsaday “Hoggaamiye kooxeed”

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Midowga Musharixiinta oo goor dhaweyd shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo khilaafka ka taagan doorashada dalka.

Midowga Musharixiinta ayaa si cad u sheegay in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay hadda u aqoonsan yihiin inuu yahay “Hoggaamiye Kooxeed” fadhiya Madaxtooyada.

Shirka jaraa’id ee midowga musharixiinta ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul wasaarihii hore ee Xukuumadda Xasan Cali Kheyre iyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in dalka aysan ka jirin wax sharciyad ah xilligaan, Farmaajana uu la mid yahay hoggaamiye kooxeed fadhiya Villa Somalia .

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in hoggaamiye kooxeedyadii soo maray dalka ay Farmaajo ka ciidan badnaayeen, islamarkaana ay ka talin jireen qeybo badan oo dalka kamid ah sidaas oo ay tahay ugu dambeyntii laga adkaay.

Siyaasi Cabdiraxmaan ayaa Taliyaha ciidamada Booliska General Xijaar uga digay inuu madaxweyne Farmaajo ku taageero qaab qabiil ah taasna ay dalka u horseedi karto qalalaase.

Madaxweynihii hor ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalka uu ku jiro halistii ay muddo badan ka digayeen isla markaasna loo baahan yahay in laga gudbo halistaas.

Ra’isul wasarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inay Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka hor taagan yihiin inuu dalka geliyo dagaal sida uu hadalka u dhigay.

Kheyre ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan dalka uu mas’uul ka yahay ninka diiday in dalka ka dhacdo doorasho, wuxuuna si cad carabka ugu dhuftay in madaxweyne Farmaajo uusan diyaar u aheyn doorasho xor iyo xalaal ah.

“Maanta waxay mareysaa in ciidankii Soomaaliyeed ay ku kala qeybsameyn damaca madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday, dariiqa uu dalkaan ku wado waa god,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Ugu dambeyn Xasan Cali Kheyre ayaa boggaadiyey go’aankii uu qaatay taliyhii xilka laga qaaday ee Gobolka Banaadir Saadaq Joon.

Mucaaradka oo war kasoo saaray xil ka qaadista lagu sameeyey Saadaq John

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ka hadlay is-bedalka deg degga ah ee lagu sameeyey hoggaanka taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay Farxaan Maxamed Aadan (Qaroole) in uusan qaaban xilka loo magacaabay ee taliyaha Booliska gobolka Banaadir, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay xil gumeed, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay ‘inuu dhacay gabalka’ madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, loogana baahan yahay in uusan maqlin warkiisa.

“Ha qaadan xil gumeed, hana maqlin warka hoggaamiye kooxeed Farmaajo. Ninkaas gabalkiisa waa dhacay,” ayuu yiri Musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Is-bedalka deg-degga ah ee lagu sameeyey taliska gobolka Banaadir, ayaa yimid kadib saacado uun markii shaaciyey Saadaq Joon im uu joojiyey kulankii baarlamaanka oo qorshuhu ahaa in looga doodo mooshin ku aadan muranka hareeyey doorashooyinka.

Xaaladda soo korortay ayaa uga sii dareysa is mari-waaga taagan doorashooyinka 2021-ka iyo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Taliye Saadaq John oo xil ka qaadis lagu sameeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa goor dhow xilka qaadis ku sameeyey taliyaha qeybta guud ee gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) oo saacado, kahor shaaciyey inuu joojiyey kulankii maanta ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday xafiiska taliye Xijaar ayaa lagu sheegay in xilka taliyaha ciidamada Booliiska gobolka Banaadir loo magacaabay Farxaan Maxamed Aadan (Qaroole), kaas oo loo dalac-siiyey Gaanshaanle Sare.

Farxaan ayaa horey u ahaa taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ee ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Xilka qaadista Saadaq John ayaa timid, kadib saacado uun markii shaaciyey in Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan kan gobolka Banaadir uu joojiyey kulankii baarlamaanka oo qorshuhu ahaa in looga doodo mooshin ku aadan muranka hareeyey doorashooyinka.

Arrintan ayaa uga sii dareyso xaaladda cakiran ee uu haatan ku jiro dalka, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqa xoogan ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Booliiska Gobolka Banaadir ‘oo joojiyey’ kulankii BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa goor dhow shaaciyey in taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu joojiyey kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo qorshuhu ahaa in looga doodo mooshin ku aadan doorashooyinka qaran ee 2021.

Saadaq Joon ayaa sheegay in Booliiska Soomaaliyeed uu waajib qaran ka saaran yahay nabad-geylada guud iyo xasiloonida magaalada Muqdisho.

Taliyaha Booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa sababta ugu weyn ee loo joojiyey kulanka baarlamaanka ku sheegay, si looga hortago in dalka la geliyo fowdo & qalalaase.

“Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaa maanta hakinay kulankii ay lahaayeen, waxaana u hakinay oo loo baahan yahay wax boob ah oo la boobayo in aysan dhicin, is-faham siyaasadeedna la gaaro,” ayuu yiri taliya qeybta Booliiska ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya looga baahan yahay inay aadaan deegaanadooda iyo doorashooyin, maadaama uu ka dhammaaday muddo xileedka.

“Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaan leeyahay 4 sano ayaad joogteen afartii sanana waa idinka dhammaatay waa la’idin soo doortay ee doorasho dib ugu laabtay,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu xusay in aysan ogoleyn in la sameeyo muddo kororsi dalkan u horseedayo dib u dhac horleh iyo in dib loogu noqdo dagaalladii sokeeye.

“15-ka bilood oo la kororsado oo dib noo dhigta 15 sano ma dooneyno waxaa loo baahan yahay in la qaato mas’uuliyada wadareed,” ayuu markale yiri Saadaq Joon.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, isaga oo ka dalbaday inuu qaato doorkiisa ku aadan doorashooyinka.

“Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaan ka codsanayaa ama u sheegayaa wadanka mas’uuliyaddiisa inuu qaato. Dadka is-diidan wax kala xoogaya ha-ku celiyo Teendhada ayaa furan shirkii ayaa furan nabad ayaa furan ha-lagu laabto ha-lagu soo kala goosto”.

Si kastaba go’aankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo laga baqayey in baarlamaanka uu ku dhowaaqo muddo kororsi loo sameeyo madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dowladda.