25.5 C
Mogadishu
Wednesday, July 15, 2026

Booliiska Gobolka Banaadir ‘oo joojiyey’ kulankii BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa goor dhow shaaciyey in taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu joojiyey kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo qorshuhu ahaa in looga doodo mooshin ku aadan doorashooyinka qaran ee 2021.

Saadaq Joon ayaa sheegay in Booliiska Soomaaliyeed uu waajib qaran ka saaran yahay nabad-geylada guud iyo xasiloonida magaalada Muqdisho.

Taliyaha Booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa sababta ugu weyn ee loo joojiyey kulanka baarlamaanka ku sheegay, si looga hortago in dalka la geliyo fowdo & qalalaase.

“Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaa maanta hakinay kulankii ay lahaayeen, waxaana u hakinay oo loo baahan yahay wax boob ah oo la boobayo in aysan dhicin, is-faham siyaasadeedna la gaaro,” ayuu yiri taliya qeybta Booliiska ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya looga baahan yahay inay aadaan deegaanadooda iyo doorashooyin, maadaama uu ka dhammaaday muddo xileedka.

“Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaan leeyahay 4 sano ayaad joogteen afartii sanana waa idinka dhammaatay waa la’idin soo doortay ee doorasho dib ugu laabtay,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu xusay in aysan ogoleyn in la sameeyo muddo kororsi dalkan u horseedayo dib u dhac horleh iyo in dib loogu noqdo dagaalladii sokeeye.

“15-ka bilood oo la kororsado oo dib noo dhigta 15 sano ma dooneyno waxaa loo baahan yahay in la qaato mas’uuliyada wadareed,” ayuu markale yiri Saadaq Joon.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, isaga oo ka dalbaday inuu qaato doorkiisa ku aadan doorashooyinka.

“Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaan ka codsanayaa ama u sheegayaa wadanka mas’uuliyaddiisa inuu qaato. Dadka is-diidan wax kala xoogaya ha-ku celiyo Teendhada ayaa furan shirkii ayaa furan nabad ayaa furan ha-lagu laabto ha-lagu soo kala goosto”.

Si kastaba go’aankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo laga baqayey in baarlamaanka uu ku dhowaaqo muddo kororsi loo sameeyo madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dowladda.

Daawo: Madaxweyne Qoor Qoor oo si cad uga horyimid muddo kordhin la sameeyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shaaciyey in marnaba uusan taageeri doonin mudo kororsi, xilligaan loo sameeyo hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka Soomaalliya.

Madaxweyne Qoor Qoor oo wareysi siiyey TV-ga Somali Cable, ka hor inta aanu baarlamanka ku dhowaaqin kulanka maanta ee muddo kordhinta, ayaa sheegay in uusan maqlin wax mudo kororsi ah, markii laga reebo wararka xanta ah, isla markaana warar aan xaqiiqo uusan wax weyn ka soo qaadin.

“Dalku xilli doorasho ayuu ku jiraa, mana qabo inuu dhici karo wax la yiraahdo mudo kororsi saxna maaha, dalku doorasho ayuu gelayaa waan ku kalsoonahay, dad ayey eedo ku raaci doonaan si kasta oo wax loo qorxiyo, cid kasta oo taako ku ah doorashada dalka waxaan u rajeynayaa inay ka waantowdo oo dalka iyo dadka loo tanaasulo,” ayuu yiri madaxweyne Qoor Qoor.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadii uu shaaciyo musharaxnimadiisa madaxweyne Farmaajo uu ula sinaa doono musharaxiinta kale ee kula tartami doonta xilka madaxtinimo.

Mar wax laga weydiiyey waxa uu ka aaminsan yahay in madaxweyne Farmaajo lagu cadaadiyo inuu saxiixo waqad qeexeysa awoodiisa, maadaama doorasho lagu jiro, isaguna uu musharax yahay waxa uu ku jawaabay, “Dadkan waxaa kala hagi kara shuruucda dalka, Madaxweyne Farmaajana sharciga kama weyna, hadii uu awoodiisa dhimi karo, macnaheedu waxay tahay waana dheereysa karaa, awoodaasna cid leh ma jirto meel ay ku qorantahayna ma jirto.”

Hoos ka Daawo

Xog: 3 qorshe oo ay wadeen beesha caalamka oo ay fashilisay madaxtooyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirada QM, Midowga Yurub, Mareykanka iyo UK ayaa ku guul-darreystay tallaabooyin saddex ah oo ay qaadeen oo lagu wiiqayo awoodda Farmaajo, islamarkaana lagu raadinayo xal doorasho oo uusan qeyb ka aheyn, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii wakiilada beesha caalamka ay ka quusteen in la helo xal looga gudbo is-mari waaga doorashada, oo uu qeyb ka yahay Farmaajo, hase yeeshee qorshayaashooda ayaa waxaa fashilisay madaxtooyada Soomaaliya.

Qorshayaashaas oo la damacsanaa in lagu wiiqo awooda Madaxweynaha ayaa kala ahaa

1- Saaxiibada Caalamka ayaa isku dayay in hoggaanka doorashada Soomaaliya uu la wareego Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, islamarkaana ay qeyb kala noqdaan maamul gobaleedyada dalka, taas oo ugu dambeyn la sheegay in ay ka socon weysay dhinaca Rooble kadib cadaadis uga yimid Villa Somalia, si uu u diido.

2- Beesha Caalamka waxay isku dayday in ay heshiiyaan maamul gobaleedyada dalka islamarmaana go’aan mid ah ka qaataan arrimaha la isku hayo ee doorashada, waxaana kulamadii dhici lahaa ka baaqday maamulada taabacsan Villa Somalia oo lagu cadaadiyay in aysan ka qeyb gelin. Haddii maamulada heshiin lahaayeen waxaa meel cidlo ah kusoo dhici lahaa madaxtooyada oo u muuqan laheyd caqabadda doorashada.

3- Beesha caalamka waxay isku dayday in khilaafka doorashada Soomaaliya ay kala hadasho Guddoonka Golaha Shacabka oo cabsi weyn laga qabo in uu ku dhaqaaqo muddo korarsi, waxaana la sheegay in arrintaasna sidoo kale socon weysay kadib cadaadis kale oo la saaray guddoonka Golaha Shacabka, isagana u dhego nuglaaday.

Tallaabooyinka beesha caalamka ayaa keenay in wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ay qoraal u dirto Golaha Ammaanka, kaasi oo looga digay “faro-gelinta” arrimaha doorashada.

Waxaa taasi xigay in xalay uu baarlamanka shaaciyey in maanta uu dhacay kulan looga hadlayo “doorashooyinka qaranka,” lana rumeysan yahay in muddo kordhin lagu sameynayo, waxaana muuqata in saameyntii beesha caalamka ee Soomaaliya ay daaqadda ka baxday.

Ciidamo tiro badan oo la dhigay jidadka Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada) – Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa xalay lagu daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee gala xarunta Villa Somalia iyo baarlamaanka, kadib markii xildhibaanada baarlamaanka loo diray fariin loogu sheegayo inuu maanta jiro kulan deg deg ah oo looga doodayo mooshin ku saabsan arrimaha “doorashooyinka.”

Ciidamadaan ayaa xiray wadooyinka gala xarunta baarlamaanka iyo Villa Somalia, waxaana la xayiray isu socodka gaadiidka, ayada oo aad loo xakameynayo dadka halkaas gelaya.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Guddoonka baarlamaanka uu damacsan yahay inuu muddo kordhin labo sano ah u sameeyo xukuumadda iyo Baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday, isagoo cuskanaaya in lagu heshiin waayay qabsoomidda doorasho dadban, sidaasi darteedna la aadi doono doorasho qof iyo cod ah mudo labo sano ah kadib oo mudo kordhin ah.

Qorshahan ayaa muddo laga soo shaqeynayey, waana mid ka mid ah sababihii ay madaxtooyada u fashilisay shirkii Afisyoone, xilli ay weli maamullada Puntland iyo Jubaland diyaar u yihiin in lasii wada-hadlo.

Beesha caalamka ayaa gebi ahaanba kasoo horjeeda in mudo kororsi loo sameeyo madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday, taas badalkeeda ay door bidayaan in dib loo furo wada hadalada madaxda Soomaalida si xal la isla ogol yahay laga gaaro arrimaha doorashada, hase yeeshee ma muuqata cid warkooda dhageysaneysa.

Maxuu Rooble kala hadlay saraakiishii uu isugu yeeray?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xalay kulan isugu yeeray saraakiilsha laamaha aminga ee dowladda Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay xafiiskiisa.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa taliyeyaashii uu la kulmay waxa uu ka dhageystay warbixinno la xariira xaaladda ammaan ee dalka iyo qorshayaashooda ku aadan sugidda amniga dalka.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu saraakiisha kula dardaarmay sare u qaadidda sugidda amniga dalka, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu kulan la qaatay saraakiisha laamaha amniga ee dalka, ugu horeyna waxa uu warbixin ka dhageystay taliyeyaasha ciidamada ammaanka, R/wasaaraha ayaa laamaha amniga kula dardaarmay inay dardar geliyaan howlgallada lagu sugaayo amiga caasimadda inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, sidoo kale laamaha amiga ayuu ugu baaqay inay wadashaqeeyaan oo badiyaan kulamadooda,” ayuu yiri Macalimuu.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Rooble uu saraakiisha kula dardaarmay inay ka qeyb qaataan u gurmashada dadka danta yar inta lagu jiro bisha Soon, sidoo kale dadka wax heysta ayuu ka codsaday inay danyarta caawiyaan.

Kulankan ayaa yimid ayada oo maanta uu jiro qorshe muddo kordhin loogu sameynayo baarlamanka iyo madaxweyne Farmaajo oo labaduba muddo xileedkoodu dhammaaday, waxaana la tuhmayaa in Rooble uu kala hadlay arrimo la xiriira sidii ciidanka ay gacan uga gaysan lahaayeen talalabooyinka sharci-darrada ah ee maanta la qorsheeyey.

Hoos ka Daawo

Shan arrin oo halis ah oo ka dhalan kara muddo kordhinta uu qorsheeyey MURSAL

Baarlamanka federaalka ayaa maanta kulmaya, ayada oo qorshaha uu yahay in muddo kordhin laba sano ah sameystaan, sidoo kalena u sameeyaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhacay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddii Maxamed Mursal uu ku dhaqaaqo tallaabadan sharci-darrada ah ee horey beesha caalamka ay uga digtay, waxaa ka dhallan doona shan arrimo oo halis badan oo dalka u horseeda qalalaase, kuwaas oo kala ah.

1- Dowlad ay ku dhawaaqaan Madasha Badbaado Qaran oo ay qeyb ka yihiin lab maamul Goboleed oo mug iyo miisaan siyaadeed leh, oo kala ah Jubaland iyo Puntland, laba madaxweyne hore, ra’iisul Wasaare hore, guddoomiye hore oo baarlaman iyo Midowga Musharaxiinta.

2- Puntland iyo Jubaland oo xariirka u jara dowladda dhexe ama gooni isku taag ku dhawaaca inta Ia isaga soo laabaanayo, taasina waxay caqabad ku noqon doontaa hor-usocodkii dowladnimada Soomaaliya.

3- Siyaasiiyinta kasoo jeeda gobolka Banaadir oo si adag uga hor imaan donaan dowladdu inay si habsami leh uga dhex shaqayso gobolka Banaadir, taasi oo ugu dambeyn horseedi karta isku dhacyo hubeysan

4- Culeyska iyo is-mari waaga wuxuu ku baahi donaa maamul goboleedyadda tageersan dowladda, waxaana dib ugu laaban donaan siyaasiinta kasoo jeeda degaanadaas, kuwaas oo iyagana laga yaabo inay ugu dambeyn kasoo horjeestaan dowladda dhexe.

5 – Isku soo wada duub dalka wuxu gali donaa xaalad cakirnaan siyaasadeed oo hada laga baaqsan karo, haddii uu caqligu shaqeeyo.

Abdullahi Mahdi waxaad kala xiriiri kartaa: facebook.com/abdullahi.mahdi

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Midowga Muraxashiinta oo digniin culus kasoo saaray qorshaha muddo kororsiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir jaraa’id oo ay si deg deg ah u qabteen Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa looga hadlay tallaabada uu baarlamaanka qorsheynayo maanta ee mudo kororsiga loogu sameynaayo madaxweyne Farmaajo iyo baarlamanka

Shariif Sheekh Axmed, oo ah guddoomiyaha Golaha Midowga Murashaxiint, ayaa sheegay inay nasiib darro weyn u tahay bulshada Soomaaliyeed in iyadoo fidsan gogoshii looga arrinsanayay qabsoomida doorasho waadix ah in la aado mudo kororsi, wuxuuna tilmaamay inay si cad ugu soo horjeedaan tallaabadaasi kuna tilmaamay sharci daro.

Wuxuu sheegay Shariif in madaxda mudo xileedkeeda dhamaaday wadada ay dalka ku wadaan inay tahay mid qaldan oo dalka u horseedeysa xasilooni darro siyaasadeed, burbur dhaqaale iyo mid amni intaba.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay in aysan cidna ku takri fali karto ammaanada ummada Soomaaliyeed, ciddii ku takri fashana waxay muujineysaa xukun jaceyl iyo kursi isku dhejis, isagoo sheegay in madaxweynaha xilka ka dhamaaday uu hadda muddo labo bilood ah sharci daro uu xafiiska ku joogo.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay kasoo horjeestaan tallaabo kasto oo dalka u horseedeysa qalalaase, isagoona bidhaamiyay in wixii ay horay ugu digayeen loo arkayay macno darro, balse maanta la arkaayo in la joogo waqtigii shacabka xaqiiqda ogaanayeen loona ordaayo muddo kororsi iyo in dalka loo horseedo xaalad qalalaase.

Sidoo kale, wuxuu nasiib darro usoo hoyatay ku tilmaamay ciidamada milateriga Soomaaliya in maanta oo ah 12-ka April oo ah maalintii la aas-aasay lagu soo aadiyo in loo adeegsado awood sharci darro iyo dhibaateynta shacabka, wuxuuna ugu baaqay inaysan aqbalin wax sharciga baal marsan.

“Iyadoo ay ku beegan tahay maalinta ciidammada xoogga dalka ee 12-ka April, waa nasiib darro kale in ciidammada loo adeegsanayo in ay xukunka sharci darrada lagu boobayo in ay u adeegaan waa qatar keeneysa in dib loo laabto, waana qaran dumisnimo, hoggaanka dalka waxaan leenahay waa ambataye soo noqo dalkaan ma qaadi karo muddo kordhin dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo amni ahaan waa dal jilcan, beesha caalamka ummadda Soomaaliyeed ha ogaadaan wixii ka dhasha muddo korarsi la sameeyo waa u joognaa,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Ugu danbeyn, Shariif Sh. Axmed oo garbahiisa taagnaayeen ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu tallaabada madaxweyne Farmaajo ee baarlamaanka qorsheynaayo beri inay tahay xukun jaceyl iyo kalitalisnimo.

Ciidanka Xoogga oo dagaal kula wareegay Gamboole

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Gamboole oo ka tirsan gobolkaasi oo hoostaga maamulka HirShabelle.

Ciidamada Xoogga dalka oo howl-gal qorsheysan qaaday ayaa dagaal culus, kadib dagaalyahanada Al-Shabaab ka saaray deegaankaasi oo galbeed ka xiga Jowhar.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in iska hor imaadka labada dhinac uu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhawaac.

Ilo dadka deegaanka ayaa u sheegay Caasimada Online in ciidamada milatariga Soomaaliya ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan Gamboole, isla-markaana ay ka sameysteen fariisin.

Xaaladda ayaa haatan u kacsan, waxaan duleedka magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda.

Si kastaba ma’aha markii ugu horreysay oo ay ciidamada Xoogga dalka la wareegaan deegaankan oo ah mid istaraatiiji ah, iyagoo maray kala duwan dib ayey uga soo baxay.

Weerar askar lagu dilay oo ka dhacay degmada Balcad

0

Balcad (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada ammaanka Balcad iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo xalay ka dhacay gudaha degmadaasi.

Dagaalka oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidanka oo howl-gal roonda ah waday iyo ragga qaaday weerarka.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is-weydaarsanayeen labada dhinac, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalkaasi, waxa ay sheegatay in ay ku dishay ugu yaraan labo askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee ka howl-gala Balcad.

Sidoo kale koxoda Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday inay labo qoray oo AK47 ah ka furatay askartaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka ka horreeyey, balse xaaladda ayaa saaka ah mid deggan.

Inta badan wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa ka dhaca weeraro qorsheysan iyo dagaallo u dhexeeya ciidamada Xoogga dalka iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Shabaab oo qoysas danyar ah ka barakiciyay Berdaale

0

Berdaale (Caasimadda Online) – Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa qoysas danyar ah ka barakiciyay deegaano hoos yimaada dagmada Bardaale oo gobolka Baay sida ay sheegeen maamulka dagmadaas.

Gudoomiyaha dagmada Bardaale Maxamed Xuseen Isaaq ayaa idaacadda VOA-da u sheegay iney deegaanada hoos yimaada dagmada Bardaale kasoo barakaceen ku dhawaad 500 kun qoys, kuwaas oo sida uu hadalka u dhigay Al-Shabaab ka diiday iney caruurtooda askariyeeyaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadkaan ay kasoo carareen guryahoodii iyo beerahoodii maadaama dhulka lasoo barakiyay ay yahiin dad noloshooda ay ku tiirsaneed iney beertaan dhulkooda.

Guddoomiyaha wuxuu Hey’adaha samafalka ka codsaday inay dadkaan u soo gurmadaan, maadaama ay fooda nagu soo heydo bisha barakeysan ee Ramadaan, isla markaana ay yihiin dad danyar ah oo guryahoodii laga soo barakiciyey.

Tuulooyinka dadkaan laga soo barakiciyey ayaa ah dhul beereed, waxayna dadkaan ku tiirsanaayeen tabcashada beerahooda, intii aysan ka soo barakici kooxda Al-Shabaab oo ku xujeysay inay caruurtooda askareeyaan ama deegaanka ay isaga guuraan.

Si kastaba muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa jiray is faham darro soo kala dhex gashay dadka deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab maadaama ilo deegaanka ah ay sheegeen in dadka deegaanka ay diideen in caruurtooda lagu daro Al-Shabaab,

Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano kooban oo ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku sugan xarunta Villa Hargeysa, kuwaas oo gaaray goor sii horreysay, halka kuwa kalena ay sheegeen in ciidan Boolis ah ay ka celiyeen jidadka.

Kulanka ayaan illaa iyo hadda furmin, sida ay soo sheegayaan wariyeyaal haatan ku sugan xarunta baarlamaanka oo soo tabinaya kulanka maanta oo ah mid xasaasi ah.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in baaris lagu sameeyey xarunta Villa Hargeysa oo uu ka dhacayo kulanka, kadib shaki la sheegay inuu ka dhashay dhanka amniga.

Sida uu qorshuhu yahay ajandaha kulanka maanta ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah ka doodista mooshin ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo is mari-waaga ka taagan.

Sidoo kale siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan kuwa mucaaradka ayaa waxa ay sheegeen in ujeedka laga leeyahay kulanka maanta uu yahay in la sameeyo muddo korrsi horleh.

Arrimahan ayaa yimid, kadib markii taliyaha Booliska gobolka Banaadir Saadaq Joon uu ku dhowaaqay inuu joojiyey kulankii baarlamaanjka, saacado kadibna laga qaaday xilka.

Lama oga waxa kasoo bixi doono kulanka baarlamaanka oo ku soo aadayo, xilli xasaasi ah oo lagu kala tegay wadahadaladii ka socday Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Soomaaliya ayaa ku jirto haatan xaalad adag oo kala guur ah, taas oo ka dhalatay khilaafka hareeyey doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka.

 

BF oo berri ka doodaya mooshin ku saabsan ‘doorashooyinka qaranka’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa caawa loo diray fariin uu guddoonku ku war-gelinaayo inuu beeri oo Isniin ah jiro kulankii golaha, islamarkaana ajendaha kulankaas uu mooshin ku saahabsan “doorashooyinka qaranka.”

“Mudane Xildhibaan Beri oo Isniinah oo ay Tar 12 April, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka. Ajendaha, Ka doodista Mooshin ku sahabsan Doorashooyinka Qaranka. Saacadu waa 09:00 subaxnimo,” ayaa lagu yiri fariinta loo diray xildhibanada.

Durba waxaa soo baxay wal-wal laga qabo inuu berri dhaco mudo kororsi loo sameeyo madaxweynaha iyo baarlamaanka uu mudo xileedku ka dhamaaday. Haddii uu dhaco mudo kororsigaas dad badan waxay qabaan in uusan ka yaraa doonin laba sano.

Kulankaan Isniinta berri la isugu yeeray xildhibaanada golaha shacabka ayaa yimid xilli maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar la xariiray in madaxweynuhu damacsan yahay mudo kororsi.

Sidoo kale waxaa maalmihii dambe hakad ku jiray wadahadalladii madxda dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada uga bilaawday Afisyooni, waxaana maalinkii u dambeeyey la isku eedeeyey fashilka ku yimid shirarkii Afisyooni.

Beesha Caalamka ayaa marar badan ku celcelisay in aysan taageeri doonin caawaaqib xuna uu ka dhaxli doono garabkii ku dhaqaaqa mudo kororsi ama doorasho aan lala ogoleyn, balse lama oga sida xaal noqon doono hadii uu berri dhaco mudo kororsi loo sameeyo madaxweyne Farmaajo iyo baarlamaankan 10-aad.

“Waxaan dib u caddeyneynaa go’aanka ah inaan taageeri doonin hanaanka kasta oo ah doorashooyin is-barbar socda, kuwa hal dhinac ah ama hindise kasta oo cusub oo hoggaamin kara muddo kordhin kasta oo lagu sameeyey muddo xileedyadii hore,” ayaa lagu yiri qoraal maanta kasoo baxay QM, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD.

Saaraakiil SOOMAALI ah oo lagu dhaawacay dagaal ka dhacay badda (Faah-faahin)

0

Hobyo (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka ciidanka ilaalada xeebaha maamulka Galmudug iyo askari kale ayaa dhaawacooda galabta la geeyey degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Taliyaha iyo askariga kale ayaa ku dhaawacmay is-rasaaseyn ka dhacday gudaha Badweynta Hindiya, taas oo dhex martay ciidanka ilaalada xeebaha Galmudug iyo ilaalada Markab ku howlanaa kalluumeysi sharci darro ah.

Ciidamada ayaa isku deyey inay soo qabtaan Markabka, balse waxay iska cabin adag kala kulmeen ilaaladii la socotay.

Inta la xaqiijiyey Taliye ciidanka ilaalada xeebaha maamulka Galmudug oo magaciisa lagu soo koobay Xirsi iyo askariga kale ayaa ku dhaawacmay is-rasaaseyntaas, waxaana illaa hadda la ogeyn in khasaare gaaray ilaaladii iyo shaqaalihii Markabka.

Sidoo kale waxaa baxsaday Markabkii, illaa haddana lama garan dalka laga leeyahay Markabkaas.

Howlagalka ay ciidamadu doonayeen inay ku soo qabtaan Markabkaas ayaa yimid kadib markii kalluumeysatada gobolka Mudug ay cabasho kasoo gudbiyeen xaalufin uu xeebta ka waday markabkaas.

Sawirro: Laftagareen oo Muqdisho ka tegay xilli ay dadaallo xoogan ka socdaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, kadib safar maalmo badan qaaday oo uu ku joogay magaalada Muqdisho.

Si rasmi ah looma shaacin qorshaha safarka uu Baydhaba ugu laabtay Madaxweyne Lafta Gareen, balse waxaa la sheegay inuu qaadan doono laba maalmood, kadibna uu dib ugu soo laaban doono magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Baydhaba ee Shaatigaduud, waxaana la sheegay inta uu joogo halkaas inuu kulamo la yeelan doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

Laftagareen ayaa noqday madaxweynihii labaad dib ugu laabtay deegaanada maamulkiisa, iyadoo aan la gaarin heshiis doorasho, waxaana xusid mudan in beesha caalamku ay madaxda Soomaalida u sheegtay in aysan Muqdisho ka tegi karin iyadoo aan la gaarin heshiis doorasho.

Madaxweynaha Galmudug ayaa maalmo ka hor Dhuusamareeb ku tegay safar qaatay laba maalmood, kadib markii ay ka dhamaatay mudadii uu dastuurka maamulkaas u ogolaa inuu ka maqnaa karo deegaanka, waxuuna dib ugu soo laabtay oo haatan uu ku sugan yahay Muqdisho.

Illaa hadda madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ayaa ku heshii la’ hanaanka loo qabanayo doorashada dalka, waxayna beesha caalamku ku howlantahay sidii loo bilaabi lahaa wadahadalladii fashilmay ee Afisyooni, ayada oo magaalada Muqdisho dadaallo xoogan oo ku aadan in dib loo furo wada-hadallada.

Yey ‘si gaar ah ugu socotay’ fariintii cusleyd ee maanta ka timid beesha caalamka?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay qoraalka ay maanta sida wadajir ah usoo saareen IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, wuxuuna ku tilmaamay fariin toos ugu socota madaxweyne Farmaajo.

Qoraalkaas ayaa lagu yiri “Waxaan dib u caddeyneynaa go’aanka ah inaan taageeri doonin hanaanka kasta oo ah doorashooyin is-barbar socda, kuwa hal dhinac ah ama hindise kasta oo cusub oo hoggaamin kara muddo kordhin kasta oo lagu sameeyey muddo xileedyadii hore.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in qoraalka guud ee ay beesha caalamka gudbisay ee shaacsan ay ka daran tahay midda sida gaarka ah loola wadaagay madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu intaas raaciya in looga digay muddo kororsi, doorasho hal dhinac ah, wuxuuna Farmaajo ku tilmaamay qof halligaya dalka, sidoo kalana wuxuu su’aal dul dhigay dadka hareerahiisa jooga.

“Qoraalka wadajirka ah ee ay xarumahooda ka soo sareen IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay waa fariin ku socoto kuwa xukunka isku dhejinaya. Farmaajo iyo kooxdiisa keliya waxay isku sii fogeynayaan heerka faragelin ee arrimaha doorashada dalkeena. Haddii shalay ay ku ekeyd safiirada Muqdisho jooga, maanta heer caasimadihii looga soo qayliyo oo lagu yiraahdo shirka ku laabo ayey maraysaa” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas ku daray “Waxaa muuqata in qoraalkiisii ashtakada ahaa waxba laga soo qaadin, balse waxaa looga digayaa in muddo kororsi, doorasho hal dhinac ah iyo mid is barbar socota ay halis ku tahay xasiloonida Soomaaliya, taasoo khatar ku ah nabada iyo xasiloonida aduunka”

Ugu dambeyntiina wuxuu yiri: “Haddii fariin qoraal banaan la soo dhigay sidan tahay, maxaad ka filaysaa tan sida hoose loogu sheegayo. Farmaajo waa nin is haligaya, Soomaaliyana faragelin ku sii fogaynaya ee talow qolooyinka ag tuban ma la haligmi doonaan mise way ka hari doonaan. Taariikh ayaa qormaysa”

Daawo: Ganacsato cabasho ka muujiyey ganacsi ay sheegeen in si gaara loogu xiray Farmaajo walaalkiis

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayay 48-saac ee u dambeeyay guuxa ka dhashay Ganacsato la sheegay in koonto gaar ah loogu xiray keenista Jaadka/Qaadka, kuwaasi oo sarre u qaaday qiimaha markii hore uu taagna.

Ganacsatada iibisa Jaadka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa cabasho xoogan ka muujiyey 3-Nin oo ay sheegen inuu kooto ugu xiran yahay keenista jaadka, kaasi oo uu horkacayo Nin ay sheegen inay walaalo yihiin madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waa dulmanahay oo cid aan u dacwoono ayaa weynay, dad ayaa naloo garbo-doobay ganacsi xor ah maaha dowladuna waa u jeeda, marka dulmigaas hanalaga soo gaaro oo hoos ha-noola-fiirsho, dowladda hanala aragto waxa aan ku dhibanahay, qaasatana dadka magaalada Muqdisho jooga oo Hereriga gada waa dhibanahay,” ayuu yiri Ganacsade kamid ah ganacsatada qaadka iibisa ee warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale waxay sheegen in ragga uu horkacaya Farmaajo walaalkii iyo saraakiisha garoonka ay isku xiran yihiin, taasi oo meesha ka saareysa in ganacsato kale ay ayagu lasoo dagaan Qaadka, islamarkaana ku qasbaysa inay ayaga un ka qaatan, sida ay sheegen.

“Waxaa dacwo ka nahay dadka uu Jaadka u afduuban yahay, Madaxweyne Farmaajo walaalkiis ayuu u afduuban yahay iyo saddexda Nin ee u shaqeysa”.

Waxay baaq cod dheer ah u direen madaxda sarre ee waqtigooda dhamaaday, gaar ahaan ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, waxayna codsadeen in laga qabto Ninka ay sheegen inay walaalo yihiin Farmaajo.

“Waxaan idiin sheegayna shacabka halkaan isugu imaadeen ee Soomaaliyeed waxaan cabasho ka nahay jaadka Hereriga, dad ayuu u qorsheysan yahay. Anagu waxaan nahay Shacab ku dhiman, haddaan gadno $15 waxaa naloo soo yeerinayaa $42, waxan u shaqeynaba ma garaneyno, dadkaana nalama hadlaanba”.

Waxay arrintaan imaneysa muddo kadib markii ay dowladda federaalka ku dhawaaqday in ka ganacsiga qaadka Hereriga uu u furan yahay umadda Soomaaliyeed, islamarkaana uusan jirin in cid gaar ah uu ugu xiran yahay.

Sii-hayaha Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo horaantii sanadkaan warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yiri “Anigoo ku hadlaya magaca dowladda federaalka Soomaaliya, waxaan halkaan ka cadeynayaa in cidna uusan u xirneyn ka ganacsiga qaadka, keliya qofka ka ganacsanaya waxa looga baahan yahay in hu sharcigeeda soo maro oo uu liisan soo qaato.”

Ilaa hadda majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda federaalka, tan iyo markii ay soo shaac-baxday cabashada ay ganacsatada qaadka sii iibisa ay ka muujinayaan Ninka ay sheegen inay walaalo yihiin Farmaajo.

Xog: Hal taliye oo ka mid noqday dadka loo haysto dilka guddoomiyihii Hodan

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalintii shalay aheyd waxaa Maxkamada Ciimada Qalabka Sida lagu wareejiyay kiiska dilka guddoomiyihii degmada Hodan ee gobalka Banaadir Maxruum Cabdixakiin Dhaga-juun oo bilaawgii sanadkaan la dilay.

Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabja sida ayaa guddigii baaritaanka dilka guddoomiyaha loo xilsaaray kala wareegtay xogihii ay soo aruuriyeen, waxaana kadib uu xeer-ilaaliyaha maxkamadda sheegay in dilka uu ahaa “mid ula kac ah.”

Shuceyb Cabdi Maxamed oo ahaa taliyihii Saldhigga degmada Howlwadaag oo uu dilka ka dhacay ayaa kamid noqday shaqsiyaadka ilaa hadda kiiskaan u xiran islamarkaana dhowaan ka soo muuqan doona Maxkamada Ciidanka ee dowladda Soomaaliya. 

Sidoo kale waxaa isla kiiskaan loo haystaa 7 kamid ah ciidanka booliska Soomaaliya oo furay rasaastii uu sababsaday guddoomiyihii degmada Hodan ee gobalka Banaadir Cabdixakiin dhaga Juun.

Dilka oo markii hore u ekaa inuu sababay kala shaki ciidan aayaa waxaa goor dambe isa soo taray inuu ahaa mid abaabulan, taasi oo dhalisay baaritaan ugu dambeyn lagu ogaaday in “si ula kac ah” loo gaystay dilka.

Puntland oo dalab u dirtay madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdullahi Cali Xirsi Timo-Cadde ayaa maanta markale ku celiyay maamulka Puntland uu diyaar u yahay inay sii socdaan wada-hadaladii teendhada Afisyoone, oo dowladda ay sheegtay inay fashilmeen.

Timo-Cadde ayaa sheegay in madaxda sarre ee Puntland ay ogol yihiin “go’aan raadinta xal doorasho,” midaasi oo si wada-ogol ah loogu geli lahaa doorashada dalka, oo xiligan uu ka taagan yahay khilaaf xoogan.

“Puntland weli waxay joogtaa miiskii wada-xaajoodka ee  lagu balamay. Waxaa naga go’an raadinta xal doorasho loo dhan yahay lagu geli karo, si Dalka  xasilooni darro siyaasadeed looga badbaadiyo,” ayuu yiri Wasiir Timo-cadde oo qoraal kooban ku baahiyey bartiisa twitter-ka.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday inuu kusoo laabto miiska wada-hadalka, si xal kama dambeys ah looga gaaro caqabadaha ku hor-gudban shirweynaha doorashada.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in heshiis dhinacyada isku haya doorashada ay gaaraan uu dalka ka bad-baadinayo xasilooni darro siyaasadeed.

Wasiirka ayaa hore u sheegay in Puntland ay u taagan tahay ilaalinta sharciga iyo ku dhaqanka dastuurka u yaalla dalka, isaga oo ku eedeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ku tumaneyso shuruuda, taas oo uu tilmaamay in si weyn la’isugu hayo.

Hadalkaan ayaa imanaya, xili ay dhawaan dowladda federaalka ay shaacisay inay fashilmeen wada-hadalladii ka socday teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, ayada oo eedey fashilka dusha u saartay hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland.

Ra’isul Wasaare Rooble oo isku beddelay laba wasiir

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilalkii u kala badalay laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirkii Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa laga qaaday xilkii uu hayey, waxaana loo dhiibay xilka Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale Duraan Axmed Faarax oo ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loo magacaabay xilka Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Is-bedelka uu sameeyey Rooble ayaa ka dambeeyay dalab ka yimid Madaxweynaha muddo xileedkisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu tixgeliyay.

Ma cadda sababta keentay tallaabada uu qaaday Rooble, waxaana xusid mudan in Oomaar uu ka mid yahay wasiirada ugu muddada dheer, isaga oo horey ula soo shaqeeyey ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, halka Duraan uu xilka joogo un wax ka yar 6 bilood, isaga oo la magacaabay markii uu xilka la wareegay Rooble.

Wararka qaar ayaa sheegay in isbeddelan ay ka mid tahay arrimaha siyaasadeed iyo danaha ku xeeran xilliyada doorashada.

Isku-shaandheynta kooban oo uu Maanta sameeyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble  ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli uu dhamaaday muddo xileedka Hay’adaha dowladda, isla markaana khilaaf uu ka taagan yahay doorashada.

Sidoo kale waa markii ugu horeysay ee uu Ra’isulwasaare Rooble isku shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada tan iyo markii uu 19 September 2020 magacaabay Xukuumadiisa kusoo aaday xilliga kala guurka siyaasadeed.

Mahad Dollar oo lagu dilay MUQDISHO iyo Al-Shabaab oo war kasoo saartay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafadda Seybiyaano ee Degmada Hodan ku dilay Maanta sarkaal caan ka ahaa xaafadda kana tirsanaa Cidamada Booliska Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Mahad Cali Cilmi (Mahad Dollar), waxaana lagu toogtay Garaash ku yaalla agagaarka Seybiyaano halkaas oo ah suuq lagu iibiyo qudaarta iyo Caanaha oo uu isaga mas’uul ka ahaa.

Kooxaha dilka geystay ayaa marxuumka dhowr xabad kaga dhuftay qeybaha sare ee jirka, waxaana ugu dambeyn u suurta gashay inay meesha isaga baxsadaan, inkastoo ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay isku dayeen inay gacanta ku dhigaan ragga falka geystay.

Sarkaalka dilka loo geystay ayaa caan ka ahaa Muqdisho, gaar ahaan Degmada Hodan, wuxuuna heystay ciidamo gaar ah oo isaga ka amar qaata.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, kuwaas oo goobta ka qaaday meydka, islamarkaana geeyay xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay sarkaalkaan, waxayna Al-Shabaab ku sheegtay inuu ahaa sarkaal muddo badan hor taagnaa shacaa’irta Islaamka sida ay hadalka u dhigtay.

Warbaahinta ku hadasha Afka Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in sarkaalkaan lala dilay ciidamo ka tirsanaa ilaaladiisa inkastoo aysan jirin illo madax banaan oo xaqiijinayo sheegashada Al-Shabaab.

Ma aha markii u horeysay ee Sarkaal ka tirsan ciidamada ay dabley hubeysan ku toogtaan magaalada Muqdisho, haddana waxay dhacdadan kusoo aadeysa xili uu dalka marayo marxalada xasaasiya.