25.3 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

Qoor Qoor: Musharraxiinta ayuu iila mid yahay Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Soomaali Cable ayaa kaga hadlay arrimo dhowr ah, sida shirkii Afisyoone, cabsida laga qabo in la sameeyo muddo kororsi horleh, cadaadiska xoogan ee ka imaanaya dhanka beesha caalamka iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

Wareysigan oo hordhiciisa lasii daayey ayaa Qoor Qoor waxa uu kusoo hadal qaaday xiriirka siyaasadeed ee haatan kala dhexeeya madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, maadaama uu ka mid ah hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ee taabacsan Villa Soomaaliya.

Qoor Qoor ayaa shaaca ka aaday haddii uu Farmaajo si rasmi ah ugu dhowaaqo musharraxnimadiisa uu ula mid noqon doono musharraxiinta kale ee sanadkan 2021-ka u tartamaya xilka madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) haddii uu murashax hadda waa uun sheeg-sheegee joogtaa hee uu murashax noqdo bannaanka soo istaago musharraxiinta ayuu iila mid yahay.” ayuu ku yiri hordhaca wareysiga lala yeeshay Madaxweyne Qoor Qoor.

Wareysiga uu bixiyey madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana dowladda Soomaaliya ay shaacisay in lagu kala tegay wada-hadaladii Afisyoone.

Si kastaba Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo kala guur ah, waxaana weli is mari-wa uu ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka ee dhacaya sanadkan.

Xog: Waan-waan laga dhex-bilaabay madaxda Soomaalida iyo wararkii u dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda dadaallo xoogan oo ay wadaan dhinacyo kala duwan, kuwaas oo la doonayo in la’isugu soo dhoweeyey madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Dadaallada socda ayaa ujeedkooda waxa uu yahay sidii ay markale miiska wada-hadalka isugu soo noqon lahaayeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliyda, si xal loo wada gaaro.

Wararka ayaa sheegaya in dadaallada iyo waan-waanta socota ay qeyb ka yihiin wakiilada beesha caalamka, siyaasiyiin, hoggaanka ururada bulshada rayidka iyo dhaqanka.

Ilo ku dhow dhinacyada wada dadaalladaasi ayaa shaaca ka qaaday in madaxda dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah kuwa dowlad goboleedyada ay ka cagajiidayaan waan-waanta laga dhex-billaabay ee lagu doonayo in dib loogu sii amba-qaado wada-hadallada.

Sidoo kale xubnaha wada dhex-dhexaadinta ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey inay guuleysan doonto waan-waantooda, isla-markaana ay dib u billaaban doonaan shirarkii u dhexeeyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Dhowaan ayey aheyd markii dowladda Soomaaliya ay shaaca ka qaaday inay fashilmeen wada-hadalladii gogol xaarka ee ka socday Teendhada Afisyoone ee Muqdisho.

QM, Midowga Yurub, IGAD iyo AU oo farriin cad u diray DF iyo dowlad goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – QM, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa yeeshay kulan looga hadlay wax ay ugu yeereen “halista xooggan,” ee ka dhalan karta doorashada dib loo dhigay ee Soomaaliya iyo is-mari waaga wada-hadallada madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Kulankan ayaa waxaa yeeshay kaaliyaha xoghayaha guud ee QM ee arrimaha siyaasadda Rosemary DiCarlo, agaasimaha Afrika ee Midowga Yurub Rita Laranjinha, madaxa siyaasadda ee Midowga Bankole Adeoye, iyo xogahayaha guud ee IGAD Dr. Workneh Gebeyehu.

Qoraal ay soo saareen kadib kulankooda ayaa ururadan waxay ku sheegeen inay si aad ah uga walaacsan yihiin in is-mari waaga siyaasadda uu saameyn xun ku yeelanayo nabadda, ammaanka, xasilloonida iyo baraaraha Soomaaliya.

“Waxaan dib u caddeyneynaa go’aanka ah inaan taageeri doonin hanaanka kasta oo ah doorashooyin is-barbar socda, kuwa hal dhinac ah ama hindise kasta oo cusub oo hoggaamin kara muddo kordhin kasta oo lagu sameeyey muddo xileedyadii hore,” ayey qoraalkooda ku yiraahdeen QM, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD. 

Waxay sidoo kale ugu baaqeen hoggaamiyayaasha Soomaalida inay danta qaranka ka hor-mariyaan midda shakhsi, ayna dib ugu soo laabtaan wada-hadallada, si ay u raadiyaan is-tanaasul ku aadan arrimaha la isku hayo, una xaqiijiyaan inaan marnaba la qaadin ficillo dhaawici kara xasilloonida Soomaaliya. 

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha Soomaalida inay sii wadaan horumarkii laga sameeyey dhisidda dowladnimada, iyo siyaasadaha loo dhan yahay, gaar ahaan doorashooyinka iyo si nabdoon xukun isugu wareejinta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

QM, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa ugu dambeyn sheegay in si dhow ula socon doonaan xaaladda Soomaaliya.

Xog: Sababta keentay kala-shakiga soo kala dhex galay DF iyo beesha caalamka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warqad 9-kii April u dirtay Golaha Ammaanka ee QM uga digtay in faro-gelin lagu sameeyo doorashada dalka ee la isku mari la’yahay.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa fargelin kasta oo dalal shisheeye, mid si toos ah loogu faragelinayo arrimaha gudaha dalka iyo ku tumasho qaraarada golaha ammaanka, heshiisyada iyo qawaaniinta dowliga ah.”

Arbacadii ayey aheyd markii dowladda federaalka ah ay sheegtay inuu fashilmay shirkii horudhaca ahaa ee Afisyooni uga socday dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, iyada oo eedda dusha ka saartay Puntland iyo Jubaland.

Wararka ayaa sheegaya in todobaadkii hore uu jiray kulan dhex maray beesha caalamka iyo xukuumadda federaalka ah kaasi uu hareeyey jawi is faham la’aan, kaasi oo la rumeysan yahay inuu ka carreysiiyey dowladda

Kulankaas ayaa xubno ka tirsan dowladda waxay beesha caalamka weydiiyeen kaalintooda, halka wakiilada beesha caalamka ku jawaabeen keliya in aanan mas’uuliyad ka saarneyn amniga hey’adaha dastuuriga ee ay sidoo kale mas’uuliyadoodu tahay in ilaaliyaan in aan dummin waxa dhisan, lana qabto cidda waxyeeleeneysa.

Waxaa muuqato in beesha caalamka ay ku daashay arrimaha doorashada Soomaaliya taasina ay keentay inuu xumaado xiriirka ay la leeyihiin Villa Somalia, ayada oo taasina ay keentay in dowladda federaalka ah ay aaddo golaha ammaanka.

Qoraalka loo diray golaha ammaanka waxaa ku xusan in amniga doorashada lagu wareejin doono xukuumadda, tilaabadan oo hal dhinac ah oo aan lagala tashan maamul goboleedyada oo dood ka qabo sida loo maareynayo amniga doorashada.

Lama oga sababta ay dowladda federaalka u doonayso iney beesha caalamka faraha kala baxdo doorashada Soomaaliya, iyada oo leh maal-gelinta doorashada, sugidda amniga iyo bixinta qoondada miisaaniyadda dowladda 40%.

DF Soomaaliya oo codsi u gudbisay MAREYKANKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda xil-gaarsiinta ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay saraakiil ka tirsan militariga Mareykanka

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda, kulanka ayaa looga hadlay hadlay xoojinta xiriirka militari ee u dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka, iyo sidoo loo dardar-gelin lahaa howlgalada ka socda gudaha Soomaaliya iyo tababarada Mareykanka uu siiyo Ciidanka Xoogga dalka.

“Kulanka Wasiir Xasan Xuseen Xaaji iyo Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ayaa ku qotomay xoojinta xiriirka Milatari ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka ,iyo sidii loo dardargalin lahaa howlaha tababaridda iyo taageeridda Mareylanka ay siiyaan CXDS,” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxaya Wasaaradda Gaashaandhigga.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in Mareykanka uu kordhiyo taageerada iyo tababarada uu siiyo ciidamada xoogga Soomaaliya, taasi oo wasiir Xasan Xuseen Xaaji uu u gudbiyey saraakiisha militariga Soomaaliya.

Mareykanka ayaa si gaar ah iminka u tababara ciidamada xulka ah ee Danab, ee la dagaalama Al-Shabaab, hase yeeshee dowladda Mareykanka ayaa la sheegay in bilihii dhowaa ay ka hor-timid in ciidamadaas loo adeegsado arrimo siyaasadeed.

Wargeyska Washington Post ayaa horaantii March qoray in saraakiisha militariga Mareykanka ay diideen qorshe la doonayey in ciidamada Danab lagu keeno Muqdisho, si ay qeyb uga noqdaan ciidamo is-hortaag ku sameeyey dibad-baxyadii ay qorsheeyeen mucaaradkii 19-kii Febraayo, markaas oo la rasaaseeyey.

Si ka duwan Turkiga oo dowladda Soomaaliya u ogolaaday inay ciidanka Gorgor iyo Haramcad u adeegsato sida ay doonto, Mareykanka ayaan ogoleyn in ciidan ay tababaraan loo adeegsado arrimi siyaasadeed.

Ciidan gadoodsan oo xirtay waddooyinka Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Galmudug ay gadood ka sameeyeen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolkaasi.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa kasoo baxay Xerada Indha Qaris, iyaga oo la wareegay saddex koontarool oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadu ay hakiyeen dhaq-dhaqaaqa koonfurta Gaalkacyo, iyaga oo gaadiidka u diidaya isticmaalka waddooyinka magaaladaasi.

Saraakiisha horkaceysa ciidamadan ayaa shaaciyey in aysan wax mushaar ah qaadan illaa saddex bilood, isla-markaana ay waayeen xaquuqdii ay ku lahaayeen Galmudug.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in haatan ay billowdeen dadaallo ay wadaan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas dadaal badan ku bixinaya sidii loo xalin lahaa tabashada ciidamadaasi, dibna loogu celin lahaa xeradii ay kasoo baxeen.

Si kastaba xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha sar sare ee dowlad goboleedyada Galmudug, kuna aadan xiisadaasi.

Dilkii guddoomiye C/Xakiin Dhegajuun oo la shaaciyey inuu ahaa “dil kas ah”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer-illaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Jeneral Cabdullahi Buulle Kamey ayaa shaaca ka qaaday dilka guddoomiyihii hore ee degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun uu ahaa “dil kas ah.”

Jeneral Cabdullaahi oo caawa la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in arrintaas lagu ogaaday baaritaankii ay sameeyeen guddigii arrintaas loo saaray oo maanta maxkamadda ciidamada usoo gudbiyey warbixinta natiijada baaritaanka.

Waxa uu intaas ku daray in maalinta berri ay shaacin doonaan magacyada ayna sameyn doonaan eedda ka dhanka ah dadka loo haysto dilka, islamarkaana ay muddeyn doonaan maxkamadda.

Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdixaakiim Dhegajuun ayaa 21-kii Janaayo lagu dilay is-rasaaseyn ka dhacday isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho abaare 2-dii aroornimo.

Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa maanta sheegay in Hay’adaha garsoorka dalka ay Shaqadooda qabsan doonaan ayna bilabi doonaan qadiska dacwadda Kiiska uuna rajeeynayo inay Cadaalad heli doonaan Qoyska guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhegajuun.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa yimid maalin kadib markii ay beesha marxuumka ku eedeysay dowladda in kiiska meel la isaga tuuray, islamarkaana lasii daayey qaar ka mid ah dadkii ku eedeysnaa. 

Daawo: Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Galmudug oo u hanjabay Dubbe + Sababta

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaanada Galmudug oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa sheegay inay dhibsadeen hadalkii wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe, kaas oo uu ku shaaciyey in shirkii Afisyooni lagu kala tegay, kadib markii “uu ka socon waayey” madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Waxay ku eedeeyeen in wasiir Dubbe bulshada Soomaaliyeed uu la wadaagay war aan farxad gelineyn, xilli ay dhowrayeen heshiis iyo war ay ku farxaan oo ka soo yeera shirkii madaxda uga socday teendhada Afisyooni.

Odayaasha oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa reer Somaliland ka dalbaday inay wasiir Dubbe ka qabsadaan, iyagoo ku goodiyey in hadii wax ka qabsada ay waayaan ay iska qabanayaan.

“War Somalilaney Dubbe naga ceshada, war Dubbaan ashtako ka nahay, hadii uu yahay nin dad leh, waxaan idinka codsaneynaa inaad naga ceshataan ninkaas, Dubbe waxa uu caadeystay inuu Xamar fidno ka abuuro, shirkii Afisyooni oo socda waakii shir jaraa’id qabtay, muuqaalka habeenkii ayuu soo duubtay sida ay siyaasiyiintu sheegayaan, madaxweynihii iyo madax goboleedyadii oo wada fadhiya ayuu warbahinta ka sii daayey in shirka lagu kala tegay, war reer waqooyiyow ninkaas aad noo soo dirteen naga qabta, waa dacwadii koowaad, wixii tan ka dambeeyana waan iska qabaneynaa,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay.

Oday kale ayaa isna yiri, “Shirarka looga hadlayo doorashooyinka waxa fashilinaya waa wasiir Dubbe iyo kooxdiisa, nimanka ay ku eedeynayaan fashilka shirkaas ee Deni iyo Madoobe waxaan aaminsanahay in aysan wax fashilin, waxaan aaminsanahay inay xaq u dirir yihiin oo ay xaqiiqda ku taagan yihiin.”

Odayaashaan ayaa madaxweyne Farmaajo iyo maamul goboleedyada taabacsan ku eedeeyey inay doorashada diidan yihiin, isla markaana ay ku xad-gudbayaan nidaamka iyo shuruucda dalka.

“Waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyo Farmaajo iyo kooxdiisu wax dana markaan ma hayaan, kuwa wax loo tuur tuurayo, ee taageesan waxaan dhihi lahaa waxaa taageertaan meesha ma joogaan… waxaana rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed u cadeeyey Xamar waxaa xukuma Shabaab, warqadda ay Bu’aale kasoo diraan ayaa Xamar ka shaqeysa, dhibaatooyinkaas oo dhana waxaa ka masuul ah Farmaajo iyo Ilmo Gareen,” ayuu yiri.

Oday kale ayaa sheegay in dowladdu markii horeba aysan diyaar u aheyn in lagu heshiiyo shirarkii Afisyooni, isla markaana ay kas cad u fashilisay, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Hoos ka Daawo

PUNTLAND oo shaacisay in DF ay ‘duulaan dagaal ku tahay’ magaalo ka tirsan

0

Garowe (Caasimada Online) – Wasiirka Qorsheynta Puntland, Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay duulaan dagaal kusoo qaaday deegaano ka mid ah kuwa hoostaga maamulkaas.

Wasiirka ayaa sheegay inuu socdo qorshe aan lagu dhawaaqin, balse ay Dowladda Federaalka muddada ku kordhineyso, taasoo sida uu sheegay ay xiggi doonto caburin iyo in lagu duulo qaybo ka mid ah Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabaa dadweynaha Soomaaliyeed inaan u sheego waxaa cad oo meeshaan la qarinayaa, oo aan horey loo sheegin oo Dowladda Federaalka aysan ku dhawaaqin, laakiin in badan laga hadlay waxa weeye, waxaa meesha ka socda ajande qarsoon oo ah ku darsasho,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Waxaa jirta, waana arki doontaa sababta ay Dowladda Federaalka u diidan tahay heshiiskan inay gasho oo u xagal daacineyso, oo hadba boorka isugu qarineyso wax kale maaha, waxaa weeye ku darsasho.”

Waxa uu intaas ku daray “Waxaa taas barbar socdo marka ku darsashada la sameeyo in caburintii halkaa laga sii wado, dadka Soomaaliyeed-na qori leeskugu dhiibo. Meelaha dagaalka laga wado waxaa ka mid ah Gedo oo ciidamada lagu sii daabulayo.”

Wasiir Xaange ayaa ku waramaya inay xogta ku helayaan inay Dowladda Federaalka duulaan ku tahay Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.

“Waxaa hadda warbixinta nagu soo gaareysaa oo masuuliyiintan qaarkood ka hadleen meelo ka mida Puntland la rabo in weerar laga bilaabo, oo ay lahaayeen ciidamadii ayaa Burtinle la keenayaa. Nasiib-darro Somaliya cid xoog ku juujuubi karta ma jirto,” ayuu yiri Wasiirku.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay doonayaan in dadku ogaado qorshaha socda, isagoo intaa ku daray inaanan Soomaalida la khasbi karin.

“Waxa hadda socdo waa ajande qorsheysan, waxaan rabnaa inay dadku sii ogaadaan qorsheyaasha la qarinayo ee socda. Jujuub Soomaalida cid ku qabsan karto ma jirto.” Ayuu yiri Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Qorsheynta Puntland.

Dhowaan, ayaa xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo aad ugu dhow Farmaajo waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay ku dhow yihiin Burtinle ayna soo qaban doonaan Senator Cabdiraxmaan Faroole, sida uu hadalka u dhigay.

Maxaa laga fahmay warqadii ay dowladda u dirtay QM?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay warqad ka koobneyd dhawr qodob ah u dirtay Golaha Ammaanka QM, waxeyna kaga digtay faragalin lagu sameeyo doorashada dalka.

Warqadda ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble loogu wareejiyay amniga doorashada dalka, inkasta oo aan faah-faahin laga bixin, ayada oo qodobkan uu ahaa mid ka mid ah arrimaha ay isku hayeen dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Warqaddii ay dowladda dirtay ayaa siyaabo kale duwan loo fahmay iyadoo dadka siyaasadda taxliiliya ay arrimo dhawr ah ku sifeeyeen.

Xeel-dheerayaasha qaar ayaa ku macneeyey inay ka turjumeyso rabitaanka madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ah inuu dalka ka qabto doorasho aan loo dhameyn, oo aysan heshiis ku aheyn dhinacyada Siyaasadda, islamarkaana aysan jirin cid ka hadli karta.

Sidoo kale xubnaha beesha caalamka ee ku sugan Soomaaliya ayaa aad ula yaabay warqadii ka timid Villa Soomaaliya xilli ay sugayeen iney teendhada kusoo celiyaan madaxda Soomaalida, balse warqadda dowladda ayaa loo fahmay inay xirtay wadahadal dambe oo lala galo Axmed Madoobe iyo Deni.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waxaa miiska u saaran in laga wada hadlo awoodaha madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday, amniga guud ee dalka iyo ka qeybgalka shirarka ee saamileyda siyaasadda.

Filashada laga qabo in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho la isla ogol yahay ayaa sii yaraaneysa, waxaana muuqata in hogaamiyayaasha Soomaalida uu qof walba ku dhagan yahay qodobadiisa.

Iyadoo ay taasi jirto ayey hadana beesha caalamka si weyn ugu cel-celisay ineysan ogolaan doonin doorasho hal dhinac ah, kuwa isbarbar socda iyo muddo kororsi intaba.

Waxaa muuqata in madaxda Soomaalida aysan wax tanaasul ah ka muuqan, taasna waxey dheereyn kartaa rajada laga qabo iney dhacdo doorasho la wada ogol yahay.

Shir dhexmari lahaa madax goboleedyada iyo Farmaajo oo baaqday + Sababta

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta la filayay in madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay dib ugu laabtaan teendhada Afisyooni, balse sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo, waxaa baaqday kulankaas.

Dowladda Federaalka ayaa dhawaan sheegtay in wadahadalladii socday ay burbureen, halka labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay beeniyeen warka ay dowladda faafisay.

Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ka dhawaajiyay ineysan ogeyn meel uu ku baaqday shirka, isla markaana ay diyaar u yahiin wakhti walba iney dib ugu laabtaan teendhada Afisyooni.

Maanta ayaa la filayay iney madaxda dib ugu laabtaan teendhada Afisyooni islamarkaana ay sii wadaan wadahallada dhexdooda ah, kana arrinsadaan sidii la isugu imaan lahaa shir weyne looga heshiinayo hanaanka doorashooyinka.

Si kastaba, dowladda oo markii hore beesha caalamka ka ogolaatay in kulan uu maanta dhaco ayaa lagu warramayaa inay xilli dambe sheegtay inaysan ka qeyb-gali karin, mana soo sheegin wax sabab ah oo ay sidaas u sameysay.

Baaqashada kulanka maanta ayaa imaneysa ayada oo dowladda ay shalay u dirtay Golaha Ammaanka QM digniin ku aadan inay faraha kala baxaan arrimaha doorashada Soomaaliya, taasi oo loo fasirtay inaysan dowladda diyaar u aheyn wada-hadal dambe.

Madaxweyne Farmaajo iyo xulafadiisa ayaa la rumeysan yahay inay mar hore go’aan ka gaareen ka qeybgalka shirkii ka socday Afisyooni, mana jirto ififaalo muujinayo in mar kale shir la isugu imaan karo.

Maxaa keenay in amniga doorashooyinka dalka lagu wareejiyo R/W ROOBLE?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday amniga doorashooyinka dalka ka dhacaya lagu wareejinayo ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee Mudane Maxamed Xuseen Rooble, sida ay lagu sheegay qoraal ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya u dirtay golaha ammaanka ee QM.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha uu hoggaamin doono guddiga ee ka shaqeynaya doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya.

Sababta amniga loo hoos geeyey amniga Rooble ayaa sidoo kale lagu sheegay, si loo xalliyo cabashada dhanka ammaanka ee ka taagan doorashooyinka dalka.

“Cabashada ammaanka doorashada si loo xalliyo, dowladdu waxay xaqiijinaysaa in Guddiga Amniga Doorashada Qaranka uu hoggaankeeda qaban doonno Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo la wareegi doona xalka arrimaha amniga.” ayaa lagu yiri warqaddda loo diray QM.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, xilli musharraxiinta mucaaraadka, maamullada Jubbland iyo Puntland ay horey u shaaciyeen in amniga doorashooyinka dalka aan lagu aamini karin madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa waxaa hareeyey is jiid-jiid u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada qaar, iyada oo lagu kala tegay wada-hadalladii ugu dambeeyey ee ka socday Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

QARAX is-miidaamin ah oo ka dhacay BAYDHABA

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in goor dhow qarax is-miidaamin ahaa uu ka dhacay gudaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyey ruux isku xiray walxaha qarxa, kaas oo dhex-tegay goob lagu shaaxo ay oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin, askar iyo shacab.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxan la doonayey in lagu khaarijiyo guddoomiyaha gobolka Baay Cali Wardheere Dooyow oo meesha uu ku sugnaa, walow uu ka bad-baaday qaraxa.

Qoraal kasoo baxay Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxan ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 2 qof oo uu jiro is-miidaamiyihii fuliyey, iyada oo ay ku dhaawacmeen 5 kale.

“Saaka barqadii abaare 11:15 AM, ayaa Qof Naftii-halige ah isku qarxiyay Maqaayad laga shaah cabo oo lagu magacaabo SUWEYS Cafetary ka soo horjeedka SALAAD JEERI Tower Xaafada  Bardaale ee Magaalada Baydhabo, qaraxa ayaa sababay dhimashada 2 qof,  dhaawaca 5 kale, Iyo burburhantiyed” ayaa lagu yiri qoraalka taliska Booliiska.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay iyo baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka K/ Galbeed.

Puntland oo war cusub kasoo saartay shirka doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal cusub oo ka soo baxay maamulka Puntland ayaa waxaa looga hadlay shirka arrimaha doorashooyinka ee Afisyoone, kaas oo uu fashil ku yimid todobaadkii hore, sida ay shaacisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Afhaayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Daparani oo war kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ugu baaqay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday inuu kusoo laabto shirka Afisyoone, si loo sii amba-qaado wada-hadallada ku aadan doorashooyinka dalka.

Jaamac Daparani ayaa tilmaamay in Puntland ay weli diyaar u tahay inay sii socdaan dadaallada xalka looga gaarayo muranka hareeyey doorashooyinka 2021-ka.

Sidoo kale afhayeenka ayaa  intaasi ku daray in weli ay fadhiyaan gogosha, wuxuuna ka dalbaday Farmaajo in uusan fashilin wada-hadallada doorashooyinka dalka.

“Waxa aan ugu baaqeyna Madaxweyne Farmaajo in uu gogosha kusoo laabto oo uusan  fashilin Shirka Afisyooni, Anagu weli gogosha ayaan fadhinaa, wadahadalka ha fashilin ee kusoo laabo mudane miiska wadahadalka,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, xilli lagu kala kacay shirkii gogol xaarka u ahaa wada-hadallada doorashooyinka ee Afisyoone, kadib markii madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland ay isku fahmi waayee qodobada qaar ee miiska saaran, kuna aadan sida loo wajahayo shirka guud.

SACIID DENI oo shaaciyey laba qodob oo DF ay aad u diidan tahay inay ogolaato

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ee waqtigeeda dhamaaday tan iyo markii la doortay qorshaheeda koowaad inuu ahaa in la kala dhantaalo dowladdaha xubnaha ka ah federaalka damaceeda dhabta ahna uu ahaa in la burburiyo maamulada jira.

Deni oo wareysi siiyey Dalsan TV ayaa ku amaanay dowladdii hore ee Xasan Sheekh heshiisyadii iyo qodobada ku saleysan federaalisimka inay hirgelisay, balse cunaha la qabtay, wuxuuna tilmaamay in Xasan Sheekh uu ku guuleystay in guud ahaan maamulada dalka dhiso, marka laga reebo Somaliland oo gaar ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdii Xasan Sheekh ee KMG-nimada dalka ka saartay kana shaqeysay in kheyraadka dalka la qeybsado.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha murugsan ee doorashada iyo shirarkii maalmihii lasoo dhaafay ugu socday Muqdisho madaxda maamulada iyo madaxweynaha mudu xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa faah-faahiyay laba qodob oo dowladda federaalka aysan jecleysan islamarkaana keentay sababta ay u shaacisay inuu fashilmay shirkaasi, labadaasi sabab oo maamul ahaan u arkaan inay noqon doonaan daawo dhayeyso booggaha jira iyo shakiga ay qabaan.

labadaasi qodob ayuu ku sheegay in ay kala yihiin in dowladdu ay shar u aragtay in shirka looga hadlayo doorashada lagu casuumo madaxdii hore ee dalka gaar ahaan Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh iyo qodobka kale ee ah in beesha caalamka goob joog ka ahaado furitaanka shirka, waxaana raaca qodob kale oo qeexaya sugitaanka amniga doorashada maadaama uu sheegay inaysan jirin kalsooni shaki badana uu jiro kadib dhacdadii 19-kii Febraayo.

“Qodobka ugu cuslaa ee dowladdu diiday waxay tahay in maalmaha furitaanka shirka lagu casuumo dad Soomaaliyeed oo saameyn ku leh dalka iyo dadka, inay madaxda Soomaaliyeed kala qeyb galaan shirka si ay bulshada Soomaaliyeed ugu tebiyaan in doorashadaani tahay mid xalaal ah oo jawi fiican ku dhacda. Si gaar ah waxay u diidanaayeen labadii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed oo ka tirsan golaha murashaxiinta, in ay yimaadaan oo la dhageysto maadaama ay qabaan tabasho iyo xadgudubyadii 19-kii Febraayo dowladdu kula kacday madaxdaasi, imaatinkoodana wuxuu daawo u noqon lahaa in la dhageysto. Iyo qodobka kale oo ah in beesha caalamka oo Soomaalida ku dhex wareertay, oo dowladdu diiday inay kulamada kasoo qeybgalaan, sababtana ma garan karo,” ayuu yiri Deni oo tilmaamay in beesha caalamka gacan weyn ku leeyihiin doorashada oo dhaqaale ay ku bixinayaan.

“Waayeel caanaha hortiisa ayaa lagu barxaa,” ayuu yiri Saciid Deni oo dalbaday in dowladdu ee waqtigeeda dhamaaday wax badan qarineyso, isagoo ku adkeystay in shirka uusan fashilmin, heshiis buuxa oo dadka Soomaaliyeed iyo dalka maslaxadiisa ku jirta in lagu gaari doono.

Madaxweynaha Puntland wuxuu kaloo wareysigiisa uu ku difaacay dadaallada iyo dhex-dhexaadinta beesha caalamka ka wado arrimaha doorashada lagu murunsan yahay, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay xubnaha UN-ka, door weyna ay ku laheedahay arrimaha Soomaaliya iyo dadka kala aragtida duwan.

“Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego in UN-ka iyo Midowga Africa ma ahan dal shisheeye, Soomaaliya xubin ayay ka tahay Qaramada Midoobay iyo AU marka caalamkaa ka tirsanahay, ma nihin dad caalamka ka baxsan, shaqada ay gudanayaanna waa shaqadoodii ay annaga noo hayeen, laakin siyaasadda marar badan la alifaayo dadka lagu marin habaabinaayo laga dhigaayo in shisheeye gacanta nala soo galay, arrintaasi arrin jirta ma ahan dadkana in lagu marin habaabiyo ma ahan, dad faquuqan ama bulsho meel gaar ah degan ma nihin, maantana anagaa ugu fakhri badan caalamka,” ayuu yiri Saciid Deni.

Saciid Deni ayaa beeniyay in magaalada Muqdisho uu ku joogo culeys iyo amar beesha caalamka saartay inuusan bixi karin ilaa heshiis ay gaaraan madaxda Soomaalida.

“Anigaa Muqdisho imid, waxaana u imid danta ummadda Soomaaliyeed, waana u joogayaa ilaa ay ka dhamaaneyso, cid i fartayna ma jirto, cid aan ugu tegaayo danta iyo shaqada aan leeyahay ma jirto meelnana uma socdo, markeey ii dhamaatana meeshii aan shaqada ka lahaa iyo xafiiskeyga ayaa ku noqonayaa,” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweyne Deni ayaa carabka ku adkeeyay in aysan jirin cid gaar ah oo is hayso balse laga wada hadlaayo danta qaranka oo aysan jirin cid gaar ah oo danta qaranka leh, ujeedadiisana ay tahay “Sidee dalka Soomaaliyeed jiho loogu yeelaa aan hadhow hurgumo iyo is-qabqabsi ka imaan nidaamkii lagu heshiiyayna weesac ay ku jirto.”

DF oo shaacisay in si qaldan loo fasiray qoraalkii ay kasoo saartay shirka Afisyoone

0

Muqdisho (Caasiimada Online) – Wasiir kux-igeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in fasiraado khaldan laga bixiyay warkii ay Dowladda Federaalka ku sheegtay inuu burburay shirkii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Wasiir Kuxigeenka ayaa sheegay in hadafka Dowladda Federaalka uu ahaa inay ummadda Soomaaliyeed ku wargeliso in wadahadalada ay curyaamiyeen Madaxda Puntland iyo Jubbaland.

“Fasiraado badan oo khaldan ayaa laga bixiyay warkii ay Dowladda Soomaaliyeed sii deysay. Warka dowladda ay sii deysay wuxuu ahaa dadka Soomaaliyeed dowladda waxay ka suggayeen in ay dalka doorasho u dirto, oo dalka uu doorasho aado iyo dowladaha xubnaha ka ah. Waqti badan ayuu qaatay, jahwareer badan ayaa abuurmay, waxaan ka fursan weynay oo ku khasbanaanay in dadka Soomaaliyeed aan u sheegno meesha ay caqabaddu ka jirto, oo ah Jubaland iyo Puntland madaxdoodii inay diidan yihiin,” ayuu yiir Wasiir Alcadaala oo ka qayb qaadanayay dood ka baxday BBC Somali.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubaland, Xirsi Jaamac Jaani oo doodda ku wehlinayay Wasiir Alcadaala ayaa dhankiisa sheegay inay Dowladda Federaalka tahay midda diidan in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka ee dalka.

“Shalay ayadoo la yiri hala soo wada tashto, sidii laba maalmood markuu shirka socdayba loo yiri ayuu Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday jeediyay, ka dibna intii aanba guryaha la tagin ayaa waxaa soo baxay cajalad la shiday, oo ah inuu shirkii burburay,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubaland.

Waxa kaloo uu sheegay in ujeedada shirka loo burburinaya ay tahay Villa Somalia oo dooneyso inay sameyso muddo kordhin aan sharci ahayn.

“Meesha ay shirka u burburinayaan iyo danta ay ka leeyihiin, waxaa meeshaan yaala oo calaamado waaweyn u yihiin inay raadinayaan muddo kororsi, oo ummadda Soomaaliyeed inay qalqalgeliyaan, amniga intii yareyd ee lagu soo dhaqmay iyo intii yareyd ee dhismaha dowladnimada la soo saan saaray inay u jeedaan, waxaana cadayn u ah inay taa doonayaan intii shirkaasi socday Baarlamaanka mar walba la kulminayay, oo cadaadiska laga dhigayay muusan kulmin, marka waxay rabaan in muddo kordhin la taggo, wax sharciyada lahayn.”

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa ku guuldareystay inay dalka ka qabtaan doorasho wada ogol ah, waana xilli uu dhammaaday muddo xileedka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, doorashadana ay muddo dhaaftay.

Musharrax Daahir Geelle oo farriin culus u diray Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka midowga musharraxiinta mucaaradka oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan fashilkii ku yimid wada-hadallada doorashada ee ka socday xerada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Geelle ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay dib ugu soo laabato miiska wada-hadalka, si xal waara looga gaaro khilaafka hareeyey doorashooyinka 2021-ka.

Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweynaha oo laga doonayey inuu xalka raaadiyo uu ka kaco fadhiga, halkii laga rabay inuu wanaajiyo hoggaamintiisa.

“Dowladda iyadaa gogosha naga laabatay, waxaana rabnaa in ay nala hadlaan oo ay nala heshiiyaan Madaxda xafiiska joogta, Dowladdu xal baa laga rabaa balse ma ahan in ay dhahdo fadhiga waa lagu kala tagay, Madaxweynuhu ma ahan in fadhiga uu ka kaco balse waa in uu raadiyaa xalka, xalka wanaagsan waa in hoggaanka wax wanaajiyaa,” ayuu yiri.

Musharrax madaxweyne Daahir Maxamed Geelle oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay dantu ku jirto inay sii socdaan wada-hadalla, si xal looga gaaro doorashooyinka dalka.

“Haddii wadahadal culeys ku yimaada dalkana uu yahay mid dhibaato ka taagan tahay xalku waa in la isugu laabto, waana arrin dabiici ah in la is qabto balse muhiimadda ayaa ah in xal lagu dhammeeyo waxyaabaha sababay kala tagga, si looga fogaado kala tag horleh,” ayuu markale yiri afhayeenka golaha midowga musharraxiinta mucaaradka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo lagu kala kacay shirkii ka socday Teendhada Afisyoone ee looga arrinsanayey hannaanka doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021.

Beesha gugdoomiyihii la dilay ee degmada Hodon oo go’aan culus soo saartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha uu kasoo jeedo Guddoomiyihii degmada Hodon Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) oo bishii Janaayo lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa dalbatay cadaalad, iyadoo baaq culus u dirtay madaxda dowladda.

Shir ka dhacay magaalada Muqdisho ayay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Ceyr ee Habargidir ku caddeeyeen in muddo saddex bilood ah kadib dilkii guddoomiyihii degmada Hodon aanu wax cadaalad ah helin, dadkii loo qabtayna qaarkood la sii daayey.

Odayaasha ayaa sheegay in ay la kulmen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha oo ay dalbadeen cadaalad, laakiin aan kiiskan waxba laga qaban, iyadoo mas’uuulka la dilay aanay cid kale dilin ee laba taliye saldhig boolis iyo ciidamo ay wateen dilkiisa ka dambeeyeen.

Waxay sheegeen in marxuum Cabdixakiim uu waayey cadaalad, beeshuna shireyso, ayna doonayaan cadaalad degdeg ah, iyagoo diray digniin culus oo ay ku sheegeen in si kas ah loo dilay, kuna dhintay fagaare, dilkiisuna ahaa qorshe ayna dileen laba taliye saldhig

Hay’adaha amniga ayaa dilka guddoomiye Cabdixakiin u xiray taliyeyasha saldhigyada booliiska degmooyinka Howlwadaag, Gaashaanle Shucayb Cabdi Maxamuud iyo Waaberi, Gaashaanle Maxamed Cabduqaadir Mooshin, waxaa kaloo loo xiray 7 askari oo ku sugnaa bartii lagu dilay guddoomiyaha.

Warbixin lasoo dusiyey ayaa lagu sheegay in guddigii baarayay kiiska dilkii Cabdixakiin Dhagajuun ay kiiska ka dhigeen inuu ahaa mid shil ah, islamarkaana ay eeda ka saareen taliyaha saldhigga Waaberi iyo laba ka tirsan ilaaladiisa oo degdeg loo sii daayey, halka ay ku eedeeyeen taliyihii saldhiga Howlwadaag iyo 7 askari oo kale.

Guddiga kiiskan baaray ee ka kala yimid xeer illaalinta ciidamada, booliska iyo NISA ayaa warbixintooda ay abuurtay xaalad kale iyo shaki ku saabsan xaqiiqada waxa dhacay iyo dilka guddoomiyihii degmada Hodon.

Kiiskan ayaa ka mida mas’uuliyiin ku maqan gacanta ciidamada dowladda oo ana weli cadaalad helin. Beesha uu kasoo jeedo Marxuum Cabdixakiin Dhegajuun ayaan ka harin kiiskan oo digniintan soo saartay.

Hoos ka daawo go’aanka beesha

Xigasho: Goobjooge.net

QARAX khasaare geystay oo ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa oo nocoa miinada ee dhulka lagu aaso ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaano Biyo-Dega Heliwaa, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu qabsaday gaari nooca raaxada ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho & dhaawac.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan labo qof oo shacab ah oo wadada marayey ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyada oo uu dhaawac culus soo gaaray wadaha gaariga qaraxa lala beegsaday.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan, qaraxyo iyo dhac xilliyada habeenkii ah loo geystay shacabka.

DF oo Golaha Ammaanka u dirtay warqad digniin culus oo la xiriirta doorashda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay u dirtay Golaha Ammaanka QM uga digtay inay faro-gelin ku sameeyaan arrimaha doorashada Soomaaliya.

Qoraalkan oo uu ku saxiixan yahay wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdirisaaq ayaa jawaab u ah hadal ay 31-kii March jeedisay madaxweynaha Golaha Ammaanka, ahna danjiraha Mareykanka ee QM Linda Thomas-Greenfield, taasi oo aqrisay bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka.

Qoraalka ay aqrisay Linda Thomas-Greenfield ayaa Golaha Ammaanka wuxuu walaac uga muujiyey is-mari waaga doorashada Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada inay wada-hadallo deg deg ah isugu yimaadaan ayada oo aan wax shuruud ah lagu xirin.

“Iyada oo tixraaceysa hadalladii ay 31-kii March jeedisay madaxweynaha xilka kasii degaya ee Golaha Ammaanka Mrs. Linda Thomas-Greenfield, dowladda federaalka waxay qadarin iyo mahad-celin u muujineysaa fikradaha lasoo jeediyey, taageerada fog ee xubnaha Golaha Ammaanka ee horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya iyo qadarintooda ku aadan madax-banaanida, sharafta dhuleed, midnimada iyo madax-banaanida siyaasadeed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda ayaa intaas ku dartay inay ku war-gelineyso Golaha Ammaanka in arrimaha doorashada ay yihiin kuwa ay yaalla Soomaaliya, oo aysan shaqo ku lahayn cid kale.

“Doorashooyinka qaranka Soomaaliya, si la mid ah dal kasta oo madax-banaan waa arrin qaran, oo ay maamulaan islamarkaana go’aan ka gaaraan hay’adaha qaranka, sida uu qabo Xeerka No.30 ee uu meel mariyey baarlamanka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Dowladda federaalkaa ee Soomaaliya waxay u aragtaa faro-gelin kasta oo jilayaal dibedda ah ku sameeyaan hanaanka doorashooyinka qaranka inay tahay faro-gelin toos ah oo lagu sameynayo arrimaheena gudaha, taasi oo jebineysa qaraarada Golaha Ammaanka, xeerarka caalamiga ah iyo sharciyada.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale qoraalka ku caddeysay in amniga doorashada dalka uu mas’uul ka yahay Gudiga Amniga Qaranka ee Doorashooyinka ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaaraha.

Hoos ka aqriso warqadda