Ismaaciil Cumar Geelle ayaa helay 98.5% codadkii la dhiibtay ama guud ahaan 167,535 cod, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Muumin Ahmed, halka Sakariya Ismaaciil Faarax uu helay kaliya 1.5%
Murashaxa la tartamayay Mr Geelle ayaa diiday Jimcihii inuu codkiisa dhiibto isagoo ka cabanayay qaabka kooxda doorashada qaabilsan ula dhaqmeen.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa doorashaddiii ugu horeysay ee Jabuuti ku guuleystay 1999 iyadoo xiligaasina aysan jirin cid kula tartantay, wuxuuna xukunka madaxtinnimada kala wareegay madaxweynihii ugu horeeyay ee Jabuuti Xasan Guulleed Abtidoon oo abti ahaan ugu aadan Ismaaciil Cumar Geelle.
Mucaaradka iyo shacabka Jabuuti ayaa ku eedeeya Ismaaciil Cumar Geelle hoggaamiye aan ogoleyn nidaamka xisbiyada badan ee doorashada iyadoo dadku ka cabtaan caburin iyo xarig sharciga aan waafaqsaneyn.
“Aad baan uga xumahay, waana nasiib darro inaan ka maqlo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Omar Filish isago leh Puntlandiyo Jubaland waxay dhaheen Dowladda ha la kala diro! Warkaasi war masuul maahan, waana been cad! Awoodaha DFS ee wakhtigu ka dhammaaday Ajendaha ha lagu daro oo keliya ayuu ahaa qodobku, waana mid la mid ah tii uu sameeyay Madaxweynihii ka horeeyay Farmaajo,” ayuu soo qoray Jaamac Dabaraani.
“Doorashada inay qabsoonto oo si xalaal ku qabsoonto waxaa looga fadhiyaa dowladda Federaalka, dowladda waa qabaneynaa diyaar u nahay taagan tahay, kuwa kale waxay taagan yihiin maba la qabanaayo, illaa qodobkan aniga la ii fuliyo, waa in danteyda aan hela, haddii kale maba la qabanaayo,” ayuu yiri Cumar Filish
Gudoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu ka mid yahay xubnaha aan qarsan iney gadaal ka joogaan madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidoo kalana wuxuu ka mid yahay xubnaha warbaahinta la hadla marka ay jiraan waxyaabo liddi ku ah dowladda wakhtigeeda dhamaaday.
Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa markii u horeysay ka hadlay caqabadaha hortaagan in xiligan ay dowladda federaalka daabacato lacag cusub.
Beyle ayaa sheegay in daabacada lacagta ay dadaalo ugu jireen tan iyo markii uu xilka qabtay oo ku siman Afar sanno ka hor, islamarkaana ay xanuun badan ku hayso in ilaa hadda aysan ku guuleysan daabacada lacagta cusub ee dalka.
Waxa uu is-dul-taagay in arrinta daabacada lacagta ay ilaa hadda hortaagan tahay in si sax ah loo jaangooyo cadadka lacagta, aqbalaada shacabka iyo dowladda goboleedyada, sidoo kale waxa uu xusay in ilaa hadda ay dhiman tahay in heshiis lala galo Shirkaddii loo dhiibi lahaa ee daabici laheyd.
“Soomaaliya waa ku ceeb in ay daabici wayso lacag, waana xannuun weyn oo nagu taagan, ilaa maalintii aan halkaan imid oo Afar sano laga jooga dadaal ma yareysan, waxaana dhiman in aan Shirkad u dhiibno si ay usoo saarta,” ayuu yiri C/raxmaan Beyle.
Waxa uu intaas sii raaciyey hadalkiisa “Waxaa kale oo yaalla ma aqbali doonaan dadka iyo Dowlad-Goboleedyada, imise ayay dhan tahay, maxaase nooga baxaya dabcan xal ayay u baahan yihiin su’aalahaas.”
Beyle ayaa ugu dambeyntiina carabka ku adkeeyay in ka fikir badan ay u baahan-tahay tirada la daabacayo iyo qaabka loo meel-marinayo lacagtaas una bedeli laheyn tan hadda shaqeysa oo silac badan ka muuqdo
Baydhabo (Caasimada Online) – Sheekh Aweys Cabdullaahi oo ah xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaankii Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadlay dilka loo geystay labo caruur ah oo uu dhalay, kuwaasi oo shalay meydadkooda laga helay duleedka magaalada Baydhabo.
Aabo Aweys ayaa falkaasi ku tilmaamay ‘mid fool-xun oo la abaabulay’, wuxuuna laamaha amaanka ka codsaday in sida ugu dhaqsaha badan cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka caruurtiisa.
Caruurta la dilay oo lagu kala magacaabi jiray, Cabdimuni Sheekh Aweys Cabdulahi iyo Aamina Sheekh Aweys Cabdullahi ayaa waxay kala ahaayeen 7-jir iyo 9-sano jir, waxaana iyaga oo gowracan la soo dhigay xaafada Suuqa-Xoolaha ee magaalada Baydhaba.
“Ilaahay wixii uu qadaray raali ayaa ka nahay, wixii ilaahay xukumo uu qaddaro anagana raali ayaa ka nahay, waxaan dalabanayaa in cadaalada la mariyo cidii ka dambeysay dambigaas, wana u mahad-naqayaa dadkii igala qeyb qaatay duugistii caruurta yar,” ayuu yiri Aweys oo la hadlay idaacada VOA-da.
Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa shalay shaaciyey in kiiska caruurta ay ka warheleen 7-dii bisha oo aheyd maalinkii Arbacada, islamarkaana ay baadi-goob dheer kadib ay 8-dii bishan heleen meydka caruurta.
“Warbixinta oo la soo gaarsiiyay Boliiska ayaa sababtay in la galiyo diiwaanka, baafinta Boliiska iyo idaacadaha Magaalada Baydhabo. Saaka 08th-Apr-2021, ayaa markale Boliisku ka warheleen in meydka caruurta oo gowracan la soo dhigay Xaafada Suuqa-Xoolaha ee Magaalada Baydhaba,” ayaa lagu yiri qoraalka shalay kasoo baxay taliska.
Dhacdadaan oo ah mid ugub ah ayaa waxay laamaha amaanku shaaciyeen in lasoo qabtay dad ay ku tuhunsan yihiin falkaas, waxaana weli socota baarista dilkaan oo dadka magaalada Baydhabo ku abuurtay wal-wal iyo walaac aad u xoogan.
London (Caasimada Online) – War goordhoweyd kasoo baxay qasriga boqortooyada UK ee Buckingham ayaa lagu shaaciyey geerida Prince Philip oo ahaa ninka qaba Boqoradda UK Queen Elizabeth II.
Amiir Philip ayaa geeriyooday asagoo jira 99-sanno, wuxuuna boqoradda oo xilligaas ahayd Princess Elizabeth guursaday sanadkii 1947-kii, shan sano ka hor inta aysan noqonin boqorad.
“Waa murugo qota dheer in Boqoradda ay ku dhawaaqdo geerida seygeeda ay jecleyd, Prince Philip, oo ahaa amiirka Edinburgh. Amiirka darajada boqortooyo leh waxa uu u geeriyooday si nabad ah isagoo ku sugan Windsor Castle,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay qasriga Buckingham.
Philip oo ahaa amiirka Edingburgh ayaa waxa lasoo warinaya in uu afar toddobaad ku qaatay isbitaal horaantii sanadkan si uu u helo daaweyn caabuq iyo inuu baaritaano wadnaha, ayada oo ugu dambeyntiina uu ku laabtay Windsor horraantii Maarso.
Prince Philip iyo Elizabeth II ayaa waxay isku dhaleen far carruur ah, 8-deed carruur ahna waxaa sii dhalay ilmahooda, halka 10 kale ay iyagu sii dhaleen.
Geerida Philip’s ayaa waxaa si qiiro leh uga tacsiyadeeyay ra’iisal wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson oo sheegay in lagu xasuusan doono garab istaagii Boqorada iyo Boqortooyadaba, isagoona ku amaanay garab istaagii Elizabeth II.
Prince Philip oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Giriigga ayaa Boqor George VI waxa uu 20-kii bishii November ee sanadkii 1947-kii ku sharfay xilka ku biirista boqortooyadiisa maalintii ugu horreysay ee xafladdii arooskiisa, waxaana markiiba loo magacaabay inuu noqdo Amiirka Edinburgh, Merioneth iyo Greenwich.
Waxa uu ku guuleystay inuu doorkiisa u adeegsado waxtar badan oo uu kusoo kordhiyay nolosha Britain iyo in uu qaatay kaalinta uu ku caawinayay Boqortooyada si ay isbadallo badan u sameyso sannadihii ay jirtay.
Sida la rumeysan yahay guushii ugu weyneyd ee uu gaaray shaki la’aan waxay ahayd sida joogtada ah ee uu hiil iyo hoo ula garab taagnaa boqoradda oo sannado badan xilka heysay.
Waxa uu aaminsanaa inay shaqadiisu ahayd, sida uu u sheegay qoraagii taariikhdiisa, “Inuu xaqiijiyo in Boqoraddu ay xilka heyso”, waxayna dhowr jeer Boqoraddu ku ammaantay inuu ahaa awoodda iyo taageeradeeda dhammaan sannadihihii ay wada joogeen.
Prince Philip ayaa sidoo kale waxa uu noqonayaa, islamarkaana uu ahaa seygii ugu waqtiga dheeraa ee abid inta la xasuusto soo mara boqortooyada taariikhda Britain.
Warbaahinta dowladda ayaa sii deysay Arbacadii muuqaal lagu tuhmay inuu yahay mid horay loo duubay oo ay dowladda kaga hadashay fashil ay sheegtay inuu ku yimid shirkii ka socday teendhada Afisyoone, wuxuuna madaxda Puntland iyo Jubaland ku sifeeyay kuwa “jid iyo jiho-diid ah” oo aan ogoleyn wax doorasho ah.
Saciid Deni ayaa nasiib darro ku tilmaamay in hadalkaas loo adeegsado, wuxuuna hoosta ka xariiqay in la isaga hari doonin, balse wuxuu ka gaabsaday tallaabada ay qaadayaan.
“Walaahi eraygaas jid iyo jiho-diid ah waxyaabaha aan sheegayey ee cabsida abuureysa qeyb kamid ah waaye. Aniga waxaan u dhadhansanayaan dhiigiinaa baneysaneynaa macnaheedu waaye. Maxaa yeelay waa kalmadihii Shabaabka lagu yaqaanay,” ayuu yiri Saciid Deni oo su’aalo lagu weydiinayay barnaamijka awoodda 5-aad ee TV-ga Dalsan.
Wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay: “Marka in annaga Shabaab nagula sifeeyo oo uu wasiir Dubbe yiraahdo, runtii arrin la isaga hari doono ma ahan. Qoraalkana way ku taalay dowladda federaalka ahina way xigatay. Fahamka uu bixinayo erayga waa macno khatar ah.”
Sidoo kale madaxweyne Saciid Deni wuxuu sheegay inuusan ogeyn shir burburay, islamarkaana ay diyaar u yahiin ka qeybgalka wadaxaajoodyada la filayo iney kasii socdaan teendhada Afisyooni.
Beesha caalamka mar kale ugu baaqday in la isku soo laabto iyadoo dowladda sheegtay in shirka burburay, balse madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland waxey sheegeen iney wali diyaar u yahiin shirka inuu sii socdo.
Aw-dheegle (Caasimadda Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyey saraakiisha, Saraakiil xigeenka iyo dhammaan askartii ka qeyb qaadatay “jabkii xoogaanaa ee dhawaan maleeshiyada Al-Shabaab loogu geystay” saldhigyada ciidamada Dowladda ee Aw-dheegle iyo Bariire.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yusuf Raage ayaa ka qeyb galay xafladda dalacsiinta oo maanta ka dhacday Aw-dheegle, waxaana saraakiisha, saraakiil xigeenka iyo askartii ka qeyb qaadatay dagaalkaas la dalacsiiyey min hal darajo.
Saraakiisha iyo ciidamada la dalacsiiyey ayaa dhammaantood waxay ka kala tirsan yihiin Ciidamada guutada Gorgor iyo kuwa 14 October.
Kooxda Al-Shabaab ayaa 3-dii Bishaan April waxay dagaal kusoo qaaday saldhigyada ay ciidamada Dowladda ku leeyihiin Aw-dheegle iyo Bariire, waxaana halkaas kasoo gaaray khasaaro xoog leh.
General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Al-Shabaab looga dilay dagaalkii Awdheegle oo kaliya wax ka badan 100 askari isla markaasna Shabaab loo dhigay cashir aysan hilmaami doonin, sida uu hadalka u dhigay, inkastoo Shabaabna ay guul ka sheegatay weeraradaas.
Saldhigyada la weeraray ee Awdheegle iyo Bariire ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, gaar ahaan Guutooyinka Gorgor iyo Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ee Ururka 60aad oo horay deegaanadaas loo geeyay.
Halkaan hoose ka daawo sawirada xafladda dalacsiinta
“LeadNow! wuxuu aad uga xunyahay in Dowladda Federaalku ay ku dhawaaqdo inuu burburay shirkii hor dhaca ahaa ee u socday Madaxda Dowladda Federalka ah iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah DF ee ka socday xarunta Afisyooni, iyadoo dhanka kale Dowladaha Puntland iyo Jubaland ay sheegeen in aysan ogayn shir burburay oo ay diyaar u yihiin in wadahadalladu sii socdaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.
War-saxaafadeedkan ayaa intaas ku sii daray, “LeadNow! waxay nasiib darro u arkaan in uusan jirin ilaa hadda heshiis siyaasadeed oo dhinacyadu gaareen, iyadoo uu dhamaaday muddadii xil haynta Madaxda Dowladda Federalka. LeadNow!”
LeadNow ayaa sheegay inaysan aqbali karin wax kasta oo keeni kara in dalkaan lagu celiyo mugdi iyo burbur muddo soo daashaday, hindise iyo xeelad kasta oo lagu doonayo in dowladda hadda joogta ku samaysato muddo kordhin, doorasho hal dhinac ah oo aan loo dhamayn, doorashooyin is barbar yaac ah.
Dhaq-dhaqaaqa LeadNow ayaa yiri “Waxaan ugu baaqeynaa madaxweyanaha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu dib ugu soo laabto shirkii hordhaca ahaa ee u socday dhinacyada iska soo horjeeda si halkaas looga sii wado wadahadallada ku aadan sidii loo gaari lahaa doorasho loo dhanyahay. Madaxweynuhu waa masuulka ugu sareeya Qaranka, waana masuuliyaddiisa in dalka doorasho ka dhacdo uuna ka fogaado wax walba oo dhaawici kara midnimada dalka iyo dadka.”
Intaas kadib agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku lifaaqay bayaanka LeadNow!, kuna weeraray LeadNow!.
“Soo jeedintiina ah in madaxweyne Famaajo uu xagal-daacibayo wada-hadallada doorashada waa mid aan loo qiil dayin. Horay ayaan u aragnay ujeedooyin siyaasadeed oo kuwan lamid ah oo guracan. Bulshada rayidka kaalin muhiim ah ayey cayaartaa xilliyada oo kale, waxaana idin weydiisaneynaa oo kaliya dhex-dhexaadnimo. Soomaaliya waa ay soo jeeddaa.”
War-saxaafadeedka LeadNow! Melena looguma xusin in Farmaajo xagal-daacinayo wada-hadallada doorashada, taasi oo dad badan ku dhalisay su’aalo ku saabsan sababta uu Cabdirashiid sidaas ugu qaatay.
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijineysa in qeyb ka mid ah laga jartay lacago gunno ah oo ay qaadan jireen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, taasi oo ay bixin jirtay dowladda dhexe.
Lacagtan ayaa aheyd mid labada madaxweyne ama madaxweyne kasta oo xilka ka dega uu dastuurka u ogolanayo, balse waxaa lacagtaas hadda qeyb kamid ah ka jartay Villa Somalia, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ku dhow.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale wareysi uu bixiyay maalmo ka hor, oo uu siiyey Idaacadda Kulmiye, waxa uu ku sheegay in laga jartay qeyb kamid ah lacago ay xaq u lahaayeen islamarkaana ay qaadan jireen sanado ka hor.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in lacagta gunnooyinka ah laga jartay ciidankii la socday isaga iyo madaxweyne Sheekh Shariif.
Arrintaan ayuu ku micneeyay cunaqabatayn ka dhan ah madaxdii hore iyo sidoo kale in ay tahay daan-daansi ka dhan labadaan masuul oo dalka usoo shaqeeyay xili adag.
Wali dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin eedeymaha loo soo jeediyay oo ah kuwa culus maadaama uu cadeeyay mid kamid ah madaxdii hore.
Dowladda ayaa horey u qaaday tallaabooyin ka dhan ah labadan madaxweyne, waxaana ka mid ahaa in lagu xayiray garoonka Aadan Cadde, sidoo kalena 19-kii Febraayo lagu weeraray hotelka Maa’ida ee Muqdisho, taasi oo uu Xasan Sheekh ku macneeyey “shirqool lagu dili rabay.”
Sedex jeer oo aan booqday Soomaaliya iyo Somaliland, waxaan xaqiiqsaday in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo si cadaalad ahayn ama wanaagsaneyn ay ula dhaqmaan warbaahinta caalamka ayagoo sawir qaldan ka gudbiya, waxayna warbaahinta si joogto ah usoo bandhigtaa waxyaabaha xun xun ee dadka Soomaaliyeed . Waana sababta keentay inaan muuqaalkaan sameeyo, waxaana doonayaa waxyaabaha wanaagsan inaan dadka tuso oo aad arki kartid ama baran kartid marka aad Soomaaliya booqatid. Haddaba waa kuwaan 10-ka sababood ee kugu qasbayo inaad Soomaaliya booqatid:
10- Soomaaliya waxay leedahay ama heysataa Tiknoolijiyad horumarsan: Waa macquul inaad arrinkan la yaabtid, balse waxaan mar booqday dalka Japan, waxaana ka waayay ama ku yar nidaamka lacagaha habka Electronic ahaan loogu bixiyo. Laakiin Soomaaliya ma arkeysid qof lacag kaash ah wato qof walbo taleefoonkiisa ayuu lacagta ku sitaa, muhiimna maahan taleefoonkaaga inuu casri yahay, sidoo kalana waxay lacagaha biilashooda ku bixiyaan hab mobile ah. Xitaa dadka waddooyinka wax ku iibiya ayaa adeegsada habkaan.
Sidoo kalena waxay leeyihiin bangiyo lacagta looga bixiyo hab Electronic ah. Weliba 5-sano ka hor xitaa mar aan booqday Soomaaliya sidaan ayay u hormasaneyd.
9- Barro waxa nolosha u muhiim ah: madaama aan ku dhashay kuna soo bar baaray reer galbeedka waxaan aaminsanahay dhaqan ahaan haddii aan lacag badan sameeyo inaan farxad badan helaayo. Laakiin Soomaaliya arinkaas muhiim kama ahan waxaa muhiim ah inaa qof wanaagsan tahay, dadka u naxariisto, saaxiib ka dhigto dadka eheladiisa ka warhaayo. Sidoo kalena Soomaalida waxay jecel yihiin kaftanka iyo sheekada madaama aad u jecel yihiin inay qoslaan sidaa darteed dhamaanteen reer galbeed ahaan Soomaaliya waxaan ka baran karnaa waxa nolosha muhiim u tahay.
8- Barro in cudurka HIV yahay wax dhaqanka la xariira balse jinsiga la xariirin:
Waxaad arki kartaa dalal badan oo Afrikaan ah inuu aad ugu badan yahay qaadista cudurka HIV, waa arrin aad u dhib badan, sidoo kalena Dunida sida guud markaad u fiirisid waxaa arki kartaa dad badan oo maddoow ah oo xanuunkan hayo sida Bahamas iyo Haiti. Sidaa darteed waxaad ku fikiri kartaa in HIV iyo dadka maddow-ga ah la isugu tala galay.
Laakiin Soomaaliya arrinka sidaas ma ahan, waxay ka mid yihiin dalalka tirada ugu yar HIV-ga asiibay, haddii aadan ogeyn Soomaaliya waa dad maddow ah sidaa darteed cudurkan jinsiga shaqo kuma lahan ee dhaqanka dadka ayuu la xariiraa, marka dad badan sida Soomaalida camal hadday u dhaqmi lahaayeen HIV dhibaato kuma noqon laheyn dunidan.
7- Caawinta Soomaalida: Inta badan waxaad arki kartaa ganacsiyada Soomaaliya ka jira inay maamulaan qoysas iska tababar yar dhaqaale ahaan, laakiin dunida reer galbeedka wey ka duwan tahay, waxaa ka jiraan oo kaliya shirkado waaweyn oo is baheystay. Laakiin Soomaaliya waxaad arkeysaa hooyo ama aabo dukaamo yar yar iska leh shaqaalo yar yar u adeegayaan, marka haddii aan dalxiisayaal nahay dad kala duwan ayaan la fal galnaa. Ganacsi ahaan hotel-ka aad jiifaneysid dad ayaa kaa kireenayo, waardiyayaasha magaalada ku geynaya lacag ayaa siineysaa , dukaamada ayaad wax kasoo gadaneysaa, dhammaan lacagahaas waxay dib ugu laabaneysaa ganacsiyada yar yare ee gudaha Soomaaliya ka jira, waana habka ugu wanaagsan ee wadan faqrinimo kaga bixi karo kadibna dhaqaalaha guud sii caawin kara.
Xittaa mid ka mid ah saaxiibadeyda Soomaliya igu soo dhaweeyay wuxuu furtay shirkad dalxiisayaasha soo dhaweyso waana arrin wanaagsan. Sidaa darteed marwalbo oo ay dalxiisayaasha Soomaaliya kusoo bataan waa marwalbo oo dalka sii hagaagayo, waxayna caawinayaan inay dhaqaalaha maalgashi ku sameeyaan
6- Baro in Muslimiinta asal ahaan dad kala duwan kasoo jeedaan: Marka aan Mareykanka joogno inta badan waxaan aragnaa ama aan qabnaa aragti ah in Muslimiinta yihiin dadka ku nool Iran, Syria ama bariga dhexe, waana sawirka aan ka heysanay Muslimiinta. Laakiin marka aan Soomaaliya tagay waxaan arkay waddan dhan oo Afrikaan ah dadkiisa dhamaantooda Muslimiin yihiin, marka waxaan ogaaday xaqiiqada ah in Muslimiinta asal ahaan meelo kala duwan kasoo jeedaan oo Bariga dhexe kaliya ku nooleyn.
Sidaa darteed Muslimiinta waxay noqon karaan Asian, Maddow, Caddaan ama jinsi kasto, si kooban waxaa loo dhihi karaa qof kasta ayaa Muslim noqon karo.
5- Baro in kala duwanaasho weyn u dhaxeyso Afrikaanta: Madaama aan kusoo koray Ameyrika waxaan bartay dhaqamo kala duwan sida dhaqanka reer Yurub, Jarmal, Faransiis, Norway, Switzerland, Talyaani, Greece, waxaana ku baranay inay dhaqamo kala duwan iyo muuqaalo kala duwan leeyihiin. Laakiin Afrika waxaan u baranay Afrika inay tahay hal wadan oo kale dhaqan ahaan, mana aanan soo baranin dalalka kala duwan ee Afrikaanta ah dhaqamada ay leeyihiin, mararka qaar dalalka Afrikaanta waa isku dhaqamo sida Galbeedka Afrika oo kale, balse marka aad Soomaaliya joogtid wey ka duwan yihiin Afrikaanta kale. Dhaqankooda waa gaar Soomaalida, muuqaalkooda Afrikaanta kale uma eko, waxaana ogaaneysaa in Afrika oo idil inaysan isku mid ahayn.
4- Cun raashiinka cajiibka badan ee Soomaaliya yaalo: Marka aan Soomaaliya tagay waxaan kasoo helay waaya aragnimo ku aadan inay jecel yihiin raashin inay isla cunaan, midda labaad ee aan ogaaday waxay tahay inay jecel yihiin inay raashiinka gacantooda ku cunaan, balse reer galbeed ahaan arrinkaas waan la yaabnaa, laakiin waa arrin muhiim ah inaad saaxiibadaada ama qoysaskaaga wax la cuntid oo aad la falgashid, waa labada arrin ee ugu horeyso oo aan rabay inaan ka hadlo ka hor inta aan cunadooda ka sheekeyn.
Cuntada Soomaaliya laga cunio waa cunno cajiib ah, waxaan soo qaadan karaa Canjeero, Sambuuska, Hilib Geelka iyo bariiska, ma aqaan si aan u sharxo wax walbo oo aan cunay intaan joogay Soomaaliya balse waxaan dhihi karaa raashiinka Soomaalida waa isku geynta raashiinka laga cuno Bariga Afrika, Yemen, Carabta iyo Hindiyaanka laakiin Soomaaliya raashiinkooda lama gaaro.
3- Ogow quruxda Soomaaliya leedahay: Soomaaliya aad ayay u qurux badan tahay waxayna leedahay xeebta ugu dheer Afrika, waxay leedahay dhul saxaro lama dagaan qurux badan ah, dooxooyin, wabiyo iyo buuro wuxuuna u sameysan yahay dhulka Soomaaliya si cajiib badan, marka waa inaad booqataa si aad usoo aragtid.
2- Soomaaliya ma ahan meel halis badan: Haddii aad weydiisid qof kasto oo dunida ku nool shanta wadan ee ugu halista badan caalamka waa qasab in liiska Soomaaliya lagu soo daro, ma aysan ku saleynin arrinkaan xog aruurin iyo xaqiiqo dhab ah, balse waxay ku saleenayaan xogaha warbaahinta usoo gudbiso. Laakiin marka aad fiirisid xogaha rasmiga ah ee diiwaan gashan Mareykanka ayaa ka halis badan Soomaaliya.
Sidoo kalena kummanaan dalxiisayaal ah ayaa sanad walbo booqda US Virgin Island haddane 10-jeer ayay ka halis badan yihiin Soomaaliya jaziiradahaas. Haddaba maxaa Soomaaliya si qaldan marwalbo loogu eedeeyaa?.
Midda kowaad waxay tahay warbaahinta sawirka qaldan oo ay ka gudbiso Soomaaliya. Marka ay wax ka dhacaan Soomaaliya warbaahinta wey buun buunisaa laakiin marka ay wax qaldan ka dhacaan USA, Laatiin Ameerika ama Caribbean-ka cid sheeg sheegto malahan aqbaartooda marka si cadaalad daro ah ayaa Soomaaliya loola dhaqmaa dhanka warbaahinta.
Midda labaad waa midib kala sooca la isku sameeyo, waxaa xusid mudan in ka badan 18-wadan oo Caribbean-ka ku yaala ayaa ka halis badan Soomaaliya haddane sidaas oo ay tahay kummanaan dalxiisayaal ah ayaa sanad walbo aada jaziiradaha ku yaalo Caribbeans-ka haddane wey ka cabsadaan inay Soomaaliya soo aadaan.
1- Arag runta Soomaaliya taalla: Inta badan joornaalistayaasha ajaanibta ah ee Soomaaliya soo booqda ma rabo inaan fuquuq sameeyo balse joornaalistayaasha caddaanka ah waxay si gaar ah u baadi goobaan waxa xun ee Soomaaliya ka jiro.
Waxaan shaqsiyan aqaan qof Soomaaliya booqday oo aan wax dhibaato ah la kulmin, kadibna wuxuu qoray halista uu la kulmay marka uu halkaas booqday, wuxuuna qof walbo kula taliyay inuusan Soomaaliya aadin, iyadoo aysan jirin wax dhib ah oo qabsaday xataa aniga ma maqlin dalxiise dhibaato ku dhacday, waana arrin ku niyad jebineyso waxa ay joornaalistayaasha sameenayaan.
Waxaan ogahay haddii ay wax fiican Soomaaliya ka qoraan inaysan dadka soo jiidan karin, sidaa darteed warbixin xun ayay Soomaaliya ka qoraan si ay lacag badan kaga sameeyaan, sidaa darteed joornaalistayaasha kama fikiraan dadka Soomaaliyeed waxay kaliya ka fikiraan nafsadooda iyo danahooda ganacsi taasoo ku kaliftay inay Soomaaliya ka been sheegaan.
Haddii aadan i aamineyn, bal fiiri Muqdisho markii aad Google ku qortid oo Af Ingiriis dooratid kaliya waxaa kuu soo baxayo weeraro argagaxiso iyo waxyaabo badan oo laga naxayo, waa sida ay rabaan dunida reer Galbeedka ah inay Soomaaliya u ekeeto, waana sababta joornaalistayaasha Soomaaliya u imaadaan si ay sawir qaldan kaga bixiyaan.
Haddii aad Google ku qortid Muqdisho kadibna luuqadda Af Soomaaliga ah aad dooratid waxaad arkeysaa bilicda magaalada leedahay, dhismo qurux badan, nolol dagan oo caadi ah oo ay kala siman yihiin dalalka kale, waana sida ay dadka Soomaaliyeed dalkooda u arkaan mana ahan doqomo lagu qaldi karo warbixinada been abuurka ah, sababtoo ah maalin walbo ayay ku dhex nool yihiin dalkooda.
Dadka ka been sheegaan Soomaaliya waa kuwo aan waligood imaanin ama waa joornaalistayaasha labo maalin joogeen dalka , marka waxaa wanaagsan inaad dhageysatid dadka ku nool Soomaaliya. Waa dal qurux badan oo wanaagsan waxaana ku ogaan kartaa midaas inaad booqatid gudaha Soomaaliya.
Warbixintaan waxaa muuqaal ahaan u diyaariyey Dr. Dustin Pfundheller oo ah dhakhtar u dhashay dalka Mareykanka isla markaasna ku takhasusay Dentist kaasoo booqday dalal badan oo ay ku jirto Soomaaliya, Markii ugu dambeysay oo uu Soomaaliya soo booqday waxay aheyd April 4 2017. Waxaana qoraal ahaan usoo turjuntay Shabakadda Caasimadda Online.
Halkaan hoose ka daawo muuqaalka uu diyaariyey Dr. Dustin Pfundheller oo English
Jabuuti (Caasimadda Online) – Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa maanta oo Jimca ah ka bilaabatay codbixinta Doorashada 2021 oo ay ku loolamayaan Madaxweynaha Talada haya Ismaaciil Cumar Geelle & Musharaxa madaxa bannaan ee Sakariye Ismaaciil Faarax.
Goobaha la dhigay Sanaadiiqda codeynta waxaa lagu diyaariyay Gacmo dhaq (Hand Sanitazer), Marada Afka & sanka daboosha (Face Mask), waxaana aad loo ilaalinayaa isu dhawaanta dadka sida ka muuqaata muuqaallada laga soo duubay goobaha codbixinta.
“Waxa aan usoo baxay in aan codkeyga ku doorto Madaxweynaha Jabuuti, Dabcan waan dhageystay fariimaha Musharixiinta ee aan ku kala xulan karno, Dadku way ku kala duwan yihiin meelaha ay wax ka eegayaan balse waan ogahay qofka aan u codeynayo waxqabadkiisa & waxa aan ka filayo” Sidaasi waxaa yiri mid kamid ah Codeeyaasha.
Geelle, oo ay weheliyaan xaaskiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ayaa ololihiisa ku soo gabagabeeyay Arbacadii dibad bax qurux badan oo kama dambeys ah oo ka dhacay garoon ay ka buuxeen taageerayaal faraxsan iyo dhaanto dhaqameed.
“Sida aan maanta kuugu arko adiga oo tiro badan, waxaan hubaa in sidoo kale aad tiro badan iman doontid goobaha codbixinta,” Geelle ayaa yiri ka hor dadweyne xirnaa funaanado ay ku xardhan yihiin xarfahiisa, IOG.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Hay’adaha ammaanka, waaxda Caafimaadka & Guddiga Doorashada faray in ay ku dedaalaan xasiloonida Jamhuuriyadda inta lagu howlan yahay Codbixinta Doorashada.
Dadka ka faalooda arrimaha Jabuuti ayaa aaminsan in Geelle uu mar kale ku guuleysan doono doorashada, waxaana shaki weyn laga qabaa in musharaxa la tartamayo uu diido natiijada kasoo baxdo codbixinta.
Guddiga Doorashada ayaa marka uu soo dhammeeyo codbixinta dadka qaatay kaararka kadib xiri doona Goobaha codeynta, waxaana uu ku dhaqaaqayaa tirinta si natiijada usoo baxda uu u shaaciyo sida ku xusan jadwal howleedka Guddigaas.
Addis Ababa (Caasimada Online) – Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya waxaa maanta ka dhacay shir ay soo qaban qaabisay wasaarrada nabadda ee dowladda federalka Itoobiya, kaas oo looga hadlay xiisadda coleedeed ee ka dhex qaraxday is-maamullada Soomalida iyo Canfarta.
Shirkaas waxaa ka qayb-galay madaxda ugu sarraysa labada deegaan ee Soomaalida iyo Canfarta. Waxaana dood dheer kadib la isla meel dhigay qodobadan:
1 –In la joojiyo dagaalka oo ciidamada labada dhinac ay ka fogaadaan jidka laamiga ah ee isku-xira Awaash iyo dalka Jabuuti, isla markaana loo jirsado ugu yaraan 10-km.
Ciidamada Soomaalida ayaa laga dalbaday in jidkaas ay 10 km dhanka bari uga jirsadaan, halka ciidamada Canfarta iyagana laga dalbaday in dhanka galbeed ay 10 km ka fogaadaan wadada laamiga ah ee xariirasa magaalada Awaash ee Itoobiya iyo dalka Jabuuti.
2 –In qadiyada seddaxda lahaanshaha magaalooyinka ee Garbaciise, Candhuuf Macaan iyo Cadeey lagu xalin doono nidaam sharci ah, inta ka horaysana ay ciidamada Qaranku sugayaan amniga shacabka magaalooyinkaas ku nool.
3 –In baaritaano lagu bilaabo weerarkii iyo waxyeeladii shalay ka dhacday magaalada Cadeey iyo guud ahaan isku dhacyadii u dambeeyay ee dhex maray ciidamada Soomaalida iyo Canfarta.
4 –In wax deegaamayn cusub ah aan laga sameyn karin aaga colaadu ka jirto, isla markaana uu aagaas noqdo mid ka caagan ciidanka labada dhinac.
5 –In hey’adaha amniga dowladda dhexe ee Itoobiya ay bari laga bilaabo tagaan goobihii lagu dagaalamay.
Hoggaamiyaasha labada maamul ee Soomaalida iyo Canfarta ayaa kala saxiixday heshiiskan hordhaca ah oo ay garwadeen ka tahay wasaarrada nabadda ee dowladda federalka Itoobiya.
Dhulka lagu dagaalamay waxaa mudo dheer isku heystay qowmiyada Soomaalida iyo Canfarta, intiisa badana waxaa dega dad Soomaaliyeed, balse maamulkii hore ee deegaanka Soomaalida ee madaxweyne Cabdi Iley ayaa is-maamulka Canfarta u saxiixay inuu maamulo dhulkaas.
Hase yeeshee maamulka hadda ka taliya deegaanka ee madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa ku gacan seyray heshiiskii uu saxiixay Cabdi Iley, taas oo dhalisay inuu labada maamul ka dhex qarxo dagaal ay ku dhinteen in ka badan 100 qof, oo isugu jira shacab iyo askar ka soo kala jeeday labada dhinac.
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ka hadlay heshiiskii maamulkii isaga ka horeeyey uu ugu ogolaaday maamulka Canfarta inay maamulaan gobolka la isku heysto ee City ayaa ku tilmaamay qayaano qaran oo xukunka lagu ilaashanayey, balse aysan ka tanaasuli doonin taako dhul ah oo dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin.
Nairobi (Caasimadda Online) – Garsoore Kenyaan ah ayaa is-hor-taagay go’aanka ay Dowladda Kenya ku dooneyso in ay ku xirto laba xero-qaxooti oo ay ku sugan yihiin boqolaal kun oo qof oo badankood ay ka soo jeedaan Soomaaliya, sida lagu sheegay nuqul ka mid ah amarka maxkamadda oo ay aragtay wakaaladda Reuters.
Laba todobaad ka hor wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’i ayaa shaaciyay in dowladdiisu ay dooneyso in la xiro xeryaha, waxaana uu siiyay hey’ada qaxootiga u qaabilsan qaramada midoobay ee UNHCR laba todobaad oo fursad ah, si ay u soo gudbiso qorshaheeda ay tallaabadan ku flineyso, isaga oo intaa ku daray in aanan horey loo sii wadi karin wax wadahadallo dheeri ah oo looga baaqsanayo xiridda xeryahan.
Xukunka uu garsooruhu soo saaray ayaa hakinaya qorshaha dowladda muddo bil ah. Arrintan ayaa timid markii siyaasiyiin maxalli ah oo qorshahan kasoo horjeeda ay maxkamadda ka codsadeen in meesha laga saaro tallaabada ay dowladdu ku dooneyso in albaabada leysugu dhufto xeryaha.
Kiiska la xiriira qorshaha ay dowladda Kenya ku xirayso xeryaha ayaa bil kadib waxaa dib loogu soo celin doonaa maxkamadda.
Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma ee waqooyiga Kenya ayaa waxaa degan in ka badan 410,000 oo qof oo Soomaali u badan. Tiro yar oo dadkaasi ka mid ah waxa ay ka yimaadeen Koonfurta Suudaan.
Iyaga oo qiil ka dhiganaya walaaca la xiriira amniga qaranka, ayaa mas’uuliyiinta Kenya waxa ay marki ugu horreysay sanadkii 2016-kii ku dhawaaqeen qorshahooda ku aaddan xiritaanka xerada Dhadhaab, oo aad ugu dhow xuduudda Soomaaliya marka la bar-bar-dhigo Kakuma.
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 5 jeer dhac xoog leh loo geestay dhaqaatiir iyo gaadiidka gurmadka deg degga ah (Ambulance) ee Isbitaalka leeyahay.
Maamulka Isbitaalka ayaa shesgay in falkii ugu dambeeyay loo geestay maalin ka hor gaari Ambulance ah oo ka baxay Isbitaalka iyo shan dhaqtar oo la socotay.
Dadkaan ayaa laga qaatay lacago, moobeelo iyo agabyo kale. Gaariga ayaa jidka loo galay xilli barqo ah isagoo doonayay in uu soo qaado qof xanuunsan oo u baahnaa gargaar deg deg ah.
Isbitaalka Keysaney oo ku yaalla degmada Kaaraan ayaa sidoo kale waxaa jidka loo galaa dhaqaatiirta iyo dadka usoo adeeg doonto Isbitaalka.
Dhaqaatiirta iyo maamulka Isbitaalka ayaa caddeeyay in aysan sidii wadi karin shaqada, haddii aan si deg deg ah wax looga qaban. Kooxaha dhaca geesta ayaa la sheegay in ay si cabsi la’aan ah u joogaan waqooyiga Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa toddobaadyadii tegay ku badnaa dhaca ay gaysanayaan ciidamada dowladda, waxaana sababta lagu sheegay xaaladda siyaasadeed ee cakiran iyo qaar ka mid ah ciidanka oo aan qaadan mushahar.
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka Puntland, Dr Jamac Farax Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa ka deyriyay xaalada Coronavirus ee deegaanada Puntland, xili ay korortay tirada kiisaska ee maamulkaas.
Wasiirka ayaa sheegay in guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland uu kordhay cudurka Covid-19, tan iyo horaantii sanadkan cusub ee 2021-ka, wuxuuna walaac xoogan ka muujiyey xaalada magaalooyinka waaweyn ee Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo
Waxa uu xusay haddii xaalada ay kasii darto sida ay hadda tahay, islamarkaana uu si weyn usii faafo cudurkaan ay ku qasbanaan doonaan inay soo rogaan amaro culus oo lagu xakameynayo is-dhex-galka bulshada iyo goobaha dadweynaha.
Sidoo kale waxa uu faray shacabka inay kor u qaadaan taxadarka, iyagoo isticmaalaya waxyaabaha looga hortagayo cudurkaan sida; Af-xirka, kala fogaanshaha iyo yaraynta isku imaatinka aan muhiimka ahayn, wuxuuna faray qofkasta oo iska shakiya inuu tago xarumaha baaritaanka.
Wasiirka ayaa waxa kale oo uu ku booriyey in la qaato tallaalka Covid-19 oo muddooyinkii dambe qaadashadiisu ka socotay deegaanada maamulka Puntland, si ay uga bad-baadiyaan naftooda, isagoo hoostana ka xariiqay in wajiga koowaad ee tallaalkan loogu tala-galay inay qaataan dadka waaweyn ee la nool xanuunada kala duwan, shaqaalaha caafimaadka, macalimiinta iyo ciidamada amaanka.
Puntlanad ayaa kamid ah maamulada dalka ee uu sida weyn ugu soo labo kacleeyay cudurka Coronavirus, kaasi oo labadii bilood ee u dambeeyay dad badan ugu geeriyoodeen gudaha dalka.
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa welwel looga muujiyey qoraalladii shalay soo baxay ee lagu sheegay inuu fashil ku yimid shirarkii hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ee Afisyoone ka socday maalmihii lasoo dhaafay, iyo war-saxaafadeedyadii ay la wadaageen bulshada.
Qoraalka laagu sheegay inuu shirka fashilmay ayaa waxaa soo saaray dowladda federaalka gaar ahana wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe, xilli ay maamulada Puntland iyo Jubaland sheegeen inaysan ka war-hayn shir fashilmay
Beesha Caalamka ayaa qoraalkaan uga dalbatay madaxda Soomaaliya inay si deg deg ah ugu laabtaan wada-hadallada, si ay heshiis uga gaaraan arrimaha harsan, iyagoo u maraya isu-tanaasul.
Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed ka dalbatay inay aad isu xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo hal dhinac ah, kaas oo sababi kara in xiisadaha siyaasadeed ay kasii daraan.
Hoos ka aqriso qoraalka Beesha Caalamka oo dhameystiran
Muqdisho, 8 Abriil 2021 – Saaxiibada Beesha Caalamka* waxay ka welweleen war-saxaafadeedyadii mas’uuliyiinta qaarkood ay shalay la wadaageen bulshada kuna tilmaameen kulankii gogo-xaadhka iyo wadatashiga ahaa ee albaabadu u xidhnaayeen una dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada aanu sameyn wax horumar ah.
Waxaan adkeynaynaa in wadahadalladan ay udub-dhexaad u yihiin xaqiijinta hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember ee loogu talagalay doorashooyin lagu kalsoonaan karo, iyadoo la’aantood uu khatar gelayo horumarkii sanadihii ugu dambeeyay laga gaaray xasilloonida, horumarka dhaqaale iyo dib-u-hagaajinta hay’adaha ee Soomaaliya.
Waxaan ku boorinaynaa madaxda inay si deg deg ah ugu laabtaan wadahadalada si ay heshiis uga gaaraan arrimaha harasan, iyagoo u maraya isu-tanaasul. Waxaan mar kale ku celinaynaa in saaxiibada [caalamku] aanay taageeri doonin geeddi-socod babar-socod ah, mid aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo horseedaya kordhinta muddo xileedkii hore.
Waxaan ku boorinaynaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed inay aad isu xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo hal dhinac ah, kaas oo sababi kara in xiisadaha siyaasadeed ay kasii daraan.
Iyadoo la eegayo culayska ay leedahay xaaladda hadda taagan, ayaa saaxiibadu waxay wadatashiyo deg deg ah la leeyihiin ka-qaybgalayaasha shirka DFS-DGXF iyo saamilayda kale ee muhiimka ah ee Soomaaliyeed si loo ogaado xulashooyin si dhakhso leh xal loogu heli karo is-mari-waagan, isla markaana si dhakhso leh dib loogu noqdo wadahadalka.
*Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Poland, Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Khamiis-laha ahaa ee golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya ayaa maanta looga hadlay seddax qodob oo kala ah amniga, abaaraha ku dhuftay qeybo ka tirsan gobollada dalka iyo saameynta cudurka Covid-19 oo aad ugu faafay dalka bilihii u dambeeyey.
Sidoo kale fadhigii maanta ee golaha wasiirrada ayaa lagu ansixiyay xubin cusub oo lagu biiriyey guddiga doorashooyinka, taas oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha dowlada federaalka.
Golaha wasiirrada ayaa kulankoodii maanta warbixinno la xiriira amniga iyo howlgallada socda ka dhageystay wasiirrada amniga iyo gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in xiligan loo diyaar garoobayo bisha barakaysan ee Ramadaan ay jiraan feejignaan dhinaca amniga ah, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
Sidoo kale mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka ayaa golaha warbixin ka siisay xaaladihii u danbeeyey ee cudurka Covid-19 uu ku yeeshay dalka, waxayna sheegeen in guud ahaan dalka ay ka soconayaan dadaalada lagu badbaadinayo dadka Soomaaliyeed.
“Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday Ganacsatada Soomaaliyeed in qiimaha maciishada hoos loo dhigo bisha Ramadaan, isla markaana bulshadu is caawiso, bacdamaa uu dalka saameyn dhaqaale ku yeeshay Safmarka jira,” ayaa lagu yiri qoraalkan kasoo baxay xafiiska Rooble.
Golaha Wasiirrada ayaa ugu danbeyn kulankii maanta warbixin uga dhageystay guddiga abaaraha oo ka hadlay dhibaatooyinka ka dhashay abaarihii ku dhuftay qaar kamid ah deegaannada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray laba caruur ah oo aacadihii la soo dhaafay meydkooda laga helay xaafad ka tirsan magalaada Baydhaba ee gobolka Bay.
“07th-Apr-2021, ayaa Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, lagu soo wargeliyay in la waayay 2 caruur ah oo deganaa Xaafada Cadaada ee Magaalada Baydhabo,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya.
Caruurta la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray, Cabdimuni Sheekh Aweys Cabdulahi iyo Aamina Sheekh Aweys Cabdullahi waxayna kala ahaayeen 7-jir iyo 9-sano jir.
Qoraalkan ayaa lagu sheeciyey in meydadka caruurta oo gowracan la soo dhigay xaafada Suuqa-Xoolaha ee magaalada Baydhaba.
“Warbixinta oo la soo gaarsiiyay Boliiska ayaa sababtay in la galiyo diiwaanka, baafinta Boliiska iyo idaacadaha Magaalada Baydhabo. Saaka 08th-Apr-2021, ayaa markale Boliisku ka warheleen in meydka caruurta oo gowracan la soo dhigay Xaafada Suuqa-Xoolaha ee Magaalada Baydhaba,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Taliska ayaa sidoo kale qoraalkan ku shaaciyey inay socoto baaris qoto-dheer oo ay wadaan ciidanka Boliisku, iyadoo dad lagu tuhmay loosoo xiray arrintaan.
“Walow ay baaristu weli socoto. Cidii ay ku cadaatana Garsoorka awooda u leh lawaafajin doono. Waxaan uga tacsiyeeyneynaa, Xildhibaan hore Aweys Sheekh Cabdulahi falkaas foosha xun iyo geerida ku timid caruurtiisa, waxaana ilaahay uga rajeynaynaa inuu qalbiga u qaboojiyo, Samir iyo iiman ka siiyo, baddal qeyr qabana siiyo,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka booliska Soomaaliya.
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa natiijo la’aan kusoo dhamaaday shalay, kadib markii ay dowladda shaacisay inuu fashilmay.
Wasiirka Warfaafinta xilka sii haya Cismaan Dubbe oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa guul-darrada shirka ku eedeeyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, isaga oo sheegay inaysan rabin inay dalka ka dhacdo doorasho, midaasi oo ay iska fogeeyen labada madaxweyne, hase yeeshee madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuusan ka war-hayn shir fashilmay balse ay dowladdu “dooneyso inay fashiliso.”
Haddaba, maxaa lagu macneeyneyn karaa fashilka ku yimid shirkaas, maxaase xigi doona?
Agaasimaha hay’adda Heritage, Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo haatan ku sugan magaalada Doxa ee dalka Qadar ayaa arrintaas si qoto dheer u falanqeeyay, wuxuuna ku tilmaamay fashilka shirka mid hore loo sii ogaa, maadama uu shirka madaxda ku yimid culeys dhanka beesha caalamka oo uusan ku imaan rabitaanka madaxda sarre.
Wuxuu sheegay in qoddobada la isku haya ay ka balaadhan-yihiin hanaanka doorashada, islamarkaana la isku haysto awooda dowladnimo, isagoona carabaabay in madaxda sarre ee dowladda ay doonayaan wax uu ugu yeeray ‘awood maroorsi’.
“Waxaa hadda muuqata dowladda iyo dhaqankeeda inuu u egyahay inay rabto in xoogto, ama ay sameyso doorashooyinkii ay keli-talisyada caadiga ah sameyn jireen sameyso, qoladaan kalena waxaad mooda in dowladaan iyo dadka hogaamiyaba inay meesha ka wada baxaan,” ayuu yiri Prof Afyare.
Agaasimaha ayaa sidoo kale waxa uu dowladda ku eedeyay inaysan u diyaarsaneyn ka qeyb-galka doorasho wada-ogol ah, ayna daacad ka aheyn wada-hadal ay la gasho dhinacyadey is-hayaan, islamarkaan la indho sarcaadinayo beesha caalamka.
Dr. Afyare ayaa sheegay in shirka markii horeba uusan ku iman rabitaanka dhinacyada Soomaalida, balse uu ku yimid cadaadisa golaha ammaanka, waxaana uu uu sheegay haddii is-mari-waaga siyaasadeed ee dalka uu sii socdo inay beesha caalamka qaab ka duwan midkii hore usoo faro-gelinayso, ayna suurta-gal tahay in tallaabooyin adag uu qaado Golaha Amaanka, sida uu u sheegay.
“Golaha Ammaanka, waxaa xogaha qaar ay sheegayaan in ay leeyihiin markan bal markii ugu dambeysay fursad hala siiyo Soomaalida, haddii ay heshiin waayaana in beesha caalamka ay ku wajahdo si ka awood badan sidii hore,” ayuu yiri Dr. Afyare.
“Waxay u eg tahay in Soomaalida ay kaararkii oo dhan ay gacanta u geliyeen beesha caalamka, waxayna ku xirnaan doontaa sida ay u wajahaan iminka.”
Ugu dambeyntiina waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladaha tabarta daran ay awood xoog leh ku leeyihiin beesha caalamka, oo ayadu muddooyinkii dambe gadaal ka riixeysay kulamada madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada ee fashilmay.