25.3 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

Xildhibaan Mahad Salaad: “FARMAAJO laba midkood ayuu ku dambeyn doonaa”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka, xilli uu dhammaaday muddo xileedka dowladda Soomaaliya.

Mahad Salaad Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in labo arrin midood uu ku dambeyn doono madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, maadaana labo bil ay buuxsantay kadib dib u doorashadiisa, iyada oo aan heshiis laga gaarin, sida looga gudbayo marxalada lagu jiro.

Mida koowaad ayuu xildhibaanka ku sheegay inay tahay faro-gelin ka imaan karto beesha caalamka, sida cahdigii Kampala Accord ee la saxiixay sanadkkii 2011-kii.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay dhici karto in Farmaajo uu si xoog ah ku sii joogo Villa Soomaaliya, kadibna dalka uu geliyo dagaal sokeeye oo isaga la’isaga saarayo.

Halkan hoose ka aqriso:

Farmaajo labo bilood ayuu sharci daro ku dhex fadhiyaa Villa Soomaaliya. Labo mid ayuuna ku dambeyn doonaa:

  1. In Beesha Caalamku soo farageliso wadahadalada, Farmaajo heshiis lagu qasbo sidii Cahdigii Kampala (Kampala Accord) ee 9-kii June 2011 lagu kala saxiixday dalka Uganda. Qodob heshiiska ka mid wuxuu dhigayay in Farmaajo iscasilo mudo 30 beri gudahood ah. Kampala Accord waxaa wada saxiixay Sheekh Shariif, Shariif Xasan, Museveni iyo Mahiga!
  2. Farmaajo inuu ismoodsiiyo xoog inuu xukunka ku heysan karo, dabadeedna duulaan ku qaado dadka ka aragtida duwan, subaxa dambena isagoo dabada looga jiro dalka laga cayriyo sidii duqii adeerkiis ahaa!

Maxaa kasoo baxay kulankii Deni, Axmed Madoobe iyo wakiilada beesha caalamka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilada Beesha Caalamka, kadib markii ay shalay dowladda federaalka shaacisay inuu fashilmay shirkii Afisyooni.

Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa Beesha caalamka u sheegay inaysan ogeyn shir fashilmay, sida ay sheegtay dowladda waqtigeedu uu dhamaaday, islamarkaana ay diyaar u yihiin inay sii socdaan wada-hadaladaas oo xal looga gaarayo khilaafka doorashada.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale meesha ka saaray shuruudaha cusub ee dowladdu sheegtay inay ku xireen heshiis laga gaaro khilaafka doorashada, waxayna madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ku eedeyeen in uusan rabin doorasho.

Intii uu socday shirkaan ayaa waxay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland u sheegen wakiilada beesha caalamka in Farmaajo uu rabo inuu dalka geliyo qalaalase hor leh.

Xogta aan helayno ayaa intaas kusii dareysa in Wakiilada Beesha caalamka ee C6+ ay sheegen inay kulamo la soo qaadan doonaan madaxda dowladda, si ay u sameeyaan fikrado aruurin ku aadan kala duwanaashaha argtida labada dhinac.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxay kulamada labada dhinac warbixin uga gudbin doonaan dalalkooda, waxaana la filayaa in illaa caawa war cusub kasoo yeeraan.

Beesha Caalamka ayaa aad uga wal-walsan natiijo la’aanta shirkii Afisyooni, oo ay in muddo ah kasoo shaqeynaysay, kaasi oo dowladda federaalka ay shalay shaacisay inay fashiliyeen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, inkasta oo ay madaxdaas beeniyeen eedeyntaas.

Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa sidoo kale xalay uga digay madaxda HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed inay ka tagaan magaalada Muqdisho kadib markii ay shir gaar ah kula yeesheen xarunta QM ee Xalane.

Wararku waxay intaas ku darayaan in xubnaha Beesha Caalamka ay ka diideen madaxda seddaxdaas maamul goboleed dalabkooda ahaa in la fasaxo, waxaana lagu war-geliyay inaysan ka tegi karin Muqdisho, islamarkaana garabkii shirka ka baxa loo aqoonsan doono qas-wade.

Sisi oo war culus soo saaray kadib FASHILKII ku yimid wada-hadallada Ethiopia

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa Arbacadii ka digay halista dagaal ka dhasha biyo-xireenka ay Ethiopia ka sameyneyso webiga Nile-ka bulugga ah, kadib markii wada-hadalladii labada dal iyo Sudan ay dhammaadeen natijoo la’aan.

Ergo ka socotay saddexda dowladood ayaa horraantii toddobaadkan ku kulmay magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, hase yeeshee waxay ku guul-darreysteen inay soo afjaraan khilaafkooda.

Isaga oo ka hadlayey furitaanka dhisme cusub oo ay dowladdu leedahay, ayaa Sisi waxa uu sheegay in Masar iyo Sudan ay ka wada-shaqeynayaan arrinta, islamarkaana “Iskaashiga iyo heshiiska ay ka wanaagsan yihiin wax kasta oo kale.”

Isaga oo tixraacaya dagaalladii hore ee gobolka, waxa uu yiri: “Waan soo aragnay qiimaha isku dhac kasta.”

“Waxaan u sheegayaa walaalaheena Ethiopia, yeyna gaarin marxalad aad ku taabaataan dhibic ka mid ah biyaha Masar, sababtoo wax kasta waa ay furan yihiin.”

Wasiirka biyaha Ethiopia Seleshi Bekele ayaa isku dayey inuu qaboojiyo xiisadda.

“Ma jirto sabab loo galo dagaal aan lagama maarmaan aheyn dagaal uma billaaban karo biyo dartood. Biyuhu way qulquli doonaan haddii aad maanta dagaalanto, wayna sii quluqli doonaan berri,” ayuu u sheegay weriyayaasha Arbacadii.

Farriin qoraal uu u diray Reuters ayuu sidoo kale ku beeniyey eedeymaha ah in Ethiopia ay isticmaaleyso biyaha dal kale.

“Ma isticmaaleyno biyo ka yimid Masar ama Sudan, sababtoo ah biyuhu uma soo dareeraan dhanka Ethiopia,” ayuu yiri.

“Waxaan biyo ka yimid Ethiopia u isticmaaleynaa baahida weyn ee aan qabno, innaga oo raaceyna isticmaal macquul ah oo caddaalad ah, oo aan dhaawac weyn u geysnaeyn deriskeena.”

Wada-hadallada Kinshasa oo socday afar maalmood ayaa fashilmay kadib markii Ethiopia ay diiday qorshe ay soo jeedisay Sudan, oo Masar-na ay taageertay, oo ahaa in dhex-dhexaadiyayaal caalami ah laga qeyb-geliyo wada-hadallada, sida ay sheegeen Masar iyo Sudan.

Wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Ethiopia “aysan geli karin heshiis diidaya xuquuqdeeda iminka iyo tan mustaqbalka ee isticmaalka webige Nile.”

Diblomaasiga ugu sarreeya Masar ayaa sheegay inay murankan gayn doonaan Golaha Ammaanka ee QM.

REUTERS + VOA

Muxuu Cumar C/rashiid ka yiri fashilka shirki Afisyooni?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo hadda ah Senator kamid ah Aqalka Sarre ayaa shaaciyey ujeedka ay madaxda waqtigooda dhamaaday ka leeyihiin fashilinta wada-hadalada doorashada.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in sababta ay madaxda dowladda waqtigooda dhamaaday u bur-burinayaan wada-hadalada ay tahay helista ‘muddo kororsi aan la meel-marin’, maadama ay xilka sii haynayaan, oo ay sii joogayaan ilaa inta la helayo hay’addihii badeli lahaa, midaasi oo ku imaan karta heshiis laga gaaro khilaafka taagan.

“Ujeedada laga leeyahay in la carqaladeeyo wadahadalada su ay u burburaan waa kordhinta waqtiga hay’adaha dowladda, iyada oo uusan jirin heshiis siyaasadeed oo taageeraya, waxayna kaliya halis ugu jirtaa inay keento xasillooni darro iyo kala qaybsanaan,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Sidoo kale waxa uu ka digay in qorshaha lagu bur-burinayo wada-hadalada doorashooyinkii ay horseedi karaan halis hor leh oo keeni karta xasilooni darro iyo iska-hor-imaad siyaasadeed oo lagu kala qeybsamo.

Hadalka ra’iisal wasaarihii hore ee dalka ayaa imanaya xili ay dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ku dhawaaqday inuu fashilmay shirkii Afisyooni oo ay maalmihii u dambeeyay isku hor fadhiyeen madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Wasiirka Warfaafinta xilka sii haya Cismaan Dubbe oo shir jaraa’id qabtay ayaa guul-darrada shirka ku eedeeyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, isaga oo sheegay inaysan rabin inay dalka ka dhacdo doorasho.

“Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in  labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn,” ayuu yiri Dubbe.

Waxaa eedeyntaas iska fogeeyay madaxda Puntland iyo Jubbaland oo ayaguna shalay si wada-jir ah usoo saaray War-saxaafadeed ay ku sheegayaan in labadooda maamul aysan ka warheyn fashilka ay dowladda federaalku ka sheegtay shirarkii ka socday Afisyoone, islamarkaana ay diyaar u yihiin in wada-hadallada ay sii socdaan.

Puntland iyo Jubaland waxay qoraalkooda ku cadeeyeen in umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ay la wadaagayaan in mudo bil ah ay u Muqdisho u joogaan sidii uu ku qabsoomi lahaa shirkii wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee lagu balamay, balse hadda ay u muuqato in garabka dowladda federaalka ay howshu ka socon la’dahay.

Arrintan ayaa meesha ka saaraysa in xili dhow heshiis ay gaaraan dhinacyada isku haya doorashada, waxaana la fahamsan yahay in madaxda dowladda ay rabaan inay sii joogaan, xili uu muddo xileedkeedi sharciga ahaa uu dhamaaday 8-Febraayo ee horaantii sanadkaan.

Meydadka caruur uu dhalay xildhibaan hore oo laga helay duleedka Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Meydadka labo caruur ah oo uu dhalay xildhibaan hore Sheekh Aweys Cabdullaahi oo ka tirsanaa baarlamaankii Soomaaliya ayaa saaka laga helay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Caruurtan oo la waayey shalay, xilli loo diray Dugsi Qur’aan ayaa lagu soo warrmayaa in dib loo helay, iyaga oo meyd ah, isla-markaana loo dilay si arxan darro ah.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in caruurtaasi oo kala ahaa gabar iyo wiil lagala baxay kilyaha iyo beerka, kadib qaliin lagu sameeyey.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhacdadani naxtinta leh ay dadka ku abuurtay wal-wal iyo walaac aad u xoogan, taas oo si aad ah looga hadal hayo magaalada Baydhabo.

“Walaalayaal waxaan aad uga naxay geerida lama filaanka ah ee caruurta yar ee walaalaha ah, Arbacadii shalay waxay aadeen Dugsi Qur’aan kadib waa lawaayay, waxaa la sheegayaa in saaka aroortii hore ayagoo meyd ah laga heley hareeraha magaalada, waxaana la sheegey in qayb jirkooda kamid ah (kiliyaha/beerka) ay maqan yihiin, ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Dhinaca kale laamaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyey falkaasi.

Waa dhacdo ugub ku ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana dadka deegaanka ay si weyn u cambaareeyeen falkaasi arxan darrada ee lagula kacay caruurtaasi.

Muxuu yahay qorshaha xiga ee Puntland, kadib fashilkii ku yimid shirka Afisyoone?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdullahi Cali Xirsi Timo-Cadde oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa ka hadlay qorshaha u degsan Puntland iyo tallaabada ay qaadeyso, kadib fashilka shirkii Afisyoone.

Timo-Cadde ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay diyaar u tahay in xal waara laga gaaro arrimaha doorashooyinka, isla-markaana madaxweyne Deni uu sii joogi doono Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in dib la isugu soo noqo doono, si loo sii amba-qaado wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyda.

“Waan sii joogeynaa, waana joogeynaa, waana fileynaa in dib la’isugu soo laabto, tana ma’aha mid lagu kala tegi doono,” ayuu yiri wasiir Timo-Cadde.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale intaasi ku  sii daray in Puntland ay dooneyso in la bad-baadiyo dalka, isla-markaana ay iyadu tahay cidda sameysay tanaasulka.

“Cidda tanaasul sameysaa innaga weeye cidda rabta in Soomaaliya ay badbaadiso innaga weeye labada dowlad gobaleed weeye diyaar ayaana u nahay in meel walba oo la isugu yimaada la garnaqsado,”ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey wasiir Cali Xirsi Timo-Cadde.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Puntland ay u taagan tahay ilaalinta sharciga iyo ku dhaqanka dastuurka u yaalla dalka, isaga oo ku eedeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ku tumaneyso shuruuda, taas oo uu tilmaamay in si weynla’isugu hayo.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda dhexe ay shaacisay inay fashil ku soo dhammaadeen wada-hadalladii maalmahan ka socday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, iyada eeda dhabarka u saartay hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland.

Qorshaha laga leeyahay odayaasha Jubaland ee DF ay keentay Muqdisho – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya magaalada Muqdisho keentay odayaashii dhaqanka Jubaland ee dhowaan la kulmay wasiirka arrimaha gudaha Jeneral Mukhtaar Xuseen Afrax.

Mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, oo uu ku jiro wasiirka ayaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho ka billaabay kulamo loo qabanayo odayaashan oo badankood ku beel ah madaxweyne Farmaajo.

Kulan dhacay Talaadadii ayaa qoraal ay wasaaradda kasoo saartay lagu yiri “Odayaal dhaqameedka beelaha dagga Julabaland iyo siyaasiinta ka soo jeeda maamlkaas ayaa u gudbiyay  Wasiirka Wasaaradda cabashooyin  ku aaddan sida ay ku dhisantahay  Dowlad Goboleedka Jubaland.”

“Waxaa ay caddeeyeeyn in aysan  ku qanacsaneyn  guud ahaan Maamulka Jubaland. Isla markaana ay daneynayaan maamul lagu dhiso si wada ogal  ah, damaanad  qaadi  kara  Nabadgalyadooda iyo isku haynta wada jirkooda iyo horumarkooda, shacabka ku dhaqan maamulka Jubaland.”

Odayaashaan oo la dejiyay hoteelo ayaa loo sheegay in ay ka qeyb geli doonaan kulamo kale oo looga tashanayo dhismaha Jubaland cusub, sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah odayaasha.

Cabashada odayaasha oo ah, kuwa ay kasoo shaqeysay dowladda, ayaa qiil looga dhigi rabaa qorshaha dowladda ee ah inay maamul cusub oo kasoo horjeeda Axmed Madoobe ka dhisto gobolka Gedo, sida aan xogta ku helnay.

Kulamada socdo ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya oo degaanka ka soo jeeda.

Bisha August ayaa waxaa ku eg labada sano ee dowladda ay aqoonsatay Axmed Madoobe, waxaana qorshuhu yahay in ka hor maamul cusub looga dhowaaqo Gedo.

Wakiilada beesha caalamka oo u digay Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa xalay uga digay madaxda HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed inay ka tagaan magaalada Muqdisho kadib markii ay shir gaar ah kula yeesheen xarunta QM ee Xalane.

Sida aan xogta ku helnay, shirkaas ayaa looga wadahadlay sidii loo badbaadin lahaa fashilka ku yimid wada-hadalladii loogu gogol xaarayey shirweynaha wadatashiga ee xalka looga gaarayo khilaafka doorashada.

Ilo ku dhow shirkaas ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Madaxweynayaasha Galmudug, HirSharbelle iyo Koonfur Galbeed ay fashilkii ku yimid shirka ku eedeeyeen madaxda Jubaland iyo Puntland, iyagoo wakiillada Beesha Caalamka ka codsaday in la fasaxo si dib ay ugu laabtaan deegaanadooda..

Wararku waxay intaas ku darayaan in xubnaha Beesha Caalamka ay ka diideen madaxda seddaxdaas maamul goboleed dalabkooda ahaa in la fasaxo, waxaana lagu war-geliyay inaysan ka tegi karin Muqdisho, islamarkaana garabkii shirka ka baxa loo aqoonsan doono qas-wade.

Wakiillada beesha caalamka ayaa la filayaa inay sidoo kale maanta la kulmaan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo dowladda federaalku ay ku eedeysay inay fashiliyeen shirkan, in kastoo ay iska difaaceen eedahaas.

Shirkii Teendhada Afisyooni uga socday madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, ayaa shalay fashilmay, waxaana xukuumaddu shaacisay in Jubaland iyo Puntland ay shirka fashiliyeen, islamarkaana ay diideen wax kasta oo xal ah.

Hase yeeshee war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Jubbaland iyo Puntland waxay ku sheegeen in aysan ka warqabin shir fashilmay, balse kaliya ay ka war hayaan in madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in latashiyo uu soo sameeyo maalmo aan la cayimin.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland waxay sidoo kale cadeeyeen inay diyaar u yihiin ka qeyb galka iyo sii socoshada shirarka xalka loogu raadinayo khilaafka doorashada.

Ilo ku dhaw shirka dhex-maray xubnaha beesha caalamka iyo madaxda maamullada taabacsan dowladda federaalka ayaa Caasimada Online u sheegay in beesha caalamku ay culeys ku saartay madaxda seddaxda maamul goboleed in aysan shirka ka bixin, maadaama ay mar kasta u hoggaansamaan go’aanka uu qaato Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa haatan bilaawday dadaalo ay wado beesha caalamka oo lagu doonayo in shirarka hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ay sii socdaan, illa xal laga gaaro khillaafka doorashooyinka dalka.

Labada dhinac ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo khilaafka dhamba uu dhex yaallo ayaa hadda midba midka kale waxa uu ku eedeynayaa inuu fashiliyey wadahadalladii Afisyooni ee gogol xaarka u ahaa shirweynaha wadatashiga.

Dowladda Sudan oo DF u dirtay farriin la xiriirta lacagta cusub ee loo daabacayo

0

Khartoum (Caasimadda Online) – Dowladda Sudan ayaa ka dalbatay dowladda Soomaaliya iney caddeyso go’aankeeda ku aadan lacagaha loo daabacay ee yaalla dalkaasi, oo muddo sanado ah halkaas yaalla.

Dowladda Sudan ayaa sheegtay in culeys badan u arkeyso lacagaha Shilinka Soomaaliga ah oo ay daabacday iney sii hayaan, waxeyna waloocooda la wadaageen wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, ayaga oo ka sugaya jawaab.

Warbaahinta Sudan ayaa sheegtay in dowladda Sudan ay ku hanjabtay iney ka taqalusi doonto lacagtaas, haddii aysan wax jawaab ka helin dhinaca dowladda Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa 2018-kii usoo diray Soomaaliya Wakiilka Wasaaradda Arrimaha dibada Cabdidaaim si uu fariin u soo gaarsiiyo Safaarada Sudan ee Muqdisho taas oo ku saabsaneyd in Soomaaliya ay faah-faahin ka bixiso lacagaha loogu daabacay Sudan iyo waxa laga yeelayo.

Safaarada Sudan ee Soomaaliya oo warqadaasi ka falcelisay ayaa sheegtay in wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxman Ducale Beyl uu isla xiligaas sheegay in wasaaradiisa ay qorsheenayso in meelo kale ay kasoo daabacanayan Lacagta Shilinka Soomaaliga iyadoo loo marayo ama taagero laga helayo sanduuqa lacagta aduunka iyo bankiga aduunka ayna wasaarada arrintaasi kala shaqeenayso khubaro Soomaali ah ama ajaaniib.

Wasiirka ayaa waqtigaas cadeeyay in lacagahaasi daabacadoodi ay kaga bixi doonto 41M oo dollarka Mareykanka ah.

Sidaas ay jirto xukuumada Sudan ayaa tilmaamtay inay daabacday lacagta shilinka Soomaliga kadib heshiis dhex maray xukuumada Muqdisho iyo Khartum kaa oo ku kacayay 17 milyan oo dollarka Mareykanka.

Lacagaha loo daabacay Soomaaliya ayaa wali ku xayiran xarunta shirkadda lacagta u samaysa dowladda Sudan tan iyo sanadkii 2013-kii.

Duqa Muqdisho oo sheegay in Aqalka Sare lagu dhisay boob iyo sharci darro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho oo la hadlayey wariyeyaasha ayaa sheegay in markii horeba dhismaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya loo maray si sharci darro ah, sida uu hadalka u dhigay.

Cumar Filish ayaa shaaca ka qaaday in aan loo marin hannaanka awood qeybsiga ee 4.5. isla-markaana beelaha qaar la siiyey xubno badan, halka kuwa kalena lagu tuntay xuqooda, isagoo carabka ku dhuftay inay tahay cadaalad darro horey loo sameeyey.

Sidoo kale wuxuu duqa magaalada Muqdisho tilmaamay in dad leh dano gaar ah ay Aqalkani ku dhiseen deg deg iyo boob.

“Waxaay aheyd in wixii la dhisaayo oo awood qeybsi ah in 4.5 lagu qeybsado ama tirada gobolada lagu qeyb sado intaba lama sameyn, beel waxay qaadatay 8 midna 17, taas ayaa horta jirta marka beeshii 17 heysatay waxay rabtaa in ay difaacato oo aan laga qaadin waana cadaalad darro,” ayuu yiri Mudane Cumar Maxamuud Mqaxamed (Filish).

Si kastaba hadalka kasoo yeeray duqa magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya, xilli gobolka Banaadir illaa 13 xubnood laga siiyey xubnaha Golaha Aqalka Sare oo ay u ansixiyeen xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Afar arrin oo muujinaya in DF ay horey usii diyaarisay fashilinta shirka Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa galabta si lama filaan ah shir jaraa’id ugu sheegay inuu fashilmay shirkii Afisyoone, xilli weli madaxdii ay ku sugan yihiin teendhada Afsiyoone, taasi oo ka yaabisay dhinacyadii kale ee shirka ka qeyb-galayey. 

Dubbe ayaa aqriyey qoraal dheer oo ka sheekeynayey sooyaalka shirarka doorashada iyo “tanaasulaad” uu sheegay inuu sameeyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo. 

Wuxuu qoraalka kusoo xiray “Xukuumaddu waxa ay u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn.”

Hase yeeshee waxaa durba soo baxay caddeymo muujinaya in dowladda ay ka shaqeysay in si iskeed ah ay shirka u fashiliso, kuna sii talo-gashay arrintaas, xitaa inta aan loo fariisan shirkii ugu dambeeyey kadib laba maalmood oo hakad u uku jiray, waxaana caddeymahaas ka mid ah 

Qoraallo sii diyaarsanaa: Qoraalka dheer uu aqriyey Dubbe, muuqaalka deg degta loo soo tuuray, iyo qoraal English ah oo watay sawirro (graphics), oo uu twitter ku baahiyey agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdirashiid Duqa, waxay dhammaantood muujiyeen inay ahaayeen wax laga shaqeynayey maalmo oo diyaarsanaa. Ma jiri karto haba yaraatee in howshaas loogu qaban karay muddo 30 daqiiqo, oo ah inta u dhaxeysay waqtiga lasii daayey, iyo marka uu soo baxay warka ku saabsan fashilka shirka, oo isla dhinaca dowladda ka dusay.

Puntland iyo Jubaland oo weli diyaar ah: Maamullada Puntland iyo Jubaland waxay labaduba caddeeyeen inaysan ka war-hayn shir fashilmay, islamarkaana ayaga oo u ballansan kulan kale berri ay ka war-heleen qoraallada iyo muuqaallada ay baahisay dowladda ee lagu sheegay in shirku fashilmay. Waxay kale oo ay sheegeen inay diyaar u yihiin in wada-hadalladu ay sii socdaan. 

Haddii Puntland iyo Jubaland ay leeyihiin shirka ma fashilmin, maxay dowladda si iskeed ah ugu sheegeysaa fashilka. Xitaa haddii Puntland iyo Jubaland aysan daacad ka aheyn sheegashadooda, maxaysan dowladda u dooran inay si kale ugu eedeyso in caqabad ku yihiin heshiis la gaaro, maxay u dooratay inay tiraahdo shirka waa fashilmay, oo ay si toos ah albaabka wada-hadallada ugu xireysaa. Hadda oo ay leeyihiin, waxaan diyaar u nahay in shirka uu sii socdo, aaway jawaabtii dowladda?

Laba Dubbe: Waxaa soo baxday in Cusmaan Dubbe uu ku sugnaa xarunta Afisyoone oo uu watay dhar aan aheyn kuwa uu ku duubay muuqaalka shirka jaraa’id, taasi oo caddeyn u ah in muuqaalka shirka lagu fashiliyey horey loo sii duubay, taasi oo iyana caddeyn u ah in markii horeba madaxweyne Farmaajo uu tegay shirka isaga oo aan diyaar u aheyn in heshiis la gaaro.

Saciid Deni oo wareysi uu siiyey VOA uga hadlay arrintan ayaa yiri “Wasiir Dubbe waa uu nala joogay maanta, marka dharka uu isaga duubay muuqaalka kii uu watay maaha, marka wax sii diyaarsanaa oo loogu tala galay in bulshada lagu marin habaabiyo ayuu ahaa warkii galabta ka soo yeeray dowladda federaalka.”

“Tanaasulkii” saaka: Dowladda waxay saaka dusisay in Farmaajo “ka tanaasulay” qodobkii ahaa in la ballaariyo ka qeyb-galayaasha shirka, warkaas oo ay aad u qaateen warbaahinta, oo ay Caasimada Online ku jirto. Waxaa kadib baraha bulshada qabsaday ammaanta Farmaajo ee taageerayaashiisa. Hase yeeshee waxaa hadda muuqata inay aheyd xeelad loogu muujinayo Farmaajo inuu ka tanaasulay qodobada qaar, si marka dowladda fashiliso shirka, sida ay galabta sameysay, eedda loogu leexiyo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Dhammaan qodoban waxay caddeyn u yihiin in fashilka shirka uu sii diyaarsanaa inta aanu madaxweyne Farmaajo soo fariisan teendhada Afisyoone 3-dii April.

Daawo: Xildhibaan ka tirsan BF oo sheegay in ciidamo ‘soo qaban raba’ Faroole ay joogaan deegaanka Burtine

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesoow oo ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad ee muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa si xun u weeraray Senator Cabdiraxmaan Faroole oo eedeymo u jeediyay Farmaajo iyo maamulada taabacsan.

Faroole ayaa dhawaan dhaleeceyay saddexda maamul goboleed ee taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, kuwaasi oo ku tilmaamay mas’uuliyiin dhulkooda intiisa badan la heysto, islamarkaana ku tiirsan Muqdisho ciidan iyo dhaqaale intaba.

Xildhibaan Jeesow oo hadalka Senatorka si kulul uga jawaabay, ayaa waxa uu ugu hanjabay in lasoo qaban doono haddii uu kusii taagnado wax uu ku sheegay ‘dowlad naceybka’.

“Labo lee ayay mid ka tahay inaad tahay Nin lalaway oo da’ ah iyo inaad dowlad naceyb ku dhimaneyso, ciidamada dowladda Burtinle ayay soo marayaan, waana lagu soo qabanayaa,” ayuu yiri.

“Ilaahay ka cabso Faroole, Senator ayaa tahay, haddii xildhibaan Puntland aad tahay kuuma jawaabeen ee run haddaa sheegayso Puntland madaxweyne uga dhig C/risaaq Jurrile”.

Sidoo kale waxa uu wax lag xumaado ku tilmaamay taageerada uu Faroole u muujiyey madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo si weyn isku hayaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday oo uu taageersan yahay xildhibaanku.

Xildhibaan Daahir Jeesoow ayaa kamid ah mas’uuliyiinta sida indho la’aanta ah u taageersan dowladda uu waqtigeedu dhamaaday, wuxuuna ku caan baxay mucaaradnimada maamulka Axmed Madoobe.

Jeesow ayaa hore ugu baaqay in lasoo xiro Axmed Madoobe oo xiligan ku sugan magaalada Muqdisho, xiligaas oo uu ku dooday inuu cadaalad darro ku haysto kursiga u sareeya Jubbaland, loona haysato dacwado dil, sida uu sheegay.

“Mudane madaxweyne waxaan ahay xildhibaan kula soo shaqeeyay afartii sanno ee aad dalka xukumeysay, jecelna dalka wanaagiisa ii tix-geli codsiga, intaan meesha fadhisa Axmed Madoobe xabsiga ha u hoydo.”

Si kastaba, dowladda waqtigeedu dhamaaday ee uu hogaanka u hayo Farmaajo ayaa inta badan ka caroota eedeymaha loo jeediyo, waxaana la fahamsan yahay in siyaasiyiinta taabacsan ay dhabarka uga taabato si ay u difaacan.

Askar ka tirsanaa ciidanka DF oo lagu dilay SH/DHEXE

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelah Dhexe ee HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin duleedka degmada Mahaaday, gaar ahaan deegaanka Buurane, waxaana xigay iska hor imaad foolka fool ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalkaasi ciidamada milatariga Soomaaliya looga dilay ugu yaraan illaa 2 askari, laguna dhaawacay tiro kale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarka, kadib dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay muddo kooban la wareegay gacan ku heynta koontaroolka uu dagaalka ka dhacay, iyaga oo markii dambe dib u gurtay, waxaana ku laabtay ciidamada dowladda.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga iyo maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay.

Xaaladda ayaa haatan deggan, hayeeshee ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhaaq-dhaqaaqyo ka bilaabay gudaha iyo nawaaxiga degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyey dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa xoojiyey weerarada ay ka fuliyaan Shabeelooyinka, waxaana ugu dambeeyey dagaalladii lagu hoobta ee dhowaan ka dhacay degaanada Bariire iyo Awdheegle oo ka wada tirsan gobolka Sh/Hoose.

Saraakiil ka tirsan Shabaab oo howl-gal lagu laayey

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo qorsheysan si wadajir uga fuliyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Howl-galladan ayaa si gaar ah ciidamadu waxa ay uga sameeyeen deegaanada Koban, Araare, Lafaha-Ragga iyo Xero–Shiid ,kuwaas oo ka wada tirsan gobalka Jubbada Hoose.

Guddoomiyaha deegaanka Buulo-Gaduud Mudane Mahad Mataan Buulle oo u warramay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyey howl-galladaasi iyo ujeedkooda, wuxuuna shaaca ka qaaday in lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Mahad Mataan ayaa sidoo kale xusay in xubnaha lalaayey ay isugu jiraan saraakiil iyo dagaalamayaan ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa deegaanada la weeraray.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay howl-galladu sii socon doonaan, islamarkaana ujeedkooda uu yahay, sidii looga hortagi lahaa weerarada ay soo abaabusho Shabaab.

Si kastaba ciidamada huwanta ayaa bilihii u dambeeyey sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Dowladda federaalka oo war cusub kasoo saartay howl-galo ay wadaan ciidamada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay howl-galo ay ciidamka xooga dalka ka wado deegaano ka tirsan maamulka Galmudug, oo muddooyinkii dambe laga deyrinayay xaaladooda amaan.

Sii-hayaha Wasiirka Gaashaandhiga, Xasan Xuseen Xaaji ayaa bogaadiyey guulo uu sheegay inay soo hooyeen ciidamada qaranka, oo uu ku amaanay gacanta ay ka geeysteen xoreynta dalka.

Waxa uu shaaciyey in ciidamada dowladda ay saaka howl-galo kula wareegen deegaano hor leh oo ka tirsan Galgaduud ee maamulka Galmudug, kuwaasi oo hore gacanta ugu jiray dagaal-yahanada Al-Shabaab.

“Geesiyaasha naftood hurayaasha ah ee qarankeena waxay saaka la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan Galgaduud, maamulka, shacabka iyo mas’uuliyiintii gacanta ka geestay xoreynta goobahaas waa ku mahadsanyihiin,” ayuu yiri

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ka codsanayaa in ciidamada xooga dalka ay ku garab istaagaan ciribtirka argagixisadda.”

Ciidamada xooga dalka ayaa howl-galo ay sameeyen saaka kula wareegay deegaanada Labi-dulle iyo Dhabana –dhulkuheys oo ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay hore uga talin jirtay Al-Shabaab.

Maamulka Galmudug ayaa culeys dhanka amaanka ah wajahaya, waxaana socda dadaalo lagu doonayo in dib loo xoreeyo deegaano badan oo ay gacanta ku hayaan Shabaabku.

Musharaxiinta oo war kasoo saaray shirka Afisyoone, shaaciyey toddoba tallaabo ‘oo uu qaaday’ FARMAAJO

0

Muqdisho (Casimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo soo saaray war-saxaafadeed ka kooban todoba qodob ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in carqaladeyn joogto ah uu ku hayo wadahadallada lagu baadi goobayo doorasho wadar ogol ah oo si nabad ah dalkan uga dhacda.

Guluhu waxa uu qoraalkan ku sheegay in ujeedada uu madaxweyne Farmaajo ka leeyahay carqaladeyntaas ay tahay, inuu sameysto muddo kororsi khilaafsan dastuurka, tallaabadaas oo halis ku ah xasiloonida dalka.

“Ujeedkiisu waxa uu ahaa in shirka u dhexeeya madaxda dawlad goboleedyada iyo dowladda federaalka uusan miro dhalin. Waxaana caddayn u ah in wasiirkiisa warfaafinta uu farriin maalmo ka hor la duubay ku eedeeyey fashilka shirka madaxda dawlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qodobada ay madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen waxaa kaloo ka mid ah, Inuu carqaladeeyey in ay natiijo ka soo baxdo shirar hor dhac ah oo ay dawlad goboleedyada shanta ah uga heshiin lahaayeen ajandaha shirka iyo dadaallo ay wadeen xubnaha beesha caalamka oo lagu kulansiin lahaa ra’iisal waasaraaha xukuumadda xil-gaarsiinta iyo madaxda dawlad goboleedyada.

Sidoo kale golaha qoraalkan soo saaray ee Midowga Musharaxiinta ayaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ku eedeeyey. Inuu amray in mas’uuliyadda amniga garoonka diyaaradaha laga wareejiyo Booliska kastamka oo weligiis gacanta ku hayn jiray, laguna wareejiyo ciidanka Haramcad, si uu khalkhal u geliyo amniga wafuudda madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, loogana hor istaago kulammada ay la yeelanayaan siyaasiyiinta, xildhibaannada iyo qaybaha kale ee bulshada.

“Goluhu wuxuu ku ammaanayaa madaxda dawlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo muddo bil ah ku sugnaa magaalada Muqdisho, dhabar adayga iyo sabarka ay muujiyeen, welina ay diyaar u yihiin in shirku sii socdo, si loo helo doorasho wadar-oggol ah oo si nabad ah ku dhacda, halka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu ku dhawaaqay in shirkii burburay,” ayaa lagu yiri qoralka midowga musharaxiinta.

Ugu danbeyntii Golaha oo bogaadiyey dadaalka ay beesha caalarnku ugu jirto in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu shirka dib ugu laabto, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorasho wadar ogol ah, oo si nabad ah ku dhacda. Hadii aysan taasi dhicina ay umadda Soornaaliyeed iyo beesha caalamka u caddaynayaan in madaxweyne Farmaajo uu qaadayo mas’uuliyadda fashlika ku yimaada shirka, tahayna in lagula xisaabtamo.

Jubaland iyo Puntland oo mowqif kasoo saaray sii socoshada shirka Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa lagu sheegay in labadaas maamul aysan ka warheyn fashilka ay dowladda federaalku ka sheegtay shirarkii ka socday Afisyoone, islamarkaana ay diyaar u yihiin in wada-hadallada ay sii socdaan.

Puntland iyo Jubaland waxay qoraalkooda ku cadeeyeen in umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ay la wadaagayaan in mudo bil ah ay u Muqdisho u joogaan sidii uu ku qabsoomi lahaa shirkii wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee lagu balamay, balse hadda ay u muuqato in garabka dowladda federaalka ay howshu ka socon la’dahay.

“Waxaa muddo 3 maalmood ah socday shir hordhac u ah shirkii lagu balansanaa, kaas oo looga wadahadlayey sii la iskula meel dhigi lahaa ajendayaasha iyo habka qabsoomidda shirka wadatashiga, waxaase nasiib darro ah in Masuuliyiinta Dowladda Federaalka ee muddo xileedkoodii dharnmaaday ay ku dhawaaqeen in shirkii fashilmay, taas oo ah mid ayaga gaar ku ah,” ayaa lagu yiri warkan oo wadajir ay u soo saareen Puntland iyo Jubaland.

Sida lagu sheegay qoraalkaan qorshahaan ayaa la mid ah kii madaxweyne Farmaajo uu uga soo tegay shirkii Dhuusamareeb-4, iyadoo dhammaan madaxda maamul goboleedyada ay wada joogaan halkaas, isla markaan aan la gaarin wax heshiis ah.

“Ummadda Soomaaliyeed waxay waxay wada ogtahay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shirkii Dhuusamareeb 4 isaga soo tagay, iyadoo dhexda looga jiro si go’aan mideysan looga gaaro xal u helidda qodobada caqabadaha ku ahaa hirgelinta heshiiskii 17 September 2020, xiligaas oo muddo xileedkiisa ay ka harsanayd labo maalmood kaliya. Sidoo kale Farmaajo waxuu 19 February 2021, Magaalada Muqdisho ka abuuray khalkhal amni, isagoo weerar ku qaaday Madaxweynayaashii hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, xubno ka tirsan Murashaxiinta iyo shacab dhigayey mudaharaad nabadeed,” ayaa lagu qoraalkaan.

Labada maamul goboleed ayaa sidoo kale madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuu fashiliyey shir lagu balansanaa inuu magaalada Muqdisho ka dhaco oo go’aan wadajir ah looga gaaro soo jeedinadii Guddiyadii Farsamada ee Baydhaba ku shiray, kadib markii uu ka caga jiiday in la guda galo shirkii uu iclaamiyey ee ka qeyb galkiisa ay Muqdisho u yimaadeen madaxda Jubaland iyo Puntland.

Sidoo kale waxay sheegeen in markii uu diiday Farmaajo in laga wadahadlo ee ajendaha iyo qaabka loo qabanayo shirka guud ay Beesha Caalamku soo jeedisay in la bilaabo shirar hor dhac u ah shirweynaha wadatashiga ee lagu gaarayo xalka kama dambeysta ah.

“Maxamed Farmaajo ayaa mar walba oo isu soo dhawaansho yimaado dhankiisa ayuu ka carqaladeeyaa, asagoo ugu dembeyntii maanta soo jeediyey in kala tashi la soo yeesho, dibna laysugu soo noqdo shir kale,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Jubaland iyo Puntland, “Waxaa nasiib darro ah in Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka uu baahiyey war-saxaafadeed u muuqda mid horay loo sii diyaariyey, sheegayna in shirkii fashilmay, arrinkaas oo aan u aragno marmarsiinyo loogu gogol xaarayo in si sharci darro ah kuraasta loogu sii fadhiyo.”

Waxaa lagu sheegay qoraalkan in labada maamul aysan waxba kala socon shir fashilmay iyo sababta fashilisay, isla markaana ay diyaar u yihiin in laga heshiiyo qabsoomidda shirkii lagu balansanaa.

“Waxaan diyaar u nahay in si joogto ah aan uga qayb qaadano xal u helidda sidii dalka ay uga qabsoorni lahayd doorasho nabad iyo wada oggol ah, kuna dhisan heshiiskii 17 September 2020,” ayey qoraalkooda ku yiraahdeen Puntland iyo Jubaland.

Deni oo ka hadlay fashilka shirka Afisyoone – Wareysi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa eedeyntii ugu timid dowladda federaalka ku tilmaamay mar-marsiiyo ay horay tuhunkeeda u qabeen, balse mas’uuliyadda burburka ku yimid shirkaas aysan cidna la wadaageyn madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Deni waxa uu sheegay in muuqaalkii ay maanta xukuumaddu sii deysay ee wasiir Dubbe uu ku sheegay in Puntland iyo Jubbaland uu shirku ka socon waayey uu yahay mid horay loo sii diyaarsaday, islamarkaana ay dowladda federaalku horay ugu sii tala gashay fashilinta shirarka Afisyooni.

“Waxaa la yaab leh maanta iyo maalmihii horeba waan shireynay, balse waxaa noo cadaatay in qoraalka iyo muuqaalka ay galabta dowladdu sii deysay ay ahaayeen wax horay u diyaarsanaa, waxaa cad dowaldda federaalku in aysan rabin inuu dhaco shir looga wadahadlayo dalka, marka nasiib daradaas waa inay dadka Soomaaliyeed ogaadaan,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa sheegay in wasiir Dubbe uu maanta ku sugnaa Afisyooni oo madaxdu ay isugu tageen, balse dharka uu watay markii uu ka soo muuqday shirka jaraa’id ee eedeynta loogu jeediyey Puntland iyo Jubalnd uusan wadan, sida uu sheegay.

“Wasiir Dubbe waa uu nala joogay maanta, marka dharka uu isaga duubay muuqaalka kii uu watay maaha, marka wax sii diyaarsanaa oo loogu tala galay in bulshada lagu marin habaabiyo ayuu ahaa warkii galabta ka soo yeeray dowladda federaalka,” ayuu yiri Deni.

Hoos ka dhageyso wareysi uu siiyey VOA

FIQI oo xiriiriyey cafiska loo fidiyey Janan iyo garsoorka loo doonto Al-Shabaab

0

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wasirka amniga dowlad goboleeedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay sababta loogu cadaalad doonto dagaalyahanada Al-Shabaab, wuxuuna si gaar ah u xusay waaxda garsorka.

Axmed Macalin Fiqi ayaa tusaale usoo qaatay dacwadii la joojiyay wasiirkii hore amniga Jubaland Cabdirashiid Janan kaas oo dacwadiisa ay soo xireen xeer ilaalinta iyo makamadda gobolka Banaadir oo wadajir ah.

Janan oo dhawaan isku soo dhiibay dowladda Federaalka ah ayaa gal dacwadeedkiisii la laabay, wuxuuna Fiqi sheegay in garsoorka Soomaaliya oo liita darteed loo cadaalad doontay Al-Shabaab.

“Waa sababta dadweynaha ay safafka dhaadheer ugu jiraan maxkamadaha kooxda argagixisada, waana nasiib darro,” ayuu yiri Axmed Fiqi oo soo qaatay waraaqahii kasoo baxay xeer ilaalinta iyo maxkamadda gobolka banaadir.

Arintaan waxey timid kadib markii dowladda Federaalka ay heshiis la gaartay C/rashiid Janan kaas oo xil ka qaadis lagu sameeyay, waxaana lagu soo dhaweeyay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Shirkii Afisyoone oo guul-darro kusoo dhammaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii u dhaxeeyay madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ee Afisyoone ayaa guul-darroo kusoo dhammaaday kadib markii lagu kala booday qodobadii ugu adkaa ee la isku hayey.

Shirka ayaa fashilmay kadib markii la isku mari waayey dhowr qodob oo uu diiday madaxweyne Farmaajo, oo ay ka mid yihiin; in ajandaha shirka soo socda lagu soo daro amniga doorashada, gaar ahaan doorka hey’addaha amniga ee xilliga doorashada, si loo ogaado cida mas’uuliyadda leh.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, oo musharaxiinta mucaaradka kula mideysan Madasha Badbaado Qaran, ayaa qaba in kadib wixii dhacay 19-kii Febraayo, markaasi oo ciidamada amniga ay weerareen musharaxiinta, aan Farmaajo lagu aamini karin amniga doorashada. 

Farmaajo ayaa sidoo kale didiay in ajandaha shirka lagu daro doodda la xariirta muddo xileedkiisa iyo kan baarlamaanka ee dhammaaday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ku adkeystay in Gedo loo dhiso maamul Goboleed oo aysan qeyb ka noqon doorashada Jubaland. Qodobkaan ayaa ahaa mid saaka uu soo kordhiyay madaxweynaha, kaddib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha uu shalay la kulmay odayaal ka soo jeeda Gedo.

Wasiirka Warfaafinta xilka sii haya Cismaan Dubbe oo shir jaraa’id qabtay ayaa guul-darrada shirka ku eedeeyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, isaga oo sheegay inaysan rabin inay dalka ka dhacdo doorasho.

“Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in  labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn,” ayuu yiri Dubbe.

Farmaajo ayaa goor sii horreysay oo maanta ah ogolaaday in ka qeyb-galaaysha shirka la ballaariyo, laguna soo daro qaar ka mid ah mucaaradka, balse waxa uu diiday dhammaan qodobadkii kale ee la doonayey in ajendaha lagu soo daro.

Hoos ka daawo wasiir Dubbe