25.3 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

Puntland oo iska fogeysay eedeyn la xiriirta Jubaland oo loo jeediyey (Warbixin)

0

Garowe (Caasimadda Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa biyo qabow ku shubtay wararka sheegaya iney kaliya garab istaag u muujineyso Jubaland oo kaliya iyadoo iska ilowday Soomaalida inteeda kale.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland ahna afhayeenka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka jawaabay su’aasha la xiriirta iney kaliya isbaheysi la aburteen Jubbaland, wuxuuna wareysi siinayay Tv-ga RTN.

“Su’aashaan aad ayey iigu soo badatay, wixii Puntland ka hallaaba waxey ka hallaabeen Soomaalida oo dhan, wixii Soomaalida ka hallaabana waxey ka hallaabeen Puntland, meesheeda ayaana ku dareemeynaa,” ayuu Jaamac Deperaani u shegay RTN.

Isagoo hadalkiisa wii wata wuxuu yiri: “Waa marin habaabin in Puntland kaliya u hiiliso gobolka Gedo iyo Jubbaland, Arrinta Somaliland, isqabqabsiga guddiyada, iyo arinta gobolka Gedo oo ah qodob ka mid ah arrimaha doorashada ayaa laga hadlayaa”

Sidoo kale labada dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubbaland waxey doonayaan in ajandaha shirka guud ee doorashooyinka lagu daro walaca amniga iyo xad gudubkii 19-kii February, kaas oo maamulka madaxweynaha uu muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku weeraray madaxweynayaal hore.

Dhanka kale Jaamac Deperaani wuxuu ka hadlay in Farmaajo iyo maamulkiisa ay u fiicneed iney xafiiska banneeyaan 8-dii February, lana sii amba-qaado dimoqoraadiyadii xilka la isugu wareejin jiray.

“Caqabadda hadda jirta waxay la xiriirtaa madaxda dowladda federaalka kuraasta ayay kusii fadhiyaan iyaddoo muddo xileedkooda uu ka dhamaadey dalkana uusan aadin heshiis doorasho – taas waxay culeys ku haysaa dhamaan dadka Soomaaliyed,” ayuu mar kale yiri.

Talaabada ku kacay ee ah in uu wali kursiga isku sii dhejinaayo ayuu ku tilmaamay “fursad ka luntay” dadka Soomaaliyeed iyo in ay ahayd “xujo uusan dhaafi karin” madaxwayne kasta oo waddankan soo maraya isaga gedaashiisa.

Madax goboleedyada iyo Farmaajo oo ka heshiiyey qodob aad la isugu hayey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ee ku shirsan teendhada Afisyoone ayaa maanta is-faham ka gaaray mid ka mid ah qodobadii ugu adkaa ee la isku hayey, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno aad ugu dhow qaar ka tirsan madaxda maamul Goboleedyada, dhinacyada shirka leh ayaa isku fahmay mabda’a ahaan in la ballaariyo shirka soo socdo, islamarkaana ay kasoo qeyb galaan saamileyda kale ee dalka ee aan horey qeybta uga aheyn.

Dhinacyada ayaa isku fahmay in furitaanka shirka soo socdo ay ka qeyb galaan guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamaanka, madaxweynayaashi hore ee dalka, ra’iisul wasaarayaashii hore iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Qodobkan, oo ay soo jeediyeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa ahaa mid uu aad uga soo horjeeday madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana hadda muuqata in madaxweynaha uu tanaasulay kadib maalmo badan oo la isku fahmi la’aa.

Ballaarinta ka-qeyb-galaasha shirka ayaa sidoo kale ka dhigan inuu halis ku jiro heshiiska 17-ka September oo dowladda iyo beesha caalamka ay doonayeen in lagu salleeyo heshiis kasta oo cusub oo la gaarayo. Maadaama xubnaha cusub ee ka qeyb-galaya shirka aysan qeyb ka aheyn heshiiskaas, waxay ka dhigan tahay in dib looga doodi doono.

Qodobada kale ee illaa hadda aan heshiiska laga gaarin waxaa ka mid ah in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday saxiixo warqadda xil-gaarsiinta, awooddana ku wareejiyo xukuumadda, amniga doorashada iyo in tallaabo laga qaado taliyeyaashii ku lugta lahaa wixii dhacay weerarkii 19-kii Febraayo lagu qaaday mucaaradka iyo dibad-baxayaal.

Kulamada ayaa sii soconaya ilaa inta guud ahaan laga xalinayo qodobada kale ee la isku hayo, si loogu daro ajendaha shirka guud ee wada-tashida.

Shirka Afisiyoonr ayaa barqonimadii maanta dib u furmay kadib laba maalmood, oo uu hakad ku jiray.

Xog: DF oo Shiinaha iyo Ruushka la gashay heshiis la xiriira muranka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay heshiis hoose oo muhiim ah la gashay dowladaha Shiinaha iyo Ruushka, oo qeyb ka ah waddamada leh codka awoodda qayixan ee golaha ammaanka ee QM. 

Labadaan dowladood ayaa Madaxweyne Farmaajo u ballan qaaday in ay is hortaagi doonaan qaraar kasta oo Soomaaliya ka dhan ah islamarkaana la horkeeno fadhigga golaha ammaaka. 

Soomaaliya ayaa la sheegay in taa beddelkeed ay Shiinaha iyo Ruushka u ballan qaaday iskaashi iyo in fursad wanaagsan laga siiyo tartanka gobalka ka socda oo dalalkaas muhiim u ah. 

Shiinaha ayaa horey u muujisay mowqifkeeda, ayada oo taagero weyn siisay dowladda Farmaajo xilli ay cadadais ku hayeen dalalka reer galbeedka. Qoraal uu bishii hore soo saaray safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda Shiinuhu wuxuu ixtiraamayaa madax-banaanida iyo karaamada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, haddey noqoto mid dhuleed iyo siyaasadeed, waxaana si adag u taageereyna nabada, horumarka iyo barwaaqada Soomaaliya, anaga oo ku taagan mabda’a ah Soomaaliya Soomaali baa leh.” 

Haddii labadaan dal is hortaagaan qaraarada ka dhanka ah Soomaaliya ee la keeno Golaha amaanka ayaa Soomaaliya sii ahaan karto sidaan maadaama aysan UN-ka ka qaadan karin go’aan ku aadan xaalada cakiran ee Soomaaliya. 

Cakirnaanta dhinaca doorashada ee Soomaaliya ayaa u muuqato mid ay door ku leeyihiin dowlado waa weyn, kuwaas oo dano ka leh Soomaaliya waxaana la aaminsan yahay in arintaan ay madaxda dowladda ee muddo xileedkooda dhamaaday u horseedi karto dhiranaan ay xafiiska ku sii joogaan. 

Muxuu qabanayey khabiirka u dhashay dalka Finland ee ku geeriyooday Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khabiir ku takhasusay maareynta dhibaatooyinka soo gaara dadka rayidka ah, una dhashay dalka Finland, ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib markii uu ku dhacay cudurka Covid-19 ee sida weyn ugu faafay Soomaaliya bilihii ugu dambeeyey.

Geerida Khabiirkaan ayaa waxaa xaqiijiyey Agaasimaha Xarunta Maareynta Dhibaatooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland oo ka qeybgalay tacsi loo sameeyey Khabiirkaan.

Khabiirkaan oo u shaqeynayey howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaan illaa hadda la sheegin magaciisa, balse wasaaradda Arimaha Dibadda dalka Finland ayaa sheegtay inay tahay markii ugu horeysay oo khabiir ku takhasusay maareynta dhibaatooyinka soo gaara rayidka uu dhinto isagoo howlgalka ku jira.

“Xarunta Maareynta Dhibaatooyinka waxa ay si qoto dheer ula qaybsanaysaa murugada weyn ee ehelka khabiir ku dhintay howlihii maaraynta dhibaatooyinka rayidka” ayuu yiri  Kirsi Henriksson oo ah Agaasimaha Xarunta Maareynta dhibaatooyinka Finland.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in dhimashadaan ay murugo ku abuurtay dadka ka shaqeeya maaraynta dhibaatooyinka rayidka, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalkaas.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Debadda Finland, khabiirkaan ayaa Muqdisho ku dhintay 21-kii bishii hore ee Maarso, kadib markii uu dhowr maalmood la xanuunsaday cudurka Coronavirus.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Dowladda Finland, meydka khabiirka ayaa la geeyey dalkaas maalintii Khamiista oo taariikhdu aheyd 1-kii bishan Abriil.

Shaqooyinka Howlgalka Maareynta dhibaatooyinka soo gaara dadka rayidka ah ayaa waxaa kamid ah taageerida qeybaha booliska badaha, taageerida horumarinta ciidamada ilaalada Xeebaha Soomaaliya iyo hormarinta guud ee booliska.

Dowladda Finaland ayaa howlgalkaan waxay ku leedahay illaa sideed khubaro ah, sida ay baahisay warbaahinta dalkaas Finland, inkastoo mid ah uu yahay kan la shaaciyey geeridiisa.

Finland ayaa sanad kasta ilaa 120 qof oo bartay maaraynta dhibaatooyinka soo gaara dadka rayidka ah waxay ugu deeqdaa howlgalada EU, UN, OSCE, NATO ama Golaha Yurub.

VILLA SOMALIA oo diiday in shuruud lagu xiro fulinta heshiiskii 17-ka September

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa diiday in shuruud lagu xiro shirka maalmihii u dambeeyay ka socday Afisyooni, kaasi oo maalintii Axadda hakad la galiyey, kadib markii maalinkii labaad ee uu shirkaas dhacay uu soo dhammaaday ayada oo aan wax heshiis ah la gaarin.

Madaxda sarre ee dowladda waqtigeeda dhamaaday iyo madaxda Puntland iyo Jubaland oo dhinac ah ayaa isku haya qoddobo dhowr ah oo  ku aadan ajendaha shirka, waxaana qorshuhu ahaa in dib loo billaabo maanta si la iskugu fahmo, inkasta oo uu haddana baaqday.

Waxaa qodobadaas ka mid ah; yareynta awoodda Madaxweynaha ee xilliga kala-guurka, weerarkii 19-kii Febraayo lagu qaaday dibad-baxayaal iyo qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha, iyo in la ballaariyo ka qeyb-galayaasha shirka.

Hase yeeshee, afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa diiday in xiligan “wax shuruud ah aan lagu xirin fulinta heshiiskii 17-kii September ay madaxdu kala saxiixdeen,” si dalka loogu jaheeyo doorasho heshiis lagu yahay, sida uu sheegay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa intii ay socdeen kulamadii u dambeeyey waxa uu diiday dhammaan qodobadii ay wateen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ay doonayeen in ajendaha shirka wada-tashi lagu soo daro, taasi oo keentay is-mari-waa.

Madaxtooyada ayaa dooneysa kaliya in laga wada-xaajoodo qodobadii heshiiska September 17, hase yeeshee Jubaland iyo Puntland ayaa ku doodaya in dowladda ay kadib qaaday tallaabooyin carqaladeyn ah, ayna tahay in laga wada-hadlo.

Go’aanka Villa Somalia iyo shuruudaha Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa sii dheereyn kara is-mari-waaga dhinacyada is-haya, xili ay beesha caalamka muddo ku dhow bil magaalada Muqdisho ku hayso madaxda Puntland iyo Jubaland oo ayagu diidan hanaanka doorasho ee dowladda waqtigeeda dhamaaday.

Waxaa hoos u dhacday rajada laga qabay in is-faham guud oo lagu galo shirweynaha doorashada laga gaaro kulamada Afisyooni, mana cadda in beesha caalamka oo gadaal ka riixeysa wada-hadaladan ay si toos ah usoo faro-gelin doonto.

Kenya: Tallaabadii uu qaaday Uhuru Kenyatta oo saameyn ku yeelatay Soomaalida

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa dhawaan soo saaray go’aamo looga hortagayo mowjadda saddexaad ee cudurka Coronavirus, kaasi oo qeybo kamid ah dalka Kenya loogu soo rogay bandow.

Go’aanka Uhuru Kenyatta ayaa saameyn weyn ku yeeshay ganacsiga iyo shaqooyinkii dadka ka shaqeyn jiray huteelada iyo goobaha dadweynaha isugu imaadaan ee magaalada Nairobi, ayada oo uu si gaar ah dhibaato hor leh ugu keenay ganacsatada Soomalida ah.

Ganacsigii suuqa Soomaalida Islii ee magaalada Nairobi ayaa bandowgan waxa uu ku yeeshay saameyn xoogan, ayada oo ganacsiyada qaar uu u horseeday inay gebi ahaanba baaba’aan.

Xoghayaha guddiga ganacsatada Suuqa Islii, Cumar Ibraahim Xuseen oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in saameynta ugu xoogan ee go’aankan uu 70% lumiyey ganacsigii Huteelada iyo goobaha lagu cunteeyo.

“Bandowga uu madaxweynaha ku dhawaaqay saameyn badan ayaa kasoo gaaray Islii ahaan, waxaa kamid ah ganacsatada ugu badan ee saameysay meelaha raashinka lagu kariyo. Ganacsiguna hoos ayuu u dhacay isku socodkii maadama la xanibay, dad badan ayey shaqo beel ku dhacday,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ku booriyey inay u hogaansamaan shuruudaha caafimaad, islamarkaana ay ka digtoonaadan qatarta cudurka Covid-19 oo markale si weyn ugu soo labo kacleeyay dalkaas.

Saameynta ka dhalatay bandowga uu soo saaray madaxweynaha Kenya ayaa si weyn looga dareemay suuqa Islii ee Soomaalida, waxaana xiliyadii hore u tukaameysi iman jiray boqolaal dad ah, midaasi oo uu meesha ka saaray cudurka Covid-19.

KENYA: Caro ka dhalatay fanaan soo xirtay funaanad lagu sawiray Masjid

0

Nairobi (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta masaajid ku yaalla magaalada Lamu ee wadanka Kenya ayaa warqad cabasho ah ka gudbiyay nin degan dalka Mareykanka, kaas oo naqshadeeyay Funaanad uu xirtay heesaaga weyn ee Jay Z, sida uu baahiyey wargeyska Daily Nation.

Dad badan ayaa ka carooday falkaan, waxayna kusoo bandhigeen caradooda baraha bulshada, taas oo keentay in warqadaan cabashada ah la diro, waxayna hoosta ka xariiqeen inaan la aqbali karin arrintaas.

Fanaanka Jey Z ayaa xirtay funaanad lagu sawiray masjidka taariikhiga ah ee Riyadh, waxaana aad loo cambaareeyay in sawirka masjidka lagu soo bandhigo funaanad loo qaadanayo ‘baarar lagu caweeyo’ waxaana arrintaas si adag uga hadlay madaxda masaajidka.

“Munaarad diimeed lama xiriirin kartid waxyaalaha adduunka. Waxaa daabaceysaa funaanad ay ku qoran tahay astaan laga yaabo in loo qaato ‘kalaabyadda iyo baararka’. Bixi raalligelin,” ayaa laga soo xigtay mid ka mid ah wadaadada ku nool dalka Kenya.

Ninka nashqadeeyey Funaanadaan muranka abuutay waxaa la yiraahdaa Zeddie Lukoye, waxuuna ka tirsan yahay shirkadda Blkburd Genes oo ah shirkad maxali ah oo hadafkeedu yahay inay dadka adduunka oo dhan ku wacyi galiso taariikhda, dabeecadda, iyo arrimaha taagan markaas.

Hase yeeshee culumada hadashay waxay qabaan inay aheyd inay adeegsato shirkadan astaamo kale oo taariikhi ah oo xattaa Lamu ku yaalla, intii uu masaajidka adeegsan lahaa.

Si gaar ah ayaa loo beegsaday naqshadeeyaha Funaanadaan Zeddie, masaajidka uu astaantiisa ku xardhay ee Riyadh waa kan ugu cimriga dheer ee sida joogtada ah loogu cibaadeysto, waana mid ka mid ah goobaha waxbarashada ugu weyn ee Islaamka, marka laga hadlo dadka ku hadla luqadda Sawaaxiliga.

100 qof oo ku geeriyootay dagaalka Soomaalida iyo Canfarta dalka Itoobiya

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Ugu yaraan illaa 100 qof ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii lasoo dhaafay ay ku dhinteen dagaal gobolka Sitti ku dhex-maray qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta ee ku nool qeybo ka mid ah Itoobiya.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Canfarta ay weerar ku qaadeen dad rayid ah oo u badan carruur iyo haween oo ku sugnaa gobolka Sitti, sida uu shaaca ka qaaday wasiirka warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in dhalinyarada gobolka ay sameeyeen iska caabin, isla-markaana ay dileen ugu yaraan illaa 25 ka tirsanaa raggii weerarka soo qaaday.

Qoraal ah kasoo baxay maamulka gobolka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhimashada ay gaareyso 100-ruux oo isugu jiro labada dhinac, halka dhaawaca uu ka badan yahay intaasi.

Dagaalladan oo ah kuwa soo noqo-noqday ayaa waxaa ka dhashay barakac, xaalado bani-aadamnimo iyo kuwa caafimaad oo ka taagan gobolka Sitti.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana weli is horfadhiya Soomaalida iyo Canfarta oo dhowr jeer isku dhacyo ay ku dhex-mareen halkaasi.

Shirkii u dhexeeyey DF iyo dowlad goboleedyada oo maanta dib u billowday

0

Muqdisho (Caasimada Onilne) – Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho dib uga billowday kulankii u dhexeeyey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo Sabtidii ka billowday Teendhada Afisyoone.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxweynaha waqtigiisa uu dhammaaday, ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, shanta madax goboleed iyo duqa Muqdisho.

Kulankan ayaa shalay dib u dhacay, sababo la xiriira safarkii Qoor Qoor ee Dhuusamareeb, kaas oo gelinkii dambe ee shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Wararka sheegaya in shirkan laga filayo in horumar laga sameeyo, gaar ahaan qodobada la’isku haya ee hannaanka doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka.

Intiisa badan waxaa kulanka maanta diirada lagu saarayaa ajandaha shirka arrimaha wada-tashiga doorashooyinka iyo diyaarinta dhinacyada ka qeyb-galaya.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey wada-hadallada siyaasadeed ee ka socda Teendhada Afisyoone.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xaalad adag oo kala guur ah, waxaana si aada la’isugu hayaa hannaanka loo wajahayo doorashooyinka 2021 oo uu ku yimid dib u dhac baahsan.

Sacuudiga oo shuruud ku xiray gudashada Cumrada ee bisha Ramadan (Aqriso)

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo saartay shuruud hor leh oo ay ku xireyso dadka caalamka kale ka imanaya ee doonaya inay tagaan Cumrada iyo kuwa salaada ku tukanaya masjidka Xaramka, laga bilaabo bisha Ramadaan.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kaliya dadka iska tallaalay cudurka Coronavirus/COVID-19 loo ogolaan doono inay tagaan Cumrada.

Sidoo kale waxaa bayaankaas lagu sheegay in saddex nooc oo dad ah loo arki doono “kuwa tallaalan” – Kuwa qaatay labada goojo ee tallaalka, kuwa qaatay hal goojo ugu yaraan 14 maalmood kahor, iyo kuwa uu ku dhacay xanuunka ee kasoo bogsaday.

Shuruudahan oo ay wasaaraddu sheegtay inay dhaqan geli doonto bisha Ramadaan ee bartamaha bishan April, ayaa waxa xiligaas wixii ka dambeeya loo ogolaan doonaa dadka Tallaalan oo keliya inay gutaan Cumrada ama ay Salaad ku tukadaan Masjidka Xaramka, iyo Masjidka Nebiga NNKH.

Siyaasaddan cusub ee uu soo saaray Wasiirka cusub ee Wasaarada Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa si faah-faahsan loogu sheegin in shuruudahan ay ku egyihiin oo keliya inta lagu gudo jiro Ramadaanka. Mana cadda, haddii siyaasaddan lagu dabaqi doono Xajka.

Tan iyo markii uu bilowday cudurka Coronavirus waxaa hoos u dhacday dadkii tagi jirey Xaramka, waxaana Xajkii 2020-ka ka qeyb-galay kaliya 10,000 oo qof oo ahaa dad degan Sacuudi Carabiya, taas oo aad uga yareyd ka qeyb-galayaashii 2019-ka oo ahaa 2.5 milyan oo qof oo ka kala yimid daafaha adduunka.

Wararkii ugu dambeeyey ee wada-hadalada doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa inay dib uga billowdaan wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Wada-hadallada oo hakad-galay labadii maalin ee ugu dambeysay ayaa qorshuhu yahay inay maanta dib uga billowday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Intiisa badan waxaa kulanka maanta diirada lagu saarayaa ajandaha shirka arrimaha wada-tashiga doorashooyinka iyo diyaarinta dhinacyada ka qeyb-galaya.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey wada-hadallada siyaasadeed ee ka socda Teendhada Afisyooni.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa ka biyo diiday in shuruudo horleh lagu xiro fulinta heshiiska 17-kii September, kuwaas oo dib usii dhigi kara wada-hadallada haatan socda.

Si kastaba Soomaaliya ayaa ku jirto xaalad adag oo kala guur ah, waxaana si aada la’isugu hayaa hannaanka loo wajahayo doorashooyinka 2021 oo uu ku yimid dib u dhac baahsan.

5 dalab oo xasaasi ah oo horseedi kara in shirka Afisyoone uu fashil ku dhammaado

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad hakad ku jira shirka looga hadlayo ajendaha shrika arrimaha doorashada Soomaaliya una dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul gobaleedyada dalka ee teendhada Afisyoon. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeya in Villa Somalia ay diiday shan qodob oo ay soo jeediyeen maamulada Puntland iyo Jubaland, islamarkaana ay sheegtay inaysan marnaba aqbali doonin, kuwaas oo kala ah:-

1- In la ballaariyo shirka oo laga qeybgeliyo mucaaradka si loo qaato go’aan kama dambeys ah oo ku aadan doorashada Soomaaliya. 

2- In laga doodo mudddo xileedka hay’adaha dowladda ee dhamaaday si gaar ah madaxweynaha iyo Baarlamaanka. Si gara ah in Madaxweynaha Soomaaliya qoro warqad uu ku cadeynayo in uusan aheyn Madaxweyne islamarkaana ka dhamaaday muddo xileedkiisa, oo uu yahay kaliya sii-hayaha xilka madaxweynaha.

3- In laga wada hadlo arrimihii dhacay 19-kii Feberaayo 2021, kuwaas oo ahaa weeraradii loo geestay mucaaradka. Arrintan ayaa waxaa sidoo kale diidmada Farmaajo ku raacsan Cali Guudlaawe iyo Qoor Qoor.

4- In laga hadlo amniga doorashada iyo cidda sugeysa maadaama qaar ka mid ah ciidamada qaranka lagu eedeeyay in ay ka qeyb qaateen weeraradii mucaaradka. 

5- In xilalka laga qaado taliyaasha ciidamada qaarkood, kuwaas oo la sheegay in ay door ku lahaayeen qalalaaso ka dhacay Muqdisho, si gaar ah ah taliyaha Nabad-sugidda Fahad Yaasin, oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu awoodda badan dowladda.

Wararka aan helnay ayaa xaqiijinaya in Villa Somalia diidan tahay in qodobadaan ka tanaasusho halka dhinacyada kalane ay diideen in ay ka tanaasulaan, taasi oo xaaladda ka dhigeysa mdi is-mari waa ah.

Lama oga sida uu ku dambeyn doono xaalka Soomaaliya waxaase la aaminsan yahay in sababahan dartood uu shirku guul darro ku dhamaan doono.

Sawirro: DF oo Muqdisho ku shirisay beelo kasoo horjeeda Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lagu baahiyey bogga wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa looga warbixiyey kulan wasiirka arrimaha gudaha Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax uu Muqdisho kula yeeshay odayaal dhaqan iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Jubaland, kuwaas oo cabasho ka ah maamulkooda, sida lagu sharaxay qoraalkan.

“Odayaal dhaqameedka beelaha dagga Julabaland iyo siyaasiinta ka soo jeeda maamlkaas  ayaa u gudbiyay  Wasiirka Wasaaradda cabashooyin  ku aaddan sida ay ku dhisantahay  Dowlad Goboleedka Jubaland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalkaan in odayaasha iyo siyaasiyiinta la kulmay ay cadeeyeen in aysan ku qanacsaneyn maamulka hadda ka jira Jubbaland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe, iyagoo dalbaday in Jubbaland laga dhiso maamul la wada leeyahay.

“Waxaa ay caddeeyeeyn in aysan  ku qanacsaneyn  guud ahaan Maamulka Jubaland. Isla markaana  ay daneynayaan maamul lagu dhiso si wada ogal  ah, damaanad  qaadi  kara  Nabadgalyadooda iyo isku haynta wada jirkooda iyo horumarkooda, shacabka ku dhaqan maamulka Jubaland,” ayaa lagu yiri qoraalka ay baahisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Jeneraal Mukhtaar ayaa sida lagu sheegay qoraalkan odayaasha beelaha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Jubaland ka dhageystay cabashooyinka ay soo gudbiyeen ee la xariira caqabadaha ay ka wajahayaan maamulka Axmed Madoobe.

Maamulka hadda ka arrimiya Jubbaland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe iyo dowladda dhexe ayaan laheyn macaamil wanaagsan, waxaana ka dhex jira khilaaf salka ku haya doorashadii u dambeysay ee markiisii 3-aad uu ku soo baxay Axmed Madoobe.

Dowladan uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo oo si adag uga hor timid dib u doorashadii Axmed Madoobe ayaa mar dambe u ogolaatay in si ku meel gaarnimo ah uu Axmed ku sii xukumo Jubbaland, illaa bisha Agosto ee sanadkan, oo haatan ay ka hartay afar bilood.

Xog: Qiimaha hubka la kala siisto ee Muqdisho oo sare kac uu ku yimid + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bilihii u dambeeyay la dareemayay sarre u-kac balaadhan oo ku yimid qiimaha magaalada Muqdisho la kala siisto hubka noocyadiisa kala duwan, xili ay xaalada dalka kasii dareyso.

Hubka uu sarre u-kaca ku yimid ayaa waxaa kamid ah qoriga Dhashiikaha, Qoriga PKM, RPG ama Sabanka iyo Qoriga AK47, waxaana dhamaantood hadda lagu iibiya qiimihii hore labo jibaarkeeda, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Suuqyada hubka ee loo yaqaano ‘Cir-toogte’ ayaa waxaa labadii bilood ee u dambeeyay saa’id loogu kala iibsanayay hubka noocyadiisa kala duwan, tan iyo intii uu sii xoogeystay khilaafka doorashada dalka.

Sidoo kale sarre u kaca hubka ayaa loo sababeeynaya xaaladda ka jirtay gobolka Gedo, oo ay dowladda federaalka muddooyinkii dambe u daabuleysay hub kala duwan.

Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in dhinacyada u badan ee iibsanayay hubka ay kamid ahaayeen Musharaxiinta mucaaridka oo ayagu aad isku hubeynayey, kadib weeraradii kala duwan ee dowladda waqtigeedu dhamaaday ku qaaday 19-kii Febraayo iyo iska hor-imaadyadii u dambeeyay.

Xiisada u dhaxeysa Madaxda u sareeysa dowladda waqtigeedu dhamaaday iyo Musharaxiinta mucaaridka ayaa waxay kasii dartay markii magaalada Muqdisho ka dhaceen shaqaaqo iyo isku dhacyo u dhaxeeyay oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Xaalada siyaasad ee dalka ayaa mareysa meeshii u sareysay, xili uu dhamaaday muddo xileedkii dowladda, islamarkaana aysan jirin heshiis ama is-faham guud oo laga gaaray hanaanka doorashada dalka, mana cada halka ay wax sal dhigan doonaan.

Hoos ka eeg qiimayaasha markii hore iyo himika lagu kala iibsado Hubka;

  • Qooriga Dhashiikaha 21 kun oo dollar halka marki hore ahaa 15 kun oo dollar
  • Qooriga PKM 16 kun oo dollar halka marki hore uu ahaa 12 kun oo dollar
  • Qoriga RPG ama sabanka 3kun oo dollr halka hore kun shan boqol oo dollar
  • AK47 $1,800 halka markii hore $1,100
  • Bastoolada $2,200 markii hore $1,500

Beesha caalamka oo farriin cusub kasoo saartay shirka teendhada Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa ka codsaday hoggaamiyaasha Soomaalida inay heshiis gaaraan, xilli maanta mar kale uu baaqday shirkii Afisyoone ee arrimaha doorashada, kaasi oo sidoo kale shalay aan dhicin.

“Iyadoo ay Soomaalidu u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Beesha Caalamigu waxay muujinayaan rajo ah in mabaadi’da aasaasiga ah ee milicsiga, dulqaadka, Iscafinta iyo dib-u-heshiisiintu ay u horseedi doonaan guul shir madaxeed oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Qoraalka beesha caalamka ayaa sidoo kale ku baaqay in la oggolaado hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17 September.

“Saaxiibada Caalamku waxay ku boorrinayaan in wada hadalakan ay hormuudka ka tahay Soomaalida isla markaana ay Soomaali leedahay uu horseed u noqon doonto xallinta dhammaan arrimaha taagan iyo in la oggolaado hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17 Sebtember. Heshiiska noocan oo kale ah, oo astaan u ah midnimada, u damqashada iyo daryeelika dadka kale, wuxuu muujinayaa hoggaan iyo danayn ummadda Soomaaliyeed isla markaana waxuu u noqon doonaa hadiyad bisha Ramadaan u gaar ah dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha caalamka ayaa madaxda Soomaalida ku boorisay inay fursaddan u adeegsadaan inay ku xalliyaan khilaafaadkooda oo ay sameeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah si loo hubiyo in doorashadu noqoto mid lagu kalsoonaan karo, waqtigeeda, iyo si nabad ah ku qabsoomi karta  iyadoo aan dib-u-dhac dambe ku imaan si loogu oggolaado Soomaaliya inay horay u socoto.

Shirka madada dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ee Afisyoone ayaa mar kale maanta la hakad geliyey, ayada oo la sheegay inuu dib u furmi doono maalinta Arbacada ee berri. Dib u dhigista dib u billaabashada shirka ayaa loo sababeeyey maqnaanshaha madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Qoor Qoor ayaa shalay dib ugu laabtay magaalad Dhuusomareeb kadib 45 cisho uu joogay Muqdisho iyo Istanbul. Dastuurka Galmudug ayaa dhigaya in madaxweynaha maamulka uusan 45 cisho oo xiriir ah ka badan ka maqnaan karin deegaanada gobolka.

Shirka oo looga hadlayey ajandaha shirka doorashada ayaa Axaddii muddo hal maalin ah hakad la galiyey, kadib markii maalinkii labaad ee uu dhacay uu soo dhammaaday ayada oo aan wax heshiis ah laga gaarin dhammaan qodobada la isku hayo ee ku aadan ajendaha shirka, waxaana qorshuhu ahaa in dib loo billaabo maanta.

Qoraalka beeshaa caalamka ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

Taliska NISA ee gobolka Banaadir oo shaaciyey xog culus oo uu helay dhowaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Hey’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya ee NISA qeybtiisa Gobalka Banaadir ayaa shaaciyey inuu helay xog ah in maalmihii lasoo dhaafay ay dhinteen seddax sarkaal oo labo ka mid ah ay Al-Shabaab u qaabilsaneed sameynta qaraxyada Miinooyinka ah ee kooxdu ka fuliso gobollada Banaadir iyo Shabeellada Hoose.

Qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Maxamuud Goobe Raage Jiisoow iyo Muuse Kooble oo Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Miinooyinka ah ee kooxdu ay ka fuliso gobollada Banaadir iyo Shabeellada Hoose ay ku dhinteen gaari kula qarxay deegaanka Basra.

Raggaan waxaa la sheegay in qaraxyadaas ay gaari uga soo qaadeen deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose, balse uu ku qarxay markii ay marsiinayeen deegaanka Basra ee isla Shabeellada Hoose.

Sida lagu soo bandhigay xogtaan qaraxaas waxa uu dhacay 28-kii bishii hore ee Maarso, waxaana labada sarkaal la geeriyooday lix dagaalame oo ilaalo u ahaa.

NISA waxay sheegtay in labada sarkaal ee qaraxaas ay wadeen ku dhintay ay door firfircoon ugu jireen kooxda, maadaama ay aad ugu xeel-dheeraayeen sameynta qaraxyada, gaar ahaan kuwa miinooyinka.

Sidoo kale NISA waxaa laga soo xigtay in qaraxyadaas loo soo waday gobolka Banaadir oo mudooyinkii dambe ay ku soo bateen qaraxyada miinooyinka ah.

Dhanka kale seddax maalmood ka hor, 3-dii bishan Abriil, waxaa dagaalkii ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay sarkaal kale oo magaciisa lagu soo koobay Daariq, sida lagu sheegay qoraalkan oo laga soo xigtay Taliska NISA qeybtiisa gobolka Banaadir.

DF oo la kulantay safiirka Shiinaha kadib go’aankiisii muranka doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka Gargaarka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulantay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mr Qin Jian, kadib mowqifkii Shiinaha ee xiisada doorashooyinka dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Kulankaan ayaa u daarna mahad-celin ku aadan mowqifkii ay dowladda Shiinaha dhawaan ka qaadatay xiisada doorashada, midaasi oo ay si weyn ula dhaceen madaxda sarre ee waqtigooda dhamaaday.

Wasiir Khadiijo ayaa Safiirka Shiinaha la wadaagtay bogaadinta madaxda sarre, ayada oo uga mahad-celisay ‘dhowrista madax-banaanida dhuleed iyo mida Siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay dhawaan Safaaradda shaacisay’.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxa lagu soo hadal qaaday kaalinta Shiinaha ee howlaha gar-gaarka bani-aadanimo, waxayna wasiiraddu ka dalbatay Safiirka kordhinta taageerada ay siiyaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa dhamaadka bishii hore ee March barteeda twitter-ka ku baahisay qoraal ay ku sheegtay inay dhowrayso madax-banaanida Soomaaliya, islamarkaana ay taageerayso horumarka iyo nabada halka lug ku taagan ee dalka.

“Dowladda Shiinuhu wuxuu ixtiraamayaa madax-banaanida iyo karaamada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, haddey noqoto mid dhuleed iyo siyaasadeed, waxaana si adag u taageereyna nabada, horumarka iyo barwaaqada Soomaaliya, anaga oo ku taagan mabda’a ah Soomaaliya Soomaali baa leh,” ayaa lagu yiri qoraalka Shiinaha.

Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa xiligaas waxa si weyn warbaahinteeda ugu baahisay dowladda federaalka, midaasi oo banaanka keentay la dhacsanaanta mowqifka Shiinaha ee uu ka qaatay xiisada ka taagan dalka.

Arrintaan ayaa imaneysa xili ay beesha caalamka isku dayeyso in xal kama dambeys ah laga gaaro doorashada, taasi oo Farmaajo u diidan yahay, waxaana la rumeysan yahay inuu u arko in beesha caalamka ay xal dhex dhigi karto madaxda is-khilaafsan, waana mida uu u diidan yahay faro-gelintooda.

Afgambi cusub oo ka dhan madaxweyne Erdogan miyaa laga qorsheeyey Turkey?

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii ku eedeeyey tobaneeyo taliyeyaal hore oo ciidamada badda ah inay isku dayeen “afgambi siyaasadeed” ayaga oo weeraraya qorshaha uu ku dhisayo marin-biyood isku xira Badda Madow iyo Maditareeniyaanka.

Booliiska ayaa xiray 10 taliye oo ciidamada badda ah, kuna amray afar kale inay isa soo dhiibaan kadib markii ay daabaceen warqad furan oo ay ku dhalleeceeyen dhismaha Canal Istanbul.

Taariikhda Turkey ee kadib Cusmaaniyiinta ayaa waxaa la degay afgambiyo ay sameeyeen militariga oo isku arka inay yihiin kuwa uga dambeeya ee damaanad qaada nidaamka cilmaaniyadda ee dalkaas Muslimka ah.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa ka carreysiiyey warqadda ay dhammaadkii toddbaadka daabaceen 104 admiral oo horey uga tirsanaa ciidamada badda, kuwaas oo ku booriyey inuu u hoggaansamo Xeerka Montreux Convention ee 1936-kii.

Xeerkan ayaa diidaya in aag militari laga dhigo badda Balck Sea, wuxuuna dejinayaa sharciyo adag oo maamula maraakiibka ku safreysa marinada Bosphorus iyo Dardanelles.

Hase yeeshee qorshaha Erdogan uu ku dhisayo marin cusub oo 45-km ah oo maraakiibta ay maraan, kuna yaala galbeedka Bosphorus ayaa furaya su’aal ku saabsan haddii Xeerka Montreux Convention lagu daabaqi doono kanaalka cusub.

Taliyayaasha warqadda qore ayaa sheegay in xeerka 1936-kii “uu sida ugu wanaagsan u ilaalinayo danaha Turkey.”

Erdogan ayaa Isniintii sheegay in “waajibka admiraalada howlgabka ah – oo 104 ka mid ah ay isku yimaadeen – aysan aheyn inay daabacaan qaraar tusmeynaya afgambi siyaasadeed”.

“Dal taariikhdiisa ay ka buuxdo afgambiyo, isku day afgambi oo kale oo ay sameynayaan admiraallo howlgab noqday marnaba lama aqbali karo,” ayuu yiri Erdogan kadib kulan uu la yeeshay kaaliyayaashiisa sare.

Dacwad-oogaha sare ee Ankara ayaa taliyayaasha hore ku eedeeyey “adeegsiga awood iyo rabshado si ay meesha uga saaraan kala dambeynta dastuuriga ah.”

Eedeyntan ayaa horey loogu adeegsaday saraakiisha la xiray kadib isku-daygii afgambi ee dhicisoobay bishii July ee 2016.

Marin-biyoodka Canal Istanbul ayaa loo arkaa inuu halis ku yahay Russia, sababtoo ah wuxuu gaashaan buurta NATO, oo ay Turkey ka tirsan tahay siinayaa marin ay ku gaaraan Badda Madow ee Russia.

AFP + VOA

Faroole oo shaaciyey sabab Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe aysan uga hor-iman karin Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole kana mid ah mudanayaasha aqalka sare ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan dalka iyo shirarka looga hadlayo arrimaha doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho.

Faroole ayaa sheegay inuu rajo ka qabo shirka Afisyoone, wuxuuna taageero weyn u muujiyay Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe oo mowqif adag ka taagan arrimaha taagan, wuxuuna sheegay iney sharci ku taagan yahiin.

Faroole wuxuu maamullada taageersan madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tilmaamay kuwa ku tiirsan Muqdisho, ciidan iyo dhaqale intaba.

“Shan maamul goboleed ayaa sharci ah, saddex maamul waa niman dhulkooda intiisa badan la heysto, magaalooyinka ku hareereysanna waardiye laga haayo, dakhlina aan heli karin” ayuu yiri Faroole.

“Cudur daar baan u hayaa, balse waxaan cudurdaar uga heyn iney gudoonshaan oo cid ku raacaan federaal diid, waxey ku sifeysan yahiin maahmahdii Cismaan Keynadiid ee aheyd: “Nin mushaari eexeynaya waa maskiin dhab ahe, mudeec waxa ka dhigay inuu maarmi waa yahaye,” ayuu yiri Faroole.

Hadalka Faroole ayaa u dhigmaya maamullada dowladda taageersan aysan ka maarmin dowlada oo ay mar walba hoos joogan, taasna ay ku qasbeyso ineysan ka hor imaan, balse labada maamul kale ay yahiin dad isku tashaday.

Sidoo kale wuxuu sheegay in cidda kaliya ee sharciyad heysata ay tahay maamul goboleedyada, inta kalana ay ku joogaan qaraar ay doorasho ku galaan.

CC Shakuur oo kiiska Janan la meel dhigay dacwadda laga gudbiyey Netanyahu

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay dacwadda la-laalay ee wasiirkii hore ee amniga maamulka Juballand, kadib warqad kasoo baxday xeer ilaaliyaha guud, kuna raacday maxkamadda gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in tallaabada garsoorka dalka ay tahay dulmi iyo cadaalad darro aad u weyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Dulmiga, caddaalad darrida iyo ku tumashada xaqa muwaadinka waxey horseeda burbur ummadeed iyo qaran jab,” ayuu yiris siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kiiska Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) la mid dhigay dacwad uu xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil ku soo oogay ra’iisul wasaare Benyamin Netanyahu, taas oo dhageysigeedu si rasmi ah uga billaabtay maxkamadda Jerusalem.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay Culimada Soomaaliyeed inay jawaab deg deg ah ka bixiyeen falkaasi, kana hadlaan go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu cafiyey Janan oo horey loogu soo eedeeyey inuu geystay tacadiyo ka dhan ah bani’aadanimada.

Halkan hoose ka aqriso:

Xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil ayaa dacwad ku soo oogay Raysalwasaaraha dalka Benyamin Netanyahu,. Maxkamadda Jerusalem ayaa billawday dhageysiga dacwaddiisa, halka shalay xeer Ilaaliyiha Soomaaliya dacwad uu isagu horay ugu soo oogay C/rashiid Janan u cafiyey, Maxkamadda Banaadirna ku raacday. Imaam Ibnu Taymiyah ayaa laga wariyey in uu yiri

“Alle dowladdii caaddil ah ayuu u gargaaraa, haddii ay doonto gaalo ha noqotee, garabna ma siiyo dowladdii dulmiga ka shaqeysa haddii ay doonto Muslim ha ahaato”

Dulmiga, caddaalad darrida iyo ku tumashada xaqa muwaadinka waxey horseeda burbur ummadeed iyo qaran jab.

Farriintaan hala gaarsiiyo kuwa culimmada sheegta ee maalin walba fatwada diiniga ah la garab taagan Farmaajo oo sidii uu doono sharciga dalka ugu tunta.