25.3 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

Shirkii Afisyoone oo mar kale hakad la geliyey maanta iyo sababta ka dambeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka madada dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ee Afisyoone ayaa mar kale maanta la hakad geliyey, ayada oo la sheegay inuu dib u furmi doono maalinta Arbacada ee berry.

Warkan ayaa waxaa shaaciyey agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi, oo qoraal kooban soo dhigay barta twitter-ka. Cabdirashiid ayaa dib u dhigista dib u billaabashada shirka u sababeeyey maqnaanshaha madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Qoor Qoor ayaa shalay dib ugu laabtay magaalad Dhuusomareeb kadib 45 cisho uu joogay Muqdisho iyo Istanbul. Dastuurka Galmudug ayaa dhigaya in madaxweynaha maamulka uusan 45 cisho oo xiriir ah ka badan ka maqnaan karin deegaanada gobolka.

Shirka oo looga hadlayey ajandaha shirka doorashada ayaa Axaddii muddo hal maalin ah hakad la galiyey, kadib markii maalinkii labaad ee uu dhacay uu soo dhammaaday ayada oo aan wax heshiis ah laga gaarin dhammaan qodobada la isku hayo ee ku aadan ajendaha shirka, waxaana qorshuhu ahaa in dib loo billaabo maanta.

Wararka ayaa sheegaya in imadaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu intii ay socdeen kulamadii u dambeeyey diiday dhammaan qodobadii ay wateen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ay doonayeen in ajendaha shirka wada-tashi lagu soo daro, taasi oo keentay is-mari waa.

Waxaa qodobadaas ka mid ah; yareynta awoodda Madaxweynaha ee xilliga kala-guurka, weerarkii 19-kii Febraayo lagu qaaday dibad-baxayaal iyo qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha, iyo in la ballaariyo ka qeyb-galayaasha shirka.

Guddi lasoo jeediyey in loo dhiibo doorashooyinka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdi Cabdi Ismaaciil Samatar oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da aya aka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka sanadkan 2021.

Prof. Samatar ayaa marka hore shaaca ka qaaday in aysan dhicin in qof musharrax ah ama tartamaya uu maamulo doorasho, sidaas daraadeedna wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in guddi madax-banaan oo lagu kalsoonaan karo loo saaro arrimaha doorashooyinka.

“Ma dhicin Doorasho qof tartamaya uu maamulaya, waa in guddi madax-bannaan loo dhiibaa si loo wada sinnaado, Haddii uu qofka tartamaya waa in uu gaar uga baxaa loona dhiibaa Guddi lagu kalsoonaan karo,” ayuu waresigan ku yiri  Prof. Cabdi Ismaaciil.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday qodobada la’isku hayo, sida arrinta gobolka Gedo, guddiga gobollada waqooyi iyo xubanaha ciidamada ee ku jira guddiga doorashooyinka.

“Waa in saddexda qodob ee kala ah arrinta Gobolka Gedo, Guddiga Gobollada Waqooyi (Somaliland) & xubnaha Guddiga in laga saaro Ciidanka” ayuu sii raaciyey Prof. Samater.

Hadalkan ayaa kusoo aadayao, iyada oo illaa hadda wax xal ah laga gaarin khilaafka hareeyey doorashooyinka dalka, waxaase weli ka socda magaakada Muqdisho wada-hadallo xal raadin ah oo u dhexeeya dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Maxay tahay arrinta Farmaajo ‘uu rabay’ in musharaxiinta mucaaradka ku dhaqaaqaan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyey in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu rabay in mucaaridka ay kacaan oo dagaal bilaaban si xaalada dalka u gasho meel aan kasoo kabasho laheyn.

Xasan ayaa sheegay in madaxda mucaaridka ay ka baaqsadeen in dalka ka dhaco dagaal cadaadis kasta oo uu saaro madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo lagu eedeynayo inuu hortaagan yahay in heshiis laga gaaro doorashada dalka.

“Dowladda uu mas’uulka ka ahaa madaxweynihii hore Farmaajo in badan ayey isku dayday inay na geliso meel intaan caroono aan ku qeylo dhaamino waryaa tol-ahey?,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka oo wareysi siiyey idaacada KNN.

“Garoonka ka celi, wiilasha istaafkeyga ahaa mushaarkii ay xaqa u lahaayeen ka jar, gunadeydii madaxweyne hore qaar kala har, waxaas oo dhan waxuu uga dan lahaa inta caroodaan ha dagaalamaan.”

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in laga soo bilaabo sanadkii 2018-kii ay madaxda dowladdu daan-daansi ku hayeen, isaga iyo madax kale, balse aysan bixin jawaabtii laga doonayey oo uu qabo inay tahay gacan ka hadal.

Si kastaba, Xaalada cakiran ee dalka ayaa la aamisan yahay inay kasii dari laheyd haddii ay madaxda mucaaridka iclaamin lahaayeen dagaal ka dhan ah dowladda waqtigeeda dhamaaday, kadib dhacdooyinkii u dambeeyay ee sida tooska ah loogu beegsaday.

Daawo: Villa Somalia oo war cusub kasoo saartay shirkii Teendhada Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyey shirarka Afisyoone uga socda madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, kuwaas oo illaa hadda aan wax natiijo ah laga gaarin.

Shirarkaas oo teendhada Afisyoone oo ku taalla gudaha xerada Xalane ka dhacay 3-dii iyo 4-tii bishan ayaa laga nastay Isniintii shalay iyo talaadada maanta ah.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo la hadlay BBC ayaa yiri “Kulamadaan ay labadii cisho ee u dambeeysay madaxdu yeelanayeen weli waa socdaan, laguma kala tegin, mana burburin, berri madaxdu waxay u balansanyihiin inay kulmaan oo horay u sii wadaan wadahadaladoodii hor dhaca u ah shirka wadatashiga Qaran,” ayuu yiri Cabdirashiid Xaashi.

Afhayeenka ayaa dhinacyada ka dalbaday in wax shuruud ah aan lagu xirin fulinta heshiiskii 17-kii September ay madaxdu kala saxiixdeen, si dalka loogu jaheeyo doorasho heshiis lagu yahay.

Shirka oo looga hadlayey ajandaha shirka doorashada ayaa Axaddii muddo hal maalin ah hakad la galiyey, kadib markii maalinkii labaad ee uu dhacay uu soo dhammaaday ayada oo aan wax heshiis ah laga gaarin dhammaan qodobada la isku hayo ee ku aadan ajendaha shirka, waxaana qorshuhu ahaa in dib loo billaabo maanta, balse hakad kale ayaa ku yimid, waxaana dib loo billaabayaa Arbacada.

Wararka ayaa sheegaya in imadaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu intii ay socdeen kulamadii u dambeeyey diiday dhammaan qodobadii ay wateen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ay doonayeen in ajendaha shirka wada-tashi lagu soo daro, taasi oo keentay is-mari waa.

Waxaa qodobadaas ka mid ah; yareynta awoodda Madaxweynaha ee xilliga kala-guurka, weerarkii 19-kii Febraayo lagu qaaday dibad-baxayaal iyo qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha, iyo in la ballaariyo ka qeyb-galayaasha shirka.

Hoos ka Daawo 

 

Video: Maxaa looga hadlay kulanka dhex-maray Muuse Biixi iyo wafdigii Zambia?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa uu Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sarre oo ka socda dalka Zambia, kaasi oo uu hogaaminayo Wasiirka caddaaladda dalkaas, Mr Gavin Lubinda.

Wafdigaan oo shalay gaaray magaalada Hargeysa ayaa waxay madaxweyne Muuse Biixi ka dhageysteen warbixin ku aadan madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

“Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha weftiga warbixin ka siiyey   xaaladda guud ee dalka iyo halka uu maanta marayo oo ah mid ku timid iskaashiga shacbiga iyo dawladda ka dhexeeya, waxa kale oo uu u sheegay wasiirka taariikhda iyo jiritaanka dawladnimo ee Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Somaliland waxay kala kulantay dhibaatooyin naf iyo maalba leh midawgii la doonayey in Soomaali odhan la mideeyaana uu fashilmay, sidaa awgeedna Somaliland waxay dib ula laabatay xornimadeedii iyo qarannimadeedii 1991-kii, taas oo macneheedu aanu ahayn gobol ka go’aya dalka intiisi kale, balse ay tahay laba dal oo la kala noqday xornimadoodii.”

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay qoddobo dhowr ah oo ku qotoma xiriirka cusub ee labada dhinac u dhexeeya iyo iskaashi labada dhinac ah oo salka ku haya ganacsiga iyo garsoorka.

Sidoo kale intii uu kulanka socday waxaa si toos ah khadka taleefanka ugu wada-hadlay Muuse Biixi iyo madaxweynaha Zambia, Edgar Chagwa Lungu, oo isla qaatay dar-dar gelinta xiriirka iyo wada-shaqeynta cusub ee labada dhinac.

Caasimada Online, ayaa shalay hore u baahisay in Wafdiga Zambia uu caasimada Somaliland ee Hargeysa u tageen in labada dhinac ay wada saxiixdaan iskaashi cusub oo u dhaxeeya labada dhinac, gaar ahaan arrimaha garsoorka oo lagu dhaliilo Somaliland.

Ma aha markii u horeysay ee Madaxweynaha Somaliland uu qaabilo wafdi meeqaam sarre leh, islamarkaana uu la wadaago dadaalada qadiyada gooni-goosaadka ah ee ay ku doodo Somaliland, oo sanadihii u dambeeyay fadhiid noqotay.

Daawo: Rooble oo booqday askartii kusoo dhaawacmay BARIIRE iyo Awdheegle

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka Xoogga booqday askarta CXD ee ku soo dhaawacantay furimaha dagaalka iyagoo difaacaya dalka iyo dadka. 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyda askarta ka dhageystay saraakiisha Isbitaalka, ayaa sidoo kale askarta dhaawaca ah ka wareystay xaaladdooda, una rajeeyay caafimaad deg deg ah. 

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu  askarta uga mahadceliya sida geesinimada iyo nafhurnimada leh ee ay ugu jilib dhigeen la dagaallanka cadowga Soomaaliyeed,isagoo u ballan qaaday in dowladdu u heellan tahay daryeelkooda. 

Qaar ka mid ah askarta u soo dhaawacantay difaaca Qaranka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashadiisa iyo garab istaaggiisa iyagoo  tilmaamay in ay diyaar u yihiin isla marka ay bogsoodaan in ay dib ugu laabtaan furimaha dagaalka, si ay u gutaan waajibkooda kaga aaddan difaaca dalka iyo dadka.

Arrinta ‘ay ku kala duwan yihiin’ Cabdirashiid Janan iyo Sheekh Mukhtaar Roobow

Muktaar Roobow wuxuu isku soo dhiibay qadiyad qaran halka Cabdirashiid Janan isku dhiibay qadiyad qabiil,  labadoodaba waxay isku yihiin ex reer Alta Juba. Hase ahaatee waxay ku kala duwan yihiin qadiyada, wadaniyada iyo arrimaha afkaarta dowliga.

Mukhtaar Rooboow, wuxuu waayihii danbe la daagalamay argagixisada Al-Shabaab, halka Cabdrashiid Janan dagaalkiisa ku wajahnaa qabiilooyin iyo reero jifooyinkiisa.

Mukhtaar wuxuu leeyahay ciidan xoog leh oo ammaanka Koonfur Galbeed door weyn ku leh iyo la dagaalanka argixisada, halka Cabdirashiid Janan maliishiyadikiisa halis ku yihiin deganaanshaha iyo xasiloonida Jubaland, gaar ahaan gobolke Gedo.

Cabdirashiid Janan hadda, waxaa lagu howlgelinayaa ka taqluusida Axmed Madoobe iyo qalalaase siyaadasadeed iyo mid amni inuu ka dhex sameeyo Jubaland.

Sida dad badan iyo kooxaha mucaaradka aaminsan yihiin, Farmaajo xukunka wuxuu u joogaa aargoosi iyo inuu ka shaqeeyo awood siinta beeshiisa si ay gacan ugu dhigi lahaayeen gobolaada Jubbooyinka.

Dad badan ayaa aaminsan in Farmaajo naqshadaasi u sameystay sidii uu meesha uga saari lahaa Axmed Maxamed Islaam oo isna deegaanada Kismaayo usoo daabulay maliishiyaad Soomaali Galbeed ee lagu howlgelinaayo awood siinta beeshiisa.

Xubnaha ugu muhiinsan maliishiyaadkiisa waxaa ka mid ah ciidankii Cabdi Iley ee tacadiyada ka geystay Soomaali Galbeed iyo jeel ogaadeen.

Mudane Farmaajo wuxuu kusoo barbaaray naas-nuujintii Jaalle Siyaad, Mareykankana wuxuu ku tegay eex huwan hab qabali ah. Ilaa hadda fikriyan xor kama ahan la weynaantii Jaalle Siyaad.

Janan iyo Roobow waxay ku kala duwan yihiin kaliya in mid ku qabiil yahay madaxweyne Farmaajo, oo u dantiisa kala shaqeynayo, halka midka kalena uusan aheyn kana aragti duwan yihiin, waana taas sababta midna xor u yahay oo loo cafiyey midna weli u xiran yahay.

Ali Muhiyaddiin
London, UK

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

DF oo shaacisay inay dishay sarkaal ka tirsan Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howl-gal qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka saacadihii lasoo dhaafay ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen Ganey.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya waxa ay sheegeen in sarkaalka la dilay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca warbaahinta, kana qeyb qaatay weerarkii ka dhacay Awdheegle.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howl-galkaasi lagu dhaawacay illaa 15 dagaalyahan oo la socday sarkaalkaasi, kuwaas qaarkood u dhintay dhaawacyadii gaaray.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ay guula ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Labadii maalin ee u dambeysay ayaa waxaa gobolka Shabeelaha Hoose ka jiray dhaq-dhaqaaqyo xoogan iyo dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab.

DF oo go’aan kasoo saartay dacwadihii loo haystay Janan

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Qoraallo kasoo kala baxay xafiisyada Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu shaaciyey in la soo xiray gal dacwadeedkii loo heystay wasiirkii hore ee amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

Cabdirashiid Janan oo loo heystay dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada, ayey markii labaad dowladdu ka soo saartay warqad lagu cadeynayo in aan loo heysan wax dembi ah.

Xafiiska Xeer Ilaalinta guud ee Soomaaliya ayaa horay dembiyo dagaal oo ka dhacay gobolka Gedo ugu soo oogay Cabdirashiid Janan.

Sidoo kale warqad kale oo ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Benaadir ayaa lagu cadeeyey in gabi ahaanba la xiray gal-dacwadeedka Cabdirashiid Janan.

Dhawaan hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa dowladda Soomaaliya u dirtay dalab ah in cadaaladda la hor keeno Cabdirashiid Janan, si loo hubiyo dembiyada lagu eedeynayo.

Ma jirto wax sharci ah oo loo maray in laga laabto dambiyadii loo haystay Janan, marka laga reebo inuu heshiis siyaasadeed la galay dowladda federaalka Soomaaliya, ayada oo Janan uu dhowaan kasoo goostay maamulka Jubaland soo wareegay dhanka dowladda.

Hoos ka aqriso warqadaha

 

Xukuumadda Rooble oo ku gacan seertay in la kala diro

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku gacan seertay baaqyada ku aadan in la kala diro sababo la xiriira in muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka uu dhammaaday.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hey’adaha dastuuriga ah ee dalka aan loo kala diri karin “mudo xileedkii ayaa ka dhamaaday.”

Waxa uu sheegay inay kobocday dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana hormaro kala duwan ay dalka ka socdaan.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in aan loo baahneyn in lagu celceliyo baarlamaanka iyo xukuumadda waqtigii ayaa ka dhamaaday ee hala kala diro, balse ummadu ay arkaan waxqabadka socda, sida uu sheegay.

“Dalkeenu waxa uu ku socdaa kabasho fiican, dad ayaa raba in aan lasoo kaban, shisheeye ha ahaadaan ama Soomaali, banaanka ayaa laga soo dirayaa dadka qaar, iyadoo la leeyahay baarlamaanka hala kala diro, xukuumadda hala kala diro, waxaasi macquul maaha, dalka dowladiisu waa adkaatay, horayna waa u socanayaa,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Sidoo kale Dubbe waxa uu sheegay in iftiinkii uu u muuqdo umadda Soomaaliyeed, isagoo tusaale u soo qaatay khasaarihii Shabaab ka soo gaaray weerarkii Shabeellada Hoose ee maalin ka hor ay ku qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Hadalka wasiir Dubbe waxa uu imaanayaa, xilli uu dhamaaday muddo xileedkii dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ee Soomaaliya, isla markaana aan weli lagu heshiin hanaanka loo qabanayo doorashada guud ee dalka.

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa haatan ku wada sugan magaalada Muqdisho, iyagoo maalmihii lasoo dhaafay kulamo ka yeeshay khilaafka dhexdooda ah, in kastoo aan kulamadaas laga gaarin wax horumar ah.

Beesha Caalamka oo cadaadis ku saareysa madaxda Soomaaliya inay heshiis ka gaaraan khilaafka doorashada ayaa bogaadisay kulamadii ay yeesheen labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Hal maalin oo lagu macneeyey nasiino iyo latashiyo ayaa maanta loo baajiyey kulamadii madaxda, waxaana lagu wadaa in berri oo Talaado ah ay dib isugu soo noqdaan.

Daawo: Somaliland oo soo bandhigtay saraakiil ‘kasoo goostay’ Danab iyo Gorgor

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta soo bandhigtay Saraakiil ay sheegtay inay kasoo goosteen ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Taliska guud ee Somaliland ayaa lagu soo dhaweeyay Saraakiishan oo Afar ahaa, waxayna sheegeen inay kasoo goosteen Soomaaliya, islamarkaana la qalday oo mabda’a midnimada wax kusoo bartay ayaga oo dhalinyaro ah.

“Waxaa soo dhoweynayaa saraakiisha iyo askarta kasoo goosatay ee mabaadida Soomaali Weyn ee lagu qalday kasoo noqotay ee Somaliland isku soo dhiibtay waan aqbalnay,” ayuu yiri Abaanduulaha ciidanka qaranka Somaliland, Cabdirisaaq Afgaduud.

Saraakiishan oo qaarkood ay ka tirsanaayeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB iyo kuwa GORGOR ayaa waxay cafis weydiisteen mas’uuliyiinta Somaliland oo ugu horeeyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Saraakiishan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lagu qalday fikirka Midnimada, iyagoona ku eedeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay tahay cadowga koowaad ee Somaliland, oo ayadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan.

“Waxaan maanta umadda Somaliland aan ka codsanayaa dhamaan cafis, waxaan ahayn dhalinyaro la qalday oo mabda’a Soomaaliyeed wax ku soo bartay laakiin maanta waxaa kusoo laabanaya Jamhuuriyada Somaliland, calankayagii oo u dhalanay anagoo ogaanay xaqiiqada jirta,” ayuu yiri Labo xidigle, Jaabir Ismaaciil Cismaan.

“Dadka shacabka ah ee la qaldayo inay ku wax qaataan anaga oo maanta ciidan ah oo ciidan xukumeynay, oo ciidanka ugu sareeya Kumaandooska DANAB ka nimid, waxaa kusoo noqonay dhulkayagii,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Hoos ka aqriso magacyada Saraakiishan iyo darajadooda

1. Jaabir Ismaaciil Cismaan = 2-Xidigle
2. Maxamuud Axmed Cali = Xidigle
3. Yuusuf Maxamed Jaamac = Xidigle
4. Maxamed Xasan Xaashi = Dable

Hoos ka daawo muuqaalka

QATAR oo ciidamo cusub u tababareysa DF Soomaaliya iyo ujeedka laga leeyahay

Doha (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa caasimada dalka Qatar ee Doha, waxaana u socday oo halkaas ku qaadanayeen tababar ciidanimo oo lagu sheegay ‘aqoon kororsi’.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Saraakiishan ayaa waxay soo dhameysteen tobabarkii ay u joogeen Qatar, waxaana dhawaan dib loogu soo celinaya dalka, si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Safiirka Soomaaliya ee Qatar, Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiishaas uu usoo dhamaaday tobabarka ciidanimo.

Kulankaan oo ahaa is-xog wareysi iyo dar-dar gelinta soo laabashada Saraakiishaas ayaa waxa Safiirka ku wehlinayay u qeybsanaha arimaha Ciidanka Ee Safaaradda, Gen. Maxbuub Xasan Cabaade.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dowladda Qatar ay gacan weyn ka geysan doonto tobabarka ciidamada dalka, ayada oo dalkeeda kusoo tababareysa ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaasi oo la sheegayo inay qeyb ka noqon doonaan dagaalka lagula jiro Shabaabka.

Wareysi: Odowaa oo markii ugu horreysay ka hadlay ciidankii loo adeegsaday weerarkii 19-ka Febraayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa markii u horeysay ka hadlay dhacdadii 19-Febraayo ee ciidamada dowladda ku rasaaseyeen banaan-baxayaal ay hogaaminayeen qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo weerarkii lagu qaaday madaxweynayaashii hore.

Jeneral Odowaa oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey idaacada VOA-da ayaa ugu horeyntii ku dooday ‘in dhacdooyinkii 19-kii Febraayo ay ahaayeen waajib lagu muujinayey dowladnimada dalka ka jirta’.

Odowaa oo u muuqda mid ka gaabsanaya ka warbixinta dhacdooyinkaas ayaa carabka ku adkeeyay in ciidamada qaranka uu waajib ka saaran yahay ka hortaga falkasta oo wiiqaya nabad-gelyada iyo jiritaanka dowladnimada.

“19-kii Febraayo waxaa dhacay, dad kamid ah ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo darajooyinka ugu sarreeya leh ayaa magaalada Muqdisho qeybo kamid ah intay tageen ayey ka cadeeyay inay ayaga la wareegeen oo wax dowladd ah aysan jirin. Waajib ayaa naga saaran xubin kasta ee ciidanka xooga oo ku kacda wax baal-marsan sharciga iyo nidaamka u yaala dalka,” ayuu yiri.

“Waa mas’uuliyad na-saaran in tallaabo ka qaadno cidkasta oo baalmarta sharciga iyo waxkasta oo qal-qal galinaya amniga dalka.”

Jeneraal Odowaa ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed aysan ku dhex milmin siyaasada, balse ay xaq u leeyihiin inay ka qeyb qaataan tallaabo kasta oo horseedi karta amni darro, sida uu ku dooday.

Hadalkaan ayaa imanaya xili muddooyinkii dambe ay mas’uuliyiinta mucaaridka ku eedeynayeen madaxda waqtigooda dhamaaday inay dano siyaasadeed oo gaar ah u adeegsanayaan ciidamada dowladda, islamarkaana ay ka qeyb-qaateen tallaabooyin ka dhan ah mucaaridka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagu dhawaan shaaciyey in 19-kii Febraayo la qorsheeyey in la dilo isaga iyo madaxweynihii ka horeeyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xilli ay ku sugnaayeen hotel ku dhex yaalla xeyndaabka madaxtooyada Soomaaliya.

“Dadka lagu dulmiyey ciidanka ee lagu amray inay soo dilaan ayaan ka mid ahay, waa joogaan saraakiishii, maalin ayaa la gaari doonaa la isla xisaabtami doono, ka fiirsada ayaan leenahay amarada la idiin siinayo.”

Wararkii ugu dambeeyey MASAR oo ‘fursaddii ugu dambeysay’ siisay Ethiopia

Qaahira (Caasimada Online) – Kulanka ugu dambeeya ee u dhaxeeya Masar, Sudan iyo Ethiopia ee la xiriira biyo xireenka ay Ethiopia ka sameyneyso webiga Nile waa fursaddii ugu dambeysay ee heshiis lagu gaari karo kahor inta aysan Ethiopia dib u billaabin buuxinta biyo-xireenka, waxaa sidaas bayaan ay soo saartay Axaddii ku sheegtay Masar.

Kulanka ayaa Isniintii maanta kusoo geba-geboobaya magaalada Kinshasa.

“Wada-xaajoodyadan waxay ka dhigan yihiin fursaddii ugu dambeysay ee ay tahay in saddexda dal ay ka faa’iideystaan si ay heshiis u gaaraan….kahor xilliga daadadka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Masar.

Toddbaadkii tegay, madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay inay jiri doonto “xasillooni darro aan la qiyaasi karin oo ka dhacda gobolka,” haddii biyaha Masar ay hesho uu saameeyo biyo-xireenka.

“Ma jirto cid hal dhibic oo biyo ah ka qaadan karta Masar, cid kasta oo dooneysa inay isku daydana, ha isku daydo,” ayuu yiri. “Cidna ma qiyaaseyso inay ka fog tahay awoodaheena,” ayuu yiri Sissi.

Sudan ayaa waxaa hadda xiisad kale oo dhanka xuduudda ah ay kala dhaxeysaa Ethiopia, taasi oo salka ku haysa dhul beereedka gobolka al-Fashqa, waxaana Sabtidii ay dhoola-tus militari la sameysya Masar.

Hadalka cusub ee Masar kasoo baxay, iyo kuwii uu toddobaadkii tegay jeediyey madaxweyne al-Sissi, ayaa cabsi dagaal gelinaya gobolka, waxaana taxliiliyayaasha siyaasadda ay rumeysan yihiin in haddii wada-hadallada Kinshasa ay guul-darreystaan uu dagaal ka dhici karo gobolka.

REUTERS + VOA

Yey yihiin shaqsiyaadka uu sheegay CC Shakuur inay kasoo horreeyaan Farmaajo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame ayaa dhowaan sheegay in Farmaajo isaga oo aan afka kala qaadin ay jiraan rag ka soo horeeya oo u doodayey intii uu socday shirkii u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee Afisyoone.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in shakhsiyaadka kasoo horeeyo madaxweyne Farmaajo oo la fahamsan yahay inuu ula jeedo qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada ay u ku doodayaan islamarkaasna ay dhahayaan:

1- Looma baahna in laga hadlo muddo xileedka dhamaaday ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.
2- Maxaa looga baahan yahay in looga hadlo weerarkii habeenkii iyo subixii 19 Febraayo dhacay.
3- Looma baahna in Midowga Murashaxiinta iyo Wakiilada Somaliland doodda ay qabaan laga dhagaysto.
4- Looma baahna in damaanad loo helo fulinta heshiiska.

Waxa uu yiri “Taasi waxay ka dhigan tahay in la galo doorasho uu Farmaajo murashaxiinta la tartamaysa weerari karo, xildhibaanka uu diidan yahay Baarlamaanka ka xiran karo, Madaxweyne Dawlad Goboleedna uusan Muqdisho si nabad ah murashaxii uu doono ugu ololayn karin. Waxaa nala kala dooransiinayaa Muddo kororsi mise doorasho qorayga caaradiisa ah.”

Caasimadda Online ayaa ogaatay in shaqsiyaadka uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur sheegayo ay yihiin madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa la sheegay in si gaar ah uga diideen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe inay madaxweyne Farmaajo kala hadlaan wax khuseeya arrimaha Muqdisho, sida weerarkii 19-ka Febraayo, ayaga oo ku dooday inaysan matalin.

Sidoo kale labadaan madaxweyne ayaa u muuqda inay yihiin kuwa aad ugu dadaalayo inaan la qaadan shuruudaha ay Axmed Madoobe iyo Deni ku xireen ka qeybgalka shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, iyagoo ku doodaya in ajandaha aan lagu soo darin wax ka baxsan heshiiskii horey loo gaaray ee 17-kii September 2020.

Wada-hadalka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka ee Muddo xileedkoodu dhammaaday iyo dowlad goboleedyada ayaa ah fursaddii ugu dambeysay oo ay uga xaajoonayaan arrimaha doorashooyinka gaar ahaan caqabadaha hortaagan.

Ma cadda, sida xaaladdu ku dambeyn doonto, hase yeeshee dad xog-ogaal ah ayaa sheegay inaysan muuqan rajo, ayna arrintan ugu dambeyn ku dhammaan doonta faro-gelinta tooska ah ee beesha caalamka.

Q/Midoobe oo war cusub ka soo saartay shirka Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay wada-hadallada ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay dhiira-gelisay joogitaanka dhammaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee shirka horudhac u ah shirka wada-tashiga ee 3-dii ilaa 4-tii April ka dhacay Muqdisho

QM ayaa sidoo kale ku boorisay dhinacyada ku shirsan Afisyoone inay xal ka gaaraan caqabadaha hortaagan qabsoomida doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

“Waxaan fahamsanahay inay madaxda qorsheynayaan sii wadida wada-hadalkooda, waxaana ku boorineynaa inay heshiis ku gaaraan wada-hadalladooda muhiimka ah,” ayaa lagu yiri warka kooban ee kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Shirkan u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee looga hadlayey ajandaha shirka doorashada ayaa muddo hal maalin ah hakad la galiyey, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Kulankii shalay oo ahaa maalinkii labaad ee shirka ayaa soo dhammaaday ayada oo aan wax heshiis ah laga gaarin dhammaan qodobada la isku hayo ee ku aadan ajendaha shirka.

Madaxda ayaa la sheegay in maanta ay soo sameyn doona la tashiyo dhexdooda ah, ayada oo kulanka dib loo billaabi doono maalinta Talaadada, hase yeeshee waxaa suurta-gal ah in hakadka uu kasii dheeraado hal maalin.

Cumar Cabdirashiid oo soo saaray digniin ku saabsan shirka teendhada Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore soo hadal qaaday wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee ka socda magaalada Muqdisho, gaar ahaan Teendhada Afisyooni, kuwaas oo diirada lagu saarayo is mari-waaga doorashada.

Sidoo kale ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa ka digay fashil ku yimaada wada-hadallada socda oo ah kuwa ugu dambeeya ee lagu dhameystirayo heshiiska 17-kii September.

“Haddii si dhab ah ay u wada hadlaan saamileyda siyaasadda waxaa lagu gaari karaa doorasho lagu kalsoonaan karo, waxyaabaha waaweyn ee ay wadaagayaan daneeyeyaasha waa in ay si faah-faahsan uga wada hadlaan nidaamka gorgortanka ajandaha oo haddii dhexdhexaadintu guuldareysato ama farsamada dhinac kale loo weeciyo la guuldareysan doono,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyado ay hakad galeen kulamadii u socday madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, ka gadaal markii la’isku fahmi waayey qodobada qaar ee ku jiro wada-hadallada looga arrinsanayo doorashooyinka.

Xog: DF oo mushaharka ka jartay ciidan dhowaan ku biiray ilaalada CC Shakuuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa billowday in ay cadaadis saarto askarta ka diiwaan gashan islamarkaana ku maqan shaqada leexsan, gaar ahaan kuwa ilaaliya siyaasiinta mucaaradka ah, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Wadajir ee hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo taliska Milatariga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in loo sheegay in mushaarka laga joojiyay ciidan ku dhow 70 askari.

Ciidanka lacagta laga joojiyay ayaa intooda ugu badan ilaalo u ah Murashax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo badankood ay dhowaan ku biireen ilaaladiisa iyo Janaraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaasad Indhacade, oo isna ku dhow mucaaradka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa horey u lahaa ilaalo gaar ah, oo aan ka tirsaneyn ciidanka dowladda Soomaaliya, oo gaaraya illaa iyo dhowr iyo toban, hase yeeshee kadib weerarkii dhacay 19-ii Febraayo ee lagu qaaday mucaaradka qaarkood, ayaa waxaa ku biiray ilaalo ku beel ah, oo qaarkood ka yimid dhanka Indha-Cadde oo ay sidoo kale isku jufo yihiin.

Ciidankan ayaa la sheegay inay xoojinayeen ilaalada Cabdiraxmaan, ayaga oo ka cabsi qaba weerar ay mar kale ku qaado dowladda, kadib weerarii dhacay saddex sano kahor ee ilaalada looga dilay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arintaan, hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in qaar kale oo mucaaradka ah askarta la socota laga joojiyay mushaarkii ay qaadan jireen. 

Mucaaradka ayaa wixii ka dambeeyey weerarkii 19-kii lagu qaaday hotel Maa’ida oo ay ku sugnaayeen Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh waxay aad u kordhiyeen ilaaladooda, ayaga oo ka cabsi qaba weerar mar kale uga yimaadaan dowladda.

Waresyi: Madaxweyne Xasan SHEEKH oo faah-faahiyey ‘shirqool lagu dili rabay’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyey in 19-kii Febraayo la qorsheeyey in la dilo isaga iyo madaxweynihii ka horeeyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xilli ay ku sugnaayeen hotel ku dhex yaalla xeyndaabka madaxtooyada Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo weysigaan oo dhinacyo badan taabanaya siiyey KNN ayaa si qota dheer uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee dalka, isagoo dhaliisha ugu badan dusha ka saaray madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxa uu sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay bahdishay ciidanka Qaranka oo kalsoonidii shacabka ay ka sii lumineyso, wiilasha hoggaamiyana aysan kala garaneyn waxa sharciga ah iyo waxa aan sharciga aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in sanadkii 2018-kii ay la kulmeen Farmaajo, iyagoo ka dalbaday in aan la siyaasadeyn ciidanka Qaranka, balse taas uusan dheg jalaq u siin, sida uu sheegay.

“Nasiib darro madaxweyne Farmaajo ciidankii siyaasadda ayuu geliyey, wiilasha yaryar ma dhihi karaan waxaan sharci maaha, laakiin waan la hadalnay anagu, marka dowladdan ciidamada waa bahdishay, waana duleysay, kalsoonida shacabka ayeyna kasii lumineysaa, wax kastana meesha ay ka qaldamaan waa kalsoonida,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in dadka loo adeegsaday ciidamada Qaranka ee loo diray inay soo dilaan uu isagu ka mid ahaa.

“Dadka lagu dulmiyey ciidanka ee lagu amray inay soo dilaan ayaan ka mid ahay, waa joogaan saraakiishii, maalin ayaa la gaari doonaa la isla xisaabtami doono, ka fiirsada ayaan leenahay amarada la idiin siinayo,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas ku sii daray, “Anagoo banaanbax nabadeed ku baaqnay oo meeshii banaanbaxa agteeda u sii hoyanay, meeshii banaanbaxu ka dhici lahaa hala baaro dhahnay, yaan dadka miino iyo wax loogu aasine, ayey ciidamada dowladdu nasoo weerareen, laakiin tabarta ayaa u deyrisay ee u jeedadu inay na dilaan ayey aheed, kadibna iska hor imaad ayey ku dhinteen la yiraahdo, intaas oo jeer ayaa guryaheena ciidan lasoo hor dhigay oo wiilasheena aan guryaha ku celinay, marka madaxweynahaan waa nin raba inuu colaad ka shaqeeyo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in laga soo bilaabo sanadkii 2018-kii ay madaxda dowladdu daandaansi ku hayeen, isaga iyo madax kale, balse aysan bixin jawaabtii laga doonayey oo uu qabo inay tahay gacan ka hadal.

“Dowladda uu masuulka ka ahaa madaxweynihii hore Farmaajo in badan ayey isku dayday inay na geliso meel intaan caroono aan ku qeylo dhaamino waryaa tol-ahey? Garoonka ka celi, wiilasha istaafkeyga ahaa mushaarkii ay xaqa u lahaayeen ka jar, gunadeydii madaxweyne hore qaar kala har, waxaas oo dhan waxuu uga dan lahaa inta caroodaan ha dagaalamaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Maanta wadada kaliya ee furan waa in la wada-tashado, madaxweynuhu afartii sano ee lasoo dhaafay isagaa wax qaban waayey, maanta waxaa laga rabaa qof kasta inuu yiraahdo sidey kula tahay, taasna waa lagu kari la’yahay, Soomaaliya xaaladeedu meel xun ma tagi doonto ayaan qabaa, ee shakhsiyaadka dhibka badan iyagaa iska bixi doona, laakiin halka ay hadda joogto markii la fiirsho, hadii aan siyaasadda laga heshiin, wax kasta waa sii qaribmaayaan.”

Mar wax laga weydiiyey sababta loo aas-aasay Madasha uu ka tirsan yahay ee Badbado Qaran ayuu yiri, “Maadaama ay dhamaatay sharciyadii hey’adaha dastuuriga ah ee dalka, waxaan Madasha Badbado Qaran u sameynay in dalkan loo jiheeyo doorasho xalaal ah oo aan la is boobin, hadii doorashadu xumaato dhib badan ayey leedahay, umana socoto madashaan inta qoryo qaadato inay dalkaan ku badbaadiso.

Halkan hoose ka Daawo

DF Somalia oo taageertay tallaabadii uu qaaday boqor Cabdalla-ha dalka Jordan

Amman (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay taageereyso tallaabooyinka uu qaaday boqorka Jordan Abdalla bin Hussein ee ka dhanka ah walaalkiisa Hamza bin Hussein iyo xubno kale oo laga shakiyey.

Mas’uuliyiinta Jordan ayaa Sabtidii xiray in ka badan 20 qof, waxayna xannibeen dhaq-dhaqaaqyada dhaxal-sugihii hore ee boqortooyada Hamza bin Hussein, ayada oo ay jirto wax ay saraakiisha ugu yeereen halis ka dhan ah “amniga iyo xasilloonida dalka.”

Amiir Hamza bin Hussein, oo ah wiilka ugu weyn ee boqor Husssein iyo xaaskiisa Mareykanka ah Queen Noor, ayaa loo sheegay inaanu guriga ka bixi karin illaa laga baarayo shirqool la tuhunsan yahay in lagu afgambin lahaa boqor Abddullah oo ay isku aabe yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraalka ay soo saartay waxay ku tiri “ayada oo la eegayo xiriirka qotada dheer ee dhow iyo danaha ay wadaagaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Haashmiyadda ee Jordan, Soomaaliya waxay shaaca ka qaadeysaa inay si xooggan oo adag u taageereyso dhammaan ficillada iyo go’aanada uu qaatay Boqor Abdullah bin Al-Hussein, si uu ilaaliyo amniga iyo xasilloonida boqortooyada.”

Soomaaliya ayaa intaas ku dartay inay horumar iyo barwaaqop u rajeyneyso Jordan iyo inay ku guuleysato hadafyada shacabka, ayada oo uu hoggaaminayaan boqorl Abdullah, iyo wiilkiisa dhaxal-sugaha Hussein bin Abdullah. 

Boqor Abdullah ayaa sidoo kale taageero ka helay inta badan dalalka kale ee Carabta iyo Mareykanka.