25.3 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

DF Somalia oo taageertay tallaabadii uu qaaday boqor Cabdalla-ha dalka Jordan

Amman (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay taageereyso tallaabooyinka uu qaaday boqorka Jordan Abdalla bin Hussein ee ka dhanka ah walaalkiisa Hamza bin Hussein iyo xubno kale oo laga shakiyey.

Mas’uuliyiinta Jordan ayaa Sabtidii xiray in ka badan 20 qof, waxayna xannibeen dhaq-dhaqaaqyada dhaxal-sugihii hore ee boqortooyada Hamza bin Hussein, ayada oo ay jirto wax ay saraakiisha ugu yeereen halis ka dhan ah “amniga iyo xasilloonida dalka.”

Amiir Hamza bin Hussein, oo ah wiilka ugu weyn ee boqor Husssein iyo xaaskiisa Mareykanka ah Queen Noor, ayaa loo sheegay inaanu guriga ka bixi karin illaa laga baarayo shirqool la tuhunsan yahay in lagu afgambin lahaa boqor Abddullah oo ay isku aabe yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraalka ay soo saartay waxay ku tiri “ayada oo la eegayo xiriirka qotada dheer ee dhow iyo danaha ay wadaagaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Haashmiyadda ee Jordan, Soomaaliya waxay shaaca ka qaadeysaa inay si xooggan oo adag u taageereyso dhammaan ficillada iyo go’aanada uu qaatay Boqor Abdullah bin Al-Hussein, si uu ilaaliyo amniga iyo xasilloonida boqortooyada.”

Soomaaliya ayaa intaas ku dartay inay horumar iyo barwaaqop u rajeyneyso Jordan iyo inay ku guuleysato hadafyada shacabka, ayada oo uu hoggaaminayaan boqorl Abdullah, iyo wiilkiisa dhaxal-sugaha Hussein bin Abdullah. 

Boqor Abdullah ayaa sidoo kale taageero ka helay inta badan dalalka kale ee Carabta iyo Mareykanka. 

Maxaa laga fahmay arrinta Waare uu ka sheegay beelaha HIIRAAN, GEDO iyo SSC?

0

Waare iyo waayo-aragnimadiisa Federaalka!

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle waa nin xogogaal ah oo awood u leh inuu qaab maangal ah u sharraxo dhibaatooyinka bulsho iyo tan siyaasadeed ee haysta deegaannada iyo beelaha Soomaalida. Wareysi lala yeeshay oo aan dheggeystayna waxyaabaha uu ka hadlay ee aan aadka ula dhacay waxaa ka mida qeexid iyo qaabeyn cajiib ah oo uu u sameeyay sida ay reeraha Soomaaliyeed ula falgaleen nidaamka Federaalka, iyo kuwa weli cabashada qaba dhibka haysta.

Wuxuu sameeyay saddex-xagal beeleed oo tabashada Federaalka ay ku badan tahay, kuwaas oo kala ah Xawaadle (Hiiraan), Mareexaan (Gedo) iyo Dhulbahante iyo Warsangeli (SSC). Sababaha ay saddexda reerood uga gows-adeygayaan wax-ku-darsiga maamullada ku hareeraysan ayaa uu Dr. Waare u faahfaahiyay qaab ay dad badan wax ku fahmi karaan. 

Waxa uu sababaha ku soo koobay beelahaas oo aanan aragti mideysan ka lahayn siyaasadda ku hareereysan. Isaga oo warkiisa ku xoojiyay hadal u dhignaa “cid walba oo siyaasadda wax ka rabta, inta aysan waxa ay rabto doonan waxaa horta muhiim ah in ay meel isugu tagto oo isku raacdo waxa ay rabto.”

Dr. Waare oo kala dhigdhigaya saddexda reerood iyo saddexda deegaan ee uu kiiskooda tusaalaha u qaatay, waxa uu sheegay in mushkiladda Xawaadle ay ka soo billaabatay iyaga oo aanan aragti mideysan ka qaadan labadii garab ee ay USC u kala jabtay ee dagaallamay (Caydiid iyo Cali Mahdi/Habargidir iyo Abgaal). Waxa uu tilmaamay in ay tolku isku raaci waayeen cidda ay la safanayaan iyo kan ay ka safanayaan, ama go’aanka ay reer ahaan ka qaadanayaan is-haysadka labada dhinac. 

SSC waxa uu xusay in aysan weli reer ahaan isugu waafaqin dhanka ay raacayaan labada maamul ee ay dhexda uga jiraan. Mareexaanka Gedo degganna waxa uu sheegay in ay iyagu arrintooda markii hore culays gaar ah lahayd, oo deegaanka iyo siyaasaddiisaba ay u kala janjeertay Itoobiya iyo Kenya oo xudduudo la leh, markii Federaalka dhismayna uu kala-jiitankii jiray sii xoogeystay.

Talada uu Waare hadalka ku soo dhammeeyay ayaa ahayd “in qola walba ay garwaaqsato in aysan is hureynin cidda ay deegaanka wadaagaan, sidaas darteedna looga baahan yahay inay runta wajahaan oo iyagoo mideysan wixii dantooda ah kala xaajoodaan dadka ay wax kala dhexeeyaan”.

Hadalka Waare waxa uu iftiiminayaa salka jahwareerka hadda ka taagan Federaalka, oo meelaha ay dhibaatadu saameysayna ay u badan yihiin deegaannada aan ka soo hadalnay.

Waxaa halkaan laga fahmi karaa in uu xiriir ka dhexeeyo aragtida Federaal-diidka ah ee lagu eedeeyo kooxda hadda Villa Somalia ku jirta, iyo caqabadaha ka taagan deegaannada markii horeba Federaalka u saluugsanaa qanacsanaan-la’aan beeleed darteed.

Wasiir sare oo ka socda dowladda Zambia oo soo gaaray Hargeysa + Ujeedka

Hargeysa (Caasimada Online) – Wafdia ka socda dalka Zambia ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, halkaasi oo si weyn ugu soo dhaweeyey wasiir ku-xigeenka ahna kusimaha wasiirka arrimaha dibadd Somaliland.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka wasaaradda cadaaladda dalka Zambia, Gavin Lubinda, waxayna saacadaha soo socda kulamo kala duwan ay la qaatan madaxda u sareysa ee xukuumadda Somaliland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wafdigaan ka socda dalka Zambia ayaa waxay mas’uuliyiinta Somaliland oo uu ugu horeeyo madaxweyne Muuse Biixi kala hadli doona xiriirka labada dhinac, waxaana lagu wadaa in labada dhinac ay wada saxiixdaan iskaashi dhanka garsoorka ah.

Somaliland oo ayada ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Jamhuuriyada ayaa sanadihii u dambeeyay waxay heshiisyo iskaashi la galeysa dalalka Afrika, waxaana muddooyinkii dambe caasimadeeda gaarayey wafuud caalami ah.

Maxay ka wada-hadleen musharax Jabriil Ibraahim iyo Lafta-gareen? +Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jabriil Ibrahim Cabdulle oo ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Kulankaas ayaa ka dhacay hooyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen.

Labada mas’uul ayaa qaatay mudo dheer socday, waxayna uga wadahadleen xaalada siyaasadeed ee dalka oo haatan cakiran iyo halka ay marayaan arrimaha u diyaar garowga doorashooyinka dalka.

Musharax Madaxweyne Jabriil Ibraahim ayaa intii uu kulankaasi socday waxa uu tilaamo badan ka bixiyay ahmiyadda ay leedahay isu tanaasulka iyo in la fiiriyo danta guud ee Qaranka.

“Xaaladda dalka uu ku sugan oo adag, waxaan idinkaga fadhinaa inaad si deg deg ah u qabataan doorashooyin raali laga wadaha-yahay,” ayuu yiri Jabriil Ibrahim Cabdulle.

Dhankiisa madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa qoraal uu kasoo saaray kulankaas waxa uu ku yiri, “Waxaa hoyga aan ka deganahay magaaladda Muqdisho igu soo booqday Musharax Madaxweyne Dr. Jabriil Ibraahim Cabdulle.Waxaan ka sheekeysanay xaaladda dalka iyo arimaha doorashooyinka.”

Kulankaas ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladda federalka iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xubno miino aasayey oo lagu dilay howlgal qorsheysan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa ka warbixiyey howl-gallo ay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ka sameeyeen duleedka degmadaasi, kuwaas oo looga hortegayey weeraro ay soo qaadaan Al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigenka amniga iyo siyaasadda degmada Qansaxdheere Maxamed Muqtaar Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkan si gaar ah looga sameeyey duleedka magaalada, islamarkaana lagu dilay xubno ka tirsanaa Shabaab.

Maxamed Muqtaar ayaa xusay in xubnahaasi oo labo ahaa la toogtay, xilli ay aasayeen qarax miino, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ragga lagu dilay howlgalka ay ka furteen qoray Ak47 ah iyo bistoolad ay wateen, isagoo intaasi ku daray in howl-galka laga gaaray ujeedka laga lahaa.

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Qansaxdheere ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada huwanta ee is-garabsana ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta Soomaaliya.

24 xubnood oo saacadihii ugu dambeeyey DAACISH looga dilay SOOMAALIYA

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal saacadihii lasoo dhaafay ay ciidanka PSF-ta Puntland ka fuliyeen degaanada buuraleyda ah ee Cal-Miskaad oo  ka tirsan gobolka Bari.

Saraakiishu waxa ay sheegeen in howlagalkaas lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Daacish, isla markaana uu halkaas ka dhacay dagaal culus oo socday ku dhawaad 48-saacadood.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay  howlgalkaas ay Daacish uga dileen ugu yaraan 24 dagaalame, isla markaana ay ku burburiyeen saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanada lagu weeraray ee buuraleyda gobolka Bari.

Ciidamada Puntland waxay Daacish ka furteen sahay iyo saanad badan oo ciidan, sida ay waraabhinta u sheegeen saraakiishii hoggaamineysay howlgalka.

Saraakiishu waxay intaas ku dareen in ciidamadu saldhigyadii ay ka qabsadeen Daacish ay ku gubeen laba gaari oo kooxdu ay ku diyaarisay waxyaabaha qarxa.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada PSF-ta Puntland ayaa qiray in dhankooda uu dagaalkaas ka soo gaaray khasaare kooban, in kastoo aysan shaacin tiro rasmi ah.

Kooxda Daacish ayaa awoodeeda ugu badan ee Soomaaliya inta la ogyahay waxay ku leedahay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee Puntland, waxayna mararka qaar weerarro ka fulisaa magaalooyin ay Boosaaso ka mid tahay.

Ciidamada KENYA oo qarax lagula beegsaday LAMU

0

Nairobi (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, xilli ay marayeen magaalada Lamu ee dalkaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa haleelay gaari xamuul ah oo way wateen ciidamada Kenya, xilli ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxa kadib ay rasaas rideen ciidamada Kenya, iyagoona sameeyey howl-gallo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyey falkaasi.

Ugu yaraan hal qof oo ahaa wadaha gaariga lala eegtay ayaa dhintay, iyada oo ay dhaawacyo soo gaareen askar kale oo la socotay, sida ay shaaciyeen dadka deegaanka.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay baahisay inay dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiyeen ciidamada dalka Kenya.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka ee dowladda Kenya oo ku aadan qaraxaasi la sheegay in waxyeelo lagu gaarsiiyey ciidamada dalkaasi.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan  deegaanada u dhow xad u dhow Soomaaliya.

QOOR QOOR oo Muqdisho ka tegaya berri + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa galabta ka baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalada Dhuusamareeb, kadib markii uu gabalku ku dhacay diyaaraduhuna ka cudur daarteen inay goor habeen ah ka degaan Dhuusamareeb.

Qoor Qoor ayaa berri tegaya magaalada Dhuusamareeb, maadaama ay ka dhamaatay mudadii 45-ka cisho aheyd ee dastuurka Galmudug uu u ogolaanayey in Madaxweynuhu ka maqnaa karo deegaanka.

Safarka Madaxweyne Qoor Qoor uu berri ku tegayo Dhuusamareeb ayaa ku qotoma kaliya inuu soo qaato ogolaanshaha waqti kale oo deegaanka uu ka maqnaan karo.

Dad u badan xildhibaano iyo wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa galabta soo xaadiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb, si loo soo dhaweeyo Qoor Qoor, balse gabal-dhicii ayaa lagu war-geliyey inuu baaqday.

Xildhibaanada qaar ayaana durba bilaabay guux siyaasadeed, maadaama 45-ka cisho ee dastuurku u ogolaanayo in madaxweynuhu ka maqnaado deegaanka ay caawa ku egtahay.

Madaxweynaha Galmudug markii uu berri subax tago Dhuusamareeb waxaa la sheegay in gelinka dambe ee isla berri uu dib ugu soo laabanayo Muqdisho ama ugu dambeyn maalinta Talaadada gelinkeeda hore.

Shirarkii hor-dhaca u ahaa shirweynaha xalka looga gaarayo khilaafka doorashada ee labadii maalmood ee lasoo dhaafay Afisyooni uga socday hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa maanta ku soo dhamaaday natiijo la’aan.

Waxaa la qorsheeyey in shirka laga soo nasto Isniinta berri ah, isla markaana madaxdu ay soo sameeyaan la tashiyo la xariira qodobadii la isku mari waayey, si maalinka xiga ee Talaadada loo sii amba qaado wadahadallada loogu gogol xaarayo shirka guud.

Shirkii Afisyoone oo hakad la geliyey kadib markii la isku fahmi waayey (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee looga hadlayey ajandaha shirka doorashada ayaa muddo hal maalin ah hakad la galiyey, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Kulankii maanta oo ahaa maalinkii labaad ee shirka ayaa soo dhammaaday ayada oo aan wax heshiis ah laga gaarin dhammaan qodobada la isku hayo ee ku aadan ajendaha shirka. 

Madaxda ayaa la sheegay in berri ay soo sameyn doona la tashiyo dhexdooda ah, ayada oo kulanka dib loo billaabi doono maalinta Talaadada, hase yeeshee waxaa suurta-gal ah in hakadka uu kasii dheeraado hal maalin.

Wararka ayaa sheegaya in imadaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu diiday dhammaan qodobadii ay wateen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ay doonayeen in ajendaha shirka wada-tashi lagu soo daro, taasi oo keentay is-mari waa.

Waxaa qodobadaas ka mid ah; yareynta awoodda Madaxweynaha ee xilliga kala-guurka, weerarkii 19-kii Febraayo lagu qaaday dibad-baxayaal iyo qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha, iyo in la ballaariyo ka qeyb-galayaasha shirka.

Farmaajo ayaa waxaa mowqifkiisa ku raaciyey saddexda madaxweyne goboleed ee taabiciyiinta ah Cabdicasiis Laftagareen, Qoor Qoor, iyo Cali Guudlaawe, halka Cumar Filish uu markii horeba meesha talo ku lahayn oo uu shirarka noocan ah iska fadhiyo un.

Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa la sheegay in si gaar ah uga diideen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe inay ka hadlaan wax khuseeya arrimaha Muqdisho, sida weerarkii 19-ka Febraayo, ayaga oo ku dooday inaysan matalin.

Shirkan ayaa waxaan goobjoog ka aheyn beesha caalamka, oo ay suurta-gal aheyd inay kala dhex-geli lahayd dhinacyada.

Ma cadda, sida xaaladdu ku dambeyn doonto, hase yeeshee dad xog-ogaal ah ayaa sheegay inaysan muuqan rajo, ayna arrintan ugu dambeyn ku dhammaan doonta faro-gelinta tooska ah ee beesha caalamka.

Muxuu James Swan ku macneeyey weerarkii lagu qaaday ciidamada dowladda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa maanta ka hadlay weerarkii ay shalay dagaal-yahaanada Al-Shabaab ku qaadeen xarumaha ciidamada Dowladda ee Awdheegle iyo Bariirre ee Shabeellaha Hoose.

James Swan ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay naf-hurnimada maalinkasta ay sameeyaan askarta ciidamada dowladda, kuwaasi oo dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab.

Waxaa uu si weyn u cambaareyay weerarkaas, asagoona ciidamada dowlada ku sifeeyay ‘geesiyaal u dagaalama bad-baadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed’.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarada lagu bartilmaameedsaday ciidamada Soomaaliya. Tani waa mid si cad inoo xusuusinaysa naf-hurnimada maalin kasta ay sameyaan askarta Soomaaliyeed ee sida geesiminada leh u dagaallama si ay u badbaadiyaan Soomaaliya iyo dadkeedaba,” ayuu yiri Swan.

Sidoo kale waxa uu ka tacsiyadeeyay ciidamadii ku dhintay weerarkaas oo shalay ku qaadeen dagaal-yahaano ka tirsan Shabaabka, halka kuwa ku dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

“Waxaan ka tacsiyeynaynaa dadkii ku dhintay, waxaana caafimaad deg-deg ah u rajeynaynaa dadkii ku dhaawacmay.”

Saldhigyada la weeraray ee Awdheegle iyo Bariire ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, gaar ahaan Guutooyinka Gorgor iyo Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ee Ururka 60-aad oo horay deegaanadaas loo geeyay.

Dowladda ayaa dagaalkaas ka sheegatay guulo, halka taasi badalkeedana ay sheegatay Al-Shabaab oo baraha bulshada ay ku leedahay ku baahisay inay dagaalkaas kaga dishay Ciidanka dowladda illaa 47 askari, kuna furatay saanad ciidan iyo illaa lix gaadiidka dagaalka.

Xasan Sheekh oo Farmaajo uga digay arrin dhici karta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale ah Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD qeybna ka ah Madasha Badbaado Qaran ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uga digay inuu fashil u horseedo shirka Afisyoone.

Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii sheegay in xiligan madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu haysto fursad uu ku xalin karo khilaafka doorashada oo kala dhaxeeya maamulada Puntland iyo Jubbaland oo ka biyo diidan hanaanka doorasho ee gadaal ka riixeyso dowladda federaalka

Waxa uu carabka ku adkeeyay haddii uu maanta rabo Farmaajo inuu heshiis la gaaro madaxda dowlad goboleedyada ee diidan, si doorasho loo aado uu haysto fursad uu kula heshiin karo inta aysan wax walba gacmaha kasii bixin.

“Waxaan leenahay Maxamedoow maantay weli tallo kugu sugan tahay ee yeysan dhaafin teendhada Afisyoone, berri Kampala, Jabuuti iyo Addis Ababa ha ka jirin, oo meel kale ha ka jirin,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ka digay in xalka maanta taagan teendhada Afisyoone oo ay ku wada shirsan-yihiin madaxda dowladd federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada laga doono meel ka baxsan dalka, sida uu sheegay.

Hadalkaan ayaa imanaya xili uu weli teendhada Afisyoone ka socdo shir gaar ah oo u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka ee waqtigooda dhamaaday, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Wada-hadallada ka socda teendhada Afisyoone oo galay maalintii labaad ayaa horudhac u ah shirka guud ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, oo haddii la isku fahmo shirarkaan suurta-galinaya in heshiiska laga gaaro doorashada dalka.

Gen. Odowaa oo shaaciyey magacyada ‘3 horjooge oo Al-Shabaab ‘looga dilay’ BARIIRE iyo Awdheegle

0

Aw-dheegle (Caasimadda Onlin) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay weerarradii ay shalay kusoo qaadeen  xarumaha ciidamada Dowladda ee Awdheegle iyo Bariirre ee Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in maleeshiyada laga dil Al-Shabaab ay ku jiraan saraakiil sar sare oo ay magacyadooda ku sheegeen:

1- Xareed Dheere oo ahaa ku-xiggeenka guud ee amniyaadka Al-Shabaab.
2- Ismaaciil Dubad oo ahaa madaxii gurmadka Jabhadaha Al-Shabaab.
3- Cabdi Nuur Qaar Qaar oo hoggaaminayey maleeshiyaadii weerarka ku qaaday Awdheegle.

Dhanka kale, General Odawaa Yuusuf Raage oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in Al-Shabaab looga dilay dagaalkii Awdheegle oo kaliya wax ka badan 100 askari isla markaasna Shabaab loo dhigay cashir aysan hilmaami doonin, sida uu hadalka u dhigay.

“Awdheegle oo kaliya Al-Shabaab waxaa looga dilay in ka badan 100 askari, qiyaas maahan waa tiro la dul tagay, waxaana saacadaha soo socdo usoo bandhigi doonaa saxaafadda,” ayuu yiri Odawaa.

Mar Odawaa wax laga waydiiyey khasaaraha soo gaaray ciidamada Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inay ka dhinteen 14 askari halka uu sheegay inay jiraan dhaawacyo uusan sheegin tiradooda.

Saldhigyada la weeraray ee Awdheegle iyo Bariire ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, gaar ahaan Guutooyinka Gorgor iyo Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ee Ururka 60-aad oo horay deegaanadaas loo geeyay.

Al-Shabaab ayaa baraha bulshada ay ku leedahay iyana ku sheegtay inay dagaalka kaga dishay Ciidanka dowladda illaa 47 askari, kuna furatay saanad ciidan iyo illaa lix gaadiidka dagaalka.

Kenya oo qaaday tallaabo adag oo kaga aargudaneyso go’aankii kasoo baxay UK

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa durtaba qaaday tallaabo ka dhan ah go’aankii ay dowladda UK ugu dartay liiska Cas ee dalalka uu sida weyn u saameyay ee aan u safri karin dalkaas, laga bilaabo 9-ka bishan March.

Kenya oo daba-socota go’aanka UK ayaa ku dhawaaqday in muwaadiniinta sidata dhalashada Ingiriiska iyo rakaabka soo mara dalkaas ee imanaya Kenya ay karantiili doonto muddo ku siman 14-maalmood.

Go’aanka kasoo baxay xukuumadda Nairobi ayaa dhigaya ‘in muwaadiniinta UK iyo dadka kusoo dhex safra ay iyaga isku qabi doonaan kharashka hoteelka iyo goobaha lagu karantiilayo’, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa sheegtay in go’aankaan cusub uusan qabaneyn dadka Kenyanka ah iyo kuwa haysta deganaanshaha dalkeeda ee kasoo safraya UK, taasi oo ka dhigan inuu yahay go’aan lagaga aargudanayo go’aankii UK.

Dowladda Kenya ayaa si weyn uga carootay in dowladda UK ku darto liiska cas ee xayiraada socdaalka, kaasi oo ay ku jiraan dalal badan oo lasoo warinayo inuu sarre u kacay cudurka Coronavirus.

Go’aanka UK ee dhanka socdaalka ayaa waxa uu dhaqan galayaa 9-ka bisha April oo ku beegan maalinta Jimcaha, waxaana gebi ahaanba meesha ka baxeysa duulimaadka in ka badan 500-qof oo Toddobaad kasta ka dhoofi jirey Kenya, iyagoo ku sii jeeda dalka Britain.

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Teendhada Afisyoone oo galay maalintii labaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalintii labaad ka socda shir gaar ah oo u dhexeeya madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo ka socda Teendhada Afisyoone.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa dibad-joog ka ah warbaahinta, iyada oo ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka, si xal looga gaaro is mari-waaga doorashooyinka dalka.

Inta badan waxaa shirkani diirada lagu saarayaa isku dhowaanshaha labada dhinac, iyaga oo shalay dood adag ka yeeshay qodobada qaar ee la’isku hayo.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in kulanka maanta uu ka duwan yahay kii shalay, isla-markaana hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay warbixin ka dhageysan doonaan guddigii farsamada ee ku kulmay Baydhabo, kaas oo dejiyay tallaabooyin looga gudbi karo caqabadaha jira, si dalka ay uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo loo dhan yahay.

Wada-hadallada ka billowday Teendhada Afisyoone ayaa horudhac u ah shirka guud ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee heshiiska looga gaarayo doorashada.

Si kastaba Soomaaliya ayaa haatan ku jiro xaalad adag oo kala guur ah, waxaana la’isku hayaa hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka oo aad dib ugu dhacay.

Khasaaraha ka dhashay qarixii Shangaani oo kordhay iyo Filish oo war soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli sii soo taraya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarixii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay xaafadda saddexda Geed ee degmada Shangaani, kaas oo geystay waxyeelo isugu jirto dhimasho iyo dhaawac.

Dhimashada ayaa gaartay ugu yaraan illaa 6 qof oo uu ku jiro is-miidaamiyihii fuliyey weerarka, waxaana sidoo kale dadka ku dhintay qaraxan ay u badnaayeen dhalinyaro ku shaaxeysay maqaaxi ku taalla agagaarka saldhigga degmada Shangaani ee G/Banaadir.

Meydadka dhalinyaradaasi ayaa sidoo kale lagu wadaa in maanta lagu aaso qabuuraha Muqdisho, iyada oo ay qeyb-galayaan ehellada marxuuminta iyo dadweyne kale.

Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa war kasoo saaray qaraxaasi, wuxuuna marka hore tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen qaraxaasi, isaga oo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad .

“Anigoo ku hadlaayo Magaceeyga, kan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada Hoose ee Xamar waxaan tacsi tiiraanya leh u dirayaa Qoysaskii iyo Ehelkii ay ka baxeen Walaalihii Soomaaliyeed ee ku shahiiday falkii Bahalnimada ahaa oo ay argagixisada ka geesteen goob ay bulshada isugu yimaadaan oo kutaala degmada Shangaani, waxaan sidoo kale caafimaad deg deg ah Alla uga baryaaya in uu siiyo dadkii ku dhaawacmay Musiibadaasi,” ayuu yiri Duqa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed in loo midoobo dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Waxaa hubaal ah in Al-shabaab ay ku fashilmeen in ay kusoo gambadaan Diinta Islaamka oo ah mid Suuban oo Naxariis badan, Argagixisada waxa ay si bareer ah uga soo horjeedaan nolasha iyo horumarka Umada Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa bulshada gobolka Banaadir in si Wadajir meel loogu soo wada jeesto ciribtirka Cadowga,” ayuu markale sii raaciyey.

Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii xoogeysanayey falalka ammaan dari ee ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan.

Shabaab ‘oo xeelad cusub u adeegsaday’ weeraradii Awdheegle iyo BARIIRE

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidi ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay xeelad cusub u adeegsadeen weeraradii ay shalay ku qaadeen saldhigyada ciidamada ee Bariire iyo Awdheegle.

Siidi ayaa sheegay in Shabaabka ay baabuur nooca xabadda aysan karin ah (Bullet proof) u adeegsadeen inay kusoo weeraraan xeendaabka saldhigga Awdheegle, balse la qarxiyey inta uusan soo gaarin.

“Waa xeeladaha cusub, waa noocyada cusub ee nimanka argagixisada ay hadda billaabeen waaye. Koleyba baabuurtaas inay hadda tijaabo yihiin ayaan u qaadanay,” ayuu yiri Siidi, oo intaas ku daray in Al-Shabaab jab culus lagu gaarsiiyey weerarka.

Ma cadda sababta ay Al-Shabaab u adeegsadeen baabuur aan xabddu karin oo qaali ah, haddiiba ay u jirto sida uu sheegay guddoomiye Siidi, balse waxaa suurtagal ah inay ku doonayeen in dagaal-yahanooda ku galaan xerada ayaga oo aan la waxyeeleyn kahor inta aysan gaarin.

Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay dagaalkii ka dhacay Bariire iyo Awdheegle ay Al-Shabaab uga dileen 85 dagaalame. Sidoo kale Taliye Biixi ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay nolosha ku qabteen in ka badan 10 dagaalame oo Shabaab ah intii uu dagaalku socday.

Dhanka kale wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo war ka soo saaray dagaalkaas ayaa ciidanka xoogga dalka ku boogaadiyay guulaha ay ka soo hooyeen weeraradii uga yimid Al-Shabaab ee ka dhacay Awdheegle iyo Bariire.

“Waxaan boogaadinayaa naftood hurayaasha geesiyaasha ah ee habeen iyo maalin u taagan Difaaca dadkood, dalkooda, diintooda oo maanta dharbaaxo weyn ku dhuftay argagixisadda ” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya Xasan Xuseen.

Daawo: Waare oo sheegay ‘wixii uu ku beddeshay’ inuu ka tago xilka HirShabeelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dhawaan wareysi dhinacyo badan taabanaya waxa uu siiyey warbaahinta Hanoolaato. Qeybtaana waxaan ku soo qaadaneynaa waxyaabaha uu Waare ku bedeshay madaxtinimadii HirShabeelle.

Markii la weydiiyey Maxamed Cabdi Waare maxaad ku doorsatay madaxtinimadii HirShabeelle waxuu ku jawaabay, “Waxaan ku doorsaday istareex, maskaxda oo ii degan, ilaahey oo aan u soo noqday, wixii iga halaabay oo aan gadaal u fiirshay, tolka aan ka dhashay oo si fiican aan u bartay, wax fiican ayaan ku bedeshay oo anigu maanta dhib ma qabo, laakiin waxaa dhib qaba dadka aan ka fekerin ciddii ay igu bedelan lahaayeen.”

Waxa uu sheegay in beeshiisa Xawaadle uu kala kulmay culeyskii ugu badnaa ee ka heystay hoggaaminta HirShabeelle, ugu dambeyna ay iyagu iska soo riixeen.

“Qofka markii uu meel ka tegaayo meel ka fiican ayaa looga gacan haatiyey ama waxbaa meesha ka ceyriya, aniga HirShabeelle iyo beesheyda Xawaadle iyagaa isoo riixay, waxayna i dhaheen ilaaheena ayaan qabnaahe naga tag, anigana waxaan iri mid iga kheyr qaba, oo iga roon Allaha idiin sahlo,” ayuu yiri Waare.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa beeshiisa Xawaadle ku dhaliilay in aysan ku kalsoonaan oo aysan ixtiraamin siyaasiyiinta metesha.

“Waa dad taladu ka halaawday oo tabasho fara-badan waa qabaan, wax badan inay ka qeyliyaana garey u leeyihiin, laakiin waa inay iyaguna su’aalo muhiim ah is weydiiyaan, maxaa ku ka lifay in qabaa’ilkii kale ee la degaan uu ka safto? Maxaa keenay in magaalada Beledweyne ay afarta jiho kasoo xiranto? Maxaad inta albaab ah isaga soo xirteen? Talo la’aan, kala dambeyn la’aan, is aaminid la’aan, wax isku quurid la’aan, dhaqankii oo aan la ixtiraamin, siyaasadii oo aan la ixtiraamin, madaxdii oo aan la ixtiraameyn,  iyo ganacsatadii oo aan la ixtiraameyn, waxaasoo dhan ayaa ka jira meesha, waayehee jaantaa rogan, istee lagu gaaraa?” ayuu yiri Waare.

Mar uu soo hadal qaaday doorashadii madaxweynaha hadda hoggaamiya HirShabeelle Cali Guudlaawe, waxa uu sheegay in uusan ka mid aheyn dadkii u hambalyeeyey, balse uu u duceeyey, isagana uu gaar ula dardaarmay.

“Cali Guudlaawe waa nin oday ah oo akhlaaq leh, dhibaatadu meesha ay ka jirto yaqaanna oo xeeriya, laakiin culeyska heysta waxaad ka dareemee, hadii Waare meesha ka baxay, maxaa u diidan inay isaga la shaqeeyaan qoladaan dowladda dhexe? Soo juhdi badan kuma aysan bixin inuu isagu doorashada ku soo baxo? Mey xaliyaan mushkiladda jirta, may amniga kala shaqeeyaan oo daqli siiyaan, mey jidadka furaan oo maamulka la xoojiyaan?” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Hoos ka Daawo wareysiga

Ciidanka DF oo la wareegay degaano hoostaga Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa maanta la wareegay deegaano ku yaalla koonfurta magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay horey ugu sugnaayeen dagaalyahanada hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in dagaal kadib ay qabsadeen deegaanada Sinadhaqo iyo Labi-dulle ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay la wareegeen fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, ayna kasoo furteen saanad ciidan iyo hub, sida ay hadalka u dhigeen.

Milatariga Soomaaliya ayaa haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada duleedka Dhuusamareeb, kuwaas oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey weerarkii shalay ka dhacay halkaasi.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal qarxo, madaama ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Shalay ayey aheyd markii dagaal ka dhacay duleedka caasimada Glamudug ee Dhuusamareeb, lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Turkey: “Waxaa na murjiyey in askar badan iyo shacab lagu dilay Soomaaliya”

0

Ankara (Caasimada Online) – War-Saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga ayaa si adag loogu cambaareeyey weerarradii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada militeriga Soomaaliya ku leeyihiin magaalooyinka Awdheegle iyo Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qoraalkan ka soo baxay dowladda Turkiga ayaa ugu horeyn lagu yiri, “Waxaa na murjiyey in aan helno warka sheegaya in askar iyo dad badan oo rayid ah ay naftooda ku waayeen Soomaaliya maanta (3da Abriil) weeraradii argagixiso ee lala beegsaday ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.”

Qoraalka wasaarada arrimaha dibadda Turkiga ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarradan foosha xun ee argagaxiso, waxaana si kal iyo laab ah ugu tacsiyeynaynaa dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay Soomaaliyeed. Waxaan Allaah uga rajeynaynaa naxariistiisa kuwii ku nafwaayay weeraradaasi si deg deg ahna u bogsiiyo dhaawacyada kale.”

Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa mar kale qoraalkaan ku balan qaaday inay sii garab taagnaa doonto Soomaaliya, si gaar ahna ay uga gacan sii doonto la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

“Turkiga wuxuu sii wadi doonaa go’aankiisa ah inuu garab istaago dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dhinacooda marka laga hadlayo argagixisada,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo faahfaafin ka bixiyey weerarradaas ayaa sheegay Bariire iyo Awdheegle ay Al-Shabaab uga dileen 85 dagaalame. Sidoo kalena ay ciidamada dowladda Soomaaliya nolosha ku qabteen in ka badan 10 dagaalame oo Shabaab ah, intii ay soceen dagaalladu.

Ciidamada la weeraray ee ku sugnaa saldhigyada Bariire iyo Awdheegle ayaa ka kala tirsanaa guutooyinka 14-ka October iyo Gor Gor oo ay tababartay dowladda Turkiga oo dhismaha ciidanka xoogga ka caawisa Soomaaliya.

Al-Shabaab oo si gaar ah guulo uga sheegtay dagaalkii Bariire waxay tilmaameen in 47 askari ay ku dileen saldhigga ay weerareen ee ciidamada dowladda, isla markaana ay ka furteen lix gaari oo tikniko ah.

Hase yeeshee saraakiisha militeriga Soomaaliya ayaa beeniyey sheegashada kooxda, iyagoo soo bandhigay muuqaallo laga soo duubay meydad aad u badan oo dagaalamayaasha Al-Shabaab looga dilay dagaalkii Bariire.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa intii uu socday dagaalkii Bariire waxay weerar kale ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladu ku leeyihiin degmada Awdheegle, si aysan isugu gurman labada ciidan, balse waxaa la sheegay in ciidanka Awdheegle ay u diyaarsanaayeen weerarka, maadaama uu ka dambeeyey kan Bariire.

Intii ay socdeen dagaallada Bariire iyo Awdheegle dagaalamayaasha Al-Shabaab waxay hoobiyeyaal ku garaacayeen deegaanada Janaale, Sabiib iyo Caanoole, taas oo lagu macneeyey tallaabo ay ku arbushayeen isu gurmadka ciidamada dowladda.

Lix weerar oo u dhacay sidii ay rabtay VILLA SOMALIA, afartii sano ee FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Afartii sano ee muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa dalka ka dhacay lix weerar oo afar kamid ah uu dhiig ku daatay, halka laba kale oo aan dhiig ku daadan lagu daro liiska weerarada dhacay muddadii xil-haynta ee Madaxweyne Farmaajo. 

Weerarkii ugu horreeyay ayaa dhacay daba-yaaqada sanadkii 2017-kii waxaana lagu qaaday guriga hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Ugu yaraan 5 qof oo ilaalo ahaa ayaa ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay dad uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. 

Muddo todobaadyo ayuu dalka galay xaalad aad u cakiran oo dhanka amaanka iyo siyaasada gelisay xasilooni darro, Madaxweyne Farmaajo ayaa markaas dalka ka ahaa madaxweyne muddo 10 bil ah. Dowladda Soomaaliya ayaa magdhow siisay ehelada dadkii weerarkaas ku dhintay 2017. 

Weerarkii 2-aad ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, sanad kadib weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ciidamada Itoobiya ayaa bishii December 2018 qabtay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, waxaana kadib ka dhashay banaanbaxyo sababay in la toogto 15 qof, oo uu ku jiro xildhibaan ka tirsan baarlamaan gobaleedka Koonfur Galbeed. 

Sababta keentay isku dhaca ciidanka iyo dadweynaha ayaa aheyd joojinta banaanbax ka dhan dowladda laguna dalbanayay in lagu sii daayo Abuu Mansuur, taas oo ugu dambeyn lagu guuleysan. Abuu Mansuur ilaa hadda waa maxbuus bilaa maxkamad u xiran dowladda. 

Weerarkii 3-aad ee dalka ka dhaca inta uu xafiiska joogo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu qaaday hogaanka maamulkii Ahlu-Sunna ee gobalada Dhexe maalmo kadib markii Madaxweyne loo doortay Axmed Cabdi Qoor Qoor.

Dagaalkaas waxaa ku dhintay dhowr qof, waxaana ku dhaawacmay tiro kale. Hogaankii Ahlu-Sunna ayaa ka baxay Dhuusamareeb markii dagaalka looga guuleystay, waxayna aheyd 12 sano kadib markii ugu horeysay oo ay dusha xejiyaan magaalooyinkii ay ka xureeyeen Al-Shabaab. 

Weerarkii 4-aad ee ugu dambeeyay ayaa dhacay 19-kii Febraayo 2021 waxaana lagu qaaday hoteel ay daganaayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo sidoo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee BS Shariif Xasan Sheekh Aadan. Waxaa sidoo kale maalinkii la weeraray shacab dhigayey dibad-bax nabdoon.

Siyaasiinta mucaaradka ayaa weerarada dalka ka dhacay mudadaas islamarkaana loo geystay siyaasiinta ama dadka shacabkka ah waxay ku daraan weerarkii lagu qaaday guriga Sen. Cabdi Qeybdiid, kaas oo dhacay maalmo kadib weerarkii hogaamiyaha Xisbiga Wadajir. Weerarkaas ilaa hadda si faah-faahsan looma sheegin sidii uu ka dhacay, hase yeeshee waxaa loo xaliyay si hoose. 

Culeysyadii siyaasadeed iyo kuwa amni ee la saaray guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa qeyb ka ah dhacdooyinka waa weyn ee dalka ka dhacay afartaas sano laguna tilmaamo weerarada tooska ah iyo kii ugu dambeeyay ee wadooyinka looga xirtay 15-ka Xildhibaan ee ka tirsan Golaha Shacabka. 

Dhammaan weeraradan waxay muujinayeen in madaxweyne Farmaajo uusan ka laba labeyn doonin inuu awood u adeegsado cid kasta oo aan ku ra’yi aheyn, waana weli wax socda, oo weerarkii ugu dambeeyey ee lagu qaaday musharaxiinta wuxuu dhacay un wax ka badan bil un.